Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Nato oo Askar Looga Dilay Afghanistan

0
0

Askar ka tirsan ciidmada amaanka ee dalka Afghanistan ayaa sadex ka mid ah ciidamada Isbaheysiga Nato ee ku sugan dalka Afghanistan, ku dilay isniintii shalay laba dhacdo oo kala duwan.

Astarka Nato laga dilay ayaa lagu sheegay laba askari oo u dhalatay dalka Britain iyo hal Askari oo Mareykan ah.

Saraakiisha Nato ayaa sheegay in dhacdada hore lagu ka mid ah askarta Britishka lagu toogtay, saldhig ay NATO  ku leedahay degaanka la yirahdo Lashkar Gah, oo dhaca koonfurta Gobolka Helmand .

Askarigii weerarka geystay oo xiraa dareeska ciidamada Afghanistan ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamo ku sugnaa saldhiga oo rasaas ugu jawaabay.

NATO waxey sheegtay in askari kale oo u dhashay dalka mareykanka uu toogtay akari ka tirsan ciidama booliska degaanka ee Afghanistan, kaasoo rasaasta ku furan ciidamada mareykanka mar ay ku soo dhawaadeen bar control:

Ciidamada Afghanistan iyo kuwa Isbaheysiga ayaa baaraya, sababaha dhaliyay labada weerar

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 42 weerar ay ciidamada Afganistan u geysteen, ciidamada ay wada shaqeeyaan ee Nato, tan iyo sanadkii 2007dii.

Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Leon Panetta ayaa sheegay Isniintii shalay in kastoo ay jiraan dilalka is xig xigay ee loo geeysanayo ciidamada nato, hadana aysan weerarada noocaasi ah aysan ka weecineyn gaarista hadafkooda oo ah ku wareejinta maamulka amaanka ee dalkaasi ciidmada Afghanistan.


Shirkii dhamaystirka RAOD-MAP-ka oo Gaalkacyo ku soo qababagoobay iyo War-murtiyeed laga soo saaray.

0
0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ku soo gabagaboobay Shirkii RAOD-MAP-ka ee dhamaystirka Qodobadii Shirkii Garowe ka soo baxay.
Hadaba markii uu Shirkaasi sii gabgaboobay waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 9 qodob oo qeexaya qodobadii la isku raacay.
Warmurtiyeed
Galkacayo 26 March,2012
Shirkii wadatashagiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa maanta oo bishu tahay 26 March,2012 lagu qabtey magaalada Galkacayo.
Shirka waxaa marti galiyey dowlada Puntland waxaana fududeeyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan Somalia.
Shirka waxaa kasoo qayb galey saxiixayaashii geedi socodka barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah oo ay kamid yihiin mudane sheekh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Somalia, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG ah, mudane Cabdiweli Maxamad Cali Ra’isal wasaaraha xukumada dowlada Federaalka ah KMG ah, Mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud “Farole” Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland, Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed Madaxweyne ku-xgeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamad Maxamud Yusuf “Libaax” oo matalaya Ahlu-Sunaha Waljamaca iyo danjire Augistin Mahiga ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia.
Iyadoo laga ambaqaadayo xaalada siyaasadeed ee Somalia iyo baahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhaqangaliyo barnamaijka dhameystirka ee xiliga kala guurka ah “Roadmap-ka” iyo mabaadiida lagu heshiiyey Garowe1,2, waxaa hogaamiye-yaashii shirka kasoo qayb galey ka doodeen qaab loo fulin lahaa heshiisyadaasi waxeyna isku raaceen qodobada hoos ku xusan:
1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe 1 iyo Garowe 2.
2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.
3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 100 qif waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.
4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu’maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.
5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.
6 Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.
7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.
8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.
9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa “Roadmap-ka” iyo mabaadiida Garowe1 iyo Garowe 2.
Qodobadan waxaa saxiixay dhamaan xubnihii dhinacyada kala duwan ka kala socday ee ka soo qaybagalay shirka RAOD-MAP-ka ee Gaalkacyo ka dhacay.

Burcad ka afduubtay markab Maldives

0
0

Burcada soomaalida ayaa ka afduubtay markab xamuul jasiirada Maldives.

