Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu aqbalayo natiijada doorashada uuna xilka ka dagayo haddii laga adkaado

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada madaxnimo ee Soomaaliya wax walba oo ay noqoto.

Shariif Sheekh oo u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale been abuur iyo wax aan jirin ku tilmaamay warbixintii Qaramada Midoobay ee ku saabsanayd in madaxda Soomaalida ay musuqmaasuqeen dhaqaale badan oo loogu deeqay Soomaaliya.
“Diyaar ayaan u ahay inaan aqbalo natiijada kasoo baxda doorashada wax walba oo ay tahay,” ayuu yiri Sheehk Shariif oo sheegay inuusan doonayn inuu si awood ah ugu sii fadhiyo kursiga madaxweynenimo ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo horay u ahaa hoggaamiyihii Midogii Maxkamadaha Islaamka ayaa xilka qabtay sannadkii 2009, wuxuuna ballanqaaday inuu xilka ka degi doono haddii looga guuleysto doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo lagu wado inay dhawaan dhacdo.
Saddexda mas’uul ee ugu sarreeya Soomaaliya, sida madaxweynaha, afhayeenka baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha waxay u sharraxan yihiin xilka madaxnimo ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa sharraxan shaqsiyaad iyo xubno ka socda ururro siyaasadeed oo kala duwan.
Dhanka kale, mar uu ka hadlay warbixintii Qaramada Midoobay oo ku eedeysay inay ku maqan tahay gacanta madaxda Soomaalida malaayiin dollar oo deeq ah, isagoo ku sheegay in warbixtaas ay tahay mid been abuur ah.
“Waan ka xunnahay warbixinta. Waxay ahayd warbixin la sameeyay oo been ah,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dadka warbixinta qoray aysan ku sugnayn Soomaaliya amaba aysan imaan.
Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in xafiisyada saddexda mas’uul ee dalka ugu sarreeya lagu qarash-gareeyay sannadkii 2011 oo keliya lacag dhan 12-milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Madaxweynuhu wuxuu diiday in lacagtaas ay isticmaaleen, isagoo sheegay inaysan jirin lacago dalka soo gaaray, balse weli ma aysan horgeyn Qaramada Midoobay caddeymo ku saabsan inaysan lacagaas ku maqnayn iyaga.
Source-Hol


Mid ka mid ah xubnaha ugu caasan ee loo diiday ka mid noqoshada Baarlamaanka oo sheegay…

$
0
0

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa magacyada xubno dhawaan ay Guddiga xulista xidlhibaanadu dib u soo celiyeen ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya, Mr. Xaabsade oo la hadlayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in sababta loo soo celiyay uusan weli garan, isagoo sheegay inaysan jirin dacwad dembi ku caddeysay sidoo kalena uusan ogeyn halka laga keenay warkan.
“Aniga hogaamiye kooxeed ma ihi, soo celinta magacaygana waxaan u arkaan inay tahay isbaaro loo dhigtay beelaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Xaabsade oo xusay in beelaha uu kasoo jeedo ee Digil iyo Mirifle aysan laheyn hogaamiye kooxeed oo ay ahaayeen beelo iska difaacayey beelo kusoo duulay, balse aysan iyagu duulaan ahayn sida uu yiri .
Mar la weydiiiyey su’aal aheyd inay saameyn ku yeelan karto soo celinta magaciisa ay soo celiyeen Guddiga xulista Baarlamaanka ayuu sheegay inaysan saameyn ku yeelanayn, sidoo kalena aysan wax cabsi ah gelinaynin, wuxuuna yiri “Khaladaadkii Soomaaliya ka dhacay waxaa looga heshiiyey shirkii Embagathi, aniga Maxkamad wax iguma soo caddeyn,  shuruudaha Road map-ka waxaa ka mid ahaa in qofkii aan dambi gelin shan sano uu ka mid noqonayo baarlamaanka, anigana lix sano ayaan Imbegathi kadib ahaa wasiir”.
Ugu dabeyn Xaabsade wuxuu Guddiga xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ku eedeeyay inay iyagu wataan in dib ay u soo celiyaan magacyada, isagoo sheegay inaysan arrintaan dowladda KMG iyo Qaramada Midoobay aysan waxba ka ogeyn.

