Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Soomaaliya Uma hogaansameyso Siyaasada Ethiopia ee Ku Dhisan Xooga Milatari(Fikrada khaas ah)

$
0
0

Soomaliya waa dal aan lahyn dowlad Rasmiya taasna waxey keentay in wadamada deriska ay xoog ciidan ku soo farageliyaan arrimaha gudaha Soomaaliya. Ujeedada faragelintoodu waa mid ku dhisan iney hogaanka siyaasada Soomaaliya taladeedu ka timaado Addis Sababa ama Nairobi. Waxaa muuqata in isku daygaas ay u rukuuceen madax goboleedyo iyo kuwa ka tirsan dowlada dhexe. Shacab weynaha Soomaaliyeed marna uma hogansamayo inuu qaato talooyinka ka imaaneysa madaxda deriska oo ay la hulaaban yihiin kuwa KMG.
Dowlada Ethiopia oo ku dhalatay qaab jabhadnimo, waxey dhinac mareen qawaaniinta caalamka iyo nidamka dowladnimo. Waxey marar badan ku soo xadgudbeen xuduuda ay la leedahay Soomaaliya iyadoo aan wax ogaalsho ah ka heysan dowlad ku timid rabitaanka shacabka. Ciidanka Ethiopia waxey Soomaaliya marar badan la soo galeen ciidan fara badan oo lagu qiyaasi karo sideetan kun, kuwaas oo u dhisan qaab jabhadnimo. Marka ay wadanka Soomaaliya soo galaan waxey gooyaan dhul dheer, waxey fariisimo ka sameystaan degaan fog oo ku yaala caloosha Soomaaliya. Xeeladooda dagaal waa mid ay ku muujinayaan geesinimo, laakiin ay ku hoobtaan ciidankooda, ciidanka la socda iyo kuwa ay la dagaalamayaan.
Ciidamada Ethiopia waxey markasta xulufo ka dhigtaan maleeshiyaad qabiil oo ay siiyaan magaca ciidanka DKMG. Ciidamada Soomaaliyeed lama siiyo hubka culus iyo wax mushaara. Waxaa xaqiiqa in Ciidamada Ethiopia uu yahay qasadkoodu inuu si toosan is kaga hor keeno ciidanka xulafadiisa la ah iyo kuwa ka soo horjeeda, si ay u galaan dagaal qaraar oo dhimasho iyo dhaawac badan sababa. Runti waxey tahay in mucaaradka iyo muxaafadka ay Ethiopia daneyneyso iney wada jabaan.
Siyaasada Ethiopia ee ku dhisan in Soomaaliya xoog ciidan u adeegsato si danaheeda dowladnimo ay ku gaarto waxey u martay shaqsiyaad iyo maamulo ay la noqotay saaxiib dhow. Diidmada shacabka Soomaaliyeed uu uga soo horjeestey faragelinta Ethiopia waxey dhalisay Ethiopia iney ku weyso dhaqaale iyo saaxiibtinimo dhow oo ay la lahayd wadamo ka tirsan dunida horay u martay. Waxaa Ethiopia si dadban iyo si toosanba loo wargeliyey iney faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya oo aysan jirin cid u igmatay.
Dadaalada Ethiopia waa mid aan lahayn tayo siyaasadeed oo ka durugsan muujin qab ciidan iyo qar iska tuurnimo. Ethiopia waxey laysay ama isku laysay dad badan oo Soomaaliyeed ee ka tirsan xubnaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale iyadana waxaa laga laayey kumanaan ka tirsan ciidankeeda, waxaana sidaas ku burburay niyadsamida ciidankooda oo sababta loogu soo dirayo Soomaaliya u arkay iney tahay danta hogaamiyahoodu ka leeyahay oo ah in loo arko inuu yahay nin libaaxa oo awood badan iyo in iyaga lagu laayo dagaaladaas aan xambaarsaneyn nuxur dowladnimo.