Muxaadaro Xukunka By Sh Cabdiraxmaan Abyed Xaafidullaah.wmv

Muxaadaro Sabar Iyo Yaqiin By Sh Yuusuf Axmed Xaafidullaah

Muxaadaro Kusaabsan Aduunkan Iyo Amarada Cusub ee Hadba Lasoo Abuurayo By Sh Mustafe

Muqdisho: Nin Britain Ah oo Lagu Qabtay Airporka

0
0

Ciidamada Nabad sugidda ee DKMG ah ayaa duhurnimadii maanta ku qabatay garoonka Aden Cade International Airport ee Magaalada Muqdisho nin sita passportka dalka Britain, ninkan ayaa la qabtay markii la ogaaday inuusan sidan Dal ku galka ay dadka Ajnabiga ah siiyaan waaxda Socdaalka ee DKMG ah.

Taliyaha Hogaanka Baarista Dambiyadda DKMG ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yirahdo CID, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Xassan Bariise ayaa VOAda u sheegay in ninkan la qabtay markii ay ka shakiyeen oo ay ka baareen.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Dennis Clive ayuu Mr. Bariise da’diisu ku qiyaasay inta u dhaxeeysa 45-  ilaa iyo 50 jira, madow ah.

Ninkn ayaa shalay soo gaaray sida uu u sheegay laanta baarista ee DKMG Magaalada Nairobi isagoo ka soo tagay magaalada London.

Taliyaha ayaa sheegay in ninkan uu markii hore sheegay hadalo isburinaya ayaa markii ay baareen waxa ay ku ogadeen inuusan aqoon afka Carabiga iyo qur’aanka, waxaana uu u sheegay baarayaasha inuu ku sii jeeday magaalada Kismayo ee Koonfurta Somalia si uu halkaasi uga qeyb qaat sida hadalka uu u dhigay howlaha islaamiga ah ee ka socda.

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ee DKMG ah General C/laahi Gafow Maxamud ayaa isna qaar ka mid ah warbaahinta ugu sheegay Garoonka Muqdisho in markii ay baareen boorso uu watay ninkan ay ka dhex heleen, waxyaabo ay tuhmeen oo ay ka mid yihiin xarkaha dadka lagu merjiyo, xanjada lagu yareeyo sigaar cabidda, cararka loo yaqaab creditka, mindiyo yar yar iyo xashiishad.

Taliyaha waxa kaloo uu sheegay in weli baaritaanka uu socda ayna soo bandhigi doonaan marka uu soo gabagaboobo wixii tafaasiil ah ee dheeri ah ee ay ku ogaadaan baaristooda

