Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

SIYAASAD.By: OMER SULEIMAN ALI

$
0
0

image: 

 
Waxaa beryahan ay dhibaatadu badatay dhegahayga si xoog ah ugu soo dhacaya ereyga siyaasadda iyada oo lagu muransan yahay “siyaasad ayaa loo baahan yahay, hebel siyaaso meesha kuma hayo ama hebel waa laga siyaaso batay, hebel siyaasi ma aha, hebel waa siyaasi iyo wax la mida”.
Dhaqan badan iyo hab nololeed fara badan oo aynu gumaysiga gaalada ka dhaxalnay wuxuu na weydaariyey jidkii xaqa ahaa ee Alle raallinimadiisa iyo naxariistiisa lagu gaadhi lahaa. Waxaan maqaaladaydii hor ugu soo sheegay in dawladnimada tahay mushrignimo, in gumaysigu yahay qof qof xukumo, in xornimadu tahay qofkii Alle xukumo iyo madaxnimadu tahay Ilaah sheegasho. Cidda intaas na bartay ma aha Alle iyo rasuulkiisa ee waa gaaladii na gumaysatay waana hab nololeed ku soo dhex barbaaray dad gaalo ah oo aan Alle iyo rasuulkiisa midna ogolayn.
Allena cj wuxuu noo sheegay sida ku cad aayaddan hoos ku xusan in aynu ku dhaqaanno wixii Eebeheen noo soo dejiyey ee aynaan cid kale oo madaxnimo noo sheegata aynaan wax ka qaadan waayo haddii aad ka qaadataan waxaa yaraanaysa inta aad Alle xasuusanaysaan.
أاتَّبِعُوا مَا أُنْزِلَ إِلَيْكُمْ مِنْ رَبِّكُمْ وَلَا تَتَّبِعُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ قَلِيلًا مَا تَذَكَّرُونَ(الأعراف 3).
Sida ku cad xadiiskan wuxuu rasuulka yidhi qofna kuma galo camalkiisa jannada ee wuxuu ku galaa naxariista Alle, markaas ayaa lagu dhahay ma adigana rasuul Allaw markaas ayuu ku jawaabay xataa aniga, hase yeeshee Alle ayaa anigu ku shubay naxariistiisa.
حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَارِبُوا وَسَدِّدُوا وَاعْلَمُوا أَنَّهُ لَنْ يَنْجُوَ أَحَدٌ مِنْكُمْ بِعَمَلِهِ قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَلَا أَنْتَ قَالَ وَلَا أَنَا إِلَّا أَنْ يَتَغَمَّدَنِيَ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ مِنْهُ وَفَضْلٍ و حَدَّثَنَا ابْنُ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبِي حَدَّثَنَا الْأَعْمَشُ عَنْ أَبِي سُفْيَانَ عَنْ جَابِرٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِثْلَهُ حَدَّثَنَا إِسْحَقُ بْنُ إِبْرَاهِيمَ حَدَّثَنَا جَرِيرٌ عَنِ الْأَعْمَشِ بِالْإِسْنَادَيْنِ جَمِيعًا كَرِوَايَةِ ابْنِ نُمَيْرٍ حَدَّثَنَا أَبُو بَكْرِ بْنُ أَبِي شَيْبَةَ وَأَبُو كُرَيْبٍ قَالَا حَدَّثَنَا أَبُو مُعَاوِيَةَ عَنِ الْأَعْمَشِ عَنْ أَبِي صَالِحٍ عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِمِثْلِهِ وَزَادَ وَأَبْشِرُوا (مسلم).
Jannada oo keliya ma aha waxa aan camalka lagu gelin ee waa wax kasta oo qayr ah if iyo aakhiraba, sidaas darteed ruux waliba waa in uu garanayo in uusan isagu awood uu wax ku keensado lahayn. Halkaas waxaa ka muuqata in uusan qofna awood u haysanin uu ku meel mariyo ujeedadiisa, qofkii rumaysan in uu isagu wixii uu doono meel marsan karo waa gaal ay la noqotay in uu Alle maamulka adduunka la wadaago. Sidaas darteed waxaa muuqata in uusan qofna awoodin in dhibaato isaga laftiisa ama cid kale haysata uusan waxba ka qaban karin in uu Alle la hoos galo mooyee. Sida ay tahay in Alle loola hoos galaana waa in isaga jidkiisa toosan loo maro, markaasna adiga oo jidkiisa toosan ku socda dejiso qorshe isagana ka sug in uu ku siiyo ama kuu diido. Ruux jidka Alle ku suganina qorshe baadil ah ma samaysanayo.
Marka waxay su’aashu tahay ruuxa in Alle qorshihiisa u meel mariyo mooyee aan isagu waxba meel marsan karin oo wax gacan ugu jiraa jirin siyaasadda uu yeelan karaa maxay tahay?
Ruuxa mu’minka ahi ma doonayo qorshana u dhigi maayo in uu madax cidna u noqdo in uu dawlad u noqdo madax iska dhaafe.
Jawaabta su’aashaas waxaan u dhigayaa sidatan, ma dhici karto in uu ruux mu’min ahi uu yeesho siyaaso uu ku gaadho madaxnimo dawladeed ama in uu madax u noqdo cidba. Halkaas waxaan u arkaa in ay siyaasaddu mararka qaarkeed noqonayso xaaraan iyo gaalnimo hufan.
Siyaasiga maanta Soomaaliya ka jiraa wuxuu qorshihiisa siyaasiga ah uu doonayaa in uu ku gaadho in uu Alle cadaabo. Waxaan sidaas u lee yahay wuxuu doonayaa in uu gaadho dan adduunyo oo uusan weliba hubin in uu gaadhi doono iyo in kale waayo waxay ku xidhan tahay ma aha gacan kale ee waxay ku xidhan tahay gacanta Allaha aanay wax dhibin.
Qofka siyaasadda isagu dejisanaya ee aan ku talada gelayn Alle ee dejista siyaaso ku disan qayaamo, dil, dhac iyo boob wuxuu la mid yahay qof aan Alle in uu go’aanka iska lee yahay rumaysnayn sidaas darteed wuxuu qofkaasi noqonayaa gaal marka siyaasiyiinta maanta ka jirta Soomaaliya dhammaan sow lama dhihi karo waa gaalo.
Wuxuu Alle sheegay sida ku cad aayaddahan hoos ku xusan oo macnahoodu yahay:
قُلْ تَعَالَوْا أَتْلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمْ عَلَيْكُمْ أَلَّا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا وَلَا تَقْتُلُوا أَوْلَادَكُمْ مِنْ إِمْلَاقٍ نَحْنُ نَرْزُقُكُمْ وَإِيَّاهُمْ وَلَا تَقْرَبُوا الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَلَا تَقْتُلُوا النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ(151).
Waxaad nebiyaw ku dhahdaa dadka kaalaya aan idiin sheego waxa uu Eebihiin idinkula dardaarmayo oo ah in aydaan isaga mooyee cid kale caabudin, labada waalid oo loo roonaado, in aydaan ubadkiinna u dilin wax la’aan waayo idinka iyo iyagaba annaga ayaa wax idin siinna, wixii ceeb ahna midda muuqata iyo mid qarsoon toona ha u dhowaanina, ruux Alle dilkeeda idinka xaaraantimeeyeyna si xaq ah mooyee si kale ha ku dilina, wuxuu sidaas idiinku dardaarmayaa in aad wax u kala fiirsataan(151).
وَلَا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّى يَبْلُغَ أَشُدَّهُ وَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَى وَبِعَهْدِ اللَّهِ أَوْفُوا ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ(152).
Hantida agoontana wanaag mooyee wax kale ha la ag marina inta ay ka qaan gaadhayaan, beegga iyo miisaankana si caddaalad ah u fuliya qofkana Alle ma saarin wax uusan qaadi karin haddii aad wax sheegaysaanna cadaaladda ku suga hadalkiinna si kasta oo ay dhibaato ugu sugan tahay dad qaraabo kuu ah amarka Allena fuliya sidaas ayuu Alle idin kula dardaarmayaa si aad u waasantaan (152).
Markii uu Alle labadaas aayadood ku caddeeyey wixii uu dadka kula dardaarmayey ayuu dhahay haddana waa kaas jidkayga lagu gaadho raallinimdayda ee isaga ii soo mara.
وَأَنَّ هَذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَنْ سَبِيلِهِ ذَلِكُمْ وَصَّاكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ(153).
Waa kaas jidkayga toosani ee isaga qaada hana qaadina jidad kale oo jidkiisa idinka weeciya, waa taas dardaaranka Alle idin siinayo haddii aad  tihiin kuwo wax ku  qadanaya (153).
Inta uu Alle csj noogu sheegayo labada aayadood ee hore waa inta uu siyaasiga maantu sameeyo, aayadda 153aadna wuxuu Alle nagu dareensiinayaa in labada aayadood ee hore yihiin jidkiisa xaqa ah ee lagu gaadho raallinimadiisa, sidaas darteed ruuxii doonaya if iyo aakhiraba in uusan hoogin ha maro jidkaas.
Waxaan shaki lahayn in siyaasiga maanta uu ku socdo lidka aayadahaas sidaas darteed iimaanka wuxuu uga dhow yahay gaalnimo.
GUNAANAD.
Ma aha siyaasadda oo keliya camal kasta oo aan waafaqsnayn kitaabka Alle iyo sunnada rasuulka waa xaaraan wuxuuna kugu ridayaa jidka gaalnimada oo ku dhammaada cadaabta Alle if iyo aakhiraba.
Sida aan uga soo hadlay maqaaladaydii hore Alle mooyee ma jiro madax kale sidaas darteed ruuxii sheegta in uu dad u yahay madax wuxuu la mid yahay ruux Ilaahnimo sheegtay ama ruux Ilaah ku haysta Ilaahnimadiisa xaqa ah.
DIGNIIN.
Waxaan culumada Soomaaliyeed uga digayaa in ay indhaha ka qarsadaan xaqa lagu tumanayo iyo gaalnimada ama nifaaqa ka socdo dhulka ay culumada u yihiin.
Waxaan kale oo uga digayaa siyaasiyiinta isu haysta in ay ku socdaan wax xaq ah in ay iyaga iyo xaqii kala jeesteen ee joojiya dagaalka aad ku soo bahaysateen gaalada iyo munaafaqiinta ee aad Allaah kula dagaalamaysaan, kuma guulaysan doontiin eh.
Siyaasaddu waxay dabada ku wadataa arrimo bara badan oo gaalnimo u dhow ee ka fogaada. Waana waxyaabaha ay gaaladu noo keeneen. Adduunku wuxuu ku kala socdaa jaangooyada Alle, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto. In uu qof ku aakhiro seego wax uusan isagu gacanta isugu haynin oo uu weliba ku doono jid aan kii Alle ahayn ee xaaraan ah waa maan gaabnimo. Waxaa la moodaa dhaqan qofkiisu uusan Alle iyo xisaab aakhiro toona rumaysnayn.
Waxaan dadka ka codsanayaa in haddii la ridinayo si xaq ah la ii ridiyo laakiin aan la iska caytamin.
Waxaan cadaabka Alle uga digayaa qofkii hadda ka hor ii soo qoray e-mailka uu ku sheegayo in uu uusan aakhiro doonayn ee uu adduunyo doonayo, wuxuu igu dhahay googleka aad wax ku qorto waxaa iska leh nin Yuhuud ah ee noo daa annagu gaalada iyo Yuhuudda ayaanu doonaynaa eh. Markaas ayuu dhahay Ilaahaw gaalada noo daa. Waxaan u arkaa ruuxaasi in uu naftiisa qatar geliyey haddii gaal yahayna ha is qabto haddii uu muslim isu qabana ha toobad keeno.
Waxa aan qorayo haddii ay diin ahaan qalad yihiin oo keliya ha la ii sheego laakiin yuusna qofku qof nacaybkiisa isaga hadlin waa arrin aan Alle agtiisa ku fiicnayn eh.
Waad mahadsan tihiin.
Digniinta waxaan ku soo gunaanadayaa labadan aayadood ee gaagaaban.
وَمَنْ يَتَوَلَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَالَّذِينَ ءَامَنُوا فَإِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ الْغَالِبُونَ(المائدة 56). كَتَبَ اللَّهُ لَأَغْلِبَنَّ أَنَا وَرُسُلِي إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ(المجادلة 21).
56. Ciddii garabsata Alle, rasuulkiisa iyo mu’miniinta ayaa xisbiga Alle iyaga ayaan adkaanaya.
21.    Wuxuu Alle waajibiyey in isaga iyo rusushiisu adkaanayaan waayo Alle waa xoog weyne aanay wax dhibin.
OMER SULEIMAN ALI                                                                        22/07/12
omer.shalaqo@gmail.com
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


WAXAAN HAMBALYO IYO BOGAADIN U DIRAYNAA AQOON YAHAN AXMED CALI HAYBE MUSHARAXA GOLAHA DEEGAANKA UGA SHARAXAN XISBIGA UMDA GOBOLKA MAROODI JEEX

$
0
0

image: 

WAXAAN HAMBALYO IYO BOGAADIN U DIRAYNAA AQOON YAHAN AXMED CALI HAYBE MUSHARAXA GOLAHA DEEGAANKA UGA SHARAXAN XISBIGA UMDA GOBOLKA MAROODI JEEX OO AH MUSHARAX AAD U TAAGEERO BADAN TASOONU KU HANBALYAYNAYNO TAAGERAYAASHA FARA BADAN EE KU SOO BIIRAY URUR SIYAASADEEDKA UMADA ::AQOON YAHAN AXMED CALI HAYBE OO AH AQOON YAHAN KU DHASHAY MAGAALADA HARGAYSA AADNA LOOGA GARANAYO MAGAALADA HARGAYSA AYAANU KU HANBLAYAYNAYNAA DAMACIISA SIYAASADEED EE MUSHARAXA GOLAHA DEEGANKA SIDOO KALE WAXAAN HANBALYAYNAYNAA XISBIGA UMADA OO KU GUULAYSTAY TAAGEERAYAAL AAD U FARA BADAN OO KA SOO JEDA MAGAALADA HARGAYSA ::::ANAGOO AH AHJAALIYADA  BEESHA HABAR YOONIS EE WADANKA GERMANY WAXAAN SOO DHAWAYNAYNAA MUSHARAXNIMADA AQOON YAHAN AHMED CALI HAYBE ….afhayeenka jaaliyada hy ee wadanka germany maxamed cali haybe

