Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Boqor Buud-madow oo Hargeysa lagu Xiray

0
0

Ciidamada Ammaanka ee Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ka dib markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, Boqorka ayaa xilliga ay qabanayeen ciidamada ammanku ay jireen dadweyne isu diyaarinayey inay soo dhoweeyaan, waxana xilligan uu ku xidhan yahay xarunta dembibaadhista ee magaalada Hargeysa, Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas Cismaan Garaad Soofe ayaa u xaqiijiyey xadhiga boqorka.

Wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.


Midowga Yurub: weerarrada burcad badeedda hoos ayeey u dhaceen

0
0

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay is dhimeen weerarradii burcad badeedda Soomaalida ka geysan jirtay badweynta Hindiya iyo gacanka cadmeed ay hoos u dhaceen isla markaasna ay sii laba jibaari doonaan howlgallada la dagaallanka burcad badeedda
Hadalkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Taliyaha guud ee ciidammada badda Midowga Yurub ee ka howlgalaya xeebaha Soomaaliya, ahna madaxa markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain Admiral Jorge Manso oo shir jaraa’id ku qabtay dusha markab dagaal oo lagu magacaabo ESPS PATINO kaasoo ku sugnaa xeebta magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Admiral Jorge manso ayaa sheegay inay arrintaas ku timid wada-shaqeyn iyo xiriir wanaagsan oo dhex maray Midowga Yurub, NATO iyo dalal kale oo iskood isku xilqaamay. taasoo keentay inay hoos u dhaceen weerarradii ay burcad badeedda Soomaalida ka geysan jirtay Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
Dabayaaqadii sanadkii hore oo uu xilkan qabtay taliyahan ayaa sheegay muddadii uu xilka hayay in la afduubay 4 markab oo keliya, isagoo xaqiijiyay inay fashiliyeen 20 weerar. Wuxuu bisha May ee soo socota xilka ku wareejin doonaa taliye Faransiis ah.
Dhinaca kale howlgallada la dagaallanka burcad badeedda ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ayaa waxaa ka hadlay danjiraha Midowga Yurub u fadhiya magaalada Nairobi, danjire Loedwijk Briet, wuxuuna sheegay danjiruhu inuu ururkoodu laba-jibbaari doono dhaqaalaha uu ku bixiyo howlgalka la-dagaallanka burcad badeedda, gargaarka bini’aadannimo ee la siiyo Soomaalida dhibaataysan iyo tababarka ciidammada Soomaalida.
Danjire Loedwijk Briet ayaa sheegay inay dadaal dheer ugu jiraan sidii shakhsiyaadka burcad badeedda ah ee la soo qabto ay u helin lahaayeen xukun maxkamadeed oo caddaalad ah.
Hadalka Midowga Yurub ayaa imanaya xilli toddobaadyadii ugu dambeeyey ay kooxaha Burcad badeedda ah afduub u geysteen maraakiib  mareysay Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Haweenka Hargeysa Oo Madaxweyne Siillaanyo Ugu Baaqay Inuu Sharciga Horkeeno Badhasaabkii Gobolka Iyo Masuuliyiinta La Xidhan + SAWIRO

0
0

“Siillaanyooy, waa laguu han-weynaa, laakiin waa lagaa hamo-jabay”


Hargeysa, (OWN) – Qaar badan oo ka mid ah haweenka gobolka Hargeysa, ayaa si adag u naqdiyey xadhigga iyo xil-ka-xayuubintii lagula kacay badhasaabkii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii Guud ee Dib-u-Dejinta, Axmed Cumar Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Cismaan Siciid Jaamac, waxaanay Madaxweyne Axmed Siillaanyo ka dalbadeen inuu sharciga horkeeno masuuliyiinta iyo caddaymaha eedda uu u jeediyay ee ah inay lunsadeen raashin mucaawimo ah.

Ugu horeyn shirkaas jaraa’id waxaa ka hadashay Xaliimo Cismaan Raagge oo ka mid ah masuuliyiinta gobolka Hargeysa ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa: “Waxaanu halkan isugu nimi annagoo ah haweenkii gobolka Hargeysa, inaanu ku cabbirno sidaanu uga xunnahay ragga sabab la’aanta lagu xidhxidhay ee uu ugu horeeyay guddoomiyihii gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi. Aad baanu uga xunnahay mujaahidkii xalaasha ahaa oo xaq-darro lagu xidhay. Sharcigan gabay maatidiisa, af-miishaarkana guneeya, sharciga ganaaxay wadhatadiisa, wasiirana goobiyeeyay.   Raashinkan waxaa lagu wadday Somalia oo dhan, waxaan halkan ku hayaa warqad uu qoray Xirsi ninka la yidhaahdo oo uu cashuur-dhaaf ugu samaynayo xoolahan, markii cashuur-dhaafkan la samaynayeyba xeelad baa ku jirtay, waxaa saxeexay Madaxweyne ku-xigeenka. Xoolahaas waxaa qaatay oo la siiyey Axmed Maxamed Geelle. Ninkaas xoolaha qaatay waxa qabtay Axmed Cumar Cabdillaahi, gudoomiyihii gobolka Hargeysa. Haddaba yaa sii daayey tuuggii uu qabtay Badhasaabkii, waxa la doonayaa ninka sii daayey tuugii uu qabtay. Nasiib darro’se waxaa lagu bedelay ninkii qabtay oo ah Badhasaabka. Waar ma ninkii tuugga ahaa ayaa noqday nin xalaal ah, ninkii qabtay ee xalaasha ahaana ee wax qabanayey lagu sheegay tuug. Dadku maanta ma indho la’a oo lama joogo afartankii, kontonkii  iyo lixdankii, ee waxaynu joognaa 2012-kii, wax qarsoomaana ma jiraan. Waa ayaan-darro ninkii shalay Siillaanyo xabbadda iskaga dhigayey ee ololihii wixii la oggaa nagu hayey, in maanta isagoo xalaal ah in isaga tuug laga dhigo, tuugii uu qabtayna laga dhigo nin xalaal ah. Waase wax laysku bartay, waad noo cusboonaydeen, laakiin waanu idin baranay. Waa ayaan-darro in Siillaanyo halkii uu codka ugu badan ka helay oo ah Hargeysa iyo Gabiley inuu iyagii ka bilaabo, oo sidii ciidamadii Maxamed Siyaad Barre in hablahoodii iyo inamadoodii inta guryahoodii ruufka sare looga soo daatay, waxaanay qabin dusha laga saaray maanta u xidhan yihiin oo loo haysto. Cid waliba way ogtahay in hablahayagii iyo inamadayadii reer Gabiley laysku garaacay.

