Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Gudoomiyaha Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay Gudoomiyaha Gudiga Madax banaan ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Prof. C/llaahi Xasan Jaamac iyo Gudoomiyaha Gudiga Qubarada Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. iyadoo Madaxweynaha lagu gudoonsiiyay qalin horaadka qormada qabyo tirka ee Dastuurka ee la tashiga Madaxda sare, si Madaxweynuhu taladiisa ugu biiriyo.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa La Taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Sharciga Prof, Abuukar Xasan Axmed, waxaana wada hadal dheer kadib uu Madaxweynaha uu ku booriyay talooyin muhiim ah.
Hadaba Talooyinka Madaxweynuhu ku booriyay Labada Gudi inay fiiro gaar ah u yeeshaan ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadan:-
1. Shareecada iyo xeer dhaqameed Soomaaliyeed iyo hidihii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.
2. Ilaalinta arrimaha quseeya jinsiyada Soomaaliyeed.
3. Maqaamka caasimada Qaranka Soomaaliyeed iyo arrimo kale oo ku saabsan cutubyada kale ee dastuurka.
Kulankaa oo sacaado badan socday wuxuu madaxwenuhu ugu danabyntii ku bogaadiyay labada guddiga sida wacan ee ay u wadaan xilkan qarameed oo dalka ahmiyad gaar ah u leh, iyagoo weliba ku shaqeynaya daruufo adag.
Madaweynuhu wuxuu ku dhiiri geliyaya;
1. Inay ku dadaalaan in geedisocodka dastuur sameynta Soomaaliya si waafaqsanaado shuruucda dalka.
2. Marka labada guddi ay soo dhameystiraan qormada gebeda oo ay ku dhafan talada dadweynaha iyo madaxda sare ee dalka ay hordhigaan culumada iyo ogaalayda ku taqasusay qanuunka iyo shareecada, dhaqanka, dhaqaalaha , maamulka iyo maareynta hay’addaha dowladda.
3. In labada guddi sii wadaanka latashiga madaxda sare ee dalka iyo maamulada kale.
4. Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxaa uu labada Gudoomiye ka codsaday inay salaan iyo bogaadin ka gaarsiiyaan dhamaan xubnaha labada guddi.
5. Waxuu Madaxwaynaha tilmaamay inay muhiim tahay in laga qaybgalo shirka khuburada ee international community ee lagu qabanaayo jabuti


Cutubkii ugu horreeyay ciidammada AMISOM oo gaaray gobolka Hiiraan

$
0
0

Ciidammada ugu horreeyay dowladda Jabuuti ee ka tirsan ciidammada AMISOM ayaa xalay gaaray deegaanka Kalabeyrka ee gobolka Hiirran, halkaasi oo ay si KMG ah farriisin uga sameysteen.
Ciidammada ka tirsan Midowga Afrika gaar ahaan dowladda Jabuuti ayaa waxaa xalay deegaanka Kalabeyrka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxaana ciidammadaasi wehliyay saraakiil ka tirsan ciidammada Faransiiska.
Cutubka Koowaad ee ciidammada AMISOM ee gaaray deegaanka Kalabeeyrka ayaa la filayaa in saacaddaha soo aadan ay gaarraan xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne, si halkaasi looga sii wado howlgallada ka dhanka ah Al-Qaacidda.
Dhinaca kale shacabka magaalada Baladweyne ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidammada ka socda dowladda aynu walaallaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, iyagoo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan waxyaabaha ay u baahan yihiin, si ay uga qeyb qaataan bur burrinta cadowga Al-Qaacidda.
 
 

Weerar is qarxin ah oo ka dhacay Pakistan

$
0
0

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo ka dhacay magaalo u dhaw soohdinta Afghanistan. Taliban ayaa sheegtay inay ka danbeeyeen weerarka.

Weerar is qarxin ah oo ka dhacay Pakistan

$
0
0

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhintay weerar is qarxin ah oo ka dhacay magaalo u dhaw soohdinta Afghanistan. Taliban ayaa sheegtay inay ka danbeeyeen weerarka.

