Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Guddoomiyaha Degmada X/weyne Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qorsho Lagu Hormarinayo Degmadaasi

$
0
0

Maamulka degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa faah Faahin ka bixiyay qorshe lagu hormarinayo dib u dhiska xarumaha Degmada iyo nadaafadda.
Guddoomiyaha degmada X/weyne C/llaahi Ibraahin Sahal “Gardhuub” Oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in ay wadaan qorsho lagu Dhisayo xarumaha dowladda ee dagmada kadib markii uu ka soo qeyb Galay shir looga hadlayay hormirinta Muqdisho oo lagu qabtay dalka Uganda.
C/llaahi Ibraahin Sahal ayaa intaa ku daray in degmada haatan ay ka Socoto olo olo lagu nadiifinayo qashinka iyo Bulaacadaha si degmada ay U noqoto mid ay bilicdeeda wanaagsantahay.
Dabayaaqadii bishii hore ayeey aheyd markii ay gudoomiye yaasha Degmooyin 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay ka qeyb galeen shir Looga hadlayay sidii  dib u dhis loogu sameyn lahaa gobolka Banaadir  kaas oo lagu qabtay caasimada wadanka Uganda ee kampala.


Boosaaso: Boqolaal Qof oo la Qabqabtay

$
0
0

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa Magaalada Boosaaso Ka Bilaabay Hawlgal Lagu Qabqabnayo Dadka Da’doodu ka Yar Tahay 30 -ka Sano.

Tiro Dad ah oo lagu qiyaasay Boqolaal  dhalinyaro ah ayaa Ciidamada Amaanka ee Puntland  ay saakay subaxnimadii ka qabqabteen dariiqyada iyo suuqyada magaalada Bosaaso .

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso ayaa lagu arkayey ciidamo fara badan iyo gaadiidka shabaqlaha loo yaqaan, kuwaasoo u daadgureynayey dadka ay qabtaan saldhiyada magaalada Bosaaso.

Hawlgalkan ay ciidamadu ka fuliyeen gudaha magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid aan horay loo shaacin, isla markaasna ma jirto wax war ah oo ay masuuliyiinta ammaanku ka soo saareen dadka la xirxiray iyo sababaha loo qabtay toona.

Howlgaladan ayaa ku soo beegmaya kadib markii toddobaadkan lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso Laba nin oo midkood uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Hoose ee Boosaaso.

Banaan Bax Ka Dhacay Minnesotta

$
0
0

Boqolaal Qof oo ka mid ah dadka ku nool Gobolka Minnesota ee dalkan Mareykanka ayaa shalay dibad bax ka sameeyay magaalada Minneapolis, dibad baxaasi oo ay Somalida hormuud ka aheyd waxaa looga soo horjeeday bangiyada diidan inay la macaamilaan xawaaladaha Somalida ee gobolka.

Hadaba dibad baxaasi ayaan ka wareystay Imaamka Masjidu Dacwa ee Magaalada Symbol Sheikh Xassan Jaamici oo ka mid ahaa dadkii soo qabanqaabiyay dibad baxa isla markaana la hadlay dibadbaxayaasha waxaana ugu horeyn weydiiyay cidda soo qabanqaabisay.

Martida: Yuusuf Maxmaed Ismaaciil "Baribari"

$
0
0

Barnaamijka Martida Micrafoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah wakiilka joogtada ah ee xarunta qaramada midoobay ee Geneva u jooga Somalia Yuusuf Maxamed Ismaaciil "Baribari" oo Khamiistii isaga iyo wafdi ka socda Q.M at gaareen Muqdisho.

Yuusuf Baribir ayaa barnaamijkan kaga warramayaa ujeedada safarkooda Muqdisho, howsha xafiika uu madaxda ka yahay u qabto Soomaaliya iyo arrimo kale.

Barnaamijka oo maqal ah ka dhageyso qaybta hoose.

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha Maanta

$
0
0

Barnaamijka Hambalyada ee maanta waxa inoo soo jeedinaya Sahra Ciidle Nuur iyo Ibraahiim Xasan (Daanduray).

Barnaamijka oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

Madasha Dastuurka: Dhaliilaha Guud

$
0
0

Barnaamijka Madasha ee toddobaadkanna waxan kusoo qaadanaynaa su'aalo laga qabo dhaliilaha guud ee loo hayo qabyo-qoraalka dastuurka.

Waxa barnaamijka marti ku ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Qareen Sakaria Maxamed Sheekh

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Sida Cayaaruhu u dhaceen

$
0
0

Manchester City ayaa garoonkeeda lagu guddoonsiiyay koobka horyaalka England Premiership. Waxay ku qaaday farqiga goolasha markii Manchester United ay isku dhibco noqdeen.

Jigjiga: Maktabad la Dhagax Dhigay

$
0
0

Maktabad ama Library cusub ayaa, taasoo oo loogu talo galay arday dugsiyada Hoose/Dhexe ayaa la dhagax dhigay magaalada Jigjiga.

Barnaamijkan waxa fuliyey Hay'adda Somali Ethiopian Women Diaspora oo xaruntoodu tahay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.


