Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Culumaa’udiinka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe oo sheegay in aanay ka qeyb geli doonin shirka Addis Ababa

$
0
0

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Wal-jameeca Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in aanay marna ka qeyb geli doonin shirka saxiixayaasha Road Map-ka ee maanta uga furmaya magaalada Addis Ababa.

 Guddoomiyaha fulinta Ahlu Sunna Sheikh Yusuuf Max’ed Xeefow oo
saxaafadda kula hadlaayay magaalada Dhuusamarreeb ayaa sheegay in ay ka
soo horjeedaan shirka ka dhacaya Addis Ababa, qodobada ka soo baxaan
aysan dhinacooda ka soo horjeedaan.
Xeefow ayaa sheegay in shirkaas ay wataan uun Danjire Mahiga, Faroole
iyo DKMG ah madaxdooda, maxaa yeelay ayuu lee yahay Ahlu Suna waxa u
matalaya dad aan waligood ahlu sunna noqon.
Wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan shirkaas aysana taageeri doono
waxyaabaha ka soo baxa, wararkii ugu dambeeyay ee naga soo garaya
magaalada Addis Ababa waxa ay sheegayaan in shirka dhamaan dhinacyada ka
qeygalaya ay hadda ku sugan yihiin.
Ahlu Sunna waxa ka mid tahay saxiixayaasha Roud-Mapka, laakin iyaga ayaa
farabadan oo dhowr Ahlu Sunna ayaa hadda jirta, waxana xusid mudan in
shirka hadda ka dhacaya Addis Ababa in ay joogaan xubno matalaya Ahlu
Sunna oo madaxweynaha DKMG ah.
Hadalka Xeefow waxa uu sii muujinayaa khilaafka weyn ee ka dhexmuuqda
arrimaha Roud-Mapka, iyadoo horey ay u jireyn dhaleeceyn loo jeedinaayo
qabyo qoraalka dastuurka ee la doonayo in lagu sameeyo xiliga KMG ka
hor.
Ahlu Sunna waa koox qunyar socod, wadaada ah, waxa ay badankood xoog ku
lee yihiin gobalka Galgaduud, waxana xiriir ay la lee dahay Dowladda
Ethiopia.


63 ruux oo lagu dilay Sanca, Yemen

$
0
0

Qof is qarxiyay ayaa 63 ruux ku dilay Sanca oo ah caasimadda Yemen.

Yemen: Qarax Dilay Tiro ka Badan 90 Askari

$
0
0

Qaraxan ayaa ka dhashay markii magaalada Sanca qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey meel ciidanka dawladdu uu ku tababaranayey.Tababarkan uu ciidanku sameynayey ayaa waxa uu horudhac u ahaa dabbaaldeg maalinta berrito ah loo sameyn lahaa maalintii Midowga labada Yemenood.

Wararku waxay sheegayaan in goobta uu qaraxu ka dhacay uu joogay Wasiirka Gaashaandhiga iyo madax kale oo ciidanka Yemen ka tirsan.

Wareysiyo arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Qodobada ay Puntland ka Diiddantahay Dastuurka

$
0
0

Waxa maanta magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ka furmay shir ay halkaas ku leeyihiin qeybaha siyaasadda ee Somalia, iyaga oo ka wada hadlaya qoddobada la isku diiddan yahay ee qaybo-qoraalka dastuurka Somalia.

Haddaba Idaacadda VOA ayaa la xiriirtay Maamulka Puntland. Saadiq Abshir Garaad oo ay Idaacaddu la hadshay, xubinna ka ah baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlaya qoddobada ay Puntland ku diiday dastuurka DKMG ee Somalia.

Wareysi arrintaas ku saabsan hoosta ka dhagesyo.

Caalamka oo Soomaaliya ku bixinaya $11m

$
0
0

Beesha Caalamka ayaa $11 ku bixineysa hawlaha xilliga kala guurka.

