Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Santorum oo Ku Guuleystay Laba Gobol

$
0
0

Senatorkii hore ee Gobolka Pennsylvania: Rick Santorum ayaa ku guulestay doorashada xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee Gobolada  Alabama iyo Mississippi, Afhayeenkii hore ee Aqalka Wakiilada Newt Gingrich  ayaa kaalinta labaad galay halka Gov. Mitt Romney, oo beryahan ugu cad cadaa doorashada uu goboladaasi ka galay kaalinta sadexaad.

Doorashadii xalay ayaa dareen rajo leh gelisay Rick Santorum oo horey u sheegay in gobolada Koonfureed marka ay doorashooyinka ka bilowdaan uu Mr. Romney wax badan ka heli doonin.


Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo oo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu isku shaandheyn uu ku sameeyey golihiisa wasiiradda
 
warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid ah golihiisa wasiirada xilka laga qaaday halka qaar cusubna wasiiro loo magacaabay , sidoo kale wasiiro ayaa wasaaradahii ay hore u hayeen laga bedelay.
War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu isku bedel shaqo, Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida Golaha Wasiiradda, Wasiir ku-xigeenada iyo Hay’adaha Dawladda qaar kamida.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Waxa uu Xilalkii ay qaranka u hayeen ka qaaday Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Madaxda Hay’adaha Madaxa banaan qaarkood, isal markaana Madaxweynuhu waxa uu Xilalkaa ay baneeyeena u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo kala ah:-
Magac-yada Masuuliyiinta Cusub Magacaabidda Wasaaradda loo magacaabay
1 Cabdicasiis Maxamed Samaale Waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
2 Axmed Cabdi Xaabsade(Hore u ahaa Wasiirka War-faafinta) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Cabdi yuusuf Ducaale (Boobe) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Warfaafinta
4 Cali Siciid Raygal(Hore u ahaa Maareeyaha Madbacada Qaranka) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Cayaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka
5 Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Waxa loo magacaabay Wasiirka W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
6 Cabdilaahi Abokor Cismaan (Xil Cusub) Waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Daakhiliga ee dhinaca Amniga, halka Wasiir ku-xigeenkii hore uu ahaan doono Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Maamulka ee W. Arrimaha Gudaha
7 Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani)Waxa loo magacaabay Wasiiru-Dawle Cusub W-Maaliyada ah
8 Mawliid Maxamuud Ibraahim Waxa loo magacaabay Wasiir ku- Xigeenka W/Arrimaha Dibadda
9 Nuux Sheekh Muuse Ducaale Waxa loo magacaabay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha
10 Maxamed Cumar Cabdilaahi Waxa loo magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha
11 Mudane Axmed Xuseen Oomane Waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka South Sudan
Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahad-naqaya mudadii ay xilkaa soo hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabistuba isla markaana xilku yahay Meerto waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Masuuliyiintan:-
Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday Xilka uu hayey
1 Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirkii W/ Maaliyadda
2 Prof. Ismaacil Muumin Aar Wasiirkii W/Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
3 Ilhaan Maxamed Jaamac Wasiirkii W/Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada
4 Dr. Axmed Xaashi Oday
Madaxweynuhu waxa uu faray Masuulkan in uu xilka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ku wareejiyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta oo si ku meel gaadha u sii hayn-doona inta Masuul Cusub loo soo magacaabayo xilka Wasaaradda Wasiirkii W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta
5 Cabdi Siciid Faahiye Wasiirkii W/Cayaaraha ,Dhalinyarada iyo Dhaqanka
6 Warsame Siciid Cabdi Wasiir ku-Xigeenkii W/ Maaliyadda
7 Maxamed Yoonis Cawaale Wasiir ku-Xigeenkii W/Arrimaha Dibadda
8 Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha (Civil Service commission)
9 Axmed Cali Xirsi (Sulub) Deputy: ku-xigeenka Gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha

Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qarax ayaa ka dhacay Muqdisho guriga madaxtooyada horteeda.

Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qarax ayaa ka dhacay Muqdisho guriga madaxtooyada horteeda.

Thomas Lubanga oo danbi lagu helay

$
0
0

Maxkamadda caalamiga ee Hague ayaa ku heshay danbi dagaal hogaamiye kooxeedkii reer Congo ee Thomas Lubanga.

Isku shaandheyn Somaliland

$
0
0

Wasiirrada Somaliland ayaa la isku shaandheeyay.

