Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Buurmadow oo Xarig Sannad ah lagu Xukummay

0
0

Maxkamadda Hargeysa ayaa Boqor cismaan Aw-Max'uud (Buur-Madow) ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah kaddib markii lagu helay danbi ah inuu aflagaado u geystay madaxda sare ee Somaliland.

Qareenka Boqor-Buurmadow ayaa xukunka lagu riday Buur-Madow ku tilmaamay mid cadaaladda ka fog.

Boqor Cismaan ayaa in muddo ah ku xidhnaa xabsiga magaalada Hargeysa.


Madasha: Xuquuqaha Dadka la Hayb-sooco

0
0

Barnaamijka Madasha ee toddobaadkani waxa uu ka hadlayaa xuquuqaha dastuurka Somalia ee la xiriira dadka laga tirada badan yahay.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Muqdisho oo Waddooyin Gaar ah la Xirayo

0
0

Guddiga Aminga Qaranka ayaa go'aamiyey in waddooyinka Muqdisho qaarkood la xiro, inta ansixinta dastuurku ay socoto.

Warbixin arrintaas ka hadlaysa hoosta ka dhageyso

Maansada: Shurugdiid:By Bashir M. Hersi

0
0

Waa maanso kooban, oo ka faallonaysa xaaladda wadanku marayo, jalleeco sooyaalna aan ka marnayn, male iyo mutuhis ka dheer, waa xog iyo xaajo warran, tagtada tilmaamaysa, timaadadana ka digaysa, si aan loo marin hilin hore loogu hungoobay, kama marna hubsiimo, “Sahaydaadu waa dib, safarkaaguna waa hore” sidaa awgeed, waa ma hurto in qof walba intii awooddiisa ka hadlo, kana gaysto ayaaha umadda, ugu dambayn, aan idiin kala boxo idinka iyo maansada:



Maansada: Shurugdiid





1.      Shiinleeyda maan curin

2.      Suugaan ma kala shubin

3.      Murtidii ma shaahidin

4.      Shiribka iyo Guuroow

5.      Geeraar ma shaandhayn

6.      Shib waxaan iraahdo

7.      Shaama reer ahaado

8.      Inaan shiro gar weeyee

9.      Shaafiya dadweynaha

10.     Shishe iyo dul uga digo

11.     Waydiimo shaaciyo

12.     Shaacirkana su’aal faro

13.     Shanta magaca guudiyo

14.     Shacabkeena Soomaal

15.     Isku soo shamuumoo

16.     Bal shifaysta erayada

17.     Maansadan Shardiidkaa.



18.     Ninka sharraxanoow, joog

19.     Shabshablaha socdoow, joog

20.     Sheekh Camaamadlow, joog

21.     Oday Shaarubloow, joog

22.     Shayb madax cadoow, joog

23.     Shaqaaqada wadow, joog

24.     Shibbanaha xarafaha iyo

25.     Shaqallada dhigoow, joog

26.     Shafka ha u garaacine

27.     Shurug yuu ku raacine

28.     How Shareera tumanine

29.     Shirbaa Laashinoow, joog

30.     Shiinleey tirshoow joog

31.     Shiidaal sanoow, joog.



32.     Ha shigshigin hadhoow, joog

33.     Shoog yuu ku helin, joog

34.     Shaxdu waa qabyee, joog

35.     Wali lama shaqshaqine, joog

36.     Dabbaa wali shidane, joog

37.     Sheekaa dhimmane, joog

38.     Shawr baa harsane, joog

39.     Shirarbaa socdee, joog.



40.     Waxaan sheekada u xiray

41.     Uga sheelay qodobbada

42.     Shacab daallan baa jira

43.     Shukaansiyo xodxodashiyo

44.     Shufto iyo dullaal iyo

45.     Sheex laawe beentiyo

46.     Sharta kala hagaayoo

47.     Isku shubo awoodaha

48.     Kala sheela cududdoo

49.     Shisheeyaha kalkaaloo

50.     Shifo aanan keenayn

51.     Sheekadooda doonayn.



52.     Ma sheexoow adeer joog

53.     Ha shigshigin hadhoow, joog

54.     Shoog yuu ku helin, joog

55.     Shaxdu waa qabyee, joog

56.     Wali lama shaqshaqine, joog

57.     Dabbaa wali shidane, joog

58.     Sheekaa dhimmane, joog

59.     Shawr baa harsane, joog

60.     Shirarbaa socdee, joog.



61.     Sharcigiyo Dastuurkii

62.     Waa layska sheed maray

63.     Ninba sheekaduu rabo

64.     Ayuu shaar u geliyoo

65.     Ku shaaximay awooddiis

66.     Danihii shaqsiyadeed

67.     Shilimaad ku dhiibaa!



68.     Shalay kii la doortiyo

69.     Kii ka sii shisheeyiyo

70.     Midka sheedda joogaba

71.     Shansho qaawan mooyee

72.     Arag shibiqa mooyee

73.     Feker sheelan mooyee

74.     Garaad shuusha mooye

75.     Oogo Shalala mooyee

76.     Xoolo shabiya mooyee

77.     Sahan shabaqa mooyee

78.     Shamaag jeexan mooyee

79.     Shawr kale ma haayaan!



80.     Shiraystaha dadkoow, joog

81.     Shacab laayahoow, joog

82.     Ha shigshigin hadhoow, joog

83.     Shoog yuu ku helin, joog

84.     Shaxdu waa qabyee, joog

85.     Wali lama shaqshaqine, joog

86.     Dabbaa wali shidane, joog

87.     Sheekaa dhimmane, joog

88.     Shawr baa harsane, joog

89.     Shirarbaa socdee, joog.



90.     Iyadoo shakaalnayd

91.     Shanshadu jabnaydoo

92.     Lafaheedii shiilmeen

93.     Shax kalaa dig soo tiri

94.     Federal shirqool iyo

95.     Shacabkoo la oodoo

96.     Shabag lagu wareejiyo

97.     Shanta shalay ahayniyo

98.     Magaceenii sheegnaa

99.     Sharafta iyo qarankii

100.    Xidigtii shidnaydiyo

101.    Shaacii la damiyoo

102.    Shar la ooday baa yimid.



103.    Labadii shucayskiyo

104.    Isku raacday sharad li’i

105.    Shallaytay ka joogaan

106.    Shaki baa ku kala dhacay

107.    Shisheeyaa la kala faqay

108.    Shicibkiina kala guur

109.    Sullay kala shareerteen

110.    Midba gaar u shaxayaa

111.    Kan kalana ka shirayaa

112.    Isku sheeko maahoo

113.    Midba shaashad gaaruu

114.    Shaahidaa allaylkii.



115.    Toban shaarlahoow ,joog

116.    Ha shigshigin hadhoow, joog

117.    Shoog yuu ku helin, joog

118.    Shaxdu waa qabyee, joog

119.    Wali lama shaqshaqine, joog

120.    Dabbaa wali shidane, joog

121.    Sheekaa dhimmane, joog

122.    Shawr baa harsane, joog

123.    Shirarbaa socdee, joog.



124.    Roadmap nin sheegiyo

125.    Nin shaahiday xogteedoo

126.    Macnaheeda shaaciya

127.    Sharraxaa ma joogaa?



128.    Ma shirbaa? Ma shabaqbaa?

129.    Ma sheekaa? Ma shuhubaa?

130.    Ma xeer sharafta dhawroo

131.    Dawladnimo shafeecaa?

132.    Mise shaafto weeyoo

133.    Waa dabin la sheeliyo

134.    Shaxihii Maxmiyaddiyo

135.    Sheerkii gumaysigee

136.    Shalay aynu diidnay?



137.    Sharqi iyo qarboow joog

138.    Ha shigshigin hadhoow, joog

139.    Shoog yuu ku helin, joog

140.    Shaxdu waa qabyee, joog

141.    Wali lama shaqshaqine, joog

142.    Dabbaa wali shidane, joog

143.    Sheekaa dhimmane, joog

144.    Shawr baa harsane, joog

145.    Shirarbaa socdee, joog.



146.    Yaa Shacabka hagi kara

147.    Sharafna noo samayn kara?!



148.    Yaa Sharciga dabbaqi kara

149.    Dastuurkana shifayn kara?!



150.    Yaa Shareeco fari kara

151.    Shuhubkana dawayn kara?!



152.    Yaa shalay bogsiin kara

153.    Sharta yaa ka digi kara?!



154.    Yaa Shaqaale qori kara

155.    shirkadana hawadin kara

156.    Oo shaxaadka goyn kara?!





157.    Shaqalkeed nin badiyiyo

158.    Shiinkeed mid mariyoo

159.    Shiribka iyo maansada

160.    Shaacirkii yaqaanoow

161.    Sharraxoo bal noo sheeg

162.    Halka shacabkan loo wado?!



Dhammaad.



Bashiir M. Hersi

bdiraac@hotmail.com

Madaxweynaha Masar iyo Milateriga

0
0

Madaxweynaha cusub ee dhowaan la doortay dalka Masar ayaa isugu yeeray xubanaha baarlamaanka oo maxkamadda sare hore u kala dirtay

Bariise: Dilalka wariyaasha wax baan ka qaban doonaa

0
0

Cornel Cabdulaahi Xasan Bariiseoo ah afhayeenka ciidamadda booliska isla markaana ah Taliyaha ka hortagista dambiyadda culculus ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan kooxaha caadeystay inay dhibaateeyaan  wariyaasha.
Bariise ayaa hoosta ka xariiqay in kooxaha dhibaatada ku haya  ay yihiin kuwo la qalday isla markaana aaminsan fikarado shisheeye.
“waan ka hortgi doonaa falalka lagu dhibaateynayo bahda saxaafadda  ee u adeegaysa ummadda Soomaaliyeed”ayuu sheegay Bariise.
Cornel  Bariise ayaa dhan kale waxaa  uu sheegay inay wadaan qorshiyaal ay ku doonayaan inay kaga hortagaan falal ammaan daro oo lagu dhibaateeyo  ummada Soomaaliyeed.
Dhawaan degmada Wadajir  ee Magaaladda Muqdisho waxaa  lagu dhaawacay  wariye Cabduqaadir Kuwaral  oo ka mid ah Shaqaalaha Tv-ga Universal.

Militariga Soomaaliya oo shaaciyay in Xoogaga Shabaab laga sifeeyay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye

0
0

image: 

Militariga Soomaaliya ayaa wuxuu shaaciyay in Xoogaga Shabaab laga sifeeyay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha ayaa waxay xaqiijiyeen in muddooyinkii ugu dambeysay ay hawl-galo ballaaran ka sameeyeen inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, isla-markaana ay ka sifeeyeen raggii Shabaab ka tirsanaa ee horey u dhoobnaa.
Taliyaha Gaaska Labaad ee Ciidamadda Militariga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya General C/Laahi Cusmaan Cagey, oo shir jaraa’id u qabtay Saxaafadda, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay ammaan tahay wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaab ay kolkii hore dadka dhibaato ugu geysan jireyn sida uu yiri inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, balse wuxuu xilligaan uu xusay inay ammaan tahay.
Shacabka ayaa wuxuu ugu baaqay inay dib ugu soo laaban karayaan guryahooda, maadaama uu sheegay inay ka sifeeyeen Al Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay dhibaato culus ku hayeen shacabka ku dhaqan goobahaasi.
Iskusoo wada-duuboo General Cagey ayaa wuxuu ku goodiyay inay weeraro culus ku yihiin Deegaanada ka baxsan Degmada Afgooye, ee ay ku sugan yihiin Xoogaga Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay nabadda ka soo horjeedaan.

Fannaan Aweys Khamiis Oo Sheekh Isku Badalay [Warbixin]

0
0
image: 