Ethiopia haddii ay xoogga saari lahayd derisnimo wanaaga iyo iskaashiga dhinaca ganacsiga ama dhaqaalaha, waxaa xiriirkaas ka dhalan lahaa shirkado badan oo isku dhexdhafa, kuwaas oo xaruumo dhaqaale oo xooggan ka abuuri lahaa Geeska Afrika, iyado baxada Ganacsiga uu gaari lahaa wadamada ku jira gudaha Afrika. Waxaa cad in Ethiopia ay daneyneyso Xeebaha Soomaaliya, Soomaaliduna ay dooneyso suuqyada Ethiopia iyo wadamada deriska la ah. danahaas la kala leeyahay waxaa loo mari kara nidaam aan ku dhisneyn xoog ciidan iyo Ethiopia oo aan soo faragashan siyaasada Soomaaliya inta xal laga helayo dhulka Soomaalida Galbeed oo ay xoogga ku haysato dowlada Ethiopia.
Hogaamiyaha Ethiopia oo ku dhaqana Soomaalida iyo Ethiopia waxa uu ka marin habaabay fursad qaaliya oo uu u heystay nabadeynta labada dal. Wuxuu doorbiday inuu u dhego nuglaado wadamada shisheeyaha danahooda iyo inuu dalaal uga noqdo arrimaha Soomaliya danaha ay ka leeyihiin isaga oo iib geysanaya badeecadiisa ciidan. Wuxuu wax weyn ku noqon lahaa haddii u xaliyo khilaafka dhuleed wakhtiga dheerna soo jiitamay ee u dhexeeya labada dal. Nasiibdarro wuxuu ku dhumay xulafeysi aan abaal looga ahayn iyo qiimo jab la soo deristey xeeladahiisa dagaal oo ka gadmi waayey Afrika iyo Yurub.
Dowladnimada Soomaaliya helitaankeeda waxaa fogeeyey iskaashiga Ethiopia iyo ururka IGAD oo Ethiopia ku jira gacanteeda midig. Ethiopia waxaan u muuqan in nabada iyo dowladnimada Soomaaliya ay amni u tahay nabadgelyada Ethiopia. Caalamku maanta wuxuu isku raacsan yahay in dowlada Ethiopia ay gacan qaldan kula dhex jirto arrimaha guddaha Soomaaliya, tabarna aysan u lahayn in Soomaaliya ay talo u yeeriso. Waxaa laga codsaday Ethiopia iney ixtiraamto dadaalada Ururka Midowga Afrika oo aysan ka dhinac furin xagaldaacis waxyeeleyn kara ciidamada Afrikaanka.
Ethiopia waxey maantay ku baraarugtey iney ku guuldareysatay siyaasadeedii ku dhisneyd jabhadnimada iyo cagajugleynta ay ku heysey madaxda maamul gobeleedyada iyo kuwa KMG. waxaa intaas wehlisa in siyaasadeedi ay gashay go’doon oo saaxiibo badan ay ka sii fogaanayaan. waxaa kaloo meesha ka baxay in macaawinooyin ay is fahamsiisay iney ku heleyso dalaalnimadeeda xaga Soomaaliya in loo leexiyey mashaariicda siyaasadeed oo ay wadaan UNka iyo nabad ilaaliyayaasha Afrikaanka. Intaas oo dhan markii ay la soo gudboonaatey dowlada Ethiopia waxaa u soo baxday iney gacmo fara maran ay kala noqotay Soomaaliya.
Ethiopia jabkeeda siyaasadeed waxaa ka masuula hogaankeeda oo dan dhalanteeda ku bedeshey dan lama huraan ah. Wixii Ethiopia dhaqaalo ahaan ka soo galay macaawino wuxuu ku maalgeliyey ciidamadiisa uu ku jiheeyey dhinaca Soomaaliya. Hanti badan oo lagu hormarin lahaa wadanka Ethiopia ayaa lagu qasaariyey howlgalo ciidan oo lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed.
Maantay waxey xaaladu mareysa in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo rasmiya iyada oo Ethiopia aysan ku lahayn wax talo ah, lagana codsaday iney ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya inta aysan dhisan dowlad dhameystiran. Waxey wadamada qaar walaac ka qabaan in Ethiopia uu hadda gelayo burbur siyaasadeed iyo mid militari, meesha Soomaaliya ay rajeyneyso iney ka baxdo dowlad la’aanta. Guuldarida ka dhalatay howlgalada ciidamada Ethiopia oo ay kula soo noqdeen wadankooda, waxey keeni doonta dhibaato dib ugu noqota Ethiopia.
Dr. Said Issa Mohamud


