Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Djibouti to Double Capacity at Doraleh Container Terminal

0
0

Bloomberg - Djibouti will invite bids to expand the Doraleh Container Terminal, partly owned by DP World Ltd. (DPW), in the fourth quarter, the Port and Free Zone Authority said.
Capacity will double to 3 million TEU containers, or twenty-foot equivalent units, annually once the $300 million expansion project is completed by 2015, Aboubaker Omar Hadi, chief executive officer of the authority, said in an interview today in Nairobi, Kenya’s capital.
“We are in talks with China, the World Bank and African Development Bank on the project,” Hadi said. “Djibouti is a small market but we are increasing traffic to the hinterland.”
Djibouti’s $982 million economy relies on services related to its strategic location on the Red Sea, one of the world’s busiest shipping lanes. The country, with a population of less than 1 million, hosts about 2,500 personnel at a U.S. military base and it’s used by foreign navies patrolling shipping lanes in the Gulf of Aden and the Indian Ocean for Somali pirates.
The main port is used to ferry shipments in and out of landlocked neighboring Ethiopia and is a hub for trans-shipment trade off Africa’s eastern coast through to Durban, South Africa, Hadi said.
Djibouti also plans to build as many as five new ports, including one in Tajourah that will handle mineral and potash exports from neighboring Ethiopia, Hadi said. That will cost $180 million and should be operational by 2015, he said. Another port is planned in Ghoubet for salt sales abroad, he said.
Djibouti aims to increase refined oil storage at Doraleh by one-third by mid-2014 and build a facility to handle crude shipments after signing a memorandum of understanding last month with South Sudan on construction of an oil pipeline, Hadi said.
DP World, the Dubai government-controlled port operator, and Djibouti formed a joint venture in 2000 to develop the Doraleh terminal with the signing of a 20-year concession.
Source: Bloomberg


Dad u Muddaharadayey Guddoomiyihii hore ee Gobalka Maroodi-jeex oo Ciidanka ammaanku Xabsiga u taxaabay

0
0

Hargeysa(RBC):- Ciidamada ammaanka magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay illaa toddoba qof oo ka tirsanaa dad samaynayey bannaan-bax cabasho ah oo ay ku dalbanayaan in la sii-daayo Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamar-je), kaasoo ku xidhan Xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Dadka bannaan-baxayey oo dhalinyaro iyo Haween ayaa isugu soo baxay maanta barxadda hore ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo wax yar u jira dhismaha xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana waxay dalbanayeen in la soo daayo Guddoomiyihii hore ee Maroodi-jeex Axmed Xamar-je oo ka tirsan Masuuliyiin lagu eedeeyey inay musuqmaasuqeen raashin caawimo ah oo loogu talagalay dadka danyarta iyo barakacayaasha isugu jira ee gobolka Hargeysa, kuwaasoo ay ku jiraan La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid iyo Agaasimihii guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi, kuwaasoo xilkana laga qaaday, welina ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Dadka bannaan-baxayey ayaa sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin erayo ay ka mid ahaayeen; ‘waa in la sii-daayaa Xamar-je, waa in bilaa shuruud xorriyaddiisa loogu soo celiyaa’ iyo weedho kale, waxa ku yaalla boodhadhka ay siteen Sawirka Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex.
Hase-yeeshee, Ciidammada Booliska ayaa dadkaa kala kexeeyey, isla markaana qaar isku soo taagay oo dhalinyaro u badan oo qaadan waayey amarka kala dareerinta qabqabtay, isla markaana xidhay, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay sida ay Saraakiil Booliska ka tirsani u xaqiijiyeen RBC Radio toddobada dhalinyaro ah.
Dhawr jeer oo hore ayey dad sidan oo kale isu soo abaabulay isku dayeen inay u muddaharaadaan Guddoomiyihii hore ee Hargeysa Axmed Cumar (Xamar-je), tan iyo markii Xabsiga loo taxaabay bilawgii bishan aynu ku jirno ee Maarso, hase-yeeshee, maanta ka hor ma hirgelin bannaanbaxyada ka dhanka ah xadhiggiisa, iyada oo marba ay si u fashilmeen abaabullada la doonayey in loogu dhaqdhaqaaqo.
 
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.
 

