Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

7/8 Muxaadaro - Jannada iyo Nimcooyinkeeda ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin


Xildhibaan C/raxman oo Musharrax Noqday.

$
0
0

Xidlhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta (Sabti) ku dhawaaqay inuu u tarmayo xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya ee bisha Agoosto.

Kulan ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu xildhibaanku ku sheegay in sababta uu ugu tartamayo xilka madaxweyne-nimo ee Soomaaliya ay tahay in uu fursad wanaagsan u helo sixitaanka qodobo dhowr ah oo uu sheegay in la khalday. Isagoo intaa raaciyay in waxyaanihii dhaliiyay inuu kol hore isaga casilay xilkii heerka wasiir ee uu ka hayay dowladdii Cumar C/rashiid ay ahayd in isaga oo laga dhageysan waayay talooyin dhowr ah oo uu soo jeediyay.

Warysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ka dhageyso qaybta hoose.

2/6 Muxaadaro - Sugnaashaha Geerida Akteeda ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

3/6 Muxaadaro - Sugnaashaha Geerida Akteeda ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

4/6 Muxaadaro - Sugnaashaha Geerida Akteeda ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

5/6 Muxaadaro - Sugnaashaha Geerida Akteeda ~ Sheikh Abuukar Xasan Maalin

Mareykanka oo ka digay Mombasa

$
0
0

Safaardda Mareykanka ee Nairobi ayaa ka digtay in Mombasa, Kenya ay halis u tahay weerar argagixiso.

 

Wuxuuna u sheegay shaqaalihiisu in ay ka baxaan magaalada xeebta ah ee Kenya.

Bishii Oktoobar ayaa Mareykanku bixiyay digniin noocaan oo kale ah.

Suuqyada laga dukaameysto iyo goobaha caweyska ayuu ku tilmaamay in ay yihiin bartilmaameed.

Ciidammada Mareykanku waxay ku hawlan yihiin la dagaallanka Islaamiyiinta al Shabaab ee Soomaaliya.

Kenya waxaa dadkeeda ka mid ah qaar Soomaali ah oo qaarkood lagu sheegay in ay xiriir la leeyihiin al Shabaab.

1988 ayay ahayd markii la qarxiyay safaaradda Mareyanka ee Nairobi halkaas oo lagu dily in ka badan 200 oo ruux.

Caweyska: Seynab Cige (Q. 4-aad)

$
0
0

Barnaamijka Caweyska Washington ee caawa waxaan idinku haynaa sheekooyin xiiso leh iyo Qaybtii 4aad ee wareysigii fanaanadda Seynab Cige oo toddobaadyadii la soo dhaafay marti ku ahayd barnaamijka.

Qaybta hoose ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran.


Anna Musharrax baan ahay! :By Bashir M. Hersi

$
0
0

Qof adduun jooga addinkiisu ma laabmo, haddaan iilka la jiifin. Erayo ka
mid ah hees uu ku xareediyo Alfannaan Axmed Rabsho (AUN) ayaa ahaa:

Dhammideed adduunyada
Addin baan ku kooboo
Socod iima laabnee!

Sidoo kale, Aadanaha afkiisu ma aamuso, haddaan ajashiisu dhammaan.
Addin iyo af waa labada aaladood oo Aadanahu wax ku unko. Dabcan maanka
oo ah agabka maanintuna muhimaddiisa ayuu leedahay, halka masaxduna
kaydinta ku hawllan tahay. Hawraar iyo hawl bay markaa noqon, ay lama
huraan u tahay weelayn iyo waqlal.
Heerarka nolshu kala tahay ayaa ah: nagi deganaan iyo naxdin dagaaga u
dhaxaysa, midda dambe waa hoy, hergal iyo hoyaad la’aan, dhalandhool aan
dhammaad lahayn ayey dhalisaa. Halka midda hore tahay guri nabada,
geeddi nabada iyo guur nabada, Abwaan Maxamed Ibraahin warsame  Hadraawi
ayaa yiri:

Saw nabadi sahaydaada ood, sidato uun maaha!
Saw godabi surinkaad martaba, sabab qarsoon maaha!

