Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo wax badan ka digay +Dhagayso Codkiisa.

$
0
0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ee Dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo badan oo ka taagan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xildhibaanka ayaa sheegay in deegaanada Shabeelaha Hoose in laga wado musuqmaasuq ku aadan qaabka la doonayo in loo maamulo Degmooyinka Shabeelaha Hoose.
Waxaa uu cadeeyay inay dhibaato ka wadaan beelo aan u dhalan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose  kuwaasi oo doonayo inay la wareegaan degmooyinka badan oo dhawaan laga saaray Alshabaab.
Xildhibaanka ayaa sheegay inaysan  habooneyn in xiligan oo la doonayo in la ga gudbo ku dhaqanka Qabiilka in dib loosoo nooleeyo islamarkaana dad aan u dhalan Shabeelaha Hoose inay dhibaato bilaabaan.
HALKAAN KA DHAGAYSO CODKA XILDHIBAANKA OO ARIMAHAASI KA HADALAYA


VOA oo Wareysi Gaar ah la Yeelatay RW Saacid

$
0
0

Idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa wareysi gaar ah la yeelatay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Ra'iisal Wasaaruhu waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin barnaamijkiisa siyaasadeed iyo sidii uu wax uga qabaan lahaa ammaanka dalka, isaga oo sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed ay xalinta arrinta ammniga gundhig u noqon doonaan.

Wareysiga oo dhan hoosta ka dhageyso.

Xaalada Buurhaka + Hanjabaadka Maamulka Dowlada+ Alshabaab oo ka …..!!!

$
0
0

Wararka ka imaanaya Degmada Burhakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada  ay halkaasi kaabiga ku hayaan islamarkaana ay u jiraan ku dhawaad sideed Kiilomitir.
Ciidamadaan ayaa ka  dhaqaaqay garoonka Bali doogle oo dhawaan ay qabsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya.
Sidoo kale ciidamada la doonayo inay qabtaan Degmada Buurhakaba ayaa waxay kasoo dhaqaaqen Degmada baydhabo ee Gobolka Baay iyadoo soo maray dhanka deegaanka Daynuunay.
Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay Cali Cabdi “Cali garuun” oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maanta ay qorsheynayaan inay galaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay in ciidamada dowlada ay diyaar uyihiin qabsashada Degmada Buurhakaba oo ay isaga baxeen Alshabaabkii ku sugnaa halkaasi.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Cali garuun inaysan dooneynin inay ku dagaalamaan bartamaha Degmada laakiin haddii ay suurto noqotana ay ku dagaalamayaan.
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay inay adkeyn doonaan amaanka haddii ay la wareegaan Degmada Buurhakaba.

Sarkaal ka tirsanaa Nabad Sugidda oo lagu dilay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Kooxo ku hubaysnaa ayaa xalay degmada Wardhiiglay ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya. 
Kooxaha oo ay u duubnaayeen wajiyada ayaa la sheegay in Sarkaalka ay ku toogteen Xaafadda Xamar-jadiid degmada Wardhiiglay, iyagoo dhowr Xabadood la dhacay Sarkaalka islamarkaana meesha isaga baxsaday sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deegaanka ah. 
Dilka kaddib ayaa goobta waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay baaritaanno, waxaana la sheegay inay soo qab qabteen dhalinyaro badan oo ku sugnaa gudaha Xaafaddaasi. 
Macadda cidda ka dambeysa dilka iyo sababta loo dilay Sarkaalkaasi, wallow dilkaani uu qeyb ka yahay kuwa Saraakiisha Ciidamada Dowladda lagula eegto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Afgooye oo aan la haynin goob lagu xero dadka lasoo qabqabto +Dhagayso.

$
0
0

Taliska Saldhiga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa warbixiyay xaalada amaan ee Degmadaasi Afgooye.
Ibraahim Diini Taliyaha nabadgalyada Degmada Afgooye oo saxaafada kula hadlay xarunta degmada ayaa sheegay adkeeyeen amaanka Degmada islamarkaana ay sameeyeen baaritaano dheeri ah.
Waxaa uu sheegay inay dhibaato ka taagan tahay inaysan heysan goob lagu xero dhamaan dhalinyarada loosoo qabqabto falalka amni darada ah sida uu sheegay.
Wuxuu ugu baaqay hayadaha dowlada inay dhisaan saldhiga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
HALKAAN KA DHAGAYSO IBRAAHIM DIINI CODKIISA