Madaxweynaha Dowlad KMG ah ee Soomaaliya oo waxba kama jiraan ka dhigayqodobo ka tirsanaa Dastuurka: waa maxay?

$
0
0

Qodobo ka mid ah Axdi Qarameedkii 2004-tii lagu heshiiyay Shirkii Embegaati ee dalka Kenya ka dhacay, ee uu Madaxweynaha ka noqday Allaha u naxariistee C/Laahi Yuusuf Axmed, ayaa waxaa laalay Madaxweynaha Soomaaliya.
Maadaama Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya uu laba uu u kala jaban yahay, aysana wax kulamo caadi ah yeellan kareyn Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, si looga baxo Marxalada kala guurka, ayaa iyadoo la-tex gellinaayo habraaca ama qaabka ay ku dhisan tahay Dowladda, uu u adeegsaday awoodaan Madaxweynaha.
Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012 laalid qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.
Madaxweynaha J.S.
Markuu arkay: qodobka 39,aad farqada 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: qodobka 71aad farqadda 2aad ee Axdiga KMG.
Markuu arkay: xeerka madaxweyne L.R 197 ee 23/5/2012 kuna saabsan go’aanka ay saxiixayaasha ku gaareen Adis Ababa Itoobiya.
Markuu ogaaday: in kala fadhiyada Baarlamanka uu dhab ahaan u qabsoomi waayeen.
Isagoo tix raacaya: qodabbada heshiisyadii Garoowe 1 Garoowe 2 iyo Gaalkacyo.
Markuu qarwaaqsaday in lagu jiro xaalad adag waxaa laga maarmaan ah si looga baxo xiliga KMG ah loona gaaro dowladnimo buuxda waxuu soo saaray xeerkan.
Qodobka 1aad
Waxuu Madaxweynaha laalay qodobada 28{1}-33xarafka “C” iyo qodobka 34 ee axdiga KMG ah waxuuna awoodiisa si waafaqsan sharciga kula wareegay xeerkaan isagoo raacayo qodobka 1aad ee heshiiska laagu gaaray shirkii wadatashiga ee ka dhacay Adis Ababa 21 -23-2012.
Qodobka 2aad

Waxaa kaloo madaxweynaha isticmaalayaa awoodaha sharciga waafaqsan iyo qodobada qaarkood ee ku xusan dastuurkii 1960kii si uu u fuliyo waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Qodobka 3aad
Waxaa kale oo uu laalayaan qodobka 11 aad farqadiisa 3aad xarafka “B” ee axdiga KMG ah waxaana si KMG ah u ansaxindoona golaha ansaxinta dastuurka {CA} ee xubnihiisa ay soo xulidoonaan Odayaasha dhaqanka si dardar loo geliyo habsami u socodka Road-mapka dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka iyo habdhismeedka baarlamanka KMG, waxuuna Madaxweynuhu ku soo saarayaa xeerka hadba waqtiga la joogo waxaana gaar ahaan uu laalidoonaa qodobka 29aad ee axdiga KMG.
Qodobka 4aad
Xeerkaan waxuu dhaqangalayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madasha Dastuurka: Aragti-uruurintii Idaacadda VOA

$
0
0

Barnaamijka maanta waxa marti ku ah Wasiirka Dastuurka DKMG ee Somalia Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka jawaabaya su'aalo badan oo ka imanay dhageystayaasha Idaacadda VOA.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhagesyo.

Madaxwayne Shariif Oo xariga ka jaray Xarun kadibna Sacuudiga u duulay.

$
0
0

Muqdisho-(sonna) Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa u anbabaxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxwayne Shariif Waxaa safarkiisa ku weheliyay xubno kamid ah golaha Wasiirada oo uu kamid yahay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Cadaalada iyo Saraakiil kale.
Madaxwaynaha ayaa inta uusan garoonka ka dhoofin saxaafada lahadlay waxaana uu sheegay inuu ka qaybgali doono aaska Dhaxal sugihi Sacuudiga ee dhawaan geeriyooday.
Madaxweyne Shariif waxaa inta uusan Muqdisho ka anbabixin uu xariga kajaray xarun ay leedahay Wasaarada Gaadiidka ee muqdisho laga hirgaliyay.
Madax kala duwan oo ka socda Wadama carabta iyo Dalalka Islaamka ayaa kasoo qaybgali doono aaska loo samayn doono Dhaxalsugihii Boqortooyada oo ku geeriyooday Dal ka baxsan Sacuudiga.
Shalay Sabtidi ayaa Wakaalada Wararka Dalka Sacuudiga ee SPA waxaa ay shaacisay geerida Amiir Nayef bin Cabdul -Aziz Al Saud oo ahaa dhaxal  sugihii Boqortooyada waxaana uu kujiray da’da 77jir , wxaana la filayaa in maanta lagu aaso Dalka Sacuudiga.

