Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xeer ilaaliyaha dowlada oo ka hadlay khilaafka madaxda Dowladda KMG ah

$
0
0

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi Daahir Barre ayaa maanta ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda dowlada ee ku aadan dastuurka cusub ee dhowaan la soo bandhigay.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Guddiga loo xilsaarayo Dastuur sameynta dalka marka hore ay ansixiyaan Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxweynaha.

Waxa uu Xeer ilaaliyuhu sheegay in haddii Guddigaasi aysan heysan kalsoonida saddexdaasi dhinac aysan ansax ahayn sida uu yiri, isagoo xusay in madaxweynaha iyo xubnaha kale ee qaba in Guddigaasi aan baarlamaanka la soo marsiinin ay sharci ku taagan yihiin, loona baahan yahay in guddigaasi sharci ku taagan yahay.

Xeer ilaaliyuhu waxa uu sheegay in khilaafka ka dhex taagan madaxda sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya la dhameyn karo marka ay dhaxdo in ciddii sharciga dhinac martay ay dib ugu soo laabato xeyndaabka sharciga oo ay caddeeyaan inay sharciga dhinac mareen, kadibna waxa la isku khilaafsan yahay laga saaro meesha.

Dr. C/llaahi Daahir Barre waxa uu sheegay in  madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ka tirsan dowladda KMG  ee diidan dastuurkan cusub ay xaq u leeyihiin inay yiraahdaan wixii qaldan hala saxo, waase haddii marka hore ay dhabowdo in Guddiyada loo saaray sameynta dastuurka aysan horay u ansixin Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

“Anigu kama warqabo in la ansixiyay Guddiga soo sameeyay Dastuurka iyo in kale, waxaanse leeyahay haddii aan la ansixin dadka saluugsan xaq ayay u leeyihiin inay yiraahdaan hadda hala ansixiyo Guddiga dastuurka.

Waa markii ugu horreysay ee uu ka hadlo Xeer ilaaliha guud ee Qaranka khilaafka soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’isal wasaaraha ee ku saabsan Dastuurka cusub ee qabyada ee loo sameynayo dalka Soomaaliya.


Dagaal dib u qarxay degmooyin dhowr ah oo kamid ah Muqdisho

$
0
0

Dagaalo Culus u dhaxeeyey Ciidamada dawladda KMG ah iyo kuwa  Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ayaa saakay waxa ay ka bilowdeen degmooyinka Hodan iyo Hawl wadaag.

Dagaalada ayaa ka qarxay aaga Tarbuunka ilaa Xaafada Siigaale oo labada dhinac ay isku hor fadhiyeen maalmihii la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda.

Dagaalka oo wali socda ayaan la ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah uu geystay waxaana jira in in dhowr ruux oo shacab ah ay ku geeriyoodeen dhaawacana uu intaa lka badan yahay ganacsiga suuqa weyn ee bakaaraha uu hakad ku jiro waxaana suura gal  ah in dagaalka uu waqti dheer uu qaato sida ay sheegayaan dadka deegaanadaas.

Dagaalka ayaa saameyn ku yeeshay suuqa weyn ee bakaaraha ka dib markii ay ku soo dhaceen tiro madaafiic ah oo qeyb ka ahaa dagaalka Culus ee ka socda Degmada Hodon iyo Howlwadaag waxaana dagaalka uu u muuqdaa mid aad u culus.

Xarakada Alshabaab oo awaamirr ku soo rogay dad magaalada B/weyne

$
0
0

Masuulka u qaabilsan Xarakada Shabaab gobolka Hiiraan dhinaca amniga ayaa Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beled weyne ku sheegay awaamiir dhowr ah oo lagu soo soo rogay shacabka magaalada.


Sarkaakan oo u  waramayey warbaahinta ayaa
sheegey in awaamiirta la soo saaray ay ka mid tahay in marka la gaaro
xilliga Salaadda aan la arkin albaab furan iyo Gaadiid Soconaya.


Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in marka la gaaro xilliga Salaadda aan
la aqbali Karin inay sii furnaadaan goobaha ganacsiga isagoona sheegey
in ciddii lagu helo falkaas inuu muteysanayo ciqaab kulul.


Ma aha markii u horeeyey ee Maamulka xarakada shabaabul Mujaahiddiin ee
gobolkaas Hiiraan ay soo saaraan awaamiir ku wajahan shacaka ku dhaqan
magaalda Beled weeyne.


Si kasta ha ahaatee awaamiirtan cusub ee ka soo baxay Maamulka xarakada shabaabul Mujaahiddiin ee Gobolkaas Hiiraan ayaa ahayd mid hore loogu soo rogay shacabka kale oo ku dhaqan meelaha ey xarakadau ka taliyaan iyagoo kuwa B/weyne shalay fuliyey fal gacan goyn ah oo noqoneysa tii ugu horreysay ee laga fuliyo magaalada B/weyn in muddo.

