Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

China oo door ka qaadanaysa cirib tirka burcad badeeda

$
0
0

Nairobi: (Sh. M. Network) Dowladda China ayaa sheegtay inay dowr fir fircoon ka cayaarayso la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qowlaysata Xeebaha dalka Soomaaliya iyo Bdweynta India. 
Saraakiil ka tirsan Ciidamada badda China oo ku sugan Xeebaha dalka Soomaaliya islamarkaana qeyb ka ah howlgalka Atlanta ee la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa tibaaxay in dowladda China ay sii dar dar galinayso howlgalkeeda ku addan ballaarinta howlgallada ka dhanka ah burcad Soomaalida ah. 
Sidoo kale Sarakiishaani ka tirsan Ciidamada badda China ayaa xusay in Xeebaha dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin Marakiib kuwa badda oo gaaf waregayo biyaha ku dherersan Xeebaha dalka Soomaaliya si looga hortago weerarada ay qaadayaan kooxaha  burcad badeeda Soomaalida  ee afduubka ku geysto Marakiibta ganasiga ah. 
Hadlakaani ayaa kusoo aadaya xilli burcad badeedu wali ay ku dhiiranayaan afduubka ay u gaystaan Maraakiibta ganacsi ee isticmaalaha biyaha badweynta India iyo gacanka Cadmeed.


Inkabadan 150 Ruux oo lagu soo qab qabtay howlgal Muqdisho ay ka sameeyeen ciidamada Dowaladda

$
0
0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qab qabteen dhalinyaro badan.
Howlgalka oo ahaa mid sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya mid lagu xaqiijinayo ammaanka Degmada Xamar Jajab ee Gobalka Banaadir.
Generaal Garaad Nuur Cabdi oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in howlgalka lagu soo qab qabtay dad gaaraya ilaa 150-qof oo dhamaantood ahaa dhalinyaro.
Genaraalka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan dhalinyarada lasoo qab qabtay loo gudbiyay Xarumaha Hay’da Nabadsugida baaritaanana lagu haayo.
Wuxuu sheegay in howlgalka kaliya aan lagu soo qaban dhalinyaro balse lagu soo qabtay hub oo degmadaasi laga soo dhex qabtay.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cali Axmed oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid ammaanka lagu xaqiijinayo islamarkaana uu noqon doono mid sii socda.
Maalintii khamiista ayeey aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen Degmada Xamar Jajab howlgalo lamid ah midka maanta ay sameeyeen,iyadoo muddo labo maalin kaliya ay ka dhiman tahay xilliga ay dhaceyso doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.
 

Deegaano Katirsan Shabeellada Dhexe oo ay maanta gaareen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM

$
0
0

Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaano horleh oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay dhanka xeebta kasoo galeen Magaalada oo si nabadgalyo ah ay ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM ay gacanta ku dhigeen Degmada Warsheekh ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la tilmaamay in iyaga oo aan iska caabin la kulmin ay la wareegeen gacan ku haynta Degmada Warsheekh.
Arintani ayaa imaaneyso iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM dhawaan ay la wareegeen gacan ku haynta Deegaanka ceel Macaan halkaasi oo ay Al-Shabaab kala wareegeen.
 

Mareykanka oo Baarlamaanka ugu baaqay iney qabtaan Doorasho Cadaalad ah

$
0
0

Dowladda Dalka Mareykanka ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya in doorashada la filayo Tobanka Bishan in ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho ay u dhacdo si cadaalad iyo hufnaan ah.
Hadalka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in waqtigani uu yahay Xilligii Baarlamaanka Soomaaliya  looga fadhiyey iney qaataan kaalintooda Mas,uuliyadeed oo ay ku Xaqiijinayaan in Doorashda Soomaaliya  ay u dhacdo si Cadaalad ah oo Madax Bannaan
“Rajadeenu waa in Qofka ku guuleysta Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya uu Bog cusub u furo Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya si loo gaaro Nabad ay ku naaloodaan Shacabka Soomaaliyeed oo aan Dagaal ka Nasan Tan iyo Sanadkii 1991 markaas oo meesha laga saaray Xukuumadii uu hor kacayey Jaaalle Maxamed Siyaad Barre  ayaa lagu yiri hadalka kasoo baxay Dowladda Mareykanka.
Caalamka iyo Dadka Soomaaliyeedba waxa ay Isha ku hayaan Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Muqdisho  Tobanka Bishaan Xilligas oo uu Dalku yeelan doono Hogaan aan KMG aheyn.

