Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay maalinta caleemo saarka Madaxweynaha cusub

$
0
0

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof  Maxamed Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay maalinta ay dhacayso xil wareejinta madaxweynaha dalka Soomaali iyo madaxweynihii hore ee dalka.
Kulan ay yeesheen safiirka dalka Turkiga iyo gudoomiyaha baarlamaanka Dalka Soomaaliya ayaa waxay kasoo saareen balanqaadyo badan oo ay ku dhawaaqday safaarada Turkiga ee Dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa sheegay in maalinta Axada ee soo socota ay dhacayso xil wareejinta madaxweynaha ,waxaana maalintaasi ay ku beegan tahay 16 bishaan
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan sheih Maxamuud inay hor yalaan howlo adag.
Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay u balan qaaday in ka qeyb qaadanayso dhismaha xarunta golaha shacabka ee baarlamaanka ay ku shiraan.


Safiirka Maraykanka ee Libya ayaa la Dilay

$
0
0

Safiirka Maraykanka ee dalka Libya Christopher Stevens iyo saddex kale oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda Maraykanka ayaa la dilay kaddib markii dad cadhaysan ay xoog ku galeen qunsuliyadda Maraykanka uu ku leeyahay magaalada Benghazi Talaadadii shalay.
Dhimashada ayaa dhacday markii dad dibaxbayay oo ka cadhaysanaa filim lagu sameeyay oo lagu caayay Nabi Maxamaed NNKH ay dab qabadsiiyeen aqalka qunsuliyadda.
Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton ayaa xaqiijisay in sarkaal ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta Muqdisho dib loogu soo celiyay

$
0
0

Dhalinyaro badan oo isugu jiro wiilal iyo gabdho oo tahriibayaal ah ayaa maanta dalka dib loogu soo celiyay ka dib markii laga soo tarxiilay Dalka Dibadiisa.
Dhalinyaradaan ayaa laga soo celiyay Dalka sacuudiga oo in muddo ah ay ku sugnaayeen waxaana ay sheegeen in laga soo tarxiilay dalkaasi.
Qaar kamid ah dhalinyaradii wiilasha oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo oo in muddo ay ka maqnaayeen.
Sidoo kale waxaa dhalinyarada la socday caruur ay wadeen gabdhaha lasoo tarxiilay kuwaasi oo ay sheegeen inay ku dhaleen dalkaasi sacuudiga,laakiin laga soo tarxiilay.
Dhalinyarada ayaa guud ahaan waxay gaarayeen labo boqol oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Dowladda Koonfur Afrika oo si layaab leh balan-qaad adag ugu fidisay Madaxweynaha cusub

$
0
0

Pritoria, South Africa – Dowladda Koonfur Afrika, ayaa codkeeda ku biirisay Dowladaha Caalamka ee hambalyada iyo bogaadinta usoo diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somalia Mudane Prof. Xasan Sheikh Maxamuud.
Iyadoo daqiiqado ka hor Warfidiyeenada kula hadlaysay Magaala-madaxda dalka ee Pritoria, ayey Haweneyda Madaxda ka ah Wasaaradda Arimaha Dibadda ee K/Afrika Matte Nkoana Mashabane waxa ay sheegtay in ay si weyn uso dhaweynayaan Dorashada xorta ah ee Muqdisho ka ka dhacday in ka badan 40-sanadood ka dib
Waxa ay carabka ku adkaysay inay la shaqeyn donaan ayna garab istagi donaan wax walbo oo karaankooda ah, Dowladda cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Koonfur Afrika, oo aan horey wax cilaaqaad-Siyaasadeed ah la laheyn Somalia, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda laga furo Safaaraddii ugu horeysay ee ay Somalia ku yeelanayso dalkani South Africa, iyadoo Danjire Zayid Xasan Shariif oo ah Safiirka cusub uu kulan caalami ah la yeelanayo Madaxweyne Jacob Zuma.
Dalalka Dunida ee saaxiibada soke la-ah dalka Soomaaliya ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen tallaabada lagu soo doortay Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida geesinimada leh ee uu xilka ku wareejiyay Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Related content:

  1. Madaxweynaha cusub oo shir xasaasi ah la-qaatay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed “Daawo Sawirada” <?php the_time('d M Y'); ?>
  2. Soomaaliya oo Safiir cusub u magacawday dalka Koonfur Afrika iyo shir uu la-yeeshay reer Koonfur Afrika “Daawo Sawirada” <?php the_time('d M Y'); ?>
  3. Xarakada Al Shabaab oo sheegtay in Madaxweynaha cusub uu aad uga xun yahay Shariif Sheekh Axmed <?php the_time('d M Y'); ?>
  4. Madaxweyne Shariif oo ka hadlay tallaabada lagu soo doortay Prof. Jawaari <?php the_time('d M Y'); ?>
  5. Madaxweyne Soomaaliya cusub Xasan Sheekh Maxamuud Qudbadiis daawo Video <?php the_time('d M Y'); ?>

Saraakiisha Jubbooyinka oo dadka ku amray inay iskaga guuraan goobaha ay dagaalada ka soconayaan ee Gobolka Jubbada Hoose

$
0
0

Saraakiisha Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in dagaalo aan loo-kala harin ay ku qaadayaan Xoogaga Shabaab, si markaasi ay uga saaraan Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.
Colnel Maxamed Yuusuf oo ka mid ah Saraakiisha Gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu dadka faraayo inay iskaga guuraan goobaha ay dagaalada ka soconayaan ee Gobolka Jubbada Hoose.
Cornel Maxamed Yuusuf ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inay doonayaan in Xarakada Al Shabaab ay awood uga saaraan Magaalada Kismaayo, sidaasi daraadeed ayaa wuxuu shacabka uu ugu baaqay inay iskaga fogaadaan, goobaha ay wax-yeelada ka soo gaari karto.
Sidoo kale wuxuu sheegay in qorshaha Dowladda Soomaaliya uu yahay sidii buu yiri aanu Shabaab uga saari laheyn guud ahaan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Hoose oo leesku yiraahdo (Jubbooyinka).
Al Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay ciidan xoog leh isugu keentay Gobolka Jubbada Hoose, si’ay u difaacaan buu yiri Magaalada Kismaayo, hase ahaatee wuxuu sheegay inaysan taasi ka aqbali doonin, sida uu sheegay.
Related content:

  1. Militariga Soomaaliya oo sheegay inay ku sii dhawaanayaan Magaalada Kismaayo, oo ay gacanta ku heyso Al Shabaab <?php the_time('d M Y'); ?>
  2. Dagaalo laga cabsanaayo inay ka qarxaan Gobolka Jubbada Hoose iyo Axmed Madoobe oo yimid <?php the_time('d M Y'); ?>
  3. Al Shabaab oo fariin xasaasi ah u jeedisay shacabka ku dhaqan Magaalada Kismaayo <?php the_time('d M Y'); ?>
  4. Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalo culus oo ka dhacay Jubbooyinka iyo guulo ay ka sheegteen <?php the_time('d M Y'); ?>
  5. Dowladda Somaliya oo sheegtay in Ajaaniib ka dhinac dagaalameysay Al Shabaab lagu dilay Gobolka Jubbada Hoose <?php the_time('d M Y'); ?>

Click

$
0
0

Shirkadda Apple oo ku dhawaaqday Iphone 5 iyo warar kale.

