Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxaa ka jira in ay waalidu la xariirto wax indisaada (warxibin)

$
0
0

Waxaa la’ogaday in xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo waalida iyo qofka wax hindiso waa daraasad dhowaan la sameeyay
Koox baarayaal ah oo ku sugan magalada waashinton Ee Dalka mareeykanka ayaa  lagu ogaaday in dadka ku mashquula waqti dheer in ay wax hindisaan ay ku dhacaan cuduro caqliga ka asiiba waana arin badanaa dhacda
 
War bixin lagu dabacay DPI isla markaana lagu baahiyay barta intermetka ah ee lagu magacabo Saynis Daily ayaa lagu sheegay in barayashu ay gareen sanadkii hore in fannaaniinta iyo culumadu ay halis ugu jiraan  xanuunkaasi iyo waali marka ugu dambeeysa asiibto
 
waxa ayna kaga halis badan yihiin dadka kale oo dhan ,sidasi waxaa sheegaya culumada baritaankan sameeyay
 
Culmo kale oo iyana isla arinkan baaritaan ka sameeyay ayaa sheegaya in culumadasi iyo fannaaniinta aad loogu baqo oo ay sura gal tahay in ay qafiifaan ama waali qac ah ku dhacdo mara arinkaan waxa ay ku macneeynayaan in in kabadan tanka maskaxda bini aadamka ay saaraan taasina ay soo dadjiso in ay waashaan oo xanuuno dhanka maxkaxda ah ku dhacdo
 
Baaritanka ayaa si gooni ah diiradda u saaraya qolyaha fannaaniinta ah oo iyagu mararka qaar isticmaala walxaha manka dooriyo tasina ay ku kalifto in uu qabatimo mandooriya ugu dambeeyntiina saameeyn an wanaagsaneeyn ku yeelata maskaxada Fannaanka
 
war bixinta waxa ay leedahay  50% fannaaniinta marka xanuunadaasi maskaxda ah ay la soo darsan waaba is dal dalaan taasina waa arin kale oo ay shaca ka qaadeen culumada baaritaan sameeysay .


Suuqyada muqdisho oo laga dareeemayo soo dhaweynta ciida (daawo sawirada)

$
0
0

Iyadoo maalinta berri ay ku beegan tahay Ciidul Adxa ayaa maanta waxaa diyaar garow aad u ballaaran laga dareemayaa suuqyada magaalada Muqdisho, halkaasoo ay buux dhaafiyeen dadweyne fara badan oo wax ka iibsanaya. Inkastoo Ciidan Soomaalida u taqaano Ciid-weyney, ayaa waxaa Carwooyinka dharka lagu iibiyo lagu arkayay caruur ay waalidiintooda la socdeen, kuwaasoo ay u iibinayeen dharka. Suuqa Xamar weyne ayaa aad u buux dhaafay, waxaana dadweynaha ay ku mashquulsan yihiin dukaameysiga, waxaana aad u saxmad u ahaa goobaha lagu iibiyo Xalwada, Buskutka iyo waxyaabaha kale ee mac-macaanka ah. Sidoo kale waxaa iyana aad u buuxay goobaha haweenka isku qurxiyaan oo gabdhaha yar yar loo saarayay cilaan halka kuwo kalana la qurxinayay. Ciidan ayaa ka duwan ciidihii hore maadaama dadku ay labadii maalmood ee u dambeeyay ay ku mashquulsanaayeen diyaar garowga Ciida, waxaana ciidan ay caan ku tahay xoolo qalka. Ciidan Carafo ayaa imaaneysa iyadoo dalku galay is bedel dhinaca hoganka, kadib markii doorashada Afhayeenka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay ka dhacday bishii hore.




Barakacayssha Muqdisho oo codsaday in la gargaaro

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Xilli Maalinta beri ah lagu wado in loo dabaaldego Munaasabada Ciidul Adhxa ayaanan wax diyaar garow ah oo la xiriira munaasabadaasi aan laga dareemeyn qosaska Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.
Qoysaskani oo ah kuwo danyar ah islamarkaasna ka soo barakacay Gobolada qaar ee dalka ayaa sheegay in aysan haysan wax ay ugu diyaar garoowaan Munaasabada Ciidul Adhxaha, iyagoona dowladda Soomaaliya iyo cidkasta oo wax haysata ay ka codsadeen in la gargaaro Maalinta beri ah si ay qeybaha kala duwan ee Shacabka ula qeybsadaan faraxada Munaasabada Ciida.
Maalinta Beri ah ayaa waxaa lagu wadaa in loo dabaaldego faraxadda Munaasabada Ciida, iyadoona ay xusid mudantahay in xirooyinka dadka barakacayaasha ah ee Magaalada Muqdisho aan laga dareymeyn diyaargaroow ku aadan munaasabada Ciidul Adxaha.