Prof:Jawaari” waxaan baaq u dirayaa Ciidamada Dowladda,Amisom iyo Shacabka Soomaaliyeed

$
0
0

Gudoomioyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari oo maanta lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu dareen kamuujiyay falalka amaan xumadaa ee ka dhaca Muqdisha siiba kuwii dhacay inta uu ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu amar ku siiyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay kawada shaqeeyaan sugida amaanka oo ay siweyn uga shaqeeyaan amaanka oo uu sheegay in maalmahaan ay ku soobadanayeen falal amaanxumaa sida uu sheegay.
Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu kulataliyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM in ay dareenkooda sara uqaadan sibuu yiri ay kaga hortagaan falalka amaanxumadaa.
Waxaana uu dardaaran adag uu ku bixiyay markale Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari in Ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay adkeeyaan amaanka Magaalada Muqdisho xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Dhinaca kale Gudoomioyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Shiiq Cusmaan Jawaari ayaa waxa uu shacbaka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay lashaqeeyaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya sida ay usugaan ammaanka ayna soo sheegaan cidda falalka amaan xumo Geysaneysa.
 
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kadhacayay falal amaanxumaa oo ka dhan ah amaanka kuwaas oo cabsi ku abuuray dadka Shacabkaa kunool Magaalada Muqdisho hadalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa waxa uu imaanayaa xilli habeenadii ugu danbeeyay ee Muqdisho ey ka dhacayeen qaraxyo iyo falal dil oo qorsheesan.
 

Deg Deg Ah: Dr Abdiweli Gaas & Abdikaadir Osoble oo Tanaasulay & 2 Musharax oo Isku soo Haray.

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Proff Mohamed Sheekh osmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada waxuuna sheegay in 4 Musharax ay isugu soo hareeyn Doorashada Wareega l Labaad.
Balse inta aanan la guda gelin Wareega Labaad waxaa Tanaasulay Dr Abdiweli Gaas & Abdikaadir Osoble waxa ayna sheegeyn in ay ku qanacsan yahay Doorashada waxeyna amaaneyn qaabka ay wax u dhaceeyn.
Waxaa haatan toos loo guda galayaa Wareegii Saddexaad waxaana isugu soo haray 2 Musharax ee kala ah Sheekh Shariif, Hassan Sheekh mahamuud oo haatan la sugaya midka noqda Madaxweynaha.
Mar kale Ayuu Proff Jawaari hadlay waxuuna sheegay in haatan laga gudbay Wareega Labaad oo Toos loo guda galaya Wareega Saddexaad waxuuna sheegay in Musharaxii ugu badan uu noqonaya Madaxweynaha Dalka Somalia.
Shabakada Balcad.com ayaa Saacado ka hor sheegtay in labadaan Musharax ay isugu soo hari doonaan Labadaa Musharax Finalka. HALKAAN KA AQRI WARKII HORE.
ISHA KU HEY WAXII KU SOO KORDHA XAALADA DOORASHADA.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo isugu soo haray tartanka

$
0
0

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Waxaa Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya isugu soo haray Madaxweynihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana loo gudbayaa Wareegga Seddexaad.
Guddoomiyaha barlamanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in Wareegga Seddexaad loo gudbay, waxaana isugu soo haray Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Max’ud, waxaana tanaasulay C/wali Gaa oo helay 30 iyo C/qaadir Cosoble oo helay 2- cod
Shariif Sheekh Axmed   oo helaay     64 iyo Xasan Sheekh maxamud  oo helay  60 ayaa isugu soo haray Doorashada Madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, waxaana la ogeyn cidda ku guuleysan doonta xilkaasi, iyadoo jawiga madasha uu shirka ka socdo mar qura is badalay.
TOOS U DHAGEYSO

Codadka ay kala heleen musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynenimada soomaaliya

$
0
0

Doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ka socota xarunta dugsiga tababarka ee Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa tartanka ka qeyb galay 22-musharax waxaana  haatan soo afjarmay wareega koowaad ee codbixinta, iyadoo tartamayaashu ay codadka u kala heleneen sidatan:-
 