Daawo Kormeerkii Madaxweynaha Cusub ee Xarunta Madaxtooyada. “DAAWO VIDEO-GA”

$
0
0

Madaxwaynaha Dowlada Soomaalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Maanta waxaa uu kormeer ku sameeyay Xafiisyada Xarunta Madaxtooyada Soomaalia isagoo halkaasna kula kulmay Shaqaalaha ka shaqeeya Xafiisyadaasi.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA:

Ururka Suxufiyiinta Ee SSJW Oo Cambaareeyay Labada Wariye Ee Booliska Boorama Xabsiga U Taxaabay

$
0
0

Ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxabanaan ee Somaliland SSJW ayaa cambaareeyay talaabada ay Ciidamada amaanka magaalada Boorama ee gobolka Awdal ay maanta xabsiga ugu taxaabeen labada wariye ee TV-yada Bulsho iyo Somali Set uga soo warama gobolkaasi Haashim Cumar Good iyo Mursal Cilmi Cumar, taas oo ay ku tilmaameen mid qayrul sharciya oo ka hor imanaysa madaxbanaanida distooriga ee saxaafada madaxbanaan.
Waxa kale oo uu ururka suxufiyiinta SSJW ku eedeeyay hay’adaha amaanka ee gobolka Awdal inay kula kacaan suxufiyiinta ka hawlgala gobolkaasi jidh-dil iyo garaacid, taas darteedna ay ug baaqeen xukuumada in si bilaa shuruud ah loo sii daayo wariyayaasha xidhan, ugana digay xadhiga iyo tacadiyada lagu hayo suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee dalka.
Ururka SSJW waxa uu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka ururkaasi Maxamed Ibraahim Sagax, kaas oo u qornaa sidan:-
Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxbanaan ee Somaliland SSJW waxa uu cambaaraynayaa talaabada Ciidamada amaanka magaalada Boorama ee gobolka Awdal ay shalay xabsiga ugu taxaabeen labada wariye ee gobolkaasi uga soo warama TV-yada Somali Sat wariye Haashim Cumar Good iyo wariye Mursal Cilmi Cumar oo Bulsho TV u soo warama, taas oo aanu aragno xadhig qayrul sharciya oo ka hor imanaya anshaxa saxaafada xeer lr 27/2004 iyo madaxbanaanida distooriga ah ee saxaafada, sidaa darteed waxaanu ugu baaqaynaa xukuumada inay si bilaa shuruud ah xoriyadooda ugu soo celiso suxufiyiinta xidhan, waxa kale oo aanu cambaaraynaynaa tacadiyada iyo cago juglaynta lagu hayo suxufiyiinta ka hawlgala gobolka Awdal, oo qaar ka mid ah suxufiyiinta hore loogula kacay dhacdooyin xadhig iyo jidh-dil iskugu jira.
Ururka SSJW waxa uu xukuumada madaxweyne Siilaanyo uga digayaa cabudhinta iyo xadhigyada sharci darrada ah ee ay caadaystay inay kula kacdo suxufiyiinta hawlahooda shaqo gudanaya”


Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ka hadlay arimaha garsoorka soona jeediyey in wax laga bedelo Distoorka

$
0
0

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa ka hadlay Xeerar uu sheegay inay qabyo yihiin oo ku jira Distoorka dalka, kuwaas oo uu soo jeediyey in wax ka badel lagu sameeyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay dhaxleen dacwado badan oo aanay Garsoorayaashii ka horeeyay go’aan ka gaadhin, waxaanu tilmaamay inay ay ku guulaysteen.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo Shirkaas jaraa’id ka hadlay, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Qoraalkii xeerka Anshaxa waxa uu ku soo bixi doonaa Jaraa’idka, waxaa jirta arrin ay cabashadeedu taagnayd oo ay dadweynuhu ka cawdaan, taas oo ah gunada ay kaaliyaayasha Maxkamduhu qaataan ee ay ka qaataan dadka dacwadaha, taas oo aan hore u xadidnayn, xeer ayaa qeexayey gunadaas dacwadaha madaniga aha ee xaqul qalinka loo yaqaano, waxa ka reeban waxayaabaha aanu xadidinay inay dacwada Xukunada ama dadka Xukuman ay ka qaataan wax lacag ah, waxa kale oo aanu ka reebnayn qoraalada kal ee ka soo baxa maxkamadaha ee ay ka mid ka yihiin Baafimaha, in aanay waxba ka qaadan”
Yuusuf Ismaaciil Cali Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay xadideen Lacagaha Garsoorayaashu ka qaadaan dacwadaha, waxaanu yidhi“ Waxaanu go’aansannay in la xadido lacagaha ay ka qaataan oo aanu ka dhignay inay dacwadaha ay daabacaan inay ka qaataan Toban kun (10’000) oo shilin halka bog ee waraaqda, taas oo aanu qiimayn ama baadhis ku samaynay oo aanu ogaanay inay dadka ku adag tahay oo ay xataa dadka qaar ka qaadaan Boqol Dollar($100), markaa dadka waxnaanu u sheegaynaa in aanay intaas in ka badan bixinin, waxaanu u sheegaynaa dadka inaanay bixinin wax aan xaq loogu lahayn, yaanaan maqlin boqol dollar ayaa laga qaaday, dadweynaha waxaanuu u sheegnay in aanay ku fidmaynin garsooryaasha iyo jeebkooda”
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali waa kale oo uu sheegay inay jiraan caqbaddo ka hor-taagan Gaadiika,isla-markaana ay xukuumadda hore ugu wargaliyeen, waxaanu yidhi “Waxaan kale oo jira caqabado na hortaagan oo ah dhinaca gaadiidka oo aanaan haysan wax gaadiid ah, waxaanu hore uga sheegnay Xukuumadda oo waanu ka sugaynaa, waayo Maxkamaddu waxay u baahantahay inay soo xaqiijiso meel kasta oo ay ka garnaqayso oo ah min Sanaag ilaa Saylac ah, waxa loo baahanyahay in la soo arko, taas oo u baahan gaadiid la adeegsado”
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “ Waxaanu ka dhaxalnay Garsoorayaashii hore dacwado aad u badan oo aanay Go’aan ka gaadhin, waxa halkan naloogu soo magacaabay Todoba Garsoore oo hadda lix ayuu-baanu kaga hawlgalnaa, mid-na mabaanaan arag oo waxaan filayaa inuu ka maarmay hawshan inuu nala galo, lixdayadii ayaa hawshaas waajahnay oo ay ka mid ahaayeen Kiisas kala duwan oo nooc walba leh oo ay ka mid ahaayeen lix kiis oo siyaasi ah, waanu ku guulaysanay ILAAHAY-na wuu nagu garabgalay, wixii noo hadhsana waanu wadaynaa”
Waxa uu intaas ku daray Guddoomiyuhu “Waxaa arintas ka hadlaya Ditoorka Somaliland oo ah qodobka 106 oo qeexaya xidhiidhka Garsoorka iyo wasaaradda Caddaaladda, waxaan idiin sheegayaa halkaas kuma qorna Wasaaradda Caddaaladda iyo Arimaha Garsoorka, waanan arkay Saxeexyo uu Wasiirku ku soo saxeexay sidaas, waana mushkiladii soo jiitami jirtay, qaranku waxa uu ka koobanyahay sadex waaxood oo kala ah, waaxda Garsoorka, waaxda fulinta iyo waaxda sharci-dejenta, intaas waxa Kulmiye Madaxweynaha oo madax u ah, markaa wada shaqayn ayaa naga dhexayn karta anaga oo kala madax bannaan, Waxaan leeyahay Wasiirku Ditoorka ha akhristo waxa uu farayo”
Guudoomiyuhu waxa uu soo jeediyey in Distoorka wax laga badalo, isla-markaana la dhamaystiro Xeerar badan oo qabyo ah,waxaanu yidhi “ Waxaan soo jeedinayaa in Distoorka Somaliland wax laga bedelo, oo la dhamaystiro Xeear badan oo qabyo ah oo ku jira Distoorka, waxa ka mid ah Xeerkii Xuquuqda Garsoorka ee habayn lahaa, xeer ayaa habaynaya baa la yidhi arimaha garsoorka waana qabyo waxaanay u taalaa Golayaasha sharci dejinta, Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo, waxa ay Buugeedii Siyaasadda ku qartay in wax laga bedelo nidaamka garsoorka oo aan hayn mid madax banaan ayaa ku qoran”
 
