Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulka Somaliland oo warqad cabasho ah u gudbisay Madaxweynaha Soomaaliya, kana dalbatay in…

0
0

Maamulka Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa warqad cabasho ah oo u soo gudbisay dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen inay ka walaacsanyihiin sii ambaqaadidda wadahadaladii u dhaxeeyay labada dhinac ee ku saabsanaa mustaqbal maamulka Soomaaliland.
 Wadaxaajoodka labada dhinac oo ka dhashay shirkii magaalada London 23-kii Febaraayo ee sanadkan 2012-ka ayaa waxaa lagu sameeyay Guddi wadajir ah oo ka wadaxaajood qaabkii Soomaalia iyo Somaliland oo hadda adduunyadu u aqoonsantahay hal dal ay uga wadatashan lahaayeen arrinka Soomaaliya iyo sidii ay Somaliland dowladda uga dhaadhicin laheyd in la siiyo aqoonsi, dowladda Soomaaliya ay u saxiixdo arrinkaasi.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dowladda Xasan Sheekh Maxamuud mid aan xil adag iska saareynin sii ambaqaadididda wadahadaladii uu ka tagay  Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ay Somaliland u aragtaa wadahadalka sida ay sheegtay xilligan wadahadalada ay la galeyso dowladda Soomaaliya mid ay aqoonsi ku heli kareyso maadaama Soomaaliya ay ka baxday KMG-kii.
Warqadda oo inta badan ay Xukuumadda Soomaaliland uga hadashay qaabka ay u dooneyso inay wadahadaladu noqdaan ayaa dhinaca kale waxaa ka muuqata kalsooni darro ay ka qabaan nidaamka cusub ee xilligan la wareegay Soomaaliya oo ah mid qunyar socod ah oo aan intabadan laga heli karin hadaladii tuurtuurka ahaa ee Madaxtooyada laga heli jiray, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Fadlan noo sheega haddii ay idin ka go’an tahay inaad nala xaajootaan oo aad dooneysaan in wadahadaladu sii socdaan iyo haddii aad naan dooneynin”.
Ilo wareedyo hoose oo aanu ka helnay xaafiiskeena magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in warqaddu aysan weli soo gaarin xaafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, inkastoo Guddigii ay Somaaliland u xilsaartay soo diyaarinta qoraalka arrimahaasi ku saabsan ay sheegeen inay dhameystireen oo waliba ay jawaab rasmi ah muddo todobaad ah ka sugayaan hogaanka Soomaaliya.


Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay xabsi-weyn ka furaneyso gudaha dalka Soomaaliya, kuna hanjabtay…

0
0

Wakiilka kaaliyaha xoghaya arrimaha dibadda ee arrimaha siyaasadda iyo gaashaandhigga  iyo weliba la dagaalalanka burcad badeeda  ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in jiritaanka burcad badeeda Soomaaliya ay sabab u tahay iyadoo aysan Soomaaliya ka jirin xukuumad awood u leh oo si dhab ah uga shaqeysa gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in 2-dii sano ee tagtay 75% ay hos u dheceen weerardii ay kooxaha bucad badeeda Soomaalidu ka geysan jireen badweynta Hindiya iyo badda Cas, taas oo uu sheegay inay ku timid sida uu yiri iskaashiga ay sameeyeen dowladaha ay maraakiibta  dagaalka ka joogaan xeebaha Soomaaliya.
 Sarkaalkan oo lagu  magacaabo Tomos Keyly waxaa kale oo uu sheegay inay jiraan dad waa weyn oo ka dambeeya kooxaha burcad badeeda, kuwaas oo uu sheegay inay maageliyaan, isla markaasna u soo iibiya doonyaha dheereeya ee ay kooxahaasi afduubka ku geystaytaan, sidoo kalena tababaro kala duwan siiya, kuwaas waa madaxda qarsoon ee lacagtu si dhab ugu tago ee buracd ma ahan oo keliya kuwa dhaliyarada ah ee la adeegsanayo haddana waxaan dooneynaa inaan u gaarsano  boqorada burcad badeeda ka dibana aan cadaaladda horkeeno, waxaana jira kuwaas madaxda ah kuwo ka mid ah oo aanu qabanay, hadda waxaan dooneynaa inaan xabsi weyn ka sameyno gudaha dalka  Soomaaliya kaas oo aan iska kaashaneyno Qaramada Midoobay si halkaasi loogu xiro kooxaha burcad badeeda ee la qabto.
“Waxaa jira illaa 2000-kun oo burcad badeed Soomali ah oo ku kala xiran dalal kala duwan, waxaana hadda dooneynaa inaan si dhab ah u baad-goobno ama u raadsano kuwa qarsoon ee madaxda u ah, inagoo adeegsaneyna awood kasta iyo baaritaano xeeldheer, sidoo kale waxaan u howlgaleynaa inaan ogaano halka ay ku dhacaan lacagaha burcad badeeda iyo cidda ugu shaqeysa iyo haddii ay jiraan ganacsiyo lagu darsaday ama shirkado ay lacag u dhiibteen, meelkastana waan kaga daba-tageynaa” ayuu yiri Thomas oo intaasi ku daray inay jiraan dalal badan oo aan iskaashi kala sameynayno sidii arrimahaasi dhammaantiid ku hirgeli lahaayeen.
Sidoo kale sarkaalkan ka tirsan dowladda Mareykanku waxa uu sheegay inay gacan ka siinayaan dowladda Soomaaliya dhinacyada ammaanka iyo hormarinta si ay u noqota dowlad xoog leh oo awoodda inay ammaanka dalka wax ka qabato si ay kooxaha burcad badeedu meesha uga baxaan.

