Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada AMISOM oo fariisin cusub ka sameystay waqooyiga Muqdisho

$
0
0

Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa fariisin cusub ka sameystay
waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaasi iyo goobo kale oo dagaalo aad u
culus ay ka socdeen tan iyo shalay galab.


Maanta ayaa dagaalo iyo duqeymo waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan waqooyiga Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Bridgye Bahoku ayaa warbaahinta u
xaqiijiyay inay fariisin ka sameysteen dekaddii hore ee duqda ee
magaalada Muqdisho.


Waxaa la arkayay gawaarida dagaalka iyo ciidamo fara badan oo AMISOM ka
tirsan oo ku sii qulqulaya fariisinkaasi cusub ee waqooyiga magaalada
Muqdisho.
Bahoku ayaa wuxuu sheegay inay suurta gal tahay inay sameystaan
fariisimo hor leh ayna ka dameysan doonaan meel walba oo ay dareemaan
inay kaga imaan karto xaalad qatar ah.


Xukuumada dalka Jibuuti oo ku dhawaaqday Qorshe ay Soomaali fara badan dalkeeda uga masaafurineyso

$
0
0

Xukuumada Jibuuti ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday Qorshe ay Soomaali aan tiro yareyn kaga masaafurineyso dalkeeda ka dib markii ciidamadeedu dad sharci la'aan halkaas ku jooga soo qabqabteen.

Xabsiga Nagaad ayaa waxaa hadda jiifa oo su'aalo lagu weydiinayaa dad ku dhow Afar Boqol oo Qofood kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo qabqabtay xaafadaha ay magaalada Jibuuti ka kooban tahay.

Jibuutiyaanku waxay ku doodeen in dadkani ay dalkooda ku jóogeen si sharci daro ah sidaas darteedna ay dalkooda ka masaafurinayaan una masaafurinayaan dalalkii ay ka soo jeedaan waa Soomaaliya iyo Itoobiyee.

Soomaalida oo aaminsan in Jibuuti ka mid ah tahay dhul weynaha Soomaaliyeed islamarkaana aysan marti ku aheyn ama aan ugu yaraan lagu dulmineyn ayaa hadda dib u jaleecaya talaabadan ay Jibuutiyaanka qaadeen iyo walaaltinmadii u dhexeysay sida ay isula jaanqaadi doonaan.

halgankanet@gmail.com

Ra'isal wasaare Sharma'arke oo Xildhibaano kula kulmay Nayroobi islamarkaana ka codsaday in ay Ansixiyaan Dastuurka

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo iminka ku sugan magaalada Nayroobi ayaa halkaas kulan kula qaata qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra'iisal wasaaraha ayaa xildhibaanadan kala hadlay dastuurka cusub ee haatan la daabacay, dastuurkan oo qabyaba  ha ahaadee khilaaf mas'uuliyiinta dowladda dhexdeeda ka abuuray gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha.

Kulanka oo ahaa mid albaabada loo laabay ayaa waxaan ka qeybgelin qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka kuwaas oo qaarkood ay feejignaan ka muujiyaan in ay ku milmaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha, khilaafkaas oo u muuqda mid sii xumaanaya.

"Xukuumadda muddada yar ee harsan waxaa u yaalla hawlo badan, waana muhiim inaan ugu horreysiinno kuwa looga bixi karo ku-Meel-gaarnimada, kuwaas oo uu ugu horreeyo dastuurku, idinka ayaana la idinka doonayaa inaad ansixisaan," Sidaas waxaa Xildhibaanada markii uu afursiiyay ka dib u sheegay amaba ka codsaday Ra'iisal wasaaraha.

Xildhibaanadii madashan ka hadlay ayaa qaarkood waxay ka digeen in lala kala safto labadan mas'uul iyagoo xildhiabaanada kula taliyay in ay ahaadaan qoortii labada garab u dhexeeysay oo aan dhanna u liicin.

Khilaafka labadan mas'uul ayaa u muuqda in uu faraha ka sii baxayo waxaana uu ka dhashay sida la sheegayo dastuurka cusub ee uu Ra'iisal wasaaruhu doonayo in la ansixiyo halka Madaxweynuhuna ku taliyay in dib loo dhigo ansixintiisa  duruufo jira awgood.

halgankanet@gmail.com

Warar dheeraad ah oo aan idinkaga heyno weerarkii lagu qaaday Garoonka Muqdisho

$
0
0

Wararka dheeraadka ah ee kasoo baxday weerar iyo ismiidaamin lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad isugu jiray rayid iyo boolis iyo Ugandes.

