Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:2AAD

$
0
0

Haddaan qaybtii hore oo qormada uga hadlay; Arar, Marxaladda kala guurka
ah, Guddiga Dastuurka, iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo qoraalka ah,
ayaan qaybtanna ku sii qaadaa dhigayaa, wali qaybo ka mid ah Dastuurka,
Dastuurro is diiddan iyo Dastuur duran. Haddaba qaybtii labaad ee
qormada waa tane, ka bogasho wacan.

Xuduudaha dadlka

Qodobka kale ee Dastuurkan qabyo qoraalka ah ku jira, ee u baahan in la
iftiimiyo ayaa ah Xuduudaha dalka. Dastuurkan qabyo qoraalka ah, laguma
qeexin soohdimaha dalka, halka lagu caddeeyey Dastuurkii Dawladdii
1960-kii, ee la qoray maalmihii xorriyadda, Dastuurkii Dalwaddii Carta
ee 2000-dii ee laguu soo dhisay Jabuuti, ee C/qaasim Salaad Xasan
madaxweyne ka haa iyo Dastuurkii 2004-tii ee DKMG ee lagu soo dhisay
wadanka Kenya, ee C/laahi Yuusuf madaxweyne ka ahaa. Arrintan waxaa xoog
u yeelaya, in Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xuduudihii uu gumeysigu
ka tagay, doodna ay ka qabto, wixii dalka dawlado soo marayna marna
aysan aqbalin. Haddaba, jihooyinka soohdimaha Jamhiiriyadda Soomaaliyeed
waxaa lagu qeexaa sidan:

-Waqooyi, waxaa kaga beegan: Gacanka Cadmeed
-Waqooyi Galbeed, waxaa ka xiga: Jabuuti
-Galbeed, Waxaa kaga aaddan: Itoobiya
-Koofur iyo Kuufur Galbeed, waxaa ka jira: Kenya
-Bari, Waxaa kaga dayran: Badweynta Hindiya

Caasimadda Muqdisha

Qodobka kale ee Dastuurka qabyo qoraalka ah ka mid ah, ee isna u baahan
in la qeexo ayaa ah: Caasimadda Muqdisha, weydiintuna tahay; sidee laga
yeelayaa? Dabcan waan filaa, in loo wada joogay murankii laga keenay
Muqdisha, intii uu socday Shirkii Garoowe 2, heer la isla gaaray, in
ergadii Martida loo ahaa, ay shirka isaga baxaan, marti caroonaysa, oo
ergo u fadhida goobta ku bannaysay, xeer ma ka yaal? Hadduu ka yaal,
muxuu yahay? In lala tiigsado raggii ku xadgudbay mudan.
Weydiinta u horraysa ayaa ah, maxaa mar walba muran loo galshaa,
maqaamka Muqdisha? Magaalooyinka wadanka ugu waaweyn hadal lagama
keenee, maxaa Muqdisha kaliya dooddeedu u dhalataa? Kismaayo, Hargaysa,
Garoowe iyo magaalooyinka la midka ah, marna ma maqalno muran ku
aaddane, maxaa Caasimadda Mqudisha mar walba looga murmaa? Hubaal in
ujeed ka dambeeyo.
Mid waan filaa inaan muran ka jirin, in deegaan walba dad leeyahay,
xitaa kuwooda bannaan, ee aan markaa la daganayn, aan bal tusaalo ku
muujiyo, gobollada dalka, dhammaan lama wada degana, bal Soomaaliya
waxaa lagu tiriyaa wadamada “Lama dagaanka ah” ma ahan in dhulkeennu
Saxare yahaye, ee maadaama dad ahaan aan aad u yarnahay, dhulkuna aad
nooga weyn yahay ayaa sidaa loo yiri.
Haddaba, haddii dhulku naga soo harayo, mayee, aanba ka deggan nahay wax
aan dhammayn 13%, maxaa keenay in deeganno la isku qabqabsado? Kumaba
sii jirto, haddii is qabqabsigu keenay, in dhul dad leeyihiin la
dhaafinayo, sidaa awgeed, Muqdisha dhul ahaan, hubaal in dad leeyahay,
Caadimad ay noqotana, dadkii dhulka lahaa kuma weyn karaan.
Maxaa yeelay, sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ayaa Muqdishana dad u
leeyihiin, haddii la yiraa: Muqdisha lama kala xigo, oo waa caasimaddii
dalka, saw ma noqonayso: “Waxayga anaa iska leh, waxaaga kula ihi”
Micnaha sida Dhuusamareeb dad u leeyihiin, ee aan lala wadaagin, saw ma
ahan in Xamarna sidaa noqoto? Taa kama dhalanayso inaysan ahayn
caasimadii dalka.
Dhanka kale, waaba su’aale: Miyeysan dhici karin, in Xamar Caasimad
ahaato, maamulna ay yeelato, dadna yeeshaan? Weydiinta aan si kala u
dhigo: Miyey is diidayaan caasimadnimada Muqdisha iyo Maamul cidi
leedahay inay isla noqoto? Wallee Soomaali looga maara waa; sadbirsi iyo
xerataraar!
Haddaba, miyeysan habboonayn, inaan dadka la sii kala dilin? Illeen
Carrab ku celcelinta Caasimadda Muqdisho dadaa ku sii durgayee, waa
haddii la tixgalinayo muwaaddinnimo, walaaltinimo, wadanoolaasho,
darisnimo iyo xigaalnimo, haddii kale, colaadda meeshii laga damin
lahaa, ha la sii huriyo, wixii laga dhaxlo, yaanba wax la iska siin!

Dastuurro is diiddan

Marka laga soo tago qaab qoraalka Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee la
doonayo in dadka lagu siro ama lagu socodsiiyo, waxaa jira Dastuurro
kale, oo wadanka ka jira, oo aan aad uga duwanayn midkan hadda la soo
wado iyo kuwii horay u jirayba, dabcan waxaa kaw ka ah kan Somaliland,
haddana, ma qodobaynayo, illeen iyagu waxayba sheegteen inay dalka ka
go’een, una dhaqmayaan sidii dawlad madax bannaan oo kale.
Midse aan caddeeya, in Dastuurka Somaliland yahay Dastuurka qura ee
xalaal lagu tilmaami karo, ee looga dhaqmo gudaha Soomaaliya, xalaal
waxaan u iri, waa Dastuurka qura, ee afti dadweyne lagu meelmariyay,
waxaan wada xusuusannaa kumannaankii Suulka qadda ku wada lahaa, ee
Waayeel iyo Dhallinyaro, Rag iyo Haween, Masuul iyo Muwaadinba ka
sinnaa, kaliya ma ahan, ee waa Dastuurka qura ee aan qol mugdi ah lagu
madiidin, ama toboneeyo aan cidna matelin loo xilsaarin meelmarintiisa,
waa tii la yiri: “Xalaal barqaa la quutaa” iyo “Hillaac biyihiisuu
caddaystaa”.
Balse, layaabka ayaa ah marka aad akhriso Dastuurka Maamulka Puntland
ansixiyey, waxaad arkaysaa wax marna kaa qosliya, marna kaa yaabiya,
mudane Faroole inuu sanad kordhistay ka sokow, waxaa Dasturka ku qoran
qodobbo la yaab leh, haddaba aan tusaaleeyo:

