Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Waxagaradka Galmudug oo baaq Nabaddeed u diray Beello ku dagaalamay Degmada Xarardheere

$
0
0

Gaalkacyo-hobyonet)Iyadoo Maalin ka hor uu dagaal qasaare gaystay uu dhexmaray Beello wada daga magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayaa waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo Beelaha Dirirtu u dhaxayso.
Waxgaradka Galmudug ayaa codkooda ku biiriyay baqyada loo jeedinayo Beelaha walaalaha ee dagaalku u dhexeeyo waxaana kulan ay Maanta Magalaada Gaalkacyo ku yeesheen ay kaga dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan Dirirta u dhaxaysa.
C/raxmaan Sheekh Cali oo ka hadlay Kulanka Waxgaradka Galmudug ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo waxa uu sheegay inay ka codsanayaan Beelaha Dagaalku u dhexeeyo inay si Sharuud la’aan ah ay ku joojiyaan xabadda islamarkaana ay Miiska wadahadalka iskugu yimaadaan si aan dagaal danbe u dhicin.
Dadkii kale ee ka hadlay kulanka ayaa si isku mid ah uga dalbaday Beelaha Walaalaha ah inay dagaalka u dhexeeya joojiyaan oo ay ka fogaadaan Dhiig qof muslim ah oo micno darro ku daata.
Sikastaba ha ahaatee Kulankan ayaa ku soo aadaya xili Xiisad Colaadeed ay ka taagan tahay Magaalada Xarardheere ee Gobalka Mudug halkaas oo Beello wada daga ay ku dagaalameen.
Burhaan C/laahi Xaashi
burhaan712@hotmail.com


Qarax xoogan oo maanta gil gilay Magaaladda Baladweyne iyo Ciidamadda Itoobiya oo lala eegtay

$
0
0

Qarax xoogan oo khasaaro ka soo gaaray Ciidamadda Itoobiya ayaa wuxuu maanta ka dhacay Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxa laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Magaaladda Baladweyne.
Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa maanta Magaaladda Baladweyne lagula eegtay Ciidamadda Dowladda Itoobiya, iyagoo doonaaya inay hawl-gallo miino baaris ah ay ka sameeyaan Magaaladda Baladweyne.
Sawaxanka xoogga leh ee qaraxaan ayaa wuxuu ruxay qeybo badan oo ka mid ah Magaaladda Baladweyne, iyadoo dareen cabsi leh uu ku beeray inta badan shacabka ku dhaqan Magaaladda Baladweyne.
Qaraxaan oo ka dhacay Xaafadda Kooshin ee Magaaladda Baladweyne ayaa waxay Ciidamadda Itoobiya qaraxa kadib ay bilaabeen, inay mid mid u baaraan guryihii ku dhaw dhawaa goobtii qaraxa lagula eegtay Ciidamadda Itoobiya.
Ciidamadaan ayaa waxay dibada u soo saareyn dad fara-badan, waxayna goobtaasi ay ku toogteen afar ruux, oo ay ku eedeeyeen inay iyagu ka dambeeyeen qaraxaasi oo uu khasaaro ka soo gaaray Ciidamadda Itoobiya, iyadoo Ciidamadda Itoobiya ay horey u sii ka xeysteen tiro kaloo dad ah.
Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku faantay inay iyadu ka dambeysay qaraxaasi oo maanta khasaaro ka soo gaaray Ciidamadda Itoobiya, waxayna ku goodisay inay sii wadi doonto qaraxyada ay ka geysaneyso Magaaladda Baladweyne.

General Dhaga Badan oo sheegay inuu xiiseynaayo inuu taggo Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe?

$
0
0

General Dhaga Badan ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu xiiseynaayo inuu arko Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo tilmaamay in taasi ay kahor taagan tahay oo kaliya, in Xarakada Al Shabaab laga saaro.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu xiiseynaayo inuu arko Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Abaan Duullaha ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuusan dhawr sanadood indhaha saarin Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Hoose, waxaana intaasi joogtay Xarakada Al Shabaab, oo uu sheegay inay dhibaato ku heyso dadka Somaliyeed.
General Dhaga Badan ayaa wuxuu tibaaxay inuu arko Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay ku xiran tahay, iyadoo laga saaro buu yiri jid iyo jihadiidka oo uu kala jeedo Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la-socdo in Xarakada Al Shabaab ay dhibaato xoog leh ku heyso shacabka ku dhaqan Deegaanada kala duwan ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, laakiin wuxuu sheegay inay ka dul qaadi doonaan.
Abaan Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, ayaa wuxuu rajo ka qabaa in billaha soo socda ay taggi doonaan Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, ayna ka saari doonaan Al Shabaab.

General Diini oo sheegay in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay suggi doonaan ammaanka SOS

$
0
0

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay suggi doonaan ammaanka Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS, oo ku xirmay dagaaladii qaraaraa ee sanadkii hore ka qarxay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay lagama maarmaan tahay sidii dib loogu furi lahaa Cisbitaalka SOS, oo shaqo culus u haayay dadka Somaliyeed.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Cisbitaalka SOS uu u xiran yahay cabsi laga qabo dhinaca amniga, balse wuxuu balan qaaday in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay suggi doonaan ammaanka Cisbitaalka SOS, haddiiba dib loo-furo.
General Diini ayaa wuxuu Maamulka Cisbitaalka SOS uu ugu yeeray inay si deg deg ah u hawl-gelliyaan Cisbitaalkaasi, isagoo sheegay in wixii ammaanka qaabilsan ay suggi doonaan Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed.
Sidoo kale wuxuu balan qaaday inay naftoodu u huri doonaan sidii buu yiri shacab ka Somaliyeed wax wanaagsan loogu qaban lahaa, isla-markaana wuxuu sheegay in Cisbitaalka SOS uu adeegyo culus u haayay shacabka.
Cisbitaalka SOS ayaa wuxuu ku yaallaa Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, wuxuuna inta badan uu dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed uu ka caawin jiray adeegyada guud ee ay doonayaan, waana taas midda ka dambeysay in loogu magac-daro Hooyada iyo Dhalaanka.

