Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Djibouti Muxaadaro 3 Sideen aheyn Shallay (Shekh Abdirahman Bashir)3.flv


Djibouti Muxaadaro 4 Sideen aheyn Shallay (Shekh Abdirahman Bashir)4.flv

Djibouti Muxaadaro 5 Sideen aheyn Shallay (Shekh Abdirahman Bashir)5.flv

Shaqaalihii Idaacadda Hornafrik oo Shaqadii Joojiyay Idaacadda Oo U muuqata in gabalkeedii dhacay.

0
0

Idaacadda Hornafrik oo ah idaacadda ugu faca weyn idaacadaha FM-ka ah ee
Soomaaliya Waxa ay ku taalaa Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda
Soomaaliya,
Waxa ay ka koobneyd dhowr qeybood oo kala ahaa:-
Radio Hornafrik, oo ka soogasha Mowjadda FM-ka ee
Dhirkeedu yahay 99.9 waxaana ay xilli ahayd idaacadda ugu dhagaysiga
badan Somaaliya iyadoo dadka aan joogin Gudaha Soomaaliyana ay ka
dhageysan jireen Aalaadda Satellite-ka oo caalamka oo dhan ah marka laga
reebo Amerika, Idaacadda Hornafrik waxaa ka howlgali jiray wariyayaasha
ugu caansanaa Magaaladda muqdisho waxayna ahayd idaacadda loogu
jecelyahay xagga barnaamijyadda iyo waraka,
Capital voice, oo ah idaacad kale oo FM ah waxaa ay
kulamaaneyd Idaacadda Hornafrik waxaana laga dhagaysan jiray Mowjadda
Dhirirkeedu yahay 88.8 FM waxaa ay hawada Soogali jirtay Sagaalka Ama
sadexda saac ee subaxnimo ilaa habeenkii laba iyo tobanka saqda dhexe,
waxaa laga dhagaysan jiray barnaamijyo aad tayadoodu u sareyso oo
lahadli jiray dadweynaha qeybihiisa kala duwan, qudheeda waxaa ka howl
gali jiray isla wariyaasha Hornafrik maadaama ay ahayd qeyb shirkadda
kamid ah.
Hornafrik Television,  Waa idaacad maqal iyo muuqaal ah
oo ay daawan jireen inta badan dadka ku nool caasimadda Muqdisho
waxaana uu hawada soogali jiray qeybtiisa afka soomaaligu Lixda
maqribnimo ilaa saqda dhexe isagoo siidayn jiray barnaamijyo talaya leh
oo dhow nooc isgu jiray iyo warar leh sawiro ka tarjumayay waxyaabaha
maalin kasta ka dhaca magaalada, isna waxaa  kahowl gali jiray isla
shaqaalaha Hornafrik.
Maxaa Keenay In Hornafrik ay Xilligaas Idaacadaha Ugu sareyso?
 
Tan iyo markii dhidibada Loo aasay Hornafrik sanadkii 1999-kii waxa ay
ahayd mid kadhisan xagga maamulka oo Sadexdii nine ee aas-aasay ay
shaqada u kala qeybsamdeen Ninba meesha uu ku roonyahay in idaacadda uu
kamaamulo,
Dhinaca Barnaamijyadda oo uu maamulayay Axmed Cabdi Salaan oo aqoon u
lahaa maamulka howshaasi ayaa sabab u ahaa in hornafrik aysan dhagaha
dhagaysataasheeda marnaba ka faaruqin.
Waxaa aad u adkaa in qof shaqo doon ah oo aan sifiican xirfadda u
aqoonin uu shaqo ka helo Idaacadda hadii ay dhacdana uusan shaqadada ku
sii raagin .
Xagga nadaamka shaqada oo  shaqaaluhu ay ku qanacsanaayeen in kastoo culeysyo ay iska jireen,
Qaab ahaan oo loo arkayay in idaacadda Hornafrik aysan si sahlan kubur
buri Karin maadaama ay gacan saar la laheyd Idaacaddaha BBC-da VOA-da
iyo walaaladda Wararka Ee Reuters,iyo hadafkii loo dhisay oo aan ahayn
mid sanado kooban ku ekaa taasi oo kamid ahayd waxyaabaha dhiiri
galinaayay Shaqaalihii ka shaqeynayay.
Musharaadka ay bixineysay oo in kastoo uu iska yaraa haddana waqtigiisa
aan dhaafi jirin shaqaaluhuna ay u muuqdeen kuwo isaga qanacsan hadii
aysan jirin dan markaasi ku qasbeysay in ay ku sii shaqeeyaan sidaasi,
Muuqaalka idaacadda oo si uga horeeyay idaacadihii markaa jiray sida
dhismaha idaacadda oo ay kamuuqanaysan mid aan waqti kooban loogu
talagalin ee u ekaa sida shirk ad weyn oo loogu tala galay in mudo aad u
dheer ay sii jirto.
Waxyaabahaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa sabab u ahaa in Idaacadda
Hornafrik ay kasarreyso idaacadihii xiligaasi kajiray magaalada
Muqdisho.
Bur-burka Hornafrik goormuu soo bilowday Imisa marxaladood ayuuna soomaray?
 
