Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xannuuno La Garan Waayey oo Xoolo ku Dilay Gobolka Awdal

$
0
0

Boorama (RBC) Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegtay inay baaritaan Shaybaadh ah ku samaynayso Xanuunno la garan-waayey oo Xoolo fara badan oo Lo’ iyo Ari isugu jira ku laayey tuulooyin hoos yimaada magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Hawlgallo gurmad caafimaad ah ayey Masuuliyiin iyo Dhakhaatiir Wasaaradda Xannanada Xoolaha Somaliland ka tirsani ka bilaabeen deegaanno ka tirsan magaalada Boorama ee gobolka Awdal, halkaas oo ay Xoolo Lo’ iyo Adhi u badani ku dhinteen, ka dib markii deegaannadaas oo abaar kululi ka jirtay si xoog leh uga curteen roobabka Gu’ga maalmihii u dambaysay.
Dhakhaatiir iyo Masuuliyiin ka socda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa dawooyin gaadhsiiyey deegaannadaas, isla markaana hawlgallo caafimaad oo Xoolaha buka lagu daweynayo ka bilaabay Xubnaha gaaray Degaanada  hoos yimaadda degmada Boorama ee gobolka Awdal, gaar ahaan goobaha ay aadka ugu dhimanayaan Xoolaha oo intooda badani Lo’ tahay.
Waxaana masuuliyiinta gaaraya deegaanadaasi ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Axmed Cabdi (Caga-weyne), Xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Boorama iyo Hawl-wadeennada dhinaca Caafimaadka ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha. Waxayna saraakiisha caafimaadka ee gurmadka u baxay ayaa shalay bilaabay inay dhiig ka qaadaan qaar ka mid ah xoolaha buka si ay ugu sameeyaan baaris si loo ogaado nooca xannuunada xoolaha haya.
Dadka ku nool degaanada ay cudurada ka dilaaceen waxay shegeen habka ugu habboon ee loo maareeyo Xoolaha dhintay si loo dhawro Caafimaadka guud ee dadka iyo deegaanka iyo si aanay uga dillaacin cudurro kale oo hor leh marka Bakhtiga Xooluhu bato xilli Roobeedkan oo Roobku aad uga da’ayo deegaannadaas.
Waxayna dadka degaanka oo Masuuliyiinta caafimaadka warbixin ka siiyey heerka Khasaaraha dhimasho ee Xoolohooda soo gaadhay, ayaa sheegay in inta hadhay iyo inta ka dhimatay dhimashadu badan tahay. Waxayna dadka deegaanka ka cawdeen inaysan helin wax gurmad caafimaad ah haddey tahay hay’adaha caafimaadka ama dhinaca maamulka.
 
 
 
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa


Xasan Dahir “Hubkaas dad Muslimiin lahaa, meel cadaw hub ku qarsan karo ma aheyn waa wax lala yaabo”