Xarkada Alshabaab oo soo bandhigay ciidamo dhowaan tababar loo soo gaba gebeeyey iyo Sh. Cali Dheere oo ka hadlay munaasabadii bandhiga(daawo sawirada)

$
0
0

xarakada shabaabu ayaa manta Xerada Maslax ee Duleedka magaalada Muqdisho waxa ay ku soo ban dhigeen bqolaal askeri oo ka tirsan ciidamooda oo dhawaan tababaro ku soo dhamaystay Xeryaha Ciidankaa ee gudaha Dalka Soomaaliya ey ku leeyihiin.

Af hayeenka Xarakada Shabaabul Mujahaadiin Shiikh Cali maxamuud Raage oo munaasibaddii Ciidankaa lagu soo ban dhigayay ka hadlay yaa ugu horeynba Alle u mahad celiyay isagoona sheegey xoogagan ku soo biiray in ay yihiin kuwo wax weyn ku soo kordhinaya dagaalada ka soconaya gudaha magaalada Muqdisho.

Af hayeenka ayaa sheegey waa siduu hadalka u yiriye in dhinacyadii ka soo hor jeedey oo isugu jira Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM inay Naafeeyeen si weyna ay jabiyeen mudadii ey dagaalka kula jiren.

Sheikh Cali Dheere ayaa Ciidamadan ku amray inay tagaaan Goobaha hore ee Dagaalka si ay uga qayb qaataan soo af meeridda dagaalka waa siduu hadalka u yiriye.

Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa uga war bixiyay Xoogaggii manta halkaa lagu soo bandhigay Khasaaraha iyo Jabka ay Gaarsiyeen Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM isagoona sheegey in hawshu haatan ay tahay mid iska geba geba ah dhwaana ay rajaynayaan inay so afjaraan dagaalka isla markaasna ey ridaan dowlada KMG ah.

Ciidamadii tababarka soo dhamaystay ayaa halkaa ku soo bandhigay Socod gaadda ka ciyaar ah iyo Cudooda iyagoona watay Hub uu ka mid yahay gaadiidka dagaalka.

Xarakada Shabaab ayaa maalmihii u danbeeyeyba waxa ay soo gelineysey gudaha magalada Muqdisho Ciidamo ay ka keentay Gobolada ay maamulaan iyadoo dhinaca kalena wax la iska weeydiinayo waxa ay soo kordhin karayaan Ciidamadan manta ay soo ban dhigeen xilli Dagaalkii Todobaadkiisii sedaxaad uu ka soconayo weli goobihii uu ka bilowdey.

Si kasta ha ahaatee ma aha markii u horeeyay oo ay xarakada Shabaabul mujaahiddiin ay sheegan inay so af jarayan ama soo gaba gabaynayaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM iyadoo weli dagaalku ka socda qeyba kamid ah magaalada Muqdisho.

Ra'iisal wasaare Sharma'arke; "Madaxweynaha ayaa diiday in la ansixiyo Dastuurka la diyaariyay"

$
0
0

Waxaa weli figta sare sii fananaya khilaafkii mudada soo jiitamayay balse hadda uun shaaca ka qaadmay ee u dhexeeyay Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisal wasaare Sharma'arke.

Ra'iisal wasaaraha oo oo u muuqda in uusan la dhacsaneyn sida uu wax u wado Madaxweynuhu ayaa Shariifka ku eedeeyay in uu dabada kaga taagan yahay hirgelinta iyo ansixinta Dastuurka la diyaariyay.

"Dastuurkan la qoray waxaa looga dan lahaa in looga gudbo magaca Ku Meel Gaarka ah ee mudooyinkii u dambeeyay loogu wanqalayay Dowladihii la soo dhisay, laakiin Madaxweynaha ayaa qorshahan ka soo horjeeda" Sidaas waxaa ku dooday Ra'iisal wasaare Sharma'arke oo ku dadaalaya in uu muujiyo barta sartu ka qurunsan tahay ee ay ku kala boodeen isaga iyo Madaxweynuhu.

Muranka iyo ismaandhaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa hadda u muuqda mid bannaanka yaal waxaana la filayaa in uu sii xumaado haddii Beesha Caalamku aysan kala canaanay labadan Mas'uul.

halgankanet@gmail.com  

Alshabaab oo maanta Muqdisho ku soo bandhigay Ciidamo hor leh oo ka qeybqaadanaya Xasuuqa Muqdisho

$
0
0

Xarakada Alshabaab ee dagaalka ummula dooxaha kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta cíidamo fara badan oo ay tababar u soo xireen Muqdisho ku soo bandhigay.

