Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Warsaxaafadeed xiliga kala-guurka

$
0
0


Warsaxaafadeed:
Waqtiga Kala Guurka ee Dowlada KMG ah ee Soomaaliya
Ku: Dhamaan Malaaqyada, Odayaasha Reer Benaadir
Ku: Aqoonyahannada Reer Benaadir
Ku: Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee Reer Benaadir
Ku: Jaaliyadaha Reer Banaadir ee dibadda ku nool
Ku: Dhamaan saxaafada Soomaaliya
Og: Dhammaan inta daneysa qadiyada Benaadir
Tariikh: 8 April 2012
Ujeeddo: Aragti ku aaddan Waqtiga Kala Guurka ah ee Soomaaliya
Waxaan ognahay in shirar badan oo heer caalami ah loo qabtay Soomaaliya si xal
loogu helo dhibaatada murugsan ee Somaalia. Laakin nasiib daro wax badan oo
faaido ah kama soo bixin. Si fiican ayaan oga dharaksanhay fadeexaddii iyo
musqmaasuqi ka dhacay shirarki uga danbeeyay ee ka dhacay Kenya, Jabuuti iyo
wiliba gaar ahaan sida xagdarada iyo musuqmaasuqa ah ee lago soo xulay xubnaha
reer Benaadir ku matasho Golaha Shacabka (Baarlamaanka) ku meel gaarka ah ee
la soo dhisay.
Sidaad ka warqabtaan waxaa dhowaan la qaban doona shir looga hadlaayo
ansixinta dastuur cusub oo la rabo in laga hergiliyo Soomaaliya marka oo dhamaado
waqtiga ku meel gaarka ah ee dawladda hada jirta. Ayado oo loo marayo qaabka
awood qeebsiga xaaraanta ah ee 4.5-ka waxey rabaan in dastuurka cusub
ansixiyaan ilaa 825 qof oo kala imaanayo qabiilada Soomaliya oo dhan. Waxa taas
ka horeeyso in bishaan April dhamaaddkeeda ay dhamaan kaabo qabiilada
Soomaliyeed ay isugu imaan doonaan Xamar Reer Benaadirna ay ku jiraan. Mar
labaad xallinta dhibaatada Soomaliya, nasiib daro waxa laag dhax raadinaya qabiil.
In kastoo aan raali ka ahayn nidaamakan cunsiriga iyo dulmiga ah ee 4.5 haddana
waxaa lagama maarman ah in Reer Benaadir ay kaalintooda ku aaddan ka qaataan
siyaasada jirta waqtigan kal guurka si ay u soo xullan lahaayeen dadkii u mataali
lahaa. Waxaa muuqata in malaaqyada iyo odoyaasha Reer Benaadir ay weli u
cadeyn qaabka ay rabaan inay u wajahaan arrintaan. Malmahaan Xamar Weyne
waxaa ka socda dhaq dhaqaaq siyasadeed oo la rabo in lugu jahawareeriyo dadka.
Waxa soo noolaaday “siyaasiyiintii” hore oo ku shaqeysan jirtay in ay matalaan
Benaadir iyagoo la arkin meel ay ka baxeen ilaa shirkii ugu danbeeyay. Weligood 2
lama maqal iyagoo ka halaayo maslaxadda Benaadir, hadana waxay rabaan in
sidooda howshooda u wataan.
Sidaa daradeed waxaan ku talineyna qodobada soo socda:
· In si deg deg ah loo qabto shir ay isuga yimadaan odiyaasha, malaaqyada
reer Benadir bishaan gudaheeda. Shirkaan waxaa loogu hadli doona
mawaaqifka reer Benaadir ee ku aaddan xilligaan kala guurka, waxaana lagu
dhisi doona wafdiga (ergada) oo uga qayb gala lahaa shirweynaha ayadoon
aan ku jiriin “siyaasiyiinti” hore.
· Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Reer Benaadir meel kasta ha joogeen
gudo ama dibadba inay taageeraan isla markaana ka qaybqaataan
qabsoomida shirkaan muhiimka ah. Waxaanu soo jeedinaynaa oo kale in
shirkaan la qabto inta aanan la gaarin April 25-keeda 2012 oo ku aaddan
marka hogaamiye dhaqameedyada Soomaalia oo dhan lagu wado inay ku
kulmaan Xamar. Waxaana u aragna in ay waajib tahay in la taageero,
kalsooni buuxdana la siiyo go’aamada ay la yimaadaan odiyaasha iyo
malaaqada reer Benadir.
· Si lo adkeeyo midnimada Reer Benadir waxa lagama marmaan ah in loo
dhaafo xulashada dadka matalayo reer Benaadir Malaaqyada iyo Odiyaasha
reer Benaadir si lo ixtraamo kala danbeentii dhaqameed ee “ASALOOW” ay
ku dhaqmi jireen ab ka ab.
· In “siyaasiyiinti” hore madaama ay dhumiyeen kalsoonida dadka ay faraha
kala baxaan howshaan lo xilsaaray odiyaasha kana fugaadaan waxyaala kala
qeebin karo midnimado dadkeena sida musuqmaasuqa iyo laaluush bixinta.
Reer Benadir waxay u baahan yahiin shaqsiyaad cusub oo nadiif ah.
· In laga fugaado jalaafada loo dhigaayo midnimada Benadir qaasatan ay
wadaan kuwa calooshood u shaqastayaasha ah oo dibida joogo
caadaystayna in ay ku dhaqmaan fikradda raaqiiska ah oo hadda laga
xishoodo oo ah “Midib u kala sooc ee xukun”.
WA BILLAAHI TOWFIIQ
Kuwa daneeyo maslaxada Benaadir.


Afhayeenka Amisom oo sheegay inay Magaaladda Baydhabo geynayaan 2,500 oo askari iyo Al Shabaab oo uu sheegay inay ka sifeynayaan

$
0
0

Afhayeenka Amisom ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inta askari ee ay geynayaan Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, kuwaa oo Ciidamadda Dowladda Itoobiya kala wareegaaya suggida ammaanka Magaaladda Baydhabo.
War Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda, ayaa wuxuu shaaca uga qaaday in Magaaladda Baydhabo ay doonayaan inay kala wareegaan Xarakada Al Shabaab.
Afhayeenka Amisom ayaa wuxuu tilmaamay in Magaaladda Baydhabo ay geynayaan 2,500 oo askari, wuxuuna sheegay inay la-wareegi doonaan suggida ammaanka Magaaladda Baydhabo, ayna Magaaladda Baydhabo ka sifeyn doonaan Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Magaaladda Baydhabo ay tagayaan Ciidamadda Dowladaha Burundi iyo Uganda, ayna kuwaasi wax ka badeli doonaan suggida ammaanka Magaaladda Baydhabo, ayna ku soo celin doonaan nabad iyo kala dambeyn, sida uu sheegay.
Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa Xarakada Al Shabaab laga saaray 22 bishii Febraayo ee sanadkaan, markaasoo ay si toos ah ula wareegeen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab-sanaaya Ciidamadd Dowladda Itoobiya.

