Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qorshe Bomb oo uu helay Maraykanka

$
0
0

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inay heleen qorsho la doonayay in bobm lagu qarxiyo diyaarad maraykan, iyadoo bobm la soo galiyay dharka hoos laga xirto lagu soo qarinayo.


Nairobi: Ganacsigii Eastleigh oo Joogsaday

$
0
0

Ganacsata deegaanka Easleigh ee magaalada Nairobi ayaa ka dibadbaxay amni darro ay sheegeen in goobta ay aad ugu soo badatay.

Habeenkii xalay ahaa ayaa la sheegay in dukaamo dhowr ah la jabsaday, maal baddan laga qaatay.

Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

Soomaali fara badan oo maanta dibad bax ballaaran ka dhigtay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

$
0
0

Kumanaan Soomaali ah ayaa maanta sameeyay dibad bax ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ganacsatada Suuqa islii ee Magaalada Nairobi.
Banaanbaxa ayaa ka dambeeyey kadib marki xalay la dhacay qeybo badan oo ka mid ah tukaamada ganacsiga ee ku yaala Suuqa Islii, halkaas oo ay kooxo hubeysan ka dhaceen lacago fara badan.
Dad aad u fara badan ayaa ka qeybgalay banaanbaxa, waxaana ay ku qeylinayeen erayo ka dhan ah kuwa wax dhacay oo ay ku sheegeen kooxo Kenyan ah oo doonaya in ay qasaan amaanka xaafada Istlii.
Ciidamada amaanka ayaa goobta tagay iyaga oo wata sunta indhaha qiiqa ka keento iyo xabadaha rabarka, laakin dibadbaxa ayaa ahaa mid nabadgalyo ah ciidamaduna meysan iska hor imaan banaanbaxayaasha.
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kaamkunji oo ay qeyb ka tahay Islii, Yusuf Xasan ayaa la hadlay banaanbaxyaaasha isaga oo ku qanciyey in arinta ay tabanayaan ganacsatada wax laga qaban doono.
Waxaa uu sheegay inuu kala hadli doono dowlada, sidoo kalana uu hor dhigi doono baarlamaanka Kenya oo uu xubin ka yahay dhibaatada lagu hayo Suuqa Islii.
Suuqa Islii ayaa ah kan ugu weyn oo ay ku ganacsadaan Soomaalida, sidoo kale waxaa halkaasi ku nool Soomaalida ugu badan ee magaalada Nairobi dagan.
 

Ciidamo ka tirsan dowladda oo toogasho ku dilay labo nin looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilkii xalay

$
0
0

Ciidamada ka tirsan dowladda dowlada Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay laba nin oo loogaga shakisanyahay in ay lug ku lahaayeen dilal kala duwan oo xalay degmada Wadajir ka dhacay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen askar ka tirsan ciidamada dowlada oo tooganaya laba nin oo mid ka mid ah laga yaqaanay xaafada Buula Xuubeey inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4.
Qof diiday magaciisa ayaa sheegay in nin ka mid ah labada ruux ee la dilay lagu weeraray xaafada Tiitiinleey oo duleedka kaga taala dhismaha xarunta UNDP ee degmada Wadajir.
Sida ay wararku sheegayaan dilalkaan ayaa daba socda afar ruux oo xalay siyaabo kala duwan loogu toogtay xaafada Buula Xuubeey ee degmada Wadajir oo kooxo ka tirsan Al Shabaab ay dad ku laayen.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada amaanka iyo maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dilalkaasi.

Shirkii Guddiga Wadajirka Nabadgelyada Soomaliya Oo Muqdisho lagu soo gebagebeeyay