Muxaadaro Cusub Fadliga Quraanka [ Islington Islamic Center Al-Risaala Masjid ] 15 06 2012

Shariif Oo Amar Kubixiyay Dib U Celinta Hanti ey lahaayeen Saraakiil Hore.

$
0
0

Muqdisho-(SONNA) Madaxweynaha Dowladd KMG ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta amar ku bixiyay in hantidii maguurtada aheyd dib loogu Celiyo dhaxaltooyada marxuumiinta kala ah S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, Marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.
Dikreeto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay warbaahinta qaranka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha markuu arkay xerka Lr. ee soo baxay 10/09/1970 iyo kuwo kale oo ka soo hor jeeday xuquuqul insaanka laguna baabi’yay dastuurka, Waxa uu madaxweynuhu ammar ku bixiyay in loo celiyo dhaxaltooyada hantidii ay lahaayeen Marxuumiintaasi.
Sidoo kale Dekreetada ayaa lagu xusay in laga billaabo maanta oo ay taariiqdu tahay 17/06/2012 madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya uu ammar ku bixiyay in loo celiyo hantidii maguurtada aheyd oo ay xukuumaddii meleteriga aheyd kala wareegtay marxuumiinta kala ah S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir.
Hantidaasi ma guurtada ah ayaa dikreetada lagu sheegay in ay isugu jirto dhulal bannaan iyo dhismooyin ay hore u lahaayeen Sadexda marxuum kuwaas oo ku kala yaal duleedka iyo gudaha gobolka banaadir.
Waxaana xeerka lagu amray dadka heysta dhulalkaasi ama dhismooyinkaasi in ay did ugu soo celiyaan dhaxaltooyada marxuumiinta S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.
Sidoo kale isla xeerkan ayaa dib loogu soo celiyay magacyada iyo maamuuski ay ku lahaayeen shacabka iyo Ciidanka XDS, maadaama ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen dhismaha iyo abaabulka lagu aas aasay ciidamada XDS.
Dekreetadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida ku cadna waxa uu dhaqangelayaa maanta oo taartiikhdu tahay 17/06/2012.

Ahlusunna Oo Shaacisay Bixida Hay’ada MSF kadib hanjabaado uga yimid Alshabaab.

$
0
0

Galgaduud-(SONNA) Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa shaaciyay in guud ahaan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay Hay’ada MSF joojisay howlihii ay ka waday Gobolkaasi.
Madaxa Arimaha Bulshada ee Ahlusunna Cabdiwali Xaaji Diiriye ayaa sheegay in Hay’ada MSF ay ka baxday Gobolka Galgaduud islamarkaana ay xirtay Xafiisyadii Degmooyinka Xeraale iyo DHuusomareeb ee Gobolka Galgaduud.
Ahlusunna waxaa ay sheegtay inta aysan Hay’ada MSF howlaheedi Caafimaad ee Gobolkaasi kawaday aysan joojin ay kala hadleen inaysan bixin balse taas aysan dhicin.
Cabdiwali Xaaji Diiriye waxaa uu intaa ku daray in arintan ay saamayn ku yeelan doonto Gargaarkii caafimaad ee bulsho fara badan si lacag la’aan ah ku heli jireen, waxaana uu sheegay inay la xariireen Hay’ado kale si ay buuxiyaan booska Hay’adan banaysan.
Hay’ada MSF todobaadyo kahor ayay shaacisay inay joojinayso howlihi Gargaar ee Gobolada dhexe sababo ammaan awgood iyo waliba shaqaale ajaanib ah oo gudaha Dalka ku qafaalan.

