Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Farmaajo iyo Xasan Shiikh oo Maanta kulan ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada Soomaaliya

$
0
0

Kulan xasaasi ahaa ayaa maanta aqalka Madaxtooyada waxaa kuwada yeeshay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’isulwasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ilo lagu kolsoonan karo oo kusugan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in uu Madaxwaynaha kala hadlay Farmaajo magacaabista Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Wararka ayaa waxa ay sidoo kale ay sheegayaan in Madaxweynaha uu doonaayo in uu Ra’sulwasaare u magacaabo Farmaajo sida ay sheegayaan wararka an kaheleyno Madaxtooyada in kastoo uusan cadeen warkaasi uusan arintasi cadeyn .
Madaxda qaar ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay kula taliyeen Madaxweynaha hadii uu doonaayo in ay sii socoto Dowladiisa uu Ra’isul wasaare kadhigo Farmaajo iyagoona ku amaanay waxqabadkiisa mudadii koobneed oo uu ahaa Ra,isalwasarihii Soomaaliya waxaana ay tilmaameen in  xiligaas uu wax badan Farmaajo uu ka qabtay hadii ay u badnaan laheed dhanka amaanka oo haatan faraha kasiibaxaya.
Kulankaan oo ahaa mid saaco qaatay oo ay labadaan masuul wada qaateen kaas oo sidoo kala ahaa mid albaabada u xirnaa oo aan lago gaankarin waxyaabaha ay sida dhabtaa kaga hadleen ayaa waxa lagu soowaramayaa in  islafalaqeeyeen sidii Ra,isul wasaare looga dhigi lahaa Farmaajo si ay dowladaan uu hogaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud ay wax badan  kaga qabato dalka oo ay ugu horeeyso sugidda ammaanka Muqdisho.
Dadka qaar ayaa waxaa lagu soowaramayaa in ay Madaxweynaha ku qanciyeen hadii uu u magacaabo Farmaajo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu helaayo taageero kabadan kan uu haatan heysto in kastoo wararkalana ay tilmaamayaan in aysan Beesha Caalamka dooneenin in uu Ra\’,isulwasaaraha Dalka Soomaaliya uu noqdo Farmoojo.
Madaxweyna waxaa dhawaan laga sugayaa in uu soo Magacaabo Ra’isul Wasaare uu yeesho Dalka


Daawo Video: Faah faahin ku Saabsan Qaraxii Maanta ka dhacay Maqaayad ku Taalo Baledweyne.

$
0
0

Balcad Media Network:  Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax geestay khasaaro badan.
Goob Maqaayad ah oo ay fadhiyeen dad badan ayuu ka dhacay Qaraxa wuxuuna ahaa qaraxaan Bambaanada nuuca gacanta laga tuuro sida ay dadka deegaanka ku waramayaan.
Ilaa iyo haatan Inta la ogyahay qaraxaan ayaa waxaa ku waxyeeloobay ilaa iyo Sideed ruux oo ahaa dad shacab ah, sida la sheegay kuwaasi oo haatan la dhigay isbitalka magaalada Baladweyne.
Wararka ayaa sheegaya in labo ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxaan in dhaawacooda uu liito inkastoo haatan lagu dabiibayo isbitalka magaalada Baladweyne.
Qaraxaan ayaa wuxuu imaanayaa xili shalay magaaladaasi la geeyay ciidamo horleh oo ka socda wadanka jabuuti kuwaasi oo loogu talagalay in ay amaanka magaalada ay sugaan.
Mudooyinkii ugu daanbeeyay ayaa magaalada Baladweyne waxaa ka dhacayay dilal qorsheesan iyo waliba falal amaan daro kuwaasi oo lala xariirinayo in ay ka danbeeyaan Al-Shabaab.