$
0
0

Hogaamiyihii hore Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Dahir Aweys oo beryahan si xoogan u naqdinayay Al-Shabaab ayaa ku tilmaamay hubkii ay ka soo faagteen guri ku yaal Siinka Dheer oo dhulka hoostiisa lagu aasay hub fara badan inuu ahaa mid ay lahaayeen dad Muslimiin ah.
Shiikh Xasan Dahir ayaa is weydiiyay sababta Hubkaas loogu sheegay inuu ahaa mid Cadaw ay lahaayeen, isagoo xusay in aanay suura geli karin in cadaw hub ku qarsado halkaas.
“Waxaa layaab ah in la yiraahdo Hubka wuxuu ahaa hub cadaw, meesha ma ahan meel uu cadaw wax ku qarsan karo, sidaas waxa weeye dad Muslimiin baa lahaa”ayuu yiri Shiikh Xasan Dahir.
Shiikh Xasan Dahir oo hadaladiisa ka muuqdeen carow ayaa xusay in hubka ay keydsan karto cid walba oo ay suura gal tahay inay qolo kale kula dagaalanto, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka la baneysto, maalkooda, naftooda iyo sharafkooda.
“Waxaa laga yaabaa in la yiraado waxyaabo yar yar in qalad waaye , marka qofka Muslimka in la ilaaliyo naftiisa, maalkiisa iyo cirdigiisa waa waajib diini ah, waxa maanta sheekada taal qofbaa rabin, maxaa ka geli kara”ayuu yiri.
Sidoo kale Shiikha ayaa soo qaatay in sida lagama maarmaan u tahay in qofka hantidiisa la xafido, hadii la baneystana ay ka dhigan tahay in dhiigiisa la baneystay sida uu yiri.
Al-Shabaab oo dhowaan sheegatay in hub fara badan oo ku jira guri hoostiis ka soo faageen, kaasoo ay ku tilmaameen inuu ahaa mid cadawga lahaa, hase ahaatee markii dambe ay cadeysay in cidii milkiyadeeda sheegata hubkaas ay Maxkamad la kori doonto ama cadeyn la timaado oo shareecada ku kala bixi doonaan.
 

Deg deg:Qarax Xoogan oo haatan kadhacay Magaalada Nairobi

$
0
0

Sida aya shegayaan wararka aan xiligaan kaheleyno magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya in oo kadhacay qarax aad u xoogan kasoo kadhacay goob kaniisad ah oo kutaalo Guru Nanak hospital along Muranga road.
Qaraxaan aya la ogeyn waxyaabaha rasmiga oo kadhashay waxaana kasoo baxaayo warar kale duwan ayadoo ciidamada amaanka gaareyn goobta oo kadhacay.

Xiliga oo qaraxa dhacaaye ayaa ahayd kaniisada mid adadweyne farabadan ay ku cibaadeysanayeen waxaana kudhaawacantay ilaa tobon qof halka tiro kale ay kudhimatay
Isku sowada duub waxa goobta qaraxa kadhacay lagu gadaamay ciidamo aad u farabadan kuwaas oo dadka ka weecinaayo goobta oo qaraxa kadhacay wallow saraakiisha kusii qul qulayaan.
Wixii kusoo kordha wararkeyna danbe haduu Rabi Imo

Waasarada Dastuurka Oo Ku Dhawaaqday Xiliga Uu Sida Rasmiga ah u Furmayo Shirka Lagu Ansixinayo Dastuurka

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Wasiiru dowlaha wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Xasan Maxamed Jimcaale ayaa wuxuu ka warbixiyay howlaha Dastuurka halka ay marayaan iyo waliba shirka lagu ansixinayo Dastuurka ee Muqdisho ka furmaya.
Wuxuu sheegay wasiiru dowlaha in haatan ay magaalada Muqdisho Xaadir ku yihiin Doyaashii Dhaqanka Soomaaliyeed  iyo waliba Ergadii ansixin lahayd Dastuurka Cusub.
Sidoo kale wuxuu sheegay in 1-bisha May uu magaalada Muqdisho ka furmi doon shirka odoyaasha dhaqanka kaasi oo socon doono ilaa iyo 14-bisha May, ka dibna ay ku soo biiri doonaan Ergadii ansixin lahayd dastuurka oo gaaraysi 825-xubnood.
Wasiiru dowlaha ayaa tilmaamay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah isla markaana loo baahanyahay in lagu dhameestiro howlaha Dastuurka cusub ee xiligaan lagu muransanyahay.
Dhanka kale wuxuu sheegay in wasaaradu ay soo dhoweynayso dadka fikirkooda isla markaana ay diyaar u tahay in laga qayb galiyo qofka oo doonaysa in ay fikir ku yeelato.
Inkastoo dowladu ay sheegtay in la dhameestiray qoraalka Dastuurka cusub ayaa hadana waxaa jira dad ka soo horjeeda dastuurka oo u arka inuu dhibaato ku yahay umada Soomaaliyeed.
Shalay ayay ahayd markii ay magaalada Muqdisho kulan yeesheen aqoonyahano iyo waliba culimo isla markaana ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan dastuurks ayna ku jiraan qodobo diinta lid ku ah.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo goor dhaw ruxay Magaalada Nairobi iyo khasaarooyin kala duwan oo ka dhashay