Ciidamadda Shisheeye oo gacanta ku dhigay rag ka tirsan kooxaha burcad badeeda ee Soomaalida

$
0
0

Ciidamadda Shisheeye ee Nato ee Xeebaha Somaliya ku sugan ayaa waxay shaaca ka qaadeen iney qabteen kooxo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin burcadbadeeda Soomalida,kuwaaso doonayay in afduub ay geestaan.
war ka soo baxay xarunta Midowga Yurub ee Brusalis ayaa lagu sheegay in kooxaha burcadbadeeda ee gacanta lagu dhigay ay gaarayaan ilaa iyo 7qof kuwaasi oo watay doonyo dheereeya iyo hubub aad u fara badan.
markabka dagaalka ee la yiraahdo ITS San Giusto oo ka mid ah maraakiibta ilaalada ka haya xeebaha soomaaliya ayaa kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ka qabtay,meel qiyaastii 300 Mile dhanka bari ka xigta Jaziirada Soqodra ee dowlada yemen Maamusho.
mid ka mid ah sarkaalka hogaamiyanaya ciidamada bada ee kooxahan burcad badeeda gacanta ku soo dhigay ayaa saxaafada u sheegay in howlgalka ay qeyb ka ahaayeen labo diyaaradood oo nuuca helicaptriska ah,waxa uuna intaasi raaciyay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay doonayeen in ay afduub u geystaan markab shixnad shidaal ah siday.
afduubka burcad badeeda Soomaalida ee xeebaha Soomaaliya ay ka geystaan iyo goobaha ka fog fog ayaa maalmahii danbe waxa la sheegay in ay sii kordheen walow sanadkii la soo dhaafay Midowga Yurub uu sheegay in hoos u dhaceen weerarada ay qaadayeen burcad badeeda Soomaalida.

Dagaal kale oo khasaaro geystay oo ka dhacay Degmada Hobyo

$
0
0

Dagaalo khasaaro geystay ayaa wuxuu maanta ka dhacay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, mana jirto cid ka hadashay.
Inta la ogyahay sadex qof oo ragii dagaalamay ahaa ayaa ku geeriyooday halka dhaawacana uu intaan ka badan yahay kuwaas oo la gaarsiiyay Isbitaalada kuyaal Magaalada Hobyo.
Iska hor imaadkan ayaa waxa uu ka danbeeyay sida dadka deegaanka ay ku waramayaan ka dib markii lacago madax furashoo ah oo ay ka qaateen markab ay horay u afduubteen kooxahan. Ay isku qilaafeen kadibna uu sidaas ku dhex maray iskahor imaadkaan.
Dhowr mar ayaa degmada Hobyo waxaa ka dhacay iskahor imaadyo nuucaan oo kale ah iyadoo magaaladaasina ay ka mid tahay goobaha burcad badeeda Soomaalida ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin.
Shalay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaad kala taabacsan Maamulada Galmudgug iyo Ximan iyo xeeb Dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Raga Bidaarta leh oo lasoo Ogaaday in ay ka saameyn badan yahiin kuwa Timaha Qaba lagana Jecelyahay

$
0
0

Daraasad dhawaan laga soo saaray Dalka Mareykanka ayaa lagu ogaaday in Ragga Bidaarta leh ay ka saameeyn badan yihiin kuwa timaha qaba Ee aan Bidaarta lahayn.
Daraasaddan ayaa lagu Daabacay Majaladda lagu magacaabo Time Ee ka sobaxda Mareykanka ayaa looga hadlay farqiga u dhexeeya ragga bidaarta leh iyo kuwa timaha qiimeeya Ee ka dambeeya.
Ragga xiira timaha ayaa ka muuqal wanaagsan kuwa timaha leh ,waxaana ka muqanaya raggasi Bidaarta leh ama xiira raganimo iyo astaamo kale oo muujinaya in ay ka saameeyn badan yihiin ragga kale.
Daraasadda ayaa sheegaysa in ragga bidaarta leh xitaa ay ka fursado helid ogyihiin kuwa kale oo aan bidaarta lahayn ,waxaana la’ogaaday in doorka hogaaminta ragga bidarta leh ay ku wacan yihiin isla marakaana ay ka guuleestaan inta badan Ragggaasi bidaartu ay boobtay.
Ugu dambeyntii baarayaasha sameeyay daraasaddan ayaa kula talinaya ragga ka cabanaya timaha oo ka’gurma in aysan waxba isku mashquulin xannaaneeynta timaha hayeeshee sakiinta ay ku boobaan oo gabi ahaanba iska xiraan.

Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada


 


Daawo Sawirada:Nin Wajigiisa Hilbo Qariyeen oo kabaqaya in loo Dhalo Cunug isaga u eg

$
0
0

Maxamed Ladiif Waa Nin 32-Sano jir ah oo ku nool Gobalka Kashmiir ee Dalka India, Ninkan ayaa dhashay asigoo wajigiisa ay ku yaalan wax yar oo hilbo ah oo aan u ekayn sida uu maanta u muuqdo.
Hilbaha saran Wajiga Ladiif ayaa noqday kuwa ku sii weynaaday oo uu daboolay dhamaan wajigiisa oo idil ilaa uu gaaro in uu wax arki waayo oo uu aragii ka qariyaan hilbaha wajigiisa ku yaala.
Ninkaan ayaa yaraantiisa caruurtu aysan la ciyaari jirin oo ay kabaqi jireen ayaa markii uu weynaaday waxaa uu waayay shaqo uu ku debero noloshiisa maadaama uusan ahayn nin muuqaalkiisu uu caadi yahay dadkuna ay aad uga baqayaan.
Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in Maxamed Ladiif ay u suurta geli weyday in uu guursado Gabar oo ay dumarkiiba ay cabsoodaan ninkaan oo wajigiisa uu ku daboolan yahay hilbo oo aan muuqaalkiisu uusan ahayn mid caadi ah.
Balse dalaal waalidiintiisu u galeen ayaa ugu danbayn waxaa loo helay oo uu guursaday haweenay jiis ah oo lug ka go`an taas oo sababtay in ay Hada ka welwel ka qabaan labadoodu in uu cunug ku jira caloosha haweenayda ninka uu qabo ninkaani ay dhasho cunug u muuqaal eg .
Ilaah Subxaanahu Watacaalaa ayaa Dhamaan abuuray waxa noolo oo dhan iyo waxa aan nooleyn qof walibana u sameeyay muuqaal qurux badan waxaan in badan oo aadanaha ay ilaawsanyihiin in ilaah ku shukriyaan quruxda uusiiyay una dhameestiray lixdooda lixaad hlak kuwa asaagood ah aysan heysan quruxdaasi lixaadkooduna uusan dhameyn.

Maxamed C/qadir Cali (Jacfar Yare)

Macalin Iskool oo Gabar aad u yar Masaafeestay oo gacanta lagu soo dhigay Dibna loogu Celinayo Dalkiisa

$
0
0

Maxkamad ku taala dalka Faransiiska ayaa ogalaatay in macalinka udhashay Dalka Ingiriiska oo lagu Magacaabo Jeremi Forest dib loogu celiyo dalkiisa kadib markii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Faransiiska.
Macalinka Jermi Forest ayaa kala soo cararay dalka Ingiriiska gabar 15jir ah oo kamid ahayd ardaydii uu wax u dhigaayay taasoo lagu magacaawo Mgan Stammers waxaana suurtagal ah in Jerimi Forest uu la kulma dacwaddo la xariiro in uu afduub kula kacay gabar aan qaan gaarin
Macalin Jerimi Forest oo 30- jir ah ayaa labaatan kii bishii Septenbar ee la soo dhaafay masaafo la aaday Megan Stammers oo 15jir ah isagoo u kaxaystay dhanka faransiiska oo hada laga soo qabtay .
Dowladda Britan ayaa dacwad u gudbisay Faransiiska si loo soo gacan geliyo macalinka Reer England ee la la soo baxsaday gabar ciyaal iskuulka ah misan aaan qaan gaarin oo caruur aheed.
Warbaahinta dalka Britan oo si aad ah ugu hadashay arinta sheegtay in gacanta lagu soo dhigay macalinka Afduubka geestay , waxayna sheegeen in qoysaska lamaanayaasha is masaafaystay ay ka codsadeen macalin Jermis Forest iyo gabadha uu calmaday ee Megan Stemers in ay si iskooda ah isu soo dhiibaan .
Gabadha ardayada ah Megan Stemars ayaa loo soo duuliyay dalka Ingiriiska, iyadoona Macalinkii afduubtay uu ka danbeynayo ogolaadayna inin dib loogu celiyo Dalkiisa Biritin si ay su`aalo uweydiiyaan garsoorka Ingiriiska..
Daniel Lalane oo qareen u ah macalin Jerimi Forest in ninka uu udoodayo uu diiday in uu ka hadlaa sida ay wax u dhaceen.
Garyaqaan kale oo lagu magacaabo Filip Smith ayaa waxaa uu sheegay in ay suuragal tahay in macalinaasi muto Xabsi gaaraya Sadax sanadood .
Ninkaan macalinka aha ayaa waxaa uu gabadha ula soo baxsaday isaga oo ka war qabay in sharciga Faransiiska uu qabo in lala aqal gali karo Gabadha hadii ay gaarto 15 sano sidaasina uu dalkaasi faransa ugula baxsaday gabadhaasi.
Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada

UEFA oo ganaax dul dhigtay Tababare fudeed badan oo Far ku caaytamay (Daawo Muuqaal ahaan waa kuma Macalinkaan) !