Wicitaanka: Maryan X. Maxamed (Aw-reeyey)

0
0

Barnaamijka maanta waxa marti ku ah Madaxa Hay'adda Xuquuqda Insaanka ee Dr. Ismaaciil Jimcaale, Maryan Xuseen Maxamed (Aw-reeye).

Maryan Aw-reeye waxay ka jawaabaysaa su'aalo la xiriira kufsiga iyo xad-gudubyada kale ee loo geysto dumarka Soomaalida.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Guluf Dagaal oo ka Socda Gobolada Dhexe

0
0

Ciidamada Ethiopia oo garab siinaya ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku sii fool leh magaalada Dhuusamareeb iyo magaalooyin kale.

Ciimada Ethiopianka ayaa dhawaanahanba hawlgallo ka waday gudaha Somalia, iyaga oo ciidamada DKMG ee Somalia iyo maleeshiyaad gacan saar la leh ka taageeray inay la wareegaan magaalooyin ay ka mid yihiin Beledweyne, Baydhabo, iyo Xuddur.

Warbixin dagaalka gobolada dhexe la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Cabdullaahi oo loo sameeyay aas qaran

0
0

Meydkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa manta la geeyay Muqdisho, kadibna lagu aasay magaalada Gaalkacyo.

Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi
Yuusuf Axmed, ayaa maanta laga dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
ee magaalada Muqdisho.

Maamuus qaran ayaa loo sameeyay, waxaana markaas kadib loo qaaday magaalada Gaalkacyo halkaas oo lagu aasay.

Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa daraad ku geeriyooday magaalada Dhubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.

Cabdullaahi Yusuf ayaa intii muddo ahba xanuunsanaa.

Cabdullaahi Yusuf oo Soomaaliya Madaxweyne ka
noqday October 2004, ayaa waxa uu iska casilay xilkii madaxtinimada
Soomaaliya December 2008.

Cabdullaahi Yusuf waxyaabaha lagu xasuusto waxaa
ka mid ah inuu Soomaaliya keenay ciidamada Ethiopia ee la dagaallamay
maxkamadihii Islaamiga, la dagaallankii al-Itixaadkii Soomaaliya iyo
inuu dhisay maamul goboleedka Puntland.

 

Bay iyo Bakool oo Maamuladii hore ay sii Heyn Doonaan

0
0

Xubno ka mid ah baarlamaanka Somalia iyo xubnaha maamuladii hore ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in 3 bilood gudahood maamulo cusub lagu soo dooran doono. Saddexdaas bilood ka dib, waxa ay xubnahani sheegeen inay jiri doonaan maamulo ay dadka shicibka ahi soo dooranayaan.

Warbixin arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

War deg-deg ah: Wafdigii Federaalka oo Madexda Galmudug kulamo la leh.

0
0

Wafdi balaan oo uu hogaaminayo Madexweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka mid yahay R/W Gaas ayaa u gudbay dhinaca Koonfureed e Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kulamo kula leeyihiin Madexda Maamulka Galmudug.
Inkastoo Wafdiga Faderaalkahi ay hada u gudbeen dhinaca Koonfurta Gaalkacyo hadana Waxaa la filayaa in ay Madexda maamulka Galmudug kala hadlaan arrimo farabadan oo la xiriira Nabada Deegaanka, Xiriirka ay la leeyihiin Federaalka iyo Wada shaqaynta Maamulka Wadanka ka jira.
Wafdiga Federaalka ahi waxaa la filayaa in ay Magaalada Gaalkacyo ka duulaan saacadaha soo socda inkastoo uu jiri karaan hawlo shaqo oo Masuuliyiintan wali ugu dhiman magaalada Gaalkacyo islamarkaana ay la kulmaan qaybaha bulshada ee Magaalada Gaalkacyo si ay ugala hadlaan arrimo farabadan oo dhinaca Maamulka ah.
wixii warar ah ee ka soo kordha qaybaha dambe ee warbaahinta puntlandi ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose

