Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

UK oo xasillooni ka raadineysa G. Afrika

0
0

Boqoradda UK ayaa baarlamaanka u sheegtay in ay UK ka shaqeyneyso sidii xaillooni loogu heli lahaa Geeska Afrika.


Shir dhaqaale oo ka furmey Addis Ababa

0
0

Ethiopia waxaa ka furmey shir loogu hadlaaya kobaca dhaqaalaha Afrika

Dagaal Xooggan oo Ka Dhacay Xudur

0
0

Ugu yaraan 17 Qof ayaa ku dhimatay tira kalena wey ku dhaawacmeen dagaal duleedka degmada Xudur ku dhex maray ciidamada DKMG ah oo ay kaabayaan kuwa Ethiopia iyo kooxda Al-shabab .

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulo la yirahdo Abaq- Gedey oo 18 km u jirta Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka bakool .

Dagaallka ayaa bilowday markii ciidmada dowladda iyo kuwa Ethiopianka ah ay weerar ku qaadeen fariisin ay tuurladaasi ku laheyd kooxda alshabab.

Xildhiban Maxamed Mashruuc oo ka tirsan saraakiisha dowladda ee ku sugan Xuduer ayaa VOAda u sheegay in dagaalka ay ku dileen 17 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabab isla markaana sadex askari oo kuwa dowladda ah lagu dhaawacay.

Ma jiran warar madaxbanaan oo xaqiijinaya sheegashada sarkaalkaasi ka tirsan dowladda.

Ganacsiga daawooyinka iyo dalxiiska Tunisia

0
0

Tunisiya ayaa ah wadan aan lahayn qayraad badan oo dabiici ah ama warshado badan waxay lacagta ugu badan uu wadanka ka helaa dalxiiska.

Daawo wararka olympiga

0
0

Wararka Olympiga ee toddobaadka

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Oo Saakay Ku Dhowaad Kun Askari Tababar Ugu Soo Xeraya Dalka Ugandha

0
0

image: 

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa saakay oo khamiis ah tababar ugu soo xeraya dalka Ugandha ku dhowaad Kun Askari oo kusoo biiraya Ciidammada Xoogga Dalkeenna.
Ciidammadan uu tababarka usoo xerayo Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mudo Lix bilood ah waxey tababar ku qaadanayeen xerada Kamamba ee duleedka magaalo madaxda dalka Ugandha ee Kampala ayadoo tababarkaasina ay siinayeen Ciidammada Saraakiil ka socotay Midowga Yurub oo iyagu tababarradan maalgelinaya.
General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa u jeedin doona Ciidammadan cusub ee tababarka uu usoo dhamaaday khudbad ku aadan waajibaadkooda iyo sida ay uga qeybgelayaan xoreynta dalka laga xoreynayo Maleeshiyada Al-Qaeda ayadoo sidoo kalena uu Taliyuhu Ciidammada qaarkood halkaasi abaal marinno ku gudoonsiin doono.
Marka tababarka loosoo xero Ciidammadan ku dhow Kunka Askari waxey dib ugu soo laaban doonaan dalkooda hooyo si’ay u gutaan waajibaadkooda islamarkaana ay uga dhabeeyaan dhaartii ay u mareen dalka,dadka iyo diinta.
Xerada Kamamba ee duleedka magaalada Kampala ayaa horey sidan oo kale loogu soo tababaray Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayadoo Ciidammadii ugu dambeeyey ee xeran ku tababarta uu tababarkooda usoo xeray Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise bilowga bishii September ee sanadkii aynu kasoo gudubnay waxaana Ciidammadaasi hada ay qeyb ka yihiin Ciidammada ka howlgalaya gudaha Dalka.
Dowladda Federaalka ee hada jirta ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay dib ugusoo nooleyn laheyd Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayadoo Dowladuna horey u tababartay Ciidammo farabadan waxaana taasi ay tahay mida muujineysa marxaladda ay Ciidammada ku suganyihiin iyo sida ay uga soo kabanayaan burburkii maadaama aynu wada xusuusanno Sanadguuradiii 52aad ee aas aaska Ciidammada Xoogga Dalka sida ay Muqdisho ugu dabaal degeen.
Marka la is barbardhigo Sanado ka hor sida ay ahaayeen dhismaha Ciidammada Dowladda iyo tababaradooda iyo sida ay hada yihiin waxaa marqaati ma doonto ah in Dowladdu waxbadan dhinaca dhismaha Ciidammada kaga guuleysatay welina ay wax u harsan yihiin waxaana dhanka kale xusid mudan in sidoo kale xerrooyin ku yaala gudaha Dalka ay iyana Ciidammo cusub ku tababaranayaan kuwaasi oo kusoo biiraya Ciidamadeenna Qalabka Sida.
Sawirka Ciidammadii Ka Horeeyey Ciidammadan oo Uu Wasiirka Gaashaandhigga uu Tababarka Usoo Xeray
NAGA FILLO SAWIRRADA CIIDAMMADA TABABARKA UU USOO XERAYO TALIYAHA CIIDAMMADA XOOGGA DALKA INSHA ALLAH
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Faroole oo Xamar ku dhaliilay inay ka gaabisay qormadii Dastuurka