  1. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo helay 64 cod
  2. Xasan Sheekh oo helay 58 cod
  3. C/weli Maxamed Gaas oo helay 32 cod
  4. C/qaadir Cosoble oo helay 28
  5. C/maan Baadiyow uu helay 22 cod
  6. Maxamed Cabdulahi Farmajo 14 cod
  7. Proff .Axmed Ismaacil Samatar 8 cod.
  8. Yuusuf Garaad Cumar 8 cod
  9. Cabdiwaaxid Goonjeex 3 cod
  10. Maxamed Cabdiweli Shiikh 3 cod
  11. Maxamed Yaasin 2 cod
  12. Cismaan Maxamed Gacal 1 cod
  13. Siciid Ciise Maxamud 1 cod
  14. Sakariye X, Maxamuud Cabdi 1 cod
  15. Maxamed Cabdulahi Oomar 1 cod

Todobada kale ee musharax ayaan iyagu wax cod ah helin


Deg Deg ah: Wareega kala baxa ah ee Saddexaad oo Biloowday & Proff Jawaari Iyo Ku-xigeenadiisa oo Codeeynta Bilaabay.

$
0
0

Waxaa la guda Galay Wareega Saddexaad ee Doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliyeed ee ay isugu soo hareeyn Labada Musharax ee kala ah Sheekh Shariif Iyo Hassan Sheekh Mahamuud oo haatan la sugaya midka loo caleema saaraya Madaxweynaha Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa Gudoomiyaha Bilaabay Codka Gudomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff Jawaariye iyo Labadiisa Ku-xigeen ee Koowaad iyo Labaad ee kala ah Jeylaani iyo Mahad.
Dhanka kale waxaa socoto Codeeynta Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed ee Dooranaya Madaxweynaha Somalia waxaana la sugayaa Shaqsi ay doortaan Xildhibaanada Qaranka.
Waxii ku soo kordha Isha ku hey Balcad.com si aad u ogaato Xaalka meesha uu marayo.

War deg dega ah: Sh. Sharif iyo Xassan Sheikh oo isu soo haray tartanka

DOOD FURUN: Oo ku socota Akhristayaasha Yaa Guuleeysanayo Labadaan Musharax ka qeyb qaado. “Comment ama Qeybta Fikirka”

$
0
0

Akhristoo waxaa lagu jiraa Wareega ugu Dambeeya ee kala baxa ah ee Doorashada Madaxweynaha Somalia taas oo isugu soo hareeyn Laba Musharax ee kala ah Sheekh Shariif iyo Hassan Sheekh Mahamuud.
Hadaba Akhristoow Qeybta Fikirka nagala qeyb qaado oo ka bixi fikir adoo adeegsanaya qeybta hoose ee Comment waxaad ku qoreysaa magacaada Email-kaada iyo Qoraalkaada waxaaan daabaxmaayo kaliyah Magacada iyo Qoraalkaada.
Aan Aragno Akhristayaasheena sida ay u cabiraan Fikirkooda Waadna Mahadsan tihiin ee Fikirkiina aan aragno meesha u raaco labada musharax….
QEYBTA HOOSE ADEEGSO EE COMMENTIGA.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Golis Ee Hargeysa

$
0
0

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey Arday  Kala duwan oo maanta  Ka qalin Jabiyay Jaamacadda Gollis, kuwaas oo isagu Jiray Kulliyadaha Kala Ah Engineerka, Maamulka iyo Tignoolanjiyadda ,Beeraha, oo munaasidab ballaadhan loogu qabtay Magaaladda Hargeysa.
Munaasibaddan ayaa waxa kale oo ka qayb galay, Wasiirada Wasaaradaha Beeraha, Ciyaaraha, Maaliyada , Maayirka Caasimada Hargaysa, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriya Nac-nac, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir , iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.
Guddoomiyaha Guud ee Jamacadda Gollis Dr . Siciid Axmed Xasan  oo ka hadlay munaasibaddaasi, ayaa  sheegay in Jamacaddu ay soo Martay Wakhtiyo Kala Duwan,  Isla Markaasna ay gaadhay Himilooyin Fog oo ay Hiigsanaysay inay Jamacaddu ay hormuud ka tahay dhinaca Waxbarashadda ee Somaliland, waxaanuu u mahadceliyey Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland iyo Wasaaradda Waxbarashadda oo uu sheegay inay Kala Shaqeeyeen in Dalka Laga Hirgaliyo Nidaam Waxbarasho oo Casri ah oo ay  wax badan ku soo Kordhin Kara Somaliland .
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa waxa uu Hambalyo u Diray dhamaan Ardaydii Kala duwanaa ee Maanta Ka qalin Jabiyay Jaamacadda Gollis, waxaanna uu sheegay inuu ku Faraxsan yahay inuu Arko  dhalinyaro baranaya aqoon kala duwan.
Burannews.com/Hargeysa

Gareth Barry oo ku dhow inuu garoomada kusoo laabto.

