Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Koox burcad badeed Somali ah oo lagu qab qabtay Gaalkacyo

0
0

Gaalkacyo: (Sh.M.Network)—Howlgallo lagu soo qab qabtay Koox burcad badeed Soomaali ah waxa ay maanta Ciidamada Maamulka Puntland ka sameeyay Xaafadaha Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo. 
Kaddib howlgal xooggan oo ay Ciidamada amniga ee Maamulka Puntland ka sameeyeen Xaafadaha Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay kusoo qab qabteen 15-ruux oo ka tirsan  Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sida la sheegay ku dhuumaaleysanayay Xaafado ka mid ah Magaaladaasi. 
Burcad badeeda la qab qabtay ayaa la sheegay inay ka yimaadeen deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, iyadoo howlgalka kaddib aan qadka Taleefonka kula hadalnay Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Gaashaanle Dhexe Jaamac Max’ed Sandaqad, isagoo sheegay in Kooxihii la qabtay dhamaantooda iminka ay ku jiraan Xabsiga, islamarkaana maalmaha soo socda lasoo taagi doono Maxkamad.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay sidoo kale soo qabteen illaa 4-gaari oo ay wateen Kooxahaasi sida uu hadalka u dhigay.


Cabdi Faarax Shirdoon oo la wareegay Xafiiska R/wasaaraha

0
0

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Munaasabaddaani oo aheyd mid ballaaran islamarkaana ay xilalka ku kala wareegayeen  R/wasaaraha Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo R/wasaarihii Xukuumada KMG aheyd ee C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa maanta waxa ay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. 
Ugu horeyn Munaasabadda ayaa waxa ka hadlay R/wasaarihii Xukuumaddii KMG ah C/wali Max’ed Cali Gaas, kaasi oo sheegay in Xukuumaddiisa ay wax badan ka qabatay xasilinta dalka, la dagaalanka musuq musuqa iyo dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 
Sidoo kale waxaa Madasha ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud kaasi oo sheegay in Xukuumaddii hore ay ku amaanan tahay wax ka qabashada xaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo aan marna ilaabi doonin dadaalka Xukuumaddii Gaas, waxaana uu sheegay Madaxweynaha in  xil wareejintaani ay tahay wax lagu farxo, islamarkaana waxa uu ka codsaday Madaxweynaha R/wasaare Gaas in uu la shaqeeyo R/wasaaraha iminka tallada la wareegay ee Cabdi Faarax Shirdoon. 
Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) R/wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isna ka hadlay Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxa uu ugu horeyn u mahadceliyay R/wasaarihii hore ee Xukumada KMG aheyd ee C/wali Max’ed Cali Gaas, wuxuuna sheegay in howsha uu halkeeda kasii  wadayo islamarkaana Xukuumaddiisa ay wax badan ka badalanaan doonto kuwii soo maray dalka. 
Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa shalay cod caqlabiyad leh ku ansixiyay R/wasaare Shirdoon, iyadoo durba maanta R/wasaaraha uu la wareegay Xafiiska R/wasaaraha, islamarkaana muddo yar looga sugayo Xukuumada tayo leh.