WAR DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay Magaaladda Baydhabo iyo dad badan oo ku la’day

$
0
0

Qarax xoogan ayaa wuxuu goor dhaw oo maanta ah uu ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay, wuxuuna qaraxaasi ahaa mid si weyn looga maqlay Magaaladda Baydhabo oo geystay khasaarooyin badan.
Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay Kawaanka Magaaladda Baydhabo, waxaana loo-adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee Remote-ka laga haggo, isla-markaana waxaa lala rabay in wax-yeelo loogu geystay qaar ka tirsan Ciidamadda Dowladda, oo Kawaanka Magaaladda Baydhabo ku sugnaa.
Qaraxaan ayaa wuxuu ahaa mid culus oo khasaaro badan geystay, waxaana ku dhintay ilaa 8 ruux oo dumar ah, waxaana la-sheegay in dumarkaasi ay ahaayeen kuwo qudaarta iyo mooska ku iibiya Kawaanka Magaaladda Baydhabo.
Waxaa la-sheegay in tiro ka badan shan ruux oo kalana ay ku dhaawacmeyn, kuwaasoo loo-qaaday Cisbitaalka Magaaladda Baydhabo, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed, maadaama ay daran yihiin dhaawacyada qaarkood.
Qaraxaan ayaa waxaa la-sheegay in uu geystay nin dhalinyaro ah oo ka tirsan kooxda Shabaab, kaasoo la-sheegay inay gacanta ku soo dhiggeen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee joogga Magaalada Baydhabo.
Qaraxa maanta ka dhacay Magaaladda Baydhabo ayaa waxaa ku la’day oo kaliya dad rayid oo masaakiin ah, kuwaa oo Kawaanka Magaaladda Baydhabo u soo aaday inay uga wax uga hellaan naftooda iyo ubadkoodaba.

Ciidamo iyo Saraakiil Dheeraad ah Oo ka Socda Wadanka Siralyoon Oo Gobalka Gado Soo Gaaray

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamo ka socda wadanka Siralyoon ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay soo gaareen gobalka Gado isla markaan ay wehliyaan saraakiil  ka socda wadankaasi.
Diyaad Cabdi Kaliil oo ka tirsan saraakiisha maamulka dowlada ee gobalka oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaan haatan ay ku suganyihiin deegmada Ceelwaaq ee gobalka Gado.
Sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiisha ciidamadaan ay kulamo la qaadanayaan saraakiisha dowlada iyo saraakiisha wadanka Kenya ee ku sugan degmada Ceelwaaq.
Diyaad Cabdi kaliil ayaa wuxuu sheegay in ay ciidamadaan ka qaybqaadanayaan dagaalada dowlada ay kula jirto ciidamada Al-Shabaab ee maamulo deegaanada qaar ee gobalkaasi.
Diyaad cabdi kaliil ayaa wuxuu sheegay in marka ugu horay in ciidamadaan qorshahoodu yahay in ay la wareegaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay wali joogaan kooxda Al-Shabaab.
Dhowaan ayay ahayd markii ay gobalkaasi soo gaareen saraakiil ka socota wadanka Siralyoon kuwaasi oo hor dhac u ahaa ciidamada wadankaasi ka imaanaya eek u soo biiraya howlgalka AMISOM.
Qorshaha ayaa haatan wuxuu yahay in ciidamada AMISOM lagu fidiyo dhamaanba gobalada Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab isla markaana gobalada oo dhan looga saaro.
 RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

RW oo Canbaareeyay Falkii Al-Qaacidada ee Baydhabo

$
0
0

GalGalanews:- (GalGalanews) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa si kulul u cambaareeyey falkii Qaraxa Miinada ee kooxaha Al-Qaacida ee Soomaaliya ay maanta ka fuliyeen Suuqa Baydhabo oo ay shacab fara badan ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen. Ra’iisul Wasaarahu wuxuu dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey falkan foosha xun, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey intii ku geeriyootay iyo shacabkii ku dhaawacmay oo uu u rajeeyey in EEBBE dhaawacooda u fududeeyo oo ay caafimaad deg-deg ah helaan.
 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa yiri “ Kooxahan nabad-diidka ah waxey caadeysteen inay shacabka Soomaaliyeed xasuuqaan tanoo ah mid ka soo horjeeda Diinteena Suuban ee Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa nasiib darro ah in kooxahan ay maanta suuqa Baydhabo dhigaan miino oo ay ku qarxiyaan shacabka Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Falkii arxan darada ahaa ee maanta ka dhacay Suuqa Baydhabo waxaa ku dhintay 12 ruux oo ayna ku dhaawacmeen tiro gaareysa 30 qofood.”
 “Bacdamaa kooxaha Al-Qaeda iyo Al-Shabaab looga guuleystay dagaalkii fool-ka-foolka waxey bilaabeen inay shacabkii xasuuqaan. Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay difaacdo shacabkeeda oo kooxahan laga wada sifeeyo dhammaan dalka oo dhan.” Ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.
 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku ammaanay shacabka gobolka Bay sida geesinimada leh ee ay ciidamda Dowladda ugu gacansiiyeen xoreyntii kooxaha Al-Shabaab iyo Al-Qaeda looga guuleystay ee looga saaray deegaanadaas. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu ku ammaanay shacabkaas sidii quruxda badneyd ee ay u soo dhoweeyeen wafuudii ka socotay Dowladda Federaalka KMG ah.
 
      DHAMMAAD -

Somaliland: Chancellor of Hargeisa University Quits His Post

$
0
0

HARGEISA(SomalilandPress)–The Chancellor of Hargeisa University professor Muse Adan Ahmed has resigned from his post citing personal reasons in a press conference held in the university, Professor Muse speaking to the press today in his office revealed his intentions to quit from his post and that he had as of yesterday submitted his letter of resignation to the Minister of Education and High Learning Hon Zamzam Abdi Adan, the professor is quitting from the post which he had held for the past
five months.
Professor Muse said, in the last few weeks reports of the University administration and students at the institution been at logger heads over the decision to increase tuition fee has been featured in the
media almost on a daily basis. On the other hand Professor Muse said he was shocked to hear from the
media of a committee appointed to look into students grievances by the Ministers of Education and Interior without even consulting the University administration which to my opinion deemed improper and
unequivocal resolution.
The resignation of the chancellor came amid the recent appointment of a committee tasked to look into the grievances of students and as well as the decision which prompted the university administration to
increase of the tuition fee in the first place, the reason to appoint the committee was to ease tensions at the institute and also to avert a proposed strike by students.
Since inception in the year 2000, six of the planned faculties were made operational, and are at different levels of development. It is universally recognized that education offers the best means for individual advancement and as the key to national development. Before the start of the civil war in 1988 in Somalia, education was available only to a small urban minority. Since the war, even this limited opportunity almost vanished as the whole educational system collapsed. Schools were destroyed, books, equipment and furniture were looted, and the only university in the country was left in ruins. There is a colossal demand for higher education outlets. 63% of high school graduates for the academic year 2002-2003 did not find a place
in the existing university systems or in any other tertiary level education. In addition to the number of students waiting for places in the university, a spillover from earlier Secondary school graduations,
there is the projected increase of high school graduates in the coming years to contend with.
There exists, however, a number of constraining factors that do not enhance the development process of the University, which include; among others: That the University was formed on community initiative
and that there were no sufficient funds to achieve the stated objectives. This is further illustrated by the fact that only 50% of the university premises have been rehabilitated.
The university lacks the basic and essential inputs like text-books, library building and books, laboratory buildings and laboratory equipment and chemical materials, the required qualified lecturers are not available locally, and the university could ill-afford recruiting lecturers from abroad. Essential equipment is in short supply and also, mostly not available locally. An array of small but essential things, that without them the quality of education is jeopardized, need be covered. Lack of sufficient computers, and the lack of or dearth of software is a stifling problem.
Despite these challenges, the University attained appreciable achievement; first of which is that it is operating in the right direction to achieve its mission. Same as other universities in the contemporary world.
Somalilandpress
Biggest English-Somali news portal
Monday, April 9, 2012