Ciidanka Kenya oo Dad Shacab ah ku Xasuuqay Deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubbada Hoose

$
0
0

Askari katirsan Ciidamada Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu soowaramayaa in Degaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose uu ku laayay dad Shacab ahaa oo uu sibareer ah rasaas ku furay.
Wararka haatan naga soogaaraya Degaanka Janay Cabdalla ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ku dilay askari katirsan Ciidamada Kenya dad Shacab ah oo Degaankaan ku sugnaa sida ay wararka tilmaamayaana uu sibareer ah rasaastaan ugu faray dadkaan rayidkaa.
Qaarkamid ah dadka degaanka Janay Cabdalla ayaa waxa ay inoo sheegeen in halkaasi uu askari katirsan Ciidamada Kenya uu rasaas bareer ah oo aan loo aabayeelin uu dadkaan kufuray iyadoona ay rasastaan geysteen qasaaro xoogan oo soogaaray dadka uu ku furay rasaastaan.
Waxaana rasaastaan uu furay ku geeriyooday askarigaan dad gaaraya ilaa 8-ruux wallow ay wararka qaar sheegayaan intirada dadkaan ku dhintay rasastaan ay intaasi kabadyihiin.
Ilaa iyo iminka macada sababta ka danbeyasay in askarigaan katirsan Ciidamadaan Kenaya uu rasaastaan ugu furo dadkani  rayidka ah.
Arintaan ayaa waxaa walaac kamuujiyay dadka rayidkaa ee halkaasi ku dhaqan iyagoona ka cabsi qaba in ay markale soolaabtaan falalka ceenkaan oo kalaa.
Aadan Shire Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda hatana ku sugan Muqdisho aya waxaa uu sheegay in ay Arintani tahay mid Qalad ah Kenyana looga Fadhiyo in ay Raali galin Dag dag ah iyo Mag dhaw ay ka Bixiso

Qarax caawa ka dhacay Baladweyne AQRISO

$
0
0

Wararka naga soogaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw uu halkaasi qarax qasaaro geestay uu kadhacay kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ee halkaasi ku suganaa.
Qaraxaan ayaa waxa uu ahaa nuuca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamada Dowlada ee halkaasi ku sugan.
Waxaana ay wararka sheegayaan in goob maqaaxi ah lagu tuuray Banbaanadaan gacanta laga tuuro taas oo ay ka dhasheen qasaaro xoogan.
Waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa 2-ruux oo rayid waxaana ay wararka sheegayaan in Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Maqaaxida in uu san waxqasaaro ah  soo gaarin marka laga reebo dadkaan rayidkaa ee ku dhaawacmay.
Waxaana lagu soo waramayaa marka uu qaraxa dhacay kadin in ay Ciidamada Dowlada goobta uu qaraxaan ka dhacay isku gadaamay iyagoona howlgal kooban halkaasi ka ameeyay oo ay ka baadi goobayaan dadkii kadanbeeyay qaraxaan, xaalada ayaa ah iminka mid dagan
Baladweyne waxaa mararka qaar ka dhaca qaraxyo lala Bartilmaameydsado Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Caawinaya ee Ithopia

SH. USUULI TARBIYADDA CARUURTA - SWITZERLAND

Tababare Guardiola oo doonaaya in uu boorka ka jafo kooxda Ac Milan, oo ay si weyn uga jiifto

$
0
0

Tababarihii hore ee kooxda Barcelona Pep Guardiola ayaa diyaar u ah inuu dib ugu Noqdo dalka Taliyaaniga islamarkaana uu Macalin u noqdo kooxda AC Milan.
Sida ay shabakada Dhaliye ka soo xiganayso Sportmediaset Guardiola oo Saaxib dhow la ah Carletto Mazzone oo u ah Macalinkiisa hore Brescia ayaa sheegay in Tababarihii hore ee Barcelona uu diyaar u yahay Milan.
“Diyaar ayuu u yahay inuu ku soo noqdo Shaqada Macalinimo waxaana uu rabaa inuu u dhaqaaqo AC Milan”Sidaas Mazzone ayaa u sheegay Sussidiario.net.
“Dhawaan waan arki doonaan inuu Guardiola noqon doono Macalin Ama uu sii ahaan doono dal xiiise labada Mid kood.
Dhinaca Kale Inter ayaa kor kala socota xaalada Tababarihi hore ee Barcelona waxaana ay rabaan inay ku badashaan Andrea Stramaccioni halka Guardiola wararka ugu badan ay sheegayaan inuu badalayo Macalinka Milan Massimiliano Allegri.

