Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Axkaamu Ramadaan Casharka 1aad - خصائص رمضان

$
0
0


Axkaamu Ramadaan Casharka 1aad - خصائص رمضان

Muxaadaro ku saabsan أحکام رمضان , waxaa soo jeediyey Sheekh Max'ed Cabdi Umal حفظه الله تعالی وجعل الجنة مثواه موضوع الحلقة : ١ - خصائص رمضان ٢- شروط العبادة ٣- سٶال وجواب
From:
lfw82
Views:
2

0
ratings
Time:
01:03:33
More in
Education

muxaadaro: 
See video

QM oo Digniin U jeediyay Dad ey Ku Sheegay Qaswadayaasha Soomaaliya.

$
0
0

Nairobi (SONNA) Ergeyga Gaarka ,ah Ee QM Arimaha Soomaaliya August Mahiga Oo Maanta Shir Jaraa’id kuqabatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya ayaa ka hadalay Xaalada Guud Ee Dalka Soomaaliya.
Mahiga ayaa kahadlay Hishiiskii Dhawaan Addis ay ku soo gaareen Saxiixayaashii Road-Mapka, isgoo Sidookale Soo hadal qaaday in khilaaf uu kajiro Odayaasha la Soo xulay Ee Ansixinaaya Dastuurka Soomaaliya,wuxuuna Sheegay in QM uu u Gudbiyay warbixin ku Aadan in la isku qabsaday Duqeeyda la Soo xulay oo inta badan 95% lugu guuleysatay inta dhimana la xalin doono oo Mudo 5 Maalmood loo qabtay hogaamiyaasha  Soomaaliya in ay ku soo xaliyaan  Arimaha ku aadan Soo xulida Odayaal dhaqmeedka Muranka ka Taaganyahay.
Ergeyga Ayaa rajo ka muujiayay in mudada luugu tala galay meel Marinta Road-Mapka ay ku hirgaleyso isaga oo sheegay in DGMG ay u Harsantahay in kayar 90 Maalmood  loona baahan yahay in Arimihii Ay balan qaaday hirgaliso si guul looga gaaro.
Maahiga ayaa Sheegay in ay jiraan dad qas wadayaala sida uu Sheegay oo doonaaya in ay ka horyimaadaan meel marinta Road-Mapka uuna QM Kala hadalay arintaa wuxuuna sheegay in lugu Taageeray Qaraar ay dhawaan Soo Saareen QM ee ahaa in tilaabo Cad laga qaadi doono Cidii isku deyda in ay ka horyimaadan Meelmarinta Road-Mapka iyo Arimaha lawado.
Shirka Jaraa’id ee uu Maanta qabtay Ergeyga Gaarka,ah Ee QM Arimaha soomaaliya oo dhamaan uu uga hadlay xaalada Soomaaliya ayaa intaa ku daray in hadii ay ka madax adeygaan dadka ku howlan Arimahaa in QM iyo Mahiga Ay Wadamada Dariskaa ay ka Codsandonaan In ay tilaabo ka qaadaan dadkaa taas oo noqon Doonta in xayiraad lasaaro Si ay san Dalka Uga bixin ama aysan ugu Fududaan in ay sii wadaan ka hor imaanshaha Meelmarinta Geedi Socodka Nabada Soomaaliya.
Mahiiga Oo Sidookale Kahadlay Arimaha Baarlamaanka ayaa ku Nuuxnuxsaday in ay curyaamay oo howlihiisa qaban wayaya wuxuuna Sheegay in sida ay Saxaafada ay arkeen Qodobadii kasoobaxay Shirkii Addis uu kujiray in Madaxweynaha uu Digreeto ka soo saari karo Arimahaa iyo amaanka Si looga hortago in Dalka uu galo xaalad Adag Oo Burburkale Horseeda.
Mahiiga ayaa ugu Baaqay Dadka Soomaaliyeed in ay ka Shaqeeyaan Hormarka Dalkooda kana hortagaan waxkasta oo dib udhac ku keeni kara Howlaha Socda.

