Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada Kenya oo dib loogu celinayo dalkooda ka dib markii la sheegay inay…

$
0
0

Warka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in askar gaareysa 850-askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya in dib loogu celinayo dalkooda, ka dibna lagu sameynayo ciidamadaasi bedel.
Sida warku sheegayo ciidamadan oo ka mid ah 4600 oo askari oo soo galay dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee sanadkii hore ee dagaalka kula jira Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay dib ugu noqonayaan dalkooda marka si buuxda loo soo dhameystiro ciidamada ka socda dalka Siera Leone oo haatanla sheegay inay ka joogaan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka kuwo hordhac ah oo saraakiil cidan u badan.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ciidamada Kenya inta soo hartay ay ka dhinac dagaalami doonaan ciidamada Siera leone ,iyagoo loo qorsheeyay inay noqdaan qeybta 2-aad ee ciidamada AMISOM ee dhinaca koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaana ay ciidamadaasi hoos tegi doonaan Taliye Kenyaan ah.
Dhinaca kale Colonel Cyrus Oguna ayaa dhawaan lagu wadaa inuu yimaado magaalada Muqdisho si uu ula wareego afhayeenka ciidanka Milatariga ee AMISOM, sidoo kalena madaxa sirdoonka AMISOM ayaa noqon doona sarkaal Kenyaan ah, wuxuuna sheegay Colonel Cyrus Ogunain ciidamada Kenya deegaanada loo qoondeeyey inay ka dagaalamaan waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo oo ah magaalo istiraatiiji ah.


Weeraro iyo dagaal lagu qaaday xalay saldhigga Howlwadaag iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

$
0
0

Weeraro bambaano ayaa xalay lagu qaaday isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana weerarka bambaano xigay rasaas ay is-weydaarsadeen ciidamadii bambooyinka lagu weeraray iyo ciidamo la sheegay inay caawinayeen kooxihii bambooyinka ku weeraray fariisinka ay Isgoyska H/wadaag ku eeyihiin ciidamada dowadda KMG Soomaaliya.
Abaare 7:00-saac ee xalay ayaa waxaa mar qur ah Isgoyska Howlwaadg laga maqlay qaraxyo iyo rasaas la isweydaarsanayo, waxaana la sheegay in markii weerarka bambaano lagu qaaday fariisinka ay ciidamada dowadda KMG ku leeyihiin Isgoyska H/wadaag ayaa waxaa xigay rasaas muddo yar socotay oo ay ciidamadii la weeraray radayeen, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in rasaasta ay aheyd mid la is-weydaarsaday oo labo dhinac ka socotay.
Daqiiqado ka dib ayaa waxaa inta badan xaafadda Howlwadaag isku fidiyey ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG oo rasaas afarta jiho ay u ridayeen, waxayna dadka ku amreen inay guryahooda ku xaroodaan, isla markaasa albaabada isugu dhuftay goobihi ganacsiga ee ka agdhawaa halka uu weerarku ka dhacay.
Sida warku sheegayo ciidamada dowladda KMG ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha ku dhowdhow Isgoyska H/wadaag, lamana sheegin cid ay ku soo qabteen baaritaankaasi, warar kale ayaa waxay sheegayaan in xaalay bandow lagu soo rogay xaafadaha ka agdhow Isgoyska H/wadaag ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay ka dhacay degmada Dayniile, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Xaradaka Al-shabaab oo iyagu weerarka ku qaaday fariisimo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda KMG, lamana sheegin khasaare ka dhashay dagaalkaasi ka dhacay degmada Dayniie.

Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin Wasiiro horay uga soo noqday dowladda KMG oo magaalada Hargeysa u tagay sidii ay Somaliand uga dhaadhicin lahaayeen…