Bur burka idaacadda Hornafrik waxaa uu si rasmi ah u soo bilowday Markii
magaalada Muqdisho ay soogaleen ciidamadii Itoobiya kolkaasi oo
dagaaladii lala galay uu qasaaro ka soogaaray dhismaha idaacadda oo
dhowr gantaal ay ku soo dheceen shaqaalihii qaar kamid ahna ay ku
dhaawacmeen Sida Yaxye Cali Faarax Iyo Cabdi dhaqane Cigge .
Waxaa xiligaasi ay idaacaddu ku shaqeyn waysay xarunteedii sababo
laxiriira duqeyntii iyo dagaaladii xiliyadaasi magaalada kajiray taasina
waxay keentay in si ku meel gaar ah loogu raro suuqa bakaaraha oo ah
goobta ay hada ku shaqeyso.
Bur-burka 2-aad ee Idaacadda waxaa uu bilowday
 
Markii la dilay Agaasimihii Idaacadda Hornafrik Cali Iiman Sharmaake iyo Agaasimihii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi
oo Hal maalin dilal qorsheysnaa loogu geystay Magaalada
Muqdisho,Xilligaasi waxaa isna halmar god galay maamulkii toosnaa ee ay
idaacaddu ku shaqeyn jirtay.
Qaar kamid ah shaqaalihii isla xiligaasi ayey  wadanka isaga carareen
halka qaarkii kale ee harayna aysan helin waxyaabihii ay mudnaayeen,
waxaa xilligaasi maamulkii idaacadda la gu wareejiyay Alla ha u
naxariistee Siciid Tahliil Axmed oo dadaal badan oo uu
muujiyay isku dayay in Idaacaddu ay sii shaqeyso waxaana la dhihi karaa
waa uu ku guuleystay oo Hornafrik ma aysan lumin marnba
dhagaystayaasheedii .
Xilligaasi Siciid Tahliil Axmed waxaa garab taagnaa Maamulka qeyb kamid
ah oo ay Ku jireen Axmed Jaakat, Nuur Bicir, Xasan Xuseen,Xasan
Jaceyl,iyo C/qaadir Jiirow,waxaase La sheegaa in qaarkamida maamulkii
jiray xilligaasi  ay wax musuq-maasuqayeen Balse Siciid Tahliil uu
dhexda u xirtay in wax kastoo jiraaba aysan idaacadu hawada ka bixin waa
uuna ku guuleystay marxuumku ilaa markii danbe isaga Dhabanka dhulka
loo dhigo waliba isgoo kashaqeynayay siidii Idaacadaha muqdisho ay isugu
duubnaan lahaayeen  Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Siciid waa
ladilay kadibna maxaa dhacay?
Shaqaalihii Idaacadda Hornafrik waxaa ay mar kale Noqdeen siidii ari
weer galay oo kale waxaa sii xoogaystay Musuq maasuqii ay qaar kamid ah
maamulku u geysanayeen shaqaalihii masaakiinta ahaa waxaa siciid la
dhintay Cadaaladii meesha ka jirtay iyo xuquuqdii uu siciid siin jiray
shaqaalaha, waxaa ay idaacadii ku sigatay in ay hawada kabaxdo, waxaa
hawada kabaxay TV-gii iyo Idaacadii Capital voice.
Shaqaalihiina waxaa loola dhaqmay si aan anshax iyo Masuuliyad ku jirin,
ilaa qaarkood ay shaqada isaga tagaan markale, Faragalin dhinaca
dibadda laga soo sameeyay ayaa la isku dayay in wax laga badalo Musuq
maasuqa meesha ka jiray iyo xad gudubka lagu sameynayay shaqaalaha
Idaacadda Balse Taasi halkii ay wax hagaajin lahayd waaba ay ka sii
dartoo xaajadu waxay noqotay “Kadar oo dibbi dhal” Waxaa maamulkii la