Waar ma gobolka Hargeysa wuxuu abaal u helay masabid, ma wuxuu abaal u helay xadhig, waar ma wuxuu abaal u helay fadeexad iyo duca-qabe. Walaahi waanu ka xunnahay oo maaha abaalkayagii. Beesha galbeedka gobolka Hargeysa, anigoo keliya oo Xaliimo ah oo UCID ah ayaa ka baydhay, inta kaleba KULMIYE ayay ahaayeen oo cod kale meel ma marin, laakiin maanta ayaan-darro weyn baa ku dhacday. Waxaan la qaadan karayn, oo aan loo adkaysan karay, oo aanaan geyin baa nagu dhacay, waxaadse ka heshaan baad leedihiin.
 
Waxaan leeyahay Siillaanyooy, addaa lagu doortay, addaa Madaxweynihii dalka laguu doortaye, maaha inay cid kale dalka nagu maamusho, maaha in naloo adeegsado cid aanaan dooran, inaad samayso wasiirka wasiiradda ceeb bay kugu tahay, annagana waa nagu gef iyo meel-ka-dhac. Siillaanyooy, waa laguu han-weynaa, laakiin waa lagaa hamo-jabay.”
 
Khadra Cali Dheere oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa Madaxweyne Siillaanyo u soo jeedisay inuu sharciga horkeeno raggii raashinka markii hore leexsaday ee inta la xidhay la sii daayey, waxaanay sheegtay in nasiib-darro ay tahay in dadkii doortay loogu abaalgudo ceeb iyo duco-qabe, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa oo ay Khadra tidhi: “Waa nasiib-darro raggayaga ku dhacday in kii hore aad 45 cisho xilka kaga qaaday, kii ku xigay oo ahaa Maxamed Xaashina isagoo aan xilkiisa ka soo bixi waayin aad mid kale ku dishay, waxase ayaan-darro Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hay’adii ugu sareysay haystay, oo aanu Madaxweyne-nimo ugu halgamaynay inuu ku doorsado xil shan iyo afar cisho kadib la odhanayo duco-qabe.
 
Waxa iyaduna halkaas ka hadashay Aamina Ibraahim oo ka mid ah haweenka shirkaas jaraa’id qabtay ee gobolka Hargeysa, waxaanay Madaxweyne Siillaanyo u soo jeedisay in looga fadhiyo eeda iyo ceebaynta lagu eedeeyay Badhasaabka iyo masuuliyiinta kale ee la xidhan. “Madaxweyne, ama wasiir kula galgalo ama reer kula galgalo, waxaa lagaaga fadhiyaa wixii aad ku xidhay, ee aad ku ceebaysay, ee aad xilkii kaga xayuubisay, ee aad sharaftii meel ugaga dhacday,” ayey tidhi Aamina Ibraahim.
 
Waxa kale oo iyaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay Canab Jaamac Xirsi, Faadumo Garow, Kinsi Bile Cabdillaahi iyo qaar kale oo ka mid ah haween gobolka Hargeysa.

Oodweynenews.com/Hargeysa2

Farmaajo Waxa uu ahaa Hoggaamiye Karti leh!