Somaliland: Roobab Gooyey Waddooyinka

$
0
0

Waddada isku xirta Burco iyo Laascaanood ayaa waxa gooyey roobab xoog badan oo maalmahan halkaas ka da'ayey.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dadaal ka galayso sidii ay waddooyinkaas sida ugu dhakhsaha badan ugu hagaajin lahayd.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Labo Qof oo lagu Dilay Baydhabo

$
0
0

Koox bastoolado ku hubaysan ayaa bartamaha magaalada Baydhabo ku dilay nin iyo qof dumar ah, iyada oo kooxdii dilka geystay ay baxsatay.

Dilkani waa kii ugu dambeeyey dilal dhawaanahan ka dhacayey magaalada Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka Bay.

Dhinaca kale, qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhashay dhaawac soo gaaray dad shicib ah.

Warar arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Finland: Carwo Buugaagta ah oo lasoo Bandhigay

$
0
0

Qorayaasha Afka Soomaaliga ayaa buugaag gaaraya 300 oo buug kusoo bandhigay magaalada Esppo ee dalka Finland.

Waxa carwadaas kasoo qeyb galay Soomaali gaareysa 220 qof.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Xaflad Sport oo ka dhacday London

$
0
0

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan bahda maamulka, cayaartoy iyo taageerayaal cayaaraha Soomaalida UK.

Aqoonyahan ku geeriyooday Nairobi

$
0
0

Allaha u naxaristee waxaa magaalada Nairobi waxa ku geeriyooday, Cabdi-Xayi Cismaan Garaad. Wuxuu la taliye ku ahaa wasaaradda dastuurka dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Muxaadaro - You Mamma - Said Rageh

Gabay la magac baxay “Dhursug”:By Farxiya Xuseen Cumar

$
0
0

Waa gabay si kooban uga hadlaya xaaladda guud ee wadanku ku sugan yahay,
xambaarsan waano iyo waayo warin, qaabinaya dhibaatada ku gadaaman
umadda Soomaaliyeed, farfiiqaya dhibka umadda ku dhacay, si looga baxana
loo baahan, in midnimada la xoojiyo, la'aanteed illeen waxba lama noqon
karee. Gabaygii oo billowdana waa kan, ee ka bogosho wacan:

Dha’da gabay anoo dhaafay baan, maanta dhigayaaye
Waa taan ka dhawrsaday muddaba, dhihitin kiisiiye
Balaan dhaho dhawaaqaan rabiyo, maanso dhalankeeda
Aan dhaabadeeyoo murtida, dhawr xujana sheego

Gacaloow dhulkeenii beryahan, dhiilla laga sheegye
Dhidibkii xornimadaa dhumayoo, dhacantay Maandeeqe
Dhulka dhalanrog baa laga dhigoo, waa la dheefsadaye
Dhirtii dhamac ayaa laga dhigay, geeda dhuxuleede
Dhagax iyo xoolaha tahay, waa la dhoofsadaye
Dhallaankiyo carruurtaa badaha, lagu dhammeeyaaye
Darna dhiig baxbaa lagu dilaa, dhamac sokeeyaade
Dhabeeshiyo haweenkii wacnaa, dhaabad lagu oodye
Dhallintiina dhoofbaa qaribay, dhimasho hoygeede
Dhammaan reerkii Soomaaliyeed, dhaaftay noloshiiye.

Afartaa murtida aan dhildhilay, iyo dhaabadii hadal dheh
Afar kalena waa dhiidhigiyo, kaad dhursugayseene
Dhabtii hadalka waw dhihi jiriyo, lagama dhuuntaane
Dhawaqii Abwaan lagu yiqiin, dhaabad gabyaa dheh.

Dhegxumada halkaa taal, dhib iyo dhiilla iyo hoogga
Dhallinyaro dagaal lagu jabiyo, dirirta ku dhaantaysa
Dhabaacada orodkiyo dagaal, dhiigga ehelkaaga
Ninka dhuuni qaatee misana, dhereg u moodaaaya
Dhimashada ninkaa doonayee, dhaaftay noloshiisu
Dhuuni qaatonimo ruuxa raba, dhalanrog weeyaane
Dhocor inuu ku helo ruuxa raba, dhiigga ehelkiisa
Ee dhagarta faallaynayee, dhaantada u haysta
Dhasha iyo ninkaa qalay ilmahee, dhuunta kala gooyey
Miyaan dhaqan wadaagnaa dadyahaw, waa dhurwaa dhabahe.

Afartaa murtida aan dhildhilay, iyo dhaabadii hadal dheh
Afar kalena waa dhiidhigiyo, kaad dhursugayseene
Dhabtii hadalka waw dhihi jiriyo, lagama dhuuntaane
Dhawaqii Abwaan lagu yiqiin, dhaabad gabyaa dheh.

