Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wareysi: Maryam Qaasim

0
0

Waxa ay ka hadleysaa ujeeddooyinka ururka siyaasadda ee TAYO.


Wararkii ugu Dambeeyay ee Bay & Bakool

0
0

Dagaalo shalay ka dhacay duleedka degmada xuddur ee xarunta Gobolka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof.

Dhinaca kale, dilal ayaa xalay ka dhacay degmooyinka xuddu iyo Bakool.

Warkan oo maqal ah halkan hoose ka dhageyso.

Click

0
0

Wararka tiknoolajiga ee toddobadka

Aden Madobe: Dilalka Xuddur Waan Baareynaa

0
0

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Sheekh Aaden Maxamed Nuur "Sh. Aden Madoobe" oo guddoomiye u ah guddi ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah oo dowladda ku meel gaarka ah u dirtay Gobolka Bokool ayaa ka hadlay dilal shalay iyo xalay ka dhacay degaanadaasi oo ay ku jiraan laba wiil oo wada dhalatay.

Sheekh Aden Madoobe ayaa sheegay in uu ka xun yahay dilalkaasi ayna baarayaan xaqiiqada cidda ka dambeysay. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay wax aan loo dulqaadan karin in dowladda ku meel gaarka ah dil u geysato shacabkeeda, haddii ay cadaatanan sharciga lala tiigsan doono ciddii ay ku caddaato dilalkaasi.

Qaybta hoose ka dhageyso wareysiga Sheekh Aden Madoobe oo maqal ah.

Amm. Islaamka: Waraaqihii Usama Ben Laden

0
0

Waxa soo baxay waraaqo ay soo bandhigtay Kulliyadda Ciidamada Maraykanka ee West Point oo ay sheegtay in laga helay gurigii Ben Laden.

Waraaqahan ayaa waxa ku qornaa warar badan oo isweydiin dhaliyey, kuwaas oo muujinaya in sida Usama Ben Laden uu uga soo horjeedo in la dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah, isaga oo taas beddelkeeda kooxaha la jaalka ugu yeeraya in culayska la saaro bartilmaameedsiga Maraykanka.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Wadooyinka Ugu Muhiimsan Muqdisho Oo Saaka Xiran

0
0
image: 

Waxa saaka xiran wadooyinka ugu muhiimsan caasimada Soomaaliya, ee Muqdisho, kuwaas oo aan saaka isticmaaleynin gaadidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo lee yahay.
Wadooyinka saaka xiran waxa ka mid ah, KM4, KM5, Isgooska Banaadir iyo wadada dabka, waxana halkaas la soo dhoobay ciidamo Poolis ah, oo si gaar ah utababaran, sida uu sheegay RBC Radio goobjooge ku sugan halkaas.
Arrintan ayaa ka dambeesay markii toddobaadkan ay iclaamiyeen hey’adda culimada Soomaaliyeed dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo dastuurka la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya.
Ma cadda in wadooyinka saaka la xiray ay la xiriiran dibad-baxaas in looga soo horjeedo iyo in kale, sidoo kale waxa aan la ogeyn in uu dhici doono dibad-baxaas.
Gaadidka dadweynaha ayaa saaka teel-teel u socda, kuwaas oo adeegsanaya wadooyinka xaafadaha, waxana qiimaha gaadidka ku darsamay dhowr kun oo Shs.
Toddobaadkan ayaa kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgaleen odayaal, siyaasiyiin, xildhibaano iyo culimo waxa looga dhawaaqay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo dastuurka Soomaaliya sida uu ka sheegay Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa dadkii kaqeybgalay kulankaas.
Ilaa hadda DKMG ah wax masuul kama hadlin xirnaashiyaha saaka wadooyinka muhiimka magaalada Muqdisho sidoo kale waxa aan war laga heynin hey’adda culimada Soomaaliyeed oo iyada iclaamisay dibad-baxan.

EU unveils Sh10bn fund for Somalia peace effort

0
0

he European Union has announced that it will scale up its Somali funding by Sh10.9 billion (€100 million) to support the African Union Mission (AMISOM).