Aweys Khamiis Cabdalla Mabuuto oo ka mid ahaa fanaanintii ugu caansanaa heesaha banaadiriga dalka Soomaaliya,  ayaa sheegay in uu joojiyay gabi ahaan heesaha, kaddib markii uu sheegay in uu ka soo laabtay dhabo qaldan oo ku socday, markii uu ahaa fannaanka.
Aweys Khamiis oo hadda ku nool magaalada London ee dalka UK, ayaa waxa wareysi la yeeshay mid ka mid ah TV-yada Af-Soomaaliga ku hadla, waxana uu sheegay in uu ka qooma-meenayo waqtigii dheeraa ee uu ku jiray fanka.
” Maanta waxa aan jeclahay in la iigu yeero Sheekh Aweys, maxaa yeelay waxa an ku taaganahay wadadii saxda ahayd, oo aan ku dhawaan lahaa illaah” ayuu yiri Sheekh Aweys.
Waa uu sii hadlay waxana uu yiri ” Waxa halkan i keenay kooxda Shareero, dhowrsano ayaan joogaa haddii aan ku dhaho ka waran lacag meel kama dhigan, oo waxa aan heli jirnay hal habeen dhowr kun oo dollar, xabad lagama hayo, laakin Al-Xamdu Lilaah, hadda waxa ii qorsheesan in aan aado dalka Sucuudiga, halkaasoo aan ku soo cimreesan doono dadbadeedna aan ku xajin doono” ayuu yiri markale.
Waxa uu diiday in heesaha uu lee yahay ama uu qaado in aan la dhageesan, magaciisana lagu xusin toona, isagoo sheegay in uu hadda wado qorshayaal uu ku doonayo in uu ku baab’iyo heesihiisa uu caanka ku ahaa’ sida uu hadalka u dhigay.
Aweys ayaa waxa ugu baaqay fannaaninta soo koreysa ee fanka ku cusub iyo kuwa jira in ay joojiyaan heesaha oo ay Alle u tooba keenan, si looga cafiyo ayuu yiri dambiga ay galeyn.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu diiday in uu nashiidooyin ilmihiisa ay ka codsadeen in uu qaado, laakin uu sheegay maadama ay ahayd mid qu’aanka lagu faaninaayo sidaas ayaan ku qaaaday” ayuu yiri
“Nashiidooyinka waxa ku jira kuwa aad illaah iyo nabi Muxamad la isugu simaayo waana dambi weyn ”
Aweys ayaa waxa uu ku caan ahaa heesaha banaadiriga, waxana laga sii deyn jiray Idaacaddaha iyo Studiyaha ku yaala Soomaaliya iyo meelaha kale ee Soomaalida ku nooshay.
Waxa uu ku noolaa dalka isku tagga imaaraadka carabta, laakin waxa uu u soo wareegay magaalada London, waxana markii uu la hadlaayay TV-ga uu watay khamiis iyo camaamad, Garweyna waa uu lahaa, dhowr qof oo hablo iyo rag ayaa horey sidiisii kale sameeyay, waxana ka mid ahaa Qadro Daahir Cige oo ka mid ahaaa fannaaninta waaweyn ee hablaha Soomaaliya.
Xigasho RBC Radio


Cali dheere: Shirkii Roma waa mid lagu simay Muslim iyo Gaal

0
0

Afhayeenka  Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa ka hadlay shirkii dhawaan ku soo idlaaday Magaaladda Roma ee wadanka Taliyaaniga.
Cali Dheere ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qayb galeen wadamo si aad ah ugu ololeynaya in la simo muslimiinta iyo gaaladda.
“Waa shir lagu gaalaysiinayo ummadda Soomaaliyeed waana la isku bahaystay” ayuu yiri Afhayeenka Shabaab.
Cali Dheere aya sheegay in sababaha ay u dagaalamayaan ay tahay in Dalka ay ku xukuumaan Shareecadda Islaamka.
“Dagaalka aan dalka ugu saareynayo  gaaladda waa uu soconayaa marnaba ma hakan doono” ayuu markale sheegay Cali Dheere.
Al-Shabaab ayaa  ka soo horjeeda shirarka lagu qabanayo dalka dibadiisa , waxaana dalka ay ka wadaan dagaal ay ugu soo horjeedaan Dowladda iyo AMISOM.

Midnimada Soomaaliya, xiliga kala guurka iyo Hadafka Faroole

0
0

image: 