YUUU QADHAAB DOON QARAN KAA DUMIN!, By: Abdi-Shotaly,

$
0
0

image: 

 Sakaaro baa la yidhi iyada oo iska ordaysa oo aan qabin-ba wax baqdin la yidhaaho, bay budhka duulaaya la kulantay, oo dabeed ku ganac go’day, maanta  waa ingau soo hamaan-saday sagaal xusbi oo mid kastaa uu mooyihii hadhuudhka lagu tumi jiray uu siddii koortii laba cararab ku xidhay ( ogaw koorna  maaha waana wax sideeddii u sanqa-dhayae), ujeedadu waa wax ku khalad oo waxan ahay kii keli ahaa ku dheh, sababta geella loo gaya-xeeyey ( loo hadhsan waayey), hada baa sidii dabagaalle abaar ka soo doogay la eryanayaa geerinka quulaha ka baxay, oo mid waliba isla soo taagayaa mid siduu ku soo xullay aynaan garanayhn daacad ahaydee, reer ku keenyaa,laga wasteeyaa oo ay ina lee-yihiin hebel baa deegaanka meel heblaayo u sharaxan, oo ay afka inaga gelina-yaan kuwa kursiga u ordayaa, kuwaas oo aanay waxba ka gelin ummadda intoodda badani-na ay ina soo mareen oo aan ka war hayno xaaraan quute iyo xalaal cune kuu yahaya, yaanay idinku noqon kuwa la idiin saaraayo taajku kuwo aad marka ay kugu dhacdo ee lagaa hoos saaro, aad tidhaaho allaha-yoow banaan-kaba bohol kama malaysa-nine, musharaxa iyo kuu kuu soo doorayaaba waa laba isksu shaqaysta ee labada-ba iska hubso, hana ahaadeen kuwo, daacad ah, hore-na aad u ogayd ka aad dooranayso in uu xalaal kaaga tegay, ka uu kuu soo wadaana ee dawladdda hoose aad keeni doonto deegaanka-na yaan lagaa dhaadhicin uun ee gunta soo xaadh waxa uu yahay inta aanad dooran, oo yaan malab laguu mar-marine ee ha noqdeen kuwo ku sifooba sidan laba-duba, una qalma ee maaha in aad iska daba gashid, ka eeg sifahan hoose ku qoran:-
                        Waa geed ninkii gelin hadh gala, godobi raac-daaye,
                        Waa geed gocor iyo nin xumi, ay garbina-yaane,
                        Waa geed ninkii garanayaa, uu gurtaa abide,
                        Waa geed ku baxa gacal-nimada iyo, nabd gudoon-keede.
                        Waa geed ku kora geesi-nimo, oo gobi taqaa-naaye,
                        Waa geed aan ku gelin, gacan tugaa-layne
                        Waa geed aanu gubi karayn, gacan ku dhiiglaaye.
                        Waa geed aan gar-eexadda aqoon, oo loo gu’tiri-yaaye.
Waxa wacan in aad aaya-haagga u meel daydo, oo aad ku ogaatid in aad tallo sax ah oo aan lahayn khalad iyo baydh-badh mid-na gaadhay, looma baah-na waxna kuu qaban mayso marka lagaa boolaysto ee hoggii lagu-la rabay aad ku dhacdo hadhaw, ee aad u foodo wixii aynu daba ordi jirnay, ee ay ka soo bixi jireen, dad qaadaddii loo ballan qaaday ee beenta u fidin jiray ayuun ba aku hor boodi doono waxa laguu qaba-nayaana haba eegin, “ Inta aanad wax falin ka sii fiirso waxay ay dhali doonto marka aad qaado tallaabadda aad ku kacaysaa” sabab-tuna waxay tahay ninka aad xaq darrdda ku sharaxdday, wuxu galay xaydaan ku soo koobmay oo uu isagu isku xidhay, waayo waxa keenay in loo soo beratamo waa afkiisii uu ku galay ololaha, ee ay u balan qaadeen uun alle meel ay joogaan-ba waana kuwii ku khaladay ee shabaqa kugu riday ee kuu geliyey afka wadda miciyaha ah, haddii ay yihiin qurbe joog, gude fadhi, mid cumaada madaxa hawada kaga xidhay oo sheegta madax dhaqmeed, oo murugo- tiicaaya, umalka hayaana uu yahay waan kuu fooday oo aad ii balan qaaday in aad i siiso maksab aan ku inti-faaco , oo beesha aan wataa ay iska lee-dahay, waxa imika is qalin daari doona, balamihii hore iyo runtii oo ah xeedhada sal-keeddii oo aan waxba qaadi karin, malaha waxad is lahayd jirjirka baad u seexa-naysaaye, maanta bay kuu bilaabtantay welwel iyo dhaka-faar aanad hore u qabin oo aad run ahaan u taabba-naysaa wixii aad u fooday in ay ahaayeen hal bacaad lagu lisay, oo suxulada laguu dhigo, liqi kari waayey-sid is bedelka ku yimi wixii lagugu soo xero geliyey iyo waxa ku hor yaalla oo aan laba is leh ahayn, taas oo ay kugu cadaan doonaan dhegaha guud-koodua (timaha ku yaalaa) arimahu waa saleelo ee ha sugi waayin adiga baa ku doontay luga-haaga’e haddii aanad imi-kaba  sii baadhan ka aad ka helayso waxa dadka iyo dalka ugu wacan ee aad ku lumiso dantaadda dhuun qoys fara guud-kood laguu subko.
Dhur-waagii ku cunay, baa dhacanta soo taagan,
Oon aanu ku dhaafayn is garo, soona dhici doono
haddii aad keento mid laf dhuun gashay kugu noqda iyo haddii aad keento mid aad ku nasato-ba waa laguu mina fadhiyaa, oo jinac duulaan, dhuxun-ku-reeb,mucaarid, fajac abuur, war xume, kala dile, isku dire, laba wejiile, tuug iyo beenaale, isbedel-doon ku sheeg kursi-doon ah, daba dhilif, baal-orod, hoos yaac, dhuuni doon, kaa-bakh-tiiste-kuu-hadheen ah, siddi dhacaday doorashoo-yinkii hore-ba ee been la idiin sheegay, ka dib-na faashka loola dul tegay, oo kolba boqon la jaraayey, oo mara-qooda kun jeer lagu luqluq-day, ugu damabayn waxan ku soo xidhay, maalin walba hadaad hooga-yeey uun ka dhaxasho aayahaa-guna noqdo aabahay go’, maanta-na aad yey dayday ah soo saarto oo uu hor boodaayo dhurwaaggii hore kuu dharaq-saday iyo mid ka sii daran, oo laba aan waxa isu dhiibin aadw ax u dhiibato , ummad yahay waa idinka iyo nasiib kiin.
*.N.B  Waa geed aan gar-eexadda aqoon, oo loo gu’tiri-yaayeq
 Abdi-shotaly,
oodweynenews.com

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADDANI & Dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe iyo taageerayaasha ururka WADDANI Waxay Tacsi u Dirayaan Marxuum Jamac Axmed Qodax (Jaamac Dheeg)

$
0
0

image: 

“May Allah’s Love Stay In Our Hearts”   
“The world of tomorrow will not be a dangerous world if we show each
other more love than today.”


Ujeeddo: Tacsi
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe  iyo taageerayaasha ururka WADDANI waxay iyagoo ka Murugaysan tacasi u diryaan Ciidanka Asluubta JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhammaaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii Ciidanka Asuubta ee Gobolka Togdheer Marxuum Jamac Axmed Qodax (Jaamac Dheeg) oo ku geeriyooday Dalka Ethiopia 22/07/2012,  Waxaanu Eebo uga baryaynaa innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iimaan inaga wada siiyo. 
Aamiin, Aamiin, Aamiin

Hassan Cumar Hassan 

Dhibaatada balwada xuni leedahay, Qalinkii : c/kariim sh. Maxamuud c/laahi “suldaanka”

$
0
0

image: 

Waxaan doonayaa inaan maqaalkaygan manta dhibaatooyinka lagala kulmo balwadaha xun xun ee diinteenu inaga mamnuucday gaar ahaa bahal la yidhaa khamrigu.
Waxaa jirata in ay caruurtu kala kulmaan dhibaatooyin badan dadka balwadaha leh waayowaxaynu ognahay in qofku marka isticmaalo balwada uu is bedelo maankiisu iyo garashadiisuba.
Bal u fiirso sheekdan soo socota ilmo yar ayaa maalin maalmaha ka mid waxa uu soo qabtay oo uu xadhig ku xidhay bisad yarisla markaana waa uu garaacay, ka dib waxaa u soo galay aabihii oo wakhtigaa cabsan, sakhraansan, odaygii markuu arkay waxa uu sameeyay ilmaha yari ayuu qosol ku waashay ku bogaadiyay ilmihii yaraa arintaa uu sameeyay.
Ilmihii yaraa aad ayuu ugu farxay, oo ugu mabsuuday sidan uu aabihii uga farxiyay xidhitaanka bisadaas.
Maalintii  dambe markii uu odaygii soo gaadhay gurigii ayuu wiilkii yaraa bilaabay inuu bisadii yarayd soo qabto xidho oo u garaaco sidii maalintii hore si uu aabihii uga farxiyo ugana qosliyo sidii maalintii hore, halkuu ka filayay inuu abihii ku bogaadiyo sidii maalintii hore ayuu odaygii aabihii kala kulamay si ka duwan sidii hore, waayo manta aabuhu ma sakhraansana oo maskaxdiisu waa saafi oo xiskiisu wuu joogaa,wiilkii yaraa ayuu canaan dhagaha goostay oo qabsaday isaga oo leh waar yaa ku yidhi bisada xadhig baa lagu xidhaa oo waa la garaaca maxaad maskiinta sidan ugu gashay?
Ilmihii yaraa waa uu yaabay oo waxa isku qaban wayday waxa aabihii wax isku mida marna ugu amaanayo oo ugu bogaadinay marna ugu canaanayo ee ugu qacsanayo.
Walaal akhriste ilmuhu markuu xaalad noocan ah la kulmo waxaa ku dhacda xaalad jahawareer ah wuxuu noqdaa mid aan farxadiisa iyo murugadiisu ku xidhnayn sabab maxquul ah oo sidii u joogo ayuu farxaa ama cadhoodaa. Walaal markaa waxa loo baahan yahay in waalidku ka tago waxa uu balwad leeyahay si ilmuhu u helo barbarin toosan oo aanuu jid qaloocan u qaadin
Ilaahayoow nagu hanuuni dariiqa toosan iyo jidka haboon
Waxaan rajaynaynaa guul iyo gobonimo
Waa qalinkii : c/kariim sh. Maxamuud c/laahi “suldaanka”

Hantida umada reer somaliland yaa dhaca?!!, By: MATAAN CABDI BARKHADLE

$
0
0

Hantida umada reer somaliland yaa dhaca ma iyagaa ma cadow kalaa mise
waxaa ka danbaysa dawlada reer Somaliland
waxaynu ognahay in ganacsi madax banaani ka jiro wadan keena (free
market)qof walibana keeni karo wax kasta. dawladuna ay markasta ku
baaqdo in wadanka la maalgashado waxa uu doono qofku ha ahaaadee taasi
hadaba maal gashigasi ma faaiido ayuu inoo leeyahay mise khasaare muxuu
saamayn inagu leeyahay ma inoo fiican yahay diin ahaan dhaqan ahaan iyo
duunyo ahaan ? wadankeena somaliland waxaa la keenaa ama ka jira wax
kasta oo la odhan karo aduunka laga isticmaalo muslim iyo
kiristan.wasaarada ganacsigu waxay markaaba qofku ii tago tidhaa
shuruudaa soo buuxi waxaagii waad keeni karta
ahmiyadana ay saarto oo kaliya cashuurta maalintaa liisan ka la siiyona
aan cid danbe daba galin tusaale ahaan wadan keena waxaa ka jira
shirkado farabadan sida sida telephone nada xawaladaha iyo
banan.shirkadahaa aynu soo sheegnay dhamaantood waxaa iska leh niman
shisheeye aha laakiin wakiil ay u yidhiin niman muwaadiniin reer
somaliland ahi kuwaasi oo iyagu dantooda oo kaliya ugu jira laakiin aan
marnaba danayn dalka iyo dadka danyarta u badan ee wax ma garatadaa in
ay u horseedaan nimanka maalinba shax u soo dagaya sida umada u dhici
lahaayeen in badan oo horana aynu aragnay in ay dhaceen :
dhicistaa waxaa ka mida barnaamijkii jii foo jaq loo bixiyay ee hantida
badan umada lagaga dhacay waxaa iyana ka mida xawaaladii qaran ee dadka
lacagta doo intay share kii dubai iyo dalalkale ku maal gashadeen magac
yo kalena ku qoray waxaa jirtay shirkadii telecom oo iyana inta uu
mulkiilihii ku yidhi share baan furayaa markuu hantidiisii uu galiyay ka
hellay iska dhoofay waxaa jira iyana nidaamyo kale oo indho sarcaada oo
dadka lacagtooda adag inta laga qaado wax kale loogu badalo sidaa kaga
taajira waxaa jirtay war isna suuqa ku jiray oo ahaa in la jabsaday
xawaaladii ugu aaminka badnay ee dahabshiil in ay iyana niman jabsadeen
hadaba yaa khaldan ma umada reer somaliland waa su aal maxaa banan ka
loo sameeyay dadkii intay qof aanay garanayn lacag toodii u dhiibteen
baan kii somaliland ee aan guurayn na ay u aamini la yihinn
su aashu kale waxay tahay dadka reer somaliland maxay hantidooda war uga
hayn waayeen shaqada dawaladu waa maxay; waxaas oo dhan waxaa ka masuula
oo dayacday shaqadoodii dowlada somaliland waxaanad mudaa in dawladu
sidii qof shaqaalahaa job discription layidhi waxaa iyo waxaa qabo ama
meelo cayiman hadaba anigoo soo gaabinaayo maqaalkan
guubaabadaa baaqa isugu jira in qof waliba ka fikiro kuna cimro qaataan
wixii hore shacab iyo dawlad ba waxana leeyahay mar i dage alle ha dago
mar labaad i dage se anaa is dagay……..
MATAAN CABDI BARKHADLEhargiesa
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