Muusigga iyo Salaamaha


Faaqidaadda: 40-guuradii Qorista Af-Soomaaliga

$
0
0

Barnaamijka maanta waxa falanqeynaya Maxamed Daahir Afrax, Aadam Xasan Aadam iyo Abwaan Siciid Saalax Axmed oo xubno ka ah naadiga Pen.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Czech oo laga cirib tiray ciyaaraha Qaramada Qaarada Yurub “Daawo Sawirada”

$
0
0

Kulankii ugu horeeyay ee Quarterfinals ciyaaraha qaramada qaarada Yurub oo la ciyaaray ayaa xalay la ciyaaray kaasi oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana lawada sugayay.
Xulka qaranka Czech Republic ayaa laxay la ciyaaray wadanka Portugal waxaana ciyaartaan ay ahayd mid lawada sugayay natiijada ka soo bixi doonta.
Ciyaartaan ayaa waqtigii loogu talagay waxay ku soo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku raacday xulka qaranka wadanka Portugal.
Ciyaaryahanka C. Ronaldo ayaa guul weyn gaarsiiyay xulkiisa wuxuuna u suurta galiyay in ay u soo gudbaan Afar dhamaadka ciyaarahaan.
Ciyaartaan ayaa waxaa gorsoore ka ahaa Howard Webb (England)
Xulka Portugal ayaa waxa uu sugayaa labada wadan ee Faransiiska iyo Spain kii soo baxaa kuwaasi oo caawa maahane habeenka xiga ciyaari doona.






Dad la sheegay iney gaajo ugu dhintay Magaalada Muqdisho ?

$
0
0

Guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ka warbixyay Xaaladda Nololeed ee barakacayaasha ku sugan Degmadaasi. Dhabaneey ayaa sheegey in Degmadaasi ay ku sugan yihiin Barakacayaal fara badan oo qaarkood ay ka soo barakaceen Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Duleedada Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sheegey in dadkaas barakacayaasha ay haysato dhibaato Guri la’aaneed, mid caafimaad la’aaneed iyo waliba Raashiin la’aaneed.Dhabaneey ayaa hoosta ka xarriiqay in Todobaadkan dad tiradoodu ay gaarayso illaa Todaba Ruux oo isugu jiray Caruur iyo waayeel inay Gaajo iyo dar xumo ugu geeryoodeen qaybo ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmada Hodan.
Dhabaneey ayaa ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay dadkaas la soo gaareen Daryeelka aadanimo ee ay u baahan yihiin isla markaana si ay u caddeeyaan baahida ay qabaan dadkaas iyaga lagala soo xiriiro.
“Ma garanayno sida ay Hay’aduhu wax u hayaan” ayuu yiri Dhabaneey isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan Bakhaaro Hay’aduhu ay leeyihiin oo ku yaala gudaha degmadaas isla markaana uu Raashiin fara badan ka buuxo isagoona is weydiiyay Cidda raashiinkaas loo keydinayo iyo goorta la qaybinayo waa siduu hadalka u yiriye.
Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka eek u sugan gudaha Magaalada Muqdisho in gurmad deg deg ah loo fidiyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha Degmada Hodan.
Guddoomiyaha Degmada Hodan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay qaybo ka mid ah Xeryaha bara kacayaasha eek u yaala Muqdisho ay ka soo yeereysey cabasho aad u ballaaran iyagoona ka cabanayay Hooy Xumida haysata iyo Roobabka ku da’aya.

Warmurtiyeed goor dhow laga soo saari doono Shirkii Road-Mapka ka

$
0
0

Nayrobi-(GMN) Waa Daqiiqado kadib la saxiixayaa Qodobadii ay ku heshiiyeen Saxiixayaasha Road-Mapka oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulan uga socda Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.
Waxaa socota qabanqaabada Xaflada qodobadaasi lagu saxiixayo iyadoo la filayo inay hadalo ka jeediyo dhinacyda siyaasada Soomaalida ee ka qaybgalaysay kualnka.
Wararka hordhaca ah ee aan ka helayno shirka ayaa tilmaamaya in Qodobada lagu heshiiyay ay kamid yiiin.
1- in la saxiixo 12 Julley magacyada ergada ansixin lahayd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub ee Dalku yeelanayo.
2- ku dhawaaqida Magacyada Guddiga Farsamada ee badali lahaa guddiga Dastuurka.
3- Soo bandhigida Dastuurka sida ugu dhakhsaha badan lana baahiyo.
War-murtiyeedka SHirka ayaadaqiiqado kadib lagu dhawaaqayaa waxaana idin balanqaadaynaaa inaan idin soo gudbino sida ugu dhakhsaha badan.

