Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Abwaan Cabdi Shire Jaamac Oo Muqdisho Ku Soo Fool Leh

$
0
0

image: 

Muqdisho (RBC) Waxa saacadaha soo socda la filayaa in caasimada magaalada Muqdisho soo gaaro Abawaanka iyo Al-Fanaan Cabdi Shire Jaamaca Ciyaar Jecel oo ka tirsan kooxda Qeylo dhaan, oo xaruntooda ay tahay dalka UK.
Cabdi Shire ayaa sheegay in sababaha uu u immaanaayo magaalada Muqdisho, ay tahay in uu soo arko magaalada oo muddo 24-sanoo uu ka maqnaa iyo in uu ka qeybgalo oo uu heeso ka jeediyo shirka odayaasha dhaqanka ee ka furmay shaley Muqdisho, kaa oo lagu soo xulaayo ergada soo ansixineysa dastuurka la rabo in loo sameeyo Soomaaliya.
Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah Idaacadda maxaliga ee ku yaala caasimada, ayuu Abawaan Cabdi Shire sheegay in uu meelo badan oo ay Soomaalida ku nooshay uu tagay, halkaas oo isaga iyo kooxdiisa Qeylo dhaan ku soo bandhigeyn heeso ay uga hadlayaan marxada Soomaaliya maanta ay mareyso, laakin  wali aysan magaalada Muqdisho oo 21-sano dagaallo ay ka socdeyn aan wali heeso ku sameeyn.
Cabdi Shire ayaa sheegay in immaashiyaha magaalada Muqdisho, uu aad ugu faraxsan yahay, waayo waa magaalada aan ku soo barbaaray, in aan tago aad ayey ii farxad galineysaa,
Guddoomiyaha kooxda Qeylo dhaan, Abwaan Cabdi Shire ayaa sheegay in dhowr maalmood ay joogi doonaan isaga iyo koox ka tirsan Qeylo, dabadeena ay la kulmi doonaan shacabka magaalada, Odayaasha, siyaasiyiinta, Culimada iyo madaxda dowladda KMG ah.
Kooxdan Qeylo dhaan, oo soo baxday dhowr sano, ka hor ayaa markii si fiican u soo shaacbaxeyn waxa ay ahayd ,markii uu dhacay qarixii Hottel Shamow oo lagu weeraray arday qalinjabjineysay.
Sidoo kale waxa ay sameeyeen, heeso badan oo ay uga hadlayaan marxalada hadda dalka uu maraayo, waxana ka mid ah hees ay ku dhaliilayaan Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, heestaas oo la dhaho, Xildhibaanimo xaal qaado, iyo kuwa kale oo ay ka mid yihiin  Anigaa dhulka iska leh,  Dilal la qorsheeyay waana hees ay kooxdu uga turjumeyso dareenka shacabka, geeridii naxdinta laheyd ee wariye Cabdiasiis Sheikh Xasan Xiis. Geeridaas oo taabatay Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba. Kooxdu waxey tacsi tiiraanya leh u direysaa
Waxana ugu dambeesay heesaha ay sameeyeen kooxda Qeylo Dhaan heesta “Hala Baajiyo Dhiiga” waa hees cusub oo ay soo saareen kooxda Qeylodhaan, taas oo lagu duubay caasimada Norwey ee Oslo.
Heestii ugu dambeeyay ee uu Abawaan Cabdi Shire Jaamac sameeyay  DHAGAXTUUR waxa ka mid ah miraheeda
Erayada heestuna waa sidaan hoos ku xusan.
Dhakafaarka aduunka
Dhacdadaan nala fiirsha
kuwii dhiiga cabaayay
da’yarteenii dhammeeyay
dhulkeenii kala gooyay
toban dheehna u yeelay
gumeeystuhu uu ku dhaarto
shaxdu seey u dhaceyso
dib iney u dhismaan baa
shirarka loo dhigayaa
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Muqdisho


Madaxweyne Shariif Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Siyaasada Xooga Ku Salaysan