wareegay Masuulka hadda haya oo sabab laxiriirta Amaankiisa aanan Rabin
in magaciisa aan xusno,
Masuulkaasi waxa uu sameeyay wax ay shaqaalihii idaacadda Hornafrik ay
afka gacanta saartaan yaab iyo amakaag awood, waxaa meeshii ka dhacay
Musuq maasuq aabihiis iyo hooyadiis waxana taasi ay keentay in
idaacaddii hornafrik ay si buuxda u lumiso Dhagasytayaasheedii waxaa
hawada kabaxa marna kusoo laabta qeybtii Satellite-ka  waxaa gabi
ahaanba meesha kabaxay oo la ilaaway TV-gii Hornafrik. Iyo Istuudiyihii
Capital voice.
Musuq maasuqaasi owgiis ayaa waxaan mushaaraad helin shaqaalihii
idaacadda hornafrik Muddo Afar Bilood ku dhaw taasina waxay keentay in
shaqaalihii intoodii igu cad caddaa ay shaqada joojiyaan. Waxaa na ay
kala yihiin shaqaalaha shaqadda joojiyay:-
1- C/qaasim Macalin Axmed
2- C/Caziiz Nuur Ibaraahim
3- Aweys Xaaji Nuur (Aar) Agaasimihii Capital Voice
4- Ibraahim Maxamed Aaden
5- C/llaahi Xasan Suleymaan (Baliil)
6- Axmed Wali Xuseen Maxamuud
Waxaana lagu soo waramayaa in qaar kale ay iyagu raajicinayaan bal in
wax la helo ka hor ciida hadii ay waayaana ay iyaguna shaqada isaga tagi
doonaan.
Intaasi oo dhan waxaa sii dheer dhibaatada ka jirta Magaalada Muqdisho
oo iyana saameynteeda leh islamarkaana ku qasabtay Idaacadaha magaalada
muqdisho qaarkood  in ay lumiyaan dhagaystayaashooda maadaama aysan sida
saxda ah u sheegi Karin waxa magaalada kadhacaya.
Xigasho  wariyaha.com

UN-ka oo Qiimeyn Ku Sameeyay Soomaaliya

0
0

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda, Lynn Pascoe, ayaa sheegay in inkastoo caqabado dhanka ammaanka ahi ay ka jiraan Soomaaliya, haddana dowladda KMG ah ee Federaalka iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ay sameynayaan tallaabooyin wanaagsan oo ay dalka kaga saarayaan colaadda 20-ka sano jirsatay.

Isagoo war ka siinayay wariyeyaal ku sugan magaalada Nairobi booqasho uu ku tegay Muqdisho, ku xigeenka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Lynn Pascoe ayuu wuxuu sheegay in waxa uu ku soo arkay Muqdisho aysan ahayn waxa inta badan ay warbaahinta caalamiga ahi ka sheegto ee ah taagdarri, dowlad aan wax qabad lahayn iyo ciidamo nabad ilaalin ah oo aan la oggoleyn.

Waxa uu sheegay in mucaaradka dowladda kmg ah iyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ee loo yaqaan AMISOM, ay arki waayeen xoogaa horumar ah oo la sameeyay tan iyo sanadkii 2007-dii, markaasoo kooxaha Islaamigu bilaabeen dagaalka ay ku doonayeen inay ku afgembiyaan dowladda Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya.

Qiimeyntan ayaa daba socota booqasho hal maalin ah oo Mr. Pascoe iyo wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ay Muqdisho ku tageen.