Madaxweyne Shariif oo markale ku celiyay in uu yahay musharax madaxweyne

$
0
0

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu doonayo in markale uu qabto xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu yahay Musharax u tartamaya Doorashada soo socota.
Wareysi uu siiyay wakaalada wararka AFP ayuu Madaxweyne Shariif Sheegay ku sheegay in uu diyaar u yahay in uu markale sii qabto xafiiska madaxweynaha haddii la doorto, iyadoo hadda dowladda uu hoggaamiyo ay u hartay wax ka yar labo bil.
“Haddii run la sheegayo Maamulkeyga Soomaaliya waa uu ku haboon yahay waa haddii markale la i doorto,” ayuu u sheegay Shariif oo hadda ka qeyb galaya shir looga hadlaayo xilliga kala guurka Soomaaliya oo ka socda caasimada Kenya ee Nairobi.
“Intii aan awooda Madaxweynaha hayay waxa aan go’aasaday in aan dadaal badan ku bixiyo la dagaalanka argagixisada kuwaas oo qatar weyn ku ah gobalka oo dhan ,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
“Waxa la joogaa xilligii la dhisi lahaa qaranimada, sharci darada kuma lahan meel Mustaqbalka. waxa aan isleeyahay in aad awood u leedahay in markale xilka Madaxweynaha laguu doorto” ayuu ku sii daray.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa la doortay bishii January 31-keedii, 2009-ka, waa 47-jir, hadda doonaya in uu markale noqdo madaxweynaha soo socda ee dalka Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa hadda doonaysa inuu dhamaado xilka KMG ah oo ku eg bishan August, taas oo madaxda Dowladda KMG ah ay u taallo shaqo adag oo la rabo inay ku dhameyso waqtiga u harsan, waxaana ka mid ah kuwaas in la sameeyo Dastuur cusub, la soo doorto baarlamaan cusub iyo Madaxweyne.
Si kastaba waxaa soo badanaya Musharixiita dooneysa i ay qabtaan xilka Madaxweynaha kuwaas oo ay ka mid yihiin dad horey uga dhex muuqaday xagga Waxbarashada laakiin hadda doonaya inay dhinaca siyaadda tijaabiyaan.

Shirkii Roadmap-ka ee Nairobi Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Shirkii saxiixeyaasha Roadmap-ka ayaa lagu soo gebagabeeyay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya iyadoo Saxixeyaashuna ay isku afgarteen qodobbo muhiim ah oo ku saabsan ka gudubka marxaladda KMG-ka ah.
Munaasabada lagu soo gabagabeynayay kulan muddo sadex maalmod ah saxixeyaasha Roadmap-ka uga socday magaalada Nairobi ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ugu sareysa, madaxda mamaullada Puntland ,Galmudug, Ahlsunwaljamaca,  wakiilo kasocday Q.M iyo caalamka.
Madaxweynaha jamhuuriyadda  Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in go’aanada la isku raaca ay ku mideysanyihiin saxiixeyaasha Roadmap-ka shacabkuna ay taageeraan dastuurka.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahad celiyay guddigii soo qaban qaabiyay dastuurka.
Sidoo kale Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo khudbada xiritaanka munaasabada ka jeediyay hadal ayaa ka codsaday dadka Soomaliyeed in ay ka qeybqaataan meelmarinta dastuurka cusub ee dalka uu yeelanayo.
Shirka maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa waxa uu halkaas ka socday muddo sadex maalin ah waxaana ka qeyb galay saxiixayaasha Roadmap-ka iyadoo intii uu socday shirka looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay qariirada nabadda.

Dhacdo layaab leh oo dhex maray Islaan waayeel ah oo Muslimad ahayd iyo nin Gaal ahaa

