Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qarax ka dhacay magaalada Mombasa

$
0
0

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay baar ku yaal magaalada Mombasa ee dalka Kenya.


Dastuurka Soomaaliya oo dhamaad ku dhow

$
0
0

Wasiirka dastuurka ee dawladda federalka Somaliya Cabdiraxman Xoosh Jibriil ayaa sheegay inay meel gabagaba ah marayso hawsha dastuurka.

Nin Loo Qabtay Weeraro Ka Dhacay Mombasa

$
0
0

Wararka ka imaanaya Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerar habeenkii talaadada lagu qaaday goob lagu caweeyo uu ka ahaa dadkii weerarka geystay .

Madaxa Boolsika Mathew Iteere ayaa sheegay in qofka la tuhmayo lagu sheegay nin la doon doonayay oo mar walba ka iman jiray xaafadda la yirahdo Kibera ee magaalada Nairobi.

Booliska ayaa sheegay in ninka la tuhunsanyahay oo dhaawaciisa la geeyay Cusbitalka jeekiisa laga helay  Tikit bas oo uu doonayay inuu ugu socdaalo Nairobi wax yar ka dib marka uu weerarka fuliyo.

Laba qof ayaa ku dhimatay, ugu yaraan 5 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib markii nin ku hubeysan uu weerar ku qaaday goobta lagu caweeyo.

Ninka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu ku hubeysnaa qori iyo bambo gacmeedyo goobtana uu ka baxsday ka dib markii uu rasaas iyo bambaanooyin huwiyay goobtaasi. Xaaji Mursal Quulle oo ka tirsan wariyayaasha idaacadda Iqra ee magaalada Nairobi ayaa VOAda uga waramay.

WFP oo kaarar cunto siineysa qoysas ku dhibaateysan Soomaaliya.

$
0
0

Barnaamijka Qaramada Midoobay ee cuntada aduunka WFP ayaa sheegay in ay kaarar ay cunto ku qaataan ay siinayaan deegaano ka tirsan Soomaalia.

Hargeysa 17 qof ayaa lagu xukumay dil

$
0
0

Somaliland maxkamad ku taalla Hargeisa, waxa ay maanta dil ku xukuntay 17 dil, halka shan qofna lagu xukumay xabsi daa'in.

Hargeisa: 22 Qof oo La Xukumay

$
0
0

Maxkamada Ciidamada Militariga Somaliland ee magaalada hargeisa ayaa maanta Xukuno Dil toogasho iyo Xabsi daayin iskugu jira ku riday  22 qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dad Shacib hubaysan ah oo shalay Subaxnimadii weerar ku qaaday Xero Ciidan oo ku taala Bariga magaalada Hargeisa .

Weerarkaasi shalay ayay ku dhinteen 7 qof halka ugu yaraan 10 qof oo kalena ku dhaawacmeen hadaba Sahra Ciidle Nuur ayaa goor dhawayd khadka telephone ka kula xidhiidhay  Gudoomiyaha Maxkamada  Ciidamada Somalilnd Yuusuf Faarax Sharmaarke  waxaany ugu horayn waydiisay tirade dadka ay dilka ku xukumeen iyo kuwa xabsi daayinka lagu xukumay

Wareysiga oo maqal ah halkan hoose ka dhageyso.

MSF Belgium oo xiraysa xarumo caafimaad

$
0
0

Hey'adda samafalka ee MSF ee ka hawlgasha Soomaaliya ayaa sheegtay inay go'aansatay inay xirto xarumo caafimaad.

Baydhabo: Arday Jaamacad ka Qalin jabisay

$
0
0

Jaamacaddan oo shan sano ka hor laga furay  ayaa Ardaydu ay ku qalin-jabiyeen dimploma-da kalkaaliyaha caafimaadka oo saddex sanadood ah.

Ardayda ayaa ka hadlay xiliyada adag ee ay soo mareen intii ay waxbarashada ku guda jireen, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan ilaa ay dhakhaatiir buuxda noqdaan.

Waa dufcadii labaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Koonfurta Somalia ee xarunteedu tahay magaalada Baydhabo.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.