Dad Hor Leh oo Lagu eedeeyay Qaraxyadii Kampala

0
0

Laba qof oo hor leh, laguna tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala 11-kii bishii July ayaa shalay la hor keenay maxkamad ku taala isla magaalada Kampala, iyagoo lagu soo oogay iney geysteen falal isugu jira argagixiso iyo iney laayeen dad ka badan 70 qof oo ku geeriyooday qaraxyadaasi.

Labadaasi eedeysane oo ahaa muwaadiniin u kala dhalatay dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo magacyadooda lagu sheegay Khaliif Cabdi Muxumed oo ah 20 jir iyo Yaxya Suleymaan Mbuthia oo isagana 40 jir ah ayaa la keenay maxkamada, iyagoo gacmaha iyo lugaha ay kaga xeran yihiin katiinad, islamarkaana ay goobta maxkamadaasi illaalo adag ka hayeen ciidamo aad u hubeysan.

Wargeyska ku hadla afka dowlada Uganda ee New Vision ayaa qoray in muwaadinka Soomaaliga ah ee lagu magacaabay Khaliif Cabdi laga soo qabtay gudaha dalka Soomaaliya, halka eedeysanaha kalena laga soo xiray dalka Kenya kadib iskaashi dhex-maray saraakiisha ammaanka ee labadaasi dal.

Maxkamada lasoo taagay labadaasi nin ayaa loo ogolaaday iney goob-joog ka noqdaan weriyayaasha, saraakiil dhinaca ammaanka qaabilsan iyo sharci-yaqaano, wuxuuna xarigoodaasi ka dhigayaa tirade dadka ku eedeysan qaraxyadii Kampala illaa 34 qof, waxaana raggaasi dib loogu celiyay xabsiga, iyadoo ay galbinayeen 10 gaari oo ay leeyihiin ciidamada ammaanka, si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, iyadoo la filayo in mar kale maxkamad la hor keeno 16-ka bishan.

Mas'uuliyiin ka socotay Qaramada Midoowday oo Madaxda Soomaalida dardaaran iyo talo u soo jeedisay

0
0

Mr. Lynn Pascoe, madaxa arrimaha Siyaasada ee QM oo magaalada Muqdisho soo booqday isagoo ay wehliyeen mas'uuliyiin kale oo ka kala tirsan laamaha QM ayaa talo iyo dardaaran isla socda u soo jeediyay mas'uuliyiinta ugu sareeya dalka Soomaaliya.

Lynn wuxuu ugu horeyntii aad u amaanay ciidamada AMISOM oo sida uu isagu qaba haya shaqo aad u muhiim u ah Shacabka Soomaalidu haba ka fikir duwaanaadeen, waxaana uu Beesha caalamka ka codsaday in ay dhaqaalo siiyaan ciidamada AMISOM si buu yiri ay u sugaan ammaanka faraha ka baxay ee Soomaaliya.

Dhanka kale Mas'uuliyiinta Dowladda oo uu Madaxweyne Shariif ugu sareyo ayuu ku booriyay in ay wadashaqeyn muujiyaan, khilaafaadyada aan macnaha laheyn ee caadada u ah Mas'uuliyiinta Soomaalidana dhinac isaga riixaan.

Siyaasad furfuran, dadaal dhinaca dib u soo celinta nabadda Soomaaliya ah iyo weliba Musuqmaasuq la'aan ayuu sidoo kale Mr. Lynn kula dardaarmay Madaxda Soomaalida in ay ku shaqeeyaan haddii ay doonayaan islamarkaana ay dhab ka tahay hirgelinta HannaanDowleedka Soomaaliya.

Hadalkan ka soo yeeray iyo booqashadan uu dalka soo booqday Mr. Lynn ayaa ku soo beegmeysa xili dagaalo shacab fara badan lagu laayay ay ka socdaan maagalada Muqdisho dagaaladaas oo u dhexeeya ciidamada Dowlada, Ahlu Sunna iyo AMISOM oo isku dhan ka soo jeeda halka dhanka kalena ay ka soo jeedaan Alshabaab iyo Xisbul islaam.

halgankanet@gmail.com  

Dhagaxtuur, Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo Duqii hore ee magaalada Muqdisho oo lagu maslaxeeyay jago Agaasime wasaaradeed

0
0

Dhagaxtuur, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir islamarkaan ahaan duqii magaalada Muqdisho ayaa loo magacaabay jago agaasime wasaaradeed ka dib markii ay mansabkiisa siyaasadeed ka showreen Wasiirada Soomaalidu.