0
0

Dhacdadaan oo mid layaab leh ah marka loo-eeggo dhinaca milatariga, ayaa waxay ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo uu si kulul uu uga hadlay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.
Saraakiisha Dowladda Kenya ee joogga duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbad Hoose, ayaa wuxuu khilaafaad culus uu soo kala dhex gallay qaar ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee aaggaasi.
Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa waxay durbaba ay xabsiga dhiggeen seddex ka mid ah Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxayna ku xireyn xabsi macmal ah oo ay ka sameysteen Deegaanka Qooqaani ee duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa wax aad loola yaabo noqotay in saraakiil Soomaaliyeed lagu xir xiro gudaha dalkooda, ayna ku xir xiraan saraakiil shisheeye oo aanu u dhalan dalka Soomaaliya, waxayna taasi shacabka ka soo jeeda Gobolka Jubbada Hoose ay la-noqotay mid layaab leh.
Xildhibaan Maxamed C/Laahi (Maxamed Amiin) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ee ka soo jeedda Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu si weyn uu u cambaareeyay amuurta lagu xiray seddex ka mid ah Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Jubbada Hoose.
Xildhibaanka ayaa wuxuu sheegay in wax aad loola yaabo tahay in dalka Soomaaliya lagu xir xiro saraakiil u dhalatay, ayna ku xiraan saraakiil Ajaaniib ah oo marti ku ah buu yiri dalkooda, isagoo ficilkaasi ku tilmaamay mid gumeysi u muuqdo.


ارديسات : روسيا ستتخلى عن دعمها للأسد حالما تقبض الثمن

0
0

توقع أن يتزايد مسلسل الانشقاقات في الجيش النظامي بشكل أكبر في الفترة القادمة، إلا أنه بين أن الجيش الحر لن يحرز نصرا حاسما ونهائيا من دون تدخل عسكري.

Abu Bakar Diyara oo ciidamada AMISOM ugu baaqay inay shacabka Muqdisho duqeynta ugu bedelaan gargaar iyo samatabixin

0
0

Abu Bakar Diyaara, u qeybsanaha arrimaha Soomaaliya ee midowga Afrika oo war saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa ayaa ciidamada AMISOM ugu baaqay in ay shacabka ku dhaqan magalaada Muqdisho ka dayaan duqeynta islamarkaasna ugu bedeelaan gargaar iyo samatabixin.

U qeybsunuhu wuxuu war-saxafaadeedkiisaas ku sheegay in ciidamada AMISOM ay dhibaatooyin dhinaca duqeynta ah ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdishu, wuxuuna ku taliyay in duqeynmahaas lagu bedelo gargaar iyo badbaado, maadaama sida uu ku dooday ay shacabku ka daaleen dagaalo iyo dhibaatooyin.

Waa sarkaalkii Afrikaan ee ugu horeeyay oo qira hagar-daamada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan ciidamada AMISOM ee ku dooda inay dalka u joogaan nabad-ilaalin iyo bari-taageridda dowladda Soomaaliyeed ee meel-ku-gaarka ah.

halgankanet@gmail.com

Hoobiyayaal iyo qarax ay ku dhinteen dad rayid ah.

0
0

Ugu yaraan 2 caruur ah ayaa ku geeriyooday siddeed kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 2 caruur ah ayaa ku geeriyooday siddeed
kalana waa ay ku dhaawacmeen, weerar hoobiyayaal ah oo xalay lagu riday
xero ay ku jiraan dad ka soo barakacay deegaanadoodii xeradii hore ee
daraawiishta oo u dhaw xarunta baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada
Muqdisho.

Hoobiyayaasha ayaa waxa sheegtay Alshabab oo
sheegay in ay ku weerareen xarunta madaxtooyada, hase ahaatee sarkaal u
hadlay dowladda ayaa sheegay in aaney jirin wax hoobiye ah oo ku dhacay
xarunta madaxtooyada weerarkana uu ahaa mid waxashnimo ah oo lagu
dhibaateyno dadka rayidka ah.

Dhacda kale qarax lala eegtay ciidamo kuwa dowladda KMG ah ayaa waxa ku dhintay hal askari.

Waa weerarkii labaad ee noociisa ah tan iyo
markii Alshabaab laga saaray caasimadda. Muddooyinka madaxda dowladda
ayaa waxaa ay wadeen dadaallo lagu xoojinayo amniga degmooyinka gobolka
Banaadir waxaana wadooyinka qaar laga bilaabay ilaalinta joogta ah.

