Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Doorashada baarlamaanka Burma

$
0
0

Wali natiijada si rasmi ah looma sheegin laakiin xisbiga muvcaaradka ee Aung San Suu Kyi ayaa qaba kalsooni inuu helay afartan iyo saddex kursi.


Hadalkii Xasan D. Aweys Maxaa lagu Micneyn Karaa?

$
0
0

Sheek Axmed Dhicisow oo ah Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xasan D. Aweys uuna Alshabab kasii tirsanaan karin.

Waxa uu sheegay in markii Xasan Daahir Aweys uu ku biirayey Ururka Alshabab uu waayey kala doorasho kale, hase yeeshee uuna mar walba la afkaar aheyn Alshabab iyo madaxdiisa.

Wareysi arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Muranka Baarlamaanka DKMG ee Somalia

$
0
0

Xubnihii Baarlamaanka ee kasoo horjeeday Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa sheegay inay wadaan diyaarinta doorashada Madaxweynaha.

Xubnahan ayaa sheegay in toddobaadkan qorsheynayaan inay dhisaan guddiyadii doorashada Madaxweynaha, si bisha June ee soo socotaba loo helo Madaxweyne diyaar ah, ka hor inta aan la gaarin xilka kala-guurka ah.

Dood arrintaas ku saabsan, qeybta hoose ka dhageyso.

Guddiga Dastuuka oo Wadatashiyo Wada

$
0
0

Dr. Cali Siciid Fiqi oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ayaa VOA u sheegay inay wadaan wadatashiyo ay la yeelanayaan Soomaldia qurbaha,.

Dhinaca kale, Website-ka VOA waxaad kala socon kartaa  cutubyada qabyo-qoraalka dastuurka.

Wareysiga Dr. Cali Faqi, ka dhageyso qeybta hoose

Shir looga hadlaayo Mali

$
0
0

Hogaamiyayaasha galbeedka Afrika ayaa maanta ku shiraya Sanegal si ay uga hadlaan xaalada Maali.

Diyaarado Duqeeyn ka geestey deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

$
0
0

Gedo-hobyonet)Wararka ka imaaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Ceel Cadde oo gobolkaasi ka tirsan maanta duqeeymo loo adeegsadey Diyaarado ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Kenya oo ciidamadoodu gudaha ugu jiraan Dalka.
Sheekh Maxamed xuseen Qaadi oo Ahlu Sunna u qaabilsan dhinaca Gede ayaa saxaafadda u sheegey in weerar qorsheysanaa lagu qaaday deegaan uu sheegay inay isku urursanayeen ciidamada xarakada al-shabaab ee gobolka Gedo ku sugan sida uu yiri.
Al-Qaadi ayaa cadeeyey in diyaaradaha geestey weerarka duqeynta ah laga lahaa dalka Kenya oo uu sheegey inay iyaga garab u yihiin kana dhexeeyo cilaaqaad xagga ciidanka ah, waxaana uusan xusin inta uu la egyahay qasaaraha ka dhashey duqeyntaasi diyaaradaha Kenya ka u geesteen Ceel Cadde.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xarakada al-shabaab oo ay ku beeninayaan jiritaanka warkaasi,iyo sidoo kale dhinaca dowladda Kenya iyo DKMG ayaan ka hadlin ilaa iminka Duqeyntaasi la sheegey in Ceel Cadde ay ka dhacdey.
Ma aha markii ugu horeysey oo diyaaradaha dalka Kenya duqeemo ka geestaan meelo ka tirsan dalka Soomaaliya,iyadoo la xusuusto in duqeymo xoogan oo ay Kenya ka geeysatay Gobolo ka tirsan Soomaaliya ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.
 
www.hobyonet.com

Safiirka Turkiga: Shirka aan u qabanayno Soomaaliya wuu ka duwanyahay kii ay Siyaasiyiintu keliya ka qeybgelayeen”

$
0
0

Muqdisho-hobyonet) Iyadoo jiritaanka Dowladda Soomaaliya la sheegey inuu ku egyahay bisha ogoosto ee soo socota ayaa hadana Dowladda Turkiga dooneysaa inay Shir kale u qabato Dalka Soomaaliya.
Dowladda Turkiga oo iminka saameyn ku leh Dalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisey Shirka ay horey ugu balan qaadeen inay dalkeeda ugu qabanayaan qeybaha siyaasadda ee dalka Soomaaliya kaasi oo ay balan qaadeen intii lagu guda jirey Shirkii London ee dhacay bishii Febuary.
Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Kamaludiin Turan ayaa maanta saxaafadda u sheegay in Dowladiisu ay qaban doonto shirkaasi lagu doonayo inuu soo afjaro dhibaatada mudada dheer ka jirtey Soomaaliya,isagoo intaasi raaciyey in shirkaasi uu ka dhici doono Magaalada Istanbul ee caasimadda Turkey.
Turan ayaa sheegay in Shirarka Soomaalida inta badan ahmiyada la siiyo Siyaasiyiinta balse waxa uu sheegay in Shirkaani uu yahay mid ka badalan kuwii hore oo ay ka qeyb galayaan bulshada rayidka ah, isagoo beesha Caalamka ka codsaday in ay ansixiyaan go’aanada kasoo baxaya Shirka.
“Inagu waxaau diiradda saareynaa Ahmiyadda ka qeybgalayaasha shirka waxaana ka qeyb geli doona Haweenka,Dhalinyarada, Aqoonyahanada inta waxgaradka si arintu ay u noqoto mid ahmiyad gooni ah leh oo beesha caalamkuna si xushmad leh u aqbalayaan” ayuu raaciyey safiirka.
Inkastoo Dowladda Turkiga ay sheegeyso in shirkaasi uu dhici doono ayaa hadana waxaan la ogeyn waxa xigi doona, marka la gaaro bisha Ogoosto oo sida lagu soo ansixiyey Shirkii 23-kii Febuary ay ku egtahay jiritaanka dhamaanba  Heyadaha Dowliga ah ee DKMG.
 
