Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AMISOM oo Caawa Shaacisay in Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab ku dileen agagaarka Degmada Afgooye

$
0
0


War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Taliska Milatariga ee Ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in Howl gal gaar ah ay sameeyeen Ciidamada AMISOM in lagu dilay Saraakiil katirsan Al-Shabaab .
Warkan kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in deegaano ku dhaw Degmada Afgooye lagu dilay labo Sargaal oo katirsan Xarakada Al-Shabaab kuwaa oo xiliga dilay kusocday Gaari Nuuca Raaxada Ciidamada AMISOM-na si gaar ah u dileen Saraakiishaas.
War Saxaafadeedka AMISOM kasoo baxay laguma Sheegin Magaca Saraakiishan Shabaab katirsan iyo waxa ee kooxdaasi ka ahaayeen hasa ahaatee waxa eey sheegeen kaliya in ay ku dileen Duleedka Degmada Afgooye.
AMISOM ayaa sidoo kale Warsaxaafadeedka ku sheegtay in Howl gal loogu tala galay Xureenta Shabeelooyinka uu bilowday meel fiicana marayo laguna guuleestay in Al-Shabaab lagu jabiyo dhul badana looga qabsadyo.
Howlgalkan Xureynta Shabeelooyinka ayey AMISOM sheegeen in la doonayo in lagu xoreeyo Nolosha Afar Boqol oo Kun oo Shacab ah oo kunool inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye kuwaa ay sheegeen in dhibaatooyin lagu hayo lana xureenayo.
Warkan kasoo baxay Taliska AMISOM ee ku aadan in ay Dileen Saraakiil Shabaab katirsan wali Shabaab kama aysan hadlin ,waxa ayna arintaan kusoo aadeysa Xili Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM afgooye kusii siqayaan.


Shirkii Addis Abbaba Oo Soo Idlaaday Iyo War Murtiyeed Laga Soo Saaray.

$
0
0

Addis-abbaba(GMN) Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagusoo gebagebeeyey shirkii looga hadlayey dhameystirka Road-Mapka iyadoo gebagebadii kulankana ay kasoo baxeen go’aanno dhowr ah.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka,Dib U Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo markii kulankaasi uusoo gebageboobay kadib Wareysi siiyey Idaacada Ku Hadasha Afka Dowlada Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in shirka uu kusoo dhamaaday guul iyo jawi wanaagsan.
Go’aannada ugu horeeya ee kasoo baxay shirka waxaa ka mid ah sameynta Road-Map cusub oo lagu shaqeynayo hada ilaa 20 August sanadkan 2012, waxaana Road-Mapkan cusub uu yahay mid lagu xoojinayo dhameystirka Qariidadii nabadda ee dalka looga saarayey KMGnimada.
-In 26ka May ay soo gebagebeeyaan howshooda dhexdhexaadinta gudi loo xilsaaray xalinta odayaal dhaqameedyada soo xulaya ergada ansixin doonta Dastuurka islamarkaana soo xuli doonta Baarlamaanka Cusub.
-In 1da June lasoo gebagebeeyo howlaha lagusoo xulayo gudiga Ansixinta Dastuurka iyo soo Xulida Baarlamaanka Cusub ee uu dalku yeelanayo.
-in ugu dambeyn 20ka bisha June la helo oo lasoo gudbiyo magacyadii ugu dambeeyey ee Golaha Ansixinta ayadoo loosoo gudbinayo gudiga Farsamada.
-In 30ka bisha June ay magaalada Muqdisho xaadir ku ahaadaan golaha Ansixinta.
-In 2Jully ay si rasmi ah howshooda u bilaabaan gudiga Ansixinta iyo shirarkooda.
-in 10ka Jully la ansixiyo Dastuurka.
-in 15ka Jully gudiga loosoo gudbiyo ugu dambeyn magacyada xubnaha cusub ee Baarlamaanka soo geli doona.
-in 20ka Jully la dhaariyo Baarlamaanka Cusub.
-In 04ta bisha August 2012 la qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeennadiisa.
-In 20ka August 2012 la qabto doorashada Madaxweynaha Dalka.
-In Wadashaqeyn joogta ah ay yeeshaan saxiixayaasha Road-Mapka ilaa inta lagasoo dhameystirayo howshan.
Shirkaa ayaa Maalmahaan ka socday Magaalada Addis Abbaba Ee Dalka ethopia waxaana Ka qeyb Galay Saxiixayaashii RoadMapka.