HALISTA UGU WEYN EE SOMALIYI LEEDAHAY WAA RAADINTA SOMALI WEYN, By: Bashe Cabdillahi Yusuf Qulumbe

$
0
0

IN THE NAME OF ALLAH
Asalaamu calaykum waraxma
Sidaynu qabaa`il xoolo dhaqato u badan, beeralay iyo reer magaalna aanu
ka madhnayn isaga ahayn, hadaynu Somaali nahay, ayay dusha inaga
qabsadeen gaaladii cadaanka ahayd ee reer Europe, sida Faransiiska,
Britishka, iyo Talyaaniga. Sidoo kale caalamul Islaam oo dhan( marka
laga reebo gobolada Xijaaz iyo Najd, oo imika loo yaqano Saudi
Arabia) ayay gacanta ku dhigeen nimankaasi, taariikhda markii uugu
horeysay intii Islaamku dunida ka jiray oo xiligaas ku sinayd 13 ilaa 14
qarni.
Kooxo iyo shakhsiyaad aan la koobi karin ayaa intaasba isku deyaayey
kuna baaqaayey sidii gaalada la isaga kicin lahaa, Waxaana hawlahoodaas
loo yaqaanay dhaqdhaqaaqyo gobanimo doon. Dhinaca Soomaalida waxaa
iska kicinta gaalada ka dib kooxahaas gobanimo doonka la baxay ku
baaqayeen in Soomaali la mideeyo. Taas oo macnaheedu yahay in dhulka
Soomaalidu degto dawlad iyo dal qudh ah isku noqdo, marka gaalku tago
amase gobanidaba la qaato.
Waxay soo guclaysaba badhtamihii sanadkii 1960kii ayey laba gobol
calankii wada qaateen mudo usbuuc gudihiis ah, dabeetana ku midoobeen
isla mudadaas. Si ay midnimadaasi mudada dheer lagu baaqaayey u hir
gasho, dawlad Soomaliyeed oo laxaad leh gobolada hadhsana keeni kartaana
u dhalato uuna hirgasho, waxay geestii Britishku ka kacay sameeyeen
tadxiyad ama tanaasul badan, oo caadifad iyo jibo Soomaali weyn uun ku
dhisan, laakiin xaqiiqada ka fog. Waxay shuruud la`aan ku geeyeen
Muqdisho awoodii dawladnimo oo dhan, sida, caasimadii,
madaxweynihii, raysal wasaarihii, baarlamaankii iyo gebi ahaanba
golayaashii iyo laamihii dawliga ahaa ee ay lahaayeen.
30 sano ka dib, waxay dirqi yaa Allah iyo maryo dhiigle ku soo furteen
dawladnimadii ay 60kii hadiyada u bixiyeen. Waxay si aan gabasho lahayn,
oo badheedh ah ayakoo midnimadii Muqdisho qoomameeyey kana cadhaysan
uugu dhawaaqeen, 18kii May 1991, magaalada Burco, inay dawladnimadoodii
ay 1dii July 1960kii Xamar geeyeen la soo noqdeen, oo aanay maalintaas
laga bilaabo ka mid ahayn wixii loo yaqaanay Jamhuuriyada Soomaaliyeed.
La soo noqoshadaas gooni isutaagoodii ay 26kii June 1960kii heleen, ayaa
wejigooda ku soo qortay farxad, ilays iyo riyaaq aan la koobi karin oo
ka weyn kii maalintii Britishku ka tegay, taas oo iloowsiisay kana
bi`isay ciilkii iyo cadhadii ay badeen kuwii ay la midoobeen ee reer
Somalia.
Labadaas go`aan ee aadka u kala fog ee reer Somaliland kala qaateen
60kii iyo 91kii, waxay ku tusaysaa sidii ay dadkaasi ku fakirayeen
maalintaas hore iyo waxay kala kulmeen inuu kaaf iyo kala dheeri ahaa.
Taasina keentay inay 30 sano ka dib gaadhaan go`aankii hore caksigiisa,
kaas oo ah Ciisaa bi Diin Muusaa bi Diin!
Go`aankan danbe ee gooni isu taag la soo noqoshada ah, ama dhidibo adag
u taagida Republic of Somaliland wuxuu ka dhashay waayo aragnimo iyo
duruus culus oo laga bartay 30kii sano ee cadaalad darada, cabudhinta,
musuqmaasuqa, boobka, badsiga iyo xasuuqa aan loo aabo yeelin dad,
diin iyo duunyo laga bartay.
Waxaa noloshii iyo dhismihii dawladnimo laga soo bilaabay meel waxba ama
Zero ka hoosaysa, taas oo ay gaadhsiiyeen kuwii ay awooda gacanta u
geliyeen aayahoodana ku aamineen ee ay sida caadifada, jibada iyo niyad
samaantu ku jirto uula midoobeen 1st July, 1960kii.
Intuu doonaba itaal ha noqdee, waxaa hubaal ah in 20kaas sano kor uun
loo socday, caqabado badana laga soo gudbay, maantana ay marayso meel
Ilaahay swt lagu mahadiyo, ayadoo hadana aan weli ictiraaf dawli ah
aduunyada ama beesha caalamka laga helin.
Waxaa la tijaabiyey qadiyadii Soomaali weyn la odhan jiray waxaana la
ogaaday oo indhaha iyo dhaayahaba la saaray inay tahay marin haboowga
koowaad ee Soomaaliyi ku riyootay, iyo fakirka uugu khatarsan ee ina soo
waajahay intaynu jirnay hadaynu dadka Soomaalida ah nahay.
Wuxuu gooni isu taaga jamhuuriyada Djibouti cadeeyey in gobol kastoo
gobanimo qaatay inuu goonidiisa isu taagaa tahay xalka qudha ee dawlad
ama qaranimo Soomaaliyi leedahay lagu dhisi karo. Geesta kalena wuxuu
midowgii Somaliland iyo Somalia cadeeyey inaanay weli Soomaalidu u
bislaan una dhaweyn inay dal balaadhan oo intaas le`eg maamulkiisa
dawliga ah hanato ama ka adkaato.
Midnimadii hore la isugu sheekeeyey ee in badan Soomaaliyi ku riyootay
raadisayna ayaa noqotay bahalka iyo dadqalka uugu weyn ee dhiigooda
jaqaaya, una horseedaaya inay ayaku gacantooda isku baabi`iyaan.
`Waxaad jeceshahay ayaa kuu shar badnaan kara, waxaad neceb tahayna way
kuu khayr badnaan karaan` sida Qur`aanka ku cad. Soomaali weyn
jacaylkeedii wuxuu noqday SHAR! la hubsay oo gorayo waa haad!
Waxay reer Somaliland dhadhamiyeen markii taariikhdooda uugu horaysay
ilaa intii gumaysigii Britishku ka tegay, macaanka ay leedahay
dawladnimadaada oo gacantaada aad ku haysataa, aayahaaga oo aanad cid
kale u daba fadhiisan iyo inaanad taladaada dawliga ah cidna marti uuga
noqon karin, xataa Soomaalida dad kuugu xigta.
Reer Somaliland maanta waa waayo arag aan waxba loo sheegi karin lana
sasaban karin, sidaa darteed wixii inagu dhacay khasaare maaha maadaama
aynu duruus lama ilaawaan ah ka baranay.
Ilaahay swt, Somaliland ha adkeeyo, ha barakeeyo, ha nabadeeyo, ha
badbaadiyo, ha dhawro, ha barwaaqeeyo, ha caafiyo oo shuushka iyo
dulinkaba ha ka saaro, ha sugo oo ha siiyo khayr fi dunyaa wal aakhira.
Aamiin
Wasalaam. Bashe Cabdillahi Yusuf Qulumbe, London

—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Kala Kaaneey Koow Ku soo Noqo (Aqriso)

$
0
0

image: 

Koo waa la dooranaa, oo wuxuu saakay u dabaaal dagayaa in loo doortay madaxweyne Dowlad Reereed oo farxad meel uu iskala geeyaa maleh,darajo uu maalinba meel usoo fadhiyey ayuu qabaa in saakay sacabada loogu shubay oo siyaasad hadey samaan leedahay wuxuu isku heystaa in uu saakay yahay kan Sal fadhigeeda yaqaan oo uu sidii Caw Sali soo toltolayey.
Waxaa u muuqda oo ku filan waa intaa iyo afar reeraha in uu u taliyo ee Soomaaliween iyo in uu isku keenaa wax danoo ugu jirtaa malahan isna marabo in uu isku daaliyaa, xitaa ma oga Degmada uu dhanka ka heysto dhankeeda kale Damaashaadka uga socda iyo sanad guurada uu tirsanaayo wuxuu isaga u yaqaan Dowlad Heblaayo.
Koo waa Dabaal dagaa, oo saakay ciidan beesha ah ayuu ayaantanba gaardisiin iyo gaada kacayaar aan Qaran loo mareyn balse qeyb qabiil ah ayuu isku duwday, wuxuuna leeyahay isagoo faraxsan “Anigoo ah Madaxweynaha Reerka waxa aan hormarka beesha ku faraxsaneyn waa ogahay” Calan Reereed ayuu sitaa oo kuma baraarugsana Soomaaliweyn in Dalkeena uu u guntado samatabixintiisa, waxaana ku filan Sunuudaha laga soo uruuriyo meelaha qeyraadka shacabka.
Waxaa uu jeclaan lahaana kala sii go`a umada oo intaan waa ku yar tahay ee wuxuu rabaa in uu wixiisa Caalamka isagoo reereysan ka iibsado, warna uma hayo Demada uu ka taliyaa dhankeeda kale ee uu u yaqaan Dowlad Heblaayo waxa ka dhacaaya oo ma oga damaashaadka uu ku jiro kan kalee isna Beeshaan kale xiro kusii Oodanayee hamigu uga jiro in uu Sunuuda ka uruursado.
Koo waa ansixinaa, oo halkan ayuu ka leeyahay Dastuurka waa ansax, ama diid ama yeel, iyadoo dadkii oo dhan ay leeyihiin Dastuurkan Gabdhaha Gudniinkooda ka hadlay ee aan ka hadleyn Xuduudaha Dalkeena, Dastuurkaan Diinta Islaamka kasoo horjeeda badankii ee shacabkii wada diideen naga badala oo ku San noo keena, uma jeedo waxaa u muuqda ansixin, wuxuuna ku jiraa Damaashaad iyagoo dhamina waa sacbinayaaan,maba islaha armaad Qalad ku jirtaan.
Waxkasta waa u abaabulan yihin, sida kuwa diididoona, kuwa yeelaayo waa sii ogo sii shaqeeyey, adaaba og duugta magaalada ka socota iyo ilmada shacabka ka qubaneysa, in Marshaalle xalay Afurkii la dilay haba sheegin, in koo damaashaadooyo ha sheegin, in koo la dooranooyo ha sheegin, koodaa u muuqda oo kaligodaa Guuleysteen.
Koo waa gooni, waa go`aas leeyahay, Calan gaaraan wataa, Lacag gaaraan heystaa, waxkasta wuxuu ugu necebyahay Soomaaliweyn ayaad ka mid tahay, wuxuuna isku heystaa Dowlad gaar ah, hadana waa Dowlad Reereed, waxkastaa oo wadanka guud ahaan uga dhacaaya waa og yahay hadana tacabkaluu ku jiraa, Jamhuuriyada adaaba isku yaqaan,adaaba og in Beerta Xoriyada ee Hargeysa Calanka Baluugley markii ugu horeysay laga taagay, waa Kood, koodaan kaligood, hadey inta kale ee kala kaanka ay Karaan sidii dabkii isaga wuxuu qabaa iney Kaahii aqoonsigisa soo dhowyahay.
Waxa saakay dhacaaya adaaba war u haaya,Aaska Marxuum Marshaale iyo Tiiraanyadaan Xariga Goosatay adaaba og, hadey ka hadlaan waxey isku heystaan in la leeyahay waxad ka mid tihiin Jamhuuriyada Soomaaliya.
Koo waa la Duugaa, shacabka waa Oynaayaan, isagaa ugu shacbiyad badan dal iyo Dibad oo waa laga dareemay wajiyada umadeena, wax ay suubiyaan mayaqaanaan inta la xirfada ah waa ku kor barooranayaaan, mana mooga in iyaga halistooda taagan tahay lakiin kaligood noolayaasha Dalka ma oga.
Kuwaan Ooynaaya ee Aaska jooga waa kuwa ugu walwalka badan hadana bulshada indhaha u ah, lakiin kan damaashaadaya ma oga in Marshaale la duugaayo mana rabo xitaa in qudbada uu ku soo daro, iskaba daa kan la doortay wuxuuba u arkaa arima ka baxsan Dowladiisa Reerka, Kan Saxiixanaayana koodii uweynaa uma Tacsiyeen, kii kayaraana Magagaciisa ayuuba garan waayey, waxey u arkaanse maahan Marshaale ee waa ka shacbiyad badan yahay, oo laga jecel yahay Marxuumkan Saakay la Aasaayo.
Saakay waa kala kaan, kuwalbaa waxbaa u karsamaaya oo waa kaligood noolayaal,kuli shacabkeenana kadeed ayaan la kacaa kufeynaa 21 sano, hadaanse kala kaankaan sii baahaya aan lagu baraarugin waxaa sii badandoona Kaligood noolayaasha aan waxba noo heyn ee Soomaalaay kala kaaney Koow kusoo noqo.
Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore)
fiyoore@hotmail.com