Adis Ababa: Madaxda Somalida oo Maalintii 2aad ku Shirsan

$
0
0

Hogaamiyeyaasha Kooxaha siyaasadda ee Somalia ayaa kulamo la leh dhex dhexaadiyeyaal caalami ah, si wax looga qabto arimo muhim ah oo ku hor-gudban yagleelidda dowlad bedesha Dowladdan KMG ah .

Wariyaha VOAda Peter Heinlein ayaa warbixintan inooga soo diray magaalada Adisababa.

Warbixintaasi  oo Maqal ah oo uu inoo soo jeediyo Maxamed Colaad Xassan halka hoose ee Qoraalkan ka dhageyso.

Ciidamo ka Socda Uganda iyo Siiralyon oo saakay Gaarey Doolow Kuna Sii Jeeda Jubbada Dhexe

$
0
0
image: 

Muqdisho (SONNA) Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan taliska ciidanka AMISOM ee magaalada Muqdisho ciidankii ugu horeeyay ee ka socda AMISOM ayaa labo maalmood ka hor gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Ciidankaasi oo tiradiisu dhan tahay labo guuto ayaa ka kala socda wadamada Uganda iyo Siiralyoon, waxayna Jimcihii ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya iyagoo u gudbay dhanka degmada Doolow oo ay fariisimo ka sameysteen.
Sarkaal ka tirsan taliska AMISOM ayaa magaalada Nairobi ugu sheegay wariyaha Raxanreeb in ciidankaasi ay ku sii jeedaan dhanka gobolada Jubbooyinka, waxaana qorshahoodu yahay inay sii araan Baardheere si ay u gaaraan gobolka Jubbada Dhexe oo hadda ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab.
Ciidankan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo ka socda taliska AMISOM oo hawlgal ka bilaabay konfurta galbeed ee Soomaaliya inkastoo ciidamada Kenya ay joogaan meelo ka mid ah gobolka Gedo.
Dawlada Siiralyoon ayaa horey u ballanqaaday in ciidamo ka qeybqaata hawlgalka AMISOM waxaana lagu waday in ciidamada Siiralyoon ay si buuxda Soomaaliya u soo gaaraan bisha June oo hadda maalmo kaliya ka harsan yihiin. Saraakiil militari oo isugu jira Siiralyoon iyo Kenyan ayaa dhowr bilood ka hor kormeeray gobolka Gedo si ay u arkaan goobaha istiraatiijiga ah ee ciidamadu degi karaan.
Askarta daacada u ah Musefeni ‘UPDF’
Ciidamada Ugandha ee soo gaaray Doolow ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo cusub oo dhowaan laga keenay wadanka Ugandha, waxaana ciidankan ay ahaayeen ciidankii dawlada madaxweyne Musefeniga Ugandha kula dagaalamay jabhadda Lords Resistance Army ‘LRA’ ee ka dagaalanta waqooyiga Ugandha kuwaasoo dawlada Ugandha ay aaminsan tahay in iyaga loo adeegsan karo dagaalka jabhadeynta ee lagula jiro Al-Shabaab. 
Waxaana saraakiisha AMISOM ay sheegayaan in ciidamada labada guuto ah ay ku qalabeysan yihiin hubka culus iyo gaadiid loogu talagalay in wabiyada looga gudbo maadaama gobolada koonfurta Soomaaliya ay leeyihiin wabiyo waaweyn oo hawlgalada ciidamada xanibi kara.
Soo galista ciidanka cusub ee ku socda magaca AMISOM ayaa timid maalmo ka dib markii raysuil wasaaraha Ethiopia uu ku dhawaaqay in ciidamada Ethiopia ay ka qeybqaadanayaan qabashada magaalada Kismaayo oo ah magaalo deked leh oo ay maamusho Al-Shabaab.