Shiikh Cali Dheere, Afhayeenka Alshabaab oo madal ka dhacday Suuqa Xoolaha Maleeshiyaadkan cusubna ay Alshabaabku ku soo bandhigayeen ka hadlay ayaa Ciidamadaas kula dardaarmay in ay Jihaadka si dhab ah u qaataan islamarkaana cagta mariyaan Cadawga Alle, cadawgaas oo uu ula jeeday AMISOM iyo Dowldda Soomaaliya.

"Dabkii holcay ayeey baasiin ku sii darayaan balse wax jihaad ah ama diin lagu difaacayo ma wadaan" Hadalkaas waxaanu ka soo xiganay mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee qaatiga ka taagan dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda deegaanadooda.

Isku soo wada duuboo waxay ciidamadan Alshabaabku qeyb ka noqon doonaan xasuuqa xisaabtu ka dambeyn doonto ee ay dhinacyada ku dagaalaya magaalada Muqdisho u geysanayaan Shacabka Masaakiinta ah¨.

halgankanet@gmail.com

Alshabaab oo maanta Muqdisho ku soo bandhigay Ciidamo hor leh oo ka qeybqaadanaya Xasuuqa Muqdisho

$
0
0

Xarakada Alshabaab ee dagaalka ummula dooxaha kula jirta dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa maanta cíidamo fara badan oo ay tababar u soo xireen Muqdisho ku soo bandhigay.

Shiikh Cali Dheere, Afhayeenka Alshabaab oo madal ka dhacday Suuqa Xoolaha Maleeshiyaadkan cusubna ay Alshabaabku ku soo bandhigayeen ka hadlay ayaa Ciidamadaas kula dardaarmay in ay Jihaadka si dhab ah u qaataan islamarkaana cagta mariyaan Cadawga Alle, cadawgaas oo uu ula jeeday AMISOM iyo Dowldda Soomaaliya.

"Dabkii holcay ayeey baasiin ku sii darayaan balse wax jihaad ah ama diin lagu difaacayo ma wadaan" Hadalkaas waxaanu ka soo xiganay mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee qaatiga ka taagan dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda deegaanadooda.

Isku soo wada duuboo waxay ciidamadan Alshabaabku qeyb ka noqon doonaan xasuuqa xisaabtu ka dambeyn doonto ee ay dhinacyada ku dagaalaya magaalada Muqdisho u geysanayaan Shacabka Masaakiinta ah¨.

halgankanet@gmail.com

Muqdisho oo la isku ciidan uruursanayo

$
0
0

Al-Shabaab, ayaa soo bandhigtay boqolaal ciidamo ah oo ay la sheegay in tababar u soo dhamaadaan, Amisom-na waxay sheego saldhigyo cusub ee ciidankeedu ka degan Muqdisho.

Al-Shabaab, ayaa soo bandhigtay
boqolaal ciidamo ah oo ay la sheegay in tababar u soo dhamaadaan,
Amisom-na waxay sheego saldhigyo cusub ee ciidankeedu ka degan Muqdisho.

Al-Shabaab, ayaa dhoolatuska ciidan ku soo
bandhigtay xaafadda Suuqa Xoolaha ee Muqdisho, iyagoo sheegay in
ciidamadan tababarka loo xiray laga kala keenay gobolada dalka, ayna ka
dagaal gali doonaan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, ciidamada AMISOM ee Midowga Africa
nabad ilaalinta u geeyay Soomaaliya, ayaa sheegay in ay fariisimo cusub
ka samaysteen goobo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ku yaalla xaafadaha
Dharkeenley, Hodan, Howl-wadaag, Shibis iyo meelo kale.

Waxaa soo baxayay warar sheegay in maalmihii ugu
dambeeyay ciidamo hor leh oo ka socda AMISOM, gaar ahaan dalka Uganda
ay soo gaarayeen Muqdisho iyaga iyo qalabkooda, hase yeeshee, afhayeenka
AMISOM ayaa ka gaabsaday ciidamo dheeraad ah in ay u yimaadeen iyo in
kale, isagoo BBC u cadeeyay in goobo cusub ay ka degeen Muqdisho.

Kordhinta ciidamada dhinacyada, ayaa ku soo
beegmaysa iyadoo ku dhowaad laba todobaad dagaalo xoog leh ay ka socdeen
Muqdisho, inkastoo maalmihii u dambeeyay ay qaboobeen, dagaaladaas oo
ay ku dhinteen in ka badan boqol qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen in
ka badan laba boqol oo qof.

Ciidamada AMISOM, oo ay la socdaan kuwa dowladda
ku meelgaarka ah iyo kuwa Ahlu-Sunnah Waljamaca oo dhinac ka soo
wadajeeda, ayay is horfadhiyaan xoogaga kacdoonka mucaaradka
Islaamiyiinta ee al-Shabaab iyo kuwa Xisbul-Islaam.