Facebook oo soo wada Barnaamij cusub oo lagu garanayo Wajiyada Dadka isticmaala adeegaas cusub.

$
0
0

Shirkadda Leh barta bulshada ay ku xriirto Ee lagu magacaabo Facebook ayaa soo wadda barnaamij lamagac baxay Face.com face waa waji barnaamijkana waaxa uu qabanaya howl ad muhiim u ah waxaa garashada wajiyada . shirkadda ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu u marayo dadaalkan ay ku soo kordhinayso Adeeggeedan cusub oo ah garashada wajiyada iyada oo la’isticmaalayo Face.com. illaa imminka lama shaacin gor gortanka halka uu u marayo shirkadda lkiin waxaa laxaqiijiyay in wad hadal uu u soconayo shirkaddan iyo barta la’yiraahdo Tak-karaaj Ee wararka tabisa lkiin ku horu martay Technologiyadda casriga ah qiimahana uu marayo 60 milyuun oo doolarka mareyknaka. Facebook ayaa barnaamijkaan isticmaalidoonto muddo laba sanno ah si ay uga faaiideystaan macaamiisheeda ku xiran si baa la’yiri ay u xadidaan sawirada saaxiibadooda isticmaala Facebooka . Bartan caambaxaday ayaa haatan waxaa isticmaala 900 malyuun oo qof kuwaa oo isugu gudbiya in kabadan 300 oo malyuun oo sawiro maalin walba.

Diyaargarowga Ciida oo laga dareemayo Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Diyaargarow Xooggan ayaa laga dareemayaa suuqyada waaweyne ee magaalada Muqdisho kaasi oo ku aadan Ciidul Adhxa oo ku began Maalinta berri ah.
Shacabka ku nool Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayay suuqyada muqdisho, gaar ahaan Bacadlayaasha Dukaamada Macmacaanka iyo Goobaha lagu iibiyo Xoolaha,kuwaasi oo aad ugu mashuulsanaa adeegyada kala duwan ee ay kaga qeyb qaadanayaan Munaasabada Ciida.
Mid kamid ah dadka ka ganacsada Dharka oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay qaabka loogu dukaamaysanayo Bacadlihiisa.
Sidoo kale mid kamid ah dadka iibiya macmacaanka uu isna u waramay Shabelle ayaa waxa uu tibaaxay in qebaha kala duwan ee Macmacaanaka iibsigooda uu yahay mid iska dhexdhexaad ah, maadaama Ciidan ay tahay mida la qalo Xoolaha(Ciidul Adhxaa).
Inta badan Maalmaha Ciidaha oo ah kuwa aad ugu weyn Ummadaha Muslimka ah ee ku nool daafaha Caalamka ayaa si aad ah usoo dhoweeya.
 

African Cup of Nations ( dalka ugu hanashada badan, ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badan … )

$
0
0

Koobka kubada cagta ee Qaramada Africa waa tar tanka caalimiga ah ee ugu muhiimsan Qaarada Africa, Tar tankaas oo labadii sanaba mar la qabto Waxaa qaban qaabiya xiriirka kubada cagta Qaarada Africa ( CAF ) Confederation of African Football wuxuuna si rasmi ah u soo bilowday sanadkii 1957 – kii waxaana markii ugu horeysay marti geliyay dalka SUdan , iyadoo ay kasoo qeyb galeen 3 dal oo kala ahaa Masar, Sudan iyo Ethiopia,waxaana koobkii ugu horeetay gacanta ku dhigay dalka MASAR oo xiligaa loo yaqiin UNITED ARAB REPUBLIC.