DKM: Qaraxa Waxaa Ku Dhintay 2dii Qof ee Fulisay

$
0
0

Qarax ayaa ka dhacay meel dibadda ka ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho . Qaraxaasi ayaa dhacay duhuradii maanta sida ay VOAda u sheegeen goob joogayaal.

Goob joogayaasha ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay weerar ismiidaamin ah.

Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in ugu yaraan ay shan qof ku dhinteen weerarka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaasha ayaa intaasi ku daray in qaraxa uu dhacay wax yar ka dib markii uu meesha maray Gawaari uu la socday Gudoomiyaha Baarlamanka Sharif Hassan Sheikh Aden, kaasoo xafiiskiisa uu ku yaalo meel ku dhow halka uu weerarka ka dhacay.

Macadda in bartilmaameedka uu ahaa Gudoomiyaha iyo in kale.

Kooxda Al-shabab ayaa durbadiiba sheegatay masuuliyadda weerarka.

wararka la xiriira qaraxan halkan hoose ka dhageyso

Horyaalka Ingiriiska


Somaliland: Isku-shaandheyn Golaha Xukumadda

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta isku shaandhayn ballaadhan ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda, wuxuuna shaqadii ka eryey illaa 7 wasiir oo uu ku jiro Wasiirkii maaliyadda, wuxuuna magcaabay masuuliyiin cusub oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan golaha baarlamaanka,.

Faahfaahin warbixintan ku saabsan halkan hoos ka dhageyso

Dhaqanka iyo Hiddaha:(Sugaan La baratanka wiilasha ee Gabdhaha ) (Q-100aad)

$
0
0

Dhaqanka iyo Hidaha todobaadkan waxuu ku saabsanyahay suugaan muujinaysa in gandhaha Soomaalidu ay la baratami karaan wiilsha, haddii ay helaan fursadda wiilasha la siiyo mid la mid ah.

 

Isbadalada garoonka Muqdisho iyo dalxiiska Marocco

$
0
0

Dowladda Turkiga ayaa dayactir ku samaynaysa garoonka Muqdisho.

Al Shabaab oo shaaca ka qaaday magaca qofkii isku qarxiyay albaabka hore ee Madaxtooyada Muqdisho shalay

$
0
0

Afhayeenka al Shabaab, Cali Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa daboolka ka qaaday magaca shaqsigii naftiisa iyo nafaf kale ku haligay afaafka hore ee Madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed (Villa Somalia).

Cali Dheere wuxuu ku magaca shaqsigii is-qarxiyay ku sheegay Xasan cabdulqaadir cabdi, shaqsigaas oo uu ku sifeeyay "shaqsiga shahiiday" oo cadawga la dagaalay.

Afhayeenka al shabaab wuxuu sidoo kale ku goodiyay in weerarada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan ilaa ay cadawga Alle dalka ka saarayaan waa siduu hadalka u dhigaye, cadawgaas Alle oo uu ula jeeday Dowladda Soomaaliya, taageerayaasheeda iyo ciidamada AMISOM.

Hadalkan al Shabaabka ka soo yeeray ayaa ka dambeeyay qarixii shalay uu afaafka hore ee Madaxdtooyada ka fuliyay qof isku soo xiray waxyaabo qarxo, waxaana qaraxaas dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaartay shaqsigii is-qarxiyay, shacab caadi ah iyo askar dowladeed.

 

Gabar Soomaaliyeed oo si layaab leh iskaga furtay ninkeeda “Dhacdo Layaab Leh”