Magac bixinta:

Waxaa wax lagu qoslo ah, waa magaca ay baxsadeen, bal waa kane aqriste
ila eeg: “Dawladda Puntland ee Soomaaliya” Waaba weyndiine, ma dawlad
goboleed baa? Mise waa dawlad? Dunida lagama sheegin dawlad dawlad kale
ku dhextaal, marka laga reebo Dawladda yar ee “Vatican”ka, ee ku taal
Roma ee wadanka Italay, iyana iskama bixine sooyaal iyo saab weyn ayey
ku samaysan tahay.

kheeyraadka Dabiiciga qodobka 53aad waxaa ku sheegan:

1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana
looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga. Haddaba weydiinta ayaa
ah:Puntland ma gobol Soomaaliya ka tirsan baa? Mise waa dawlad madax
bannaan?.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga
khayraadkeeda dabiiciga ah. Mar kale weyndiinta ayaa ah: Puntland inay
sheegato awooddii dawladda dhexe, ma saxbaa?.
3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado waddani iyo
ajnebiba ah, waxayna siin kartaa ruqsadda ka faa’iidaynta khayraadka
dabiiciga ah. Mar kale, oo haddaa dawladda dhexe maxay ku qaybsan
tahay?.
Aqriste, adoo maanka ku haya qodobka Jinsiyadda ee ku jira Dastuurka
qabyo qoraalka, bal Dastuurka Puntland sida uu uga hadlayo eeg, “dadka
dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland” Waaba weydiine,
Qabiil qura Jinsiyad ma qaybin karaa? Maya, horta isagu ma yeelan karaa?
Maya, Puntland ma qabiilbaa mise wa qaran? Maya, Puntland ma dawladbaa
mise waa maamul goboleed?
Meesha maradu uga dhacday –aan ka soo amaahdo Shariife- waa sida la isu
qabadsiinayo labada Dastuur, kan Puntland meel marisay iyo midkan
qabyada ah ee la soo wado, aqriste bal sida ku qoran Dastuurka Puntland
eeg:

1. Marka dadweynaha Soomaaliyeed afti ku meelmariyo Dastuurka
Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wakiillada ee Puntland
wuxuu magacaabayaa guddi gaar ah oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha
Wakiillada iyo xubno isugu jira Aqoonyahanno Sharci yaqaanno  iyo
Garsoorayaal ay xukuumaddu soo jeediso, si ay dib u eegid ugu sameeyaan
Dastuurka Puntland una hubsadaan arimaha ay ku kala gadisan yihiin
labada Dastuur, inta aynan ogolaan Dastuurka Fedaraalka.
2. Inta lagu dhammaystirayo Dastuur Federaal ah oo Puntland ansixisay,
dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyo, Puntland waxay lahaaneysaa
awood Dawlad madax bannaan

Waaba su’aale, hadday madax bannaan yihiin, maxay Soomaalida inteeda
kale u labayaan? Maa sida Somaliland bannaaka iska joogsadaan? Waa yaab,
mana nala joogaan, mana na dhaafsana, aqriste, bal labadaa wax u
dhexeeya miyaad ogtahay? Illeen maahmaahda ayaa ahayd: “Bisayl iyo
ciiriin wixii u dhaxeeyaa waa yacyacood”.
Midda meesha ku jirta ayaase ah, maxaa Somaliland guddi ay ku jiraan
iyagu loogu dirayaa, iyaga ayaaba u baahan wax guddi  u diree, oo ka
keena inay go’een iyo inay gayiga Soomaali la wadaagaan?.

Dastuur duran

Dastuurkan qabyo qoraalka ah, ee DKMG ah soo waddo, marka laga soo tago
qaab darradiisa iyo qodobada is diiddan ee ku jira ama ku qoran
dastuurrada kale ee dalka laga hirgaliyey, waxaa jira aragtiyo kala
duwan oo laga baxshay, ayna ka dhiibteen qaar ka mid ah beelaha
Soomaaliyeed, siyaasiyiin, aqoon yahanno, garsoorayaal, sharci yahanno,
qareenno iyo aqoon yahanno, oo dhammaan wada muujiyeen walaaca iyo
walwalka ay ka qabaan dastuurkan oo sidan lagu dhaqangaliyo.
Ra’isul wasaare Gaas oo muddo sii horreesay ka badbaaday qaarijin sida
hadalka loo dhigay, hoygiisiina ka huleelay, waaba hadduu hurdee, ayaa
maalmahaan Wardigiisu noqday ansixinta dastuurka, goob walba, iyo goor
walba wuxuu ku celceliyaa in dastuurka la qaato, dabcan waa sida uu
jecel yehee, siyaasina waa yehee, wali iskuma dayin inuu dadka ka
qanciyo qodobada dareenka dhaliyey dooddana keenay, taa badalkeed, wuxuu
fekerkiisa isugu geeyey kaliya inuu naadiyo in dastuurka la qaato.
Dhanka kale, waxaa isa soo tara cabashada laga muujinayo dastuurka iyo
cod dheerida lagu diiddan yahay, haddana cid codkaa maqasha ama isku
dayda inay dhagaysato ma jirto. Aan ka billaabo inay si toos ah beelo
Soomaaliyeed uga horyimaadeen dastuurkan, iyagoo sheegay inaan dan
Soomaali iyo mid samaanba lagu saabayn dastuurka, yaan lagu xugmin
beeshii diidda dastuurkan dawlad diid, illeen maqalka eragan ayaa nagu
batay dharaarahan, qofkii aragtidiisa cabbirana noqonayo dawlad diid iyo
qaswade, aniga iima bixin!
Isla sida ay beelahaa Soomaaliyeed u diideen, waxaa iyana u diiday
dastuurkan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Mudane Cali Khaliif Galayr
aasaasaha Maamulka “Khatuma State” wuxuuna sheegay dastuurka oo sidan
lagu hirgaliyaa inaysan dan ugu jirin umadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, isla duridda dasturka waxaa isna docda fog ka soo far
fiiqay mudane Faysal Cali Waraabe, oo sheegay inuusan Soomaalina
anfcayn, Somalinad uusan waxna u tarayn.
Ujeedka ma ahan in druid iyo dacaayad kaliya loo joogo, balse, maadaama
dadkii dhagaha laga laga furaystay, ayaa qof walba kalkiis hadlay,
haddii la leeyahay yaan la hadlinna waaba mid kale.