0
0

Warqad afka Ingiriiska ku qoran oo kuu Mudane Cabirahman Maxamed Faroole u diray Mudane Aguestine Mahiga ayuu si cad ugu dhaliilay inay dowlada ku-meelgaarkaahi aad uga gaabisay hirgalinta dastuurka loo qoray dalka ee cusub iyo nanaankii “Road Map” ee lagu doonayay in lagu dhiso nidaam ku meel gaara oo cusub. Canaanta Faroole ayaa ku salaysan inuu doonayo in Puntland laga qeyb galiyo qolada dastuurka qoraysa, lana dadajiyo hawsha dastuurka. Waxaa cad inuu ka biyo diidan habacsanaanta gashay heshiiskii garawe, iyo hawsha dastuurka.
Qormadii oo dhan halkan ka akhriso: Puntland Statement on Constituation

Kenya joins the great African oil boom with latest discoveries (an article[info] may be worth reading- Arrale)

0
0

Kenya’s oil finds may be larger than those found recently in Uganda. But what will oil revenues do to the Kenyan economy, and the political culture?
 May 9, 2012
·
A general view shows an oil rig used in drilling at the Ngamia-1 well on Block 10BB, in the Lokichar basin, which is part of the East African Rift System, in Turkana County on April 5.
 
Kenya has announced the second profitable oil discovery in two months, a development that could give a needed boost to Kenya’s economy.
 
With the May 7 announcement of a large oil deposit in the remote northern Turkana region, discovered by the British oil and gas firm Tullow Oil PLC, Kenya has become the latest African country to join the great African oil boom, following recent discoveries in GhanaUganda, and the Democratic Republic of Congo.

Kenyan Prime Minister Raila Odinga
 told reporters in Nairobi on May 7 that the discovery of oil was “good news” for Kenya, which spends millions of dollars in oil imports. Kenya spent US$4.1 billion on oil imports, which is equivalent to 100,000 barrels per day in 2011, according to reports.
At the same time, Odinga said the government was remaining “cautiously optimistic” over commercial viability of the latest oil find. Thirty-one wells have been drilled across the country over the past few years, all of them turning up dry, so this caution is reasonable. But after Tullow sinks the well to a deeper 2700 meters from the current 1500 meters, there is some optimism that the well could prove to be commercially viable, able to produce oil for either local consumption or for export.
“These results clearly indicate the presence of crude oil and as further information becomes available during the on-going drilling activities, it will enable a more comprehensive assessment,” said Mr. Odinga.
The discovery of oil can be a mixed blessing for any country, bringing both the prosperity of increased revenues and new jobs and also the “resource curse” of high-level corruption and governmental abuse. Kenyans are hoping that they can avoid the mistakes of other African oil giants such as Nigeria andAngola and channel any future oil revenues to building a stronger and more diverse economy.
Oil companies like Tullow are hoping the country will remain politically stable enough for them to stay in Kenya long enough to recover their exploration costs and make a profit. And Kenyan civil society activists hope that the same politicians who made Kenya one of the continent’s most corrupt nations during the 1990s and early 2000s won’t mess up a good economic chance for Kenya.
Beyond tea, coffee, and tourism
Preliminary tests are very encouraging, ahead of the tests to determine amount and flow, says Mwendia Nyaga, a lead consultant at Oil and Energy Services Ltd. in Nairobi.
“The oil find means Kenya has a new resource apart from tea, coffee, and [tourism],” says Mr. Nyaga. “New industry will develop, that will not damage the existing ones. I can say this is a ‘new jewel’ for the country.”
For Tullow Oil, this is just the beginning. Tullow has a 50 percent operational interest in seven onshore licenses in the Kenya and Ethiopia Rift Basins, an area that covers 100,000 square kilometers. The basin where Ngamia-1 – where Tullow announced a separate oil discovery in late March – is located in one of the seven basins mapped in Tullow’s acreage and has projected reserves similar in size to Lake Albert Rift Basin in Uganda, where the company discovered oil in 2006.
 