Ciid wanaagsan

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)  Caawa ayaa Umadda Islaamka Meel waliba oo ay joogaan wax ay isku raaceen in maalinta birito ah ay tahay Maalin Ciid ah, maadaama ay dhameysteen 30-ka Maalmood ee bisha Soon. 
Dadka ayaa Caawa isugu hambalyeynaya  Munaasabadda Ciiddul Fidriga, iyagoo isugu doceynaya in Umadda Islaamka meel waliba oo ay jooggaan Ciiddaan, midda xigta ay ku gaareen Bash iyo baraare. 
Degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxa isugu soo baxay dad weyne u badan dhalinyaro oo isu marxabaneya, iyagoo qaarkood Alle ka baryay in Sanadkan kiisa uu ku gaarsiiyo bash iyo Baraare. 
“Illaahay Ciiddaan teeda kale bash bash hanagu gaarsiiyo, waan ku farxsanahay, sanad waliba sanadka kale way nooga sii farax badnaaneysaa Ciidda” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dhalinyaro isugu soo baxday degmada Wadajir Hodan ee gobolka Banaadir.
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa Caawa ah mid jawiga qurxoon, maadaama ay dhamaatay Bisha Barakaysan ee Ramadaan. 
Meel Waliba oo aad joogtaan haddii aanu nahay Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaan idin leenahay Ciid Wanaagsan,  Kullo Caam Wa atum Bikheyr. 

Mid ka mid ah Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo habeenkii labaad u xiran Gen. Gaafow.

$
0
0

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay in habeenkii labaad uu xalay ku baryey mid ka mid ah xabsiyada magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay inuu xiray mid ka mid ah saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya oo dacwad ku soo oogay.
Waxaa habeenkii labaad Muqdisho ku xiran Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, kaas oo uu sheegay Webku inuu u xiranyahay Taliyaha waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda KMG Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow oo ku eedeeyay inuu been ka sheegay.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa waxaa la xiray xildhibaankan ka dib markii uu Gaafow ka qoray dukumenti sir ah oo lagu sheegayo in lacago badan uu lunsaday Gen. Gaafow, wuxuuna warku intaasi ku daray in xildhibaanka la xiray uu ku xigeen u ahaa jiray Gen. Gaafow, haatanna ka mid noqday Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ma jirto cid xaqiijineysa sababta loo xiray xildhibaankan iyo cidda xirtay toona, marka laga reebo warar hoose oo ay warbaahinta qoreen, waxaana haddii ay run noqoto arrinkan ay noqoneysaa xildhibaankii ugu horeeyay oo la magacaabo isagoo xasbi ku jira.

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo markale jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif, sheegayna…

$
0
0

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka jawaabay hadal uu qalabka warbaahinta ka sii daayey Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed, kaas oo ahaa in xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn wax saameyn ah, isla markaana aysan wax qaraar ah soo saari karin maadaama uu madaxweynenimo isu soo sharraxay Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya C/weli ayaa sheegay in Xukuumadda uu Ra’isul wasaaraha ka yahay ay jireyso illaa iyo inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo bedesha, wuxuuna yiri “Xukuumaddu waa jireysaa, illaa inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo maamulka kala wareegta”ayuu yiri Ra’isul wasaaraha oo intaas ku daray in aysan jirin meel ay Axdiga KMG ah kaga qoran tahay in aysan jireynin Xukuumad ka dib marka uu Ra’isul wasaaraheeda isa sharaxo.
Waxaa kale oo uu ka jawaabay Ra’isul wasaaruhu arrin kale oo uu madaxweynaha ka hadlay, taasi oo ku saabsaneyd dikreeto uu Madaxweynaha degmooyin cusub ku magacaabay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay ahayd mid sharci darro ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay Ra’isul wasaaruhu  inay aheyd in magacaabidda degmooyinkaas ay soo marto nidaamka dowliga ah, golaha wasiirrada la horkeeno, ka dibna madaxweynaha loo gudbiyo.
“Arrinta magacaabidda degmooyinka waxay ka gole wasiirro ahaan nagu beertay welwel tiro badan, waxayna u baahantahay in degmo la magacaabo in Golaha Wasiirada la sii marsiiyo, laga doodo ka dib Madaxweynaha loo gudbiyo, laakiin in la iska magacaabo degmooyin waxaan u arkaa kheyru-sharci” ayuu yiri Ra’isul wasaare Cabdi Weli oo sheegay in xilliga Dowladda TFG-da uu ku egyahay 20-ka Agoosto.
Waxaa wax laga weydiiyay soo xulista xubnaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in awoodda arrintaas ay leeyihiin Odayaasha Soomaaliyeed, Guddiga farsamadana ay kaliya howshoodu tahay in ay eegaan in qofka la soo magacaabay in uu buuxiyay shuruudihii iyo in kale. Wuxuu talo ku bixiyay Ra’iisal Wasaaruhu in ay guddigaas loo madax banneeyo howlihiisa.
Su’aal kale oo la weydiiyay Ra’isul wasaaraha ayaa aheyd in hadalkiisan iyo hadalkii Madaxweynaha laga dareemayo inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna ku gaabsaday in uu nidaamka dowliga ah sidaas yahay, wax intaas dhaafsiisanna aysan jirin.

Waraabe iyo Wadaad maxaa kala heysta?