Buraannews.com/Hargeysa

Madaxweynaha Masar Oo Ka Hadlay Filim Lagu Aflagaadeeyey Nabigeenii Suubanaa NNKH, Dareen Cadho Lehna Ka Bixiyey

$
0
0

Madaxweynaha  Masar ayaa ku amray Safaaradda dalkiisu ku leeyahay waddanka Maraykanka inay qaado tallabooyin kasta oo  ka dhan ah raggii soo saaray  Filimkii lagu aflagadeeyay Nabigeeni Maxamed CSW, sida lagu sheegay  bayaan ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Masar, kaas oo u dhignaa isdan “Madaxtooyada Jamhuuriyadda  Masaridu  waxay sixun u canbaaraynaysaa inay fool xumeeyaan koox danbilayaal ahi meqaamka Rasuulka Illahay Naxariis Iyo Nabad Gelyo Kor Kiisa Ha Ahaate. Waxayna si gaara u canbaraynaysaa shakhsiyaadka soo saaray filimkaas, sidaa daradeed shacabka Masar Muslimiin iyo Masixiyiinba si cad ayay u diideen in meel lagaga dhaco Muqadasaadka”. 
Bayaanka Xukuumadda Masar ayaa lagu xusay sidoo kale  in  ay dawladda Masar  ilaalinayso dhismayaasha Safaaradda iyo Qunsuliyada Maraykanku ku leeyahay dalkaa
Madaxweynaha Masar Mohamed Mursi ayaa si cad u amray Safaaradda dalkiisa ee ku taala waddanka Maraykanka, inay fal celin ka samayso dadka filimkaas sameeyay ee doonaya inuu xumaado xidhiidhka dawladaha Masar iyo Maraykanku. Wuxuuna Madaxweynuhu amray inay Safaaradu samayso wax kasta oo suurto gal ah.
Dadweynaha reer Masar ayaa saaka sii laban  laabay banaan baxyadii ay kaga cadhaysnayeen dhacdadan,  wuxuuna si weyn hadda uga socda afaafka hore ee Safaaradda Maraykanku ku leeyahay waddanka Masar. Sidoo kale dadku waxay saaka isugu soo baxeen jidadka waa weyn ee Magaalada Qaahira iyagoo dhagxaan tuuraaya.  Waddanka Masar ayaa kamid ah waddamada waa weyn ee Islaamka tariikhda soo jireenka ah ku leh. Sidoo kale Madaxweyne Mohamed Mursi ayaa ah nin si weyn loogu yaqaano ku dheganaanta diinta Islaamka.

Urur Diimeedka Al-isalaax Muxuu ka yidhi Madaxweynaha Cusub ee Somalia loo doortay

$
0
0

Baaq Taageero Isbedalka Cusub Ee Dalka
Ururka Islaax waxa uu ugu hambalyeynayaa shacabka Somaliyeed isbedalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, laguna doortay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud si uu wadanka u hogaamiyo.
Ururka Islaax waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxwaynaha la doortay Xasan Sheekh Maxamuud una muujinayaan taageero buuxda, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu la garab gallo xilkiisa culus.
Waxa kale oo uu ururku u hambalyeynayaa Guddoomiyaha iyo xildhibaanada baarlamaanka cusub.
Ururka Islaax wuxuu ugu baaqayaa dhammaan xoogaga siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka ah qaybahooda kala duwan inay si hagar la’aan ah u garab istaagaan hogaanka cusub ee dalka, si loo gaadho himilooyinka la hiigsanayo.
Ururka Islaax waxa uu ugu baaqayaa dhammaan dawladaha Saaxiibka la ah Somaliya, urur goboleedyada iyo beesha caalamkaba in la siiyo dawlada Somaliya kaalmada iyo gacanta ay u baahan tahay si dalkeena hooyo uu mar kale cagihiisa isugu taago.
 
Wabilaahi Towfiif
 
Dr Cali Baashi Cumar Xaaji
Guddoomiyaha Ururka

Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu Sidaan iigu galaa miyuu Bini’aadam aheyn “Qeybtii 6-aad”

$
0
0

Markii aan la soo baxnay biskooladaha ayaa waxaa gadaal ka yimid 2 gaari tikniko ah ciidan hubeesan ay saaranyihiin kuna siijeeda guriga gabadha, gabadhii ayaa garatay gawaaridaa tiknikada, gacanta ayee u haatisay kadibna hore ayaa loo sii qaaday, ciil dartii iyo xanaaq dhuunta ayaa igala go’day waxaan aad ula yaabay nasiibka gabadha iyo markasta sida ay uga badbaado dhagarta aan la damacsanahay, aniga iyo mooryaanta ayaan isku af garanay in aan habeen kale soo laabano kadibna aan fulino hoosha na sugeyso oo ah dilka gabadha.
Habeenkii markii aan guriga ku soo laabtay aniga oo wareersan waxaan madaxa iska saaraa biskooladii aan waatay ciilka ihaayo marna waxaan ku fikiraa in aan is dilo,waxaan bilaabay in aad u fikiro,  waxaan is waydiiyaa sababta markasta qiyaanada ay aniga iigu soo laabato iyo xaajada meesha ay iska qaban la dahay, waxaan go’aan saday in aan iska dhaafo shidada iyo mashaqada, hadii ay qabiilkeyga necebtahay ma aniga ayaa qabiilkeyga dusha wadan saaran karo, dhibka hada isoo gaaray aniga bas ayuu isoo gaaray, waxaan iska dhaadhiciyay waxa aan sameenayo in ay yihiin wax Allah uusan raali ka aheen, dil gabar muslimad ah eysan iga raaceen raganimo, darajo aan ku heleen, dulinimo mooyaane,  waxaan ku dadaalay in aan xakameeyo nolosheyda kana xakameeyo sheydaanka iyo caadifadaha qabiilka, waxaan go’aan saday in aan iska sabro wixii igaaray aanan qof u raacan, inkastoo qaar katirsan qaraabada igu dhiiri galiyaan in aan aarsado jabka iiga yimid dhanka gabadha balse waan ku gacan seeray, waxayna ii arkeen nin doqon ah ama nin cabsaday.
Galab casir ah ayaa waxaa wada kulmay gabadha reerkeeda iyo reekeyga waxaana la go’aan saday in la is cafiyo wiilka iyo gabadha ay is gacan qaadaan, goobtii uu kulanka ka dhacayay ayaan wada imaanay ani ga iyo iyada, qalbi furnaan iyo walaalnimo ayaan u muujiyay in aan waxba cuqdad qaban, ugu dambeentii goobta waxaa isku gacan qaaday aniga iyo gabadhii, waxaana lagu balamay in aan la sameen hada kadib wax dulmi, la noqdo dad waa wayn, galabtaa aniga aad baan uniyad samaa, wayna iga go’need in aan cafiyo, sida markaas iyada ka muuqatay waxay aheed mid dhankeeda nabada ay diyaar katahay, gabadhii ayaa tiri aniga ayaan ku soo wacaya caawa inshaAllah.