Sanadkii 1988 -kii ayaa tirada dalalka ka qeyb galaya tar tanka kama dambeysta ah la kordhiyay lana  gaarsiiyay 16 dal , 14  wadan ayaana ayaana ku guuleystay 28 – kii jeer ee tar tanka la qabtay 1957 – 2012 dalka Masar oo mudo 7 jeerah  ku guuleystay koobka ayaa noqday dalka ugu hanashada badan koobka qaramada Africa, sanadihii 1957, 1959 , 1966 , 1998, 2006 , 2008 iyo 2010, dhinaca kale dalalka CHANA iyo CAMEROON ayaa iyana min afar jeer koobka  hantiyay.
Dalalka NEGERIA iyo CONGO DR ayaa min 2 jeer koobka ku guuleystay halka ay 9 dal ay min hal jeer ku guuleysteen kuwaas oo kala ah TUNISIA , SUDAN , IVORY COAST , ALGERIA , MOROCCO , ETHIOPIA , SOUTH AFRICA , CONGO iyo ZAMBIA , dhinaca kale dalka Masar ayaa noqday dalka ugu badan ee u soo istaaga ciyaarta kama dambeysta ah ( FINAL ) 8 jeer oo 7 ka mid ah ay koobka ku guuleysteen ayeyna u safteen , halka ay 22 jeer ay ka qeyb galeen wareega kama dambeysta ah 28 – kii  jeer ee la qabtay koobka kubadda cagta ee Qaramada Africa, halka xulka IVORY COAST uu 20 jeer koobka kasoo qeyb galay dalka GHANA ayaana isna 19 jeer koobka u soo xaadiray.
African Cup of Nations oo ay sanadkan 2013 waxaa   marti gelinaya  dalka South africa   waxaana  is reeb reebkiisa ka qeyb galay 44 dal oo loo qeybiyay 11 Group oo min 4 ah , halka dalka tar tanka marti gelinaya ay si toos ah isagoo aan isreeb reb gelin tar tanka ugu soo baxay  waxeyna tirade ka dhigayaan 45 dal  ,waxuuna si rasmi ah Tar tanku u bilaaban doonaa 19 janaury 2012 waxaana lasoo gaba gabeyn doonaa 10 -ka Febraury 2012, waxuuna tar tanka ka dhici doonaa afar garoon oo ku kala yaal Magaalooyinka DURBAN, PORT ELIZABETH, NELSPRUIT iyo RUSTENBURG, 16 -ka dal ee u soo baxay tar tanka kama dambeyta ah waxaa loo qeybiyay 4 group oo kala ah A, B, C iyo D. Group A waxaa ku wada jira SOUTH AFRICA, ANGOLA , MOROCCO iyo CAPE VERDE , halka Group B ay isku herdin doonaan  dalalka GHANA ,  MALI , NIGER iyo CONGO DR ,  Gruop C waxaa ku kulmaya dalalka  ZAMBIA, NIGERIA, BURKINA FASO iyo ETHIOPIA , iyadoo Group – ka afraad ee D oo ah groupka dhimashada sku arki doonaan dalalka IVORY COAST,  TUNISIA, ALGERIA iyo TOGO.
Ciyaar yahanka ugu gool dhalinta badan abid African Cup of Nations waa Samuel Eto ‘o oo u dhashay Cameroon oo 18 gool hogaanka ku haya , LAURENT POKOU oo 14 gool leh baa kusoo xiga iyadoo uu RASHIDI YEKINI oo13 gool leh uu kaalinta sedexaad ku jiro , dhinaca kale  Mohamed Ad Diba oo Masar ah uu noqday ciyaar yahankii ugu horeeyay ee ku guuleysta ciyaar wanaaga koobka qaramada Africa sanadkiii 1957 – kii , halka Axmed Hassan oo isna Masri ah uu ka yahay ciyaar yahankii ugu dambeeyay ee heysta darajada ciyaar wanaaga koobka qaramada Arrica , SOUTH AFRICA iyo CAPE VERDE ayaana ciyaarta ugu horeysa  fooda isku  dari doona 19 January 2013.
African Cup of Nations 2013 waxaa ka maqan Xulka MASAR  oo ah kan ugu hanashada badan koobka qaramada Qaarada africa , dhinaca kale Libya oo marti gelin laheyd AFRICAN CUP OF NATIONS 2013 ayaa laga wareejiyay waxaana marti gelinta ku guuleystay   dalka SOUTH AFRICA.
Qalinkii Qoraa Sare.
Muse Mohamed Osman
Muusekiimiko99@hotmail.com
muusekiimiko@gmail.com

Dowlada oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtey sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan AlQaacida.

$
0
0

Saraakiisha ciidamada dowlada federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan ururka AlQaacida oo uu hoos yimaado ururka Alshabaab.
Jeneraal Maxamed Maxamuud Saneey oo ah Taliyaha uu sareeya ee ciidamada dowlada ee ka howl galaya Shabeelaha dhexe ayaa sheegay in ay qabteen ninkani Ajnabiga ah oo uu sheegay in uu watay Baasaboor Keenyaati ah, kaasi oo uu ugu qornaa Abdirahmaan Abdulaahi Ali.
“Waxaan Qabanay isagoo gaari wata oo doonaya in uu Muqdisho soo gala, waxaana u maleynayaa in uu doonayay in uu howl gal ka fuliyo Muqdisho”ayuu yiri.
” Sawaaxiligana wuu ku hadlayaa, Soomaaligana wuu jajabsanaa, Waxaana hadda gacanta ku haya Amsiom oo baaraya, kadibna waxaan ku wareejineynaa ciidamada nabad sugida” ayuu mar kale yiri.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Taageeraan Dowladda

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul Adxa.
Maxamed Cusmaan Jawaari Ayaa ka mid ahaa madax Dowladda ka tirsab kuwaasoo dadka kula tukaday Masaajidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho, wuxuuna sidoo alle uga baryay in umada Soomaaliyeed uu dib u soo celiyo qaranimadii ay lahaayeen.
Waxaa uu sidoo kale Jawaari shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo sidii loo soo celin lahaa nabadgalyada.
Sikastana, magaalada Muqdisho ayaa sanadkaan lologa ciiday si ka duwan ciidihii hore oo ay magaaladu diloodeen dagaaladii sokeeye.


Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Dr Saacid oo Hambalyo ku aadan Ciidul Adxaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed.

$
0
0

Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa hambalyo u diray sbhacabka soomaaliyeed , isagoo ugu hambalyeeyay shacabka soomaaliyeed Ciidu Adxa oo ka tirsan maalmaha ugu farxada badan caalamka islaamka.
Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda.
“Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay kheyrkii bisha Dul-Xaj waa in la badiyo Alle ka Cabsiga, lays Cafiyo, lana walaaloobo iyo in umadda Soomaaliyeed ka shaqayso dib u heshiisiin dhab ah dalkeena ka hirgasha” ayuu yiri Cabdi Faarax Shire isagoo intaasi ku daray in wadanka maanta uu marayo marxalad cusb oo shacabka Soomaaliyeed ay heleen dowlad rasmi ah.
“Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan Ciida waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay u garab istagi lahayeen dowladooda,waxaadna ogaataan inaysan suurta gal ahayn inaan qaadno talaabo lagu xaqiijinayo horumarka dalka hadii aanaan gacan ka helin shacabka Soomaaliyeed sidaas daraadeed, waa inaan awoodiina iyo maskaxdiina isugu geeysaan sidii dalka loo samata bixin lahaa “
Marxaladda maanta dalku marayo.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faidaysataan marxalada cusub ee dalku galay waxaana maanta ku faanaynaa in somaaliya leedahay dowlad rasmi ah dalkana intiisa badana laga xoreeyey Alshabaab, sidaas daraadeedna, dowladu tilaabooyinka ugu horaya oo ay qaadayso waa sidii loo xasilin lahaa gobolada dalka loona dhisi lahaa maamulo dadka degan deeganadaas ay raali ka yihiin, .
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh taas oo dalka ka saarta meesha uu maanta marayo, waxaana ka rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay igu garab siin doonaan aniga iyo Xukuumadayda cusub sidii aan u fulin lahayn waajibaadkeena shaqo.
Ciid Mubarak, Kullu caam wa antum bikheyr.
-DHAMAAD –

Meydad laga helay Bada udhaxeysa Morocco iyo Spain “Faah Faahin”

$
0
0

Ilaalada xeebaha wadanka Spain ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo heleen maydka 14 ruux oo muhaajiriina h xeebaha wadanka Morocco iyo 17 ruux oo nool.
Kooxaha kale ee gurmadka degdega ah ee wadanka Spain ayaa la sheegayaa inay wali halkaasi iyaguna ka sii wadaan baadi goobka ay ugu jiraan dad kale oo gaaraya 70 ruux oo iyagu ka mid ahaa dadkaasi muhaajiriinta ah.
Wararka laga helayo kooxaha gurmadka degdega ah ee dalka Spain ayaa sheegaya in halkaasi ay kula quustay dooni ay dadkaasi la socdeen oo ka timid wadanka Morocco .
Lakiin mid ka mid ah shaqalaha gurmadka degdega ah ee dalka Spain ayaa sheegay in doonidu ay siday muhaajiriin guudahaan gaaraya 70 ruux oo doonayay inay gudaha u galaan wadanka Spain.
Diyaaradaha gaarka ah ee ilaalada xeebaha wadanka Spain ayaa iyaguna dul heehaabaya xeebta ay doonidu kula quustay dadka muhaajiriinta ah ee ku maashooday xeebta wadanka Morocco.
Dadka muhaajiriinta ah ee doonidaasi la socday ayaa la sheegayaa in la rumaysanyahay inay ukala dhasheen wadamada saxaraha ka hooseeya ee qaaradani Afrika.
Kumanaan muhaajiriin ah ayaa la sheegayaa inay sanad waliba si sharci daro ah uga soo tahriibaan wadamada qaaradani Afrika si ay isugu dayaan inay gaaraan wadamada Yurub iyagoo soo iibsada doonyo yaryar oo aan dhamays tiri karin safarkooda ay ku doonayaan inay Yurub ku gaaraan isla markaasina meelo dhexe kula quusa.