$
0
0

WARQAD FURAN OO KA SOCOTO WARAABAYAASHA KUNA SOCOTO WADAADADA
UJEEDO: – MANA NOOLIN WARNA NA RAAC
Mar hadii Wadaado isku kay qabsadeen, Waxaanan Ahayna la igu tilmaamay, In aan hadlo way ii Banaantahay. Beryahaan waxaan maqlayey waraabuhu xalaal miyaa mise waa xaaraan? Soomaaliduna waxay igu xamataa in aan Luuqadaha wax ka ka garanayo.
Waraabaan ahay, war Iguma harin waan, Waalan rabaa, Wadaadaa ii soo jeestaye war iga hooya”.
Wadaadow waxaan ahay Waaraabe Cunistiisa la idin xalaleeyey, idinkuna waxaa tihiin wadaado isugu jira, kuwo Diinta si sax ah iyo si qaldanba wax u sheegaya, si kastaba ii cunteene xalaaltinimadeyda shakiga halaga daayo, waraabe waa xalaal ama waa xaaraan yaan la isku qabane hadaaba marba i cuneysaan xalaalnimada hala ii daayo, si idinkuna aad u noqotaan kuwo hilib Xalaal ah Cuney shakiguna idin kaga baxo, oo anigana markaad I cuntaan aan shahiid u noqdo, Isla markaana illaahna ugu mana sheegto in aan idin gaajo bi’iyey maalintaas, xalaatinimo idinka baryimaayee ilaah baaba I xalaaleyey meel la igu xaaraantimeeyena aniga ma Ogi, tan iyo Asxaabtii baa la icunayey Bisinka iyo Allaahu Akbartaa la igu xalaalaynayey, Diinta Islamka iyo Kutubtuna ugu qornaa, ee doqon iga dharagtey Duceynwaydana hanoqonina.
Sidaas si lamid ah , ma Ogoli in la I Aflagaadeeyo, oo la iyiraahdo waraabuhu waa Af Qurmoon yahay “Huuraale”, Bakhtiguu Cunaa “Huuraale”, Waraabe wax ma reebo, sida ayba wadaadaduba u ogoleyn in la gu sheego Tilmaamaha ay kamidka yihiin “Waa Dufanle” “Dufle Cunto U joog ah, “Wadaadku waa Dariiqo”, “Wadaadku waa seef la bood” iyo “Wadaadka miskiinka ah”, iyo wax la mid ah.

CODSI

Culimooy Caadifada iska dhaafa, oo waxaad Cuntaana Jubooyinka kama Aydaan waayine, Dadka ha igu dirina, intaa aad wax la Cunana haysataana aniga wakhti hala isiiyo, Calafna waa meeshiisa, mid anaga naga mid ah haday dan iyo daawo idiin gashayna Cuno illaah baa idin xalaaley bisinka iyo Allahu Akbartana ha ka tagina, Sidaasaan Idiinku xalaalobayaa.
CAAMADA WAXAN LEE NAHAY.
Caamow Awalba isma aynan heynine, Hishiiskii inoo yaalay haka bixina oo yaan la isku keen dirin, wax la Cuno aniga iga badana waa haysataan ,Walina Waraaban ahayee Maalin wacan, waad itaqaaninee Maalin wacan ,Culimaan is heynaayee Maalin wacan, aan kala Nabadgalnee Maalin wacan.

UGU DAMBEYN:-

Waxaan mahad balaaran u celinaya illaaheygii I xalaaleyey, waxaan Abaal u hayaa dadka sida sharafta leh Nafta iiga gooya, Isla markaana Bisinka iyo Allaahu Akbartana ii qabta, in aan Xalaal ahay oo Xaaran aheyna igu tilmaamey, Dadkana u sheegey. wax laxaaleeyo ama la xaarantimeeyana Illaah keliya bay u Sugnaatey ee ogaada.
Maanta wixii ka horeeyey waxan Cafis Illaah uga Dalbayaa Dadkii I duleeyey, sida xuna iilaa dhaqmay,Xaaraana igu sheegey, Maanta wixii ka dambeeyana Dadka iduleeya ama xaaraan igu sheegana maalinta Qiyaamaha baan la xisabtamayaa.
Ii soo jawaabana idin ma lihi , jawaabna idinkama sugayee janadaa inoo balan ah.
Cafalaahu camaa salaf.
Abdihakim Hersi Noor( Engineer)
Email:abdihakin234@gmail.com

Related Posts
No related posts.

Puntland forces seize suspected Al shabab agents with weapons

$
0
0

GALKA’YO (Sh. M. Network)-The security forces of the Somalia’s northern semi-autonomous region of Puntland,have on Wednesday conducted security operations in northern divided Galka’yo, some 750 Km north of Mogadishu, witnesses and security officials said.
Eyewitnesses said the army has detained dozens of armed men carrying explosives, whom the officials are accusing to have links with Al shabab militants and are now being held at a prison northern Galka’yo.
Mohammed Yusuf Jama’a, the governor of Mudug state for Puntland, told reporters in Galka’yo town that the security forces are committed to continue the operations to secure the town.
“These military operations will not stop until they (gangs) are wiped out from the entire city,” he added.
The city is divided into two zones, where the main northern portion forms part of Puntland state, while its southern tip is governed by the Galmudug administration.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Faarax: Zenawi Isagaa Abuuray Al-Shabaab

$
0
0

Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin ayaa sheegay in ra'iisul-wasaarihii geeriyooday ee dalka Ethiopia Meles Zenawi uu mas'uul ka ahaa dhibaatadda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Faarax wuxuu sheegay in Meles markii uu abuuray ururka al-Shabaab ee dagaalka ka wada Soomaaliya kaddib markii uu ciidamadiisa u diray Soomaaliya.