Teleefoonada magaalada Muqdisho wixii ka dambeeya 09:30 PM inta badan waxaa adeegsada dhalinyarada siiba kuwa shukaansiga ku jira, habeenkaa telka waxaa ku hadlayay saaxiibkeyga qaaliga Maxamed Casaawiir, isaga ayaa ka qabtay gabadhaa teleefoonka, kadib aniga iyo gabadha is maxabees iyo qosol is dhaafsi ayaan galnay marna is kuma soo qaadin waxyaabihii hore u dhacay, dhoor habeen sida aan isku wici jirnay ayaa habeen  ku hadalka teleefoonka waan ku dheeraanay, marba marka kasii dambeeso waqti badan ayaan isi siinaa dhanka teleefoonka ah,inaga oo wada hadleeno waxay itiri waxaad isoo xasuusisay wiil aan xiriir lahaan jirnay sidaada oo kale ayuu qosol iyo kaftan badnaa mar hadii aan teleefoon ku hadalno waqtiga waan iloobi jirnay, wiilkii oo kale ayaad igu noqotay caawa,  aniga oo isleh u jawaab ayaa aabe qolka igu soo galay maadaama uu codkeygu aad udheeraa, aabe fiilada ayuu ka baxshay madaxa teleefoonka, dariska hakaa jiiftaano ayuu iyiri waa xili dambe, bari subax iskuul ayaad leedahay danahaaga garo ee seexo,gabadhii waxay u qaadatay teleefoonka in aan ku damiyay, way kusoo celisaa wicitaanka balse ma dhaco teleefoonka, tilaabada uu aabe sameeyay habeenkaa waan ka xumaaday aad iyo aad, waa waalid hadal aan laga daba dhihi karin, waa aabe aan dareemin marxalada dhalin yaranimo,  habeenimo ayaan albaabka guriga kabaxay aniga oo raadinaya teleefoon iyo dhalinyaro soo jeedo xiligaas si aan iyada u wargaliyo cilada dhacday, wixii aan guureeyo habeenkii marba aan tago guri dhalinyaro markii dambe waxaan tagay guri wiil aan aad isku naqaanin, waji ka waji bas isku naqaano, ma jecleen tagista gurigiisa balse danta ayaa ibiday, wiilkii aad buu isoo dhawaayay waxaan ka codsaday 10 daqiiqo in uu isiiyo teleefonka, intaa iyo in kabadan ayaad igu leedahay ayuu iyiri, gabadhii ayaan wacay, teleefoonkeeda wuu iska dhacaa , 10 kii daqiiqo wuxuu iiga dhamaaday dhicid bas, marna wiilka ayaan fiiriyaa waayo isagane wuxuu ku jiray shukaansi marna waxaan fiiriyaa teleefoonka iska dhacaya, waxaan go’aansaday hadii 3 mar hada kadib ay qaban waydo in aan u baneeyo wiilka teleefoonka, dhicidii labaad ayee qabatay iyada oo oraneesa maxaa saacaan noo soo wacday  duliyahow waa xili hurdo, waxayna ii maleeneesay in aan ahay qof kale, waan isku sheegay, xanaaq ayee la soo booday, waxaan ku iri in aan teleefoon kale kaa soo waco xiligaan,  anigane in aan dadka ka soo tuug tuugo teleefoon iyo xanaaqaaga ma islahan ee macsalaamo, aboowe macaane ha iga tagin ayee tiri, waxaan ogaaday dumarka qaar markii aad si jillicsan ula hadasho in ay ismacneeyaan, hadii aad cod karnimo kula hadasho in ay la timaado dabacsanaan,  waxayna iga codsatay sababta aan teleefoonka uga damiyay, waan ka xishooday in aan dhaho aabahey ayaa sidaa sameeyay balse waxaan ku iri baalaha ay ku xirantahay fiilada teleefoonka ayaa tuug jaratay, fiilada teleefoonka jidka ayee dhex daadsantahay,  xaafada dhan waa wada teleefoon la aan,  tuuga hadii uu ogaan lahaa in aan hadalkeena meel macaan inoo maraya fiilada nagama jarteen,
dartaa ayaan usoo aaday xaafad aad iiga fog waana dareemi kartaa in ay tahay xili dambe, waxaan intaan oo dhan u sameenayay in aan ku qanciyo, dan hadii aan kaa laheen rafaadkaan oo idil ma aanan mareen, waxaan filaa in aad iga heesato astaan ah in aan kuu haayo dareen, markii aan sidaa iri waxaan ka dareemayay dabacsanaan iyo naxariis, waxay bilaawday in ay ii mahad noqdo iyo in ay i amaanto, waxayna igu tilmaamtay in aan ahay wiil daacad ah aan la heli karin, waxaan qalbiga iska iri caawa qofta way kuu jil jilic santahay fursad dahabi ah ayaad heesataa ku kasbo, aniga oo ka baqaya in aan kala kulmo daadis ayaan waxaan ku iri aragtidaadii hore ayaa la iga raacay, mana ahan mid caawa bas bilaabaneeso, waa mid mar hore igu beermatay, quruxdaada qalbigeyga harqisay, qalbiga ayaad qadarin kuleedahay, adiga ayaan kuu qorsheeyay in aad milkiso, marba marka ka sii dambeeso waad ii siimacaanaan jirtay, waxyeelada dhankaaga waa mid igu sii balaariya dareenka aan kuu qabo, gabadhii waxay bilaawday qalbi khushuuc iyo hadalo raxmad ku jiro, waxay tiri aboowe hadaladaa dhan dhab miyee kaatahay? Waxaan ku iri waa hadal qalbi dareen harqiyay kayimid, sahal badanaa qalbiga dumarka, uroonaa ereyada raxmada leh, habeenkaa waxaan ka helay guul si fudud ayee igu aamintay,  inkastoo teleefoonka la iga sugayay waxaan ku iri abaayo 02:00 AM ayee sii cagacageenee saacadu,  teleefoonka waa la iga sugayaa goormee isi soo wacanaa, waxay tiri maya wicid ma jirto in aan kulano ayaa jirto, sheekadeenu ka wayn mid teleefoon la isku way daarsado ayee igu tiri, xaafada iigu imaaw ayee tiri aboowe, waan ka baqayaa xaafadooda inkastoo ay nabad dhacday waxaan ku iri waxaan kuwada kulmeenaa Abdalla Nuuradiin Allah u naxareestii meesha uu jalaatada ku iibiyo oo ku taalay Cali Kamiin magaalada Muqdisho, waan isku af garanay balanta.
Habeenkii aniga farxad ayaaba la seexan waayay, hadalada macaan aan ku kasbaday iyada iyo awal rafaadka aan u marayay ayaan la yaabay, waxaan ku fikiray in aan xumeen laakiin aan la jilo jaceyl ilaa aan ka ogaado in ay tahay mid gacanteyda ku jirto, aan noqdo qofka maamula qalbigeeda, furaha qalbigeeda aan jeebka ku rido.
Waxaa la gaaray xiligii balanta, aad baan usoo labistay, waxaan ahaa wiil ay kalsooni ka muuqato, goobta balanta aniga ayaan ku soo hormaray, waxaa dhacday arin ……….. Qeybtii 7aad.
Lasoco sheekada Jimca kasta Qeybta 7aad oo ah mid aad u xiiso badan
W/Q: Daalac Daahir Shoot
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com

Waa Guul iyo Taariikh la Xusi doono oo Soomaalia usoo Hoyatay.

