Alla Dhaqanguurka ka dhacay baaxad weynaa, haddii dhallinta dhalanrog lagu dhaliilay, haddii da’yarta dammanaan lagu daabacay, Odoyo dhaqameed dhaqan oday iyo dhaqan Dhaqan laga hayn, maxaa lagu dhigaa?.
Aanse xigtee, Dhaqan iyo Oday dhaqamadeed, maxay kala yihiin? Maxaase ka dhexeeya, oo isu keena? Warcelinta weydiinta aan Xeeldheerayaasha u daaye, aqriste, qormadan waxaa igu dhaliyey laba arrimood, oo kala ah:
-Qaab xulidda Odayada soo xuli doono Xildhibaannada.
-Dhacdo ka dhacday shirkii Istanbul.
Gadgaddoonka waayuhu waxbay dhigaan, waa Macallin aan maal iyo marasho doonayn, socod iyo soofna kaa rabin, ka talinta xaajo dhiig ama dhaqameed waxaa Soomaalida uga arrimin jiray Odayaal magacyo kala jaad ah leh, balse, xil iyo xushmaba isku mid ah, sida: Ugaas, Garaad, Duub, Beeldaajiye, Boqor, Imaam, Malaaq, Suldaan, Wabar, Nabaddoon IWM, Magacyo muunad gaar ah lahaa, maqaam aan qof walbaa maanka ku hayn iyo maamuus gaara lahaa. Maantase laga yaabo inay u sii xuubsiibanayaan badanaa oo Barako yaraa!
Waxay ahaan jireen Madaxda Bulshada aan hadal lagu soo celin, balse, curashadii Dawladdii casriga eheyd ka dib, kaalintoodii hoos u dhac ayaa ku yimid, maadaama doodaha dadka dhexmara la wareegeen Karraaniyaal, Qareenno iyo rag si gaar ah ugu tababaran.
Burburkii dawladda ayey soo laba kacleeyeen, la islahaa malaha kaalintii shalay ka luntay ayey dib u soo ceshan doonaan, maadaama cunsurkii ka saaray uu meesha ka baxay, waxayse si toos ah uga qaybqaateen dagaalladii sokeeye oo ay leeyihiin qaybta ugu weyn!
Waxay jabiyeen xeerarkii Soomaalida u yaallay, waxay noqdeen danlay u taagan magaca Beesha, waxay horseed ka noqdeen tacaddiyadii ballaaranaa ee Dalka ka dhacay ama sharci yeeyeen in lagu koco xadgudbyadaa, haddaba, ma loogu yeeri karaa: “Oday Colaadyo!?” inta aanan ku dheeraan Odayada sheekadooda, aan bal laba arrin oo mid walba naxdinteeda lahayd oo qormadu xuddun u ah xuso.
Dawladda Shareecada ee Shariif hoggaansho ayaa xabsiga u taxaabtay Maxamed Cumar Xabeeb M. Dheere, tii dhacday waaba la ogaa, gudaha wadanka iyo dibaddiisa waxaa is qabsaday shirar isugu jira cambaarayn xiritaanka M. Dheere loo gaystay, taageero iyo codsi lagu dalbanayey in xabsiga si degdeg iyo shuruud la’aan ah looga sii daayo.
Marka laga soo tago, ujeedka loo xiray, sida loo xiray, qaabka loo xiray iyo in loola dhaqmay sidii maxbuus iyo in kale, oo ah arrimo Garsoorka iyo siyaasadda la xiriira, waxaa is weydiin mudan, M. Dheere waa kuma? Maxaa lagu xasuustaa? Muxuu dadka biday? Dhib caynkee ayuu umadda u gaystay? Ma mudan yahay in loo moojiyo taageero caynkaa ah? Hadday haa tahay, muxuu ku mutay? Hadday maya tahay, muxuusan ku madan?.
Weyduumuhu badan, balse, warcelintu ayaa isugu soo aruuraysa in, M. Dheere uusan magac iyo muunad midna ku dhex lahayn bulshada Soomaaliyeed, magac wuxuu ka leeyahay inuu ka mid ahaa, qabqablayaashii dalka iyo dadka isbaarada u dhigtay, dabcan, ayna u sii dheer tahay inuu qayb ka qaatay dadka laga gadayey Xabashida.