$
0
0

image: 

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay xiliga kala guurka iyo waliba siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee haatan dadaalka ugu jira inay ku soo biiraan siyaasada Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in meel leeska dhigo siyaasad ku salaysan xoog iyo waliba qoray caaradiis laakiin loo baahanyahay in lala soo baxo siyaasad fur furan.
Wuxuu sheegay in siyaasi walba ay tahay in uu wax ku raadiyo nabad iyo siyaasad laakiin ay muhiim tahay in meel leeska dhigo siyaasada fowdada ku salaysan.
Sidoo kale wuxuu sheegay madaxweynuhu inaysan jirin cid ay u xirantahay siyaasada Soomaaliya isla markaana cid walba oo wanaag raadinaysa ay ku soo biiri karto siyaasada.
Madaxweynuhu wuxuu yiri” Waxaa jira dad badan oo laga yaabo inay daneynayaan siyaasada, cid uma xirna cid walba oo soomaali waa u furan tahay siyaasada wadanka.
Hadalkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka sheegay furitaankii shirka Odoyaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee Shalay si rasmi ah kaga furmay Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Dukumintiyo Laga Heley Gurigii Usama Bin-Laden oo Muujinaya Codsiyo Al-Shabaab Soo Jeediyeen (Muxuuse ka Yiri?)

$
0
0

image: 

Muqdisho (RBC) Dukumintiyo laga helay gurigii uu deganaa Usama Bin Laden oo ahaa hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee sanadkii hore lagu dilay magaalada Abottabad ee wadanka Pakistan ayaa muujinaya xiriiro dhanka fariimaha ah oo ka dhexeeyey hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Mukhtaar Abuu Zubeyr) iyo Bin Laden.
Waraaqahaasi mid ka mid ah oo warbaahinta qaarkeed faafisay ayaa waxaa ku xusan qoraal codsi ah oo Axmed Godane u diray Bin Laden ka hor geeridiisa inuu ugu sheegayo in Shabaabka ay damacsan yihiin inay dhistaan dawlad Khilaafo Islaami ah oo ka talisa Soomaaliya maadaama inta badangobolada dalka ay xilligaasi Al-Shabaab ka talinayeen, hase yeeshee Osama Bin Laden oo farriintaasi maalmo ka dib uga soo jawaabay Axmed Godane ayaa ka digay in Al-Shabaab ay ku degdegaan qorshaha sameynta dawlad.
Jawaabtii Bin Laden
Bin Laden wuxuu jawaabtiisa diidmada dawlada Al-Shabaab ay soo jeediyeen ku sababeeyey labo arimood oo uusidanusharaxay-