Madaxweyne Shariif oo sheegay inaysan Aqbalayn Dastuurka oo la diido Laakiin ay ogol yihiin in qodobadiisa laga hadlo

$
0
0


Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariikh Sheekh Axmed oo shalay booqday xarunta gaadiidka booliiska oo lagu wado inuu ka furmo shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dastuurka laga soo horjeesto, laakiin ay ogol yihiin in qodobbadiisa laga doodo.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirka ansixinta dastuurka uu furmi doono berri oo Sabti ah ama maalinta xigta ee Axadda wuxuuna xusay in dastuurka ay ansixin doonaan wakiillada odayaasha oo aan la ogolaan doonin in cid aan wakiil ahayn ay ka qaybqaadato ansixinta dastuurka iyo xulidda xildhibaanada.
“Waa inay meesha ka baxdo dastuurka ma doonayno, balse arrintu ahaato oo keliya qodobkan ayaa wax ka qaldan yihiin ee hala saxo,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo kula hadlayay wariyeyaasha xarunta gaadiidka booliiska.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dastuur la’aan aan la noolaan karin, isagoo xusay inay socda qorshayaal lagu doonayo in dadka ay argtidooda ka dhiibtaan dastuurka ka hor inta aan la horgeyn guddiga ansixin lahaa.
“Qofkii fikir haya waa inuu fikirkiisa soo gudbiyo, waana in lagu dadaalo inaan wax lahaanno,” ayuu madaxweynuhu yiri mar kale, isagoo sheegay in markii dastuurka la ansixiyo kaddib ay sii soconayso wax ka badalkiisa illaa inta laga gaarayo in afti guud loo qaado.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay warsaxaafadeedkii kasoo baxay ururka Midowga Afrika, Qarmaada Midoobay iyo IGAD, kaasoo loogu digay kooxo lagu sheegay qas-wadayaal, isagoo sheegay inaan la ogolaan karin in fidno la abuuro.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dastuurka ansixintiisa la hormarin doono markaas kaddibna la xuli doono xidhibaannada, isagoo sheegay in Muqdisho ay sharaf weyn u tahay in lagu qabto shirweyne lagu ansixinayo dastuurka laguna sameynayo isbedel dowladeed oo baaxad weyn.
Source-Hol

Dowladda Mareykanka Oo Taageertay Go’aankii Q.M. Midowga Africa Iyo Igad

$
0
0

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u dhiirigelisay baaqii wadajirka ahaa ee ay dhowaan soo saareen Q.M. IGAD iyo Midowga Afarika kaas oo ahaa in tallaabo adag laga qaado shaqsiyaadka caqabadda ku ah xasilloonida iyo qorshaha ay dowladda Soomaaliya uga gudbeyso marxaladda KMG ah.
Warsaxaafadeed ka soo baxay ku xigeenka afhayeenka waaxda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka Mark C. Toner ayaa lagu sheegay in wax ka yar muddo Afar bilood ah ay u hartay madaxda Soomaalida si ay u dhameystiraan tallaabooyinkii ay ku heshiiyeen ee ahaa Roadmapka iyo dhammeystirka KMG-rnimada islamrkaasna loo soo celiyo amniga iyo siyaasad deggan oo ay Soomaalidu muddo dheer sugeysay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladda mareykanka ay dhirigelinayso horumarka laga gaaray Roadmapka iyo amniga, hase yeeshee ay jiraan tallabooyin kale oo harsan kuwaas oo u baahan in la dhameystiro waxaana tallabooyinkaa ka mid ah soo xulista ergada , ansixinta dastuurka cusub, soo xulista baarlamanka yar oo cusub iyo In si dadban loo doorto afheyeenka baarlamanka iyo madaxweynaha.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareyukanka ayaa horay u caddeysay Mowqifka Mareykanka kaga aadan arrimaha xasilinta Soomalaiya iyo hirgelinta Roadmapka intii ay ku gudajirtay khudbaddeedii ay ka jeedisay shirkii Londan waxa ayna xustay inaan loo dulqaadan doonin dadka caqabadda ku ah horumarka siyaasadda iyo degganaanshaha Soomaliya.
Waxa ay intaasi ku dartay haweeneyda in mareyknaka uu ku dhiirigelinayo beesha caalamka in ay cunaqabateyn ku saabsan dhanka safarrada iyo fariisinta dhaqaalaha lagu soo rogo dadka ka tirsan dowladda iyo kuwa ka madaxa bannaan ee carqaladeynaya Nabadda , xasiloonida iyo dib u dhaca lagu sameeyo Siyasadda KMG-ka ah ee Somalia. Ayaa lagu yiri warkan ay soo saartay Dowladda Mareykanka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in mareykanka ay taageereyso warqaddii ay 1-da bishan si wadajir ah u soo saareen Q.M. Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD  ee lagu ogeysiinayay shakhsiyaadka diiddan ka gudubka marxaladda KMG-ka in beesha caalamku u dulqaadan doonin tallaabooyinka carqaladeynta ah.
Ugu dambeyntii warsaxaafadeedkan maalintii khamiista ka soo baxay dowladda mareykanka ayaa lagu sheegay in dowladda mareykanka ay ka shaqeyneyso caawinta Dowladda KMG-ka ah ee Somalia iyo Hogaamiyeyaasha kale ee Soomaalida ee heysta fursad ay horumar weyn  uga sameyn karaan Amniga iyo Xasilinta Siyaasadda.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Ammaanka Magaalada Muqdisho oo saaka si aad ah loo adkeeyay & Ciidamo badan oo wadooyinka lagu daadiyay