Consultative Meeting of the Somali Signatories of the Process for Ending the Transition

$
0
0

image: 

Addis Ababa,( Sh.M. Network)  The Somali signatories of the process for ending the transition held a consultative meeting in The African Union Headquarters, from May 21 to May 23, 2012.
The meeting was hosted by the African Union and facilitated by the Office of the UN Special Representative for Somalia (UNPOS).
The meeting was attended by the signatories of the process for ending the transition, including HE Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, President of the Transitional Federal Government (TFG); HE Sharif Hassan Sheikh Aden, Speaker of the Transitional Federal Parliament (TFP), HE Dr. Abdiweli Mohamed Ali, Prime Minister of TFG; HE Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole), President of Puntland State; HE Mohamed Ahmed Aalim President of Galmudug State; Khaliif Abdulkadir Moallim Noor, Representative of Ahlu Sunnah Wal-Jama’a (ASWJ) and the UN Special Representative for Somalia (SRSG) Amb. Augustine Mahiga.
The Signatories of the Roadmap have today received final draft copies of the Draft Constitution which was subjected to a constitutional review by a technical committee. They harmonized and incorporated the written submissions of the signatories into the final Draft Constitution
Considering the current political situation in Somalia as well as the need to urgently and fully implement the Roadmap to End the Transition based on the principles agreed upon in the Garowe I and II and Galka’yo consultations, the Somali signatories discussed at length the modalities of implementing the above- mentioned principles and agreements.
The Signatories took into account that the Transitional Federal Parliament in its current state is unable to pass the required amendments to the Transitional Federal Charter and necessary legislation to end the transition and enact the subsequent legislation required to allow the constitutional process to proceed. This comes at a time when the final preparations to table the Draft Constitution for provisional adoption are underway and the transition end date is three months away-20 August 2012.
Consequently, the Signatories of the process for ending the transition resolved to advance the process in consultation with the recognized Somali Traditional Leaders (Duubab), in accordance with Somali customary law, and have agreed:
 1. To recommend that the President of the TFG provide, through a presidential decree, a legal basis to steer the constitutional process towards the adoption stage and to end the transition.
2. To consequently convene a National Constituent Assembly as soon as is practicable, pursuant to Article 1 (g) of the Garowe I Principles. The signatories have agreed that the selection of National Constituent Assembly (NCA) delegates shall be finalized no later than 20th of June 2012 and the New Federal Parliament (NFP) members no later than 15th of July 2012.
3. To facilitate the implementation of the Garowe I and II, and Galka’yo agreements and the clauses above, by adopting:
a. A Protocol Establishing the Constituent Assembly and the New Federal Parliament.
b.
c. A Protocol Establishing the Technical Selection Committee (TSC)
d. A Protocol Authorizing the Finalization of the Provisional Constitution with the Incorporation of the Harmonized Submissions of the Signatories to constitute the final draft for presentation to the National Constituent Assembly (NCA)