Imaamnimada Shariif iyo Allaahu akbarta Mahiga :By: Bashir M. Hersi

0
0

Beri hore ayaa nin socoto ah, ku soo baxay Geel barrin bannaan daaqaya,
hadduu dhinacyada eegay, qof la jooga Geela waayey, ayuu af labadi
dhawaaqay, oo yiri: “War Geela yaa la joogooy?” wax u jawaaba ayuu
waayey, aan ka ahayn codkiisa oo ku soo laba dhacay ama ku soo
laalaabtay, mar kale ayuu ku celiyey, isagoo kor u ciyay, haddana waayey
qof u warcelisa, saa intuu neef dheer jiiday naqaskana iska saaray
yiri: “Istaaq furullaahi, illeen Geela Anaa la joogay!”.
Aadanaha waxaa haga xeer iyo xukun, iimaan iyo aqli, akhlaaq iyo Anshax,
saddax ayaase waxay yihiin horyaalka xakameeyaha Aadanaha, oo kala ah:
DHAQAN, DIIN iyo QODOB, midka hore, waxaa saldhig u ah dhaqamada
aadanaha ku nool dunida, kala duwanaasho xooggan ayaa ka jira, haddana
intii isku dhaqan ahba waa isku caado iyo camal.
Dhaqanku wuxuu ku qotomaa xeer, yaa dajiyey? Sidee loo dajiyey? Maxaa
loo dajiyey? Waa weydiimo u baahan qoraal gaara, sababtoo ah, xeer wuxuu
dhashaa marka ay dhacaan isqabqabsi, dagaal iyo xadgudub, si loo
xalliyo ayaa xeer lagu xakameeyo dadka isku dhaqanka ah la dejiyaa,
tusaale ahaan Odoyaasha waxaa halhays u ah inay dhahaan marka ay gar
galayaan: “Xaajadu ma ugubaa mise waa ab laga soo gaar? Ma bar xoolaa
mise waa beer?…IWM”.
Midka dhexe, waa amarro xagga Eebbe ka yimid, ay tahay in loo fuliyo
sida ay u yimaadeen, waxaa dadka soo gaarsiiya Nabi ama Rasuul, waa
farriimo dadka lagu badbaadinayo, laguna saxayo qaladaadka ku jira
dhaqanka aan sare ku soo sheegnay, maadaama uu asal isagu yahay.
Kan ugu dambeeya ee sadaxaad, wuxuu ka kooban yahay, isu gayn dhaqankii
iyo diintii, lagu biiriyo waxyaabaha cusub, ee aan ku qeexnayn labadaa,
xeerar is badbdala ee ku dhisan hadba baahida jirta iyo sida loo nool
yahay, kaliya ma ahan, waxaa jira xeerar caalami ah, sida kuwa badaha,
cirka, ganacsiga IWM.
Xeer kale ayaa jira, oo la yiraa: “Xeerka Kayntka” waxaa ku dhaqma
xoolaha, mid walbaa midka uu ka xoog badan yahay ayuu cunaa, haba ku
qasbanaado oo dani ha u gayso, maadaama uusan calaf iyo cunto ka
maarmin, haddii kale uu dhimanayo, haddana waxaa halkaa ka jira tacaddii
aad u ballaaran.
Haddaan  dulmarka intaa ku joojiyo, aan gudogalo dulucda faallada, muddo
bil laga jeego, mudane Mahige ayaa waraysi ku sheegay in madaxtooyada
ay qabsadeen urur diimeed la yiraa: Aala Sheekh, isagoo dhaliisha u
waday inay madaxtooyada iska maamushaan saaxiibada madaxweyne Shariif,
balse, madaxweynaha ayaa sidii lagu yaqaannay iska hadaaqay, sheegayna
in Mahiga ay Maradu ka dhaday, eray bixin siyaasadda ku cusub.
Hadalkii Mahiga aad ayaa loo dhaleeceeyey, lana billaabay mudaharaadyo
ka dhan ah, oo ay hormuud ka ahaayeen isla kuwii uu lahaa madaxtooyada
ayey qabsadeen, waxaa horkacayey mudane Dhicisow, ha ka tagin Dahir
Geelle, oo ku hadlay magaca ururka “Daljir” dhammaan waxay diidanaayeen
in Mahiga soo hadal qaaday urur diimeed, waxayba ku sheegeen in Mahiga
diinta meel uga dhacay, ama wax ka sheegay.
Hubaal inaan arrinta sidaa loo wada arkin, waqtiga ayaa kala saare ehe,