0
0

Maqaal: Farmaajo Waxa uu ahaa Hoggaamiye Karti leh !
Idiris Suldaan Axmed Dooxajoog
Dooxajog5@hotmail.com
Maarso 16 2012
R/Wasaarihi Hore ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isagu noqday shakhsiga kaliya ee 21-ki sano ee dalku burburka ahaa helay taageerada shacabka Soomaaliyeed marka laga reebo goobaha ay Maamulayeen xiligaas Al shabaab , Puntlan, Somaliland oo ah meelo aysan dadku xor u ahayn afkaartooda oo ay cabursan yihiin ama lagu hago siyaasado ka dhan ah Soomaalinimada iyo wanaaga, ayaa waxaa soo ifbaxaaya mudooyinkaan dhaliilo loo soo jeedinaayo oo uga imaanaaya dhanka xukuumada, Wakiil Mahiga , Madaxwayne Sheekh Shariif , Gudoomiyaha lagu muran san yahay ee Baarlamaanka Shariif Xasan shiikh aadan.
Idiris Suldaan Axmed Dooxa-Joog
Haddaba inta aanan micilsan waxa keenay kulaylkaan ka soo ifbaxaaya Mahiga ,iyo labada shariif aan wax ka taabto Wax qabadki R/Wasaare Farmaajo iyo caqabadihi ka hor yimi .
Xukuumadi Farmaajo
Farmaajo waxa uu xilka qabtay R/wasaarenimo Oktoobar 2010 , waxa uu soo dhisay Golle wasiiro oo tiro yar tayo-na leh xukuumadi uu Farmaajo R/wasaaraha ka ahaa waxay ay biloowday inay si dhaba u dardar galiso la dagaalanka Al shabaab iyada oo xiligaas goobo muhiima laga qabsaday Shabaab , Waxay u dhaqaaqday Ilaalinta hantida qaranka Soomaaliyeed , Ka fogaanshaha in xalka Soomaaliya cid kale loo hoos joogo , ku dhaqaaqida Raadinta qaranimada iyo karaamada Soomaaliya . ku baaqid ku dhaqanka Axdiga DKMG ah oo aan ka xusi karo in uu laalay Farmaajo in Maamul Hoosaadyada ka dhisan qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay matasho DKMG aysana xaq u lahayn in ay ka qayb Galaan shirarka caalamiga ah ,
Caqabaddihi ka hor yimi
Caqabaddaha ka hor yimi Farmaajo waxaa isla marki uu soo dhisay Gollihiisi wasiirada ka hadlay Madaxwaynaha Maamulka Puntland Faroole Faroole laba Wasiir ayaa nalaga Bililiqaystay dhagayso Mudo ka dib Maamulka Puntland waxa uu xiriirka DKMG Soomaaliya uguna baaqay QM inay kala noqdaan aqoonsiga ay u hayaan DKMG , Farmaajo oo hadlay si uu u arko xiriir u jarida Puntland ee DKMG waxaa hadaladiisa ka mid ahaa ! Anagaa Caalamka Tusnay in aan Labo nahay ” Halkaan Ka Dhageyso Wareysiga Oo dhan . Dhagayso Faroole oo leh Farmaajo Wiil meesha la keensaday ayuu ahaa irimo aan shaqadiisa ahayn ayuuna galay Dhagayso Faroole
Farmaajo ayaa dhanka kale waxaa Colaadiyay Mahiga iyo Shariif Xasan ka dib markii uu u sheegay in ay Faraha kula jiraan wax aan shaqadooda ahayn loona baahan yahay in ay shaqadooda ku ekaadaan sida In Mahiga yahay Wakiilka Soomaaliya ee QM howshiisuna tahay in uu gudbiyo baahida Soomaaliya uga baahan tahay QM , Dhan kale Gudoomiyaha Baarlamaanka DKMG Shariif xasan ayuu Farmaajo u sheegay in shaqadiisu tahay Shir gudoominta Gollaha Baarlamaanka iyo ka shaqaynta Howlaha Baarlamaanka .
Arintaan u sheegida shaqooyinkooda ayay ka caroodeen Mahiga iyo Shariif Xasan ka horna Faroole ayaa ka Carooday marki Framaajo u qeexay in uu ilaaliyo soo celinta karaamada qaranimada Soomaaliya uuna ku ekaado Maamul Goboleedka uu madaxwaynaha u yahay DMKG-kuna ay matasho dhamaan umada Soomaaliyeed .
Qolyahaan ka carooday in Farmaajo shaqadooda u sheego ayaa bilaabay dagaal ka dhan ah Farmaajo waxayna la kaashadeen Dowladaha ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya Sida Uganda oo ugu dambayntii Magaalada Kampala lagu kala saxiixday labada Shariif hishiis ah in Farmaajo is casilo .
Sida Soomaalidu u Rabtay Farmaajo
Marki Heshiiskaan laga dhawaajiyay ayaa waxaa isu soo baxay meel kasta oo ay caalamka ka joogaan umada Soomaaliyeed Dal iyo dibbadba marka laga reebo qaybo ka mid ah Soomaaliya oo ay xiligaas ka ariminayeen Somaliland , Puntland , Al shabaab .oo ah Deegaano Soomaaliyeed balse sidaan horay u xusay dadku ay yihiin kuwo aan dhaqdhaqaaqooda xor u ahayn ama in ay muujiyaan afkaartooda samayn karin . ila daawo qaybo ka mid ah banaan baxayadi lagu taageeraayay Farmaajo Muqdisho Wali ma aragtay Farmaajo ka hor hogaan loo banaan Nairobi Farmaajo ayaa Somalia xal u ah London Xaq anagaa u leh qofka na hogaaminaaya in aan Doorano Caabudwaaq Farmaajo ha joogo Columbus Farmaajo waa halyeey
Waxaan indhaha laga qarsan karin sida bulshada Soomaaliyeed ay usoo banaan baxeen uguna dhawaaqeen Farmaajo in uu yahay Hogaan karti , Daacadnimo iyo wadaniyad isku darsaday bulshaduna ay u baahan tahay shakhsi noocaas ah .