4. That the TSC will assist the recognized Traditional Leaders (Duubab) to ensure that the nominees of the NCA and NFP comply with the criteria set out in Garowe II. The TSC will support the NCA in management and dispute resolution. It is agreed to amend Article 5 of the Galkayo Agreement 26 March 2012, to revise the size and composition of the TSC. It is hereby agreed that the TSC will be made up of 27 Somali members, 2 members from UNPOS and 7 International Observers. The Somali members shall be selected by the Somali signatories on the basis of the 4.5 formula.
5. To amend Article 3 (e)(i) of the Garowe II Principles of 17 February 2012, regarding the nomination process for New Federal Parliament. The Traditional Leaders shall be required to nominate one candidate for every seat instead of two. This is reflected in the Protocol Establishing the Constituent Assembly.
6. To establish an Arbitration Board of the Traditional Leaders (Duubab) no later than 26th of May 2012 to resolve any disputes that may occur regarding the validation of the Traditional Elders. The Arbitration Board will consist of 25 Traditional Leaders, 5 from each Clan to resolve any issues or disputes arising from their respective Clans.
7. To recognize that the continuing responsibility for completing the process of ending the transition and implementing the principles of Garowe I & II and Galka’yo lies specifically with the signatories of the process for ending the transition.
8. To establish a RoadMap Signatories Coordination Office in Mogadishu to ensure effective communication and information sharing.
9. Bearing in mind that the process to end the Transition shall end on 20 August 2012, the signatories agree to the following updated timelines in order to give direction to all stakeholders.
26th May 2012 Arbitration Board of the Traditional Leaders shall be established
1st Jun 2012 Technical Selection Committee (TSC) established
20th Jun 2012- TSC publishes the finalized (and fully vetted) list of NCA delegates.
30th Jun 2012 Selected NCA members to be present in Mogadishu; Copies of draft constitution to be received by the NCA delegates
2nd Jul 2012 NCA convened – Opening ceremony
10th Jul 2012 Provisional Constitution adopted
15th Jul 2012 TSC publishes finalized and fully vetted list of New Federal Parliament (NFP)
20th Jul 2012 New Federal Parliament members sworn in
4th Aug 2012 Election of Speaker and Deputy Speakers by NFP
20th Aug 2012 Election of President by the NFP
10.To recommend that the President approves the National Security and Stabilization Plan 2011 – 2014 (NSSP) through a presidential decree, mindful of the urgency to institute a wholly Somali owned national security sector and given the fact that the current Parliament is unable to table a motion on this matter.
11.To urge the TFG and the International Community to lend support to Puntland and Galmudug and ASWJ-controlled areas with respect to the urgent security needs of these regions stemming from the Al Shabbab’s spillover northwards up to the Golis Mountains and piracy.
12. To urge the international community to provide in a timely manner, political good offices, facilitation and financial support for the process to end the transition and to that end, lift the arms embargo as appropriate.
13.To emphasize that no delay or obstruction will be accepted by the Somali people or the International Community, and spoilers will be identified and named, and appropriate joint action by Somali and International stakeholders will be taken against them.
14.To encourage regional states and organizations –AU, IGAD, League of Arab States and OIC, to continue providing support for this process.
15.To thank the wider International Community and the UN agencies, UNPOS in particular, for their on-going support
16.Anything that is not clear in this agreement or the Protocols incorporated by reference herein shall be interpreted and applied in accordance with the Roadmap and the Garowe I & II Principles, and the Galka’yo Agreement.