waxaa geeriyooday madaxweynii hore ee Soomaailiya mudane C/laahi Yuusuf
Axmed, aaskiisa waxaa loo xilsaaray guddi qaran, hubaal inay ahayd
tallaabo fiican, balse, ma u dhammaatay sida loo billaabay? Ma ku
idlaatay sidii loo abaabulay?.
Anigu ma doonayo inaan Marxuumka wax badan ka dhoho, oo isaga ayaa iska
dhahay intuu noolaa, mana doonayo inaan naxashkiisa ka dul naanaaleeyo,
balse, sida wax u dheceen waa qasab in loo sheego, dhaliil iyo ammaan
waxay wadataba, iyadoon cid gaara ah loo alalaasayn, haddaba, marka hore
Alle ha u naxariisto inta dhimatay, bal maanta isagaa Naxashka ku jiree
isaga ducuda aan ugu horraysiinno, ku xigiya kuwii gacantiisa ku baxay,
kuwa gacan kale ku baxaay iyo kuwa aan ku bixinba.
Sanadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “wadaadka Wadanka ha
laga qabto” qormadu waxay ku dulmeerasay madaxweyne Shariif, ka dib
markii uu saxiixay wixii ay baxsheen “Kampala Accord” balse, sida
muuqato hadalkaa meel cidla ah ayuu ku dhacay, oo cidna ma dhagaysan,
haddana, af nooli hadal kama caagane, aan mar kale ku celsho war
wadaadka yaa naga qabto, illeen wax walba dhaanyee, diin, qaran, dhaqan
iyo dhaqaale.
Anigu waxaan la yaabanaa markuu habeennadii tagay guurada ku dhexqaaday
magaalada Muqdisha, dad badan waxay dheheen hurdada ayaa ka guurtay, oo
waa isku mashquulinayaa, qaar kale waxay dheheen wuxuu xiiso u qabaa
tuutaha ciidanka, oo jecel yahay inuu mar walba xirto, oo hadduu
maalintii gashto lagama garanayo waardiyihiisa ama ciidanka uu la socdo,
sidaa ayuu habeenkii u doorbiday.
Macnaha ugu macquulsan ee laga baxshay ayaa ah, inuu tiigsanayo sooyaal
hore oo suubban, maadaama arrinta guure habeenka uu caan ku ahaa Cumar
Ibnu Khaddaab, madaxweynihii labaad ee  dawladdii Muslinku yeelato,
waliba waxaa jira dhacdo habeen ka qabsatay guurayntii uu waday, oo raad
ku reebtay, haddaba, su’aasha ayaa ah, xaggay isaga egyihiin Shariif
iyo Cumar? Guurada hubaal, in kastoo aysan isku ujeed ahayn.
Taa kaliya ma ahan waxaa looga yaabay Shariif, wuxuu doonayaa inuu
salaad kasta bixiyo, uuna imaam noqdo, buufiska uu qabay inuu Imaam
noqdo, isla markii uu  madaxtooyada madaxa soo galiyey, shaqadii uu
qabtay ee ugu horraysay waxay ahayd inuu MASJID ka dhexdhisay, dabcan
salaadahana cidi ugama tImaaddo, mararka qaarna wacdi booje ah kama
marna, oo uu dadka ku baabo.
Sida ku cad sawir laga soo qaaday Janaasadii lagu dukanayey madaxweyne
C/laahi Yuusuf, waxaa salaadda bixiyey madaxweyne Shariif, oo isagu sida
dhaqanka u ah doonaya inuu wax walba safka hore uga jiro, Jabhadnimo
sida C/laahi Yuusuf, Jananimo sida Indhacadde, Profnimo sida Gaandi.
Safka xigay madaxweyne Shariif, waliba ku aadanaa dhabarkiisa, waxaa
taagnaa Mahige, oo sida sawirka ku cad gacanta bidixi u korraysay, taa
oo ah xeer ka baxsan salaadda ay fartay diintu, haddaba, su’aasha ayaa
ah: Mahiga ma Muslimaa mise ma ahan? Ani ahaan waxba iigama xirna,
hubaal inaysan dad badanna waxba uga xirnayn, balse, dhaqan ahaan iyo
diin ahaanba ma suuragalbaa in Janaaso Muslin uu safka hor ka taagnaado
nimaan Muslin ahayn?! Waliba aan si qumman isu qaabin, aqriste bal
liilkan hoose daawa.

