Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gabaygii Saamax (Gabaygii Saddexaad ee Silsilada Sallaamaley ) By: Waa Hal-abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galay

$
0
0

Gabaygani waa Gabaygii Saddexaad  magaciisuna waa  (Saamax)   ee Silsilada   Siinleeyda  cusub ee  Sallaamaley   oo uu daahfuray Abwaan Xasan   Faarax Abiib ( xasan daaci) Silsiladdan  oo loogu talo galay inay Hal-buurka cusub ku soo bandhigaan   aqoontooda suugaaneed korna loogu qaado tayeynta iyo kor u qaadista hidaha iyo dhaqanka iyo  Suugaanta Soomaaliyeed silsiladan oo ah mid u dhaxaysaa  kuna saabsan dhexdhexaadinta Labada GobolSomalia & Somaliland oo fekerkooda siyaasadeed  maanta si aada u kala duwan yahay  balse dad ahaan isku midda , iyadana oo aan wax xumaato iyo aflagaado iyo nacaybtoona ku jirin  in hal-abuurku soo bandhigo qaabkii laysugu soo dhawayn lahaa ama loo dhexdhexaadin lahaa sidii horeba abwaanadii hore u sheegeen Xasan Faarax iyo Khaliif faarax maaha silsiladani (Guba) mana aha mid loogu talo galay inay dhibaato iyo dhaqan xumo abuurto maaha silsilad qabyaaladeed ee waa silsilad ku salaysan dhaqankeenii asluubaysnaa ee suugaaneed waxaana  ku garnaqsanayaa hal-abuurka  afkaaraha kala duwan qaba Haddana Waa kan gabaygii saddexaad ee Saamax , Waxii qalad ah waan ka cudur daaranayaa waana lay sixi karaa bogasho  wanaagsan:
 
 
1.  Siinleeyda gabay waanigaan , saafin waayahane
2.  Waanigii ka saahiday murtidaan, saamigaw helaye
3.  Suuradaha quraankiyo digriga ,  galay safkoodiiye
4.  Waanigii  ka soomee ka tegay ,sadarradeediiye
5.  Sadrigayga waa taan ka jaray,  kala sifaynteede
6.  Suugaan gobeediyo ka hadhay, gabay samayntiise
7.  Soohdinteeda anigoo ka baxay, sababo awgooda
8.  Siinleyda xasan soo tirshaa,  saaqday dhimirkiiye
9.  Su`aalahan Sallaamaley siddaa, sababay awgoode
10.   Murti  seexatay toosiyeen, salashay goortaase
11.   Bal aan  sariyo hoosba u dayoon,  samaha faalleeyo
12.   Bal aan sugo samaankii dhiciyo, idilba sooyaalka
 
13.   Siduu yidhi abwaankii horee, dhigay sifaadkeeda
14.   Khaliif muusan seegine,  isagaa saafay idilkeede
15.   Subaxduu gumaysigu yimiyo, sabada soomaali
16.   Ee uu saldhigay ciidda iyo  ,  sin iyo baarkeeda
17.   Ummad aan wax kala soocinoo , jirin wax saameeya
18.   Oo suuradiyo muuq ka siman, sawdka hadalkooda
19.   Sinji iyo afkiyo sawraciyo, soohdin  qudhahaata
20.   Oo seere iyo kala lahayn,  xadadkan loo soocay
21.   Oo sayma keliyaata iyo, sabo midaynayso
22.   Safka reer jabuutiyo ilaa, saylac udubkeeda
23.   Sabarada  hargaysiyo ilaa, soofka harar gaadho
24.   Silsiladdeena golis iyo ilaa,  sool badhtamaheeda
25.   Sanaag iyo dhul bari iyo ilaa, saaxil guradeeda
26.   Salka mudug tan xeeb sariyo,  sabada ceelbuura
27.   Hiiraan so’deediyo ilaa, jowhar sararteeda
28.   Baydhabo sinteediyo  ilaa, sadhayga baardheere
29.   Sarta xamar sablaaliyo ilaa, suufka laga gaadho
30.   Soomaaliyoo mida raggii, soohdimaha keenay
31.   Haddii saban xumaad uu dhaciyo, suluf colaadeedku
32.   Isa-seeg yimaadiyo  dagaal, laysku saranseersho
33.   Sama iyo  dulqaadbaa walaal, lagu sargooyaaye
34.   Saamaxaa la qaataa walaal, guusha sahalkeede
35.   Ha saboorin  sida ay rabaan, saancadaaluhuye
 
36.   Abwaanoow adaa siinka furay, iyo sallaamleeye
37.   Su’aalaha  adaa soo diroo,  sugay  jawaabtoode
38.   Saxal sheegtayaa  iyo mar kale, sabab u yeeshaaba
39.   Sin u dadabtayaa  iyo mar kale, soodha kicisaaba
40.   Sooyaal qortaa iyo si kale,  wax ugu seertaaba
41.   Magac suubsataa iyo sumado, adiga kuu gaara
42.   Soomaaliweyntaan ahayn,  iyo sinaanteena
43.   Safkii aan lahayn iyo walaal, sawdkii keliyaata
44.   Salabkiyo awooddii shalay, cadow ku saydhaynay
45.   Wax ka suubban garan maayo oo, saaka aragnaaye!
 