Fisha qaybta xigta ee qormada.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com


Gabiley : Dhir Dood Xoogan Ka Dhex Abuurtay Dadka Degan Deegaanada Gabiley

$
0
0

Gabiley (OWN)- Gobolka Gabiley oo ah gobolka ugu wax  soo saarka badan Somaliland ayaa ah mid Illaahay ku manaystay  dhul  beereedyo aad u qurxoon ku waas   ay ka soo baxaan khudaar aad u tiro badan ahna  isha 1aad ee dhaqaaluhu ka soo galo gobolka Gabiley .
Gobolkan oo leh meelo badan  oo ay dadku u tagaan dalxiisyada oo ay beeruhu ka mid yihiin kagana duwan yahay gobolada kale ee Somaliland,
Iyada oo taasi jirta ayaa hadana qofkii  mar arkay magaalada Gabiley  marka uu maqlo waxa markiiba      maskaxdiisa ku soo dhibcaysa  muuqaalka dhirta ku xeeran  laamaday inta aan la gaadhin magaalada ,ku waas oo u qaabwanaagsan ugu taxan hareeraha laamayda ,  waxayna   ka qabanayaa labada dhinac ee wadada ,waa dhir aad u cagaaran oo ah dhirta  loo yaqaan baxarasaafka  iyo miri-miriga  oo had iyo jeer midab koodu qurxoonyey  .
Waxaad arkaysaa dad iyo gaadiid badan oo istaagaya markay soo gaadhaan goobta ay ku yaalaan dhirtani  iyaga oo daawanay sida cajiibka ah ee ay isgu taxan yihiin waxayna faaqidaan sida ay dhirtani  u baxaday  oo ay siyaaba kala duwan loo arki karo
Dhirtan oo ka baxda gobolo badan oo Somaliland ah ayey tahay kaga duwanyihiin dhirtani qaabaa ay u bexeen oo ah hab siman oo ah dhinacyada laamayda oo kaliya oo aan kala leexsanayn
Dadka ku nool gobolka Gabiley iyo deeganaada ku hareeraysan  ayaa ka kala aamisana dhirtan aragtiyo kala duwan ,kaas oo qaar aanu wax kaweydiinay ay aaminsanyihiin in dhirta uu beeray maayarkiii ee xukuumaddii Siyaads Barre  ee magaalada Gabiley xukumaayey   kaas oo ay sheegeen in  uu qorshanhan uu u gu talagalay in ay ka qaybqaadato bilicda waddada iyo magaalada ba ,halka qaar kalena ay leeyihiin dhirtani waa dhir dabiici ah oo Illaahay (SWC)  uu meesha ka soo saaray taasina ay tahay mid  ka mid ah waxa yaabaha Gobolka Gabiley  uu gaarka ku yahay .
Waxa jira aragtiyo sidaas ka duwan oo ay qabaan dadweynaha deegaanada Gabiley oo u dhanaysa  in dhiratan  la  bilaabay  abqaalideeda waqtigii xukunkii Siyaad Barre dalka ka talinjiray  taas oo ay  ahayd in lamaanayaasha is doorta ee doonaya in ay reer noqdaan  kana  soo jeeda deegaanak Gabiley ay shardi u ahyd in ay beeraan laba geed oo kala turjumaaya labada lamaane   markii dambena ay sidaas dhirtii ku sii badatay waana ta loogu hadalhaynta badan yahay .
Si kastaba ha,ahaatee dhirtan ayaa  ah ku wa si cajiiba u baxay oo  in dhahaagu ay aad u soo jiidanayaan gaar ahaan waqtigan  oo lagu jiro xilli-roobeedkii guga .
Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Omarserbia1@hotmail.com
Oodweynenews.com/Hargeysa Office
 

SOMALIA: President Sharif not satisfied with the draft constitution

$
0
0

By; Abdalle Ahmed
Mogadishu (RBC) Somali interim president Sharif Sheikh Ahmed has demonstrated that he is not satisfied with some of the contents of the new draft constitution amid contradictory remarks by the government officials on the constitution.
“I share that I am not satisfied with some awful articles included into the new constitution and strongly ask to remove.” President Sharif said during his public address of the 52nd anniversary of Somali National Army.
The president acknowledged the growing suspicion and outrage by the local community against the draft constitution as he insisted that the constitution can be amended though it  has not yet been adopted.
“I listened some of the elders and religious people who are worrying the constitution and I told them that it must reviewed” he added.
But in contrast, the Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali who spoke to local journalists this week said that there were no any bad things in the constitution and called for the people to prop up it.
“I see those who oppose the constitution have not read what it is talking about. First they must read it.” The prime minister said.
 
 
RBC Radio

Al-Amriiki oo la sheegay in uu noolyahay kuna suganyahay Somalia.

$
0
0

News-(GMN) Cumar Xamaami oo Abuu Mansuur (Al-Amriki)  loo yaqaan oo dhawaanahan la shaacinayay in ay ururka Al-shabaab qoorta ka jareen kadib markii uu qilaaf soo kala dhexgalay. Ayaa waxaa iminka soo baxaya warar sheegaya in Amriki uu noolayahay sida lagu shaaciyay shabakada ay leeyihiin Ururka Al-shabaab.
Amriki waxa ay sheegeen in uu ku suganyahay Gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay Al-shabaab maamulaan.
Dhawaan ayay ahayd markii Cumar Xamaami uu barta Internetka soo dhigay muuqaal cod wata oo uu ku miijinayo in uu ku jiro halis oo ay Al-shabaab doonayaan in ay qoorta ka dheereeyaan kadib markii uu qilaaf soo kala dhex galay isaga iyo madaxda Al-shabaab.
Maraykanka oo uu dhalasho ahana ka soo jeeday waxya horay u sheegeen in ay baadi goobi doonaan nolosha iyo geerida Al-Amriki iyaga oo aan ilaa iminka shaacin wax war ah oo arintaasi la xariira.
Gedoonlinenews@gmail.com
 

Kismaayo: Al-Shabaab oo Saaka 4-Ruux Si Arxan Darro ah ugu Dilay Deegaanka Yaaq-Bishaaro

