Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Hadallo Is-khilaafsan oo ka soo baxaya qaabka loo ansixinyo Dastuurka Qabyada ah

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa sheegay in aan Dastuurka qabyada ah aan la ansixinayn ayadoo aan shacabka loo soo bandhigin, sidaas waxa uu May 18, 2012 u sheegay idaacadda ku hadasha afka DKMG.
Sidoo kale warsaxaafadeed Khamiistii ka soo baxay Golaha Wasiirada DFKMG ayaa sheegay sidan “Waxaa lagu wadaa in Qabyo Qoraalka loo soo bandhigo shacabka maalmaha soo socda, si shacabku uga doodaan, uguna biiriyaan fikirkooda.”
Hadalladan ka soo yeeray xukuumadda KMG ayaa soo baxay laba maalmood kaddib markii ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabisan Soomaaliya, Mahiga, uu xarunta Qarammada Midoobey ka sheegay in odayaasha dhaqanka ee la isugu keenay Muqdisho ay soo xulayaan xubnaha ansixinaya Dastuurka, isla markaasna ay odayaashu yihiin kuwa kala diraya baarlamaanka haddda, soona dooran doona barlamaan cusub. Waxana uu Mahiiga si qayaxan u sheegay in sababta sidaas loo samaynayo ay tahay maadaama aan doorasho jirin xilligan. Waxana uu warkaas sheegay xilli madaxweynaha KMG uu goobta fadhiyey.
Waxaana Mahiga uu hadalkiisa ku adkeeyey hanjabaadiisii ku aadanayn waxa uu ugu yeeray carqaladeeyaal.
Hadalladaas is khilaafsan ee Mahiga iyo Xukuumadda KMG ayaa abuuraya siyaasad cakiran.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhawraya labada hadad kan hirgeli doona.
Dastuurka Qabyada ah ayaa hore waxaa uga soo horjeestey shacabka Soomaaliyeed, ayadoo culimada Soomaaliyeed iyo xubno baarlamaanka ka tirsan ay ku tilmaameen Dastuur aan u qalmin shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkii Mahiga Eeg halkan 


Madaxweynaha Somaliland oo khudbad uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo Aqoonsiga ka jeediyey Beerta Xorriyadda ee Hargeysa

$
0
0
image: 

Hargeysa(SONNA):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu khudbad uu ka jeediyey Fagaaraha beerta xorriyadda magaalada Hargeysa oo lagu qabtay xuska 21-guurada ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay gooni-isu-taaga Somaliland, ayaa sheegay inaanay Somaliland marna ka noqon doonin gooni-isu-taagga, isla markaana waxa uu beesha caalamka ka dalbaday inay aqoonsi buuxa siiyaan.
Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu kaga hadlay khudbaddiisa wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay inay Somaliland fulisay heshiiska shirkii London inay qabteedii Somaliland fulisay, Madaxda Soomaaliyana u soo jeedinayo inay qaybtooda fuliyaan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa khudbad u jeediyey kumannaan qof oo uu Beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa oo uu kaga qaybgalay munaasibad loo sameeyey 21-guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 18-kii May 1991-kii.

Waxa Madaxeynaha ka hor Xafladdaa ka hadlay Duqa Caasimadda Hargeysa, Masuuliyiinta Xisbiyada Somaliland, Guddoomiye ku-xigeenka golaha Wakiillada, Wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno kale.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland, Cali Yuusuf Axmed, ayaa isaguna halkaa ka hadlay, isla markaana ka sheekeeyey sidii ay ku timi in Somaliland lagu dhawaaqo 18-kii May 1991-kii oo lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu guud ahaanba hambalyo u diray dadweynaha reer Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo Madaxweynaha codbaahiyaha ku soo dhaweeyey ayaa yidhi; “Waxaan halkan uga mahad-naqayaa shacabka reer Somaliland guud ahaan meel ay joogaan, waxaan leeyahay hambalyo, maanta waa maalin innagu qaali ah. Maanta Somaliland oo dhan gobo kasta, degmo kasta iyo tuulo kasta waxa laga xusayaa 21-guurada ka soo wareegtay markii aynu dhidibbada u taagnay Somaliland. Halkaa waxaynu ku soo gaadhnay nabad.

Markaa ka dib Madaxweynaha Somaliland oo cod-baahiyaha la wareegay ayaa bilaabay khudbad uu ugu talo-galay Xuska maalina 18 May oo ku began maanta 21 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Waxaanu Madaxweynuhu khudbaddiisa kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin gooni-isu-taagga Somaliland, Salaaddiinta iyo Siyaasiyiinta ka qaybgala shirarka Soomaaliya iyo qodobbo kale.

“Munaasibadda 18 May waxaan hambalyo u dirayaa golayaasha, shacabka Ciidamada qalabka sida, qurbo-joogga, ururrada bulshada iyo caalamka intiisa kale.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

“18-ka May waa maalintaynu xaqiijinnay Somaliland, waa maalintaynu innaga oo gacmaha is haysanna go’aansannay in Somaliland dhidibbada loo taago. Somaliland halgan badan baa loo soo maray, dhiig badan baa u daatay.”

Waxa uu bulshada u soo jeediyey inaanay u damqan waahayaha iyo duruufaha adag ee jira, isaga oo xusay in somaliland dad badani u soo dhintay, qaar badani u soo dhaawacmeen oo ay maanta naafo u yihiin.