Qaramada Spain iyo France oo Magacaabay Xiddigaha uga Qeeyb Galaya koobka Qaramada Yurub ee Euro 2012

$
0
0

image: 

Muqdisho (RBC Radio) Macalinka xulka Qaranka Spain Mr.Vincente del Bosque ayaa waxa uu magacaabay qaar ka tirsan Xiddigaha Qarankaas uga qeeyb galaya koobka Qaramada Yurub.
Xidigaha uu xushay malinkaan ayaa waxa ka mid ah.
Goolhayaasha: Iker Casillas (Real Madrid), Jose Reina (Fc Liverpool), David de Gea (Manchester United).
Difaaca : Juanfran (Atletico Madrid), Alvaro Arbeloa (Real Madrid), Sergio Ramos (Real Madrid), Alvaro Dominguez (Atletico Madrid), Raul Albiol (Real Madrid), Jordi Alba (Valencia), Nacho Monreal (FcMalaga).
Qadka Dhexe : Xabi Alonso (Real Madrid), Santi Cazorla (Fc Malaga), Jesus Navas (FC Sevilla), Benat (Betis Sevilla), Javi Garcia (Benfica Lispon), Bruno (Fc Villarreal)
Weerarka : David Silva oo weearar laga dhigay (Manchester City), Alvaro Negredo (FC Sevilla), Roberto Soldado (Valencia), Isco (Fc Malaga), Adrian (Atletico Madrid).
Spain waxay isku Guruub yihiin koobka Qaramada Yurub dalalka Talyaniiga, Irland iyo Croatia oo dhamaantood lagu qadariyo Ciyaaraha Kubada cagta.
Malinka Spain wuxuu sheegay in dhowaan uu soo dhameestiri doono ciyaartoyda kooxda Spain, waxaana malinta uusan magacyadooda wali qaranka ku soo darin xidigo muhiim ah.
Sidoo Kale Qaranka Farance ayaa xidigaha u ciyaaraha dhamaantoodaba la soo dhameestiray.
Dhanka Goosha ayaa loo soo calaameeyay: Cedric Carrasso (Bordeaux), Hugo Lloris (Lyon), Steve Mandanda (Marseille).
Difaaca : Gael Clichy (Manchester City), Mathieu Debuchy (Lille), Patrice Evra (Manchester United), Laurent Koscielny (Arsenal), Philippe Mexes (AC Milan), Adil Rami (Valencia), Anthony Reveillere (Lyon), Mapou Yanga-Mbiwa (Montpellier).
Qadka Dhexe : Yohan Cabaye (Newcastle), Alou Diarra (Marseille), Yoann Gourcuff (Lyon), Florent Malouda (Fc Chelsea), Marvin Martin (Sochaux), Blaise Matuidi (Paris SG), Yann Mvila (Rennes), Samir Nasri (Manchester City), Franck Ribery (Bayern München).
Weerarka: Hatem Ben Arfa (Newcastle), Karim Benzema (Real Madrid), Olivier Giroud (Montpellier), Jeremy Menez (Paris SG), Loic Remy (Marseille), Mathieu Valbuena (Marseille).
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Faroole "qolyahaya dowladda Fadaraalka KMG ah, ayaa wax badan isku qasay"

