Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Qarax ka Dhacay Magaalada Nairobi

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in goor dhawayd uu qarax ka dhacay wadada Moi ee bartamaha magaaladaasi.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa banbaano lagu tuuray goob ganacsi oo ku taalla wadada Moi.

Ugu yaraan hal qof ayaa lla sheegay inuu ku dhintay qaraxa, iyadoo ku dhawaad 30-kalena uu dhaawac ka soo gaadhay.

Ilaa hadda lama oga cidda qaraxaasi ka danbeysa.


Qarax ka dhacay Nairobi

$
0
0

Qarax ka dhacay magaalo madaxda Kenya ee Nairobi ayaa dab qabadsiiiyay dhismo tukaan

Natiijada Doorashadii Dalka Masar oo lagu Dhawaaqay

$
0
0

Guddiga Doorashooyinka ee dalka Masar ayaa sheegay in natiijadu aanay wax beddelnayn sidii horay loo maqlay, wax khalad ahina uu dhicin.

Warbixin arrintaas ku saabsan hoosta ka dhagesyo.

Kenya oo Sheegtay in Qaraxii uu ahaa Fal Argagixiso

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Kenay Raila Odiga oo goobtii qaraxu ka dhacay booqday ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa fal argagixiso ka dambeyso.

Wareysi arrintaas la xiriira hoosta ka dhageyso.

Dab ay ku dhinteen 19 qof

$
0
0

Dab qabsaday Suuq ku yaalla Qaday ayay 19 ku dhimatay.

Saxalladu suulimaayaan. Qalinkii iyo fikraddii Bashiir M. Hersi (Fikrad gaar ah)

$
0
0

Saxalladu suuli maayaan!

Kala guur yaan ku jirnaa, kolkii horana ku meel gaar yaan ku jirnay. Waa kala guran, isu guran, wada guran, aan marna la kala guurin. Marar badan ma istiraa, sida wax u socdaan wax ba isma badalayaan! Mar quus yaa keeni, mar in dheer garadnimo iyo dhaaya ku haynta dhacdada, mar qiyaas iyo malayn. Tan hore jeesatay, oo is qiblaysay, isna duuduubtay; nolosha qaarkeed geeri yaa dhaanta! Tan xigta qof walba iyo Gareedkiis, tan dambe rajo, oo noloshaaba ku dhisan.
Xasilinta wadanka nin walba isku day, dawlad walbana xal laga doon, maanta waa maalintii Turkiga, rajo fiican yaa la qabaa, han weyn yaa dadka ku jira, gargaar ayey hab soo siisay, guryo dhisid iyo caafimaad ayey ku guulaysatay, waxbarasho iyo diyaarad caalami ahna ha illaabin, siyaasaddana kaalin muuqata ayey ka joogtaa.


SAXALLADA isku koobay ka talinta aayaha Soomaaliya, ee Mahiga iyo Meles dabada gashtay, waa kuwa saxiixay, waxan ay dhahaan: “DHABBAHA DHIGAN” ROADMAPka, waa lix qawlaysato, qaran iyo qawmiyad aan dan ka lahayn, eegta kaliya dantooda gaarka ah, waxaa ku lammaansan, oo aan muran iyo doodi ka imaan waa midda Xabashida, iyadu waa Muddas.
Shisheeyahan hubaysan ee wadanka ku sii faafaya, ma la dhihi karaa waxay ka hortagayaan mashaariicda Turkigu ka billaabay wadanka? Maxaa ku soo beegay soo galitaanka Kenya ka dibna Xabashi, xilli dawladda Turkiga wadanka ka hirgalinayso mashaariic horumarineed? Ujeedku wuu noqon karaa in Turkida la leeyahay meeshaan boos idiin kagama bannaana, ee ha isku soo hallaynina, darisnimo iyo danba Anaga ayey nala wadaagaan, yaase taa kuu garanaya!
Madax ku sheeggan, nin walbaa wuxuu eeganayaa sadax arimood oo kala ah: “SUNUUD” jeebka oo loo buuxsho, “SADBURSI” Beeshiisa oo dheeri la siiyo iyo “SALDHIGASHO” in Kursiga loo daayo, hadduu sadaxdaa wada helo guushii sabanka dheh, hadduu waayo laba ama mid ayuu cayminteeda ku dadaalaa, waddan iyo umad warkood adaaba sheegaya, waxba kama galin warna uma hayo.


