Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Arimaha Dibadda Talyaaniga oo Muqdisho Booqday

0
0

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga Giulio Terzi ayaa maanta booqday magaalada Muqdishu, isagoo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Giulio Terzi ayaa saxaafadda u sheegay in Soomaaliya ay ka soo baxayso dagallo sokeeye, waxana uu ballanqaaday in talyaanigu iskaashi la sameeyn doono dawladda Soomaaliya.

Warbixin uu magaalada Muqdisho ka soo diray wariyeheena Axmed Xasan Colaad, balse ay noo soo gudbineyso Sahra Ciidle Nuur oo Washington joogta halkan hoose ka dhageyso.


4 Askari oo Uganda ah oo lagu dilay Weerar ka dhacay Duleedka Balli-Doogle

0
0

KAMPALA (Sh.M.Network)—War lagu daabacay Wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa lagu sheegay in 4 Askari oo ka tirsanaa kuwa dalka Uganda ee qeybta ka ah howl galka AMISOM lagu dilay meel u dhow garoonka Balli Doogle, iyagoo kusii jeeday Magalaad Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Daily Monitor ayaa tibaaxay in dilka Askartani ay ka dambeysay kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qadeen Al shabab Malinimadii Khamistii Kolonyo Ciidamada AMISOM oo halkaasi marayay, iyadoona halkaasi lagaga dilay AMISOM 4-Askar.
Afhayeenka Ciidamada Uganda ee dalka Somalia Capt. Henry Oppo oo ka war bixinayay howlgalka ay wadaan Ciidamada AMISOM ayaa xusay in Ciidamadoodu ay wadaan Olola la isugu furaayo guud ahaanba gobolada kal duwan ee dalka Somalia, gaar ahaan Muqdisho iyo Baydhobo.
Al shabab ayaa inta badan weeraro gaadma ah kusoo qaada Ciidamada AMISOM iyo dowlada Soomaaliya, waxaana weeraradaasi ay sababaan Khasaaro soo gaaro Ciidamada.

Guddida Siyaasadda Arimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Calamiga Ah Ee Guurtida Kulan Albaabadu U Xidhanyihiin La Yeeshay Wasiirka Qorshaynta Somaliland

0
0

Guddida Siyaasadda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Guurtida Somaliland , ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Somaliland Dr Sacad Cali shire, kaas oo ay sheegeen inay ka waraysteen waxyaabaha u qabsoomay iyo halka ay wax u marayan.
Guddoomiyaha guddida arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ee Golaha Guurtida Sahal Iidle Xasan, ayaa saxaafada u sheegay markii kulanku dhamaaday in wasiirka ka wareysteen siyaada xukuumada ee horumarinta “ Waxa uu wasiirku na siiyay warbixin aad iyo aad u dheer oo qiimo badan oo taabanaysa ama koobsanaysa Somaliland oo dhan , anaguna waxa aanu nahay guddida Golaha uga wakiilka ah , markaa warbixintaa wasiirka anana waxa aanu gudbin doonaa Golaha warbixintaa qiimaha leh,”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay nuxurka ka kulankaasi “Waxaan guddida siiyey warbixin kooban oo laba geesood ah, taas oo ay qaybta hore ahayd warbixin ku sabsan wasaaradda qaab dhismeedkeeda hawlaheeda iyo horumarkii aanu samaynay labadii sano ee u dambeeyey, waxaanay qaybta kale ahayd guud ahaan xaalada ka taagan wadanka, dhibaatooyinka ina hor taagan iyo waxyaabaha aynu u baahanahay in aynu iska kaashano ama wax uga qaban lahayd, guddiduna su’aalo way iga waydiisay arrimahaasi ku sabsan, talooyina way ka soo jeediyeen, waananu tix galin doonaa”