Xildhibaannadii La Diiday oo Qaarkood la Ogolaaday

$
0
0

Guddiga Farsamada ee xulista baarlamaanka ayaa sheegay inay ogolaadeen qaar ka tirsan xubnihii dib loogu celiyay odoyaasha dhaqanka kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay inay danbiyo galeen.
Xaliimo Ismaaciil "Xaliimo Yaray" la-guddoomiyaha guddiga oo VOA wareysi siisay ayaan si toos ah u sheegin cidda ay yihiin xubnaha la ogolaaday, balse waxay sheegtay in 19 qof oo 7 ka mid ah ay yihiin kuwii lagu dhaganaa la ogolaaday inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub.
Warar ayaa sheegaya in ...

Bayaan ay goor dhaw soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya (Aqriso)

$
0
0

War Saxaafeed gelinkii dambe ee maanta ka soo baxay Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay jegada xilligaan loo-soo magacaabay Cabdidaahir C/Raxmaan Cabdi.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda loogu soo magacaabay Cabdidaahir C/Raxmaan Cabdi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxay War Saxaafadeedkaan ay ku cadeyneysaa, inay soo dhaweyneyso soo magacaabista Mr Cabdidaahir, iyadoona xustay in lagu soo magacaabay aqoon, karti iyo waayo aragnimada uu u lee-yahay shaqadaan.

Hadaba War Saxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-


Related Posts
No related posts.

Saxaafadda Ingiriiska oo soo saartay Mataanka Mo Farah oo Hargeysa jooga.

$
0
0

Mo Faarax Mataankiisa oo lasoo helay

Wargeyska Mail ee Ingiriiska kasoo baxa ayaa baaritaan wariye u diray Soomaalia waxaa ay kusoo barteen oo shaacbaxiyeen qoyska Orodyahanka Mo Farax oo asigo kasoo jeedaa halkaasi iyadoo ay soo sawirteen wareysina ka qaadeen Xasan Farah oo mataan la ah Mo , aadna isku shabaha wajiyadooda.
Mataanahan Xasan Faarax iyo Maxamed Faarax oo Mo loo yaqaana ayaa waxaa ay kala lumeen oo ay kala hareen xili ay 8 jir ahaayeen iyadoo Mo iyo 2 caruur kale ah oo qoyska dhaleen ay fursad u heleen inay u dhoofaan dalka Ingiriiska halkaasoo ay kusoo kala hareen xero qaxooti oo ku taala dalka Jabuuti .
Hassan Farah ayaa haatan ku nool magaalada Hargeysa waxaana Xasan uu yiri aniga iyo walaalkeey waxaan caruurnimadeenii ku wada seexan jirnay sariir waxaana iskula wada cuni jirnay saxan, waxaan isla xiran jirnay dharka , balse daruufo ayaa inakala waday aniga iyo mataankeeygii , waxuu Xasan intaa ku daray in ay isaga iyo Mo isku koox ahaan jireen oo ay wada ciyaari jireen kubadda ayna aad xariif ugu ahaayeen ciyaaraha ispoortiga ayna ka adkaan jireen kuwii la tartamo.

Mataanka Mo Farah Xasan Faarax oo suuqa Hargeisa jooga
Faarax Walaalkiisa kale ayaa isna leh makiinad cagaf cagaf ah oo beeraha ku falo taasoo uu usoo diray Mo faarah .
Walaalaha Mo ayaa waxaa haatan 2 dii lagu soo reebay Soomaliya ay ku noolyahiin halkaasi mataanka Mo Farah oo ah Hassan laakin waa Injineer taleefanada oo shaqo wanaagsan ayuu haystaa, waxaana uu aad u taagersanyahay walaalkiis asigoo sameeyay qaabka uu dabaaldago mataankisa Mo Farah oo ku caanbaxay oo ah Mobot taasoo uu sameeyay markuu labadii biladood ka helay ciyaaraha Olombikada oo uu ordayay Britian.

Mo farah walaashiis Nimco oo haysta caruurteeda uu mid ka mid ahi xanuunsanyahay
Saxaafada ayaa hadaba ku dheeraatay arrinkan qoyska Mo Farah taasoo ay ku sheegeen inay aheyd murugo iyo xanuun in qoys caruurtooda oo lix ka kooban 3 lasoo waday sedexda kalena ay laga soo tagay taasoo ka dhigtay maqalka mid xanuun leh oo dad badan ka faaleeyeen.