Lionel Messi: “Sanadkan gool dhalin maayo balse Baas ayaan dhigi doona”

$
0
0

Laacibka  kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa daaha ka qaaday in aanu xilli  ciyaareedkan daneyneyn inuu ku guuleysto wax abaal marin gool-dhalineed ah, ka dib markii uu saddax sano ee is xigta ku guuleystay gool-dhalinta koobka kooxaha Yurub ee Champions league, waxaanu yidhi Messi isaga oo arintan ka hadlay “Inaan gool dhaliyo sanadkan waxaan ka xiiseynayaa inaan gool baaso oo aan baas dhigo,”. Messi, ayaana taas bedelkeeda u weecan doona inuu gool baaso halkii uu isagu dhalin lahaa, wuxuuna sheegay inuu sanadkan kalsooni ku qabo inuu Barcelona ka caawiyo inay koobab ku guuleysato. Messi ayaa dhanka kale ka hadlay tartanka ay sanadkan kooxdiisu kala kulmi karto Real Madrid ee ku saabsan horyaalka wuxuuna sheegay in aanu dhib u arkin ayna kooxdiisu si aad ah usoo diyaar garawday, waxaanu yidhi “Haddii aanu Barcelona nahay aad ayaan usoo diyaar garawnay dhanka Real Madrid-na waan eegi doonaa halka ay wax ku dhamaadan.”
 

Diyaarado ku daadiyay Kismaayo warqado lagu qoray erayo kala duwan.

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Galabta halkaas ay Diraadi ku daadisay waraaqo Digniin ah, oo lagula hadlayay dadka halkaas ku nool.
Warqadaha ayaa la sheegay in ay ku qoran yihiin erayo kala duwan oo qaarkood lagu hadlayo dadka shacabka ah, qaar kalena ay ku wajahan yihiin Al-Shabab.
Dadka deegaanka, ayaa sheegaya in waraaqaha ay kor uga qoran tahay astaanta jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaana isla qaybta kore lagu daabacay sawiro muujinaya colaado iyo barakac iyo sidoo kale sawiro muujinaya nabad iyo arday buugaag wadata oo wax baraneysa .
Waxaa ay noo sheegeen dadka deegaanka oo iyagu waraaqaha aqriyay in in ay gaarayan ilaa dhowr kun oo waraaq waxyaabaha ku qorana ay ka mid yihiin:- Al-Shabab maya, Al-Qaacida maya, argaixiso maya, dagaal dambe maya, waa magaaladii ugu dambeysay ee ay ku hareen Al-Shabaab iyo erayo kale.
Sidoo kale waxaa ku qornaa waraaqaha sida ay sheegayaan dadka deegaanka “waxaan ka raali galinaynaa dadka shacabka ah dhibaatadii soo gaaratay intii ay socdeen weerarada lagu bartilmaameedsanayo kooxda Al-Shabaab”
Waxaa kaloo ka mid ahaa waxyaabaha lagu qoray waraaqaha hadalo lagula hadlayay al-shabaab sida in ay qaataan nabada in ay ku soo biiraan dowladda iyo in ay bad baadiyaan dhiiga dadka shacabka ah .
waraaqahaan galabta lagu daadiyay Kismaayo ayaa waxaa ay cabsi ku abuureen dadka magaalada ku dhaqan waxaana daadisay diyaarad milatari oo dhowr jeer ku soo dul wareegtay magaalada.


Somaliland oo Joojisay Kaluumaysiga Maraakiibta Shisheeye.

$
0
0

Somaliland ayaa joojisay gebi ahaanba maraakiibta shisheeye ee kalluumaysiga ka wada badaha Somaliland, iyada oo ku eedaysay inay dhaawac soo gaadhsiinayaan goobaha gabbaadka u ah kaluunka.

Al Shabab oo dil Naxdin leh Muqdisho ka Gaystay..Muxuu yahay dilkaas.