Maamulka Wajaale Oo Beeniyey In Ciidamada Ethiopia Gudaha Uso Galeen Magaaladda

$
0
0

Maamulka Wajaale oo ka hadlay dhaqdhaqaaq Sirdoon Itoobiyaan ahi ka sameeyeen degmadaas

“Maalin bay nagu yidhaahdeen (Sirdoonka Itoobiya) waanu shakisanahay oo qolo ayaanu….” Guddoomiyaha Wajaale….WARAYSI GAAR AH

Wajaale (Somaliland.Org) Maamulka degmada Wajaale, ayaa ka hadlay
dhaqdhaqaaq la sheegay in Sirdoonka Itoobiya ka sameeyeen degmadaas.

Warbaahinta maxaliga ah qaarkood, waxay faafiyeen in Sirdoonka
Itoobiya laba nin ka kaxaysteen Wajaale, ka dib markii ay u soo
talaabeen dhinaca Somaliland, isla markaana dalbadeen in loo baadho
hudheel kuwa Hurdada ah oo ku yaala degmadaas. “Arrintaasi waa mid aan
sal iyo raad toona lahayn, wax aanu ognahayna ma jirto, waananu ka la
yaabanahay, arrintaa caddaynteedana waxaanu ka doonaynaa kuwaa qoray iyo
kuwa Telefishanka ka soo daayay,” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha Wajaale
Mr. Xaashi Maxamed Cabdi oo uu xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay
arrintaas. “Arrintu sida ay u dhigeen maaha, laakiin waxa jira laba nin
oo ka soo jeeda degaankaa (Kilalka Shanaad) oo midkood daantan dhinaca
Somaliland ee Wajaale degenaan jiray, dabadeedna nin ay ilmaadeer yihiin
oo ay wada joogi jireen baa daanta dhinaca Itoobiya intuu u soo
joogsaday Telefoon ku soo hadlay oo ku yidhi halkaas baan joogaaye ii
kaalay, markuu u tegayna halkii baa laga qabtay. Laakiin, wax baa soo
talaabayda iyo waxan la sheegayaa waa been aanay waxba ka jirin,” ayuu
raaciyay. Wuxuuna beeniyay in Sirdoon Itoobiyaan ahi u soo talaabeen
dhinaca Somaliland.

Mar la waydiiyay waxa ka jira in Sirdoonka Itoobiya dalbadeen in la
baadho hotel nooca Hurdada ah oo lagu magacaabo Central oo ku yaala
Wajaale, waxa uu ku jawaabay; “Maalin bay nagu yidhaahdeen (Sirdoonka
Itoobiya) waanu shakisanahay oo qolo ayaanu ka shakisanahay inay
joogaan, dabadeedna waxaanu ku nidhi nagaaba eegaynay hadday wax jiraan,
balse meel ay iyagu yimaadeen ma jirto, waxayna ahayd baadhitaan aanu
anagu hudheelada ku baadhaynay.”

Waxa uu sheegay in aanay jirin huteel ay Itoobiyaanku si gaar ah uga u
tilmaameen, balse ay warka ku siiyeen in shaqsiyaad ay ka shakiyeen soo
galeen magaaladaas. “Eega oo hubsada uun bay nagu yidhaahdeen, wax ay u
soo talaabeen iyo wax laga qaaday midna ma jirto, markii aanu eegnay ee
aanu mulkiilaha waraysanayna, in aanay waxba jirin baanu u sheegnay,”
ayuu raaciyay guddoomiyaha Wajaale.

Ogaal

Magaalada muqdisho oo saakay deggan kadib dagaal iyo duqeymo xalay ka dhacay

$
0
0

Waxaa maanta dagan xaalada Magaalada Muqdisho  kadib dagaalo u dhaxeeyey Shabaabul Mujaahidiin
iyo ciidamada dowlada oo xalay ka dhacay dhinaca waqooyi.

Deegaanada ay dagaalo ka dhaceen een ee ay isku horfadhiyaan ciidamada
diriraya ayaa maanta xoogaa degenaansho laga dareemayaa, iyadoo mararka
qaarkoodna la maqlayo rasaas goos goos ah iyo Madaafiic leysku ridayo.

Dadka ku harsan Muqdisho oo dagaal u joog ah ayaa dhagta u taagaya halka
uu ku dambeeyo duulaankii ay ku baaqday xarakada Shabaabul Mujaahidiin,
iyadoo dagaaladii labada todobaad magaalada ka soconayey ay ku hoobteen
dad u badan shacab, walow dhinacyada dirirtu u dhexeyso ay ka mid
yihiin dadka dhimashada iyo dhaawaca ay ka soo gaarayaan dagaalada.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Islaamiyiinta ayaa dhaqdhaqaaq xoog leh ka
wada magaalada Muqdisho, iyadoo shalay boqolaal dagaalyahan ay
Al-Shabaab soo bandhigeen kuwaasoo ku biiraya dagaalada ka socda
Muqdisho, halka dhinaca kale ciidamada AMISOM ay saldhigyo cusub ka
sameysanayaan magaalada, iyadoo ciidan dheeraad ahna ay ku soo biireen
AMISOM.