DAAWO SAWIRRADA:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Socdaal Shaqo Ku Tagey Degmada Balcad Ee Gobolka Sh,Dhexe

$
0
0

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta socdaal shaqo ku tagey degmada Balcad iyo deegaannno kale oo gobolka Shabeelada Dhexe ka tirsan.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Eng Axmed Macalin Fiqi.























































Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                                          +442035190460
USA & CANADA                                       +17124327760

Tartamayaasha Degmooyinka Warta Nabadda VS Dharkeenley Oo Caawa Tartamay “Dhageyso”

$
0
0

Tartamayaasha degmooyinka Warta Nabadda VS Dharkeenley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa caawa ku tartamay barnaamijka Tartan Cilmiyeedka Ramadaan oo ay warbaahinta Qaranka u qabaneyso degmooyinka Dalka ayadoo barnaamijkana ay sanadkan taabagelineyso shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.
Tartamayaasha labada degmo ayaa muujiyey tartan aad u qurux badan bilowga ilaa dhamaadka barnaamijka waxaana sidoo kale qeyb ka aheyd sida caadada ah xubnaha aalaaba barnaamijka dhextaalka u ah ee isbarashada degmooyinka habeenkaas tartamaya iyo su’aasha ay shirkadda barnaamijka taabagelineysa ee Hormuud Telecom abaalmarinnada ku siiso dhageystayaasha Radio Muqdisho.
Natiijada tartankii caawa dhexmaray degmooyinka Warta Nabadda VS Dharkeenley ayaa noqotay sidan:-
Warta Nabadda
Tartamayaasha degmada Warta Nabadda su’aallaha Todobada ah ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Seddex ka mid ah,Afar su’aalna jawaabahooda wey haleeli waayeen,halka ay si ka faa’ideysi ah uga jawaabeen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dharkeenley waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha degmada Warta Nabadda ay nodeen Sideed Dhibcood.
Dharkeenley
Iyana dhankooda tartamayaasha degmada Dharkeenley su’aallaha Todobada ah ee la weydiiyey waxey si sax ah uga jawaabeen Afar ka mid ah, seddex su’aalna jawaabahooda wey haleeli waayeen, halka ay si ka faa’ideysi ahna uga jawaabeen laba su’aallood oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Warta Nabadda waxaana wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dharkeenley ay noqdeen 12 Dhibcood oo ay ku badiyeen.
Tartamayaasha degmada Dharkeenley ayaa usoo gudbay wareegga labaad ee tartanka waxaana haduu Alle idmo barnaamijka habeen dambe ku tartami doona degmooyinka deriska ah ee C/casiis VS Kaaraan oo gobolka Banaadir ka wada tirsan.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Tartanka Ramadaan 01-August-2012 Warta Nabadda VS Dharkeenley
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Tartanka Ramadaan 01-August-2012 Warta Nabadda VS Dharkeenley
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Seddexaad Ee Tartanka Ramadaan 01-August-2012 Warta Nabadda VS Dharkeenley
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                                          +442035190460
USA & CANADA                                       +17124327760

Iskaashatada Hilibka ee NAFAQO Oo doortay Hoggaan Cusub

$
0
0

Hargeysa(OWN)- Iskaashatada Ururka Hilibka ee Nafaqo ayaa   shirweyne ay caawa  ku yeesheen  Huteel Imperial ku doortay  Hoggaankooda cusub ee ururkaasi ka tallin doona labada sanadood ee soo socda.
 
Waxa shirweynahan ka soo   qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE, La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada, Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada,  Kusimaha  badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex, Xoghayaha  Gobolka Gobolka Hargeysa iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
 
Guddoomiyaha Iskaashatada Nafaqo cod gacan taag ah oo aqlabiyad ah loogu doortay  Mr Dayib Cumar Aadan, Guddoomiye Ku xigeenka Iskaashatadana waxa loo doortay Shuun Xuseen Cilmi, halka Xoghayaha guud ee ururkana loo doortay Mr Ciise Keyse Warmahaye.
 
Doorashada ka dib waxa madashii shirweynahan ka hadlay Guddoomiyaha Gudidii qaban qaabada shirweynaha Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo ee magaalada Hargeysa Mr. C/raxmaan Xaaji Cumar Suufi, waxaanu yidhi   “Runtii maanta bahweynta ururka Nafaqo iyo gudideeda fulinta oo maanta halkan wada fadhiya waxay diyaar u yihiin in sii sinaan iyo cadaalad leh oo gacantaaga ay ku caleemo saaran cida noqonaysaa ama hogaaminaysaa iskaashatada hilibka ee ururka Nafaqo.
 
“Iskaashatadan ama bahweyntani Nafaqo waxaa uu soo marey heerar marxalado kala duwan oo minba meel soo gaadshiyay maantana Insha Allaaahu waxaan ku rajo weynahay in hogaanka la doorto halkaasi uun ka sii ambaqaadi doono,”ayuu yidhi C/Raxmaan Xaaji Cumar.
 
Sidoo kale , xubno ka mid ah Gudida fulinta Iskaashatadan ayaa u mahad celiyay maamulkii hore ee ururka oo ay tilmaameen inay meel wanaagsan soo gaadhsiiyeen, iyagoo u rajeeyay maamulka cusubna inay halkaasi ka sii ambo qaadaan.
 
 Ku simaha badhasaabka Maroodi Jeex ahna Guddoomiye xigeenka Rashiid Axmed Muxumed oo ka hadlay shirweynahan ayaa soo dhaweeyay sida dimuqraadiyada ah ee ururkani isku doorteen, hoggaankooduna xilka kula kala wareegay si sharci ah,
 
 “Waxaa ii farxad ah inaan idin kala soo qaybgalo xafladan ay iskaashatada Nafaqo ku dooratay Hoggaankooda  cusub, iskaashatada Nafaqo waa laf-dhabarta dhaqaale ee aynu leenahay tanina waxay muujinaysaa sida fiican ee aad bahweyntiinani isugu tolan tihiin ee qiimaha iyo waddaniyadda leh una soo bandhigteen inaad  doorataan cidii idiin hogaamin lahayd.”
 
“ Anigoo ah ku simaha  guddoomiyaha gobolka kana wakiil wasaaradda arrimaha gudaha, waxaan balan qaadaya inanu dhinacayaga la shaqeyn doono isna garaab taagi doono guddoomiyaha cusub iyo hawlwadeenadiisaba,” ayuu yidhi ku simaha badhasaabka .
 
Ugu dambayn waxa shirweynahaasi soo gabo-gabeeyay  La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyarada, waxaanu yidhi  “Waxaa ii farxad  xafladan aadka loo muneeyay inan idin kala soo qaybgalo, runtii anigu waxaan ka garaabaya waxyaabihii ay qabteen guddidii hore iyo intaa uu sheegay guddoomiyaha qabanqaabadu ee uu yidhi fadhiidnimo  oo waa jirtaa gaabiskaasi, waxaana mudan in la sheego qof walbaba waxaa uu qabtay waayo qofka aan bila aadanka u mahadnaqin Ilaahayna uma mahadnaqo, waxay duco ku sagootiyaynaa hogaankii hore, waxaanan   soo dhaweynaa  hogaanka cusub oo aanu u balan-qaadeyno inaanu isgarab taagi doono, waxaan idiinku daardarayaa sidii horumarkiina iyo waxqabadkiinu u noqdo mid mid midho-dhala.  waa in aad noqotaan kuwoo is-indho buuxiya, dedaal dheeraadana la yimaada.”
 
Sidoo kale waxaa isaguna xafladaasi hadal ka soo jeediyay hogaanka la doortay ee ururkaasi Nafaqo Dayib Cumar  Aadan, ayaa sheegay inuu sii sinaan iyo cadaalad ku dheehan tahay ugu shaqeyn doono idil ahaantoodbaa. Ururka iskaashatada ee hilibkana.
 
Cumar Maxamed Faarax/ Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

Halkan Ka Daawo Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Soo Safar Ku Tagay Magaalada Oodweyne Ee Gobolka Daadmadheedh

Guddoonka Qaybdiid iyo Guusha Galmudug, By: Xasan Maxamed “Xasan Yare”

$
0
0

image: 

Maamulka Galmudug ee xaruntiisu tahay Gaalkacyo, waxaa dhidibada loo taagay 14/8/2006-dii. Madaxweynihii ugu horreeyey waxaa ka noqday Maxamed Cali warsameKiimiko” mudane “Kiimiko” xilka wuxuu yahay muddo 3 sano ah, intuu xilka hayay wuxuu wax ka qabaty arrimo badan, oo ay ka mid yihiin: Nabadgalyada, Waxbarshada, Caafimaadka iyo Dhib u dhiska deegaannada uu ka taliyo maamulkaa.
 
 
Dhanka kale, mudane “Kiimiko” ayaa abuuray is dhexgal bulsho, shacabka ku nool Maamulka Galmudug  hogo tusaaleeyey kala duwanaanshaha maamul ay soo doorteen iyo maamul aysan soo dooran.
 
 
Mudane “Kiimiko” wuxuu hoggaanka u qabtay maamul ku dhisan magac ka soo maaxday maanka aqoonyahnnada iyo waxgaradka Reer Galmudug, isaga kala yimid dal iyo dibad.
 
 
Ujeedka loo aas aasay Maamulka Galmudug waa in laga baxo dhibaatooyinka ragaadiyay Shacaabka, waxna lala qeybsado Maamullada kale ee Soomaaliya ka dhisan iyo Beesha caalamka oo ay Reer Galmudug ahaadan dad Magac iyo Maamuus ku dhex leh aduunka.
 
 
Sanaddii 2009 Bishii 6aad ayaa khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Galmudug, iyagoo baarlamaankii xilligaa jiray ay shaaca ka qaadeen in uu m waqtigii madaxweynaha lana dooron doono hoggaan cusub oo sii wada Maamulka Galmudug, Waxaana arintaa ka biyo diiday mudane “Kiimiko” iyo Xubno katiranaa Golahiisa wasiirrada, kuna dooday inaan la qaban karin doorasho inta ka horrasya bisha bisha August, oo xilligu ugu ekaa maamulkuu hoggaaminayey mudane “Kiimiko”.
 
 
Bishii 8aad ee sanaddii 2009, waxaa labo madaxweyne ku kala dhawaqay golaha baarlamaanka iyo Saraakiil katirsan Ahlusunna oo xilligaa qeyb ka ahaa awoodaha ku hardamayey xilka madaxtinimda Galmudug, waxayna labadaa Madaxweyne kala ahaayeen Maxamed Axmed Caalin iyo Axmed Shariif Cali Hilowle oo midba midka kale sheeganayay inuu yahay Hoggaanka Maamulka Galmudug ee si sharciya ku joogo.
 
 
Khilaafku waa sii xoogaystay, waxaana meshaa ka baxay adeegyadii shacabka Galmudug ay tabayeen ee uu abuuray Madaxweyne “Kiimiko” taasna waxay keentay in guud ahaan reer Galmudug ay ku mashquulaan xal u helidda arrintan, is jiijiid ka dibse waxaa tanaasulay mudane Axmed Shariif Cali Hilowle.
 
 
Bisha 1aad 15keedii sanaddii 2010 ayaa mudane Maxamed Axmed Caalin loo caleema saarayay inuu noqdo Hoggaamiyaha Galmudug, haddaba mudane Maxamed Axmed Caalin muxuu qabtay Maamulkiisii?.
 
 
Maalintii Madaxweyne Caalin si rasmiya uu u noqday madaxa Maamulka Galmudug ilaa maanta  waxaa Jiray arrimo badan oo u hirgalay iyo kuwo aan hirgelin.
 
 
Shacabka Galmudug ayaa ka filayey maamulka cusub in ay noqon doonaan mid wax ka qabta dib u dhiska deegaannadooda iyo in la furo Dakadda Hobyo oo aan la isticmaalin wixii ka dambeeyay burburkii dowladdi dhexe ee Soomaaliya.
 
 
Arrimaha hirgalay waxaa ka mid ah furitaanka laba Jaamcadood, dhinacyada  arrimaha  bulshada, siyaasadda oo ay si rasmiya uga soo dhex muuqdeen, waxqabad badan oo la taaban karo iyo xagal daac labadaba wuu soo maray  maamulkii Caalin madaxda ka ahaa, iyadoo maamulku  wada gaarin deegaannada.
 
 
Dhanka ammaanka, in kasta oo aysan jirin ciidamo u taagan sugidda ammaanka deegaannada Galmudug, haddana, ma jiraan dhacdooyin ammaan xumo oo sidaa u sii qara weyn, walow ay jiraan in lagu afduubtay shaqaalo ajaanib ah.
 
 
Mar kale ayaa khilaafka soo kala dhexgalay maamulka Galmudug ugu sarreeya, mudane caalin ayaa xilka laga qaaday ka dib mooshin laga keenay oo ay u codeeyeen baarlamaanku, Maxkamadda sare ee maamulkunu waxay xukuntay in go’aanka baarlamaaknku waafaqsanaa sharciga u yaal maamulka, waxaase soo kala dhexgalay odoyaal, lana xalliyey khilaafkii.
 
 
Maamulkii mudane Caalin wuxuu la falgalay wadanka oo ay ka dhacayaan isbadallo waaweyn oo dhan walba leh, amni [Burcadbadeed iyo Alshabaab], dhaqaale, dawladeyn iyo soo afjaridda kala guurka ah, wuxuu gacan weyn ka gaystay qorshaha nabadda ee loo yaqaan Roadmap-ka, sidoo kale wuxuu aad ugu dhabar adaygay dhammaystirka Dastuurka qabyo qoraalka ah, oo aan maamulka la’aantood marna dhammaystirmeen.
 