52 sanno ka hor,1dii Luulyo, 1960-kii Dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa niyad jab waxaa ka qaaday Gumeystiyaashii laga xuroobay iyo Boqorkii Imbaraadooraydii Dhulgoosatada Itoobiya, Haile Selassie oo markii xaqiiq dhab ah ay noqotay in dunida guudkeeda iyo xaruntii Ummadaha Midowbayba laga dhex arko dowlad Soomaaliyeed lehna madaxbannani siyaasadeed oo ku timid Midowga ay sameysteen shacbiga Ex British Somaliland Protectorate iyo Ex maxmiyaddii Talyaaniga ee Maamulkii AFIS ee Koofurta Soomaliya. Emperor Haile Selassie, waxaa u qoorsheysnayd, meel kastana u maray inaysan dhaboobin madaxbannaani iyo midnimo Soomaaliyeed iyo gaar ahaan, dib u midoobid kale oo ku yimaada mustaqbalka Soomaalida kale ee maqan. Wuxuu wax badan u halgamay, xooggana saaraayay labadaas gobol ee xoroobay in la hoos keeno awoodaha boqortooyadiisa.
Emperor Haile Selassie, kuma ekaan inuu ka xumaado kaliya Madaxbannaanida iyo israaca Muqdisho iyo Hargeysa, bal wuxuu quwadihii adduunka ee ka dhaxeeyay dagaalkii qaboobaa weydiistay taageero Milateri iyo mid siyaasadeedba, si uu uga gaashaanto halista ugu imaan karta Jamhuuriyadda curdanka ah, wuxuuna ka dalbaday inay caqabad ku noqdan jiritaanka Soomaaliya. Emperor Haile Salaassie, wuxuu ku doodi jiray, ” Waxay yihiin (Soomaalidu) dad reer guuraa’ ah oo aan u qalmin inay noqdaan dowlad gaar ah oo leh dal ka madaxabannaan imbaraaddooriyaddeyda, iska daayee, in la wada xaqiijiyo isku tag iyo mustaqbalka jiritaanka hadafka ah waxa loo yaqaan Somaliweyn”.
Dowladnimada Soomaaliya in la fashiliyo waxaa weligeed ahaan jirtay wax soo jireen ah, dowladdaha deriska iyo kuwii dalkeenna soo gumeystayba, waxay adeegsan jireen si toos ah iyo si dad ban, siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caan ah, waqtiyo ku beegan xiliyadiii xurnimo doonka iyo waayihii maamulkii Xukuumaddii dhaakhliyada. Asqaastaas siyaasiyiinta ah, waxay ku guuleysteen hadafkii SYL, wixii ka dambeeyay sannadkii 1956dii oo ka weeciyaan maaba’diidii halganka, taasi beddelkeedana waxay keeneen in ay ku fashiliyaan qiyaamiyin ku saleysan qaabab qaawan ee qabyaalad caddaan ah.
Sannad ka hor waqtigii xuriyadda, waxay arrintaas daraateed ay u abuureen urur loo yaqiin “Great” foodaawi ah, faashilna ah. waxaa ku mideysnaayeen dad kulmiyay qiiro iyo dareen qabiil iyo xubno dhallinyaro ah oo aan lahayn xadaarad, aqoon iyo meheradba, wada reer miyi badawiin u badan.
Waxaa badankood laga soo uruuriyay miyiga gobolkii “Ex regione Migiurtinia” iyo qeybo ka mid ah gobolka Mudug, kuwaasoo si xiriir ah mudaahaaraadyo iyo rabshado dhiig wata ka sameyn jireen magaalada Xamar gudaheeda. Ujeeddada ugu weyn waxay ahayd in laga hortago 1960ka dowaladda dhalan doonta jagooyinkeeda ugu sarreeya sida Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare aan iyagu ka mid ahayn, xitaa haddii Gobalada Waqooyiga ee Somalia ka mid noqoto Jamhuuriyadda xorta ah ee abuurmaysa 1da Luulyo,1960.
Hadafkii qabaliga ahaa, kuna saleysnaa inqilaabkii fashilmay ee Cirro 1978 iyo soo if-bixii jabhadii SSDF, laguna aasaasay Addis Ababa, markii dambana ku dambeeyay taariikh guuldarro ah iyo maleeshiyaadkoodii dhafoorqiiqa loo yaqiin aaqarkii iyaga aan waxba tarayn loo adeegsado burburintii Hargeysa iyo Xamar ayaa waxay astaamo iyo xaqiiqooyin dhab ah u yihiin inaan Soomaaliya horumar, midnimo iyo madaxbannanideeda dowladeed la xaqiijin karin ilaa hoggoonka Siyaasadeed ayan hor boodeyn dad sinjigooda ka soo jeeda.
Sidoo kale, waxaa afkaartaas gaboobay, guunkana ah, sannadkii 1997 wuxuu Meles Zenawi ugu xeeriyay asaaskii maamul beeleedka la baxay Puntland oo dhismahiisa iyo barnaamijkiisaba loo maraayo inaan Soomaaliya ka dhalan dowlad xoog leh, dadkeedana ku mideysan yahay. Taas baddelkeedna laga hirgeliyo hannaan federalism ah, dowladda dhexana tahay mid si aad ah u tabardarran, midda qaybqaybsanaanta ahna ee maamul beeleedyada deegaanada noqdaan kuwo aan lahayn jaho maamul ee la raaci karo.
Ninka la yiraahdo Abdirahman Faroole, ayaa si daacad ah u ah adeegaha la isticmaalo oo aan xishoodka lahayn ee la raba in Soomaaliya lagu burburiyo. Wuxuu hoggaanka u qabtay koox loo tarbiyeeyay in la wiiqo sumcadda Soomaaliya ku dhex lahaan karto beesha caalamka iyo in laga soo kabto aafaddii dowlad la’aanta iyo colaadihii jiray. Waxay hortaagan yihiin nabad iyo midnimo ka aslaaxdaa dalka. Waxay qas ku haayaan hadafyada dib u hehiisiinta Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan, wada hadalada u furmay TFG iyo Somaliland. Faroole oo aan la gamban damacyada qabaliga ah, wuxuu yiri, “anaga haddaan nahay reer Puntland, waxaan nahay miisaanka Soomaaliya, wada hadalka Koofur iyo Waqooyinna haddii aan anaga xubno ku lahayn wax ka soconaaya ma jiraan”. Wuxuu si caddaan ah uga hor yimid wada hadalkii Dubai ku yeesheen Shariif Sh Ahmed iyo Ahmed Siilaanyo oo labada dhinac kala matalaaya. Wuxuu inkiray inay midnimo Soomaaliyeed soo noqon karto.
Ujeeddooyinka Abdirahmaan Faroole, waxay yihiin kuwo dabada heysta laga soo bilaabo 1956dii, xiligii daakhilyada, afar sanno ka hor qaadashadii madaxbannaanidii Siyaasadeed. Haddana, waxaa Addis Ababa looga soo dhiibay, dastuur aan macno badan lahayn, kaasoo, ujeeddadiisu tahay in lagu beddelay qabyo qoraalkii ay sida sharciga ah u soo daahinaayeen Guddigii dastuuriga ah ee Madaxabannaan, kaasoo socday qoraalkiisa muddo ku siman ilaa afar sanno ah, doodahiisana u socdeen si furan ee dadweyne.
Waxaa yaab leh, xushmadda qarameedna ka baxsan, Faroole inuu ku eedeeyo dastuurka qabyo qoraalka ee Guddiga Madaxabannan u xilsaaran yihiin qoraalkiisa, “inuu ka horimaanaayo midka Puntland, ku baaqaayo inuu dhismaayo dowlad dhex ee awood badan, Maqaamka Xamar oo uu su’aal geliyay iyo kuwo kale ee saameenaya ilaa 70 qodob. Wuxuu hadda ku doodayaa mid mugdiga ah ee isla oggolaadeen, waxa lagu sheegay “Saxiixiyaasha 6da ah”, inay Puntland u soo martay halgan dheer oo odayaasha iyo Golaha ansixinta doostuurka “Assambly constituency” midkoodna aan awood u lahayn inay wax ka beddelaan, wax ku daraan ama ka dhimaan. Wuxuu ku faanayaa in xudduudaha Soomaliya haddii dal kale wax ku soo sheegto, sida dhul, bad iyo hawoba, “Borders on Territorial Integrity, Continental Shelf and Atmosphere” wada hadal laga geli karo.
Arrimahaan oo dhan waxay ku soo beegmaayaan xili la rabo in laga gudbo “Ku meelgaarnimada” iyo si waafi ah loo xushmeeyo, iyadoo la eegaayo danaha qaranka, wadahadalka u furmay Waqooyi iyo koofur. Faroole iyo inta la saanqaadaysa ayaa waxaa waxgarad badan ku tilmaamaayan inay caqabad ku yihiin howlaha loogu adeegayaayo amaanka, midnimada iyo wadajirka qarameed ee Soomaaliya.
Haddaba, Somalia inay horay u socoto, waxaa horumarkeeda iyo danaha nabadgelyadeeda looga maaro’ la’yaha laba horjoogayaal xajiriin ah, mid waa mid diimeed oo ah Ahmed Godane iyo midka kale oo u muuqda mid qabiileed ku caan baxay ee Abdirahmaan Faroole, waxayna labadooda howlgalada ay wadaan wadaagaan astaamo isku mid ah, kaasoo iskugu imaanaya in dunida guudkeeda looga tago Soomaaliya oo burbursan, dowlad la’aan ah, dadkeedana dhinac qabiil iyo xag firqooyin diini ah ku kala qayb qaybsan yihiin.
Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com

Xildhibaanada Masar Baaarlamaanka dhexgalay

0
0

Ciidamadii ilaalinayay dhismaha baralamaanka Masar ayaa ka tagay goobta taasoo u suurtagalisay inay xildhibaanada dhismaha galaan.