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la baxay Somaliland ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi ay ku suganyihiin Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay Hargeysa u tageen inay Madaxdhaqameedka Somaliland kala hadlaan sidii ay u soo xulan lahaayeen xubno Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya uga mid noqonaya.
Xildhibaanadan iyo xubnaha siyaasiyiinta ah ee hadda ku sugan magaaladda Hargeysa oo illaa hadda tiradooda aan la xaqiijin inta ay la’egtahay ayaa la sheegay inay u direen Madaxda sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya oo doonaya inay Baarlamaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelaneyso ka mid noqdaan, isla markaasna ka mid ah qorshaha Road Map-ka si Somaliland qeyb uga noqoto Baarlamaankaasi oo saami qeybsigiisa lagu saleeyay 4.5-ka.
Sida warku sheegayo Xildhibaanadan ka socda dowladda KMG ee ku sugan magaalada Hargeysa ayaa dhammaantood waxaa lagu sheegay kuwo taageersan qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee dowladda KMG, kuwaas oo kulamo kala duwan la qaatay madaxdhaqameedka Somaliland si ay ugu qanciyaan inay xubno ku darsadaan Baarlamaanka cusub ee soo socda.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Xidhibaanadan ka tirsan dowadd KMG iyo siyaasiyiintan dhammaantood ku sugan magaaada Hargeysa ay ka soo jeedaan beelaha Hawiye iyo Dir, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay diyaariyaan Xildhibaanada dowadda soo socota u meteli doona beelaha Dir, waxaana la sheegay in markii la ogaaday looga yeeray xarunta CID-da, halka warar kale ay sheegayaan in laga soo musaafurinayo magaalada Hargeysa.
Si kasta oo ay ahaataba illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga in xidhibaanadan iyo siyaasiyiintan ku sugan magaalada Hargeysa inay Xukuumadda maamulka Somaliland ogtahay iyo in kale, waxaana la sheegay in siyaasiyiinta la socota Xildhibaanadan ka tirsan Baarlamaanka KMG inay horay Wasiiro uga soo noqday Xukuumadihii KMG ee dalka Soomaaliya soo maray burburkii dalka ka dhacay ka dib.

DEG DEG: Madaxweyne Shariif Oo Magacaabay Gudiga la Hadla Soomaaliland

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa magcaabay guddiga wada haddalka maamulka Soomaaliland ka dib markii dhowaan maamulkaasi uu ogolaaday in uu wada hadal la galo Soomaaliya.
Gudigaan uu magacaabay madaxweynaha ayaa waxay gaarayaan ilaa iyo Todobo xubnood waxaana gudigaan hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka.
Guddigaani ayaa waxa ay magaalada London ee dalka Britain kulan kula yeellan doonaan guddi uu horrey u magcaabay madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo sida la sheegay.
Madaxweyanaha dowlada KMg Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay wax wanaagsan tahay wadahadalada dowlada KMG Soomaaliya iyo waliba maamulka Soomaaliland.
Lama Sheegin xiliga uu dhacayo kulanka ugu horeeya oo ay labadaan dhinac yeelanayaan marka laga reebo in la sheegay in ay ku kulmayaan magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.
Madaxweyne Shariif iyo wefdi oo hoggaaminayo ayaa dhinaca kale  u anbabaxay dalka Ethiopia, halkaasi oo uu uga qeyb  galli doona shirka madaxda Afrika ee magaalada Addis Ababa ka furmaya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Villa Somalia oo xalay lagu weeraray madaafiic iyo madaafiicdaas qaarkood oo ku dhacay gudaha Madaxtooyada

$
0
0

Weerar madaafiic oo isdaba-joog ahaa ayaa waxaa xalay lagu qaaday xarunta Villa Somalia, xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Madaafiicdan ayaa waxaa la sheegay in qaarkood ay gudaha u galeen Xarunta inkastoo aan weli la ogeyn qasaaraha ka dhashay waaba haddii qasaare ka dhashee.

Madaxda dowladda ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarkaas xalay lagu qaaday Villa Soomaaliya, saxaafaduna waxay weli doondooneysaa cid ay weerarkaas xalay agagaarka Madaxtooyada argagaxa geliyay ka wareysato.

Weerarkan ayaa la tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan xoogagga al Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com

MUCJSO: Weyl caafimaad qabta oo Lix lugoodleh oo ku dhalatay dalka Switzerland. (Daawo sawirada weyshaas)

$
0
0

Dalka Switzerland waxaa ku dhalatay weyl soo jiidatay indhaha caalamka, weyshaas oo Lix lugoodleh, waa mucjisada Allee weyshaasi waa caafimaad qabtaa.

Weyshaan oo loo bixiyay Lilli waxaa isla leh Andreas Knutti wuxuuna sheegay in inkastoo ay dhaqaatiirtu wannaag badan ka sheegin weyshaan uusan dooneyn in uu dilo maadaama sida uu sheegay ay caafimaad qabto.