$
0
0

Qarax xoogan ayaa wuxuu goor dhaw oo maanta ah uu ruxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo qaraxu uu ahaa mid xoogan oo khasaarooyin kala duwan ay ka dhasheen.
Qaraxaan ayaa waxaa lagu weeraray Kaniisad ku taalla Magaalada Nairobi, waxaana qaraxa lagu soo aadiyay xilli dad badan oo Diinta Kiristaanka heysta, ay u soo cibaado taggeen Kaniisadaan, oo maanta qarax lagu weeraray.
Waxaa la-sheegay in qaraxa ay ku dhinteen laba ruux, iyadoo 15 kalana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, waxaana afar ka mid ah dadka dhaawacmay la-sheegay inay xaaladoodu tahay mid aad u daran.
Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kenya ayaa waxay baaritaano ka wadaan agagaaraha Kaniisadda maanta qaraxa lagu weeraray, waxayna ku mashquulsan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhiggi lahaayeen kuwii ka dambeeyay qaraxaasi.
Magaalada Nairobi ayaa waxay maanta u tahay maalin wal-wal iyo cabsi badan, maadaama qarax xoogan oo khasaaro badan geystay loogu ruxay, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Kenya.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo iminka ka soconaaya Magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xilligaan ka soconayaa Agagaaraha Dhismihii hore ee Banaadir ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda ayaa yimid markii goob raashiin loogu qeybinaayay dadka barakacayaasha ah, ay soo weerareyn ciidamo ka tirsan Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Dagaalka oo iminka si toos ah uga soconaaya Dhismihii hore ee Banaadir ayaa waxay labada ciidan isku adeegsanayaan rasaasta ka dhacda qoryaha fud fudud, iyadoo ay goobtaasi ka kala carareyn dadkii u soo baxday in gargaar raashiin loogu qeybiyo.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in laba ka mid ah dadka barakacayaasha ay israsaaseynta ku dhaawacmeyn, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaruhu uu intaasi ka sii bato, maadaama ay weli soconeyso israsaaseyntu.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Milatariga ee weerarka soo qaaday uu qorshahoodu ahaa, inay boob kula kacaan raashiinkii gargaarka ahaa ee loo-qeybinaayay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Degmada Hodan.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay qaarkood yihiin kuwo aanu laheyn wax anshax ah, maadaama ay u dhaqmayaan sida ay doonaan, iyadoo ay dhibaato u geystaan walaalaha Somaliyeed ee ka soo hayaamay Goboladooda, ka gadaal markii ay abaaro ba’an ku asiibeyn.

Wasiirka Warfaafinta Oo Shacabka Ku Nool Gudaha Dalka Iyo Dibadda Su’aallo Uga Jawaabay”Dhageyso”

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn ayaa Su’aallo uga jawaabay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo Dibadda ayadoo dhanka kalena uu Wasiirku tallooyin ku aadan waxa ka dhalankara hadii dadaallada socdo la hor istaago Shacabka ka dhageystay.
Wasiirka ayaa marti ku ahaa Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada ee Caawa waxaana ay shacabku Su’aallaha kusoo kala weydiiyeen Telefoonno,Emails iyo Facebook.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 02-May-2012
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 02-May-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Real madrid oo ku guuleysatay Horyaalka Spain (Warbixin+ rikooro)