$
0
0

Iyadoo saaka la filayo in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Odayaasha dhaqanka ee lagu soo xulayo 825-ergo ee ansixinaya Dastuurka ayaa ammaanka Caasimada si aad ah loo adkeeyay.
Wadooyinka magaalada ayaa la soo dhoobay ciidamo isugu jira boolis iyo kuwa nabadsugida, kuwaas oo ay taageerayaan ciidamo gaar ah oo loo xil saaray ammaanka shirka.
Ciidamada oo feejignaan ka muuqata ayaa wadooyinka qaar xiray, gaar ahaan wadada dheer ee ka baxda KM4 ee aada Dekeda Muqdisho.
Sidoo kale Wadada Maka Al-Mukarama ayaa iyana ah mid furan, inkastoo ciidamada ay baarayaan dadweynaha iyo gaadiidka, waxaana meelaha qaar ciidamada ay dadka u fasaxayaan inay maraan.
Durba howl galada ammaanka lagu sugayo ayaa waxay saameyn xoogan ku yeelatay ardayda iskuulada, shaqaalaha shirkadaha iyo ganacsatada.
Saameynta dhinaca ammaanka ee laga dareemay Muqdisho ayaa aheyd mid maalmihii u dambeeyay soo socotay, markii ciidamo badan lagu arkay xaafadaha qaar, isla markaana howl galo ka sameynayay.
Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa sheegay inay adkeyn doonaan ammaanka magaalada iyo qeybaha lagu qabanayo shirka, iyagoo balan qaaday inta uu socdo shirka ciidamada ay sameyn doonaan feejignaan dheeri ah.

Qaraxii ka dhacay Kaniisada Kenya oo la ogaaday in ay ka dambeeyeen Al Shabaab

$
0
0

image: 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Kaniisad kutaala Magaalada Nairobi oo lagu Magacaabo Ngara ay ka dambeeyeen xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya.
Ciidamada Booliska ayaa tibaaxay in qaraxaasi lagu qaaday kaniisada uu ahaa qarax bambaano uuna fuliyay nin ay ku magacaabeen Cammaar kuna magac dheer Kismaayo oo ay tilmaameen in uu ka tagay dalka Soomaaliya kaasi oo sanadkii la soo dhaafay dib ugu laabtay dalka Kenya iyadoo haatan la sheegay in uu kusuganyahay gudaha MAgaalada Nairobi.
Afhayeen u hadlay ciidamada booliska dalka Kenya oo lagu magaaco Mathew Iteere ayaa sheegay in ay heleen sawirada Cammaar ayna ku daadiyeen dhamaan saldhigyada iyo wadooyinka dalka Kenya, loogana baahanyahay muwaadiiniinta Kenya in ay soo wargaliyaan hadii ay rakaan nimnkaais ciidamada Kenya si gacanta loogu dhigo.
Ugu dambeyntii Iteere ayaa sheegay in ay jiraan xubno kale oo ka tirsan Al Shabaab oo kusugan dalka Kenya kana yimid Magaalada Kismaayo oo uu ka mid yahay Cali ismaaciil oo la sheegay in uu ka tirsan Xarakada Al Shabaab kuwaasi doonaya in ay qaraxyo ka fuliyaan saldhigyada iyo hay’adaha muhiimka ee dalka Kenya.


Muqdisho: Shirkii Odayaasha Dhaqanka oo Goordhow Furmi Doona Iyo Amaanka Caasimada oo la Adkeeyey

$
0
0

image: 

Muqdisho (RBC) Shirkii odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaalida ayaa lagu wadaaa in goordhow uu ka furmo xaruntii hore ee gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.
Shirka ayaa lagu wadaa in furitaankiisa ay ka qeybgalaan madaxda dawlada KMG ah, waxaana shirkan uu hordhac u yahay shirweynaha ansixinta dastuurka qabyada ee ay ansixinayaan ergada 825 xubnood ah.
Wariyaasha Shabakada Raxanreeb.com ayaa soo sheegaya in amaanka magaalada aad loo adkeeyey iyadoo ciidamo boolis iyo nabadsiugid isugu jira la dhigay saaka waddooyinka muhimka ee caasimada.
Baabuurta dadweynaha iyo dadka ayaa laga joojiyey waddooyinka qaarkood.
 