Meydka Nin Oday ahaa oo la gowracay oo saaka lagu arkay duleedka Muqdisho

$
0
0

Meydka nin oday ahaa oo la gowracay ayaa saaka lagu arkay duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo ninkan la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada Xoolaha iibisa.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in qoorta ninkan oo go’an iyo jirkiisa qaarka kale laga helay meel wado cari ah, iyadoo dadka deegaanka ay aad uga argagaxeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in shalay lagala degay gaari ninkan, isagoo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Ninkan Odayga ayaa ka soo jeeda degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana uu caan ku ahaa ka ganacsiga xoolaha oo uu u iib geyn jiray magaalooyin dhowr ah.
Lama oga sababta ka dambeysay gowraca ninkan odayga ah, hase ahaatee ehelada ayaa sheegay in saaka lagu soo wargeliyay meydka odayga markii shalay oo dhan la’aayeen.
Al-Shabaab ayaa horay dad ugu gowracay deegaanada ay gacanta ku hayaan, iyadoo ay ku eedeeyaan inay ka tirsan yihiin dowladda ama la shaqeeyaan ciidamada Amisom.

Shabaab oo sheegay inay dagaal uga hortagayaan Ciidamada Jabuuti ee B/weyn loo soo wado

$
0
0

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku goodisay inay dagaal kala hortagi doonto Ciidamada Jabuutiyanka ee qeybta ka ah Amisom ee la filayo in dhowaan ay yimaadaan magaalada B/weyn ee Gobolka Hiiraan. Hadalkan ayaa waxaa shaaciyay Gudoomiyaha Shabaab u qaabilsana Gobolka Hiiraan Yuusuf Cali Ugaas oo sheegay inay dagaal iclaamin doonaan hadii Jabuuti soo gasho Hiiraan. “Waan la [...]

Madaxweyne Shariif “Ma Baarlamaan labo gudoomiye leh miyaan u xayirnaaneynaa, uma xayirnaaneyno mana la ogolaan karo”

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa si kulul u weeraray Baarlamaanka soomaaliya ee labada garab u kala qeybsan, isagoo cadeeyay in aan loo dulqaadin doonin kala qeybsanaantooda iyo fowdada ay wadaan ragg siyaasiyiin ah.
Hadal uu shalay Madaxweynaha ka jeediyay munaasabad ka dhaceysay xarunta maamulka Gobolka Banaadir oo loogu dabaal dagayay maalinta ciidanka xooga dalka ayuu si xoogan uga hadlay arrimaha xilliga kala guurka iyo dastuurka.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa u muuqda mid quus ka muujiyay xalinta khilaafaadka Baarlamaanka, isagoo xusay in dadaalo lagu bixiyay in la mideeyo baarlamaanka ay suura geli weysay.
“Baarlamaan labo Gudoomiye leh maa u xayirnaaneynaa, uma xayirnaaneyno, waa inay ogolaadaan inuu is bedel dhaco si walba haku yimaadee, aniga iima muuqato, dadaal badana ku bixinay inuu Baarlamaanka midoobey waa suura geli weyday, horaa loo yiri Mudul ninkii dhisa ka weyn, Baarlamaanka waxaa dhisay ergo 350 ah, hadana 825-ergo ayaa soo dooraneysa, ma kuwaas ayaa juhalo ah”ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Shariif.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in aanay aqbali doonin ragg siyaasiyiin ah oo idaacadaha ka hadlaya, inay si fowdo ah wax ku qabtaan, isagoo xusay inay diyaar u yihiin hadii wax siyaasad ku raadiyaan ay kursiga ugu kacaan.
Waxaa uu soo hadal qaaday arrinta dastuurka ee beryahan diidmada qayaxan ka soo yeereyso, isagoo xusay in dastuurka yahay mabaa’dii lagu heshiiyay, waxaana uu tilmaamay in marka hore si xor lagu diidayo, balse aan buuq iyo fowdo laga hor keenin inta aan la dhameystirin.
“Dastuurna ma ogolin, doorasho ma ogolin arrin caadi ma ahan, waa fowdada aan u dib ugu laabano, dowlada ma ogolaan karto dadka dano gaar ah leh inay is abaabulaan idaacadaha ka qeyliyaan shacabka in la jahwareeriyo ma ogolaaneyno, hadaad siyaasi tahay noo imow siyaasad wax ku qaado, hadaad Madaxweyne rabto, hadaan Ra’isul Wasaare rabto hadaam Gudoomiye baarlamaan rabto qaado”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha yahay in 42-sano kadib Muqdisho lagu qaban doono doorashada madaxtinimada, hase ahaatee aanay dadka u muuqan taas, balse la doonayo in dalka dib loo geliyo fowadadii 21-kii sano dalka ku jiray, ayna marna ogolaan doonin.
Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Shariif ayaa ku soo beegmaya iyadoo lagu wado in 15-ka bisha May la ansixiyo dastuurka qabyo qoraalka, iyadoo xildhibaanada baarlamaanka iyo ragg siyaasiyiin ay aad uga soo horjeedaan.
 