 

الحراك الشعبي الخليجي المحتشم.. كيف يراه الأمريكان؟

0
0

منذ حرب الخليج الثانية، عام 1992، قامت الولايات المتحدة الأمريكية بإعداد خطط طويلة الأمد من أجل إعادة توزيع انتشار قواتها في منطقة الخليج، وبالصورة التي يمكنها الحفاظ بواسطتها على أمن وسلامة تلك القوات من أية أخطار وصعوبات قد تنشأ بسبب تمركزها الكبير في المنطقة

Galmudug oo ka Hortimid Magac-siinta Gegida Gaalkacyo

0
0

Madaxweynaha Galmuduga, Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in gegida dayuuradaha Galcayo la siiyo magaca madaxweynihii hore ee Somalia ee geeriyooday, Cabdulaahi Yuusuf ay haboonayd in lagala tashado.

Dhinaca kale DKMG ayaa difaacday go'aankaas iyada oo sheegtay in Madaxweyne Yuusuf uu mudan yahay in gegidaas magaciisa la siiyo.

Wareysiyo arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Ciidamada Huwanta oo Qabsaday Ceel-buur

0
0

Ciidamada dalka Ethiopia oo dhawaanahanba ka howgalayyey gobolada dhexe ee Somalia, taageerana siinayey kuwa Ahlusunna Waljameeca ayaa maanta qabsaday degmada Ceelbuur ee Galguduud.

Ciidamda Ethiopia ayaa horay u qabtay Beledweyne, Baydhabo, iyo Xuddur.

Wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Degmada Ceelbuur oo gacanta al Shabaab ka baxday iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha u galay magaalada

0
0

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay garwadeen u yihiin kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sida wararka lagu helayo waxay dagaal kula wareegeen degmada Ceelbuur oo ka mid aheyd meelaha ay  saldhigyada adag ku lahaayeen al Shabaab.

Xoogagii al Shabaab ayaa waxaa la sheegayaan inay magaalada bannaanka uga baxeen kadib markii ay ogaadeen in ciidamo Itoobiyaan ah oo dabaabaadkooda dagaalka wata ay ku soo fool-leeyihiin, wax dagaal ah oo sidaas u cuslusna magaalada kama dhicin.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa saldhig ka sameysatay duleedka magaalada halka ciidamadii Ahlu Sunna ee garwadeenka u ahaana ay gudaha magaalada ka bilaabeen hawlgal ammaanka iyo kala dambeynta lagu sugayo.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay halkaas ka bilaabeen qabqabashada dadka ay ku tuhunsan yihiin inay taageeri jireen al Shabaab.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com


Al Shabaab oo sheegay inaan urur Jihaadi ah oo dambe aan Soomaaliya laga sameyn karin iyo warar sheegaya Urur Cusub oo ay furayaan Xubno al Shabaab ka tirsanaa

0
0

Afhayeenka al Shabaab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Ururkoodu uu si rasmi ah ula midoobay Al Qaacida hadda kadibna aan urur dambe oo Jihaadi ah Soomaaliya laga dhawaaqin karin.

Shiikh Cali Dheere wuxuu dhanka kale ka dhawaajiyay in cidii dooneysa inay jihaadka ka qeybqaadato ay Ururkooda haatan al Qaacida la midoobay ku soo biirto balse aysan cidna ka aqbali doonin inay urur iska furato waa siduu ku doodaye.

Hadalka Al Shabaab/Al Qaacida ka soo baxay ayaa waxaa la sheegayaa in uu digniin u yahay kooxo horleh oo ay ku jiraan xubno horay uga tirsanaa al Shabaab oo qorsheynaya inay ku dhowaaqaan urur ka madaxbanaan al AlShabaab balse ka barbar-dagaali doona.

Warar kale ayaa sheegaya in Urur diimeedka ay Soomaalidu u taqaan TAKFIIRKA ay haatan yagyeelayaan cudud ciidan oo dhinaca ku qabata al Shabaab balse ka fikir duwan oo aan meel wax ula wadin, taasina sida muuqata al Shabaabka uma cuntanto oo waxay ku dhawaaqeen inaan urur dambe Soomaaliya laga furan karin.

Ujeedada ka dambeysa urur furashadan al Shabaabku ka digayaan ayaa waxaa lagu tilmaamay inay ka dhalatay ku biiristii ay al Shabaabku ku biireen al Qaacida, ku biiristaas oo aan xubno badan oo al Shabaabka ka tirsanaa u cuntamin. 