Shabaab oo laga qabsaday Afgooye

$
0
0

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne somalia Sh, Shariif Oo Maanta La Kulmidoona Dhiggiisa South Africa

$
0
0

Madaxweynaha dalka Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu  hoggaaminayo oo habeenkii xalay gaaray dalka South Africa Ayaa lagu wadaa in uu maanta ka qeybgalo munaasabad lagu xusayo markii la’aas Aasay ururka Midowga Africa 1963-dii, taas oo ka dhaceysa dalkaasi.
Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeybaglaya inta badan madaxda Waddamada Qaaradda Africa, iyadoo intii ay socoto munaasabaddaasi lagu soo Bandhigidoono waxqabadka ururka Midowga Africa muddadii uu jiray, halka sidoo kale diirradda lagu saari doono kaalinta ay qurbajoogta Africa ka qaadan karaan horumarinta dalalkooda.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa munaasabadda kadib kulan la qaadandoona dhiggiisa dalkaasi Jey komsuma, waxeeyna ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka Labada dal, iyo arimo kale oo ay ka mid yihiin sidii dowladda South Africa wax uga qaban laheyd dhibaatada lagu hayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.
Dhawaan ayaa la abuuray xiriir diplomaasiyadeed oo markii ugu horreysay dhexmara Soomaaliya iyo South Africa, iyadoo la filayo in dowladaSoomaaliya ay safaarad ka furato dalkaasi,  taas oo la rumeysanyahay in ay wax ka bedelidoonto xaaladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

General C/Qaadir Diini oo sheegtay in ciidankiisu jabiyey Xarakada Al Shabaab

$
0
0

General C/Qaadir Sheekh Cali Diini ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in si wanaagsan dagaalada looga itaal roonaaday Xarakada Al Shabaab, wuxuuna xusay in Al Shabaab ay ka saari doonaan dalka Soomaaliya oo dhan.
Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Qaadir Sheekh Cali Diini oo maanta Saxaafadda kula hadlay Deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada cashar wanaagsan ugu dhiggeen Al Shabaab.
Taliyaha ayaa wuxuu tilmaamay in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ay dagaalo xoogan oo qorsheysan ay ku qaadeen Ciidamadda Xarakadda Al Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay in Al Shabaab ay isaga carartay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu sheegay inay baqdin ka muujiyeen Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Sidoo kale General Diini ayaa wuxuu sheegay in Ururka Al Shabaab ay ka saari doonaan dalka Somaliya oo dhan, marka ay Al Shabaab dalka ka saaraan ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada joogsan doonaan, isagoo kahor sheegay inaysan joogsan doonin.
General C/Qaadir Sheekh Cali Diini ayaa wuxuu qeexay in goob walba oo ay Al Shabaab ka saaraan inay ka hirgelin doonaan nabad iyo kala dambeyn wanaagsan sida uu sheegay, ayna taasi iminka diyaar u yihiin.

Xarakada Al Shababa oo sheegtay inay qarax ka geysatay Saldhiga Afgooye, ayna ku leysay Ciidamadda Amisom

$
0
0

image: 

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay sheegtay inay qarax culus ka geysatay Saldhigga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay sheegtay inay ku dishay tiro badan oo ka mid ah Ciidamadda Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu goor dhaw uu ka hadlay qarax culus oo uu sheegay inay shalay galab ka geysteen Saldhigga Degmada Afgooye.
Qaraxa ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay si farsamadeysan ugu rakibeen Saldhigga Degmada Afgooye, isla-markaana wuxuu sheegay in uu qaraxu dhacay, xilli ay ku sugnaayeen sida uu sheegay ilaa 10 ka mid ah Ciidamadda Amisom.
Shan ka mid ah Ciidamadda Amisom ayaa wuxuu sheegay inay qaraxaasi ku dilleen, isagoo 5-tii kalana sheegay inay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, isla-markaana wuxuu ku goodiyay inay qaraxyada sii wadi doonaan.
Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab ayaa wuxuu tilmaamay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay weli buuxaan Deegaanada Calaamadaha, Siinka Dheer, Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi, Lafoole iyo Carbiska, isla-markaana wuxuu ku hanjabay inay wax-yeelo culus u geysan doonaan Ciidamadda Dowladda iyo Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Milatariga ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu sheegay inay dagaalada iyo qaraxyada sii wadi doonaan, ilaa sida uu sheegay ay dib uga saarayaan Ciidamadda Dowladda iyo Amisom.