Haddaba Farmaajo xilki waa iskaga tagay, isaga oo sheegay in uu u tanaasulay shacabka soomaaliyeed dartood uuna ka cararay in isqabqabsi uu ku lug leeyahay yimaado , Farmaajo waxa uu mudo ka dib bilaabay safaro uu ku tagayo dalal kala duwan oo ka mid ah caalamka oo uu kula kulmaayo bulshada ku dhaqan ee Soomaaliyeed isaga oo wadamadaas uu booqday si diiran shacabka Soomaaliyeed ugu soo dhoweeyeen .
Haddaba Ujeedada Maqaalkayga oo ahayd hadalki Mahiga iyo kii Shiikh Shariif aan u soo noqdo ,Wakiil Mahiga waxa uu baahiyay in Farmaajo uu cidiyaha ku diriraayo si uu ugu soo noqdo saaxada Siyaasada Soomaaliya , Waxaa iswaydiin mudan Mahiga ma waxay shaqadiisu tahay in uu dhaho hebel Siyaasada Soomaaliya ayuu rabaa in uu soo galo ?Farmaajo miyuusan ahayn Muwaadin soomaaliyeed oo mudan in uu lahaado han Siyaasadeed oo ku aadan hogaaminta dalkiisa ? Yaa awooda u siiyay Mahiga in uu yiraahdo Hebel oo Soomaali ahi sidaas ayuu rabaa ? Macnuhu saw ma ahan qof aan anigu rabo ayaa Soomaaliya xil ka qaban kara , Saw mid sharaf dhac wayn ku ah ma ahan umadda Soomaaliyeed hadallada Mahiga .
Marka loo eego dhanka Farmaajo hadalada Mahiga waxa ay siinayaan awood dheeri ah iyo sharaf , macnaheedaha waxaan anigu oran karaa Mahiga waa iska ilaalinayaa Shakhsi muwaadin ah oo ilaalinaaya qaranimada iyo karaamada umadda soomaaliyeed in uu Xilalka ugu sareeya Soomaaliya qabto , Isaga oo ka cararaaya in Howlihiisa sharci darada iyo ku xadgudubka sharafta dadka Soomaaliyeed cid ka damqata oo tiraahda iska tag ay timaado .
Madaxwayne Shiikh shariif ayaa isaguna waxa uu warbaahinta ka baahiyay Hadal caro ka muuqato balse u samaynaaya Macne wayn Farmaajo oo uu ku helaayo Sharaf oo ah in Farmaajo uusan wadan Dhaqaale iyo in uu ka helay Shariif oo uu u arkay mid karti leh , Balse Shariif isagu waxa uu ka duulaayay in taageerada uu Farmaajo helay uu dhaliil u sameeyo oo uu yiraahdo waan la wadaagnay marka aan soo qaadano hadalkiisi ahaa wixi la qabtay yaan la shakhsiyayn ,
Farmaajo ayaa hadda u muuqda shakhsiga ugu taageerada badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ay Bulshadu rabaan , Balse waxaa ayaan daro ah dadka Soomaaliyeed ma dooran karaan qofka ay rabaan xiligaan balse waxay awoodaan in ay la garab istaagaan Farmaajo taageero dhan kasta ah .
Tusaale oday dhaqameedka Soo xulaaya Gollaha wakiilada shacabku waxay u yeerin karaan Baarlamaankaas Rabitaanka shacabka oo ah inay usoo doortaan shakhsi wanaagsan oo leh inta uu Farmaajo ku dhawaaqo ee ah Tayo , talo , Tanaasul , Erayaad ku cusub maqalka dadka Soomaaliyeed ee uu la yimi Farmaajo ayaa la oran karaa waa hanaanka Dowladnimo sharaf leh lagu helo oo ah mid ka fakaraysa Dadkeeda iyo dalkeeda ,
Dhamaad
Waxaan ku soo dhamaynayaa bulshada Soomaaliyeed waa in ay indhaha kala furaan kala ogaadaan Wanaaga iyo xumaanta , waa in shakhsi kasta oo Soomaaliyi afkaartiisa xor u ahaadaa iska ilaaliyaa kuwa ku adeegta xumaanta ah xili hore ayaa waxaasu dhaceen waa la is dilay ma ahan in aan ku noolaano oo ay na hagto waxyaabo horay u dhacay oo xumaan ahaa oo aan ka duulo ficilkeena iyo hab fakarkeenuna ahaado kooxdaas ayaa sidaas kooxdeena ku samaysay, kaasu waxbuu neceb yahay , balse wixi horay u dhacay waa in ay inoo ahaadaan Tusaale xun oo aan marka aan xasuusano aan ka damqano dhanka wanaagana inoo wada, yaan qof kale aragtidiisa qalafsan ee shakhsiyaysan ama koox oday u noolaansho uusan kugu hagin , Dhamaanteen Sharafteenu waa Soomaalinimo wixi ka hooseeyaa waa sharaf dhaceen iyo hadda sida aan nahay , waan u baahanahay in aan helo hogaan wanaagsan ma ahan in Farmaajo kaliyi wanaagsan yahay waxaa jooga shakhsiyaad wanaagsan oo haday ina hagaan dalka isbadal ku samayn kara , Meesha ka saari kara dhibaatadaan dabbada dheeraatay ee ina soo dilootay ee aan dunida ula daalaa dhacayno .
Bini aadamku waa in ay Mabaadii ku nool yihiin ma ahan in wax yaabo hoose oo aan macne u samaynayn sharafta iyo helida baahida qofka midna aynu u noolaano , qofna haku qiimayn koox odayeedkee ka tirsan yahay ,waxaad ku qiimaysaa heerka kartidiisa iyo wadaniyadiisa , bulshadana kula dhaqan walaalnimo iyo isgarab qabsi , ixtiraam u ahayn iyo u arkid dad walaalo ah oo ay walaalayso Muslim-nimo Soomaalinimo ku midoobida ama sheegashada koox odayeedku waa wax baahiyi kentay , Baahi ka bixidana garashada ayaynu marti uga nahay iyo in aan helo Shakhsiyaad dalkeena hogaamiya oo ku hogaamiya in ay inaga inoo adeegayaan inagana fakaryaan doonaayana in Taariikhdu xusto oo ay wanaag ku xuso .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxajoog
Dooxajog5@hotmail.com
 
