Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftig uu hogaaminatyo oo mardhowayd ka duulayb Garoonga Diyaaradaha ee Hargeysa

$
0
0

weftri uu hogaaminayio Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa goordhowayd ka amba baxay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa .
weftigan Madaxweynaha oo ka qayb geli doona Aska Malez Zenawi ee maalinta beri ah ka dhici doona magaalada adis ababa ee dalka itoobiya, ayaa waxa ku wehelinayey Wasiirka Arimaha dibedda , Wasiirka Madaxtooyada iyo Marwada Madaxweynah.
Madaxweynaha oo markii uu ka sii dhoofayey la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu yidhi ” waxaanu ka qayb gelaynaa aaska raysal wasaarihii dalka itoobiya malez o ahaa nin aad u culus hxaga hogaamiye nimada iyo taariikhda geskaba.
Hargeysa Office


Jeneral C/qaadir: Waan wadaynaa howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ku hanjabay inay sii wadi doonaan burburinta Al Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka go’an  tahay inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah AL Shabaab islamarkaana ay Ciidamada Dowladda ay dhiigoodu u harayaan shacabka Soomaaliyeed sidii ay ammaan iyo kala dambeyn ay ugu soo cellin lahaayeen Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa waxa uu intaasi ku daray in shacabka Soomaaliyeed lagama maarmaan ay tahay inay la shaqeeyaan oo ay garab istaagaan Ciidamada  Dowladda, si loo helo ammaan iyo kala dambeyn sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidamada Dowladda la wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Koofurta Soomaaliya oo ay horey ugu sugnaayeen Xarakada Al Shabaab.

Three Ethiopian solders killed in central Somalia blast

$
0
0

BELEDWEYNE (Sh. M. Network)-Witnesses say at least three Ethiopian soldiers have been killed in a huge blast detonated inside a military base in central Somalia.
Initial reports suggested the attack was used a remote-controlled landmine explosion that tore through an armoured personnel carrier with dozens of Ethiopian troops.
No group or individual has claimed the responsibility for the attack so far.
The army responded the attack by firing indiscriminately on nearby crowds following the incident. No deaths or injures reported.
Saturday’s attack was the latest in series of coordinated roadside and car bomb attacks in Somalia against the foreign forces helping TFG war on Al Qaeda-linked militant group of Al shabab.
Despite the attack, the town appeared far calmer on Saturday, according to local residents.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

$
0
0


Muqdisho: (Sh. M. Network) Kaddib codsi uga yimid Shabelle aqristayaasha, wabseedka Shabelle.net oo ku aaddan in si fudud maalin walba loo dhageysto warka Idaacadda ka baxa ayaa Shabelle waxa ay go’aansatay in ay tixgaliso codsiga aqristayaasha, waxaana ay u soo gudbinaysaa warka ka baxa Idaacada Shabelle oo maqal ah xilli kasta insha Allaah maadaama Idaacaddu ay ku taallo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle
 

Somalia’s Al-Shabab put on display the dead bodies of AU, Somali soldiers

$
0
0

KISMAYO (Sh.M.Network)–Al-shabab fighters displayed Saturday the dead bodies of AMISOM and Somali troops in Somalia’s southern rebel-held port city port of Kismayo, reports said.
Witnesses said Al shabab militants have on Saturday publicly displayed 2 alleged Kenyans and two other Somali national soldiers in the town following a fierce battle near Afmadow on Friday that left dozens of people, mostly combatants dead.
Reports said Hundreds of local residents convened at a station, where Al-Shabab displayed the gruesome blood-stained corpses of the Kenyan and Somali soldiers in Kismayo, 500 Km south of Mogadishu.
Photographs showed long lines of at least 4 bodies dressed in military uniform laid out in the sand, surrounded by a large crowd with their faces covered.
African Union Mission for Somalia (AMISOM) troops and government forces have been pushing into remaining Al-Shabab areas in south and centralSomalia, after the bulk of the fighters abandoned their fixed positions in Mogadishu last August.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

17 musharax ayaa ilaa hadda soo buuxiyay

$
0
0

Gudiga doorshada madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay ilaa hadda 17 qof ay soo celiyeen foomamkii. Qabashada araajida musharaxiinta ayaa ku eg galabta.