Wasiirka Waxbarashada Galmudug”Wasaaraddu si wanaagsan ayey u shaqaynaysaa”

$
0
0

Nairobi-hobyonet)Wasiirka Waxbarashada Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ay si wanaagsan u socoto howsha ay u hayso Bulshada.
Wasiirka Waxbarashada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo maalmahan la isla dhexmarayay oo sheegaya in Wasiirka markii uu aaday dalka kenya ay joogsatay Shaqadii Wsaaaradda waxbarashada Galmudug,wuxuuna tilmamay inay si wanaagsan u wadaan howshii wasaaradda Wasiir ku xigeenka Waxbarashada,Agaasimaha Wasaaradda iyo shaqaalaha oo uu sheegay inaysan marnaba ka daalin Shaqadooda oo markasta ay diyaar u yihiin in bulshada ay si wanaagsan ugu adeegaan.
Burhaan Warsame Cigaal ayaa hadalkiisa raaciyay inuu howlo Shaqo u joogo dalka Kenya islamarkaana uu ku guulaystay in Hay’ad Dhinaca Waxbarashada oo ka diiwaangashan Dalka Iran ay ka Howlgali doonto Deegaanada Galmudug Maalmaha soo socda Xubno ka socda Hay’adaasna ay haatan ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo si buu yiri ay kormeer ugu sameeyaan Goobaha Waxbarashada ee ka jira Gaalkacyo iyo Deegaanada kale.
Wasaardda Waxbarashada Galmudug ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Wasaaradaha fara kutiriska ah ee Maamulka Galmudug ee Howl fiican ka qabtay Deegaanada Galmudug gaar ahaan Dhinaca Waxbarashada.
Hadalka Wasiirka Waxbarashada Galmudug ayaa meesha ka saaraya hadalo maalmahan la isla dhexmarayay oo sheegaya in gabi ahaanba u hakad ku yimid Howlihii Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.
Burhaan C/laahi Xaashi
burhaan712@hotmail.com


WAR DEG DEG Taliyaha Cususb AMISOM Oo Goordhow Soo Gaaray Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (RBC) Waxa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdishoo ka soo degay taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Lt. Gen. Andrew Guti,kaa oo dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Uganda Yuweri Musafani.
Taliyahan cusub ayaa markii uu ka soo dagay waxa uu lagu soo dhaweeyay garoonka halkaas oo uu kaga hor imaadeeyn taliska AMISOM oo hooggaaminaayay Maj Gen. Fred Mugisha oo ah taliyaha AMISOM hadda.
Taliyaha cusub ee AMISOM Andrew Guti ayaa horey uga tirsanaa ciidamada wadanka Uganda UPDF waxaana haatan uu ku sugan yahay xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo kulamo kula lee yahay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Ma cadda waxa uu yimid magaalada Muqdisho Andrew Guti in uu si rasmi unoqon u sii joogi doono magaalada Muqdisho
AMISOM waxa hadda la gaarsiiyay ilaa 18,000 askari.
Dawlada Uganda ayaa weli heysata hogaaminta hawlgalka AMISOM maadaama ciidamada ugu badan ay ka yimaadeen Uganda.
Wixii ku soo kordha warkan waxa aad kala socon kartaa Raxanreeb.com
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Muqdisho
 
Muqdisho (RBC) Waxa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdishoo ka soo degay taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Lt. Gen. Andrew Guti,kaa oo dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Uganda Yuweri Musafani.
Taliyahan cusub ayaa markii uu ka soo dagay waxa uu lagu soo dhaweeyay garoonka halkaas oo uu kaga hor imaadeeyn taliska AMISOM oo hooggaaminaayay Maj Gen. Fred Mugisha oo ah taliyaha AMISOM hadda.
Taliyaha cusub ee AMISOM Andrew Guti ayaa horey uga tirsanaa ciidamada wadanka Uganda UPDF waxaana haatan uu ku sugan yahay xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo kulamo kula lee yahay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Ma cadda waxa uu yimid magaalada Muqdisho Andrew Guti in uu si rasmi unoqon u sii joogi doono magaalada Muqdisho
AMISOM waxa hadda la gaarsiiyay ilaa 18,000 askari.
Dawlada Uganda ayaa weli heysata hogaaminta hawlgalka AMISOM maadaama ciidamada ugu badan ay ka yimaadeen Uganda.
Wixii ku soo kordha warkan waxa aad kala socon kartaa Raxanreeb.com
RBC Radio
———————-
Xafiiska Wararka Muqdisho

Gabay Waddani ah oo uu Tiriyay Abwaan Kaldeeq Muuse Ibrahim

Gobolka Hiiraan oo Laba loo Qeybinayo

$
0
0

Iyadoo dadka gobolka Hiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne ay ka cabanayaan bandow ay ku hayaan magaalada ciidamada Ethiopia ayaa maamulka gobolka waxa uu sheegay in amaanka uu soo hagaagayo, dhinaca kalena uu socdo qorshe laba gobol loogu qeybinayo gobolka Hiraan si maamul Goboleed loogu sameeyo sida uu dhigayo dastuurka.

Wadahalka Soomaalida: Qorshe-Xumo iyo Jahwareer Siyaasadeed!

$
0
0

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay aad isu soo tarayay, wada hadalo la sheegay in loo qabanayo soomaalida, fikradda wahadalkaas waxay ka dhalatay shir bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay soomaalida loogu qabtay waddanka Ingiriiska. Qormadeyda maanta waxaan ku soo qaadan doonaa wada hadaladii la sheegay in soomaalida loo qabanayo iyo mugdigii soo kala dhex galay markii dambe. Waxaan wax ka oran doonaa waxa la isku hayo iyo halka jahwareerku ka jiro.
Shirkii London ee bishii Febraayo 23-keedii, waxaa la isku soo qaaday in soomaalidu wada hadasho. Arrinta wada hadalka soomaalida waa arrin hal macno oo keliya leh laakiin qolo weliba sidii ay u aragtay ama siyaasaddoodu ku qotontay ayay u fasiratay. Somali-land waxay qabtay in loo wada hadlo Koonfur iyo Woqooyi. Puntland waxay qabtay in qeybaha kala duwan ee maamulada soomaaliya wada hadlaan ama ugu yaraan Puntland goob joog ka ahaato kana qeyb qaadato shir walba oo soomaalida loo qabanayo, halka DFKMG ah si u dhow sida Puntland wax u qorsheysay inkastoo markii hore warar kaa ka duwan aan sii maqalnay. Qeybaha kale ee Soomaalida intooda badan cidi ma wareysan, waxaase jiray oo la maq-maqlayay qaar qeybahaa kamid ah oo labadaa fikradood kala taageersan.
Si loo fahmo waxa jira marka hore waa muhiim ah in la qeexo Yaa wada hadlaya! markaa ayaa la gaari karaa sidee loo wada hadlayaa maxaase laga wada hadlayaa? Si aan ugu gudubno labada qodob ee dambe bal marka hore aan isla fahanno ka furaha u ah, soomaaliduna aad ugu wareersan tahay ee Yaa wada hadlaya, waana qeybta uu maqaalkani ku saabsanaan doono haddii Alle idmo.