The mission was expanded by the rehatting of Kenya Defence Forces early this year.
The money will go towards meeting the increased salaries and wages needs of the regional peacekeeping unit necessitated by the United Nations Security Council resolution of February 26 to integrate Kenyan troops, a move that increased the force to 17,731 soldiers.
READ: Amisom to pay KDF soldiers Sh84,296 monthly allowance
Research institutions
The 27-member economic bloc has also pledged Sh1.7 billion (€16 million) to boost the capacity of Kenyan research institutions such as the International Centre of Insect Physiology and Ecology (ICIPE), the Kenya Agricultural Research Institute (KARI) and the International Centre for Research in Agroforestry (ICRAF).
“We believe strongly in these research networks and in building capacity for solving issues beyond national boundaries such as droughts, diseases and resilience building,” said Lodewijk Briet, the EU Head of Delegation toKenya.
Schuman Declaration
He was briefing journalists inNairobion Thursday as part of celebrations to mark the 62nd anniversary of the Schuman Declaration – a proposal that integrated the coal and steel industries ofEurope, and marked the origin of the current European Union.
“Research has an important role in fighting dependency on aid and alleviating poverty,” said Sofie From-Emmesberger, the Finnish ambassador toKenya.
Special attention will be paid to thematic areas such as food security, environmental conservation, climate change and disaster preparedness.
Kenya will receive Sh3.2 billion (€30 million) in the current year towards drought mitigation, preparedness and nutrition programmes targeted at communities in arid and semi-arid areas.
The EU isKenya’s largest trading partner, accounting for a quarter of total exports worth Sh98.8 billion in the year 2010. The trading bloc mainly imports horticultural products.

Source: www.businessdailyafrica.com

Xaaladda Caafimaad ee Muwaadin Maryakan ah oo ay afduub u haystaan burcad badeeda oo laga deerinayo

0
0

Waxaa laga deerinayaa xaaladda Caafimaad ee Muwaadin Maraykanka oo dhawaan u gacan galay Kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Sida ay sheegayaan Wararka laga helayo deegaanno hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaa laga deerinayaa xaaladda Caafimaad ee Michel Spot oo ah Muwaadin Maraykan ah islamarkaana u shaqeynayay Wakaalad Warar oo ku taalla dalka Jarmalka kaasi oo laga afduubtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Burcad badeeda Soomaalida ah ee gacanta ku haysa Muwaadinkaasi ayaa la sheegay inay u gaysteen jirdil xooggan, waxaana la sheegay in Xaaladda Caafimaad ee wariyahaasi laga deerinayo.
Halka lagu hayo Muwaadinka ayaa la sheegayaa inay ku baxeen Dhaqaatiir dawaysa oo wax ka eegta Xaaladdiisa Caafimaad, waxaana la sheegay in jirdilka kooxahaasi ay u gaystaan Muwaadinkaasi Maraykanka ah sidoo kale ay ka jibiyeen gacanta midig.
Gobolka Mudug iyo deegaannada hoostaga ayaa waxa lagu haystaa inka badan 50 Ajinabadi ah kuwaasi oo siyaabo kala duwan looga soo afduubtay badda iyo bariga dalka Soomaaliya.


muxaadaro- SHEEKH MAXAMUUD SHIBILLE shiicada q1aad

Daawo laga qaato HIV

0
0

Dowladda Mareykanka ayaa lagula taliyay in dad caafimaad qaba la siiyo Truvada si looga ilaaliyo in ay qaadaan HIV.

Kuliyada Ciidamada Mareykanka oo soo saaray warqado ay ku sheegeen inay ka soo heleen gurigii Benladen

0
0

Sanad kadin dhimashadii hogaamiyihii hore ee ururka Al-Qaacida ayaa haatan kuliyada ciidamada Mareykanka ee WestPoint waxa ay soo saareen warqado ay ku sheegeen inay ka soo saareen gurigii uu Pakistan ka deganaa Usama Bin Laden.
Waraaqahan ayaa waxa ku qornaa warar badan oo isweydiin dhaliyey, kuwaas oo muujinaya in sida Usama Ben Laden uu uga soo horjeedo in la dhibaateeyo dadka Muslimiinta ah, isaga oo taas beddelkeeda kooxaha la jaalka ugu yeeraya in culayska la saaro bartilmaameedsiga Maraykanka.
Benladen ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin doonayay in dadka muslimiinta ah ay bari ka ahaadaan weerarada uu mareykanku la bartilmaameedsanayo ururada islaamiyiinta ee ka soo horjeeda quwadaha reer galbeedka.
Sidoo kale warqadahan ayaa la sheegay in laga helay macluumaad dheeri ah oo ka mid ah in hogaamiyihii xijaabtay ee ururka Al Qaacdi Usama Bin Laden iyo ninka haatan ururkaasi hogaamiyo ee Ayman Al Zawahiri ay ku kala aragti duwanaayeen dagaalka lagula jiro reer galbeedka.
AL Zawahiri ayaa lagu tilmaamay inuu yahay nin gaalaysiiya dadka muslimiinta ah ururkiisuna uu yahay mid lagu soo jiido dadka isla markaana looga badelo diinta islaamka.
Hadaba warqadahan ayaa lagu soo daabacay macluumaad badan oo ku saabsan Usama iyo ururada islaamka ee ka dhisan wadamada Bariga dhexe.
Sidoo kale warqadahan ayaa la sheegayaa in ay ku qornaayeen cabasho uu Usama ka cabayay warbaahinta wadamada qaar oo ay ka mid tahay warbaahinta dalka ciraaq.
Si walbaba arintan ayaa ku soo beegmaysa xili mudo sabad ah ay ka soo wareegatay geerida Usama ka dib markii mareykanku ay ku dileen hoygiisa.