DAAWO SAWIRADA: Qaab Noocee ah ayaa looga ciiday Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi

$
0
0

Magaaladda Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii ayaa maanta waxaa looga ciiday Si weyn, iyadoona la arkayay kumanaan kun oo isku soo baxay.
Dadka ayaa ku kala dukaday Barxado waa weyn oo kuyaal Xaafada Islii iyo qeybo kale oo kamid ah Magaaladda Nairobi e xarunta dalka Kenya.
DAAWO SAWIRADA DUKASHADA SALAADDA CIIDA

(Daawo Sawiro) Munaasibada Ciidul Adxa Oo Si Weyn Looga Ciiday Magaalada Buuhoodle

$
0
0

Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn oo kamid ah meelaha sida weyn looga ciiday maanta ayaa waxa ay dad weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoosdle ay iskugu soo baxeen dhamaanba goobaha cibaadada iyo garoonka weyn ee Magaalada Buuhoodle, halkaas oo ay ku tukadeen salaadii ciida isla mar ahaan taana waxa ay si weyn u soo dhoweeyeen munaasibada ciidul adxa. Mar aanu u kuur galnay xaalada guud ee Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ay indhahayaga si weyn u soo jiitay ciidamo aad u tira badan kuwaas sugayey amniga goobaha lagu tukanayey salaada ciida ee ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagoona goobahaasi lagu arkayey askar wadata dirayska ciidamada Police-ka ama nabad sugida kuwaas oo si weyn xaqiijinayey amniga guud ee Magaalada Buuhoodle iyo goobaha ay salaada ku tukanayeen dad weynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle.
Sidoo kale dad weynaha oo wajiyadooda ay ka muuqato farxad aad u balaadhan ayaa waxa ay hambalyo iyo salaamo aan lasoo koobi karin isku dhexmarinayeen warbaahinta qaybaheeda kala duwan, iyagoona si weyn usoo dhoweeyey munaasibada barakaysan ee ciidul adxa waxa ayna dhamaanba dadka muslimiinta ku kala sugan daafaha dunida u rajeeyeen in sanadkan sanadkiisan kale ay bash bash iyo barwaaqo ku gaadhaaan isla munaasibadan oo kale.
Hadaba Muuqaalka Munaasibadaasi Halkan Hoose Ka Daawo Sawiradeeda……..

(DAAWO VIDEO) Magaalada Jig Jiga ee deegaanka Soomaalida ayaa ciida si weyn looga diyaar garooway

$
0
0

Kumanan kun Oo Qof oo ah Dadweynaha Ku Dhaqan Magalada jigjiga iyo Hareeraheda Ayaa Salada Ciida Carafo Ku Tukaday Fagaaraha Wayn Ee Magalada Jigjiga.
Daawo Video

Sidoo Kale Gobolada uu ka kooban yahay Deganka Somalida ayaa siwayn looga Ciiday isla markaana Si nabadgalyo ah u dhacday

Weriye Axmed Kaabe

DAAWO MUUQAAL:Masjid lagu dukanayay Salaadii Ciida oo la isku qarxiyay dalka Afganistan “Qasaraha ka dhashay oo aad ubadan”

$
0
0

Xili guud ahaan dunida Muslimka maanta looga dabaal dagayo munaasabada ciidul adxada ayaa hadana waxaa ka dhacay Waqooyiga wadanka Afganistan qarax ismiidaamin kaasi oo lala beegsaday masjid lagu tukanayay salaada ciida.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhinteen ku dhawaad 40 Ruux oo ahaa dadkii salaada Ciida dukanayay iyo askar katirsan ciidamada amaanka.
Qaraxaas ayaa la sheegayaa inay sidoo kale ku dhaawacmeen dad ka badan 50 ruux iyadoo dadkaas ay ahaayeen dhaamaan dad ka qayb qaadanayay tukashada salaada ciida .
Dhacdadan ayaa la sheegayaa inay ka dhacday magaalada Maymana ee gobolka Faryab ee Waqooyiga dalka Afganistan kaas oo uu gaystay nin xirnaa dareeska ciidamada Police-ka ee dowlada Afganistan isla markaasna uu isku qarxiyay dadkaas.
Gudoomiyaha gobolka Faryab ee ay mashaqadu maanta ka dhacday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dadka halkaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ciidamo ka tirsan kuwa Policeka ee dowlada Afganistan.
Ku xigeenka gudoomiyaha gobolka Faryab C/sataar Barez ayaa isna u xaqiijiyay wakaalada wararka ee AFP in weerarkaas uu gaystay nin naftii hure ah oo xirnaa dareeska ciidamada Policeka ee dowlada Afgansitan.