$
0
0

Soomaaliya,tan iyo markii ay Xornimada qaadatay waxa ay soo martay marxalado kala duwan,waxa ayse ugu aragti gaabnaayeen markii ay ku noolaanshaha dowladnimada ka doorteen dowlad la,aan,taasoo sababtay in 21 kii sano ee la soo dhaafay ay dalka ka dhacaan wixii dhici lahaa, waayoo markii Qabiil,Qoys,iyo qof qofba loo dagaalamay waxa uu noqday macaashka soo baxay yaab iyo amakaag iyo in uu lumo maamuuskii, iyo magacii Soomaalidu laheyd.
Maalma kastoo la soo maray waa mid ku daabacan qeyba ka mid ah qalbiyada nadiifka ah ee ka soo samata baxay wixii ay u soo joogeen,siyaasadda Soomaaliyana sanadihii la soo maray waxa ay aheyd mid u diirmeysay sida basasha oo kale, wax kastoo dhacayse waxaan isku heynay waxaa nooga darnaa sida naloo kugu soo moora duugay, khiyaanada siyaasadeed iyo faragalinta dibadeed iyo sida had walba nalakugu soo tijaabiyay dowlado KMG ah iyo daawooyin aan dhameystir laheyn,
Maantase marka aad fiiriso xaalku sida uu yahay iyo halka aan taaganahay, waxaa la oran karaa kuwii na soo khiyaanayay khiyaanooyinka naga da,da weynaa waxaa khiyaanadoodii Ilaaheey ka dhigay,maah maahdii aheyd {Xaaqin ma dhameeyo dhul} weli waxaa nool oo ifka saaran umad ku abtirsata magaca Soomaaliyeed oo aan ka quusan in ay dib u soo noqoto Dowladnimadii naga luntay,daganaanshihii iyo sharaftii aan ku laheyn dunida.
Taana waxaa daliil u ah, sida ay Soomaalidu u aamintay gacmaheeda ugana fogaadeen in gacmo iyo dalal shisheeye lagu maamulo howsha qarankooda,iyo sida ay tilaabooyinka taariikhiga ah ugu talaabsadeen dabayaaqadii sanadkan 2012-ka,waa sanad ay umadda Soomaaliyeed ku dhiiratay go,aano adadag oo xiriirsan in la fuliyo waqtigooduna koobnaa,oo in badan oo ka mid ah soo diyaariyayaashii Qodobadani aaminsanaayeen in bahda mad madoow ee dagan geeska Africa ay ku fashilmi doonto,markaana noo sii diyaarsaday khiyaana kale oo la inagu sii maamulo.
Rabi ma qadarin,Mana aheyn howl yar iyo mid lagu helay haraad li,i isbadalka la hadal hayo in uu ka dhacay Soomaaliya,ee waa qorshe ka soo bilowday shirweynihii Britean ka dhacay dabayaaqada sanadkii hore,
Waa run in beesha caalamku ay ku daashay xal u helida arimaha Soomaaliya,dabadeedna ay go.aansatay in la soo laabo howshii ma dhamaatada aheyd ee ka socotay, waxaana doorkan la ogolaaday in soo nooleynta Qaranka laga soo bilaabo gunta, fursadna loo siiyo odayaal dhaqameedyadu in ay aas aaska talada dowladnimada,seeska u dhigaan,waxa ayna ku guuleysteen in ay ansaxiyaan Dastuurka soona doortaan Xildhibaano tayo ahaan iyo tiro ahaanba ka duwan kuwii hore,tilaabadii koowaad oo ay qaadeena waxa ay noqotay in ay doortaan hogaan cusub oo ilaa iyo waqtigan si taxadar leh u wata howlihiisa,
Tan kale 40 sano ka dib,inta la xasuusto waxaa ay dadaaladani suurta galiyeen in gudaha Dalka ay ka dhacdo doorasho Madaxweynanimo,waxaana 2-dii bilood ee ugu danbeysay Muqdisho ka soconayay loolano ay tiro musharixiin ahi ku soo bandhigayeen damacooda iyo wax qabadkooda si ay u kasbadaan qalbiyada shacabka, waxa ayna sawiradooda ku xardheen wadooyinka iyo gaadiid lagu xiray cod baahiyayaal ,dad badan waxa ay la aheyd dhalanteed iyo riwaayado ay jilayaan siyaasiyiintani, marka la bar bar dhigo sida ay qabeen Madaxweynihii hore MD,Shiikh Shariif oo isaga iyo Xukuumadihii la soo shaqeeyay wax ka badaleen marxaladihii lagu sugnaa hortood, doorkaana aaneey jirin cid kaga haboon isaga, xataa waxaa la oran karaa waa suurtagal in isaga qudhiisu aaminsanaa in aan kursiga xiligan lagula loolami karin,
Nin walba oo ka mid ahaa 25-kii hamiyay xilka Madaxweynanimada waxaa looga yeeray Baarlamaanka,waxaana laga dhageystay qudbado iyo balnqaadyo ku aadan waxqabadkooda mustaqbalka,lama oran karin arinku waxa uu taagnaa sida loo kala cod karsanaa marka la fiiriyo khudbadihii ay la soo gole joogsadeen tartamayaasha oo isugu jiray da,kasta,kuwaasoo soo buuxiyay shuridihii iyo dhaqaalihii la hordhigay musharixiinta si ay u soo kala haraan ,
Maalmihii ugu danbeeyay muqdisho mudnaanta koowaad waxaa la siinayay Xildhibaanada maadaama codkooda uu ku xiran yahay ku fadhiisashada kursiga loo wada tartamayay,waxaa sidoo kale isi soo tarayay taageerayaasha Musharixiinta oo dhigayay dibad baxyo is daba jooga inkastoo doorkoodii aanuu aheyn hadana waxa ay muujinayeen Musharaxa ay la doonayaan madaxtinimada,waxaa sidoo kale ciriiri noqday Hoteeladii oo ay buux dhaafiyeen marti fara badan oo u yimi wax ka ogaanshaha xaaladaha socda iyo kuwa ku lug lehba,waxa ayna adeegyadan iyo kuwa kaleba qeyb ka noqdeen faa,idada dhaqaale ee laga helay doorashadii lagu qabtay dalka gudihiisa,maadaama waayadii hore dhaqaalahani ay gali jireen dalal kale,
Maalmaha iyo saacaduhu waxa ay isguraanba waxaa la gaaray subaxnimadii loo madlanaa in mudanayaashu ay doortaan Madaxweyne Soomaaliyeed,waxaana la isugu tagay goobtii doorashada,musharax kasta waxa uu madasha yimid isaga oo isku kalsoon aaminsana in ay saaxiibadii codka siin doonaan hadii uu waayana yaqaana halka uu u wareejin doono codadkiisa, marka laga reebo Madaxweynihii hore Sh.Shariif Sh Axmed, oo isagu ololihiisii galaangalka taageerada Musharixiinta kale ka doorbiday aaminaada saaxiibkii Xildhibaan Shariif Xasan Sh Aadan,oo ay meel fagaaro ah ka wada sheegeen in hadii la is muto la is bixi doono Maantana ay tahay maalinteedii.hase yeeshee wareegii koowaadba lagu baraarugay isaga oo ka hooseeya halkii laga filayay inuu gaari doono, inkastoo tartamaha ku xiga uu ka horeeyay 4 dhibcood oo qura,
La yaab beey ku noqotay dadka Soomaaliyeed ee kala socday shaashadaha iyo Caalamkaba sida ay wax u socdaan waxa uuse xaalku faraha ka sii baxay wareegii 3-aad ka dib markii Musharax Xasan Sh. Maxamuud oo aan saaxada Siyaasadda horey loogu aqoon, ay codadku si weyn dhankiisa ugu bateen,uma baahna fasiraad dheeraad ah sababta,waayoo waa howl la wada qabtay oo ay ku mideysnaayeen musharixiinta kale marka laga reebo musharaxa laga guuleystay oo isagu ahaa budo gooni u tuman,
Si kastaba ha ahaatee doorashadani, waxa ay u aheyd shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka iyo labada Madaxweyne ee is badalayba guul taariikhiya oo lagu xasuusan doono sida geesinimada leh ee uu Madaxweynihii hore u aqbalay natiijada tartanka una wareejiyay hey,adihii amniga iyo nasiibka uu u helay Md Xasan sh.Maxamuud,in uu noqdo Madaxweynihii u horeeyay ee 40 sano ka dib,ciidiisa korkeeda iyo calankiisa hoostiisa lagu doorto.hogaamiyana u noqda Dowlad buuxda oo la xisaabtami karta asaageed.hadaba Mudane Madaxwayne waxaan kaaga fadhinaa Dowlada Noogu darta oo aan nooga darin .
C/qaadir Maxamed Faarax { Dulyar}
Dulyar21@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya.