Addis ayaa lagu shiray, shirkaa waxaa ku ciyey Faroole, in Xabashidu ka dhex hadlaysana u badi, laba arrimood middood, midda hore, maalin ka hor wuxuu si kal iyo laab leh u soo dhaweeyey bayaan ku sheegga bajinta ahaa, ee QASWADE, haddaa miyuusan isagu isu arag? Maya, oo Xabashi yaa liiskaa haysa, midda kale, maalintuu codsiga diray, maalintii xigtay Xabashida ayaa madasha dhigtay, waxaa kale oo jira in Faroole ka dhaga adaygay in Muqdisha lagu shiro! Isna Garoowe ayaa laba mar loogu tagay, aqriste, adi is qabad sii!


Waxaa la soo madmadoobeeyey qodobbo aan badnayn, aan mid qura oo qumman  ku jirin, maalin sidaa ayaa la yeelayaa, maalin hebel waxaa ayaa la qabanayaa, waaba iga su'aale; ma dalxiis ayey ku jireen? Mise maaweelo? Wixii ka soo baxay Addis hadda ayaan haynaa, oo ah, ujeedkuba inuu ahaa in lagu fashilayo shirka Istanbul, hawshaa iminka waxaa u xilsaan SAXALLADA, iyagu dadka kale QASWADE ayey dhahaan.


Shirkii Istanbuul waa furmay, waxaa qaadacay Faroole, Caalin iyo Xerta xigaalada Xabashida xilligan waa Ahlusunnee, aqriste, ka warran, haddii magaca SUNNADA ay dadka u daayaan, ee mid kale la baxaan, illeen SUNNO iyo SANAWI is qaban maayaan!, sababaha shirka loo qaadacay lama caddayn waxa ey ku diideenna ma sheegin, haddaba, maxay tahay sababta loogu soo aaddiyay qaaddacaadda furitaanka shirka? Maxay shalay iyo maalmihii qabanqaabadu socotay u diidi waayeen? Waa ujeed cad, oo ah in la fashiliyo shirkan iyo shaqada ay waddo dawladda Turkigu, waxaa kuu caddaynaya baaqashadii diyaaraddu saddax duulimaad uga baaqatay garoonka Muqdisha sabab la'aan  .


Waxa loo meermeerayo, ee marna Addis loogu cararayo, marna meelaha looga qaylinayo aan kuu muujiyo, oo waa middan: Faroole sanad xeer dhaaf ah ayuu hadda korshistay, cid ka hadashay ma jirin, QASWADEna lama dhihin, waa loo hambalyey, Caalin isna wadadii ayuu hayaa, sanad ayuu ku darsan ama ka badan, oo muxuuba isugu yaranayaa, hadduuba awoodu inuu ka badsan karo! Mudane Gaas waa loo baqaa, inuu jagada uu hayo waayo.
Ahlusunna iyagu awalba meel ma haysan, waxay ahaayeen dhal Xabashi, waxaa lagu dheelsiiyaan Alshabaab ayaan wada raacdaynaynaa, markii loo baahdana tirada aya lagu buuxsadaa, haddii loo baahdo kooram diidmo waa lagu soo daraa, haddii loo baahdo kooram ogolaashana waa lagu soo daraa, waxa la diidayo iyo waxa la ogolaanayo midna war uma hayaan, waa khabar moog.