Weyshan ayaa waxay caan ka noqotay gudaha iyo dibadda dalkaas waxaana beerta lagu hayo u soo daawasho taga shacabka badan iyo warbaahin dooneysa inay indhohooda ku arkaan mucjisadan.

halgankanet@gmail.com

 

 

Soomaali kumanaan gaareysa oo ka faa'iideysatay daryeellada caafimaad ee Cisbitaalada Turkiga ee Muqdisho ay fidiyaan

$
0
0

Dowladda Turkiga oo sanadkii tegay si wannaagsan oo aan la qiyaasi karin ugu soo gurmatay Soomaaliya ayaa waxay Muqdisho ka dhiseen Cusbitaalo daryeel caafimaad u fidiya shacabka Soomaaliyeed.

Cusbitaaladaas ayaa waxaa ka mid ah Cusbitaal cudurada indhaha lagu dabiibo iyo kuwa kale oo qalliin iyo daaweyn guud sameeya, waxaana adeegyadaas caafimaad ka faa'iideystay Soomaaliya boqol kun ka badan oo Muqdisho iyo meelo kaleba ka timid.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka furay katiinadiihii ay wadamada deriska qaarkood iyo kuwa kaleba ay dunida inteeda kale kaga xireen Soomaalida waxaana hadda Soomaaliya si aan kala joogsi laheyn ugu sii qulqulaya wadamada Reer Galbeedka iyo kuwa Khaliijka oo doonaya inay danahooda gaar ahaaneed ka fushadaan.

halgankanet@gmail.com

 

Ergayga Dib u Heshiisiinta U Qaabilsan Madaxweynaha DKMG Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay Wada Hadalka Soomaalilan iyo Dowlada KMG

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya u qaabilsan dhinaca dib u heshiisiinta ayaa wuxuu ka hadlay wada hadalada Soomaaliland iyo waliba dowlada KMG.
Wuxuu sheegay in wada hadaladaan ay ku soo aadeen xili wanaagsan isla markaana ay ka soo bixi doonaan wax wanaagsan, wuxuu sheegay in ay guul tahay ugu horeyn in lawada hadlo.
C/qaadir Dhaqane ayaa tilmaamay in wada hadalkaan uu keeno karo in mar kale lees dhexgalo isla markaan magaalada Muqdisho ay yimaadaan masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland masuuliyiinta Soomaalida ay halkaasi tagaan.
Wuxuu sidoo kale uu sheegay in wada hadaladaan ay keeni karaan in Soomaaliya ay ku soo laabato sidii horay loogu aqoon jiray isla markaana ay meesha ka baxaan dhibaatada iyo xasilooni darida.
Hadalkaan ka soo yeeray Ergaygaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili dhowaan lagu wado in ay wada hadlaan dowlada KMG iyo Maamulka Soomaaliland, isla markaana labada dhinacba ay magacaabeen gudiyo kala duwan.
Maamulka Soomaaliland ayaa markii ugu horay wuxuu ogolaaday inuu wada hadal la galo dowlada KMG, waxayna arintaan ay ka danbaysay shirkii lagu qabtay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho


Natiijooyinkii Ugu Dambeeyay Ee Tartanka Koobka Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Saudi Arabia