Shirjaraaid oo ay Madaxda dhaqanka g/Awdal ku qabteen Hutelka RAYS

Aqoonyahanka Beesha Sade ee Nairobi oo kulan yeeshay.

$
0
0

Nairobi:- Kulamo ay Maalmahan Magaalada Nairobi ku lahaayeen Aqoonyahanka iyo Cuqaasha Beesha Sade ee Mareexaan ayay Ku soo Afmeereen dhawaan Gudaha Magaaladaasi, Kulamadood ayaa looga doodayay sidii Gobolka Gedo loo Gaadhsiin Lahaan Maamul Hoosaad Hase ahaatee arrimo kale oo dheeraad ah ayaa Jira oo aad looga hadlay sida Doorashada Ugaaska Guud ee Beeshaasi, ka dib Geeridii Ugaaskii Beesha ee dhawaan.
Buuli Fariil oo ka mid ah Aqoonyahanka Gobolkaasi ayaa Shirkii ka dib la hadlay Warbaahinta waxana uu sheegay inay ka hadleen Arrimaha dhaqanka Beesha Gaar ahaan Doorashada Ugaaska Beesha oo dhawaan dhacaysa wuxuu Carra baabay in Dowlada Somaliya ama Siyaasiin kale aanay Fara Galin karin Marnaba dhaqanka Beesha.
Wuxuu Qeexay in Ugaaska Guud ee beeshu yahay Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi kaasi oo Xaq u leh in lagu caana Shubo Madaaba uu Aabihiis ahaa Ugaaska Beesha.
“Ugaaskii Beeshu Alle Janadii ha geeyee wuxuu ahaa Ugaaska Guud ee Beesha Sade ilaa 52-Sano buu ahaa Ugaas Markaa mar hadii uu Geeriyooday waxa Haboon in la Raaco dhaqanka oo Wiilashiisa lagu Caana shubo  Laakiin waxaanu ka digaynaa in aanay TFG Soo Fara galin dhaqanka Beesha isla markaana loo Dhaafo Cuqaasha soo Jireenka ah si ay Arrintaasi u Xaliyaan” Ayuu Yiri Mr Buule.
Gedoonlinenews@gmail.com
 


IRAN: Wadahadal Waan Galeynaa

$
0
0

Iran ayaa xaqiijisay inay maalinta Sabtida ah ee soo socota magaalada Istabuul kula kulmeyso awoodaha reer galbeedka, hase yeeshee waxa ay ku boorineysaa in shuruudaha ay hor dhigeen Iran ay meesha ka saaraan ka hor inta aan laga wada hadlin arinta Nukliyeerka.

Golaha Sare ee Amaanka Iran ayaa xaqiijiyay isniintii shalay inuu la kulmi doono shanta xubnood ee joogtada ka ah ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, oo kala ah Mareykanka, China, Russia, Britain iyo  France – oo lagu daray Germany

Iran ayaa dooneysa in wareeg kale oo wadahadalo ah uu ka dhaco magaalada Baghdad, waqti dambe, si looga wada xaajoodo arinta ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran ee lagu muransanyahay.

Wax jawaab ah oo durbadiiba ka soo baxay awoodahan dunida ee arintan ku lugta leh ma laha. Iran ayaa ka caga jiideysay in wada hadalku uu ka dhaco Istanbuul, iyadoo ku andacooneysay in Turkiga uu ka soo horjeestay dalka Syria oo ay muddo xulufo ahaayeen.

Farmajo: Waxaa dhacaya August Ka Dib….

$
0
0

Bisha August ee soo socota oo ay haatan naga xigto wax ka yar afar bilood, waxaa la filayaa inuu soo gabagaboobo waqtiga KMG ah ee dowladda Somaliya.

Waxaana socda dadaalo la xiriira sidii loo dhameystiri lahaa howlaha ka horeeya ee ay tahay in la hirgeliyo waqtigaa inta ka horeeysa.

Hadaba Qeyb kale oo aan idiin heyno oo ka mid ah wareysi uu Cabdiraxman Yabarow oo ka tirsan VOAda la yeeshay Ra’isul Wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu wax uga weydiiyay waxa uu kala socdo waxa dhacaya marka uu dhamaado waqtida dowladda.

Wareysiga halkan hoose ka dhageyso.

Faalada Halganka: Madaxweyne Shariif oo ku dhici raba dabin siyaasadeed oo loo dhigay!!

$
0
0

Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa la sheegay inuu ku dhici rabo dabin ama siriq siyaasadeed oo ey u maleegeen qolooyin dhowr ah oo loolan siyaasadedd kula jira madaxweynaha doonayana iney la tartamaan marka xiligiisu dhammaado. Siriqdan siyaasadeed oo uu san fahmin madaxeynaha iyo ragg badan oo ka tirsan reer aala sheekh ayaa timid kadib markii madaxweyhaha qooliyin u shaqeeya ragga ka soo horjeeda u sheegeen inuu eeedeeyo qaar kamid ah wasiiradiisa oo aan isaga maqaam u ahayn maadaama uu yahay madaxweynaha dalka iyadoo waxa dhimana ey yihiin dhowr bilood.

 

Waxyaabaha ey qoonsadeen ragga loolan siyaasadeed kula jira madaxweynaha ayaa la sheegay iney kamid yihiin xifaaltan siyaasadeed oo cajiib ah uu u galay siyaasada dalka somalia. Siyaasahaaas ayaa waxaa kamid sidii uu isugu xilqaamay duugtii madaxweyhihii ee somalia Col. Cabdullahi Yuusuf, safaradii uu ku tegay garowe, gaalkacyo iyo cadaado oo dhammaantood ey ka shaqeeyeen reer alla sheeikh oo ciyaaray qoob ka cayaar siyaasadeed taas oo ka dhigeysa madaxweynaha oday soomaaliyeed oo isgu keeni kara shacabka soomaaiyeed. Arrintan ayaa rajo  xumo ku abuurtay rag dhowr ah oo u qanqal taagayey iney la wareegeen booskiisa siyaasaded iyadoo ka dhigtay nin states man ah ama oday soomalyeed. 