 
=========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
 

Al-Shabaab oo ku soo bandhigay Magaalada Jowhar dhalinyaro badan si ay uga qeyb qaataan dagaalada

0
0

Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku soo bandhigay fagaare ku yaal Magaalada Jowhar dhalinyaro fara badan oo ka qeyb qaata dagaalada, iyadoo Saraakiil ka tirsan Shabaab meel fagaare ah kula hadleen dhalinyarada.
Dhalinyaradan oo ku dhow ilaa boqol ayaa dhowaan laga qoray deegaanada jiinga wabiga dhaca, kuwaasoo qeyb ka noqonaya dhalinyaro horay looga qoray deegaano ku dhow dhow Magaalada Jowhar,
Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Kaba-kudukade oo la hadlay dhalinyaradan ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dagaalada jihaadka, si cadawga ku soo wajahan deegaanada ay ka difaacaan
Sheekh Yuusuf Kaba-kudukade ayaa sheegay in boqolkan dhalinyaro ay qeyb ka noqon doonaan ilaa saddex boqol dhalinyaro oo horay u diiwaan geliyeen, si dagaalada uga qeyb qaataan, isagoo sheegay in dhalinyaradan ka soo jeedaan Beesha Jareer weyne.
Laakiin Xildhibaan Mowliid Macaan Maxamuud ayaa ku tilmaamay dhalinyarada ay soo bandhigeen Shabaab inay yihiin kuwo la soo qasbay, waxaana uu xusay in aan aheyn mid cusub oo horay Shabaabka looga bartay in dhalinyarada ay qasab kaga qeyb geliyaan dagaalada.
Mowliid Macaan ayaa sheegay in beesha Jareer weyne aanay horay uga qeyb qaadan dagaalada dalka ka dhacayay, isagoo nasiib daro ku tilmaamay in dhalinyaro aan waligood hub qaadan ay hub u dhiibaan, bedelkii horay ay u gacmahooda yaambo iyo badiilka ugu qaadi jireen si ay beerahooda u tacbdadaan.
Al-Shabaab ayaa ka waday wacyi gelin la xiriira in dhalinyarada ka qeyb qaataan dagaalada, iyadoo beelaha ku dhaqan Gobolka weydiisatay inay keenaan dhalinyaro si ay uga bar bar dagaalamaan.

ilihii Dhaqaalaha Somalia Oo La Dhisayo

0
0

Muqdisho – GMN - Isagoo la hadlayey warbaahinta Muqdisho, ayaa ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda KMG Soomaaliya C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa uu ka warbixiyay kulamo uu wadanka Sweden kula qaatay Madaxda ugu sar sareysa ee dowladda dalkaasi.
Waxa uu sheegay Wasiirku inta uu ku sugnaa Dalka Sweden kulamo ku aadan Xiriirka labada dal iyo Hor umarka  ganacsiga iyo dib u dhiska warshadaha uu la qaatay Wasiirada Ganacsiga Warshadaha arimaha dibadda iyo Ra’iisulwasaarahooda isagoona tilmaamay Ujeedka ugu weyn ee kulamadaasi in ay ahayd sidii Dowlada Sweden uga qeybqaadan lahayd dhisida Ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa haba ugu horeeyaane Warshadaha iyo kobcinta ganacsiga Soomaaliya, Mas’uliyiintii uu la kulmayna arimahaasi oo idil ay isku afgarteen.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo wax laga weydiiyay waxa uu kala socdo Sabeynta lacagta dollarka iyo sar u kaca xiliba xiliga ka dambeeya ku imanaya raashinka quutul daruuriga iyo hadii ay jirto Kulan wasaaradiisa ay la qaadatay ganacsatada Soomaaliyeed ayuu sheegay in wadanku uu yahay mid bur bursan Mudo 20 sano ah una baahan in kor looqaado hurumarka ganacsiga Kulamo ku aadan sal fadhi la’aanta dollarkana uu la qaatay ganacasatada soomaalida walina ay wax ka qaban la’ yihiin haatana uu diyaar u yahay in markale uu arintaasi kala hadlo.
Wadanka Soomaaliya ayaa ka bur buray Meelo badan oo Muhiim ah tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 20-na uu galay dagaalo sokeeye ee uu dalku kujiray waxaana kamid ah Meelaha uu ka bur buray ilihii dhaqaale ee uu dalku lahaa.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Padhy Ankunda: Ciidamada AMISOM ma helin Mushaar toos ah laga soo bilaabo 2010-kii, waana niyad-jab.

0
0

Af-hayeenka Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM Mr. Padhy Ankundha ayaa ka dacwoodey Ururka Midowga Afrika, isagoo ku eedeeyey Ururkaas iney uga baxeen ballantii ahayd in dhinaca dhaqaalaha iyo Lojistiga laga saacido ciidamada Amisom.
Ankundha ayaa sheegtay in ciidamada uu af-hayeenka u yahay ee Muqdisho jooga ay xubeero yihiin kadib markii ay waayeen Mushaarkoodii, wuxuuna tibaaxay haddii ay arrintaasi sii socoto ay keeni karto iney isaga baxaan Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in mooraalka ciidamadaani uu xilligaan hooseeyo loona baahan yahay in si deg deg ah loola soo gaaro dhaqaalihii ay ku howl geli lahaayeen.
Ankundha ayaa ku gooddiyey in aaney howl-galladu sii socon karin inta buu yiri leyska dhega-tirayo baahida Ciidamada, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ururka AU oo u xil saaran daryeelka ciidamada ay dhabarka u jeediyeen, xilli ay Ciidamada Amisom dhufeysyo uga jiraan dileeddada magaalada Muqdisho.
Hadalka ka soo yeeray Af-hayeenka Ciidamada Amisom ayaa dad badan ka yaabiyey, iyadoo sanooyinkii la soo dhaafay boqollaal Milliyan oo Dollar ay beesha caalamku ku bixisay magaca ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom.
dalka@dalkanews.com

Waa Gabay la yidhaa “Hurgumo”