QAABKA WADA HADAL EE LA QOONSADAY

Waxaa si xowli ah oo guux faro badan dhalisay mar qura hawada la soo geliyay ama qeybo soomaalida ka mid ah soo jeediyeen in soomaalidu u wada hadasaho qaab labo labo erey u wada socda, marna ka soo jeeda gumeystihii dalka qabsaday sida British Somali-land iyo Italian Somali-land, marka kalena lagu tilmaamo jihooyinkii ay waagaa kala jireen sida Koonfur iyo Woqooyi.
Qaabka hore wax badan ka oran maayo oo cid walbaa waa ogsoontahay in magacyadan gumeysiga laga soo min-guuriyay aan shir waxba looga tari karin, taas oo xitaa kuwii sameeyay (waa gumeystayaashii’ye) ku adag tahay in ay sidaa hadalka u dhigaan. Laakiin ay suurto-gal noqon karto haddii adiga xaggaaga faham yari kaa bidaan ay si qaab farsameysan oo labadaa shey ka tarjumeysa laguugu qeexo, si waxa ku hoosjiraa aadan hadhow u garan. Waana tan hadda socota ee quruxdu ka muuqato ee dadka qaarkii ku jah-wareersan yihiin sida hadalka loogu dhigay taas oo ah Soomaaliya iyo Somaliland ha loo wada hadlo.
Kama xumi in soomaalida labadaa Jiho waqtigii gumeysiga kala dagganaa wada hadlaan, laakiin waxa la yaabka igu riday ayaa ah ereyga aan wanaagsaneyn haddana loo ekeysiinayo in wax wanaagsan uu yahay. Waxaad dhici kara qof markaad weydiiso su’aal ah “qaabkii gumeysigu in oo qeybiyay ma u wada hadalnaa?” in uu durba kuugu jawaabo MAYA macquul ma aha, haddaad isla su’aashaa si kale u weydiiso-na ood u yara qurxiso markaa xaalka si kale u arko oo jawaabta HAA aad si sahal ah uga hesho. Laga yaabe haddaad hadhow u yara macneyso in wax kaaga soo noqdaan, laakiin arrintan dad badani si ay u fahmaan ku adag tahay, ayaa igu dhalisay in aan qormadaan iska soo hor mariyo.
Qaabka kale ee koonfur iyo woqooyi oo dadka qaarkii isticmaalaan haddaan isgana wax yar ka iraahdo, inkastoo kala duwanaasho badan oo labadooda u dhaxeysa aysan jirin, haddana waxaa la oran karaa wuu yara dhaamaa kaa hore ee magaca gumeystaha ee qayaxan wata. Qaabkan laftigiisa su’aalo iyo dood badan ayaa ka imaneysa, haddii la iska qanciyana waxaa laga yaabaa in xalka wada-hadalka meel markaa laga qabsado la helo.
Marka ereyadaa tilmaamaha muujinaya sida Koonfur & Woqooyi la soo hadal qaado waxaa isla markiiba dareemeysaa haddaad hore wax u soo dhigatay in qeybo kale oo jihooyinka ka mid ah ay meesha ka maqan yihiin sida Galbeed iyo Bari . Haddaba haddii wadahadalada lagu koobo Koonfur iyo Woqooyi, Bari iyo Galbeed sidee laga yeelayaa? waa su’aal isla markaba imaneysa jawaabna u baahan, ma filayo 4-ta jiho ee la isla yaqaan in qaar laga boodi karo. Markaa dhinacyada Galbeed iyo Bari waa in ay ku soo biiraan wada-hadalka Woqooyi iyo Koonfur halkaan laga qabsado xariga wada hadalka.
Intaa oo keliya maahee, xitaa marka lahelo jihooyinka ama qeybaha maqan, waxaa iyana dhici karta in jihooyin kale aadna loo isticmaalo ay meesha soo galaan sida Woqooyi-Bari, Koonfur-Galbeed,Koonfur-Bari iyo Woqooyi-Galbeed . Ogoow jihooyinkan dambe kuwo ka mid ah soomaalida qeybo ka mid ah ayaa hore loo oran jiray. Marka haddii xaalku sidaa yahay oo intaa oo jiho la isku keeno,sow macnuhu ma aha soomaaliya oo dhan! khadkaa dheer maan soo gaabino oo niraahno soomaalidu ha wada hadasho ; waa erey kooban oo macno buuxa sameynaya cid walbana qancin kara, addunkuna sidaa ugu sheegay hadday wax maqlayaan!!.

MAXAA SOMALILAND KA CAREYSIIYAY?