Labadan hab, mid na soo maray ma jiraa? Hubaal kan dambe inaan iminka ku
sugan nahay, balse, weydiinta qotonta yaa ah; midda hore iyada ma soo
aragnay? Hadday haa tahay, maxaan ku soo aragnay? Hadday maya tahay,
maxaanan ku soo arag? Isu gayn, waa han jabay, heeryo dedan, hammi
laaban iyo himilo joogta ah, Allow adaa hawl ku filan!
Dhan kale, dunidu waa hadba heer, noloshanu waa ku meeran tahoo, waxay u
dhaxaysaa maalinta labadeeda galline, mar waa horu kac iyo hoos u dhac,
marna waa dhib iyo dheefe, dadaalka nooluhuna waa himilada hagaagta ama
haawisa.
Himilana ma duuganto, ee waxaa dilma qofka ay dareenkiisa ku daaban
tahay! Hirgalinta himiladase waxaa masuul ka ah arrimahan: "Hoodo"
[ayaan, ama nasiib “Hoodiyo ayaan baa, Lagu kala horreeyaa”]  "Hiillo
xilli" [Waligeed adduunyada, Waqtigaa qof saacida, Qofna waayaha xira!]
"Hal adayg" [Dadaal gaari doon tide].
Sida caadada ah, maamul iyo nidaam la’aanta waxaa ka dhasha fawdo
baahsan, oo aan laga maagan karin, kala daadsanaan baaxadle iyo dayac
badan. Dhanka kale, waxaa xoogaysta kalitalinta, amar ku taaglaynta,
kooxaysiga, iyo is urursiga. Intuba waxay ku hirgalaan kaalinta qofka,
qoyska ama qabiilku bulsada uga jiro, sidoo kale, iskaashigu wuxuu salka
ku hayaa dano gaara oo isa soo gaaray iyo sidii loo gundhigi lahaa.
Waxaan filaa labadan inaan midna noo dhimmanayn, Ciidan, Madani,
Gacansade, Wadaad iyo Aqoonyahan ay dhammaan ku wada dhaqmeen, waxaanba
filaa xitaa Odayo Dhamqadeedku inaysan ka marnayn. Intooda waxaa ugu
liita uguna xun silica qabyaaladdu reebto iyo daacuunka diin dacareedku
duugo, inta kale waa la halmaamaa, marka sooyaalka laga reebo, bal adba
xasuuso Xisbigii Hanti wadaaagga Kacaanka Soomaaliyeed? Malaha qoraalkan
yaaba kugu soo riday, ee waad iska halmaamtay, sidaa si la mid ah, inta
badan qof gaara waxa uu sameeyo iyana waa la mid, balse, lagu falaha
isagu mar walba waa u gaar xasuustiisu.
Maanta xaalad kale yaan ku jirnaa, oo xay tahay? Maxaa lagu qeexi karaa?
Sidee loo qeexi karaa? Saadaaline ha inoo dambaysee, ma ahan inay adag
tahay, oo aan qawaarradada jooga iyo quwaaxda iman doona la garanayn,
balse, waa inay noqotay maad iyo madadaalo aan malahaba la galin karin,
aniguse waxaan ku tilmaami lahaa MARXALADDA MAGACYADA.
Inaan ku jirno MARXALADDA MAGACYADA waxaa kuu caddaynaya, caadi ahaan
MUSHARRAX waxaa la dhihi karaa, qofku marka uu u gudbiyo magaciisa
guddiga doorshada, uuna buuxyo shuruudaha looga baahan yahay qofka xilka
u sharraxan, inta ka horraysa wuxuu noqon qof niyadda ka jecel, ama
qalbiga ka raba.
Sidaa waxaan u leeyahay, ugu horrayn, waxaan ku jirnaa KALA GUUR,
horayna ugu jirnay KU MEEL GAAR, dhanka kale, waxaa foodda nagu soo haya
sida la yiri GACAN TAAG/DOORASHO, YAA QABAN? SIDEE LOO QABAN? YAA LOO
QABAN? XAGGEE LAGU QABAN? MAXAA LOO QABAN? MAXAA LAGU QABAN?  Waa