War-Saxaafadeed: UCID Oo Dib Udhigay Shirkii Aan Cadiga Ahayn Ee La Iclaamiyey

0
0

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbigaasi Xasan Cismaan Aaden (Sabce) ayaa lagu sheegay in sababta dib loogu dhigay tahay Farxada Ciidal adxada awgeed.
War-saxaafadeedka Sabce ayaa u dhignaa sidan “Waxaanu maanta warsaxaafadeedkan idinku cadaynaynaa go,aankii ku taariikhaysnaa 22/09/2012 isla Markaana sumadiisuna ahayd Ref/UCID/825/2012 ee sheegayey cayimaada kal-fadhiga5aad golaha dhexe ee Xisbiga ucid kaas oo qabsoomi lahaa 25/10/2012 —–ilaa 26/10/2012
Hadaba waxaanu Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ucid ogaysiinaynaa in wakhtigaasi ku beegan yahey Ciidul Adxa
Sidaa, daraadeed waxaa la go’aamiyey in laga dhigo 28/10/2012 oo ah maalin Axada  
Sidaa Awgeed waxa la farayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Dibad iyo Gudaba in ay joogaan ugu danbayn magaalada Hargeysa 27/10/2012
Ugu danbayntii waxaa si xushmada leh laydunku adkaynayaa in aad wakhtiga dhawrtaan
ALLA              MAHAD                LEH
 
Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga
Md, Xasan Cismaan Aadan (Sabce)

Warsaxaafadeed: Guddoomiyihii Hore Ee Xidhiidhka Kubada Cagta Iyo Guddoomyaha Kooxda Duulista Iyo Hawada Oo Ka Hadlay Safarkii Ay Ku Tageen Muqdisho

0
0

Guddoomiyihi hore ee xidhiidhka kubada cagta Somaliland Axmed Maxamuud Sheekh iyo Guddoomiyaha kooxda kubada cagta ee Duulista Hawada Maxamed Xuseen Axmed ayaa ka hadlay safar ay dhawaan ku tageen Magaalada Muqdisho iyaga oo beeniyey waxba kama jiraana ku tilmaamay war ay ka baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland iyada oo xitaa labadan Masuul la xidhay kadib markii ay ka yimadeen safarkoodii ay ku tageen Magaalada Muqdisho iyada oo lagu xidhay Magaalada Berber.  Warsaxaafadeed  ay si wada jir ah u soo saareen labadan Masuul oo Wargeyska Saxansaxo nuqul ka mid ahi soo gaadhay ayaa waxa uu u qornaa sidan
Bishan Oct, 12keedii ayaanu ka amba baxnay Magalada Berbera kuna began malin sabtiya, subaxnimadii 9:30 waxaanu joognay Magalada Muqdisho, safarkaas oo ahaa mid kooban oo ah mudo 6 maalmood ah,
Ujeedada Safarkaasu wuxuu ahaa mid gaar ahaneed oo aanay wax mad madaw ahi ku jirin, hadii ay noqoto arrimo siyaasadeed iyo mid kaleba, taas oo ah mid ILAHAY nagu ogyahay, in aanay jirin arrimo kale iyo tuhumada kala duwan oo ay dawlada iyo Shacbiguba midba gaarkiisa tuhun u muujiyey, Anagoo isu arkaynay dad shacbi ah madaam la kala diray xidhiidhada wax masuuliyad ahna aanu haynin.
Arrinta Xidhiidhka Kubada Cagta Somalia, tiroba inti dawladan Mudane Ahmed Mahmed Silanyo jirtay laba goor ayaa la soo casuumay, labada goorna waxaa laga la hadlayey wixi ay ka soo qaadayeen Fifa, in Somaliland qaybteeda ay keenaan, labada goorba waxaa lagu heshiin waayey qaabka loo wada shaqaynayo iyadoo dawladu ilaalinayso qaranimada Somaliland awgeed.
Hadaba waxaa wax lala yaabo ah  Oc 16keedii in Joornalka Hubeel ay ku soo baxday warbixin runtii aad loola yaabo taas oo ah mid runta ka fog, ahna wax laga xishoodo oo aanay ku haboonayn in saxafada Qarkeed  iska qorto wax ala wixii ay doonaan taas oo keeni karta khal khal iyo isku dhac bulshada dhexdeeda.
Waxaa waliba wax lala yaabo ah in warbixintaa lagu qoray, in labadaa xubnood ay direen Wasiirada,  Duulista  Hawada, iyo Dhaliyarada iyo Ciyaraha, arrintaas oo ah mid dambi wayn ah iyadoo masuuliyintaasi aanay waxba ka ogayn safarkaa gaarka ah ee aanu ku tagnay Muqdisho, arrintaas oo looga fadhiyo wargeysa Hubaal in uu soo cadeeyo, waana wax ka baxsan anshaxa iyo asluubta saxafada, dawladana waxaanu ka codsanaynaa in arrinkaas ay caadaysteen saxafada qaarkood, in wax laga qabto sida qayrul masuulinimada ahna wax u qoraya taas oo keni karta  khal khal dhan walba leh.
Arrimahan lagu soo qoray Joornalaka Hubaal, iyo waliba Xadhiga Policeka intaba waxaanu ognahay in ay ka dambeeyeen rag aanu ku kala afkaar duwanahay qorshaha cusub ee u soo jeediyey wasiirka wasarada Ali Siciid Raygal taas oo ah qoraal uu soo saray kuna kala diray xidhiidhadii kala duwanaa isagoo u cuskaday in wasaarada iyo xidhiidhaduba ay isku noqdaan mid kaliya lana mideeyo awooda, dhaqaale iyo maskaxba, mudo kadibna la samayn doono xidhidho, madax banan marka la dhamaystiro shuruucda ay ku shaqaynayaan xidhiidhada iyo wasaradu.
Wargeysa Hubaal isagoo ku duraya Wasiirka wuxuu mudoba Qorayey xidhiidhada la kala diray, isagoo wasiirka ku eedaynaya go,ankas, uu wasirku qaatay, Waxaase la yaable in Wargysku hadana qoray, Xidhiidhka Kubada Cagta waxaa muqdisho u diray Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaraha, runtii waa arrin nusqaanteeda leh, waana waxyaabaha ay caadaysteen saxafada qarkeed kuwaas oo socod barad ah doonayana in ay ku soo shac baxaan kuna iibiyaan joornaladooda iyagoon kala eegaynin xaaraanta iyo xalaasha.
Waxaanu halkan uga mahad celinaynaa Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Ahmed Mahmed Mahmoud Silanyo, sida aanu u ogolayn in qofna xuquuqdiisa meel lagaga dhaco,  Waxaanu kaloo halkan uga mahad celinaynaa Ciidanka Policeka ee Gobolka Saaxil oo si wanaagsan noola dhaqamay, iyo intii sida wayn uga qayb qaatay siidayntayada”.
 