War Deg Deg AH: ciidammada oo la wareegay waddada Muqdisho iyo Balcad

$
0
0

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay waddada isku xirta Muqdisho Balcad kaddib howlgalka ballaaran oo ay halkaasi sameeyeen.
Ciidammada dowladda oo kaashaniya ciidammada Midowga Africa ee AMSIOM ayaa daqiiqado ka hor xaqiijiyay gacan ku heynta waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, intii uu howlgalkaasi socdayna waxaa malleeshiyaad naflacaari ah oo ka tirsan Shabaab ay iska cabin kala hor yimaadeen ciidammada dowladda iyo AMISOM.
Sarakiil ka tirsan ciidammada Xoogga ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkii ay kula waregeen waddada Muqdisho iyo Balcad in illaa iyo hadda uu socda oo ay ciidammada ku sii siqayaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.
Ciidammada Xoogga dalka ee la wareegay waddada Muqdisho iyo Balcad ayaa sidoo kale waxa ay u kala jiheysteen laba waddo oo kala ah waddada Afgooye aadda iyo midda Balcad oo uu hadda howlgalka ka socdo.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 

Guddoonka Gunnimada!:By Bashir M. Hersi

$
0
0

Dalku wuxuu ku jiraa xaalad adag, waxaa lagu jiray ku meel guur,
iminkana waxaan ku jirnaa kala guur, waxaa madlan in laga guuro kala
guur iyo ku meel gaarba, sida looga guurayo, qaabka loo guurayo iyo
hannaanka looga guurayo, ma cadda, kaba sii darane, meesha loo guurayo,
waxa lagu guurayo iyo qaabka loo guurayana midna ma cadda.
Balse, waa hubaal ah in geeddi la yahay, Allow yaa yiraahda; “Nimaan kuu
furayn, Yaanuu kuu rarin” Ma mooddaa in lagu guurayo geeddi aan sahan
lahayn? Waliba aan la gorfayn meesha iyo goobtii lagu furi lahaa!

Garab raratayahay baas
Goormaad dagaysaan?!