gabadh toogatay nin ganacsada kunadishay baydhabo

$
0
0


Waxaa goor dhawayd  dhacday dhacdo ad ugucusub  somalia dhacdadaso kadhacday Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, 
Gabadh dhalinyaro ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay nin ganacsade ahaa ay ku toogatay goor dhawayd Suuqa Sarifka ee Magaalada Baydhabo, iyadoo dhawr xabadood kala dhacday madaxa iyo feedhaha.
Gabadhaan oo la-xaqiijiyay inay ka tirsaneyd Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay dilka ninkaasi ay u adeegsatay bistoolad, waxayna la-dhacday ilaa shan xabadood, oo ay intoodu badan uga dhufatay madaxa.
Gabadhan oo ay korka kala socdeen dhalinyaro kale oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay durbaba ay ka wada baxsadeen Suuqa Sarifka, oo ay ku toogatay ninkan ganacsadaha ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariisto Cabdi Iidow oo ku magac-dheeraa “Cabdi Kaar”.
Cabdi Kaar ayaa wuxuu ka mid ahaa Ganacsatada Dahabka ee Magaalada Baydhabo, laakiin waxaa la-toogtay xilli uu dhex maraayay Suuqa Sarifka ee Magaalada Baydhabo, isla-markaana Ciidamadda Dowladda oo goobtaasi soo gaaray ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhiggaan gabadhii dilka geysatay iyo dambiilayaashii kale, ee falkaasi ku wehlinaayay.
Ciidamadda Dowladda ayaa waxay shalay gacanta ku dhiggeen gabadh dhalinyaro ah, oo joog ku sidatay laba bastooladood, iyadoo la-sheegay inay u siday dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab, waxayna xilligaan ay ku xidhan tahay Saldhigga Booliska ee Magaalada Baydhabo, iyadoona ay ku soconayaan baaritaano.
Dhacdadaan ayaa waxay fajac ku noqotay shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, waana markii ugu horeysay oo la-arko gabadh ka tirsan Al Shabaab, oo si toos ah dil u fullineysa, marka laga soo taggo inay isqarxisay.

Haamo sumaysan oo lagu arkay Xeebta Liido

$
0
0

Maamulka Degmada C/casiis ee dowladda ayaa sheegay inay ku qabteen Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho rag waday Haamo sumaysan.

Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa Subaxnimadii hore ee Saaka lagu arkay ilaa 4 Haamood oo la sheegay in ay sumaysan yihiin, waxaana Maamulka Degmada C/casiis iyo Taliska Booliska qeybta Barri ay Saxaafadda usoo bandhigeen Haamahaasi sumaysan.
Gudoomiyaha Degmada C/caiis C/laahi Xuseen Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Degmada iyaga oo roondeynaya ay ku arkeen Haamahaasi iyo Rag waday Xeebta Liido, waxaana uu sheegay in Raggaasi 2 ka mid ah ay Gacanta ku dhigeen..
General Garaad Nuur oo ah Taliyaha Booliska qeybta Bartamaha oo isna hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay Maxkamad soo taagayaan labadaani Ruux ee lagu qabtay Haamanka sumeysan , isagoo uga digay dadka inay ka fogaadaan Goobaha ay Hamankaasi yaalaan ee Xeebta Liido.
Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa ah Xeebta ugu badan ee loo Dabaal tago marka loo eego Xeebaha kale ee magaalada Muqdisho, waxaana ilaa hadda aan la ogayn Ujeedka dadka la qabtay ay ka lahaayeen Haamankaasi sumaysan inay dhigaan Xeebta Liido.

Ciidamada DKMG Oo Lawareegay Deegaano Katirsan SH/Hoose.

$
0
0

News(SONNA) Wararka naga Soo gaaraaya Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Deegaanka Calamada ayaa sheegaya in ay la wareegeen Ciidamada DKMG Soomaaliya Iyo Kuwa Midowga Africa oo gacan siinaaya.
Ciidamadaa ayaa si Dagaal la,aana kula wareegay Degaankaa oo horey ay gacanta ugu hayeen Ururka alshabaab oo in mudaa ka talinaayay,waxayna Degmadaa afgooye ujirtaa 10KM.
Ururka Alshabaab ayaa isa ga baxay Deegaanka Calamada kadib Markii ay kawar heleen iney ku soo foo leeyihiin Ciidamada DKMG Soomaaliya Iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Africa Ee Amisom.
Saaraakiisha Ciidamada DKMG ayaa sheegay iney sii wadayaan howlgalada ay kula wareegayaan Deegaanada ay gacanta ku hayeen Alshabaab ayna ku sii ruqaansan donaan Deegaano kale oo ka tirsan Sh/Hoose.
Maalintii Shalay ayaa Ciidamadaa is Kaashanayaa waxay la Wareegeen wadada Dheer Ee Xiriirisa Afgooye Iyo Balcad,Waxaana Wali Socda Deegaanada ay ku sii fidayaan Ciidamada DKMG Soomaaliya Iyo Kuwa Midowga Africa.