weydiimo aan la is weydiin, malaha aqriste, hadda ayaaba kuugu horraysa,
dabcan, warcelintaadu waxay ku koobnaan XILDOON. Hubaal inaad saxan
tahay, aanse sii baarbaaro sida wax yihiin.
Inta aan si rasmi ah iyo si roganba loo sheegin in, doorasho dhacayso
bisha siddeed ee foodda nagu soo haysa, ayaa waxaa jiray rag isa sii
magacaabay, oo doonayey inay ka qaybqaataan doorashada dhici doonta, oo
kuwaa waxaa magacooda la hadal hayey muddo sanad ku dhaw, haddii aysan
ka badnaynba.
Raggan xilka ugu sarreeya wadanka isu soo taagay, waxay isugu jiraan
kuwa asxaab iska sharraxay iyo kuwo kali sharraxan, kan xisbiga laba
garaye, oo afar damac ku raacday, ama diimaysi ku raacday ama dam
[dhalyo] ku raacday ayuuba wataaye, midka kali sharraxan, yaa u maqan?
Malaha ruuxaanta yaa u adeegaysa! Yaa garan!
Sida loo iclaanshay inaan bisha siddeedaad aysan doorashadu ka daba
marayn, waa haddii ayba xilligaa dhici kartee, ayaa waxaa soo badanaya
in todobaadkiiba aad maqasho musharrax u tartamaya xilka
madaxweynenimada, qaarkood inaad maqashay waa laga yaabaa, si aad ku
maqashaba, xumaan iyo samaan, hawlkarnimo iyo habacsanaan, maqalka wax
dhaafsiisanse lama hayo.
Raggan sharraxan waa laba laba qaybood, kuwo dawladihii hore xil ka soo
qabtay iyo kuwa xilliga burburkan xil ka qabtay. Kuwo qabiil ka
sharraxan iyo kuwa urur ka sharraxan, kuwo kali u sharraxan iyo wadar ka
sharraxan, isu gaynse noqonaya sharrax aan Shirib lahayn.
Ujeedka aan ka lahaa, markaan sare ku soo xusayey nidaam la’aanta yaa
ahaa, in tiradan u wada sharraxan xilka madaxtinimada ay sabab u tahay
han aan meel dheer jirin oo ka dhashay fawdada iyo hannaan la’aanta,
illeen jiritaan hannaan wuxuu baajin lahaa dad badan in hawo gashee,
maadaama mudnaan iyo muunad midna midna u lahayn, dhanka kale,
garaadkeed, garashadeed iyo guudkeedna gayn karin goyna karin.
Inta sharraxan, inta is sharraxi doonta iyo inta niyadda iska sharraxday
ee aan nuu la dhihi karin, waxay ka siman yihiin XANUUNKA XUKUN
JACAYLKA, ugama jeedo in qof walba oo hammiyaa inuu xil qabto ama isu
taaga madaxnimo inuu sidaa yahay, balse, sida wax u dhacayaan yaa sidaa
ka dhigaya, aqriste, adba wax ka duwan ma kuu muuqdaan?.
Marka laga soo tago in niyadda laga jeclaan karo, ama loo tartami karo
madaxnimo, maxaa diiday in meelo kale nayadda lagu hayo, si loo dhaliyo
hurmar iyo hannaan dheellitiran? Maxaa diidaya in siyaasadda laga soo
billaamo hoos iyo xakabadda Albaabka? Mise haddaan madaxnimo laga
billaabin dhadhanba ma lahan? Inta sharraxan ma ku jiraa mid leh khibrad
maamul iyo maarayn? Hadday leeyihiin, maxay qabteen oo la taaban
karaa?.
Sida nolashu ku saaban tahay, dhalasho iyo dhimasho waxaa u dhexeeyo
korriimo, waa haddaan si kale wax u dhicine, inta u dhaxaysa, da’da
caadiga ah, waxaa lagu bartaa sirta nolosha iyo saabaheeda, sidaa
awgeed, xukunkuna waa la mid, oo waxa uu baahan yahay qofku inta uusan