Faahfaahinta kala soco Raxanreeb.com

Ahlu Sunna iyo Masuuliyiintii dhawaan tegay Galgaduud oo ka hor yimid Dastuurka

$
0
0

image: 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kulan ay wadayeesheen Xildhibaanadii Siyaasiyiintii maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb iyo maamulka Ahlu suna waljamaaca ayaa waxaa looga wada hadlay sidii Al Shabaab looga saari lahaa gobolka Galgaduud, maadama magaalada Dhuusamareeb dhowaan qarax lagula beegsaday siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan Barlamanka.
Kulankaasi oo Al baabada ay u xirnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday waxaa faah faahin ka bixiyay oo Shabelle la hadlay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow wuxuuna sheegay in kulan kaasi ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah, oo qodobka ugu muhiimsana uu yahay dar dar gelinta howlaha dib u xoreynta dalka iyo sidii Shabaab looga saari lahaa dalka.
Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka ka soo jeeda gobolada dhexe ay ka soo horjeedaan shirka maanta ka furmaya magaalada Muqdhisho, loogana hadlayo sidii loosoo xuli lahaa dadka  ansixinayo  dastuurka, isagoo xusay in banaanbaxyo ka dhan ah Dastuurka ay ka socdaan qaar ka mid degmooyinka goboladaasi ayna ka mid yihiin Caabudwaaq Balanbal iyo kuwa kale.
Maanta ayaa Muqdisho waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan qaar ka mid ah odayaal ay soo aruurisay DKMG kaasi oo looga hadlayo sidii loo soo xuli lahaa dadkii ansixin lahaa qabyo qoraalka dastuurka loo sameenayo dalka somaliya.

Aadan Madowe : Saraakiil Al-Shabaab Ayan Xiriir La Leenahay Si Ay Noogu Soo Biiraan

$
0
0

image: 

Xudur (RBC) Xudur Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoowe oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah Soomaaliya, ee ka soo jeeda gobalka Bakool ayaa sheegay in ay wadahadalo ay kula jiraan saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Aadan Madoowe oo hadda ku sugan magaalada Xudur ee gobalka Bakool, ayaa sheegay in magaalada sababaha ay u joogan ay ka mid tahay siddii deeganada kale ee gobalka ka jooga Al-Shabaab laga saari lahaa.
Aadan Madoowe ayaa sheegay ay wadahadal kula jiraan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo raba in ku soo biiraan dowladda KMG ah.
Aadan Madoowe ayaa shaley gaaray magaalada Xudur ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo 10-maalin isaga iyo saraakiil kale ay ku sugnaayeen.
Wuxu sheegay in dalka Ethiopia ay u tageyn siddii ay dowladda Ethiopia, ay ciidamadeeda ka jooga gobalada Bay, Bakool iyo Gedo ay u siijoogi lahaayeen gobaladaas ilaa inta laga soo dhameestiraayo ciidamada AMISOM ee la rabo in la geeyo gobaladaas, oo dhawaan Al-Shabaab lagala wareegay.
Aadan Madoowe iyo saraakiil kale ayaa magaalada Xudur ku tagay diyaarad ka soo duushay dalka Ethiopia, waxana uu sheegay in maalamaha soo socda ay isku furi doonaan gobalada Baay iyo Bakool oo hadda aan isku furneyn.
Xildhibaan Aadan Madoowe ayaa sidoo kale sheegay in ay Gobalka Bakool ay u joogaan siddii ay usoo xuli lahaayeen odayaasha la rabo in ay soo magacaabaan baarlamaanka cusub ee la rabo in loo sameeyo Soomaaliya marka ay dhamaato bisha August ee sanadkan.
Si kastaba, hadalka Aadan Madoowe ayaa ku soo aadaya iyadoo bishii la isla dhexmaraayay warar sheegayay in Aadan Madoowe iyo Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo isna ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya lagu xiray dalka Ethiopia, ka dib markii ay isku dhaceyn Shariif Sheekh Aadan.
Xildhibaanada ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool ayaa doonaya in gobaladaas ay sii joogaan ciidamada Ehtiopia ee bara taaraya DKMG ah oo hadda dagaallo xooggan kula jirtya Al-Shabaabb oo xiriir la leh Al-Qaacida.
RBC Radio
——————-
Xafiiska Wararka Muqdisho

Ciidamadda xoogan oo Al Shabaab ka tirsan oo gudaha u gallay dalka Kenya “Warbixin Xasaasi ah”

$
0
0

image: 