Xildh. Yusuf H. Abdi oo VOA u Waramay

$
0
0

Xildhibaanka oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay gudigii uu la socday ee reer Kenya iyo dawladda Maraykanku ay ka wada hadleen. Waxa kale oo uu ka hadlay galitaanka ciidanka Kenya ee Somalia iyo waliba xaaladda Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya.

Wareysiga oo dhameystiran hoosta ka dhageyso.

War-murtiyeedka Shirkii Addis Ababa

$
0
0

Xilli dambe oo habeenkii xalay ahaa ayaa waxa soo baxay warmurtiyeedkii shirkii qeybaha siyaasadda ee Soomaalida uga socday dalka Ethiopia. Warmurtiyeedkan ayaa waxa ku jira waxyaabo cusub oo ay ka mid yihiin in la abuuro Guddi dhexdhexaadin ah oo laga dhex abuurayo Odayada Dhaqanka Soomaalida ee jooga Muqdisho, kuwaas oo beelaha oo dhan min 5 xunbood laga soo dooranayo. Waxa kale oo warmurtiyeedka lagu sheegay in la abuuri doono Guddi Farsamo oo kaalin ka geysan doona xulidda Guddiga Ansixinta Dastuurka iyo baarlamanka Cusub.

Sidoo kale waxa warmurtiyeedka lagu sheegay in la abuuri doono xafiis isku xira saxeexayaasha Roadmapka kaasoo laga furi doono magaalada Muqdisho. Arrinta ugu weyn ee warmurtiyeedkani qorayo ayaa ah jadwal loo dejiyey hawlaha la qabanayo, iyada oo 4ta bisha August loo qoondeeyey in la doorto Afhayeenka baaralaamka iyo ku xigeenadiisa, halka 20ka bisha August na loo qoondeeyey inay noqoto maalinta madaxweyne cusub la dooranayo.


AMISOM oo sheegtay in 4-km ay u jirto Afgooye saacadaha soo socdana ay qabsanayaan

$
0
0

image: 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Afhayeenka Ciidamada AMISOM Paddy Ankunda oo wareysi siiyay Idaaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM degmada afgooye ay u jirto wax ka yar 4-km, qorshaha AMISOM-na uu yahay mid ay kula weareegayaan gacan ku heynta degmadaasi iyo meelo kale oo ka baxsan.
Paddy Ankunda waxa uu sheegay in degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ay tahay degmo Istaraatiiji u ah howlgalada ay wadaan Ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in qorshahaasi ay ku guuleysan doonaan labada dhinac.
Sidoo kale afhayeenka ciidamada AMISOM Kabtan Paddy Ankunda waxa uu sheegay in Al Shabaab ay ku suganyihiin gudaha degmada Afgooye waxaana uu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku howlanyihiin la wareegida degmadaasi, isagoo dhinaca kalana fariin u diray dadka shacabka ah, waxaana uu ugu baaqay in ay is dajiyaan.
Hadalka AMISOM ka soo baxay ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay duleedka Magaalada Muqdisho ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeyay dowladda KMG, AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab waxaana dagaaladaasi ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kula wareegeen deegaano iyo fariisimo ay ku sugnaayeen Al shabaab.

Mark Bowden -Waxaan dalbanaynaa in laga foojignaado in shacabku dhibaato soo gaarto)