Hooyo Somaliyed oo la taahaysa Xanuun haya Gabdheeda + Sawirro

0
0


Hooyo Fartuun Cabdi Jaamac oo dhabta ku haysa Gabdheeda oo Xanuunsan

Muqdisho: (Sh.M.Network)— Hooyo Fartuun Cabdi Jaamac oo ah Hooyo Soomaaliyeed o dhashay Gabar Madaxa ay biyo ugu jiraan islamarkaana dhaqaatiirta gudaha dalka Soomaaliya ay sheegeen in aan wax looga qaban Karin dalka ayaa xilli ay nagu soo booqatay Xarunta Idaacadda Shabelle waxa ay ka codsatay Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha in lagu gacan siiyo bad baadinta Gabdhaasi yar oo ay dhashay.
Hooyo Fartuun ayaa shaacisay in Gabadha iyo Iyaduba inta badan habeenkii uu dilo dhafar islamarkaana aysan seexan. Waxaana Hooyadaani ay shacabka Soomaaliyeed qof waliba oo damiir leh, kana danqanaya Dhibaatadan ay ka codsatay in la gacan qabto.
“ Isbitaal aan tagin kuma yaallo Muqdisho, waan daalay, Gabdheyda iyo annigaba habeenkii maseexano, waayo Xanuun ayay la taahdaa, Calool xumo ayaa la ooyaa, malihi awood aan wax ugu qabto, Ilaahaa Awoodda iska leh, Soomaalida ku dhaqan dalka iyo Muwaadin waliba oo Soomaailyeed, iyo qof waliba oo Damiir leh, waxaana Cod naxariis leh ugu dalbanayaa inay wax ii qabtaan oo ay maanta gacan isiiyaan” sidaasi waxa tiri Hooyo Fartuun Cabdi Jaamac oo wajigeeda xilligaasi laga dheehan karay murug aad u daran.
Sikastaba ha ahaatoo Shabakadda Warbaahinta Shabelle way u doceynaysaa Hooyadaani Soomaaliyeed inay hesho dad caawiye, waxaana Alle uu yiri (Umaddii isu gar-gaarta—Allaa u gar-gaara--)
Halkan Daawo Sawirrada






Haddii aad dooneysid inaad Caawiso Hooyadaan soo wac Tell: 0615-212438- 09962222

RW Saacid oo Xilkii la Wareegay

0
0

Xaflad maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Somalia ayaa Ra'iisal Wasaarihii hore ee Somalia, Dr. Cabdiwali M. Cali-gaas uu xilkii Ra'iisal Wasaarenimo ku wareejiyey Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maalintii shalay ahayd helay kalsoonida baarlamaanka Somalia. Xafladda waxa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.
Warbixin arrintaas ka hadlaysa hoosta ka dhageyso.

Radio Hargeysa Oo Markii Ugu Horaysay Laga Dhigay Mid Laga Dhagayan Karo Daafaha Dunida Iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray.

0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Xadhiga ka jaray, War laliska idaacad cusub oo lagu kordhiyey   Radio Hargeysa, taas oo awal hore laga dhagaysan jiray nawaaxiga ama agagaarka Magaalada Hargeysa oo kelya, taas oo hadda gaadhaysa 100 Meega Baad.
 
Munaasbaddii Furitaanka  Idaacadda Cusub ee Radio Hargeys oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda War Faafinta Somaliland, ayaa waxaa ka qayb galayMadaxweynaha Somaliland, Golihisa wasiirada Labada shir Guddoon ee Golaha Wakiiladda, Madaxda Kala duwan ee Xukuumadda, Xildhibaanno, Salaadiin iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
 
Masuuliyiintii kala duwanayd ee halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in war laliskani uu qayb ka yahay ballan qaadyadii xukuumada, waxaana ay   sheegeen in ay kor u qaadi doono sumcada Somaliland ku leedahay caalamka.
 
Madaxweyne Axmed  Maxamed Siilaanyo oo xadhiga ka jaray idaacada  cusub, ayaa sheegay inuu Radio-gu yahay mid ka saamayn badan Warbaahinta kale,  isaga oo u mahadceliyay dadkii qayb galay   dadaal loo galay in la helo war lalis  kordhiya baahinta idaacada oo ahayd mid ku kooban nawaaxiga Magaalada Hargeysa, waxaanuu yidhi “ Waxa aan mahad ballaadhan u celinayaa  cida imika ka shaqaysa  iyo inta hawshan kaga jirta Hargeysa taariikh baa uu ku leeyahay dalka  . Raadyowgu  waa wax ugu waxtarka roon  ee ay dawladu wax ku gaadhsiin karto   shacabkeeda  iyo dunida kaleba  waxa ay qabsatay iyo waxa ay gaadhay , markaa Raadyowgu waxa uu noqonayaa mid qiimo aad iyo aad u weyn hadday gudaheena tahay iyo dibeda tahay , markaa hawshaa in ay wada qabanay ee aynu Qaran ahaan qabanay aad iyo aad baan u bogaadinayaa”
buraannews.com/Hargeysa

Ciidamo Kawada Tırsan Dowlada Soomaalıya oo goor dhow kudagaalamay Degmada Wardhiigley

