Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

“Waxa Ayaan Daro Ah In Ragga Somalia Isugu Tagay Aanay Weli Afkooda Soo Marin Waar Hadaynu Inagu Burburnay Anynu Somaliland Aqoonsanno Si Ay Wax Inoo Taraan” Guddoomiyaha Kulmiye

$
0
0

Guddoomiyaha Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa nasiib darro ku tilaamay inay Dastuurka Somalia ku jirto Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayey munaasibad uu xisbigoodu qabsaday, ayaa waxa kale oo uu sheegay iay ayaan darro dahay inaanay raga Somalia marna is odhan Somaliland oo aad aqoonsataan ayaa wax idiinka taraysa bur burka.
Muuse Biixi Cabdi, oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi
“ Maanta Xamar  waxa ka socda  shirar waaweyn  dawlad ayaa la dhisayaa ,  distoor baa la sameeyay , waxa nasiib daro ah  in walaalaheen Koonfureed distoorkoodu uu yahay mid ay Somaliland ku jirto  oo marka ay hadlayaan distoorkana aanay ka reebin  afkooda aanay ka reebin , taasi waxa weeye waxa ay noqonaysaa  dhibaatada Koonfur  ee iyaga wax isku keeni kari laayihiin  ee Mahiga uu dhexdhexaadinayo  ee Madaxweynihii  iyo Ra’iisal wasaarihii , waxa ay dhalayso waa aynu garanaynaa , Waxa ayaan daro ah in ragga halkaa isugu tagay  in aanay weli afkooda soo marin  waar hadaynu inagu burburnay yaa inoo xiga  Somaliland oo ah dal anynu lixdankii midownay  ee aynu iga garab galno oo aynu aqoonsanoo si ay wax inoogu qabtaan”
Hargeysa Ofiice


Mo Faarax oo u warramay BBC

$
0
0

Orodyahanka masaafada dheer ee dalka Britain, MO Faaraxa ayaa ku guulaystay biladda dahabka ah ee 5000m.

Chicago Mosque Shooting Alarms Muslim

$
0
0

Amid escalating attacks on houses of worship in the US, Chicago police authorities have arrested a 51-year-old man on charges of shooting at a mosque during evening prayers, the incident reflecting obviously an alarming breach for the security of American religious minorities.

Madaxweyne Ku-xegeenka Oo Sheegay In Uu Ka Xunyahay Bur-burka Ku Yimi Xisbiga UDUB Iyo Xubno UDUB Ka Tirsanaa Oo Kulmiye U Diga -rogtay Iyo Qaar Kale Oo Dhawaan La Filaayo In Ay Kulmiye Ku Biiraan

$
0
0

image: 

Hargeysa (OWN)- Madaxweyne ku-xegeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici) ayaa sheegay in aad  uga xunyahay bar-bur uu sheegay in uu ku habsaday xisbiga mucaaridka ah ee UDUB  kaas oo ay masuuliyiin badani is casileen xubinimadii ay ka ahaayeen xisbiga UDUB.
“Aad ayaan uga xunnahay in aanu aragno xubno badan oo ka baxayay xisbiga UDUB, hase ahaatee waxay dimiquraadiyaddu dhigaysaa in qofku halkiiuu siyaasad ahaan qancisa uu ku biiro “ ayuu yidhi madaxweyne ku-xegeenka ooo saaka ka hadlaayey munaasabad loo qabtay  masuuliyiin hore uga tirsanaa xisbiga UDUB  oo maanta si rasmi ah ugu biiray Kulmiye.
Sidoo kale waxa uu sheegay Saylici in ay xisbi ahaan soo dhaweynayaan xubnahan maanta ku soo biiray iyo ciddii kale ee  doonaysa in ay ka mid noqoto xisbiga Kulmiye.
Xubnahan hore uga tirsanaa ee maanta uu xisbiga Kulmiye munaasabadda soo dhaweynta u sameeyey oo ay ka mid ahaayeen  wasiiro ka tirsanaa   xukuumaddii  Riyaale sida  wasiirkii  ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxmed, wasiirkii hiddaha iyo dhaqanka Cabdirisaaq  Waaberi Rooble, badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa  Cali Cabdi Daa’uud , wasiirkii ganacsiga  Abiib Xasan Filil iyo wasiirkii ganacsiga ee waqtigii Madaxweyne Cigaal  Maxamed Qaasim.
Sidoo kale waxaa iyaguna maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye xildhibaano uu ka midyahay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka  mid ahaa xildhibaanada  golaha wakiilada  u fadhiyey xisbiga UDUB.
Xisbiga UDUB oo muddadii ka dambaysay khilaafkii soo kala dhexgalay  madaxda xisbiga  ayaa ay  isa soo taraysay  xubnaha shaaciyey inay  xisbiga ka baxeen , iyada oo dhawaan  uu iska casiley  xubinimadii xisbiga uu ka ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdilaahi Cali Ismaaciil (Cirro) oo sheegay in ka biyo diiday khilaafka soo dhexgalay  xisbigii uu ka tirsanaa ee UDUB.
Sidoo kale waxaa isaguna la filayaa in uu dhawaan caddeeyo  in uu si rasmi ah ugu  biiray xisbiga Kulmiye  guddoomiye ku-xegeenka xibiga UDUB  Axmed Yuusuf Yaasiin  kaas oo uu hore usheegay guddoomiyaha  xisbiga Kulmiye in uu wada hadal u socdo , inkasta oo dhinac iskaga leexiyey Axmed Yuusfu Yaasiin arrkaasi haddana warar ayaa sheegay a in isna dhawaan xisbiga Kulmiye uu ku soobiiri doono.
Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)
Omarsebria1@hotmail.com
Oodweynenews/Hagreysa Office