Shariif hadda waxaa u cad -kana shaqeeyey si dadban iyo si toos miday noqotaba- inaan doorasho la qaban, lama si ayuu ugu guulaystay, waa midda koowaade, inuu baarlamaankii kala jabshay, maanta aysan jirin baarlamaan uu doorasho u doonto, mid hadda la unkayaana maba imaan doono.
Midda kale, waa inuu ka maagay, kana meermeeray inuu marxaladda kala guurka diyaariyo wixii looga gudbi lahaa, ee leh, Dastuur, Guddi doorasho IWM, maanta labadaa midna ma jiraan, sidaa awgeed isna waxaa sugaya sanad kale, ama ka badan, illeen isagaa hadda reerka horjooge u ehe.


Ninkii meesha la keeno, la keensado ama yimaada, muxuu ugu xargagaa? Aniga waxaan wali garan la’ahay waxa ku jira meesha, ee dadka ku dhajiya, waxaan wali fahmi la’ahay magnadka dadka qabsada, marka ay meeshaa galaan ama xilkaa qabtaan, waa kan kii u dambeeyey sheekhii diinta ee Xabashida xukun adag ku riday, maanta isagaa u xaluulanaya Xabashi, si uu u raalligaliyo, wuxuu ka dhaadhicinayaa inuu noqonayo qawsaar daacad u ah, qabalowga Soomaaliyana si fiican u ilaalinaya, la yaab, ma dadkaa doorsoomay, mise dunida ayaa dhinac kale u jeedda? Garan waayey anigu.
Maahmaah ayaa dhahaysa: “Dhar magaalo waa la gashan karaa, Dhal magaalo si loo noqdo ama Dhaqan magaalo loola yimaadaase waa adag tahay” in madax la noqdo waa loo wada bukaa oo loo wada jadbaysan yahay, haddana inta hannaankeeda taqaani yaraa!, jaahil aan xeer siyaasadeed, xukun dawladeed iyo xil Protocol midna aan xog u hayn badanaa, mid qabiil ugu soo dabbaala, qaylo sawaxan iyo qabweyni wax ku doono, mid diin ku soo dugaaloo darajo Eebbe iyo daartii Aakhiro wax ku doono, labadaa waxaa dhextaal u ah calooshood u shaqaystayaal iyo siyaasiyiin af iyo calool ah, muhimaddoodu tahay xaa jeebka ii soo galaya?.


Dadka ku doodaya maanta ayaaba wadanku marayaa meeshii ugu fiicnayd, Alshabaab bexeen, ciidamada nabad ilaalinta la soo kordhinayaa, ciidanka Soomaalidu awood lee yihiin, ee maad dacaayadda daysid?
Alshabaab in la ciribtiro asalkooda iyo faracooda la jaro Soomaali diiddan maanta ma jiro, in kasta oo ay awood ahaan itaal dhigeen, oo waa dabeecadda noloshoo, “weel walba markuu buuxsamo wuu daataa” ee ma waxay naga dhaadhicinayaan Alshabaab ayaan la wada dagaalaynnaa? Inta dawladeed ee wadanka ku jira ma waxay u wada bira tumanayaan afar wiil oo afka duubatay? Ilama ahan “Oohintu Orgiga ka weyn”.


Hubaal in wax walboo dhalaalaa aysan dahab ahayn! Teeda kale, anigu dacaayd ma wado ee xaqiiq ayaan soo gudbinayaa, ee haddaad roonan u malayso boobka kaalmada masaakiinta loo keenay waa gaar, haddad roonaan mooddo musuqa madaxda dawladdu wadaan wa gaar, hadaad roonaan mooddo in wadanka la xaraasho waa gaar, haddaa roonaan mooddo in la kala sixi waayo yaa muumula wadanka waa gaar, haddaad roonaan mooddo in tiiha lagu sii jiro waa gaar.