“Beesha caalamka waxaannu u soo jeedinaynaa Somaliland waa dawlad jirta, Somaliland waxay u muuqataa sida cadceeddaa, Somaliland waxay ku timi rabitaanka iyo shacabkeeda. Somaliland waxay jirtay 21 sano, Somaliland waxa soomaray afar xukuumadood, waxay buuxisay shuruudo badan oo caalamku ku xidhay, waxay qabatay doorashooyink.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay inay Somaliland caalamka uga fadhido aqoonsi buuxa, waxaanu yidhi; “Waa hubaal inay Somaliland buuxisay shuruudo badan oo beesha caalamku ku xidhay, waxa hubaal ah inay indhohooda ku arkeen, waxa naga go’an inaannu himilayada gaadhno, Somaliland waxay beesha caalamka uga fadhidaa aqoonsi buuxa oo ay u qalanto. Intay doonto ha nagu qaadato ee waa mid aannu idinka sugayno aqoonsigu, madax-bannaanada Somaliland-na mid laga noqanayo maaha intay doonto ha nagu gaadho ‘e”

Sidoo kale, Siilaanyo waxa uu khudbaddiisan ku sheegay inaanay Somaliland waxba u noqonayn Suldaan iyo Siyaasi ka qaybgala shir madax-bannaanideeda lid ku ah, isaga oo xusay in ay dembiilayaan ka yihiin somliland kuwa ka qaybgalay shirka Muqdisho ee reer Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Himilada iyo madax-bannaanida Somaliland waxba kama beddali karo qof meel tagay hadduu yahay Siyaasi, Suldaan, Caaqil iyo qof kasta oo mansab haya. Qof kasta oo ka qaybgala shir madax-bannaanida Somaliland ka soo horjeedaa waa dembiile.”
Siilaanyo oo ka hadlaya wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi;  “Waad ogeydeen oo shirkii lagu qabtay London ee Somaliland ka qaybgashay waxa laga soo saaray qodob ah Somaliland iyo Soomaaliya mustaqbalkooda haka wadahadlaan, innagu Somaliland dhineceennii wixii innagu xidhnaa waynu dhammaynay, Walaaleheen Soomaaliyana waxaan leeyahay dhibaataynta iyo carqaladda ka daaya wadahadalka.”
“Siyaasiyiinta Walaaleheen Soomaaliya waxaannu u soo jeedinaynaa inay shacabkooda wax u taraan oo hadimada iyo dhibaatada ka daayaan. Waxaannu leenahay wallaallayaan caqligu ha idin shaqeeyo oo shacabkiinna ka daaya hagar-daamada iyo dhibaatada oo isku tashada..” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxmaed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay diyaar-garawga doorashada dawladaha hoose iyo ururrada iyo xisbiyada badan, waxaanu yidhi; “Maanta waxaynu ku guda jirnaa doorashada golayaasha deegaanka, Xisbiyada iyo Ururrada waxaan u soo jeedinayaa inay xil iska saaraan adkaynta nabadgelyada iyo dhawrisista iyo ku dhaqanka shuruucda Somaliland.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay ururradii ku hadhay wareeggii labaad ee shuruudaha lagu kala reebay ururrada siyaasadda Somaliland, iyada oo ay natiijadii guddiga diiwaangelinta qaaddaceen sagaal urur oo guddigu sheegtay inay hadheen. Waxaanu Madaxweynuhu u soo jeediyey inay samraan oo ay tanaasul sameeyaan, haddii ay qanci waayaanna dhinaca garsoorka u baydhaan. “Samirku nacasnimo maaha, haddii aad ku qanci waydaa waxay xaq u leedahay inay Maxkamadaha geysato dacwad oo ay nidaamka shuruucda u maraan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxaan tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday xerada Ciidanka Millateriga ee Hargeysa, waxaan aad iyo aad uga xumahay Ciidammada halkaa ku geeriyooday iyo cid kasta oo halkaa ku geeriyootay…”