0
0

Tixdan magaceeda waxaa layiraahdaa: “hurgumo”waxaan curiyay mudo dhaway waxaynaka hadlaysaa dhibaatada Soomalida guud ahaan,iyo xaalada iyo marxaladaha kala gedisan ee maalin walba ina soo wajahayaa , colaadaha , abaaraha, khilaafyada, shisheeyaha faragelinta wada dhinac walba .
tixdani waasidane ka bogasho wacan.
Hal abuurka suugaantu ma ahan hayb wax loo dhimo’e
Waa hibo Ilaahay baxshiyo haybad gooniyahe
Wow hirasho ruuxii yaqaan hilimadeediiye
Waa geed hadh waynliyo cagaar hooska aan dhigine
Waa haro biyo leh oo nin lihi ka haqab beelaaye.
Hayeeshee hannaankiyo ma helin himaladeediiye
Ma hikaadin nimankii Ilaah hooda uga yeelay
Haahay nin yiri bay latahay oon wax loo hurine
Horay bay murtida ugu hadleen hoboladeediiye
Halyeygii Suldaan Tima Cadaa hiifayoo nacaye
Hooy hooyda waa tuu lahaa hiirta waabariye
Hinbiriirsi arag ma ahan iyo hibasho beenaade
Hurdadii ka kaca yaan hadhow hoos wax loo dhugane.
Hayeeshee haruub hoos ka furan yaa wax loo heline
Hayin uma noqdaan waanadee way ka hoos bixiye
Sida hogosha roobkee ku da’ay dhagaxa heegtiisa
Ee aan wax Heena uga tagin hoobay sidiisii dheh
Sida haybadlaha Shiikh Quraan heerka sare gaaray
Oo aan dadkiisi u hibayn hoobay sidiisii dheh
Sida Hooyo wiil ay dhashee heedhe korinaysay
Ee aan ka helin hadal macaan hoobay sideesii dheh
Sida Hara dur dura oo aanan go’in had iyo gooraale
misna aan Haruub laga cabayn hoobay sideedii dheh
Sida Halo Irmaan oo ka badan Horin iyo dheeraadba
Misna aan habeen laga cabyn hoobay sidoodii dheh.
Ma hungoobo ruxii yaqaan meesha loo hirane
Hilinkiisa kama uu lumee wuu higsanayaaye
Ha yeeshee dadkaan heersariyo hoos wax ugu sheegnay
Misna aan hayeey laga helayn soow Hurguma ma ahan?
Dadkaan kala hayaameen midina mid u hanbaynaynin
Misna hooyo ubadkeeda uun sow Hurgumo maahan?
Dadkan hayb qabiil looga dhigay heerka noloshooda
Oo aan ka harahayn middaa sow Hurgumo maahan?
Dadkan calankii heega surnaa haysan garan waayay
Ee maanta heerkaa ka dhigay soow Hurgumo maahan?
Hanbadii gumaysiga dadkaan hayb u kala saray
Ee raba in ay kala haraan soow Hurgumo maahan
Hoggaan qodan dadkaan kala hadloon hos wax ugu sheegnay
Ee haybaddoodii ka tagay soow Hurgumo maahan?
Harar iyo Jabuutiyo ilaa hilinka Nayroobi
Dadkan habacsan een wada hadlayn soow Hurgumo maahan?
Hargaysiyo Kismaanyiyo ilaa hoyga Xarardheere
Dadkan habacsan een wada hadlayn sow Hurgumo maahan?
Hilinkii Wardheer iyo ilaa Hogob iyo Laas haano
Dadkan habacsan een wada hadlyan sow Hurgumo maahan?
Taariikhda hodonka ah haddaan hoosta ugu laabto
Oo aan hikaadshoon murtida hadal ka soo saaro
Waxaan helay in aan nahay dad aan hilinna raacayne
Halgankii Gureey waxaa la haray haybta aan nahaye
Halyeygii Daraawiishta waday hayb qabiil niriye
Halkii Faarax Seefeey na yiri haahay maan orane
Haybaddii Wadaadkii Barsame looma soo hogane
Hadafkii Janakii Daa’uud ahaa ruuxna muu heline
Halkii Ciise waataynu niri waa hal kuma taale
Hubaal ina Cigaal maanu helin heerki uu rabaye
Hadafkii Xarbiyo ma aanan maqal himilladiisiiye.
Intaasoo halyaay oo ahaa geesi hore jooga
Hareeraha lamaynaan qabane hoos ayaan niriye
Hoggoodii la gale ciil haduu hiifis leeyahaye
Ha yeeshee dhibtay ka hadlayeen maanta woow halise
Waa taa is wada hirtiyee dhiiggo hogag buuxo
Waa taa habaqlaheedii ku go’ay badaha heelkooda
Waa taa mid haadiyo mid aan haynba laga yeelay
Heer kastaba ha joogtee markaan waa hed sii bixiye
Hangasheedi waa taa dhawaan loo hadoodiliye
Haddii aan lahanan waa hubaal in aan la haynayne
Hooy hooy baraaruga dadyohow waad ka hurudaane
Fiiro Gaara:- Gabaygan waxuu ka mid yahay suugaan badan oo aan kaga hadlayo dhibaatada taagan , iyo tii la soo maray iyo timaadada cusub haddaba maaha mid aan cid gaara ula jeedo ama cid gaara ku taageerayo sidaa awgeed waxii dhaliilama turxaan ah waxaan u ahay diyaarinaan saxo maadaama aan ahay bani aadam 100% ma wada saxnaan karo.
Hal abuurkii
Yaxye Xaashi Maxamad
asad75love@hotmail.com


Ciidamada AMISOM oo gaaray Gal-galato

0
0

Ciidamada dowladda KMG ee Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray degaanka Gal-galato oo 30 km dhinaca woqooyi ugu beegan Muqdisho

Dembiyada dagaalka Soomaaliya maxaa laga yeelayaa?

0
0

Dembiyada dagaalka ee Soomaaliya ka dhacay maxay tahay in laga yeelo? Ma jirtaa cid wax ka qaban doonta dadkaa dembiyada geystay? Mise waxaa ka habboon cafis guud iyo dib u heshiin? Ra'yigaaga ka dhiibo.

AMISOM iyo DKMG oo Goobo Cusub Qabsaday

0
0

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhulka kale ka qabsaday ururka Al-Shabab dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdishu.