0
0

CiiKadıb ısrasaaseyn xoogan oo dhex martay Cııdamo kawada tırsan Dowlada Soomaalıya kuwaası oo kala ah Boolıska ıyo Mılaterıga ayaa alsheegay ın kudhaawacmeyn laba qof kuwaası oo ahaa shacab halkaası ka agdhawaa.
Israsaaseyntaan ayaa kadhacday Xafada Xariyaale ee Degmada Warta-Nabadda Ex-wardhiigley ee Gobolka Banaadir waxaana lasheegay ın Cııdamada dowlada markıı danbe lasoo kala dhex galay.
Waxaa haatan dib u shaqeynaya isku socodka dadka iyo gaadiidka oo mar hakad ku yimid kadib markii halkaasi ay ka dhaceen shaqaaqado u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya .
Ma,ahan markii ugu horeysay oo ay dirir dhex marto ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomalaiya ee ku sugan Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir.
 
 

Diyaarado Dagaal oo duqeeye kolonyo Gawaarıda Shabaab oo Galbıneyse Saraakııl

0
0

Sıda kusoo waramayaan Dadka kudhaqan Gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya ın Dıyaarado dagaal ay duqeyeen Gawaarı dagaal oo kolonyo ah kuwaası ay wateen Saraakııl katırsan Kooxda shabaab mujaahıdıın.
Duqeyntaan ayaa kadhacday Meel 17-KM u jira Dhoobley ee Gobolka Jubada hoose waxaana lasheegay ın dıyaaradahaası dıb ugu laabtayn halka kasoo duuleyn waxaana la ogeyn khasaraha soo gaaray kooxda shabaab .
Dadma Mııga ayaa sheegay ın Gawaarıda laduqeeye ay garaan ılaa sadex garı waxaana lasheegay ın aan lagaraneyn waxa gaaray waxaana sıdaa yırı dadka ree mııga oo halkaası kudhaqan
Ciidamada Kenya oo ka mid ah howl galka AMISOM ayaa wali duqeymo cirka ka wada deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.
Horaantii bishan ayay aheyd markii Ciidamada is garabsanaya ay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Kismaayo, halkaasoo wali xasilooni la’aan ka jirta.
 
 

Gaas oo Boorsooyinkiisa kaqaatay Muqdisho Una Duulay Galkacyo Iyo Warar Sheegaya in Isku Soo sharxi Doona…

0
0

Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadii KMG ee Cabduwali Max’ed Cali Gaas ayaa daqııqado kahor kaqaaday Dıyaarad ay leedahay Shırkada SKA aksoo lasheegay ın uqaaday Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.
Cabduwali Max’ed Cali Gaas ayaa kahadlay kahor ınta ookaduulın garoonka waxaana oo sheegay ın safarkaan kabadalanyahe kıı hore weaxaana oo sheegay ın kan ugu socda dano asaga u gaar ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya ın Cabduwali Max’ed Cali Gaas oo loolan xoogan ugu jıra sıdıı uqaban lahaa Madaxtınımada maamulka Puntland oo goor dhow laqaban doona doorashadooda madaama oo waayay xılkıı Dowlada Soomaalıya.
Cabdiwali Max’ed Cali Gaas Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadii KMG aheed ayaa waxa uu ku soo aadayaa safarkiisa xili ay sheegayeen wararka qaar ah kuwaas oo ahaa in Cawduwali Gaas uu u taagan yahay xilka Madaxtinimada ee Maamul Goboleedka Puntaland.
 
 
 
 
 