12-Agust oo ku beegan Malinta Dhaliyarada Caalamka oo Garoowe laga xusay

$
0
0

buraannews(Garoowe)Sanadkasta waxaa xiligan oo kale oo ku beegan 12-Agu laga xusaa Caalamka oo idil Maalinta Dhalinyarada Aduunka Si loogu sameeyo Wacyigalin iyo Baraarujin Jiilka soo koraya si ay uga digtoonaadaan Qatarada uga imaan kara dadka inta badan dhalinyarada u adegsada Hurinta colaadaha waxaan xafladan Manta ka dhacday Garoowe caamsimada Puntland Soo qaban Qaabiyay Ururka u ololeeya Arimaha Dhalinyarada ee Lo yaqaan  Y-PEER iyo Wasaarada Shaqada Shaqaalaha Dhalinyarad iyo Ciyaaraha Puntland.
 
Xafladan ayaa waxa ay aheed mid ka qabsoonta Holka Shirarka ee Jamacada Puntland State Unversity waxaan kulankan ka soo qeyb galay Masuuliyiin oo uu ugu sareeyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi raxamaan Shiiq Maxamuud Faroole iyo Qaar ka tirsan Golaha wasiirada Puntland Xildhibaano iyo Masuuliyiin Ka socota Hay’adaha Calamiga sida UNFPA iyo Ururka Y-PeeR oo qeyb ka ahaa Qaban qaabada Xafladan.
 
Inta ay socotay Xafladan ayaa wxaaa halkaasi lagu soo bandhigay Filomo ka turjimaya Dhibaatada ay la kulmaan dhalinta u kici tinta tahriibta iyo Dhulalka shisheeye iyo kuwa maciin bida Burcad Badeeda iyo qarkale oo lo adegsado hurinta colaadaha kaqeybgalka Jabhadaha Hubeysan waxaan uu filimkaasi tusaalo iyo waano unoqonkaraa dhalinta ku haminaysa dhibaatooyinka kor ku xusan.
 
 
Masuuliyintii kala duwaneed oo halkaasi qudbadaha ka soo jeediyaya waxa ay si diiran u wacyi galinaayeey Dhalinta xiligan waxa ka barata Jaamacadaha kala duwan ee ku yaal Deegamada Puntland in aysan maciin Bidin Tahriib Burcad Badeed iyo Waxyaabaha Xun xun ee la halmaala waxaan ay usoo qaaten Tusaalo iyo Tilmaaba is ay dalkooda ugu sii nagaadan.
 
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxa uu waxbadan ka tilmaamay arimo ku aadan Dhalinyarada waxaa uu inbadan wax ka tilmaamay muhiimada ay dhalinyaradu uleedahay Bulshada iyo kalinta ay qadan karaan Mudooyinkanba Ururka Y-PEER waxa uu ahaa mid ku mashquulsan arimaha Dhalinyarada Gar ahaan Wacyigalintooda.
 
Mahad Abdi Ali
Nakal143@gmail.com
Xafiiska buraannews Garoowe
 

 
 

Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network) Kadib codsi uga yimid Shabelle aqristayaasha, wabseedka Shabelle.net oo ku aadan in si fudud maalin walba loo dhageysto warka Idaacadda ka baxa ayaa Shabelle waxa ay go’aansatay in ay tixgaliso codsiga aqristayaasha, waxaana ay u soo gudbinaysaa warka ka baxa Idaacada Shabelle oo maqal ah xilli kasta insha Allaah maadaama Idaacaddu ay ku taala caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.  
Dhageyso Warka Duhur ee Shabelle 