U Gargaara Muslimiinta Sunniyiintaa. Muxaadaro uu Sheekh Xafiid Maalintii AROOSKIISA , Jeediya.

0
0


U Gargaara Muslimiinta Sunniyiintaa. Muxaadaro uu Sheekh Xafiid Maalintii AROOSKIISA , Jeediya.

Waa Muxaadaro ka hadlee , in Muslimiinta loo gargaaro , gaar ahaan Muslimiinta Sunniga , ee Reer Ciraaq , Reer Siiriya , Yemen oo SHIICADU ku laynee meel walbaa , Allaah Ha Laayo Kuligood SHIICADA , muslimiinta Sunniga ayay laynayaan , Anbiyadeey Caaynayaan , Saxaabadeey Caaynayaan , Ummatu Al-Mu'niniin ayay CAAYEEN , wallaahi waa Nooga CADAAAWO badan yihiin , Yahuuda iyo Xabashida , maxaa yeelay Muslim ayaan MOODNAA muslimiinta maahan intooda badan ee Islamaka wax walbaa wa aka necebyihiin.
From:
bashiircali22
Views:
0

0
ratings
Time:
09:25
More in
Music

muxaadaro: 
See video

M.Faroole: Qabyo Qoraalku Dastuur Uma Qalmo

0
0

Dowladda Puntland ayaa si weyn uga soo horjeesatay  Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya kaasoo ay muddo koobani ka harsan tahay xiligii ay odayaasha ergooyink la soo xulay ay ansixin lahaayeen.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo nuqul kamid ah ay heshay VOA ayaa lagu sheegay in Dastuurkaasi uu yahay mid aan Soomaaliya lagu dhiqi karin laheyna qaabkii dastuur Federal ah uu lahaan lahaa.

Warqadan oo lagu socod siiyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey u qaabilsan soomaaliya Augustine Mahiga, Midoga Africa, Midowga Yurub iyo Maraykana ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaybo qoraalku uu yahay mid aan u diyaarsaneyn qaab wadan lagu dhiqi karo.

Madaxweyne Faroole waxa uu ku sheegay warqadiisa in Dastuurka Qabyo Qoraalka ahi uusan si cad u qeexeyn mabaadi’da asaasiga ah ee dowladda iyo awood qaybsiga maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, isla markaana uu yahay mid lagu jiho wareerayo.

Warqadan oo ahayd mid qoraalka ku qorani uu dhinacyo badan taabanayey ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland aysan ku qanacsaneyn kartida iyo aqoonta gudiga madaxa banaan ee Dastuurka iyo guddiga khubarada labadaba oo uu ku sheegay Faroole guddi soo xulidiisa ay isku koobtay DFKMG .

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya inay si deg deg ah isug yimadaan si ay uga wada hadalaan qodobada lagu muransan yahay ee Datuurka.

Dhaleeceynta Puntland ee dastuurka Qabya qorlaaka ayaa ku soo beegmeysa xilli ay sii kordheeyso diidmada ka soo yeereysa qeybaha kala duwan ee bulshada ee dastuurkan.

 

Dr.Faroole: “Qabyo qoraalku ma ahan Dastuur u qalma Soomaaliya”

Updated:- 1 hour ago| Commnets

Dowladda Puntland ayaa dhaleeceysay Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya kaasoo ay muddo koobani ka harsan tahay xiligii aftida loo qaadi lahaa.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo nuqul kamid ah ay warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in Dastuurkaasi uu yahay mid aan Soomaaliya lagu dhiqi karin.