Dadweynaha Degan Degmadda Saylac oo ka cabanya daryeelka Aasaasigga ah

Madaxweynaha Somaliland Saylici oo safar kadis ugu duulay carabta

FAAIDOOYINKA CAAFIMAAD EE SALIID MACSARADA

0
0

Macsarada waa saliid aad u qaali ah lehne faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin.
Saliid macsarada waxaa la isticmaali jiray kumanaan sano ka hor oo hindida iyo shiineeyska ayaa u isticmaali jireen daawo lagu daaweeyo cudurro badan waxaana loo yaqaannaa saliid macsarada “Queen of Oils” oo ah macnaheedu “Boqoraddii Saliidaha” waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunnno ahaanteedaba.
Saliid macsarada waxaa wadankeenna laga isticmaali jiray muddo fog iyadoo loo adeegsan jiray shiididdeeda Geela.
Haddii aan isku dayo in aan ka hadlo faaidooyinka ugu caansan ee leedahay iyo cudurrada lagu daaweeyo ayaa waxaa ka mid ah:
1- Macsaradu waa saliid cunnada loo isticmaalo lehne caraf udgoon.
2- Macsarada waxay ka hortagtaa cudurka kansarka maadaama ay tahay “Antioxidant” awood leh.
3- Waxaa macsarada ku jiro ugu yaraan 7 maaddo oo xanuun baabi’iye ah.
4- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa diiqada, welwelka iyo hurdo la’aanta.
5- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Yiridka iyo cudurrada ku dhaco afka.
6- Macsarada waxay daawo u tahay kolestaroolka kacsan.
7- Macsarada waxay joojisaa qolfoofidda xididada, waxayna furtaa xidada xinniban ee wadnaha.
8- Macsarada waxay jilcisaa caloosha laguna daaweeyaa saxaro-adeegga.
9- Macsarada waxay daawo u tahay wareerka iyo aragtida daciifka ah.
10- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa xasaasiyadda iyo cuncunka jirka
11- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa kacsanaanta iyo isku-buuqa maskaxda.
12- Macsarada waxay nafaqo u tahay korriinka tinta wayna dheereysaa.
13- Macsarada waxay oogada ka ilaalisaa ileyska iyo kuleeylka qoraxda.
14- Macsarada waxay daawo u tahay xanuunka cadada iyadoo la mariyo caloosha qeybta xudunta ka hooseyso xilliga caadada.
15- Macsarada waxay yaraysaa qalleelka iyo xanuunka haweenka dhalmo-deyska ah iyadoo saxaaxa lagu subko.
16- Waxaa saliidda macsarada ku jira borotiinno aad u badan oo ku filnaan karo qofka haddii cunto ka dhigto.
17- Waxaa macsarada ku jiro dufanta kordhiso xasuusta iyo xifdinta.
18- Waxaa macsarada ku jiro fitamiinka “E” kaasoo firfircooniya wareegga dhiigga.
19- Waxaa kaloo macsarada ku jiro Kalsiyam, Botaasiyam iyo Fosfate oo jirka aanan ka maarmin.
20- Macsarada waxay u horreysaa saliidaha loo isticmaalo daliigidda maadaama maqaarka jirka ay si sahlan uga gudubto.
21- Macsarada waxay daawo u tahay kacsi la’aanta iyo himad yarida, maadaama macsarada laga helo 4 maaddo oo muhiim u ah kacsiga iyo badinta biyo-baxa.
22- Macsarada waa daawada ugu fiican xanuunka loo yaqaanno “Sciatica” oo ah xanuun neerfaha  “Sciatic” oo keeno dhabar xanuun iyo lug xanuun aad u daran.
23- Macsarada waxay ka qeyb qaadataa kontoroollida cadaadiska dhiigga.
24- Macsarada waxay daawo u tahay Baabasiirta, qofkii macsaro joogteeyane baabasiir isma arkaan waa sida la xaqiijiyay.
25- Macsarada maahan saliidaha kiciyo Gaaska ama laabjeexa keeno.
26- Saliidda macsarada waxay raagi kartaa muddo dheer iyadoo isbadalin maadaama ay ku jirto maaddo la dagaallanto bakteeriyada iyo caabuqa.
27- Macsarada waxay daawo u tahay caabuqa sanqada “Sinusitis” oo hal dhibic oo sanka lagu dhibciyo ayaa ku filan.
28- Macsarada oo lagu luqluqo subax kasto waxay ka hortagtaa caabuqa Quumanka iyo Cuno-xanuunka.
29- Macsarada waxay daawo loo bogay u tahay Kala-goysyo xanuunka.
30- Macsaraha waxaa lagu daaweeyaa cudurka “Athletes Foot” oo ah caabuq fangas oo ku dhaca faraha cagta dhexdooda oo u badan Orodada iyo Ciyaartoyda.
31- Markii lala isticmaalo biyo kulul waxay daawo u tahay cabeebka farjiga ee dumarka.
32- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa faruuruca ay keento xafaayadaha loo xiro caruurta.
33- Macsarada oo ilmaha iskuulka aado loo mariyo sanka waxay ka ilaalisaa hargabka, ifilada iyo sanboorka ay ka qaadi karaan caruurta kale.
34- Macsarada waxaa lagu daaweeyaa Goon-jabka iyo madax xanuunka noocyadiisa kala duwan iyadoo madaxa lagu xirto.
35- Macsarada oo la qiiqsado ama la isku huuriyo waxay daawo u tahay neefta iyo caburnaanta marinnada hawada.
36- Macsarada waxaanan la siinin kaliya qofka shubmayo maadaama ay tahay calool jilciye oo waxay sii kordhineysaa shubanka.
Source Somalidoc