“Dagaalkii 77 ayaa la’iqabtay anigoo 13 jir ah” Q.1aad

$
0
0

Assalaamu Calaykum walaalaha qeymaha iyo qaayaha badan ee kuxiran websitekan ukhidmeeya shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaa la’isoo qabtey anigoo 13 jir ah waxaana ka soo baxay markaan 24 jirsadey, sanadka markuu ahaa 1988″
Waxaa sidaas kubilaabey qisadiisa Sheekh Abubakar oo horey la oron jirey Markab Gashow oo 7sano kahor soo galay diinta Islamka.
Waa sheekada aan doonayo inaan idinla wadaago maanta iyo maqaalkeena. Magarankaro dhanka aad ka eegidoontaan sheekadan? Ma dhanka diinta Islaamka ee uu soo galay? Mise caruurta iyo goobaha colaada? Mise waxaad soo xasuusanay Dagaalkii dhexmarey Somalia iyo Ethiopia oo aan kadhaxalney musiibada maanta nagu habsatey?
“Waxaan fasax utagey magaalada Godey oo walaalkey ka shaqeynaayey.Walaalkey Muxammed xabsiga ayaan wada galnay, diintana waan soo wada galnay walow uu iiga soo horeeyey!Al-xamdulillaah,iminka waxaa nagu soo biirtey gabadh ay walaashey dhashey oo soo muslimtey ayadoo joogta Australia.Sheekh Abubakar wuxuu yiri isagoo kahadlaya sida ay kubilaabatey qisada 11sano oo xabsi ah:
Marna isma oron dadka sidaan kuu galay ayaad diintooda soo galaysa. Arimuhu waxay kujiraan gacanta Allah! Isaga ayaa rog-rogaya oo hanuuniyo cidda uu doonayo.
Xaalada magaalada Godey, waxay aheyd mid dagan oo wax guluf colaadeed ah kama jirin marka laga reebo afduubyo ay samayn jireen niman burcad ah oo aanan garaneyn inay Somalia lug kulahaayeen iyo inkale.
Inuu dagaal kadhexeeyo labada wadan ee Somalia iyo Ethiopia waxaan kamaqlay aabahay oo igula soo dardaarmey inaan tagin xaduudaha iyo meelaha dagaalka kadhowyahay.Dhanka kale, waxaan baxsad ka ahaa ciidamada Ethiopia waayo waxaan kamid ahaa arday taageersaneyd mucaaradka dowlada oo wadooyinka ayaan ku qeybin jirney waraaqado. Wadanka Ethiopia waxaa ka jirtey markaas caburis xaga siyaasada ah oo qofkii lagu ogaadana inuu ka tirsanyahay ama taageersanyahay mucaaradka waxaa loo taxaabi jirey xabsiga. Walaalkey ayaa igula taliyey inaan isaga cararo Harar oo aan aado walaalkey ‘kale’ oo dagan magaalada Godey”
Aabahey oo sii saadaaliyey Xabsigayga
“Aabahay wuxuu ahaa mid aad ii jecel oo aan marnaba doonayn inaan kafogaado. Markii aan soo ambabaxaayey ayuu ila soo dardaarmay isagoo sii saadaalinaya waxa igu dhicidoona haddii aan baxo “Waxaan kabaqaya in lagu qabto oo macbuus lagaa dhigo,kadibna aad xabsiga ka soo baxdid anigoo ifka katagey oo aan sidaas isku wayno”
Siduu sheegey ayey noqotay oo waxaan xabsiga ka soo baxay isagoo sii mootan 2sano. Waxaan jeclaan lahaa inuu maanta noolyahay oo aan diinta ugu yeero.
Hooyadey ayaa iminka nool walow aan isku haysano gabdho aan walaalo nahay.Waxaan quud daraynayaa inaay maalin kudhawaaqdo shahaada”
Markab waa nin reer Harar ah oo kuhadlo luuqado badan oo Afka Soomaaliga ka midyahay, kaas oo uu bartey isagoo yar. Markaad aragtid, waxaad isleedahay waa Soomaali aan weligiis gaalnimo soo marin.
Markii iigu horaysay oo aan lakulmay Markab oo la’iisheegey inuu soo muslimay, waan uqaadan waayey waayo waxaan ka mid ahay Soomaalida aaminsanaa ‘in qof Afsoomaali kuhadlayo’ uusan gaaloobi karin ama aysan gaalnimadu ka run aheyn!
Qisada Markab ma’ahan oo kaliya inaan idiin soo gudbinayo sida uu diinta ku soo galay oo aad uxiiso badan laakinse waxay aniga ahaan isoo xasuusiyey xaalada adag ee soo wajahdey caruur badan oo aan ka mid ahaa. Waxaa shaqi laheyn inay kumanaan caruur ah ku le’deen dagaalkaas meesha kumanaan kale oo aan kujiro ku soo samata baxnay si Allah ogyahay.
Madoonaya inaan idinka leexiyo dulacda sheekada laakinse waa qadiyad ubaahan in dib loo milicsado. Mar Alle iyo markaan arko meel dagaal kadhacay waxaan soo xasuustaa 77 iyo noolasheydii caruurnimo.
Markab, mar aan weydiyey sida uu u arka isagoo caruur ah in lasoo qafaashay oo aan la eegin xaquuqda caruurta, wuxuu iigu jawaabey isagoo kuhadlayo afka Soomaaliga:
Waxaan filaya inay siyaasadu aheyd in laqabto macaabiis fara badan siloogu gorgortamo marka uu wadahadal yimaado ee aysan aheyn caruur qafaalasho. Dhanka yaraanta,aniga waa la’iga yaraa, waxaa jirey dumar sitay caruur aad u yaryar iyo dad waayeel ah. Dadka lasoo qabtey Ethiopian kale ma’aheyn ee waxaa ku jirey Soomaali badan walow markii dambe lasiidaayey kadib markii la’ogaadey inayihiin Muslimiin salaada tukada.
Waxaa xusid mudan, meesha ay Soomaalida soo qabqabtey caruur iyo dumar, Ethiopianka ayagu way xasuuqeen cidkasta oo ay qabteen; waana taas mida keentey inay macaabiista laga soo daayey dhanka Ethiopia kayareyd mida laga siidaayey Somalia.
Waxaa laga soo daayey xabsiyada Ethiopia 27 qof meesha ay Somalia sii daysay 3000 oo qof. Diyaaradii aan ka soo degney ayey raacayeen oo waan is aragnay.

Miyaad Cabsantahay?