$
0
0


Jidda (RBC) Ciyaaro ka tirsanaa Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda Boqortooyada Sacuudi Carabiya isaga horyimid taariikhdu markey aheyd 13/04/2012 kooxaha Xiddigaha Ruweys iyo Waberi Star – Sharbatle – Ajax iyo Godey – Blue Stars iyo Dharkanley – Jiin webi iyo Midnimo .
Aan ku horeyno ciyaarta dhexmartey Kooxda Xiddigaha Ruweys iyo Waberi stars ciyaartaasi waxaad moodaa inay xiiso gooni laheyd waayo kooxda Xiddigaha Ruweys iyo Kooxda Waberi Star wey soo wada badiyeen kulamadoodi ugu horeeyey waxeyna wateen min 3 dhibcood iyagoo leys lahaa yaa hogaanka groupka qaban doona ayaa labada kooxoodba waxey ku soo galeen garoonka firfircooni , waxa lawada hardamo leysna weeararo qeybtii hore ee ciyaarta waxey kusoo gabgabowdey 0 : 0.
Qeybta labaad ee ciyaarta ayaa Kooxda xiddigaha Ruweys wax ka bedeshey habkii ama (system ) qeybtii hore ee ciyaarta waxey jihadii laga filaayey u bedeleen jiho kale waxaana ciyaaryahanka lagu magacaabo Mustafa Zola una sita lambarka 9 kooxda ruweys uu sadex gool oo daran doori ah ka dhaliyey . intaasi wixii ka dambeeyey waxaa hogaanka ciyaarta la wareegay kooxda Xiddigaha Ruweys isla markaasna si xirfadeysan ugu badiyey kooxdii waberi star. Dhamaadkii ciyaarta ayaa waxaa inoo suurto gahsey inaan wareysi gaaban la yeelano Tababaraha Xiddigaha Ruweys Tababare Faarax Yaanyo kaasoo kasoo jeeda qoys sport wuxuuna inoo sheegay in uu kooxda gaarsiin doono horumar kana wanaagsanaan doonto marxalada haatan mareyso .
Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxda Sharbatle (Ajax) iyo Kooxda Godey ciyaartaasi waxaa la dhihi karaa mid labada kooxood aysan isku awood aheyn waayo waxaad moodaa inay kooxda Sharbatle(Ajax) ay ciyaartaasi la soo baxdey farsamo aan horey loogu baran oo tababare maxamed Xasan iyo Guddoomiye C/Naasir ay shaleyto goobta keeneen ciyaaryahano farsamadooda ciyaareed aad iyo aad u sareyso islamarkaan qaab ciyaareedkoodu uu aad u fiicnaa . bilowga ilaa iyo dhamaadka ciyaarta ayaa kooxda Sharbatle Ajax ay ku soo bandhigeen ciyaar heerkeeda farsamo aad u sareyso waxeyna kaga guuleysteenkooxdii Godey 3 : 1.
Ciyaartii sadexaad ayaa iyana waxey dhexmartey kooxaha Jiin Webi iyo Midnimo runtii waxey iyana ciyaartaasi ma aheyn mid adag wallow labada kooxood ay san isku awood aheyn iyadoo kooxda Midnimo aysn la soo shir tegin ciyaaryahanadii looga bartey , kooxda jiin webi iyana ciyaartasi aad moodey inaysan ka soo tegin ciyaaryahanadeeda kuwa ugu fiican waxey halkaasi ugu awood sheegteen kooxda midnimo inay 3 : 0 kaga badiyaan .
Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa halkaasi kuwada kulmey kooxaha Blue Star iyo Dharkanley ciyaartasi waxey aheyd ciyaar adag oo labada kooxood ay u muuqdeen kuwo awoodoodu isku dhowdahay guntii iyo gebgebadii waxaa ay 1 : 0 guusha ku raacdey kooxda Blue Star .
 RBC Radio
——————–
Xafiiska Wararka Jidda.

Shaqaale Shisheeye ah oo muddo ku dhow labo Sano Afduub loogu haystay Deegaanoka tirsan Gobalka Mudug oo loo kaxaystay Garacad

$
0
0

Gaalkacyo-hobyonet)Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garacad ee ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Xalay la sooo gaarsiyay Magaaladaas 21 Shaqaale Ajaaniib oo mudo ku dhaw Labo Sano lagu haystay Deegaano ka tirsan Gobalka Mudug.
Kadib iska horimaad aan qaasare gaysan oo dhexmaray Kooxo kawada tirsan Burcad Badeeda ayaa sababay in Qaar ka mid ah Kooxaha dagaalku dhexmaray ay Xoog ku wataan 21Shaqaale oo u kala dhashay dalalka Thailand iyo Chine oo Mudo dheer ay Afduub u haysteen.
Dagaalka dhexmaray Kooxahan kawada tirsan Burcad Badeeda ayaa ka danbeeyay markii ay isku maandhaafeen cida haynaysa Dadka Ajaaniibta ah,waxaana Dagaalka dhexmaray labada Kooxood uu keenay in mid ka mid ah Kooxaha Burcad badeeda ah Xoog looga wato Ajaaniibta gacantooda ku jirtay.
Degmada Garacad ee Gobalka Mudug waxaa horay loogu haystay Dad aad u badan oo Ajaaniib ah kuwaas oo lagala dagay Maraakiibtii ay saarnaayeen,waxaana Shaqaalahan ay qayb ka noqonayaan kuwii horay loogu haystay halkaas.
Dowladaha Thailand iyo Shiinaha ayaa Sanadkii hore ku gacansayray Lacago aad u badan oo ay ka dalbadeen Kooxaha Burcad Badeeda ah waxaana sidoo kale ay Shirkadii ay u shaqaynayeen 21 Shaqaale ay ku guul daraysatay inay ku qanciso Burcad Badeeda inay siidaayaan Shaqaalaheeda.
Www.hobyonet.com

Xubno ka socda Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Muqdisho soo gaaray