ALLA MAHAD LEH
Mahmed     Hussein      Ahmed
Ahmed        Mahmoud  Sheikh
 
 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Cambaareeyay Falka Waxshinimo Ee Dilka Ah Ee Lagula Kacay Wariyihii Tviga Universal Ee Laascaanood

0
0

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag u cambaareeyay falkii foosha xumaa ee xalay lagu dilay Weriyihii Universal ee magaaladda Laas-caanood Marxuum- Axmed Saki Faarax oo ay dabley aan la aqoonsani haybtooda xalay ku khaarajiysay badhtamaha Laascaanood.
Sidaasna waxa Wasiirku ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay tacsiyadeynaysaa Qoyskii, qaraabaddii iyo dhammaanba bahda warbaahinta gaar ahaanna TV-ga Universal ee uu u shaqaynayay Marxuum-Axmed Saki Faarax oo xalay lagu dilay Magaaladda Laascaanood.
Xukuumadda Somaliland waxay cambaareynaysaa falkaasi foosha xun, iyadoo qarankani aanu u dul qaadan doonin falalka noocan oo kale ah oo ugub ku ah dalkan.
Ha’yadaha amniga u xil-saaranina waxay ku hawlan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen Dambbiileyaashii dilkaasi geystay.”
Source-cadceed