$
0
0

Xiriirka Kubada cagta ee UEFA ayaa Ganaax adag dul dhigay Tababaraha kooxda heeysata horyaalka dalka Faransiiska ee Montpellier Macalin Rene Girard .Macalinkaan ayaa la ganaaxay hal kulan oo ka tirsan koobka Uefa Champions League iyo Lacag gaareeysa 5.000 oo Euro.
Macalin Rene Girard waxaa lagu heeystaa wuxuu Farta si caay ah ugu taagay macalinka reer Holland Mr.Huub Stevens oo wata kooxda reer Germany ee Fc Schalke .
Tababarahaan caaytamay ayaa waxaa kooxdiisa laga mabnuucay kulanka koobka Champions League ee dhex maraya kooxaha Montpellier Vs Olympiakos oo ka socota horyaalka dalka Giriiga.

http://youtu.be/aFy6zSHIJvg

Somaliland oo qaadeysa tallaabo la mid ah tii Puntland. (Maxay sameyn?)

$
0
0

Somaliland ayaa qaadeysa tallaabo la mid ah tii Puntland, ayada oo shidaal ka baareysa deegaano hoos taga maamulkaasi.

Genel Energy iyo shirkado kale oo caalami ah ayaa isku diyaaranaya sidii ay uga howlgelin lahaayeen sahanka shidaalka gudaha Somaliland, horumar ay masuuliyiintu ku rajo wayn yihiin in barwaaqo iyo shaqo abuur ay u keento aagga.
Bilowgii Diseembar, Genel Energy ayaa bilaabaysa in ay masawirada cirka ka qaado aagga Togdheer iyagoo baadhaya kayd shidaal, sida ay sheegtay Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.
“Baarista hawada waxaa raaci doona hawsha baadhitaanka shidaalka,” ayuu Ducaale yidhi Oktoobar 3-deedii mar uu soo dhowaynayay wafdi ka socda Genel Energy, oo uu fadhigoodu yahay Turkiga.
Shirkaddu waxay isticmaali doontaa qalabka dhulka ka gariiriya kaddibna waxay qodi doonaan ceelal, ayuu yidhi. “Tani waxay noqon doonta markii u horraysay ee dalka laga qodo shidaal muddo 20 sano ah.”
Ducaale ayaa sheegay in Genel Energy ay heshiis wada shaqayn la gaadheen shirkadda Saliida Asante oo uu fadhigeedu yahay Ingiriiska, kuwaasoo wasaaradda horay ula lahaa heshiis lagu baadho shidaalka.
“Kaalinta Genel Energy ay kaga jirto hawshan waxay noqonaysaa 70%, waxaana aan ku faraxsannahay inay howshan ka bilaabi doonaan Somaliland…Waxaan rajaynaynaa in shidaal laga heli doono dalkeena si aan u barwaaqowno,” ayuu yidhi.
Wafdiga ayaa booqday Burco, magaala madaxda gobolka Togdheer, Oktoobar 4-teedii si ay u qiimeeyaan xaaladda ammaan oo loo eegayo xafiis ay mustaqbalka ku yeelan doonaan halkaas Genel Energy.
Shirkadda laga leeyahay Australia ee Jacka Resources, Ltd. ayaa iyana la shaqayn doonta Petrosoma, Ltd., oo fadhigeedu uu yahay Boqortooyada Ingiriiska, si ay u bliaabaan sahanka hawada dhamaadka Oktoobar iyagoo sawiri doona 10,000 oo mayl oo wareeg ah, siduu sheegay masuulka warbaahinta Petrosoma ee xafiiskooda Hargeysa Maxamed Cilmi Cabdalle.
Cabdalle wuxuu sheegay  in ay u gudbi doonaan sahanka dhulka Janaayo, iyadoo wajiga hore ee mashruucu uu ku kici doono $10 milyan.
Siciid Maxamed Cilmi, guddoomiyaha guddi-hoosaadka Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Baarlamaanka, ayaa u sheegay Warbaahinta in xeerka Somaliland ee baadhista shidaalka loo gudbinayo baarlamanka Diseembar.
Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha waxay heshiis la gashay dhowrkii sano oo la soo dhaafay afar shirkadood oo ajnabi ah oo ka shaqeeya dhanka macdanta iyo shidaalka, siduu Cilmi sheegay, intaas wuxuu ku daray in dastuurku uu qorayo in baarlamaanku uu ogolaado mashruucyada noocan oo kale ah, balse wasaaraddu uma u gudbin mana ansixin.
“Haddii sharcigii lagu maamuli lahaa shidaalka aan wali la sameyn, ma fiicna in heshiis lala galo shirkadaha sahanka, baadhitaanka ama qoditaanka sameeya… Ilaa inta baarlamaanku uu ka ansixinayo, heshiisyadaan waa sharci darro,” ayuu yidhi. “Wasaaraddu way ka madax adeygtay in ay sii gudbiso heshiisyadaas.”
Fursado shaqooyin lagu sameeyo
Cabdiraxman Aadan Aar, oo dhaqaalaha ka dhiga Machadka Shaqaada Howlaha Bulshada ee Hargeysa ayaa sheegay in la rajeynayo soo saarida shidaalka in ay caawiso in ay yarayso heerka Shaqo la’aanta ka jirta Somaliland.
“Waxay hormarineysaa dhaqaalaha waddanka waxayna u abuureysaa shaqooyin dhalinyarada,” ayuu yidhi. “Taa soo iyana keeneysa in ay kor u kacdo heerka nolosha bulshada.”
“Ma jiraan dad badan oo aqoon u leh howlaha shidaalka oo jooga waddanka maanta, marka soo saarista waxay horseedaysaa in dad ajnabi ah oo qibrad u leh ay yimaadaan kuwaas oo ay ka faa’iidi karaan xirfadlayaasha yar ee waddanka jooga,” Aar ayaa sidaas sheegay.
Illaa 1700 oo dhalinyaro ah ayaa ka qalin jabiyay dhowaan jamaacadaha waddanka iyo kuwa gaarka loo leeyahay kuwaas oo raadinaya shaqo, ayuu yidhi Aar. “Waxaa jira farqi u dhexeeya boosaska shaqo ee banaan sanad walba iyo inta raadineysa shaqada,” ayuu yidhi. “Marka [sahanka shidaalka] waxa uu noqon karaa fursad lagu sameeyo shaqooyin.”