 
Dhanka kale, waxaa doorasho loo wada hanwaynaa ka dhacday maamulka Gamudug, ee uu madaxweynaha ka ahaa Mudane Caalin, kana mid ah lixda saxiixayaasha qorsha tubta nabadda ee loo yaqaan Roadmap.
 
 
Doorashada waxaa ku guulaystay mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” oo mar soo moqday Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, si isdaba joog ahna u soo ahaa Talyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Xukuumadihii DKMG ahaa soo maray wadan guud ahaan.
 
 
Mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” wuxuu ka mid ahaa murashaxiinta ugu cadcaddaa ee u taagnaa qabashada xilka madaxweyne ee maamulka Galmudug, shaqsi ahaan waa mudane isku darsaday aqoon Shibil iyo mid ciidan, wuxuu ahaa Kornayl xagga ciidanka ah dibse loo dallacsiiyey, oo noqday General, sidaa awgeedna ku mutaystay inuu noqda madaxa ciidanka Booliska Soomaalieed muddu ka badan toban sanadood.
 
 
Dhanka maamulka iyo maaraynta, wuxuu xil ka soo qabtay xukuumaddii C/rashiid Sharmarke, oo loo dhiibay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, oo uu haayey ilaa xilka iska casilay mudane Sharmarke.
 
 
Doorashada mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” loo doortay madaxa maamulka Gamudug waxay ku soo aadday xilli wadanka ka baxayo ku meelgaarlnimo, una gudbayo dawlad daa’im oo ku salaysan nidaamka Federalka, oo la ansixiyey Dastuurkii qabyo qoraalka ahaa, ee wadanka lagu hagi doono afarta sano ee soo socota.
 
 
Mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” waxaa looga fadhiyaa inuu hawlo badan oo horyaal wax ka qabto, oo ay ugu horreyso ammaanka, la dagaallanka kooxaha fawda abuuryada ah iyo inuu dib u habayn ku sameeyo maamulka iyo nidaamka Galmudug, siina hormariyo hawlaha dib u dhiska, abuuridda ila dhaqaale iyo wax ka qabashada gargaarka, caafimaadka iyo waxbarashada.
 
 
Doorashada mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” waxaa ka hadlay mudane C/raxmaan Faroole madaxa maamulka Bari, wuxuu yiri: “Waxaan rajeyneynaa maamulka Galmudug inaan is kaalmeysano oo aan gacan isa siino si aan ceebta Soomaaliya uga tirno meeshaas ka shisheysa ilaa Hoboyo, Xarardheere iyo Ceelbuur oo Al- Shabaabku iyo Burcadbadeedu fadhiyaan” waxaa la yiri: “Maroodigu Takarta isaga saaran ma arkee tan kale yuu arkaa!” waxa weeye mudane Faroole ma arki waayey Burcadbadeedda deegaanka Eyl fadhida? Ma arki waayey Argagixisada Buuraha u jira ee Sheekha Atam hoggaansho? Maxaa tusay deegannada maamulka Galmudug, muu ku ekaado deegaannada uu ka taliyo?!
 
 
Run ahaan mudane Faroole wixiisu waa iga fogee iyo iga dheeree, balse xaqiiqdu sidaa kuma fogaato, oo arrimaha Burcadbadeedka ee maamulkiisu faraha kula jiro waa wax cad,  oo TVyada iyo wargaysyada caalamka yaa ka hadlay, lagu caddeeyey warbixinno ka soo baxay Macaahid ku kala yaal London iyo Washington, haddaba, wuxuu isku soo qaadayaa deegannada maamulka Galmudug?.
 
 
Ugu dambayn, bulshada iyo xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa saadaalinaya,  maadaama mudane Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” uu leeyahay hannaan hoggaaamin iyo khibrad ciidan oo weliba  Booliis ah, inuu si weyn wax uga qaban doono dhinaca  ammaanka iyo dhismaha ciidamo tayeysan, waxaa kale oo la saadaalinayaa inuu xiriir wanaagsan ka dhexdhalin doono  maamullada  deegaamada la deriska ah, macquulna ay tahay inuu mideeyo maamullada  gobollada dhexe  ka jira.
 
 
Waxaa looga fadhiyaa Madaxweynaha Maamulka Galmudugstate inuu billaabo  waxqabad  dhinac walba  ah, Sida: Ammaanka, waxbarashada, Caafimaadka, Shaqo abuurista, abuurana  gebi ahaan adeegyada bulsho ee maamulku u baahan yahay, taasi waxay ku iman kartaa marka uu la tashi rasmi ah la sameeyo bulshada deegaanka, waxgaradka iyo gebi ahaan aqoonyahannada, haddii taasi hirgasho waxaa halkaas ka soo dhex bixi doona  muuqaal iyo hannaan  ku salaysan nidaam dowladeed iyo maamul  wanaag lagu ammaani doono, Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
 
 
Waa lama huraan, in shacabka deegaankaasi, aqoonyahanka, waxgaradka, Odaya dhaqameedka, haweenka, dhalinyarada, Culumaduba si rasmiya ula shaqeeyaan, maamul aan shacbiyad lahayni  meel ma gaaro.
 
 
Waxaan ku soo afjarayaa, Galmudug ma waxay ku ekaan doontaa koonfurta Gaalkacayo mise waxay noqon doontaa maamul ay wadaagaan  gebi ahaan Bartamaha Soomaaliya oo lagu helo negaadi, nabad iyo nidaam dowladeed?.
 
 
Waa inuu nabad iyo is fahan iyo wada noolaansho ka dhex abuurto deegaamada ku hareeraysan waxaay hirgelisay nidaamkii loo abuuray, Gobollada bartamaha waxaa dega  Soomaali oo dhan, waana inay helan maamul midaysan u horseedo gobollada dhexe in ay hal cod, hal cudud iyo hal caqli ugu shaqeeyaan nabadda iyo huromarka.
 
 
Waxaana loo baahan yahay in la helo Maamul isu keena oo ay wadaagan  tusaalena u noqda bulshada Soomaaliyeed  oo abuura  nidaam ku salaysan midnimo, sinnaan iyo caddaalad.
 
 
 
Xasan Maxamed “Xasan Yare
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Muxuu Abwaan Hadraawi Ka Yidhi BUUGGA CULUUMTA MAANSADA, By: Khadar Maxamed FAARAX

$
0
0

image: 

Buugga CULUUMTA MAANSADU waa buug uu qoray SICIID MAXAMUUD GAHAYR oo ka
mid ah dhallinyarada Somaliland ee qalinleyda ahm isla markaasna aqoonta
u leh Suugaanta. Waa buug ka hadlaya, koobayana aqoonta suugaanta,
waxaana dhawaan lagu daabacay dalka SWEDEN. Hal-door badan ayaa
akhriyayay kelmadana ka yidhi intii aan la daabicin, waxaana ka mid ah
Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame-Hadraawi oo ay kelmaddiisu
tahay tan
“Marka hore aan idhaahdo Siciid Maxamuud Gahayr waa wiil aad u da’yar,
ujeedooyinka buuggani xambaarsan yahay aad bay uga da’weyn tahay isaga.
Waxaan horta Siciid ku hambalyeynayaa sida uu ugu dhiiraday in uu
nolosha wax ku soo kordhiyo iyo in uu qoraalkiisa ku bilaabo hantida
ummadda iyo baadidoonkeeda ku saabsan suugaanta ay Soomaalidu leedahay,
taasoo runtii ah ujeedo aad u culus.
Waxaan odhan karaa ujeedadaas uu Siciid abbaaray waa ku dhac geesinimo
leh. Siciid baabka suugaanta iyo dedaalkiisa wuu u talo badsaday,
waayeel iyo wax-garad ayuu la tashaday oo ku yidhi “wax igu biiriya”,
talo badsigaasna Siciid kumuu khasaarin, waxa Siciid taa u barbar taal,
wuxuu faaqiday Miisaanka Maansada oo isna maanta faaqidaadiisu badka
taal, waxaan Siciid u rajeynayaa in uu helo fursad uu ku sii kordhiyo
dedaalkiisa.
Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”,Abwaan weyn,Hal-abuur waayo-rag
ah,Maansayahan Mufakar ah,Aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha bulshada
Buuggani waa mid koobaya aqoon badan oo ku ladhan maansada Soomaalida
sida qaybaheeda, shuruudaheeda, doorkeeda taariikha, hummaageynta,
ujeeddooyinka loo allifo, miisaanka maansada, ujeeddada maansada loo
allifo, waxtarna u leh bahda suugaanta, Waxaanan akhristeyaasha jecel
suugaanta u soo jeedin lahaa in ay ila arkaan buuggan oo yaalla Hargeysa
iyo SWEDEN
Khadar Maxamed FAARAX
HARGEYSA

—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

DEG DEG: Kulankii Hillary Clinton Ay La Yeelan Lahayd Labada Shariif iyo C/weli Gaas oo Dhacaya Jimcaha Berito (Faahfaahin)

$
0
0

image: 

Nairobi (RBC) Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaalada Nairobi ay soo gaaraan saddexda masuul ee DKMG Soomaaliya hogaamisa ee kala ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Raysul wasaare C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xasan, waxaana berito safaarada Mareykanka ee Nairobi ka dhacaya kulan xasaasi ah.
Kulankan oo dhacaya berito [Jimce] gelinka hore ayaa sida Raxanreeb ay ogaatay diirada lagu saari doonaa marxalada cusub ee dalku galayo gaar ahaan doorashada madaxtinimo ee la filayo inay dhacdo 20-ka Agoosto oo labo toddobaad naga xigaan.  Waxaana la filayaa in Hillary Clinton ay diirada saarto dhowr waxyaabood oo ku jira doorashada.
Warar ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxda DKMG Soomaalidu ka cabsi qabaan in Mareykanka ay ku taliyaan in saddexda masuul [Labada Shariif iyo Gaas] ay doorashada ka haraan taasoo sabab looga dhigayo eedeynta musuqmaasuq ee saddexda nin iyo rag kaleba loo soo jeediyeytaasoo Mareykanka iyo Ingiriiska u ololeynayaan in baaritaan lagu sameeyo.
Waxaase jira aragti kale oo sheegaysa inay dhici karto in xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ay soo jeediso in doorashada ay noqoto mid hufan oo aysan noqon mid saddexda nin jeebka ugu jirta sida ay haddaba ka walaacsan yihiin musharixiin fara badan oo sheegaya in illaa hadda guddi doorasho aanu jirin, wax diiwaangelin ahna aan loo sameyn musharixiinta rabta inay u ordaan madaxtinimada dalka.
“Hal barlaamaan kaliya”
Warar ku dhow safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo Raxanreeb ay heshay waxay kaloo sheegayaanin Clinton ay cadeyn doonto mowqifka Mareykanka uu ka joogo labada gole baarlamaanka ee lagu xusay qariirada tubta “roadmap” ee ay saxiixeen lixda nin ee saxiixayaasha ah, taasoo xukuumadda Washington oo deeq bixiyaasha ugu horeysa ay ka qeylisay.
Mareykanka ayaa qaba inaan dhaqale loo heyn labo aqal baarlamaan hase yeeshee loo baahan yahay kaliya hal aqal oo ka kooban “275″ xildhibaan in la sameeyo iyo dawlad leh madaxweyne iyo gole xukuumad, waxaana la filayaa in mowqifkaasi Clinton u sheegi doonto saddexda sarkaal ee ughu sareeya DKMG Soomaaliya.
Qodobada kale ee ku jira ajendaha kulanka Clinton la yeelaneyso labada Shariif iyo C/weli Gaas Jimcaha waxaa ka mid ah in mudanayaasha cusub ee baarlamaanka laga rabo inaysan noqon kuwo ay keensadeen madaxda sare iyo siyaasiyiinta balse ay noqdaan kuwo metela beelaha.
AKHRI FAAHFAAHIN KALE
Wixii warar dheeraad ah ee ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com
 
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi


Beeshii aan Issimkeedu joogin Magaalad Muqdisho waa la qadiyey

$
0
0

image: 

Asalaama caleykum wa raxmatulaahi wa barakaatu.

Hordhaca Qoraalka:

Salaanta Islaamka ka dib. Walaalayaal waxaan maanta qormadan uga hadlayaa ama xoogaa xog dheeri ah ku iftiiminaynaa isbedelda ka socda Dalka Soomaaliya ama looguna magac darey Tubta-nabadda (Road-mapka) ee mudada 3-bilood ah oo aynu ku jirno marxalado kale gedisan soo marayey. Marka aynu ka soo bilowno ergaddii odayaal dhaqameedyadda, ergadii axsixinta Dastuurka iyo mida hada socota ee soo xulitaanka Baarlamaanka cusub(Golaha Sharci Dejinta) ilaa la gaaro ama laga dhameys tiro Hayadaha shirciga ah ee Dowladdu ka kooban tahay sida Madaxweyne, R/wasaare- Xukuumadeed, Laamihii Garsoorka Iwm. Ka dibna loo helo dowlad aan ku meel gaar ahayn oo Caalamka la jaan qaada ka dib 22 sanno oo dalka iyo dadka soomaaliyeed ay aafeeyeen Colaad Sokeeye (mid Qaba´il iyo hogaamiye kooxeedyo), mid Ururo-diimeed , Abaaro, burcad-badeed iwm.
Marxaladda hadda la marayo sida aynu wada ogsoonahay waxaa gabagabo ah dhameystirkii xulitaanka Xildhibaanadda Cusub ,taasoo muddo 2 ilaa 3 asbuuc ah ay ku mashquul sanaayeen dhamaan Issimadda Beelaha Soomaaliyeed oo ay tiradoodu tahay 135 oday-dhaqameed, wallow ay jiraan issimo badan oo Beeluhu leeyihiin, balse intaa ayaa ayagu saxiixa ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo xulitaanka xildhibaanadda cusub iska lahayd. Ayadoo Xulitaan xubnaha Baarlamaanka ay qaylo dhaan iyo cabashooyin isla markiiba ka soo yeertay Beel walba gudaheeda ka dib markii qaybtii lagu heshiin waayey ama la is qadiyey , ayaa Beelaha kuwii cabanayey waxay u dacwoodeen Beesha Caalamka, Dowlada dhexe, maamuladda jira sida Puntland iyo dariiqyo badan oo kale ayagoo ku gudbinayey warbaahinta qaybaheeda kala gedisan sida Dacwad-Qoraaleed, Idaacadaha, Telefishanada , Beelihii qaylo dhaanta iyo dacwooyinka u gubiyey kuwo waxbaa loo soo dhiciyey kuwana weli waa ay ka warsugayaan in kastoo waqti bada uusan harin!
Haddaba waxaan Qormadaan aan kaga hadli doonaa ama ku soo qaadan doonaa Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo laga sugayo dhinaceeda inay la jaan qaado isbedelkaas guud ee wadanka ka dhacaya ama lagu samato bixinayo kaalinta kaga soo aadan,taasoo ah Beesha leelkase anigoo ku eegi doona sidii ay wax u qaybiyeen ama u maareeyeen qaybtii ay ka heleen xubnaha baarlamaanka Cusub Issimaddii iyo Waxgaradkii tiradda badnaa ee Muqdisho ka joogey.