$
0
0

Islaan waayeel ah Alla ka cabsi badan ayaa waxay daris la ahayd nin mulxid ah, ama diidan jiritaanka Ilaahay (sw). Mar walbo waxay dadku ku dhahdaa: “Mahad Ilaahay baa leh”.
Hase ahaatee ninkii mulxidka ahaa ayaa aad u dhibsaday kalmadaas, asaga oo ku yiri Mu’minadii: “Hadalkan jooji, Ilaahay ma jiree.” Waxaa timid abaar dadka dhib u gaysatay, dadkaasi waxaa ka mid aheyd duqdii mu’minada ahayd. Ninkii mulxidka ahaa ayaa wuxuu maalin maqlay iyadoo Ilaahay (sw) tuugaysa oo leh: “Ilaahayow baahi baa I hayso ee kaalmo I sii. Ilaahayow gaajada naga baabi’i oo barwaaqo noo keen.”
Markaas ayuu damcay inuu ku ciyaaro duqda mu’minada ah. Kadib ayuu intuu jawaan reeshin ka buuxiyay saq dhexe u dhigay albaabkeeda. Markay soo kacday ayay aragtay cuntadaan albaabka u taalo. Markaas ayay farax dartii la tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay baa mahad leh.” Mulxidkii ayaa ka soo booday gurigiisa, kuna dhawaaqay: “Haye, ma sheekadaas ayaad keentay? Ilaahayga aad sheegayso ma jiro, cuntana kuma siinin, ee anaa kuu keenay.” Duqdii ayaa intey qososhay, kadib tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay intuu cunto i siiyay ayuu hadana shaydaan iiga soo qaaday.”

Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar.

Fiiro Gaar ah: Qofkii isku xiraa Allaah SW Qofkaas waa qofka kaliya ee liibaanay Adduun iyo Aakhiraba.


SOMALIA: Al Shabaab military commander in ambush

$
0
0

MOGADISHU — Heavily armed al Shabaab insurgents killed a military commander in the outskirts of Mogadishu on Thursday as clashes continue in rebel-held areas in the south of the country.
A firefight broke out between government troops and the al-Qaeda affiliated militant when the group ambushed a military supply convoy traveling from the town of Afgoye.
A military source, who was not authorised to speak to media, said the district commander of Elasha Biyaha, Mr. Afrah Ali Afrah was killed.
He said the insurgents attacked the convoy with rocket-propelled grenades, machine-guns and automatic rifles and the battle blazed on for several hours. He added the ambushers fled after government troops arrived in the area from an army base in Afgoye, about 30km (18.5 miles) north-west of Mogadishu.
Elasha was the scene of other violence just under a month ago when the rebels ambushed an armored convoy carrying president Sheikh Sharif Ahmed– narrowly escaping.
Elasha sits between the strategic town of Afgoye and the capital and is largest refugee camp inside Somalia housing more than 400,000 internally displaced people.
In May the area along with the agricultural town of Afgoye were secured during a joint military operation by AMISOM and Somali troops flushed out al Shabaab fighters. However challenges security challenges remain and al Shabab carries out daily attacks.
Al Shabaab fighters occasionally infiltrate into the IDP making it difficult for the Somali troops and AMISOM to fully secure the corridor that leads to much of Somalia’s south. The town fell in May under
Somalilandpress
June 22, 2012

Dagaal ka Dhacay Ceelasha Biyaha

$
0
0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya cidiamada dowladda iyo kuwa ururka Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii maleeshiyada ururka al-Shabab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen baabuur ay leeyihiin ciidamada dowladda oo sahay u waday ciidankooda ku sugan Afgooye.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ciidamada oo uu ku jiro taliyihii ciidamada dowladda ee Deegaanka Ceelasha biyaha sida uu VOA u xaqiijiyay  C/qaadir Max’ed Nuur Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose.

Wararka olympiga

Nuqulkii u Danbeeyey ee Dastuurka oo la Saxiixay

$
0
0

Madaxda Soomaalida ayaa Nairobi ku saxiixay nuqulkii ugu danbeeyey ee qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya.

War murtiyeed goor dhowayd ka soo baxay magaalada Nayroobi ayaa lagu sheegay in nuqulkan la saxiixay uu yahay midka ay soo dhammaystireen Guddigii Frasamada ee Dib u eegista datsuurka oo lagu sameeyey bishii hore magaalada Addis Ababa. Waxay kaloo isku raceeen guddi loo bixiyey Fududaynta Hawlaha Farsamo oo uu madax u noqonyao Wasiirka Datsuurka iyo Dib u heshiisiinta Cabdiraxmana Xoosh Jibriil.

Xilliga ay kulmi lahaayeen ergada ansixinta datsuurka ayaa dib loo durkiyey oo laga dhigay 12-ka Juulaay ilaa 20-ka Juulaay, iyadoo la sheegay in guddigaasi ansixinta la kala diri doono markii ay u codeeyaan ansixinta ku meelgaadhka ah ee Qabyo-qoraalka.

6/8 Muxaadaro - Jannada iyo Nimcooyinkeeda ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live