 

Laakiin arintaas ayaa u eg mid ey doonayaan ragga hardanka siyaasadeed kala dhexeeyo madaxeynaha iney hal bacaad lagu lisay dhigi rabaan kamid markii rag hoos ula socda raggan madaxweynaha la hardamaya ey dhegta ugu sheegeen in uu eedeeyo mid mid ah wasiiradiisa ugu shaqada badan isla markaasna kamid kuwa isaga u ugu raacsanaan badan iyagoo ku raadsaday qabiilka uu ka soo jeedo si arintan loogu ekeyso in madaxweynuhu u raaadsanayo wasiirka si qabali ah.

Sida muuqata rag kamid ah reer aaala sheikh ayaa iyagu fahmday arinta iyagoo isku dayaya iney si dhakhsa ah ku damiyaan arinta iyadoo la sheegi doono in laga war sugo baaritaankii la iclaamiyey.

Wasiirkan la eedeeyey oo isaga laftiisu khabardaar ah siyaasadan phychologyiga ah ee adduunka laga wada isticmaalo ayaa isaga laftiisu fahmin siriqda loo dhigayo isagoo u qaatay in isaga weerar lagu hayo uusan istaahilin kadib markii lagu eedeeyey in wasaaradiisu eysan u soo sheegin ciidamada amniga xafladan kuwa baaswadayaasha ahi dadka waxgalka u ah dalka ku laayeen.

Duqa Magaalada muqdisho oo isagu laftiisu ka mid ah reer aala sheeikh ayaa maanta eed u soo jeediyey siyaasiyiin uu ku sheegay iney doonayaaan in khal khal siyaasadeed ka abuuran magaalada Muqdisho taas oo salka ku heysa arin qabyaaladeed khaasatan beelaha magaalada Muqdisho oo sanadihii madaxweynuhu dalka talinayey meel isula jeeday. Sheekada duqa magaalada muqdisho ayaa dad dhowr ahi sheegeen iney ka soo ureyso arin Muduloodsi taas runtii ah mid uusan madaxweynuhu marna isticmaalin tan iyo markii loo doortay inuu dalka hoggaamiyo.

 

Si kastaba haddii aan la damin arintan siyaasadeed ee loo maleegayo madaxwenaha iyo ragga isaga iyo qaranka  u shaqeeya ayaa waxey keeni kartaa in madaxeynaha sumcadiisu hoos u dhacdo iyadoo rag raja beelay rajja ka geli doonto booska madaxweynaha taas aan sida aan aamisanahay wax dan ahi ku jirin shacabka soomaaliyeed oo iftiin yar u soo bidhaamayo.

 

halgankanet@gmail.com 

Shirweynihii jaaliyadda beesha Karanle ee dalalka Skaandaneefiyanka oo lagu soo gabagabeeyey Stockholm iyo go’aano muhiim ah oo kasoo baxay.

$
0
0

Shirweynihii jaaliyadda beesha Karanle ee dalalka Skaandaneefiyanka ayaa
lagu soo gabagabeeyey magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen ilaa 100 ergay oo ka kala yimid wadamada
Norwey iyo Danmark iyo dalka Sweden oo marti galiyey shirka sanadkaan
2012.

Shirka ayaa waxaa uu furmay 11kii aroornimo ee maalintii axada ee bisha
april ay aheed 8da iyadoo uu shirka lagu furay aayadaha quraanka
kariimka oo uu akhriyey Sheekh Cabdullaahi Shiikh Cumar Shiikh Xuseen
kadibna waxaa hadalka qaatay Sheekh Ciise Cali Shiikh oo isna halkaas ka
soo jeediyey wacdi aad u qiimo badan oo ka hadlaayey wanaagga
xariirinta qaraabada iyo waxa ay diinta islaamka ka qabto Kadib waxaa
hadalka furay gudoomiyaha jaaliyada beesha Karanle ee Stockholm Cabdala
Aadan Xasan oo marti sharafta kusoo dhaweeyey shirka isagoo ku hadlaaya
magaca guddiga iyo odayaasha iyo jaaliyadda Stockholm isla markaana soo
jeediyey in shirguddoon loo doorto Nabadoon Cabdi Afrax Cosoble iyadoo
shirweynaha uu arintaas aad usoo dhaweeyey.

Intaas kadib waxaa bilowdey in ergooyinkii shirka ka qaybgalaayey uu mid
walba ka jeediyey shirka warbixin ku saabsan jaaliyadaha ay ka
yimaadeen iyo howlqabadkooda.

Waxaa ugu horeeyey oo ka hadlay halkaaas CabdiCasiis Giftin oo
martisharafeed ahaan uga qaybgalay shirkaas isla markaana ka soo socdey
Jaaliyadda beesh Karanle ee waqooyiga Ameerika. CabdiCasiis waxaa uu ka
hadlay xaalada jaaliyadaha beesha Karanle ee waqooyiga ameerika asagoo
ku dhiirigaliyey shirweynaha in la adkeeyo midnimadda beesha Karanle
guud ahaan, gaar ahaan qurba joogta beesha Karanle lagana shaqeeyo sidii
hoggaan mideysan ay u samaysan lahaayeen jaaliyadaha beesha Karanle ee
ku nool waqooyiga Ameerika iyo Yurub.

Kadib waxaa hadalka qaatey Dr Cabdulqaadir Khaliif oo ku hadlaayey
magaca ergada jaaliyadda dalka Norwey isagoo warbixin dheer oo ku
saabsan qaabdhismeedka iyo horumarka ay sameysey jaaliyadda beesha
Karanle ee Norwey halkaas ka jeediyey isagoo carabka ku adkeeyey
muhimmadda ay leedahay midnimadda iyo isku duubnaanta beesha Karanle
gaar ahaan xiligan xaasaasiga ee ay mowjadaha isbedelada iyo
jahawareerka siyaasadeed uu ka jiro dalka Soomaaliya.

Kadib waxaa hadalka qaatey Cabdikariin Muuse Faarax oo ku hadlaayey
magaca ergada dalka Danmark isagaoo warbixin faahfaahsan ka bixiyey
waxqabadkooda iyo qaabdhismeedkooda isla markaana ku nuuxnuuxsaday
muhimmada ay leedahay midnimadda beesha Karanle.

Kadib waxaa hadalka qaatey nabadoon Cabdi Afrax Cosoble oo ku hadlaayey
magaca ergada Gothenborg oo isaguna ka warbixiyey howlqabadka iyo
qaabdhismeedka jaaliyadda beesha Karanle ee magaalada Gothenborg.
Nabadoon Cosoble ayaa qeexay lagama maarmaanimadda midnimadda wada jirka
beesha Karanle isagoo sheegay in midnimadda lagu gaari karo horumar
weyn oo aan lagu gaari karin tafaraaruq iyo kala tagsanaan.