Ciidamadan ayaa saacadihii hore ee saaka weerar ay qaadeen kula wareegay deeggaanka Gal-galato oo 30km dhinaca Waqooyi ka xiga Muqdishu saldhig muhiimna u ahaa Al-Shabab.

Ciidamadu waxay kaloo qabsadeen garoonka diyaaradaha ee Cisalley.

Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyey guulaha milatari ee ay gaadheen ciidamada dawladda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay Muqdishu ku wada qabteen Ku Xigeenka Midowga Afrika Soomaaliya Wafula Wamunyiyi iyo taliyaha ciidamada Burindi ayey ka digeen in wali ay caqabado jiraan.

Faaqidaadda: Wadahadal Dhexmara DKMG iyo Al-Shabab

0
0

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo bandhigayso qorshe ay ku xasilinayso goobaha laga xoreeyo ururka Al-Shabab, qorshayaasha oo ka kooban afar waxaa ka mid ah: Dib u heshiisiin, soo celinta amniga, dhismaha maamullo maxalli ah iyo soo celinta amarka iyo caddaaladda.

Maantana ciidamada AMISOM waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay isku ballaadhiyaan Soomaaliya inkastoo ay ka digeen in weli ay caqabado jiri karaan.

Haddaba istiraatijiyadan ma tahay mid dawladda u horseedi karta inay awooddeeda dalka ku ballaadhiso?

Dhinaca kalena ururka Al-Shabab maxaa istiraatijiyo ah ee u bannaan kaidb dib u dhacyada milatari ee ugu dmabeeyey ee la soo darsay? Suurtogal ma tahay in dawladda iyo Al-Shabab ay wada hadlaan?

Su’aalahaas iyo kale ayuu maanta ku saabsan yahay barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka.

Turkey oo 12 Askari Ay kaga Dhimatay Afghanistan

0
0

Ciidamada Miltariga ee Turkey ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda qumaatiga u kaca ay ku dul burburtay guri ku yaala duleedka caasimadda Afghnistan ee Kabul, burburkaas oo ay ku dhinteen 12 askari oo saaraa dayuurada iyo ugu yaraan laba qof oo dhulka ku sugnaa.

Masuuliyiintu waxa ay sheegeen in dayuuradda helicopterka ah, oo uu nooceedu ahaa –Sikorisky- ay ku jirtay duulimaad qeyb ka ahaa howlgalka ciidamada Nato ee Afghanistan, markii ay bur bureysay, jimcihii shalay, gaar ahaan degmada la yirahdo Bagrami ee Magaalada Kabul.

Wasiirka Arimaha dibadda ee Turkey,Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in dayuuradda ay soo dhacday, iyadoo isku dayeysay in degis deg deg ah ay sameyso, waxa uu u sheegay wariyeyaasha inuu ahaa shil naxdin leh.

Saraakiisha Afghantan ayaa iyana sheegay in laba caruur ah ay ku dhinteen, guriga ay dayuuradda ku dul dhacday.

Waxey aheyd burburkii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa ee ee soo gaaray ciidamada isbaheysiga ee Afghanistan ku sugan, tan iyo markii bishii august ee aynu ka soo gudubnay, markaasoo, dayuurad helicopter nooca Chinook, loo yaqaano ah, sida muuqata ay mintidiinta Afganistan ku toogteen gobolka Wardak , shilkaas oo ay ku dhinteen 30 askari oo mareykan ah.

Muxaadaro Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun - YouTube.flv

Taliska Ciidamada xooga dalka oo sheegay in Muqdisho banaanka looga baxay

0
0

Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliyed ayaa sheegay in banaanka la iskala baxay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay ciidamada xooga dalka iyo kuwa Amisom isku fidiyeen duleedka waqooyi bari Muqdisho.
Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-Badan) ayaa sheegay in Ciidamada ay guulo waa weyn soo hoyeen, isla markaana ka saareen meelihii ay weerarada ka soo abaabuli jireen.
“Dagaalka waa aragtaan Muqdisho waa la isagala baxay, meesha aan joogno, nimankii jid iyo jaha-diidka waan ka saarnay magaalada oo dhan, banaanka ayaa la joogaa”ayuu yiri Jen. Dhega-Badan.
Sidoo kale Jen. Dhega-badan ayaa sheegay in hada wixii ka dambeeya ay ka go’an tahay inay meel walba ugu daba tagaan Al-Qaacida, isla markaana aan laga hari doonaan.
“Meesha ay geli doonaan ayaga ayay jirtaa, anaga meel walba waa uga galeynaa, ma beriga ayay ku bixi doonaan mise Badda, ciidanka xooga wuxuu diyaar u yahay inuu ka xoreeyo cadawga”ayuu yiri.
Shalay ayay aheyd markii ciidamada xooga dalka ay la wareegeen duleedka Bari Muqdisho, gaar ahaan jidka dheer ee xeebta, halkaasoo Shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada.
Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ayaa gaaray ilaa Galgalato, Shiikh Cali Cabdulle, Dekadii ceel-cade ilaa agagaarka Garoonka diyaaradaha Cisaleey.
 