1- Waxaan idinku boorinaya inaad dulqaad iyo adkeysi yeelataan, waxaana idinku waaninayaa inaad isaga baxdaan qorshaha dawlad iyadoon weli la helin kalsoonida dadka, sidaasi ayuu Bin Laden ku yiri warqadiisa. “Marka hore waxay cadawga siineysaa marmarsiinyo ay ku soo duulaan oo ay dalkiina ku qabsadaan markaasna waxaa adkaaneysa nolosha dadka”, ayuu yiri Bin Laden,
2- Bin Laden wuxuu kaloo soo jeediyey arin labaad oo ah in xooga la saaro in dadka dhaqaale ahaan loo horumariyo, loona ogolaado Soomaalida in hay’adaha gargaarka ay takuleeyaan, waayo dalkiina waa faqri dadkiinuna gaajo ayey u le’anayaan dagaalada dheeraaday ee Soomaaliya ka jira dartood, ayuu ku yiri Bin Laden fariinta.
Hab dhaqanka Al-Shabaab
Hogaamiyihii hore ee Al-Qaacida Sheekh Osama Bin Laden wuxuu kaloo wax ka taabtay aragtida uu xilligaasi ka qabay hab dhaqanka Al-Shabaab isagoo dhowr arimood ku dhaliilay kuna taliyey inay joojiyaan.
Wuxuu farriinta Bin Laden ku sheegay in Shabaabka iyo hogaankooda ay dadka Soomaalida kasbadaan “Marka aad heshaan kalsoonida dadkiina markaas iyaga ayaa idin miisaami doona oo idinku qiimeyn doona waxa aad tihiin” ayuu kula taliyey gaar ahaan Axmed Godane oo jawaabta ay ku socotay.
Arin kale oo warqada Bin Laden ku sheegay waxay ahayd inuusan jecleysan sida qalafsan ee Al-Shabaab u fulinayeen xukunada dadka ka dhanka ah ee ad adag, kuwaasoo uu kula taliyey inaysan ka tarjumeynin Sunnada Nabiga [SCW] islamarkaana wuxuu tusaaleeyey Axaadiis dhowr ah isagoo u sheegay in sida ay u wadeen ay ku jireen wax badan oo khalad ah.
Sida ku cad farriinta, Bin Laden uma aqoonin Al-Shabaab xubin ka tirsan Al-Qaacida oo markaasi uu isaga hogaaminayey, waxaana kooxda kaliya ee Bin Laden toos uga tirsaneyd waxay ahayd Al-Qaacida Jasiirada Carbeed oo fadhigeedu yahay Yemen, waxaana Bin Laden Al-Shabaab uu kula dhaqmi jiray sida koox ay ‘saaxiibo yihiin’ oo kaliya, wuxuuna siin jiray dhaqaale ay ku hawlgalaan.
Sagaal bilood ka dib dhimshadii Bin Laden ayaa Ayman Al-Dawaahiri oo la wareegay maamulka Al-Qaacida ogolaaday in Al-Shabaab ay xubin ka noqoto Al-Qaacida, iyadoo Axmed Godane oo hogaamiya Al-Shabaabka uu soo dhoweeyey kuna tilmaamay in dagaalka Jihaadka uu guuleystay.
Fariimaha Axmed Godane iyo Bin Laden waxay u muuqdaan kuwo niyadjebinayey markasta Godane iyo saaxiibadiisa ku dhow oo qabay fikirka ah in deg deg loo dhiso dawlad khilaafo Islaami ah oo ay Al-Shabaab madaxweyne ka tahay, hase yeeshee talada Bin Laden ayaa sababtay in qaabkii ay wax u rabeen- oo dabcan taageerana kaga rabeen Bin Laden uusan dhaqangelin.
RBC Radio
 