Haddaynaan dhabtii doonin, oo dhaadin samaheena
Haddaynaan dhurwaayada na cuni, dhiigga ka ilaashan
Haddaynaan dhan wada aadinoo, samaha dhooldhoolin
Haddaynaan dhammayn xumaha oo, dhalinin goolkeena
Haddaynaan dhaqaaqinoo xornimo, dhidibada u aasin
Haddaynaan dhaqankeena lumay, dhaxalka dhawraynin
Haddaynaan midnimo dhalininoo, dheehan quruxdeeda
Haddaynaan dhallaaniyo mid weyn, dhaxan ka soo deyrin
Oo aan dhiigga laga maydhahayn, dhaashanoow calanka
Oo dhismaha qaranka wacan, dhidid ku sayraynin
Dhakafaarka waa lagu jiriyoo, dhooqadaa abide
Ka dhiidhiya xumaanta dadyahaw, dheelligana diida
Isu soo dhawaada dadyahaw, dhaafa kala boodka
Isku dhiiba sacabada geddiyoo, dhawra ehelkiina
Isku dhaafa xumihii dhacayoo, dib uga dheeraada .

Dhammaad.

Waxaa tiriyey:
Farxiya Xuseen Cumar


Madaxweyne Shariif Oo U Ambabaxay Dalka Mareykanka

$
0
0

image: 

Nairobi (RBC) Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xaley u duulay dalka Mareykanka, halkaas oo ay kaga qeybgali doonaan shirka golaha ammaanka QM dhawaan ay ku yeelan doonaan magaalada New York ee dalkaas.
Sida uu sheegay wariyaasha mid ka mid ah la taliyaasha madaxweyne Shariif, oo ku sugan dalka Kenya, wuxuu lee yahay madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ka duuleyn garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulaymagaalada Kampala ee xarunta dalka Ugadna halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay joogeyn.
Wafdiga madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa ka mid ah wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda KMG ah ahna ra’iisal wasaare Xuseen Carab Ciise iyo xubno kale.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in fadhiga golaha ammaanka QM uu ka jeediyo khudbad uu ku soo bandhigaayo wax yaabihii u qabsamay dhawaanahan dowladda KMG ah, gaar ah horrumarka laga gaaray dagaalada lagula jiro Al-Shabaab, sameynta dastuurka cusub iyo arrimaha dib u heshiisiinta.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa garoonka waxa uu la kulmay danjiriyaasha Britain iyo Mareykanka u fadhiya Kenya iyo qeybo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya kuwaas oo aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Madaxweynaha DKMG ah, ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa caasimada Uganda ee Kampala. hallkaas oo uu kulan kula la qaatay dhiggiisa waddankaas Yuweri Musavani iyo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaalla waddankaas, sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qeyb galay xaflad loo sameeyay askar loogu tababaray DKMG ah dalka Uganda kuwaas oo la doonayo in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.
Dhinca kale, War lagu daabacay wargeyska The Washingtonpost ee ka soo baxay dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in mareykanka uu ballaarinaayo howlaha lagu tababaraayo ciidamada la doonayo in la keeno dalka Soomaaliya.
Saraakiil ka socda Mareykanka ayaa hadda ku sugan dalka Uganda, ujeedkooduna waxa uu yahay siddi ay ciidan cusub ay ugu qori lahaayeen howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ee Soomaaliiya.
Waxa bilihii dhawaa ay gaarsiiyeen ciidamada la qoraayo 3,500  oo ciidamo Uganda kuwaas oo tababarkooda uu ka socda xero Military oo ku yaala dalka Uganda oo ah dalka ciidamada ugu badan kuu deeqay howlaha AMSIOM ee Soomaaliya.
RBC Radio
————————-
Xafiiska Wararka Nairobi

Roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay Degmada Guriceel

$
0
0

Roobab Saacaddihii la soo dhaafay ka day’ay magaalada Guraceel ee gobolka Galgaduud ayaa Hakad haliyay adeegyadii dadweynaha, iyadoo dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka ku nool magaaladaasi ay codsadeen in laga caawiyo saameynta ay ku raabeen Roobabkii ka da’ay Garacel.
Roobabkan oo magalaada Guraceel ka da’ayay muddo ka badan 24 saacaddood ayaa waxa ay Hakad galiyeen dhammaan adeegyadii dadweynaha, sida Gaadiid, Suuqyada, Korontada iyo Isgaariinta oo noqotay arrinta ugu saameynta badan.
Shacabka ku nool magaalada Guraceel ee gobolka Galgaduud ayaa Radio Muqdisho uga warramay raadadka ay ku rabeen Roobaabkii ka da’aday magaalada, iyagoo sheegay in xaaladda ay ku adkaatay markii ay da’een Roobab xooggan, waxayna shacbaka Soomaaliyeed ka codsadeen in ay ka gacan siiyaan sidii ay u helli lahaayeen guryo ka wanaagsan kuwa hadda ay deggan yihiin oo ah kuwa aan celin Karin dhibicda Roobka.
Qeybo ka badab oo ka mid ah gobollada dhexe ee dalkeenna maalamahan waxaa ka da’adayay Roobab xooggan, kuwaasi oo qaarkood reebay raadad dhibaato leh, maadaama ay jiraan dad deggan guryo ka sameysan Cooshado, una baahan in laga taageerro sameynta ay Roobab ku yeesheen.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 

Dagaalo faraha looga gubtay oo dhex maray Ciidamadda Al Shabaab iyo Ciidamadda Kenya