Iyadoo la isu diyaarinayo sidii wadahadalada looga qeyb geli lahaa, qolo welibana qeybtii uga qeyb geli laheyd soo diyaarsatay ayaa maamulka la magac baxay Somaliland arrintii dib uga noqotay. Maxaa is badalay? Haddii aad dhageysateen barnaamijkii falanqeynta jimcaha ee BBC-du qabatay isbuucii tagay, waxaa hadal ka soo yeeray siyaasiga Feysal Cali Waraabe ku sheegay in aysan dooneyn in qaab saddex dowladood oo kale ah loo wada hadlo. Maxay yihiin saddex-da dowladood ee Feysal Cali Waraabe ka dhawaajiyay? Qofkii kelmaddaa qabsadaa wuxuu isla markaba dareemayaa in jiho kale oo aan Koonfur iyo Woqooyi midna aheyn meesha ku jirto, oo waa tuma jihadaasi? hadaad sii akhriso waxaad garan kareysaa jihadaasi (dowladda saddexaad) meesha ay tahay.
Waxay kelmaddani xiriir la yeelaneysaa jihooyinkii aan hore u soo tilmaamay ee soomaalidu ka kooban tahay mid ka mid ah. Waxaa markii hore la isku dayay in laga boodo laakiin xajmiga iyo awoodda siyaasadeed ee ay jihadani (Woqooyi-Bari) ay Soomaalida dhexdeeda ku leedahay ayaa xubnaha labada keliya ah ee ay soo magacowday waxay ka xoog bateen xubnihii kale ee shanta ahaa, waxaa dabadeed halkaa ku baaba’ay ujeedadii wadahaladan laga lahaa, waxayna sheekadii ku noqotay halkii ay ka soo bilaabatay ee ground ZERO.
Barnaamijkaa BBC-du qabatay ee falanqeynta Jimcaha ujeedada laga lahaa iyo faa’iida ay ummadda halkaa (Woqooyi-Bari) daggan ka heshay ayaa noqday kaaf iyo kala dheeri. Reer Woqooyi-Bari (Puntland) waxay intaan hore u fahansaneyn barnaamijkaa ka fahmeen ujeedada laga lahaa waxa loola jeeday Koonfur iyo Woqooyi ha wada hadlaan, iyadoon jihooyinka kale ee maqan lagu soo darin.
Su’aalaha kale ee la is weydiin karo ayaa iyana waxaa ka mid ah: Maxay yihiin waxa khaldamay 1960-kii ee maanta oo la joogo 2012 la saxayaa? Ma laba dowladood oo iskuu biiray baa jiray oo soomaaliya la isku oran jiray? Haddii ay jireen-se yaa madaxweynayaal ka ahaa? Calamadoodu noocee ayay ahaayeen? Maxayse labadaa dowladood ku kala duwanaayeen? Ma diin, ma af, mise dhaqan? Maxaase keenay in ay waqtigaa isaga ah isku biiraan? Ma iyagaa is doortay mise caalamkaa isku daray? Khariidada caalamkase xaggee kaga jireen? Haddii jawaabaha intaa oo su’aalood oo aasaas u ah isku biirista laba dowladood la waayo, waxa la isaga daalinayo waqtigan waa wax aan anigu fahmi waayay. Qofkiise jawaab u hayaa isagaa shaashadda iskeeni doona.

MAXAY PUNTLAND DAREENTAY?

Puntland oo ah maamul wax walba hadda u dhameystiran yihiin sida golayaasha dowladda, dastuur cusub, calan u gooni ah dal iyo dad ay ku xisaabtamayaan, waxay si cad u sheegeen in shir aysan goob joog ka aheyn raali ka noqoneyn. Inkastoo aanan ku dhex jirin siyaasadda Puntland hadda ku shaqeyso , haddana haddaan caqliga Alle i siiyay ku qiyaaso macnuhu wuxuu iigu muuqday, in Puntland isu og-tahay maamul dareensan awoodda ay soomaaliya dhexdeeda ku leedahay, talada wadankana wax ku leedahay, in lagu tixgeliyaana lama huraan tahay.
Waqtigii la maqlayba in Soomaalidu wada hadal bilaabayaan si deg-degga ahna la isugu jawaabay, PUNTLAND WAR BAA GALAY! Wax kale maahee waxa isu qaban waayay waxa waqtigan ku soo aadiyay iyo xowliga howshu ku socoto, iyadoo howlo kale oo cul-culus ay jireen laguna guda jiray in wax laga qabto sida dastuurka soomaalida iyo doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda marka waqtiga kala guurka laga gudbo. Durba madixii ugu sarreeyay Puntland ayaa hadlay, hadal aan cusbeyn, oo dhowr goor hore laga maqlay ayuu mar kale ku celiyay taasoo aan u qaatay in ay xuuusin ka aheyd maadaama soomaalidu iyagoo khatarta arkaya isku dayaan in ay iska indho tiraan. Markii hadalkaa la maqlay calyadaa dib loo liqay, xowligii howshu ku soctay hakad yar ayaa ku yimid. Maxaa loo kala ordayay oo lakala boobi lahaa? Maxaa hadhow ka iman karay cidina si hoose isuma weydiin. Laakiin waxaa muuqatay uun dhaqanka soomaalidu caadada ka dhigatay ee ah in wax lakala boobo si hadhow la isugu faano. Anoo reer hebel ah ayaa reerkaaga ka xoolo/wasiiro/kursi badan.
Cid walbaa oo caqliga u saliim ah wuu dareemi karayay in haddii howshu sida ku sii socoto , cawaaqibka ay arrintaasi keeni karto. Haddaba taladii Puntland waxay keentay in madaxweyne Sh Shariif durba xubnihiisa wadahadalka ku soo daro labo xubnood oo Puntland ka soo jeeda.. Weliba waxaa igu maqaalo ah in Puntland tanasul arrintaa ka sameysay oo qorshaheedu ahaa in xubnaha ay labada qeybood ee kale magacaabeen ee min 5-ta xubnood ah, Puntland-na intoo kale soo magacowdo.
Mar haddii hore loogu dhiiraday in sidaa la yeelo, waxa markii dambe badalay su’aal ayay noqotay, waxaanse u qaatay in ay jirto culeys meel kale kaga yimid in sidaa loo yeelay. Maleynteydii waxaa yaqiin u badalay markii wakiilka Arrimaha Soomaaliya qaramada midoobay u qaabilsan Augustino Mahiga uu safar deg-deg ah ugu ambabaxay Hargeysa. Lama oga howsha uu halkaa u tagay iyo waxyaabaha looga wada hadlay, laakiin saadaal waa laga sii bixin karaa. Mar haddii caalamkii sidaa ula socdo arrimaha soomaaliya, waxaan weli garan kari la’ahay waxa soomaalidu isu yeel-yeesho. Waxaanse u qaatay in jahli iyo qabyaaladi wax badan oo ay qabsan lahaayeen dhaafinayaan.
Mar haddii sida wax loo doonayay wax u socon waayeen, iyo khibradda ay maalinba maalinta ka dambeysa Puntland ka yeelaneyso arrimahan oo kale ay sii siyaadeyso, taasoo markii dambe keentay in gaashaan sii sameysato. Waxaa ii soo baxay, dad badan oo kalena shaki ka muujiyeen in haddii la isku dayo in Puntland xaqeeda la duudsiiyo ay markaa suurto gal tahay in Puntland ku dhawaaqdo GOONI ISU-TAAG, oo xalka soomaaliya markaa meesha uu hadda joogo meel ka fog laga raadiyo.