$
0
0

Muqdisho (RBC) Kaddib markii labo maalin ka hor ay odayaal-dhaqameed ka socday deeganada Puntland ay ka noqdeyn shirka Muqdisho, ayaa waxa ka hadlay arrintaas madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.
Madaxweyne Faroole oo hadda ku sugan dalka Hindiya ayaa ugu horeyn ka hadlay in Puntland ay qaadacdo shirka Muqdisho uga socda odayaasha dhaqanka, kaa oo lagu soo xulayo xubnaha ansixinaya dastuurka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa yiri “Arrimaha Soomaaliya waxa ka qaadanay door muhiim , waxa aan isku tax luujinay in ay wax hirgalaan oo wadankan nabad lagu soo dabaalo, iyadoo dastuurkana la hirgalinaayo, dhinaca Puntland, waxa ay qabatay labo shir oo ka dhacay Garoowe, iyo kii Muqdisho waxyaabo badan ayaana ka soo baxay, annaga Puntland wixii noo gaarka ahaa waan hirgalinay, laakin qolyahaya dowladda Fadaraalka KMG ah, ayaa wax badan isku qasay, waxa aan annaga aan dooneynay in dastuur loo sameeyo Soomaaliya oo nalgu daro annaga guddiyada ansixinaya, laakin TFG-da ayaa diidan arrintaass”
Madaxweyne Faroole ayaa dhaliilay wasiirka dastuurka XKMG ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, Kaa oo uu sheegay in wax badan uu ku ciyaaray, waxa ay DKMG ah 31- April noo soo direyn warqad ay ku qoran tahay qaabka la doonayo in loo ansixiyo dastuurka Soomaaliya, laakin markii warqada aan aragnay, wax ku yaala haba yaraatee ma lahan, wax shaqo ah oo ay qabtay dowladda ma jirto, annaga markii waxaas oo dhan aan aragnay, ayaan ka biya diidnay howlaha hadda sida ay wax u socdaan” ayuu yiri Faroole.
Madaxweyne Faroole oo la hadlaayay BBC-da ayaa la weydiiyay maxa xigga marka haddii aad kala soo baxdeyn egadiina shirka Muqdisho, iyo in ilaa hadda wax qancis ah loo muujiyay?
Wuxuu yiri ” Annaga marka aan ka biyo diidnay waxa sida ay u socdaan, waxa aan durba warqad udirnay beesha caalamka iyo saxiixayaashii Roud-Mapka waxana u sheegnay in la iskugu yimaado magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo aan u aragnay meel kuwanaagsan in looga hadlo arrimahan”
Wuu sii hadlay ” Odayaal in Xamar lagu shiriyo, oo wax aysan ka warheyn looga sheekeeyo, waxa aan noo cuntameynin, waayo shirkii Garoowe 1 iyo Garowe 2 iyo kii Roud-Mapka lagu ansixiyay, waxa inoo muuqda hadda in la doonayo in dadka la jiirsiiyo wax aysan qaadan karin, oo meesha wax aan Transpalance wax la yiraahdo aysan ka jirin,annagu waxa aan dooneynaa shirka in uu noqdo kii lagu ansixiyay dastuurka Puntland ee ka dhacay Garoowe, marka hadda waxa socda dadka oo dhan ayaa ka biyo diidsan, annaga kuma qanacsanin, TFG-da hadda waxa ay ku mashquulsan tahay doorashada, cid kale oo ku mashquul san dalkan in uu yeesho dastuur rasmi ah oo loo dhan yahay ma aragno” ayuu yiri madaxweyne Faroole.
Madaxweyne Faroole ayaa la weydiiyay, haddii uu la socdo heshiiskii Kampala Accord ee sanadkii hore madaxda DKMG ah ay ku gaareyn Kampla.
” Heshiiskii Kampala waxa uu u dhexeeyay DKMG ah, annaga waxba nagama galin, laakin annaga waxa aan meel dhexe ka soo galnay kii lagu saxiixay Roud-Map-ka isagiina wax nalaga socod siiyay malahan, xittaa saxiixayaashii Roud-Map-ka lalama socodsiin waxa sida ay u socdaan, annaga waxa aan fileynay in ay soo baxaan wax qurux badan xittaa haddii aan nala socodsiin, laakin hadda waxaas meesha kama jiraaan” ayuu yiri Madaxweyne Faroole
Waxa wali muqdisho ku haray qaar ka mid duubabka Puntland oo aan iyagu Muqdisho ka imanin, kuwaas oo wali jooga magaalada Muqdishom kana qeyb galaya shirka odayaasha dhaqanka, waxana dowladda KMG ah ay sheegtay in shirka aan loo hakin doonin ergada Puntland ee ka noqday, oo dhowr qof ku sheegay.
Hadaba waxa laga warsugaya shirka ka dhacaya dhawaan magaalada Addis Abab ee dalka Ethiopia, kaa oo ay ka qeyb galaan saxiixayaasha Roud-Mapka oo kala ah: DKMG ah, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna. UNPOS, IGAD, AU, iyo Midowga Yurub.