Weli waxaan sii xasuustaa askarigii ugu horeeyey ee isoo qabtey iyo su’aashii uhoraysay ee uu iweydiyey “Waryaa miyaad cabsantahay!Afka kala qaad inay khamri kaa soo urayso iyo inkale”
Rasasta iyo hubka faraha badan ee ay kusoo fureen gurigii aan ku jirey oo layga kala cararay awgeed ayaan lawareerey oo ay uqaateen inaan ladhadhacaya khamri daraadeed
“Waryaada nagadaaya xabada” Ayaan afsoomaali ku iri anigoo weliba xagooda usoo dhaqaaqey!
Maadama aan caruur ahey afsoomaalina kuhadlo wuxuu ii qaatey inaan Soomaali ahey.
“Waryaa bisanka qabso oo orad kugub buundada” ayuu igu yiri mar uu doonayey inuu ii gudbiyo dhanka Somalia!
Ma Bisanbaan aqaan! Wuxuu ii haystaa inaan muslim ahey afka Soomaaliga awgiis. Buuntada haddii aan soo gudubnay waxaan soo marney macaabiis farabadan oo uu kujiro walaalkey.
Intanada afka Soomaaliga kuhadlaysay oo intooda badan ay Soomaali ahaayeen,dhowr jeer ayaa si qarsoodi ah naloo siidaayey, hadana dib ayaa naloo soo qabtay. Waxay aheyd xaalad dagaal, dadka amarka bixinaya war isuma hayaan.Qaarkood waxay noo haystaan macaabiis Ethiopian ah, meesha ay qaarkale doonayaan inay nabadbaadiyaan oo ay nagafogeeyaan goobta dagaalka”
10 sano oo beero qodis ah
“Markii uhoreysey ee nala keeney xabsida Ceel-Barde, aniga iyo 9 nin oo kale,Waxaa naloo arkaayey inaan shaqo kulaheyn ciidamada Ethiopia oo aan kashaqeyno mashruuc faa’ido uleh Soomaalida gobolka. Waxaa naloo yaqaaney beeralaydii oo qol gooni ah nala dajiyey Waana tankeentey inaan 10 sano ee kadanbaysan aan kashaqeeyo beeraha. Sanadka kale waxaan ku qaatey xabsiyo kala duwan”
Markab intii uu ii waramaayey wuxuu kacudurdaartey inuu kawaramo wixii kadhacay xabsiga waayo wuxuu u arkaa inay aheyd arin siyaasadeed oo kuwajahan macaabiis dagaal.
“Niman cadaan oo kasocda hay’adda caalamiga ee Laan-Qayrta Cas ayaa tagay xarada uu kuxirnaa walaalkey, kuwaas oo had iyo jeer ukeeni jirey waraaqo ay soo diraan reerkanaga, islamarkaasna ka qaadi jirey. Walaalkey maqal ahaan wuu ogyahay inaan xiranahay; marka uu waraaq reerka uqoraayo looma ogaleyn inuu iga waramo oo waxaa amar lagu siiyey inuu naftiisa kali ah kahadlo taas oo jahawareer ku keentey Hooyadey ‘sababta uu ugu soo jawaabi la’ayahay su’aalaha aniga igu saabsan. Nin askari ah oo salaan noo kala qaadey aniga iyo walaalkey waa lalakacay oo gudaha ayaa ladhigey!
Wuxuu sidoo kale ii sheegey inay jireen dad Muslimiin ah oo xabsiga kula jirey laakinse asalkooda ahaa askar ama militia ubadan reer Harar iyo qoymiyaadkale oo lasoo qabtey ayagoo dagaalamaya ama hubaysan. “Sida ay ubadnaayeen ayagaa isa soo dhiibey waayo askarinimada waa lagu soo qasbey ee diyaar uma aheyn inay dagaalamaan”
Soo deyntii iyo 6 bilood oo nalagu xirey Ethiopia
Inta aan nalasoo deyn kahor waxaa noo yimid safiir Ethiopian oo ay lasocdaan Laan-Qayrta Cas. Wuxuu noo sheegey in dalkii loogu sameeyey diyaar garow iyo abaalmarin farabadan laakinse nimanka ka socdey ururka laan-qeyrta Cas, waxay noosheegeen inaysan xaalada wadanka caadi aheyn oo ay iska joogna Somalia inta ay nooga helayaan wadankale na aqbalo! Laakinse anaga waxaan uxamaasanayn sidii aan dadka nagii u aragki laheyn waxkasta oo meesha kajiraba.
Walaalyaal inta kadhiman sheekada anigoo idin soo gudbin doona ,inta aan dib dambe ukulmayno waa walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri oo idinleh Wassalaamu Calaykum Warahmatullaah. Wixi talo iyo tusaale ah waxaad kusoo adinkartaan,
abuzuhri1@gmail.com rayigiinana waa muhiim
Adam Abuzuhri Al-Hasani

Shariif Xasan oo kulamo kula qaatay Baydhabo, Saraakiisha Itoobiya iyo Odayaasha dhaqanka

$
0
0

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shalay gaaray magaalada baydhabo ayaa kulamo la qaatay saraakiisha Itoobiya, odayaasha dhaqanka, iyo mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Bay.
Wafdiga Gudoomiyaha baarlamaanka oo ay wehliyeen taliyaha ciidamada booliska, xildhibaano iyo saraakiil ayaa qorshahooda yahay sidii ammaanka loo xoojin lahaa.
Shariif Xasan ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Baydhabo oo looga hadlayay amaanka, isagoo ku baaqay in wax laga qabto falalka amni daro ee ka dhacaya magaalada.
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay sugi doonaan ammaanka magaalada iyo deegaanada kale, iyagoo tilmaamay in wixii hada ka dambeeyay ay gebi ahaan deegaanada gobolada Bay iyo Bakool ka saari doonaan Shabaab.
Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kulan la qaatay xildhibaanada, saraakiisha maamulka gobolka Bay, isagoo kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha maamulka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu wado qorshayaal lagu magacaabayo maamul goboleed uu yeesho Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo Shariifka dadaalkaas uu waday.
Shariif Xasan ayaa saddex jeer tagay magaalada Baydhabo, kadib markii bishii Febraayo laga saaray Shabaab, iyadoo shariifka qorshayaasha uu damacsanaa ay qeyb ka aheyd sidii maamul goboleed looga dhisi lahaa Bay iyo Bakool.

Ra'iisal wasaare Gaas; "Dastuurka la ansixinayo waa mid ku meelgaar ah wuxuuna dhaqangelayaa markuu shacabku u codeeyo"

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Gaas oo saxaafadda Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in dastuurka haatan Muqdisho kulanka ka socda ansixintiisa looga doodayo uu yahay mid ku meel gaar ah.

Mr. Gaas wuxuu sheegay in dastuurkani uu dhaqangeliayo marka ay shacabku codkooda ku ansixiyaan, dastuurkan oo ah sida uu ra'iisal wasaaruhu ku dooday mid ku meel gaar ah oo laga gudbi doono colaadaha ragaadiyay Soomaalida mudada dheer.

Ra'iisal wasaaraha hadalkiisa ayaa ku soo aadaya xili Xubno ka kala socda Beelaha Soomaaliyeed ay ku kualnsan yihiin magaalada Muqdisho si ay uga doodaan islamarkaasna u ansixiyaan Dastuurka qab-qoraalka lagu sheegay ee lagu dhaqi doono Soomaalida.

Dhanka kale waxaa magaalada Muqdisho dib uga dhoofay xubnihii ka socday deegaanada uu ka soo jeedo Ra'iisal wasaaruhu ee Puntland waxaana hogaamiyaha Puntland laga soo xiogtay in uu doonayo ama dalbanayo in shirka Muqdisho laga wareejiyo loona wareejiyo magaalada Addis Ababa, xarunta dalka Itoobiya.

Shirku haatan waa socdaa waxaana maalinba maalinta ka dambeysa ku soo biiraya xubno cusub oo ka kala socda beelaha Soomaaliyeed.

halgankanet@gmai..com 

Prof A. I. Samatar and his fallacy on the new life in Mogadishu

$
0
0

By Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
engabdirahman@gmail.com, ayarisow@opm.gov.so
In response to Professor Abdi Ismail Samatar’s article entitled “UN
threatens the Somali democratic movement” which he raised a number of
questions including what is a Roadmap? And who is Spoiler?