Muqdisho: Ergadii Ansixinta oo Maalmahan la Filayo

0
0

Wasiirka Dastuurka DKMG, Cabdiraxmaan X. Jibriil ayaa sheegay in 40% ergadu ay joogaan, maalmaha soo socdana la filayo inay soo dhameystirmayaan.

Dhinaca kalena, Ergeyga Gaarka ah ee XGQM ee Arrimaha Somalia, Augustine Mahiga ayaa sheegay in odayada dhaqanku aanay awood u lahayn wax ka beddelida dastuurka ee ay xaq u leeyihiin oo kaliya inay soo xulaan guddigii ansixin lahaa.

Wareysi iyo warbixin arrimahaas ka hadlaya hoosta ka dhageyso.

Tartankii Ciyaaraha ee Toronto oo la soo Afjaray

0
0

Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu soo gaba-gabeeyey tartan ciyaaraha kubbada cagta ah oo dhexmarayay dhowr kooxood oo Soomaali ah oo kala kala yimid, Canada iyo magaalooyin ka tirsan dalkan Maraykanka.

Haddaba gunaanadkii tartankaasi waxaa ciyaartii Final-ka isku soo baxay labada kooxood ee Somali United iyo kooxda Hilaac, waxaana guuleystay oo koobkii sannadkan qaaday kooxda Somali United oo 2-1 kaga badisay kooxda Hilaac.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixin iyo waliba sawirro.

Mahiga: Odoyaashu Xaq uma laha Go'aannada Dastuurka

0
0

Augustine Mahiga, ergayga gaarka ah ee XGQM ee Somalia ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanka aysan xaq u lahayn inay gaadhana go’aanno ku saabsan dastuurka, balse ay dareenkoda cabbiraan isla markaana ay soo xulaan ergadii ansixin lahayn dastuurka.

Liiska Ergada Ansixinta Dastuurka

0
0

Qaar ka tirsan odoyaasha dhaqanka ayaa sheegay inaysan wali gudbin liiska ergada ansixin doonta dastuurka sababo ay ugu wacan tahay is-faham waa ka dhexjira iyaga iyo guddiga farsamada.

Max'ed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha odoyaasha dhaqnka Muqdisho ayaa sheegay in ay doonayaan in marka hore wax laga baddalo qodobo ka mid ah qabyo-qoraalka dastuurka inta aysan gudbin ergada ansixinta dastuurka.

Wasiirka dastuurka, C/raxmaan Xoosh ayaa VOA u sheegay in 40% loo soo gudbiyay liiska ergada anisixnta dastuurka.


Ibrahim Al-Qosi, Cunta-kariyihii ama kuugii Osama Bin Laden oo xabsiga Guantanamo laga sii daayay toban sano oo uu halkaas ku xirnaa kadib

0
0

Sawirka sare waa Ibrahim al-Qosi, kuugii Osama Bin Laden, hogaamiyihii Alqaacida oo ay ciidamada Mareykanku ku dileen gudaha dalka Pakistan.

Al-Qosi wuxuu maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum ka gadaal markii ay Mareykanku xabsiga ka sii daayeen smaanta oo Arbaco ah sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan.

Odaygan waxay Mareykanku xabsiga ku hayeen laga soo bilaabo sanadkii 2002dii laakiin waxay 14 sano xabsi ah ku xukumeen sanadkii 2010kii, mudo haatan laga joogo laba sano.

Warar hoose ayaa sheegaya in Al-Qosi uu heshiis hoose la galay Mareykanka, heshiiskaas oo xabsigii dheeraa ku soo koobay 2 sano. Heshiiskaa nooca uu yahay iyo waxyaabaha uu xeerayo war cad ah lagama hayo.

Al-Qosi waa muwaadin u dhashay Suudaan wuxuuna ahaa kuukaga Osama Bin Laden in mudo ah ka hor inta aan xabsiga Guantanamo lagu xirin, wuxuuna qirtay in uu la shaqeeyay Alqaacidada ay Mareykanka iyo asxaabtiisu u aqoonsan yihiin aegagixiso caalami ah.

halgankanet@gmail.com 

JAAMACADA OXFORD OO ARADAYDA SABOOLKA AH KADHIMI DOONTA 3000 GINI SANADKIIBA

0
0

      Jaamacada Oxford ayaa waxa ay heshay deeq lacageed oo gaadhaysa 75 milion ,taas oo ay ugudeeqeen ninka tijaarka ah iyo xaaskiisa ee lakala yidhaa
Micheal Moritaz iyo Hariet Heyman,lacagtaas ayaa loogu talo galay in ay dhibaatada xaga dhaqaalaha ee haysata ardayda saboolka ah ay kaqafiifiso.
Tani ayaa waxa ay noqonaysaa dhaqaalihii ugu badnaa abid ee lasiiyo jaamacad eurobian ah abid. Oxford vaice chancelorka ayaa sheegay in ay xanibaado badan ay kaqaadmayso ardaysa saboolka ah.
Mr moritaz  oo ah chairmanka  combany degan maraykanka,oo layidhaa Capital Firm ayaa sheegay in familigiisu ay deyn badan laguyeeshay xiligii ay
qaxootiga ahaa ee  ay kasoo carareen Nazigii  Germany,maantana uusan halkaa soo gaadheen hadii aanu helilahayn caawimadii uu kahelay dad aanu garanayn.
Caawimadan ayaa waxa ay ardaygii noqonaysaa inuu helo 11000 oo gini sanadkii waxaana heli doona ardayda ay lacagta soo gashaa sanadkii aykayartahay 16000 oo gini,waxaana aynoqonaysa talaabo hore looguqaaday ardayda caawimada kahesha dowlada.
sharcigan ayaa waxa uu kadhigayaa in ardaygu uu bixiyo sanadkii 3500 halkii ay ka ahaan jirtay 9000 sanadkii.
 tani ayaa waxa ay tahay arin kudayasho mudan oo dadka tijaarta ah ee reer somali land ay tahay inay hoos ueegaan ardaydooda saboolka ah,ee kayimi qoysaska aan awoodin in caruurtooda ay jaamacadaha wadanka waxkabartaan,iyada oo reerahoodu ay yihiin qaar ama sabool ah ama nolosha magaakada kaqatan,
waxaa sanadwalba waxbarashada kataga iyagoo ahmiyad uhaya boqolaal ardayah kadib markii ay awoodi kari wayeen nolosha magaalooyinka waawey aa badanaa ay jaamacadahu kuyaalaan.
Waxaa dadka waxhaysta laga doonayaa in ay dadka dib wax ugu celiyaan ilaahay hortiina wax ucaawiyaan dadkooda saboolka ah.
 