http://blip.tv/somaliswiss/mahiga-miyuu-muslimay-6049869

Dabaa ku doodaya haddii C/laahi Yuusuf noolaan lahaa ee safka dhinac uga
jiri lahaa, inuusan ogolaadeen in Mahiga ama qof kale oo aan xayndaabka
ku jirin uu safka soo galo, haddana, dad badan ayaa shaydaan ka
aaminsan, Shariifna Sheekh u aaminsan, aqriste bal adoon caadifadaysnayn
ka feker dhacdada, hubaal inay wax badan daahfur u tahay ama ay dad
badan u noqon doonto baraarug.
Ila wada xasuusta ergagii ka socday Qaramada Midoobay xilligii Maxkadaha
mudane François Lomseny Fall, wuxuu la dukan jiray wadaadada, mudanahaa
iyo Mahiga ma isku midbaa? Xagga xilka hubaale, haddana inuu siyaabaha
qaar iyo safafka qaar soo galo miyeysan ahayn in yac laga yiraa? Yaase
ka dhahaya?.
Midse aan kaa qanciyo aqriste, waxaa jira wadammo badan oo ay wada
dagaan dadyow kala diimo  duwan, markii qof sare ka dhinto, maamuuska
iyo ambabixinta waxaa iska leh dadka ay isku diinta yihiin,  waxaana la
isugu wada yimaadaa xabaasha oo ay dhammaan ka soo wada qaybgalaan, oo
mar walba hagidda iyo hawraarta ay gacanta ugu jirto dadka ay isku diin
yihiin, haddii uusan diin laawe ahayn, oo ballantu noqonayso guriga laga
qaado ilaa xabaasha, ama uusan dhihin maydkayga ha la gubo, oo salaanta
iyo tacsidu ku ekaanayso gurigiisa.
Dhacdadaasi dhaqan iyo diin midna laguma tixgalin, waxaase la sameeyey
wixii la doono, waxaanse doonayaa inaan arrin kale halkan ku muujiyo,
Shariif saw maanta ku dukan maayo ninkii uu shalay gaalaysinayey? Saw u
ducayn maayo illeen salaadda Janaasada ayaaba intaa ehe ninkii uu shalay
gaal waaye lahaa? Haddaba, miyey suuragal tahay in maalinna waa gaal
inuu dadka ku dhoho, maalinna uu salaad ku dukado?.
Dhanka kale, aawaye wadaadadii madaxa nooga waalay waxay ku sheegayeen
Fatwada, ee lagu gaalaysiinayey C/laahi Yuusf iyo dawladdiisii? Sheekh
Cumar faaruuq isagu waa geeriyooday Alla u raxmado, maalintiisiise Anigu
wax baan ka dhahay, waxaan doonayaa kuwa nool inay wax ka dhahaan
ninkan Xabashida dalka ku soo hoggaaminaya? Kaliya ma ahan ee waliba saf
Janaaso ku soo daray nimaan muslin ahayn! Ee haddana waxba la dhahayn,
yaab.
Ugu dambayn. Shariif mid ayaan dhihi lahaa, Mudane dadka wax u reeb, wax
walba ha isku dayin inaad hormuud u noqoto, dalka dhan ayaad hormuud u
tahay, Siilaanyo iyo Somaliland inay kugu daba fayleen shirkii London ma
ku deeqi waysay? Fadlan xoogaa arrimaha dadka say u kala mudan yihiin
ugu dhaaf, xeerka ayaa sidaa qaba, diinta ayaa dhigaysa, xukunka ayaa
qeexaya.
Midna mahige ayaan leeyahay, ha malayn in Soomaalidu wada yihiin nacasta
kuu ogolaatay inaad saf la joogsato xilli Janaaso loo taagnaa, ama ay
yihiin kuwa gafuurka duubta ee gawraca masaakiinta, xusuuso inay jiraan
dad kula xisaabtamaya, xeer iyo xukunnna kula tiigsan doona, xilna inaad
sii hayso aan marna kuu ogolaan doonin.
Midna waxaan leeyahay Soomaalida, sida maydka dushiisa loo wada sinnaa,
la ahaa garbo aan gan is dheerayn, ayaa loo baahan yahay in wax loo
qaybsado, aan marna nalagu sii dhaqin  4.5 iyo waxa la midka ah, dadku
waa dhammaystiran yahay ma jiro qof dhimman ama beel qabyo ah, dhanka
kale, xilka aan u dhiibanno qof noo dhawra dhaqanka iyo diinta, haddii
kale maalin walba waxaa lagu jirayaa waxbaa la dhaamay iyo waxbaa la
halleeyey.

Bashir M. Hersi
Brdiraac@hotmail.com


Syria oo aqbashay qorshaha nabada ee Koffi Annan

0
0

Afhayeenka wakiilka Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta ee Syria ayaa sheegay in syria ay aqbashay qorshihii lixda qaybood ee Kofi Annnan

Mahiga oo la Kulmay Culumaa'uddiin Soomaali ah

0
0

Ergeyga gaarka ah ee XGQM ee arrimaha Somalia, Augusine Mahiga ayaa gegida dayuuradaha ee Muqdisho kula kulmay tiro culimo ah.

Mahiga ayaa sheegay inuu kala tashanayey qebyo-qoraalka dastuurka iyo mustqablka siyaasadda ee Somalia.

Culimada oo iyaguna dhinacooda hadlay ayaa sheegay in ay mahiga kala hadleen sidii aan dastuurka cusub loogu soo dari lahayn waxyaabo shareecada Islaamka ka hor imanaya.