www.hobyonet.com

Qoyskii Hogaamiyihii Al-qaacida Sheekh Cusaama Bin Laden oo xukuno lagu ridey

$
0
0

Karachi-hobyonet)Maxkamad ku taala dalka Pakistan ayaa xukun ku riday xaasaskii Osama bin Laden iyo qaar ka mida caruurtiisii ka dib markii lagu eedeeyay in ay si sharcidaro ah ku dageen dalkaasi.
Makamada ayaa ku xukunta sadax xaas oo uu ka geeriyooday Osama iyo labo kamida gabdhihiisa hal bil iyo bar xabsi ah ayadoona dowladda ku amarta in diyaariso sidii dadkaani looga maasaafurinlahaa dalkaas.
Zakarya Ahmad Abd al-Fattah oo ah walaaka haweynay Yemen u dhalatay oo uu ka dhintay Osama ayaa wariyayaasha u sheegay in xukunka uu sidoo kale wehliyo lacag ganaaxa oo gaareeysa 10-kun oo rupees.
Muhammad Aamir, oo ah qareenkooda ayaa sheegay in xabsiyeenta dadkan uu ay bilaabatay 3-dii bishii March markaas oo rasmi ahaan loo xiray ayadoo lagu eedeeya in si sharci daro ah ku soo galeen dalkaasi ismarkaana ay ku dageen, waxana uu intaasi ku daray in guri lagu hayo hada oo ku yaala Islamabad ay sii joogi doonaan.
Xasaaskii Bin Landen uu ka geeriyooday oo labo ay u dhasheen dalka Sacuudi halna ay u dhalatay Yemen iyo caruurtooda ayaa ku jira gacanta mas’uuliyiinta Pakistan tan iyo markii ninkaasi la dilay sanadkii la soo dhaafay.
Bin Laden, oo dhuumasho ku jiray tan markii weeraro qaraxya ah ay ka dhaceen dalka Maraykanka 11 September 2001, ayaa bishii May ee sanadkii la soo dhaafay waxa ay ciidamo gaar ah oo ay Maraykanku leeyihiin ku dileen Magaalada Abbottabad oo wax yar u jirta caasimada dalkaasi.
 
www.hobyonet.com


Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya, kuwa dowladda iyo Shabaab ayna diyaarado dagaal ka qeyb galeen oo ka dhacay Gedo

$
0
0

Dagaalo culus oo ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal ayaa ka dhacay Gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Shabaab, iyadoo dagaalka uu ka dambeeyay markii wadada loo galay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa ka dhacay deegaan u dhow Ceel-Cade, markii ciidamada Kenya oo ka yimid dhanka ceel-waaq Shabaabka ay wado gal ku sameeyeen.
Diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ayaa duqeyn cirka ah u geystay deegaanka lagu weeraray ciidamada, iyadoo dhowr gantaal la dhacday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in qasaare xoog leh gaarsiiyeen Shabaab, ayna ku dileen ilaa 12-ka tirsan dagaalyahanada Shabaab.
Mr Kaliil ayaa sheegay in kooxihii jidka u galay awoodooda lagu wiiqay diyaaradaha Kenya ee beegsaday fariisimahooda, inkastoo aanu dhankiisa sheegin qasaaraha soo gaaray.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka socday in ka badan hal saac, kaasoo ahaa dagaalkii ugu cuslaa halkaas ka dhaca mudooyinkan ee ku dhex mara labada dhinac.
Dhinaca kale saraakiil u hadashay Shabaab ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Kenya, markii dagaalka ay ku qaadeen kolonyada.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Kenya oo ku aadan dagaalka iyo sheegashada Shabaab ee ku aadan sarkaalka ay dileen.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya, Cabdiqani Wacays.

Tahriibka dhallinyarada

$
0
0

Safiirka Soomaalida eeTripoli ee dalka Libya, Cabdiqani Maxamed Wacays, ayaa sheegay in boqolaal tahriibayaal Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada ku yaalla dalka Libya. Maryama Cusmaan Axmed (maariya), oo 21 jir ah, ayaa ka mid ah tahriibayaasha.