xilal sare qaban, inuu soo qabto kuwa hoose, si ay ugu sahlanaato
maaraynta dambe, hadduuse dhakada sare kaga soo dago, wallee inta uu
saxo iyo inta uu qaldo kala badan!
Inta xilka ugu sarreeya wadanka u sharraxan waxay kala noqon karaa
sidan: kuwa ay ka tahay waan isa sharraxay, oo aan dan kale ka lahayn,
kaliya inuu liiskaa galay, kuwa kale waxay isu magacaabeen daba ka riix
iyo dareen dad kale, kuwa waa hinnaaso iyo hebelba waa magacaaban yahay,
kuwa waa istijaabin iyo xaggeed gaari kaartaa? Kuwa kale waa ha lagu
sheegsheegee isa sharrax, oo haddaa dadka yaa hoggaamin doona? Weydiimo
wercelimaheedu maqan tahay.
Si kale haddaan u eego, waxaa kaloo loo qaybin karaa sidan:
Kuwa u baahan in wadanka laga qabto, siyaabo kala duwan, siyaasi gurracan, wadaad waalan, gacansade xaaraanquute ah IWM.
Kaadir kaalintiisii gabay, loogaa baahnaa inuu xil doono, qaab kalase ku
doono, ay jirto meel uu ku habboon yahay, xilkeedana qaadi karo, balse
uu ka door biday, inuu madaxnimo goobo.
Dhadhanshaa waalay, waa mid hadda ka hor xil soo qabtay, Madaxweyne,
Rariisul wasaare, Wasiir, Danjire IWM oo u hamuun qaba mar qura in
madaxweyne la dhaho, ama loogu celiyo.
Kan kale, waa mid leh, oo xilka madaxeynenimadu ma sidan ayuu u fudud
yahay, doonsis, helid iyo xukumidba, asna sidaa ku gashay xildoonnimadu.
Qaar kale, waa ma quustayaal aan qasaarin, u taagan doorsho walba ee la
qabtay, malaha markan waxay u sii xuub siiban doonaan doorashooyinka
maamul goboleedyada, maya kuwa degmooyinka iyo tuulooyinka.
Qaar kale, dhibka ay gaysteen ku filnaa waa, oo wali waxay u ciilqabaan
layn iyo gumaad, sidaa awgeed, waxay ku hamminayaan inay mar kale xilka
qabtaan si ay baabi’inta u sii wadaan, baaba’na loogu jiro. isku soo
wada duube waa: XILDOON iyo XOOLODOON.
Dalku uma baahna Madaxweyne kaliya, uma baahna Ra’iiusl wasaare kaliya,
uma baahna Wasiirro kaliya, uma Xildhibaanno kaliya, uma baahan
Danjireyaal kaliya, uma baahnaa Kaaliyayaal kaliya, uma baahna
Xoghayeyaal kaliya, uma baahna Sarreeyayaal kaliya, uma baahna … uma
baahna… intaa iyo ka badan ayuu u baahan yahay, maamul dheellitiran,
maarayn dhug leg iyo madax dhiirran.
Haddii aan ku wada aruurno madaxwene, dalka inta kale yaa u maqan? Laga
billaabo qashin xaaridda ilaa laga gaarayo meeshan loo wada dig
leeyahay, ani iima bixin, dadku wuxuu u baahan yahay qof walba waxa uu
yaqaan inuu ku biiriyo, kuna badbaadasho wadanka, illeen wax walba oo la
yaqaan waxbay badbaadiye u yihiine.
Abwaan Mustafe Sheeekh Cilmi ayaa horay ugu maansooday: “Madaxweyne mar u
dhaha!” hadda sidaa ayey dadka ka taagan tahay, ama wayba ka haysaa, oo
haddaan la dhihin qaar baaba qandhanaya, qaar waaba suuxayaan, Allow
adaa Qaadira. Maxaa quus la taagan yahay!
Ugu dambayn, qormada waxaan ku soo afjaraya erayadan uu tiriyey
Cabdiraxiim Hilowle Galayr, ee ka mid ah maansada “Murashax” waana
sidan:

Madaxnimada mooyee
Murashaxa ordaayoow
Macne kale ma haysaa?!

Milge maxaad u leedahay?
Maxaad maanta ka horoow
Maatada dalkaagiyo
Maxasta u samaysoo
Mudane, lagugu doortaa?

Mise magacan baasbaa
Adigana ku madax maray
Mar uun meesha gaadhbaa
La maqiiqan tahayoo
Maqal iyo ogaaliyo
Maba lihid majare saxan!

Mabd’a lagugu aamino
Iyo mawqif horumara
I maqlayda mooyee
maxaa mudane kuu dheer?!

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Waa fikrad u khaas ah qoraaga ah

C/raxmaan Faroole:- Dowladda KMG uma madaxbanaana inay keligeed heshiisyo gasho, waxaana soo magacaabeynaa xubno ka mid noqda…

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud {Faroole} ayaa ka hadlay arrimaha Dastuurka Soomaaliya, waxana uuna sheegay in Puntland ay diyaarinayso xubno tayo fiican leh oo qeyb ka noqda golaha baarlamaanka ee Soomaaliya iyo Odayaasha dhaqanka ee la doonayo inay soo xulaan xubnaha aqalka sare uga mid noqonaya maamul goboleedka Puntland.
“Annaga ayaa gaarnay heshiiska, annaga ayaana u xilsaarneyn in la dhameystiro dastuurka hadda inaan ku filnaaan weynay, waa jirtaa oo waxa weeye dowladda Soomaaliya ee dhalan doonta ama hadda jirta ee cahdiga illaa sanadkii 2004-tii ka soo bilaabmatay, waxa uu ahaa dowlad Fedaraal inay noqotoq go’aamada siyaasadeed iyo dhaqaalaha waxa go’aamiya haddii ay dowlad fedaraal tahay dowladaha dhalan doona ayaa go’aankaas qaadan doona, dowladda Fedaraalka uma madaxbanaana inay heshiisyo caalami ah gasho, intaas dib ayaa loo dhigay oo wixii ku saabsan qaabka wax qeybsiga dhaqaalaha iyo awood qeybsiga siyaasadeed dhameystirkiisa waxa aan ku soo gaarka Nairobi howl adag ayey aheyd naftirkeeda waxa uu ahaa document la saxiixay UN-ka ayaa ballan qaaday inay meel marin doonaan damiin in sidaas loo dhameestiray ay noqoto” ayuu yiriFaroole.
Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay ergada Puntland uga qeybgaleysa ansixinta dastuurka Soomaaliya iyo Baarlamaanka cusub wuxuna yiri “Waxa nagu dhiman waxa weeye inaan soo xulno madaxdii ku habooneyd Soomaaliya annaga gacanteena ayey ku jirtaa odayaasheena ayey ku jirtaa, mujtamaceena ayey ku jirtaa, inaga waxa nalaga rabaa inaan sameyno history ama taarikh, dadka noogu fiican oo aanu is leenahay waa lageyn karaa goobta ayaan geynaynaa, waa in la geeyaa Soomaali wax ugu taraan, Puntlandna ay u matalaan, ayna ka soo baxan madaxdii Soomaaliya hogaamin laheyd, cirka lagama keenayo ee halkaas ayey soo marayaan, taas ayaa hadda nalaga rabaa howshaas ayaan u fadhiisaneynaa, waxana nalaga rabaa wax cusub oo taarikhda gala, bishan inta ka hartay iyo bisha soo socota illaa 20-keeda”.
Mar uu ka hadlayey heshiis dhexmaray maamulka Puntland iyo dowladda Kilinka Shanaad ee dalka Itoobiya ayaa waxa uu yiri “Waxa aan dhowr cisho joognay Itoobiya gaar ahaan deeganka annaga na soo xiga oo aan dhowr jeer heshiis aanu galnay, waa tii anniga iyo wafdi aan hogaaminayo aan tagnay, guul weyn ayaan kala soo kulanay iyo wax tarka, sidoo kale deeq waxbarasho ayaan ka soo helnay oo awal arday badan ayaa halakaas wax ku baraneysay oo reer Puntland ah, sidoo kale heshiis ayaan gaarnay oo ah in la iska kaashado qolyaha dhibka ka dhexwada labada dhinac, haloo sheego qolyahaasi qaska naga dhexwada gacan bir ah ayaa lagu qaban doonaa”.

Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho oo ku baaqay in la joojiyo dhismaha maamul goboleedyada

$
0
0

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada ansixinaysa dastuurka dalka iyo xubnaha Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuna shirsan magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la joojiyo maamul goboleedyada loo sameynayo gobolada ay dowladda KMG gacanta ku heyso, iyo kuwii dhawaan laga qabsaday Xarakada Al-shabaab.
Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku howlan soo xulista ergada ansaxinaysa dastuurka dalka ayaa ku dhawaaqeen inaan loo baahneyn in maamulo laga sameeyo goobaha ay dowladda kala wareegtay Xarakada Al-shabaab iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxayna intaasi ku dareen in loo baahanyahay in la sugo inta ay dowladda KMG la wada-wareegayso dalka oo dhan, ka dibna deegaan kasta uu dadkiisu ka tashado waxa ay doonayaan.
Malaaq Ibraahin Xasan oo ka mid ah Odayaashii goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka ka sameynayo maamul goboleedyada goobaha ay dowladda kala wareegtay Xarakada Al-shabaab aan loo baahneyn in laga sameeyo maamul gonboleed iyo dhismaha lagu degdegayo iyadoo dadkii deegaanka wada deganaa aysan isku wada-imaan.
“Ma ahan in tuuladii la qabtaba lagula boodo maamul goboleed iyo annagaa ka talina ee waa in dadka deegaanka wada degan inta ay isaga imaanayaan iyagoo dhan la sugaa, lana yiraahdaa markaasi ka dib iyadoo muhiimiyadda koowaad la siinayo dadka deegaanka, dadka haatan ku degdegaya maamul goboleedyada waa dad doonaya inay khilaaf horleh abuuraan oo ay sii kala geeyaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Malaaq Ibraahin Xasan.

Dayactir iyo dib u dhis ka bilowday wadooyinka magaalada Muqdisho iyo shumicii magaalada oo dib u shidmay

$
0
0

Magaalada Muqdisho ee mudo ku dhow rubuc qarni la il-dareyd dagaalo sokeeye iyo bur baahsan ayaa waxaa haatan ka bilowday dib u yagleelidda wadooyinka magaalada.

Dayactirka ayaa haatan ka socda wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha ee Aden Ade iyo isgoyska Nambar Afara waxaana halkaas lagu wadaa in loo dayactiro sida ugu dhaqsaha badan islamarkaasna dib loo soo celiyo bilicdii wadadaasi ay beri laheyd.

Guud ahaan magaalada ayaa waxaa laga bilaabayaa dayactir wadooyin oo oo saf ballaaran ah sida uu sheegay duqa magaalada Muqdisho Tarzan, waxaana qarashka gacan ka geysanaya Soomaalida iyo hay'adaha kale ee gargaara horumarka Soomaaliya.

Muqdisho ayaa waxa aiminka ka shiday shumaca nabadda waxaynku dadku muujinayaan niyad wannaag iyo rajo nabadeed.

halgankanet@gmail.com

 

 

Xeerka Xisbiyada Puntland oo la Meelmariyay

$
0
0

Madaxweynaha maamul-gobolleedka Puntland, C/raxaam Max'ed Faroole ayaa maanta saxiixay xeerka xisbiyada siyaasadda ee Puntland yeelan doonto.

Xeerkan ayaa horey u soo ansixiyay baarlamaanka Puintland.

Muxaadaro Is Xasuusinta Xaqa

Caweyska: Fannaanadda Khadijo C/llahi Dalays

$
0
0

Barnaamijka Caweyska Washington waxaa toddobaadkan marti noogu ah fanaanadda weyn ee caanka ah Khadiijo C/llaahi Dalays. Waxaad sidoo kale kaga boganeysaan qubanayaal xiiso leh oo xog iyo xiisaba xambaarsan.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso Qaybta hoose.