Raysal wasaarahii Hore ee Soomaaliya oo Muqdisho Dib Ugu Laabtay

$
0
0

Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta kasoo dagay garoonka Aadan Cadde International Airport ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka kusoo dhaweeyay iyo sidoo kale dadweyne aad u fara badan.
Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka dib ugu soo noqdo islamarkaana uu soo dhaweynayo howlaha dalka ka socda.
Wuxuu sheegay in horumarka dhanka ammaanka Muqdisho laga gaaray uu yahay mid wanaagsan islamarkaana uu ku faraxsan yahay.
Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa intaasi hadalkiisa raaciyay in horumarada laga gaaray howlaha Road-mapka iyo sidoo kale Dastuurka uu yahay mid wanaagsan islamarkaana wuxuu tilmaamay in howlahaasi uu isaga bilaabay xukuumadahii ka dambeeyana ay dhameestireen.
Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay in ujeedada uu Muqdisho uu uyimid uusan shaacinayn balse dib uu kasoo sheegi doono.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo qul qulaya masuuliyiin kala duwan oo xilal horay uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray.
20-August oo maalmo ay inaga xigaan ayaa waxaa lagu wadaa in dalka ay ka dhacdo doorasho Madaxweyninimo.

Guddiga Xalinta khilaafaadka Odayaasha oo eedeeyay Guddiga farsamada

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Guddiga Xallinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka ayaa ku eedeeyay guddiga Farsamada inay ku howlan yihiin soo xulista Xildhibaanada cusub, islamarkaana wali aysan usoo gudbin cabashada ugu imaanaysa Beelaha Soomaaliya. 
Kaddib kullan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho guddiga Xallinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka ee kullanka ku leh Muqdisho iyo Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay kaga hadleen halka uu marayo soo xulista Xildhibaanada cusub ee barlamanka iyo caqabada hortaagan Odayaasha. 
Guddiga xallinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa ay warbixin ka siiyeen caqabada hortaagan soo xulista Xildhibaanada cusub iyo dhamaystirkooda sida uu sheegay Garaad Jaamac oo ah guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka Odayaasha dhaqanka. 
Garaad Jaamac ayaa waxa uu sheegay in guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada cusub aysan usoo gudbin cabashada ka imaanaysa Beelaha Soomaaliyeed si loo soo de dejiyo soo xullista Xildhibaanada islamarkaana Beelahaasi dib loogu celiyo Xubnaha ay ku leeyihiin barlamanka. 
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xaliyo cabashada ka imaanaysa beelaha Soomaaliyeed oo ku aaddan soo xulista Xildhibaanada cusub. 
Kullankaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii dambeeyay cabasho ballaaran ay kasoo yeeraysay beelaha Soomaaliyeed qaarkood kuwaasi oo ku muransan Xubnaha u matalaya Xildhibaanada cusub ee barlamanka.


R/wasaarihii hore ee Cumar C/rashiid oo soo gaaray Muqdisho

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya marxaladda maanta ka jirta ay tahay mid aad u adag, loona baahan yahay in laga samata bixiyo. 
Cumar C/rashiid oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumaddiisa intii ay jirtay ay wax wayn ka qabatay xaaladaha ammaan ee waddanka Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah looga saaro Al Shabaab iyo Al-qaacidda deegaannada yar oo ay gacanta ku hayaan sida uu hadalka u dhigay. 
Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay is badal muhiiim ah ka qabatay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in Xukuumaddiisa ay laheyd bilowga aas aaska qorshaha Nabadda ee Road-map. 
Imaashiyaha Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ee Muqdisho ayaa waxa ay kusoo aadayaa xilli 20-ka August la filayo in Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya.
 

Somali leader returns home, urges TFG action against Al shabab

$
0
0

MOGADISHU(Sh. M. Network)—Former Somalia’s Transitional Federal Government (TFG) Omar Abdi-rashid Ali (Sharmaarke) has returned home on Monday as The country is due to have a new parliament and president by the end of this month.
Mr. Sharmaarke told reporters in Aden Adde International Airport that his former government has done a lot about the country’s national security, calling upon the current ongoing TFG for beefing up war on Al shabab and its Al Qaeda affiliate remained in Somalia.
Somalia’s Transitional Federal Government (TFG) — guarded by several thousand African peacekeepers — fights for survival against the Al-Qaida-connected Al-Shabab, an Islamic insurgent movement that dominates much of central and southern Somalia.
For more, send your comments to webmaster@hotmail.com