Haddaba, waxaa weydiin ah, M. Dheere intaa oo isu soo bax ah ma muxuu ku mutaystay? Haa waa garannaaye, waa qabyaalad iy qabiile, weydiinta kale, ayaa ah, oo kan xiray iyo kan la xiray, saw isku hayb ma ahan? Mise sheekadu waa sidii Basasha oo kalee, waa la sii kala falliirmay ama qab dhacday, waa ayaan darro weyn qabqable qabiil ugu qiili!
Midda qarracanka dhalisay ayaa ahayd, in inta isu soo baxyadaa ka hadlay ay isugu jireen qaybaha bulshada, dabcan, ay hurmuud u yihiin Odayo aan marna laga reebin magacooda dhaqan, taa oo kuu muujinaysa inta dhibka jira uu daaran yahay ama la egyahay, oo aan la kala soocayn kuwa dhibka gaystay iyo kuwa aan gaysan? Inta middan umadda ku dhexjirtana wax wanaaga ha filanina.
Shirbaa muqdisha ka socda, ergada joogta waxay ku magacaaban yihiin “Oday dhaqameed” qaabka loo soo xulay, sida loo soo xulay iyo hannaanka lagu soo xulay dood adag yaa ka taagan, waa Soomaali caadaddeedee buuqu maalmaha hore ayuu ku ekaaday, waxaaba sii damiyey ka dib markii martida shirka gabran loo qaybshay “Hoos Guntiyo” Gunno lacageedna loogu daray.
Odayadii shirka ka qaybgalayey iyo kuwan lagu sheego bulshada rayidka ah ayaa shir looga furay wadanka Turkiga, dabcan, ujeedka shirku wuxuu ahaa, maadaaama dawladdu Turkigu ogaatay Majaha [Shacabka] baahidiisa; Abaaro, Gaajo iyo Macalluul, gurmadkuna wali socda, sidoo kale ay ogaatay madaxda [Saxallada] baahidooda Roadmap [Dhabbaha dhigan] iyo Kampala accord, ayey ujeesatay inay ogaato baahida caloosha [Bulshada rayidka] qiimaynteeda waxa ka soo baxa waan u joognaa, in kasta oo loollan adag lagula jiro.
Maalintii labaad ee shirka gabar magaceedu yahay Caasha Kiin, kana mid ah Guddiga Dastuurka, ee Qandhada Qabyo qoraalka noo soo qoray, oo anigu aanan bar garanayn, Bah garanayn, Berrinna garanayn, ayaa hadal ka jeedisay kulankii, intii ay hadalka wadday ayaa waxaa si kadis iyo lama filaan ah ugu soo fakaday Naynaasta caanka uu ku yahay Sharif Sh. Xasan Sheikh Adan, ee ah “Shariif Sakiin” ka dib wixii dhacay waaba la ogaa.
Eray aad kas u tiri iyo eray kama' kaaga dhacay isku mid ma ehee, gabadhii waa kala badbadatay, manasadii ay ka hadlaysana la noqotay Maxshar Qiyaame oo kale, ma yaxyaxbaa ka keenay? Ma baqdinbaa ka keentay? Ma xilkasnimaa ka keentay? Weydiimuhu badan, midse ay noqoto, hubaal inay ka gaarto Allow yaa Jiir iga dhiga! Is dhuudhuub iyo is yaryaree, waaba haddii loo gartaye.
Naynaasta Sharif Sh. Xasan Sheikh Adan ee ah “Shariif Sakiin” marka gabadha afkeeda ka sii dhammaanayey, ayaa waxaa is qabsaday qosol, sacab iyo sawaxan, ma gabadhaa dalbatay, oo soo abaabushay? Hubaal warcelintu inay tahay maya, balse, waa ku qabatay iyo qod xumaan lala doonay ka soo jeedee, gabadhii waxay isla markii dareentay in ereygeedii farriin xun gudbiyey, oo isku dayday inay dabagaarto, balse, ma noqon, oo waa ka dheereeyey, “Dhagax meeldhaw ayuu ku dhacaa dhawaqna meel dheer”, waxaaba ka sii darraa dhillada uu dhaliyey.