JAHWAREERKU XAGGEE KA JIRAA?

Hadal siyaasadeedka qolo weliba si u oraneyso marka laga soo tago, waxaa hubaal ah in aad is weydiineyso Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah (DFKMG) ee wadahadalka galeysaa waa qolama? Yey ka kooban tahay? Xaggee sheegataa in ay ka taliso oo dastuurka ugu qoran? Nidaamka ay hadda ku dhisan tahay ee 4.5 muxuu yahay? Yuuse ka tarjumayaa? Haddana aad is-weydiiso haddii DFKMG ah ay soomaali oo dhan ka kooban tahay oo sidaa lagu dhisay cidda kale ee ay wada hadalka la galeyso meesha ay ka yimaadeen?
Waa jahwareer mar haddii DFKMG ah ay sheeganeyso wax aysan isuba heysan…..Waa jahwareer kale haddii ay meel walba sidii duqsigii isaga dhaceyso……..Waa jahwareer kan ugu weyn annaga oo sidaa ula soconna waxaan ugi sii yeerno Dowladda Federaalka Ku Meel Gaarka ah…..

XALKU WAA MAXAY?

Xaqiiqdu waxay tahay waxaa lagu dawoobi karaa, in soomaaliya waa mid’e si siman loo wada hadlo oo qaabka saxda ah loo waajihi karo tahay in soomaalidu u wada hadasho inta qeybood ee ay kooban tahay, qeybahaa adigu magacaad doonto u bixi, sidaana wax walbaa loo qeybsado.
waxaa sidoo kale cad in soomaalidu qaab qabiil isu leysay, u kala baaday, dooneysana in ay hadda wax u qeybsadaan oo aan qolana qolada kale u hoos-fariisan. Markaa haddaan dhaqanka hadda jira ee sad-bursiga ku saleysan iyo wax la orodka laga kaaftoomin, rajo lagama qabo in ay wax hagaagaan, meesha ay hadda wax marayaan meel ka hooseysa in ay tagaan mooyee….. waana tan aan ka baqayo in ay aakhirka timaaddo haddii soomaalidu xal la iman weyso waa in xal loo sameeyo taa oo macnaheeda oo gaaban noqonayo waa in maxmiyad la geliyo sidaana gumeysi cusub iyo waqtigan adduunku hore u maray la geliyo.

Farah Warsame
Melbourne, Australia

R/wasaare Gaas Talaabooyin Muuqada ayaan ka qaadnay Roudmapka lakiin?

$
0
0

Muqdisho-(GMN) Ra’iisul wasaare  C/weli Maxamed Gaas oo ka hadlayay dhamaystirka qorshaha Roudmapka ayaa waxa uu xusay in dowlada KMG ah ee Somalia ay samaysay dadaal aadu balaran oo ku aadan hirgalinta Roudmapka, iyaga oo qaaday dadaaladii looga fadhiyay, waxase uu in ay gaabis sameeyeen ku tilmaamay beesha Caalamka kadib markii ay bixin waayeen dhaqaalihii howshan lagu dhamaystiri lahaa.
“Dowladu waxa ay qaaday talaabooyin muuqada oo aan dhanka Roudmapka u qaadnay sida in aan wanaajinay isku xirka iyo wada shaqeynta u dhaxaysa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Maamulada gobolada dalka ka jira oo iminka wada shaqeyn buuxdo leh La gadaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisada Caalamigaa, iyo soo celinta amaanka caasimada, inaga oo isku sii fidinay gobolada dalka ” ayuu yiri R/wasaare C/wali Gaas.
Gaas waxa uu ka hadlay waqtiga yare e dowlada u haray iyo howlaha dhiman oo uu xusay in Beesha calamaka ay dhinacyo badna dowlada ka caawisay lakin wali ay doonayaan in ay ka cawiyaan dhamaystirka sidii looga bixi lahaa xiliga KMG ah, iyo sidii loo fududeeyn lahaa in ay si nabadgalyaa dalka u yimaadaan xubnihii la rajaynayay in ay dastuurka ka doodaan, oo ka imaanaya Bulshada, isaga oo dhanka kale ka dhawaajisayay in ay aad u badantahay Mucaaradada lagu hayo Dastuurka cusub.
Soo xulida Baarlamnka cusub ee la filayo ayuu si cad u sheegay in ay keeni doonaan odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Soomaalida, iyada oo aan la ogolaan doonin Xildhibaan aaan la isku waafaqsanayn oo aan dadka uu ka dhasahay ku qanacsanayn.
Hadalka xulashada Baarlamanka ee R/wasaaruhu ka hadlay ayaa ku soo beegmaysa xili ay dad badna rajo xumo ka muujinayaan qaabka loo xulayo odayaasha Guurtida laf ahaantooda, oo ay soo xulayaan dad dhaqaalo bixinaya oo doonaya in ay majaraha siyaasada ku soo fuulaan.
Gedoonlinenews@gmail.com
 