Hay’adda ammaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in boqolal dhallinyaro Kenyan ah oo ku soo tababartay wadanka Soomaaliya ay dib ugu soo laabteen dalkaasi Kenya.
Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in boqolaal dhallinyaro reer Kenya ah, oo tababar la soo qaatay ururka Al-Shabaab ay ku soo laabteen dalka Kenya, kuwaas oo looga cabsi qabo inay qatar galiyaan wadamo ku yaala bariga Africa.
Madaxa ugu sareeya Booliska Mathew Iteere ayaa sheegay in dhowr xubnood oo tababar la soo qaaday Al-Shabaab ay ku soo qulquleen dalka Kenya, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii Axadii hore lagu qaaday xarun kaniisad oo ku taala caasimada Kenya ee Nairobi, taas oo ay ku dhinteen labo qof halka 15-kalena ay ku dhaawacmeen.
Iteere ayaa soo bandhigay sawir nin kaa oo uu ku sheegay in uu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarkii Kaniisada Axada la weeraray, wuxuuna magaciisa ku sheegay Camar.
Mr. Iteera ayaa sheegay hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Ismaacil Cali in uu sheegtay masuuliyada weerarkii ka dhacay Nairobi.
Afhayeenka Booliska Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay in Camar uu yahay Kenya, uusana ka mid ahayn bulshada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.
sidoo kale waxaa dalka Kenya dhawaan xabsi daa’in lagu xukumay Elgiva Beire kaa oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay weerar bamb gacmeed oo lagu weraray bishii October goob laga raaco Basaska.
QM ayaa bishii July waxa ay sii deysay warbixin ka hadkeysa In Al-Shabaab ay qoranayaan dhallinyaro badan oo reer Kenya ah iyo kuwa kale oo ku dhashay dalkaas, si ay uga qeyb qaataan qarbudaada ay ka geysanayaan dalalka Bariga Africa.
Qaar badan oo kuwaas ah, ayaa dib ugu soo laabtay Kenya, kaddib markii ay la soo tababar qaateen Al-Shabaab, tan iyo markii Kenya ay ciidamo u soo direen Soomaaliya bishii Octobar waxa soo kordhaayay weerarada iyo dilalka ka dhaca dalka Kenya.
Ururka Al-Shabaab waxay sheegeen inay weerari doonaan dalka Kenya, iyagoo u sababeeyay ciidamada ay soo direen dalka Soomaaliya.

Mogadishu:Shirka Odayaasha oo Furmay

$
0
0

Waxaa goor dhaweyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xullaya ergada ansixineysa Dastuurka uu dalkaasi Mustaqbalka yeelan doono, iyadoo dhinaca kale si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada caasimadda Muqdisho.

Wasiiru dowlaha dastuurka iyo arimaha federalka Xassan Maxamed jimcaale ayaa VOAd u sheegay in inta badan odayaashii ka qeybgali lahaa shirka ay ku suganyihiin goobta uu shirka ka socdo, inta dhimanna ay berito soo gaarayaan.

Dhinaca kale amaanka goobta uu shirka ka furmay oo ah xarunta gaadiidka booliska ee degmada cabdi casiis ee magalada muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada dowladda lagu arkayaa guud ahaan wadooyinka magaalada

Dowlada Zambia Oo Albaabada Isugu Dhuftay Safaarada Soomaaliya Ee Lusaka (Warbixin).