Gabadhu inta kol ee ay tiri, waan ka cudurdaranayaaa, raalli ka ahaada, lama tirin karo, haddana, dhag iyo dhug midna looma yeelan, haddii xaal sidaa yahay, ayaa waxaa shirka isaga baxay Odoyo ay isku abtirsiimo yihiin Sharif Sh. Xasan Sheikh Adan, kuna dooday in wax loo dhibay Siyaasi beesha u dhashay, shirkiina sidaa hakad ku galay, dood dheer ka dib, waxaa Odoyadii carooday lagu xaalmarshay Kun Dollar, Koofi iyo Kitaab Quraana! Alla Kitaabow maxaa lagugu takri falay!
Aanse in yar gabadha u doodo anoon garanayn, isku goof ama gobolna ahayn ogaalkaygee, waxaa lagu celceliyey in qaladku ka dhacay gabar, iyadoo waliba la adeegsaday eraga Carabiga ah ee “Nisa” run ahaan qaabkaa wax loo sawiray, wuxuu muujinayaa in gabadha iyo dumarkoo dhanba goobtaa lagu liiday, iyadoo laga dhigay hadduu goobtaa nin ka hadli lahaa inaan qaladkaa dhici lahayn, waaba iga su’aale, dumarku ma ragga ayey ka caqli liitaan? Saw hore looma oran: “Hafyo hadal kuma jirto” iyo “Nin Habari dhashay hal ma seegi waayo”.
Dhanka kale, aan weydiiyo Odoyadii carooday, ninkan aad u dooddeen magaca ma gabadhaa goobta ugu bixisay? Ma markii ugu horraysa ee la maqlaa? Mise waa magac horay u baxay, oo muddaba loo yaqaanay? Sida kale, Shariifkan aad u doodaysaan waxaa xilka ka qaaday tiradii xilka u dooratay tiro ka badan, mudda lix bil ku dhawna waxaa u afduuban guddoonka baarlamaanka, maalinna ma dhahdeen wiilkeenoow Soomaalidii xilka kuu dhiibatay waa kaala noqotee, si kale wax ku doon, oo jooji mara ku dhagga?.
Midda muhimka ayaa ah, maxaad qatifka gabadha ka dhacay uga carooteen, oo aadnaan ka gilgilan qaladka qarada weyn ee uu qaranka Soomaaliyeed ka galay Shariif? Ma diiddani in isbahaysiyo jiraan, balse, sida haddaba looga gilgishay eraga “Sakiin” oo aan waligii ka hari doonin, ayey ahayd inay uga gilgishaan markuu ka dhaaga adaygay inuu xilka wareejiyo, waa sheekadii ahayd: “La jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan”.
Dhacdadaa ka dib siyaasaddu waa inay is weydiisaa, qofkii eray dhahaba ma xaal baa laga qaadayaa? Magaca yaa baxsha? Sidee ku baxaa? Maxaa baxha? Murti ayaa dhahaysa: “Magac iyo Musiibaba maalin ayey baxaan” ka sokow, qofku waa noolee dhaqmaya, wixii ka soo baxa habdhaqankiisa iyo sida dadku u arko ayaana loogu Waqlalayaa ammaan iyo dhaliil midday noqotaba, kollay labadan wax dhaafsiisan lama dhihnei, maxaa laga diday, oo meesha yaal?.
Siyaasiyiinta intooda badan mid walba wuxuu leeyahay Naynaas u gaara, qaarkood way u meelmartaa, qaarna maya, tusaale ahaan, Madaxweynihii Dawladdii Kacaanka Maxamed Siyaad Barre, Naynaasta ay dadku u baxsheen ee uu caanka ku ahaa waxay ahayd “Af weyne” Naynaaastan waxaa loo baxshay ka dib markii uu talada dalka qabtay, haddaba, anagoo ka tusaale qaadanayna dhacdada Istanbul, ma waxaan leenahay qof walba oo “Af weyne” dhaha xaal ha laga qaado?.
Inta burburka lagu jirayna aan eego, madaxweynihii Dalwaddii Carta, C/qaasim Salaad Xasan Naynaastiisu waxay ahayd “Cabdi Gaajo” Cabdi Cawaale Qaybdiid, isna waa “”Khayr diid” Maxamed Qanyare Afrax, isna waa “Han yare” Maxamed Faarax Caydiid madaxa dawladdii Salbarraar, isna waa “ Car i diid” Cali Mahdi MAxamed Madaxweynihii Dawladdii Manifesto, asna waa “Cali Naafto” C/laahi Yuusuf Axmed madaxweynihii dawladdii Empagath, isna waa “Ma quuste” Ilma Faroole iyaga waxaa la yiraa: “Ilma Saddam”
Dhanka Axsaabta marka aad eegto magacyadu way jiraan, “Daljir From” waa “Dibjir Fara maran” “Hiil Qaran” isna waa “Hiilo Qurun” “Qurbajoog” iyana waa “Qurunjoof” “diaspora” isna waxaa loo rogay “Dayuus baro!” dhanka degmooyinka “Heliyaa” oo loo rogay “Huriwaa” bal “Booli Qaran” wax ka dhaha? qofkii magacydaa ku dhawaaqaa dawladdu miyey xiri? Mise Odayaasha ayaa xaal ka qaadaya?.