$
0
0

Wararka laga helayo Xaafadda Suuqa xoolaga ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wariye ka howl-galayay webseedka ciyaaraha Maanta lagu gowracay ama ay ku qaleen xaafadaas.
Wariyahaan/Qoraaga oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Maxamed Cali ayaa ka tirsanaa Bahda wararka ciyaaraha ku qora webka ciyaaaraha maanta oo kamid ah shabakadaha ka hadla ciyaaraha.
Xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Hurwaa ama Hiliwaa ayaa waxaa wali ku sugan haraadiga kooxda Argagixisada AL Shabab iyadoo falalka Gowraca ama in qofka la qalo ay caan ku tahay kooxda AL Shabab kuwaas oo si arxan darro ah dadka u laaya.
Falkaan gowraca ah ee loo gaystay Marxuum C/raxmaan Maxamed Cali ayaa ka dhigaysa wariyihii 5-aad ee todobaad gudahis ay kooxda AL Shabab disho waxaana kooxdaas ay dilalka gaysanaysaa kadib markiii ay ku fashilantay inay bulshada caburiso.
Webseedka uu u shaqeenayay oo aan ka warhayn cidda dishay ayaa iyagoo ka tacsiyadeenaya ay sidan boggooda kusoo qoreen.
Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo Ka Tirsanaa Bahda CiyaarahaMaanta oo Goor Dhaweyd Muqdisho lagu dilay
Allaah unaxariistee waxaa goor dhaweyd gudaha magaalda  Muqdisho lagu dilay ama lagu gowracay Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo ka tirsanaa suxufiyiinta ka howl gasha gudaha magaalada muqdisho .
Wariye Cabdiraxmaan waxaa uu kamid ahaa suxufiyiinta shabakada Ciyaarayamaanta wax ka qorta isla markaana ahaa madaxda shabakada ciyaaarahamaanta.com
Allah unaxariistee waxaa eheladiisa ay goor dhawd na soo gaarsiiyeen in lagu gow racay xaafada suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho mar uu soo booqanayay eheladiisa oo mar hore ugu dambeysay.
Hadaanu nahay maamulka iyo shaqalaha shabakada ciyaarahamaanta waxaa tacsi tiiraanyo leh udireynaa qoyskii iyo qarabadii uu ka baxay Marxuum Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo kamid ah ahaa howl wadeenada shabakada ciyaarahamaanta.
Hadaba maamulaha shabakada ciyaarahamaanta Wariye Xasan Xaaji Cabdullaahi Xasan Baroon waxaa uu ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Wariyahoodii Cabdiraxmaan Maxamed Cali .
Ma cadda ilaa iyo hada dadkii ka dambeeyay dilka Wariyaha shabakada ciyaarahamaanta Cabdiraxmaan Maxamed Cali

Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu Sidaan iigu galaa Miyuu Bini’aadam aheyn “Qeybtii 8-aad”

$
0
0

Dhanka wiilka dirdiraala ah cabsi iyo shook ayaan ka qaaday, ifka isaga ayaan nacay, aragtidiisa waxaan ka qaadaa caro iyo xanaaq, xitaa ma tago meelaha uu ku suganyahay, dagaalkeena ma dhamaado, xafiltan keeno ma dhamaado, waa nin ila jecel qofta aan jeclahay, marmarka qaar ayaan ku fikiraa amee gabadha ka heshaa isaga, walwal iyo walbahaar socdo ayaa noqday, waxaan go’aan saday in aan wiilka utago aan raali galiyo oo aan ku iraahdo nabad iyo maslaxa diyaar u ahay fadlan ii dhaaf gabadha, dadka qaar markii aad udan sheegato waxayba iska dhigaan boqoro, way ismahdiyaan, wuxuuna igu war galiyay in uu naga dhaxeeyo loolan aan iska daayo jil jileeca.
Xaafadii aan dagneen ee Buula Xuubeey waan ka guurnay, waxaan u guurnay degmada Xamar Wayne, wadada Via Roma agagaarka ajabka ayaan dagnay, dhalinyaradii i caawin jirtay waan ka soo guuray, qalbigeyga waa mid jecel xaafada Buula Xuubeey, dhalinyarada xamar wayne wali mala qabsan, maalin ayaan wacay gabadhii aan jeclaaday waxaan islahaa ku dheh waan guuray, balse waxaan kala soo kulmay daadis, waa yeelkadaa hadii aad guurtay maxaa iga galay ayee igu tiri, dadka guuray ma xisaabiyo kadibna teleefoonka isi saartay, naf wax jecel dhib badanaa kama baxdo rafaadka iyo silica.
 