Iyadoo halkaana aan lagu soo koobi karin hadalada iyo warbixinada ay
ergooyinka ka qaybgalay shirkaan ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii halkaa ka
hadlay Kornel Cabdullaahi Maxamuud Samatar(Kornel Black) oo ku hadlay
magaca ergada magaalada Orebro isagoo sidoo kale soo qaatay tusaalooyin
iyo dhacdooyin uu usoo joogay oo ah horumarka iyo wanaaga ay keeni karto
midnimadda iyo isku duubnaanta.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Cali Garaad Xuseen oo ku hadlaayey
magaca ergadda magaaada Vannersborg isagoo Cali Garaad sheegay in lagama
maarmaan tahay in Alle loo noqdo lana soo celiyo dhaqamadii wanaagsanaa
ee beeshu laheed sida quraan akhriskii joogtada ahaa ee beeshu ay u
laheed hiddaha iyo dhaqanka.

Xaashi Maxamed Cadow(Xaashi Dhabarey) oo ku hadlaayey magaca ergada
magaalada Trollhatten ayaa sheegay lagama maarmaanimadda sugidda amaanka
iyo kala danbeynta goobaha ay beeshu ku nooshahay isagoo sheegay
inaysan jiri karin wax nolol ah ammaan la’aan. Xaashi Dhabarey ayaa
tibaaxay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay tahay mid aan la isku
haleyn karin isla markaana dad badan oo soomaalida ka mid ah ay tahay
caqliga kaliya ay fahmayaan inay kugu qiimeyaan awooddaada milateri
sidaa darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo istraatijiyad difaac
oo lagu sugi karo ammaanka goobaha beeshu ay degto ee dalka
Soomaaliya.Xaashi Dhabareey ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo in cid la
dulmo ama lagu xadgudbo haddana ay laga maarmaan tahay inaad dulmiga
iska celin kartid oo aad ka hortagi kartid. Xaashi ayaa sheegay in
qofkii wanaag kuula yimaado lagu soo dhaweeyo wanaag iyo gacmo furan
laakiinse qofkii xabad iyo dulmi kuula yimaado loo diyaargaroobo in la
iska dhiciyo oo awood loo isticmaalo. Xaashi Dhabarey ayaa sidoo kale
soo jeediyey in shirweynuhu uu taageero maamulka Dowladgoboleedka
Ceelbuur State oo taabagalinta iyo ciidan u sameeyntiisa ay jaaliyaddu
ka qaadato kaalin muuqata.

Dr Cabdulqaadir Maxamuud Walaayo oo ku hadlaayey magaca ergadda
magaalada Esklistuna ayaa ka sheekeeyey taariikhda facaweyn ee beeshu ay
ku leedahay koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Banaadir iyo
Shabeeladda Hoose iyo heshiisyadii iyo wada noolaanshihii ka dhexeeyey
beesha Karanle iyo beelaha kale ee ay dariska yihiin iyo wanaagii ay ku
wada joogi jireen iyadoo uu sheegay in beesha Karanle ay waligeed nabad
jecleed laakiinse haddii edeb daro iyo dulmi loola yimaado ay kaga
hortagi jireen si wada jir ah iyo gacan bir lana eedi jiray dulmi iyo
gardaro loo geysto.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Cabdisalaan Maxamed Jimcaale oo ku
hadlaayey magaca ergadda Vasteros, Mahad Mahad Alle oo ku hadlay magaca
ergada Katrineholm, iyo Cali Jii oo ku hadlaayey magaca ergada
magaalada Halstahammar. Dhamaan ergooyinkaas ayaa hadalkooda ku xusayey
muhimmadda ay leedahay midnimadda beesha Karanle iyo adkeynta wadajirka
iyo ka hortagida dadka maangaabka iyo waxmagaradka kala dhantaali kara
wadajirka beesha. Dadkii kale ee halkaas ka hadlay oo aan meeshaan lagu
soo koobi karin waxaa ka mid ah: Suldaan Abuukar Socdaal Abtidoon,
Xildhibaan Maxamed Cali Jimcaale, Nabadoon Aadan Cali(Aadan Canjeex),
Maxamed Cabdi Madoow, Cabdirisaaq Waxaracade, Cabdriraxmaan Cali Shiikh,
Daahir Jeyte, Maxamed Xuseen Baare iyo Jibriil Cabdulle Macalin oo
dhamaantood halkaas ka jeediyey hadalo dhiiri galin iyo guubaabo ku
saabsan midnimadda iyo horumarka beesha.

Kadib waxaa la gaaray waqtigii salaada iyo qadada iyadoo markii qadada
laga soo noqdey la gudo galay dood dheer oo ku saabsan istaraatiyadda
beesha Karanle ee ku wajahan xaaladda dalka Soomaaliya iyo mustaqbalka
beesha Karanle iyo horumarinta deegaanadda beesha Karanle.

Dood iyo falanqeyn iyo ra’yi isdhaafsasho saacado badan qaatey kadib waxaa la soo saaray go’aanadda soo socda:

1- Jaaliyadda beesha Karanle ee Iskaandaneefiyanka waxa ay u aragtaa
mid muqadas oo lama taabtaan ah midnimadda beesha Karanle waana in mar
walba la xasuusnaadaa walaaltinimada iyo wada dhalashada la iskuna
ixtiraamaa kala duwanaanshaha aragtida iyo rayiga lagana wada shaqeeyaa
horumarka deegaanada beesha ay degto gaar ahaan dhinacyada
waxbarashada, Caafimaadka, Adeega biyaha iyo horumarinta wax soo saarka.

2- In guddiyadda fulinta ee wadamadda iskaandaneefiyaanka ay sameystaan
guddi farsamo oo shaqo(Working group) oo wadan walba uu kusoo
darsanaayo labo qof oo uu soo dirsadey iyadoo guddigaas uu ka shaqeyn
doono qaabka isku xirka wadamada iyo wada shaqeynta guddiyada wadamada
Skaandaneefiyanka. Shirsanadeedyada jaaliyadda beesha Karanle ee
Skaandaneefiyankana waxaa marti galin doona sanad walba wadan si
wareegto ah.

3- Waxaa la dhisay guddi farsamo oo kooban 11 xubnood oo reer Sweden ah
iyadoo guddigaas ay ka shaqeyn doonaan dhisida Gole odayaal dhaqan oo
marjic u noqda dhamaan beesha Karanle ee dalalka Skaandaneefiyanka
iyadoo wadamada Norwey, Danmark iyo Finland laga sugaayo soo gudbinta
xubnaha uga qaybgalaayo guddiga farsamo ee dhisida odayaal
dhaqameedyada.

4- In gudaha wadanka Soomaaliya la dhigo gogol ay kasoo qayb galaan
dhamaan xubnaha muhiimka ee beesha Karanle gudaha iyo dibaddaba ,
gogoshaas oo looga arinsanaayo istraatijidda beesha ee Mustaqbalka
laguna dhisaayo gole guurti ama gole odeyaal dhaqameed oo marjic u noqda
dhamaan beesha Karanle ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya. Golahaas oo
noqonaayo meesha lagu gorfeeyo arimaha quseeya beesha isla markaana
go’aan looga gaaro . Qarashka ku baxaayo gogoshaas waxaa bixinaayo
jaaliyadaha qurbajoogta beesha Karanle.