46.   Sabigii la dilay iyo dadkii, xumuhu saameeyay
47.   Sarihii la gubay iyo dhulkii, sumucu naafeeyay
48.   Soodhkii  dalaandalay  raggee, jarayey seeddooda
49.   Safkaagii xumaan lagu simee, seefta lagu boobay
50.   Sabankii dhaciyo saymihii, ina siyaad geeystay
51.   Sedbursiga dalkani soo mariyo,  silica soo gaadhay
52.   Siyaasad xummadii bulshada siibtay xididkeeda
53.   Saqda dhexe waxii sallow dhacay ,uunka wada saaqay
54.   Sarkaal iyo aqoonyahan wixii,  gumucu saameeley
55.   Sodohdii wacnaydiyo gabdhaha, lagu safaadaayey
56.   Suldaamadiyo guurtida wixii , lagu surgooynaayey
57.   Safka culumadeenii wuxuu, sabab la`aan dooxay
58.   Sababteeda nimmankii lahaa, iyo sargooynteeda
59.   Subaxbay  socdaal kaga  baxeen, sabada soomaale
60.   Siyaadiyo  xertiisii sulleey, innaga guureene
61.   Sokeeyaha is nacay iyo gacmaha, laysku saydhaayo
62.   Samahaan xummaha loo rogiyo , saxalkan  guuraya
63.   Isa seega nagu soo socdiyo, kala sawaaraynta
64.   Dunidaa sidaasoo marnaba, abidka suulayne
65.   Waa siraad la marayoon lahayn,  sahan  ogaadaaye
66.   Saban waa barwaaqoo,  nabadda loo sedburiyaye
67.   Saban waa abaaroo , dhibkaa laga sinnaadaaye
68.   Saban waa colaadoo, dabkaa laysku sababaaye
69.   Qadarta sax iyo khalad lahayd, subaxba waageede
70.   Ha saluugin waayaha dhaciyo, tubaha sooyaalka
71.   Haddii saamaxnaa aad tidhaa, godobna ay suusho
72.   Sida aad rabtiyo  saami wacan, wada saxeexayno
73.   Suldaamada garta u dhiibaniyo, duubka samaheena
74.   Soomaaliyoo dhami hadday, sacabka soo taagto
75.   Samo iyo walaalnimo haddaan, kugu salaamaayo
76.   Sinnaba uma kala maaranne, sow aqbali maysid?!
 
 
Sharax: Xasan :Waa Xasan faarax abiib ( Abwaan xasan daaci)
            Khaliif :waa Khaliif Faarax xayir:( Abwaan Khaliif)
 
 
Waa Hal-abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galay
Galayr 1977@hotmail.com
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 
 


Wareysi: G/kuxigeenka Gobolka Banaadir

$
0
0

Tan iyo bilowgii bishii August markii magaalada Muqdisho laga saaray Maleeshiyaadka kooxda Al-shabab ayaa xaaladda magaalada ay aheyd mid marba marka ka dambeysa raja gelineysay dadka ku nool iyo Somalida qurba joogta ah, ee ku hanweyn dib ugu noqoshada dalkooda.

Hadaba waxaa maalmahan socdaal booqasho ku marayay waqooyiga America gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasadda iyo arimaha Bulshada, Cali Axmed Guure.