Maamulka Gobolka Mudug oo ka Warbixiyey Amniga Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa maanta ku qabtey magaalada Gaalkacyo shir saxaafadeed uu kaga waramayo amni darro ay Burcadbadeed ka sameysey iyo weli hawlgaladii ciidanku kadib ku qaadeEn sidii xasiloonida loo soo celin lahaa.
Gudoomiyuhu amaan balaaran ayuu u celiyey taliye xigeenka booliska Puntland Col. Moxyidin Axmed Nuur iyo ciidamada kala duwan ee Puntland sida ay kaalinta wanaagsan uga qaateen sugidda amniga magaalada Gaalkacyo kadib markii ay ka sameeyeen hawlgallo ballaaran.
Waxa uu sheegeey in xabsiga magaalada Gaalkacyo ku xirnaayeen rag khalkhal gelinaayey amaanka gobolka Mudug isla markaasina ay kooxo Burcadbadeed ah ay isku isku dayeen in ay kala baxaan oo noqoneysa dhacdo ugub ku ah gobolka Mudug sida Gudoomiyuhu tixaabey.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa xusey in Dowaladu dadaal iyo dagaal ba ku jirto sidii loo xasilin lahaa maamulka gobolka Mudug balse dadweynaha looga baahanyahay in ay kala shaqeeyaan arrintaasi iyagoona aan garab siineyn danbiilayaasha isla markaasina ay u soo gudbinaan maamulka si sharciga loo waafajiyo.

Dhageyso Warka Habeenimo ee Idaacadda Shabelle

Fanaanadda Caanka Ah Ee Nimco Yaasiin Caraale Oo Si Heer sare Ah Loogu Soo Dhoweeyey Hargeysa, Suugaanna Ku Cabirtay Dareenkeeda.

$
0
0

Fanaanadda caanka ah ee Nimco Yaasiin Carraale, ayaa maanta si diiran loogu sopo dhoweeyey Magaalada Hargeysa, waxaana duledka Hargeysa ee Kaantaroolka Halaya kaga hortegay dadweyne tiro badan oo isugu jira fanaaniin, Siyaasiyiin Masuuliyiin iyo dadweyne kale oo tiro badan,
Fannadda oo ka hadashay goobta lagu soo dhoweeyey ee Tuulada Halayya ayaa waxa ay tidhi
“ Aad ayaanu ugu mahad naqayaa dhamaan bulshada reer Somaliland iyo dadka isoo dhoweeyeyba, waxaan leeyahay , waxaan lee yahay waan ku faraxsanahay inaan dhulkaygii hooyo ku soo laabto,
Waxaan idhi: -
markaan soo caga dhigtan dhalaalka Madaarka yaaboo,
dhakhsaha iilayn lo halgamay ilayn dhaygag baa idilee,
dhudaha laga duulo iyo dhabaha boorame tagtiyo
Ber bera saw lama dhehdo dhismahan aan kala joogsanayn,
Waxay indhuhu dhugtaan iyo dhabaa loo baahanyahay e
Dhaqaalihii meeshuu galay dhukeenaa laga arkaaye
dheeraad ninkii doonayoo sharciga lama dhaafi karo
Hadii sidaa lagu wadana caalamka ayeynu gaadhi.
Hargeysa Office

Rayaale Iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Uu Gacmahooda Ku Burburay Xisbigii Ugu Da’ad Weynaa Somaliland