Lama garanayo sida uu ku soo dhamaanayo dagaalka ka soconaya Muqdisho,
iyadoo marka laga reebo goobo leyska xiiro, ayan dagaaladu dhalinin
isbedelo la sheegi karo, waxaana xusid mudan in dadka shacabka ahna ku
le'enayaan magaaladuna ku dumeyso.

Xoogaga Sh. Atam oo weerar gaadmo ah ku qaaday tuulada Galgala ee duleedka Boosaaso

$
0
0

Wararka laga helayo Buuraleeyda Galgala ayaa sheegaya in weerar gaadma ah lagu qaaday ciidamada Puntland kaas oo la sheegay inuu dhaliyey qasaaro isu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Dagaaalka oo ey soo qaadeen xoogaga wadaadka buurgalkaa ee ka soo horjeeda hananka siyasadeed ee maamulkaasi, Sheekh Atam ayaa lagu tilmaamay khasaaraha uu geystay mid aan  badnayn iyadoo la sheegayo iney dib ugu noqdeen buuraha oo ey markii horeba ka soo weerar tageen.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in laba kamid ah ciidamadda Puntland uu dhintay mid kalena dhaawac soo gaaray iyadoo haatan lagu dabiibayo cisbitaalladda ku yaalla magaaladda Boosaaso.

Maleeshiyaadka Atam oo awalba meesha ku yimid dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayaa isla markiiba ka baxsaday goobta ayaga o dib ugu laabtay buuraha, waxaana ciidamo horleh oo ka tirsan maamulka Puntland ay iminka soo gaareen goobta wax ka dhaceen, ayaga oo madaxda maamulkaasi ay sheegeen in aysan jirin wax qasara ao so gaaray, isla markaana muujiyay sida ay uga go’antahay in ay la dagaalamaan wadaadka ka soo horjeeda ee lagu magacaabo Maxed Siciid Atam.

Atam iyo maamulka Puntland waxaa dhex maray dhoowr dagaal oo qasaaro ka dhashay ila aiminkana ma jiraan wax muujinaya so afmeerida dagaaladaasi, waloow ay maamulka Puntland ku guulaysteen in ay wax ka badalaan amaanka magaalada Ganacsigaa ee Bosaaso, oo iminka u muuqata mid xasiloon.

Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo la sheegay in lagu wareejiyey shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo..

$
0
0

Warar hoose oo laga helay xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku wareejiyey dekedda iyo Ayraboorka magaalada Muqdisho shirkad ajnabi ah.

Qorshahan lagu wareejiyey dekadda iyo Ayraboorka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay mid qabyo ah oo aan weli si rasmi ah loo dhameystirin, iyadoo shirkadda lagu wareejinayo wafdi ka socdayna ay dhawaan Muqdisho kulamo kula qaateen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shirkadda la sheegay in lagu wareejiyey dekedda iyo garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabaa SKA Air and Logistics, taas oo uu fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wararku waxay sheegayaan in ka or inta aan si rasmi ah loo dhameystirin qorshaha wareejinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu Madaxweynaha marka hore qorsheynayo in maamulka dekedda uu is bedel weyn ku sameeyo, isla markaasna uu xilka ka qaado maareeyaha dekedda, uuna u magacaabo maareeye kale oo la shaqeynaya shirkadda lagu wareejiyey maamulidda dekedda iyo garoonka diyaaraha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shirkadda SKA Air And Logistics ee lagu wareejiyey maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradahay ay qorsheynayso inay si rasmi ah ula wareegto 1-da sanadka cusub ee sanadka 2011-ka, waxaana la sheegay in shirkaddan ay ka shaqeyso dalalka ay dagaalada ka socdaan sida Ciraaq iyo Afganistan iyo dalka Soomaaliya oo hadda lagu wareejiyey.
Xigasho: Dayniile

Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah gadood sameeyey khalkhal na geliey dadkii isticmaalayey dhowr wado oo muhim ah

$
0
0

Ciidamo farabadan oo katirsan dowladda federaalka ayaa maanta gadood sameeyey iyagoo xiray dhowr wado oo muhim u  ah isu socod dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho. iyaga oo ka cabanayay Mushaar la’aan.