Dhacdooyinkan iskama dhacayaan, ee waxay ku dhacayaan damiirxumada Soomaalida, oo dhammaan wada noqdeen dabadhaqayaal shisheeye, taasoo keentay in dalkii maxmiyad ururro iyo dawlado shisheeye la galiyo, dhawr sano ka dibba hoggaan cusub, sanad ka dibba ergay cusub, waaqicana wixii iska badalaa waxay sii jirayaan maalmo iyo muddo kooban, dagmaysiga iyo gobolaysigu waa ba wargiga guud. Sidaa awgeed inta damiir Soomaali lahooy; dalkii farahuu ka sii baxayaa, waxaa u heshiiyey doqon danti eegta ah iyo duni shisheeye, ee aan sidaan wax ka badalno.
Faalladan waxaan ku soo af meerayaa tuduc ka mid ah Maanso Cabdiraxiim H. Galayr tiriyey oo la yiraa:  “Gunnimadiid” waana sidan:

Soomaaliyeey garo
Raggani geeddi maahoo
Naga guuri maayaan
Gabannada Sanaawiyo
Iyo madax ku gaadhkaa
La guddoomiyaashiyo
Gobollada kuwaa jira
Geddigood mid weeyaan!

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Ciidamadda Dowladda oo la-wareegay Deegaanka Calayaale iyo Degmada Balcad oo ay ku sii dhawaanayaan

$
0
0

image: 

Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay la-wareegeen qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ay ka saareen Xarakada Al Shabaab.
Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa waxay la-wareegeen Deegaanka Calayaale, oo u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku sugnaayeen Xoogaga Shabaab.
Ciidamadaan ayaa waxay xilligaan ay ku sii siqayaan Degmada Balcad, oo ay iskaga barakaceyn inta badan shacabkii ku noollaa, waxayna Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay qorsheynayaan, in Shabaab ay ka saaraan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhan.
Taliyaha Ciidamadda Dowladda ee Hawl-galadaan Hogaaminaaya Korneel Ibraahim Yuusuf Nuur, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay gaareen Deegaanka Calayaale, isla-markaana wuxuu sheegay inay Al Shabaab ka saari doonaan Degmada Balcad oo idil.
Sidoo kale Korneel Ibraahim Yuusuf Nuur ayaa wuxuu sheegay inay si dardar leh ay ku soconayaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Miowga Afrika ee Amisom, isagoona ku goodiyay inay awood u adeegsan doonaan Xoogaga Shabaab.
Xoogaga Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay ku fashilmeyn dagaalada, isagoo dhinaca kalana sheegay inay wiiqeen awoodii ay laheyd Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu ku hanjabay in dalka oo dhan ay ka saari doonaan.

Soomaali lagu xiray Denmark

$
0
0

Booliiska Denmark ayaa sheegay in ay xireen laba Soomaali ah oo isla dhashay, kuwaasi oo looga shakiyay falal argagixiso. Waxaa lagu kala xiray labada nin magaalooyinka Aarhus iyo garoonka diyaaradaha Copenhagen.


Shirkii Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu taageeray Shirka Istanbul

$
0
0

29,May,2012
Gaalkacyo-sonna)Shir ay maanta Xarunta Madaxtooyada Galmudug ku yeesheen Golaha wasiirada Galmudug ayey ku taageereen Shirka Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ka socda ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya.
Waxaa Shirka Golaha Wasiirada shir gudoominayay Kusimaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Galmudug C/samad Nuur Guuuled,oo markii uu shirku soo dhamaada Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Golaha Wasiirada Galmudug ay isku raaceen in si buuxda loo taageero Shirka Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha Bulshada uga socda Magaalada Istanbul ee Caasimadda Dalka Turkiga.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa intaas ku daray in Hadalkii ka soo yeeray madaxweyne Caalin ee uu kaga soo horjeestay Shirka Istanbul uu yahay mid aan laga wada tashan islamarkaana uu yahy Go’aan Madaxweynaha gaar u ah.
C/samad Nuur Guuleed ayaa tilmaamay in Shirka Golaha Wasiirada lagu Go’aamiyay in Galmudug ay ka qayb gasho Shirkasta oo arimaha Soomaaliya looga hadlayo islamarkaana Shirka Istanbul ay u direen Xubno ka mid ah Golaha wasiirada kuwaas oo uu hogaamin doono Wasiirka Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah Maxamed Cali Nuur Xaaji .
Shirka Golaha Wasiirada Galmudug ay ku taageereen Shirka Istanbul waxa uu ku soo aadayaa xili dhawaan Madaxweyne Caalin uu sheegay in Maamulka Galmudug aysan ka qayb gali doonin Shirka ka socda Dalka Turkiga.