Dagaal khasaaro geytsay oo ka dhacay Jubada hoose

0
0

Kismaayo-(Sh.M.Network)—Dagaalo xoogan oo geystay khasaaro ayaa xalay waxa uu ku dhexmaray inta udhexeysa degmada Afmadow iyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose   ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhinaca iyo Ururka AL Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka soo ruqaansadeen degmada Afmadow iyagoo ku sii jeeday Magaalada Kismaayo kuwaasi oo ay dhexda ugaleen kooxo ka tirsan Xarakada Al Shabaab
Saraakiil ka tikrsan Ciidamada dowladda oo aan xiriirr la sameynay si aan u’ogaano khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi xalay dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Kuwa Kenya oo dhan ah  iyo kuwa Shabaab ayaa  ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan inta uu gaarayo khasaaraha dagaalkaasi.
Dhinaca kalena Majiro wax wara oo ka soo baxay Saraakiisha Ururka Al Shabaab oo ku’aadan dagaalkii udhexeeyay iyaga iyo Ciidamada dowladda dowladda iyo kuwa Kenya oo isgarabsanayay .
Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay weeraro gaadmo ah ku fuliyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya iyadoona ay xusid mudantahay in khasaaro waxyeeleysa dadka rayidka ah ay ka dhashaan xiliyada ay is food saaraan dhinacyadaasi

Kulan khilaaf iyo kala tag ku dhamaaday oo xarunta madaxtooyada ku dhexmaray 3-da mas’uul ee ugu sareysa dowladda iyo wafdi ka socday…

0
0

Ka dib socdaal ay magaalada Muqdisho ku yimaadeen Guddiga farsamada  ee maamul u sameynta  gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee lagu dhisay shirkii Nairobi si ay warbixin u siiyaan madaxda dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in qodobo dhowr ah oo ay ka wadahadleen labada dhinac ay qaar ka mid ah  isku afgaranwaayeen, isku maandhaafeen, taas oo keentay inay kala boodaan labada dhinac.
 Sida warku sheegayo kulan xarunta madaxtooyada ku dhexmaray labada dhinac ee dowladda iyo Guddiga farsamada oo labo weji ahaa ayaa la sheegay in wejigii hore la isku soo dhaaday oo arrimo badan la isla meel dhigay balse kulankii dambe la isku fahmi waayeeyey, isla markaasna lagu kala tagay shirkii ay labada dhinac lahaayeen ee ku saabsanaa maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa inwejigii hore lagu heshiiyey inay dowladdu aqoonsato maamul goboleedka Jubbaland, uuna noqdo maamulkaasi kii ugu horeeyay ee la dhiso tan iyo intii dawladda federaalku ay ku meel-gaarka ka baxday, dowladduna ay ergo goobjoog ah u dirsato dhismahaasi, waxaana la sheegay in dowladda wajigii labaad ee shirkaasi  markii la isugu yimid ay shuruudo ku xirtay arrinta Guddiga oo ay soo jeedisay in Guddiga farsamada la balaariyo laguna daro illaa 8-Xildhibaan oo ka soo kala jeeda beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, taas oo sida la sheegay ay Guddiga farsamada ka biyo diideen inay qaataan.
Sida warku sheegayo waxaa soo xaadiray kulanka dambe Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo afhayeenka Baarlamaanka, waxayna ku wargeliyeen Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo in lagu biiriyey Guddi Xildhibaaano ka mid noqonaya Guddiga farsmada, waxayna u sheegeen madaxda dowladdu Guddigii hore in qorshahoodu yahay in labadan Guddi oo isku dhafan ay u fariistaan qaabkii loo sameyn lahaa maamulka Jubbaland ka hor inta aysan arrinta maamul u sameynta gudagelin, bale waxaa la sheegay in arrinkan dambe ay ka biyo diideen Guddigii farsamada ee Nairobi ka yimid, waxaana la sheegay inay madaxda dowladda ku wargeliyeen in Guddiga Xildhibaanada ah ee ay doonayaan iany ku biirayaan Guddiga farsamada ay u soo dirsadaan shirka Kismaayo ka dhici doona si ay goobjooge ugu noqdaan, waxayna ku doodeen in qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo uu  hadda maraya meel gabogabo ah.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in arrintaasi ay hadda soo dhexgashay saraakiil ka tirsan urur goboleedka IGAD oo iyagu ahaa kuwii markii horeba arrinta maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ku howlanaa, halka warar kale ay sheegayaan in xubnaha Guddigii farsamada ee horey uga yimid magaalada Nairobi ay dalbadeen inay ku laabtaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay horey uga yimaadeen, Guddiga ay dowladdu magacowday oo ahaa 8-xubnood oo ka mid ah mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa beelo ahaan ka soo kala jeeda beelaha kala ah: Sade 1, Harti 1, Absame 2, Sheekhaal 1, Gaaljecel 1, Jareer-weyne 1 iyo  Raxanweyn 1.