$
0
0

Dagaalo qaraar ayaa waxay xalay dhex mareyn Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, iyadoo labada dhinac ay iskaga hor yimaadeen dagaalo aan waxba leesku reeban.
Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysnaa noocyada kala duwan ee hubka, ayaa waxay xalay dagaalo culus ay ku soo qaadeen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya ee ku sugan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalada labada dhex ku dhex maray Degmada Badhaadhe oo ay isku adeegsadeen noocyada kala gedisan ee hubka, ayay labada dhinacba faraha uga gubteen dagaaladaasi oo soconaayay muddo dhawr saacadood oo xiriir ah.
Xilli dagaaladu ay si kulul ku soconayeen ayaa waxaa ku soo biiray Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ee iyaguna fariisimaha ku leh Degmada Badhaadhe, oo ay 4 bilood kahor kala wareegeen Xoogaga Shabaab.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta sheegeen inay khasaaro xoogan u geysteen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo ay sheegeen inay ku soo qaadeen weeraro naf la-caari ah, sida ay sheegeen.
Sidoo kale Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab ayaa waxay baahisay, in dagaalada ka dhacay Degmada Badhaadhe ay Ciidamadda Al Shababa askar badan uga dilleen Ciidamadda Dowladda Kenya, halka kuwa kalana ay sheegtay inay uga dhaawacmeyn.
Dagaalada qaraar ee xalay labada dhinac ku dhex maray Degmada Badhaadhe, ayaa waxay ahaayeen kuwo si weyn u ruxay dacalada kala duwan ee Degmada Badhaadhe, waxayna dagaaladu ahaayeen kuwo saameyn ku reebay goobihii lagu dagaalamay.

Ku dhawaad 100-ruux oo Somali ah oo laga sii daayay Xabsiyada dalka Tanzania

$
0
0

image: 

Darussalam: (Sh. M. Network) Ku dhawaad 100 oo u dhashay waddanka Soomaaliya ayaa laga sii daayay Xabsiyo ku yaalla dalka Tanzania kaddib wada hadal dhexmaray dowladda KMG Soomaaliya iyo dowladdaasi.
Wararka ka imaanaya Magaalada Darussalam ee dalka Tanzania ayaa waxa ay sheegayaan in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay horey u qab qabteen Booliska Tanzania laga sii daayay Xabsiyada dalkaasi, waxaana Muwaadiniinta Soomaalida ah ee la siidaayay ku jiray 3-Dumar ah.
Dadkaani ayaa lagu wareejiyay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Tanzania kuwaasi oo ay Safaaraddu sheegtay in dib loogu soo celinayo gudaha waddanka Soomaaliya sida uu Idaacadda BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Ambassador Cabdi Xakiin.
Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Tanzania ayaa sheegtay in Muwaadiniintaasi ku jiray Xabsiyada dalkaasi aysan la kulmin wax dhibaato ah, waxaana ay ka digtay in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay kasoo tahriibaan dalkoodu.
Soomaali badan ayaa ku xiran Xabsiyada ku yaalla dalalka Afrika kuwaasi oo ka cararay dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka jira waddanka Soomaaliya, iyadoo aan la’ogayn qaabka loo bad baadin karo Soomaalida kale eek u xiran dalal ka mid ah kuwa Afrika.

Marxaladda kala guurka ah iyo Madaxda mustaqbalka Q:3AAD:By Bashir M. Hersi

$
0
0

Aqriste, haddaan qaybtii hore ee qormada uga hadlay, Arar, Marxaladda
kala guurka ah, Guddiga Dastuurka iyo qayb ka mid ah Dastuurka qabyo
qoraalka ah. Qaybtii xigtana ku qaabiyey: Qayb ka mid ah Dastuurka qabyo
qoraalka ah, Dastuurro is diiddan iyo Dastuur duran, ayaan qaybtan uga
hadlayaa: Xulidda Xildhibaannada, Dhammaantoodba na dhaafiya! Maandeeq
Marwo ku maamuusa iyo Doorashada iyo lacagta la soo daabacayo. Haddaba
qaybtii sadaxaad ee qormadu waa tane, ka bogasho wacan.