$
0
0

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Gareth Barry ayaa si wanaagsan uga soo kabsanaaya qaliinkii lagu sameeyey, laakiin lama cayimin waqtiga uu garoomada kusoo laabanaayo.
Barry ayaan xilli ciyaaareedkaan u ciyaarin kooxda  Roberto Mancini ka dib markii qaliin lagu sameeyey xagaaga, laakiin wuxuu ku dhow yahay inuu soo laabto.
Wuxuu is kululeeyey daqiiqado dhowr ah markaasoo laga dareemayey horumar waxaana la rajeynayaa inuu sida ugu macquul san kusoo laabto Premier League, iyadoo aysan inta badan jirin wax yaabo lidi ku ah.
“Waxaan saftay laba kulan oo ah Elite Development Squad hadda waxaan ciyaaray 45 daqiiqo kulankii aan wajahnay Middlesbrough iyo 80 daqiiqo kulankii Liverpool waxaana dareemay horumaro badan kulankii labaad sidaas darted si wanaagsan ayey wax u socdaan,” ayuu Barry u sheegay website-ka kooxdiisa

Rafa Benitez oo wado uga furan tahay inuu kusoo laabto Liverpool.

$
0
0

Rafa Benitez ayaa maanka ku haaya inay wado furan horyaalo oo uu kula laabto Liverpool.
Tababaraha u dhashay dalka Spain ayaa ka tegay Merseyside 2010kii, ka dib markii uu kooxda dhaafsiin waayey kaalinta todobaad.
Laakiin wuxuu ku hugaamiyey kooxda guulohoodii FA Cup iyo Champions League, wuxuuna rumeysan yahay inay Anfield wado uga baxday markii bishii May laga raacdeeyey Kenny Dalglish.
Brendan Rodgers, ayaase loo doortay bedelkiisa balse macalinkii hore ee Swansea ayaan u muuqan mid ka mira dhaliyey wax yaabihii loo idmaday isagoo bilow adag uu soo wajahay waxayna kooxdu sedax kulan oo Horyaalka ah heshay keliya hal dhibic.
“Waxay aheyd arin la yaab leh kumana soo dhowaan,” ayuu Benitez u sheegay Irish Independent.
“Waan garaneynaa kooxda, ciyaartoyda, akadeemiga iyo inaan ka heysano xitta qibrad fara badan hadda…taageerayaashu waxay ka heystaan fikiro hubanti ah.
“Waxaan u isticmaalnay kulamo badan oo muhim ah waxayna u muuqatay inay iska caadi tahay mana aysan aheyn sidaas.”

WAR DEGDEG AH: XSAN SHIIKH MAXAMUUD OO KU GUULEYSTAY TARTANKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

$
0
0

WAXAA HADDA SOO DHAMAATAY CODEYNTII AY BAARLAMAANKA SOOMAALIDU AY U CODEYNAYEEN MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA WAXAANA LA DOORTAY AMA DOORASHADII KU GUULEYSTAY XASAN SHIIKH MAXAMUUD.

XASAN SHIIKH MAXAMUUD TAARIIKH NOLOLEEDKIISA OO TIFAFTIRAN DIB AYAAN IDIINKAGA SOO SHEEGI DOONAA HADDII ALLE IDMO.

halgankanet@gmail.com


210 ku dhintay dab ka kacay Pakistan

$
0
0

Ugu yaraan laba boqol iyo toban qof ayaa inta la og-yahay ku dhintay dab weyn oo ka kacay warshad dharka lagu sameeyo oo ku taal magaalada labaad ee ugu weyn Pakistan ee Karachi.

Maalinta ay dhacayso xil wareejinta Sheikh Shariif oo la iclaamiyay.