Ciidamada Dowladda oo dad ku soo qabqabtay Muqdisho

$
0
0

Kadib howlgallo ay ka sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ayaa waxaa lagu soo Qabqabtay ku dhawaad 200 oo Ruux kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay Falal Amni darro ah ay ka wadeen Degmooyinkaasi.
Gudoomiye Kuxigeenka dhanka Ammaanka Maamulka Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Joodax  oo Saxaafaddda kula hadlayay Gudaha Degmada Xamar Jajab ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Howlgalo ay ka sameeyeen Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ay kusoo Qabqabteen Dad gaaraya 200 oo Qof kuwaasi oo Falal liddi ku ah Ammaanka ka waday Degmooyinkaasi sida uu Sheegay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Baaritaanno lagu sameeyay Dadkaani Qaarkood wax dambi ah lagu waayay lana sii daayay Halka 40 kamid ahna ay Ka Tirsanyihiin Ururka Al-shabaab .
 
Dhanka kale Gudoomiye Kuxigeenka dhanka Ammaanka Maamulka Gobolka waxaa uu tilmaamay in kadib Baaritaano ay sameeyeen ay ku Cadaatay Ragani Gaaraya 40-ka Ruux in ay ka tirsan yihiin Ururka  Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Muddooyinkanba Ammaanka Muqdisho uu u muuqanayay mid kasoo hagaagaya sida uu markii hore ahaa .
Dhawaan waxaa Muqdisho lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Xilka Madaxweyne  ee Soomaaliya .

Hadalo horay ay u jeediyeen musharixiin dhowr ah oo u muuqda kuwo soo baxaya

$
0
0

Sida horay ay u shaaciyeen gudiga doorashada madaxweynaha Dalka Soomaaliya,waxaa saacado kooban ay ka harsan yihiin waqtigii loo qabtay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha inay soo dhameystiraan sharuudaha laga doonayo.
Afhayeenka gudiga doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya Cismaan Libaax Ibraahim ayaa goordhow sheegay in waqtiga loo qabtay musharixiinta madaxweynaha Dalka uu dhamaad ku dhow,waxaana uu xusay inay u harsan yihiin saacado gaaraya 3 saac oo kaliya.
Afhayeenka wuxuu sheegay waxii ka dambeeya 5 galabnimo ee maanta in gabi ahaanba ay xeri doonaan ama ay joojin doonaan howlaha qabashada araajida.
Waxaa muuqata inay soo baxayso hadaladii horay ay u jeediyeen qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Dowlada Soomaaliya.
hadalkaasi ayaa ahaa sharuudaha ay ka mid ahaayeen dhiibida 10 kun oo doolar,oo la doonayay in lagu kala yareeyo musharixiinta tirada badan,waxaana meesha walli ka maqan shariif Xasan Sheikh Aadan.
Ilaa iyo hadda waxaa la hayaa 8 musharax oo dhameystiray sharuudaha laga doonayo musharixiintaasi,waxaana ugu dambeeyay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Shariif Sheikh Axmed.


Masar oo lagu wareejiyay Shir guddoonka Midowga Afrika

$
0
0

Qaahira: (Sh. M. Network)    Dowladda Masar ayaa lagu wareejiyay  Shir guddoonka Golaha ammaanka iyo Nabadgalyada Midowga Afrika inta lagu guda jiro bishaan September,  waxaana shirkaaas inta badan diiradda lagu saaraa ammaanka iyo degenaashiyaha dalalka Afrika. 
Safiirka Masar ee dalka Ethiopia Max’ed Idris oo ka hdalayay xil wareejinta shir guddonka Golaha ammaanka iyo Nabadgalayada ee Midowga Afrika ayaa waxa uu sheegay in dowrka ugu muhiimsan ee dowladdiisa inta ay ku fadhiso ku rsigaasi yoolka ay saari doonto uu noqonayo wadciga amni ee ka jira Soomaaliya iyo Mali. 
Mr. Idris ayaa shaaca ka qaaday in dowladaha Afrika ay ku duwi doonaan sidii loo gacan qaban lahaa dalal badan oo Afrika dhaca  kuwaasi oo qal qal amni baahsan uu ka jiro, isagoo tusaale usoo qaatay Soomaaliya oo uu tilmaamay in muddo ay la daalaa dheceyso amni xumi. 
Dowladda Masar ayaa u muuqata mid si aad ah udaneneysa Soomaaliya, iyadoo shalay hadal uu ka jeediyay madaxweynaha dalkaasi  Max’ed Mursi kulan Ururka Jaamacadda Carabta uu kulahaa Magaalada Qaahira ee dalakaasi uu sheegay in dowladdiisa taageero hufan ay siin doonto Soomaalida.