Ciidamada KMG oo weerar ku qaaday fariisin Shababa ku leeyihiin duleedka Xudur

$
0
0

Xudur: (Sh. M. Network): Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa weerar qasaare geystay waxa ay ku qaadeen fariisin xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakaaol.
Sida uu idaacada  Shabelle ee magaalada Muqdisho uu u xaqiijiyay Xildhibaan Axmed Sheekh Max’ed (Laxoos) oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka ee kusugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa weerar ku qaadya fariisimo xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in shacabka ku nool Magaalada Xudur ay cunaqabateyn saareen xarakada Al Shabaab iyadoo taasi ay ka jawaabayaana militariga dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimihii AL Shabaab ay dadka rayidka ah ka cunaqabateyn jireen, waxaana xildhibaanku uu sheegay in ay bur buriyeen fariisimihii shabaabku ay ku lahaayeen duleedka degmada Xudur.
“ dhowr Jagbooti oo ay ka sameeyeen meelo wadooyin ah ayaan ku bur burinay, run ahaantiina howlgalkaasi waxaan jacelnahay ilaa Nuur-gaabey ilaa Garasweyne aan ku soo fidino” ayuu yiri xildhibaanka.
Axmed  Sheekh Max’ed oo ka jawaabayay Su’aal ay Shabelle weydiisay oo aheeyd saameynta ay ku yeelatay cunaqabateynta ay saareen Al Shabaab, ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay hor istaagaan dadka noloshoodii, isagoo intaasi ku daray in qudaar badan oo u soo socotay degmada Al Shabaab ay dhulka ku daadiyeen halkaasina ay ku bur burtay.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Laxoos waxa uu sheegay in ay ka go’antahay masuuliyiinta dowladda KMG iyo ciidamadooda in ay cagta mariyaan deegaanada ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab ee gobolada Bay iyo Bakool si buu yiri meesha looga saaro cunaqabteynta dadka shacabka ah ay ku hayaan.