Kenyan jets bomb Al shabab-held Somali city

0
0

DHOBLEY (Sh.M.Network)—Kenyan military jets bombed on Friday on Al shabab controlled village located on the outskirts of Dhobley, a town located near Kenyan border, reports said.
Local residents said the Kenyan fighter jets have carried out an air strike on military targets belonging to the al-Shabaab Islamic militant group in a hideout area, 15 Km away from Dhobley city, causing unconfirmed casualties.
“The air raid happened as the Al shabab fighters were mobilizing the suburbs between Dhobley and Afmadow, and the jets dropped more than five bombs on the armory and camps,” a witness said on condition of anonymity.
It was immediately unclear where there has been any casualty in the aerial attack.
Al Shabab and Kenyan army officials were unavailable to reach for comments on the air strikes so far.
Kenyan troops are currently in Somalia as part of a cross-border operation aimed at driving al-Shabaab militants away from the border separating the two nations.
Since their arrival in Somalia last year, Kenyan forces have managed to capture several al-Shabaab strongholds, mainly the southern port city of Kismayo,500 Km south of Mogadishu.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo Al Shabaab ku bartilmaameedsaday J/hoose

0
0

Dhoobley (Sh.M.Network)— Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay duqeyn qasaaro geysatay maanta ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka J/hoose.
Duqeyntan oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegayaa in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo gaadiid dagaal oo isku aruursanayay meel 15-km duleedka ka ah degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose.
Goobjoogayaal ka ag dhaw goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa noo xaqiijiyay in xilliga duqeynta ay dhaceysay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay halkaasi isku aruursanayeen, islamarkaana Shalay ay soo gaareen goobta la duqeeyay.
Goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa ku taala meel u dhaw wado Istaraatiiji ah oo isku xirta Magaalooyinka Dhoobley iyo Magaalada Afmadow ee gobolka J/hoose, waxaana la sheegayaa in diyaaradaha dagaalka ee duqeyntaasi geystay ay ka war hayeen in goobta ay Al Shabaab isku aruursanayeen.
Ilaa iyo hada macada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi hase ahaatee waxaa la timaamayaa in uu jiro qasaaro xoogleh oo ka dhashay duqeynta ay geyteen diyaaraha dagaalka Kenya.

Dalxiisayaal U Dhashay Dalka Poland Oo Dalka Yimid Amaanayna Nabada Iyo Xasiloonida Ka Jira Somaliland

0
0

Dalxiisayaal u dhashay Waddanka Poland oo safar dalxiis ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn u amaanay nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, taas oo ay sheegeen in aanay ka jirin meel badan oo ka mid ah Caalamka.
Dalxiisayaashan oo ka koobnaa saddex nin oo safar Dalxiis ah ku marayey dalal ay ka mid tahay, ayaa shalay Wargeyska Saxansaxo uga waramay dareenkooda ku aaddan safarka ay ku yimaadeen Somaliland, iyaga oo wax lagu farxo ku tilmaamay nabada iyo Dawladnimada ka jirta Somaliland.
Saddexdan Dalxiise oo lagu kala Magacaabo Mr Spiegev,Christain iyo Mr Reberto oo mid ka mid ahi yahay Ganacsade reer Poland ah mid-na uu ka shaqeeyo shirkad Baabuurta waaweyn oo reer Poland ah halka uu ka saddexaadna uu sheegay in ay  Asxaab yihiin raggan uu la socday.
 