Ciidamo Alshabaab ah oo ka goostay Galgala iyo Puntland oo ka hadashay

$
0
0

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaal yahano ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inay kasoo goosteen buuralayda Galgala ee gobolka Gabri.
Wasaarada arimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa Alshabaabkaan kusoo bandhigtay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari sida wararka ay sheegayaan.
Wasiir kuxigeenka amniga ee maamulka Puntland C/jamaal Cusmaan Maxamed,ayaa sheegay in dadka lasoo bandhigay ay gaarayeen labo dhalinyaro ah kuwaasi oo kasoo goostay Alshabaab-ka ku suagn buuralayda galgala.
C/jamaal ayaa sheegay in dhalinyarada shabaabka Galgala kasoo goosatay ay kamid yihiin dadka deegaanka, isaga oo tilmaamay in ay soo wargeliyeen inta aysan soo goosan.
Wasiirka ayaa ugu baaqay dhalinyarada kale ee kasoo jeda deegaanada Puntland inay kusoo biiraan dhanka maamulkooda isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan.
Sidoo kale labada wiil ee kasoo goostay shabaabka Galgala oo goobta lagu soo bandhigay ka hadlay ayaa waxay sheegeen in ay shabaab kasoo goosteen kadib markii ay ogaadeen in waxa meesha lagu hayo uusan ahayn mid xaq ah sida ay hadalka u dhigeen.

Dagaal ka Dhacay Gobolka Galgaduud.

$
0
0

Ugu yaraan 6 qof ayaa dhintay in kabadan tobbaneeyo kalena way dhaawacmeen kaddib markii deegaanka Bangeelle ee gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed.
Sheekh Xasab Cabdi Calas, guddoomiyaha degmada Cabud-waaq ayaa VOA u sheegay in dagaalkani uu salka ku hayo dhul-daaqsin ah oo labada dhinac isku hayaan.
Wararka u danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda goobaha lagu dagaallamay ay dagan tahay.

Alshabaab oo bilaabay dagaalada Gorilaha oo kale iyo Shabeelaha Hoose oo…

$
0
0

Iska hor imaad xoogan oo udhexeeyay ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashana kuwa Midawga Afriika ee AMISOM iyo Xoogaga Al-Shabaab  ayaa waxa uu ka dhacay Degaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Iska hor imaadkaan ayaa waxa uu kadanbeeyay kadib markii ay Xoogaga Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisomo ay ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi.
Ilaa iyo iminka macadam qasaaraha rasmigaa ee sookala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalay iyo waliba kan soogaaray dadka rayidkaa.
Warka naga soogaraya Degaanka Shalaanbood ayaa waxa ay sheegayaan in haatan ay halkaasi ka socdaan holgallo ballaaran oo ay sameenayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afriika ee AMISON sidoo kale lama oga hoolgalkaan dadka ay kusoo qab qabteen ciidamadaan.
Dhawaan ayee aheed markii ay halkaasi la wareegeen ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay kabayaan kuwa Midawga Afriika ee AMISON.
Waxaana uu imaanayaa iska hor imaadkaan xilli ay hoolgal ay kasameeyeen halkaasi ciidamada Dowlada Soomaaliya kaas oo sida ay sheegeen kuxaqiijinaayay amaanka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

$
0
0


Muqdisho: (Sh. M. Network) Kaddib codsi uga yimid Shabelle aqristayaasha, wabseedka Shabelle.net oo ku aaddan in si fudud maalin walba loo dhageysto warka Idaacadda ka baxa ayaa Shabelle waxa ay go’aansatay in ay tixgaliso codsiga aqristayaasha, waxaana ay u soo gudbinaysaa warka ka baxa Idaacada Shabelle oo maqal ah xilli kasta insha Allaah maadaama Idaacaddu ay ku taallo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

Maxay ka hadleen Gaas iyo Golahiisa Wasiirada?

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)      Kullankaani oo uu shir guddoominayay Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumadda C/wali Max’ed Cali Gaas islamarkaana ay kasoo qeyb galeen inta badan Golahiisa Wasiirada ayaa waxaa looga hadlayay Ajandooyin ku aaddanaa Xaaladda iyo diyaar garowga Doorashooyinka Madaxtinimo ee la fillayo inay ka dhacdo dalka Soomaaliya, iyadoo sido kale kullanka uu qeyb ka ahaa ka hadalka wax qabadka intii ay jirta Xukuumadda Gaas. 
C/qaadir Max’ed Xuseen (Jahweyn) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta oo kullankooda kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kullankii maanta uu ahaa mid ka badalnaa kullamadii hore  maadaama sida uu xusay Xukuumaddii Gaas ay ku guuleysatay intii ay dhisneyd soo cellinta amniga, meel marinta qabyo qoraalka Dastuurka iyo qorshaha howleedkii Road-map-ka oo u jeedkiisu ahaa ka gudubka xilliga Kumeel-gaarka ah.
Jahweyn ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddoodu oo loogu magac daray bad baado qaran, ay horseeday guulahaasi, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay kaga mahcelinayaan intii ay jirtay Xukuumadda wada shaqeyntii ay la sameeyeen iyo sidii ay u garab taagnaayeen. 
Golahii Wasiirada ayaa markii kullankoodu uu soo idlaaday waxaa la arkayay iyagoo muujinaya dareen farxadeed oo ku wajahan wada shaqeyntii mudadii ay dalka Maamaleyeen, iyagoo rajeeyay in qaarkood ay mar kale soo laabtaan.