Su'aashaa wali waa taagan tahay, muddana waa taagnaan, illeen sida lagu
socdaahi ma ahan, hab keenaya jawaabta su'aashee. LIXDA SAXAL ee wada
saxiixday waxan loogu yeero; “DHABBAHA DHIGAN” Roadmap, ayaa maalinba
sida loo meersho u jeedinaya, dhibka jira ayaa ah, inay noqotay haan
afka ka xiran, ee aan qof furi karaa jirin, si loo ogaado waxa ku dhex
jiraana kaba sii fog, haddiiba dabool qaadkii la diiday, dabcan in gunta
la gaaraana waa gabiib biyeeyey oo kale.
LIXDAN SAXAL ayaa isku koobay ka arriminta aayaha wadanka, waxaa
maareeye u ah mudane Mahiga, oo sheekadan u soo hindisay, dabcan waxaa
meerisyadeeda soo saxay Meles, meelmarintuna waxay u taal Madax ku
sheegga wadanka hor boodaya iminka.
Dhibka jira ayaa ah, LIXDAN SAXAL in nin walba xilka uu hayo afduub ku
haysto, si dadban iyo si toos ahba, haddaa maxay madax ka yihiin?
Maxayse ku yihiin?.
Maahmaahdu waa tii ahayd: “Madax meel ka sarrayso oo la salaaxaa ma
jirtee” aan ka billaabo Shariif Sheekh Axmed, ballantuu Kitaabka u
xooray -waa hadduu markii hore watee, Sharceedana uga leexday waa hadduu
markii hore ku socdee- waxay ahayd inuu doorasho qabto bishii August ee
sanadkii aan soo dhaafay, badalkeed wuxuu Kampala ku soo
madmadoobeystay waxan ay dheheen: “KAMPALA ACCORD” ee lagu qoorqabtay
Formaajo, asna dadkii ku yiri dan Soomaali yaan u tanaasulay!
Waaba iga weydiine, haddaan laga fursanayn in la kordhisto, miyaan laga
maarmin in dal shisheeye lagu soo kordhisto? Taa kaliya kuma ekaysane,
wuxuuba yiri cid ka hadli karta ma jirto, waa lama taabtaan qodobadii
aan ka keenay Kampala, kana sara mereenba axdigii KMG ahaa.
Aan ku xijiyo afhayeenka baarlamaanka, Sharif Xasan Sh. Aadan xilka
waxaa ka qaaday taradii u doortay xilka markii hore tiro ka badan,
haddana laga fujin waa xilka, isagu garaadkiisa kuma tagayo, garabna waa
haystaa, waa “Gardarro garab og lagama guulaysto” garabka wuxuu ka
helayaa canaasir ka tirsan madaxda sare ee dawladda, oo iyagu raalli uga
ah inuu sii hayo xilkaa iyo shisheeye uu waligiiba u ahaa kabaqaade,
illeen hadduusan kalkaale u ahayn iyaba ma garab siiyeene.
C/rahman Sh. Mohamed Faroole, isaguna ballantu waxay ahayd inuu doorasho
qabto, dibba ha isu soo sharaxo hadduu rabee, oo ciduba kaba
hortaagnayn, taa badalkeed, isna wuxuu qortay Dastuur la yaab leh, marka
laga soo tago wayaabaha ku qoran ee aan Soomaalinimo iyo midnimo midna
ku lug lahayn, si sharci darro ah ayuu xilka sanad ugu koror saday.
Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu soo faragaliyey wada hadallo la filayey
inay dhexmaraan DKMG ah iyo maamulka Siilaanyo, oo la dhihi karo isbaaro
ayuu u dhigtay wada hadalladaa, maadaama uu guddiga ku darsaday laba
xubin, oo caqabad ku noqotay furitaanka wada hadallada, maantana wuxuu
taagan yahay inuu qaaddacay Dastuurkan qabyo qoraalka.
Maxamed Axmed Caalin, isagana xilka markii laga qaaday ayuu is xajiyey,
walibana Maxkamadda saree ee maamulku xukuntay in sharci loo raacay xil
ka qaadistiisa, inta ka maagay inuu u hoggaansamo go'aanka Maxkamadda