Xarakada Al Shabaab oo caawa khasaaro xoog leh u geysatay Ciidamadda Dowladda Itoobiya

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay caawa fiidkii ay khasaaro xoog leh ay u geysatay Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee gudaha u soo gallay Gobolka Gedo, waxayna Al Shabaab u geysatay khasaarooyin kala duwan.
Dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab ayaa waxay wadada u galleen Ciidamadda Dowladda Itoobiya, xilli caawa fiidkii ay marayeen Deegaanka Bohol Bashiir ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay ugu geysatay khasaarooyin kala duwan.
Ciidamadaan ayaa waxay ku sii jeedeen Gobolada Baay iyo Bakool, waxayna markoodii hore ay ka yimaadeen dhinaca Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyagoona soo maray Degmada Luuq ee isla Gobolka Gedo.
Ciidamadda Al Shabaab ayaa waxaa la-sheegay in gantaalaha garbaha laga tuuro ay si weyn ugu garaaceen Ciidamadda Dowladda Itoobiya, waxaana halkaasi ka soo gaaray khasaarooyin iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo baabuur la-sheegay in laga gubay.
Ciidamadda Al Shabaab oo weerarkaasi ugu soo talla gallay, ayaa waxay Ciidamadda Itoobiya ay Deegaanka Bohol Bashiir ay kula galleen dagaalo culus oo ay isku adeegsadeen noocyada kala duwan ee hubka.
Meydadka iyo dhaawacyo ka tirsan Ciidamadda Itoobiya ayaa waxaa laga tallaabiyay dhinaca Degmada Doolow, waxaana lagu wadaa in halkaasi lagu daaweeyo, iyadoo dhinaca kalana aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadaasi, laakiin wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.

Booliska Giriiga oo Lagu Amray inay Baadhaan Guryaha Muhaajiriinta

$
0
0

 
.
 April 3,2012.(Togdheernews).Dhibaatooyinka muhaajirinta ku nool dalka Giriiga ,ayaa noqday bomb ku qarxaya caafimadka wadankaasi, una baahan ina  loola tacaalo si adag oo masuulinimo ku jirto. Wariiska Caafimadka Mr.Andreas Loverdos iyo kan Ilaaladda Mu'waadiniita Mr.Michalis Chryssohoidis, ayaa ka digay dhibaatada Muhaajiriinta ku nool wadankooda, maray wada jir uqabteen shir jaraa'id maalintii Axadii.
Xalaadan ayaa timid kadib iyadoo la sheegayo inay Giriiga ay ku noolyihin 1 milyan oo muhaajirin ah – oo qaarkood sharci ku degan yihiin laakin intooda badan waa bilaa sharci, waxayna dhibaatooyin ku abuureen dhanka caafimaadka iyo amniga. Labada Wasiir ayaa ka digay ,tusaale ahaan in xanuunka AIDS-ku aad u kordhay , waxana dhacaday dhawaan ilaa 62 guryaha dumarka jidhkooda ka ganacsada in laga helay Cudurkaasi, kuwaasi oo dhamaan aan haysan waraaqda caafimaadka ( Health certificate).Waxa kale oo jirta ina xanuunada leys qaaad siiyo ay kor u ka ceen , goobaha qaarkoodna ay dhibaatooyinku xad dhaaf noqden.
Waxay  Masuuliyiintani shaaca ka qaadeen inay ka bilaabi doonan baadhintaano dhanka caafimaadka iyo saxadda ah  dhamaan goobaha ay degan yihin muhaajirintu isla markaana guryaha sharci darrada lagu degan yahayna la xidhi doono, halka mulkiilayaashana sharciga la hor keeni doono.Waxa kale oo ay labada wasiir sheegeen ina bisha April gudaheega ay xarumaha  loogu talagalay in lagu hayo muhaajirinta ay shaqada bilabayaan.Xarumahan aya ah ilaa 30 goobood oo mid kasta qaadi karto dad gaadhaya ah ilaa 1,000 qof.
Muhaajirintan waxa lagu xereyn doonaa xarumahan ilaa inta kala saarista la dhameystiraayo dibna loogu celinaayo wadanadoodi
Wariye-Xasan Cige Karani: Togdheernews, Athens, Greece

Shareecada Islaamka iyo Heshiisyada Caalamiga ah

$
0
0


Dadyowga ku dhaaqan Caalamka, waxaa ka dhexeeya xiriirro la jaan qaadaya  hadba xaaladda ay ku nool yihiin ee  nabadeed ama colaadeed.
Dunida aan ku noolnahayna suurto gal ma ahan in qof uu kaligii noolaado isagoo aan xiriir la yeelan bulshada meel kula nool ama kuwo ka fog.
Sidoo kale dowladaha iyo dadka caadiga ah, waxaa dantu ku khasbaysaa in ay yeeshaan xiriir dhinacyo badan, iyagoo kala saxiixda heshiisyo iyo ballammo adag oo hadba mowduuc ku saabsan.
Shareecada Islaamku waxay dadka ku boorrisay in ay ballammada oofiyaan,  ballan ka baxana waxay shareecadu ka mid dhigtay tilmaamaha munaafiqiinta.
Soomaalida waxay ku maahmaahdaa ( Ballan Darro, Waa Diin Darro), macnuhu waxaa uu noqonayaa qof aan ballan lahayn diin ma lahan.
Haddaba Barnaamijkeenna Tubta Toosan ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay Shareecada Islaamka iyo Dhowrista heshiisyada caalamiga ah xilliyada colaadaha iyo nabadda intaba.
Barnaamijka waxaa noog marti ah Sheikh Cabdullaahi Axmed garruun oo ka mid ah culimmada Soomaaliyeed, si gaar ahna ugu takhasusay shareecada iyo Qaanuunka.
Halkan ka dhageyso Barnaamijka oo dhan Dhageyso