$
0
0

Kulankii guddiga wadajirka nabadgelyada Soomaaliya oo muddo labo malamood ah ka socday caasimadda ayaa la soo gebagebeeyay iyadoo gebagebadiisa laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin mideynta ciidamada dowladda.
Kulankani ayaa waxaa ka soo qeybglay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin R/wsaare C/weli ‘Gaas’, ku xigenka R/wasaaraha ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Cise, Wakiillo ka socday maamullada Puntlnad galmudug ahlusunna, wakiillo ka socday beesha caalamka Midowga Afrika iy Igad.
Kulanka ayaa markii la soo gebageebeeyay waxaa warbaahinta dowladda la hadlay R/Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga mudane Xuseen Carab Ciise oo sheegay in ka qeybgaleyaasha shirka ay isku racaeen in la mideeyo dhammaan ciidamada  dagaallada ku jira meel kasta oo ay joogaan oo ay hoos yimaadaan taliska xoogga dalka Soomaliyeed isalamrkaasna la sii dardar geliyo tababarrada joogtada ah oo ay qaadanayaan ciidamadaasi.
Qodobbada kale ee laga soo saaray gebagebada shirka waxaa ka mid ahaa in dowladaha Caalamka ka qeybqaataan dib u dhiska ciidamada qalabka sida, iyo xerooyinka ciidamada, waxaana daanjireyaashii ka qeybgalay ay si weyn ugu hambaalyeeyeen ciidamada dowladda iyo Amsimo guulaha ay ka gaareen howlgallada ay ka sameeyeen casimadda iyo goboollada dalka.
 

Suldaan Saleebaan Oo Si Diiran Maanta Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Boorama Ka Dib Markii Uu Dhawaan Ku Maqnaa Magaalada Hargeysa

$
0
0

Boorama-(Idhanka) Waxaa maanta magaalada Boorama si diiran loogu soo dhaweeyay Suldaan Saleebaan Cali oo ka mid ah salaadiinta Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley kaas oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaala madaxdda Somaliland ee Hargeysa.
Suldaanka ayaa dadwayne badan iyo gaadiid kaga hotageen magaalada Dilla si ay ugu soo galbiyeen caasimada Gobolka Awdal ee Boorama.
Suldaanka ayaa soo gaadhay magaalada Boorama Salaadii Duhur ka bacdi isaga oo ay galbinayeen gaadiid iyo dadwayne aad u tira badan kuwaas oo caleemo iyo heeso u qaadayay Suldaanka.
Si kastaba ha ahaatee soo dhawaynta suldaanka ayaa ka danbaysay dhawaan markii uu shirka odaydhaqameedyada Somaliland iyo xukuumada Siilaanyo ay kulan wada tashi ku yeeshen magaalada Hargeysa halkaas oo uu ka jeediyay qudbad ahayd mid aad u xiisa badan oo dhinaca beelaha dhexe ku socotay.”
Goor Dhow Filow Sawirada Iyo Khudabad uu Jeediyay Suldaan Saleebaan Cali
BOL

R/wasaare C/weli Oo Qaabilay Wafuud Ka Socotay Q.M. Midowga Yurub Iyo Mareykanka

$
0
0

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho Ugu qaabilay wafuud ka kala socotay Q.midoobay, Mareykanka iyo Midoowga Yurub.
C/weli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa ugu horeyntii waxa uu kulan la qaatay wafdi Ballaaran oo ka socday qaraamda midoobay kuwaas oo ay hoggaaminaysay ku Xigeenka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay haweeneyda lagu magacaabo Catharine Brag, kadib markii ay booqasho rasmi ah ku yimaadeen Dalka.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaasi kadib Warbaahinta dowladda uga waramay waxyaabaha uu kala hadlay haweeneyda ah Ku xigeenka xogahayaha guud ee Q.Midoobay ee xagga bani’aadaninmada waxa uuna Farta ku fiiqay in ay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin  bani’aadannimada, Iyo sida loo dardar gelin lahaa howlaha Qaramada Midoobay ay ka waddo Soomaaliya.
Sidoo kale ku xigeenka xagga bani’aadanimada ee xoghayaha guud Q.Midoobay  Catharine Bragg ayaa warbaahinta u xaqiijisay in R/wasaaraha ay warbixin ka Siisay qorshe ay ugu kuurgalayaan xaaladda ay ku suganyihiin dadka ku barakacay Gudaha dalka waxa ayna uga mahadcelisay R/wasaaraha soo dhaweynta diirran Uu u sameeyay wafdigeeda oo markii ugu horreysay soo booqday caasimadda.
Wafdigaan ka socday qaramada midoobay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah iskuduwaha arrimaha gargaarka bani’aadnimada q.Midoobay ee Soomaliya mark Bowden iyo xubno kale.
R/wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale siyaabo gooni gooni ah ula kulmay Danjiraha dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James Swan,madax Midfowaga Yurub ee Somalia George Mark Andrea kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay usii labo jibaari lahaayeen tagaeerada ay sinayaan dowladda iyo shacbigeeda.
 