$
0
0

Xisbiga Siyaasiga ah ee UDUB oo ahaa Xisbigii ugu horeeyey ee laga aasaaso Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa u muuqda inuu saaxada xisbinimo ka sii baxayo , ka dib markii khilaaf loo maaro waayey oo xisbigaasi ka dhex taagnaa muddooyinkii u dambeeyey uu sababay in ay ka dareeraan xubno miisaan culus ku lahaa xisbigaasi oo ka tirsnaa Hogaanka, Guddida Fulinta, Golaha dhexe iyo Xildhibaanadii Xisbigaasi kaga jiray Golaha Wakiilada, kuwaas oo shalay qaarkood xaflad soo dhaweyn ah uu u sameeyey Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, halka xubno kale hore ugu biireen Xisbiga UCID.
Xisbiga UDUB oo muddooyinkii ina dhaafay ay hadheeyeen khilaaf culus oo ka dhexeeya Guddoomiyaha Xisbigaasi Daahir Rayaale Kaahin  iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, kaas oo ka dhashay murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen oo isagu u guuray dhinaca Xisbiga UCID, ayaa wakhtigan u muuqda in xisbigaasi uu ku burburay gacamaha labada Masuul ee u sareeya Xisbiga UDUB, kuwaas oo iyagu ku fashilmay in ay xal kama dambaysa ah ka gaadhaan khilaafka ka dhexeeya, si loo badbaadiyo Xisbiga UDUB oo ah Xisbigii ugu horeeyey ee dalka laga hir geliyo sanadkii 2001-dii wakhtigaas oo uu seeska u dhigay Madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Khilaafkan u dhexeeya Daahir Rayaale Kaahin  iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo dhawr jeer ay isku dayeen in xubnaha Xisbigaas guddahooda ku dhamaystaan muranka dhexdooda ayaanay waxba ka hir gelin, markii labada masuul isu garaabi waayeen, taas oo keentay in ay Xisbigaasi ka digo rogteen xubno miisaan culus ku lahaa, iyada oo xubnahaasi qaar ka mid ah oo uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen oo isagu Xisbiga UDUB doonayey inuu iska sharaxo, balse caqabado badan ka hor istaageen ku biireen Xisbiga UCID.
Sidoo kale, waxa labadii maalmood ee u dambeeyey shaacinayey in ay xisbigaasi ka baxeen Xubno ka mid ahaa Golihii Wasiiradda ee Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo lagu soo daray guddi hoosaadyo uu magacaabay Daahir Rayaale.
Xubnahan sheegay in ay Xisbiga UDUB uga baxeen khilaafka Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Wasiirradii hore ee Arrimaha Guddaha,  Dalxiiska & Dhaqanka iyo weliba Wasiir kuxigeenkii  Qorsheynta qaranka, waxaanay sheegeen in ay ka baxeen Xisbigaasi markii xal loo waayey khilaafka ka dhex taagan Hogaanka Xisbiga UDUB.
Dhinaca kale, xubno kale oo ka mid ahaa Golihii Wasiiradda ee Xukuumadda Rayaale ayaa shalay iyagu  si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Kulmiye, waxaanay ka bixitaankooda UDUB ku sababeeyeen in labada masuul ee u sareeya Xisbiga UDUB dhinacna u dhaaqaajin waayeen Xisbigaasi, iyada oo loo diyaargaroobayo doorashadii Goleyaasha Deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan ka dhex aloosan Xisbiga UDUB ee u dhexeeya Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa u muuqda mid aan weli xal loo helin, isla markaana xisbigaasi u horseeday burbur iyo dil dilaac xoogan oo halis ku ah jiritaankiisa iyo inuu sii shaqeeyo madaama oo ay xisbigaasi ka guureen xubno miisaan ku lahaa.
Xisbiga UDUB oo ayaan iyagu waxa weli hadhay xubno muhiim ah oo ay aad igu dhawyihiin Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Siciid Sulub, Cali Maxamed Warancade, Cawil Cali Ducaale iyo xubno kale, iyada oo aan la ogayn mowqifka ay xubnahaasi iyo Rayaale ka qaadan doonaan burburka soo wejahay UDUB.
Dil dilaacan Xisbiga UDUB soo food saaray ayaa ku soo beegmaya xilli ay xalay Komishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen wakhtiga ay qabsoomayso doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dalku, taas oo ay u cayimeen 28 November ee sanadkan.
 
Hargeysa Office

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Sheegay Inuu Ka Fadhiisanayo Siyaasaddaa, Kuna Biiri Doono Golaha Guurtida, Bacda Ramadanta .

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta u waramayey manta qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay Garabkii uu hogaamin-jiray ee Xisbiga UDUB ee Shalay ku biiray Xisbiga Kulmiye.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB horteed baanu dhaqaajinay Xibiyadda kale oo aan dhaqaaqin markii aanu keenay Rag cusub oo hanan kara, laakiin Rag bay tuur la yeelatay markaa waxaanu jeclaysanay in aanu Xisbiga ku dhaqaajino Jiil cusub oo Dhalinyaro oo Gurigii ka guurno oo meel kale loo guuro Rag uu ugu horeeyo Odaygu (Rayaale) wuxuu la yeeshay arrinkaasi tuur , halkaa ka dib Anigu Ramadaan ka hor markuu Arrinku cakirmay ee Taladdii aanu isla garan-weynay ayaan Odayga u tagay, waxaan ku idhi waxaan soo jeedinayaa si Xisbigu u bad-baado inaan Kuraasta ka degno, sababta aanu uga degaynaana waxa weeyaan Xisbigu ha yeesho Hormood cusub oo haga maadaama oo uu tartan gelayo maalintaa wuxuu igu yidhi Axmadoow anigu waxaan doonayaa inaan la sii butuqsadee adigu hadaad sidaa garatay waad fiican tahay, waxaan ku idhi labadeenu isma hayno arrin-baa lagu kal jabay oo arrin taagnaa mid ayaa laga dhigay toban, arrinku muxuu ahaa? waxa weeyaan Musharaxnimaddii Jamaal iyo Cali Waran-cadde waxay ahady talo haddii Odaygu kala yimid Paris inuu yidhaahdo maxaa jira waxay ahayd inuu yidhaahdo Jamaal wuu buuxiyey Shuruudihii Cali-Waracadena Lacagtii uun-baa ka dhiman waxay ahayd inuu yidhhaado Caloow Lacagta soo shub labaduba waa Musharixiin, waxaana lagu kala reebayaa Gole-dhexe ama Shirweyne oo loo codaynayaa arrinkii halkaa taagnaa waa tii la faafiyey ee uu sii daba dheeraaday Jamaal-na UCID u digo-rogtay talada aan ula tagey waxay ahayd Kuraasteena aynu ku bad-baadino Xisbiga si uu u yeesho Hormood cusub oo u tartama, wuxuu igu yidhi waan soo tashanayaa madaama oo aad taladaa keentay, Ramadaan ka hor wuu la soo hadlay wuxuu yidhi Ramadaan dabadeeda ha inoo ahaato, iyaddoo ay halkaa taagan tahay ayaa waxa la soo saaray Guddiyo dhinac ka raran, Guddiyadaasi waa kuwa keenay in qayb-dhami Xisbiga ka baxdo maadaama oo ay iska waaweeyn Liiskii una arkeen in iyaga lagu soo maqan yah”
Guddoomiye ku xigeenka UDUB waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin Xisbi uu ku biirayo, waxaanu yidh “Aniguna Nin Xisbi kale u guuraya ma yihi, haddii ay noqoto in aan ka fadhiisto Kursigayga waxaan ula guurayaa Golaha Guurtidda taasina waa arrin marka uu taladda la yimaaddo Odaygu Ramadaan dabadeeda iman doontaa INSHA ALLAH, Waxaan ahay Nin diyaar u ah in aan Kursigayga aan ku furdaamiyo Xisbigu in uu bad-baado, Saddex Bilood iyo badh-baa u hadhsan wakhtiga Doorashooyinka la qabanayo, waxaanan rajaynayaa in Aniga iyo Odaygu-ba (Rayaale) ka fadhiisano Xisbiga si Xibsigu u yeesho Hormood cusub oo Hogaamiya si uu uga soo kabto wixii ku dhacay”
Hargeysa Office