Baneta:”weynu duqeyneynaa Meelaha Shabaabku Joogaan”

0
0

Washington-(Sh.M.Network)—Waziirka Difaaca ee dowlada Mareekanka Lion Benita oo Saxaafadda Kulahadlay Xarunta Wazaaradda difaaca ayaa sheegay in dowladda Mareekanku ay sii laba jibaareyso weerarada dhinaca Cirka ah ee ay ka fulineyso dalal ay ka mid tahay Soomaaliya.
Lion Baneta ayaa tibaaxay in kulan uu layeeshay Hilary Clinton iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ammaanka kaasi oo ay kaga wada hadleen Sara uqaadida duqeymaha diyaaradaha Droneska Mareekanka ay ku qaadayaan Saldhigyada Ururka Al qaacida ee kuyaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya si looga hortago weerarada argigixisanimo ay qorsheenayaan.
Waziirka Difaaca ayaa Xusay in la wiiqay awooddii Al Shabaab lagalana wareegay Gobollo iyo Magaalooyin istaraatiiji ah oo ay gacanta ku haayeen taasina ay ka dhigantahay in Al Shabaab hadda aysan qaadi karin Weerar toos ah Mareekankuna uu ku ugaarsan doono goobaha ay kaga suganyihiin Sooomaaliya
Maaha markii ugu horeysay oo dowladda Mareekanka ay Sheegtay in ay qaadeyso duqeymo ka dhan ah Al Shabaab hase ahaatee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareekanka ayaa dhowr jeer duqeymo ay ka fuliyeen Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxa ay ku dileen Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in dib u eegis ay ku sameyn doonaan dastuurka si ay…

0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markale waxa uu ku celiyey in dhawaan dib u eegis lagu sameyn doono dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, isla markaasna waxyaano badan laga bedeli doono, sidoo kalena lagu dari doono waxyaabo kale oo ay isleeyihiin muhiim ayey u tahay ummadda.
 Guddoomiye Jawaari waxaa kale oo uu sheegay in odayaashii dhaqanka ee soo xulay ergadii ansixisay dastuurka ay u igmadeen inay dib u eegaan dastuur, wuxuuna intaasi ku daray in la sameyn doono Guddi Baarlamaani ah oo qaabilsan dastuurka iyo qubaro, kuwaas oo saxaya sida uu yiri eegayana waxa u baahan in la saxo ee dastuurka ku jira.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu sheegay in hadda dastuurka dalka lagu muujiyey in Muqdisho ay tahay caasimadda dalka oo markii hore aanan lagu qorin, taas oo ka timid sida uu yiri soo jeedintii Odayaashii dhaqanka iyo ergadii ansixiyey dastuurka.
“Dhawaan waxaan sameyn doonaan Guddi Baarlamaani ah oo qaabilsan dastuurka iyo qubaro, kuwaas oo saxaya dastuurka, Odayaashii soo xulay ergadii ansixisay dastuurka waxay noo fasaxeen inaan dib u eegis ku sameynayo sida uu sharcigu dhigayo dastuurka oo ah mid KMG ah dib u eegis ayuu ku sameynayaa Baarlamaanka wax kasta oo uu u arko inay qalad-yihiin amaba ay ka horimaanayaan jiritaanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka waan ka saareynaa, waxaana ku dareynaa wax kasta oo aan u aragno inay faa’ido ugu jirto ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Dhinaca kale wasiirkii hore ee dastuurka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo isna ka hadlay hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaasna wax laga bedelo waxna lagu daro.