Martida: C/risaq Geeddi

$
0
0

Barnaamijka Martida Maykarafonka waxaa todobaadkan marti inoogu ah Cabdirisaq Xaaji Geedi oo ka faalooda arrimaha geeska Africa kuna sugan magaalada Nairobi. C/risaq waxaan wax ka weydiin doonaa xaaladihii amaan ee ugu danbeeyey ee gobolka waqooyi bari Kenya, maxaa sabab u ah inaan laga hortagin falalka amaan daro ee gobolka ku soo noqnoqdey maxayse sababi karaan? C/dirisaaq ayaa dhamaanba su’aalahaas ka jawaabaya.

Barnaamijka oo dhameystiran ka dhageyso qaybta hoose.

Jubbaland Conference: Ethiopia’s web of obstruction to Somalia’s Statehood

$
0
0

Jubbaland State Conference held in Nairobi Kenya on June 28-30, 2012 is
part of the overall web of obstruction strategy unfailingly pursued by
Ethiopia to prevent any chance for the rebirth of Somali State
accountable to its people in the foreseeable future. The strategy is
operationalized through multiple fronts, e.g., the misuse of UN Secuirty
Council rule- “the Inter-Governmental Authority on Development
(IGAD)[1] decides to actively remain seized of the matter of Somalia”,
which means Somalia remains under IGAD’s jurisdiction, execution of
counter-productive reconciliation initiatives, military occupation,
creation of multiple armed factions, imposition of clan-based federalism
for establishing local dependent clienteles, promotion of unscrupulous
personalities for leadership and marginalization of responsible leaders,
hyping up of international threats emanating from Somalia by conducting
biased diplomatic campaigns.
The immediate reasons behind this ad hoc conference could be three.
First, Ethiopia strives to make the overwhelmingly rejected
sub-clan-based federalism as fait accompli after the United Nations
declared unseen Draft Constitution as a Provisional Federal Constitution
(PFC) on June 22, 2012. The expected voting of the Traditional Leaders
(TLs) and the National Constituent Assembly (NCA) on the PFC is
inconsequential. Second, Ethiopia wants to strengthen its grips on
Somalia’s political dispensation and to thwart all efforts for Somali
Unity spearheaded by few international actors. Parenthetically, with
regard to Somali Unity, the extraordinary message of Secretary of State
Hillary Rodham Clinton on Somalia’s National Day July 1 to the people of
Somalia raises a glimmer of hope.[2] Third, Ethiopia wants to deepen
clan antagonisms among Somalis as a source for long term political
destabilization.
Somali groups, IGAD/AU/UN, and Puntland Government issued separate
communiqués highlighting certain aspects of the outcome of the
conference. The reading of below reported IGAD/AU/UN communiqué[3] is
important because it reveals specific information.
Jubbaland State is becoming a reality with this foundation now being
adhered to by the International Community, Regional States, and the main
groups involved. The Communiqué from the conference prepared and hosted
by IGAD and the AU with support from the UN was signed by the 5
important groups representing the State.
1. TFG represented by the Deputy Minister Dr. Abdi Ali Hassan (Marehan/Uurmidig)
2. Gedo Defense Forces represented by Gen Abdullahi Sheikh Ismail “Fartag” (Marehan/Reer Ugaas Sharmarke)
3. Azania represented by Prof Mohamed Abdi Mohamed “Ghandi” (Ogaden/Talomoge)
4. Ras Kambooni represented by Macalim Mohamed Ibrahim (Ogaden/Mohamed Suber)
5. Ahlu Sunna Wal Jamee represented by Sheikh Mohamed Yusuf Mohamud “Aw Libaax” (Marehan/Celi)
The foundations agreed to is thus:
 Jubbaland State is to be a regional federal state under the Federal Constitution of Somalia
 Jubbaland State is to be formed by the merger of Gedo, Lower Jubba, and Middle Jubba Regions.
 Jubbaland State representation will be based on current state and district partition
 Jubbaland state will have three branches of state government: Executive, Legislative and Judicial
 Jubbaland State will united differing militias as unitary state security.
 Jubbaland State will be democratic and respects the rights of minorities.
 Jubbaland state will be based on Sharia law.
The groups will now have subsequent meetings and interactions to work out the attainment of this plan.
Three observations are in order. (a) In accordance with the Transitional
Federal Charter (TFC) or Provisional Federal Constitution (PFC), the
merger of regions and districts is subject to popular referendum
certified by legitimate National Government and it is not the
prerogative of five individuals representing factions. (b) The