Ciidamadda Dowladda oo mararka qaarkood ka daran Xarakada Al Shabaab

$
0
0

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la-sheegay in dhac iyo dil ay ka geesteen habeenkii xalay xaafada juungal ee degmada yaaqshiid ee gobalka banaadir
Sida dadka deegaanka oo lahadlay Warbaahinta magaalada muqdisho ay u sheegeen in ciidamada dowladda kmg soomaaliya ay gudaha u galleen xaafad ku taala juungal, islamarkaana waxa ay halkaasi ka qaateen telefoonada gacanta laga isticmaalo iyo sidoo kale dahabka dumarka ay isticmaalaan.
Sidoo kale ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa la sheegay in fal dil ah ay ka fuliyeen gudaha xaafadaasi sidaasi waxaa Saxaafadda u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa intaa raaciyay in ay cabasho ka yihiin ciidamada dowladda islamarkaana habeenkasta falalka noocaan oo kale ah oo dhaca ah ay ka geestaan xaafada juunga lee degmada Yaaqshiid.
Waxa ay sheegen in dhacdooyinka noocaan oo kale ah ay habeen kasta ciidamada dowladda ay ka sameeyaan xaafadaha juungal iyo sidoo kale xaafadaha kale ee ku teedsan.
Waxa ay intaa raaciyeen oo ay baaaq u jeediyeen masuuliyinta dowladda kmg soomaaliya oo ay ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada lagu hayo dadka shacabka ah ee ku nool xaafada juungal ee degmada yaaqshiid

Kooxda ODAA oo hogaanka uqabatay Horyaalka Heerka 1-aad ee wadanka Australia

$
0
0

April 26 2012. By Yusuf Noor Mohamed(owkoombe), Somgoal Director.
Kooxda Kubadda Cagta ODAA oo ah Koox Soomaali ah oo ka Ciyaarta Horyaalka Heerka koowaad ee Wadanka Australia ayaa hoggaanka u qabatay horyaalka heerka 1-aad ee kubbadda cagta ee magaalada Perth, ee waqooyiga dalka Australia.
ODAA ayaa hooygeeda maanta ugu awood sheegatay kooxda Swan United FC iyadoo ugu awood sheegatay 5-3
Sida uu inoo sheegay kabtanka kooxda, Sharma’arke Cabdi Sabriye oo uwaramay shabakad Isboortiga ee Somgoal ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan ku guuleysashada horyaalka xilli ciyaareedkan.
Tartanka horyaalka heerka koowaad ee Perth waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka dhisan magaaladaasi.
Tartanka horyaalka heerka koowaad ee Perth ayaa galay toddobaadkii labaad, iyadoo kooxda Soomaalida ee Odaa ay badisay labadii kulan ee ay ciyaartay ilaa iyo hadda.
Aas aasida kooxdan ayaa wxaa iskalahaa fikirkeeda mahada haka gaartee goolhayihii hore ee Kismaayo Cabdi Maxamed Axmed oo ay dadbadan u yaqaanaan (Cabdi Xaaq) oo haatan leeyliyo kooxda Fremantle Spirit oo ka mid ah kooxaha ugu da’da weyn dalka Australia.
—————————————————————————————————


Sheekh Aadan Madoobe oo beeniyay in la xiray isaga iyo Xaabsade.

$
0
0

Ethopia-(GMN) Xili maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo labaduba ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ay isku qilaafsanayeen cida maamulaysa ama madaxda ka noqonaysa maamul la filayay in laga sameeyo deegaaanadooda, ayaa waxaa arintaasi markii ugu horaysya ka hadlay Sheekh Aadan Madoobe oo iminka ku sugan caasimada Ethopia ee Adis Ababa.
Waxa uu Aadan madoobe xusay ujeedada ay Ethopia u jogaan isaga oo sheegay in ay u yimaadeen sidii ay dowlada dalkaasi uga caawin lahayd la dagaalanka Al-shabaab iyo soo celinta amniga deegaamada Baay iyo bakool oo qaybo ka mid ah ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Mar uu warasyi siinayay VOA ayuu meesha ka saaray in xabsi la dhigay labadooda oo lagu eedeeyay in uu qilaaf soo kala dhexgalay waxa uuna ku tilamaamay hadalkaas mid ay sameeyeen dad neceb horumarkooda iyo isku duubnidooda sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ka jawabay Su’aal ku saabsanayd in ay Ethopia u jogaan sidii ay maamul u samayn lahayeen waxa uu yiri “Arimaha maamulka  waan soo dhisi donaa lakin dalkan uma joogno arimahaasi, waxaana filayaa in dhawaan aan dhamaystiri doono dhisida mamaulka oo dalka oo dhan ka soconaya waana wax naga go’an in dalka gudihiisa aan ku samayn doono”
Hadalka Sheekh Aadan Madoobe aya aimaanaya xili ay circa isku sii shareerayaan wararka sheegaya in isaga iyo Xaabsade ay isku ahayaan cida madax ka noqon doonta maamulka loo samayn doono gobolada Baay iyo bakool, taas sababteedana Ethopia ay iminka doonayso inay ninka ay aaminsantahay muujiso si loogu magacaabo xilka.
Gedoonlinenews@gmail.com
 

Tababar Macalimiinta Gobolka Banaadir loogu Soo gaba gabeeye”Aqriso”

$
0
0

SOMALI CONGRESS OF TRADE UNIONS ayaa tababar siminaar ah oo soconaya mudo sadex cisho ah u furay afartan (100) macalin oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada kala duwan ee magaalada muqdisho kuwaasoo ay kobcinaysay dhinaca garaadka iyo waxbarista ardayda kala duwan gobolka banaadir.
 
Wakiilka SOMALI CONGRESS OF TRADE UNIONS ee magaalada Muqdisho Mahamed Osman Haaji oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay siminaarkan tababarka ah ee ay u fureen macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada kala duwan ee magaalada muqdisho ay doonayaan inay ka kobciyaan dhinaca kobcinta waxbarshada iyo garaadka macalimiinta si loo helo macalimiin u tababaran waxbarsita ardayda.