Somaliland oo Diidday Hadalkii DKMG ee Shirka Odayada

$
0
0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay Shirka odayaal dhaqameedka ee ka socda Muqdisho aanay ku jirin cid metelaysa Somaliland, waxayna masuuliyad darro ku tilmaameen in masuuliyiinta DKMG ah laga maqlo hadalo noocaas ah.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay ka hadashay in hakad ku yimi dedaal ay dawladda Turkigu doonaysay inay isugu keento Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Afhayeenka Madaxtooyada ee Somaliland Cabdullaahi Daahir Cukuse ayaa ka hadlay.

Wareysi arrintaas ku saabsan hoosta ka dhagesyo.


Muqdisho: Madfac Dilay Toddobo Qof

$
0
0

Toddobo qof oo labo ka mid ahi ay caruur ahaayeen ayaa ku dhintay madfac xalay ku dhacay xaafad ka mid ah degmada Hodan.

Madfacan ayaa la sheegay in laga soo riday duleedka magaalada Muqdisho oo ah meelaha ay wali ku sugan yihiin dagaalyahaniinta Al-Shabab oo iyagu dagaal kula jira DKMG ee Somalia.

War arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Dowladda Iiraan oo sheegtay in dagaalada sokeeye ee ka socda Soomaaliya ay dhiiragelinayso dowladda Mareykanka.

$
0
0

Taliyaha ugu sareeya ciidanka Badda Iiraan Admiral Xabiibulaah Sayari
ayaa sheegay in kooxaha Burcad badeeda Soomaalidu qiyaas ahaan ay
sababeen waxyeelo ka badan $7 bilyan oo doolarka Mareykanka ah oo ka
dhan ah dhaqaalaha caalamka, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimada
howlgalka ka dhanka ah Burcad badeeda ee ay dawladda Iran ka wado
biyaha caalamiga ah.
Sida uu sheegay Wargeyska Tehran Times Admiral Xabiibulaah waxa uu
hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirkii 20-aad ee ururka
badmareenada dalkiisa oo lagu qabtay jasiirada Kish Island oo ku taala
gacan-biyoodka Persian, wuxuuna intaasi ku daray in Burcad-badeeda
Soomaalidu sababtay khasaaraha qiyaas ahaan 7 illaa 12-bilyan oo
dollar iyo afduubka 1,090.
Admiral Sayyari waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda Maraykanku ay
tahay midda dhiirigelisa sida uu hadalka u dhigay dagaalka sokeeye ee
Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay sababta keentay dhibaatada ka taagan
dalka Soomaaliya oo 22-kii sanadood ee u dambeeyay dhibaatooyin ay ka
socdeen, isla markaasna arrinkaasi ay dabada ka riiixayaan dowlado ay
ka mid tahay Mareykanka.
“Khilaafaad gudaha ah ee dalka Soomaaliya, Kalluumaysiga
sharci-darrada ah ee biyaha Soomaalida iyo ku daadinta wasakhda
Nukliyeerka ee dalal kala duwan waxay sababeen shaqo la’aanta iyo
degenaansho la’aanta xeebaha dalkan Soomaaliya, waxaana muuqata in la
sii hurinayo dhibka ka jira Soomaaliya, waxaana haatan muuqata in
dalal badan ay ay si sharcidarro ah uga kalluumeystaan Soomaaliya oo
ay kheyraadkeeda xadaan” ayuu yiri Taliyaha ugu sareeya ciidanka Badda
Iiraan Admiral Xabiibulaah Sayari.