$
0
0

Waxaa shalay magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kuwaasi oo xarunta madaxtooyada kula kulmay qaar ka mid ah madax ka tirsan dowlada.
Xubnahan ayaa ka kala socday dalalka France iyo Germany ay kala matalayeen Mr Frederic Jung iyo Stephen Russell oo ay wehliyeen xubno ka kala socday safaaradaha Faransiiska iyo Jarmalka ee Nairobi iyo qaar kale ka socday UNPOS.
Wafdigan heerka sare waxaa soo dhaweeyey oo shir dheer la yeeshay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr Ali Nur H. Duale, Wasiir ku-xigeenka Howlaha Guud & Guryeynta Hareed, Afhayeenka Dowladda Eng. Yarisow, Kaaliyaha RW Abdifatah, iyo Agaasimaha Yurub iyo US ee W. Arrimaha Dibedda Abdi Dahir.
Kulankan ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen horumarka baaxada leh ee laga sameeyey amniga, xiriirka Dowladda iyo maamulada, dastuurka iyo soo afjaridda xilliga Kala guurka ah.
Wasiiru Dowlaha ayaa wafdiga uga mahadceliyey booqashadoodu oo uu sheegay in Muqdisho ay maanta xasilan tahay horumar ballaaran oo xaga ganacsiga uu ka muuqdo. Wafdiga waxaa la siiyey warbixin dhameystiran oo taabaneysey dhan walba loons sheegay in Ra’iisul Wasaarahu uu mudnaanta siiyey oo ay ka go’antahay sidii loo soo afjari lahaa xilliga Kala guurka ah oo aan la aqbalo doonin muddo kororsi.
Arrimaha aadka looga hadlay loogana jawaabay su’aalihii ay qabeen wafdiga ayaa ahaa Roadmap ka, dastuurka oo meel fiican maraya, soo xulidda Madax Dhaqameedka, Ergada Ansixinta Dastuurka, iyo baarlamaanka cusub, qorshaha xasilinta deegaanada cusub ee laga xorreeyo Al-Shabaab, iyo arrimaha burcad-badeedda. Mas’uuliyiinta Dowladdu waxey sheegeen in caalamka looga baahan yahay inay soo dedejiyaan dhaqaalihii lagu fulin lahaa howlaha baaxadda leh ee na hoyaala iyo sidii wax looga qaban lahaa shaqsiyaadka iyo kooxaha caqabad ku noqda soo afjaridda xilliga Kala guurka ah.
Wafdiga ayaa aad ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta Dowladda sidii quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey iyo faahfaahinta laga seeyey arrimihii ay daneynayeen. Waxeyna sheegeen inay warbixin dhameystiran u gudbin doonaan Golaha Ammaanka ee QM.

Maamulka Gobolka Gedo oo ka hadlay Duqeyn xalay loo geystay iyo qaraxii shalay

$
0
0

Maamulka Gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn xalay loo geystay degmadaas, iyo qarax shalay ka dhacay, kaasoo dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ka soo gaaray.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay inay wadaan howl galo ay ammaanka ku sugayaan, isla markaana xaalada ay iminka tahay mid degan sida uu yiri.
“Xaalada waa degan tahay, waxaan wadnaa howlo aan ku sugeyno ammaanka, waxaan qabanay dad aan ku tuhmeyno, hadii baarista dhamaato oo dambiga ku cadaado waa la maxkamadeynayaa”ayuu yiri Mr Kaliil.
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Al-Shabaab xalay duqeyn u geysteen, balse aanay jirin wax qasaare ah oo ka dhashay, waxaana uu tilmaamay inay dhowaan deegaanada Gedo.
Dhinaca kale waxaa laga deyrinayaa dhaawacyada qaar ka mid ah dadkii shalay ku waxyeeloobay qarixii ka dhacay Suuqa Garbahaarey, iyadoo saraakiisha dowladda ay dalbadeen in kaalmo caafimaad lala soo gaaro.
Qaraxii shalay ka dhacay Garbahaarey ayaa ahaa kuwii u horeeyay ee ka dhaca degmada, tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusuna ay la wareegeen sanadkii hore.
 
 

Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya u soo direysa tababarayaal ciidamada Soomaalida carbiya

$
0
0

Saraakiil ku xeel-dheer tababarka ciidamada oo ka socda dalka Jarmalka ayaa dhowaan soo gaari doona Soomaaliya si ay u tababaraan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee dagaalka kula jira al Shabaab.