Cali ayaa nagu soo booqday Studiyaha VOAda ee daartan Cohen ee magaalada Washington

Wareysiga halkan hoose ka dhageyso.

skieh al maghaamsi (Dubbing) Soomaali

$
0
0


skieh al maghaamsi (Dubbing) Soomaali

دبلجة تجريبية لمقطع من محاضرة للشيخ الجليل صالح المغامسي ، إلى اللغة الصومالية (Dubbing) af Soomaaliyeed tijaabo ah; qayb ka mid ah muxaadaro, uu leeyayah Shiekh Saalix Al Maghaamsi.
From:
alqaamuus0com
Views:
0

0
ratings
Time:
00:53
More in
Education

muxaadaro: 
See video

Qarax Muqdisho ka dhacay

$
0
0

Tiyaatarka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax, ilaa 7 qof ayaa ku dhintey inta la ogyhay

War Deg Deg ah:- Faahfaahin kooban Qarixii ka dhacay Theaterka Muqdisho xili uu Raysal wasaaruhu khudbaynayay

$
0
0

Muqdisho(Pi) Warar hordhac ah oo aan ka heklayno Theaterka qaranka oo maanta lagu xusayey  maalintii dib loo furey TV-ga qaranka ayaa qarax lala eegtey xili uu raysal wasaare Gaas khudbaynayay, Wax dhawac ah oo soo gaaray Madaxda Dowlada ma jiraan, waxaase la xaqiijiyey inuu ku dhintey Masuul ka tirsanaa Xirrika Kubada cagta Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saciid Mugaanbe , Tirada dhimashada ayaa aad u badan sida warar ku sheegayaan,
Waxaa markiiba goobta gaaray Hay’adaha gargaarka iyo kuwa abniga, Waxaana si deg deg ah meesha looga saarey Madaxda Dowlada, Qaraxa ayaa ahaa mid ismiidaamin ah, inkastoo aan wali war rasmi ah laga hayn.
Warar ku dhow dad ku sugnaa gudaha Theaterka ayaa Puntlandi.com u sheegey inuu qaruxu ahaa mid xoogan oo gudaha Theaterka markiiba ay isqabsatey qaac madow iyo diryaan xoogan…..
Raysal wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir jaraa’id qabto oo uu ka war bixiyo sida wax ud haceen isagoo u tacsiyeynaya dadka ku dhintey ehelkooda.
wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

War deg deg ah:- Proff Dalxa iyo Wasiirkii Sportiga oo dhintey, Raysal wasaaraha iyo Madaxweynaha oo aan wax dhawac soo gaarin

$
0
0

Wararkii ugu dambeeyey Qaraxa Theaterka waxay sheegayaan in Alla ha unaxariitee ay dhinteen Prof. Dalxa iyo Wasiirkii Sportiga ee Dowlada Soomaaliya, waxaa kaloo jira xildhibaano ay kamid yihiin Mowliid macaane oo dhawacsoo gaaray, Dad badan oo marti iyo shacab isugu jira ayaa dhintey, Way adagtahay in wararka rasmiga ah laga helo xaalada Theaterka.
Haweyney ayaa qaraxa fulisey sida wararku sheegayaan, wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Wiish iyo Mugaambe oo qarax ku dhintay

$
0
0

Raiisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa BBC u xaqiijiyay in labada mas'uul ay ka mid yihiin dadkii ku dhintay qarax maanta lala beegsaday goob uu ra'iisal Wasaaruhu khudbad ka jeedinayay.

Mas'uuliyiin ku Dhimatay Qaraxa Muqdisho

$
0
0

Qarax Ismiidaamin ah oo goor dhaweyd ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen saraakiil ka tirsanaa xiriirada ciyaaraha ee Somalia. Wararku waxay intaas ku darayaan in tiro kalena dhaawacantay.

Qaraxan ayaa dhacay xilli ay tiyaatarka ka socotay xaflad lagu maamuusayay sannad-guuradaii 28aad ee aas-aaskii iyo sanad-guuradii 1aad ee dib u furiska TV-ga dowladda Soomaaliya.

Qaraxan ismiidaaminta ah waxaa la sheegayaa inay gaysatay haweenay isa soo miidaamisay.

Xilliga uu qaraxu dhacay waxaa goobta ku sugnaa saraakiil ka tirsan dowladda.


Warar

Qaraxa Muqdisho

Doodda Gaaban: Qaraxa Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Doodda Gaaban ee maanta waxa ka qeyb qaadanaya Qaasim Cilmi Shiikhow iyo Yuusuf Maxamed Yuusuf oo wax ka barta Dalka Britain.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Qaraxa Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho

$
0
0

Qarax is-miidaamin ah ayaa maanta ka dhacay tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 7 ayaa ku dhintay qaraxa. Dadka Dhintay waxaa ku jira, Guddoomiyahaasha guddiga olombikada iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

R/wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Max'ed Cali ayaa sheegay in qaraxan ay fulisay haweenay isa-soo miidaamisay.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga, dhowr xildhibaan iyo weriyayaal ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen qaraxa.

Qeybta hoose ka dhagayso wareysiyo, warbixinno ka hadlaya qaraxa.