$
0
0


3 May 2012: By Ibraahim geedow Cawaale (Biibbo)
Kooxda Real Madrid ee Wadanka Spain ayaa ku guuleysatay Horyaalka wadanka Spain 4 sano kadib markii u horeysay.
Ciyaartii Xalay oo ay la yeelatay Kooxda Athletico Clup ayay kaga badisay 3-0, waxaana goolasha ay ka kala yimaadeen Higuaine, Ozil iyo Ronaldo.
Natiijadaan waxa ay qasabtay in 7 dhibic ay ka sara marto Madrid kooxda kusoo xigta ee Barcelona, waxaana Horyaalka ka dhiman 2 Kulan oo Kaliya, taas oo micnaheedu yahay in aan lasoo gaari karin.
Guusha Los Blancos ayaa ka dhigeysa in ay xareysato Horyaalkii 32-aad ee Tariiqdooda, waxa ayna kusii buuxineysaa 19 Koob oo Copa Dela Rey ah iyo 9 Champion Liiga ah.
Macallinka Meregues-ka Jose Mourinho ayaa koobkaan ka dhigaaya Horyaalkii 4-aad oo uu la qaado 4 koox iyo 4 Wadan oo kala duwan oo ah waliba Wadamada ugu sareysa ee Qaaradda yurub.
Waxa uu horey ugu guuleystay Horyaalka Portugal oo uu la qaaday 2 jeer FC Porto, kan Ingiriiska oo 2 Mar u suurta galiyay Chelsea iyo Serie A-da Italy oo oo uu la qaaday Inter 2 Xilli, Xalayna waxaa uu la hoyday Kan Spain markiisii u horeysay Sanadkiisii Labaad oo uu ku sugan yahay Madrid.
Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay Xalay goolkiisii 44-aad ee Horyaalka, waxaana u suurta gashay in uu ka dhaliyo Athletico Bilbao gool maadaama ay aheyd kooxda Kaliya oo uusan Xilli Ciyaareedkan ka dhalin wax gool ah, waxa uu horey goolal uga wada dhaliyay dhamaan 19-ka koox ee Horyaalka Ciyaaray Xilli Ciyaareedkan.
Real Madrid waxa ay sandkaan dhaliyeen goolasha ugu badan oo hal koox dhaliso hal Xilli Ciyaareed, iyadoo ilaa hadda oo horyaalka ka dhimatahay 2 kulan dhalisay 115 gool.


Xeer Ilaalinta Mareykanka oo sharci dil ah la raadinaya sedex nin oo Soomaali ah macagacyda 3-da nin

$
0
0

Dacwad ku oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay inay u raadinayaan xukun dil ah sedex qof oo Soomaali ah haddii lagu helo dembi ah toogashii afar qof oo Mareykan ah loogu geystay dooni afduub loogu heystay xeebaha Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay.
Axmed Muuse Salaad, Abuukar Cusmaan Beyle iyo Shani Nurani Sheekh Abrar waxaa laga yaabaa inay mutaan xukuno kale oo dil u horseedaya ka dib markii lagu eedeeyay inay afduub u qabsadeen dad Mareykanka ah oo dhintay inti ay heysteen, ku kicid fal dhan ka ah xasiloonida socdaalka badda oo keenay dhimasho, kuwaas oo dhamaantood marka la isagu tago isku noqonaya kiisas dembi oo gaaraya 22 ka mid ah 26 kiis ee xukunka dilka.
Xeerilaaliyaha guud ee Mareykanka Eric Holder ayaa sheegay in raggan Soomaalida ah u doondoonayo xukun dil ah sidii loogu fulin lahaa, isagoo arrinkan go’aansaday sida uu sheegay maalinimadii Isniinta ee la soo dhaafay, wuxuuna intaasi ku daray in raggan loo heysto dadkii Mareykanka ka ahaa ee ay afduubteen ka dibna ku dhintay howlgalka, isagoo sheegay in iyaguna uu abaalkoodu noqonayo in la dilo oo kaliya.
Dadka Mareykanka ah ee ay dileen kooxaha burcad badeeda ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Jean & Scott Adam oo ka soo jeeda deegaanka Marina del Rey ee gobolka California, iyo saaxiibadood Bob Riggle & Phyllis Macay oo ka soo jeeda Seattle, waxayna afartan qof ahaayeen muwaadiniintii Mareykanka aheyd ee ugu horeeyay ee lagu dilo fal ku saleysan burcad badeednimo oo ka dhaca xeebaha Afrika, iyadoo dilkooda uu yimid ka dib markii Markab dagaal oo ay ciidamadu Mareykanku leeyihiin uu isku dayey inay xoog ku soo furtaan la heystayaashooda.
Mareykanku waxay qabteen 14 ka mid ahaa burcad badeeda waxay siidaayeen hal mid oo ka mid ahaa oo la sheegay in da’diisu ay yareyd oo aan maxkamad la soo taagi karin, halka inta kale falkaasi lagu helay, 11 ka mid ah raggan ayaa la sheegay in lagu xukumay xabsi daa’in ama madaxaa ha ku furto, iyadoo loo cuskaday lugtii ay ku lahaayeen afduubkan.