Meydad Ciidamo Kenyaan ah oo laga Helay Magaalada Kismaayo

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada Kenya ee AMISOM Emmanuel Chirchir oo Warbaahita Ciidamada Kenya taageerta u hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ay maalmahaani ka wadeen Goboladda Jubooyinka Baaritaano ay ku baadi goobayaan Asgar ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu waayay nolosha inta ay dagaalada ka socdeen Goboladaasi.
Emmanuel Chirchir ayaa waxaa uu sheegay in ay meedadkaasi ay ka heleen ugu danbeentii qabri kuyaala meel u dhow xeebta magaalada Kismaayo oo ay ku duugeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay tirade meedadka  ay heleen  ahaayeen 4 Asgari keenyaan ah  iyo 1 kale oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, wuxuuna Tilmaamay in lagu qabsaday dagaaladii xooganaa ee ka dhacayay Jubooyinka.
Ugu danbeentii Xarakada Al-shabaab ayaa horaan waxaa loogu yaqiinay in ay meedadka Asgarta AMISOM eek u soo dilaan dagaalada ku jiid jiidaan wadooyinka, bale Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in ay 5 Asgariba ay ku wada Duugnaayeen hal Qabri oo kaliya.

Wararkii Ugu Danbeeye Magaalada Kismaayo Iyo Qaad maanta Lageeye kısmaayo

$
0
0

Kadıb lawareegı taankıı Cııdamada Wadajırka ahaa ee Magaakada Kısmaayo ayaa maanta waxa Lageeye gawaarı laga soo buuxıye kuwaası oo wadaan qaad aad u Farabadan.
Qaadkan ayaa keeneyn ganacsato kasoo jeeda amgaaladaası waxaan alsheegay ın laga keenay gudaha kenya oo jaar la eh amgaalada kısmaayo waxaana sı aad looga dareemayaa suuqyada mashquul dhanka Jaadka.
Qarax Miino ayaa xalay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya lagula eegtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobbolka Bay.
Sida dad goobjoogayaal ah ay noo xaqiijiyeen ugu yaraan hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ka tirsan ayaa ku dhintay kadib markiix alay qarax Miino loo dhigay Ciidamo marayay nawaaxiga Suuqa Raashinka ee magaalada Baydhabo.
Qaraxaan ayaa ahaa Miinada dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog.
Taliyaha Ciidamada gobbolka Bay Mahad C/raxmaan ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid ay soo qorsheeyeen waxa uu ugu yeeray kooxaha nabad diidka ah balse aysan dhibaato badan ka soo gaarin Ciidamada Dowladda, isagoo sheegay in hal askari uu ugu dhintay qaraxaasi.