Ciidankani ayaa waxa ay kasoo carareen Villa Baydhabo halkaasi oo laga soo eryay kadib markii ay kasoo waayeen wax mushaaraad ah ayaa waxa ay kudhaqaaqeen dhibaateyn ay shacabka u geysanayaan, waxaana isbaaro ay ka dhiganayeen maanta wado waliba oo ay soo maraan.

Majirin cid kahor tagtay ciidamadani oo aad u fara badnaa, waxaana ay si cad u sheegayeen in ay mushaarkooda dowladda kasoo waayeen isla markaasina ay yihiin gadood, waxaana xilliga lagu jiro oo ah xilligii u diyaar garowga ciidda ay ku cabanayeen in aysan heysan wax ay reerahooda u geystaan.

Socodka ay kasoo bilaabeen Villa Baydhabo ayaa waxa ay kusoo gaareen wadada Makka Almukarrama, lamana oga ugu dambeyn halka ay kala aadeen iyadoo illaa iyo hadda aanan la ogeyn in dib loo qabtay ciidankaasi oo markale la xareeyay.

Xilliga cabashadani ay kasoo yeereyso Ciidamadani ayaa ah xilli uu ku heysto magaalada Muqdisho dagaaladii ugu xooganaa oo ay kula jiraan kooxda alshabaab iyo guud ahaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Ciidamada Dowladda ayaa arrimaha ku qasba in ay u wareegtaan dhanka kooxaha dowladda kasoo horjeeda ayaa lagu sifeeyay in ay kamid tahay mushaar la’aantani oo kale, waxaana la arkaa in hubkooda ay ka iibsadaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda maadaama aysan heynin wax kale oo ay sameeyaan.

Ciidamada dowladda oo sheegtay iney qabteen hub iyo walxaha qaraxa kadib howl galo ey sameeyeen

$
0
0

Gudoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow  (Daaci) ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Sader ruux iyo gaari uu sheegay inay saarnaayeen hub iyo Bambaanooyin kala duwan.


Axmed daaci waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ee degmada ay ragaas iyo gaariga ay wateen ay gacanta ku dhigeen, islamarkaana haatan ay ku jiraan xabsiga degmada waxaana uu intaa ku daray in ay ku socdaan baaritaano kala duwan.


Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in hubka ay qabteen ay ka mid ahaayeen Bambaanooyin Qoryaha fud fudud iyo Rasaas kala duwan, isagoo sheegay in maamulka uu haatan ku howlan yahay sidii loo ogaan lahaa halka hubka loo waday.


Si kastaba ha’aahaatee Degmada Wadajir ayaa ka mid ah goobaha inta badan ciidamada dowlada KMG ah ay ka sameeyaan howlgalada kala duwan waxaana lagu tilmaamaa degmada ugu amaanka roon deegaanada ay maamusho dowlada KMG ah.

Madaxweynaha oo eryey Taliyihii ciidamada XDS kadib markii ..

$
0
0

Taliyihii Ciidamada Milateriga Dowladda KMG Gen. Maxamed Geelle Kaahiye ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib markii mudooyinkii u dambeeyay jireen khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha.

Gen. Kaahiye oo bishii December ee sanadkii hore loo magacaabay xilkaas ayaa la sheegay in xil ka qaadistiisa qeyb ka tahay qorshe Madaxweyne Shariif is badal ballaaran ugu sameynayo Talisyada Ciidamada.

Warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu damacsan yahay in xilkaas u magacaabo Col. Axmed Cumar Jees oo ah nin khabiir ku ah howlaha Milateriga, isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Xil ka qaadista Gen. Kaahiye ayaa soo shaac baxday saacado ka hor, iyadoo wakaaladaha wararka ay qoreen, inkastoo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid uu sheegay in aanu isaga war ka heyn xil ka qaadistaas, hase ahaatee ay tahay in Golaha Wasiirada soo jeedinta leeyihiin hadii xil la magacaabayo iyo hadii kaleba.

Sidoo kale xil ka qaadista Taliyahan ayaa waxaa sii raaci doono mid iyana lagu sameyn doono Taliyaha Booliska Gen. Cali Madoobe oo la sheegayo in xilkaas uu ku weyn doono saami qeybsiga 4.5 oo ay ku dhisan tahay Dowladda KMG.

Gen. Kaahiye ayaa ka mid ahaa saraakiishii hore ee Ciidamada Xooga dalka, iyadoo wixii ka dambeeyay bur burkii Dowladdi Siyaad Bare uu ku sugnaa dalka Mareykanka.


Xarkada Alshabaab oo caawa dhowr jaho weerar uga qaaday ciidamada Dowladda iyo AMISOM iyo guulo ey sheegteen

$
0
0

Dagaal qaraar ayaa caawa gabaldhicii ciidamada ALshabaab waxey kaga soo qaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM dhowr jaho oo kala duwan iyadoo weli dagalku socdo.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka qarxay Degmooyinka Boondheere C/casiis iyo Howlwadaag kuwaasi oo u dhaxeeyay Kooxda Al-Shabab iyo Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya AMISOM .