(Read Prof. Samatar Article from Aljazeera Opinion’s page)


http://somalitalk.com/2012/05/18/prof-samatar/

http://sonna.org/content/prof-i-samatar-and-his-fallacy-new-life-mogadishu


While the TFG welcomes constructive criticism and encourages discussions
and debate on the proposed new political dispensation, blaming the
International Community for our own mistakes serves no purpose. We must
accept responsibility for our actions and be creative in finding
solutions, recognising that these ultimately lie within us. It is time
to seriously debate and discuss issues that matter to all the Somali
people.
In this regard, it is instructive to note that it was the TFG who
originally issued statement on the issue of spoilers and we are very
grateful for the support from the International Community, such as UN,
AU, IGAD and the US.
I am sure most of Somalis are fully aware of what the Roadmap is and who
the spoilers are but, for the benefit of the readers, please allow me
to respond to the questions posed by the professor and to shed light on
the issues he has raised.
The Roadmap
The Roadmap in question is the plan adopted in Mogadishu in September
2011 by representatives of various political entities within Somalia on
how to move the country in the direction of peace, stability, and
democratic governance. It lays the path to the inauguration of a new
political dispensation and to ending the 12 year transition process.
The plan has four components or sets of priorities, namely: security;
political outreach and reconciliation; the adoption of a provisional
constitution; and good governance. Indeed, the very absence of such a
comprehensive, detailed and strategic plan is one of the reasons that
Somali politics have been held hostage to a seemingly endless series of
transitional governments. It is plain that such a society cannot plan
for a economically, politically and socially sustainable future.
Prime Minister Dr. Abdiweli Mohamed Ali accurately described the
situation in his policy statement on the adoption of the Roadmap. “Since
2000, successive transitional governments have been presented with
shopping lists of deliverables numbering close to 20, from security,
peace, good governance, DDR, health care provision, the building of
civil administrations on and on. The list was too long, too unfocused
and too unrealistic for it to be built into workable benchmarks. Our
strategy in consultation with other stakeholders was to streamline the
deliverables into manageable and realistic goals and encapsulate them
with complimentary policy directions matched by clear timelines through a
concisely mapped out Road Map.’’
This therefore is the true significance of the Roadmap. It prioritizes
all the many seemingly incoherent policy goals set out by previous
administrations into key priority benchmarks that, taken together, will
deliver a new political order.
As the Prime Minister stated: “Benchmarks 1, 3 and 4 are tasks that
shall be engaged in for many years – we will continue to improve the
security of the nation, engage in political outreach and reconciliation;
and we will always work to improve the good governance of public
institutions.
Benchmark 2 serves two purposes. One, the constitution making process
will have significant legal and political arrangements and instruments
designed to assist in ending the transition. Two, the constitution
making process will lead to a provisional federal constitution which
through dialogue and constitutional conferences will serve as a
compliment to the reconciliations efforts of the TFG and our partners.
Our key priorities are finalizing the draft constitution in order to
provisionally ratify through a Constituent Assembly (CA) and to select
members of the next parliament by end of June 2012.
Completing our constitutional process and convening our new parliament
is how we will reach our new political dispensation and end the
transition. Therefore, we must place even more emphasis and effort on
this area – my government has been prioritizing these tasks.”
Contrary to the Professor’s assertion that Somalis “find the
constitution anti-Somali, and view the entire Roadmap which is supposed
to lead to the post-transition political order utterly illegitimate,” the
National Consultative meeting held in Mogadishu on 4—6 September 2011
was historically the first time Somali stakeholders came together inside
Somalia to discuss issues of importance to Somalia. This is proof of
Somali leadership, ownership and unity from the very start.
Professor Samatar’s critique also ignores the fact that the Roadmap was
endorsed by Somali civil society organisations in a conference in
Mogadishu held from 26 to 28 November 2011 and in the Garowe II
conference. These groups continue to contribute to the process.
Even following its adoption by the Constituent Assembly, the
constitution will be a provisional one pending its adoption by the
people in a referendum. However, it will provide the legal framework for
the next administration to arrange for one as well as continue to
consolidate the progress we have made in the peace process.
The Spoilers
The Transitional Federal Government has also been clear on who we
consider to be spoilers. They are those attempting to obstruct the peace
process and to put the prospect of future stability in Somalia into
jeopardy. A spoiler is anyone who uses violence to perpetuate the status
quo of statelessness or to return the country to the era of warlordism.
However, anyone who engages in peaceful political activities, and who
freely expresses his/her views, cannot be considered a spoiler.
People have every right to raise their concerns with the constitution
provided that they are not using violence or mobilizing clans for their
personal gains. The government invites the people to debate on the
constitution; the government wants and seeks consultations and
constructive criticism. After all, the constitution ultimately belongs
to the people of Somalia and there is still scope in the current draft
for any necessary amendments, corrections or alterations which would be
of benefit to Somali society.
The urgent issues that we now need to tackle are the following:

  1. Ending the transition by August 2012 so we will once again have a
    permanent government and can rejoin the community of nations. This
    cannot be achieved without an agreed constitution. So how can we use the
    remaining time constructively to ensure that the people have a say in
    making the necessary amendments to the constitution?
  2. How do we differentiate genuine debates / discussions and those
    warlords who seek to frustrate the entire enterprise by mobilizing clan
    surrogates to defend their personal interests?
  3. How can we bring about a new political dispensation that can bring a
    parliament that is leaner, competent, more legitimate and accountable
    to its people?