Warbixin arrintaas la xiriirta qeybta hooose ka dhageyso.

Saraakiil Djibouti ka Socda oo Beledweyne Tagay

0
0

Saraakiil ka mid ah ciidanka Djibouti ee AMISOM ayaa tagey magaalada Beledweyne si ay usoo indha indheeyaan goobihii ay dagi lahaayeen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia ay gudbi doonaan deegaanada kale ee kooxda Alshabab ay ku sugan tahay, iyaga oo meelaha laga saareyna ay iman doonaan ciidan ka socda AMISOM.

Wareysiyo arrintan la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Dagaalka xuduuda Sudan iyo Koonfurta Sudan

0
0

Inkastoo ay dooduhu aad u adag yihiin, haddana sababta dagaalkani way sahlan tahay waxaana lagu soo koobi karaa hal eray oo ah saliid

Tacsi Nabaddoon Somaaliyeed oo Finland ku geeriyooday. Innaa Lilaahi waa Inaa ileyhi raaijcuun

0
0

بسم الله الرحمن الرحيم

                      انا لله وانا اليه راجعون

                                                           كل نفس ذائقة الموت وإنما توفون أجوركم يوم القيامة

Dhammaan Jaaliyada Somaaliyeed ee Finland, waxay Tacsi tiiraanyo leh udirayaan, eheladii, qaraabadii iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed uu kageeriyooday Allaha u naxariisteen Nabaddoon Cabdicasiis Maalin Xareed” Janna Gale” oo ahaa Nabaddoonkii ugu Caansanaa uguna dadaalka badnaa wax garadka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland.Nabaddoonka oo Xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Magaalada Helsinki ee Caasimda Finland, nabaddoonka ayaa wax uu qabto ama ficil ah waxaa ugu danbeeyey in uu salaad Tukaday kadibna naftu kabaxday. انا لله وانا اليه راجعون.

Jaaliyadda Soomaaliyeed oo tacsida diraysa waxaa ka wakiil ah.

1.      Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud)