Sharma'arke, wasiirka koobaad ee Soomaalida oo shirkii Dhagaxtuur loogu magacaabay Agaasime wasaaradeedka daadihinayay ayaa ku dhawaaqay in Dhagaxtuur uu haatan wixii ka dambeeya yahay Agaasimaha wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka.

Dhagaxtuur ayaan weli ka hadlin jagadan loo magacaabay in uu aqbalay iyo in kale.

halgankanet@gmail.com


Oday dhaqameedyomaamulka alshabaabku ku xiray Kismaayo

0
0

Ilaa iyo 5-Oday dhaqameed oo ka mid ah waxgaradka magaalada Kismaayo
ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii ciidamo ka tirsan xarakada
Al-Shabaab ay meelo kala duwan ka soo qabteen, isla markaana arrimaha
lagu eedeynayo odayaashaasi waxaa ugu weyn xiriir la sheegay inay la
leeyihiin dowladda KMG ah.


Maamulka xarakada Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in
odayaasha ay dhinaca taleefanka warar ugu gudbinayeen dhinaca dowladda
iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah iyaga iyo xiriiro ay la
sameynayeen Dowladda KMG ah, inkasta oo aan la ogeyn goorta odayaashaasi
la sii deynayo.


Magaalada Kismaayo waxaa haatan ka socda dadaalo la doonayo in odayaasha
lagu sii daayo, isla markaana maamulka Al-Shabaab ee halkaasi ka
arrimiya looga dalbanayo in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo
waxgaradka isla markaana dib loo eego arrimaha lagu eedeynayo.


Dhinaca kale maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay
sidoo kale inay jiraan dhaqdhaqaaqyo kale oo ka socda magaaladaasi,
iyagoona u hanjabay cid kasta oo halkaasi ka wada dhaqdhaqaaqyo aysan
iyagu la socon.

Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade oo Baraarujinaysa Ummadda Soomaaliyeed

0
0

Soomaalaay walaalayaal, waad isku silicdeen, oo waad isa saxariiriseene, miyeydnaan Samiicul-Basiir ka baqaneyn, iyo Maalinta ruux waliba la soo hor taagi doono Allaah s.w.t.
Annagoo ku jirna Bishii barakeysneyd, walibana' aannu ku dhex jirno Tobankii cishee ugu dambeeyay ee Ramadaan, ayaad wali ka dhex waddaan dagaallo aad ku wada hoobateen, oo innaba naxariis aydnaan isu galeynin.
Soomaalaay, marar badan ayaan hore idiinkaga digay cadawgiinna inuusan idinka caqli badin oo uusan isku kiin dirin, oo aad ka feejigsanaataan waxa uu idinla damacsanyahay, laakiin nasiib darro, way noqon wayday!, waxaadse igu noqoteen (la mood noqonse wayday).
Si kastaba ha' ahaatee walaalayaal, bal dib u eega inta meelood ee Waddankeennii loo kala qaybiyay, iyo magacyada loo kala bixiyay, iyo inta Madaxwayne uu waddanku leeyahay, waa wax lala yaabo, una baahan in dib looga gocdo arrinkaa isaga ah.

Meeye Raggii iyo Haweenkii aqoontooda gaadhsiin jiray U.N. ta sare?.
Meeye Raggii iyo Haweenkii erayadoodii lala amakaagi jiray?
Meeye Raggii iyo Haweenkii cadawgeenna ka oohisiin jiray?
Meeye Raggii Aar libaaxoo kale ahaa, oo aan la soo agmari jirin?
Meeye Haweenkii arrimaha siyaasadda abaabuli jray?
Meeye Raggii iyo Haweenkii difaaci jiray Arlada, oo indheer garadkana ahaa?
Aheey waheey Soomaalaay, is wada'aafeysa e, Ilaahiinna s.w.t. u soo noqda, oo addeeca Amarradiisa