$
0
0

Lusaka (MGN) Booliska wadanka Zambia ayaa albaabada isugu dhuftay Safaarada Dowlada Soomaaliya ay ku leedahay Caasumada Zambia ee Lusaka.
Xiritaanka safaarada ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib is qabqabsi xoogan uu mudooyinkii la soo dhaafay uu ka taagnaa Maamulka sarre ee Safaarada, taasi oo ugu danbayntii keentay inay soo fara galiso Dowlada wadanka Zambia.
Murankan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha dibada ay laba qunsul oo kala duwanu soo magacawday Safaarada, sidoo kale ay soo qortay warqad lagu amrayo in Safiirka Soomaaliya ee Zambia Ismaaciil Maxamed Aadam uu gabi ahaanba Safaarada ku wareejiyo Maxamed Axmed Cali (Geele) sidoo kale uu waqti kooban ku soo galo Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho, hase yeeshee markii uu qunsulka cusub waa Geellee intaas u sheegay safiirka ayaa waxaa meesha ka dhashay buuq iyo sawaxan wuxuuna safiirku sheegay inuusn aqoonsanayn waxa loo soo qoray sidoo kalana uusan u hogaansamayn, waxaana arinta soo galay Jaaliyada Soomaalida ee Lusaka taasi oo qunsulka ku qancisay in arinta ay iyagu xalinayaa sidaasna meesha uga soo kaxeeyeen.
Waxaa kaloo jirta in bishii September ee sanadkii 2011 Safiirka Soomaaliya ee Zambia Ismaaciil Maxamed Aadam uu Wasiirkii Arimaha Dibada Soomaaliya ee waqtigaas Maxamed Maxamuud Xaaji ibraahim uu ku wargaliyay in Shirwac Ibraahim uu doonayo in Safriiku aqbalo in laga dhigo Qunsulka Safaarada, safiirkuna waa aqbalay.
Dhaka kale Bilowgii bishii Janaury 2012 Dowlada Soomaaliya Gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada ayaa qunsul u magacowday Maxamed Axmed (Geelle) wuxuuna Geelle isla bishaas soo gaaray Zambia.
Maalmo ka dib waxaa Lusaka soo gaaray Shirwac Ibaarahim oo isna wata aqoonsi ah inuu yahay Qunsulka Safaarada Soomaalida ee Lusaka wuxuuna u yimid safriika una sheegay in loo soo magacaabay safaarada, waxaana xusid mudan in Shirwac uusan wadan warqad lagu diidayo xil magacaabistii hore ee Geelle, waxaana Safiirku uu ku wareejiyay gabi ahaanba qalabkii iyo masuuliyadii safaaradaba qunsulka cusub ee Shirwac, Safiirkuna wuxuu u duulay Nairob, Maalmo ka dib waxaa safaarada yimid Geelle oo isna ku magacaaban qunsul wuxuuna u yimid Shirwac oo isna qunsul ku magacaaban wuxuuna u sheegay in inuu meesha ku wareejiyo hase yeeshee wuxuu Shirwac u sheegay in asaga meesha looga tagay safiirkiina maqan yahay wuxuu kaloo ku adkaystay inuu yahay ku simaha safiirka iyo qunsulka saxda ah ee meesha waxayna taasi keentay in meesha ay yimaadaan Booliska Zambia, waxaa kaloo xusid mudan in labada qunsulba ay wataa aqoonsiyo sax ah oo ka soo wada baxay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada arimaha dibada, waxayna labaduba Booliska Zambia u sheegeen in Madaxweyne Shariif uu aqoonsan yahay.
Wargeysyada iyo Tv-yada wadankan Zambia ayaa si wayn manta uga faalooday Arinta is qab qabsiga Masuuliyiinta iyo waliba xiritaanka safaarada Soomaalida, waxayna Wargeysyada wadankan soo sawireen labada masuul ee muranku ka dhex jiro iyo waliba shaqaalaha safaarada oo boolisku gaari ku kaxeeyeen lana geeyay xarunta Booliska dhexe, waxay kaloo soo daabaceen in masuuliyiinta safaaradu ay is caayeen iyagoo ku caytamay luuqadooda hooyo ee Soomaaliga ah, sidoo kale waxa si qoo dheer uga faaloodeen Soomaaliya iyagoo sheegay in Dowlada Madaxweyne Shariif aysan ka talin dalka marka laga reebo qaybo ka mida caasumada Muqdisho, waxayna Soomaaliya ku tilmaameen wadan bur bur ku jiray 21 sanno ay la dageen Kooxo asal raac ah oo mayal adag  iyo waliba Kooxo Burcad badeed ah oo weerarta maraakiibta shisheeye.
Ugu danbayntii 04- bishan oo shalay ah ayaa Wasaarada Arimaha Dibada Zambia ayaa amarta in la joojiyo shaqadii safaarada inta ay la xiriirayaan Dowlada Soomaaliya, waxayna sheegtay Dowladu inay arintan u sameeyeen ka dib markii ay ka baqeen inuu yimaado isku dhac intan ka badan.
Dhibka ugu badan ee meesha ka jira ayaa waxaa loo aanaynayaa Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya, oo iyadu labada Masuulba u qortay Aqoonsiyo sharci ah taasi oo ah meesha dhibta ugu badan ka taagan tahay, waxaa kaloo xusid mudan in Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha dibada ee Soomaaliya gaar ahaa Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guudba ay labada Masuulba la kala safan yihiin.
Ilaa iyo hadda wax wara kama soo bixin Dowlada Soomaaliya gaar ahaa Wasaaradeeda Arimaha Dibada oo iyadu u xil saran inay wax ka qabato arintan, hase yeeshee waxaa la ii sheegay in qorshuhu ahaa in wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya ay balan qaadeen inay imaan doonaan waxna ka qaban doonaan arintan hase yeeshee ilaa hadda aysan muuqan balan qaadka masuuliyiintan.
Dhismaha safaarada oo ah mid aad u wayn kuna fadhiya dhul baaxad leh kana kooban xafiisyada safaarada iyo guryaha ay dagi lahaayeen shaqaalaha safaarada ayaa waxaa gaday Dowladii hore ee Kacaanka Soomaaliya wuxuuna ku yaalaa meel muhiim ah oo aan ka fogay Aqalka looga arimiyo wadankan Zambia ee Madaxtooyada ama (State House-ka), sidoo kale Safaraada Soomaaliya ee Zambia ayaa waxay ka mid tahay Xarun aad muhiim ugu ah Soomaalida ku nool wadamada Koonfurta Afrika oo ay ka mid yihiin Zambia, Zimbabwe, Mozambique,  Namibia, Congo iyo Angola oo ay dhamaan dadka ku nool wadamaad ay ku xiran yihiin Safaraada Zambia iyagoo ka hela adeegyo ay ka mid yihiin samaynta Passpor-ka Soomaaliga iyo qaadashada warqada dalk ku celinta ee (GO HOME).
Oday ka mida Soomaalida dagan Lusaka in badana ku noolaa oo aan la sheekaystay wuxuu ii sheegay in hadii arintan aan wax laga qaban ayna soo fara galin Dowlada Soomaaliya ay keeni doonto in gabi ahaanba ay meesha ka baxdo Safaarada Soomaalida una gacan gasha Dulaaliin shisheeye, taasii oo isku dayo hore la damcay in lagu iibsado hase yeeshee ay suura gali wayday ka dib markii ay ilaalinteeda uu door wayn ku qaatay Safiirkii hore ee Geeryooday kaasi oo 21-sanno ee la soo dhaafay ilaalinayay iyo waliba Jaaliyada Soomaalida dagan Zambia.
Siciid Muuse Daahir
Lusaka, Zambia
E-mail. Smgaban2000@gmail.com
 