Meles Zenawi “Magaalada Kismaayo ayaa qaban doonaa dhowaan”

$
0
0

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in howl galkooda labaad uu nonayo magaala xeebeedka Kismaayo, kadib markii saraakiisha Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay sheegeen inuu fashilmay duulaan lagu qaban lahaa Kismaayo.
Meles Zenawi ayaa u sheegay wariyeyaasha in qorshahooda uu yahay sidii Kismaayo ay ula wareegi lahaayeen, isla markaana ku wareejinayaan Ciidamada Amisom.


Waxaa uu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay xoojin doonaan, si ay Al-Shabaab ugaga saaraan magaalooyinka kale ee ay wali gacanta ku hayaan.


Meles Zenawi ayaa xusay inay qibrad u leeyihiin sida Al-Shabaab loola dagaalamo, isla markaana wixii hada ka dambeeya ay awoodooda isugu geyn doonaan magaalada Kismaayo.


Ciidamada Kenya ee ku sugan qeybo ka mid ah Jubooyinka ayaa ku adkaatay inay qabtaan Kismaayo, kadib muddo lix bilood ah oo laga joogo markii ay ka soo tallaabeen xuduuda.


Horay ayay Ciidamada Itoobiya sanadkan ula wareegeen magaalooyinka Ceelbuur, Baydhabo, Xudur iyo B/weyn oo ahaa meelaha Shabaab sida aadka ah ugu xooganaayeen.


Ciidmada AMISOM oo la wareegay degaano ka tirsan degmada afgooye

$
0
0

Ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay la
wareegeen deegaanno hor leh oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka
Sh/hoose. 
Sida ay xaqiijinayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan duleedka degmada
Afgooye, Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la
sheegay in goordhow ay la wareegeen deegaanka Sabyo oo 9-KM u jira
degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. 
Dad deegaanka ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay dhaq
dhaqaaq ciidan ka wadaan kuwa degmada Afgooye islamarkaana ay ka
doonayaan inay ka hortagaan duulaanka wadajirka ah oo ay kusoo qaadeen
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. 
Ciidamada dowladda ee la wareegay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee
gobolka Sh/hoose ayaa la tilmaamay injay wataan dabaabaadka dagaalka iyo
gaadiid farabadan, waxaana la tilmaamay inay wadaan howlgallo
ballaaran. 
Saraakiil ka tisan Ciidamada dowlada ayaa ku wargaliyay dadka ku sugan
deegaanka Sabyo inay is dejiyaan islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidamada
ammaanka ee dowladda KMG Soomaaliya.

Shirkii Addis Ababa oo la sheegay in la isku afgartay watigana loo kordhinayo dowladda KMG ah

$
0
0

Shirkii Madaxda Somaliyeed uga socday Adis-Ababa Xarunta Midowga Africa ayaa la wareegay in la soo gebagebeyn doono maanta gelinka dambe iyadoo la sheegay in muddo kordhin loo sameyn doono dowladda kmg ah ee haatan shaqeysa.

Warar dheeraad ayaa sheegaya in Beesha Caalamka Qaarkeed ay Codsatay in Lix Bilood ama Sanad loogu Daro TFG Isla markaana Mudadaasi la soo Xulo Baarlamaanka Somaliya, warka ayaa intaasi ku daray in la Hakiyay Shir Turkiga loogu qaban Lahaa Isimada Somaliya Walow aan la sheegin Sababta waxana Shirkaasi loo Wareejiyay Adis-Ababa ama Nairobi Midkood inuu ka dhaca
Wadamada Talyaaniga iyo UK ayaa ka mid ah Kuwa Cadaadiska wada ee dalbanaya in TFG Mudo Kordhis  Gaaban loo Sameeyo isla markaana Marxalada Kala Guurka ah inta aan la Gaadhin la soo xulo Baarlamaan Cusub oo Mudadaasi La shaqayndoona Xukuumada waxa la xusay in Railsawasaaraha iyo Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku ay Mudo Kordhiskaasi ku Shaqayndoonaan Halka Baarlamaanka Kaliya la soo xulayo Ilaa Laga Gaadhayo Bisha Sideedaad ee Sanadkan  Markaasna  dhamaan Xukuumada Hay’addaheedu ay Gabal Dhacsanayaan.