Ninkii ay Ahlu Sunna sheegeen inuu isku qarxiyey magaalada Dhuusamareeb oo beeniyay warkaasi, sheegayna…

$
0
0

Maxamuud cartan cadaawe culusow oo ah ninkii la sheegay inuu isku qarxiyey magaalada Dhuusamareeb ayaa beeniyay inuu yahay ninka is qarxiyay isla markaasna uu nool yahay, wuxuuna hadalka Maxamuud Cartan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu Guddoomiyaha Ahlu Sunna Wal jamaaca ee gobolada dhexe ee soomaaliya sheikh maxamed yuusuf xeefow oo la hadlayay laanta afka soomaaliga ee idaacada BBC da uu sheegay magaca afaran ee ninkan oo uu tilmaamay in uu yahay ruux degaan ahaan ka soo jeeda degaanka Ceel-garas vee gobolka Galguduud maalmo koobana uu joogay Dhuusa-Mareeb ka hor inta uusan is qarxin sida uu sheegay
Maxamuud ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in uu maxkamad la kori doono mas.uulkii ahlu suna ee ka been sheegay isagoo aad n aula yaabay markii uu maqlay magaciisa oo afaran oo lagu sheegay in uu is miidaamiyay dhinaca kalena waxaa uu qiray in uu kasoo jeedo degaanka la tilmaamay ee ceel garas beel ahaana uu yahay ama u dhashay beesha maxamuud Hiraab {Duduble} arrinkana uu u arko mid beel ahaan loogu beeg sanayo sida uu hadalka u dhigay.
Waana markii ugu horeysay ee ruux la sheegay in uu is miidaamiyay uu dib kasoo hadlo uuna beeniyo wax jawaab ah oo arinkan ku saabsanina wali kamasoo bixin golaha ahlu suna wal jamaaca ee hadalkani horey ugasoo baxay

Mid kamd ah Oday dhaqameedyada Somaliland oo ka soo goostay Somaliland, sheegayna inuu ka qeybgalayo ansixinta Dastuurka