Madaxda Ugu Sareysa Dowlada Oo Shacabka kagaqeeb qaatay Salaada Ciida (Daawo Video

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Saacid Garaad Shirdoon iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxa ay maanta dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdishoay kula dukadeen masjidka isbaheysiga Islaamka.
Salaada ciid kadib ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxana uu ugu hambaliyeeyay Bulshada Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan Munaasabada Maalinta Ciida oo maalinteeda koowaad loodabaal dagaayo maanta.
waxaana uu ugu dambeentii u rajeeyay Bulshada Soomaaliyeed in ay ciidaan ciideeda ay ku gaaraan hor mar iyo Caafimaad.
Hada nala daawo Video iyo Sawirada Madaxda iyo qaabka ay u dghacday Salaada Ciida.

Sawiro


Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax khasaare xoogan geystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo iyo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xoogan oo loo adeegsaday miinada nooca dhulka lagu aaso ah shalay lagu weeraray ciidamo ka kala tirsan Soomaaliya iyo kuwa Kenya, kaas oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, wuxuuna qaraxaasi sababay khasaarooyinka soo gaaray ciidamada dowladda iyo dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa.
 Sida warku sheegayo goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa aheyd goob laga maqaayad ah oo lagu shaaho oo ku taal afaafka hore ee laga galo xarunta degmada, waxaana ku sugnaa goobtaasi dad rayid ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Kenya oo uu khasaare xoogan ka soo gaaray weerarkaasi sida la sheegay.
Goobjooge ku sugnaa agagaarka goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in qaruxu uu ahaa mid xoogan oo laga maqlayey xaafado badan oo ka tirsan magaalada, wuxuuna intaasi ku daray goob-joogahaasi in qaraxa ka dib ay goobta xireen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya kuwaas oo uu sheegay inay rasaas fureen, taas oo qaarkeed ay ku dhaawacmeen dadkii rayidka ahaa ee goobta fadhiyey.
Sidoo kale goob-joogaha ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen dhowr askari oo isugu jirta Kenyaanti iyo Soomaali, waxaana weerarkaasi sheegtay mas’uuliyaddiisa Xarakada Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay dowladdana uu sheegay inuusan wax khasaare ah la soo gaarin weerarkaasi, balse uu khasaare soo gaaray dad rayid ah oo goobta la qarxiyey fadhiyey iyo kuwo ka agdhawaa intaba.
Si kasta oo ay ahaataba tan iyo markii ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo ayaa waxaa magaalada ku soo badanayey qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo aan la garaneyn co si qarsoodi ah howgalo uga fuliya gudaha magaalada, kuwaas oo aan la garaneynin halka ay ka tirsanyihiin iyo waxa ay yihiin, balse loo maleynayo inay Al-shabaab ka tirsanyihiin.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay mowqifkeeda ku aadan arrimaha dekadda magaalada Kismaayo, mamnuucdayna in laga dhoofiyo…

$
0
0

Dowlada Soomaaliya ayaa markale ku celisay sida ay uga go’an tahay in la hirgeliyo mamnuucidda dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha la shito, waxaana sidaasi ay dowladda ku sheegtay warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha, oo horay uga codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in la mamnuuco dhoofinta dhuxusha ay dooneyso inaan lagu xadgudbin go’aanada uu soo saaray Golaha Ammaanka maadaama dhoofinta dhuxusha ay tahay mid halis ku ah deegaanka iyo amnigaba.
 Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku faraxsantahay guulaha la gaaray tan iyo markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo, sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka looga hadlay arrimo kale oo ku saabsan magaalada Kismaayo, waxaana lagu yiri “Hogaamiyaasha bulshada waxaa saaran mas’uuliyad ay danta dadka ka hormariyaan kala duwanaanshaha siyaasadda, ayna ka shaqeeyaan waxkasta oo dib ammaanka iyo kalsoonida bulshada loogu soo celin karo”.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha dekedda iyo garoonka diyaarahada magaalada Kismaayo waxaana lagu yiri ”Halka ay ka taagantahay dowladda arrimaha dekadda iyo garoonka dayuuradaha waa mid cad oo ah in dekadda iyo garoonka ay u furanyihiin in laga soo dejiyo gargaarka aadanaha, AMISOM iyo ciidamada Soomaalida waa inay xaqiijiyaan sidii loo dhaqangelin lahaa illaa iyo inta maamul looga dhisayo Kismaayo dhawaan”.
“Waa mid iska cad in dadka deegaanka ay khaatiyaan ka taaganyihiin jahawareerka siyaasadeed, hogaamiye kooxeedyada iyo kuwa mayalka adag, balse ay u baahanyihiin ammaan, xasilooni, helista waxyaabaha daruuriga ah iyo mustaqbal wanaagsan, sidaas daraadeed dhuxusha hadda ku xareysan dekadda Kismaayo waxay ku jiri doonaan meesheeda inta ay dowladdu go’aan ka soo saareyso ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay u hogaansanto qaraarka Golaha Ammaanka ee tiriskiisu uu yahay 2036-waxayna soo jeedinaysaa in la adkeeyo mamnuucista dhoofinta dhuxusha, waxayna diyaar u tahay inay gurmad u fidiso dadka magaalada Kismaayo, iyadoo qaadeysa tallaabooyin ay isugu dubba-rideyso sidii gargaar halkaas loo gaarsiin lahaa, isla markaasna ay hadda wadda qorshe markab gargaar sida loogu dirilahaa shacabka Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu dib u habeyn iyo isku bedel ku sameyn doono hay’adaha dowladda