Warqadan oo lagu socod siiyey xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey u qaabilsan soomaaliya Augustine Mahiga, midoga Africa, midowga Yurub iyo Maraykana ayaa sidoo kale lagu sheegay in qaybo qoraalku uu yahay mid aan u diyaarsaneyn qaab wadan lagu dhiqi karo.

“Dastuurka qabyo qoraalka ahi si cad uma qeexayo mabaadi’da asaasiga ah ee dowladda iyo awood qaybsiga maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, waana mid lagu jiho wareerayo” qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri.

Warqadan oo ahayd mid qoraalka ku qorani uu dhinacyo badan taabanayey ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland aysan ku qanacsaneyn kartida iyo aqoonta gudiga madaxa banaan ee Dastuurka iyo guddiga khubarada labadaba.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya inay si deg deg ah isug yimadaan si ay uga wada hadalaan qodobada lagu muransan yahay ee Datuurka.

Hadalka kasoo yeeray Puntland ayaa u muuqda mid laga dheehan karo sida ay u kordheyso dhaleeceynta loo soo jeedinayo Dastuurka qabyo qoraalka ah ee ay dowladda dhexe ee Soomaaliya dooneyso inay dhowana ansixiso

Idaacadda Al-Shabaab oo Labadii Ruux ee Shalay Lagu Dilay Boosaaso ku Sifeysay ‘Sirdoon u Shaqeynayey Puntland’

0
0

Muqdisho (RBC) Idaacadda ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta sheegtay in dilkii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee loo geystay labo muwaadin inay kooxda ka dambeysay isla markaana ku sifeeyey dadka la dilay kuwo u shaqeynayey sirdoonka maamulka Puntland.
Idaacadda ayaa ku sheegtay magacyada labada ruux Cali Diib Gurxan iyo Maxamed Xasan Gurxan kuwaas oo ahaa Ilma adeer in ay ka mid ahaayeen xubnaha sirdoonka ee u shaqeeya hay’adda sirdoonka Puntland, waxaana idaacadda soo xigatay xubno Al-Shabaab ka tirsan oo ay ku tilmaameen dadka deegaanka.
Sheegashada kooxda Al-Shabaab ee dilka shalay ka dhacay xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso ayaa imaanaya iyadoo illaa haatan ciidamaa amaanka Boosaaso ay wadaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay, mana jiraan cid loo qabtay dilkaasi.
Mana ahan wax cusub in kooxda Al-Shabaab ay sheegtaan dadka lagu dilo magaalooyinka Puntland, hase yeeshee dilka shalay ka dhacay Boosaaso wuxuu dhacayaa iyadoo afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere uu sheegay in saraakiil iyo dagaalyahano kooxdiisa ka tirsan ay gaareen Puntland.
Dadweynaha magaalada Boosaaso ayaa horey uga dalbaday hay’adaha amaanka inay wax ka qabtaan xaalada amni ee muwaadiniinta iyagoo walaac ka muujinaya in kooxaha dilalka bareerka ah geysta ay si fudud u baxsadaan iyagoon sharciga la hor keenin.
 
 
 
RBC Radio

Cudurrada dhimirka

0
0

Waxaa looga hadlayaa cudurrada dhimirka iyo Autism.


Dowlada Turkiga oo Sheegtay in aay Dib udhis Kusameeneeso Caasimada Muqdisho

0
0


Dowladda Walaalaha aanu nahay ee turkiga ayaa balan qaatay in aay gacan buuxda kasiina maamulka gobalka banaadir dhismaha casimada muqdisho.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa dhawaanahaan waxaa uu ahaa mid dalka safar kaga maqnaa qaasatan isagoo booqasho ku joogay dalka turkiga ayaa waxaa uu kawarbixiyay safaradiisii iyo waxa uu lasoo kulmay.
Gudoomiyaha Gobalka banaadir waa tarsan ayaa sheegay in kulamo dhowr ah uu la qaatay maamulka magaalada Istanbul ee Dalkaasi Turkiga islamarkaana ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo ay qeyb ka tahay horumarka wadanka Soomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ku bur burtay dagaaladii ka dhacay.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in maamulka Istanbul ee wadanka Turkiga ay isku afgarteen waxyaabo badan oo ay qeyb ka ahaayeen in horumar weyn laga sameeyo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo sidoo kale in dib u dhis lagu sameeyo dhismooyinka bur bursan ee ku yaala caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale haldalkiisa intaa raaciyey in haatan la midaynayo Magaalooyinka Muqdisho iyo waliba Istanbul, wuxuu intaa ku daray in uu kormeer ku tagay goobaha ay wax ku bartaan ardayda Soomaaliyeed ee fursadaha waxbarasho ka helay wadankaasi Turkiga oo horay looga qaaday gudaha wadanka Soomaaliya.