sare iyo mudanayaasha xilka ka qaaday, ayuu Odayaal isaga wacday Xamar
iyo meelo kale, xaal mastuurna lagu gaaray; inuu xilka sii hayo, waaba
yaabe, markii hore maxaa xeer iyo xugun loo samaynayey? Haddiiba aan la
dhaqangalinayn.
Doorasho ayaa madlan bisha August ee nagu soo food leh, Caalin ilaa
hadda wax hadal ah oo ku saabsan lagama hayo, ku xigeenkiisa C/samad
Nuur Guuleed ayaa magacaabay guddi doorasho, waxaana sii adkeeyey Axmed
Maxamuud Xasan “Axmed Baasto”  haddaba arki doonnee sida uu yeelo
Caalin, inuu ka madax adaygo oo sida waalkiis sanad bug [Falso] ah
beertoo, ama in uu  xeerka dhigan u hoggaansamo.
Xerta Ahlusnna awalba dhal Amxaaro ayey ahaayeen, qarixii Dhuusamareeb
ka dibna dhallaan la'aan ayaa ku dhacday, wadaaddo xiiqsan, wax ay
rabaan iyo wax aysan rabin aan la garanayn, Camaamadda madaxa ugu xiran,
Xabashida ay u xeraystaan, Xadrada iyo Hinraagga iyo Xalqada ma ahan,
ee xal kale ma hayaan.
Deegaan kala daadsan oo maamul aan lahayn, maalin walba u taagan raacda
reeb iyo ku dhufoo ka dhaqaaq, Jinni ku xaqsay iyo tacab khasaaray iga
dheh, malaha dhacdadii Dhuusamareebna waaba qiil ay doonayeen, oo ah in
marka hore deegaanka laga sifeeyo Alshabaab, oo ninka isqarxiyey miyuuba
deegaanka iska soo abaabulay?.
Dib u eeg sooyaalka, Shir la qabto oo aysan diidin waa yar yahay,
Allaylehe, midkii Addis ee lagu soo unkumay iyo kii lagu soo
dhexdhexaadinayey iyaga labadaa ma diidin, sidoo kale kii Londonna ma
diidin, balse, labadii Garoowe iyo midanka dambe ee Addis ka dhacay,
dhammaan waa qaaddaceen, haddana saacado ka dib waa dhex taagnaayeen,
illeen diidmao iyo ogaalo midna ma lahan, ama waaba isugu mide.
Aqriste, madax ku sheegga sidaa ah, ee nin walba xukunka ku joogo
xaaraan qadcan ah, xukunka ku haysto xeelad shisheeye u soo xiray, ee
maalin walba Xabashi u sii xamlan, ayaa inta qodobbo qaaran iyo qabyo
qaybsan loo soo dhiibo la soo qoodaynaya, waa meesha laga dhihi jiray:
“ADOO QAAWAN JIDKA QAAD”.
Aqriste adba qiyaas, ma kula tahay qodobbadan wada todobaadka ah, in
lagu fulin karo maalmaha loo qabtay? Ani ahaan maya, waliba waxaan filaa
in sanadka xantiisa la wado, ee reer galbeedku ka caga jiidayaan uu
lama huraan yahay, illeen kuwani waa GUDDOON GUNNIMOO, maalin ma
go'aamin go'aan gobanimada Soomaali gaar yeelayee! Meles ayaa gadaal
taagan, u maaninaya sida ay isu maamulayaan, Mahigana maaraynta hoose
ayuu qaabilsan yahay, masraxa wax lagu fulinayana waa Soomaaliya.
Dhibka weyn ayaa ah, meeshay ku shamuumaan iyo meeshay ku sheekeeyaanba
in shay qura hal hays u yahay “QASWADE” waaba iga weydiine, qodobbadan
aan soo xusay ragga ku sugan, miyeysan QASWADAYAAL ahayn? Mise iyaga waa
QABBAANIYAAL uusan qaban qodobka QASWADENIMADU? Qaab ay noqotaba, waa
qiil aan qeexnayne, Talo Garaad diide! Tab Siyaasi ma hayaan! Taqwo
Culimana awalaan looga fadhin.
Murtidu waa tii ahayd: “Hashu Cabaadkana ma dayso, Geelana ma dayso” Mid
kalena waa tii ahayd: “Maroodigu Takarta ku taagan uma jeedee, midda
kan kale ku taagan yuu u jeedaa” Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame
“Hadrwaai” na wuxuu yiri:

Inaad saamo jiiddiyo
Sanqadh tirasho kala daa

Aqriste, middan si fiican iila dhuux, hadba sida u dareento waxay ku
xiran yahay fahamka waxa socda, bal wadanka gees ka gees eeg, maanta
gobol aan Xabashi joogin ma lahan, Somaliland iyo Puntland iyagu
Qaloonka si joogto ayey u dubaan, koofurta deegaannada qaar ayaa Fiddaw
iyo Xersi xir ahaan u gayn jiray, hadda waxay maraysaa inaysanba sugan,
ee ay ugu timaad meesha uu yaal, halkaana ka solato, kana yeesho sida ay
doonto.
Haddi Xabashi kaliya ma ahane la soco, waxaa wadanka joogo Ugandhiis,
sanad walba la soo kordhiyo, adba garo ujeedka laga leeyahay? Burundi
caasimadda la wadaagana waa jiraan, Kenyaati oo iyagu u xilsaaran
xasuuqa dadka deeggan gobollada xuduudka la wadaag, lammaanana looga
dhigay Siiralyoon, waaba iga weydiine, horta ma qoryo ayey wataan? Mise
Faasas iyo Godimmo? Hadday kawa dambe wataan, wallee waa laba jab,
illeen haddaanba dhimasho la hurayn, xaraarug la’aan dhimaa dhaanta
saxariire. Ha moodin inaan ka hilmaamay walaalaha Jabuuti, oo iyana
iminka Hiiraan loo qaaday, si loogu daboolo Xabashida joogta.
Aqriste, si fiican u eeg waxyaabaha dhacaya, mar walba oo shir la
qabanayo, waxaa la falgala dagaallo lagu qaado fariisimaha Alshabaab,
kii Muqdisho ee sanadkii hore, midkii London ee sanadkan waxaa la qabtay
Baydhaba, midkan Addis waxaa la qabtay Ceelasha biyaha iyo Afgooye,
kuwa dambe ee dhici doonana guulo kale filo, haddaba weydiinta ayaa ah,
maxaa mar walba la isugu soo aaddiyaa shirka iyo guusha? Waa in dunida
loo muujiyo in ay wax sodcdaan, ee ma ahan wax Soomaali loogu danaynayo.
Faalladan waxaan ku soo af meerayaa tuducyo ka mid ah Maanso Cabdiraxiim
H. Galayr tiriyey oo magaceeda la yiraa:  “Gunnimadiid” waxaana ka
mida:

Gobonnimo u dirirkiyo
Geesiyaal xornimo jecel
Gobolkii ku caan baxay
Maxaa maanta gaasiray?!

Dar gunnima guddoonshoo
Go’aan aan lahaynoo
Garashana ka dheer tahay
Gef xumaata reebiyo
Guddi xumaha gooya
God la galay wanaag iyo
Gocorraa u soo baxay
Geyigeena Soomaal.

“Go’ee”, maba yiraahdaan
Hadal loo garaaboo
Gacan kama sameeyaan
Ficil guul sameeyoo
Gandi iyo Qaniiniyo
Gabaarreyda Shillntiyo
Gafaniyo Kud weeyaan.

Soomaaliyeey garo
Raggani geeddi maaho
Naga guuri maayaan
Gabannada Sanaawiyo
Iyo madax ku gaadhka
La guddoomiyaashiyo
Gobollada kuwaa jira
Geddigood mid weeyaan!

Haddii guurtideenaa
Golaheena Dhaqankee
Goobta talada laga wacay
Gudahaa dalkeeniyo
Caasimadda guudiyo
Gobolkeena Xamaree
Gorfaynaya xaajada
Guddigaa la soo xulay
Rag garaad leh oo mudan
Garashiyo aqoonna leh
Geesiyaal Wadaniyana
Geyigeena sama bixin
Hadday golaha keenaan
Gacantana u taagaan
Guuli kama sokeeysee
Madaxnimo gudoonshaan
Gobonimo ku doortaan.

Galaaskaa Sanaawiyo
Guddigaa Mahiigee
Giiryaalayaashani
Ka garaabi maayaan
Goobta waxay u haystaan
Geelii adoogood
Geeridiisa dabadeed
Loogu gooyey dhaxalkoo
Tegi maayo gayshkani.

Guddigaa gunnimadiyo
Gacan dhaafka jecelee
Meles u guddoonshoow
Naga guura gebigiin.

Soomaalaay Garaadsada
Geyigiinan gadanee
Gumaystaha Madowiyo
Gaalada Cad laga gaday
Gurmadkiisa gala'oo
U guntada dhamaantiin!