Mr Spiegev oo ka mid ahaa saddexdan nin ayaa waxa uu ka waran socdaalkooda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxanu nahay saddex dalxiisayaal Waddanka Poland u dhashay, waxaanu ka soo bilawnay Socdaalkayaga dalxiiska ah anig iyo labada nin ee aanu saaxiibka nahay  Magaalada Adiss ababa ee Waddanka Itoobiya, waxanan socdaalkayaga ku soo marnay qaybo kala duwan oo ka tirsan  Itoobiya iyo Somaliland-ba waxaanu ku socona hada dhinaca Magaalada Berbera ka dib muddo hal todobaad ah oo aanu ku sugneyn Somaliland, si aanu u helo VISSA aanu ugu laaban laheyn Waddanka Itoobiya”
 
Mr Spiegev oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “labadani waa Saxiibaday aanu Safarka dalxiiska ah ku wada soconay, waxaana lagu kala Magacaaba,mr Christian iyo mr Reberto midi waxa weeyaan Ganacsade reer Poland ah mid ka kalena waa darawal, waxaanu  ka shaqeeya shirkad Baabuurta waaweyn samaysa oo ku taala Poland, waxaanu ku nimi Geeska afrika gaar ahaan waddanka Itoobiya dalxiis 5-Todobaad ah,laba Todobaad oo  ka mid ah waxaanu ku soo qaadanay Itoobiya halka mid kalena aanu ku qaadanay Somaliland oo runtii ah Waddan fiican oo kala danbeyn iyo Nabadi ka jirto aad ayaanu ugu faraxanahay in aanu Safar Baaskiilado ah ku marno Hargeysa ilaa Berbera waayo waa Nabadgelyo”
 
Mr SPIEGEV  waxa uu xusay in ay dib ugu laabanayaan Dalka Itoobiya, waxaanu yidhi   “Labada Todobaad ee noo hadhay marka aanu Itoobiya ku  noqono, waxaanu ku qadan doona qaybo kale oo ka mid ah dalka Itoobiya  ayaanu ku dalxiisi doona haddii ay suurto gashana waxanu gaadhi doona dalka Kenya.”

 
Buraannews.com/hargeysa/Somaliland

“Maaha In Marka Masuulka Xilka Laga Qaado Uu Wax Qor Qoro Oo Uu Gobanimadiisa Meel Kaga Dhaco….Cigaal Iyo Rayaale-Na Waxa Ay Ku Fashilmeen.”Cabdi Waraabe

0
0

Xaaji C/kariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo ka mid ah Odayaasha ruug cadaaga ah ee dalka, kana tirsan golaha Guurtida ee Somaliland ayaa sheegay in aan loo baahnayn in qofka masuulka ah marka xilka laga qaado aanu wax qor qorin oo aanu is odhan wax iska celi, balse uu u u dul qaato, isla markaana gobanimadiisa ilaashado.
Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo shalay ka hadlayey munaasibad xadhiga lagaga jarayey war laliyaha cusub ee idaacada Radio Hargeysa ayaa waxa kale oo uu sheegay in balaadhinta idaacada ay hore ugu guul daraysteen madaxweynihii dhintay ee Somaliland ALLE ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, hase yeeshee ay u suurto gashay madaxweyne Siilaanyo, isaga oo ku amaanay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaa Xusuus leh oo Guul manta ah Idaacaddan Sadex jeer ayuu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal diray oo sadexdiiba wuu ku fashilmay, Rayaalena laba goor ayuu diray oo labadiiba wuu ku fashilmay, waanay dadaaleen laakiin umay suuroobin nay ku guulaystaan, maantana Xukuumadn dhisan ayey Guul u tahay, tallaabadaas ay qaadeen oo ay ku guulayteen inay Idaacaddii keenaan.
Hawlaha si wanaagsan ayaad u wadaan, haday Idaacaddii tahay, Haday Nabad gelyadii tahay, tahay Waddooyinka tahay-ba si wanaagsan ayaad u wadaan, tallaabaduna waa halkaas oo lagu sii dhiiriyaa, taasina waxay ku hagaagaysaa inaga oo isku duuban, Dawlad nimaduna asalkeeduba nin la isleeyahay Billad dahab ah ayey siin way gadhiisisaa, Nin hadli ogna xirka ayey marisaa, nin la bedalayna goboanimadiisu waa inuu dul qaataa, haddii uu is yidhaahdo wax iska celi meel ayaa lagaaga dhacayna isaga ayaa wax isku dhima, markaa ninka la bedelaa waa inuu dulqaataa, ninka la magacaabaana waa inuu dedaalaa”
Isaga oo hadalkiisa sii watana Xaaji Cadbi Waraabe waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Tallaabada Idaacadda ku xigtaa ha noqoto Aduunku ma dhamaadee Sibidhkii oo la furo iyo tu lagu daraba, ta kale Ceelashii waa la qoday oo way daboolanyihiin shicibkiina wuu ooman yahaye taana ugu dadaala oo ku xigsiiya, waxaan leeyahay is fahanka, kala dambaynta iyo Xushmadda ayeynu Dawlad ku nahay, markaa waa in nabadana la wada ilaashadaa oo ay dadku dhamaan wada bileys noqdaan”
 Buraannew.com/HARGEYSA/Somaliland