Taliska Ciidamada AMISON oo sheegay inay dhowaan qabsan doonaan degmada Afgooye

$
0
0

Taliska Ciidamada Amisom ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay ku wajahan yihiin degmada Afgooye si ay uga saaraan Al-Shabaab, iyagoo cadeeyay in aanay jirin awood u babac dhigi karta oo hortaagan.
Taliyaha guud ee Ciidamada Amisom Major Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ku jebiyeen Shabaab, isla markaana ay qasaare ku gaarsiiyeen sida uu yiri.
“Howl galkii shalay wuxuu ahaa mid qorsheynaa oo aan ku qaadnay kooxo canaasiir ah, waxaan ku guuleysanay inaan ka talaabno garoonka diyaaradaha Dayniile”ayuu yiri Jen. Andrew Gutti.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay dadka barakacayaasha ee Al-Shabaab xooga ku heystaan dhowaan ka xoreyn doonaan, waxaana uu xusay in howl galkii shalay ay ugu magac dareen xoreynta Shabelle.
Taliyaha Amisom ayaa sheegay in howl galkooda uu hada ku baahay Gobolada Shabellooyinka, isla markaana uu Muqdisho banaanka uga baxay sida uu yiri.
Dagaaladii shalay oo ahaa mid ay qaadeen Ciidamada Amisom ayaa waxaa ugu suura gashay inay qabsadaan wado muhiim ah oo ka baxda garoonka diyaaradaha Dayniile, taasoo tagta degmada Afgooye.

Afhayeenka Shabaab oo sheegay iney dileen sarkaalkii ciidamda AMISOM hogaaminayey shalay

$
0
0

Afhayeenka dhanka howl galada ee Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaaladii shalay ay soo qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom aanay wax natiijo ah laga gaarin.
Waxaa uu sheegay in weerarada lagu soo qaaday si ba’an isaga difaaceen, isla markaana ay ku qasbeen Amisom in garoonka diyaaradaha Dayniile aanay soo dhaafin.
“Shalay saliibiyiinta weerar ayay soo qaadeen, waana la caabiyay, si adag ayaa looga hortagay, waxaa dagaalka hada ka socda howdka u dhaxeeya Garasbaaley iyo garoonka diyaaradaha Dayniile”ayuu yiri Abuu Muscab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in sarkaal ka tirsan Ciidamada Uganda ay ku dileen dagaalka, kaasoo markii xabad ku dhacday uu sheegay inay diyaarad ay qaaday.
“Sarkaalka la dilay wuxuu ahaa G/dhexe, waxaa xabad uga dhacday surka, diyaarad ayaa garoonka Dayniile ka qaaday, markii dhex loo sii wadayna waa uu ku dhintay”ayuu yiri.
Abuu Muscab ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya ay qaadi doonaan dagaal jabhadeyn oo ku dhufo ka dhaqaaq ah, isla markaana mar walba ay soo dhaqaaqaan ay naafeyn doonaan.
Shabaabka ayaa hada wajahaya culeysyo baaxad leh oo uga imaanaya dhinacyada ka soo horjeeda, sida Ciidamada Amisom, Itoobiya iyo kuwa Kenya, waxaana ay luminayaan dhul badan.

Masar oo dooraneysa Madaxweyne

$
0
0

Safaf dhaadheer ayaa dadku u galeen goobaha codbixinta Masar, halkaasi oo boqolaal kun oo qof ay codkooda ka dhiibanayaan doorashooyinkii ugu horreeyay ee xor ah ee madaxtinimo ee dalka Masar.

Masar oo doorasho u dareertay

$
0
0

Dadka Masar ayaa maanta codkooda dhiibanaya, iyaga oo dooranaya Madaxweyne.