Sidaas ha ahaato ama si kale ha ahaatee waxaa la sugayaan sida hanjabaadda al Shabaab ay u hakiso hamiyada urur furasho iyo kala firxadka xubnaha ka midka ah al Shabaab.

halgankanet@gmail.com

 

Ceelbuur oo laga qabsaday Al Shabaab

0
0

Ciidammada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa maanta la wareegay magaalada Ceel Buur oo afartii sano ee ugu dambeeyay Al Shabaab ay gacanta ku haysay.

Todobaadka iyo Qiimaha Sarifka lacagaha, Badeecaha iyo Suuqyada ganacsiga Burco.

0
0

Qiimaha Sarifka lacagaha Qalaa, Badeecadaha Raashinka, iibka sayladaha Xoolaha, Nooligga gaadiidka lagu raaco iyo Qalabka Dhismaha oo ay idin soo diyaarisay shabakadda Togdheernews.com, todobaakiiba hal Maalin.
27. 3. 2012
Qiimaha Sarifkad Dollarka oo Kor u kacay.    
Sarif Lacagaha Qalaad
100$……………………630sl.sh. Gacanta Dambe 650sh sl
100Bir…………,,…………… 5$
100 Uk…………………………..150$
100 Er…………………………125$
100 Dirham………………26$
100 Saudi Riyal………… 24$ .
Qiimaha Meceeshadda Rashinka
Sonkorta 50kg……………… 44$
Bariis 50kg………………….  30$
Daqiiq 50kg………………..  27$
Saliida 20litir…………… 26 $
Baasto……………………….. 9.5$
Hadhuudh 50kg………….. 20$
Galley 50kg………………… 16$
Kaluun (Kartuun)………………. 32.1
Qalabka dhismaha
Qoriga Cas…………………………….17.5$
Qariga Cad .2×12……………….. 24.5$
Qoriga Cad.1×12…………………..14$
Jiingadda………………………………7$
Sibidhka……………………………….6.3$
Silliga…………………………………..6.3$
Mar mar(Kartuun) …………………6$
Musaabirta…………………………….2.5$
Tanaga Istanbarka…………………24$
Rinji 1 galaanka……………………12$
Garaa’idka shubka No:10………..8$
Garaa'idka Shubka No: 12……..10.5$
Garaa'idka shubka No: 6…………2$
Rinji (Glon)………………………….12$
Qiimaha Nijaarka Maalintii……..80sl.sh
Qiimaha Wastaadka Maalintii…..80sl.sh
Qiimaha Kuuliga Maalintii……….35sl.sh
Qiimaha Shiidaalka
Hal litir batroool ……………1$
Hal litir Naafatada………….. o.9$
Qiimaha Xoolaha
Neefka ahmiinka(dhoofka) ……………55$
Neefka geela……………………………… 450-800$
Neefka daabaxa (qalinka)-……………. 70$…80$
Nooliga gaadiidka laga raaco
Burco……………………..Hargaysa……… 12
Burco………. ……………Berbera……….. 35
Burco……………………..ceerigaabo ….10-15$
Burco……………………..Boosaaso….. ..40$
Burco……………………..Oodweyne…..20sh.sl ila 35sh.sl
Burco .. …………………Oog..
NB. fadlan taladadda iyo tilmaamtu waa muhiim waana dhiirigelin ee ha la bakhaylin.
Xamse Kayse
Xkayse@live.com
Togdheernews.com