Jariidad ka soo baxda dalka Uganda oo daabacday warkan ayaa sheegtay in saraakiisha Jarmalku ay gaarayaan tira ahaan 20 sarkaal waxayna gacan ka geysan doonaan carbinta ciidamada dowladda ee gulufka ugu jira hanashada ammaanka Soomaaliya.

Saraakiishan  ayaa sida ugu dhaqsaha badan u soo gaari doona Soomaaliya waxayna si toos ah uga hawlgeli doonaan gudaha Soomaaliya inkastoo aan la cayimin goobaha ama deegaanada ay ka bilaabiyaan leylinta askarta dowladda.

halgankanet@gmail.com

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay saakay ku hoortay raxmadda Alle (roobab da'ay)

$
0
0

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo labadii bilood ee la soo dhaafay ay ka jireen kuleylo daran ayaa waxaa saakay ku hoortay raxmad Alle oo loogu riyaaqay.

Roobabkan oo runtii lagu qabowsaday ayaa la sheegay inay hakad geliyaan dhaqadhaqaaq maalmeedki reer Muqdisho, waxaana adag baa la leeyahay xareedda dhulka camirtay darteed in gaadiidku si caadi ah u shaqeeyo.

Si kastoo ay ahaataba waxaa maanta Muqdisho ka curtay roobabka fasalka guga waxaana Alle laga rajeynayaa in uu roobab lagu diirasado oo dadka, xoolaha iyo dalagaba anfaca ku hooriyo dhulka Soomaaliyeed ee mudooyinkii la soo dhaafay ay abaaruhu ka jireen.

halgankanet@gmail.com

Gen. Fred Mugisha:- Waxaan dooneynaa inaan sedexda bilood ee soo socota ka saarno Al-shabaab dhul balaaran oo ku yaala Soomaaliya

$
0
0

Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay shalay kulan saacado badan qaaday oo looga hadlayey amaanka Muqdisho ku yeesheen Saldhigga ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Muqdisho ee Xalane.
Mas’uuliyiintii kulanka ka qaybgalay ayaa waxay isku raaceen in wax badan laga qabtay amaanka Muqdisho, iyagoo niyadjab ka muujiyey qaraxyada mararka qaar ka dhaca magaalada Muqdisho iyo dilalka qorsheysan ee lagu fuliyo dadka u shaqeeya dowladda KMG.
Taliyaha ciidamada AMISOM Gen. Fred Mugisha oo hadal dheer ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inay u diyaarsanyihiin sidii ay uga howlgeli lahaayeen goobo ka baxsan Muqdisho, isagoo sheegay in qorshahoodu ka mid yahay inay weeraraan goobaha ay Al-shabaab ku sugan tahay.
“Waxaan doonaynaa inaan sedexda bilood ee soo socda ka saarno Al-shabaab dhul balaaran oo ku yaala Soomaaliya, waxaana ugu horeyn doona deegaanada ku dhow Muqdisho” ayuu yiri Gen. Mugisha oo intaasi ku daray in amaanka Muqdisho wax weyn laga qabtay tan iyo markii Al-shabaab laga saaray degmooyinka gobolka Banaadir, ayna ku rajo weynyihiin inay amaanka sii xoojiyaan.
Saraakiil kale oo ka hadlay shirka ayaa waxay ka hadleen amaanka Muqdisho iyagoo sheegay in dowladdu ay guulo ka gaareen sugidda amaanka degmooyinka Muqdisho, inkastoo ay sheegeen inay jiraan dhibaatooyin weli laga geysanayo Caasimada.


Madaxweyne Yuweri Musaveni:- Marnaba ma doonayo inaan awoodda dalka wareejiyo, waayo…