Mudo dhan waxaan sameeyo ayaan garan waayay, iyo sidii aan ku heli lahaa markale, naf caashaq haya kama harsato fikir, marba maskaxdeyda waxay soo qabataa fikir, waxaan noqday maqane jooge, fikir waxaa igu dhashtay in aan dhigto schoolka ay iyada dhigato, Shcoolka ay dhigato wuxuu ahaa Usaama ee xaafada taleex agagaarka carwada Muqdisho, aniga ma aheen mid waxbarashada jecel, waxaan ahaa saaqid mar hore diiday waxbarashada, waxaan go’aan saday in aan schoolka ay dhigato aan anigane galo, waxaa la igu xiray shuruud in aan heesto shahaado dugsi dhexe ama aan imtixaan galo, aqoon malihi imtixaan hadii aan galo waan hubaa in aan ku dhacayo, maalinkii balanta imtixaanka ayaan wiil aan is naqaano isagane wax barto ayaan ku iri iigal imtixaanka, magaceyga iigu qor warqada imtixaanka, waayo ma dareemayaan qofka galay imtixaanka, taa waxaa usii dheer schoolaadka magaalada Muqdisho muhiimada 1aad ayaa ah u ah lacag, imtixaanaadkii ayaa la qaaday, waxaan noqday ardayda safka hore ka galay kaalimaha hore, farxad ayaa iga badatay, buukaag iyo qalin iyo dharkii schoolka ayaan soo iibsaday, waxaan noqday arday.
Nasiib daro gabadhii waxay noqotay galableey,  anigane subaxleey, aniga dugsiga sare ayaa la ii qaatay halka iyadane ay wali katahay dugsiga dhexe, qof ma ihi nidmaayada waxbarasho la soco, waan ogaa in ay iyada dhigato shoolka, laakiin in ay dugsi dhexe tahay lama socon, maamulka schoolka ayaan warqad u qortay uga codsanaya in galab la ii badalo, maamulayaasha schoolka oo kala ahaa Daqare iyo Suudaane waxay igu war galiyeen natiijada aan ka keenay imtixaanka in ay u qalmato dugsi sare, aan ka garaad waynahay dugsiga dhexe, aysan macquul aheen in aan dib isku celsh, jaha wareer ayaan galay, waxaan noqday in aan albaabka schoolka ku sugto ilaa duhurkii, xitaa hadii ay ardayda subixii baxaan, waxaan sugtaa in aan arko iyada, aragtideeda ayaan u oomanahay, maalinkii 1aad dadka ayaan ka dhex garan waayay, waayo waxay soo qaadatay indho shareer, waan ka dhex garan waayay gabdhaha, waxaa jiro gabdho markii ay schoola soo aadayaan in ay hore usoo qaataan indho shareer markii ay xaafadaha dhex joogaan aan qaadan indho shareer, aniga kuma fikireen in ay iyada soo qaadan doonto indho shareer, galabkii waxaan uqaatay in ay baaqatay aysan soo xaadirin waxbarashada.
Maalinkii 2aad ee waxbarashada ayaan duhurkii waxaan bilaabay gabar kasta in aan dhaho magaranee gabar sidaa iyo sidaa lagu magacaabo, dadkii aan waydiinayay waxaa ka mid ahaa gabadhii aan jeclaa, waxayna igu tiri waxaan filaa gabar magacaas sidata in ay dhigan schoolka, maadaama gabadhaha dhan aan wada garanayo, gabdhaha qaar markii aad waydiiso waxay ku moodaan in aad dooneeso la qabsi, dadka qaar ayee wali ku dmabeesaa bini aadam nimada iyo saacidaada gabar ayaa i caawisay itustay fasalka ay dhigto iyo in ay indho shareer wadato, gabadhii ayaan warqad ugu qoray waxayna aheed sidata:
Sidaan kuu bartay hurdo Kama bogtoo adaan kuu bukaayoo ma ii soo bixi kartaa?
Jirkee i damqanayee beerka iyo wadnaha i ololayee ma ii soo bixi kartaa?
Naf ku jecel lama silciyee qalad la is kama galee ma ii soo bixi kartaaa?
Berigaynu joogno iyo buuraha korkoodaba kaa baadi gooboo ma ii soo bixi kartaa?
Kuleelka quraxdo banaanka schoolka baan taaganahay ma ii soo bixi kartaa?
Warqadii ayaa loo geeyay, markii ay aqrisay way jeex jeexday,anigana waxaan ahaa nin banaanka ku sugta iyada, ma dhararo sugashadeeda dulqaad ayaan uleeyahay, marmarka qaar waxaan is dhahaa macalinka ayee ka cabsatay, marna waxaan is dhahaa xisada ay ku jirto waa xisdo adag iska suga, sidii aan sugayay waxaa dhacay gambaleelka maamulaha iskuulka wuxuu galabkii Siicow, ardaydii ayaa soo wada yaacay, ma aanan la kulmin galabkaa, meel ay kabaxday ayaan garan waayay, naf wax jecel iyada quusasho ka dheer, maalinkii 3aad ayaan hadane warqad kale u qoray ugana dhiibay isla gabadhii waxayna u qorneed sidatan:
Waxaan ahay ruux bad qaba  Hadana buka oo ladneyn
Waxaan ahay ruux  aan  bogsan Habeenkii aan badin hurdada
Waxaan ahay beer wax jacel Intuu adiga ku gaclooday
Barashadaadi bahalyooga caashaqa waan mid aan la ildaranahay
Naftaydaan biimiyoo U nugul balada caashaqa
nacasnimo iga ma ahan warqdaha aan iska soo daba dirayo
Adaa lahashada ibaday, wadnaha baxsaneey adigaa hantiyay
Waxbarasho in aan ugalo Usaama adigaa ibaday
markii ay heshay fariinta, banaanka ayee usoo baxday, gacanta ayee iga qabatay iyada oo xanaaqsan, waxaan isla tagnay daarada hore ee schoolka ………. 
la soco qeybta 9aaaad talaada kasta
W/Q : Daalac Daahir Shoot
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com