“This ongoing wild-cat is an excellent start to our exploration campaign,” Tullow said in a recent news release. “The net pay encountered in Ngamia-1 is more than double that encountered in any East African exploration wells to date. We now look forward to the drilling and evaluation of the deeper potential of this well and the acceleration of our seismic and drilling campaigns in the region.”
 
Cattle rustling violence
For a country like Kenya, which has relied on tourism, agriculture, low-scale mining, and occasional foreign loans in order to finance its development, it’s obviously better to have oil revenues as an added income stream. While some analysts fret about frequent gun violence in the Turkana region – usually associated with cattle rustling – Nyaga says that the Tullow exploration efforts experienced no incidents of violence.
“I see infrastructure as the biggest challenge,” Nyaga says. “The area is more than 800 kilometres away from the port of Mombasa. This is a long way, given that there is no rail or pipeline or proper roads. I see how to transport the resource being the biggest challenge.”
Although official estimates of the deposits have not been announced, government and Tullow officials have been quoted in Kenyan newspapers saying that the deposits are more that than those of Uganda and Ghana, where Tullow also made discoveries.
Tullow has spent $58 million in the exploration phase. According to a production-sharing contract between the Kenya government and Tullow, Kenya will keep 55 per cent of the proceeds, while Tullow will keep 45 percent in the first five years. After that, Tullow’s share will drop to 22 percent. It is hoped that by this time, the company will have recouped its initial investments.
Ghana production started in 2010 and has so far generated US$1 billion. Uganda will start refining crude in 2014, eight years after the discovery of the 2.6 billion barrels on the Albertine basin, along the border with the Democratic Republic of Congo (DRC).
Leadership is key
At the same time, the results of Kenya’s exploration are closely being monitored – within and outside the country – with analysts discussing whether this one will be another “African curse or a blessing.”
“There is no natural resource which is curse,” says Nyaga. “The problem is always the leadership. When there is right leadership, there are fewer problems. Oil resource is just like tea or coffee. When poachers kill an elephant in a park, it is the same as when oil or coffee is misused.”
Even so, oil production in Nigeria has created a host of problems, from the poisoning of drinking water, fishing areas, and agricultural lands in the Niger Delta region, to the growing militancy of young Niger Delta residents about government corruption and the lack of local jobs.
In Equatorial Guinea, a small African country on the Gulf of Guinea, oil revenues provide little relief to ordinary citizens, but those in power channel those revenues to their own personal bank accounts around the world.
Oil to fund 2030 vision
Kenya hopes it can be a leading light in managing the resource. According to Energy Minister Kiraitu Murungi the revenue will be used to boost an ongoing economic and social transformation outlined in a national vision known as 2030.
“In line with the new constitution, we will amend the Petroleum [Exploration and Production] Act of 1986 to conform to the best international standards and to include the local communities,” said Mr. Murungi.
Such promises of inclusion aside, Kenya’s civil society warn that they will continue to push for greater transparency to ensure that their politicians don’t follow the familiar path of personal enrichment and corruption.
Source: The Christian Science Monitor, By Fredrick Nzwili, Correspondent
Submited by  Mohamoud Arrale


Nin Samafalka ka Shaqeynayey oo Baydhabo lagu Dilay

0
0

Maxamed Axmed (Fanax) oo u shaqeynayey Hay'adda Islamic Relief ayaa la dilay isaga oo ka soo baxay masjid ku yaalla magaalada Baydhabo.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in rag madaxu u duuban yahay ay toogteen marxuumka isaga oo masjidka ku soo tukaday.