Xulidda Xidhibaannada

Qormo hore oo cinwaankeedu ahaa: “Doqon diran iyo daacad dabran!” ayaan
ku talo bixiyey, in qaab xulidda xildhibaannada loo raadraaco talo wax
ku ool ah oo maankayga ka soo maaxatay, haddab, iyadoon la hoosaasin bal
ila dhuuxa aragtida.
Si loo xalliyo muranka xulidda xubnaha baarlamaanka ka mid noqon doona,
kala dirid maalin walba kuma jiri karnee, kowna lagama soo billaabi
karee, kuwa jooga cidna ma soo dooran, oo kalsooni beeleed iyo mid
bulshab midna ma haystaan. Kuwa iman doonana la mid, yaa beeso leh
xaalku ka dhammaamaayo, sidaa darted, waxaan ku talin lahaa, in kuwan
laga soo dhex xulo xubnaha iman doona,  haddaba sidee loo soo xulayaa?
Tirada la doonayaa waa 275, si loo helaa aad ayey u sahlan tahay, waxaa
lagu wargalinayaa xildhibaannada dibadda ku maqan iyo kuwa gudaha
joogab, in xulasho Xildhibaanno la samaynayo, shanta beel ama aan dhehee
beel iyo barta hadda jirta, maalinba beel ayaa la tartansiinayaa
xubnaheeda, tirada ay beel walbaa hadda leedahay waxay ku dhawdahay 122,
waxaa la samaynayaa 122 waraaq, waa la nambarinayaa 45 waraaq, inta
kale caddaan kooda ayaa loo dhaafayaa, sidaa ayuu nin walbaa ku
tijaabinayaa hoodo iyo ayaan wuxuu leeyahay.
Ninkii qaata waraaq nambar leh ayaa ka mid noqonaya baarlamaanka, ninkii
qaata waraaq cad ee aan waxba ku qornayn xubinnimadii sidaa ayuu ku
weynayaa. Si kalana waa laga dhigi karaa, micnaha, waraaq cad ninkii
qaata ayaa galaya xubnaha baarlamaanka, ninkii waraaq wax ku qoran tahay
qaatana sidaa ayuu ku weynayaa xubinnimadiisa. Sidaa ayaana lagu xallin
karaa xulidda baarlamaanka, waxaase la oran karaa kuwani meesha waxaaba
geeyey ayaankooda, haddi markaa eed kuma laha, ee ayaan darradu
Soomaali ayey ku habsatay, waa maroo iyagii hoodo ma yeelan, waa marka
labaade kuwii matali lahaana sidan yey noqdeen. Soomaalaay ayaan daran.
Markaa ka dib ayey ansixinayaan dastuurka qabyo qoraalka lagu sheegay,
ee ilaa hadda la garan la’yahay waxa ku qoran iyo waxa lagu qori doono,
waxaa xigaya doorashada afhayeenka baarlamaanka, ka dibna madaxweynaha,
ka dibna xulidda wasiirka koowaad, dhismaha wasiirro, sidaa ayeyna
hawsha ku socon, iyadoon wax la kala dirin, kowna laga soo billaabin,
waxaa isu kay qaban la’, waxaa laga gudbayaa marxaladda ku meel gaarka
ah iyo baarlamaanka ha la kala diro! Oo haddii la kala diro yaa soo
dooranaya? Yaab.
Bal maanta aan qaab kale u dhigo, waxaa igu qasbay, waa inay ii
muuqatay, in dukaanleyda joogtaahi soo noqon rabaan, doonayaan inay
dadka ka hoos xaluushuun, sidaa awgeed, waa in laga sii hortagaa,
maadaama aysan intii ay meesha joogeen waxba soo kordhin, marka laga
reebo isqaarijin iyo isjiijiid.
Maanta waxaan ku talinayaa inay xildhibaannada soo xulaan Odayaasha
dhaqanka, sida kuba xusan heshiisyadii horay loo gaaray, maya, sida
saxda ahba, illeen dadkani hoggaan kale ma lahane. Sayaasi isagaa
kaalintiisii gabay, una tanaasulay qabqable iyo xaraan ku naaxayaal.
Wadaad isagaa kaalintiisii gabay, una tanaauslay Alshabaab iyo
argagixiso. Sidaa awgeed, Oday dhaqameedyadu waa kaalinta qura ee
hartay, ee u taagan hab maamul iyo wax kala dhihid dad.
haddaba su’aaasha ayaa ah: Odayada qudhooda sidee loo soo xulaa? Illeen
maanta qof walbaa waa Oday iyo Nabaddoone. Inta aanan ka jawaabin, midi
waa inay caddaataa, waa inaysan soo xulin Odoyaasha dhaqanka madaxda
maanta joogta, hadday soo xulaan waa “Waa Jugjug meeshaada joog” oo
marnaba ma dhacayo wax isbadal ah, sidaa awgeed, ugu horraynba waa in
raggaa laga ilaalshaa.
Haddaanse u laabto warcelinta weydiinta, Ani ahaan waxay ila tahay in
sidan loo xulo Hoggaanka Odayaasha Dhaqanka: Ugu horrayn waxaa laga
billaabayaa xulidda magacyada ma guuraanka ah, sida: Imaam, Ugaas,
Boqor, Suldaan, Garaad, Malaaq, Isin, Beeldaajiye, Duub, Wabar IWM.
Beelaha aan lahayn magacyda caynkaa ah asee isu dhigma, waxaa laga soo
xulayaa Nabaddoonadooda.
Middan waxaan uga jeedaa inaysan dhicin sidii shirkii Carta oo kale, in
beelo aan lahayn Ugaas, aysan madasha shirka ku caleemasaaran Ugaas,
illeen waxani waa dhaqan soo jireen ehe, oo ma ahan wax la dhoodhoobi
karo laba galline, sidaa awgeed, wa in xulashadu ahaataa dhakawyada
dhaqanka iyo dhuuxa Hidda, magacyada deegaanba si looga adeegsado,
balse, isku wada mid ah, xagga shaqada iyo shiddadaba. Waxaa isla iminka
Billowdey in Beelaha qaar ay gudagaleen Caleemosaar Ugaasyo ama
Suldaanno cusub.
Markii qaabkaa lagu soo xulo, oo beel walba Odaga ugu magaca dheer, ee
ugu sarreeya sallaanka dhaqanka la keeno, ayaa xilka dusha loo saarayaa,
halkaa looga hari mayee, waxaa la hordhigayaa, in badbaadada Soomaali
ay gacantooda ku jirto, “Qoodh iyo Xero, Dhur iyo Dhaqan” inaysan
beelinna, ay maanta mariyaan mudanka ay leedahay, haddii kale, ay ka
dhacayso ma harto, waligood daba socon doonta.