Inta la arkay 18 ruux ayaa ku dhimatay qaar kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray marki uu gaari ay la socdeen koox dabley ah uu gudaha u galay garoonka diyaaradaha Adan Cade kaasoo marki danbana markii ka degeena qarxay.

wararka ayaa intaasi ku darays in gaariga qarxay uu soo dhaafay irida hor ee laga soo galo garoonka isla markaana uu ku qarxay albaabka labaad oo ay joogaan ciidamada AMISOM.

Gob joogayaal ayaa inoo sheegay in marki gaariga uu qarxay ay rasaas bilaaben rag dabley ah oo ku labisnaa dharka ciidamada kuwaas oo ka dagay gaariga is qarxiyey ka hor inta uusan qaraxu dhacin kuwaasi oo rasaas ku furay ciidamada AMISOM iyo dad wixi ay ku arkeen garoonka dhexdiisa.

Ciidamada AMISOM oo qaraxu si kedis ah kusoo galay ayaa waxaa la sheegay in ay u carareen dhinaca gudaha iyadoo warar soo baxayana ay sheegayaan in dadka dhintay ay ku jiraan ciidamo Ugandes ah oo gaaraya lix iyo kuwo ka tirsan ilaalada garoonka, waxaa kale oo ka mid ah dad safar ahaa iyo qaar kale oo ka tirsan shaqaalaha shirkadaha duulimaadka.

Dhaawacyada ayaa waxaa loo qaaday cisbitaalka Madina, waxaana wali la maqlayaa rasaas iyadoo laga cabsi qabo in kooxdi weerarka soo qaaday ay qaarkood wali ku jiraan gudaha garoonka.

Lama oga kooxdi maleeshiyada aheyd ee weerarka soo qaaday in la dilay ama baxsadeen iyadoo arintu tahay mid jahawareer ah oo aan dadka la kala aqoon,.

wararka kale ayaa sheegaya in ciidamda Ugandes xabado u fureen dhan kasta iyagoo dilay dad badan oo ka tirsan ciidamada Dowladda maadaama dadka weerarka soo qaaday ey labisnaayeen dareyska ciidamada taas oo dhalisay khasaaraha soo gaaray dadka qaar

Ma jirto wali cid sheegatay weerarka, laakin waxaa loo maleynayaa in ay ka danbeyso Al Shabaab oo lagu yaqaano weerarada noocan oo kale ee horay uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Djibouti Muxaadaro 4 Ahmiyadda Qoyska (Shekh Abdirahman Bashir)4.flv

Muxaadaro Khilaafka1 of 8

Muxaadaro Khilaafka2 of 8

Muxaadaro Khilaafka3 of 8


Muxaadaro Khilaafka4 of 8

Muxaadaro Khilaafka5 of 8

Ciid Wanaagsan dhammaan akhrisatayaasha Halganka.net

$
0
0

Kulu caam wa antum bikeyr dhammaan dadka ku xiran shabakadda Halganka.net iyo dhammaan saaxibayaasha. Sidoo kale oo hambalyo u direynaa dhammaan muwaadiniinta somaliyeed meel walba oo ey joogaan.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay Munaasabada Ciidul-Fitriga iyo mashaakilka ka heysta Dowladiisa Mucaaradka ka soo horjeeda

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa munaasabada Muslimiita Caalamka ku weyn ee Ciidul Fitriga darteed la hadlay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan guud ahaanna Shucuubta Caalamka ee Muslimiinta ah.

Madaxweynuhu wuxuu dhammaan Muslimiinta Adduunka u rajeeyay Nabad iyo Baraare Soomaalidana wuxuu si gaar ah ugu rajeyeeyay Nabad iyo barwaaqo in uu Alle ugu bedelo dhibaatada mudada dheer heysatay.

Dhanka kale inkastoo Munaasabad weyn oo qiimo leh aanu ku jirno hadana Madaxweynuhu kama baaqsan in uu soo hadal qaado xoogaga ka soo horjeeda ee dagaalka aan dhamaadka laheyn ku haya dowladiisa iyo ciidamada gaashaanka u ah ee AMISOM.

Madaxweynuhu wuxuu Xoogagaas ku eedeeyay in ay dalka qalalaase uun ku sii hagayaan wuxuuna si gaar ah carabka ugu dhuftay Qarixii shalay ka dhacay Albaabka hore ee Garoonka magaalada Muqdisho, qaraxaas oo sida la qabo ay geeysteen Rag naftooda soo qadimay oo ismiidaamiyay.

halgankanet@gmail.om 

Alshabaab oo digniin culus u diray Mas'uuliyiinta Dowladda iyo Beesha Caalamka ee inta badan ku shira Garoonka Magaalada Muqdisho

$
0
0

Alshabaab oo shalay qarixii ka dhacay Afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo dhimashadii shacab iyo Askarba soo gaartay ee ka dhalatay dhabarka saartay ayaa haatan Hanjabaad hor leh hawada soo marinaya.