 
 
 
 
 
 
c/boos oodweyne news london
 

SOMALIA: An Open letter to the Presidential hopeful Mr. Abdirahman Abdishakur Warsame

0
0

image: 

An Open letter to the Presidential hopeful Mr. Abdirahman Abdishakur Warsame
Said faadi
faadi79@hotmail.com
July 12 2012
OPINION
Sir, Thank you very much for your clarification of the terms in the tragic MoU between Kenya and Somalia over the controversial deal of the continental shelve. But sir, your clarification has gained little of its objectives. It, in instead, raised eyebrows at the boarder public sphere.
Let me remind you global phenomena, Sir. They said, a rumour is never believed until it is officially denied. It is even more so because rumours in the street chatting had it that you have sold our ‘sea’ to foreigners.
Sir, your dispatch was full of half-truth and misleading falsehood. It looked a desperate effort out of frustration. From the look of things, you are desperately trying to portray yourself ‘Mr Cleam’ to make a dramatic come back to the politics.
Not bad, Sir, but you have embarked on a wrong strategy. What do I mean? As I learned fellow, you know more than anyone else how to cast‘slanted’ allegation off. A competent lawyer does not seek justice from the public domain with a press release. They instead secure certificates of conduct from the courts.
Sir, I don’t want to scour salt on your wounds, you already got enough whoops. I am writing to you to give you my sincere, but unsolicited advice. They said, a guilty conscience does not need an accuser. And that is why I don’t want to remind you the tragic memories of April 6, 2009. The day you appended your signature on the controversial MoU. The day that threw your political career into the oblivion.
Sir, I believe whoever advised you to write this letter, had malicious intent. The mysterious press release has suggested many critical issues that called your intelligence into question. You literally confessed in your dispatch that you didn’t know what you have signed.
As a learned fellow, how could you make such blander? With the absence of technical interrogation, your revelations voluntarily suggested many questions than answers. And the following are some of the begging questions.
To start with, what evidence did the Prime Minister show you that he has consulted with legal experts? With no proof, how could you explain this in front of competent judge, that the ‘Prime Minister told that he consulted a mysterious person in The Hague? Where were the legal advisors of the government – the Attorney General and his team? What was the role of the Norwegians, when everyone knows that Norwegian oil companies were engaged in oil exploration activities in and around the areas under question? Why did they choose you to sign the MoU that you claim to have been absent when its terms where negotiated? Why ‘you’ and not the Ministers it directly concerned – Minister of foreign affairs and Minister for Fisheries and Natural Resources? Are you telling us that they don’t know how to sign MoUs, yet they are both PhD holders? Why did the PM or our airborne President declined to sign it by themselves? Who gave Kenya the powers to unilaterally draft the MoU and dictate its terms? Who represented Somalia during the MoU drafting process? Who did they consult with? Why did Vice President Kolonzo Misyoka of Kenya – the co-signer – take a deep breath and asked his assistants to throw some bottles of Champaign in the fridge to posture victory, when you blinded appended your signature on the MoU, yet it marked a dark day back home? You mentioned that there was a “deadline” to meet, who has the authority to put a gun on the head of sovereign state and tell it, either, or? Who on earth?
Sir, what you said is preposterous and hooey. To be honest with you, it caused more harm than healing. But don’t worry; I have two suggestions for you, Sir.
First, if any truth goes by what you said in your press release, you are an ingenious man who is politically ‘fixed’. What do I mean? You are a victim of political conspiracy. Malicious forces have planned to finish you politically. They have assassinated you through a genius and well-orchestrated political masterstroke.
Metaphorically speaking, Mr. president-in-the-waiting, they gave you a gun and instructed you to shoot yourself. Surprisingly, you did not ask, why? You willingly shot yourself on the foot. In this, you become a“branded traitor”. That is why you became the most obnoxious and infamous figure in the post-civil-war politics of Somalia. They said “adversity does not build a character, it reveals it”. Your rise to the corridors of power and national politics was disgracefully pre-empted.
Sir, the damage is already done. It is now a forgone perception in the public domain that you have sold our “sea” to Kenya. It is too late for you, to put the toothpaste back into the tube. But this does not mean that you can’t fight back to redeem your lost glory.
Sir, my first suggestion for you is a strategy that is quite puzzling. It demands you to be a fearless and valiant chap. You will need to sink political giants to get you pane clean. It requires you to put your power ambitions aside, at least for now, and prepare for a bitter war.
You should clear the air by telling the whole world, what exactly happened! You must give the names of the main actors in the appalling farce. It would be thrilling to know the role of the Sheriffs and the former Premier Omer Abdirashid Ali in the saga.
In this, you will be with us, your fellow compatriots, and against the evil powers-that-be. In the language of the courts, you will be a‘suspect-turned – persecution-witness’ in a classic scenario of friends turning foes.
After all, these myopic goons have utter contempt for your integrity and intelligence. How on earth, could they think of leaving you alone with this burden of long-standing and substantial scandal – tainted and tortured? You should sink the whole ship to punish everyone that involved ‘it’.If big heads don’t roll before August 20,2012, then you deserve what they have done to you. To be precise, you are not man enough.
But let me guarantee you for an incentive. If you accomplish this “Mission impossible”, Somalis world over will forgive you but will never forget ‘them’. Just help us get the bottom of the story.
My second suggestion for you is more pragmatic. I argue you stop pretending and feel at home with the doyens of impunity. As they say, you are who you are, no matter how much you pretend to be different.
Sir, you need to appreciate your environment and the arena you are in to contest. This is Somalia – a political environment full of painful betrayals and broken promises. Everyone is traitor in one way or another. That is why I believe you don’t have to waste your time with inconsequential Press releases.
What is my point? Ignore the guilty conscience that is tormenting you – get over it. Convince yourself that what you have done was a trivia in the context of Somalia. If your soul refuses to retreat, take it around for a tour.
Start your picnic from Hargaysa. The heinous crimes committed by Somaliland militia loyal to President Silanyo in Buhodle and Sool over past one year or so have filled a large space of the Human Rights Watchdog’s records. President Farole of Puntland’s barbaric attack of the parliament in 2005 is freshly lingering the heads of many.
President Sharif of TFG mobilized twenty thousand secondary and university student against AMISOM and Ethiopian troops in 2006, only to cohabit the same as president. 80% of those innocent teenagers were either killed or permanently maimed in the senseless war. His frequent visits to Addis Ababa and his calls for unprecedented Jihad – holly war – against the TFG and its Ethiopian allays in 2006 – which was inspired by a fusion of tribal jingoism and crude Taliban ideologies – are irreconcilable tragic reminiscent. If this is not a betrayal, what a treachery and treason mean in Somalia is beyond me.
Allow me to explain my point with a school age poem. The interaction of the political actors in Somalia can be best described by Maxwell’s poem of the pot calling the kettle black. And it goes like this:
“ Ooh said the pot to the kettle; you are dirty, ugly and black; Sure no one would think you were metal; Except you are given a crack!………… Not so! Not so! The kettle said to the pot; This is you dirty image you see; For I am so clean without blemish and blot; That is your blackness mirrored in me” .
Lastly, Sir, in our tribal politics, issues of competence, leadership qualities, vision and integrity are alien to it. You just need to have deep pockets and good understand of the calculus of the corrosive tribal arithmetic.
In which, I believe, you have got all it takes, Sir. I say so with confidence, because the proof of a fat kickback in the D-day is the profligate presidential bid. With this easy cash, the votes of the voracious tribal MPs are up for easy grabs within your reach.
Soldier on, Sir, and become our next President.
By Said Faadi
The author is a topical commentator
Email: said.faadi@gmail.com
=====================================================
The views expressed in this article are the author’s own and do not necessarily reflect Raxanreeb’s editorial policy.