Warbixn arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Wasiirka Dastuurka Iyo Dib U Heshiisiinta Xukuumada KMG: Shirka Odoyaasha Soomaaliyeed Waxaa Ka Qaybgalaya Odoyaal Dhaqameedyo ka Yimid Ka Soomaaliland

0
0

image: 

Muqdisho (RBC Radio) Wasiirka Dastuurka iyo deb u heshiisiinta C/rixmaan Xoosha Jabriil ayaa wuxuu sheegay in haatan sidii loogu talagalay uu u socdo shirka odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee  ka socda magaalada Muqdisho
Wuxuu sheegay qaar ka mid ah golaha wasiirada in maalin kasta ay ka qayb galaan shirkaasi isla markaana ay odoyaasha dhaqanka u sharaxaan Habraaca Marxalada Kala Guurka iyo waliba arimaha Dastuurka iyo waxa ku qoran.
Sidoo kale wuxuu sheegay wasiirka asagoo hadalkiisa sii wata in odoyaasha dhaqanka ay diyaarinayaan Ergada ansixinaysa Dastuurka cusub, wuxuuna sheegay odoyaal dhaqameedyada qaarkood inay haatan diyaariyeen Ergadaasi.
Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa xusay in dhamaan odayaasha ka qeybgalaya shirka dastuurka ay joogaan inkastoo oo uu shegay inay jiraan odayaal dhaqameedyo in ay jiraan odoyaal dhaqameedyo kale oo aanan imaan Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in meelaha ay ku sugan yihiin farsamadii lagaga soo kaxeeyn lahayn ay weli ku guda jiraan.
C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan odayaal dhaqameedyo aan imaan shirka oo wakiilo soo dirsaday isaga oo sheegay in la ogol yahay wakiilasho, wuxuuna meesha ka saran in musuq maasuq lagu sameeyay beelaha isla markaana la keenay dad aanan Ugaasyo ahayn.
Wasiirka ayaa wuxuu si cad u sheegay in ay jiraan odoyaal dhaqameedyo ka yimid deegaanada Soomaaliland kuwaasi oo haatan shirka jooga oo ku sugan magaalada Muqdisho, asagoona sidoo kale xusay in ay jiraan waxgarad kale oo ka yimid wadamada daraska la ag Soomaaliya Sida Jabuuti iyo waliba Kenya.
Shirka odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Ergada ansixinaysa Dastuurka dalka ayaa wuxuu yahay mid kaga soconaya gudaha dalka Soomaaliya iyadoona ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo madaxda dowladda taasi oo ku aadan qaabka loo soo xulay odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka ka soconaya magaalada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Muwaadin Britain ah oo loo heysto in uu ku biiri rabay kooxda Al-Shabaab oo ay maxkamaddeyntiisu ka billaabaneyso Mombasa.

0
0

Maxkamad ku taallada magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta la soo taago muwaadin u dhashay dalka Britain oo lagu heysto falal argagixisinimo in uu ku biiri rabay kooxda Al-Shabaab, iyadoo aan la xaqiijin waxa uu wajahado haddii lagu hello dambiga loo heysto.
Jermaine Grant oo ah muwaadin u dhashay dalka Britain, isla markaana ay ciidammada ammaanka dalka Kenya gacanta ku dhiggeen bishii December ee sannadkii tagay ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in dacwadda maxkamaddeyntiisa ay ka billaabatyo magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Jermaine Grant, ayaa loo heysataa falal argaxisinimo oo uu doonayay inuu ka fuliyo gudaha dlaka Kenya iyo in uu doonayay ku biiritaanka malleeshiyaadka Al-Qaacidada Soomaaliya, waxaana maxkamadda magaalada Mombasa ee dalka Kenya ay sheegtay in gacanta lagu hayo caddeymo muujinaya  eedeynta loo heyso Jermaine Grant.
War bixin ay horey  u saarreen hey’adda sirdoonta dalka Britain ayaa lagu sheegay in ay sii kordhayaan dhallinyarada heysatada Jinsiyada Britain ee dooneysa in ay ku biiraan malleeshiyaadka Al-Qaacidada Soomaaliya ee dagaalka wada Soomaaliya.
Mr. Jermaine Grant lamaga ogo maxkamadda magaalada Mombasa waxa ay ku xukumi doonta haddii lgu helo eedeymaha loo heysto ee ay maanta dacwaddiisa la billaabaneysa dalka Kenya.