Every Somali should have a say in how these issues are addressed and,
with patience, I believe every Somali will. The peace process, on which
we have laboured for so long, is now bearing fruit. Mogadishu is now
flourishing and showing a real sense of peace and hope. Never before
have I seen the traffic jams of today on Makka Al-Mukarama Road.
Businesses are reopening, buildings are going up everywhere, and the
sense of hope within the Somali people is palpable. We continue to make
tremendous progress in attaining the targets set out in the Roadmap.
There is light at the end of the tunnel. We now have the opportunity to
pool our efforts and to get Somalia out of the failed states list for
once and all. Should we fail to do this, then blame shall be upon us —
and only us.
I hope the above debates add to the discussions and I look forward to receiving your constructive feedback.
_____________________________________________________________
Mr Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) is the Senior Advisor to the
Prime Minister of Somalia & Spokesperson of the Somali Government.
He held senior government positions including Minister of Treasury,
acting Minister of Finance and Minister of Information. He is a long
time social activist, political analyst and former Community Leader in
UK, where he worked in Local Government for 10 years.

Somaliland oo dabaaldegeysa

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay in dhinacooda ay diyaar ka yihiin wada hadalka ay la galayaan Soomaaliya.

Barnaamijka Salaamaha


KA DHOWRSO ADDUUNYADA, SH MOHAMED SH. IBRAHIM KENYAAWI

Hoos u Dhac ku Yimid Miisaaniyadda DKMG

$
0
0

image: 

DKMG ah ayaa sheegtay in miisaaniyadda dowladda oo aheyd 3 milyan bishiiba uu hoos u dhac uu ku yimid, daruuro jira awgood.
Dowladda ayaa sheegtay in dhulka dowladda ay maamusho ee muqdisho iyo gobolada oo balaartay howl galada amaanka ah ee socda iyo adeegyada bulshada ee loo baahanyahay iyo shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho ay sababeen in miisaaniyadda ay isdhinto.
Wareysi arintaasi ku saabsan oo aan la yeelanay wasiirka Maaliyadda Somalia C/naasir Maxamed Cabdulle halkan hoose ee qoraalka ka dhageyso.

Hoos u Dhac ku Yimid Miisaaniyadda DKMG

$
0
0

DKMG ah ayaa sheegtay in miisaaniyadda dowladda oo aheyd 3 milyan bishiiba uu hoos u dhac uu ku yimid, daruuro jira awgood.

Dowladda ayaa sheegtay in dhulka dowladda ay maamusho ee muqdisho iyo gobolada oo balaartay howl galada amaanka ah ee socda iyo adeegyada bulshada ee loo baahanyahay iyo shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho ay sababeen in miisaaniyadda ay isdhinto.

Wareysi arintaasi ku saabsan oo aan la yeelanay wasiirka Maaliyadda Somalia C/naasir Maxamed Cabdulle halkan hoose ee qoraalka ka dhageyso.

Beesha Jareerweyne oo ka soo horjeesatay 4.5-ka, kana soo horjeestay in loogu yeero Adaris, baaqna u dirtay Qaramada Midoobay

$
0
0

Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Haween, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee qowmiyadda beesha Jareer-weyne ayaa waxay uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya, waxayna ka soo horjeesteen 4.5-ka iyo hadalada gefka ah ee ay dadka Soomaaliyeed caadeysteen ee ah Adaris iyo waxa la midka ah oo aan diinta Islaamka meelna uga jirin.
Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Ugaas Sheekh Xasan Axmed oo sheegay in qowmiyadda Jareerweyne ay ka soo horjeedo in la yiraahdo Adaris iyo waxaad tihiin nus ka yar beelaha kale, wuxuuna ku hanjabay Ugaasku in hadda ka dib aysan u dulqaadan doonin in xaqa ay Jareeweyne ku leedahay Soomaalida dhexdeeda la duudsiiyo, isla markaasna aysan u cuntami doonin inay ku qancaan wax ka yar waxa ay qaataan beelaha kale ee Soomaalida ah, isagoo intaasi ku daray in Soomaaliya ay tahay oo keliya Jareer iyo Jaleec.
 “Beesha Jareerweyne hadda ka dib way midowday mana jiro wax khilaaf ah oo ka dhaxeeya, sidoo kale beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo dowladda KMG waxaan u sheegaynaa inaan ka soo horjeedno in nala yiraahdo waxaad tihiin nus ka yar beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo Adari  iyadoo la ogyahay in Soomaali ay tahay Jareer iyo Jaleec oo keliya, maanta ka dib diidnay in nala liido oo hoos naloo dhigo, waxaa jira dad caadeystay inay duudsiiyaan qowmiyadda Jareerweyne wixii ay xaqa u laheyd taasina diidnay” ayuu yiri Ugaas Sheekh Xasan Axmed.
Sidoo waxaa kulanka ka hadlay Boqor Faarax Cabdi Guure oo ah Boqorka qowmiyadda  beesha Jareerweyne wuxuuna sheegay in hadda ka dib aysan u cuntami doonin in la yiraahdo nus ayaad tihiin, isla markaasna lagu soo riiro beelo kale oo aan Jareer aheyn oo iyaguna la leeyahay waa nus oo dadka lama sinna, mana dooneyno ayuu yiri boqorku inaan xaq dad kale leeyahay qaadano, sidaas oo kalena ma dooneyno in xaqeena dad kale la siiyo oo nala duudsiiyo.
“Beesha Jareerweyne hadda ka dib kuma qanci doonto inay wax ku qaadato wax aan ka aheyn Jareer iyo Jaleec, iyadoo la ogyahay in qowmiyadda beesha Jareerweyne ay degto 10-ka gobol ee Soomaaliya ugu kheyraadka badan ahna beesha keliya ee ugu badan Soomaaliya in la yiraahdo Adarris ayaad tihiin runtii uma dulqaadan doono waana ka dagaalami doonaa hadalkaasi gefka ah, Jareer waa dadkii ugu horeeyay ee gumeysiga la diriay, Soomaaliyana gaarsiiyey xornimadeeda, marka iyadoo ay sidaasi tahay nooma qalanto in nala yiraahdo nus ayaad tihiin iyo wax aan afka soo qaban karin” ayuu yiri Boqor Faarax Cabdi Guure oo intaasi ku daray inay ka soo horjeedaan dastuurka la doonayo in Soomaaliya ay yeelato, wuxuuna xusay inaysan jirin dad ka socda Jareerweyne oo shirka Odayaasha ee Muqdisho ka qeybgalaya.
Ugu dambeyntii waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga nabadeynta beelaha Jareerweyne Sheekh Muqtaar Cabdi Rooble oo sheegay in dhib kasta oo ku dhaca beelaha Jareerweyne ay iyagu mas’uul ka yihiin, loona baahnaa in mar hore ay ka tashadaan aayahooda si ay wax ula qeybsadaan Soomaalida inteeda kale, wuxuuna intaasi ku daray in haddii ay yihiin Jareerweyne ay ka soo horjeedaan in loogu magacaabo Adaris iyo wax la mid ah, isagoo sidoo kalena sheegay inay ka soo horjeedaan  dastuurka cusub, kuna baaqay in wax laga qabto dadka danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya ee hadba dhinac u rogaya.