Mali: Cunaqabateyn Lagu Soo Rogay Milatariga

$
0
0

Dalalka Galbeedka Africa ayaa cuna qabateyn ku soo rogay dalka Mali, halkaasoo hogaamiyaasha afgambiga milatari dalkaasi ku qabsaday ay wacad ku marayaan inay soo celinayaan xukunkii rayidka ahaa, inkastoo ay weli dalkaasi xoog ku heystaan.

hogaaniyeyaasha dalalka ku bahoobay ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga ee  galbeedka Africa ee marka  magaciis la soo gaabiyo la yirahdo ,ECOWAS, ayaa go’aan ku gaaray isniintii inay hirgeliyaan cuna- qabateyno  deg deg ah oo dhinaca diplomaasiyadda iyo maaliyadda ah oo lagu soo rogo Mali.

Dalalkan ayaa xiray xuduudaha ay la wadaagaan Mali, waxyna sidoo kale jareen lacagihii dalkaasi gali jiray ee ku xiraa bangiga dhexe ee Gobolka.

Go’aanka ay dalalkan gaareen ayaa ka soo baxay kulan ay hogaamiyeyaashooda ku yeesheen Caasimadda dalka Senegal ee , Dakar, ka dib markii uu dhamaaday 72 saacadood oo loo qabtay milatariga Mali inay dalkaasi ku soo celiyaan nidaamkii dastuuriga ahaa.

Axadiina, hogaamiyaha Afgambiga , Captain Amadou Sanogo  ayaa sheegay in dastuurkii dalkaasi Mali iyo dhamaan hay’adihii wadanka la soo celinayo, hase yeeshee uusan waqti u qaban xilliga a doorashooyinka dhacayaan.


USA: Qaado $10m haddaad qabato Hafiz Saeed

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in ay $10 milyan ku bixiso soo qabashada Mohammad Hafiz Saeed oo ku eedeysay weerarkii Mumbai.