RAALI GELIN KU SOCOTA Akhristayaasha Balcad.com.

$
0
0

Waxaan ka cudur daaraneeynaa saacadihii aan hawada ka maqneeyn anagoo xalineeynay cilad dhanka Server-ka webka taas oo aheyd Booqashada Akhristayaasheena oo aad u batay awgeed.
Waxaa haatan Shabakada Balcad.com loo raray Server ka weyn kii hore anagoo kan xitaa si KMG ah u sii dagnaaneeyno ilaa aan Server weyn oo xamili karo Booqashada Aqristayaasheena naloo sameeynooyo.
Waxaan u Mahadcelineeynaa Dhamaan Saaxibada Email-lada inoo soo diray ee ka xumaa in webka uu hawada ka baxo waxaana u mahad celineeynaa dhamaan Aqristayaasha mar walba Shabakada Balcad.com la socda oo sida joogatda ah inoo soo booqoqda.
MAHADSANIDIIN.
MAAMULKA BALCAD.COM

Suuqa Caalamka ugu Qatarsan & Dad ka Ganacsanaya Nolal Iyo Geeri. “Daawo Video La Yaab Leh”

$
0
0

Suuqa Aduunka ugu Qatarsan oo ku yaalo Wadanka Tailand ayaa waxaa dhex mara bartamaha Suuqa Tariinka dadweynaha ay raacaan waxaana dhinacyada Tariinka ku ganacsanaya Dadweyne.
Suuqaan ayaa ah suuqa Caalamka ugu qatarsan waxuuna ku yaalo goob ay maraan Tariimada waxaana ku dhinac yaalo Goobo Ganacsi waxaana aad loola yaabayaa sida Suuqa looga ganacsanaya iyo Qaabka ay u kala gooshayaan Tariimada.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO:

Barn. Ammuuraha Islaamka: Xaaladda Murugsan ee Suuriya

$
0
0

Barnaamijka Ammuuraha Islaamka ee toddobaadkan waxan kusoo qaadanaynaa wixii ay hogaamiyeyaasha caalamka, gaar ahaan kuwa gobolku, ka yiraahdeen Arrinta Suuriya.

Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo oo sii xumaaneysa

$
0
0

Wararka aanu ka heleyno Magaalada Galkacyo waxaa ay tilmaamayaan in Magaaladaasi Maalmahanba ay sii xumaaneyso Xaaladeeda ammaan oo ay kusoo Badanayaan Falallka Liddiga ku ah Ammaanka.
Guddoomiyeku xigeenka gobolka mudug ee maamulka puntland Axmed Muuse Nuur ayaa waxaa uu sheegay in Magalada Gaalkacyo Ammaankeeda uu maalmahan fara ka sii baxayo.
Waxaa uu tilmaamay in Magaalada ay kusoo bateen Ragga Hubka Ku dhexwata  isagoo sheegay in raggani ay isugu jiraan kuwo xiran Dareeska Ciidanka iyo kuwo iyana aanan wadan Dareeska waxaana u tilmaamay in aanu Garaneyn Raggaasi Hubka ku dhexwata Magaalada halka ay ka tirsan yihiin .
Waxaa uu sheegay in Magaalada mar marka qaar ay Raggani ka geystaan Dhac iyo Dil ay  sida uu shaaciyay waxaana uu soo hadal qaaday in ay Xilliyada qaar ay xitaan Wadooyinka Magaalada.
Axmed Muuse Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug ee Puntland waxa uu sheegay in ay haatan ay ka Adkaatay Sharci datada sida uu tilmaamay .
Magaalada Gaalkacyo waxaa Maalmahanba k soconayay Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada


Xuska Maalinta Dhallaanka Dheddigga ah

$
0
0

Maanta waxaa caalamku isku baraarujinayaa joojinta guurka khasabka ama degdegga ah ee dhallaanka dheddigga ah ay la kulmaan.

DAAWO VIDEO: Qeylo Dhaan ka dhan ah Abdi Jiinoow & Gumaadka uu ku hayo Dadka reer Balcad.

$
0
0

Aqoonyahano ka soo jeeda Dagmada Balcad ee Gobolka Shabelada Dhexe ayaa Cambaareeyay Falka Qalafsan ee uu ku hayo Gudoomiyaha Gobolka Shabelada Dhexe Dagmada Balcad halkaasi uu ka fulinayo arin aad looga wada xumaaday.
Odayaashaan iyo Aqoonyahanadaan ka soo jeedo Deegaanka Balcad oo Kulan Deg Deg ah ku yeeshay Magaalada London ayaa aad uga xumaaday Falka uu ku kacayo Gudoomiye Abdi Jiinoow oo ka wada Gumaad aan gambasho laheyn Degmada Baclad.
Gudoomiye Abdi Jiinow waxuu adeegsanayaan dad aan u dhalan deegaanadaasi waxaana iska cad in ay xoog ku heestaan Shacabka Degmada Balcad iyo Ganacsatada ayagoo ka qaadaya Canshuur Waali ah oo aan la aqoon halka la geeyo.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO CAMBAAREEYNTA KA DHANKA AH GUDOOMIYE ABDI JIINOOW:

Mahamed Cabdulle
Balcad Media
London Uk.

Halkey Marayaan howlaha gargaarka Degmada Beledweyne Fatahaadii ka dhacday

$
0
0

Waxaa meel wanaagsan maraya howlaha gargaarka lagu gaarsiinayo Shacabka waxyeelada kasoo gaartay fatahaada Wabiga Shabelle uu ka geystay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Sii hayaha Xilka wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Xukuumadii Gaas C/laahi Goodax Bare ahna gudoomiyaha Gudiga loo xilsaaray fatahaada wabiga Shabele ee beledweyne ayaa sheegay inay wadaan qorshihii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay gargaar ku gaarsiiyaan Beledweyne.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in qorshahooda ugu weyn inuu yahay sidii dadkii ka barakacay magaalada Dib loogu soo celin lahaa ,isagoo xusay inay la wadaan hayado badan.
Gargaarka la gaarsiinayo Shacabka Beledweyne waxaa qeyb ka ah raashiin horay ay usoo dhiibeen dowladaha Turkiga ,Iran,Iraq iyo Sacuudiga oo ay heysay Dowlada Soomaaliya.
Dhawaan C/laahi Goodax ayaa sheegay in gargaarkaasi la marsiin doono dhanka dhulka wax dhib ahna aan lagala kulmeynin Alshabaab sida uu hadalka u dhigay ka dib shirjaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay gudoomiyaha Gudiga loo xilsaaray Fatahaadaha wabiga Shabeelle ee Beledweyne inay daawooyin iyo raashiin badan gaarsiinayana shacabka magaalada Beledweyne.
 