Ahlusuna iyo Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Wabxo

$
0
0

Dagaalo xoogan ayaa xalay ku dhexmaray deegaanka Wabxo ee duleedka magaalada Ceelbuur Al-Shabaab iyo Ahlusuna, iyadoo labada dhinac ay guulo ku kala sheegteen.
Sida wararku sheegayaan dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii Shabaab weerareen fariisin Ahlusuna ku lahaayeen Wabxo, halkaas oo labada dhinac dagaal adag uu ku dhex maray.
Afhayeen u hadlay Shabaab ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Ahlusuna, isla markaana ay la wareegeen deegaanka.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ahlusuna ayaa sheegay in dhankooda guulo ka gaareen, iskana caabiyeen weerarkii ay soo qaadeen, iyagoo beeniyay in lagala wareegay Wabxo.
Dhinaca kale xaalad degenaansho aan cago adag ku taagneyn ayaa ka jirta deegaanka Wabxo iyo hareerihiisa, halkaasoo wali xiisado dagaal ka jiraan.
Dagaalkii xalay ayaa ku soo aadaya xilli maalin ka hor dagaal la mid ah kaas uu ka dhacay inta u dhaxeysa Wabxo iyo Guriceel, markii jidka loo galay Kolonyo ay la socdeen Ahlusuna.
Shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray qeybo ka mid ah Galgaduud dagaalkooda u rogay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyadoo inta badan wadada u galaan gawaarida sahayda iyo kuwa ciidanka ee mara wadada isku xirta Ceelbuur iyo Guriceel.
 
 

DAAWO VIDEO: Raysal Wasaare Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Beeraha Oo Ugu Baaqay Odoyaasha Dhaqanka Inay Badbaadiyaan Wadanka

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in Maraakiibteeda dagaalka ay kala baxeen xeebaha Soomaliya ka dib markii…

$
0
0

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha reer galbeedka ee
maraakiibta iyo ciidamada ka joogaan xeebaha Soomaaliya ayaa si rasmi
ah ula baxday seddex markab oo ka joogay xeebaha gacanka Cadmeed iyo
kuwa Soomaaliya, sida uu shaaciyey wargeyska The Guradian.
Wargeyska ayaa shaaciyey in Xukuumadda David Cameron ay dib ugu
yeeratay saddex markab oo nooca dagaalka oo kajoogay xeebaha
Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka ahaa hawlgalka loo bixiyey la dagaalanka
burcad badeeda ee reer galbeedka ka wadaan xeebaha Soomaaliya iyo
Gacanka Cadmeed ka dib markii xukuumadda Britain ay weysay maraakiib
ku filan oo u go’an hawsha ilaalada badaha ee laga wado bariga Afrika.
Dowladaha Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Denmark iyo Talyaaniga
ayaa hadda ku haray hawkgalka ka hortaga burcad badeeda ee ay
hormuudka ka yihiin reer galbeedka, waxaana ilo wareedyo dawlada
Ingiriiska ku dhow ay u sheegeen wargeyska The Guradian in sababo
dhanka dhaqaalaha ah ay saameyn ku leeyihiin in dawlada Ingiriiska ay
joojiso hawlgalkii ay kula jirtay wadamada kale ee galbeedka.
Wasaarada gaashaandhiga Ingiriiska ayaa xaqiijisay in labo markab oo
kuwa dagaalka ah ay ku reebi doonaan Kanalka Suez si ay halkaasi
ilaalo uga noqdaan maraakiibta ganacsi ee Ingiriiska laga leeyahay ee
adeegsada marinka Suez.
Sanadkii tagay kooxaha burcad badeeda ayaa la sheegayaa inay heleen
$160 milyan oo ah lacagta madaxfurashada ah ee ay ka qaataan
maraakiibta iyo dadka ay afduuaan.  Waxaana lagu tilmaamay lacagtaasi
mid aad uga badan sanadihii ka horeeyay.