Dowladda KMG iyo Al Shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaaladii Bay iyo Bakool

0
0
Kadib dagaalo culus oo shalay ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool islamarkaana u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helayhay ciidamada Ethiopia iyo kuwa Al Shabaab ayaa dagaaladaasi waxaa guulo kala duwan ka sheegtay  maamulada dowladda KMG iyo Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool.

Xildhibaan Cali Aadan oo ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ee kusugan gobolada Bay iyo Bakool islamarkaana ka mid ah saraakiisha horkaceysa ciidamada dowladda ee gobolkadaasi oo shabelle la hadlay ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Qansax-dheere ay waxyeelo ku gaarsiiyeen kooxo uu sheegay in ay halkaasi ku soo weerareen.
Waxa uu sheegay xildhibaanka  in weerar gaadmo ah ay ku soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab xili ay ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay marayeen inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Qansax-dheere, waxaana uu beeniyay warar sheegaya in halkaasi uu qasaare culus ka soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Etrhiopia oo markii hore qarax miino lala eegtay
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan maamulada Al shabaab ee Bay iyo Bakool oo ka hadlay Idaacad ku hadasha Afka Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadooda ay wada u galeen kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo loo soo tababaray dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia kadibna ay halkaasi qasaare xoogan ku gaarsiiyeen.
Saraakiisha Al Shabaab  waxa ay sheegeen in 10 askari oo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali ay halkaasi ku dileen islamarkaana ay hub iyo gaadiid ka qabsadeen sida ay hadalka u dhigeen, iyagoo dhinaca kale sheegay in dhankooda uu soo gaaray qasaare dhimasho iyo dhaawac leh inkastoo tiradood aysan carab baabin.
Galinkii dambe ee shalay ayay aheeyd markii dagaal mudo socday uu shalay Al Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garabsanayay kuwa Ethiopia uu ku dhexmaray inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Qansax-dheere iyo sidoo kale duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Saraakiisha dowladda: howlgallada Baay iyo Bakool waa la soo gabagabeynayaa

0
0

Saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada Baay iyo Bakool sheegay in guullo waa weyn laga gaaray howlgalladii ay ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiya maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolladaasi.
Saraakiishan oo qaarkood la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalladii ay sameeyeen maalmihii la soo dhaafay ay ku soo idlaadeen guullo, iyagoo tilmaamay in shalay malleeshiyaadka Al-shabaab ay kala wareegeen tuullo ku taalla duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Taliyaha ciidammada dowladda ee Xudur ayaa sheegay in dagaalkii shalay kooxda Al-Shabaab ay uga dileen 17 malleeshiyo, isagoo intaa ku daray in khasaaraha ciidammada dowladda soo gaaray uu ku kooban yahay 3 askari oo dhaawac ah.


Dhinca kale taliyaha ayaa xusay in maalmaha soo socda ay soo gabagabeyn doonaan guud ahaan howlgallada ka socda Baay iyo Bakool, isla markaana howlgallada ay isu baddelli doonaan kuwa amniga lagu adkeynayo, marka Al-Qaacidda laga saaro.