5- Jaaliyadda beesha Karanle ee Iskaandaneefiyanka waxa ay ka digeysaa
in dad aan u dhalan beesha Karanle ay ka hadlaan aayaha iyo mustaqbalka
deegaanadda beesha Karanle iyadoo ka digeyso cawaaqib xumo ka dhalan
karta talaabooyin qar iska tuurnimo oo ay qaadaan beelo raba
dhulbalaarsi iyo sadbursi.

6- Jaaliyadda beesha Karanle ee Iskaandaneefiyanka waxa ay gaashaanka u
daruureysaa maamul walba oo laga sameeyo deegaanada beesha loo yaqaaan
oo lagu dhawaaqo iyadoon lagala tashan waxgaradka iyo aqoonyahanada iyo
bulshada ku nool deegaanada beesha Karanle.

7- Jaaliyadda beesha Karanle ee Iskaandaneefiyanka waxa ay ka digeysa in
iyadoo laga faa’iideysanaayo jahawareerka iyo dagaalada sokeeye in la
sameeyo isku day wax ka badal qaabkii soomaalidu waligeed u daganeed
iyadoo beesha Karanle marnaba ay ogolaan doonin in dhul beesha deegaan u
ahaa oo ay waligeed degaaneed in la isku dayo in taariikh iyo
Khariirado aan jirin in loo sameeyo iyadoo mar walba diyaar u ah in
taariikhda iyo maktabadaha caalamka loo noqdo cidii tuhun uu kaga jiro
dhulka loo yaqaan beelweynta Karanle.

8- Jaaliyadda Beesha Karanle ee Iskaandaneefiyanka waxa ay soo
dhaweyneysaa nabad ku wada noolaanshaha beelaha ay dariska yihiin iyo
inay wax wada qabsadaan beelaha dariska ee wada dhashay ee wadaaga
dhulka iyo dhaqankaba.

9- Jaaliaydda Beesha Karanle ee Iskaandaneefyinka waxa ay taageersan
tahay in dowlad soomaaliyeed oo islaam ah la helo maadaama ay ummadda
soomaaliyeed dan ugu jirto islaamnimo, dowladnimo, nidaam iyo kala
danbeyn .

10-. Jaaliyadda beesha Karanle ee Iskaandaneefiyanka waxa ay
cambaareyneysaa xoog wax ku raadin iyo falal argagixisanimo dhinac walba
oo uu ka yimaado iyadoo u aragto inuu xalka Soomaaliya uu ku jiro inay
wada hadlaan kooxaha ku dagaalamaya hanashada xukunka Soomaaliya.

Kormeerka iyo dabagalka qodobadda shirkaan waxaa u xilsaaran guddiga
farsamada ee guddiyadda fulinta ee wadamada Skaandaneefiynka ay iska soo
xulaan iyadoo lagula xisaabtami doono shirweynaha sanadka 2013.

Ilaah ayaa mahad leh na waafajiyey inaan iskugu imaano ka talinta danta
dadkeena iyo dalkeena isla markaana Nabadgelyo iyo Naxariis ha ahaato
nabigeenii Muxammad ahaa dushiisa nabigaas oo loo soo direy in
ummaddaha uu uga digo cadaabka Alle una iftiinsho jidka hanuunka aakhiro
iyo adduunka dushiisaba.

Wabilaahi Towfiiq

Shirweynihii Jaaliyadda beesha Karanle ee Skaandaneefiyanka Stockholm, Sweden

Wixii warbixin oo intaas dheer ama talo soo jeedin noogu soo dir
emailka: scandaniviankaranle@hotmail.com ama kala xariir magacyada
hoos ku qoran

Cabdala Aadan Xasan dalka Sweden

Asad Xaaji Cabdulqaadir dalka Norwey

Cabdikariin Muuse Faarax dalka Danmark

Hillary Clinton "30-35 daqiiqo qof kamid ah madaxdii Mareykanka ee daawaneysay hawlgalkii lagu dilay Usama Bin Laden ma neefsan"

$
0
0

Hillary Clinton, Xoghayadda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo hadal u jeedineysay dhalinyaro Mareykan ah oo ka qalinjebisay Kulliyad ciidan ayaa waxay cabirtay dareenkeedu sidii uu ahaa markii ay si toos ah u daawanayeen hawlgalkii lagu dilay Usama Bin Laden.

Mrs. Clinton waxay sheegtay in madaxdii halkaas ku jirtay oo uu mid ka ahaa Madaxweyne Obama ay kar waayeen in ku dhowaad ay 30- 35 daqiiqo neefsadaan khatarta iyo faa'iidada is-barbar socotay oo meeshaas taalay darteed inkastoo markii dambe ay ciidamadoodu ku guuleysteen inay dilaan Usama iyo Ehelkiisa ku dhuumaaleysanayay meel aad uga fogeyn saldhig ciidamadeed Bakistan ku yaal.

Bin Laden ayeey Mareykanku ku eedeeyeen in uu yahay cadawgoodi gudaha Mareykanka ku dilay dad aad u badan oo Mareykan ah xilligan casriga ah ee wadamada qaarkood ay ku faanaan sirdoon iyo difaac aad u sareeya.

halgankanet@gmail.com 

Warbixin aan idinkaga heyno xaalada degmada Ceelbuur iyo degaanada ku hareersan kadib qabsashadii ciidamada Xabashida

$
0
0

Wararka aan ka heleyno magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in tan iyo markii ciidamada Itoobiyaanku halkaasi gaareen ey magaaladu ahayd mid faaruq ah oo uusan ka socon wax dhaqdhaqaaqa marka laga reebo meelaha isgaarsiinta qaar kamid ah oo ey wax ka joogaan ciiidamada xabashidu.

Magaalada Ceelbuur iyo degmooyinka kale sida Wabxo, Dac iyo Maxaas oo ka kala trisan gobolka galgaduud iyo hiiraan ayaa la sheegay inaan dadka shacabka ahi u soo iibgeyn badeecadooda kala duwan sida caanaha, xoolaha iyo dalagyada kale ee daruuriga ah.

Waxaa sidoo kale xiran bakhaarada cuntada iyo suuqyadii xoolaha nool lagu gedi jiray iyadoo dadku badankooda wax ka gataan macaashyo ku yaala duleedlka magaalooyinka ey qabsadeen ciidamada xabashidu. Dadka shacabka ah ayaa waxey kala aadeen magaalooyinka kale ee gobolka sida Ceel la helay, derri iyo dhulka biyaleyda ah ee duleedka wabxo sida Waragibile, Afhaay iyo Ceelafweyne.

Ciidamada Xabashida ayaa la sheegay iney soo foodsaartay nolol xumo kadib markii wax badeecad ah la keeni waayey magaalooyinka ey qabsadeen iyadoo ey magaalooyinka haawanayaan.