Sawm tobankiisii dambaa la galay, oo waa la wada sugaayaye
Si kastaba ha'ahaatee haddana, sow ma wanaagsana inaad khaladkiinna saxdaan
Sahalna maaha hadalkuye, waa sidii hadba loo sarriftaaye
Sabur baa la doonayaa, iyo in la'isa saamaxa e
Sir yeesha Soomaalaay, yuusan cadaw idin sirine
Sabool buu idinka dhigay, iyo silic aan dhammaaneyne
Siyaasaddii way gurracantee, mana laha sinnaan iyo midnimo e
Surin walbaa la'idiin galay, si la'idiin kala saydho e
Sow ujeeddadu maaha, ineydaan marnaba sal yeelan
Soomaalaay, maxaa idiin hadhay, oo aad wali sugeysaan
Siriq beey idiin qooleen, kuwii saancadka lahaaye
Sacabba-tunka cadawgiinna, waa inaad ka sarriigtaane
Sahalbuu idinku soo galay, iyo idinkoo surinka u soo horseedaye
Siraheenniina waataa uu cadaw, gunta uga salgaadhaye
Sinaba garan meysaan, waxay saadaalinayaane
Sinjigeennii Soomaalinnimo, ayey Dunida ka suulinayaane
Si maldahanna Diinteennibey, doonayaan iney ka sifeeyaane
Soomaalaay, kaca oo isa-saamaxa, qabsadana Diinta Allee saxda ah
Saatiroow u sahal, Adaa sahla umuuraha e
Aamiin.

aslicalansida@hotmail.com
ama aslicalansida@yahoo.com

Djibouti Muxaadaro 1Dhalinyaarad iyo tarbiyeenta (Shekh Abdirahman Bashir) 1.flv

Djibouti Muxaadaro 2 Dhalinyaarad iyo tarbiyeenta (Shekh Abdirahman Bashir)2.flv

Djibouti Muxaadaro 3 Dhalinyaarad iyo tarbiyeenta (Shekh Abdirahman Bashir)3.flv

Djibouti Muxaadaro 4 Dhalinyaarad iyo tarbiyeenta (Shekh Abdirahman Bashir)4.flv

Djibouti Muxaadaro 5 Dhalinyaarad iyo tarbiyeenta (Shekh Abdirahman Bashir)5.flv


Madaxda DKMG oo Dastuurka isku Khilaafsan

0
0

Waxaa mad madow uu soo kala dhexgalay madaxda sare ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dastuurka cusub qabyada ah ee dhowaan ay xukuumaddu soo bandhigtay.

Ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in ay haboon tahay in madaxda sare ay ka fariistaan waxyaabaha la xiriira dastuurka qaybada ah, balse wuxuu sheegay inaysan habooneyn  in la diido dastuurka.

Ra'iisal wasaare Sharmaarke ayaa sheegay in dastuurka qabyada ah ay u furan tahay in laga doodo oo Soomaalida oo dhan ay u taallo, isagoo sheegay in dastuurkani looga gudbi karo nidaamka KMG ah ee haatan jira.

AMISOM oo sheegtay iney is ku balaarinayaan magaalada Muqdisho illaa iyo 9 saldhig!

0
0

Nin u hadlay Ciidamda Midowga Africa AMISOM ee jooga Somalia, ayaa sheegay iney saldhigyo cusub ka sameysteen isla markaasna ey kuwo cusub degi doonaan haddii ey helaan cawinaad uu sheegay iney ka sugayaan reer galbeedka.

“Tirada ciidanka, sare ayaa looga qaaday ayada oo la gaarsiiyay 7200 tan iyo bishii July” ayuu yiri Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka wakiilka midowga Africa ee Somalia.