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com


Puntland iyo Galmudug oo Diiday Shirka Istanbul

$
0
0

War-saxafaadeed ay soo saareen labada madaxweyne ee labada maamul-goboleed ee Punland iyo Galmudug ayaa lagu sheegay in labada maamul ay qaaddaceen oo aanay ka qeyb gali doonin shirka qeybaha Soomaalida ee dhamaadka bishan iyo bilowga bisha dambe ee June ka dhaci doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexan yihiin labada madaxweyne ee labada maamul, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Madaxweynaha Puntland iyo Maxamed Axmed Caalin, Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in shirku uu yahay mid aan dheeli tirneyn, kasoo horjeedo la tashiga dadka Soomaaliyeed, uu siyaasadeysan yahay, isla markaana aanu aad u caddeyn si go’aan miisaaman looga qaato.

Warsaxaafeedka waxa kale oo lagu sheegay in hanaanka shirku uuna ahayn mid ay Soomaali leedahay, ujeedada ajendaha shirkuna uuna caddeyn, isla markaana uu ka hor imanayo heshiisyadii hore uuna doonayo bilow cusub, talaabadaas, oo sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, in aan la aqbali karin.

Warar dheeri oo arrintan ku saabsan, kala soco Idaacadda VOA

Waraysi madaxwaynaha Puntland

$
0
0

Puntland ayaa sheegtay in ay qaadacayso kulanka dalka Turkiga lagu wado in Soomaalida ay dowladda Turkigu ugu qabato.

Galmudug oo qaadacday shirka Istanbul

$
0
0

idoo kale madaxwaynaha maamul goboleedka Galmudug, Maxamed Axmed Caalami ayaa isaguna si la mid ah sheegay in maamulkiisu uu qaadici doono shirka Istanbul.

Puntland iyo Galmudug oo qaadacay shirka Istanbul

$
0
0

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Iyo Maxamed Ahmed Caalin, ayaa qaadacay shirka Istanbul lagu wado in uu ka dhaco dhowaan.

Somaliland oo ka Qeyb galaysa Shirka Istambul

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay ka qeyb gali doonto shirka toddobaadkan ka bilaabanaya magaalada Istanbul.

Laakiins, Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay ka qeyb galayso shirka maalinta koowaad ee 31ka May ee lagaga hadlayo arrimaha horumarinta, hase yeeshee, aanay qeyb ka noqon doonin shirka maalinta 1da June dhacaya ee lagaga hadlayo arrimaha siyaasadda.

Wareysi arrinantaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

 

Xaaladda Afgooye oo Deggan

$
0
0

Xaaladda Afgooye iyo Ceelasha Biyaha ayaa maanta deggan kadib markii ay halkaas ka baxeen xoogagga Alshabab ee gacanta ku hayey.

Sida uu VOA-da u sheegay Sareeye Guuto Caanood, waxa dhawaan magaalada tagi doona maamulkii degmada iyo ciidamada ammaanka si noloshii caadiga ahayd ay ugu soo noqoto.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Madasha Dastuurka: M. Goboleedyada iyo Kheyraadka

$
0
0

Barnaamijka Madasha ee toddobaadkan waxan kusoo qaadanaynaa hanaanka maamul-goboleedka iyo qeybsiga kheyraadka gobol walbaa leeyahay.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.


Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay la-wareegtay gacan ku heynta Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose

$
0
0

image: 

Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay si buuxda leh ula wareegeen Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, oo la-wada ogsoon yahay inay difaacyo waaweyn ku lee-dahay Xarakada Al Shabaab.
Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Dowladda Kenya, ay Xoogaga Shabaab ka saareyn sida ay sheegeen Degmada Afmadow, waxayna soo gashay bay yiraahdeen gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay ka saareyn Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka ayaa wuxuu tilmaamay in Degmada Afmadow ay xilligaan ku sugan yihiin Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana wuxuu tibaaxay inay sugayaan ammaanka Degmada Afmadow, sida uu sheegay.
Xoogaga Shabaab ayaan ka hadlin arinta ku aadan in lagala wareegay gacan ku heynta Degmada Afmadow iyo in kale, laakiin Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku adkeysanayaan inay Al Shabaab kala wareegeen Degmada Afmadow.
Isgaarsiinta Degmada Afmadow ayaa waxay maanta tahay mid hawada ka maqan, xiriiro kala duwan oo aan la-sameynay Degmada Afmadow, ayaan inoo suurta gelin inaan helno dadkii aan xiriirada la-sameynay, maadaama isgaarsiinta ay hawada ka maqan tahay.