$
0
0

Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ka mid ah Madaxdhaqameedyada Somaliland ayaa ka tallaabsadan go’aan ay wadagaaeen maamulka Somaliland iyo Odayaal dhaqameedka ka soo jeeda Somaliland oo ku sugaabsanaa inaan laga qeybgelin ansixinta dastuurka cusub ee ladoonayo in dhawaan Muqdisho lagu ansixiyo, iyaguna uusan quseynin dastuurkaasi, kaas oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Boqor Maxamed Jaamac Cumar ayaa sheegay inuu 11-maalmood ka hor ka soo Ambabaxay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku sugnaa magaalooyin kale oo Somaliland ka mid ah, wuxuuna intaasi ku daray Maxamed Jaamac in mowqifkii iyo taageeradii uu u hayey xukuumada Somaliland ay wax iska badaleen, taas oo uu ku sababeeyey habdhaqanada ay Xukuumaddu kula dhaqmeyso bulshadii dooratay, isagoo sidoo kale sheegay inaanu keli ku aheyn mowqifka iyo taageerada uu kala noqday Xukuumadda Somaliland balse dad badan ay la qabaan mowqifkaas sida uu yiri.
 “Waa run oo Hargeysa waan ka tagay, waxaana joogaa magaalada Muqdisho, midda kale aniga oo keliya wax iskamay kay bedelin ee dad badan ayey wax iska badaleen, xukuumaddan hadda jirta ama Madaxwayne Siilaanyo waa la doortay oo shacbiga reer Somaliland oo dhami waxay u doorteen waxay doonayeen isbadal iyo waxqabad arrinkaasina waxa uu noqday mid meesha ka baxay, Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu wax ay soo kordhisay ma jirto oo aan ka aheyn xarig, handadaad, abaaldaro iyo Musuq-maasuqii oo ka batay sidii barigii Daahir Rayaale, ciddii ka hadasha oo la xirayo iyo cadaaladdii oo laga sii fogaanayo ayaa keentay inaan ka tago” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Wasaaradda Warfaafinta oo si kulul u cabaarreysay dilkii wariye Farxaan jeemis

$
0
0

Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u cabaarreysay dilkii xalay magaalada Gaalkacyo ee xaeunta gobolka Mudug loogu geystay Allaha u naxariiste Wariye Farxaan Jeemis Cabdullaahi.
Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay dilkii loo geystay wariye Faarax Jeemis Cabdullaahi oo ka howlgalli jirat Radio Daljir ee magaalaca Gaalkacyo, isagoo Tacsi u diyay guud ahaan  saxafiyiinta Soomaaliyeed, ehellada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Saxafiyiinta Soomaaliyeed mar walba ay la kulmaan dhibaatooyin badan, isagoo ka codsaday maamulka ka arrimiya magaalada Gaalkacyo in cadaallada ka horkeenno ciddii ka dambeysan dilka wariyaha, isla markaana la qaado talloobo deg deh ah.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 

Maamulka Gobolka Banaadir: Waxaa la soo celiyay Darjiinnadii iyo beerrihii waddooyinka caasimadda

$
0
0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdishoka wada mushruucii ugu ballaarnaa ee lagu soo celinayo Dhismaha waddooyinka, Dajiinnadii ay Bulshada farriisan jiray si isbaddelka caasimadda ka jira loo muujiyo.
Maamulka gobolka Banaadir oo dadaal xooggan u gallay tan iyo markii caasimadda dalkeenna ee Muqdisho uu ku yimid isbaddelka dhinaca amniga ayaa waxa uu billaabay Horumarrinta qeybaha kala duwan ee magaalada, sida nadaafadda, dhismayaasha waddooyinka, Darjiinnada, iftiinka magaalada iyo waxyaabo kale oo ay shacabka reer Muqdisho u riyaaqeen.
Maalmahan ayaa waxa uu maamulka gobolka Banaadir muddo 21,sanno kaddib billaabay dhismaha Darjiinnada waddooyinka iyo beerrihii quruxda badnaa ee waddooyinka dhinacoodu ka bixi jiray.
Xog-hayaha gobolka Banaadir C/kaafi ayaa sheegay in hadda olollahan ballaaran ee aan ka soo sheekeynay ay ka soo billaabbeen waddada ka timaada garroonka diyaaradaha  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu ku soo fiday olallaha waddada Makal Al-Mukarama, isagoo intaa raaciyay in ay sii socon doonaan maraashiircdaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa muddo 21,sanno kaddib waxa ay ku soo laabanaya Horumarradii dhinacyada Dhismaha, Nadaafadda, Korontada, Biyaha, iyo guud ahaa adeegyada Bulshada oo ah kuwa aas aas u ah hiigsiga horumarka xarunta midnimada ee Muqdisho.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 

Axmed Cabdisalaam oo ka hadlaya sida uu u arko weerarkii uu ku dhaawacmay iyo msutaqabalkiisa dambe ee siyaasadeed

$
0
0

Axmed Cabdisalaam oo ka mid ah mas'uuliyiin ka soo jeeda gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo mudooyinkan dambe u xusul-duubayay sidii ay maamul ugu sameyn lahaayeen goboladaas ayaa waxaa uu ka hadlayaa haatan dhaawaca soo gaaray iyo aayihiisa dambe ee siyaasadda kadib weerarkii lagu qaaday.