Urur Weynaha Alqaacidah oo soo bandhigay Flim ka sheekeynaya Weerarkii 2001 lagu qaaday USA. “Daawo Muqaalka Flim-ka oo Video ah”

$
0
0

Urur Weynaha Alqaacidah oo soo saaray Flim cusub oo ka sheekeynaya Weeraradii Lagu qaaday Sanadkii 2001 Sarahii Dhaadheeraa ee Mareeykanka ee dhulka lala simay ayaa waxaa ka soo dhex muuqday laba ka mid ah Ragii Fuliyay Qaraxyadaasi dhulka dhigay labadii dabaq ee caalamka ugu dheeraa labadaan nin oo la kala yiraahdo Khaalid Al Mixdaar iyo Saalim Al Xaazimi.
Hadaba Hogaamiyaha Ururka Alqaacidah Ayman Al-Dawaahiri ayaa ka hadlaya kana sheekeynaya Weerarkii xooganaa ee 2001 lagu qaaday Wadanka Mareeykanka oo ilaa iyo haatan laga sheekeeyo.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA FLIMKA OO SOCONAYA SAACAD KA BADAN:

Hees Cusub & Calanyahoow Buluuga ah Alfanaan Cawaale Aadan. “Daawo Video”

$
0
0

Hees cusub oo aan caadi aheyn oo aad ku jiriricooneyso wadaniyad darteed oo uu soo saray Alfanaan Cawaale Aadan “Awaale Casri” Heestaan waxaa la yiraahdaan CALANYAHOOW BUULGA AH Waa hees aad ka dareemeysid Qiimaha Calanka uu lee yahay.
Muuqaalka Heestaan oo hada soo baxday ayaa na soo gartay waxaana jecleeysanahay Saaxibada Akhristayaasha ah in aan la wadaagno bacdamaa ay tahay Jimco Kariim.
Akhristoow Meel kasta aad joogto Jimco Mubarak nala daawo Muuqaalkaan cusub & Alfanaan Awaale Aadan.
HALKAAN KA DAWO HEESTA CUSUB EE CALANYAHOOW BULUUGA AH:


Madaxweyne Xasan sheekhow,Rabbi baa ku watee, dastuurkaaga ka dhigo kan Allah inoo soo dejiyay,..

$
0
0

Shaki kuma jiro in madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya uu ku yimid si mucjizo ah,maxaa yeelay lama filayn in uu jagadaasi qabto,sidii loo filaayay rag arrintaasi ku cadcaddaa,iidheh iyo dacaayado badana ku sameeyay gudaha Soomaaliya iyo dibeddaba, kharash badana arrintaasi ku bixiyay,waxaa la filaayay oo ay shacabku intooda badan filayeen in Sheekh Shariif uu markale ku soo laaban doono madaxtinimada dalka,waxaa kaloo la hadal haayay in Gaas ama Baadiyow ama Farmaajo uu midkood noqon doono madaxweynaha Soomaaliya,haseyeeshe saadaashii dadka intooda badan dhab mey noqon,balse wixii uu Rabbi qaddaray baa dhacay,Rabbina wuxuu qaddaray in la doorto mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka muuqato qunyar socod iyo tawaaduc,inkastoo aan la ogeyn wixii uu berri la soo bixi doono.
Shaki kuma jiro in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay sugayaan howlo adag oo waaweyn oo sannooyin badan lala tacaalay in wax laga qabto,waxaana ugu weyn sidii dalka looga saari lahaa,dhaqanka ah in dibedda laga soo maamulo ama laga soo xukumo,in uu ka hortago musuqmaasuq dalka ku habsaday laga soo bilaabo xornimadii dalka ilaa uu Sheekh Shariif dalka ka hoggaaminayay,in uu ka hortago nidaamka qabiilka ku dhisan oo dad badan u aaminsan in uu yahay geeddi socodka nolosha,dawladda iyo baarlamaankana lagu soo dhiso nidaamkaas baadhilka ku dhisan,in uu Soomaaliyeeyo shaqaalaha madaxtooyada iyo raadiyo Muqdishow iyo gegida dayuuradaha Muqdishow iyo meelaha nacfiga leh oo madaxweynihii la doortaba ku ururiya ama ka buuxiya qabiilkiisa,in uu ka hortago NGOda gaallada lagu soo qaraabto iyo qandaraasyada qabiilka lagu soo ganbado,kuwaasoo haddii la isku barbardhigo waxa ay ummadda u qabtaan iyo danaha ay ku fuliyaan ay isugu jiraan cirka iyo dhulka.
Sidaas daraadeed ayaysan u fududayn in kooxo in muddo ahba la dhadhansiiyay mansab iyo maal,laguna fidiyay meelaha dhaqaalaha leh in si fudud looga hortago ama jagooyinkooda looga qaado,balse waxay u baahan tahay in isbeddal lagu sameeyo si taxadar lehna loogula macaamiltamoodo,maskax deggana lagula dhaqmo,maxa yeelay haddii raggaasi xoog loo sheegto oo jagooyinkoodii lagu beddalo dad ka socdaa qabiilka madaxweynaha cusub,wey gadoodayaan wax bayna qasayaan fidno ayayna abuurayaan,haddii loo daayana dhibaatooyin ayay la imaan karaan,waxaana dhici karta in sirta madaxweyne Xasan ay u gudbiyaan raggii meesha keensaday.
Su’aasha kale oo madaxweynuhu hor-taalo waxay tahay,muxuu ka samayn doona, dastuurkii dalka loo dejiyay oo ay gaalladu iyo calmaaniiyiintu raalliga ka yihiin iyo midka uu Allah raalliga ka yahay,macnaha kee buu qaadan doona,ma dhici kartaa in gaallada iyo calmaaniyiinta uu warkooda ka baxo,si caddaan ahna u yiraahdo:dastuurkeena waa kitaabka iyo sunnaha rasuulkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,xukunkeenuna wuxuu noqon doona xukun islaami ah,shareecada islaamka ayaana ku dhaqmayna,haddii ay taasi dhacdana oo uu arrinkaasi iclaamiyo,waxaa cad in uu Allah raalli ka ahaanayo,shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ahna ay soo dhoweynayaan,malaayiinta muslimiinta ah ee dunida ku faafsana ay u riyaaqayaan.
Ku adkaysiga arrinkaasi,macnaha in shareecada islaamka laga hirgeliyo dalka Soomaaliya waxaa aad uga caroonaya gaallada iyo qoloda calmaaniyiinta ah iyo kuwo isku sheega ururo islaami ah oo xaalkoodu yahay la jiifiyaana bannaan la joojiyaana bannaan,waxaase loo baahan yahay si uu xukunkaasi u meel maro, macnaha xukunka shareecada islaamka in la muujiyo dulqaad iyo samir,dadkana la baro afka carabiga,afkaasoo ay dad badan olole u galeen sidii loo baa’bin lahaa,laga soo bilaabo markii loo dagaaltamayay gobannimadii iyo xornimadii Soomaaliya,halgankaasoo gobannimodoonka ahaa ee u soo baxay dhallinyaro naftood hurayaal ahaa ayna ku midoobeen xisbi ay ugu magac dareen S.Y.L.,waxaana mabaadi’ida xisbigaasi ka mid ahaa in dadka la baro afka carabiga si ay si fudud ugu bartaan qur’aanka kariimka ah,dalkana lagu dhaqo shareecada islaamka,haseyeeshe gumeystayaashii markaasi jiray iyo kuwii Soomaaliyeed ee gacan saarka la ahaa,waxaay olole u galeen sidii looga hortagi lahaa barashada afka carabiga,cadowgaasoo ilaa iyo imminka ka shaqeeya sidii loo baabi’in lahaa barashada afka carabiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh,yey sirin falsafadda ah siyaasadda iyo diinta shaqo iskuma laha, waana falsafad lagu fogeynayo barashada shareecada islaamka iyo afka carabiga,waxaana xaqiiqo ah in siyaasadda ay ka mid tahay diinta islaamka,dawladda islaamiga ahna kama maaranto siyaasadda,siyaasadduna waa waxyaabaha lagu socodsiinayo arrimaha dadka, siyaasaddu waa qayb ka mid ah manhajka islaamka,kalamana hari karaan siyaasadda iyo diinta,haddii la kala gooyana oo la kala saaro waxay macneheedu tahay in qofka muslimka ahi uu u hoggaansamo xukun aan islaam ahayn oo wixii xaaraan ahna la xalaalaysto wixii xalaal ahna la iska xarrimo,kuwa kala saaraya siyaasadda iyo diinta islaamka waxay ujeeddadoodu tahay si ay islaamka xooggiisa hoos u dhigaan oo ay u daciifiyaan,suuradda Al-Maa’ida wuxuu Rabbi ku xusay saddex meelood oo ah:qofkii aan ku xukmin wixii uu Allah soo dejiyay waxay kuwaasi ahaadeen gaallo, meel kalena wuxuu Rabbi kuwaasi ku tilmaamay in ay yihiin kuwo daalimiin ah,meel kalena wuxuu Allah ku yiri:waxay kuwaasi ahaadeen: faasiqiin.
Maxamedeyn
Den Haag/Holland
Waa inoo mowduuc kale iyo markale insha Allah

Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan Sheikh Maxamuud iyo safiirada Midowga Yurub

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Proff:Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waxa uu kulan la qaatay Safiiro ka socday Wadamada Yurub.
Kulankan oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho aya waxa uu ahaa mid uu Warbixin ku siinayay Safiiradan Dowladddiisa cusub.
Kulanka oo ay Saxaafadda dibad joog ka ahaayeen ayaa markii uu soo Gabagaboobay ayaa waxaa Saxaafadda ugu Warbixiyay Agaasimadda Warfaafinta ee Aqalka Madaxtooyada Filla Soomaaliya Suldaan Axmed Faarax waxaana uu sheegay in Madaxweynaha Warbixan uu siiyaay Safiiradan ka socday Misowga Yurub .
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uu kaga Warbixyay Safiiradaan qorshihiisa ku aadan hogaaminta Dalka Soomaaliya in uu ahmiyadda Kowaad uu siinayo dhanka Ammaanka Dalka.
Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynhu uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa Taageerada ay siiyaan Dowladaha Yurub Dowladda Soomaliya isla markaasina Ladar,dar galiyo u kaalmeynta Dowladdiisa Cusub .
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maalmihii ugu dambeeyay waxaa uu kulamo la qaadanayay Wafuud ka socota Beesha Caalamka .

Puntland oo lagu Arkay Ciidamo Kasocda Nato &Kulan Ay laqaateen Odayaasha Degaanka…

$
0
0

Sida ay shegayaan wararka aan kaheleyno Degaanada Puntland ayaa shegaya in ay haatan so gaareyn Ciidamo kasocda Nato kuwaasi oo kusugan Xeebaha Soomaaliya ayagoo dagaalo kula jira Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.
Saraakiil Nato kasocda ayaa kulamo laqaatay Waxgarad iyo Odayaal Kudhaqan Degaanka Caluule oo ka tirsan gobolka Bari ayaa waxa ay uga wada hadleen sidii ay Odayaasha dhaqanka ciidamada Nato uga gacan siin lahaayeen la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah.

Cali Maxamuud oo kamid ah Odayaasha kulanka laqaatay Ciidamadaani ayaa Buraannews.com usheegay in Nato kawada shooreyn sidii loo cirib tiri lahaa burcad badeeda Soomaalida ah iyagoona  u balan qaaday dadka deegaan hadii ay gacan ka siiyaan la dagaalanka Burcad Badeeda in ay ka taageerayaan adeegyada aas aasiga ah sida Caafimaadka, Shaqo Abuuris iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah dadka ku dhaqan deegaankaasi.
UGu Danbeyntii Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidama ka socdo dalal dhowr ah kuwaas oo ku howlan la dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah.

Madaxweynaha Barcelona Sandro Rosell Oo Ka Shaqeynaya Inuu Qandaraaska U Kordhiyo Lionel Messi.

$
0
0

Madaxweyanaha Barcelona Sandro Rosell ayaa u sheegay Catalunya Radio maanta in kooxda ay tahay inay ka shaqeyso sidii ay heshiiska ugu cusbooneysiin laheyd Lionel Messi.
Xiddiga reer Argentina ayaa qandaraaskiisa haatan uu dhacaya June 2016, Rosell ayaana aaminsan inay noqon doonto fursad la waayo hadii aan haatan sida ugu dhaqsiyaha badan heshiiska loo cusbooneysiinin.
“Qandaraaska Messi waxa uu dhacaya 2016, waxaana ay noqon doontaa mas’uuliyad darro dhankeena ah inaan heshiiska u kordhinin, madaama ay tahay inaad ka fekerto waxa dhici kara” ayuu yiri Rosell.
“Xilligan la joogo ma jiraan wax la qorsheeyay lakiin mar walba waxaa jira mashiin aan shaqada joojin, waxyaabaha qaarna waqti walba ayay isbedeli karaan.
“Shaqaalaha tababarka waxa ay ka fekerayaan kulanka soo socda ee xaada, lakiin anaga waxaan indhaha ku heynaa mustaqbalka fog iyo waqtiga dheer.
“Waa inaan haatan bilownaa inaan ka shaqeyno qandaraaska Messi ee wixii ka danbeeya 2016.”
Rosell ayaa wax laga weydiiyay inuu ka hadlo xaalada Real Madrid iyo Cristiano Ronaldo, waxaana uu sheegay in shaqadooda aysan aheyn inay ka hadlaan kooxo kale iyo ciyaaryahano kale.
“Maalinta aan bilowno inaan ka walwalno kooxo kale, iyo waxyaabaha kooxaha kale ay sameeyaan, waa maalinta aan bilaabi doono wadada guuldarada. Waa inaan dhamaanteen wadajir muujinaa, si wadajir ahna u shaqeynaa.”