Chelsea oo Dhulka Kujııday Kooxda Tottinham Kana Soo qaaday Awoodeyda Waxba Daawo Sawırada:

0
0

Chelsea ayaa Muujisay galabta inay tahay koox dhinac kasta ka dhisan oo damac wayna uu ka hayo Horyaalka Premier League.
Wiilasha dhaxda ka ciyaara ee J. Mata,Oscar iyo xidiga Eden Hazard ayaa ahaa kuwo si aad ah isku fahmay oo dhinac waliba ka jahwareeriyey kooxda Tottinham.
Kooxda Chelsea ayaa umuuqatay mid kusoo talagashay Galabta inay guul gaarto oo kaliya waxaana dhinac waliba ay ka weerartay wiilasha kooxda Tottinham
Goolka kowaad ee kooxda Chelsea ayaa waxaa dhaliyey G. Cahill 18-daqiiqo markii ay ciyaartu mareysay waxaana qeybtii hore ay kusoo idlaatay ciyaarta 1-0.
Qeybtii lakiiin gool Barbara ah ayaa waxaa la timid kooxda Tottinham  waxaana ay ka heleen daafacooda W. Gallas gool labaad ayaa waxaa raacsaday J. Defoe 54-daqiiqo markii ay aheyd Ciyaarta hogaankana u dhiibay kooxdiisa
Lakiin waxaa intaasi kadib diiday guuldaro gaarta kooxdiisa ninka reer Spain ee J Mata oo labo gool oo isxigay u dhaliyey kooxdiisa hogaankana si dag dag ah ayey Chelsea uqabatay.
Weeraro badan oo ay qeybihii dambe soo qaadeen xidigaha kooxda Totinham ayaa waxaa ay noqdeen kuwo ay jilibka u Aasteen xidigaha kooxda Chelsea.
Balse rajo waliba oo ay laheyd kooxda Tottinham waxaa diiday oo biyo qaboow ku shubay xidigii garoonka ninkii ahaa ee J. Mata oo dhamaadkii Ciyaarta kubad aad uquruxbadneyd siiyey Ciyaaryahan  D.Sturidge oo goolkii 4-aad ku quusiyey kooxda Tottinham.
Waxaana Guud ahaan Ciyaarta ay kusoo idlaatay 4-2 oo ay guushu ku raacday kooxda Chelsea waxaana Sidaasi Chelsea ay kunoqotay kooxda wali hogaaminaysa horyaalka iyada oo walina aan dhinaceeda dhulka la dhigin.

 

 

 
 

Magaalada Kısmaayo oo caawa lagu soo Rogay Bandow hore loo arag

0
0

Kadıb Wareegto kasoo baxday Saraakıısha Cııdamada Dwolada Soomaalıya kudhaqan amgaalada Kısmaayo ayaa lagu sheegay ın caawa bandow lagu soo rogay mgaalada Kısmaayo ee Gobolka Jubbada hoose kasoo lagu xaqııjınaayo amaanka halkaası.
Saraakıısha aya sheegay ın kusoo rıdeyn bandow ılaa sacon doona ınta laga xaqııjınaayo amaanka magaalada kısmaayo waxaana shegeyn ın oo bılaaban doona 8-da subaxnimo ee maalinta berri ah.
Bandowga wuxuu yimid iyadoo maanta howlgallo hub iyo dhallinyaro lagu soo qabtay ay ciidamada dowladda ka sameeyeen magaalada.
Ugu Danbeyntıı Dilal qorshaysan ayaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay ka dhacay magaalada, tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada huwanta.
 