Wariyaasha Magaalada Muqdisho oo maanta Lageeye Gobolka Shabeellaha Hoose Lana Soo Tusay..

$
0
0

Kadıb lawareegı taankıı qeybo katırsan Gobolka SHabeellaha hoose ayaa maanta warıyaasha muqdısho ıyo saraakııl katırsan Cııdamada dolwada Soomaalıya ıyo kuwa Amısom gaareyn iyagoona lasoo indha indheysiiyay goobihii ugu dambeeyay oo ay lawareegeen Ciidamadaan iskaashanaayo ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Saraakiil iyo Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomalaiya ayaa halkaasi kulahadlay Wariyaasha ku wehliya socdaalkooda waxaana kamid ah ahaa Masuuliyiintii halkaasi kahadashay Siihayaha xilka Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xuseen Carab Ciise ayaa waxa uu halkaasi ku sheegay in sidhib yari ah ay gacanta ugu dhigeen Magaalo muhiim ah oo ayna haatan ka arimayaan Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo AMISOM.
waxaana uu guushaas uu sheegay in laga gaaray Shabeelaha Hoose kaga mahad celiyay Ciidamadaan iskaashanaayo.
sidookale waxaa isna halkaasi kahadlay abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagabadan waxaa uu baaq udiray dhalin yarad Soomaalida ah uu kujira Xoogaga Al-Shabaab in ay wali heystaan fursan oo ayna isagasoo baxaan Al-Shabaab oo ay soodhaweynayaan sida uu sheegay.
ugu dambeentii waxaa halkaasi isna kahadlay Taliyaha Ciidamada Dowlada ee lugta Cali Caraaye Cusoble Gacmaduule iyo Taliya dhanka Howgala Dowlada Soomalaiya u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Yarow ayaa waxa ay siwada jir ah u sheegeen in ay kudadaalayaan hadii ay yihiin Ciidamada Dowlada Soomalaiya sidii ay si dhaqsaa ulawareegi lahaayeen Degaanada kale oo wali ku harsan gacanta Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
waxaana ay hoosta ka xariiqeen in ay san sinaba Al-Shabaab uga hareen ilaa inta ay kasaarayaan Guud ahaan Dalka Soomaaliya sida ay sheegeen.
tobaadkaan horaantiisa ayee aheed markii ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya AMISOM ay lawareegeen gacankuhenta Dagmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoona ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya in aytahay Gadmada Walaweyn Magaaladii labaab oo ay Al-Shabaab kala wareegaan.


Aroosad Ka Maseerisay Kumanaan Haween ah oo kunool Daafaha Dunida (Daawo Sawirada waxa ay sameesay)

$
0
0

Aroosad u dhalatay Wadanka Talyaaniga ayaa Dalbatay in Kaligeed loo xero Taraxad 2-kilo Mitir ah oo si gaar ah ay ugu Muujinayso in Nolosha Guurkeeda ay Muddo dheer sugaysay.
Gabadhan ayaa waxa ay Taraxadan si gaar ah uga dalbatay Warshad Roma ku taala oo samaysa Dharka Arooska loo xero Haweenka waxaana loo tolay Taraxad gaaraysa 2-Kilo Mitir .
Muuqaalkan oo Warbaahinta maalinti shalay loo soo ban dhigay ayaa waxa ay Aroosada Muujinaysay Farxad balaaran waxaana Aminigeeda sugayay Ciidan Booliis ah waxaana sidoo kale dusha sare looga ilaalinayay Baarashuud Darafyada Laamiga gala ee Taraxada dusha sare u qaadayay.
Haween Badan oo Calamka ka daawaday Arooskan ayaa hinaaso ama Maseer dareemay sida Wakaalada Maanta lagu shaaciyay.
Waxa Qoray Nuur Ismail Sheikh
E-mail Nuur.usa@hotmail.com
Tell; +254720408613
Nairobi Kenya



 

Guddoomiye Ku Xigeenkii Sadexaad Ee Gaboose Oo Xilli Xaasaasiya Iska Casilay, Sababa Uu Uga Tegay Iyo Halka Uu Ku Biiray.