Mwai Kibaki: Taageero lasiiyo dowladda waa jabka Al Shabaab

$
0
0

Nairobi: (Sh. M. Network)  Madaxweynaha dalka Kenya  Mwai Kibaki ayaa ugu baaqay dalalka bariga Afrika inay ka taageeraan dowladda Soomaaliya la dagaalanka Kooxaha aargigixisada la midoobay ee Al Shabaab. 
Mwai Kibaki ayaa hadalkaani ka sheegay kullan uga socda barlamanka dalalka Afriga ugu socda Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in si dhab ah loo taageero Dowladda Soomaaliya si meesha looga saaro Xarakada Al Shabaab. 
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa xusay in dalkiisa iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda ay howlgal ka wadaan dalka Soomaaliya islamarkaana ay taageerayaan dowladda Soomaaliya, illaa laga guuleysto kooxaha dhibaatooyinka ka wada Soomaaliya. 
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli Ciidamada Militariga Dowladda Kenya ay ku sugan yihiin goboloa ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Jubbooyinka oo ay dagaalo xooggan kugula jiraan Xarakada Al Shabaab.


Ciidamada Dowlada oo la wareegay Degmada Warshiikh kaabigana ku haya Cadale

$
0
0

Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta Degmadaasi.
Ciidamada Dowlada ayaa la sheegay inaysan wax dagaal ah la kulmin,waxaana wararka ay sheegayaan inay kusii jeedaan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa sheegay in ciidamada Dowlada ay hadda fariisimo cusub ka sameysteen deegaano duleedka ka ah Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale la sheegay inay fariisimo cusub ka qoteen duleedka Degmada.
Xaalada Deegaanada ka tirsan Warshiikh ayaa degen,waxaana durba ciidamada dowlada ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ku wajahan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Ma isleedhaya Magaalo sidaan u dhisan una Qurux badan kana Badbaaday Dagaalada ayaa ku taal Dalka(Daawo Sawirada)

$
0
0

Magaalada Kismaayo waa Xarunta Gobolka Jubada Hoose waana magaalo Muhiim ah oo leh dakad ,waxaana gacanta wali ku haya Dagaal yahanada Xarakada Al-Shabaab.
Muuqaalka Magaalada ayaa ah mid aad u qurux badan oo ka badbaaday mudooyinkii dambe dagaaladii dalka ka socday waxa ayna ku talaabsatay hor mar dhinaca dhismaha iyo amaanka iyadoona soo jiidatay indhaha Bulshada Soomaaliyeed Inkastoo Muuqaalka magaalada mudooyinkan ka daahneed Bulshada Soomaaliyeed.

Daawo Muqaalada:Waa Kee Musharaxa Sida Weyn Usoo Jiitey dareenka Xilshibanada 10-Musharax Ee Xalay Hadlay..?

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo Xalay ku geeriyooday Muqdisho

$
0
0

Allaha unxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow oo kamid ahaa culimadda Soomaaliyeed sida weyna looga yaqaanay Magaalada Muqdisho.
Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow Guddoomiyihii Hay’ada Culimadda Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu ku geeriyooday guriga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho.
Allaha unaxariistee Sheekha oo maalmihii dambe ku xanuusanayay Muqdisho ayaa la sheegay inuu ugeeriyooday cudurka loo yaqaan dhiikarka.
Dhowr maalin ka hor ayaa sheekha wuxuu naga soo booqday Xarunta Buraannews ee Magaalada Muqdisho isaga oo caafimaad qaba inkastoo uu yara xanuunsanayay.
Maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu aaso Allaha unaxariistee Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow Guddoomiyihii hay,ada culimadda Soomaaliyeed.
Allaha unaxariistee Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow ayaa waxaa lagu xasuustaa fidinta diinta islaamka iyo wacyigelinta Bulshada Soomaaliyeed.

Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

$
0
0


Muqdisho: (Sh. M. Network) Kaddib codsi uga yimid Shabelle aqristayaasha, wabseedka Shabelle.net oo ku aaddan in si fudud maalin walba loo dhageysto warka Idaacadda ka baxa ayaa Shabelle waxa ay go’aansatay in ay tixgaliso codsiga aqristayaasha, waxaana ay u soo gudbinaysaa warka ka baxa Idaacada Shabelle oo maqal ah xilli kasta insha Allaah maadaama Idaacaddu ay ku taallo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live