Hub lasoo qabtay maanta iyo Amisom oo hadal adag jeedisay

0
0

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay hub iyo waxyaabaha qarxa oo maanta ay soo qabteen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo ku keydsanaa Shabeelaha Hoose.
Saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in hubkaasi lagu dhibaateyn jiray shacabka ku dhaqan Shabeelaha Hoose gaar ahaan kuwa ku sugan duleedka Degmada Walanweyn.
Masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah saraakiisha ugu sarsareyso ciidamada Dowlada oo maanta saxaafada la hadlay ayaa waxay siyaabooyin kala duwan uga hadleen qaabka hubkaani loosoo qabtay.
Gen:Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan oo isna ka hadlaayay goobta lagu soo bandhigay hubka iyo waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu sheegay in ay ka warhayaan Goobaha Miyiga ah ee Al Shabaab kaga suganyihiin Gobolka Sh/hoose islamarkaana ay tallaabo muuqato ka qaadi doonaan.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM oo goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa ku goodiyay in marnaba baaritanada ceynkaan oo kale ah la joojin doonin isagoo sheegay in beri ay sii wadi doonaan.
Generaal Cali Caraaye Cosoble Gacma-duule  Taliyaha howlgalinta Ciidamada Xooga dalka oo ka hadalay goobta ayaa cadeeyay in hubkaan ay soo qabteen maanta uu ahaa mid Alshabaab ay ku dhibaateyn jireen dadka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka oo Ansixiyay Miiisaaniyadda Dowladda

0
0

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku ansixiyay miisaaniyad dhan 37 Malyuun oo Dollar oo ay dowladdu isticmaali doonto 3-da bilood ee ka hadhsan sannadkan 2012-ka.


Israsaasayn Ciidamada Dowlada ku dhexmartay Magaalada Marko

0
0

MARKO (Sh.M.Network)—Dagaal Xoogan ayaa Galabta waxa uu ku dhexmara Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya gudaha Magaalada Marko ee Xaruunta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo dhowaan laga saaray Al shabab.
Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Warbaahinta Shabelle in 1 Askari uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay dagaalkaasi oo aan illaa hadda la ogeyn waxa uu salka ku hayo.
Xaalada Magaalada ayaa lagu soo waramayaa inay Caawa tahay mid kacsan kadib dagaalkii galabta ka dhacay,waxaana socda wadahadalo ay wadaan Odiyaasha Magaalada oo ay ku doonayaan inay ku dhameeyaan Colaadaasi u dhaxaysa Ciidanka Soomaaliyeed.

Ururka Samafalka Tawfiiq Oo Deeq Lacaga Gaadhsiiyay Qoyskii Gurigu Ka Gubtay Saqda-dhexe

Israel oo weerar cirka ah ku qaadday Qasa

0
0

Weerarka Israel waxa uu dhacay maalin kadib markii uu magaalada Qasa booqday Amiirka dalka Qadar
Weerar cirka ah oo ciidanka Israel ay ku qaadeen Marinka Qasa ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan saddex dagaalyahanniinta Falastiin, iyadoo qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Militeriga Israel ayaa sheegay in kooxdan lagu qaaday weerarka iyaga oo isku diyaarinayay inay gantaallo ku ridaan dhinaca Israel.
Israel waxay sheegtay in ugu yaraan 50 gantaal ay ku dhaceen dhulkeeda, oo si xun ay ugu dhaawaceen saddex qof.
Iskuullada ayaa la xiray soohdinta labada dhinacba, iyada oo laga cabsi qabo weerarro dheeraad ah.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin uun kadib markii Amiirka dalka Qadar oo booqday Marinka Qasa markii ugu horreysay tan iyo markii ay maamulka la wareegeen dhaqdhaqaaqa Xamaas muddo shan sano laga joogo.
Source-BBC

Faahfaahin dagaaladii maanta ciidamada Dowlada ay ku qabsadeen Leego

0
0

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkaan waxaana uu soo kala gaaray labada dhinac walllow aan si dhab ah loo cadeyn karin qasaaraha.
Warar dheeraad ayaa laga helayaa dagaaladii maanta ka dhacay duleedka degmada Shalanbood ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan oo Alshabaab ay qorsheeyeen,waxaana uu socday muddo daqiiqado badan ah.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidamada Ururka Alshabaab weerar ay kusoo qadeen fariisimiha ciidamada dowlada ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Yaa Bari weyne ee Deegaanka Shalanbood.
Dagaalkaan ayaa waxa  uu qayb ka yahay dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah oo ay Alshabab  ku badaleen  dagaaladii foolka foolka ahaa ee ay qaadi jireen xilayadii  ay maamulayeen gobolada qaar.
Sida dadka deegaanka ay sheegayaan ilaa afar ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay dagaalkii maanta.
Ciidamada Dowlada ayaa la sheegayaa inay kasii talaabayaan deegaanka Leego iyagoo kusii jeeda degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay

Ciidanka NATO oo la weerarray

0
0

Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in saaka iyaga oo roondo sameynaya ay soo weerareen waxa ay ku tilmaameen koox ay uga shakiyeen burcad badeed.