Aqalkii uu deganaa Mo Farah oo ku yaala Deryanka, haatan ay degantahin qoyskiisa
Related Posts
No related posts.

Guddiga Doorashada oo doortay laba Gudoomiye-yaal iyo Afhayeenkooda, iyo magacyadooda oo la-shaaciyay

$
0
0

Guddigii shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay ee loo-aqoonsaday Guddiga Doorashada ee Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa waxay soo doorteen laba Gudoomiye-yaal iyo Afhayeenkooda.
Guddigaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ay ku qaataan shir soconaayay muddo dhawr saacadood oo xiriir ah, waxaase Shir Gudoominaayay Ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka General Muuse Xasan Cabdulle.
Gadoonka sare ee Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa loo-magacaabay Caasha Xaaji Cilmi, waxayna ka soo shaqeyn doonaan hanaanka ay ku dhaceyso Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Maaliyada amaba lacagaha ka qabanaaya Musharaxiinta xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka u taagan ayaa waxaa loo-magacaabay Khadiijo Axmed Diiriye, iyadoo isla caawa bilowday shaqadaan.
Afhayeenka Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa si rasmi ah loogu soo doortay Cusmaan Libaax Ibraahim, isagoona ku hadli doona magaca Guddiga Doorashooyinka, oo ka kooban 15 ruux.
Ku Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka General Muuse Xasan Cabdulle, ayaa wuxuu xubnahaan uu ku baaqay inay dardar geliyaan Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka, oo la-qabaaayo 26-ka bishaan, oo ay maalmo uun inaga xigaan.
Related Posts
No related posts.

Goobo waxbarasho oo Gobolka Sanaag laga dhagax dhigay(Sawiro iyo Warbixin)

$
0
0

Hayland:-Waxaa ka soconaya Degaanada Gobolka Sanaag qaar ka mida Howlo Horumarineed oo ku aadan Waxbarashada dadka reerguraaa ah iyo goobaha aan lahayn iskuulada,Waxaana Marshuuracan iska Kaashanaya Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Hay,adda Save Children oo Maalgelinaysa iyaadoo Fulinta iskuuladan lo soo Marsiinayo NGOga Dandoor oo kaalin lixaadle ka qaata Waxbarshada iyo Xirfadaha bulshada.
Weftigan ayaa Waxaa Horkacayo Prof-Ibraahin Awaare Madaxa Sare ee NGOga Dandandoor ,Waxaana ugu Harayn ay Gadheen Magaalada Hayland oo Qiyaastii 18Km u Jirta Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag,iyadoo si toosa ay u dhagax dhigtay Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada ee Gobolka Sanaag oo ay Goob jooge la ahayd Gudoomiye ku-Xigeenka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag Marwo Saynab Siciid Soore.
Culimada Xerta oo Degaankaasi ku sugan ayaa ugu Horayn Weftigan soo dhowayey Waxaana Halkaasi Hadalo ka soo jeediyey Madaxa Hay,adda Dandoor Prof-Ibraahin Awaare,iyadoona dhanka kale uu Madasha ka Faahfaahiyey Mashariicdan Waxbarashada ee Save Childaren ay ka Waddo Gobolka Madaxa Mashruucan Mudane Sinjibiil,Waxaana uu sheegay inay Magaaloyin badan oo ka Mida Gobolkan ay ka Hirgelinayaan Dhismayaal iskuul waxbarasho oo Deeqdeeda ay iska kaashadeen Hay,adda Save Childaren iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland.
Intaasi ka dib waxaa Warbixin kooban soo Jeedisay  Ifraax oo ah Agaasimaha Wasaarada waxbarashada waxayna sheegtay inay loo baahanyahay in Dadka baadiyaha degan iyo dadka tuuladani ay guddi u saraan iskuulka oo dhismihiisu dhowaan bilaamayo,Waxaynta intaasi ku sii dartay inay iskuulada laga Furayo Sanaag ay  yihiin 4Magaalo oo ah Hayland dhumay oo ka tirsan Degmada Badhan iyo Labo Magaalo oo kale oo ka tirsan Degmada Xingalool ee Gobolka Hayland.
Odayaasha Magaalada Hayland ee Degmada Badhan ayaa intaasi ka dib Mahadcelin balaadhan u jeediyey Masuuliyiinta arrintan u soo dedaashay Gaar ahaan Marwo ifraax iyo Prof,Awaare Waxaana Degaankaasi oo laga Muujiyey Casho Xaga korontada Martoor ugu Deeqday Hay,adda Dandoor oo Iyadu iskeed isugu xilsaartay.
Isla Maanta ayaa Waxay dhagax dhigeen Masuuliyiintan dhisme kale oo isna iskuul Waxbarasho oo 16km u jira Degmada Badhan kaasi oo ku Yaal Tuulada dhumay .
Maxamed Axmed Ciise
Sanaag/Baadhan





 
 



Haweenka oo ka cabanaya doorkooda baarlamaanka

$
0
0

Qaar ka mid ah haweenka ayaa ka mudaharaaday maanta tirada ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ay sheegayaan inay ka yar tahay intii lagu heshiiyay ee ahayd boqolkiiba soddon.