Al-Shabaab Oo La Sheegay Odoyaal Dhaqameedyo Ay Kaga Shakiyeen Inay Ka Qaybgalayaan Shirka Muqdisho Xirxiray

0
0

image: 

Muqdisho (RBC Radio) Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab odoyaal dhaqameedyo badan ay ku xir xireen gobalada dalka qaar, kuwaasi oo la sheegay in ay siyaabo kala duwan ay ku eedeeyeen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in deegaanada  Gamboole, Makoyla, beledul Amiin, iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo gobalka Hiiraan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ku sugan gobalka Galgaduud ayaa sheegay in Al-Shabaab Odoyaashaasi ay afduubteen kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda dowlada
Wuxuu sidoo kale Sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow in Al-Shabaab Odoyaasha ay xir xireen ay ku jiraan Odoyaal 50 sano soo ahaa Nabadoonno kuwaas oo uu da’dooda ku sheegay inay u dhaxayso 60 ilaa 100 Sano.
Xildhibaanka aya wuxuu intaasi uu ku sii daray in odoyaasha la xiray ay ka badanyihiin ilaa iyo 100, oday kuwaasi oo qaarkood lagu tuhunsanyahay in ay ka qaybgali lahaayeen shirka odoyaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan odoyaashaan dhaqanka ee la sheegay in ay xireen, iyo waliba sababta ay u xireen.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa laga sugaa in ay soo xulaan Ergada ansixinaysa Datuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya.
 RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Dimishiq

0
0

Laba bam oo baabuur waaweyn loo isticmaalay ayaa ku qarxay Dimishiq ee caasimadda Syria. Telefishinka dowladda ayaa sheegay in 40 qof ka badan ay ku dhinteen, ugu yaraan 170 ay ku dhaawacmeen.


Xil ka qaadistii maareyaha Dekeda magaalada muqdisho oo sababtay Khilaaf soo kala dhex-gala Madaxweynaha iyo Raisul wasaraha

0
0

Madaxweynaha Dowlada KMG Ah ee soomaaliya Shariif Sheikh Axmed iyo Raisul Wasaare C/wali Gaas ayaa isku khilaafay xil ka qaadis madaxweynaha dowlada KMG Ah ee soomaaliya uu ku sameyay Maareyaha Dekeda magaalada Muqdisho Sayid Cali
Madaxweyne Shariif ayaa u gudbiyay Warqadii Xilka qaadista Maareyaha Raisul Wasaaraha iyada oo uu Raisul Wasaaraha uu diiday inuu Dhaqan Galiyo Warqadaasi halkaasina uu ka bilowday murankooda. Mid kamid ah mudanayaasha ka howlgala xafiiska raisul wasaaraha ayaa noo sheegay in xilka qaadista Maareeyaha Degada muqdisho uu ka dhashay murun xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowlada iyo Raisul wasaare Gaas
Wararka laga helaayo dhanka Dowlada ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda soomaaliy iyo Maareyaha Degada Muqdisho ay saaxiibo hoose ay ahaayen hayeeshe madaxweynaha uu adkeysan waayay isdibmarinta iyo cabashada kaga imaaneysa dhanka Maareeyaha dagada Sayid Cali islamarkaana uu Raisul wasaaraha faray in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga qaado Sayid Cali
Raisul Wasaare C/wali Gaas ayaa ku adkeysanaayay inaan xilka laga qaadin Maareyaha Dekada isla markaana uu yahay masuul shaqadiisa ka adag hayeeshe arrintaasi ay soo dadajisay in madaxweynaha uu qaatay Go’aan ka dhan ah Raisul wasaare Gaas kuna cadaadiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan xil ka qaadis loogu sameeyo Sayid Cali oo isagu xaqiray xuquuqda garab-xamaalatada ka howlgasha Degada
Macada halka uu ku biya shuban doono khilaafka ka dhaxeya Madaxweynaha Dowlada KMG Ah iyo Raisul Wasaaraha mana aha marki ugu horasay oo u khilaaf soo kala dhex galo .