Weriyihii 16aad oo lagu dilay Laas-Caanood

0
0

Weriyaha Xalay lagu dilay magaalada Laas Caanood Axmed Faarax Ilyaas waxa uu u shaqeynayay telefishinka ku hadla af Soomaali oo la yiraahdo Universal.

Xildhibaannada Baarlamaanka oo ansixiyay miisaaniyadda 3-da bilood ee sanadkan

0
0

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku ansixiyeen miisaaniyadda ay ku shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya saddexda bilood ee sanadkan.
 
Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay joogeen 173-mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo soo hordhigay Xildhibaanada inay cod u qaadaan miisaaniyada sanadkan bilaha harsan.
 
Guddi 5-xildhibaan ah oo loo saaray inay ka soo warbixiyaan arrinkaas ayaa ka hor sheegay Mudanayaasha Baarlamaanka in miisaaniyadan ay tahay in xildhibaanada ay ogolaadaan, si loogu gudbo miisaaniyada soo socota in xukuumada cusub ay keento.
 
Waxaa jira xildhibaanno dood ka keenay arrinkaas kuwaas oo sheegay inay ka soo horjeedaan in la ansixiyo miisaaniyadda, maadaama laga gudbay xilliga KMG, isla markaana wali la soo dhisin Golaha Wasiirada, taasoo ay xuseen in xukuumadda cusub looga baahan yahay in miisaaniyada ay horkeento.
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday xildhibaanada inay cod u qaadaan arrinkaas doodad dhalisay, waxaana 169-ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ay isku raaceen in la ansixiyo, halka saddex mudane ay ka aamustay, hal Xildhibaan kaliyana  uu diiday.


Carruur meyd ah oo laga helay war biyood ku yaala degaanka Xagar-dheer

0
0

Goob biyo fariisad ah oo ku taalla bartamaha xerada qaxootiga Xagardheer degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa xalay fiidkii waxaa laga helay meydadka afar carruur Soomaaliyeed.
 
Afartaas carruur ee meydadkooda la helay ayaa dhammaantood ahaa wiilal, kuwaasoo ay labo walaalo ahaayeen, waxaana la sheegay inay  ku dhaceen War biyood ku taala degaankaas.
 
Carruurtan oo da’doodu ay u dhaxeysay 8 jir ilaa 12 jir  ayaa waalidiinta  dhashay waxa ay ka codsadeen mas’uuliyiinta hay’adda qaxootiga ee Qaramadda Midoobay (UNHCR) in ay wax ka qabato dhibaatooyinka carruurta ka soo gaaraya goobaha biyo fariisadka ah ee ku yaalla xeryaha qaxootiga Dhadhaab.
 
Shalay ayay ahayd markii sidoo kale saddex qof oo Soomaali ah meydadkooda laga helay duleedka xerada qaxootiga Ifo ee isla gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Dowladda Uganda oo ku hanjabtay inay dib u eegayso howgalka ay kawaddo Soomaaliya kaddib eedeyn loo jeediyay