Dagaal Culus oo caawa kasocda Duleedka Muqdisho Iyo Shacabka oo cabsıdıı Ugu darneyd soo wajahday

0
0

Waxa Goor dhow Dagaal xoogan oo kasocda Gobolka Sahbeellaha hoose gaar ahaan Degaanka loo yaqaano Sıınka dheere kaso udhaxeeyo Cııdamada Shabaab ıyo Kuwa Dowlada oo kabayaan Amısom.
Dagaalkan ayaa lasheegay ın sooq adeen Kooxda shabaab oo halkaası kudhumaaleysanaaye weaxaana alsheegay ın ısku adeygsanayaan hubka nuucyadısıa kale duwan.
Dadka Degaan ayaa goor dhow warbaahınta usheegay ın caawa kajııfan layıhıın rasasta waxaana oo sheegay ın mar walıba sıı xoogeysanaayo dagaalka udhaxeeyo labada dhınac.
Alshabaab ayaa dhawaan laga saaray deegaano dhowr ah oo ku yaala Shabeelaha Hoose,waxaana ciidamada Dowlada ay isku balaariyeen deegaano badan oo Alshabaab ay ku sugnaayeen.
Waxii kusoo kordhaa la soco marwalbaa Insha allah.
 
 
 
 
 

Farmashıyaasha Magaalada Kısmaayo oo Caawa Lagu Arkay Waxyaabo Laga Fıleyn IYo Huwanta oo Madaxa Gacmaha Saaratay

0
0

Waxa Caawa Magaalada Kısmaayo lagu arkay waxyaabo aan laga fıleyn Ganacsatada Halkaası kudhaqan kadıb markıı Cııdamada huwanta baarıtaano xoogan kasameyeen halkaası kula kulmeyn Goobaha Farmashıyaasha Goobaha qaraxyada laga sameeyo ıyo qaraxyo Dıyaarsan.
Cııdamada ayaa baarıtaano kasameeye Gudaah magaalada kısmaayo waxaana alsheegay ın kusoo arkeyn Dhor farmashıyo waxyaabaha qarxa kuwaası oo lagu sheegay ın yaleeyn goobaha ganacsı sıda farmashıyaal dhowr ah.
Dadka deegaanka oo ka agdhow goobta howlgalka uu ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada ay kaxeysteen wilal gadayay Farmashiyeyaasha kuwaasi oo la dhigay xabsiga magaalada.
Dhanka kale waxaa magaalada ka socda caawa baaritaano adag,iyadoo dadka lagu soo rogay bandow ku eg xiliga salaada Subax ee Geeska Africa.
Ugu Danbeyntıı Kismaayo seddexdii habeen ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay dad rayid ah.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo uu dagaal culus ka holcayo

0
0

Dagaalo xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaannada Xaawo-Cabdi iyo Siinka Dheer oo ku yaala inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu  yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qadeen fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen deegaanadaasi iyadoo aan la ogeyn halka ay ka soo qaadeen wararada.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa degaannadaas iyadoo dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay kaalmo ka heleen ciidamada AMISOM, kuwaasoo dagaalka u adeegsanaya hub cul culus oo dhawaaqooda magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah laga maqlayo.

Dagaalyahannada Al-shabaab oo laga saaray inta badan gobollada dalka Soomaaliya ayaa haddana waxay wadaan dagaalo u badan ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo qaraxyo ay u adeegsanayaan bambaanooyinka gacanta laga tuuro, kuwa dhulka lagu aaso iyo kuwa jirka bani’aadamka lagu rakibo ee qaabka ismiidaaminta loo adeegsado, kuwaasoo ay dad fara badan ku galaafteen.
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live