Dad looga shakiyay Alshabaab oo lagu xiray dal aan Soomaaliya aheyn iyo tiradooda oo badan

$
0
0

Inta laga warqabo ku dhawad 7 ruux oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Alqaacida gaar ahaan dagaalyahanada Alshabaab ee ka dagaalamaya dalka Soomaaliya ayaa waxaa xeray Police-ka wadanka Belgium.
Dhamaan dadkaan ayaa la sheegay in shakiga ugu weyn ee laga qabo inuu yahay inay ka barbar dagaalameen ururka Alshabaab ee ku sugan Soomaaliya.
Dadkaan la xiray ayaa la sheegay in 6 Kamid ah ay u dhasheen wadanka Marocco halka qofka kalena uu u dhashay Wadanka Belgium, waxaana laga soo qabtay Magaalada Brussels oo maalmahaanba ay Baaritaano ka socdeen.
Wararka ayaa sheegaya in dhamaan dadkaana y doonayeen inay usoo duulaan dalka Soomaaliya si ay ugu bar bar dagaalamaan Alshabaab.
Masuul ka tirsan Dowlada Bulgium ayaa sheegay in dadkaasi ay ku socdaan baaritaano iyo su’aalo la weydiinayo oo ku salaysan shakiga laga qabo haddii ay ku cadaatana maxkamad la saari dooni,waxaana sidoo kale afhayeenka dowlada uu sheegay inay baarayaan eedeymaha loo heysto.
Laamaha Sirdoonka wadamada Yurub ayaa horey u sheegay in ay marar badan Heleen in Dhalinyaro ka tagtay Wadamadaasi ay Dagaalada Soomaaliya ka qeyb qaataan.

Kibaki oo sheegay in amaanka Jubbooyinka uu faraha ka baxayo haddii aan …..!!!

$
0
0

Dowladda kenya ayaa waxa ay sheegtay in waqtiga ay la sii shaqeyn karto AMISOM uu yahay mid gabo gabo ku sii dhaw oo ku eg 31 bishan ,waxana ay ka digtay haddii aan loo kordhin mandateka ay kaga sii mid ahaaneyso AMISOM waxa ka dhalan kara.
Madaxa guud ee ciidamada difaaca dalka kenya Julius Karangi oo warbaahinta nairobi kula hadlay waxa uu sheegay in howlgalka kenya ee ku aadan nabad ka dhalinta dalka somali uu yahay in bisgan ku eg , wixii bishan ka dambeeyana uu isku badalayo mid kenya ay ku ilaashaneyso amaanka dalkeeda oo aysan qeyb ka noqon doonin dagaalada ka dhanka ah Al shabab oo AMISOM ay wado.
“Hadii aan naloo kordhin waqtiga aan kasii mid ahaan karno AMISOM , waxaaa suurto gal ah in faraha uu ka baxo amaanka deegaano ku yaala jubbooyinka oo ciidamadeenu ay gacanta ku dhigeen” ayuu yiri madaxa guud ee ciidamada difaaca dalka kenya Julius Karangi.
Ciidamada kenya ayuu sheegay tan iyo markii ay soo galeen somalia oo ay qeyb ka noqdeen howlgalka AMISOM inay soo hoyeen guullo wax ku ool ah oo xarakada al shabab ay ka saareen magaalooyin istaraatiiji ah oo magaalada kismayo ay kamid tahay.
Julius Karangi ayaa waxa uu yiri “ciidamadeenu waxa ay qabsadeen 200,000 oo KM labo jibbaaran oo al shabab somalia ay ka maamulayeen , waxa ay cunno , daawo iyo gaalmo bini’aadinimo ay siiyeen qoysas soomaali ah oo ku dhibaateysan gobollada jubbooyinka sidaa darteed waxaa hagad uu ku imaandoonaa howlgalkeenii somalia haddii aan naloo kordhin mudada AMISOM aan ka sii mid ahaan karno.”
Dowladda kenya ayaa AMISOM waxaauga mid ah ciidamo tiradoodu ay gaareyso 4,000 oo askari kuwaas oo dalka somalia soo galay bishii October ee sanadkii hore , waxana haddi aan loo kordhin mandatekooda ay noqonayaan kuwo ku laabta dalkooda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live