2.      Ax,ed Macalin Xasan

3.      Cali Macalin Xasan

4.      Cabdicasiis Cabdullaahi Diiriye

5.      Xuseen Cumar Barre

6.      Siciid Kaarshe Aadan

7.      Cabdi Muuse Macalin

8.      Cabdi Daahir Cabdi

9.      Cabdullaahi Axmed Xaashi

10.  Cabdinaasir Cabdicasiis Maalin Xareed

11.  Mustaf Cabdicasiis Maalin Xareed

12.  Cabdiladiif Cabdicasiis Maalin Xareed

13.  Fahad C/casiis Maalin Xareed

14.  Maxamad Diiriye Siyaad

15.  Cabdullaahi Maxamed Cali (Police)

16.  Saciid Cabdullaahi Cali

17.  Cumar Xasan Cade

18.  Maxamad Iidow Daahir

19.  Cabdisalaam Ciise Faarax

20.  Faarax Bootaan Diini

21.  Max,ed Faarax Bootaan

22.  Maxamuud Axmed Nuur (Afyare)

23.  Cabdinuur Cabdulle Dhiblaawe

24.  Mahad Maxamad Jimcaale

25.  Cali Xaashi Xersi

26.  Cali Rooble Cali

27.  Cabdullaahi Maxamed Cali Aadan

28.  Maxamed Cabdullaahi Aadan

29.  Maxamed Aadan Xasan

30.  Cabdirisaaq Aadan Axmed

31.  Cabisalaam Salaad Faarax

32.  Maxamed Xasan Shiikhoo

33.  Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud

34.  Cabdixakiim Shiikh Cilmi

35.  Cabdi Kaariye Mahad Alle

36.  Ax,ed Daahir Cumar

37.  C/raxmaan Max,ed Guure

38.  Caasho Xaaji Nuur

39.  Cabdulaahi Kaahiye Cilmi

40.  Camaley Xasan falley

41.  Cabdiwali Xasan Xaashi

42.  Cabdimajiid Axmed Maxamed

43.  Jamaal Maxamed Diiriye

44.  Calas Maxamuud Faarax (Gacamey)

45.  Siciid Dayax Cadaawe

46.  Drs. Mulki Cilmi Rooble

47.  Xalaawi Maxamed Aadan

48.  Safiyo Maxamed Aadan

49.  Deeqo Cabdi Faarax

50.  Bilan Salaad Jaamac

51.  Fardowso Xasan Xaashi

52.  Saciido Bashiir Goobdoon

53.  Gacamey Salaad Jaamac

54.  Sharmarke Max,ed Ax,ed

55.  Ax,ed Max,ud Xuseen

56.  Cali Max,ud Xuseen

57.  Xuseen Sardheeye Guuleed

58.  Max,ed Adan Xasan

59.  Cali Xaashi Cabdi

60.  Max,ed Cumar Faarax

61.  Bile Ax,ed Daahir

62.  C/kariin Sh Cilmi

63.  Max,ed Cismaan Waadhowr

64.  C/nuur Ax,ed Kullane

65.  C/nuur Ax,ed

66.  C/hi Sh Cali Bood

67.  Abuukar Ax,ed Huburow

68.  C/salaan Ciise Faarax

69.  C/raxmaan Max,ed Mahdi

70.  Ax,ed Mx,ed Barqadle “ Wagaafe”

71.  Ax,ed Jaamac Geelle

72.  Max,ed Max,ud Max,ed

73.  C/hi Abukar Cismaan

74.  Cabdi Dhicisow Jimcaale

75.  Xabiib Max,ed Rooble

76.  C/kaafi Qaasin Shirwac

77.  C/risaaq Xasan Muuse

78.  Xuseen Muuse Cawaale

79.  Xasan Cabdi Barre

80.  Ax,ed Max,ed Cumar

81.  Max,ed Xasan Mataan

82.  C/weli Aadan C/lle

83.  C/risaaq C/lle Max,ud

84.  C/qaadir Max,ed Adan

85.  Nuux Cali Naaleeye

86. Cali Macalin Xuseen (Sayid Cali)

 

Muxaadaro Dulmiga By Sh C Xanbali Xaafidullaah Ka Faaiideysi Wanaaagsan

HRW: Dad ayaa Sharci Darro Loogu Dilay Somalia

0
0

Hay’adda u dooda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ku eedeeysay maleeshiyaad taabacsan DKMG ah iyo kooxda Al-shabab inay dad xukun la’aan iska dileen, magaalooyinka beledweyne iyo Baydhabo oo dhawaan ay qabsadeen iyagoo kaashanaya ciidamada Ethiopia.

Hay’adda ayaa ugu baaqday masuuliyiinta Somalia inay qaadaan talaabo deg deg ah oo lagu joojinayo gabood falada lagu kacayo, isla markaana lala xisaabtamo kuwa masuulka ka ah.

Ha’adda, oo soo xiganeysa xog-wareeysiyo ay la yeelatay dadka rayidka ah ee magaalooyinkaasi ku nool, ayaa sheegay in tan iyo markii magaalooyinkaasi laga qabsaday Al-Shabab ay xaaladda amaanka sii xumaaneysay.

Dad ay hay’adu wareysatay oo ku sugan Baydhabo iyo Beledweyne ayaa sheegay inay filayeen in marka Al-shabab meesha laga saaro ay xaaladooda amaan wax weyn iska bedeli doonto hase yeeshee aysan taasi dhicin

Leslie Lefkow,  oo ah ku xigeenka agaasimaha hay’adda Human Rights Watch ee Africa ayaa sheegtay in Dadka rayidka ah ee ku nool labadaasi magaalo ay filayaan, in hanjabaadaha, cabsida, iyo cadaadiska ay Al-shabab ku heysay ay meesha ka baxayaan, balse bey tiri arintu ay noqotay, in kuwo wax dhibaateynayay ay un bedeleen kuwo kale oo la mid ah.

Hay’addu waxey sheegtay inay la hadashay ehelada iyo dad goob joog u ahaa ilaa iyo todoba qof oo lagu dilay magaalada Beledweyne oo ay dileen Maleeshiyaadka Ahlu-sunna, iyo kuwa Isbaheysiga dooxadda Shabeele ee magaalada la soo galay Ciidmada Ethiopia, oo ka jawaabayay weeraro ay ku soo qaadeen Al-shabab. Sidoo kale waxey ku eedeysay maleeshiyaadka jir dil iyo tacadiyo kale oo ka dhan ah xuquuqul insaanka.