Dowladda Soomaaliya oo si hoose u qorsheyneysa in Odayaasha ku Dhaqan Deegaanada Shabaab ay Magaalada Muqdisho keento

$
0
0

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in dhamaan odayaasha ka qeybgalaya shirka dastuurka ay joogaan inkastoo oo uu shegay inay jiraan odayaal dhaqameedyo qaar ah kuwaasi oo uu sheegay in meelaha ay ku sugan yihiin farsamadii lagaga soo kaxeeyn lahayn ay weli ku guda jiraan.
C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in aysan jiri karin ugaas dhaqameed laga tagi karo oo aan shirka ka qeyb gali karin wuxuu sheegay in ay jiriaan odayaal dhaqameedyo ka maqan shirka balse ay ku talo jiraan farsamadii lagu keeni lahaa madasha shirka.
Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan odayaal dhaqameedyo aan imaan shirka oo wakiilo soo dirsaday isaga oo sheegay in la ogol yahay wakiilasho.
Wuxuu sheegay in odayaal dhaqameedyada ay meel kasta ka yimadeen isaga oo xusay qaar ka yimid Jabuuti iyo sidoo kale Kenya.
Shirka odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka dalka ayaa wuxuu yahay mid si wanaagsan kaga soconaya gudaha dalka Soomaaliya iyadoona ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo madaxda dowladda taasi oo ku aadan qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka ka soconaya magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaare Cabdiwali Gaas oo diiday in xilka laga qaado Maareeyaha Dekeda Muqdisho

$
0
0

Kadib markii dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed uu ku amray Maareeyaha Dekeda Muqdisho inuu keeno warqadiisa istiqaalada, kadib markii ay sii xoogeysteen khilaafka ka taagnaa howlaha Dekeda iyo musuq maasuq lagu eedeeyay Maareeyuhu ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo ku aadanaa in aanu ku qanacsaneyn inuu warqadiisa istiqaalada soo gudbiyo, inta aan [...]


Dagaalo culus oo laba jeer dhacay oo dhex maray Ciidamadda Itoobiya iyo Xarakada Al Shabaab

$
0
0

Dagaalo culus ayaa waxay shalay iyo xalay ay dhex mareyn Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo ay ka dhinac dagaalamayaan Ciidamadda Ahlu Sunna Wal Jameeca iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo dhinac ah.
Dagaaladaan ayaa waxay labada dhinac ay ku dhex mareyn Deegaanka Wabxo ee duleedka Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, isla-markaana dagaalada ayaa mar waxaa soo qaaday Xoogaga Shabaab, iyadoo marka labaadna ay qaadeen Ciidamadda Ahlu Sunna iyo kuwa Itoobiya.
Dagaalada ayaa waxay labada dhinac ay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, iyadoo dagaaladu ay ahaayeen kuwo soconaayay dhawr saacadood, marka leesku daro labada waqti ee ay kala dhaceyn.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaaladaan ay ku dhinteen ilaa 10 askari oo labada dhinac ah, halka tiro intaasi ka badana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, isla-markaana waxaa jira gaari la-sheegay in laga reebtay Ciidamadda Shabaab, oo ay weerarka ku soo qaadeen.
Afhayeenka Ciidamadda Xarkaada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu ku faanay inay khasaaro culus u geysteen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya iyo Ciidamadda Ahlu Sunna Wal Jameeca, isagoona ka gaabsaday khasaaraha dagaaladaasi ka soo gaaray dhinacooda.
Iskusoo wada-duuboo Ciidamadda Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa waxaa la-sheegay in goobihii ay ku weerareyn Xoogaga Shabaab, ayaa waxaa la-sheegay inay ku sugan yihiin, iyadoo ayna halkaasi iskaga taggeen Al Shabaab.

Raa’isal Wasaaraha iyo Wasiirka Gaanshaandhiga ee Somaliya oo kulan la-qaatay Odayaasha Dhaqanka

$
0
0

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Raa’isal Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Xukuumadda Kmg ah ee Somaliya Mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa waxay kulan la-qaateen Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed.
Raa’isal Wasaaraha iyo Wasiirka Gaanshaandhiga ayaa waxay Odayaasha Dhaqanka ee Somaliyeed ay kula kulmeyn Magaalada Muqdisho, isla-markaana waxay kala hadleen sida ugu macquulsan ee amniga lagu helli karaayo.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay yihiin kuwa kaliya ee dib u soo celin karo nabadda dalka Somaliya.
Raa’isal Wasaaraha ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay yihiin kuwo laf-dhabar u ah bulshada Somaliyeed, isla-markaana ay lee-yihiin taageerada shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku daray in Odayaasha Dhaqan ay heystaan kalsoonida shacabka Somaliyeed.
Mudane Gaas ayaa wuxuu Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Soomaalida uu ugu baaqay inay isku keynaan shacabka Soomaaliyeed oo idil, ayna ka shaqeeyaan sidii dalka looga saari lahaa marxalada adag ee uu ku sugan yahay.