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo afjaray Shirka maanta ka furmay Magaalada Muqdisho “Aqriso”

$
0
0

Madaxweynaha diowlada kMG Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu kusoo dhaeynayo odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed isaga oo ka cudur daarat waqtuiga dheer ee lagu sugnaa madasha xaflada ay ka dhacaysao
Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa shegay in maanta ay tahay maalin taariiqi ah islamarkaana ummadda Soomaaliyeed ay ka fekerayso danahooda iyo mustaqbalkooda.
Madaxweyne shariif ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga gudbo waqtiga KMG loona gudbiyo dowlad caadi ah.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay soo maren dhibaatooyin kala duwan muddo 21-sano ay ku jiraan.
Waxa uu sheegay in odayaal dhaqameedka la casuumay ay yihiin kuwii Soomaaliya u horseedi lahaa nabadda kana saari alahaa dhibaatada.
Waxa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoon yihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay soo xulaan Ergo ansixinaysa Dastuurka Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya shariif sheekh axmed ayaa sheegay in Soomaaliya aysan iminka kow u ahayn in dastuur loo sameeyo isaga oo soo hadal qaday in Soomaaliya ay lahayd dastuur xilligii lixadnkii
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuyurka uu soo maray maraxalado kala duwan m,aanta uu marayo waqtigii ugu wanaagsanaa
Waxa uu tilmaamay in nuqulka dastuurka lasoo gaarsiiyay iminka shacabka Soomaaliyeed la gaarsin doono iyo aqoonyahana Waxa Xun laga Saaryo inta wanaagsana lagu kaabayo.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya shariif sheekh axmed ayaa ka hadlay maraxalada iminka la marayo isaga oo sheegay in maanta la haysto fursa wanaagsan oo wax lagu dhiso
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuurkan uu yahay mid ilaalinayo diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed isaga oo sheegay in aan loo baahnayn in la dayaacadeeyo dadka ku howlan arrimaha dastuurka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha habraaca marxa;lada kala guurka ee Roa-dmapka oo uu sheegay in ay meel wanaagsna marayso.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay madaxweynaha dowladda KMg Soomaaliaya Shariif sheekh axmed dhanka ammaank aiyo sidoo kale horumarada ciidamada dowladda ay ka gaareen dagaalada ka socda dalka Soomaaliya
Madaxweyne shariif ayaa sheegay in siyaasada soomaaliya ay cid waliba u furan tahay cidna aysan gaar u ahayn isaga oo sheegay in dalka Soomaaliaya uu soo maray maraxalada kala duwan.
Waxa uu tilmaamay in mudadii lasoo maray dhibaatada hada loo baahan yahay in loga baxo waqtiga jhada la joiogo
Madaxweynha dowlada soomaaliya ayaa ka hadlay dhanka hortumarada dalka siaga oo sheegay in loo baahan yahay uin laga gudbo xilliga KMG waxa uu sheegay in inta lagu guda jiro watiga kmg ah aan la gaarinm karin horumar wanaagsan oo uu dalka iyo dadkaba ay gaaraan.
m૚weynaha ayaa sheegay in isbedelka dalka hada uu marayo ay atahay mid wanaagsan isaga oo sheegay in dowladihii dalka Soo maray waxyaabah ay horumarada ka gaari waayeen ay tahay KMG.


Wasiirka Dastuurka DKMG: Maanta Saddex Gumeysi Ayaan ka Gudubnay!