Dhammaantoodba na dhaafiya!

Dhaartaa iyo dhaaya furkaa ka dib, ayey gudagalayaan soo xuliladda
xildhibaannada, mid muhim ah aan halkan ku xuso, waa inuusan xildhibaan
noqon; mudane horay uga soo mid noqday dawladihii la dhisay intii
burburka lagu jiray, laga soo billaabo “Dwladdi Manifesto” ee Cali Mahdi
madaxa ka ahaa, ilaa laga soo gaaro “Dawladda Shareecada” ee Shariid
madaxa ka yahay.
Mudadaa intii u dhaxaysay, ninkii soo noqday: Madaxweyne, Ras’isul
wasaare, Wariir ama Xildibaan, waa inuusan dib noogu soo noqon,
waxtarkooda iyo wax ku oolkoodba la arage.
Aqriste ha is dhihin, ninkan dad gaar ah ayuu colaadinayaa! Adba arag
inaan kala reebin, ninkii horay noo soo maray, ee xil noo qabtay,
xilligan ha noo kaadsho, hadduu doono markii marxaladdan laga gudbo, xil
ha soo raadsado, balse, tooggan ha noo nasto ciyaari waa dambaysaaye.
Aragtidaydan waxaan ku xoojinayaa in qaybo badan oo bulshada ka mid ah
ay ila qabaan, bal haddi aan tusaaleeyo, Imaam Cabdulaahi Khaliif Rooble
oo ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ayaa yiri” Shiikh Shariif Naf iyo Maal
baan kuugu beelney ee si Sharaf leh ugu deg Xilka Madaxweynenimo” Hadduu
Imaamku madaxweyne Shariif la hadlayey, maxaa diidaya inaan sii
ballaarinno, oo aan inta la midka ah oo dhan ku wajahno? Waa waxba ayaan
filaa, aqriste adigase siday kula tahay?.
Waxaa weydiini ka iman kartaa, ninkii aan xil qaban xilligii burburka,
balse horay xil uga soo qabtay “Dawladdii Hantiwadaagga” sidee laga
yeelaa? Ani ahaan, haddayba intaa aamus iyo isha ka daawo ku jireen,
maxaa dhacay oo looga horjoogsanayaa? Sida loo helo ayaaba adage, inta
la heli karo ha laga karorsado waxay hayaan, inta kalase hareeraha ha
laga maro.

Maandeeq Marwo ku maamuusa

Halgankii xornimadoonka loo galay, hardanka madax bannaanida loo maray,
tuuriddii heeryada gurmaysiga iyo hadafkii gobanima u dirirka, waxaa
heegada sare uga jiray, haddii aysan horyaalba u ahayn, haween da' walba
leh, sidii Hillaac oo kale uga dhex muuqday, uguna hooray sidii Hogol
roobaad oo loo hamuun qabay.
Murti Caalami ah ayaa dhahaysa: “Nin kastoo weyn, waxaa ka dambaysa
HAWEEN weyn” [Hooyo ama Xaas] waxaan filaa inaysan u baahnayn inaan
duljoogsado waxa HOOYO goyso ama gasho, waxaa naga kaafiyey Abwaan
Maxamwed Ibaraahim Warsame “Hadraawi” heestiisii qiima iyo qaayaha
badnayd, ee “Hooyo” ee ku xaerrdiyo Boqodka codka Maxamed sulaymaan
“Tubeec” aan soo qaato meersiyada heesta u dambeeya , ee ah:

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq dhawr baan
Dusha kaa huwinayaa
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Waligay hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayo
Hengal baan u xirayaa
Inta haadka duushiyo
Giddi habar dugaagee
Ifka hibo ku nooloow
Aakhiro halkii roon.

Dhammaad.

Mar kale aan Abwaan Maxamwed Ibraahim Warsame “Hadraawi” ku laabto iyo
maansadii: “Hablaha Geeska Afrika” xareedintii Al fannaan Khaliif
Cismaan Cabdi “Sayid Khaliifa” wuxuu ku yiri Abwaan Hadraawi sidan:

Kuma galo adduunyada
Ninna goonni socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illayn noloshu guul ma leh? .