As Ethiopia looks beyond strongman Meles, fears of instability

$
0
0

Ethiopia was an economic success story under Prime Minister Meles Zenawi, who died Monday. His two-decade authoritarian grip may complicate a peaceful political transition.

By William Davison
Wednesday, August 22, 2012

The death this week of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi has raised concerns about whether the imposing but brittle system he devised and dominated will unravel following his departure, leading to turmoil in America’s major ally in the Horn of Africa.
Although Ethiopia has been peaceful during the two decades of his rule, especially when compared with neighboring Sudan and Somalia, critics suggest that Mr. Meles’s autocratic style means the stress-test of political transition could destabilize one of the continent’s economic success stories.
RELATED: Somalia: A timeline of change in a troubled country
“The successor issue will be the true test of the coherence of [Meles's party] during peacetime,” says Kjetil Tronvoll, an Ethiopia expert at the International Law and Policy Institute in Oslo, Norway. Avoidance of a power struggle will indicate the “party’s maturity and its capacity and capability to rule Ethiopia for years to come.”
Meles, who was 57 and died after illness, led the country after allied rebel groups overthrew a Marxist military junta in 1991. His Tigray People’s Liberation Front (TPLF), which spearheaded the insurgency, then dominated politics as the core of a four-party multiethnic ruling coalition.
Regarded as shrewd even by his most vitriolic critics, Meles positioned the country expertly, allowing it to develop according to his unique prescriptions, while being supported by diverse allies. His commitment to development and ability to act as regional peacekeeper – most notably in Somalia, where Ethiopian troops are part of the US-backed alliance battling radical Islamists al-Shabab – meant that around $3 billion of Western aid poured in for food aid, health facilities, and schools every year, while Chinese loans paid for infrastructure such as hydropower dams and a railway network.
The result was almost a decade of economic growth said to be more than 10 percent, improving poverty and health indicators, and shelter from criticism for a ruthless approach to domestic politics.
Under Meles, opposition to the Ethiopian Peoples’ Revolutionary Democratic Front (EPRDF) – which sees itself as a vanguard party leading the transformation of Ethiopia from its poverty-stricken history into a middle-income nation – was decimated. After 2010 elections, one opposition representative remained in a parliament of 547 lawmakers. Dissenting voices from the media and civil society were never encouraged, rarely tolerated, and sometimes punished with lengthy jail terms.
 

In this photo dated Friday, Aug.17, 2012, Hailemariam Desalegn (l.) who was appointed Deputy Prime Minister and Minister of Foreign Affairs in 2010, became acting Prime Minister and will be sworn in as prime minister after an emergency meeting of parliament, said Bereket Simon, the communications minister.    Elias Asmare/AP

The next leader of the EPRDF and the country will be Hailemariam Desalegn, the former deputy of Meles who was promoted to acting prime minister. The EPRDF is made up of parties representing Tigrayans, a collection of southern groups, the historically-dominant Amharas, and the populous Oromos, who make up at least one-third of a population of 94 million. 
Analysts view Hailemariam, who represents the southern bloc, as a loyal, competent administrator for Tigrayan powerbrokers. He is also not seen as threatening, as he does not have the capability to build the extensive political network an Oromo or Amhara leader might have.
“I do not expect him to succeed Meles as the key link among the military, major businesses, and mass organizations,” said Terrence Lyons, associate professor of conflict resolution at George Mason University in Fairfax, Va. “Those key centers of power are likely to remain in the hands of top TPLF leaders.”
The choice of Hailemariam is strategic, also. Had Meles been replaced with another Tigrayan, who make up only 6 percent of the population of around 94 million, it could have angered the two more populous coalition partners, says David Shinn, a former US ambassador to Ethiopia.
The key to a peaceful transition is likely to be whether influential Tigrayan politicians agree on how to perpetuate Meles’s system.  Those figures include much-praised Health Minister Tedros Adhanom; Meles’s widow, Azeb Mesfin; state minister of foreign affairs Berhane Gebrekristos; and one of the TPLF’s founders, “Father Tigray” Sebhat Nega. Last week, the Tigrayan head of the Ethiopian Orthodox Church, Abune Paulos, died, while the Internet rumor mill recently claimed that the commander of the military, Gen. Samora Yunis, also from Tigray, had been taken seriously ill.
“The succession struggle, if there is going to be any, will be largely a TPLF affair,” says Jawar Mohammed, an expert on Ethiopian and Oromo affairs at Columbia University in New York. “The affiliated parties such as the Oromo People’s Democratic Organization only come into the game when rival factions of Tigrean political and military elites reach out to strengthen their side.”
Dissent within the TPLF previously occurred in 2001, during the fallout from the disastrous 1998 war with former province Eritrea that cost 70,000 lives and left disputes unresolved. A faction of colleagues challenged Meles for perceived weaknesses – Ethiopia’s military superiority meant regime change in Eritrea was feasible – but failed to dislodge him.
Since Meles fell out of sight in July, there have been no public displays of tension within the ruling party, or other indicators of unrest, which Mr. Shinn says leads him to believe the transition is likely to be peaceful and successful. Senior party figures such as Mr. Sebhat and influential Communications Minister Bereket Simon, who during Meles’s illness was evasive or misleading on his condition and refused to discuss the succession process, are adamant that there is no risk of instability.
Because Meles appears to have molded a unified TPLF leadership around him, and appointed a loyal set of cabinet ministers from across the EPRDF to serve the government, there are reasons to believe the party line. But the ruling front’s secretive and disciplined operation suggests that factionalism would be hard to discern. Years of in-fighting only surfaced in 2001 when matters came to a head and Meles’s opponents were purged.
If the EPRDF system does fracture, there are plenty of disgruntled groups in the nation of more than 80 ethnicities that may try to assert themselves. Newly mobilized Muslims – who constitute about one-third of the population – have been protesting what they see as government meddling in Islamic affairs in the capital, Addis Ababa, and other cities. Insurgents ineffectively fight for more autonomy in Oromia, the ethnic-Somali Ogadeni area, and other mostly peripheral locations. And violent opposition to leasing huge chunks of land for agricultural investors in Gambella, near theSouth Sudan border, has also broken out this year.
“If [the EPRDF] ends up in an internal power struggle,” says Mr. Tronvoll, of the International Law and Policy Institute, “this may be capitalized on by other Ethiopian and regional forces, creating instability in Ethiopia and beyond. It is thus a very precarious period Ethiopia is entering, which needs to be followed closely.”
Source: The Christian Science Monitor