Somalia guerrilla artists dare to paint reality

$
0
0

The men work quietly by day and set up their cheeky political paintings around the capital in the dark of night. They’re also training the next generation.
MOGADISHU, Somalia — The guerrilla artists come out in the darkness of the Mogadishu night. Three of them are old hands with a brush, but they’ve never been out on such a crazy mission at a time when sensible people stay indoors.
They gather for work in a converted garage, with a wildly paved floor and clutter of paint pots dribbling gaudy colors. Muhiyidin Sharif Ibrahim, 62, uses an old car seat as a chair, reflectively sharpening a pencil with a razor, then honing it to a perfect point by scraping it on the stone floor. He delicately sketches out his next work on a scrap of cardboard with his long, thin fingers.
The artists paint by daylight, then load the canvases on a big truck and, with the help of students they’ve taken under their wing, plant them around the city.
No one here has seen anything like it. The political paintings that pop up every few days are like brave flags, cheeky and revolutionary.
They take potshots at the most dangerous people, like Somalia’s blood-sodden clan warlords and its ever-present Islamic militants, who still maintain a shadowy presence here.
The men have lived their lives in a country with no tradition of artistic freedom or democracy. When a tiny window of freedom cracked open in recent months in Mogadishu, it seemed like a last chance to be who they really wanted to be.
Ibrahim, who once was among Somalia’s most famous artists, claims to have painted the first official portrait of the country’s first president. Adan Farah Affey, 50, started out as a young artist in the propaganda department of the ruling party but resigned because he wasn’t allowed to depict the truth. As for Mohamed Ali Tohow, 57, his real passion was portraits, but he enjoyed his day job, painting advertising billboards, until the day the Islamists threatened to kill him.
The walls of their garage studio are decked out with giant canvases, ready to hang in the streets of the capital. One depicts a crowded city street with men on bicycles or pushing wheelbarrows, women in traditional Somali dress, buildings free of bullet holes and destruction, and a giant yellow sun like a beach ball. Its message is peace.
Another depicts a rural woman with a generous basket of fruit, a pretty red necklace and a wisp of hair straying idly from under her head scarf. There’s an undercurrent of socialist realism in its idyllic vision of rural womanhood and agricultural bounty. But the woman’s lush beauty would be enough to get an artist killed if it was displayed in an area controlled by the Shabab, the Al Qaeda-linked militia that until recently imposed a reign of terror on Mogadishu and still controls much of the country’s south. The Shabab believes women must be fully covered in billowing garments.
As Mogadishu slowly staggered back onto its feet, a nongovernmental organization, the Center for Research and Dialogue, developed a plan to commission its artists to paint posters promoting peace, and provide support for their work.
Ahmed Adde, 45, was given the task of tracking down the well-known artists from the old days. Adde, an artist himself, didn’t know whether they were alive, dead or had fled. When he got in touch with them, they tried to brush him off.
“The old man was afraid,” Adde says, referring to Ibrahim. “Actually, we were all afraid. We were reluctant.”
“I’ve seen their trouble, how they’re harassing people and killing people,” Ibrahim breaks in, referring to the Shabab, which still carries out regular suicide bombings and political assassinations in Mogadishu, even though it has fled the city.
Still, Ibrahim says he is optimistic. “I want to return to my career,” he says, offering his shy, gap-toothed smile like a gift. “I want to show the people how bad the troubles were and how bad the wars were and how bad it is when everything’s destroyed. That’s the message we’re going to send to people.”
Ibrahim never finished high school, but was plucked from obscurity as a talented artist, given a post in the government’s Information Ministry and promoted because of his abilities.
He was 19 when Maj. Gen. Mohamed Siad Barre, or Comrade Siad, as he was known, seized power. The dictator’s cult of personality meant there was plenty of work for artists, who would paint him in Stalinist poses, looking serious and stately, or laughing, or holding children and looking paternal. But artistic freedom was a mirage.
“I painted Barre hundreds of times. There had to be a portrait of him in every office. People were constantly coming saying, ‘I want a portrait of the president,’” Ibrahim says. “You had to be careful. You had to try to make him as handsome as possible. You had to paint him looking elegant. You could not show any signs of age.
“You’d attempt it many times. Before you showed people, you had to check it again and again.”
After Barre was ousted in 1991, all semblance of governance disappeared, clan warlords held sway, and the only way to make a living was to paint shop-front signs and advertisements. A transition government controlled little territory. Then came the Shabab, which won control of most of the country in 2009 and banned the depiction of the living form as un-Islamic.
Ibrahim went into hiding, but in secret he kept painting his favorite subject, camels, which in Somali’s oral poetic tradition have always represented nationhood: tough, independent and willful. He worked in a little room at home, hiding his art, which he covertly sent to friends overseas.
“I had to do it. I had a will and a passion to draw. It’s something that comes from the heart,” he says.
Affey practiced and practiced drawing as a boy. It was only when people began praising his work that he realized he was an artist. He got a job as a political cartoonist in the propaganda department of Barre’s Somali Revolutionary Socialist Party, but didn’t last long. When he tried to lampoon the problems of clanism and nepotism, he was ordered to stop. He resigned and tried farming for a while.
After the collapse of the state in 1991, he barely eked out a living drawing political cartoons for magazines, and says his marriage failed because there was never any money.
From then on, artists worked on a knife edge.
“We were free to do posters and draw cartoons, but you had to be very careful not to insult somebody,” says his colleague, Tohow. “I had to consider what I was doing.”
After years of war, famine and plunder by warlords, radical Islamists began to emerge around 2000, including groups that later morphed into the Shabab. In some cases, the Islamic leaders improved security. But after a while, their harsh punishments and rigid social control made them unpopular.
“When the Shabab came, I had to shut my door and work in secret because they were killing people,” Affrey says. “I was so scared. At the time, staying alive was all that mattered. The Shabab was against artists and intellectuals.”
Roadblocks around the city were manned by trigger-happy militias, mostly teenagers. Under the warlords and later the Shabab, youths were associated with sudden, unpredictable violence.
“If you saw a youth, you’d feel frightened,” Affey says. “A young guy who you’d never believe could kill you, could just come and assassinate you.”
In 1997 in the central town of Galkayo, an artist painting a billboard was dragged down and beheaded because his work gave offense to a religious sheik. The man had been Tohow’s teacher.
In 2000, Tohow narrowly escaped the same fate. He and others had depicted a woman on a billboard clad in the traditional rural Somali style, her shoulders and neck showing. A group of religious men ordered him to take it down.
“They came to me and said, ‘If we see this hanging again we’ll arrest you,’ so we decided to turn the billboard over. It scared me so much because I knew these people were against artists and poetry. It showed me how easily they could come and kill me.”
When the Shabab abandoned Mogadishu a year ago, the artists cautiously emerged, looking for jobs painting advertising murals on small shops and businesses.
“I came out of hiding … but people didn’t know me anymore,” Ibrahim says. “They’d forgotten me.”
Despite the risks they take with their guerrilla art, the three men have more freedom than they have ever known.
“We can paint. We can draw. If you go into the street you can see what we did,” Tohow says. “Of course, something could easily happen to us. We heard some assassinations are taking place. But it’s better than it was.”
“It’s like you’ve been dead and you’re back to life again,” Affey says.
The artists know they won’t be around forever. So they are training a new generation, apprentices who also provide a lot of the muscle power to put up the canvases at night. The older men find themselves sharing paint pots with the kind of young men who once terrified them, like Suleyman Yusuf, 20, who never went to school, but is one of their best students.
Yusuf was paid $2 a day as a member of a militia in Mogadishu from 2009 to 2011 and manned a checkpoint.
“Everyone was afraid of people at the checkpoint because we had guns and we could shoot at them at any time. It made you feel powerful. At the time, I believed I was the most powerful man in the city. It felt good to have that kind of power.”
Now that Mogadishu is more peaceful, Yusuf is hoping to work as a commercial artist after training with Ibrahim, Affey and Tohow.
“I feel great when I’m with them and they’re showing me what to do. We learn how they mix paint and how human beings’ faces are shaped. We’re improving and later we will be able to do what they do.”
Affey believes he can help change Yusuf, and others like him, by teaching him.
“For art, you have to focus. Art teaches you about life. You’re drawing life, so you can’t just go and kill someone. If you want to be an artist, you have to learn to be gentle and wise.”
The teachers, Yusuf says, have taught him respect.
“If I didn’t admire them, I wouldn’t bother to turn up. These are the only guys I have ever really admired.”

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live