Dhanka kalana, inta xaas leh waan filaa inay marag ka yihiin barta ay
qoyska uga jirto, ha ka tagin Doobyada xiska ku haya inay Xaasleyaal
noqdaan, ee aan moogayn waxa ka maqan iyo mugga uu leeyahay.
Inta aysan sheekadu ila durgin aan tusaaleeyo, haweenka hal adayga ka
muujiyey halgankii xoriyadda, waa Xaawo Taako, eed wada garanaysaan
dhammaan, astaan iyo asal lagu maamuusna loo yagleeyey, kaligeed ma aha,
ee intii hiil iyo hoo la garab istaagtay dhallintii xornimada dhalisay
ayaa xushmo iyo xus gaara mudan.
Kaalinta ay haweenku bulshada uga jiraan waa mid bannaan yaal ah, aan u
baahnayn iyo bayd iyo burhaan loo baadigoobo, diin iyo diiwaanna wada
qireen, illeen ninna ma dayacayo cod uu ka helayo cudude, sidaa awgeed,
ma gudagalayo dhankaa, ee waxaan doonayaa inaan dhan dahsoon oo aan
muuqan dadka u muujiyo, ma ahan inay kaligay ii muuqato, balse, aan lagu
wada dhiirran karin.
Inta aanan soo bandhigin jeedintaydan, waxaan afeef u dhigayaa qof walba
oo aragti ka duwan qaba, gaar ahaan qofkii hab diineed aysan ugaa
daadagayn talada aan soo jeedin doono, maxaa yeelay, kala duwanaanshuhu
ma ahan wax xun, oo abuurka ayaa sidaaba ah, dabeecadduna ku dhisan
tahay, ee waxaa xun in lala dagaalo kala duwanaashaha, ama loo hawlgalo
sidii loo baabi'in lahaa! Waaba hadduu baaba'ayee.
Sida uu burburkii u dhacay dhaqaalaha Soomaali waxaa lafdhabar u ahaa
haweenka, kaliya ma ahan, ee waxay lafdhabar u ahaayeen guud ahaan
nolosha, ka dib markii raggii ka gaabsheen inay gutaan kaalintoodii,
imisa qays oo Soomaaliyaad ayaa Hooyada ku tiirsan, oo la'aanteed aan
horay u socon karin, huromarna aan gaari karin? Dabcan, busaaradda,
shaqo la'aanta, baagamuudada iyo xamaali iyo xirfad la'aanta ayaa qayb
ka ah culayska haweenka ku soo fara baxsaday, haddana wax matareyaasha
looma qiilin karo.
Bal dib milicso, miyiga iyo maalmihiisii, haweenka waxay had iyo jeer
ahaayeen udud dhexeedka nolosha, lana qaybsan jireen ragga hawlaha nolol
maalmeedka, ayna u sii dheereed midda guriga, carruurta iyo jikida oo
aan cidna uga tagi jirin, daaqsinka Ariga iyo Weylaha, lisidda iyo
qalidda Ariga oo haweenka u gaar ahayd, weydiimaba ha laga keenee, waxay
ahayd hawl aan qofna la wadaagin, habeen iyo dharaarna sugaysa, waxaa u
dheeraa inayba ahaayeen aalad lagu dansho colaadaha ka dhex aloosma
beelaha.
Qodobadan aan soo sheegay iyo kuwa kale oo aan qormadu qaadin awgeed,
maanta waxaa nagu soo beegan doorasho madaxweyne, xilligeeda ay ka
harsan tahay maalmo kooban, muddo dheer waxaa hoggaanka noo hayey RAG,
waxaan soo aragnay qaybaha rag uu lahaa oo dhan, Madani, Military iyo
Wadaad, haddii la isu geeyana noqonaya Aqoon yahan iyo Wadaad ama Wadaad
iyo Waranle, wax aan burbur iyo baaba' ahaynse laga dheefin.
Mid walba kan ka dambeeya ayaa ka sii liita, mid walba kan ka horreeyey
ayuu ka hagar badan yahay, sidaa awgeed, waxaan soo jeedinayaa in markan
MAANDEEQ MARWO LAGU MAAMUUSO, maya, waxaanba codsanayaa in codbixintan
MAANDEEQ MARWO LAGU CASUUMO, kolley ka dari maayaane, waa la dhihi
karaa, hadba ninka ay u dhaxaan ayey ku dhaqan yihiin, oo waa tii hore
loo yiri: “Naagi Tol ma lahan, ee Tagoog la qabto ayey leedahay” haddana
kuwan qooradheerayaasha ah, ee aan qodobna qaban, qawlna xirin,
Quraanna xakamayn bal qaabkooda noo qeexa? Iyagu ma leeyihiin, meel la
qabto? Hadday haa tahay, waa xaggee? Hadday tahay maya, Wallee dumarkaa
dhaama markaa!
Abwaan Hadraawi aan mar kale cuskado, xigamadihiisii mid ka mid ahna aan
daliil ka dhigto, waa maansadii “Hablaha Geeska Afrika” ee uu ku
xareediyo Al fannaan Khaliif Cismaan Cabdi “Sayid Khaliifa” heesta
mriaha u dambeeya ah sidan:

Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan.

Dhammaad.