$
0
0

C/raxmaan Xoosh Jibriil, Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Xukuumadda KMG ah
Muqdisho (RBC) Wasiirka dastuurka xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo furitaankii shirka odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee maanta ka furmay xarunta dugsigii Iskool Boolisiya ee magaalada Muqdisho hadal ka jeediyey ayaa ereyo la yaab leh ku furay shirka ka dib markii uu si cad u weeraray beesha caalamka.
Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo khudbadiisa furitaanka shirka ka horjeediyey 135 xubnood ee odayaasha dhaqanka Soomaalida iyadoo ay goob joog ahaayeen raysul wasaaraha Xukuumadda KMG ah iyo madaxweynaha ayaa si cad u qeexay in beesha caalamka ka mid tahay dhinacyada gumeysiga ku haya dadka Soomaalida.
“Maanta waa maalin weyn, waa maalin aan ka gudubnay saddex gumeysi oo dalkaan heystay” ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil oo intaa ku daray “Saddex gumeysi ayaa na heystay oo kala ah gumeysiga Al-Shabaab, gumeysiga hogaamiye kooxeedyada iyo gumeysiga beesha caalamka ay nagu haysay.” ayuu ku daray wasiirka.
Ergadii shirka fadhiday ayaa mar qura sacab ku soo dhoweeyey ereyada uu wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil ka jeediyey madasha iyadoo wasiirku faahfaahin kale ku daray.
“Beesha caalamka si dadban bey noo gumeysanjireen laakiin waxaan rumeysanahay in ka bixida marxalada Kumeel gaarnimada ee maanta halkan aan u fadhino ay soo afjari doonto gumeysigaasi dadban ee nalagu hayey” ayuu yiri wasiirka dastuurka.
C/raxmaan Xoosh Jibriil wuxuu beeniyey in dastuurka uu ka hor imaanayo diinta iyo qaranimada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in nuqulkii hore ee dastuurka la bedelay midka cusubna dhowaan loo bandhigi doono golaha cusub ee dastuuriga ee u fadhiisan doona ansixina dastuurka cusub.
Wasiirka wuxuu ergada dhaqanka ka codsaday inay waqtigan muhimka ah uga faa’iideeyaan dadka iyo dalka isla markaana ay dardargeliyaan meelmarinta dastuurka si horey loogu sii socdo maadaama, buu yiri shaqooyin badan oo la xiriira ebyida waqtiga ku meelgaarnimada ay dhiman yihiin.
Ereyada ah in beesha caalamka gaar ahaan ururada iyo wadamada faraha kula jira Soomaaliya ay gumeysi dadban ku hayaan dawladnimada Soomaaliya ayaan ahayn hadal cusub hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo wasiir ka xukuumada raysul wasaare Gaas u si cad u sheego in beesha caalamka- oo dabcan Qaramada Midoobay ku jirto ay caqabad ku heyso dawladnimada dalka.
Waxaana hadalka wasiirka dastuurka DKMG Soomaaliya uu yimid xilli xasaasi ah oo lagu gudajiro in xilliga Kumeelgaarka ee dawlada hadda ku shaqeyso uu dhamaad ku socdo isla markaana dawladu ay wado qabanqaabada diyaarinta dastuurka cusub iyo baarlamaanka cusub oo hordhac u ah dawlad cusub oo aan kumeel gaar ahayn.
 
 
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Shir odayaasha dhaqanka uga furmay Muqdisho

$
0
0

Dugsiga Booliiska ee magaalada Muqdisho, waxaa ka bilaamay, Shir ay ka qayb galayaan odayaasha dhaqanka Soomaaliya oo soo-xulaya ergooyinka ansixin-doona dastuurka Cusub ee la diyaariyey.

Caweyska Washington: (Sharif Cabdalla)

$
0
0

Barnaamijka Caweyska Washington ee toddobaadkan waxaan idinku haynaa qubanayaal aad u xiiso badan oo idin xiisagalin doona. Sidoo kalana waxaa marti ku ah fannaanka aanu codkiisu duugoobin ee Shariif Cabdalla Xuseen.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

Muxaadaro Halgankii Geeska Africa

Xubno Al-Qaacida ka Tirsan oo Maxkamad la soo Taagey

$
0
0

Shan ka tirsan ururka Al-Qaacida oo ku xirnaa jasiiradda Guantanamo Bay ee dalka Cuba, laguna tuhmayo inay qeyb ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay dalka Maraykanka 11kii bishii September ee sanadkii 2001dii ayaa shalay maxkamad la soo taagay.

Shantan xubnood waxa ka mid ahaa Khaalid Sheekh Maxamed oo la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeeysay qaraxyadii 2001dii.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhagesyo.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live