Maxaa Ka Ogtahay 10-ka Haween Ee Ugu Awooda Badan Africa (Warbixin & Sawirro)

0
0

image: 

Nairobi (RBC) Waxa dhawaan la soo saaray warbixin ay ku qoran yihiin 10-ka haween ee ugu awooda badan Qaarada Africa.
Waxa ugu horeeya:
1-Luisa Diogo: waa siyaasi reer Mozambic ah, taas oo noqotay ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Mozambique bishii February 2004. siddoo kale waxa ay noqotay wasiirada Beeraha iyo Maaliyada dalka Mozambique.
2-Monhla Hlahla:  waa maamulaha shirkadaha garoonka diyaaradaha dalka Koonfur Africa. waxa ay horey shaqaalo uga soo noqotay barkiga horrumarinta  ee dalka Southern Africa (DBSA).
 
3- Phumzile Mlambo-Ngcuka: waxa ay noqotay ku xigeynka madaxweynaha dalka Koonfur Africa laga soo bilaabo 2005 ilaa 2008. sidoo kale waxana ay noqotay haweeneydii ugu horeeyay ee jagadaas qabato taarikhda dalka South Africa.
4-Shirley Lue Arnold waxa ay ka soo shaqeeysay oo ay maamulo ka noqotay Mmela Consultancy & Advisory Services.waxa ay u qaabilsaneed lataliye sodoo kale waxa ay la taliye ka noqotay  shirkad ay si gooni u leedahay oo la yiraahdo BEE .
5-Turai Yar’ Adua waxa weeye xaaskii madaxweynihii hore dalka Nigeria, Umaru Yar’Adua, Turai waxa ay noqotayis haweeneydii ugu horeysay ee maamule ka noqoto howlo nabad African.
6- Wendy Luhabe waxa ay aas-aastay xarun gaar u ah dumar, waxana ay ka mid noqotay dumarka ugu saameynta badan South Africa.
7- Cecilia Ibru waxa ay horey u soo noqotay maamulaha isuduwaha xafiiska Oceanic Bank waana mid ka mid ah dumarka ugu awooda badan dalka Nigeria.
8-Ellen Johnson-Sirlea : Haweeneyda wax ku soo baratay Jaamacadda Harvard-f,waxa loogu yeeraa haweeneyda birta, waxa ay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Africa madaxweyne ka noqoto dal, oo ah dalka Liberia.
9-Joyce Mujuru waa siyaasi reer Zimbabwe ah, taas oo soo qabatay xilka madaxweyne ku xigeynka xisbiga talada haya ee n Zanu-PF siddoo kale waxa ay la soo shaqeeysay mparty, Joseph Msika iyo madaxweyne Robert Mugabe.
10-Qofka ugu dambeeya ee haweenka ugu awooda badan Africa The CEO of ABSA bank, one of the biggest financial services firms in South Africa, is seen as one of the architects who crafted the new and improved South African economy.
RBC Radio
————————————–
Xafiiska Wararka Nairobi

Ciidamadda Dowladda oo toogtay nin dhalinyaro ah oo Al Shabaab ka tirsanaa oo miino aasaayay

0
0

Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay ka hadashay nin dhalinyaro ah oo ay toogteen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, xilli uu ku mashquul-sanaa in uu dhibaato uu u geysto shacabka Somaliyeed.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay xalay toogteen nin dhalinyaro ah oo Al Shabaab ka tirsanaa, kadib markii ay arkeyn isgaoo miino ku aasaaya Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Ninkaan oo dhaawac ah ayaa waxay ka soo qaadeen Isgoyska Fagax, waxayna keeneen Saldhigga Degmada Yaaqshiid, xilli ay doonaayeen inay u qaadaan Cisbitaal si loo-daaweeyo, ayaa wuxuu ku dhintay gudaha Saldhigga Degmada Yaaqshiid.
Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid ee Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Muxudiin Xasan Jurus, oo goor dhaw Saxaafadda u soo bandhigay meydka wiilkaan iyo miinadii uu doonaayay in uu ku aaso Isgoyska Fagax, ayaa wuxuu ka hadlay sida ay uga hortaggeen dhibaatadii uu qorsheynaayay.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in ninkaan dhalinyarada ah uu wax ka baran jiray Iskuulka Al Abaadir, gaar ahaan laanta uu ku lee yahay Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, isagoo intaasi ku daray inay fiiro gaar ah ay u yeellan doonaan Iskuulka Al Abaadir ee laantiisa Towfiq.
Labada waalid ee dhalay ninka dhalinyarada ah ee ay toogteen Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Somaliya oo goobtaasi ku sugnaa, ayaan la-hadlay bahda Saxaafadda xilligii meydka wiilkooda loo-soo bandhigaayay Saxaafadda.