Soomaali: is ma dhaanto iyo dhasheed

$
0
0

Siday  u dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, waxaa wadanka
gees ka gees soo galay Jabhado hubaysan, lana baxay magacyo ay horgale u
ahaayeen Shibbanaha ‘S’ saabse u ahaa ururro siyaasadeed, ninkii aan
surka suran saaxada lamaga maqlayn sawaxankiisa, seyladda suuqa
siyaasaddana sad kuma ahayn, haddaan Shibbanaha “S”  wax lagu saabin,
saxan ballaaran iyo sawd dheer si aad wax ugu soocdo, lama huraan in
shibbanahaa horgale kuu yahay.
Aqriste bal milicso magacyadan horgalaha uu wada yahay shibbanaha “S”,
si aad u ogaato sida wadanka loo wada cuuryaamiyey: SSDF, SNF, SPM, SDM,
SNM, SSNM, SNL, USC, USSC, USC/SNA, USC/SSA iyo kuwo kale.
Ururadaa waxaa horkacayey xubno madani iyo ciidan isugu jiray, haba u
badnaadeen ciidane, maadaama ay arrintu ku biya shubatay “Nimaan Shantu
kaa celin Sharci kaama celsho!” magacyada shibbanaha “S” ka billowda
waxaa ku baxay QARAN iyo QAWMID ku dhex nooleed, magac iyo muunad dhex
taallay, madaxtinimo iyo maarayn ka jirtay, nidaam iyo nabad lagu
noolaa, lama soo koobi karo waxyaabaha lumay, dumay, jabay, dhacay,
qaybyoobay iyo falliirmay, oo waxaa nooga filan midda aan ku sugannahay.
Shibbanaha “S” ee horgalaha ah, wuxuu u taagnaa beel ama siyaasiga la
baxa qabiilkiisa, haba jiraan isbahaysiyo aan sidaa u sii buurnayn,
haddana gunta hoose ayaa ahayd beelo la huwiyey xarafka billowga u ah
Soomaali ee “S”, malaha maadaama Jabhadaynta laga soo wada billaabay
Xabashi, ayaa qof walbaa ku salgooyey Shibbanahaa, si aan looga sasin,
dadkuna uga didin, dawladduna ugu kicin gaas dhagoolaha iyo guutooyinkii
wax qaban waayey.
Hadday wadankii soo galeen, iyaga ayaa is cunay, is riiqay, kuna hoobtay
dagaallo aan dhammaad lahayn, qaarkood waxay ku bexeen dagaalladaa,
qaarna iyagoo ciil qaba ayey dhinteen, halka qaarka kale ay meelaha
sidii coon coomaadaan, sida la wada dheehan karo dadku ma filan in sidaa
wax u dhici doonaan, ma maanayn in sidaa wax ku idlaa doonaan, ma
qiyaasin in sidaa wax ku dambayn doonaan, balse, waa aragti
gaabnideennee noqotay mid na hortaal, walina aan dhex naal.
Haddi si aan u wada garanno aan magacaabo, xubnahaa duugoobay ee
deegaanka dagaalka ku kiciyey, waxaa ka mida: Gen. Maxamed faarax
Caydiid,  Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo C/raxmaan Tuur, Cali Mahdi
Maxamed na gadaal ayuu ka soo galay, ka dib markii ay is maandhaafeen
isaga iyo Caydiid, oo isu rogay dagaal umulo dooxa. Aqriste wajiga ha
duubin, qofna qof kale uma ahan wakiil, wuxuuse qof walbaa masuul ka
yahay wuxuu sameeyey, loogu qiilin maayo: wuu ku kadsoomay, aqoon uma
lahayn iyo waxba ma qaban karin! Mardhaw fisha qormada cinwaankeedu
yahay: “Qaldanaha ha u qiilin!”.
Hadday kuwaasi xal keeni waayeen, magacii “S” ka billaabanayana wax soo
kordhin waayey, waxaa kaalinta lagu wareejiyey rag aan ka wanaagsanayn,
waxay ku can bexeen qabqable, hogaamiye kooxeed iyo dagaalooge, waxay
dadka dhadhan siiyeen inta Jabhadihii hubaysnaa ka dhiidhin jireen,
waxaa la yaab ah marka ay noqdeen kooxo ay kala barto waddo kaliya,
laami ama luuq qura.
Haddaad u tallaabto laamiga dhankiisa kale, waxaad u galaysaa qabqable,
haddaad luuqa ka dhex dusto eed uu tallaabto wadada weyn, waxaad
galaysaa deegaan qabqable kale, xusuusta ku hay mid ayaad iminka ka soo
dhammaatay, wax ay isu jiraan mallahan, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu
wax xukumo, qaarkood waxayba la bexeen magacyada ay ka midka yihiin AL
XAAJI.
Magacyadooda waxaa nooga filan: Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare
Afrax, Cismaan Caato, Cabdi Qaybdiid, Maxamed Dheere, Xuseen Caydiid,
Cumar Finish, Gen Gabyoow, Cumar Xaaji Masalle, Cumar Xaashi Aadan, Col.
Cabdi Warsame Isaaq, Col. Cumar Jees, Col. Maxamed Nuur Caliyow,
Xaabsade, Shaati Guduud, Seeraar, Furux, Fara badan, Gen, Moorgan IWM,
oo ma iyagaaba dhammaanaya!
Iyadoo lala liicliicayo qabqable dhibaatadiisa, ayey xilka ku
wareejiyeen wadaaddo, dadkii waxaa ka soo go’day neef xooggan, iyagoo
fishay wanaag iyo garsoor, maadaama wadaadadu diinta Eebbe wax ku
dhaqaan, waxaase dhacday “Dhedo Roob noqon waysay” mayee waxaa dhacday
“La mood noqonse wayday” maya waxaa dhacay “Ka dar oo Dibi dhal”.
Haddii wadaadadii dalkii qabsadeen, ka sokow leejada ay qaadaan, waxayba
gabi ahaan hor istaageen ganacsiga qaarkood, iyagoo xirid kaliya aan ku
ekeysane, jajabin iyo burburin weyn u gaystay qalab aad muhim ah u ahaa
filimada iyo shaneemada, taa kaliya ma ahan, waxaa yaraatay xoriyadda
hadalka iyo hawraarta.
Jihaad iyo Janno jeeb afar jeeble ku jirta ayaa dadkii lagu jujuubay,
waxaa billowday wadahadallo u dhexeeyey dawladdii C/laahi Yuusuf iyo
Wadaadadii Waallida waday, ayaan darro waxay ku idlaadeen isfaham
la’aan, dagaalna la wada iclaasnshay, wadaadadii waxay ballan qaadeen
inay Iidda soo socota Addis Ababa ku dukan doonaan, Xabashida ayaase
Iiddii xeebta Liido ku xaragoonayey!
Aan iyagana magacyo ka xusno, waa sida qabqablayaashoo ma
dhammaanayaane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/raxmaan Janaqow, Prof
Ibraahim Caddaw, Abuu Mansuur Rooboow, Godane, Shangole, Ceyroow, Xasan
Daahir Aways, Cali Dheere IWM.
Haddii wadaadadii gacantooda laga saaray maamulkii, ayna noqdeen kuwa
hawdka, kaynta iyo toonta gala, iyo qaar ku caariyey Eratrea, Asmarana
xarun ka dhigtay iyo qaar xabbad dabada sii hayey, dagaal umulo dooxana
wadankii ku baahiyey, ayaa waxaa nagu soo burqaday kuwa aan ka roonaan,
haddii aysan ka darnayn, wata magac qurxoon, oo ay ka dhadhamayaan ama
ka udgayaan ilbaxnimo, aqoon iyo aragti fog.
Waxaa wadankii dhan wada qabsaday magaca Prof iyo Dr, magacyo badanna
horgale looga dhigay, haddaadan dhihin ama ku dhawaaqiin aadba
dambawday, bal ila arag aqriste magacydan iminka aad saaxada u haysta:
Prof Gaandi, aqoon ayaa ka burqanaysa ayaa nalagu yiri, magacaba ka
garo, haddana, maanta waxa uu faraha kula jiro, ila eeg, ma nin aqoon
leh ayaa waxaas oo kale sameeya? Mayee, Jaahil dadnimo leh xitaa isuma
quuro, iska daa nin isu malaynaya inuu indhaha bulshada yahaye.
Prof C/raxmaan Ibbi, Isaguna wuxuu hormood ka ahaaa kooxdii iibsatay
Seeraha Badweynta Hindiya aan ku leenahay, micnaha wuxuu wax ka saxiixay
Heshiiskii Is afgarad ee lala galay dawladda Kenya, ee lagu saxiixay in
Soomaaliya biya xideedkeedu noqdo 13M, haddaba ma la dhihi karaa waa
Prof?.
Prof C/raxmaan Faroole, isugu waaba budo gaar u tuman, magac kaliya ma
ahan, waxaaba u dheer takoor, faquuq iyo hayb sooc uu ku hayo beelaha
Soomaaliyeed qaarkood, haddana waxaa lagaa gadayaa waa aqoon yahan
bushada wax u bartay, waxna ku bartay canshuurtii laga qaaday bulsho
weynta Soomaali.
Prof Cabdiwali Gaas, waxaa loo hanweynaa inuu isbadal weyn samayn doono,
oo la xiriira dhan walba, wuxuuse ka dhammaan waayey Puntland,
siyaasiyiinta qarkood qabyaaladdu waa ka fiixdaa, isaguse waaba ku
Faataxaystaa, oo si joogta ah ayuu ugu Wardiyaa, malaha la’aanteed
wuxuuba noqon lahaa qof kale!
Inta aanan gaarin gabagabada qormada aan sameeyo sadarro isku xiran oo
saab wacan leh, si ay u caddaato liilka ay ku laaban tahay qormadu,
sheekadu waxay ku billaabaty “S”, LAND, ayaa ku xigay, WILAAYO, ayaa ku
xigtay, haddana STATE  iyo PROF ayaa shidan, si kale haddaan u dhaho
waa: mar waa JABHAD, mar waa QABQABLE, mar waa WADAAD, mar waa PROF,
marna waa MADAXWENE TUULO.
Soomaalidu aqalkii “Mudulkii” ay daganayd tiirarkiisii waxaa galay Xor
ama Xorre, siduu udub dhexeedka iyo dhakawhadii kale u cunayey ayaa
aqalkii dumay, maadaama uu dhammaaday dhuuxii geedku lahaa, ka dib ayey
barrin bannaan ku soo beegmeen, waxaa ku dhacday hoy la’aan iyo hargal
la’aan.
Iyagoo sidaa ah, ayaa waxaa ku soo baxay Beloqabe, waxay dab
qabadsiiyeen agab iyo oomato wixii u cayntay, dabkii qabsaday waxaa ka
dhashay holoc iyo qiiq qariyey dhammaan gobtii, aan marnaba la arkayn
qof iyo qar toona, sidaa waxay noqdeen kuwa ka arradan how iyo hunguri.
Haddii ay taagan yihiin barrin bannaan, ayaa waxaa ku soo baxay Baabshe
leh waxaan wadnaa dawo samatbixin ah, magacu waa sahlan yahay, waa
Tahliil ay tufaan, ayna tahay inuu qof walbo cabo, biyaha Tahliisha laga
dhigay lama eegin inay nadiif yihiin, ama ugu yaraan lagu daray
Koloriin, si aysan meesha uga dhalan cudurro qatargalin kara noolaha.
Sidaaba ma noqone, waxaaba dadkii la cabsiyey ajo calow ah iyo dhiiqo
aan dhadhan lahayn, dheehooduna mar hore doorsoomay, dabcan inta biyaha
lagu Tufayeyna candhuufi ku fanfaniintay, kuwa tufayana caafimaadkooda
aan laga warqabin, haddii ay dadkii cabeen, waxaa ku dhacay daacuun da’
walba ku dagay, waxaana deegaankii ka dillaacay dacar ay u dhinteen dad
aad badan, walina u dhimanayaan.
Halkaa isagoo xaal marayo, ayaa waxaa deegaankii yimid Dafaqle, oo ku
andacoonaya inay dawaynayaan dadkan, ayna u baahan yihiin guryo iyo
aqallo, ayna tahayn in wax walba laga hormariyo dawo iyo dabiibid,
dhibka ayaase ahaa inaysan iyaguba wadan xitaa dharkii lag u yaqaannay
khaqaatiirta!
Taa kaliya ma ahan, maba wadan wax dawo ah, si ay ugu daweeyaan dadkan
daacuunku ku dagay, waxaase ka sii daran, inaysanba dhaqaatiir ahayn, oo
lagu ogaaday baaritaan, ka dib, markii ay dadkii u qoreen dawo aan u
habboonayn cudurrada ay qabaan.
Aqriste bal eeg Shiribkan ay is dhaafsadeen dhawrkan Laashin, ee soo koobaya qormada:
Marna Qabiil, marna Qaliif, inta kale qolfoof miyaa?.
Marna Jabhad, marna Jaamici, inta kale ma Jaariyaa?.
Marna Qabqable, marna Quwaax, inta kale Qabbaan miyaa?.
Marna Itoobiyaan, marna AMISOM, inta kale Others miyaa?.
Marna Wahaabi, marna Wadaad, inta kale Waddac miyaa?.
Ugu dambayn, murti baa dhahaysa: “Nimaan waxa soo scoda garan, waxa
jooga(Socda)na ma garto!” sow kama fogo haddii sooyaalkii la hilmaamay,
oo ma noqonayso: “Illawsho dhawaa ma Umulaa!” jabhadkii wadanka Jabshaha
la soo galay, anagaa ku soo dhawaynay alalaas iyo masharaxad,
qabqablaha anaga ayaa qaab u yeelnay, kana dhignay wax uusan ahayn.
Wadaadaddo isku sheegga horaa loo soo arkay sanadihii: 92,93,95,96,97,
guud ahaan goballada dalka, gaar ahaan goballada Waqooyi Bari, Gedo iyo
Banaadir, waxay ka sameeyeen maamullo, siday dadka ula dhaqmeen waa la
wada ogsoonaa, haddana, si kal iyo laab ah ayaa loo taageeray.
Qabqablyaasha inay meesha ka baxaan way eheed Shaydaanba ha saaree,
balse maxaa xigay? Ama badalay Qabqablayaashii?, waa meesha uu ka yiri
Abwaan Abshir Faarax Bacadle (AUN): “Duqii doona ducana ugu dara waad na
dilateene” ama uu ka yiri Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)
(AUN): “Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye’e”
Waad arkaysaan maanta waxa dhacaya Raqdii Islaamkii ayaa wali lagu
riiqmayaa!, maxaa hadal aan macno samaynayn loogu barooranayaa?! Maanta
Khawaarij shalay Wadaaddo Kacaan dhaliyey! Maanta Aragagixiso shalay
isbadal doon! Afkii shalay lagu ammaanayey ayaa maanta lagu caynayaa!
Kala daaya: “Alif wax ma leh iyo waxbuu leeyahay”, waxaani waa: “Cad iyo
Madow”.
Hadda waxaaba sii dheer Land, State iyo Prof aan barako lahayn, goobayn
loo wada garaabayo iyo garaaddo aan qiimo lahayn oo lagu wada hoobtay,
waa hadba: “Wixii cusub caalaamka jecel”, taa kaliya ma ahan, ee waxaa
ayaan darro ah inaysan jirin wax is weydiin iyo xisaabtan.
Haddaba, sow ma ahayn in marka hore laga fiirsado waxa loo sacab tumayo
nuxur iyo hadaf ahaanba, asal iyo ujeed, iyadoo lagu eegayo il qooraadan
oo ka dhigan Sooyaalka, mid hogan oo eegaysa waxa jira ee socda iyo mid
qumman oo togan oo eegaysa aayaha iyo dambada loo aroorayo, caadifadda
iyo laab la kaca xad ha lahaadaan, taageerada sal ha lahaato, garab
galku ha garaysnaado(gar ha ku qodbanaado), caqligu ha shaqeeyo, dhug
hala lahaado iyo fiiro dheer!