Dagaalo ay diyaarado ka qeyb qaadanayaan oo xilligaan dhex maraaya Shaabab iyo Ciidamadda Huwanta

$
0
0

Dagaalo xoogan ayaa waxay xilligaan ka soconayaan Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dagaaladaan ay ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha miigaga iyo Helicopters-ka ee Dowladda Kenya.
Dagaaladaan ayaa waxay ka soconayaan inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan dagaaladaan ayaa waxay ka soconayaan Deegaanada Miiddo iyo Harboole.
Dagaaladaan ayaa waxaa soo qaaday Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Dowladda Kenya, waxayna dagaaladaan ku soconayaan sida ay wararku sheegayaan si xoog leh.
Dagaalada culus ee maanta ka soconaaya inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow, ayaa waxay dagaaladaan xoogoodu ay soo bilowdeen gelinkii dambe ee shalay, oo ay goobtaasi ka qarxeyn dagaalo culus.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaan weli ka kala hadlin dagaalada culus ee xilligaan ka soconaaya inta u dhaxeyso Magaalada Kismaayo iyo Degmada Afmadow, hase yeeshee la-soco wixii kusoo kordha.
Related Posts
No related posts.

Qarax qasaaro gaystay oo Ciidamada Ethiopia lagula eegtay Baladweyne

$
0
0

Baladweyne: (Sh. M. Network) Qarax Miino oo qasaaro gaystay ayaa Magaalada Baladweyne waxa lagula eegtay Ciidamada Ethiopia.  
Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in barqonimadii maanta Barriga Magaalada Baladweyne qarax Miino lala eegtay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Magaaladaasi.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in qaraxa ay ku geeriyoodeen 3-askari oo ka tirsan Ciidamada Ethiopia ee qaraxa lala eegtay, iyadoo sidoo kale ay jiraan qasaaro kale oo dhaawacyo ah oo soo gaaray Ciidamadaasi.
Qaraxa kaddib ayaa Ciidamada Ethiopian-ka la sheegay in rasaas ay fureen ay wax ku noqdeen dad shacab ah oo ku sugan Magaaladaasi, inkastoo aan la xaqiijin tirada dadka rayidka ah ee wax ku noqday rasaastaasi.
Ciidamada ayaa hakad galiyay isu socodka gaadiidka iyo ganacsigii ka jiray Bariga Magaalada Baladweyne, iyadoo ay bilaabeen howlgallo baaritaanno ah oo la sheegay in dad lagu soo qab qabtay, inkastoo aan caddeyn tirada dadkaasi.
Xalay ayay aheyd markii fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadda Howlwadaag ee Bariga Magaalada Baladweyne lagu weeraray Bambaanooinka nuuca gacanta laga tuuro kuwaasi oo aan la ogeyn qasaaraha ay gaysteen.