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Urur-siyaasadeedka Ummadda Prof. Axmed Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu si rasmi ah isaga casilay Xilkii Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Urur Siyaasadeedka Ummadda iyo Xubinnimadii uu ka haa Ururkaasi.
Prof: Axmed Maxamed Nuur oo  maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee Magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inuu ku biiray Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, isaga oo  is casilaadiisa ku sababeeyey Is bedelada Siyaasadeed ee ka soo hano-qaaday Bariga Sanaag oo uu ka soo jeedo, waxaanuu sidoo kale sheegay inay dhamaan beeshiisii taageero buuxda u muujisay Xukuumadda, isala markaana uu go’aansaday inuu la mid noqdo Beeshiisa oo uu ku biiro Xisbiga talada haya ee Kulmiye, isayada oo ay wararka qar sheegayaan inuu Madaxweynaha Somaliland xil u magacaabayo siyaasigan, sidaasi awgeedna uu isaga casilay Ururka Umadda.
Prof: Axmed Maxamed Nuur oo ka hadlaya isa casilaaddiisa iyo waxa uu ku sababeeyey waxa uu yidhi “Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee ururka Umadda, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay xilkii Guddoomiye ku xigeenka Sadexaad ee aan ka hayey Ururka Umadda iyo Xubintii aan ka haaba, sababaha ugu waaweyn ee keenay inaan iska casilo Ururka Umadda waxa weeye in xuduudihii Somaliland ay dhinaca Puntland ka soo xidhmeen, oo dhammaan beeshii Sanaag bari ay taageereen gogoshii nabada ee Madaxwaynaha, Xukuumadduna ay ku tallaabsatay horumar, sidaa daraadeed, maadaama oo aan ahay beesha siyaasigeedii, waxaan ku khasbanahay inaan beeshayda raaco oo aan la shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, kana wareego ururkii Umadda.”
Axmed Maxamuud oo sheegaya halka uu siyaasad ahaan ku biirayo waxa uu yidhi “Waxan si toos ah ula shaqaynayaa xisbiga Kumiye ee muxaafidka ah iyo xukuumada, waanay idiin muuqdaan sababaha keenay iyo guulaha uu madaxweynuu ka gaadhay go’gashii nabadeed ee bariga.”
Prof. Axmed isaga oo la hadlaayay Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland waxa uu yidhi “Waxaan arkayey inuu Faroole Sanaag bari cadho badan ka muujiyay, waxaanan leenahay Faroole yaanay xuduudda iyo khariirada Somaliland kaa qaldanaan, dadkuna waa Somaliland sadex gobal ayaad xukuntaaye ( Puntland ) ku eekow, waana Somaliya sadexdiina gobal oo awalba waxaynu ahayn laba dawladood oo isku darsaday, Somaliland dadkeeduna waa uu tashaday, rasuulkuna waxa uu yidhi CSW qofka muslinka ah god laba jeer lagama wada qaniino.”
Ugu danbayntii waxa uu Gudoomiyahan is casilay fariin talo ah u diray Madaxweynaha dhawaan loo doortay Somaliya iyo Raysal Wasaarahiisa “Madaxwaynaha Somaliya waa-nin inbadan kashaqayn jiray Samaliland waxaana looga fadhiyaa inuu ictiraafka kasiiyo midigta, Raysal wasaaraha waxaan leeyahay Siyaad Barre ayaa baalmadaw kagatagay reer Somaliland ,adna waxaa lagaaga fadhiyaa inaad baalkaa madaw aad caadaan ubadasho oo aad Somaliland siisaan Aqoonsigeeda ay xaqa uleedahay.”
Buraannews.com/Hargeysa