$
0
0


(WidhwidhOnline)War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xidhidhiyaha arrimaha bini;aadanimada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mark Bowden ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye inay ka dadaalaan inay wax khasaaro ah gaarsiiyaan dad rayid ah ee degan goobaha lagu dagaalamayo.
Mark Bowden waxaa uu xusay inuu aad uga walaacsan yahay xaallada ay ku sugan yihiin boqolaalka ruux ee dfegen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye waxaana uu ugu baaqay ciidamada dawlada, kuwa AMISOM iyo dhanka Xarakadda Al-Shabab inaysan kudhex dagaalaamin goobaha dadka rayid ah degen yihiin.
Waxaan dalbanaynaa waa in laga shaqeeyaa sidii loo yareyn lahaa khasaaraha rayidka waana in laga foojignaadaa in shacabku dhibaato soo gaarto” ayuu yiri Mark Bowden xiriiriyaha arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan Q,M arrimaha Soomaaliya.
Sidoo kale Mark Bowden waxaa uu ka digay in la duqeeyo goobaha shacabku dagan yahay si naftooda loo badbaadiyo iyo in loo ogolaado dadkaasi inay gar gaar helaan.
Dagaalada ka socda deegaanada hoos taga degmada Afgooye ayaa sameyn balaaran ku yeeshay dad badan oo rayid ah oo deeganaadaasi degen iyadoona qaarkood ay khasaro nafeed ka soo gaartay duqeymo shalay ka dhacay deegaanka Lafoole.

Roobab Qasaaro geystay oo 24-kii Saacdood ka da’ay Magaalada xeebta ah ee Kismaayo

$
0
0

Roob 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose iyo deegaannada ku xeeran ayaa sababay inay burburaan 200 oo aqal oo ay ku noolaayeen dad soo barakacay oo ku yaalla magaalada.
Roobka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay ku xirmeen waddooyinka waaweyn ee Kismaayo, sidoo kalena uu saameyn ku yeeshay isku socodka iyo gaadiidka.
Gaadiidka dadweynaha ayaa la sheegayaa inay maanta adeegsanayeen waddooyin dhex mara xaafadaha magaalada Kismaayo.
Deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka Jubbada hoose ayay bilihii la soo dhaafay dadku ka cabanayeen biyo la’aan.

War Deg Deg AH: ciidammada dowladda oo kaabiga ku haya degmada Afgooye

$
0
0

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa degmada Afgooye u jirsaday wax ka yar 2km, sida saraakiisha dowladda ee howlgalka hooggaamineysa ay inoo xaqiijiyeen.
Saraakiil ka tirsan ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidammada Xoogga oo  kaashanaya ciidammada AMISOM ay ka gudbeen inta badan deegaannada loo barakacay, isla markaana ay kaabiga ku hayaan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka uu ku socda si guul ah, oo aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidammada Xoogga iyo ciidammada saaxiibadooda ah ee AMISOM, balse malleeshiyaadka Shabaab xaggooda ay waxyaabo badan jiraan.
Dhinaca kale waxa ay sheegeen in degmada Afgooye ay u jirto wax ka yar 2km, iyadoo ciidammada ay jihooyin badan ka soo galleen, haddana la isu diyaarinayo sidii loo jiiri lahaa malleeshiyaadka haraadiga ku ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Ugu dambeyntii saraakiishaa ayaa xustay in yoolkoodu uu yahay in degmada Afgooye iyo deegaanno ka baxsan ay gaaraan, howlgalkuna uu sii socon doono inta ay ka gaaraan goobaha ay ugu tallagaleen in ciidammada  dowladda iyo AMISOM ay  gacanta ku dhiggaan.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 

Ganacsade Turki Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

$
0
0

image: 