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

DKMG oo soo Bandhigtay Meydad iyo Waraaqo Aqoonsi

$
0
0

Dagaal dhex maray ciidanka Amaanka ee DKMG ee Somalia iyo dad ay DKMG ahi sheegtay inay ahaayeen Alshabab ayaa keenay dhimashada labo ka mid ah dadkii weerarka soo qaaday.

Meydkii labada nin ee la dilay ayaa dawladdu ay warbaahinta u soo bandhigtay, iyada oo sidoo kale soo bandhigtay bastoolado iyo waraaqo aqoonsi.

Haddaba, waraaqahaas aqoonsiga oo dawladdu sheegtay inay ka heshay guri u dhow meesha dagaalku ka dhacay, ayaa ruuxii iska lahaa sheegay in waraaqaha gurigiisa lagala baxay, isaguna aanu shaqo ku lahayn dagaalkii meesha ka dhacay, ruuxa la sheegay inuu dhintayna uuna ahayn.

Wareysiyo arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Faallada Halganka: Rajada Muqdisho, rabitaanka shacabka riiqmay iyo runta aan la dhaafi karin

$
0
0

(Sawirka waxaa ka muuqata sida uu farshaxanyaqaanku uu tagtadii hore ee Muqdisho iyo timaada hadda ee magaalada laba dhinac ee sawirkiisa uu ku jiiyay)

Waa muran ma doonto aan cidi ka doodi karin saxansaxada nabadeed ee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ku soo gufaacatay. Sidoo kale laba Cali is-weydiinmeyso niyadsamida iyo falfalaxsanaanta ka muuqata shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran ee magaaladaas dhibka iyo dheeftaba la qabay ku dhowaad rubuc qarnigii la soo dhaafay.