Dagaal ayaa ahaa mid aad u culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka Nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda Taangiga iyo BM-ka waxaana lagu waramayaa in Ciidamada al shabaab ay horay ugu siqeen fariisimo ay leeyihiin Ciidamada dowlada KMG ah.

Weerarka xoogiisa waxa uu ka dhacay Boondheere Cabdi Casiis iyo wadada Maka al mukarama, kaas oo laga dareemay magaalada Muqdisho oo dhan madaafiicda ayaa ku dhacaysay goobo ka fog halka labada dhinac ay ku dagaalamayeen.

Idaacada ku hadasha Codka Al-shabab ayaa cawa baahisay in ay qabsadeen Dhufeyso badan ay AMISOM ka sameesteen Degmada Boondheere iyo Hotelki hore ee Juba balse isla caawa waxaa beeniyay Radio Muqdisho oo ku hadla afka Dowladda .

Si kastaba ha’ahaatee dagaalka ayaan dhab ahaan la ogeyn khassaaraha uu geystay iyadoo ey tahay xilli mugdi ah  in kasta oo haatan wili laga maqlaya Degmooyinkaasi daryanka Madaaficda .

Ra'iisal wasaare Sharma'arke "Aniga iyo Madaxweynaha Khilaaf Shaqsiyadeed nagama dhexeeyo ee waxaan isku heysnaa waa Dastuurka la qoray"

$
0
0

Ra'iisal wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke oo haatan magaalada Nayroobi ku sugan ayaa ka hadlaya khilaafka u dhexeeya isaga Madaxweynaha Soomaaliya meesha uu ka dhashay iyo waxa sababay.

Sharma'arke oo u xog-waramayay idaacada BBC laanteeda afka Soomaaliga ku hadasha ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweyne Shariif iyo isaga shaqsiyan uusan ka dhexeyn wax khilaaf shaqsiyadeed ah balse ay ku kala boodeen dastuurka cusub ee dhowaan loo diyaariyay Dalka Soomaaliya.

"Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in Dastuurkii Lixdanka dalka lagu dabaqo anna waxaan qabaa in dastuurkaas uusan hadda dalka ka shaqeyn karin islamarkaana la socon karin xaaladaha jira" Sidaas waxaa khilaafka isaga iyo Madaxweynaha u dhexeeya ku macneeyay Ra'iisal wasaare Sharma'arke.

Ra'iisal wasaaraha ayaa hadda ku sugan Nayroobi wuxuuna halkaas kulamo kula qaatay kuwa kalena kula qaadan doonaa mas'uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya dantu noocii ay doontaba ha ahaatee arrimaha Soomaaliya.

Khilaaf soo noqnoqda, isqabqabsi ku saleysan maal adduun iyo nin tooxsi waxaa caan ku ahaa mas'uuliyiintii dalka soo martay sanadihii ugu dambeeyay, waxaana tusaale noogu filan, Dowaldii Cali Mahdi, Dowladii Cabdiqaasim tii ka dambeeysay ee Cabdullaahi Yuusuf iyo tan hadda jirta ee khilaafka iyo dagaalada la kowsatay.

halgankanet@gmail.com 

Warbixin ku saabsan duqeyn xalay magaalada Muqdisho ka dhacday oo qasaara ba'an u geystatay Shacab Carruur yar yar u bad

$
0
0

Waxaa weli iska soo daba dhacaya warar ku saabsan qasaaraha ka dhashay Duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee ilaa iyo waaberigii saakay sii socotay.

Inta la hubo waxaa duqeyntaas xalay ku dhaawacantay Sadex iyo Toban Qofood (13) oo lix ka mid ahi ay Carruur hal qoys ka soo wada jeeda yihiin, carruurtaas oo xiligii ay dhaawacmayeen ku sugnaa gurigooda.

Cali Muuse, Madaxa Gaadiid Gurmadka degdega ah oo ka hadlay qasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka soo daabuleen agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel islamarkaana geeyeen goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Duqeyntan ayaa waxaa geystay sida la tuhunsan yahay Ciidamada Amisom Alshabaabku sabab haba u ahaadeen bilowshaha dagaalkee.

Dhanka kale waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalo iyo weeraro u dhexeeyay Ciidamada Amisom iyo Alshabaab waloow aysan weli labadan dhinac ka hadlay dagaaladii dhexmaray iyo sida ay wax u kala gaareen.

halgankanet@gmail.com 

Guurtida iyo Wakiilada oo wakhtiga loo kordhiyay

$
0
0

Golaha guurtida ee Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah muddo kordhin ugu sameeyay golayaasha wakiilada iyo guurtida. Xisbiyada mucaaradka ayaa cambaareeyay muddo kordhinta.