Muqdisho (RBC) Kooxo hubeysan oo aan heybtooda lagaraneynin ayaa xaley waxa ay hotel ku yaala suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku toogteyn nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Turkiga.
Taliyaha ciidamada Pooliska G/Banaadir Axmed Xasan Maalin oo saxaafadda maanta la hadlaayay ayaa sheegay in ogaadeyn nin Turki ka soo jeeda oo xaley lagu dilay magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in ninka ay dileyn Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay, ayna dad u soo qabteyn uu ka mid yahay ninkii keenay Muqdisho iyo xaaskiisa.
Gen. Maalin ayaa sheegay ninkaas uu ka yimid magaalada Hargeysa xarunta maamulka Somaliland kaasoo muddo saddex maalin ah ku sugnaa Muqdisho, balse aan ka warqabin ciidanka booliska iyo hey’addama ammaanka , isagoo intaas raaciyay in ninkaas uu xiriir lalahaa ganacsade kale oo Soomaali ah oo ku sugan magaalada oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Sheekh Maxamed.
Taliyaha ayaa waxa uu kale sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen milkiilaha hotelka lagu dilay ninka Turkiga ah iyo Maxamed Deeq Sheekh Maxamed oo ahaa ninka dejiyay hotelka iyo xaaskiisa kuwaas oo uu sheegay in ay ku socdaan baaritaano.
Wuxuu sheegay ninkan in uu ku yimid xiriir uu la soo sameeyay ganacsadaha Soomaaliga, mana ka tirsaneyn ayuu yiri kooxaha hey’addaha Turkiga ka tirsan. wuxuu ka soo degay ayuu yiri garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ilaa hadda majiro wax war ah oo ka soo baxay safaaradda Turkiga ay ku lee dahay Muqdisho, oo ku aadan ninla ganacsadaha reer Turki ee lagu dilay magaalada Muqdisho.
Suuqa bakaaraha waxa maalmahan ka socda howlo burburin ah oo ay wadeyn ciidamada ammaanka, kuwaas oo ay ku doonayeen in goobaha ganacsiga sharci dara ay uga qaadaan suuqa gudihiisa, waxana taas ay sababtay in dhaqdhaqaaqii suuqa uu yaraado.
Waa markii ugu horeysay oo ganacsade reer Turki lagu dilo magaalada Muqdisho, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii Turkiga howlo ballaaran oo mashaariic ah ay ka bilaabeyn Muqdisho.
Dilkiisa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan magaalada lagu dilay turjumaankii safaarada Turkiga Muqdisho kaa oo kooxo hubeysan ay ku dileyn KM4.
RBC Radio
==============
Xafiiska Wararka Muqdisho

Khatarta cudurka dabaysha

$
0
0

WHO ayaa ku tilmaantay in dabayshu ay khatar ku hayso caafimaadka adduunka.

Sawirro dagaalka Afgooye


Xubin Sare oo kasoo Goosatay Ururka Alshabab

$
0
0

Wiil uu dhalay Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururka Alshabab ayaa isu soo dhiibay ciidamada Ammaanka ee DKMG ee Somalia. Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Kaba-kutuke ayaa sheegay in uu cafis weydiisanayo dadka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in arrintan uu ku jiray ahayd mid wanaagsan, markii dambase wadadeedii laga weeciyey.

Saraakiisha ciidanka nabad sugidda DKMG ayaa sheegay in ay dadaal ku bixiyeen sidii Axmed Yuusuf Kaba kutukade loogu qancin lahaa inuu isa soo dhiibo.

Dhinaca kale, markii ugu horeysay muddo sanado ah ayaa dadka ku nool magaalada Muqdisho iyo hareeraheedu waxay ka xoroobayaan borobogaanadadiii uga iman jirtay kooxda Alshabab. Radio Andalus oo ahaa raadiyo uu ururka Alshabab lahaa, kaasoo ka jiray meel muqdisho u dhow, ayaa hawada ka baxay markii ciidamadda Midowga Afrika ay goobtii uu ku yaallay qabsadeen maalintii Talaadadii.

Warbixinno arrimahaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

Ra’iisul wasaaraha dalka Somalia iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

$
0
0
image: 

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magalaada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dalkaasi.
Ra’iisul wasaaraha oo hoggaaminaya wefdi isugu jira wasiirro iyo masuuliyiin kale ayaa goor dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jambuuti, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dalkaasi, iyadoo Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa loo galbiyey Hotel-ka Can disk ee magaalada Jabuuti.
Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Maxamed Cali ayaa kulammo kala duwan la qaadan doono madaxda sare ee dalka Jabuuti, iyagoo ka wada hadli doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dowladdood iyo sidii dowladda Jabuuti ay u sii amba qaadi lahayd taageerrada ay Soomaaliya la garab taagan yihiin.
Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa magalaada Addis Ababa ee dalka Ethiopia uga soo qeyb galay shirkii looga hadlay Horumarrada Road Map-ka, iyadoo safarka Ra’iisul wasaaraha ee Jabuuti kaddib uu dib ugu soo laaban doono magalaada caasimadda dalka ee Muqdisho.