Kumeel Gaarka (KMG) Hallaga boxo yaan lagu doorsan bililiqo loo geysto dhul-badeedka Soomaaliya

0
0

Farriin ku socota Odayaasha Dhaqanka ee shirku uga socdo Muqdisho — Kenya ha u hirgelina hamigeeda in ay goosato qayb kamid ah dhul-badeedka Soomaalida…
Goor aan ka baxnaba KMG waan ka bixi doonaa INSHAA ALLAAH.
Waxaa qoraalka hoose ka arki kartaan sida uu ugu qeexanyahay in dhul badeedkii ay Kenya waligeed raadineysay uu hadda qarka u saaran yahay in uu u hirgalo ayadoo la adeegsanayo Shirkado si cad xadgudub u sameeyay oo Kenya ay heshiis kala saxiixdeen sida aad ka arki kartaan qoraalkan hoose iyo qoraallo hore oo aan idiinsoo gudbiyay.
Waxaa kaloo aan wada arkeynaa in Dastuurkayagii uu ku qoranyahay qodob u fududeynaya hirgalinta khayaanadaas, ayadoo lagu mashquulsanyahay sidii loo soo aruurin lahaa kuwii ansixinayay.
Waxaan Ummadda ku mashquulsan ansixidda Dastuurkaas u sheegayaa in aay ILAAHEY ka cabsoodaan oo Khayaanadaas iska cad aaysan nagu ridin.
Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ayagana kala dardaarmayaa in la iscafiyo oo gacmaha la isqabsado lagana horyimaado boobkaas nalala damacsanyahay.
Fiiro gaar ah:-
Waxaan horay qoraalladeydii ugu qoray in uusan igu jirin damac siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba, waxa kaliya oo illaa iyo maantay qoraallada iyo warbixinnada iyo digniinta idiinku soo qorayay in dhul badeedka Soomaaliyeed aan la bililiqeysan.
Maantay waxaan u jeedaa in khayaanadii Kenya aan u hirgalineyno annagoo u ansaxineyna dastuurkayaga oo qodobo u hiilinaya ay ku qoranyihiin.
Ilaahey ha nawada tuso jidka toosan. AAMIIN.
Bashir Shekh Moxamed
bashirmohamud@yahoo.com
Isbarbardhig: Qodobka 7aad ee labada Dastuur ee ay soo kala diyaariyeen Guddiga Madaxa bannaan (Jabuuti) iyo Saxiixayaashii Roadmapka (Nairobi)
Sida kuqoran Q.7aad ee Dastuurka ay so diyaariyeen Guddiga Madaxa Bannaan
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda sare, iyo geyi-qaaradeedka iyo sidoo kale, dhulka iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan lamana qaybin karo.
Sida ay Q.7aad u bedeleen Saxiixayaashii Roadmapka
Qodobka 7aad
Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya
1. Gobannimada Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira Jamhuuruyadda Somaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.
2. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
3. Dhulka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa Caalamiga ah.
4. Xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960 ee Somaliya.
5. Jihooyinka xuduudaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti
(c) Galbeed: Ethiopia
(d) Koonfur Galbeed: Kenya
(e) Bari: Badweynta Hindiya
Somalia/Kenya Maritime Dispute Heating Up
Date: Tuesday, July 10, 2012
Somalia (top) believes its territorial waters should extend from the land frontier while Kenya (left) says an agreement signed by the two countries in 2009 fixed the border running east along the line of latitude.
The dispute between Somalia and Kenya over the maritime boundary between the two countries is heating up as Kenya continues to award more acreage and exploration programs move closer to take off. The government in Somalia says that the awards made by Kenya to ENI and Total are illegal because they lie in waters claimed by Somalia.
Somalia’s deputy energy minister, Abdullahi Dool told Reuters that the contracts awarded for four blocks in deep waters are invalid and the government planned to complain to the UN, which oversees maritime border laws. “We are concerned about the lease of blocks,” Dool was quoted as saying. “I am sure we will lodge complaints.”
The Kenyan government disagrees with its petroleum commissioner Martin Heya, telling Reuters “Saying these are not Kenyan blocks is like saying we don’t have a full-fledged government, like we are a banana republic.”
Kenya’s position is that the maritime boundary, over which there is no formal agreement, should run due east from the point at which the land border meets the coast, like the maritime boundaries of other countries along the coast. While Somalia says the boundary should extend perpendicular to the coastline, giving it a big chunk of the waters claimed by Kenya.
Source: http://www.petroleumafrica.com/en/newsarticle.php?NewsID=13868
——