Tolow Maxaan isu badali la’nahay!!! | C/qaadir Jaamac

$
0
0

Aduunyada aan manta ku noolnahay waxaa ka jira 196 dal (inta xoriyada haysata). Somalida waa dalka kaliya oo aan lahayn dowlad dhexe oo shaqaynaysa laga bilaabo 1991. Marka 195 dal oo isugu jira dowlado Muslim ah, kuwa gaalo ah iyo kuwa cawaan ah oo aan waxba aaminsanayn intaba waxa u suura gashay inay is maamulaan oo dhulkii Illaahay uu ku abuuray oo aabayaashood iyo awooweyaashood ay ku noolaadaan.
Hadaba maxay tahay sababta keentay in Somaliya oo iyaga oo dhanba lugu qiyaaso 10 malyuun oo isku dad ah, isku diin ah, isku af ah oo hadana isku dhaqan ah ay ugu heshiin la’yihiin inay is maamulaan oo barwaaqada Alle siiyay wada dhuuqaan. Jawaabta kooban waxay tahay inaan nicmadii Alle nugu manaystay aan celin kari weynay sababtoo ah barwaaqada waxaa lugu ceshadaa mahadnaq Alle taasoo aan gefnay. Ilaa hada ma aanan hilmaamin bishii decembar1990 ayaa Masjidkii Ceel Hindi ee Sh Dahir uu tafsiirka ka akhrin jiray ayuu sheekha ka sheekeeyay in sodonkii sano oo xoriyada aan haysanay aan dambiyo iyo dulmi badan kasbanay taasoo uu sheegay inaan hada mirihii aan beeranay aan goosanayno. Runtii anigu markaas marna isma oran 21sano oo soo socota ayaa mirahaas xun oo noocyo kala duwan ah ayaad ka waraabi doontaan. Kheyr Allaha siiyo Sh Dahir Aw Cabdi iyo culimada lamidka ah ee aragtida dheer oo runtii dhibta dadkooda ku dhacay aan qayb ka noqon. Hadaan tusaale kale isku dayo inaan bixiyo in dhibta na haysata ay tahay wax aan gacmaheena ku kasbanay oo weliba naloo dhaafay in badan;
Magaalada Qaahira dadka ku nool waxaa lugu qiyaasaa 19-20 malyuun oo qof. Dadkaas oo idil hal magaalo ayaa wada qaaday oo ay fuulkooda iyo ceyshkooda Alle ku yaqaanaan, Somalidiina cad iyo caanihii bay calfan waayeen oo Illaahay uga mahad naqi waayeen waxayna ku badaleen inay is dilaan oo ay is dhacaan oo ay is dulmiyaan.
Waxaan maalin meel takhtar ah kula kulmay nin ciraaqi ah markaas ayaan is waraysanay war dalkaagii ka waran iyo dalkaagii ka waran; wuxuu iigu jawaabay inaga Ciraaq waxaan nahay dad aan isku dad ahayn (Carab,Kurdi,Turkumaan) isku diin ahayn(Muslin iyo Kiristan) isku madhab ahayn(Sunno iyo Shiico) sidaas darteed mushkiladeena way adag tahay. Markaas buu i waraystay idinka hadaad Somali tihiin oo intii ummad ku midoobi lahaydba uu Illaahay idinku manaystay maxaa idinka khaldan? Jawaabtaas akhristow adigaan kuu daayay. Illaahay (SW) wuxuu aayada ku leeyahay macnaheeda uu yahay:” Alle ma bedelo xaalad ay Ummad ku sugan tahay ilaa ay iyagu marka hore is bedalaan” oo naftooda wixii xumaa ay wax fiican ku bedelaan.
Ma ka toobad keenay wixii aan galabsanay?
Hadaba inaga Soomaalida ah danbigii iyo dulmigii aan hore u kasbanay oo na dhaxalsiiyay burburka, dowlad la’aanta, iyo magacxumo meel walba oo aan cagta dhignay; ma ku fahamnay inaan Alle u noqono oo qof walba uu naftiisa ka bilaabo oo xumaanta faraha kala baxo towbadna la yimaado. Mise weli waxaan u ciil qabnaa xumaan kale iyo dulmi kale oo isaguna mirihiisa aan wakhtiyada soo socda goosan doono?.
Xagee nalaga soo galay?
Sidaan ognahay nabigeena Maxamed NNKH Allah wuxuu qur’aanka ugu sheegay dagaalkii Uxud ee Muslimku dhibta badan uu soo gaaray; 70 asxaabtii ugu qiimaha badnayd lugu dilay Allaha ka raali noqdee, nabiga NNKH la sigay; in la yiri “NAFTIINA AYAY KA TIMID” lama oran mushrikiinta Carabta ayaa sababay amase Khaalid Ibn Walid ayaa idin dhabar jabiyay. Halkaas waxaan ka fahmi karnaa in dhibaatada nugu dhacday inagu aan qaadayno mas’uuliyadeeda koowaad.
. Arimaha ugu waaweyn oo ummadeena dhibta haysata ku sii fogeeya waxaa ugu horeeya:
1.Warbaahinta intooda badan kuwaasoo ka shaqeeya isku dirka Soomaalida iyo inay boogtii jirtay ay maalin walba sii fagaan; sidoo kale website-yada ciidaas ka badan oo har iyo habeen u taagan oon ka daalayn inay Ummada isku dirkooda ka shaqaynayaan.
2. Qolada lugu tilmaamo “ Aqoon yahano”; waa niman Phd iyo Mastar wada wata laakiin anigu aanan fahmin iyaguna aan filayo inaysan is fahmin. Nimankaan waa kuwa aan isleeyahay qeyb libaax bay ka qaataan inay Soomaalidu sii kala fogaadaan. Sababtu waxay tahay Ummad waxaa badbaadiya dadkooda wax bartay haday yihiin Diin iyo Cilmi aduunba. Balse Soomaalida waxaa lugu ibtileeyay Proffesor raba dantiisa gaarka ah inuu Qabiil ku gaaro markaasay iyagiina dhumeen dadkiina dhumiyeen.
Waxaan aamin sanahay hadii Soomaalida is nacday oo midba kan kale uu u arko cadowgiisa qura ay ku badalaan is jecayl iyo walaalnimo inuu geedi socodka nabada ay tahay halkaas meesha uu ka bilaabanayo. Nabigeena Maxamed NNKH wuxuu yimid Madiina Al Munawara iyadoo labadii qabiil ee hore u daganaa Aws iyo Khasraj ay afartan sanno isu laynayeen qabiil; markaasuu wuxuu ku yiri “KA HARA WAA QURMUUNE”. Markaasay waxay heleen sharaf iyo nabad ilaa ay aduunyadoo dhan gaarsiiyeen risaaladii Islaamka.
Maxaa nala gudboon?
Inaadan ka qabqaadan wax kasta oo keenaya dhibaatada na haysata inay nugu sii baahdo ayaa ah adcafu al iimaan ama inta ugu yar oo aad sameyn kartid.
Ma rabo inaan iraahdo maahmaahdii Somaliyeed oo ahayd “Cidna uma maqna ceelna uma qodna” balse waxaan leeyahay Allana waan leenahay oo aan ku kalsoonahay inuu dhibta naga saari doono mar dhow Insha Allah. Laakiin, intaas ka hor waxaan u baahanahay inaan kuligeen Alle u noqono oo towbad dhab ah aan la imaano:
Shardiga towbadu waa afar:
1.Inaad dambigii faraha kala baxdid.
2. Inaad ka qoomameyso.
3. Inaad go’aan ku gaartid inaadan dibdambe ugu noqonayn.
4. Inaad hadii xaq bani aadam uu yahay aad xaqa iska celisid ama ka cafis dalabtid.
Yaa Ugu Munaasibsan Inay Hogaamiyaan Geedi Socodka Nabada?
Culimada ayaa ah dadka looga fadhiyo inay ka shaqeeyaan sidii ummadaan wanaag loo dhexdhigi lahaa. Waxaan aaminsanahay hadii culimada Soomaaliyeed ay howshaan u istaagaan Allana u talo saartaan, kaalmaystaana bulshada qeybaheeda kala duwan sida Odayaasha “Duubabka”,ganacsatada mukhlisiinta ah, dhalinyarada iyo haweenkaba inay Illaahay idankiis mudo yar Ummada kalsooni ku dhex dhigi lahaayeen.
Waxaan aamin sanahay inay Soomaalidu yihiin dad fariid ah awoodna u leh Illaahay idankiis inay is cafiyaan oo xumaanta iyo colaada wanaag iyo is jeceyl ku badali kara.
Gunaanad