Beesha Leelkase:


1. Afeefasho iyo Cudurdaar:

Ugu horeyn waxaan ka afeefanaya ama uga cudur daaranayaa dhamaan Issimadda, Odayaasha, Aqoonyahanka, Dhalinyarrada , Haweenka iyo dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay Beesha leelkase in uusan ahayn Qoraalkaani mid aan ula jeedo in Beesha leelkase u horseedo Khilaaf ama kala Erdhow( kala Tag), balse aan ula jeedo mid wax saxaya kaasoo wata dhaliilo iyo talooyin anigu aan masuuliyadeeda qaadanayo balse aaney cid kale ila wadaagin ! weedh ama odhaah ayaa oranaysa “ inta ay Bulshadu is dhaliilayso ama wax isku haysato weli ma kala tegin ama xiriir ayaa jira ”. waxaa ilaa mudaddii ay bilaabatey xulitaanka xubanaha baarlamaanka ee 5-ta ah iiga muuqanaysey Bulshada Beesha leelkase loolanno adag , xusulduub ba´´an , is abaabul beel walba dhexdeeda ah, is kooxaysi dibadda iyo gudaha ah oo ay Beel walbaa ugu jirto inay hesho xubnahaas 5-ta ah mid ka mid ah. Intaas ka dibna ay igu kaliftey inaan qoraalkan dheer diyaariyo taasoo isla markiiba ay ii soo baxdey dareemo kacsan oo Bulshada Beesha dhexdeeda Hareeyey iyo in ay Beel waliba dhexdeeda guux iskula wareegayso, waxaana aasaas u ahaa ma heli doontaa xubin(Kursi) mise waa lagu qadin doonaa.
Waxaan kaloo Bulshada beesha u sheegayaa mar walba oo Beesha dhexdeeda wax qaybsi yimaado waxaa hubaal ah in ay dhaliili imaanayso sidii hore u dhici jirtey tusaale Odayaashii xuli jirey Embegathi, Carte, dhismihii Puntland ilaa maanta ayaa la dhaliilaa oo laga sheekeeyaa. Aniguna dadka aaminsan maanta maalin ay ka wanaagsan tahay ama ay dhaanto ma jirto ayaan lahaa , sababna waxaan uga dhigayaa Issimo Qurbo-joog ah oo wax badan fahamsan, Aqoonyahano, masuuliyiin sare( Dowladda dhexe iyo Puntlandba) iyo wixii waxgarad ahaaba maanta waa loo dhan yahay oo Muqdisho ayaa lawada jooga, balse waxaa dhaqso ii muuqdey dhaliilo aan is leeyahay wax ha lagu saxo anigoo Issimadda hore qoraal Laablakac ku jiro ama hore ayaa waxani Beesha ugu dhacdaye ha laga digtoonaado ayaan hore saxaafadda ugu mariyey.
Haddaba anagoo ah dad Islaam ah aaminsana qadarka EEBE oo qof walbaa wixii uu u qorey aysan dhaafayn ayaa aadanuhu wax walba sabab u yeelaa ama hadal iyo gocasho ka soo yeertaa , waa hubaal 5-ta xubin 5 qof oo beesha ka mid ah uun baa heli lahayd, balse waxaa dhowr qodob ka soo qaadaneynaa sida ay wax iigu muuqdaan, waxaa dhici kara in dad badani ila qabaan fikirkayga kuwana ay qabaan fikir kayga ka duwan !

2. Dhacdooyinkii iyo meelaha dhaliishu ka taagan tahay:

A. Sidii ay ka filayeen bulshada Beesha oo ay u sheegeen Issimadda Muqdisho jooga ee ku howlan qaybinta iyo xulida xubnaha Beesha ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub uma aysan dhicin , waxayna Issimaddu u sheegeen bulshada inay wax ku qabin doonaan Xargo, ayadoo la isku qaybin doono oo Xarigii aan Puntland wax ku haysan la siin doono xubnaha cusub, taas ma aysan dhicin oo Beelihii Puntland Wasiiradda, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanka ku haystey ayaaba 3 xubin laga siiyey Baarlamaanka cusub !. Haddaba Su´aashu waxay tahay xagee buu marey Xaqsoorkii iyo cadaalad u sameyntii ay Beesha Leelkase ka sugaysey Issimadda Muqdisho Jooga?
B. Sida ku cad ama laga dheehan karo sida wax loo qaybiyey ama ay u maamuleen waxaa kuu soo baxaysa in Issimaddii Muqdisho joogey inta nin walbaa Beeshii uu ka dhashay Xubin u qaadey oo gadaal marsadey ayuu 2 dii xubin ee soo hartey ayaa Beelahii kale ee Leelkase lagu jaha wareeriyey oo Beelana subaxdii ayaa lagu qoraa oo la yiraahdo idinkaa laydin gudbiyey , kuwana galabtii ayaa lagu qoraa oo la yiraahdo waan saxney oo idinkaa xaq u leh , halkaasna waxaa ku dhacay Ummaddii beesha Walaahow iyo Jahawareer waxaayna u ekaadeen ama iiga soo baxay muuqaal ama sawir u eg ” sidii Rati Macsarro shiidaya oo ay iska daba wareegaan “! Ama “10 rati oo kii u horeeyey iyo kii u danbeeyey la isku xirey”.
C. Gobollo waxba looma qaybin sidii aan Qoraal hore ugu direy oo ahayd in lawada xuso Gobolada ay Beeshu degto ee ku yaal Puntland ayadoo wax loogu qaybinayo sida ay ugu kala badan yihiin,taasoo aan uga jeedey Qorshaha fog ee mustaqbalka Beesha ee wadada Dimoqoraadiyada si xubnaha maanta la siiyo Baarlamaanka laga soo doorto beri Gobolada beeshu degto oo dhan oo xubin walbaa kursigeeda ay Gobolka ay ka soo jeedo uga soo gasho waxaa hayaan loo yahay tubta Dimoqoraadiyada ee “ One man one Vote” mana garan karo inuu jiro Qorshe Beeshu u diyaarsatey oo meel yaal markii loo baahdana lagala soo bixi doono. Berrina marka doorasho timaado intee kuu soo bixi karta haddii aad hal Gobol isugu geysid wixii aad maanta heshay, Balse waxaaba dhacdey Qorshihii odayaashu wax ku qaybiyeen inuu noqdey in Gobolka Mudug 4 xubnood ay qaateen, hal Xubina meel u dhaxeysa Gobolada kale lagu tuurey !.
D. Maanta Soomaaliya waxay sugaysaa in la samata bixiyo oo dhibka iyo halaaga ay ku jirto laga saaro ayadoo EEBE la baryayo, waxaana Ummada ka saari kara dad Aqoonyahano karti u dheer tahay . Haddaba Beeshu waxay ka mid tahay Beelaha Soomaaliyeed ee lagu tirinayo inay saaxiib u tahay inay leeyihiin dad Aqoonta Diiniga iyo midkaa aduunka looga shaqeysto ee Maadiga ahaba leh oo weliba daacadnimo iyo xaqsoor u dheer yahay, waxaana la sugayey xubno Beesha Soomaali uga gadmi kara oo ka dhex muuqan kara Beeshana sharafteeda iyo karamadeeda ilaaliya,ma aysan dhicin oo dadka hadda liiska lagu qorey 50 % isuma dheeli tirna, waxaanad moodaa koox si gaar ah loo soocayo ama meelo Beesha ka baxsan laga hagayo oo dan laga leeyahay loo qunsanayo( danno gaar ah qolo ka leedahay) !. Ayadoo aan ognahay inta Beesha Aqoonyahan ama xeel dheere siyaasadeed oo caan ka ah Caalamka iyo Soomaaliba u joogta oo haddana banaan la dhigey ?. Waxaana Beesha u fiicnaan lahayd in 5 xubnood oo Soomaali wax la qaybsan karta ama ka dhex muuqan karta la soo xulo , ayadoo dhinac walba laga eegayo ilaa haddii la heli karo 80-90 % marka dhinac walba laga fiiriyo ( Aqoonyahano sare, Qof khibrad Siyaasadeed leh, Qof bushada dhexdeeda caan ka ah ama ixtiraam weyn ku leh, Qof Karti iyo dad la dhaqan fiican caan baxay iyo ayadoo loo eegayo arrimmo badan oo kale). ” Haddii aad Geed mirood fiican beeratid, waxaa hubaal ah inaad Miro fiican ka guraneyso “.

Gabagabo:

Waxaan Qoraalkaan ku soo gababgabeynayaa 2 qodob oo ku aadan aragtideyda ama aan ku cabirayo iyo sida ay wax iigu muuqdaan waqtiyadda soo socda.
a) Waxaan Bulshada Beesha qaybaheeda kala gedisan u sheegayaa ama aan ka codsanayaa in la horumariyo degaamada Beeshu degto sida Puntland iyo Jubooyinka, isla markaasna aan la dhumin wax la qabsiga dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ee ay Beeshu wax ka dhistey. Dowladnimadda iyo Maamulku Muqdisho kaliya ma yaal ee ilaa Maamulka Dowlad Goboleedka, midka Gobolka, midka Degmadda ilaa tuulo ayuu yaal. Waxaa igu maqaal ah in sidii hore u dhici jirtey waxaa loo wada yaacey Muqdisho waxaan odhan lahaa yaan la cidleyn deegaanka Puntland iyo dhamaan deegaamada ay Beeshu ku abtirsato,isla markaasna waa in lala jaan qaado ama loo sare kaco hanaanka xisbiyada badan ee dalka ka hir gelaya laguna dadaalo Furashada Ururo ama Asxaabta siyaasadda iyadoo laga qayb qaadanayo doorashooyinka kala gedisan ee Golayaasha Dowladda dhexe,heer Maamul Goboleed, mid Gobol ilaa heer Degmo !
b) Sida ku cad Cinwaanka Qoraalkan oo ah “ Beeshii aan Issimkeedu joogin Muqdisho waa la qadiyey ! ”. waxaa laga dheehan karaa ama loo fasiran karaa Beeshii aan Suldaan lahayn Berrina way qadi doontaa mar labaad iyo mar saddexaadba, markaas waxaan odhan lahaa Beelihii ayagu qadey ee kacdoonku uu ku jiro ama ku qanci waayey wax-qaybintii Issimmada Muqdisho Jooga ay sameeyeen haku Caano shubtaan Suldaammo cusub si aysan Berri u qadin oo xeerada wax ku jiraan gacanta u geliyaan, Ugaaskuna ha idinka dhexeeyo oo ha noqdo mid aad isugu timaadaan ama Issinka Guud ee mar walba Gudoonka iska leh .
”Waxaan ALLE waydiisanayaa dembi dhaaf iyo inuu noogu Naxariisto Jannadiisa bisha ramadaan fadligeeda aniga iyo dhamaan ummada muslimiinta ah ee ALLE inuu raali ka noqdo iyo awaamiirtiisa fulinteeda u Soomay”.
Waxaan halkan raali gelin ugu gudbinayaa Bulshada Beesha iyo akhristayaalka intii qormadan dhibsata, balse way fiican tahay in aadanuhu howsha taagan iyo dareenkiisa fikir ka gudbisto uuna cabiro asagoo aan cidna ku xadgudbayn.
Mohamed Cali Madhoodhe
Karlsruhe, Germany
Madhoodhe_251@hotmail.de

Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara

$
0
0

image: 