Intaasi waa horudhaca ama araarta faallada warsidaha www.halganka.net ee maanta, warsidahaas oo runtii aan dhinac la jirin dhinacna ka jirin, waxaana ku faani karnaa haddii aynu nahay bahda warsidahan dhexdhexaadnimada mudadii aan jirnay aan ku caana-maaleynay iyo weliba kalsoonida shacabka ee aan kasbanay.

Waxaa aad noo soo jiitay maqaal uu Muqdisho ka qoray wargeyska afka dheer ee The New York Times, wargeyskaas oo far waa weyn ku qoray daruurta rajo ee haatan Muqdisho ku dul-hooreysa, waxaana uu wargeyskaasi qormadiisi ku bilaabay sida soo socota:

"Todobaadyo fara-ku-tiris ah kahor dalxiisayaasha garoonka Aadan Cade ka soo dega waxaa gacanta loo gelinayay warqad si dayacan loo koobiyeeyay oo ay adagtahay in la aqriyo wax ku qoran, warqadahaas oo dalxiisayaasha looga dalbanayay inay ku qoraan magacooda, cinwaankooda iyo cabirka qoriga ay bastoolada ay wataan"

Laakiin hadda taasi waa dhamaatay. Hadda waxay dalxiisayaashu helayaan kaarar jaale ah oo aysan meelna kaga qorneyn wax hub ah, kaas bedelkiisana wuxuu kaarkaasi dalxiisaha u saamaxayaa in uu sababeeyo imaanshihiisa, sababahaasna waxaa ku soo kordhay erayga "dalxiis".

Dhanka kale dhawaaqa "qaw, qaw, qaw"  ee subax kasta daafaha magaalada Muqdisho laga maqlayo ma ahan dhawaaqa qoryaha darandooriga u dhaca balse waa burisyada ama dubayaasha loo adeegsanayo dhismayaasha maalin kasta ka socda magaalada".

Duulimaadyo caalami ah, dhismayaal cusub oo shacabka si guud iyo si gaar ah loogu adeegayo, niyad wannaag iyo naawilis naruuro nabadeed oo ay ka siman yihiin shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ah runtii wax si cad looga dheehan karo muuqaalka Muqdisho ee beri ahaa mid aan indhaha la siin karin.

Dad badan ayaa qaba in haatan la joogo waqtigii dib loo yabyabi lahaa heykalkii dowladeed iyo kii bulsho ee beri dumay, sidaas si lamid ah waxaa rajo weyn laga qabaa barwaaqo dhulka hoostiisa ka soo burqata (shidaal), taas oo kaafin doonto ku-noolayaasha Geeska Afrika.

Aqristoow waxaan fileynaa inaad adiguna la guuxeyso galladda iyo guusha niyadeed ee kala gaartay guud ahaan Soomaaliya, ha ahaadaano dal-joogayaal ama dibad-joogayaal labadabee.

FG: Wixii talo ah ee fadlan noogu soo hagaaji cinwaanka hoos ku qoran:

halgankanet@gmail.com  

Barcelona iyo FC Bayern München oo semifinalka usoo gudbay Champion Leageu, Halka AC Milan banaanka loo tuurey

$
0
0

Champion Leageu:- Barcelone iyo Milan ayaa caawa wareegii labaad fooda is daray, inkastoo ciyaartii todobaadkii hore guriga AC Milan ay ku idlaatay 0-0, Bilowgii ciyaartii caawa ayaa gool riigoore ah waxaa dhalisay Barcelona, inkastoo waxyar ka dib ay AC Milan heshay gool, goolkaasoo soo celiyey rajada AC Milan, balse rajadaas ma noqon mid sii noolaata ka dib markii marlabaad riigoore laga dhigay AC Milan, waxayna ciyaartii noqotay 2-1 ay Barca ku hogaaminayso.
Daqiiqadii 53 ayaa ciyaaryahanka Iniesta wuxuu goolki 3aad u dhaliyey kooxda Barcelona, labadii gool ee riigooraha waxaa Barcelone u dhaliyay  Messi, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-1 ay guushii ku raacdey Barcelone, halka AC Milan ay gurigeeda aadey.
Ciyaarta kale waxaa caawa wada ciyaarey FC Bayern München iyo Marseille, ciyaartaan kooxda Reer Faransa rajadoodu aad ayay u yarayd waayo markii hore ayaa todobaadkii hore waxaa gurigooda loogasoo badiyey 2-0, Caawa oo ay joogeen Guriga FC Bayern München, waxay Bayern ku badisey 2-0, sidaasna waxay ugu soo gudbtay FC Bayern München samifinalka.
Barcelona waxay semi finalka la ciyaaraysaa Chelcea iyo Banfeca kii soo badiya arbacada 4 april 2012, halka FC Bayern München ay sugayso Real medrid iyo Apoel Nicos, Chelsea ciyaartii todobaadkii hore waxay banfika gurigeeda uga badisey 1-0, waxaana habayn dambe lagu ciyaarayaa guriga Chelsea, halka Real oo marti u ahayd kooxda reer Qubras oo ay Real ku garaacdey 0-3 , Habeyn dambe waxaa lagu ciyaarayaa guriga Real.
Puntlandi.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live