Shalay ayey ahayd markii diyaarada u siday saad iyo hub ciidamda Xabashidu ka soo degagay madhaarka magaalada Ceelbuur kadib markii uu khal khal galay noloshii ciidamada xabashida ee halkaasi iyagu qabsaday oo iyagu caadi u leh loona tababaray iney ka noolaan meela ey qabsadeen oo ah waxa afka qalaad lagu yiraad "life of the land".

Isu Socodka ciidamada xabashida ayaa  sidoo kale aan la iksu haleyn karin iyadoo ey jidadka ugu jiraan ciidamadii Alshabaab ee iyagu horey u joogay magaalooyinka ey haatan xabashidu qabsadeen iyadoo ey u egtahay in lagu daabuli doono saadkooda daruuriga u ah ciidamada Xabashida dhanka Cirka oo keliya.

Wararka kale ayaa sheegaya in dowladda KMG ah ey qorsheyneyso iney geyso ciidamada AMISOM magaalada Ceelbuur kadib markii ey diideen waxgarad ka soo jeeda gobolka iney la shaqeeyaan ciidamda Xabashida.

Ra’iisul Wasaaraha oo shaaca ka qaaday in xilliga KMg la soo afjarayo bisha Agosto

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey soo afjaridda Xilliga Kala guurka ah, iyo qorsheyaasha Roadmapka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii sheegay in heshiiskii Soomaalida ee 6dii September 2011 uu ahaa mid taariikhi ah oo soo celiyey karaamadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed, bacdamaa heshiiskaas uu ahaa mid uu hoggaankiisa iyo wadatashigiisaba lahaayeen Soomaalida isla markaana 3 cisho gudahood lagu gaaran heshiis. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in 8dii bilood ee la soo dhaafay horumar baaxad leh laga sameeyey dhammaan qeybaha muhiimka ah ee uu Roadmap ku ka koobnaa sida Amniga, Dib-u-heshiisiinta iyo Isku xirka maamulada iyo Dowladda, Dastuurka iyo Maamul Wanaaga.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in wadajirka Soomaalida iyo heshiiyadii taariikhiga ahaa ee Garowe I, Garowe II iyo kii Gaalkacyo ay kalsooni buuxda gelisay caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo keentay in Dowladda UK ay Soomaalida isagu yeeraan shirkii 23kii Febraayo ka dhacay London oo isna ahaa shir taariikhi ah oo beesha caalamku ay ku go’aansadeen inay mideeyaan aragtidooda ku wajahan Soomaaliya oo ay si dhab ah ugu soo jeestaan arrimaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in soo afjaridda Xilliga KMG ah ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo dowlad rasmi ah oo u istaagta danaha shacabka Soomaaliyeed. Waxaa jira waddamo la mid ah Soomaaliya oo aan ku jirin KMG. Ra’iisul Wasaarahu waxuu caddeeyey inay ka go’an tahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu aad ugu dheeraaday habka soo xulidda Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub oo uu sheegay inay soo xulayaan Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed oo kaashanay bulshada Rayidka ah, waxuuna caddeeyey in Saxiixayaasha aysan soo xuli doonin Ergeyda Ansaxinta Dastuurka iyo Xildhibaanada cusub. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inay ka go’antahay in waqtiga yar ee haray uu ku dadaali doono sidii bulshada Soomaaliyeed loo wada gaari lahaa oo ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen barnaamijkan. Waxuuna sheegay in 825ta Ergeda Ansixinta Dastuurka ay intooda badan noqon doonaan bulshada Rayidka oo uu sheegay inay ku jiri doonaan Haweenka, Dhalinyarada, Oday Dhaqameedka, Culumaa’udiinka, Qurbo joogta iyo dhammaan qeybaha kale ee bulshada.
Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaarahu waxuu shacabka Soomaaliyeed kuwooda gudaha iyo dibedda ugu baaqay inay muhiim tahay inay barnaamijka socda taageeraan oo ay ka mid noqdaan Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo xildhibaanada cusub si loo helo Dowlad Rasmi ah oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Xoogga Dalka Soomaaliyeed u diray dhammaan ciidanka XDS, qoysaskooda, iyo shacabka Soomaaliyeed kuna ammaanay dadaalkooda ay dalka dib-uga xorreeyeen kooxahii Argagaxisada, iyagoo ku howlgalayey duruufo aad iyo aad u adag. Waxuuna sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sidii loo haqab tiri lahaa baahiyaha Ciidanka.


Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya oo shir jaraa’id oo xasaasi ah ku qabtay Magaaladda Muqdisho

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey soo afjaridda Xilliga Kala guurka ah, iyo qorsheyaasha Roadmapka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyntii sheegay in heshiiskii Soomaalida ee 6dii September 2011 uu ahaa mid taariikhi ah oo soo celiyey karaamadii iyo sharaftii ummadda Soomaaliyeed, bacdamaa heshiiskaas uu ahaa mid uu hoggaankiisa iyo wadatashigiisaba lahaayeen Soomaalida isla markaana 3 cisho gudahood lagu gaaran heshiis. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in 8dii bilood ee la soo dhaafay horumar baaxad leh laga sameeyey dhammaan qeybaha muhiimka ah ee uu Roadmap ku ka koobnaa sida Amniga, Dib-u-heshiisiinta iyo Isku xirka maamulada iyo Dowladda, Dastuurka iyo Maamul Wanaaga.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in wadajirka Soomaalida iyo heshiiyadii taariikhiga ahaa ee Garowe I, Garowe II iyo kii Gaalkacyo ay kalsooni buuxda gelisay caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, taas oo keentay in Dowladda UK ay Soomaalida isagu yeeraan shirkii 23kii Febraayo ka dhacay London oo isna ahaa shir taariikhi ah oo beesha caalamku ay ku go’aansadeen inay mideeyaan aragtidooda ku wajahan Soomaaliya oo ay si dhab ah ugu soo jeestaan arrimaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in soo afjaridda Xilliga KMG ah ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo dowlad rasmi ah oo u istaagta danaha shacabka Soomaaliyeed. Waxaa jira waddamo la mid ah Soomaaliya oo aan ku jirin KMG. Ra’iisul Wasaarahu waxuu caddeeyey inay ka go’an tahay soo afjaridda xilliga kala guurka ah.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu aad ugu dheeraaday habka soo xulidda Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub oo uu sheegay inay soo xulayaan Oday Dhaqameedka Soomaaliyeed oo kaashanay bulshada Rayidka ah, waxuuna caddeeyey in Saxiixayaasha aysan soo xuli doonin Ergeyda Ansaxinta Dastuurka iyo Xildhibaanada cusub. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inay ka go’antahay in waqtiga yar ee haray uu ku dadaali doono sidii bulshada Soomaaliyeed loo wada gaari lahaa oo ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen barnaamijkan. Waxuuna sheegay in 825ta Ergeda Ansixinta Dastuurka ay intooda badan noqon doonaan bulshada Rayidka oo uu sheegay inay ku jiri doonaan Haweenka, Dhalinyarada, Oday Dhaqameedka, Culumaa’udiinka, Qurbo joogta iyo dhammaan qeybaha kale ee bulshada.
Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaarahu waxuu shacabka Soomaaliyeed kuwooda gudaha iyo dibedda ugu baaqay inay muhiim tahay inay barnaamijka socda taageeraan oo ay ka mid noqdaan Ergeda Ansaxinta Dastuurka iyo xildhibaanada cusub si loo helo Dowlad Rasmi ah oo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Xoogga Dalka Soomaaliyeed u diray dhammaan ciidanka XDS, qoysaskooda, iyo shacabka Soomaaliyeed kuna ammaanay dadaalkooda ay dalka dib-uga xorreeyeen kooxahii Argagaxisada, iyagoo ku howlgalayey duruufo aad iyo aad u adag. Waxuuna sheegay in Dowladda ay ka go’antahay sidii loo haqab tiri lahaa baahiyaha Ciidanka.