Dagaal Maalintii 2aad Ka Socda Duleedka Muqdisho

$
0
0

Saraakiisha Midowga Africa iyo Dowladda Somalia ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dagaal xooggan kula jiraan kooxda Al-shabab, meel dibadda ka ha magaalada Muqdishom, weerar ay ku tilmaameen mid si xowli ah ku socda oo ay ku qabsanayaan goobaha ay aadka ugu xoogganyihiin mintidiinta kooxda Al-shabab.

Taliye ku suggan goobaha lagu dagaalamayo ayaa u sheegay VOAda in ciidmadu ay ku sii siqayaan degaanka la yirahdo ceelasha biyaha, oo ay ku yaalaan xeryo qaxooti oo ay ku noolyihiin 400, kun oo qaxooti ah.

Goob joogayaasha ayaa soo sheegaya dagaal culus maanta oo arbaca ah, wariye ka tirsan VOAdana waxa uu sheegay in afar qof oo rayid ah lagu dilay dagaalka maanta oo ay ku jiraan laba caruur ah.

Weli tirada qasaaraha rasmiga ah lama oga.

Degaanka ceelasha ayaa qiyaastii 10km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Muqdisho, waxuuna ku yaala jidka gala degmada Afgoye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Waana meel ay ku xooganyihiin Kooxda Alshabab oo ay dowladuna isku dayeyso inay qabsato.

Wareysi ay VOAda la yeelatay wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise ayaa saadaaliyay in ciidamada isbaheystay ay qabsan doonaan Afgoye muddo laba maalmood ah gudahood.

Dagaalkan ayaa shalay bilowday ka dib markii ciidamada isbaheystay ay weerar ku qaadeen fariisimo ay Kooxda Al-shabab ku leedaheyd duleedka degmada Dayniile.

Dhinaca kale dagaal ayaa isna saakay ka dhacay agagaarka degaanka kaxda ee duleedka degmada Dharkiinley, halkaasoo ciidmada dowladda iyo ku midowga Africa ay ku durkeen degaano ku dhow dhow ceelasha biya.


M: Shariif: Waan Ka Heshiinay Qilaafkii

$
0
0

Hogaamiyeyaasha Somalida ee uu ka dhaxeeyo hardanka siyaasadeen ayaa galabka ku soo gabagabeeyay magaalada Adis-abab Shir uga socday iyaga iyo  dhex dhexaadiyeyaal caalami ah.

Madaxweynaha Dowladda DKMG Sharif Sheikh Axmed ayaa qudbad uu xiritaankii shirka ka jeediyay ku sheegay in waxyaabihii shirka looga hadlayay isafgarad laga gaaray, oo uu shika ku dhamaaday natiijo wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhameystirka Road-Mapka, ama qorshaha kala guurka uu heshiiskan u yahay guul, uuna soo afjarayo.

Hadalkii madaxweynaha oo maqal ah ka dhageyso halka hoose ee qoraalkan.

Madaxda Soomaalida oo heshiis gaartay

$
0
0

Saxiixayaasha heshiiska siyaasadeed ee xalaadda kala guurka ee dalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Addis Abab ku gaaray is afgarad ku wajahan sidii looga bixi lahaa xilliga KMG.

Sawirro doorashada Masar

Dhaqanka iyo Hiddaha: (Q-11-aad)

$
0
0

Sida laga yaabo in aad ku maqasheen,  intiinnii dhageysatey Barnaamijkayagii Dhaqanka iyo Hiddaha ee Todobaadkii tagey, waxa uu ka hadlayey qiimaha ay maalinta 15ka May Soomaalida u leedahey iyo suugaan Soomaalida ku guubaabineysey isku soo dhawaashaha iyo ka durkista wixii danahooda kala durkinaya.

Maantana Waxa Qoraaga Axmed Faarax Cali Idaajaa uu noo hayaa qeyb kale oo xambaarsan suugaan ku xidhiida sanooyinkii huwanaa taariikdii gobanimada Soomaaliya, gaar ahaan halgankii Xisbigii SYL.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

Daawo doorashada Masar

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live