Fadhiga maanta ee golaha guurtida waxaa fadhiyay 68 mudane 82ka mudane ee uu ka koobanyahay golaha guurtida somaliland.

Cod qaadis gacan taag ahayd ayaa 65 mudane waxay isku raaceen in golaha wakiilada ee

Somaliland loo kordhiyo laba sano iyo siddeed
bilood oo ka bilaabaneysa mudada dhammaadka xilkooda oo ku eg 29ka
Oktoober 2010, sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha
guurtdu ahna ku simaha gudoomiyaha Sh. Axmed Sh. Nuux Furre .

Waxaa kaloo isla codqaadistaasi aqlabiyadda ah
golaha guurtidu ku go'aamiyay in golaha guurtidana loo kordhiyo saddex
sano iyo siddeed bilood oo ka bilaabaneysa mudada dhammaadka xil
kordhintoodii hore oo iyana ku eg sida ku simuhu caddeeyay dabayaaqada
bisha oktoober ee 2010 .

Golaha guurtida Somaliland waxay kaloo
codeyntaasi ku go'aamiyeen in doorashada golayaasha deegaanada ee
magaalooyinka oo hore waqtigoodii u dhammaaday in doorashadoodu ku
qabsoonto hal sano iyo lix bilood gudahooda laga bilaabo maanta 7da
September 2010 ee codqaadistu dhacday .

Codqaadistan muddo kordhinta golayaasha dawladda
somaliland laba mudane oo keli ah ayaa diiday 68ka mudane ee fadhiyay
fadhiga golaha guurtida ee maanta .

Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay qoraal uu
usoo qoray golaha guurtida ugu soo jeediyay inay muddo kordhin u
sameeyaan golayaasha wakiilada iyo guurtida maadaama aan doorasho
qabsoomeyn waqtigoodiina dhammaad ku dhowyahay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay
muddo kordhintan tallaabo ka hor imaneysa dimuqraadiyadda oo golayaasha
iyo xukuumaddu muddo dheer kordhiyeen.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID feysal Cali waraabe
ayaa wuxuu kaloo sheegay inaanay Maslaxadda Somaliland ku jirin waqtigan
dheer ee golayaashu isu kordhiyeen ayuu yiri.

Ku simaha gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee
UDUB Axmed Yuusuf yaasiin ayaa isaguna sheegay in saddexda xisbi ee UDUB
, Kulmiye Iyo UCID iyo guddiga doorashooyinka laga sugaayay talooyin
15ka bishan September oo la xiriira muddo kordhinta golayaasha , hase
yeeshee ayuu yidhi muddo kordhintan maanta la sameeyay Ay tahay mid aan
macquul ahayn oo lagaga hordhacay wada tashigii socday.

Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu ku eedeeyay
Madaxweyne Axmed Siilaanyo inuuGawracay - waa siduu hadalka u dhagyee-
taladii ay ahayd in dib la isugu soo noqdo.

 

Ciidmada dowlada ee X-Control Afgooye oo baaritaan ka wada

$
0
0

Ciidamada dawladda ee  ku sugan kontoroolkii hore ee Afgooye ayaa waxa ay saaka halkaa ka bilaabeen hawl galo ay ku baarayaan gaadiidka u gudbaya dhinaca suuqa bakaaraha.


Askarta ayaa joojinayay gaadiidka b.l.ka ah iyo kan sida gaarka ah loo wato iyadoona la baarayay.
Hawl galkan intii uu soconayay ma jirin wax ay ku soo qabteen Ciidamada Dawladda keliyana ay howshoodu ahayd mid ay ugu kuur galayeen gaadiidka halkaa isaga gudbaya.


Dadka rakaabka ah ee la socda gaadiidka b.l.ka ah ayaa dhibsanayay baaritaanada ay halkaa ka sameynayeen Ciidamada Dawladda in kastoo dadka rayidka ah ee la socda gaadiidkaas aan wax dhibaato ah uga imaan dhinaca ciidamadii baaaritaanka Samaynayay.


Baaritaanka ay maanta ka bilaabeen Ciidamada dawaladda wadada warshadaha ayaa nqonaya kii u horreeyey ee halkaa laga bilaabo tan iyo markii ay xiran tay wadadii maka al mukarama oo inta badan lagu arki jirey maalin walba ciidamo kuwo dawladda ah oo halkaa baaritaano ka wada.


Si kasta ha ahaatee baaritaanadan ayaa inta badan noqda kuwo soo noq noqda isla markaana lagu baarayo gaadiidka isaga goosha gudaha magaalada Muqdisho.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>