Boosliska Puntland oo howlgal dad lagu soo qabtay ka sameeyey waqooyiga Gaalkacyo

$
0
0
image: 

Ciidammada ammaanka maamulka Puntland oo xalay howlgal ka sameeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayagoo gacanta ku soo dhiggay kooxo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen Bam Gacmeed xalay lagu weerarray ciidammo ka tirsan maamulka Puntland.
Howlgalka ciidammada ammaanka maamulka gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa yimid kaddib markii Bam Gacmeed lagu weerarray Koontarool ay ku sugnaayeen ciidammada amniga,  Bamkaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah, kuwaasi oo qaarkooda loola cararay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee  gobolka Mudug.
Howlgalka ayaa intiisa badan waxa uu ka dhacay xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxa ayna ciidammada ku soo qabteen kooxo looga shakisan yahay in ay yihiin kuwii ka dambeeyay Bamka khasaaraha geystay.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in howlgallada ammaanka lagu adkeenayo ay noqon doonaan kuwa si joogto ah ay ciidammada u sameeyaan, si looga hortaggo shaqsiyaadka isku dayaya in ay waxyeelleen ammaanka waqooyiga magaalada Gaalmacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Shariif Oo gaaray dalka K/Africa

$
0
0

Johannesburg (RBC) Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Madaxweynaha iyo wafdigiii uu la socday ayaa markii ay ka dageyn garoonka diyaaradhaa Johannesburg waxa halkaas ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Wafdiga madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ka qeyb gali doonaan shir ku saabsan maalinta Afrika, oo maanta ka furmayaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Africa.
Waxa la sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay casuumaad ka heleyn madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo, waxana la filayaa in ay wadahadalo ay yeeshaan oo ku aadan arrimaha labada dal.
Madaxweynaha DKMG ah iyo wafdigiisa ayaa xalay waxaa casho sharaf u sameeyey dowladda madaxweyne Jacob Zuma, taas oo ay ka dhacday magaalada Johannesburg sida ay sheegayaan saraakiisha safaaradda Soomaalida ee dalkaas.
Sidoo kale waxa casho sharaftaas ee u sameeyay madaxweynaha Jacob Zuma ka qeybgaley Jaaliyadda Soomaaliyeed , kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay warbixino ay kaga hadlayaan dhibaatada loogeesto Soomaalida ku dhaqan dalka K/Africa.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka qeybgalaan shirka Maalinta Africa waxa kulamo la qaadan doonaan jaaliyada Soomaalida ee dalkaas, kuwaas oo warbin ka siin doona xaaladda dalka iyo isbeddellada hadda ka jira guud ahaan Soomaaliya.
Dalka K/Africa waxa uu ka mid yahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxana inta badan Soomaalida ku nool dalkaas ay yihiin ganacsato kuwaas oo waxyeelo kala kulma madowga Koonfur Africanka kuwaas oo boob iyo dil ama dhaawac u geesta Soomaalida.

- Axkaamu Ramadaan Casharka 2aad

$
0
0


- Axkaamu Ramadaan Casharka 2aad

Muxaadaro ku saabsan أحکام رمضان , waxaa soo jeediyey Sheekh Max'ed Cabdi Umal حفظه الله تعالی وجعل الجنة مثواه موضوع الحلقة : ١ - خصائص رمضان ٢ - سٶال وجواب
From:
lfw82
Views:
2

0
ratings
Time:
01:03:20
More in
Education

muxaadaro: 
See video
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live