Magacyadan anigu ma bixin mana curin, ee sidaa ayaan ku maqlay, oo haddaa, qofkii dhahaa, miyaa xaal laga qaadayaa? Wallee waa xaajo ugub ah dhaqan iyo siyaasad ahaanba, laguse xalliyey hab siyaasadda dhaawac aysan sahal uga soo kabsan doonin u gaysatay, illeen qofku marka uu noqdo qof bulsheed hab dhaqankiisa waxaa ilaalinaya dadka uu ka dhex muuqdo, ee ilaalinta habdhaqankiisa ma lahan qoyskiisa iyo reerka uu ka dhashay, haddaan sidaa loo kala saarinna, Wallee waa jid furmay, oo aan joojin yeelan doonin.
Odayaasha waxaa looga baahnaa inay dhexdhexaad ka ahaadaan dhacdooyinka dhacaya, illeen dhacdadu aniga way na dhaafaysa, waxaase harayaa eelkeeda iyo ehelkii xallin lahaa.
Ugu dambayn, is magacow ma xuma, in lagu magacaabana ma xuma, balse, waxaa lagaa rabaa wax qabad iyo natiijooyin wax ku ool ah, ma ahan inaad dhibka qayb ka noqoto ama aad mid cusub soo kordhiso, ee waa inaad keenta xalkii dhibka looga bixi lahaa, ama aragtidii looga gudbi lahaa.
Waxaase ayaan darro ah inaan wali ku soconno waddooyonkii halaagga, Qabiilka qalfooftiisiina wali loo qabbiran yahay! Qarnigii 21-aad ayaa dunidu maraysaa, ninna wuxuu taagan yahay Qabiil hebel, miyeysan wuxu damiir iyo dux lahayn?! Miyeysan garan dhibka Qabiilku leeyahay?! Miyeysan wax ku qaadan dhacdooyinka iyo Sooyaalka?!
Weydiimahan kuma socdaan oo kaliya odoyada shirka isaga baxay, ee waxay ku socdaan dhammaan inta Oday Dhaqameed sheegata, gaar ahaan kuwooda ku shirsan Muqdisho, oo looga fadhiya inay aayaha umaddan toosiyaan, sidaa awgeed, waxaan ku soo afjaraya erayadan uu tiriyey Cabdiraxiim Hilowle Galayr, ee ah sidan:
Geed la wada fadhiistiyo
Guddi laysu soo guro
Gar caddaaladeed naqa
Geeskayagu ku caanyahay
Intaan Gobollo deriskaa
Shir guddoomin laayeen
Guddigii Midnimadoow
Geedka nabadda noo muda.
Guurtida dalkeeniyo
Gollaheena dhaqankoow
Guud caddaaga joogow
Idinkoon gorfaynoo
Gunta gaadhin maantoo
Go’aankeeda aan helin
La garwaaqsan xaalkana
Yaan geedka laga kicin
Yaan goobta laga bixin.
Xaajadan go'doonka ah
Umaddeena kala go’an
Guux uu ku wada jiro
Kala guurka nagu dhacay
Guurtidaay daweeyoo
Gobonnimo ha curatoo
Aynu guusha gaadhnoo
Geedka nabadda noo muda.
Garaadiyo Ugaaskoow
Gadhwadeen Suldaaniyo
Garyaqaan Imaamiyo
Wabarrada gobta ahoow
Malaaq garasho dheeroow
Goobi kama danbaysoo
Gar inooma hadhinoo
Geddi waanu daalnee
Yaan goobta laga kicin.
Rag garaad leh keeno
Gole fiican soo xula
Gobonnimo dar jeceloo
Guul wade ah soo gura.
Gini qaate naga jira
Giiryaale naga jira
Gocor tuuga naga jira
Garma qaate naga jira.
Dhammaad.
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com