Sido kale waxa kahadlay Gudoomiyaha Ururka Abdiqaadir Abdirahmaan Daamey ayaa sheegay in SOMALI CONGRESS OF TRADE UNIONS ku caanbaxay u doodista Xuquuqda shaqaalaha oo kashaqeeya Guud ahaan dalka soomaaliya isla markaa u furta tababaro dhinaca aqoon kororsiga waxayna ay dib usoo nooleyaan xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed oo mudooyinkii ugu danbeeye dhibaato xoogan heesatay.
Sido kale waxa goobta kahadlay Haashim Sheikh Abdi Nuur oo kamid ah madaxda SOMALI CONGRESS OF TRADE UNIONS ayaa ku booriye macalimiinta isku xirnaashahooda isla markaa ay kashaqeyaan sidii wax badan oga badali lahayeen hanaankii hore ay u kushaqeyn jiray waxaana lagu qabtay tababarkaan Iskuulka Cali Xusein oo kuyaalo degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.
SOMALI CONGRESS OF TRADE UNIONS ay ku mideysanyihiin ilaa Kow iyo Toban Urur oo shaqaalo waxa kuwaas oo kahowl gala gudaha dalka soomaaliya una dooda xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed.
 

Wasiir cusub oo loo dhaariyay wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

$
0
0

Muqdisho, April 26, 2012-Munaasab xalay lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee dhaqadda Shaqaalaha, Isbortiska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda, Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka, iyo Qaar ka tirsan xildhibaanadda.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Shaqadda Shaqaalaha, Isbooriska iyo dhalinyaradda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Jirde Xuseen.
Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Shaqadda Shaqaalaha, Isboortiska iyo dhalinyaradda xilka loo magacaabay islamarkaana ummadda Soomaaliyeed si cadaalad ah.
Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Maxamuud Jirde Xuseen uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana soo qabtay xillal kala duwan oo heer wasiiro ah haddana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Maxay Real Madrid ay ka tiri guul daradii ay kala kullantay kooxda Bayern Munich

$
0
0

Jose Mourinho ayaa guuldaradii ka soo gaartay kooxdiisa semi-finalka Champions League ku eedeeyay nasiib darro soo wajahday kooxdiisa.
Kooxda ku guuleysatay 9 jeer Champions League ayaa rigoore 3-1 waxaa kaga badisay kooxda Bayern Munich oo 19ka May la ciyaari doonta finalka Champions League kooxda Chelsea.
“Nasiibka ayaa na diiday” ayuu yiri Mourinho ciyaartii xalay ka dib.
“Waa adag tahay in labo sanno oo isku xigta la gaaro semi-final islamarkaana loo gudbi waayo final. Waxaan u qalanay inaan badino”
“Waxaan xusuustaa kulankii Liverpool ee Champions League waxaan ciyaartaas ka hor laheyn kulan adag oo horyaalka ah, iyagana cadaadiskaas ma uusan saarneyn, waana ay inaga badiyeen”
“Tana la mid ayay aheyd. Waxaan la ciyaarnay isbuuc dhamaadkii Barcelona, Bayern Munich-na kulana dag ma aysan ciyaarin”
“Marka laga soo tago inay ciyaartoy nastay heysteen, waxaan ciyaarnay kubad fiican. Ciyaartoyda intii karaankooda ah waa ay dadaaleen” ayuu yiri.
Mourinho ayaa ku booqday sida sheegay ciyaartoyda Bayern Munich qolka labiska isagoo u hambalyeeyay guusha ay gaareen, lakiin waxa uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu rajeynayo in Chelsea ay qaadi doonto Champions League 19ka May.
“John Terry ayaa ka maqan, lakiin Chelsea waa ay joogtaa. Waxaan rajeynayaa inuu noqdo final wanaagsan. Waxaan doonayaa in Blues ay badiso lakiin ixtiraam ayaan u hayaa Bayern”
Waxaana uu sidoo kale ka hadlay sida Chelsea ay ku reebtay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.
“Chelsea geesiyaal ayay ahaayeen shalay. Dadka qaar ayaa Barcelona u heysta inay madax ka yihiin kubada cagta waxaana ay hoos u fiiriyaan kooxo sida Chelsea ama Inter, lakiin wax ay ka yaqanaan ma lahan dadaalka iyo isbiiritka kooxahaas”
“Chelsea waa ay u qalantaa inay final gaarto sida la mid ah Bayern Munich”

Maraykanka Oo $120 Million Siinaya Dalalka Ku Yaala Geeska Afrika

$
0
0

Washington (RBC) Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay Arbacadoo in lacag dheeraad ah oo gaareysa 120 malyuun oo Dollal-ka Maraykanka ay siinayso dalal ay ka mid ah yihiin Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia , oo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo abaar kale howlaha gar-gaarka bini’aadanimo ee loogu talagalay geeska Afrika.
Waa markii labaad ee bishan gudaheeda ee Maraykanku uu ku dhawaaqo inuu gar-gaar siinayo dalalka ku yaala geeska Afria. 5-tii bishan April ayuu Maraykanku ku yaboohay 50 malyuun oo Dolllar.
Aqalka Cad ayaa sheegay in gar-gaarkan cusub loogu talagalay in looga hor-tago in dhibaato dhinca cuntada ah ay ka dhacdo, Geeska Africa.
Sidoo kale Aqalka Cad wuxuu sheegay in roob yaraan gobolka ka jirta la filayo inay saameyn weyn ku yeelato wax-soosaarka miraha.taasna ay keentay in la ballaariyo howlaha bini’aadinimada dalalka seddaxda ah ee ku yaala Geeska Africa.
Sannadkii hore, Geeska Afrika ayaa waxaa ku dhuftay abaar aad u baaxad weyn oo xaalad macluul ah ka dhalisay qeybo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliyam, waxana ay sababtay in boqolaal kun oo qof ay ka soo carraraan guryahooda, kuwaas oo soo miciin biday caasimada Muqdisho, waxa kaloo jira dad kale oo iyana gaaray dalalka dariska sida Kenya iyo Ethiopia.
Abaartaas oo ahayd tii ugu ballaarneyd ee ku dhufata Geeska Africa waxa ay Soomaaliya kaliye ay ku leysay Kumanaan qof .
Dowladda Maraykanka waxa ay sheegtay inay hore u bixisay in kabadan 1.1 billion oo dollar taas oo loogu talagalay gar-gaarka bini’aadanimo ee Geeska Afrika tan iyo markii mashaqada abaartu bilaabatay bilowgii 2011
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Nairobi

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live