Hay’adda ayaa sidoo kale ku eedeysay kooxda Al-shabab dilka laba qof oo rayid ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba 25kii Febryary iyo 11kii bishan March.

Sidoo kale waxey sheegtay in ciidamad dowladda oo ka Jawaabayay bam gacmeed lagu soo tuuray suuqa baydhaba ay rasaas aan loo aaba yeelin ku dileen ugu yaraan lix qof oo rayid ah 21kii bishan.


Majmaca Culimada Soomaaliyeed; "Mhiga danta Soomaaliya ma wado ee halaga qabto haddii kale dalku wuxuu gelayaa..."

0
0

Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa ka qeyliyay hab-dhaqanka siyaasadeed ee Ambassador Mhiga, Ergayga QM ee Soomaaliya.

Goluhu wuxuu ka digayaa siyaasadda uu haatan ka wado Mhiga dalka Soomaaliya waxayna ku eedeynayaan inuu hagardaamo iyo dhibaato ka wado gudaha Soomaaliya waa sida uu Majmacu ku doodaye.

Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliya Shiikh Dhicisoow oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed oo aan kala harin ay ka dhiidhiyaan dhaqdhaqaaqyada uu wado Mhiga haddii kale uu dalku geli doono gumeysi ama san-duleys cusub.

Hadalka Shiikh Dhicisoow ayaa jawaab u ah sida ka muuqata hadalkii uu Mhiga warbaahinta u sheegay ee ku saabsanaa kulan la xiriiray Dastuur u sameynta Soomaaliya oo uu la qaatay Culimo Soomaaliyeed.

Mhiga ayaa waxaa marar badan ka qeyliyay siyaasadiisa dad badan oo arrimaha Soomaaliya saameyn ku leh waxaana xusid mudan in xitaa dowladda Soomaaliya madaxda u sareysa ay ka gilgilatay odayga dhaqankiisa siyaasadeed.

halgankanet@gmail.com

Madaxweyne Shariif oo shirka Carabta magaalada Baqdaad uga qeybgelaya (Shariifka oo qaraxyada Baqdaad iyo Muqdisho is-barbardhigaya)

0
0

Madaxweyne Shariif oo haatan kulanka Jaamacadda Carabta uga qeybgelaya magaalada dagaalada iyo qaraxyada ka daashay ee Baqdaad ayaa wuxuu la kulmay Ra'iisal wasaaraha Ciraaq Al-Maaliki wuxuuna kala hadlay xiriirka labada dal.

Shariifku wuxuu sidoo kale halkaas ka jeedin doonaa khudbad uu ku faahfaahin doona xaaladda siyaasadeed ee hadda ay dowladdiisu ku jirto iyo yoolka u calaamdeysay ee ay hiigsanayaan kahor inta aan booska laga riixin ama magaca laga bedelin bisga Agoosto ee soo socota.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif ayaa sheegay sida warar hoose lagu helayo in Muqdisho ay tahay "i qarso" marka la barbardhigo qaraxyadeeda iyo kuwa Baqdaad wuxuuna asxaabtiisa la socota ku qanciyay inay ku qancaan xaaladda ay hadda ku jirto Muqdisho.

Baqdaad ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo abaabulan oo daraasiin dad ah markii noloshooda galaafta.

halgankanet@gmail.com

Soomaaliya oo masaafurisey nin British ah

0
0

Nin British ah oo toddobaadkan lagu xiray Somalia ayaa laga masaafuriyey Muqdisho, laba maalmood kadib markii uu xirnaa.

Odayaal reer Somaliland ah oo Jigjiga Tagey

0
0

Xubno ka tirsan Golaha Guurtada Somaliland iyo oday dhaqameedyo ayaa magaalada Jigjiga u tagey nabadeyn laga geysanayo degmada Gaashaamo oo la sheegay in ay shaqaaqooyin ka dhaceen xiliyadii dambe.

Wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Geerida Cabdullaahi Yusuf

0
0

Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf Axmed wuxuu ku dhashay tuulo ku dhow magaalada Garowe sannadkii 1934-tii sida uu ku qoray buuggiisa Halgan iyo haragrdaamo.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live