$
0
0

Madaxweynaha dalka Yugandha Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu xilka ka degayo marka la gaaro sanadka 2016-ka, haddii uu xisbigiisu oo talada dalkaasi haya uu taas weydiisto, si kalena uusan xukunka dalka Yugandha ugu degaynin.
Mr. Museveni ayaa hadalkan sheegay mar uu wareysi gaar ah siiyey telefishinka CNN ee dalka Mareykanka isagoo yiri “Marnaba ma doonayo inaan awoodda dalka wareejiyo, laakiin haddii uu xisbigeygu ka doodo oo isku raaco inaan xilka ka tago waan ka tagayaa ee si kale ugama tagyo xilka dalka Yugandha”.
Mas’uuliyiin kala duwan oo reer Yugandha ah, kana hadlay arrintan ayaa waxay qaarkood sheegeen in isagu uu xaq u leeyahay inuu go’aansado inuu xilka ka tago iyo in kale, waxaana dadkaas ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga NRM ee talada haya iyo xildhibanno ka tirsan baarlamaanka Yugandha, gaar ahaan kuwa ku jira xisbigiisa.
Mr. Museveni ayaa wareysigiisa waxaa kale oo uu ku sheegay inuusan isagu awoodda dalka Yugandha ku heysan si khasab ah, mar uu arrimahaasi ka hadlayeyna waxa uu yiri “Maxaa muhiim u ah dadka reer Yugandha?, isagoo isu jawaabayaa waxa uu yiri “Waxaan la loolamayo waa horumarka dalka ee ma ahan inaan Madaxweyne noqdo”.
Hadalka ka soo yeeray Musaveni ayaa siyaasiyiin badan oo ka hadlay waxay ku sheegeen inay calaamad u tahay burburka Afrika oo caan ku noqotay in askari kasta waxa uu dhiso uu dib u burbursho, iyadoo dhibaatada qeybta ugu badan ay leeyihiin la taliyaashooda oo wax kasta uu yiraahdo Madaxweynahoodu uga jawaaba haa waad ku saxantahay.
Yoweri Museveni ayaa awoodda dalkiisa la wareegay sannadkii 1986-kii, isagoo ka mid noqonaya hoggaamiyeyaasha Afrika ee awoodda dalalkooda muddada dheer heysta. wuxuuna u tartamay xilka madaxnimo ee dalkiisa muddo afar jeer ah.

Dowladda Jarmalka oo sheegtay inay saraakiil u soo direyso Soomaaliya iyo Wasiir ka soo horjeestay

$
0
0

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inay Soomaaliya u soo direyso saraakiil ciidan si ay tababar ugu fidiyaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si ay gacanta ugu dhigaan ammaanka guud ee dalka Soomaaliya.
Wargaysa The Stander ee ka soo baxa dalka Yugandha ayaa sheegay in dowladda Jarmalku ay sheegtay inay ka go’an tahay taageeridda iyo meel marinta in si buuxda loo hergeliyo soo celinta ammaanka dalka Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga daka Jarmalka oo warfidiyeenka la hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu ay saraakiil gaareysa 20-sarkaal ay u soo direyso Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay ku xeeldheeryihiin tababaridda ciidamada, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku inay ka taageerayaan ciidamada dowladda KMG dhanka Militariga si loo wiiqo awoodda Xarakada Al-shabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaalanta.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in 20-kan sarkaal ay dalka Soomaaliya tagi doonaan dhamaadka bishan April amaba bisha soo socota bilowgeeda, wuxuuna intaasi ku daray in arrinka saraakiishan ay kala hadleen dowladda KMG iyo taliks guud ee ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay isku afgarteen qaabka uu noqoayo tababarka.
Dhinaca kale wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Cali Catoosh ayaa sheegay inuusan ka warqabin ciidamo Jarmal ah oo dalka Soomaaliya imaanaya, wuxuuna dhinaca kale difaacay joogitaanka ciidamada Itoobiya oo uu sheegay inay caawinayaan dowladda KMG Soomaaliya.
“Shaki kuma jiro inay baxayaan ciidamada Itoobiya, laakiin hadda dowladda KMG ayey caawinayaan, marka ammaanka dalka Soomaaliya la sugo way baxayaan, laakiin anigu ku talin maayo in hadda la yiraahdo ciidamada Itoobiya ha baxaan iyo maxay u joogaan dalka Soomaaliya” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga dowladda KMG Soomaaliya.

Wasaaradda Dastuurka: soo xulidda odaaysha dhaqan meel gabogabo ah ayeey marayaan

$
0
0

Wasaaradda Dastuurka, arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in meel gabogabo ah uu marayaan soo xulidda odayaasha dhaqan ee ka qeyb qaadanaya ansixinta Dastuurka dalka.
Wasiir dowalaha Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Maxamuud Jimcaale oo warreysi siiyay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in soo xulidda odaaysha dhaqan ee ka qeyb qaadanaya Ansixinta Dastuurka dalka ay meel gabgabo ah marayaan, isla markaana inta badan lagu guulleystay, isagoo sheegay in si cadaallad ah arrintaasi lagu salleeyay.
Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in fahanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan Dastuurka in hadda meel wanaagsan uu marayo, waxa uu carrab ku dhuftay in fikirrada ay ummadda Soomaaliyeed ka dhiibaanayaan Dastuurka  muhiim u tahay dhaqan gallintiisa.
Xasan Maxamuud Jimcaale ayaa xusay in la qaban doono shir weyne ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho, isla markaana lagu Ansixin doono Dastuurka dalkeenna uu yeellanayo, waxa uuna ku cel celiyay in nimaadka cadaalladda aysan ka leexan doonin.
Dhinaca kale wasiir dowlaha Dastuurka ayaa hoosta xariiqay in dhammaanka bishan la soo dhammeystiri doono qabyo qoraalka Dasruurka, waxa uuna ka rajeeyay in uu noqdo Dastuur horseed u noqda minimada Soomaaliya.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 