participation of TFG is immaterial because the Roadmap suspended the
TFC, dismantled the internationally recognized TFG and empowered clan
entities -Puntland, Galmudug and Ahlu Sunna Wal Jama (Mogadishu
Faction). (c) The creation of Jubbaland State under the PFC and under
Sharia Law will breed political turmoil and defeat the formation of
Somali State.
The communiqué (agreement)[4] of Somali participants states that
Jubbaland State will live in peace with its neighbor countries and with
other regions of Somalia. Also, it requires that the Jubbaland State
should be established before the ending of the transitional federal
period scheduled on August 20, 212 and that the process for establishing
the Jubbaland State must be in conformity with the stabilization plan
of IGAD and TFG, titled “Draft IGAD Strategy on managing the territories
liberated areas in Somalia.” The plan allows IGAD to manage the
territory, people and politics of the three regions with a strategy
and tactics based on clan allegiance to its desired outcome.
With no explanation, representative of Harti group did not sign the
final Communiqué. In a radio interview, a spokesman of the conference
said that a Harti group led by Gen. Mohamed Warsame Darwish, former
Chief of the Somali National Security Service (NSS) during President
Abdullahi Yusuf’s government participated the conference. The Puntland
Government welcomed the establishment of Jubbaland State with mix
feelings-suspicion and support.[5]
It is not clear how the five groups planned to address the complications
the agreement generates within various communities in the regions.
Influential leaders from the five groups have already voiced their
objection to the agreement. The Wagosha Community (Somali Bantu)
expressed their strongest objection against the Jubbaland State.[6] The
history and sub clan composition of the Jubbaland population is
different from the close kinship existing in Puntland State although all
Somali communities (clans) proudly share territory, religion, language,
citizenship, solidarity, and common aspirations.
As part of their tradition and culture, Somalis do not consider and
classify certain groups or individuals as “minorities” It is my personal
view that Somalis are aware of clan distinctions, injustices and
economic disparity but they generally disapprove minority status
classification. Under the impracticable Federalism, there will be
indefinite kinds of minorities in each village, district, and region of
Somalia.
In parallel to IGAD’s mismanagement of Somalia, the international
community is less concerned about what works and is best for the Somali
people. The international community is delighted to spend resources and
efforts on initiatives or experiments of their preference with the
liberty to blame the Somalis for failures and for not grasping the
“golden opportunities” offered to them. Jubbaland State is another
spurious enterprise undertaken to abuse and confuse the exhausted people
of Somalia. Will the Somali Elite be able to regain audacity, wisdom,
stamina and sense of duty needed to challenge the current debilitating
approach and steer Somalia to the right direction for the common good?
Time will tell.
Mr. Mohamud M Uluso
mohamuduluso@gmail.com
[1] IGAD and Ethiopia are interchangeable
[2] Message of Secretary of State Hillary Clinton on Somalia’s National Day
[3] IGAD/AU/UN and Somali Participants Communiqués
[4] IGAD/AU/UN and Somali Participants Communiqués
[5] Puntland Government supports Formation of Federated States of Somalia
[6] Wagosha Youth vows to sacrifice lives for their rights

Muxaadaro Cusub Noocyada Quluubta ~ Sh Maxamed C raxman Kaariye

Ururada Rayidka oo Talo u Jeediyey Odayada Dhaqanka

$
0
0

In ka badan 50 ururada bulshada rayidka ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay madaxda dowlada iyo saxiixayaasha Road-mapka ugu baaqeen in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed laga daayo faragalinta.

Warbixin arrintaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Kulamo ka Dhacay magaalada St. Cloud, Minnesota

$
0
0

Kulamadan waxa ka mid ahaa mid ay qabatay hay'ad gargaar oo lagu magacaabo Juba Vision oo howlo gargaar ka wadda gobolada Jubbooyinka.

Waxa kale oo magaalada laga furay hay'ad lagu magacaabo Immigrant Community Access Network oo dadka Soomaalida ee magaaladaas deggan ka kaalmeynaysa arrimaha sida shaqada.

Warbixin arrimahaas la xiriirta hoosta ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live