Muxaadaro ku baxaysa Afafka Maayga iyo Maxaatiriga Sheekh C/wahaab Sh. Ufurow

Hargeysa: Boqor Buurmadow oo Qaadacay Maxkamada Qaadeysa Dacwadiisa

$
0
0

image: 

Hargeysa (RBC) Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Axad ah inuusan hortagi doonin maxkamada qaadeysa dacwadiisa illaa inta uu ka helayo maxkamad caddaalad ku saleysan, sida uu sheegay qareenkiisa.
Garyaqaan Maxamed Siciid Xersi oo ka mid ah qareenada u doodaya Boqor Cismaan Buurmadow oo maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyay in qareenada ay goosteen inay joojiyaan ka jawaabida eedeynta xeer ilaalinta ay soo jeedisay ee lagu soo eedeeyey Boqor Buurmadow kadib markii sida uu sheegay, maxkamadu ay wax ka qabanweysay sharci daro ay ku kacday xeer ilaalinta dacwada soo oogtay.
“Waxaa dhacday in aanu dalbanay in wax laga qabto qodobada sharci ahaan loo cuskaday dacwada Boqor Buurmadow oo aan ahayn kuwo sax ah oo jira sidaa darteed Khamiistii ayey ahayd in mar labaad maxkamada lagu soo laabto oo wax laga soo bedelo qodobaasi laakiin may dhicin oo xeer ilaaliyuhu intii unbuu la soo laabtay gudoomiyaha maxkamaduna wax wuu ka qaban waayey,” ayuu yiri garyaqaanka u doodaya Boqor Buurmadow.
Garyaqaanka ayaa intaa ku daray in saddexda qareen ee difaacaya Boqor Buurmadow ay goosteen inay dacwada ka baxaan sidaasina ay ku wargeliyeen Boqor Buurmadow isaguna uu ka aqbalay.
“Markii aanu Boqor Buurmadow ku wargelinay arintan iyo go’aanka aanu qaadanay wuu naga aqbalay, isaguna wuxuu goostay inaanu mardambe maxkamada hortegi doonin illaa inta uu caddaalad ka helayo” ayuu qareenku sii raaciyey hadalkiisa.
Garyaqaanka ayaa ku eedeeyey maxkamada iyo xeer ilaalinta inay u hogaandan yihiin faragelin xukuumadda iyo madaxtooyada Somaliland ku hayso dacwada Boqor Buurmadow, wuxuuna sheegay in wasiiro ku dhow madaxtooyada ay hoos ka riixayaan eedaha loo heysto Boqor Buurmadow.
Khamiistii toddobaadkii dhamaaday ayaa loo ballansanaa in markale dib loo furo maxkamada Boqor Buurmadow oo hadda xiran mudo ka badan labo bilood ah hase yeeshee waxaa maxkamada ay dhici weysay kadib markii garyaqaanada u doodaya Boqor Buurmadow ay ka biyo diideen eedaha la soo celiyey ee xeer ilaalintu keentay kuwaasoo horey ay u dalbadeen in wax laga soo bedelo qodobada looo cuskaday.
Lama oga xilliga maxkamadadib loo furi doono maadaama uu Boqor Buurmadow qaadacay maxkamada, waxaana weli aan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay xeer ilaalinta iyo xukuumadda oo la xiriira waxyaabaha lagu eedeeynayo.
 
 
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa

Barnaamijka Madasha Dastuurka (Q-4aad)

$
0
0

Barnaamijka maanta waxa uu si gaar ah uga hadlayaa shareecada iyo dastuurka Somalia, waxana ka qeyb gali doona Sheekh Maxamed Axmed (Garyare) oo ka mid ah culimada ugu magaca dheer Soomaalida iyo Prof. Cabdiwaaxid Sheekh Cusmaan Qalinle oo sharciga ka dhiga Jaacadda Minnesota ee dalka Maraykanka.

Barnaamijka oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

WAR DEG DEG AH: Francois Hollande oo ku guuleystay doorashádii madaxweynenimada Faransiiska

$
0
0

War deg deg ah: Waxaa daqiiqado yar kahor la shaaciyay natiijadii doorashadii madaxtinimada Faransiiska waxaana si cad ugu guuleystay musharixii sooshaaliistaha (socialist) Francois Hollande, wuxuuna ka guuleystay madaxweynaha haatan talada dalkaas haya Sarkovy.

Sarkozy wuxuu qiray in laga guuleystay isagooo dhanka kale hambalyo u diray ninka ka guuleystay ee ka soo jeeda xisbiga hantiwadaaga, ninkaas oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda wax beeqaaminta ah ee uu Jarmalku horjoogaha ka yahay.

Wixii war ah  ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.

France oo dooratay Hollande

$
0
0

FransiiSBka ayaa Madaxweyne u doortay Francois Hollande. Wuxuu ka adkaaday Nicolas Sarkozy.


Sudlan Faqi: Si Xun Ayaa La Iila Dhaqmay

$
0
0

Waxaa weli Muqdisho ka socda shirka Salaadiinta dhaqanka beelaha  Somaalida ay  ku soo xulayaan ilahaa 825 xubnood oo ansixineysa dastuurka ay somaliya yeelaneyso ee hadda Qabya Qoraalka ah.

Iyadoo ay shirkaasi ka qeybgalayaan inta badan 135kii oday dhaqan  ee lagu casuumay, ayaa waxaa soo baxay cabasho ka imaaneysa qaar ka mid ah salaadiinta.