$
0
0

Dhacdadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo C/Qaadir iyo Hodan, C/Qaadir ayaa ka sheekeeyay dhacdada xanuunka leh ee uu kala kulmay Hodan.
Waxaan ku dhashay degmada Wadajir ee magaaladda Muqdisho, waxaana kusoo barbaaray isla caasimadda, isla-markaana waxbarashadeeda ayaa waxaan kusoo qaatay iskuulka Wadajir ee magaaladda caasimadda ah ee Mudisho.
Sidoo kale Hodan ayaa waxay ila degneed degmada Wadajir, waxaana ahayn laba ruux oo daris wadaag ah, balse waxaa inaga dhaxeeyay Jaceyl lagu diirsan karo iyo kalsooni balaaran oo labadeenuba inaga dhaxeysay, hase ahaatee sanadkii 2002-dii ayaa waxaa damcay inaan iskaga soo taggo magaaladda Muqdisho, isla-markaana Hodan ayaa igu taageertay, iyadoo igu dhiira-gelisay in aanu yeelano mustaqbal wanaagsan.
Dabayaaqadii sanadkii 2002-dii ayaa iskaga soo tagay magaaladda Muqdisho, waxaana soo maray safar dheer oo aan kasoo bilaabay dalalka Itoobiya, Suudaan, Liibiya iyo Talyaaniga, balse waxaan dhibaato xoogan aan kala kulmay inta u dhaxeysa wadamada Talyaaniga iyo Liibiya, inkastoo aan maanta ilaaway dhibtii xooganeed ee aan halkaasi kala soo kulmay.
Intii u dhaxeysay sanadadii 2003-dii ilaa 2008-dii ayaa waxaan ku noolaa dalka Talyaaniga, halkaasoo aan ka helay sharci deganaansho ah, intii aan joogay dalka Talyaaniga ayaa waxaa si weyn isku xiriirin jirnay gabadha aan adduunka ugu jeclahay ee Hodan, isla 2008-dii ayay Hodan soo gaartay dalka Talyaaniga, afar bilood kadib ayaa waxaa ku aqal-galnay isla dalka Talyaaniga, bacdamaa aanu ku heshiinay inaan isguursano.
Mushkilada ayaa timid kadib markii aanu u soo guurnay dalka Swizerland, isla-markaana waxaanu isku dhalnay hal gabar oo aanu ugu magac-darnay Suleeqa Cadey, dhalashada gabadhayna kadib ayaa waxay Hodan iga codsatay in aan iska dhigno laba qof oo kala tagay, si ay lacag uga hesho dowladda, hase ahaatee taasi ayaa ii cuntami weyday, waayo waxaan ahaa ruux shaqeysta kana adag nolosha qoyskiisa.
Hodan waxaan u sheegay inaanan dooneen arintaasi, haddii ay tahay qof lacag dooneysana in ay lacag heysato, waayo baan iri, anigaa kusoo shaqeeya, waxaana u sheegay in ay ku jirto mid kamid ah nolosha ugu sareysa oo ay ku jiraan habalaha Soomaaliyeed, balse Hodan ayaa waxay soo istaagtay hadaadan ii sameyn kareyn sida aan doonaayo, ina kala wad.
Waan yaabay oo waan fajacay, xitaa waxaan iskugu yeeray dhalinyaro fara-badan oo Soomaali ah oo iskugu jira wiilal iyo gabdho, anigoo u sheegay arinta layaabka leh oo ay lasoo baxday xaaaskayga Hodan, isla-markaana waxay bilaaabeen in ay Hodan kala hadlaan arintaasi, hase ahaatee Hodan oo lees lahaa way qanci doontaa ayaa afka kala furatay, waxayna sheegtay in aysan marnaba i dooneen, oo waxay ku tiri, waxaan ku qancaa oo kaliya furiin.
Iyadoo ay xaaladdu sidaaasi tahay ayaa waxaan u sheegay qoyska ay ka dhalatay, balse Hodan ayaa soo istaagay ninkaasi marnaba dooni maayo, ugu dambeen markaan arkay in uu furiin uun u cad yahay ayaa waxaan xal u arkay inaan iska fasaxo, bacdamaa aanu nabad ku wada joogin.
Hadda waxaan ku noolahay caasimadda dalka Ingiriiska ee London, sababaha aan Ingiriiska u imaaday ayaa waxay tahay, kadib markii ay Hodan i soo nac-siisay caasimadda dalka Swizerland ee Bern, magaaladaas oo ah magaaladda aan ugu jeclahay magaalooyinka ku yaalla Qaaradda cusub ee Yurub.
Gabadhayda Suleeqa iyo hooyadeed Hodan ayaa waxay iminka ku nool yihiin magaaladda Bern ee dalka Swizerland, isla-markaana Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayaa si weyn ula yaabay arinta ay Hodan iskaga furtay ninkeeda.

Boqor Buur-Madow oo lagu xiray Hargeysa

$
0
0

Boqor Cismaan aw Maxamuud Buur-Madow oo ka mid ah madax-dhaqameedyada ugu magaca dheer Somaliland ayaa ciidaanka Boliiska Somaliland ka qabteen gegida dayuuradaha ee Hargeysa, oo ay xireen.

WARBIXIN KOOBAN: Shirkadaha shidaalka ka qodaya Soomaaliyo iyo sharta al Shabaab maxaa kala heystay.

$
0
0

Islaamiyiinta oo halis ku ah dhulka shidaalka ee Soomaaliya, sidaas waxaa cinwaan looga dhigay maqaal ku soo baxay bogga hore ee bogga internetka ee UPI (United Press International).