Daawo Sawirada:Wasiiro Ximin Iyo Xeeb katirsan oo gaaray Magaalada Hobyo

$
0
0

Waxaa Maanta gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug masuuliyiin ka tirsan Maamulka Ximin iyo Xeeb , halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen shaqaaqo xun.
Wafdugaan waxaa horkacayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wasiirka arimaha Bulshada ee maamulka Ximin iyo Xeeb , iyagoo kormeeray dhamaan xarumaha maamulka Ximin iyo Xeeb uu ku leeyahay Magaalada Hobyo.
Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay Dadweyne isugu jira Haween Dhalinyaro iyo Ururada Bulshada Rayidka , waxaana Maamulka uu kulamo la qaatay masuuliyiin Mamaulka Hobyo ee Ximin iyo Xeeb.
Wasiirka Arimaha Bulshada ee Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay in Hibyo ay tahay Istiraatiiji , isagoo xusay in Hobyo ay ka tirsan tahay Maamulka Ximin iyo Xeeb.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo mideyn lahaa Umada dagan Hobyo , isagoo sheegay in ka maamul ahaan ay ka shaqeyn doonaan arintaasi.
“Waxaa naga go’an inaan ka hortagno wax kasta oo kala qeybinaya shacabka, dadkana waa in ay arimahaas nagu gacansiiyaan’ayuu isagana sheegay Taliyaha Ciidamada Amniga Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamuud Cismaan Maxamuud oo kamid ah Wafdiga Ximan iyo Xeeb.
Magaalada Hobyo oo ah Magaalo Dekad iska leh ayaa waxaa ka jira muran xoogan oo u dhexeeya Maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug, waxaana maalin hore ka dhacay iska hor imaad la sheegay inuu dhexmaray ciidamo ka tirsan labada maamulk.
Galamuudg   ayaa wada howlo uu Dekada Hobyo ku dhisayo Taasoo ay gaashaanka u daruureen  maamulka Ximin iyo Xeeb oo wax ka maamula Halkaasi.

Ra,Isulwasaaraha Iyo Golahiisa Wasiirada oo mar qura Barlamaanka Lahor geyn doona.

$
0
0

Ayadoo dhawaan Madaxweynaha Soomaalıya oo soo magacaabay Ra.ıslwasaare Cusub aksoo looga war sugaayo ın oo soo dhıso golaha wasııro tayo leh waxaan alsheegay ın wasıırada ıyo Xukumada cusub mar qura lahor geyn doona Barlamaanka Soomaalıya.
Wararka ayaa sıı raacınaayo ın Gudoomıyaha Barlamaanka Soomaalıya ıyo Raisulwasaaraha kumashquulsanyıhın soo xulısta Golaha wasıırada waxaan alasheegay ın goor dhow lashaacın doona waxaana sıdaa noo sheegay mudane barlamaanka katırsan.
Cabdi Faarax Shirdoon ah Ra.ısulwasaaraha Dowlada iyo golihiisa wasiirada ayaa isku mar hor tagi doono baarlamaanka Soomaaliya sida la sheegay si xildhibaanadu ay codka ka soonida u siiyaan.
Dastuurka Soomaalıya ayaa qaba in Raysal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada oo isku duub ah in la horgeeyo baarlamaanka si ay u helaan codka baarlamaanka ama ay u waayaan.
Xubnaha ka mid noqonaya Xukumada Cusub ee Soomaalıya ee Wasıırada ayaa intooda badan waxay noqon doonaan xubno ku cusub siyaasada Soomaaliya sida ay sheegayaan wararka aan helnay.
Ugu Danbeyntıı Raysal wasaaraha iyo golihiisa wasiirada oo isku duuban la Horgeeo Barlamaanka tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Deg deg:Shabaab oo Goor dhow Isaga Baxay Degaan Muhıımad Ulahaa Joogitaankooda..

$
0
0

War Goor dhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya ın Cııdamada Dwolada Soomaalıya ıyo kuwa Mıdowga Afrıca gacanta kudhıgeyn Degaanka Yaaq Barı weyne oo katısan Gobolka Shabeellaha hoose gacanta kudhıegeyn waxaana noo xaqııjıye goob jooge kusugan.
Lawareegı taanka ayaa kadanbeyse kadıb markıı shabaab weerar kusoo qadeen Garoonka Balı dooglay waxaana lasheegay ın Cııdamada Mıdowga Afrıca lawareegayn degaankaası oo ındhawaale kusugnayeen Shabaab.
Al-Shabaab ayaa waxaa latilmamay in ay gabi ahaamba halkaasi kabexeen kadib markii ay ogaadeen in ay kusoo wajahanyihiin Ciidamda Huwanta ah.
majiraan wax dagaal ah oo ay halkaasi kala kulmeen Ciidamada Huwanta marka laga reebo rasaas siteel teel ay looga maqlay halkaasi taas oo dhaceysay markii ay ciidamadaan Degaankaan gudaha ugalaayeen.
Ugu danbeyntıı intabadan weerara ay qaadayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxa ay si xoog ah kaga saarayeen Al-Shabaab halka ay kuqaadaan weerarada.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live