Waxaan ugu dambeyntii xusuusin lahaa dadka walaalahay ee Soomaalida ah inay ogaadaan inay jiraan dad inta nakala gaartay ka badan ay kala gaartay oo dagaalo sokeeye uu dhex maray hadana aan isku diin iyo isku madhab midna ahayn hadana ka heshiiyay kadib markay ogaadeen inay waajib tahay inay heshiiyaan; sababtoo ah jiritaankooda ayaa ku xiran arintaa; sida Lubnaan, Ruwanda, Siiralyoon etc.
C/qaadir Jaamac
ajama1969 [aT] gmail.com

Maxaa ka Cusub Tartanka K/Cagta Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Jidda?

$
0
0

Ciyaaro ka tirsan Koobka Horyaalka Jaalliyadda Soomaaliyeed Magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la qabtay 11/05/2012 waxaana kooxuhu isu arkeen sedan: Jubba Airways waxay madaxa isla galeen L L P P – halka Xiddigaha Kakane iyo Iftin Stars ay wada cayaareen iyadoo Waberi Star ay la cayaartay Bakool iyadoo Blue Stars iyo Fc Alba-na ay cayaar adagi dhex martay.
Aan ku horeyno ciyaarta dhexmartey Kooxda Jubba Airways iyo L L P P ciyaartaasi aheyd ciyaar aan la sadaalin Karin Natiijadeeda waayo kooxda LLPP waxey ciyaartoydeeda ku sameeyeen Dib u habeen isla markaana la is lahaa wacdaro ayey soo bandhigi doonaan laakiinse ciyaartaasi qeybteeda hore waxey kusoo gabagabowdey 0 : 0, kooxda Jubba Airways oo beryahan looga bartey ciyaar wanaag ayaa waxey bedeleen Taktiigii ay kusoo galeen qeybta hore ee ciyaarta iyadoo guddoomiye C/risaaq Iimaan Xalane uu kooxda kula dardaarmey intii lagu jirey waqtiga nasashada inay la soo baxaan awoodii ay kooxda laheyd iyo farsamadii lagu yiqiiney kooxdana aysan fududeysan kooxda ka soo horjeeda.
Bilowgii qeybta labaad ciyaarta Kooxda Jubba Airways waxey lasoo gashey dar dar hor leh iyadoo ay heleen Rigoore fursadaasina uu ka qasaariyey Ciyaaryahanka Xaajiyow kuma niyada jabin kooxda jubba hase ahaatee waxey heleen fursado badan waxey halkaasi ku dhaliyeen 4 gool oo isdaba joog ah waxaa u kala dhaliyey ciyaaryahana kala ah No.9 Amiin Xasan Muudeey 1gool – No.18 Xasan Muuse 1gool ugu dambeyn No. 10 Zakariya 2gool. Sidaasina ay ciyaarta kusoo idlaatey 4 : 0 oo ay Kooxda Jubba Airways kaga Guuleysatey kooxda LLPP.
Ciyaartii labaad ayaa iyana waxaa fooda is darey Kooxda x.Kakane iyo Kooxda Iftin Star ciyaartaasi waxaa la dhihi karaa mid labada kooxood ba ay isku awood ahaayeen. bilowga ilaa iyo dhamaadka ciyaarta waxey labada kooxdood ku soo bandhigeen ciyaar heerkeeda farsamo aad u sareyso waxeyna isku mari waayeen 1 : 1.
Ciyaartii sadexaad ayaa iyana waxey dhexmartey kooxaha Waberi Star iyo bakool runtii waxey iyana ciyaartaasi aheyd mid adag ,labada kooxood ay isku awood ahaayeen iyadoo kooxda Bakool ay la soo shir tageen ciyaaryahanadii looga bartey , kooxda waberi Star iyana ciyaartasi aad moodey inaysan ka soo tegin ciyaaryahanadeeda kuwa ugu fiican waxaan halkaasi ugu awood sheegteen Bakool inay 1 : 0 kaga badiyaan . Ciyaartii afaraad ayaa iyana waxaa halkaasi kuwada kulmi kooxaha Blue Star iyo FC Alba waxaan ciyaartaasi soo xaadirin Kooxda FC-Alba waxaana dhibcihii si fudud ku qaatey Kooxda Blue Stars .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