Doorashada iyo lacagta la soo daabacayo

Waxaa si weyn loo hadal hayaa, in dawladda KMG ah soo daabacayso lacag
Shilin Soomaali ah oo cusub, kaliya ma ahan, uuna qayb ka yahay maamulka
Puntland, waaba siday u dhacdee, arrinta waxaa markii hore ka hadlay
wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Faarax Cali Shire, maalin ka
dibna uu xaqiiiyey wasiirka maaliadda ee dawldda KMG mudane C/naasir
Maxamed Garjeex.
Aqriste bal miisaan, wasiir maamul goboleed ayaa iclaaminaya inay lacag
soo daabacayaan, kii dawladda dhexe ayaa maalinta xigta ka daba hadlaya,
isagoo u marqaati furaya, caddaynayana in lacagta loo soo daabacayo
dalka dhan? Aniga ma garan, wallee waa sheeko aan ii bixin, dalka dawlad
dhexe ayuu leeyahay, Federal [Waxayna anaa iska leh, waxaaga ku lihi]
macnihiisa ma ahan, in maamul walba waxa uu doono sameyo, waase laga
dhigay.
Lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga ah, waxay madlan tahay, inay wadanka
soo gaarto bilaha doorshada ka harsan dhexdooda, haddaba su’aasha ayaa
ah: maxaa xilligan loogu soo aaddiyey? Hubaal inaysan ujeed la’aan
ahayn, dhan walba marka aad ka eegto, midse aan hoosta ka xarriiqo, in
wadanku u baahan yahay Shilin cusub iyo lacag adag, haddii kale, maraan
dheerayn in wax lagu kala gadan doono Dollar.
Haddaba, maxaa xilligan keenista lacagta loogu soo beegay? Jawaabta inta
aadan helin, bal eeg labada qawlaysato ee lacagta soo daabacanaysa, waa
dawladda KMG iyo maamulka Faroole, waxaa la yiri: “Ratiga yari, Ratiga
weyn saanqaadkiisa ayuu leeyehee” mudane Faroole isagoo kaga dayanaya
Shariif, ayuu isna ku darsaday sanad, isagu uma baahan inuu Kampala
tago, balse aqalka iriddiisa ayaa loogu ansixiyey!
Waxaan la yaaba, nin kasta oo xil qabta, maxaa looga furfuri waayaa? Bal
eeg Siyaad Barre 21 sano ayuu kaadir ahaa, C/qaasim isagoo qulaamayaa
ayaa qadaadka la qabtay, C/laahi Yuusuf isagoo indha caddaynaya ayaa
cirka loo diray, Geddi gafuurka tuuraya ayaa gedda kale loo gamay,
Shariif Sakiin isagoo shabaaxle ayaa shaarka lagu dhagay, Sharmarke
isagoo shaqa ayaaba loo buuxshay, Formaajo isagoo fari u taagan tahay
ayaa foodda la qabtay magacyadu badan waa meeshuu Cigaal Shidaad ka
yiri: “Waa la buuxaa waa la badan yahay”.
Shariif sanad ayuu ku darsaday, Faroolana isna sanad ayuu ku darsaday,
war haddii xilku kuu dhammaaday, sharaf iyo maamuus laguugu dhiibay,
maad isaga tagtid! Maxaad dadka u sii dhibaysaa? Maad ugu yaraan soo
gashid murashaxiinta, marka aad dadka cunaha ka qabanysid?.
Sanad kordhisashada waxaaba nooga daran, in nin walba oo joogo uu lacago
tacbaday, cid uu dan ka leeyahay ma jirto, dib u qooraanso sooyaalka,
C/qaasim Salaad Xasan iyo ganacsato uu ka mid yahay Ina Daylaaf, ayaa
xilliguu Carta ka yimid soo daabacday lacago Shilin Soomaali ah, waaba
la ogaa raadkii ay ku reebtay suuqyada, waaba meesha C/qaasim ka dhaxlay
magaca: Cabdi Gaajo, illeen sicirbarar aan horay loo arag ayey keentay
lacagtii ay soo daabeceene.
Aqriste, midda ka duwani soo wadaan ka duwan, xagga dhuuniga iyo
dhimaalka isku mid dheh, balse, kuwan hadda lacagta soo daabacayaa,
ujeedkoodu kuma eka beeso badshaso iyo beri qura ku bullaal [Maalin
Taajir] ee waxay doonayaan inay lacagtan la soo daabacayo ku galaan
olole doorasho, maya, olole maba jiree, inay xaaraan quutayaasha aan
qaran iyo qiimo midna qushi ka lahayn ku harqiyaan, illeen inta badan
waxaa u daran waxay cunaha marshaan iyo waxay caloosha galshaane.
Suuragal ma tahay dawlad maalmo u harsan tahay, inay lacago soo
daabacdo? Midda ka sii daran ayaaba ah, inay si gaar ah maamul goboleed
beeso joogta ah u siiso, ila xasuusta, intii uu ra’iisul wasaaraha ahaa
ina Sharmarke, waxaa jirtay lacago uu u diray maamulka Puntland,
lacagahaa ma ahayn kuwo deeq ku yimid ama dibadda laga keenay, ee waxay
ahaayeen canshuuraad laga qaaday Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan
Cadde, oo ay wax kala soo degaan ganacsato kala jaad ah, oo Soomaali oo
dhan isugu jirta, haddaba, maadaama aan maamullada dhan la wada siinayn,
miyeysan ku habboonayn inaan maamul gaar ah la siin? Aqriste siday kula
tahay?.

Fisha qaybta xigta ee qormada.

Bashir M. Hersi

brdiraac@hotmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live