Mudane Axmed wuxuu sheegay in weerarkii asxaabtiisa lagu dilay isagana lagu dhaawacay uusan ka hakin doonin in uu sii wado dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed ee sida uu sheegay uu wax ugu qabanayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dhaca bartamaha Soomaaliya.

"Weerrarkii la igu dhaawacay asxaabteydina lagu dilay wuxuu igu dhiirgelinayaa hawlihii aan waday" Sidaas waxaa saxaafadda isagoo ku sugan Addis Ababa, Itoobiya u sheegay Axmed Cabdisalaam.

Gunaanadkii warkiisi ayuu Axmed Cabdisalaam ku sheegay in uu Dhuusa-mareeb dib ugu soo laabanayo marka uu soo caafimaado si uu halkaas uga sii wado hawlihiisi uu dadka u hayay waa siduu hadalka u dhigaye, wuxuuna sidoo kale al Shabaab ku tilmaamay kuwa aan dadka u diirnaxeyn oo Soomaalida indhaha ka ridaya.

Axmed Cabdisalaam wuxuu ka mid ahaa koox siyaasiyiin ah oo weerar ismiidaamiin ah lagu qaaday mar ay ku sugnaayeen goob ay Dhuusa-mareeb isugu soo uruureen.

halgankanet@gmail.com

Dagaal mudo kooban socday kadib deegaanka Goobo ee degmada Maxaas, Hiiraan oo gacanta al Shabaab galay

$
0
0

Dagaal mudo saacado ah ka socday deegaanka Goobo ee degmada Maxaas ayaa la sheegayaa in uu wax ka bedelay xaaladdii uu deegaankaas ku sugnaa mudooyinkii la soo dhaafay.

Warar laga soo xigtay dadka deegaanka Goobo ayaa sheegaya in uu halkaas dagaal ku dhexmaray al Shabaab iyo ahlu Sunna Waljamaaca, dagaalkaas oo markii dambe ay ku itaal-roonadeen al Shabaab islamarkaasna gacanta ku dhigeen talada deegaanka oo mudooyinkan dambe dhanka al Shabaab u badneyd.

Si kastoo ay ahaataba dadka deegaanka ayaa qaba in dagaalku uusan dhamaanin maadaama sida la soo sheegayo ay ahlu Sunna ku sugan tahay goobo aan sidaas uga fogeyn deegaanka Goobo.

halgankanet@gmail.com


Dood kulul Sarkozy iyo Hollande

$
0
0

Dood kulul ayaa Telefishinka ku dhex martay Madaxweyne N. Sarkozy iyo murashaxa xisbiga Hantiwadaagga F. Hollande

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta oo Djibouti ugu qeyb galay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda adduunka