Sarkaal Maanta Lagu Dilay Dekedda Muqdisho

$
0
0

Sargaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay afaafka kore ee dekadda magaalada Muqdisho.
Dilka sargaalkaan ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda ayaa waxaa geystay hal qof kaasoo qoriga uu sargaalka ku dilay ka qaatay ama ka dafay askari kale oo Ciidamada Dowladda k atirsan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qofka dilka geystay iyo sargaalka la dilay aysan jirin wax muran ah oo dhexmaray, balse ninka dilka geystay uu hal mar qoriga ka dafay askari kale ka dib rasaas ayuu ku furay sargaalka geeriyooday.
Dilka ka dib ayaa waxaa goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray Ciidmo ka tirsan Dowladda KMG ah kuwaasoo howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay askarigii qorigiisa lagu dilay sargaalka Nabad-sugidda ka tirsan kaasoo xabsiga loo taxaabay.
Maamulka degmada Xamarjajab ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay degmadooda, isagoona ka gaabsaday inuu ka hadlo.
Sikastab, ma ahan wax cusub in dil Muqdisho loogu geysto saraakiisha Dowaldda ka tirsan.

Guddoomiyahii Ganacsatada Suuq Bacaad Caawa Muqdisho Lagu Dilay

$
0
0

Degmada Yaaqshiid gaar ahaana xaafadda Suuq Bacaad waxaa caawa lagu dilay Guddoomiyahii ganacsatada Suuqa Bacaad Alle ha u naxariistee Siciid Fiidow Rooble.
Dilka ayaa waxaa geystay kooxo ku hubaysan bastooaldo isla markaan afka soo duubtay, markii ay dilka geysteen kadib waa ay baxsadeen.
Ciidamada Dowladda gaar ahaana kuwa maamulka degmada Yaaqshiid ayaa wax kadib soo gaaray meesha dilku ka dhacay waxayna ka sameeyeen hawlgallo.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxiyadiin Xassan Jurus oo aan dilka kadib la xiriirnay ayaa waxa uu sheegay in ay ka xun yihiin dilkaasi waxaana uu tilmaamay in ay socdaan hawlgallo ay wadaan Ciidamada.
Alle ha u naxariistee Saciid Fiidow waxa uu muddo badan Guddoomiye kasoo ahaa Suuqa Bacaad oo ah suuqa labaad ee ganacsiga ee ugu weyn Soomaaliya.
Dilka caawa loo geystay Siciid Fiidow Guddoomiyaha ganacsatada Suuq Bacaad waxa uu qayb ka noqonaayaa dilal is daba joog ah oo muddooyinkaan kusoo badanaayey magaalada Muqdisho.