$
0
0

Kismaayo (RBC) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada ururka Al-Shabaab saaka ay si xun u dileen afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen odayaal kuwaasoo ku noolaa tuulada Yaaq-Bishaaro ee duleedka Kismaayo.
Dilka afarta ruux ayaa ka dambeeyey ka dib markii dad xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaanka Yaaq-Bishaaro oo ku dhow deegaanka Cabdulle-Biroole ay diideen xoolo Al-Shabaab ka dalbadeen inay u soo ururiyaan.
Dad ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Shabakada Raxanreeb u sheegay in ka hor dilka afarta ruux ee saaka ka dhacay deegaanka Yaaq-Bishaaro uu dhacay iska horimaad dhexmaray dadka deegaanka iyo ciidan tiro yar oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaasoo deegaanka u tagay soo qaadista xoolihii ay deegaanka weydiisteen.  Waxaana iska horimaadkaasi lagu dhaawacay labo ka mid ah Al-Shabaab.
Iska horimaadka ka dib ayaa gurmad ciidan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ka yimid magaalada Kismaayo waxay soo gaareen tuulada uu iska horimaadka ka dhacay iyagoo soo qabtay afar ruux oo ay sheegeen in ay abaabuleen kacdoonka lagu sameeyey waxayna afartii ruuxku xireen baabuur noocadagaalka ah oo ay ku jiideen illaa ay ka dhinteen.
Markii falkaasi uu dhacay ka dib ayaa dhalinyaro iyo odayaal ku noolaa tuulada oo ka cabsi qaba in iyaga la dilo ay ka carareen tuulada.
Illaa hadda saraakiisha Al-Shabaab ee Jubbooyinka kama hadlin dilka arxan darrada ee saka ay ciidamadooda ka geysteen Yaaq-Bishaaro, waxaana wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ay sheegayaan in odayaasha beesha dadka la laayey ay ka dhasheen ay wadaan kulan deg deg ah oo arintan ay ka yeelanayaan.
Gobolada Jubbooyinka oo ah meelaha ugu badanee dadkaxoolo dhaqatada ay ku nool yihiin ayay Shabaabka in mudo ah ka wadeen ururinta xoolo nool oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Ari oo ay ku micneeyeen Sako kuwaasoo ay dadka reer miyiga ka qaadayaan, Waxaana dhowr jeer dhacday in reer miyiga oo abaaro kulul iyo xoolo yaraan ay soo wajahday ay diidaan bixinta xoolaha taasoo keenta in dadka diida iyagana la dilo xoolahana laga qaato.
 
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

Baarlamaanka Soomaaliya oo fariin xasaasi ah u diray Madaxweynaha Somaliya

$
0
0

Xilli uu sheegay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed inaan la aqbali karin baarlamaan laba guddoomiye leh ayaa arrintaas waxaa ka jawaabay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Madoobe Nuunow Maxamed oo qaar ka tirsan Mudanayaasha baarlamaanka ay u doorteen inuu hogaamiyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inaysan macquul ahayn in xukuummadda oo shaqeynaysa baarlamaanka la kala diro.
Sidoo kale Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya looga baahan yahay inuu ilaaliyo sharciga dhowraha Axdiga KMG.
Wuxuu intaa raaciyey Madoobe Nuunow in Madaxweyhana sharciga u yaala uu yahay in uu noqdo Madaxweyne ku yimaada Baarlamaani oo uu baarlamaanku soo doorto ama mid ku yimaada shacabka oo ay shacabku soo doortaan, isagoo hoosta ka xariiqay in nidaamka ay hadda Dowladda KMG Soomaaliya ay ku shaqeyso uu yahay nidaam baarlamaani ah.
“Waxaa wanaagsan in sharciga la fiiriyo, mar haddii uu madaxweynuhu yahay madaxweyne baarlamaani ah sharciga maqabaa oo ma dhici kartaa baarlamaankii tiirka u ahaa jiritaanka Dowladda inuu meesha ka boxo Dowladdaasna ay taagnaato” ayuu yiri Madoobe Nuunow Maxamed.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa jiray qilaaf soo kala dhexgalay xildhibaannada Baarlamaanka kuwaa oo u kala jabay laba garab oo hogaan u kala doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madoobe Nuunow Maxamed, mana jiro ilaa iyo imin wax heshiis ah oo laga gaaray qilaafkooda.

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo dalka Turkiga ku sugan “Daawo Sawirada”

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa tan iyo 18 kii bishan april 2012 socdaal shaqo ah ku joogay dalka Turkiga.
Taliyaha ayaa sababihii uu u tagay waddanka Turkiga waxa ka mid ahaa inuu halkaas madaxda dalkaas kula yeesho kulamo looga hadlayo sidii dowladda Turkigu gacan weyn uga geysan lahayd din u dhiska iyo kor uqaadista tayada ciidanka booliska Soomaaliyeed
Sidoo kale Gen Shariif Sheekhuna Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu kaga qayb galay shir sanadeedkii koowaad ee ururka caalamiga ah ee loo yaqaan INTERPA “International Police Academies Association” kaasoo ah ururu ay ku mideysan yihiin ciidamada Booliska ee dhowr iyo afartan dowladood oo ka mid ah dowladaha adduunka.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intii uu shirkaas ka qayb galayay wuxuu u gudbiyay shir guddoonka codsi ku saabsan in ciidanka booliska Soomaaliyeed loo oggolaado inuu xubin ka noqdo, taasoo ka qayb galayaashii shirkaas iyo shir guddoonkuba ay oggolaadeen codsigii Soomaaliyeed.
Sareeye Guuto Shariif Sheekhuna Maye ayaa intii uu ku sugnaa waddanka Turkiga wuxuu booqashooyin kala duwan uu ku soo maray goobo kala duwan oo ku kala yaal magaalooyinka Ankara,Istanbul iyo Anatalya waxaana goobahaas ka mid ahaa taliska ciidanka booliska ee Turkey,dugsiga tababrka ciidamada booliska ee Turkey,xarunta ciidamada dambi barista ee Turkey, isbitaal ay ku jiraan bukaamada Soomaaliyeed ee ay dowladda Turkigu gargaarka caafimaad u fidiso iyo weliba isbitaalka ciidamada ee dalkaas Turkey.
Taliyaha ciudanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto ayaa goobihii uu soo booqday waxaa warbixino kala duwan ku siiyaya madaxda iyo howlwadeenada ka qaybgala xarumahaas.
Taliyaha oo illaa iyo haatan dalka dibaddiisa ku maqan ayaa inta uu howshaas qaran gudanayay waxaa beryahana qaar ka mid ah websiteyada soomaalida waxaa lagu daabacay hadalo been abuur ah oo lagu sheegayo in taliyuhu uu istiqaalad u gudbiyay madaxweynaha, taasoo ah war been ah oo aan sal iyo raad toona lahayn loogana gol leeyahay in lagu jahwareeriyo bulshada Soomaaliyeed isla markaana tashwiish lagu furo dadaalada dib u soo nooleynta ciidamada Booliska ee uu Jananku wado.
General Sheekhuna ayaa muddadii sannadka ahayd ee uu hayay xilka taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed wuxuu wax weyn ka qabtay dib u dhiska ciidanka iyo weliba isagoo xoogga saaray sidii ciidanku u heli lahaa mushahar ku filan oo ay noloshooda iyo tan qoyskooda ku maareyn karaan.
Tan iyo intii uu xilka hayay Taliyuhu wuxuu ku guuleystay in dhamaan ciidanka Boolisku ay helaan wax allaale iyo wixii mushahar ah e eka maqnaa sannadihii la soo dhaafay.