Saraakiisha Ethiopia: Dib u dhac ayaa ku yimid qorshe Al Shabaab looga saari lahaa J/ hoose

$
0
0

image: 

Baydhabo: (Sh. M. Network)   Taliska Ciidamada Ethiopia ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in uu dib u dhac ku yimid qorshe Xarakada Al Shabaab looga saari lahaa goboladaasi. 
Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee gobolka Bay Jeneral John oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu sheegay in uu dib u dhac ku yimid qorshe guud oo la sheegay inay iska kaa shanayeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kaasi oo ku addanaa in Al Shabaab laga saaro Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Jeneralka ayaa sheegay in qorshahaasi uu ahaa in Ciidamada Kenya oo gacan siinaya kuwa dowladda KMG ah ay kasoo dhaqaaqaan Xuduudda Kenya si ay gacanta ugu dhigaan Magaalada Kismaayo oo uu sheegay in dhaqaale badan uu kasoo galo Ururka Al Shabaab. 
Sarkaalkaasi ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda ay tababar u waddo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya si ay u xaqiijiyaan ammaanka dalka Soomaaliya. 
Ciidamada Ethiopia ayaa howlgallada ka wada gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana Saraakiisha Ethiopia ay sheegeen in haddii loo baahdo inay gaaraan Magaalada Kismaayo ay si deg deg ah ku tagi doonaan islamarkaana ay gacanta ku dhigi doonaan Magaaladaasi, maadaama ay tibaaxeen inay haystaan qalab Militari iyo Ciidan ku fillan.

Kulan gaar ah oo ay dalka Itoobiya ku yeelanayaan saxiixayaasha Raod Map-ka oo isku khilfsan arrimo ay ka mid yihiin

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi uu saacadaha soo socda ka furmi doono kulan ay yeelanayaan saxiixayaasha Raod Map-ka, kaas oo looga hadli doono qodobada xasaasiga ah ee hadda taagan iyo weliba qodobada ay Puntland ku diidantahay qabyo qoraalka dastuurka cusub iyo sababihii keenay inay ka baxaan shirka Odayaasha ee Muqdisho ka socda Isimadii ka socday maamulka Puntland oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe.
Sida warku sheegayo kulanka waxaa soo agaasimay Qaramada Midoobay waxaana ka qeyb geli doona dhammaan saxiixayaasha Raod Map-ka, sidoo kale kulanka waxaa goob joog ka ahaan doona, wakiillo ka kala socda Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo wadamada kale ee beesha caalamka.
Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed oo hadda ku sugan dalka Burundi ayaa kulanka ka qeybgali doona, waxaana lagu wadaa inuu saacadaha soo aadan uu tago magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgeli doonaa Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo hadda ku sugan dalka Itoobiya, sidoo kalena waxaa hadda Itoobiya ku sugan Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin.
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali {Gaas} iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagana la filaayaa inay saacadaha soo aadan gaaraan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya si ay uga qeybgalaan kulanka, sidoo kale waxaa kulanka ka qeybgeli doona maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca, gaar ahaan Ahlu Sunna gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa la filaayaa in si adag looga doodo qodobada dastuurka ee ay dhinacyada qaar ku arkaan kuwa aanay dani ugu jirin, Madaxweyne Shariif, Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, Madxaweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo xubnaha ka socda Ahlu Sunna ayaa dhamaantood waxay dood ka qabaan qodobo dhowr ah oo dastuurka ku jira, inkastoo ay aragti ahaan ay ku kala duwanyihiin waxyaabaha ay diidanyihiin.

Nin Ajnabi u shaqeynayay Shirkada SKA oo shalay lacago kala goostay oo la qabtay

$
0
0

Warar ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Shirkada SKA oo shalay la goostay lacago fara badan lagu qabtay magaalada Nairobi.
Ninkaan oo ah nin Masaari isla markaana heysta diinta Masiixiga ayaa shalay kala goostay shirkada SKA oo ah shirkada maamusho garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho lacago lagu sheegay in ay gaareyso ilaa iyo 3 milyan oo doolar.
Sarkaal ka tirsan safaarada Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo lagu magacaabo Cabdi Sataar ayaa u sheegay warbaahinta magaalada Muqdisho in ninkan oo ah Masaari Khidbi ah lagu qabtay magaalada Nairobi.
Ma jirto faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan qabashada ninkaan, waxa kale oo uu sheegay in lagu war geliyey lacagta uu soo dhacay in ay gaareyso ilaa iyo 300,000 oo doolar (Sadex boqol oo kun oo doolar).
Shirkada SKA ayaa ah shirkad ajnabi, waxay maamushaa howlaha xaga amaanka iyo socodsiinta diyaaradaha kala duwan ee garoonka Adan Cade, waxaana horay imaatinkeeda uga dhashay muran fara badan oo ka yimid baarlamaanka iyo qaar ka mid ah siyaasyiinta.
Waxyaabaha lagu eedeeyo waxaa ka mid ah in aysan badanaa qoranin shaqaalaha Soomaalida ah xilli ay jiraan dhalinyaro badan iyo aqoonyahano badan oo awooda in howlahaas ay u qumaan isla markaana shaqo la,aan ah.