“Waxaan sidoo kale sare u qaadnay goobaha aan ka maamulno magaalada Muqdisho, waaxan sameynay horumar, innaga oo qabsanay goobo cusub” ayuu weriyayaasha u sheegay.
Toddobaadyadii dhowaa, ayaa dagaal yahannada Al-Shabab waxa ay xoojiyeen weerarada ka dhanka ah Amisom iyo Dowladda ay difaacaan ee Somalia, hase yeeshee Wamunyinyi waxa uu sheegay in xadideen weeraradooda.
“Haddii aan helno, tageerada saxda ah, ciidamo dheeri ah iyo qalab, waxaan damacsannahay inaan ballaarino goobaha aan maamulno oo aan gaarno waqooyiga” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Dastuurka qabyada ah oo la soo bandhigay iyo dhaliilo laga dhadhasan karo hadalkiisa

0
0

(Muqdisho, Soomaaliya  September 4,
2010,  Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta
ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee  uu soo bandhigay Guddiga Federaalka
Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.

Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey
warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa
howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo
ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku
fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa kale oo
uu tilmaamay “Si loo helo Dastuur dhab ahaan ay Soomaali leedahay, waa
in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid ay ka dhex muuqato yididiilada iyo
danaha shacabka Soomaaliyeed, taasina waxaa lagu gaari karaa ka qeyb-gal
dadweyne oo aad u ballaaran.”

Madaxweynuhu isagoo aqoonsan dadaalka
iyo howsha culus ee uu Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxbannaan
qabtay, wuxuu yiri “ annagoo og in Dastuurkan qabyada ah uu yahay mid
sii wanaajinaya Axdigii KMG ahaa, haddana wuxuu u baahan yahay hufid iyo
wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed, khubarada sharciga,
culumada diinta iyo xubnaha baarlamaanka si loo xaqiijiyo inuu ka
turjumayo danta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.

Isagoo arrintan ka hadlaya, Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyay in la sameeyo Guddi Qaran Oo Talo Bixin oo ka kooban Xubnaha Baarlamaanka, khubaro sharci, khubarada dhaqan iyo shacab weynaha.

“Naf-huriddii iyo dhiiggii wasiirrada,
xubnihii Baarlamaanka iyo dhiigga hadda daadanaya ee shacabkeenna iyo
askarteenna ayaa nagu khasbaya in aan dalbanno Dastuur dhammeystiran oo
aan ceeb lahayn oo ah mid Soomaalida ka yimid oo danahooda ku qotoma.”
Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale, Madaxweynuhu isaga oo
ishaaraya qaabka loo wejihi karo samaynta Dastuur cusub iyo
ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa
in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”

“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay
Soomaali haysato -- oo afti dadweyne lagu ansixiyey -- uu yahay
Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo Baarlamaanka hadda jira ay
adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku
dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo
habka maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid Baarlamaanka u yaal.”
Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu danbayntii, Madaxweynuhu, isaga oo
ka hadlaya, habka ansixinta dastuurka cusub iyo sidii horey loogu sii
socon lahaa marka uu dhamaado waqtiga DFKM ah -- oo ku eg bisha Ogosto
2011 -- waxa uu hoosta ka xarriiqay,  “Dowldda Fadaraalka Ku-meel
gaarka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Golaha
Wasiirada -- in aanay weli si rasmi go’aan uga gaarin habka iyo qaabka
dastuurka cusub loo ansixin doono – taas oo markii la dhameeyo qoraal
Madaxweynaha lagu shaacin doono.”

Sida ku cad Dastuurkii 60-kii iyo Axdiga
KMG ah, hay’adaha dastuuriga ah, gaar ahaan xukuumadda ayaa laga rabaa
in ay soo bandhigaan qorshe hawleed, baarlamaanka ayaana sharciyad u
haysta in ay sharci ka soo saaraan qaabka dastuurka loo ansixinayo iyo
dhammaadka xilliga kala guurka, shuruucdaas oo dhaqan galaya markii uu
Madaxweynuhu saxiixo.”

Warbixinta hayadda OCHA ee QM iyo dhibka ey geysteen dagaaladu

0
0

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay tirada dadka ka barakacay magaalada Muqdisho dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada.


War ka soo baxay hey’adaha ee UNHCR iyo OCHA ayaa lagu sheegay in ay dad
badan ay ka barakaceen magaalada muqdisho kuwaas oo ka baxsanayay
dagaalada iyo duqaynta xoogan.
Hay’adahaan ayaa waxa ay sheegeen in dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ay gaarayaan ilaa iyo labaatan iyo labo kun oo ruux.