Ramadaan Kariim ,Alle (SW) ayaa mahad leh Allaha Aduun iyo Akhiro iyo inta dhextaalba leh , Mudnaan Bini ,aadam Nabi Muxamed ayaa leh (NNKH)
Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah bulsho la dhibaataysan dawlad la,aan , dawladdaas oo ah mid danahooda ka fakarta kana shaqaysa sidi ay dhibaatooyinka taagan xal ugu heli lahayd, dawlad-nimmada ayaa waxaa sal u ah hogaamiye leh karti iyo hab fakar ku dhisan samaan ku fakarid iyo isku howlid xalin dhibaateed , lahaansho yool cad oo lagu himagaliyo bulshada iyadda oo ay dhamaantood wadaagaan halka la higsanaayo , dhibaatona ay ku tahay halka la joogo ee baahi bini, aadameedku ku xeeran yihiin . Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muddo nus qarni sii cagcagaynaysa ku jira xaalad qalalaase iyo qasnaan ah meel kasta oo ay jamhuuriyadda Soomaaliya ka joogaan , Baahida ay bulshada Soomaaliyeed ee dhibaatasayni u qabaan xakuumad rasmi ah oo u adeegta waa mid xili kasta taagan , balse awood umalahan dadka Soomaaliyeed xiligaan inay iyaggu dooraan hogaamiyaha xal arag noqon kara halkaan taaganahayna naga tukubin kara .
Intaasu waa baahida aan qabno sidaan arko ee ah dawlad uu hago hogaamiye karti leh in aan u baahi qabno si uu dhibaatada xalkeeda u doono ,Hadaba annigu sidaan qabo Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara , iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshadaoomaaliyeed ? Tan iyo marki uu xilka R/wasaare-nimmo ee DKMG qabtay Farmaajo waxaa dhacay isbadal , Isabadalkaas ayaa waxaa kow ka ah sida aan qabo Farmaajo waxa uu la yimi himagalin aan hogaamiye ka horeeyaa keenin inti burburka lagu jiray , himagalintaas ayaa ah in uu Bulshada Soomaaliyeed ku himagaliyay inay ka gudbi karaan xalaadaan loona baahan yahay in ay bulshada ka timaado ajiibidin yoolka cad ee lagu himagalinaayo , Waxa kaleeto oo uu Farmaajo la yimi la xisaabtanka cad ee kooxda qaramada Midoobay haday ahaan lahayd xafiis siyaasadeeedkooda Soomaaliya iyo haday ahaan lahayd hay,addo deeq bixiyayaashooda , Mushahar siinta Ciidmada DKGM iyo shaqaalaha dawlada ayaa ahayd iyadduna howl aad logu riyaaqay.
Farmaajo ayaa waxa uu leeyahay in uu kasbado dadka waxa uu inta badan sameeyaa hadalo qofku u riyaaqaayo soona jiidanaaya , waxaa ka mid ah in aan isku filanahay baahideenana xalkeedu ku xiran yahay shacabka Soomaaliyeed , tanu waa mid cadaynaysa in Farmaajo garanaayo cidda dhibaataysani in ay xalka garan karto , balse waxaa ayaan daro ah dadka qaybtood waxay la soo boodaan UN-ka ayuu ka hor yimi , Maxaan annigu isbarbardhig ugu samaynayaa Farmaajo oo leh midnimadeena ayaa ah isbadalkeena iyo UN-ka oo Galay inoo keena , Balse fikirka qofka leh UN-ka ayuu la dagalamayaa , Baaqa Farmaajo ee wadaniyada iyo isgarabsiga ku dheehan iyo Galayda UN-ka midna waxba iskama waydiine , Xanuunki dhimirka waxyeeleeyay ayaa ka hortaagan iswaydiintaas oo waxa uu Farmaajo u yahay mid kuwaas ka tirsan waa dhuminta Soomalinimada taasu iyo in uusan inna hogaamin , Hogaamiye Siyasadeed Karti leh.
Arinkan ah soo noolaynta damiir bulsheedka Soomaaliyeed ayaa ah midka keenay in dad badan oo Soomaaliyeed taageeraan Farmaajo una arkaan hogaamiye karti leh , ahna mid xal ka keeni kara dhibaatooyinka innagu hareeraysan ee tirada badan balse tirabadnaantooda hogaamiye sida Farmaajo ahi xal ka keeni karo ishaysiga Siyaasadeedna uu meesha ka saari karo , ma ahan in dhamaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ku laran qabyaaladda mar laga wada baxaayo balse waa mid talaabo talaabo looga gudbaayo , aan dul istaago jawaab ka bixinta su,aasha ka timi cinwaanka qormadayda.
Iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye Siyaasadeedka Bulshada Soomaaliyeed?

Sidaan kor ku xusay Farmaajo waxa uu la yimi isbadal , isbadalkaas uu muujiyay ayaa noqonaaya in uu buuxiyay kaalinta banaanayd ee hogaamiye la,aanta ahayd ee aan la ildarayn dhibaatadeenana halka xalkeedu yahay ah , haddaan horay u aragnay in uu yahay Hogaamiye ka badalan kuwi hore waxaan oran karaa waa midka haabida hadda taagana ee aan hogaamiye u qabno buuxin kara , Waxaa aynuna ka naawili karaa Farmaajo innaga oo haysana tusalihiisi hore ee wax qabad in uu xal u raadin karo dhibaatooyinka taagan ee siyaasadeed ee dhinacyada badan leh . Tusaale si aan Farmaajo u ogaano buuxinta hogaamiye isbadal doon in uu yahay waxaan soo qaadanayna iswaydiimo muhiim u ah in aan ku kala ogaano hogaamiye kiisa kartida leh iyo midkiisa iska jeclaaday helida magaca Hogaamiye Siyaasadeed ,Marka hore waxaynu u baahanahay in aynu iswaydiino Siyaaasadu waa maxay ? jawaabteeda aragdiyada waa maraynta iyo xal u helida baahi bini aadameedka joogtaysan ee mid marka laga gudbo mid kale imaanayso , si looga gudbo baahiyada ku hareeraysan nolosha aadamaha ayaa loo baahan yahay barbaarin bulsheed , barbaarin bulsheedka waxaa keeni kara Siyaasada oo noqonaysa halka looga fakaraayo bulshada laguna hima galinaayo hab fakar siyaasadeed ku dhisan samaan ku hogaamin dhigeeda waxaa ah xumaan ku hogaamin oo salkeedu yahay burbur iyo dib u dhac.
Waxaa innoogu xigaaya Siyaasada yaa wada ? Siyaasada waxaa wadaheeda noqonaaya hogaamiye siyaasadeed leh karti iyo daacadnimo iyo in uu aminsan yahay mid bulshada u adeegaaya in uu yahay sadkiisuna noqonaayo xusid taariikheedka oo samaan lagu xasuusto , dhigiisa waxaa jira hogaamiye siyaasadeed aan lahayn karti iyo daacadnimo una fakaraaya si hoose u fakar aan marnaba laga naawili karin wanaag .
Haddaba hadaan iri siyaasadu waa xal u helida baahida saw ma haysano dhibaato taagnayd oo uu xaliyay Farmaajo tusaale waxa uu himagliyay ciidamada DKMG himagalintaas ayaa qayb ka ah xalin baahiyeed maadama ciidan loo baahan yahay in la qoro ciidamo kaliyi kuma filaanayso in ay ciidan jira noqdaan balse kor u qaadida iyo ku dhiirinta ciidan-nimaddoda ayaa ah Siyaasad, Siyaasadaas ayaa ah mid uu samaanteeda yeelanaayo hogaamiyaha leh awoodaas ayna aragtidiisa ka soo maaxato , Sidoo kale in uu yahay Siyaasad hogaamiye Bulsheed waxaa inoo cadaynaaya in uu qabtay howl uu ku kasbaday qalbiyada dadka Soomaaliyeed qaybtood , in ay jiraan dad diidan waa mid dhacaysa balse diidmada qofka diidan ayaa inta badan noqonaysa xaaladda dhibaato ee qofkaasu la nool yahay dawadeenada uu sido hogaamiyaha xanuun maskaxeedkiisu diidaayo.
Hogaamin Siyaasadeedka ma ahan mid shakhsiga kaliyi yeelanaayo samaaanteeda balse waxaa jiraaya koox howleed ay isleeyihiin hogaamiyaha oo uu isaggu keeno, kartida hogaamiyaha ayay qayb ka noqonaysaa in uu soo xusho koox leh bah fakar wanaagsan ayna hogaamiyahaas isla meel marin karaan xal u helida dhibaatada . arinkaan ayaa oran karaa waa tusaale kale oo Farmaajo waxa uu soo xulay xiligi uu R/wasaaraha ahaa Wasiiro tayo leh , taas ayaa n noqonaysa in aynu haysano in Farmaajo haddi uu dalka Soomaaliya hogaamiyo uu noqonaayo mid Soo xusha R/wasaare tayo leh , R/wasaarahaasuna keeno wasiiro howshooda yaqaan bah fakarkooduna sareeyo. Aqriste ma ahan in Farmaajo haddu madaxwayne noqdo dhibaatooyinka aad aragto oo dhami ay isla markaas xal helayaan , taasuna maba ah mid macquul ah in dhibku mar suulo , balse waxaa uu noqonayaa Farmaajo haddi uu ku guulaysto xilka madaxwayne-nimo mid qaada dariiq aan horay loo qaadin ee ah in dhibaatooyinka qaybtood la xaliyo , halkaasna aan u dareero halka qofkasta oo bini aadami jecel yahay ee ah in aan horumar ka gaaro hab nololeedka dunida kuna xiraano gudashada awaamiirta Alle [SW] si aan abaal wanaagsan u dhowro Akhiro.
Farmaajo in uu ina hogaamiyo ma keenayso rabitaanka aan raboonay anniga oo qalinka gadaashiisa haya si aan aragtidayna idinla wadaago saamayna isugu yeelano iyo dad badan oo Soomaaliyeed ee muujiyay in rabitaankooda hogaamiye uu Farmaajo yahay , Balse taladu waxay agtaal xildhibaanada dhowaan la shaacinaayo ee lagu soo xulay habka xaaranta ah ee 4.5 , xildhibaankaas ayaan leeyahay annigu si adigu sidaad ku timi ee ah awoodqaybsiga Soomaalida ee qabyaaladeed meesha uga baxdo codkaaga sii Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , oo waxaad qiimaysaa Xildhibaane rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , markaan leeyahay Shacabka Soomaaliyeed Farmaajo badanka dadka Soomaaliyeed waa rabaan , rabitaanku waxa uu noqonayaa hogaamiye daacadnimo iyo karti leh ma rabnaa dhamaan waxaynu kaga jawaabaynaa haa, qof kale in aad u aragto hogaamiye karti leh doodeeda ayay yeelan iyo sidaas u sifayso , waana jiri karaa hogaamiye kale oo Farmaajo la mid ah , Balse horay saaxada mid u yimi ma ahan aragtidayda oo aan tusalayaal u hayno .
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaan isagga laga rabaa in uu dadaal dheer u galo sidi uu u heli lahaa badanka xildhibaanada Soomaaliya codkooda , dabcan howshaan sheegideeda ayaa noqotay mid aanan ka fursan karin madaamada aan xildhibaanada imaan doona la hadlay Farmaajona la hadalkiisu waa banaan yahay waxayna noqonaysaa mid aan leeyahay Shacabki hadaan nahay codka ma hayno ee dadaal u galo si laguu doorto , balse waa howl shakhsi han siyaasadeed leh u qabanaayo inti awoodiisa ah uusana is-hagranayn .
Waxaan ku soo idlayn qormadayda hadaynu nahay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada waxaa meesha ka saari kara hogaamiyeyaal karto leh daacadnimo iyo naxariisna ay ku dheehan tahay , si aynu u ogaano midka uu yahay waa in iswaydiinteena ku aadan waxa aynu u baahanahay ay badataa , waa in aad iswaydiisa maxuu hogaamiye siyaasadeed anniga ila mid ah oo u fakaraaya sidaan u fakaraayo si ka hoosaysa oo bulshada kala guraaya uu hab fakarkayga u gumaysanayaa , sidaan u taageeri kara mid wax kasta oo uu samayn karo ku doona xilka tusaale dad dilid , diin ka been sheegid , Waa in aan iswaydiinaa dhibaatada Soomaaliya ee dawlad la,aantu keentay ma mid dhamaanteen aan qabnaa mise cid dhibka ku dheefsataa jirta ? dabcan ma jirto dadka ku dhaqan jamhuuriyada Soomaaliya meel kasta ha joogeene dad haysta waxa ugu wanaagsan ee aan dhuminay ee ah Sumcad , Sumcada ayaa noqonaysa mid farxad galisa qalbiyada dadka diidmo ka keenideeduna bini aadamka waa wax aad ugu yar waa qofki iswaydiiyee .
Qofna haku taageerin koox odayeednimo ah aragti jaahiliyeed aan asal ku lahayn Diinta islaamka iyo caqliga saliimka ah ee ku taageer sida u la soo muuqdo , balse waa si aad uga marka hore iswaydiisaa maxaad u baahan tahay adigu ? Maxaa hogaamiye kaa dhigay oo aad uga fakaraysaa siyaasad aad shacab ka tahay uguna ololaynaysaa xaalad hoose oo ah mida keentay in aad dhibaatadaan ku dhex noolaato ah dalkaagi oo burbursan dadkaagi oo aan Sumcad lahayn qaybtoodna aysanba haysan wax aycunaan iyo hoy ay qabowga iyo kulayla ka dugsadaan.
Dhibkeena xalkiisu waa hogaamiye karti leh ee caqligaaga tuuji taageeradaadana sii hogaamiye daacadnimo iyo damqasho leh , midnimadeenu waa horumar ku talaabsashadeena , in aan badankeenu taageero hogaamiye ayaynaan koox odayeednimo ku eegan ayaa ah in aynu tallo wanaagsan ku midawnay.
Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dooxajog5@hotmail.com

Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara

$
0
0

image: 