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay markii ugu horeysay inay dib u habeyn balaaran ku sameyn doonaan hay’adaha dowladda Soomaaliya si buu yiri  dib loogu soo celiyo dhismihii ama haykalkii dowladeed ee dalka ka jiray 22-sano ka hor, wuxuuna intaasi ku daray inuu isku bedel ku sameyn doono shaqaalaha dowladda iyo taliyayaasha ciidanka.
 Xasan Sheekh waxaa kale oo uu sheegay in lagu mashquulsan yahay dhismaha xukuumad howlaha dowladda sii wadda, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay dib u soo celiyaan dowladnimadii Soomaaliya, wuxuuna hadaladan ka jeediyay kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Farriinta aan u gudbinayo Xildhibaanada iyo xubnaha kale ee dowladda waa inaan ku mashquulsannahay dhismaha dowladda si loo soo celiyo haykalkii dowladeed, waxaana wadnaa inaan sameyno wixii aan noo sameynayn wixii sameynaana dib u habeyn xooggan ayaan ku sameynaynaa”.
Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu sheegay inay la imaan doonaan howl ka duwan kuwii hore, isagoo xusay inaanay dib ugu laabaneyn waxyaabihii horay u shaqeyn waayeen dowladihii, balse ay doonayaan inay sameeyaan howl taas ka duwan, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa inaan marno jid cusub oo aan horay loo marin, go’aankeenuna waa inaan dhexda laga soo laaban oo la dhameystiro howlaha dhiman, mana doonayno inaan marno waddo meel cidlo ah na geynaysa, laga soo billaabo sanadkii 2000 oo la galay KMG-nimada illaa hadda waxaa la sameeyay isku dayo fara badan laakiinse duruufo kala duwan oo la soo maray ayaa sababi waayey in la gaaro halkii la higsanayey”.

Amiirka guud ee Xarakada Al-shabaab oo ka hadlay ka bixitaanka xilligii KMG ahaa iyo dhismaha dowladda cusub, digniinna u diray dowladda Kenya

$
0
0

Amiirka guud ee Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan {Abuu Zubery} oo cajalad maqal ah soo saaray ayaa uga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sida uu u arko dowladda cusub ee Soomaaliya iyo weliba dagaalada ay kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo deegaanadii lagala wareegay Xarakada.
 Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa ugu horeyn hambalyo ciidda ku aadan u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya lagu soo qaaday duulaan dhinacyo badan leh, isagoo xusay in Xarakada Al-shabaab aysan marnaba joojin doonin dagaaladooda ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan qeybo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in farxadda Kismaayo ay ku heystaan ciidamada huwanta ay isku bedeli doonto baroor, isla markaasna ay dib ula wareegi doonaan mar ay ahaataba sida uu yiri.
“Ujeedada ay ka leeyihiin duulaanka Soomaaliya cadowgu waa dhoofka kheyraadka dalka, sida shidaalka iyo macaadiinta kale ee dalka ku jirta, maadaama caalamka ay soo foodsaartay burbur dhaqaale, Soomaaliyana ay u arkaan keyd ka mid ah keydadkooda ay ku tashanayaan, marka ka xuntahayna ku baxsan karaan” ayuu yiri Abuu Subeyr.
Hogaamiyaha guud ee Al-shabaab ayaa sheegay inay la dagaalami doonaan dowladda cusub oo uu ku tilmaamay inay tahay koox ay soo barbaariyeen wadamada reer galbeedka, isla markaasina la wadaaga diin iyo dhaqanba, wuxuuna xusay in sababta KMG dalka looga saaray ay tahay in dowladda cusub ay gasho heshiisyo caalami ah, si kheyraadka dalka loola baxo, isagoo sheegay in soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya uu yahay qalad ka mid ah khaladaadka waa weyn ee ay galeen wadamada reer galbeedka, wuxuuna xusay in dowladda Kenya ay ka shaleyn doonto soo gelitaankooda Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayey magaalooyinkii ugu dambeeyay ee ay lagala wareegay ayuu sheegay in guusha aysan aheyn magaalo madax la qabsado, wuxuuna xusay in maamuladooda ay weli ka shaqeynayaan magaalooyinkii lagala wareegay, wuxuuna ugu dambeyntii uu ugu baaqay Abuu-subeyr beelaha Soomaaliyeed inay u istaagaan dagaal Jihaad oo looga hortagayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isku fidinaya gobolada dalka.