  • QEEXID: Waa Maxay “Banana republic”: A banana republic is a politically unstable country that economically depends upon the exports of a limited resource (fruits, minerals), and usually features a classed society — a large, impoverished working class and a ruling plutocracy, the rich élites of business, politics, and the military… Check: http://en.wikipedia.org/wiki/Banana_republic

…………
Kenya, Somalia border row threatens oil exploration
A row between Kenya and Somalia over their maritime border may deter multinational oil companies from exploring for oil and gas offshore east Africa, and a Somali official warned that the argument could escalate.
The two coastal nations disagree over the location of their boundary line in the Indian Ocean. At stake are their legal claims to sell rights for exploration and collect revenue from any discovery.
Kenya recently identified eight new offshore exploration blocks available for licensing, and all but one of them are located in the contested area.
“The issue between Somalia and Kenya is not a dispute; it is a territorial argument that came after oil and gas companies became interested in the region,” Abdullahi Haji, Somalia’s minister of foreign affairs, told Reuters in Mogadishu.
“If the argument continues unsolved, it will change into a dispute that may result at least in souring the deep relation between our two countries and (cause a) war at last,” he said.
East Africa has become a hot spot for oil and gas exploration, spurred by new finds in waters off countries including Uganda, Tanzania and Mozambique. In the Horn of Africa, Somalia’s semi-autonomous Puntland and Somaliland regions have also licensed exploration blocks.
Kenya announced its first oil discovery in March by British oil firm Tullow Plc, which was on land.
The row between Kenya and Somalia threatens to upend some exploration rights that Kenya has granted to oil and gas companies, which have already started exploring in the area.
French firm Total and Texas-based Anadarko and the only two companies so far holding licenses from Kenya to blocks in the disputed area. They have no immediate plans to drill there. Both companies declined to comment on the border issue.
UN INTERVENTION?
Martin Heya, Kenya’s petroleum commissioner, said he was confident the United Nations, which could be requested to help delineate the border, would agree with his country’s view, and he expected companies to continue their exploration activities.
“Do you stop working just because the boundaries have not been determined? No,” he told Reuters.
Consultants involved in border demarcation said the two countries won’t have a legitimate boundary until they sign a treaty that delimits the border, but that is unlikely to happen until Somalia has a stable government
Heya says the maritime border between the two countries should run horizontally east from the point at which the two countries touch on land. The practice in east Africa has been for boundaries to run along the line of latitude, Heya said.
“For the time being, this is where we believe the border should be,” he said, referring to the horizontal east-west maritime border. Somali officials say the onshore border continues into the ocean diagonally southeast and that a horizontal border would be unfair.
If the Somalia-Kenya border was continuous from land into the ocean, making it lie diagonally from the northwest to the southeast, Kenya would be left with a small triangle in the Indian Ocean over which it could claim mineral rights.
Kenya has had stable diplomatic relations with its war-torn neighbour, but the east African economic powerhouse sent troops into Somalia last October in pursuit of al Qaeda-linked al Shabaab rebels, accusing the militants of cross-border attacks on its territory.
UNSTABLE SOMALIA
Joshua Brien, a legal adviser with the Commonwealth Secretariat, who has consulted with Kenya on maritime border matters, said the two countries won’t have a legitimate boundary until they write and sign a treaty. The absence of a stable government in Somalia could hinder this process, he said.
Somalia’s government has been battling an insurgency by al Qaeda-linked rebels for years and barely controls the capital, even with the help of an African peace-keeping force executing a U.N. mandate to prop up its Western-backed government. It is unlikely it would have the ability to wage a war on Kenya.
Brien also said the two countries’ border disagreement is not unique. Throughout the world there are unresolved maritime boundaries. “It is not uncommon for maritime boundary issues to become heated, especially where petroleum exploration and development is concerned,” he said.
“In the case of Somalia, the matter is exacerbated by the governance and offshore security situation in that country, both of which are well known.” Kenya is pushing on with oil and gas exploration, but petroleum commissioner Heya acknowledged the border dispute could cause problems in the future.
Heya said companies will be unable to drill in their respective blocks until the boundary is settled, because it will be unclear where to direct revenue from a resource discovery. “Where the revenue goes is not apparent,” Heya said.
—Reuters
Source: http://www.standardmedia.co.ke/?articleID=2000056678&pageNo=2
———–
Halkan hoose ka akhriso qoraalladii Bashir Shekh Moxamed ee Difaacca Badda.

Wareysi: Safiirka Somalia ee Turkiga

0
0

Dalka Turkiga oo labadii sanadood ee la soo dhaafay xiriir dhow la lahaa Somalia ayaa  waxaa dhinaca kale ku jira xabsiyo ku yaala Somali tahriib ah, oo dalkaasi si sharci darro ah ku galay.

Dhinaca kale waxaa dalkaasi wax ku barta in ka badan kun arday Somaliyeed ah oo ka helay deeqo wax barasho, waxaana turkiga Somalia ka fulinayaa mashaariic dib u dhis, caafimaad iyo waxbarasho.

Arimahaasi iyo kuwo kale ayaan ka wareystay Safiirka Cusub ee Somalia ee Turkiga Maxamed Mursal Sheikh Cabdi Raxman oo aan ugu horeyn weydiinay,  waxa ugu horeya ee uu wax ka qabanayo.

Arimahaasi iyo kuwo kale ayaan ka wareystay Safiirka Cusub ee Somalia ee Turkiga Maxamed Mursal Sheikh Cabdi Raxman oo aan ugu horeyn weydiinay,  waxa ugu horeya ee uu wax ka qabanayo. wareysiga Safiirka halkan hoose ee qoraalka ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live