 

Somali Muxaadaro: Dhalinyarada fursadooda dayacay - Abdul-Aziz Hassan Yaquub

Jawaabo Laga Bixiyay Qaraxii Tiyaatarka

$
0
0

Madaxweynaha DFKMG ah Sharif Sheikh Amxed oo xalay ka hadlayay qaraxii shalay ka dhacay Tiyaatarka Qaranka ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid waxashnimo oo ka dhan ah nabadda iyo nolosha umadda Somaliyeed.

Waxaa sidoo kale qaraxa cambaareyn u soo jeediyay, ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Dr. Augustine Mahiga, kaasoo soo sheegay inuu si aad ah uga xumaaday weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Tiyaartarka Qaranka shalay xilli ay ka socotay xaflad loogu dabaal degayay sanadguuradii 28aad ee aas aaska telefishinka Somaliya.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee aduunka  ee FIFA Sepp Blatter  ayaa isna ka hadlay weerarkii shalay, waxa uu sheegay inuu murugta la wadaagayo guud ahaan umadda somaliyeed gaar ahaan bahda Sportiga ee Somalia.

War la soo dhigay bogga FIFA ayuu Mr Blatter ku sheegay inuu si aad ah uga naxay geerida  alaha u naxariistee  Gudoomiyaha xiriirka Somaaliyeed ee kubadda Cagta Saciid Maxamed Nur oo loo yaqaanay saciid Mugabe iyo Madaxii xiriirka Olombikada Somaliyeed Aden Yabarow Wiish

Warbixin ku saabsan hadalada masuuliyiinta ka dhageyso halkan hoose ee qoraalkan

DKMG oo Guddiyo u Saartay Qaraxii Shalay

$
0
0

DKMG ayaa canbaareysay qaraxii ka dhacay tiyaatarka Muqsidho. Dowladdu waxay kaloo magacowday laba guddi oo heer wasiir ah.

Guddiga koowaad ayaa ka shaqeynaya sida uu qaraxu u dhacay, wuxuuna muddo 24-saacadood gudahood soo gudbin doonaa warbixin.

Guddiga labaad ayaa ka howgallaya sidii uu caafimaad dibedda ah ugu raadin lahaa dadkii dhaawacyada culus ay ka soo gaadheen qaraxii tiyaatarka Muqdisho.

 


Madaxweyne Shariif oo Booqday Goobtii Qaraxa

$
0
0

Madaxweynaha DKMG, Shariif Sh. Axmed oo maanta booqday goobtii uu ka dhacay qaraxii shalay ayaa sheegay in ciddii ay ku caddaato inay qaraxaasi fulisay ciqaab adag ay la kulmi doonaan.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in qaraxaasi loola dan lahaa mas'uuliyiinta sar-sare ee dowladda KMG ah.

Masjid Assunah project :Million Month Trailer

$
0
0

We’re
doing everything differently. Everything, and we mean everything, will
be absolutely WOW. We’re calling it the Million Month campaign, and it’s
something you’ll want to put your regular life on hold for.

muxaadaro: 
See video

Ciidamo ka Socda AMISOM oo Baydhabo la Geeyay

$
0
0

Ciidamo gaaraya 100 Askari oo ka tirsan AMISOM ayaa la geeyay magaalada Baydhaba. Ciidanka ayaa ka kooban 50 Burundi iyo 50 Uganda ah.

Ciidankan ayaa noqonaya kuwii ugu ee la geeyo meel ka baxsan magaalada Muqdisho tan iyo markii howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM uu bilowday 2007-dii.

Ciidankan 100 askari oo ka kala socda Burundi iyo Uganda ayaa hor dhac u ah ciidan gaaraya 2500 oo ka socda AMISOM oo la ganeynayo Baydhaba.

Xabadjoojinta Syria

$
0
0

Afhayeenka Koffi Annan ayaa sheegay in ciidamada dowladda loo baahan yahay inay ka baxaan magaalooyinka kadibna ay dagaalka labada dhinac ay joojiyaan talaadada danbe.

Somali Muxaadaro: Dardaaran

$
0
0


Somali Muxaadaro: Dardaaran

Somali Muxaadaro: Dardaaran - Sheikh Boqol Soon Raximihullah ayaa soo jeediayay dardarankan ku socda dadka somalida ah ee muslimiinta ah. Fadlan intad wakhtigaga ku lukim lahayd heeso iyo wixii lamida, Fakar oo wakhtigaga ku lumi waxyaalo adiga iyo umadaba idin anfacaya if iyo akhiroba. Illahay ha ina so wada hadeeyo inshallah tacala
From:
ThePillarsofIslam
Views:
2

0
ratings
Time:
24:10
More in
Education

muxaadaro: 
See video
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live