Qarax xoogan oo khasaara ka dhashay oo ka dhacay Xaafada Baar u bax

0
0

Qarax xoogan ayaa wax yar ka hor ka dhacay Isgooyska Baar ubax ee Gobolka Banaadir, Qaraxa ayaa ahaa miino lagu Aasay dhulka oo loo dhigay Ciidamada Dowlada ee ka howlgala Saldhigyada Xafadaasi baar ubax, Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo lagana maqlaayay gabi ahaan xaafadaha dariska la ah Baar ubax ayaa la sheegaya in qaraxaasi ay wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah oo iyagu halkaasi ku sugnaa
Qaraxa kadib ciidamada Dowlada ayaa goobta qaraxa ku qaqabatay tiro dad ah oo iyagu meereysanaayay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay waxa ayna u dhaadhiciyeen dhanka xaafadaha Buula xubeey
Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi walow dadka xaafada ay sheegayan in qaraxaasi uu ahaa mid xoog oo looga maqlaayay gabi ahaan xaafadaasi islamarkaan geestay Khasaara badan

Madaxweyne Shariif oo dalacsiiyay in ka badan 100-saraakiil ka tirsan Ciidamada booliska

0
0

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan Ciidamada booliska Soomaaliyed, iyadoo munaasabada lagu dalacsiinayay Saraakiishaas ay ka dhacday Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Shariif ayaa Wareegtada xafiiskiisa ka soo baxday maalinimadii shalay ku dalacsiiyay min darajooyinka Ciidamada oo hoose ilaa sare, iyadoo dalacsiintan ay tahay tii ugu badneyd [...]

Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Bur Burin iyo Baaritaan Ah Ka Sameeyay Muqdisho

0
0

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa howlglo Bur burin ah waxay ka sameeyeen isgoysaka Soobe ee magaalada Muqdisho, ayagoona Bur buriyay goobaha ganacsi ee kuyaala hareeraha wadadaasi.
Sidoo kale ciidamada dowlada ayaa waxay ka saareen dadkii daganaa dhismayaashii dowlada ee ku yaal agagaarka Isgoyska Soobe, waxaana dhismayaasha dadka laga saaray ka mid ah Wasaaradii qorsheynta wakaaladii Biyaha Xamar iyo sidoo kale wasaaradii Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya.
Goobaha ay bur buriyeen askarta dowlada KMG ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ay ahaayeen kuwo markii horaba si sharci daro ah looga dhistay halkaasi.
Sidoo kale howlgalada bur burinta ah ayaa waxaa bar bar socday howlgalo baaritaano ah waxaana saraakiisha dowladu ay sheegeen in ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo waliba dad loo heesto in ay hubkaasi heesteen.
Qaliif Axmed Ereg Taliyaha hay’adda Nabad sugidda Maamulka Gobolka Banaadir oo Saxaafadda la halay ayaa wuxuu sheegay in qaraxyada iyo dilalka qorsheysan had iyo jeer ka dhici jiray Magaalada Muqdisho laga soo maleegi jiray sida uu sheegay xarunta wasaaradda qosheynta.
Sidoo kale warsame Maxamed Xasan oo ah gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee gobalka Banaadir ayaa asna wuxuu sheegay in howlgaladaan looga goleeyay sugida amaanka iyo soo celinta amaanka magaalada Muqdisho.

Kulankii qorayaasha Soomaaliyeed iyo bandhigii suugaanta/dhaqanka Soomaaliyeed oo markale magaalada Espoo, Finland laga furay

0
0

Espoo, Finland: waxaa maanta abaarihii 1dii duhurnimo si rasmi ah magaalada Espoo ee dalka Finland ka furmay kualnkii qorayaasha iyo bandhigii dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida oo sanadihii la soo dhaafay sanadkiiba mar la qabanqaabin jiray.

Munaasabadan oo runtii ku bilaabatay qaab aad loola dhacay ayaa waxaa ka soo qeybgalay qorayaa Soomaalida dhexedeeda magac ku leh, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo u dhaqdhaqaaqayaal bulsho oo hagar la'aan u heegan ah naftooda u hura sare u qaadida dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ah Qoraaga Soomaaliyeed Cabdiaziz Xildhibaan, rug-cadaaga siyaasadda Soomaaliya, halgamaa Cabdulqaadir Boolaay iyo weliba dad kale oo aad u fara badan waxaa kamid ah:

1. Max’ed Sh. Xassan Nuur
3. Max’ed Xassan Alto
4. Macallin Bashiir Ismaaciil Cusmaan
5. Macallin C/qaadir Ibrahim Jaamac “Camow”
6. Yuusuf Max’ed Daqarre. Ururka saaxiibtimada Soomaalida & Finland. 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live