Sidoo kale waxa ay sheegeen in dagaalada ay geeseteen khasaaro farabadan
oo isugu jira dhimasho iyo dhaawc soo gaary dadka shacabkaa ee aan
waxba galabsan.
UNHCR iyo OCHA ayaa waxa ay sheegeen in haatan dhibaatooyin badan ay
heestaan shacabka Soomaaliyeed ee ka barakacay magaalada Muqdisho.


Sidoo kale hay’adahaan ayaa waxa ay xuxeen in ay jiraan dad farabadan oo
ku dhaawacmay dagaalada oo xiligaan yaala isbitaalada magaalada
Mjuqdisho.


Warkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili dagaalo xoogan ay maalmahaan ka
dhacayeen magaalada Muqdisho kuwaas oo waxyeelo badan u geestay dadka
rayidkaa.

Ratification of the New Constitution and Ending the Transitional Mandate Will be Determined by the Entire Transitional Federal Institutions

0
0

Ratification
of the New Constitution and Ending the Transitional Mandate Will be
Determined by the Entire Transitional Federal Institutions  
 

(Mogadishu,
Somalia September 1, 2010) Sharif Sheikh Ahmed, President of Somalia,
spoke today in the capital city of Mogadishu on the Draft Constitution
that has been presented by the Independent Federal Constitutional Commission.
In his statement to the media, the president noted that “drafting
a constitution for a new Somalia is a solemn national undertaking which
must be transparent and beyond reproach to ensure that the constitution
is vested with legitimacy.”  
 

President Sharif
Sheikh Ahmed also stated that – “to suffice as the constitution
of Somalia, the final draft must embody the aspirations and interests
of the Somali people, a task that can only be achieved through broad
public participation.”  
 

In acknowledgment
of the hard work and efforts of the Independent Federal Constitutional
Commission in producing the draft constitution, President Sharif Sheikh
Ahmed observed that “while the draft constitution is an improvement
over the current Transitional Federal Charter, it still requires further
scrutiny and input from Somali citizens, legal experts, Islamic scholars,
and members of parliament to ensure that it is a true expression of
the will of the Somali people.” To further this objective, the President
proposed the formation of a National Advisory Council
consisting of members of parliament, legal experts, Islamic scholars,
cultural experts as well as citizenry. 
 

President Sharif
Sheikh Ahmed cautioned that “the draft constitution, and the ratification
process should not be subjected to political manoeuvrings by Somali
politicians, or subjected to arbitrary deadlines set by non–Somali
actors, no matter how well intentioned, because the immense sacrifices
of our martyred Ministers and Members of Parliament and the ongoing
sacrifices of our soldiers obligate us to demand nothing short of an
untainted, Somali driven, and Somalia-centred constitution.”  
 

On the other
hand, outlining the most credible process that a new a constitution
could be adopted the President stated, “A Constitution to be a genuine
national founding document, it has to be approved through national referendum.
Therefore, securing conditions that will lead to nation-wide referendum
should be the top priority of the government – and the key is stabilizing
the country.”
 

If force
majeure
or conditions beyond its power prevents the Transitional
Federal Institutions (TFIs) to hold national referendum, the Parliament,
using the legislative powers vested on it by the Charter, may need to
consider amending the 1960 Constitution -- which was endorsed in a nation-wide
plebiscite in 1961 -- adding what is missing such as federalism and
the adoption of Islamic jurisprudence – the decision however is Parliament’s,”
Said the President.
 

Speaking of
ratification of the new Constitution and the way forward after the end
of the mandate of the Transitional Federal Institutions in August 2011,
the President emphasized that “the Transitional Federal Government
– including the President, Parliament and Council of Ministers –
have not yet formally agreed on the modalities and processes in which
the new constitution will be ratified.”
 

As its apparent
in the 1960 Constitution as well as the Interim Charter, constitutional
bodies particularly the Cabinet is required to submit a policy or action-plan
and the parliament has the constitutional mandate to enact laws needed
for the ratification of the Constitution and how to terminate the transitional
period. Such laws will only have legal effect when the President sings
them. 
 

Contact: media@presidency.gov.so

media@sompresidency.org

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live