Dowladda KMG oo beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ka codsatay in gacan laga siiyo xoojinta amniga oo uu sheegay in…

$
0
0

Kulan looga hadlayey arrimaha ammanka ee dalka Soomaaliya oo ay
yeesheen Guddiga isku dhafka ah ee ammaanka dalka Soomaaliya ayaa waxa
uu ka dhacya magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen xubno ka
kala socday dowladda KMG, maamulada Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna
Waljamaaca, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Kulanka oo ahaa kii 13-aad socdayna muddo laba maalmood ah ayaa shalay
lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxay kulanka
qodobo ay ka mid yihiin in la adkeeyo ammaanka dalka iyo weliba
deegaanadii Al-shabaab laga qabsaday iyo in la sii dardargeliyo
dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Shirkan ayaa waxaa dowladda KMG uga qeybgalay xubno uu ka mid ahaa
Ra'isul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali oo sheegay in AMISOM
ay gacan ka geystay sidii looga saari lahaa dhul balaaran Al-shabaab,
isagoo sidoo kale xusay in loo baahanyahay in gacan laga geysto sidii
goobahaasi ammaankooda loo adkeyn lahaa.
“Qodobada muhiimka ah ee ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in
dowladda KMG gacan laga siiyo sidii ay u xoojin laheyd ciidamadeeda,
sidoo kalena dhamaan ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira
Al-shabaab loo mideyn lahaa” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya
Xuseen Carab Ciise oo markii uu shirku dhammaaday ka hadlay qodobadii
ka soo baxay, wuxuuna wasiirku intaasi ku daray inay ka codsadeen
beesha caalamka in ciidamadooda laga siiyo gacan sidii ay deegaanada
ay ku harsantahay Al-shabaab ula wareegi lahaayeen
Mas'uuliyiintii ka socday Qaramada Midoobay ee shirka ka qeybgalay
ayaa iyana sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin horumarka ay dhinaca
ammaanka ka gaareen dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM, waxayna sidoo
kale bogaadiyeen shirka odayaasha-dhaqanka uga socda magaalada
Muqdisho.

Baahi ka jirta Sudan

$
0
0

Madaxa jabhad la dagaallameysa dowladda Sudan ayaa ku baaqay in gargaar raashin oo deg deg ah lala soo gaaro shacabka.

Weerar Xalay ka Dhacay Dhadhab

$
0
0

Hal qof ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay weerar ay dabley hubeysan ku qaaday dad qaxooti ah oo ku sugan xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Nin u dhashay qowmiyadda Gambeelaha ee degta Sudan iyo Xadka Ethiopia ay la wadaagto Sudan ayuu ahaa qofka ay dableyda ku toogteen Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Qofka la dhaawacay ayaa aheyd gabar Soomaalieed oo ay haleeshay rasaas dableydaasi hubeysan ay ku furtay xerada Iffo.

Beryihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay falal amaan darri oo ay geysanayeen rag hubeysan oo wajiyada soo duubta.

Rag hubeysan ayaa xalay weeraray xerada qaxootiga ee Dhadhaab, hal qof ayey dileen mid kalena weey dhaawaceen.

Hal qof ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay weerar ay dabley hubeysan ku qaaday dad qaxooti ah oo ku sugan xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Nin u dhashay qowmiyadda Gambeelaha ee degta Sudan iyo Xadka Ethiopia ay la wadaagto Sudan ayuu ahaa qofka ay dableyda ku toogteen Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Qofka la dhaawacay ayaa aheyd gabar Soomaalieed oo ay haleeshay rasaas dableydaasi hubeysan ay ku furtay xerada Iffo.

Beryihii ugu dambeeyay waxaa ku soo badanayay falal amaan darri oo ay geysanayeen rag hubeysan oo wajiyada soo duubta.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live