Ciidamadda Dowladaha Kenya iyo Somaliya oo weeraro ku qaaday Degmooyinka Baardheere iyo Bu’aale

$
0
0

image: 

Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay weeraro abaabulan ay ku qaadeen Degmooyinka Bu’aale iyo Baardheere, oo labaduba ka kala tirsan Gobolada Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Gobolada Jubbooyinka ayaa waxay sheegeen inay weeraro ku qaadeen Degmooyinka Baardheere iyo Bu’aale, isla-markaana waxay sheegeen inay ka saari doonaan Al Shabaab.
Korneel Aadan Shire Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Kenya ay cagta saareyn, wadooyinka aadda Degmooyinka Baardheere iyo Bu’aale.
Korneel Aadan Shire Rufle ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in Xarakada Al Shabaab ay ka saaraan Degmooyinka Baardheere iyo Bu’aale, isla-markaana ay soo geliyaan gacanta Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sheegay haddii ay Xarakada Al Shabaab ka saaraan Degmooyinka Bu’aale iyo Baardheere, inay weeraro hor leh ay ku sii qaadi doonaan Deegaanada kale ee Gobolka Jubbada Dhexe, sida uu sheegay.
Qorshaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku sheegay sidii leeskugu xiri lahaa Ciidamadda Dowladda iyo Amisom ee ka soo baxay Magaalada Muqdisho, ee soo gaaray buu yiri Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo kuwa kale ee joogga Gobolada Jubbooyinka.
Ugu dambeen Korneel Aadan Shire Rufle oo ka mid ah Saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu guul uu u rajeeyay inay gaari doonaan Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Kenya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la-sheegay in uu ka tanaasulay in uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

$
0
0

image: 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay kal hore xil ka qaadis ku sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa la-sheegay in uu ogolaaday in uu ka tanaasulo xilkii Gudoomiye-nimada ee uu sheeganaayay.
Xildhibaan Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ogolaaday in uu ka deggo buu yiri xilkii uu isku dhejinaayay.
Xildhibaan Maxamed Dhaqane ayaa wuxuu sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ogaaday in si Sharci leh xil ka qaadis loogu sameeyay, isla-markaana wuxuu gartay buu yiri in uu iska tanaasulo, si buu yiri xal loo-helo.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ay yeellan doonaan kulamadoodii caadiga ahaa, isla-markaana wuxuu sheegay inay ka shiri doonaan arrimihii ay ka wada hadli jireyn, sida uu sheegay.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan isagu afkiisu ka sheegin in uu ka tanaasulay xilkaasi iyo in kale, marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Maxamed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.

Qarax ka dhacay Nairobi

$
0
0

Waddada Moi ayaa goor dhow qarax ka dhacay. Hal qof ayaa laga baqayaa in uu ku dhintay.

Shir Soomaalida uga Furmay Dalka Turkiga

$
0
0

Shirkan oo shalay furmay ayaa waxa qeybihiisa hore ka qeyb galay ururada bulshada, odayada dhaqanka, aqoonyahanada iyo dhalinyarada.

Qeybaha siyaasadda ayaa shirkoodu furmi doonaa maalinta 31ka bishan May, maalintaas oo lagaga hadli doono barnaamijyada horumarinta, iyada oo maalinta 1da June-na loo gaaryeelahay siyaasadda.

Wareysi shirka maanta iyo kii shalay la xiriira hoosta ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live