Soomaali lagu xiray Denmark

$
0
0

Laba walaalo ah ayaa lagu xiray Denmark. Waxay damacsanaayeen ayaa lagu eedeeyay weerar argagixiso.

Kismaayo oo dhinaca badda laga weeraray

$
0
0

Wax noqonaya xaajo ugub ah, maraakiib dagaal ayaa la sheegey in ay madaafiic ku ganeen magaalada shacabka badan ku dhaqanyahay ee Kismaayo, laakiin nasiib wanaag cidna waxbo kuma noqon.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegey in madaafiicda ay kusoo dhacday qaar ka mid ah xaafadaha xiga xeebta, iyadoo ciidamada Shabaabka ay iyaguna sawaariiq ku ganeen markabkii gantaalada kasoo dhaceen oo sida muuqata leerkiisa la arkayay.
Warar kale oo ay KN heshey ayaa sheegaya in laga yaabo in Alshabaab ay markii hore sawaariiq ku tuureen markabka oo meel fog leerkiisa ka muuqanayay, kadibna loosoo jawaabay.
Lama oga dalka leh markabkani dagaal, waxaase la ogyahay in ciidamadda Kenya ay halkaasi ka dhowyihiin, iyagoo saldhig weyn ku leg magaalada Buurgaabo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo qulqulayay madaxda iyo dagaalyahanada Alshabaab ee kasoo qaxaya gobolka Shabeelada Hoose.
Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in madaxda halkaasi soo gaaray uu ka midyahay amiirka Shabaabka taasina ay suurogal ka dhigeyso in la weeraro.
Weerar xagga badda ah oo waliba gantaalo loo adeegsado ayaa keeni kara qasaaro baaxad leh oo xagga shacabka ah.
Horey waxaa jirey weeraro xagga cirka ah oo meelo tilmaaman lala eegtey.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad xasaasi ah u jeediyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha “Ariso”

$
0
0

image: 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu khudbad uu u jeediyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo laga saaray Xarakada Al Shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, kahor inta uusan tagin Degmada Afgooye, ayaa wuxuu soo maray Deegaanka Ceelasha Biyaha, isagoona kula hadlay dadweyne iskugu soo baxay.
Madaxweynaha ayaa wuxuu marka hore uu ugu bishaareeyay in laga dul-qaaday Xarakada Al Shabaab, isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si wanaagsan ula dhaqanto buu yiri shacabka ku dhaqan Ceelasha Biyaha.
Wuxuu sheegay in ganacsatada Deegaanka Ceelasha Biyaha ay dib u bilaabi karaan ganacsigooda, isagoo sheegay inaysan jirin doonin cid dambe oo dhibaato u geysata, isla-markaana wuxuu sheegay in askarigii dhibaato u geysto, ay ku soo wargelin karaan Saraakiisha Dowladda.
Sidoo kale wuxuu balan qaaday in Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ay suggi doonaan ammaanka dadka iyo ganacsatada ku dhaqan Deegaanka Ceelasha Biyaha.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu sheegay in Dowladiisu ay ka adkaatay Xarakada Al Shabaab, oo uu ku eedeeyay inaysan dooneyn nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.