0
0

Dowladda Uganda ayaa ku hanjabtay inay dib u eegis ku sameynayso howgallada nabad ilaaliyeed ee ay ka waddo dalal ka tirsan qaaradda Afrika, kaddib markii Qaramada Midoobay ay ku eedeysay inay taageerto jabahadad M23 ee ka dagaalanta bariga DR Congo.
Guddi ka socda Qaramada Midoobay oo baaritaanno sameeyay ayaa ku eedeeyay dalalka Uganda iyo Ruwanda inay taageeraan jabhadda ka dagaalanta DR Congo, iyadoo dowladda Uganda ay eedeyntan si caro leh uga jawaabtay.
“Uganda waxay hadda dib u eegi kartaa howgallada ay ka waddo Soomaaliya, halkaas oo ay naga joogaan ciidamada ugu badan ee ka socda Midowga Afrika,” ayuu yiri wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda, Asuman Kiyingi oo la hadlay saxaafadda.
Warbixinta guddiga Qaramada Midoobay ee eedeynta loogu jeediyay Uganda iyo Ruwanda ayaa lagu sheegay inay hub siiyaan jabhadda M23, iyadoo dagaallada ka socda bariga DR Congo ay ku qasbeen inay guryahooda ka cararaan 500,000 oo qof.
“Eedeyntan waxay sumacad-xumo weyn ku keentay dalka iyo dadka Uganda, waxaana eedeyntan ay keeni kartaa inaan dib u eegno howgallada nabad ilaaliyeed ee Qaaradda Afrika oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu u sheegay BBC-da wasiirka u hadlay dowladda Uganda.
Dowladda Uganda ayaa waxay ciidamadeedu ka howgalaan dalalka Soomaaliya iyo dalka Afrikada dhexe, halkaasoo ay u joogaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen nabad kusoo dabbaalidda dalalkan oo dagaallo sokeeye aafeeyeen.
Ciidamada AMISOM oo intooda badan ka socda dalka Uganda ayaa waxay gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dagaallada lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo ah koox sannado badan gacanta ku haysay inta badan gobollada ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa qaraxyo aargudasho ah waxay bishii July ee sannadkii 2010 ka geysatay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaasoo ay ku dishay in ka badan 70 qof oo shacab ah.
Source-Hol

Xaflad lagu furayay Idaacad iyo Telefishin u gaar ah Waxbarashada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

0
0

Waxaa Arbacadii shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad lagu furayay idaacad iyo telefishin u gaar ah waxbarashada oo lagu magacaabo Radio Iftin iyo Iftin TV. Idaacadda Iftin ayaa markii ugu horreysay hawada si ku-meel-gaar ah u soo gashay 10-kii July ee sanadkan si ay gacan uga geysato baahinta waxbarashada.
Xafladdan waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bahda waxbarashada dalka sida jaamacadaha, dalladaha waxbarashada, Ururka Qalinleyda Soomaaliyeed (Somali Pen), hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada, Kooxda Iftin iyo mas’uul sarsare oo ka socotay Wasaaradda Waxbarashada.
Ugu horreyntii waxaa xafladda laga soo jeediyay warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa Iftin Media iyo ujeeddooyinka loo aasaasay oo ay ugu waaweyn yihiin baahinta waxbarashada iyadoo loo adeegsanayo warbaahinta is-dhexgalka ardeyda iyo macallimiinta. Waxaa idaacadda iyo telefishinkaba ka bixi doona casharro faa’iido badan leh.
C/rashiid Dhaqane oo ka tirsan dalladda SAFE oo ku hadlayay magaca dallada ayaa sheegay in idaacaddani ay qeyb ka qaadan doonto baahinta waxbarashada dalka. Waxaa sidoo kale hadal kooban halkaasi ka jeediyay Inj. Cabdisalaan Caddow oo ah guddoomiye-ku-xigeenka jaamacadda banaadir isagoo ku hadlayay magaca jaamacadaha Soomaaliyeed.
Abwaan Cabdikariin Shire (Sandheere) oo ku hadlayay magaca kooxda Iftin ayaa isna sheegay inay diyaar u yihiin inay idaacadda ka qaataan kaalintooda sidii loo kobcin lahaa waxbarashada Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo suugaanta noocyadeeda kala duwan.
Ugu dambeyn; waxaa halkaas ka hadlay, mudane Ismaaciil Macallin Cabdullaahi oo ah agaasimaha waaxda dalladaha ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo ku hadlayay magaca wasaaradda waxbarashada, isagoo ballanqaaday in wasaaraddu hiil iyo hooba la garab taagan tahay Radio Iftin iyo telefishinka Iftin.
Waxbarashada gaarka loo leeyahay ayay korortay sanadihii ugu dambeeyay, taasoo laga dareemi karo tirada sii kordhaysa ee goobaha waxbarasho ee dalka laga furayo. Tusaale ahaan waxaa magaalada Muqdisho ka furan 20 jaamacadood, kuwaasoo badankood la aasaasay shantii sano ee ugu dambeysay.
Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibeddiisa waxay Iftin kala socon doonaan website-ka idaacadda oo ah www.radioiftin.com. Iyadoo dadka gudaha ku suganna ay kala socon doonaan idaacadda hawada iyo weliba Internet-ka.
Bishii May ee sanadkan waxaa magaalada Muqdisho laga sameeyay idaacad u gaar ah arrimaha isboortiga oo magaceeda la yiraahdo Gool FM (www.goolfm.net), taasoo dabooshay baahidii ay bahda isboortigu u qabtay idaacad iyaga u gaar ah.
Source-Hol