Suldan Faqi Sayid Suldan oo ka mid ah salaadiinta beelaha koonfurta somaliya ayaa sheegay in ciidamo boolis ay ka hor joogsaden shirka oo lagu casuumay si xunna loola dhaqmay.

Suldaanka oo la soo xiriiray idaacadda VOAda ayaan ugu horeyn weydiyay sababta uu noola soo xiriiray.

France oo Madaxweyne Cusub Dooratay

$
0
0

Dalka Faransiiska ayaa yeelan doona hogaamiye cusub ka dib markii musharaxii xisbiga Hantiwadaaga Francois Hollande uu kaga adkaaday madaxweynihii kursiga Difaacanayay Nicolas Sarkozy doorashada madaxtinimo ee Faransiiska.

Iyadoo inta badan la tiriyay codadka ay dadku dhiibteen ayaa  Mr. Hollande waxa uu ku Guuleystay 52 boqolkiiba codadka, halka Mr. Sarkozy uu helay 48 boqolkiiba.

Kumanaan taageerayaasha Mr. Hollande ayaa isugu soo baxay iyagoo farxad la Qeylinaya fagaaraha Paris' Palace de la Bastille, ee caasimada Paris axadii shalay.

Mr. Hollande, oo isagu ka soo horjeeda in badan oo ka mid ah talaabooyinka adag ee Gunti isku-jiijinta dhaqaalaha Faransiiska ayaa u sheegay dadkii isu soo baxay, in aaney Aheyn un dad doonaya isbedel, balse waxa uu ku tilmaamay dhaq dhaqaaq ka soo If Baxay, guud ahaan Yurub.

Madaxweynaha talada ka sii socda ayaa sheegay inuu isaga masuul ka yahay guul Darada doorasho ee soo wajahday.

Mr. Hollande ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horeeyay ee Faransiiska ee ka baxa Xisbiga garabka bidix, ku dhawaad 20 sanadood.

War ka soo baxay Aqalka cad ee dalkan Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Barack Obama uu taleefan ugu hambalyeeyay Mr. Hollande oo uu ku martiqaaday Aqalka Cad, ka hor inta uusan Mareykanka u iman shir Madaxeedka G-8 iyo isbaheysiga Nato Dhamaadka bishan.

Juventus Oo Hanatay Koobka 28-aad Horiyaalka Serie A & Milan Oo Guuldaro Loo Huwiyay Kulankii San Siro Ee derby-ga

$
0
0

image: 