Al Shabaab oo Meydad kusoo bandhigay Kismaayo

$
0
0


Kismaayo: (Sh. M. Network)  Xarakada Al Shabaab ayaa maanta Magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay Meydadka askar isugu jirta Ciidamada Dowladda iyo kuwa kale oo Kenyan ah.
Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, maanta ayaa Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxa ay gudaha Magaalada Kismaayo ay kusoo bandhigeen Askar la sheegay in Shabaabku ay ku dileen dagaalo ka dhacay duleedka Magaaladaasi.
Meydadka askartaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Kenyan ayaa waxa ay kala ahaayeen 2-Kenyan ah iyo labo askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo maanta Meydadkoodu lagu soo bandhigay Saldhigga Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay isugu yimaadeen dad weyne aad u farabadan oo daawanayay Meydadkaasi.
Guddoomiyaha Al Shabaab ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay ka go’an tahay inay la dagaalamaan waxa uu ugu yeeray Cadowga Alle, islamarkaana ay riyo ay tahay in Ciidamada Kenya ay qabsadaan Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda KMG ah iyo Kenya oo ku aaddan askarta maanta laga soo bandhigay iyagoo Meyd ah, inkastoo duleedka Magaalada Kismaayo muddooyinkii dambe ay ka jireen xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay xilal cusub iyo Hay’ado madaxbannaan

$
0
0

War-saxaafadeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/2491283/082012 Xilal kala duwan ugu magacaabay wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta, wasiirku xigeenka Wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta  JSL, Gudoomiyaha Gobolka Gabiley,   Afhayeenka Madaxtooyada JSL, iyo Maareeyaha Telefishanka Qaranka ee madaxa banaan.
 
Madaxweynuhu:-
 
 Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee                                                                       Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda wayn ee ay  Wasaaradu u                                                                       leedahay Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay:                    In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku                                                          xusan,
Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilka loo magacaabay,
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Abiib Diiriye Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL.
2. In Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee JSL.
3. In Mudane, Axmed Saleebaan Dhuxul, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Mudane, Axmed Cali Nuur, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.
5. In Mudane, Khadar Cali Gaas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Telefishanka Qaranka madaxa bannaan ee Qaranka Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreeto madaxweyne No: JSL/M/XERM/249-1288/082012 ku soo saaray xeerka  Abuurid Maareeye Madax bannaan oo maamula TV-ga Qaranka JSL (Creation of an autonomous National TV Managing Directorate of Somaliland) .
 
Madaxweynuhu:-
 
 Markuu arkay;   Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu arkay;    Baahida loo qabo in Dalku yeesho Telefishan  Qaran oo madax bannaan,
 
Markuu arkay;    Inay lagama maarmaan tahay abbuurrid maareeye u                                                      madax bannaan maamulka iyo maareynta                                                                 hawlaha baahinta gudo iyo dibedba u soo                                                                   bandhigida barnaamijyada horumarineed ee                                                           dhismaha Qaranka,  
 
Markuu tixgeliyey;        Tijaabadii iyo talooyinkii mas’uuliyiinta kala                                                           duwan
 
Markuu Tixgeliyey;      Ahmiyada weyn ee abuurida Maareeyahani ugu                                                      fadhiyo danaha Qaranka,
 
 
Wuxuu soo saaray Xeerkan
 
Qod. 1 aad                 Waxa la abuuray Maareeye madax bannaan oo                    maamula TV-ga Qaranka.
 
Qodob. 2aad                        Waa Maareeye siyaasad ahaan, kormeer ahaan, talo iyo                                                 tilmaan ahaan hoos imanaya Wasiirka Warfaafinta iyo                                      Wacyigelinta, iyada oo warbixintana
                                    uu si joogta ah ula socodsiinayo Wasiirka iyo cidii uu                                          xilsaarto Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Line Ministr).
 
Qod. 3aad                  Wuxuu mas’uul ka yahay baahinta wararka,                                                              barnaamijyada Siyaasadeed,
 dhaqaale iyo bulsho ee qaran gudo iyo dibedba oo leh                maqal iyo muuqaalba
 
Qod. 4aad                  Maareeyaha  Telefishanku wuxuu yeelanayaa qaab-                                             dhismeed u gaar ah.
 
Qod. 5aad                  Sharcigani wuxuu dhaqan galayaa marka                                                                   Madaxweynuhu saxeexo.     
 
 
 
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH

                     Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska)
Xog-hayaha Gaarka ah ee Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 
 ALLAA MAHAD LEH

Al Shabaab oo Magaalada Kismaayo Kusoo Bandhigay Meydadka Ciidamada Huwanta (Sawirro)

$
0
0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose maanta waxaa lagu soo bandhigay meydadka askar katirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya.
Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada naga soo gaaray ayaa soo sheegaaya in meydadka laso bandhigay oo ah afar qof meydadkooda lagu jiid jiiday magaalada Kismaayo ay labo kamid ah yihiin Kenyaan halka labada kalena yihiin Soomaali.
Waa markii ugu horaysay ee shabaabka Gedo yo Jubbooyinka so bandhigaan meydadlka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya.

 

 

 

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live