Saciid Axmed
sidaxmed@yahoo.se

“SACIID BINU CAAMIR WAA NIN AAKHIRADA KA DOORTAY ADDUUNYADA, WUXUUNA ALLE IYO RASUULKIISA KA DOORTAY WIXII IYAGA KA SOO HARAY”

$
0
0

SACIID OO AAN ISLAAMIN:
Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeereen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga la yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad (scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan Khubeyb.
Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fafakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr.
Dadkii faraha badnaa markii ay isugu yimaadeen goobtii lagu tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada ahna Khubeyb loo wado tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu yiri gaaladii tooganaysay, hadalkaasina wuxuu ahaa: “haddaad doontaan ii oggolaada si aan u tukado labo rakcadood kahor intaydan i dilin”. Waa loo ogolaaday.
Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii Khubeyb, isagoo u jeestay kacbada si uu u tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u jeclaystay salaadihii Khubeyb ayaa wuxuu yiri: “alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood” Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu gaaladii ku yiri: “wallaahi haddaanan ka cabsanaynin inaad u qaadataan inaan salaadda u dheereeyay cabsida aan ka cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda”.
Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii Khubeyb iyo sidii sida aan naxariista laheyn jirkiisa loo googooyay, markaasna gaalada ay Khubeyb ku leeyihiin: “ma jeceshahay in silican oo kale lagu sameeyo Muxammad, adigana markaas aad nabad gesho”, uuna lahaa Khubeyb isagoo dhiig baxaya hadalkan: “wallaahi ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba, Nebi Muxammadna ay muddo qodax”. Dadkii yimid goobtii toogashada ee gaalada ahaa ayaa si kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: “dila.., dila..”
Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku jirto u eegey Khubeyb oo markaas indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka, isagoo habaaraya gaaladii sidan u silcisay, wuxuuna lahaa: “Ilaahoow dhammaantood ciribtir, mid-midna u laay oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin”. Wax yar dabadeedna wuu naf baxay oo wuu dhintay, iyadoo uusan qof tirin kara dhaawacyadii soo gaarey Khubeyb uusan jirin.
SACIID OO SAAMEYSAY DILKII KHUBEYB:
Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen guryahoodii, wayna iska iloobeen dilkii iyo toogashadii soo gaarey Khubeyb. Hase ahaatee Saciid Binu Caamir dhalinyarana ahaa (xilligaas aan qaangaarin) marnaba xiskiisa kama maqnaanin wixii Khubeyb soo gaaray maalintaas. Wuxuu ku arki jiray hurddada (riyada) hadduu seexdo, dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray hadduu soo jeedo. Waxaa hortiisa iman jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa labadii rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna maqlayay hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid wuxuu markasta ka cabsan jiray in kuwii laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga timaaddo ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas iyada ahayd Saciid ma uusan islaamin.
Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu Saciid baray wax uusan aqoonin hadda ka hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi ay tahay caqiido iyo jihaad lagu gaaro waddada caqiidada ilaa ay geerida ka timaaddo. Sidoo kale wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu sameeyo falal iyo mucjisooyin la yaab leh. Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga (scw) ay jecel yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi laga taageersan yahay xagga samada.
ISLAAMIDDII SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI:
Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu Ilaah (sw) u waasiciyay laabta Saciid Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex istaagey dad aad u fara badan dhexdooda, isagoo dadkii ogeysiiyay inuu barri ka yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir wuxuu u haajiray magaalada Madiina, isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la joogista Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb galay duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka danbeeyay.
Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu dhintay, Saciid Binu Caamir waxa uu noqday sida seef galka ka baxday oo ay adeegsadaan labada khulafo ee Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu noqday tusaale laga shidaal qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii adduunyadiisa aakhiro ku iibsaday, wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe (sw) ka doortay dhammaan wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah.
ASXAABTA SI GOONNI AH AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID:
Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay ogaayeen cabsida iyo iimaanka xeesha dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah ayeey u qaddarin jireen markasta Saciid. Tusaale haddaan u soo qaadanno, Abuubakar iyo Cumar labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay astaamaha runta iyo cabsida Alle, markastana waxay maqli jireen nasteexada iyo waanada uu u soo jeediyo iyaga.
Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u soo galay Saciid Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii billowga khilaafada Cumar. Saciid wuxuu Cumar ku yiri: “Cumaroow waxaan kuu dardaarmayaa inaad Alle uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan, inuusan is-khilaafin ficilkaaga iyo hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr badan kan ficilka rumeeyo.. Cumaroow indhaha ku hay muslimiinta uu Alle madaxda kaaga dhigay, kooda dhow iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa waxaad naftaada iyo reerkaaga la jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa waxa aad naftaada iyo reerkaaga la necebtahay, xaqa gaarsiintiisa waxaad u jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha uga cabsan”.
Cumar baa wuxuu Saciid ku yiri: “Saciidoow yaa awoodi kara”. Saciid ayaa wuxuu yiri: “waxaa awoodi kara nin adigoo kale ah oo uu Alle u dhiibay umuurta ummadda Nebi Muxammad (scw). Intaas ka dib, wuxuu Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray Saciid inuu maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna yiri: “Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa maamulka gobolka Ximsa”. Saciid ayaa u celiyay: “Ilaah baan kugu dhaariyaye inaadan i fidnayn”. Cumar ayaa carooday, wuxuuna yiri: “intaad mas’uuliyaddan qoorteeda saarteen ayaa ka dib iigaga cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi maayo”.
SACIID OO KA MID NOQDAY GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA CUMAR:
Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu Caamir waxaa madax looga dhigay magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: “miyaanan musha-haro kuu qoraynin”. Saciid ayaa ugu jawaabay: “maxaan ku sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga badan lacagta aan ka qaato baytul-maalka”. Sidiina ayuu Saciid ugu safray magaalada Ximsa.
WAANA AMIIR, WAANA FAQIIR!:
Muddo yar markay ka soo wareegatay muddadii uu Saciid xilka qabtay, ayaa waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar Binu Khaddaab uga soo wafdiyay magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka codsaday inay u soo gudbiyaan liiska fuqurada ee deggan magaalada Ximsa.
Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii ay ku qornaayeen fuqurada/masaakiinta reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa waxaaba ku jira Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa.
Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu yahay Saciid Binu Caamir, waxayna ugu jawaabeen: “waa amiirkeena!”. Cumar ayaa markale wuxuu weydiiyay su’aashan: “amiirkiinu ma faqiir baa?!”. Waxay ku jawaabeen: “haa”, waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo fara badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay arrintaasi, wuuna ooyay jeer ay ilmadii ka da’aysay ay ka qoysay garkiisa. Cumar wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku riday kiish, isagoo wafdigii ku yiri: “marka hore igu salaama Saciid, waxaadna ku tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si aad ugu kaalmeysato danahaaga khaaska ah”.
REERO ADDUUNYO MA AHAYN:
Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii Ximsa, waxayna u tageen Saciid, iyagoo ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay lacagta. Saciid markuu arkay lacagtii wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo oranayay: “Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday oo kale.
Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay maqashay Saciid, waxayna ku tiri: “maxaa kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii mu’miniintii ayaa dhintay?!”. Saciid ayaa ugu jawaabay: “maya ee waxaa dhacay wax taa ka weyn”. Waxay tiri: “ma muslimiintii ayaa dhibaato ku dhacday?!. Wuxuu yiri: “maya ee wax ka weyn taas ayaa dhacday”. Waxay tiri: “maxaa taas ka weyn?!”. Saciid ayaa yiri: “adduunyadii ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay gurigayaga”. Xaaskii Saciid iyadoo aanan fahmin hadalka Saciid ayaa waxay iska tiri: “isaga takhallus haddaba”. Saciid ayaa weydiiyay afadiisa su’aashan: “arrintan ma igu kaalmaynaysaa?”, waxayna ku jawaabtay: “haa”.
Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan (kunkii diinaar ee uu Cumar u soo diray), dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta muslimiinta. Run ahaantiina lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga, maxaa yeelay ma haysan wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee wuxuu naftiisa ka doorbiday inuu daboolo baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu iyaga la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii qur’aanka ahayd ee ka hadlaysay arrintan.
MID KA MID AH TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR:
Wakhti badan kama soo wareegan, jeer uu Cumar Binu Khaddaab ku yimaado kormeer magaalada Ximsa, isagoo doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan waxay tusaale cad ka bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo sidii uusan u kala saari jirin madaxda iyo shacabka, waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani dunida maanta aan lagu arag, laga soo bilaabo madaxda iyo dowladaha dunida Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda iyo sinnaanta waa reer galbeedka’e.).
Markii uu yimid magaalada Ximsa oo markii hore la oran jiray: “Al-Kuweyfa” ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu salaamay reer Ximsa, isagoo su’aallo ka weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid Binu Caamir oo ahaa amiirka magaalada.
AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY SACIID:
Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan:
“Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka tagto”. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: “ma aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa cajiinta, muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa”.
Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan Saciid. Waxay yiraahdeen: “habeenkii cidna uma jawaabo”. Cumar ayaa Saciid ku yiri: “maxaad ka leedahay hadalkaas?”. Saciid wuxuu yiri, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay siiyay.
Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: “maxaad kalood ka sheeganaysaan”. Waxay yiraahdeen: “bishii maalin ayuusan noo soo bixin”. Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay: “ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa”.
Cumar ayaa dadkii ku yiri: “maxaad kalood ka sheeganaysaan?”. Waxay yiraahdeen: “mararka qaarkood ayuu miyir beelaa”. Saciid ayaa wuxuu yiri: “waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen markaas: “ma jeceshahay inaad nabad gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga”, wuxuuna ku jawaabayay:”wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay muddo qodax”, anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa inuusan Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa”.
Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay natiijadii dacwada, wuxuuna yiri: “waxaa mahad iska leh Allihii aanan hoojin malahayga”, ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto.
Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tiri: “waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya”. Saciid wuxuu afadiisii ku yiri: “ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan”. Waxay tiri: “waa maxay”. Wuxuu yiri: “waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay”. Waxay tiri: “waa kuma kaas”. Saciid wuxuu yiri: “waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan”. Waxay tiri: “waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo”.
Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, jeer uu lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinayya masaakiinta: “lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii garoobta ahayd.., lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii ina hebel ahaa…
Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa dadka naftooda ka doorbida walaalahooda kale, haba ugu baahi badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid Binu Caamir, innagana ina siiyo tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo caddaaladeedba. aamiin.


Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon

$
0
0

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso
1-Su’aal Sheeg Sida aan ognahay todobada asxaabi ee ugu axaadiista badan ka wariyeen Nebiga (NNKH)
Waxay kala ahaayeen 1-Abuu hureyra rc. 2-Caa’isha Binti Abiibakar rc. 3-C/laahi Bin Cabaas rc. 4-C/laahi Bin cumar rc. 5-Jaabir Bin c/laahi. 6-Aanis Bin Maalik. 7-Sacad Bin Maalik. Hadaba Abuu hureyra Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
1-Jawab: wuxu ka wariyey 5374 Axaadiis.
2-Su’aal Sheeg imisa Axaadiis ayey Caa’isha Binti Abii Bakar Rc Imisa ka warisay Nebiga (NNKH)?
2-Jawab: Waxay ka warisay 2210 Axaadiis.
3-Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cabaas Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
3-Jawab: Wuxu ka wariyey 1660 Axaadiis.
4-Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cumar Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
4-Jawab: Wuxu ka wariyey 1630 Axaadiis.
5-Su’aal Sheeg Jaabir Bin C/laahi Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)
5-Jawab: Wuxu ka wariyey 1540 Axaadiis.
6-Su’aal Sheeg Aanis Bin Maalik Imisa Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)
6-Jawa: Wuxu ka wariyey 1286 Axaadiis.
7-Su’aal Sheeg Sacad Bin Maalik Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
7-Jawab: Wuxu ka wariyey 1170 Axaadiis.
8-Su’aal Sheeg halgankii uu Axmed Gurey kaga soo hor-jeeday Xabashida Sanadkii uu bilowday?
8-Jawab: Wuxu bilowday Sanadkii 1528-dii
9-Su’aal Sheeg halgankii Axmed Gurey uu kaga soo hor-jeeday Xabashida Sanadkii uu dhamaaday?
9-Jawab: Wuxu dhamaaday 1542-dii
10-Su’aal Sheeg kumuu ahaa Geesigii Somaliyaded ee Xabashida baray Cunista Hilibka Ceyriinka ah?
11-Jawab: Wuxu ahaa Axmed gurey.
12-Su’aal Sheeg Axmed Gurey imisa sano ayuu Xabasha la-dagaalamaayey?
12-Jawab: Wuxu la-dagaalamaayey 14 sano.
13-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sayid Maxamed Cabdule Xasan?
13-Jawab: Wuxu dhashay Sanadkii 1856-dii
14-Su’aal Sheeg halka uu ku dhashay Sayid Maxamed Cabdale Xasan?
14-Jawab: Wuxu ku dhashay Qoof Fardood ee degmada Buuhoodle ee Gobalka Sool.