Xubinta Ganacsiga Cayaartoyda Juventus oo u dabaal dagaya Mirko Vucinic goalka uu dhaliyay intii ay socotay ciyaartii Serie A-da ay kaga soo horjeedeyn Cagliari axad. Sawirka /AP
Turin (RBC) Kooxda Juve ayaa horiyaalka Talyaaniga xaley hanatay tan iyo sagaalsano oo ay indhaha uun ka buuxsaneysay cida hanata, xiligaas oo ku beegned sanadkii 2003-, waxa ay arrintan ugu mahadcelineysaa weeraryahanooda Mirko Vucinic iyo Marco Borriello oo marwada duqa hamigaas siiyay.
Sidoo kale kooxda ka dhisan magaalada Turin-waxa ka dhigtay in aan laga badin 37-kulan horiyaalka Talyaaniga, taas oo lamacno ah in 22-kulan badisay 16-kalena ay barbardhac ama draw keentay 38-kulan ee horiyaalka la cayaaray xili ciyaareedkan.
Juventus waxa guul daro ugu dambeeysay bishii May 15-keedii xiligaas oo ay ka adkaatay kooxda Parma
Kooxda waxa ay dadka cayaaraha Talyaaniga u dhuun daloola lee yihiin waa xiligii ugu fiicnaa, waayo waxa daliil cad u ah, markii siddeed kulan oo isku xiga ay wada adkaatay marka laga reebo kulankii barbardhaca ee Arbacadii hore la gashay kooxda  Lecce on Wednesday.
Kooxda Juventus waxa koob ugu dambeeyay sanadihii  2004-05 iyo 2005-06-laakin koobabka waxa looga qaaday kaddib markii ay ku soo baxday fadeexad, waxana kooxda loo celiyay ciyaaraha Serie B, laakin macalinka da’da yer Antonio Conte, mid ka mid ah kooxaha ugu waayeelsan Talyaaniga dib u soo celiyay sumacadeeda.
Arrinta kale ee saaka ay hadal hayaan wargesyad dalka Talyaaniga, waxa ay tahay in xidiga ku gaamuray kooxda  Alessandro Del Piero uu ka dhaqaajinaayo kooxda  xili ciyaareedkan, waxana uu noqday xidiga ugu waqtiga dheer ee soo maray kooxda, markii kaga soobiiray kooxda Padova sanadkii 1993-
Kooxda kaliye ee ku soo xigtya Juve, waxa ay ahayd, AC Milan, taas oo guuldaro 4-2 kala kulantay kooxda ay isku magaalada yihiin ee xifaalan Inter Milan cayaartii xaley ka dhacday San Siro stadium.
Inter’ Waxa goolasha seddax ka mid ah  hat-trick Diego Milito ayaa ansixiyay labo la mid ah waxa ay ahaayeen Rogoorooyin, taas oo 2 iyo 1 qeybtii labaad bilowgedii .
AC Milan fursdan in ay kaluntay waxa cadeeyay xidigooda, Zlatan Ibrahimovic kaa oo sheegay in wax badan oo fursado ah, meesha u owlin.
Juventus, waxa ay horiyaalka u dabaal degtay iyadoo hal kulan ka harsan, yahay, waayo waxa ay hadda ku hoggaamineysa afar dhibcood oo nadiif ah,
Cayaaraha kale ee laga ciyaaray horiyaalka Italy – Serie Waxa ay u dhaceyn siddan
FT    Siena    0 – 2    Parma
 FT    Atalanta    0 – 2    Lazio
 FT    Bologna    2 – 0    Napoli
 FT    Novara    3 – 0    Cesena
 FT    Palermo    4 – 4    Chievo
 FT    Udinese    2 – 0    Genoa
 FT    Cagliari    0 – 2    Juventus
 FT    Inter Milan    4 – 2    AC Milan
===================================
Horiyaalka England – Premier League oo ka harsan hal kulan sidan ayaa loo ciyaaray
Waxa madaxa isugu jira labada Manchester, laakin cida noqota horiyalka waxa ay kala cadaan doontaa toddobaadka dambe.
07:41    May 6
 FT    Newcastle U.    0 – 2    Manchester C.
 FT    Aston Villa    1 – 1    Tottenham H.
 FT    Bolton W.    2 – 2    West Bromwich A.
 FT    Fulham    2 – 1    Sunderland
 FT    Queens Park R.    1 – 0    Stoke C.
 FT    Wolverhampton W.    0 – 0    Everton
 FT    Manchester U.    2 – 0    Swansea C.
RBC Radio
————————
Xafiiska Cayaaraha Nairobi

Wax Garadka Reer Puntland OO Soo dhaweyay Shirka ka socda Muqdisho.

$
0
0

Bossso(GMN) Magalda Bossaso Ee Xarunta Gobalka Bari ayaa waxgaradka ku nool aad usoo dhaweyeen shirka Odaal dgaqmeedka ee kasocda Caasimada dalka.
 
Waxgarad ka iyo aqanooyanada soomaliyeed ayaa ku til mamay shairkaasi mid faadio uwu jirto dalka sooliya madama laga tashanayo ayaha Dalka.
 
Siyaasiinta,Culimda,Waxgaradka, iyo Shacabka Ku nool magalada Bossaso ayaa aad u hadal haya Shirka muqdisho ee lugu wado in lugu soo xulo ergooyinka ansixinaya Dastuurk Cusub Ee loga Gudbayo KMG.
 