Boqor Cismaan Buur madow Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Nabadda Ee Somaliland & Reer Buuhoodle

$
0
0

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid madax dhaqameedka caanka ah ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyey wada hadalada nabada ee u bilowday Xukuumadda Somaliland iyo reer buuhoodle, kaas oo uu ku tilmaamay talaabo hore loo qaaday oo wax ka taraysa nabada iyo horumarka deegaamadaasi.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo xalay khadka telefoonka ugu waramayey Wargeyska Saxansaxo, waxa uu sheegay in Weftiga reer Buuhoodle ee uu hogaaminayey Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) ay yihiin xubno ay ka go’do nabada Buuhoodle, isaga oo xusay in Weftigan reer Buuhoodle la yimaadeen ajande cad oo ay soo hor dhigeen Xukuumadda Somaliland.
Boqor Buurmadow oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi
“Anigu  aad  iyo  aad  ayaan  u  so odhaweynayaa wada hadalada nabadeed ee u bilaabmay Somaliland iyo reer Buuhoodle, waxanan  leeyahay  waxa  ku xidhan  arrintan  horumarka,  nabada iyo deganaashaha  Mandaqada oo dhan,  waxana kale oo aan so dhaweynaya in  Maxaabiista la sii daayo oo Ciidamada la kala qaado oo Heshiis dhaco intaba  waan soo dhaweynaya.”
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur madow), waxa uu ka dhawaajiyey in Weftiga reer Buuhoodle ay la yimaadeen ajandeyaal cad cad oo qaarkood loo fuliyey, waxaanu xusay  Xubnaha Somaliland u metelayey ee kulamada la yeeshay Weftiga reer Buuhoodle ay ahaayeen masuuliyiin aan wadan wax qorshe ah ama shuruudo ay hor dhigeen dhinaca reer Buuhoodle, waxaanu yidhi isaga oo arrintaasi ka hadlaya “Anigu Qoladaas  reer  buuhoodle waanu  kulanay  oo  waanu  is  aragnay, waxaanay u muuqdeen qaar wax lala dhameysan  karayo, waxanay wateen  Ajandayaal Cad cad oo qoran kuwaas oo qaarkood  loo fuliyey kana mid ahaayeen  in Muxaabiistii loo sii daayo iyo in Ciidanka Qaranka Somaliland laga soo raro  waana loo fuliyey Shuruudahaas, Laakiin Xubnaha u metelayey  wada hadalada dhanka Somaliland waxaan u arkayey inay hogaaminayaan  rag dhalinyaro ah oo aan  u bislayn arrimahan  nabada oo aan wada xaajadana lala dhameysan kareyn weftigan reer Buuhoodle, markii ay Weftigan la hadlayeen may jirin wax ajande ah oo dhinaca Xukuumaddu ku xidhay reer Buuhoodle oo ah waxa looga fadhiyo dhinaca reer Buuhoodle, haddii qodobadoodii la fuliyey.
Waxa ay aheyd in arrinka ay meeliba meeli ka horeyso oo ay Nabadeyni ugu horeyso lana wada hadlo isla markaana Ciidamada soo duulay ee dhanka Buuhoodle  iyo kuwa meesha Colaadu ka dhacday joogaba waxa ay aheyd  in la kala qaado  oo Dib u heshiisiinta iyo Nabada la meel mariyo, waxa ay aheyd  in Somaliland ay ku bedelato Nabad iyo  horumarka hana qaado oo ka hirgala  jiiddahaas hore waanan  arkayey  in ragaasi yihiin  rag  bisil Xagan Somaliland  Caadifadi yar ayaa ka muuqatay, dhalinyaro wax ka midha dhalin kara may aheyn ee  waxay ahaayeen  dhalinyaro  fudeyd ka muuqdo.”
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anigu waan ka war haya  in xubnaha dhinaca Buuhoodle ka yimid ay yihiin raggii ku filan arrinka oo ah  raggii Buuhoodle taladiisa iyo Xaajadiisu ka go’aysay  oo ku filan  ayaa meesha marayey waxa meesha marayey Wakiiladoodii, laakiin dhanka  Somaliland ayaanu ragii  Xaajada lahaa  iyo nabada  gundhiga u ah aanay meesha ka muuqanin ayaa la odhan kara laakiin xaga kale way dhameystirnaayeen  ayaan leeyahay.”

Boqor Buurmadow waxa kale oo uu ka hadlay Shir qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland u balansan yihiin bishan 28-keeda, kaas oo ka dhacaya Hargeysa, waxaanu yidhi “ Shirkan waxa uu noqon doonaa mid ay u dhan yihiin Salaadiinta Somaliland oo Hargeysa ayuu ka qabsoomayaa hawlihiisuna si caadi ah ayey u socdaan, markaa maaha Shir Xukuumadda wax loogu dhimayo waa Shir ay salaadiinta Somaliland arrimahooda kaga shirayaan.  Dhawaan Suldaanka Guud ee Subeer Awal oo aad Waraysteen ayaa arrinta Shirkaasi ka hadlay, markaa waxa u cadaynayaa in aanu arrintaasi Suldaan Xasan ka hadlayna dhamaynay oo uu raalli ka yahay Shirkan qabsoomidiisa.”
Hargeysa Office