Sheekh Ibraahim Barre oo ka soo baxsaday Al Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya oo uu isku soo dhiibay

$
0
0

image: 

Sheekh Ibraahim Barre ayaa wuxuu ka soo baxsaday Xarakada Al Shabaab, oo dagaalo culus kala kulmeysa Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, Ciidamadda Amisom, Ciidamadda Kenya iyo kuwa Itoobiya.
Sheekh Ibraahim Barre oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu si rasmi ah uu ugu soo biiray Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay balan qaaday inay badbaadin doonto.
Sheekh Ibraahim Barre ayaa waxaa maanta lagu soo bandhigay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, oo ay si rasmi ah ay gacanta ugu heyso Dowladda Soomaaliya, halkaasoo muddo hal sano kahor lagala wareegay Al Shabaab.
Wuxuu eedeymo oo dhan uu u jeediyay Maamulka Xarakada Al Shabaab oo uu ku eedeeyay, inaysan dhab ka ahayn Jihaadka buu yiri ay afka ka sheegtaan, isla-markaana wuxuu sheegay in uu ogaaday in Al Shabaab ay dhibaato ku heyso sida uu sheegay shacabka Somaliyeed.
Sheekh Ibraahim Barre ayaa wuxuu sheegay in maanta kadib uu ka mid yahay Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in uu wax la-qeybsan doono shacabka Somaliyeed ee ku mideysan buu yiri Dowladda.
Gudoomiyaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mduane Ibraahim Guulleed Aadan, oo goobtaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay inay si weyn u soo dhaweyn doonaan, shakhsi walba oo ka soo goosta Al Shabaab.

Madaxweyne Shariif oo Booqday Afgooye

$
0
0

Madaxweynaha DKMG, Shariif Shreekh Axmed ayaa maanta markii ugu horreysay tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose kaddib markii ciidamada AMISOIM iyo kuwa DKMG ay halkaasi qabsadeen toddobaadkii hore.

Madaxweyne Shariif oo safarkiisan ay ku weheliyeen saraakiil ka tirsan dowladdiisa ayaa wuxuu intii uusan gaadhin Afgooye uu ku hakaday Ceelasha Biyaha, Lafoole iyo Xaawo Cabdi halkaasoo uu kula hadlay dadweyne fara badan.

Madaxweynaha ayaa kaddib u gudbay Afgooye, wuxuuna kulan beerta Sheekh Zaaid kula yeeshay qaar ka tirsan odoyaasha deeggaanka Afgooye.

Amniga degmada Afgooye iyo waliba wadada isku-xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay.

Shiikh Shariif oo ka badbaaday weerar

$
0
0

adaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, ayaa ka badbaaday weerar ay al Shabaab ku soo qaadday.


Xusuus Xabaasha - By Sheikh Said Rageah

Turkiga iyo shirka Soomaalida

$
0
0

Turkiga waxaa uu mar kale beesha indhaha beesha caalamka ku soo jeedinayaa Somalia. Madax caalami ah ayaa ka soo qeybgalaya shirka Istanbul.

Qarax ka dhacay Galkacyo

$
0
0

Magaalada Galkacyo ee bartmaha Soomaaliya ayaa qarax saakay ka dhacay ay ku dhinteen shan ruux.

Charles Taylor oo lagu xumay konton sano

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Liberia Charles Taylor ayay ku xukuntay konton sano oo xarig ah maxkamad qaas ah ee Sierra Leone oo ku taala magaalada Hugue.

Amniga DKMG Somalia oo Adkeeyey Ammaanka Afgooye

$
0
0

Agaasimaha Hay'adda Nabad-suggida DKMG, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ammaanka waddada iyo degmada Afgooye labadaba la adkeeyey.

Arrintan ayaa timid kadib markii maalintii shalay ahayd ay kooxda Alshabab weerar ugu geysteen kolonyo uu la socday Madaxweynaha DKMG ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed.

Wareysi arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live