Mas'uuliyiinta Dwowladda iyo kuwa Beesha Caalamka ka socda ee ku shira Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayeey Alshabaabku ugu hanjabeen in ay ku weerari doonaan halkaas haddii aysan joojin kulamada noocaas ah oo sida ay  iyagu qabaan Diinta islaamka lagu majaxaabinayo.

Hadalkan ayaa ka mid ahaa Hadalo uu shalay ka yiri Afhayeenka Alshabaab qarixii ismiidaamineed ee ka dhacay shalay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho qaraxaas oo sida ay sheegteen ay Alshabaabku soo maleegeen.

halgankanet@gmail.com 

AMISOM oo ka hadashay qaraxii shalay lala beegsaday garoonka diyaaradaha Muqdisho

$
0
0

Ciidamada AMISOM Midwga Afrika
ayaa sheegay in qaraxii manta lala beegsaday garoonka Diyaradaha
Muqdisho ay uga dhinteen askar ka tirsan Ciidamadooda.

Afhayeenka Ciidamada Nabad Ilaalinta ee
AMISOM Bariijiye Bahuuko ayaa Radio Muqdisho u sheegay in laba askari ay
uga dhinteen qaraxyadaasi oo loo adeegsaday laba gaari iyo waliba laba
qofood oo is qarxiyay.

Bahuuko wuxuu intaa raaciyay in 3 ka
tirsan Ciidamada AMISOM ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi kuwaas oo la
geeyay Isbitaalka ay Xalane ku leeyihiin AMISOM.

Isagoo sii faahfaahinaya qaraxyada ayuu
Afhayeenku sheegay in hal gaari uu is qarxiyay, gaariga labaadna ay ka
soo degteen laba nin oo dagaallantay kaddibna is qarxisay, isagoo
sheegay in gaarigii labaad uu yaalo banaanka Garoonka.

Mar aan weydiinay khasaaraha guud ee ka
dhashay qaraxyada ayuu sheegay Bahuuko in aysan badneyn hase yeeshee ay
ku dhinteen dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday iyo sidoo kale dad rayid
ah oo gaaraya laba qofood iyo askartaan ka tirsan ciidamada AMISOM.

Gobolada dalka oo si weyn looga ciiday maanta

$
0
0
Si isku mid ah oo aan wax khilaaf ah ku jirin
ayaa gobolada dalka Somalia looga wada ciiday maanta oo ay tahay Ciidul
Fidriga aadna ay u faraxsan yihiin ummadaha Muslimiinta meel kasta oo
ay adduunka ka joogaan.

 Gobolada
Banaadir, Shabeelada hoose, Shabeelada dhexe, Jubbooyinka, Gedo, Bay,
Bakool, Puntland iyo Somaliland dadku way wada ciideen waxaana Salaadda
Ciidda lagu tukaday fagaarayaal waa weyn iyo Masaajidyo markii horaba
loo qorsheeyey in Salaadda lagu ooga.


 Magaalda
Muqdisho maanta way ka naseysaa dagaalada, dadkuna si farxad ku jirta
ayey u ciidayaan, waxaa la isugu marxabeynayaa ''Ciid Mubaarak, Ciid
Wanaagsan, Kulu Caam Wa Antum Bi Kheyr'' iyo erayo kale oo muujinayo
sida dadku u faraxsan yihiin.


 Dhowr
goobood oo ay koox kasta iyada iyo taageerayaasheeda ku tukadeen ayaa
Salaadda labada rakaca lagu tukaday, DKMG, Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam
qola waliba aag u gaar ah ayey u isugu tageen.

C/llaahi Axmed Culusow


Nabadoon Xaad; "War Ilaaheey ka cabsada oo shacabka dilka, isqarxinta iyo dhibaateynta ka daaya, Beesha Caalamkaay ka soo gaara Soomaalida"

$
0
0

Nabadoon Xaad, Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa maanta munaasabada ciidul fidriga aawadeen baaq u jeediyay kuwa dagaalka ka wada dalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka intaba.

Nabadoonku wuxuu si qalbi jab ka muuqato u yiri erayadan; "Waxaan idinku dhaariyay Magaca Alle ee shacabka ka daaya dagaalka aad ku dul dagaaleysaan, ummadu waa baaba'daye"

Inkastoo Xaad xoogga saaray sidii uu kooxaha dagaalka ka wada magaalada Muqdishu uu uga raaridi lahaa xabad joojin iyo wadaxaajood nabadeed oo aan shuruud ku xirneyn ayaa waxaa hadana muuqata in kooxahan dhegahoodu maqlaan uun baaqyada colaada.

Qaraxyadii shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayúu xaad ku sifeeyay kuwo Axmaqnimo ah oo aan la jaan qaadi karin dhaqanka wannaagsan iyo diinta Suuban ee ay Soomaalidu heystaan.