Kulliyad lagu baranayo cilmiga Caafimaadka oo ay maalgelisay Hay’ad Turki ah oo dhismaheeda laga bilaabay Muqdisho

$
0
0

Dhismaha kulliyad lagu baranayo cilmiga caafimaadka oo ka tirsan jaamacadda Horseed oo ka mid ah jaamacadaha Muqdisho ka howlgala ayaa waxaa maanta dhagax-dhigay wasiirka waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee DKMG ah, Axmed Caydiid C/raxmaan.
Kulliyadan cusub oo dhismaheeda ay maal-gelinayso haya’dda samafalka Turkiga ee INFAK VAKFI ayaa waxaa laga billaabay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir iyadoo ay wax ka baranayaan kulliyadan markiiba 1,000 arday.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir, xubno ka socda hay’adaha waxbarashada dalka, arday, safiirka Turkiga u jooga Somalia iyo mas’uuliyiinta hay’adaha Turkiga qaarkood.
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, Axmed Caydiid oo hadal jeediyay ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay howlala ay walaalaha Turkiga ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Kamaaludiin Turan oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in kulliyadan ay qayb ka tahay kaalmooyinka ay Turkigu Soomaaliya u yimaadeen, isagoo sheegay inay lagu horumarinayo waxbarashada caafimaadka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qayb-galay munaasabadda ayaa ammaanay dhismaha kulliyaddan isagoo sheegay inay si weyn uga mahadcelinayaan dowladda Turkiga dadaalka ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo Maxamuud Macallin Nuur oo ka socday madaxtooyada oo iyaguna ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga kuliyadda ayaa sheegay inay tahay sare u sii qaadaysa xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Ugu dambeyn, mas’uuliyiin ka socday jaamacadda Horseed ayaa sheegay inay soo wadeen muddo qorshaha lagu dhisayo kulliyaddan oo jaamacadda ka tirsan, waxayna xuseen inay maanta dhabowday riyadoodiid.
Waa markii ugu horreysay oo hay’ad ka mid ah kuwa Turkiga ay maalgeliso dhisme jaamacadeed, balse waxay horay Muqdisho uga hirgeliyeen dhismayaal iskuullo ay wax ka bartaan caruurta Soomaaliyeed.
source-Hol
 

Madaxweynihii Puntland oo u taagan xilka Madaxweyne ee Somalia isagoo sheegayna inuu wax badan bedeli doono

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Puntland, Jaamac Cali Jaamac ayaa kusoo biiray xubnaha u taagan doorashada madaxnimo ee Soomaaliya isagoo sheegay in haddii loo doorto hoggaanka Soomaaliya uu wax ka bedeli doono sida ay madaxda Soomaalidu ku dhaqanto.
Jaamac Cali Jaamac ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed dareensiin doono inay yihiin kuwa loo shaqeynayo, madaxduna ay yihiin kuwa u shaqeynaya, halka ay hadda ka aamisan yihiin in madaxdu ay yihiin kuwo dadka ka sarreeya.
“Waxyaabaha aan doonayo inaan wax ka bedelo waxaa ka mid ah dadka badan oo lagu xayirayo waddooyinka marka ay madaxdu soo dagayso, waxaana ka shaqeyn doonaa inaan dadka la xayirin si ay u dareemaan inay iyagu muhiimadda koowaad leeyihiin,” ayuu yiri Madaxweynihii Puntland.
Murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa soo kordhaya iyadoo maalin walba ay Muqdisho ka dhacaan kulammo ay murashaxiin cusub uga dhawaaqayaan inay u taagan yihiin xilka madaxnimo ee dalka Soomaaliya.
“Qorshahayga waxaa ka mid ah inaan dalka horumar u horseedo, sidoo kalena aan ku maamulo cadaalad,” ayuu yiri Jaamac Cali Jaamac, iyadoo hadalladan ay yihiin kuwa ay inta badan ku beer laxawsadaan murashaxiintu shacabka Soomaalida iyo xildhibaannada laga doonayo inay doortaan madaxweynaha cusub.
Dowladda KMG ah ayaa wuxuu waqtigeedu ku eg-yahay 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan oo ku beegan toddobaadka soo socda, waxaana lagu wadaa in markaas kaddib ay dhacdo doorashada madaxnimo ee Soomaaliya.
Inkastoo ay ololayaasha doorashadu aad uga socdaan Muqdisho ayaanay haddana muuqn in doorashadu ay ku dhici karto xilligii loogu talogalay, maadaama aan weli la dhameystirin baarlamaanka cusub oo ah midka dooran doona hoggaamiyaha xariga u qaban doona dowlad aan KMG ahayn oo Soomaaliya ka hirgasha 20-sano kaddib.
source-Hol

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live