Qormadan oo sii qaadaa-dhigeysay dulucda qoraalkeeda ayaa sheegtay in barwaaqada shidaal ee ka soo bidhaameysa Puntland deegaano ka tirsan ay dhanka kale dhinaca ku wato halis ammaan oo hagardaameyn karta habsami-socodka qodista hogaha shidaal ee hoos ceegaaga ciidda Soomaaliyeed dhankeeda Waqooyi.

Halistaas waxay ka imaaneysa dhanka islaamiyiinta Soomaalida ee al Shabaab oo taageero ka helaya Al Qaacidada Gacanka Cadmeed iyo Afrika, waxayna hadda kooxahaasi saldhigyo waa weyn ka unkadeen dhulka dhaca silsilada buuraleyda Gollis gaar ahaan Buuraha Galgala oo uu horay ugu sugnaa Shiikh Atam.

Shiikh Atam oo horay dagaal deegaan wax lagu sheegay kula jiray maamulka Puntland ayaa hadda u xuubsiibtay al Shabaab wuxuuna shaaa ka rogay in uu xoogagaas ku biiray, xoogagaas oo iyaguna ku milmay al qaacidada Caalamiga ah.

Shirkado Caalami ah oo shidaalka baaraya ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanada Puntland waxayna qaarkood sheegeen in shidaalka halkaas ku jira uu balaayiin barmiil gaarayo, waxayna hadda si indho la'aan ah ugu hawlan yihiin soo saarista shidaalkaas sida laga cabsi qabo sababi kara dagaalo lagu hoobtay iyo burbur dhaqaale oo baahsan.

Shirkadaha shidaalka oo intooda badan laga leeyahay Mareykanka Yurub ayaa waxaa dhanka kale warar laga soo xigtay sheegayaan in marka ay shidaalka soo saaraan ay dhinaca ammaanka shidaalkaas gacan ka siin doonaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Nato ee horayba ugu sugnaa badaha Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com   


Booliska New Zealand oo toogtay 27 jir Soomaali ah kadib markii uu ninkaas sida la sheegay toorey kala dhex-kacay dad badan

$
0
0

Waxaa hadda cusbitaalka lagu ilaalinayaa 27 jir Soomaaliya ku dhashay oo ay ciidamada Boolisku rasaas la dhaceen kadib markii uu diiday in uu dhulka dhigo toorey uu dhowr qofood ku soo dhaawacay.

Boolisku waxay sheegeen in xaaladda ninkani ay haatan soo wannaagsanaaneyso kadibna ay baaritaano iyo wareysiyo la yeelan doonaan si ay isu waafajiyaan wararka sheegaya in ninkani uu laba qofood toorey ku soo dooxay gaarina afduubtay.

Warku waa mid goor dhow uun na soo gaaray waxaana weli adag in la helo magaca ninkan iyo arrinta ka dambeysay dhacdadan sida booliska laga soo xigtay argagax ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Christchurch.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com

Masar: 75 qof oo loo haysto dil

$
0
0

Masuuliyiinta Masar ayaa amray in toddobaatan iyo shan qof oo ay ku jiraan madaxda amaanka in dacwad lagu qaado.

Imran Khan oo diiday Salman Rushdie

$
0
0

Siyaasiga mucaaradka ee waddanka Pakistan, Imran Khan ayaa waxa uu sheegay in aanu ka qeybgeli doonin shir ka dhacaya magaalada Delhi ee dalka India, waxaana sababtu tahay inuu ka qeybgalayo Salman Rushdie.

Falanqeyn: Awoodda Dhabta ah ee Ururka Al-Shabab

$
0
0

Marka la eego dagaalada uu dhawaan galay ururka Alshabab iyo qaraxyada is-xigxiga ee uu fulinayo, maxay muujinayaan?

Rashiid Cabdi oo in badan wax ka qoray arrimaha Alshabab ayaa sharxaya awoodda ururka ee xiligan.

Wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Ammaanka Madaxtooyada DKMG oo la Adkeeyey Qaraxii Shalay ka dib

$
0
0

Shir Jaraa'id oo ay maanta Qabatay DKMG ee Somalia ayaa lagaga hadlay sida uu qaraxii shalay u dhacay iyo in dawladdu ay aad uga shaqeyn doonto amniga madaxtooyada.

Afhayeenka DKMG ee Somalia Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) iyo shaqaale kale oo madaxtooyada ka shaqeeya ayaa ka hadlay muhiimadda adkeynta amaanka.

Warbixin arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live