Magadla muqdisho Ee Casimada Soomliya ayaa maalintii Sadexaad waxaa ka soconaya Shirka Odayaal dhaqmeedka Belha Soomliyeed kaas ay ku soo xuli donana Xubnaha la doonayo iney mel mariyaan dastuurka iyo soo xulitaanka baarlaaman cuucb e badalaya baarlamanka hada jira ee Somliya.
Gedoonline@gmail.com

Mucaaradka Sierra Leone oo ka soo horjeestay Ciidamada loo dirayo Soomaaliya

$
0
0

Dalka Galbeedka Afrika ku yaala ee Seirra Leone oo bisha June ee soo socota la filayo in Soomaaliya u soo diraan Ciidamo gaaraya 800-askari qeyb ka noqonaya howl galka Amisom ayaa waxaa durba ka soo horjeestay qorshaha Ciidamada lagu geynayo Soomaaliya Ururada Mucaaradka dalkaas.
Urur lagu magacaabo an-African Community Movement (PACM) ayaa ugu baaqay dowladda inay si deg deg ah uga laabato go’aanka ay Ciidamada ugu direyso Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay Ururkan PACM ayaa sheegay in aysan diidaneyn inay ka hor-jeesato in Sierra Leone ka qeyb qaadato caawinta dal ka tirsan Afrika, balse aanay habooneyn in reer Galbeedka ay adeegsadaan.
Ururkan ayaa sheegay inay dhibaato ka dhalan karto hadii Ciidamada loo diro Soomaaliya, gaar ahaan ammaanka dalkaas inuu qatar galayo.
Al-Shabaab ayaa dhowaan digniin u dirtay Dowladda Serra Leone, waxaana ay uga baaqday inay ka laabato go’aanka ay ciidamada ugu soo direyso, hadii kale ay la kulmeyso weeraro.
Dowladda Seirra Leone ayaa ku adkeysaneysa in ciidamo u diri doonto Soomaaliya June, iyadoo ciidamadan ka howl geli doonaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo, si ay ugu biiraan Ciidamada ka socda Kenya ee ka qeyb qaadanaya howl galka Amisom.
Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Seirra Leone ay tagi doonaan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howl galka Amisom.

Hollande oo ka hadley mustaqbalka France

$
0
0

Madaxweynaha cusub ee dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa doorashadiisa kadib, waxaa uu ka shaqeynayaa dhismaha dowlad cusub.

Guddiga Dastuurka: Dastuurkani waa "Dastuur Yare"

$
0
0

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa difaacay in odayada hadda joogaa ay yihiin kuwii soo jireenka ahaa.

Dhinaca waxa Idaacadda VOA ay la hadashay qaar ka mid ah odayada dhaqanka oo ka hadlay mas'uuliyadda saaran.

Waresyiyo iyo barnaamij gaar ah hoosta ka dhageyso.


Zambia: Muran ka Taagan Safaaradda Soomaalida

$
0
0

Muran u dhexeeya labo mas'uul oo siyaabo kala duwan loogu soo magacaabay safaaradda ayaa keenay in ay xayirmaan howlihii safaaraddu.

Dhiinaca kale Sii-hayaha safaaradda Ismaaciil Maxamed Aadam oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in safaaraddu aanay xirneyn hase yeeshee, dad gaari ahi ay warbaahinta siiyeen warar aan sax ahayn.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Jigjiga: Nolosha oo Horumareysa

$
0
0

Shanti sanadood ee u dambeysay waxaa isbdel dhinaca nolosha horumarka, caafimaadka waxbarashada iyo dib u dhiska laga dareemayay magaalooyinka hoos yimaada dowlad degeenka Somalida Ethiopia.

Horumaradaasi xoogooda waxaa kaalin ku leh qurba joogta gobolka ka soo jeeda ee ku nool Yurub waqooyiga America iyo Meelo kaleba.