Diyaarad ku duuleysay hawada dalka Soomaaliya oo gantaal lala helay iyo diyaaradda oo uu holac ka kacay

0
0

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo-yaqaano Helicopter oo ku duuleysay joog hoose ayaa waxaa lagu dhuftay gantaal, iyadoo aan si cad loo-ogeyn cidda dhabta ah ee ka dambeysay gantaalkaasi.
Diyaaradaan ayaa waxaa gantaalka lagu dhuftay xilli ay ku duuleysay agagaaraha Xeebaha Soomaaliya, balse aan badda ahayn, isla-markaana waxay ka war heshay oo kaliya gantaalka lala hellay.
Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Holland ayaa waxay sheegtay in diyaaradaan oo uu nooceedu ahaa The Lynx lala helay gantaal, xilli ay joog hoose ku duuleysay dhulka xeebaha ku dhaw dhaw.
Wasaaradda ayaa waxay kaloo sheegtay inaysan diyaaraddu dhulka ku soo dhicin, balse iyadoo joog hoose ku duuleyso ayna holceyso, ay ka gudubtay dhulkii ay ku duuleysay.
Diyaaradda The Lynx ayaa waxay ka tirsaneyd markabka dagaalka HNLMS Van Amstel, kaasoo ay lee-dahay Dowladda Holland, wuxuuna ka mid yahay maraakiibta Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Ugu dambeen Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Holland ayaa waxay sheegtay, in dhacdadaan ay dhacday Khamiistii la-soo dhaafay.

DEG DEG : Boqolaal Dad ah oo Xabsiga Magaalada Boosaaso Loo Taxaabay Maanta

0
0

image: 

Boosaaso [RBC Radio] Hawlgalo ay Saaka ka sameeyeen Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ay kusoo qabteen boqolaal dad ah iyagoona ka sameeyey Xaafadaha iyo bartamaha qeybo kamid ah magaalada,kuwaas oo loo dhaadhiciyey Saldhiga Bartamaha.
Ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa hawlgalada ay Saaka bilaabeen waxa ay ahaayeen kuwa si kadis ah looga dhigay Shacabka,waxaana dadka qaar laga qabqabtay goobaha Shaaha laga cabo,wadooyinka, iyagoona marka la qabto lagu guraayey gawaarida Ciidanka ee shabaqlaha loo yaqaan.
Hawlagalkan dadka lagu qabqabtay ayaa lagu qiyaasay 150-qof kuwaas oo hadda lagu hayo Saldhiga Bartamaha halkaas oo lagu weydiinayo Su’aalo isla markaana haddii la aqoonsado ay dib u helayaan Xoriyadooda taas oo ku xiran in la aqoonsado oo kaliya.
Laamaha amaniga iyo Saraakiisha magaalada Boosaaso Faah-faahin kama aysan bixin Ujeedada hawlgalada ay Ciidamadu ka bilaabeen magaalada,waxaana uu yahay mid lagu Adkaynaayo amaanka guud ee magaalada Boosaaso oo xiliyadii danbe soo Xumaaneysay.
Hawlagalkan ayaa Imaanaya xili gudaha magaalada Boosaaso laba maalin ka hor maalin cad lagu dilay labada nin isla markaana uu ugu danbeeyey nin rayid ah oo Xalay isna lagu dilay magaalada Boosaaso iyadoona hadda ay Xaaladu tahay mid degan.
Mudooyinkii danbe loogama baran magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari falal amaanka lidi ku ah,waxaase labadii maalmood ee ugu danbeysay soo shaac baxaysa dilal bareer ah oo maalin cad loogu geysanayo dad rayid ah iyo kuwa ka tirsan Ciidanka.
__________________________________
RBC Radio
Boosaaso

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live