2012-05-17.mp4 Muxaadaro-fahamka nolsha-sh mustafaa.

Malta: Qaxooti Dib u Dejin La Siiyay

$
0
0

Safiirka Cusub ee Mareykanka ee Jasiiradda Malta ayaa shalay soo sagootiyay 27 muhaajiriin Somali iyo E Eritrean ah oo ku soo jeeday dalkan Mareykanka, ka dib markii ay ka heleen degenaansho ah inay ku noolaadaan Mareykanka.

Tan iyo sanadkii 2007dii, ayaa  985 qof oo qaxooti ah oo ku sugnaa Malta  waxaa dib u dejin laga siiyay Mareykanka.

Sanadkan oo kaliya  dowladda Mareykanka ayaa aqbashay inay dib u dejin u sameeyso ilaa iyo 170 qof oo qaxooti ku ahaa Malta.

Qaar ka mid ah qaxootiga Somalida ee halkaa ku sugan ee rajada ka qaba in Mareykanka dib u dejin laga siiyo ayaa u waramay VOAda.

Wareysiyada oo maqal ah halkan hoose ee qoraalkeenna ka dhageeyso.


Cameron oo ka digay Euro

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha waddankan Britain, David Cameron ayaa ka digay aayaha lacagta Euro haddaan wax laga qaban.

barnaamijka Click

$
0
0

Wararka tiknoolajiyadda ee toddobaadka

Shaqo la'aanta dhalinyarada Tunisia

$
0
0

Tan iyo intii ay dowlada kumeel gaar ka ah ay xukunka haysay Tunisia mudo lix bilood ah maxaa iska badalay shaqo laanta ka jirta Tunisia.

Tazkiyatu Nafs - تزكة النفس

Puntland oo dalbatay in Ciidamo Amisom la keeno Garowe iyo Galkacyo

$
0
0

Iyadoo falalka amni dari ee ka jira deegaanada Puntland ay sii kordhayaan, ayaa hadana waxaa isa soo taraya cabashada Maamulkaas ka muujinayo ammaanka faraha ka sii baxaya iyo dhaq dhaqaaqyada ka socda Buuraleyda Galgala.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise mudan ayaa sheegay in dhowaan deegaanada maamulkooda la keeni doono Ciidamo ka socda Amisom, si ay u sugaan ammaanka.
“Dhowaan ciidamo ka socda Amisom waxaa la keeni doona Garowe iyo Galkacyo, sugida ammaanka ayay ka qeyb qaadan doonaan”ayuu yiri Khaliif Ciise Mudane.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada ay horu dhac u yihiin sidii gobolada Soomaaliya ugu baahi lahaayeen, isla markaana looga hortagi lahaa qatarta argagixiso.
Wasiirka Puntland u hadlay ayaa waxaa uu kaloo sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howl galo lagu sugayo amniga, isla markaana lagu soo qab qabtay dad badan oo falal amni dari geysanayay.
“Howl galo gaar baa socda, ciidamada amnigana ilaa iyo xad waa u suura gashay in kooxo nabad diid ah ay soo qabtaan”ayuu sii raaciyay.
Dhowaan ayay aheyd markii qeyla dhaan ka soo yeertay Maamulka Puntland ay ku sheegeen in dagaalyahano ka tirsan Shabaab u soo guureen deegaanada buuraleyda Galgala.
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live