Komishanka Dorashooyinka Somaliland Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Ololaha Doorashada Golaha Deeganku Bilaabmayso Iyo Habka Loo Kala Horaynayo

0
0


Af hayeenka Gudida Komishanka Somaliland ayaa ku Dhawaaqay Wakhtiga ay Bilaabmayso Ololaha Doorashooyinka Golayaasha Deeganka, isaga oo sheegay in 29 Bisha October ay Guud ahaa Dalka ka bilaabmayso Ololaha Doorashada, Waxanu Tilamaamay Hananka ay u kala horeynayaan Ururadu.
Sidaasi wax uu ku sheegay shirjara’id oo uu Goor dhawayd uu ku qabtay afhayeenka komishashanka doorashooyinka somaliland Maxamed Ismaaciil ( Kabo-wayne) Xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee Magaalada Hargeysa.
Afahayeenku wax uu sheegay in ururadu ay kala yeelana doonaan maalmaha:
1- Umadda ————–29 October ururka Ummada
2- UCID —————-30 October Xisbiga Ucid
3- Kulmiye————- 31 October Xisbiga Kulmiye
4- Dalsan————– 1 November Ururka Dalsan
5- Rays —————-2 November Rays
6- Waddani————–3 November Waddani
7- Xaqsoor.———– 4 November Xaqsoor
Waxanu yidhi “Waxanu Halkan kaga dhawaaqayna in In Ololihii Doorashada Golaha deeganku uu Bilaamayo 29 Bisha October oo ah Isniinta inagu soo socta, waxayna ururadu u kala horeynayaan sidii aanu ugu Qori tuurnay, Waxa u horeynaya 29 october Ururka Ummada, 30 October Xisbiga Ucid, 31 October Xisbiga Kulmiye, 1 November Ururka Dalsan, 2 November Rays, 3 November Waddani, 4 November Xaqsoor, Waxanu urur walba u soo jeedinaynaa in maalinta ay Ololaha Ay leeyihiin ay ilaaliyaan Nabad gelyada, waxanu ururka aan maalinta lahayn uga digay in ay Ololaha sameeyan.”ayuu yidhi.
Ururadan ayaa maalinba mid u yeelan doonaa ololaha doorashada, iyada oo todobaadkiiba ururka hal maalin ololaha doorashada ku yeelan doono.
Source-cadceed

Ciid Wanaagsan…Ciid Wanaagsan.. Dhamaan Hawlwadeenada shabakadda Caalamigga ee Idhanka Waxa Ay Umadda Muslimka Iyo Soomaalidaba Ciid Wanaagsan Sanad-Wanaagsan

0
0

Ciid Wanaagsa…Ciid Wanaagsan.. Dhamaan Hawlwadeenada shabakadda caalamigga ee Idhanka Waxa Ay Umadda Muslimka Iyo Soomaalidaba Ciid Wanaagsan Sanad-Wanaagsan oo khayr qaba ilaahay ha inoogga dhigo, nabadgalyo, caafiimaad, tawfiiq ,bashbash iyo barwaaqo, danbigeena oo Allah aan waydiisano in uu dhaafo ,Isna cafino Soomaali hadaan nahayn . dhib ayaa ina gaadhaye.Aamiin aaamiin

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live