Dad Soomaali ah oo ku dhintay xajka iyo dowladda Sacuudiga oo shaacisay tirada ku dhimatay sanadkan

$
0
0

Dowladda Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay waxay si rasmi ah u shaacisay tirada xujeyda ah ee sanadkan ku geeriyootay xajka, waxayna dowladda Sacuudigu xustay inta dhimatay sanadkan ay si aad ah uga yartahay dadkii sanooyinkii hore ku dhiman jiray xaj-ka, iyadoo xustay in sanad kasta ay sii hormarineyso sidii loo yareyn lahaa dadka ku dhinta xajka.
 Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in sanadkan xajku ay ku dhinteen 4-ruux oo Soomaali ah iyo dad kale oo u dhashay wadamada qaar, waxayna 4-taasi Soomaalida ah labo ka mid ah ay ku dhinteen sida ay dowladda Sacuudigu sheegtay shil baabuur, halka labada kalena ay u dhinteen dad jiiray awgiis.
Ilaa hadda faahfaahin badan lagama hayo nooca shilkaasi iyo xujaajta kale siday u dhinteen, laakiin waxa la sheegay in Xujaajta, gaar ahaan kuwa ka tagay Geeska Afrika ay ku sugnaayeen xaalado adag intii ay ku gudo jireen gudashada waajibaadka Xajka, inkastoo ay dowladda Sacuudigu ku dedaalaysay yareynta dhimashada ka dhalata dadka faraha badan ee is-jiiraya.
 
Cismaan Axmed Sheekh oo ka mid ahaa xujaajta Soomaalida ee sanadkan tagay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in xaaladda goobha la dejiyay xujaajta Soomaalida sanadkan ay ahaayeen sida uu yiri goobo aan caafimaad ahaan iyo nadaafad ahaan intaba wanaagsaneyn marka loo eego goobaha la dejiyey xujaajta ka sacotay dalalka kale ee caalamka, taas oo aan la ogeyn waxa keenay balse loo maleynayo inay ay la xiriirto dowlad xoog leh oo ka hadasha arrimaha noocaasi oo kale ah oo aan Soomaaliya ka jirin muddo 22-sano ah iyo iyadoo goobaha la dejiyey xujaajta Soomaalida ay soo kireeyaan ganacsata leh gadiidka ay raacaan Xujaajta Soomaalidu gaar ahaan shirkadaha diyaaradaha ee ka jira gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu eedeeyo marwalba in iyagoo daneynaya dhismayaasha raqiista ah ay goobo aad uga fog xaramka u kireeyaan dadka Soomaalida ah oo ay ka sii hormariyaan dhqalaha ku baxaya guryaha ay degayaan inta lagu gudajiro waajibaadka xajka, inkastoo qaar ka mid xujaajta Soomaalida ee sanadkan ka qeybgalay gudashada waajibaadka xajka ay sheegeen in la dejiyay dhismayaal u dhow xaramka haddana ma sheegin in dhismayaashaasi ay leeyihiin adeegyadii loo baahnaa ee aan nolosha looga  maarmin.
Qaar kale oo ka tirsan xujaajta Soomaalida ah ayaa iyana sheegay in markii ay bilaabatay acmaasha xajku ee 8-dii bisha ay waayeen teendhooyin ay degaan oo ay banaanka seexdeen, sidaasi oo ay tahay nooma suuragelin inaan helno magacyada 4-ta xujeyda Soomaalida ah ee sanadkan ku dhimatay xajka  qaabka ay u geeriyoodeen iyo sababaha keenay in xujeyda Soomaalida ah ay waayaan teendhooyin ay degaan waxa kalifay.
Inta la ogyahay waxaa hoos u dhac weyn uu yimid shilalkii iyo isbuurashadii Xujeyda oo sanadkii hore ay dad badani ku dhiman jireen sanadkasta waqtiga xajka ka dib markii si weyn loo ballaariyey goobaha ay dadku maraan marka ay gudanayaan acmaasha xajka gaar ahaa goobta dhagax tuurka, taas oo hadda wax weyn laga bedelay sidii ay horey u ahaan jirtay.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live