Beesha Caalamka ayuu sidoo kale Xaad ka dalbaday in ay faraha iyo lugahaba la soo gasho arrimaha Soomaaliya si loo badbaadiyo hambada ka hartay shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer ku dhexjiray dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ay dabada ka riixayaan ma naxayaal.

halgankanet@gmail.com

Sawiro weeradii garoonka muqdisho

$
0
0

 

baabuur ey raggu ka boodeen marka ey dagaal bilaaben

 

baabuirka oo askari ag socoto

 

 

baabuurkii kale oo la qarxiyey

 

baabuurka oo gubanaya

 

Iriida hore oo ey soo jiireen

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxwene Shariiif oo sheegay in kooxaha dowladiisa ka soo horjeeda fashilmeen

$
0
0

Madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa
waxa uu ka hadlay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada
Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in kooxaha ka soo
horjeeda dowlada KMG Soomaaliya ay doonayeen in ay dowlada Afganbiyaan.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda
dowlada ay ku fashilmeen ujeedadoodii ahayd in ay dowlada talada ka
tuuraan.

Sidoo kale madaxwaynaha ayaa waxa uu xusay xoogaga kukacsan dowlada ay
yihiin kuwo ku xiran dad danbiyo kala duwan ka galay dunida.

Hadalka madaxwaynaha ayaa waxa uu imaanayaa xili magaalada Muqdiso ay ka
dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya
kuwa AMISOM iyo waliba xoogaga ka soo horjeeda.
RBC Radio

Xulka Somalia oo ciyaar saaxiibnimo la yeeshay kan wadanka walaaha masar

$
0
0

Ciyaartoyda xulka qaraxka Soomaaliya ayaa ciyaar aad u xiiso badan waxa ay la ciyaareen xulka qararanka wadanka Masar.
Ciyaartaan oo ahayd mid saaxiibtinimo ayaa waxa ay ahayd mid aad u xiiso badan oo ay dadwayne farabadan u soo daawasjha tageen.


Ciyaartoyda Soomaalida ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u
wadaansan oo ay jecleesteen dadkii u soo daawasha tagay ciyaartaasi.


Ciyaartaan ayaa waqtigii loogu talagalay waxa ay ku soo idlaatay ilaa
iyo 4-2 oo looga adkaaday xulka qaranka Soomaaliya isla markaan ay
guusha ku raacday wadanka Masar.


Kulankaan ayaa kii ka horeeyay waxaa Soomaaliya looga adkaaday 3-0 kana
waxa uu ahaa kii labaad oo ay wada ciyaaraan ciyaartoyda Soomaalida iyo
kuwa Masar.


Ciyaartaan ayaa waxa ay ku soo aaday iyadoo ciyaartoy badan oo Soomaali
ah ay ka baxsadeen hotelkii ay ka daganaayeen wadanka Masar.

4 askari oo miino ku qaraxday Muqdisho

$
0
0

Afar askari oo ka tirsan ciidamada dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa maanta ku dhintay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen muddo ilaa labaatan sano ah.

Ciidamada dowladda ku meelgaarka ah, ayaa dhintay kadib markii
baabuurka ay saarnaayeen uu dulmaray miino jidka loo galiyay, oo kadibna
ku qaraxday.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Sida ay BBCda u xaqiijiyeen dad goobjoog ah waxa
miino kale la kacday gaari ay saarnaayeen ciidan boolis ah, oo marayey
waddo ku taal degmada Xamar Jajab, waxaana ku dhaawacmay dhowr askri oo
booliis ah.

Kooxaha kacdoonka ee ka soo horjeeda dowladda,
ayaa inta badan waddooyinka galiya miinooyin ay ku bartilmaameedsadaan
ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, balse inta badan ma aha oo kaliya
kuwaas cidda ay waxyeeladu ka soo gaarto.

Waxaa dhacday in dad rayid ahna ay ku dhintaan.

Waxaa wali Muqdisho la isku horfadhiyaan
goobihii lagu dagaalamayay ilaa bartamihii bishii hore ama Ramadan-ka,
iyadoo dagaallo todobaadyo socday oo hadda qaboobay ay ku dhinteen in ka
badan 150 qof ayna ku dhaawacmeen dad kor dhaafaya 300.

Dagaaladan ayaa bilowday kadib markii Xarakada
al-Shabaab ay sheegtay in ay bilowday dagaal ay kaga taqalusayso wax ay
ugu yeertay cadowga ku soo duulay iyo kalkaaliyayaashooda, hase yeeshee,
waxaa muuqata in dagaalada aan guulo la sheegi karo laga gaarin.
Inkastoo, labada dhinacba ay sheegteen in dagaaladaas ay guulo ka
gaareen.

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live