$
0
0

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay maalinta ay dhacayso xafla caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in natiijo muhiim ah laga gaaray dalka Soomaaliya sanadkaan,waxaana uu tusaale usoo qaatay doorashadii gudoomiayah baarlamaanka iyo tii madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Prof jawaari oo maanta kulan la yeeshay safiirka dowlada Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka dib kulanka wuxuu sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen,waxaana uu sheegay ina rimo dhowr ah ay ka wada hadleen.
Gudoomiayah baarlamaanka ayaa cadeeyay in dowlada Turkiga ay u balan qaaday dhismaha xarunta golaha shacabka oo ay ku kulmaan baarlamaanka Soomaaliyeed.
Dhanka kale Jawaari ayaa shirkiisa jaraa’id wuxuu ku sheegay in maalinta Axada ee soo socota la qaban doono xafla caleemo saarka  madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.
Maalinta Axada ayaaku beegan 16 bishaan,waxana la wada sugayay iclaaminta maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub,iyadoo xalay kulan seddex geesood ah ay wada yeesheen madaxweynaha cusub,gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynihii hore.

Safiirkii Mareykanka oo lagu dilay Libya

$
0
0

Nin madax ah oo ka tirsan dowladda Libya ayaa u sheegay BBC in safiirkii Mareykanka ee Tripoli, John Christopher Stevens, lagu dilay weerar xalay lagu qaaday qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Benghazi ee dalka Libya.

Juventus oo dooneysa inay Luis Nani kasoo afduubato Manchester United.

$
0
0

Sida ay qorayaan saxaafada dalka Portugal kooxda Juventus ayaa waxaa isha ku haysaa xidiga kooxda Manchester United Nani iyagoo doonaya in marka uu suuqa dib u furmo inay dalabkeeda ugu horeeya uu noqdo.
Bianconeri ayaa waxa ay cadeeyeen inay doonayaan ciyaaryahan weerarka ka ciyaara kadib markii ay amaah hal xilli ciyaareed ugaga soo qaateen Arsenal Nicklas Bendtner.
Sida ay shaacisey shabakada Futebol365, waxa ay si aad ah isha ugu hayaan weeraryahankan ka ciyaara garabka ee 25jirka ah.
Nani waxa uu ahaa xubin muhiim ah Old Trafford xilli ciyaareedkii 2010-11, laakiin laga soo bilaabo waqigaa waxaa uu ku jirey dadaal in uu ka helo boos joogta ah kooxda iyadoo kooxdu keensatay Shinji Kagawa.
Wadahadalo ku saabsanaa In heshiiska uu kula joogo kooxda loo cusbooneysiiyo ayaa istaagay inkastoo inkayar £20m ay Manchester United shan sano muddo laga joogo ay ku keensatay.
Nani ayaa intii uu ka mid ahaa Man United waxa uu u dhaliyey 36 gool isagoo u saftay 196 kulan.

WAR DEG DEG: Waqtiga Xil Wareejinta Madaxweynaha ay dhaceyso oo la-sheegay

$
0
0

Madaxda Soomaaliya ayaa waxay maanta shaaca ka qaadeen waqtiga ay dhaceyso Xil Wareejinta Jagada Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii laba maalmood kahor ay Somaliya yeelatay Madaxweyne cusub.
Maalinta Axada ah ee soo socota ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa xaflad ballaaran, oo uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu xilka kaga deggi doono.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu xilka uu si rasmi ah uu ugu wareejin doonaa Madaxweynaha cusub ee ay soo doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo goor dhaw Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in maalinta Axada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16-ka bisha September, ay dhici doonto maalinta Doorashada Madaxweynaha.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Axada soo socota ay Ummada Soomaaliya u tahay sida uu sheegay maalin taariikhi ah, maadaama uu sheegay in muddo 42 sano uu Madaxweyne Somaliyeed uu xilka ku wareejin doono Madaxweyne kale.
Related content:

  1. Madaxweyne Shariif oo ka hadlay tallaabada lagu soo doortay Prof. Jawaari <?php the_time('d M Y'); ?>
  2. Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo shaaca ka qaaday xilliga la-qabanaayo Doorashada Madaxweynaha <?php the_time('d M Y'); ?>
  3. Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaaya kulan ay u dhan yihiin Xildhibaanada oo dhan iyo Prof oo shir Gudoominaaya <?php the_time('d M Y'); ?>
  4. Madaxweynaha cusub oo shir xasaasi ah la-qaatay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed “Daawo Sawirada” <?php the_time('d M Y'); ?>
  5. Labada Shariif oo sheegay inay u sharaxan yihiin jeegada madaxtinimada ee Soomaaliya (Aqriso) <?php the_time('d M Y'); ?>
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live