$
0
0

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta xoriyadda Saxaafadda adduunka, isla markaana ay ka qeyb galleen masuuliyiin uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Ra’iisul wasaara Jamhuuriyadda Jabuuti, masuuliyiin kale, iyo saxafiyiin badan ayaa shalay lagu qabtay caasimadda dalka Jabuuti ee Djibouti.
Munaasabadda ka dhacay magaalada Djibouti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa waxaa lagu maamuusayay maalinta xoriyadda Saxaafadda adduunka oo ku beegnayd 3-da May,  waxaana khudbaddo kala duwan ka jeeddiyay masuuliyiintii ka qeyb gashay, sida Ra’iisul wasaaraha Jabuuti Dalleyta Maxamed Dalleyta, xubno ka  tirsan golaha wasiirrada dalkaasi iyo madax kale.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane C/risaaq Cali Yuusuf “Bahlaawi” oo munaasabadda khubad ka jeeddiyay ayaa hambalyo u diray guud ahaan saxaafadda adduunka, isagoo saxafiyiinta Soomaaliyeed ku ammaanay sida geysinimada leh ee ay ugu adeeggaan ummaddooda.
Sidoo kale agaasimaha ayaa  uga mahad celiyay dowladda aynu walaallaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo gargaar caafimaad u fidisay saxafiyiin Soomaaliyeed oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii ka dhacay xarunta Murtida iyo Madadaallada  Theater ee magaalada Muqdisho, sida wanaagsan ee ay ugu dadaalleen.
Mudane Bahlaawi ayaa dowladda Jabuuti ku tilmaamay garab koowaad ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana masuuliyiintii munaasabadda ka qeyb gashay ay Isbitaallada ay ku jiraan ku booqdeen Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee halkaasi lagu dabiibayo.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 
 

Kulanka lagu taageerrayay wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho ka dhacay

$
0
0

Kulan lagu Taageerayay isbedellada ay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ka sameysay xagga amniga dalka oo ay ka qeyb galleen saraakiil sarre oo ka tirsan Ciidamada Xogga dalka iyo qeybaha Bulshada ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa lagu taageerayay Horumarrada isdaba joogga ah oo ay wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo ciidammada Qalabka Sida ka gaareen dagaalladii ay Muqdisho iyo gobollada dalka uga saarreen kooxda Al-Shabaab ee diiddan jiritaanka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
Kulanka oo lagu qabtay Hotel-ka Naasahablood Laba ee magaalada Muqdisho ayaa waxa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka S/Guuto C/qaadir Sheikh Cali Diini, Saraakiil ka tirsan Military-ga Soomaaliya, qeybaha haweenka, aqoonyahanno, waxgarad, Culumaa’udiin iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa si weyn ugu ammaanay Ra’iisul wasaare ku xiggeenka ahna wasiirka Difaaca Soomaaliya Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga dalka dadaalka iyo juhdiga ay ku bixiyeen ciidammada u taagan mar walba Difaaca dalka, Diinta iyo Dadka, waxa ayna ku dhiira gelliyeen madaxdaasi in ay sii Labo jibaarraan howlgallada ay ciidammada dalka oo dhan uga sifeynayaan Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda.
Taliyaha ciidammada Xoogga dalka S/Guuto C/qaadir Sheekh  Cali Diini ayaa khudbad ka jeeddiyay intii uu socday kulanka waxa uuna  uga mahad celiyay guud ahaan shacbiga gaar ahaan Dumarka Soomaaliyeed tageerrada hagar laa’aanta ah oo ay ciidammada Qalabka la garab taagan yihiin, waxa uuna ka codsaday in ay sii dardar geliyaan dadaallada ay kula shaqeeynayaan ciidammada si loo soo qab qabto dambiillayaasha ku dhuumaaleysanaya xaafaddaha ay dadka shacabka ah degan yihiin.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 

Golaha Wasiirada oo isla go’aamiyay goorta uu dhici doono shirka Odayaasha dhaqanka

$
0
0

Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga dhagaystay warbixino Gudiyo loo xilsaaray shirka ay isgu imaanayaan hogaamiyayaasha dhaqanka kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo 05-05-2012. Gudiyada loo xilsaaray isku duba ridka [...]

Madaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay Gudoomiyaha Gudiga Madax banaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Prof. C/llaahi Xasan Jaamac iyo Gudoomiyaha Gudiga Qubarada Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. iyadoo Madaxweynaha lagu gudoonsiiyay qalin horaadka qormada qabyo tirka ee Dastuurka ee la tashiga Madaxda sare, si Madaxweynuhu taladiisa ugu biiriyo. Kulanka ayaa [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live