Shir ka dhacaya dalka Shiinaha oo si weyn looga hadlayo xaaladda dalka soomaaliya iyo dowladda Shiinaha oo sheegtay inay…

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Yuusuf Xasan Ibraaahim {Yuusuf Dheeg} ayaa ka hadlay kulan uu la qatay Madaxwaynaha dalka Shiinaha Hu Jentao iyo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi, kuwaas oo uu sheegay inuu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhaxeeya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa dhinaca dib lumaasiyadda iyo kan ganacsiga ee labada dal ka dhaxeeya.
Sida uu sheegay Yuusuf Dheeg dowladda Shiinaha ayaa balanqaaday inay dib u dhis ku sameynayo Soomaaliya haddii marka ay cagaheeda isku taagto, wuxuuna safiirku intaasi ku daray in dowladda Shiinaha ay sidoo kale kala saxiixdeen heshiis ku saabsan sidii ay dowladda Shiinaha gacan u siin laheyd dowladda KMG Soomaaliya.
Dhinaca kale Yuusuf Dheeg waxa uu sheegay in shir ka dhacaya dalka Shiinaya oo ay yeelanayaan wasiiradas Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladaha Afrikaanka wax ugu qaban lahaayeen dowladda KMG Soomaaliya, ugana taageeri lahaayeen dhinaca dhaqaalaha iyo ciidanka intaba, wuxuuna safiir Yuusuf Dheeg intaasi ku daray in shirkaasi ay hormuud u tahay sida uu yiri Soomaaliya oo qabanqaabada wax ka wadata.
Safiir Yuusuf Dheeg ayaa haatan ay tahay markii labaad oo uu xilkani qabto safaarada Soomaaliya Shiinaha, waxaana uu shaqadani yahay 17-sano xilligii dowladdii dhaxe ee Soomaliya Allaah u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre.

Maamulka Somaliland oo sheegay in wadahadaladii u dhexmari lahaa dowladda KMG iyo Somaliland dhawaan lagu qaban doono dalka …

$
0
0

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday inay dhawaan dalka Ingiriiska uu ka furmi doono wadahadaladii ay beesha caalamku baaqday bishii Febuary sanadkan ku baaqday inay dhexmareen Somaliland iyo Soomaaliya.
Wasiirka waxa uu sheegay  in wadahadalada oo  hakadgalay la bilaabi doono dhawaan, ka dib markii ay xukuumada KMG Soomaaliya ogolaatay inay wax ka qabato qodobadii muranka dhaliyey, isla markaasna ay dowladda Ingiriiska dhankeeda  ogolaatay sida uu yiri  inay martigeliso wada xaajoodyada labada geesoodka ah.
 “Xukuumada KMG Soomaaliya waxa yogolaatay inay wax ka qabato khilaafka ka yimid dhankeeda, waxaanu wadahadalada aanu ku soo bandhigi doonaa qadiyadda aqoonsiga Somaliland, wax ka duwanna marnaba lagama hadli doono, dowladda Ingiriiskuna waxay noo ogolaatay inan dalkeeda ku shirno” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo intaasi ku daray in wadahadalo hoose oo labada dhinac u socday ay jireen in muddo ahba, mana sheegin cidda ay wadahalka la lahaayeen iyo cidda ay la kulmeen.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya wakhti dowladda KMG iyo maamulka  Somaliland isku khiaafsanyihiin sida wada hadalada looga qaybgalayo ka dib markii dowladda KMG ay ku soo dartay ergadeeda labo wasiir oo ka socda Puntland, kuwaas oo Ay Somaliland sheegtay inay labadooduba ka soo jeedaan Somaliland, taas oo ay ka biyo diideen maamulka Somaliland.

Dowladda Itoobiya oo sheegay inaysan Soomaaliya ka bixi doonin illaa iyo inta ay ka gaarayaan hadalkii ay u soo galeen markii hore, kuna baaqday…

$
0
0

Taliyaha ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkeynayaan ammaanka guud ee degmada Baydhabo iyo deeganada kale ee ay gacanta ku hayaan ee ku yaala gobolada Bay iyo Bakool, wuxuuna intaasi ku daray in dhawaan ay la wareegi doonbaan deegaanada kale ee weli ku suganyihiin Xarakada Al-shahaab oo ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.
“Waxaan qaadeynnaa tallaabooyin aan ku sugayno ammaanka guud ee Baydhabo iyo weliba dagaal aan kaga bixineyno gobolada Bay iyo Bakool ciidamada Al-shabaab ee weli ku harsan qaar ka mid ah gobolada aan soo sheegnay” ayuu yiri taliyaha cidamada Itoobiya ee gobolka Bay Gen. Yohan.
Taliyaha ayaa meesha ka saaray inay ciidamada dowlada Itoobiya ay degdeg u baxayaan Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray inay sii jii joogayaan Soomaaliya inta ay guud ahaan gacanta uga wada-dhigayaan gobolada kale ee dhiman, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Marka hore amaanka hoose ee gobolada waxaan ku wareejinaynaa ciidanka AMISOM, laakiin waxaan cadeynayaa inta ay Al-Qaa’ida ay noo muuqdaan ma baxeyno, waxaana bartilmaameedkeena uu yahay inaan cirib tirno Al-Qaa’ida Al-shabaabka ah, waxaan ku weerareynaa meel kasta oo ay galaan  inta ay  nool yihiin oo ay Soomaaliya joogaan argagixisada waan joogeynaa, waxaana galeynaa meel walba oo ay galaan”.

Ciyaarta horyaalka ee Chelsea V Bayern

$
0
0

Chelsea waa inay ka badiso Bayern Munich si ay markii ugu horreysay kor ugu qaaddo horyaalka Yurub. Waa ciyaar aad u adag.

Garoonka Muqdisho oo Lacag Lagala Baxsaday

$
0
0

Amaanka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay maalin kadib  markii nin u shaqeynayay shirkadda maamusha garoonka ee SKA uu labaxsaday dhaqaale shirkadda ay ka qaaddo diyaaradaha ka soo dega garoonka.

Warbixin arintaasi ku saabsan halka hoose ee Qoraalka ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live