Hay’adda ay ku bahoobeen haweeenka qurba joogta ee Gobolkaa ka soo jeeda ayaa ka mid ah hay’adaha kaalinta ku leh horumarinta .

Hay’adaasi waxaa madax ka ah Fowziyo Sheikh Cabdullahi Cali, Fowziya oo howl shaqo ku joogta Magaalada Jig jiga ee xarunta dowlad degaanka Somalida Ethipia.

Barmaanijka oo maqal ah halkan hoose ka dhageyso.

Mogadishu: Shirka Salaadiinta oo Maalintii 3aad Galay

$
0
0

Waxaa weli Muqdisho ka socda shirka Salaadiinta dhaqanka beelaha  Somaalida ay  ku soo xulayaan ilahaa 825 xubnood oo ansixineysa dastuurka ay somaliya yeelaneyso ee hadda Qabya Qoraalka ah.

In ka badab 100 hogaamiye dhaqameed ayaa maalintii sadexaad ku shirsan Muqdisho.

Goobta ay odayaasha ku shirayaan waxaa maanta booqday wariyeheena Muqdisho Axmed Xassan Colaad warbixin ayuu ka soo diray.

Warbixinta oo maqal ah halkan hoose ka dhageysto.

Japan oo Deeq Siisay Boolis Somalia

$
0
0

Dowladda Japan ayaa shalay ku wareejisay DKMG ah qalab isugu jira Gaadiid iyo agabyo kale oo ay ugu deeqday ciidmada Booliska dowladda.

Xafladii wareejinta ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Aden Cade ee magaalada Muqdisho

Warbixinta oo maqal ah halkan hoose ka dhageyso.

Dowladda KMG oo sheegtay in la mideynayo ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

$
0
0

Dowladda KMG ayaa sheegtay in dhawaan la mideyn doono ciidamada
dowladda KMG iyo kuwa kale ee Ururada taageera dowladda KMG oo ay ku
jiraan kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca, isla markaasna aysan dhici doonin
wixii hadda ka dambeeya ciidamo si kala goonigooni ah uga howlgala
dalka Soomaaliya.
Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo la
hadlay warbaahinta ka dib kulan ay shalay magaalada Muqdisho
kuyeesheen Guddiga amniga Isku dhafka ah ayaa sheegay in shirka looga
hadlay sidii loo mideyn lahaa ciidamada dowladda KMG iyo kuwa kale ee
Ururada iyo maamul goboleedyada taageera dowaldda KMG Soomaaliya,
wuxuuna intaasi ku daray in qorshihii lagu mideyn lahaa uu hadda ka
socda magaalada Muqdisho, arrinkaasina loo xilsaaray sarakiil gaar ah.
“Shirka looga hadlay mideynta ciidamada dowladda KMG iyo kuwa maamul
goboleedyada iyo ururada kale ee taageera dowladda KMG waxaa ka
qeybgalay Dowladda KMG, Maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna
Waljamaaca, kulankaasina waxaa la isku raacay sidii loo sameyn lahaa
hal ciidan oo ay dowladda KMG yeelato, isla markaasna meesha laga
saaro ciidamada kala duwan ee maamul goboleedyada iyo kuwa Ururada
siyaasadeed ee hadda jira” ayuu yiri C/weli Gaas.
“Ciidamada AMISOM wax yarbey dalka joogayaan, sidaas darteed waxaa loo
baahanyahay in la helo ciidamo xoog leh oo bedela kuwa AMISOM marka ay
dalka ka baxaan, mana aha in qolo kasta ay ciidan si gaar ah u heysato
oo ay deegaan gooni ah oodato, sidaas awgeed waxaa loo baahanyahay in
ciidamada la isku dhafo, tababar la siiyo, ka dibna ay noqdaan hal
ciidan oo ay Soomaaliya leedahay” ayuu yiri markale Ra’isul wasaare
C/welli Maxamed Cali {Gaas}.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live