Sheekh Shariif iyo Feysal Cali Waraabe oo Xalay Kulan Gaar ah ku Yeeshay Dubai

$
0
0

Dubai (RBC) Sida uu maanta Shabakada Raxanreeb u xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee Dubai waxaa xalay kulan gaar ah hotel ku yaalla magaalada Dubai ku yeeshay madaxweynaha DKMG ah Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland Feysal Cali Waraabe.
Kulankan ayaa ka dambeeyey ka dib markii madaxweyne Shariif uu booqasho ku tagay Dubai ka dibna codsi uu uga yimid Feysal Cali Waraabe oo horey u sii joogay magaalada Dubai.
Kulanka oo qaatay in ka badan saacad ayaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan xubnaha ka socda Puntland ee ku jira guddigii uu madaxweyne Shariif u magacaabay ka qeybgalka wadahadalka Somaliland lala yeelanayo 15-kii bishan April.  Waxaana Feysal Cali Waraabe iyo madaxweyne Shariif ay si dheer uga hadleen shuruuda Somaliland ku xirtay wadahadalka.
Ma cadda waxa la isku afgartay inkastoo warar xog ogaal ah ay sheegayaan in madaxweynuhu ballanqaaday in xukuumadda KMG dib uga tashan doonto qaabka loo dhisay guddiga wadahadalka.
Kulankan ayaa yimid xilli caqabad weyn ay horistaagtay wadahadalkii dhexmari lahaa DKMG Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo ka booday labada xubnood ee guddiga DKMG ah lagu soo daray ee ka soo jeeda maamulka Puntland.
 
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Naieobi

W/Warfaafinta Oo Caafimaad Dibadda Ah U Qaadday Wariyayaashii Ku Dhaawacmay Qaraxii Tiyaatarka

$
0
0

Dowladda KMG ah ayaa maanta caafimaad dibadda ah u qaaday weriyeyaashii ku Dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay golaha Murtida iyo Madadaallada kuwaas oo Xaaladdooda caafimaad wax looga qaban waayey gudaha dalka.
Wasiiru dowlaha wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta mudane C/llaahi Bile Nuur oo garoonka diyaaradah Aadan Cadde ku sii sagootiyay dhaawacyada Afarta Wariye oo ku dhaawacmay qaraxii Afartii bishan ka dhacay golaha murtida iyo madadaallada ee National Theatar kuwaas oo loo qaaday dalka Jabuuuti ayaa ayaa u mahadceliyay dowladda Jabuuti oo uu sheegay in ay ogolaatay in dalkeeeda lagu soo daweeyo maadaama xaaladda dhaawacyada wariyayaashaasi ay liidato.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta mudane C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi”oo isagu ahaa mas’uulkii raacay dhaawacyadaasi ayaa sheegay in dhaawacyada Afartan wariye lagu soo daweyn doono dalka Jabuuti, isagoo uga mahadceliyay dowladda Jabuuti dadaalka ballaaran oo ay ku bixineyso taageeerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda hore ugu soo daweeysay dhaawacyo kale oo ku waxyeelloobay qaraxyada gumaadka ah ee kooxda Alqaacidda ka waddo Muqdisho iyo Gobollada kale ee dalka, iyadoo wariyayaasha maanta la qaaday ay ka mid yihiin wariyayaal ka shaqeeya warbaahinta qaranka halka kuwo kalena ay ka howlgalaan warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha Muqdisho.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo u ambabaxay dalka Uganda

$
0
0

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsann) ayaa maanta u duulay magaalada Kampala ee dalka Uganada.
Hadal uu ku siiyey wariyaasha garoonka diyaaradaha Adan Cade ka hor inta uusan duulin ayuu ku sheegay inu ujeedka ay u tagayaan Ugana ay tahay sidi ay u horu marin lahaayeen mashruuc maalmahan ka socday Muqdisho oo loogu magac daray danta guud.
Waxa kale oo uu sheegay in mashruucaan oo ay maal gelineyso hey’ada USAID in degmo walbaa la siin doono lacago fara badan oo loogu tala galay xaga horumarinta.
“Waxaan u soconaa in aan sii horumarino mashruuca danta guud, dad kala duwan baa degmooyinka ka kala socda, miis baa la wada fariisinayaa dhamaatood, degmo walba waxaa la weydinayaa baahida ay qabaan waxaana mid walba kusoo aadi doonta 600,000 oo Doolar,” ayuu yiri.
Tarsan ayaa ugu baaqay dhamaan dadka reer Muqdisho ee guryaha waaweyn ku leh meelaha dalxiiska ku wanaagsan in ay dayc tirtaan, gaar ahaan waxa uu ka codsaday dadka guryaha ku leh agagaarka Xeebta Liido in ay dayac tirtaan si ay dadka dalxiisayo uga kireystaan.
“Waxaan dhiiri gelineynaa in ay dayac tirtaan guryahooda, gaar ahaan kuwa degan guryaha ku agyaalada Xeebta Liido.” ayuu yiri.
Magaalada Muqdisho ayaa kasoo reyneysay xaaladaheeda xaga amniga iyo dayactirka tan iyo marki ay dowlada KMG si rasmi ah ulka wareegtay bishi August ee sanadki hore.

Wasaarada Dastuurka oo sheegtay in qodobo ka mid ah qabyo qoraalka wax laga bedelayo

$
0
0

Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Soomaaliya ayaa sheegtay in wax laga badalay qaar ka mid ah qodobada Dastuurka lagu wado in la ansixiyo bisha soo aadan ee loo diyaariyey Soomaaliya. Wasiiru dowlaha Wasaarada Dastuurka,  Xasan Maxamed Jimcaale (Xasan Dheere) oo la hadlay idaacada ku hadasho codka dowlada ee Radio Muqdisho, in qodobada laga badalay ay ugu muhiimsanyihiin [...]