Wararkii ugu dambeeyay dhul gariir oo xoog leh oo ku dhuftay dalka Indonesia “Daawo Sawirada”

$
0
0

Dhul gariir balaaran ayaa wuxuu maanta uu ku dhuftay Wadanka Indonesi, kaasoo laga cabsi qabo inuu saameyn balaaran ku yeesho dalka Soomaaliya iyo dalal badan oo ku yaalla Qaaradaha Caalamka.
Dhulka gariirka ku duftay dalka Indonesia ayaa wuxuu geystay burbur baaxd leh, wuxuuna ahaa mid si weyn argagax balaaran ugu reebay shacabka ku dhaqan Wadanka Indonesia, waxaana dheehan karay argagax xoogan
Shacabka ayaa waxay iskaga carareyn guryhooda, iyagoona sare u fuullay buuraha ku yaalla Wadankaasi, si’ay uga bad baadaan dhul gariirka gil gillay qeybaha dalka Indonesia, oo loo-maleynaayo inuu noqonaayo mid Sunaami ah.
Dhul gariirkaan ayaa waxaa la-sheegay inuu saameyn xoogan uu ku yeellan karaayo qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya sida, Xeebaha Raascaseyr ilaa Raaskambooni, iyadoo uu markaasina uu saameyn ku yeellan karaayo Xeebaha Magaaladda Muqdisho.
Thailand, Phuket – 12.18
Sri Lanka, Colombo – 12.20
Maldives, Gan – 12.37
Indonesia, Bali – 12.53
Malaysia, Georgetown – 14.11
Myanmar, Mergui – 14.16
Australia, Perth – 15.20
Mozambique, Angoche – 16.20
Iran, Gavater – 16.46
Somalia, Mogadishu – 16.58
India, Bombay – 17.08
Pakistan, Karachi – 17.44
Kenya, Mombasa – 18.06
South Africa, Durban – 20.10






Madaxweyne Shariif oo shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha ay iska celin karin Al Shabaab?

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha, ay dhibaato weyn ku qabaan Xarakada Al Shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dhibaato xoogan badan ku heyso shacabka Somaliyeed ee ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay in Xarakada Al Shabaab ay dhibaato oo dhan u geysaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in Al Shabaab ay muujineyso waxaan loo-dul qaadan karin, sida uu sheegay.
“Al Shabaab waa cadow inay cadow yihiin waxaad ku ogaaneysaa waxay dilleen hooyo, aabe, caruur, cid walba way dilleen wax ay dhaafeen malaha, hadana waxay gumeysi ku heystaan shacabka ku dhaqan Ceelasha Biyaha”ayuu yiri Mudane Shariif Sheekh Axmed.
“Shacabka ku nool Ceelasha Biyaha ma-hadli karaan maxaa yeelay, awood ay iskaga celiyaan Al Shabaab malaha, marka waxy iska ogolaadeen in la-gumeysto, laakiin ma-rabno sidaas ee waxaan rabnaa inaan shacabka ka dul qaadno” ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu doonaayaa in Xarakada Al Shabaab laga saaro Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay si buuxda leh gacanta ugu heyso Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo dibada u qaadeysa hooyooyin badan oo si xun ugu dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaaladda Baydhabo

$
0
0

Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay caafimaad dibadeed u qaadeyso, dadkii Isniintii ku dhaawacmay qaraxii weynaa ee ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Maxamuud, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in caafimaad dibadeed ay u qaadayaan, dadkii dhawaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaaladda Baydhabo.
Wasiir ku Xigeenka ayaa wuxuu sheegay inay sameyn doonaan tiro koob, ayna mid mid u qiimeyn doonaan hooyooyinkii Isniintii sida xun ugu dhaawacmay qaraxii ka dhacay Magaaladda Baydhabo.
Sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan qaylo dhaan ay u jeediyeen caalamka, oo ku aadan qaraxii laba maalin kahor ka dhacay Kawaanka Magaaladda Baydhabo, kaasoo uu sheegay in wax yeelo ba’an loogu geystay hooyooyin Soomaaliyeed.
Hooyo walba oo xaalad adag ku jirta waxna looga qaban waayay gudaha dalka, ayaa wuxuu sheegay in uu waajib uu ka saaran yahay sidii ay dadkaasi ugu qaadi lahaayeen caafimaad dibadeed, si wax looga qabto xaaladooda caafimadeed.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Maxamuud, ayaa wuxuu eedeymo xoog leh uu u jeediyay Xoogaga Shabaab, isagoona ku eedeeyay kuwo xasuuq ku haaya shacabka Somaliyeed.

Gurmadyo xoog leh oo ku soo qul qulaaya duleedka Magaaladda Muqdisho iyo Shabaab oo dagaalo u diyaar garoobay

$
0
0

Gurmadyo xoog leh oo taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku soo qul qulaayaa duleedka Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxayna u muuqdaan kuwo u diyaar garoobay dagaalo ay la-gallaan Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee kusoo qul qulaaya duleedka Degmada Dayniile, ayaa waxaa la-sheegay inay ka imaanayaan Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna ku hubeysan yihiin noocyada kala duwan ee hubka.
Ciidamadaan oo soo gaaray duleedka Degmada Dayniile ayaa waxaa la-tilmaamay inay kaga soo tallaabeen wadada dambe ee marta Deegaanada loo-barakacay, ee sida toos ah uga timaaday Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dooneysaa inay kahor tagto weerarada qorsheysan ee xilligaan kaga soo wajahan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Amisom, oo iskaashanaaya.
Al Shabaab ayaa waxay damacsan tahay inay difaacato goobaha ay kaga sugan tahay Degmada Dayniile, iyadoona ay horey u sheegtay wax walba oo dhaca inay difaacan doonto Degmada Dayniile, aysana ka bixi doonin.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu maal-mihii ugu dambeysay uu ku baaqaayay in dagaalo lagu qaado Xoogaga Shabaab, oo uu ku tilmaamay kuwo cadow ah.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live