Atam oo Laga Guulaystay GalGala oo Gargaar Lagu Daad Guraynayo

0
0

GalGala:- Kooxdii dhalinyarada Marin Habaabisay ee Buuraha GalGala ku Dhuumanaysay ayaa Awoodii Hoos u dhacday ka dib markii ay dhawaan sheegeen inay la Midoobeen Kooxda Al-Shabaab ee Liiska Argagixisda Caalamiga ah ku Jirta.
Koox dhalinyaro ah ayaa ka soo Goostay Garabyadii ku dalaamayay Gacan ku haynta Degmada GalGala ee ka Tirsan G.Bari,
Awoodada ayaa Wiiqan tahay bay Dadku Leeyihiin Maalmahan mana Jiraan wax Ciidan ah oo Atam ka Amar qaata Kuwaasi oo Jooga Buuraha GalGala.
Reer Guuraaga ayaa ku soo waramaya inay Arkeen Dhalinyaro badan oo kus oo Biirtay Dhanka Pl kuwaasi oo  Isu soo dhiibay Ciidamada Amaanka ee Maamulkaasi.
Dowlada Pl ayaa Horay u Shaacisay inay Dhabarka ka Jabisay Kooxdii Atam Hormuudka u ahaa ee doonaysay inay Deegaankaasi Qalalaase Shaati Dineed Loo Galiyay ay ka Abuuraan.
Guurtida Beelaha Sanaag, Hayland iyo Gobolka ayaa Cod Dheer ku Sheegay inaanay Metelin Kooxdaasi Qoriga Dabka ah la wareegaysa.
Gudiga dibu Dejinta shacabkii ka Barakacay Colaadii GalGala ayaa warbaahinta u sheegay in GalGala Dadkii ka qaxay la Tira Koobayo Laguna celinayo dhawaan.

Bahda GalGalanews
Dhahar- Hayland

YAABAYE MA YAABTEEN By: Mataan Maxamuud Cumar

0
0

Waxaa yaab ku noqotay dhegaha shacabka Somaliland ee gudaha iyo dibadaba kala jooga hadalkii uu wasiirka Xanaanada Xooluhu ku hadalay shay isagoo jawab uga dhigaya xukuumada iyo inuu wakiil ka yahay malaha Beesha uu ka soo jeedo.
 
Waxaa is waydiin leh Cabdi Aw Daahir iyo xubnaha kale ee ay isku beesha yihiin ma waxay Madaxweynaha iyo xukuumadiisa kula heshiiyeen anagaa beesha ka masuul ah oo kaa caabiyayayna? Haday sidaas  arintu tahay waa gar inay qofkasatab u jawaabaan, hase yeeshee shaqadii ay xukuumadu u dirtay meeday? Maxaad tolkaa ugu gurman wayday shalay halka aya masuuliyiintii xukuumadii hore(Waa SICIID SULUB IYO CALI WARAN CADE) ay goob joog ahaayeen adiguna aad qoor gabal dhacay aad baaq dirtay.Dr Gaboose iyo Siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ahi waxay xaq u leeyihiin dhaliisha iyo tilmaamida ama talo bixinta xukuumada.Sidaad u difaacday Madaxweynaha Dr ku umuu hadalin waxan kamuu sheegin Madaxweynaha. Adiga Xoolaha ayaa laguu diray ee orod oo daryeel u samee soon kormeer xaaladaha reeruhu ku soo haydeen.Masuuliyiinta qaarkood waxay caadaysteen inay ka hortagaan siyaasiga ay isku beesha yihiin taasin waa iska horkeen beeleed xukuumada sideed ha loo caabiyo ceebahan hayska ilaa liso hadaanay adkaysi u lahayn mucaaradka ay caban tahay ,hana ogaato mucaaradku waa kii shalay aad ahayd ee aad Idaacadaha u samaysateen.C/LAHI CUKUSE Waxaan u sheegayaa Dr ku heshiis ayuu la galay Axmed Siilaanyo han kii siin uu gaadhay kamuu mid ahayn Xisbiga Kulmiye . Siyaasadun Xaasiib Malaha ee han bay leedaha,(the policy hasn’t got a friend but they have an interest) adigun Framekaa iskaga jir oo muraayadaad sheetay iska daawo, waxaa tahay ninkii Suldaan Maxamed SuldaanC/qaadir u jawaabay.  Waxa Madaxweynuhu kuu sheegan shacabka u akhri. Waxaan erya odhanayaa Cabdi aw daahir hadaad garan wayday ninkaad isku  professional tihiin is ilaashda waa aqoon taa dhanka kalena  Dr Gaboose had iyo jeer wuxuu yidhaadaa markuu xusayao madaxweynaha Odaygu ixtiraam iyo sharaf ayuu iga mudan yahay weilgii deel qaaf kumuu odhan ee adigu hadal kaaga sumada ku dhigo oday masuul aha baa tahaye.
Ugu dambayntii xukuumada iyo Madax weynaha ha la kal saaro oo marka xukuumada lala hadalo yaan madaxweynaha la gaadhin
Afhayeenka Ururka Ummada ee Sout yorkshire
Mataan Maxamuud Cumar
mataan@hotmail.co.uk
Sheffield.
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live