Gen. Dhego-badan:- Dowladda KMG awood uma laha inay dadka hubka ka qaado, waxaana lagama maarmaan ah in…

$
0
0

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Aadan {Dhego-badan} ayaa shalay sheegay inay caalamka weydiisanayaan dhaqaale hubka looga iibiyo shacabka, ka dib hadal uu ka jeediyay kulan ammaanka looga hadlayey oo  shalay Muqdisho ka dhacay.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen taliyayaasha hay’adaha ammaanka ee dowladda KMG iyo taliyaha AMISOM ayaa waxaa looga hadlayey waxyaabihii qabsoomay seddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshayaasha horyaala seddexda bilood ee soo socda.
“Waxaan qabaa mar haddii dal sidan oo kale noqdo in hubka gacanta ugu jira dadka rayidka ah laga iibiyo oo caalamka uu dhaqaale ku bixiyo sidii dadka qoryaha looga iibin ahaa, waayo ninka hantidiisii wuxuu gashtay qoriga iyo hub, wuuna isku difaacay maantana si uu qoriga ku dhiibayo ma lahan, marka waa in dhaqaale looga iibiyaa” ayuu yiri Gen. Dhego-badan oo sheegay in dowladda KMG aysan awood u laheyn inay hubka qaaddo.
Sidoo kale waxaa ka hadlay kulanka taliyaha ciidamada AMISOM Jen. Fred Mugisha oo sheegay in seddexdii bilood ee la soo dhaafay ay wax weyn ka qabteen ammaanka Muqdisho, ayna rajeynayaan seddexda bilood ee soo socota inay gaarana goobaha ay ku suganyihiin Xarakada Al-shabaab.
“Xaaladda magaalada Muqdisho waa mid ka soo reyneysa, waxaana wadnaa qorshe aan ku dooneyno inaan deegaanada ku dhow caasimadda tagno” ayuu yiri Jen. Mugisha oo kulanka hadal ka jeediyay, waxaana kulanka ugu dambeyn ka hadlay agaasimaha hay’adda nabadsugidda dowadda KMG Axmed Macalin Fiqi oo sheegay inay wax badan ka qabteen falalkii ammaan-darro ee ka dhici jiray Muqdisho.

Hoggaanka, Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo sheegay in Soomaalida dalalka reer galbeedka laga soo masaafurrinayo

$
0
0

Hoggaanka, Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay isaga soo taryaan dadka Soomaaliyeed ee dib laagu soo celinayo gudaha dalka kaddib markii dowladdaha reer galbeedka shaki weyn ka qaadeen dadka Soomaalida ah.
Taliyaha hoggaanka, Sodaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya General C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee u anbabaxa dalalka Yurub iyo America dib loogu soo celiyo dalka, taasi oo uu sheegay in ay dhibaato ku tahay shacabka.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in  dalalka reer galbeedka ay shaki weyn oo la xiriirnayo argagixiso ay ka qabaan dadka Soomaalida ah, taasi oo xusay in ay sii dheertay Soomaalida oo iyana si sharci darro ah u galla dalalka laga soo musaafurriyo.
General Goofoow ayaa hoosta ka xariiqay in Waaxda hoggaanka, Socdaalka iyo Jinsiyada aysan aqoon sabab ay muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ee dalkooda lagu celiyay  dib ugu sii celiyaan, balse baaritaanno ay marsiyeen dhammaan dadkii soo gaaray gudaha garoon Aadan Cadde International Airport.
Shalay ayaa garoonka diyaaradda Muqdisho ay ka soo daggeen Sagaal muwaadiniin Soomaali ah oo laga soo masaafurriyay dalka Mareykanka oo ay markii horrey ku galleen nimaad sharci darro ah, waxaana arrintasi ay dhibaato xooggan ku tahay Soomaalida ku suu qul qulleysa dalalka Yurub iyo America, maadaama hadda Soomaalida dib loogu soo celinayo dalkooda.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live