ASWJ: waan soo dhaweeneynaa in ciidammo Jabuuti ka socda in la keeno gobollada dhexe

0
0

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa soo dhaweeyay in ciidammo ka socda dowladda Jabuuti ay ka howlgallaan deegaannada gobollada Dhexe ee dalka, iyagoo dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna uu ka dhaxeeyo Iskaashi xooggan.
Guddoomiya dhinaca fullinta Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Xeefoow ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan in ciidammo ka socda dowladda aynu walaallaha nahay ee Jabuuti ay ka howlgallaan deegaannada gobollada Dhexe ee dalka, isla markaana ay la shaqeyn doonaan ciidammadaasi haddii ay soo gaaraan.
Sidoo kale guddoomiya fullinta ASWJ ayaa hoosta ka xariiqay in ciidammada dowladda Jabuuti ay ula mid yihiin ciidammada dowladda oo kale, maadaama ay yihiin walaallhooda oo ah isku luuqad iyo isku Diinba yihiin, taasina ay keenyeso wada shaqeyn wanaagsan.
“ASWJ waxa ay wanaajin doontaa oo ay tixgalineysaa howlgalka ay gobollada Dhexe ee Soomaaliya u imaanayaan ciidammada ka tirsan AMISOM oo socda dowladda Jabuuti, sidoo kale waxaan garab taagannahay holwgalka lagu cirib tirayo Al-Qaacidda” ayuu guddoomiyaha fullinta ASWJ Sheekh Maxamed Xeefoow yiri.
Dhinaca kale waxa uu tilmaamay in wada hadal uu dhaxmaray masuuliyiinta dowladda iyo Ahlu Sunna, isla markaana wada hadalkaasi uu marayo meel wanaagsan, iyaga dhankooduna ay ka rajeynayaan guul.
Ugu dambeyntii ayuu xusay in Iskaashi xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda FKMG Soomaaliya iyo ASWJ, isagoo ugu baaqay dadka ka soo jeeda gobollada Dhexe ee dalka ee ku jira kooxda Al-Qaacidda in ay isaga soo baxaan, “haddii  dadka aan baaqa u dirnay ka soo baxaan dhanka Khawaarijta waxaan u ballan qaadeynaa in Maggangalyo in siiyo ayuu ku soo gabagabeeyay haddalkiisa.
 
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 
 

Dagaalo xoogan oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho

0
0

Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafado ka tirsan degmada Dharkeenley, halkaas oo weerar xoogan ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in weerarada oo ahaa kuwo is daba joog ah markii hore lagu bilaabay deegaanka Xoosh, halkaas oo fariisin ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.
Ilaa saddex ruux ayaa ku dhimatay, halka labo kalena ku dhaawcameen madfac ku soo dhacay Xaafada aba-gado, iyo xero barakacayaal ku dhow halkaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay u aheyd habeen cabsi iyo wal wal badan, isla markaana xabadaha ay ku soo dhacayeen xaafadahooda, isla markaana dadka qaar ay ku carareen guryaha shubka ah.
Sidoo kale dagaal kale ayaa iyana waxaa uu xalay ka dhacay agagaarka Ex Koontarool, Afgooye oo fariisin ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in dagaalada ay Shabaab u soo qaadeen si ka muuqato naf la caari, isla markaana ay iska caabiyeen, iyadoo xaalada saaka ay tahay mid degan.
Dagaalada xalay ayaa qeyb ka noqonaya dagaalo habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay duleedyada Magaalada, iyadoo Shabaab weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah soo qaadayeen.
 

Wafdi uu hogaaminayo Shariif Xasan oo baydhabo ku wajahan

0
0

Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa inay booqasho ku tagaan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, iyadoo qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhowenayo Wafdiga ay ka socoto.
Sida wararku sheegayaan wafdiga Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa ku wehliya xildhibaano, saraakiil iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.
Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu la kulmi doono Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Socdaalkiisa Baydhabo ayaa dhowaan uu shaaciyay markii uu yimid magaalada Muqdisho, markii uu ka soo laabtay shirkii London ee bishii hore loo qabtay dhinacyada Soomaalida.
Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ka socota qaban qaabada bixitaanka Shariif Xasan, iyadoo noqonayo Mas’uulkii u horeeyay oo madaxda dowladda ka tirsan oo booqda.
Shariif Xasan ayaa ugu dambeysay magaalada Baydhabo sanadkii 2006-dii, markii ay isku dhaceen isaga iyo dowladii C/llaahi Yuusuf oo khilaaf awgood uga soo tagay Baydhabo.
Xaalada ammaan ee magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo kuwa dowladda lagu arkay wadooyinka, si ay u xaqiijiyaan ammaanka

Wafdigi ka socday Dowlada Turkiga oo saaka Gaalkacyo ka dhoofay kadib booqasho maalmo qaadatay oo ay ku joogeen deegaanada Puntland.

0
0

Wafdigi ka socday Dowlada Turkiga ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo kadib booqashada maalmo qaadatay oo ay ku joogeen deegaanada Puntland.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaadaraha ee Magaalada Gaalkacyo ku sagootiyay Masuuliyiinta Dawlada Puntladn oo ay ugu horeeyaan Masuuliyiinta Wasaarada Caafimaadka iyo kuwa Wasaarada shaqada, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Puntland.
waxaa iyaguna goob joog ahaa Masuuliyiinta gobolka Mudug iyo kuwa Degmada Gaalkacyo iyo sidoo kale MAsuuliyiinta Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug.
Wafdiga ayaa horay cagta u soo mariyay Magaalooyinka Puntland qaarkood sida Garowe iyo Qardho oo ay kula kulmeen Masuuliyiinta Dawlada Puntladn.
Intii wafdigu ay ku sugnaayeen Degmada Qardho ee Gobolka Karkaara waxay halkaasi kula kulmeen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Mohamed Maxamuud Faroole, waxayna aad uga wada hadleen mashaariic horumarineed oo Dawlada Turkigu ay ka fulinayso deegaanada Puntland.
Wafdiga turkiga waxaa kamid ah labo Enjineer oo ku xeel dheer Dhismaha Wadooyinkinka iyo Garoomaha Diyaaradaha iyo Masuul wakiil ka ah Ra’isul wasaaraha Turkiga.
www.puntlandi.com

Doorashada Kenya oo dib loo dhigay

0
0

Doorashada madaxtinimada dalka Kenya, ayaa muddo dhowr bilood ah dib loo dhigay, iyadoo lagu waday in ay doorashadu dalka ka dhacdo dalka bisha December ee sanadkan 2012.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live