Ramadaan Kariim ,Alle (SW) ayaa mahad leh Allaha Aduun iyo Akhiro iyo inta dhextaalba leh , Mudnaan Bini ,aadam Nabi Muxamed ayaa leh (NNKH)
Bulshada Soomaaliyeed ayaa ah bulsho la dhibaataysan dawlad la,aan , dawladdaas oo ah mid danahooda ka fakarta kana shaqaysa sidi ay dhibaatooyinka taagan xal ugu heli lahayd, dawlad-nimmada ayaa waxaa sal u ah hogaamiye leh karti iyo hab fakar ku dhisan samaan ku fakarid iyo isku howlid xalin dhibaateed , lahaansho yool cad oo lagu himagaliyo bulshada iyadda oo ay dhamaantood wadaagaan halka la higsanaayo , dhibaatona ay ku tahay halka la joogo ee baahi bini, aadameedku ku xeeran yihiin . Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa muddo nus qarni sii cagcagaynaysa ku jira xaalad qalalaase iyo qasnaan ah meel kasta oo ay jamhuuriyadda Soomaaliya ka joogaan , Baahida ay bulshada Soomaaliyeed ee dhibaatasayni u qabaan xakuumad rasmi ah oo u adeegta waa mid xili kasta taagan , balse awood umalahan dadka Soomaaliyeed xiligaan inay iyaggu dooraan hogaamiyaha xal arag noqon kara halkaan taaganahayna naga tukubin kara .
Intaasu waa baahida aan qabno sidaan arko ee ah dawlad uu hago hogaamiye karti leh in aan u baahi qabno si uu dhibaatada xalkeeda u doono ,Hadaba annigu sidaan qabo Baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshada Soomaaliyeed Farmaaja buuxin kara , iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye siyaasadeedka bulshadaoomaaliyeed ? Tan iyo marki uu xilka R/wasaare-nimmo ee DKMG qabtay Farmaajo waxaa dhacay isbadal , Isabadalkaas ayaa waxaa kow ka ah sida aan qabo Farmaajo waxa uu la yimi himagalin aan hogaamiye ka horeeyaa keenin inti burburka lagu jiray , himagalintaas ayaa ah in uu Bulshada Soomaaliyeed ku himagaliyay inay ka gudbi karaan xalaadaan loona baahan yahay in ay bulshada ka timaado ajiibidin yoolka cad ee lagu himagalinaayo , Waxa kaleeto oo uu Farmaajo la yimi la xisaabtanka cad ee kooxda qaramada Midoobay haday ahaan lahayd xafiis siyaasadeeedkooda Soomaaliya iyo haday ahaan lahayd hay,addo deeq bixiyayaashooda , Mushahar siinta Ciidmada DKGM iyo shaqaalaha dawlada ayaa ahayd iyadduna howl aad logu riyaaqay.
Farmaajo ayaa waxa uu leeyahay in uu kasbado dadka waxa uu inta badan sameeyaa hadalo qofku u riyaaqaayo soona jiidanaaya , waxaa ka mid ah in aan isku filanahay baahideenana xalkeedu ku xiran yahay shacabka Soomaaliyeed , tanu waa mid cadaynaysa in Farmaajo garanaayo cidda dhibaataysani in ay xalka garan karto , balse waxaa ayaan daro ah dadka qaybtood waxay la soo boodaan UN-ka ayuu ka hor yimi , Maxaan annigu isbarbardhig ugu samaynayaa Farmaajo oo leh midnimadeena ayaa ah isbadalkeena iyo UN-ka oo Galay inoo keena , Balse fikirka qofka leh UN-ka ayuu la dagalamayaa , Baaqa Farmaajo ee wadaniyada iyo isgarabsiga ku dheehan iyo Galayda UN-ka midna waxba iskama waydiine , Xanuunki dhimirka waxyeeleeyay ayaa ka hortaagan iswaydiintaas oo waxa uu Farmaajo u yahay mid kuwaas ka tirsan waa dhuminta Soomalinimada taasu iyo in uusan inna hogaamin , Hogaamiye Siyasadeed Karti leh.
Arinkan ah soo noolaynta damiir bulsheedka Soomaaliyeed ayaa ah midka keenay in dad badan oo Soomaaliyeed taageeraan Farmaajo una arkaan hogaamiye karti leh , ahna mid xal ka keeni kara dhibaatooyinka innagu hareeraysan ee tirada badan balse tirabadnaantooda hogaamiye sida Farmaajo ahi xal ka keeni karo ishaysiga Siyaasadeedna uu meesha ka saari karo , ma ahan in dhamaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ku laran qabyaaladda mar laga wada baxaayo balse waa mid talaabo talaabo looga gudbaayo , aan dul istaago jawaab ka bixinta su,aasha ka timi cinwaanka qormadayda.
Iswaydiintu waxay noqonaysaa sidu u buuxin karaa Farmaajo baahi hogaamiye Siyaasadeedka Bulshada Soomaaliyeed?

Sidaan kor ku xusay Farmaajo waxa uu la yimi isbadal , isbadalkaas uu muujiyay ayaa noqonaaya in uu buuxiyay kaalinta banaanayd ee hogaamiye la,aanta ahayd ee aan la ildarayn dhibaatadeenana halka xalkeedu yahay ah , haddaan horay u aragnay in uu yahay Hogaamiye ka badalan kuwi hore waxaan oran karaa waa midka haabida hadda taagana ee aan hogaamiye u qabno buuxin kara , Waxaa aynuna ka naawili karaa Farmaajo innaga oo haysana tusalihiisi hore ee wax qabad in uu xal u raadin karo dhibaatooyinka taagan ee siyaasadeed ee dhinacyada badan leh . Tusaale si aan Farmaajo u ogaano buuxinta hogaamiye isbadal doon in uu yahay waxaan soo qaadanayna iswaydiimo muhiim u ah in aan ku kala ogaano hogaamiye kiisa kartida leh iyo midkiisa iska jeclaaday helida magaca Hogaamiye Siyaasadeed ,Marka hore waxaynu u baahanahay in aynu iswaydiino Siyaaasadu waa maxay ? jawaabteeda aragdiyada waa maraynta iyo xal u helida baahi bini aadameedka joogtaysan ee mid marka laga gudbo mid kale imaanayso , si looga gudbo baahiyada ku hareeraysan nolosha aadamaha ayaa loo baahan yahay barbaarin bulsheed , barbaarin bulsheedka waxaa keeni kara Siyaasada oo noqonaysa halka looga fakaraayo bulshada laguna hima galinaayo hab fakar siyaasadeed ku dhisan samaan ku hogaamin dhigeeda waxaa ah xumaan ku hogaamin oo salkeedu yahay burbur iyo dib u dhac.
Waxaa innoogu xigaaya Siyaasada yaa wada ? Siyaasada waxaa wadaheeda noqonaaya hogaamiye siyaasadeed leh karti iyo daacadnimo iyo in uu aminsan yahay mid bulshada u adeegaaya in uu yahay sadkiisuna noqonaayo xusid taariikheedka oo samaan lagu xasuusto , dhigiisa waxaa jira hogaamiye siyaasadeed aan lahayn karti iyo daacadnimo una fakaraaya si hoose u fakar aan marnaba laga naawili karin wanaag .
Haddaba hadaan iri siyaasadu waa xal u helida baahida saw ma haysano dhibaato taagnayd oo uu xaliyay Farmaajo tusaale waxa uu himagliyay ciidamada DKMG himagalintaas ayaa qayb ka ah xalin baahiyeed maadama ciidan loo baahan yahay in la qoro ciidamo kaliyi kuma filaanayso in ay ciidan jira noqdaan balse kor u qaadida iyo ku dhiirinta ciidan-nimaddoda ayaa ah Siyaasad, Siyaasadaas ayaa ah mid uu samaanteeda yeelanaayo hogaamiyaha leh awoodaas ayna aragtidiisa ka soo maaxato , Sidoo kale in uu yahay Siyaasad hogaamiye Bulsheed waxaa inoo cadaynaaya in uu qabtay howl uu ku kasbaday qalbiyada dadka Soomaaliyeed qaybtood , in ay jiraan dad diidan waa mid dhacaysa balse diidmada qofka diidan ayaa inta badan noqonaysa xaaladda dhibaato ee qofkaasu la nool yahay dawadeenada uu sido hogaamiyaha xanuun maskaxeedkiisu diidaayo.
Hogaamin Siyaasadeedka ma ahan mid shakhsiga kaliyi yeelanaayo samaaanteeda balse waxaa jiraaya koox howleed ay isleeyihiin hogaamiyaha oo uu isaggu keeno, kartida hogaamiyaha ayay qayb ka noqonaysaa in uu soo xusho koox leh bah fakar wanaagsan ayna hogaamiyahaas isla meel marin karaan xal u helida dhibaatada . arinkaan ayaa oran karaa waa tusaale kale oo Farmaajo waxa uu soo xulay xiligi uu R/wasaaraha ahaa Wasiiro tayo leh , taas ayaa n noqonaysa in aynu haysano in Farmaajo haddi uu dalka Soomaaliya hogaamiyo uu noqonaayo mid Soo xusha R/wasaare tayo leh , R/wasaarahaasuna keeno wasiiro howshooda yaqaan bah fakarkooduna sareeyo. Aqriste ma ahan in Farmaajo haddu madaxwayne noqdo dhibaatooyinka aad aragto oo dhami ay isla markaas xal helayaan , taasuna maba ah mid macquul ah in dhibku mar suulo , balse waxaa uu noqonayaa Farmaajo haddi uu ku guulaysto xilka madaxwayne-nimo mid qaada dariiq aan horay loo qaadin ee ah in dhibaatooyinka qaybtood la xaliyo , halkaasna aan u dareero halka qofkasta oo bini aadami jecel yahay ee ah in aan horumar ka gaaro hab nololeedka dunida kuna xiraano gudashada awaamiirta Alle [SW] si aan abaal wanaagsan u dhowro Akhiro.
Farmaajo in uu ina hogaamiyo ma keenayso rabitaanka aan raboonay anniga oo qalinka gadaashiisa haya si aan aragtidayna idinla wadaago saamayna isugu yeelano iyo dad badan oo Soomaaliyeed ee muujiyay in rabitaankooda hogaamiye uu Farmaajo yahay , Balse taladu waxay agtaal xildhibaanada dhowaan la shaacinaayo ee lagu soo xulay habka xaaranta ah ee 4.5 , xildhibaankaas ayaan leeyahay annigu si adigu sidaad ku timi ee ah awoodqaybsiga Soomaalida ee qabyaaladeed meesha uga baxdo codkaaga sii Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , oo waxaad qiimaysaa Xildhibaane rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , markaan leeyahay Shacabka Soomaaliyeed Farmaajo badanka dadka Soomaaliyeed waa rabaan , rabitaanku waxa uu noqonayaa hogaamiye daacadnimo iyo karti leh ma rabnaa dhamaan waxaynu kaga jawaabaynaa haa, qof kale in aad u aragto hogaamiye karti leh doodeeda ayay yeelan iyo sidaas u sifayso , waana jiri karaa hogaamiye kale oo Farmaajo la mid ah , Balse horay saaxada mid u yimi ma ahan aragtidayda oo aan tusalayaal u hayno .
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaan isagga laga rabaa in uu dadaal dheer u galo sidi uu u heli lahaa badanka xildhibaanada Soomaaliya codkooda , dabcan howshaan sheegideeda ayaa noqotay mid aanan ka fursan karin madaamada aan xildhibaanada imaan doona la hadlay Farmaajona la hadalkiisu waa banaan yahay waxayna noqonaysaa mid aan leeyahay Shacabki hadaan nahay codka ma hayno ee dadaal u galo si laguu doorto , balse waa howl shakhsi han siyaasadeed leh u qabanaayo inti awoodiisa ah uusana is-hagranayn .
Waxaan ku soo idlayn qormadayda hadaynu nahay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada waxaa meesha ka saari kara hogaamiyeyaal karto leh daacadnimo iyo naxariisna ay ku dheehan tahay , si aynu u ogaano midka uu yahay waa in iswaydiinteena ku aadan waxa aynu u baahanahay ay badataa , waa in aad iswaydiisa maxuu hogaamiye siyaasadeed anniga ila mid ah oo u fakaraaya sidaan u fakaraayo si ka hoosaysa oo bulshada kala guraaya uu hab fakarkayga u gumaysanayaa , sidaan u taageeri kara mid wax kasta oo uu samayn karo ku doona xilka tusaale dad dilid , diin ka been sheegid , Waa in aan iswaydiinaa dhibaatada Soomaaliya ee dawlad la,aantu keentay ma mid dhamaanteen aan qabnaa mise cid dhibka ku dheefsataa jirta ? dabcan ma jirto dadka ku dhaqan jamhuuriyada Soomaaliya meel kasta ha joogeene dad haysta waxa ugu wanaagsan ee aan dhuminay ee ah Sumcad , Sumcada ayaa noqonaysa mid farxad galisa qalbiyada dadka diidmo ka keenideeduna bini aadamka waa wax aad ugu yar waa qofki iswaydiiyee .
Qofna haku taageerin koox odayeednimo ah aragti jaahiliyeed aan asal ku lahayn Diinta islaamka iyo caqliga saliimka ah ee ku taageer sida u la soo muuqdo , balse waa si aad uga marka hore iswaydiisaa maxaad u baahan tahay adigu ? Maxaa hogaamiye kaa dhigay oo aad uga fakaraysaa siyaasad aad shacab ka tahay uguna ololaynaysaa xaalad hoose oo ah mida keentay in aad dhibaatadaan ku dhex noolaato ah dalkaagi oo burbursan dadkaagi oo aan Sumcad lahayn qaybtoodna aysanba haysan wax aycunaan iyo hoy ay qabowga iyo kulayla ka dugsadaan.
Dhibkeena xalkiisu waa hogaamiye karti leh ee caqligaaga tuuji taageeradaadana sii hogaamiye daacadnimo iyo damqasho leh , midnimadeenu waa horumar ku talaabsashadeena , in aan badankeenu taageero hogaamiye ayaynaan koox odayeednimo ku eegan ayaa ah in aynu tallo wanaagsan ku midawnay.
Idiris Suldaan Axmed Dooxa-joog
Dooxajog5@hotmail.com

Kooxo Hubeysan oo labo ruux ku dilay Suuqa Bakaaraha

$
0
0

Rag hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho laba nin oo uu ku jiro qof u shaqeynayey shirkadaIsgaarsiinta Hormuud. Sida wararku sheegayaan rag watay bistoolado iyo qoryaha AK-47 ayaa dilay sarkaal ka tirsanaa qeybta amaanka ee Shirkada Hormuud kaasi oo sida la sheegay laga qaatay lacago dhan 40 kun oo doolar. [...]

Dagaal beeleed ka dhacay Galgaduud

$
0
0

Saddex ruux ayaa ku dhimatay 4 kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki laba maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen deegaanka Gadoon ee gobolka Galguduud. Dagaalka ayaa salka ku haya aano qabiil sida ay sheegayaan wararka, waxaana xoogiisa uu dhacay saakay sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah waxaana uu soo gaaray duhurti maanta. Saraakiil ka tirsan [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live