DEG DEG: Guardiola oo ka Tagay Barcelona iyo Macallin Cuusb oo la magacaabay

$
0
0


27 April 2012: By Ibraahim Geedow Cawaale.
Macallinka Kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa ka fariistay shaqadii Macallinimo ee kooxda Barca kadib 4 Sano oo uu leylinaayay.
Guardiola ayaa ku dhawaaqay Go’aan laga sugaayay Toddobaadyadii u dambeeyay kaas oo ku aadana mustaqbalkiisa Kooxda Camp Nou ku Cyaarto.
“Waxaan iska Casilaayaa shaqada Kooxda Blue Garena marka uu dhamaado Xili Ciyaareedkan” ayuu yiri Guardiola.
Qandraaska uu kula jIray Macalinkaan Spain u dhashay kooxda Kataluuniga ah, ayaa ku ekaa bisha June ee Sanadkaan, waxaana laga war sugaayay Maalmihii u dambeeyay in uu Qandaraaska kordhiyo ama uu ka fariisto Shaqada.
Gudoomiyaha Kooxda Barca Sandro Rosel ayaa uga mahad Celiyay Guardiola SHaqadii uu u qabtay Kooxda afartii Sano ee uu majaraha u haayay.
Rosell ayaa sheegay in booska uu baneyn doono Guardiola uu si buuxda ula wareegi doono ku xigeenkiisa hadda ninka lagu magacaabo Tito Vilanova.
Ku dhawaaqista Vilanova ayaa imaaneysa iyadoo shaqada kooxdan lala xiriirinaayay Macallimiin waaweyn oo ay ka mid yihiin Biesla (Athletico Bilbao, Blanc (France) iyo kuwo kale.
Ciyaarta ugu dambeyso ee uu leylin doono Guardiola kooxda heysatay Horyaalka Yurub waa Ciyaarta Finalka Coppa Dela Rey oo dhici doonta 25-ka bisha soo socota ee May.
4 Sano oo uu leylinaayay Barca ayuu u qaaday guardiola 13 Koob oo ay ku jiraan 2 Horyaalka Yurub ah.
3 maalin gudahood ayuu Guardiola kaga haray Kooababka ugu waaweyn Yurub ee Champion liiga iyo La Liga markii ay Garaaceen Kooxaha Real madrid iyo Chelsea.

Djibouti oo Dad Dhaawac ah ka Qaaday Muqdisho

$
0
0

Dowladda Djibouti ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qaaday 4 wariye oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii bilowgii bishan ka dhacay Tiyaarka Muqdisho.
Dhaawacyadan ayaa in muddo ahba ku jira Cisbitaallada Muqdisho, balse xaaladooda caafimaad halkaasi wax looga qabanwayay.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ee DKMG, C/laahi Bile Nuur ayaa VOA u sheegay in qaadistan weriyayaashan dhaawacmay ay ka danbeysay kaddib markii safaaradda Djibouti ee Muqdisho ay ka soo jawaabtay codsi ay weydiisteen oo ahaa in dadkaasi wax loo qabto.


AMISOM oo sheegtay in dhowaan ay tagi doonaan gobolada dalka oo dhan

$
0
0

Hogaanka cusub ee Ciidamada AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay dhowaan Gobolada dalka oo idil kala wareegayaan Al-Shabaab, ayna Ciidamo ku filan oo ammaanka sugan ay geyn doonaan. Taliyaha cusub ee howl galka AMISOM Jen. Andrew Gutti oo dhowaan si rasmi ula wareegay hogaanka ciidamada markii uu bedelay Taliyihii hore Major Jen. Fred Mugisha ayaa [...]

Faah faahin ka soo baxeysa dagaalo labadii maalmood si xiriir ah uga dhacayay Gobolka Gedo

$
0
0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaalo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Kenya oo taageeraya kuwa dowladda iyo Al-Shabaab.
Sida wararku sheegayaan dagaalada oo soo noq noqday ayaa ka dhacayay deegaano u dhow dhow degmada Ceel-Waaq iyo duleedka degmada Garbahaarey, kaasoo diyaarado dagaal ka qeyb qaateen.
Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaaladi shalay iyo doraad ay ku dileen ilaa 17-dagaalyahano, ayna maxbuus ahaan ugu qabteen saddex dagaalyahan oo mid dhaawac uu ahaa.
Sidoo kale Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa xusay in dhankooda ay dileen tiro askar ah labo gaadiidna ka gubeen ciidamada Kenya, iyadoo warar soo baxaya sheegayaan in Meydka askari Kenyan ah la geeyay degmada Baardheere.
Xiisado dagaal oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan Gedo, iyadoo saacadihii la soio dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayay.
Dadkii deegaanka ayaa ka barakacay deegaano ka tirsan Ceel-Cadde iyo duleedyada Garbahaarey, kadib markii lagu dul dagaalamay gelinkii dambe ee shalay.
Dagaaladan ka dhacay Gedo ayaa ahaa kuwii ugu cuslaa ee mudooyinkan dhaca deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhasha.
 

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo ka dhacay Gobolka Gedo

$
0
0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaalo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Kenya oo taageeraya kuwa dowladda iyo Al-Shabaab. Sida wararku sheegayaan dagaalada oo soo noq noqday ayaa ka dhacayay deegaano u dhow dhow degmada Ceel-Waaq iyo duleedka degmada [...]

Suuqa Bakaaraha oo laga mamnuucay in lagu dhex iibiyo Qaadka iyo shidaalka

$
0
0

Gudiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa mar kale soo saaray digniino ku wajahan howlaha ganacsi ee suuqa, iyagoo ugu baaqay ganacsatada inay si deg deg ah uga raraan suuqa Qaadka iyo Shidaalka. Axmed Nuurre Aw-diini Gudoomiyaha gudiga Ganacsatada Suuqa ayaa sheegay in aan hada iyo wixii ka dambee lagu arki karin ganacsatada oo suuqa ku dhex [...]

Sarkaal Ajnabi ka tirsanaa Shirkada Saracen oo lagu dilay Gobolka Bari

$
0
0

Askari ka tirsanaa Ciidamada la dagaalanka burcad badeedka ee Puntland ayaa ku dilay duleedka deegaanka Isku shuban ee Gobolka Bari, sarkaal ka tirsanaa Shirkada Saracen ee Ciidamada Puntland tababarka siisa.
Sida wararku sheegayaan sarkaalkan la dilay oo dhalashadiisa lagu sheegay inuu ahaa Mareykanka ayaa timid markii ay murmeen askari ka mid ah askartii Puntland ee la tababarayay, kaasoo amar la’aan uga tagay Xerada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in sarkaalkan uu ka carooday in askari amar la’aan uga tago xerada, deetana uu kaxeysto, iyadoo markii dambe uu Sarkaalku gacan qaaday askari.
Askariga oo ka carooday gacan qaadka uu sameeyay sarkaalka ayaa soo qaatay qori AK47, isagoo isla goobta rasaas ugu harqiyay, oo uu markii dambe ugu qudh-baxay.
Dhacdadan oo ah tii u horeysay ayaa aad u gil gilashay Xerada tababarka ka socday oo dhowr saraakiil ku sugnaayeen, iyadoo arrintan aad looga hadal hayo Puntland.
Shirkada Saracen oo ah shirkad ammaanka qaabilsan ayaa Ciidamada Puntland u tababarta la dagaalanka burcad badeedka iyo sugida ammaanka, waxaana la ogeyn saameynta ay ku yeelan doonto howlaheeda tababarida ee dilka sarkaalka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live