Magacyada wariyaashii sanadkan lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya iyo kii ugu dambeeyay oo xalay dhintay

0
0

Waxaa xalay fiidkii ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysan ku dhaawaceen 21-kii bishan xaafada Xaawo Taako ee degamada wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo ugu dambeyntii u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
 Marxuumkan ayaa muddooyinkan ku jiray Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo looga daweynayey dhaawacyadii soo gaaray, waxaana la sheegay in wariyaha muddooyinkii dambe uu fiicnaa, dadkana uu kala garanayey, balse si lama filaan gelinkii dambe ee shalay uu u xanuunsaday, taas oo keentay in 8-dii fiidnimo ee xalay uu geeriyoodo ugu dambeyntii, waxaana lagu wadaa in saakay lagu aaso magaalada Muqdisho, waxaana wariyahan uu u shaqeynayey Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho ka howgasha, wuxuuna noqonayaa wariyihii 17 ee lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya sanadkan gudahiisa, waxayna wariyaasha la dilay sanadkan oo keliya oo aad ugu badan sanooyinkii hore ay magacyadoodu kala yihiin sida tan:-
1. Xasan Cusmaan Cabdi (Fantaastik) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Janaayo
2. Abuukar Xasan Maxamuud (Kadaf) oo Muqdisho lagu dilay 28-kii Feberaayo
3. Cali Axmed Cabdi oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo, 04-tii March
4. Mahad Salaad Aadan oo lagu dilay magaalada Baladweyne, 05-tii April
5. Farxaan Jeemis Cabdulle oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, 02-dii May
6. Axmed Caddoow Canshuur oo Magaalada Muqdisho lagu dilay, 23-kii May
7. Cabdi Jaynaani Malaaq (Marshaale), oo Muqdisho lagu dilay 31-kii Jully
8. Yuusuf Cali Cismaan (Fareey) oo Muqdisho lagu dilay, 12-kii August
9. Maxamed Cali Buneyste oo Magaalad Muqdisho lagu dilay 12-kii August
10. Liibaan Cali Nuur oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
11. C/sataar Daahir oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho, 20-kii September
12. C/raxmaan Yaasiin oo lagu dliay Qarax Mudisho ka dhacay, 20-kii September
13. Xasan Yuusuf Absuge oo lagu dilay magaalada Muqdisho, 21-kii September
14. Cabdiraxamaan Maxamed Cali oo Muqdisho lagu dilay, 27-kii September
15. Axmed Cabdullaahi Fanax oo Muqdisho lagu dilay 28-kii September
16. Axmed Saakin Faarax oo lagu dilay magaalada Laascaanood, 23-kii October.
17. Maxamed Maxamuud Tuuryare oo dhaawac u geeriyoodey caawa 28-kii

Wariye ka tirsanaa Idaacada Shabeele oo maanta la aasayo

0
0

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Alle ha u naxariistee waxaa goordhow lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu aaso Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shabeele.
Wariya ayaa horaantii Todobaadkii hore waxaa dhaawac daran u geystay kooxo bastoolado ku hubaysan kuwaasi oo ku dhaawacay xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir.
Dhaawaciisa ayaa muddo maalmo ah yaalay isbitaalka madiina ee magaalada Muqdsiho halkasi oo muddo lagu baxnaaninayay wallow xalay uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka.
Warar ayaa sheegayo in meydka Tuuryare uu yaalo Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
21-Bishan ayeey aheyd markii kooxo hubaysan ay ku dhaawaceen Wariyaha Degmada Wadajir gaar ahaan Xaafada Xaawo Taako xilli uu halkaasi ku sugnaa.

Waa wariyihii 8 oo muddo labo biloow gudahooda lagu dilo magaalada Muqdisho.


Doonyo ganacsi oo laga eryay dekadda Kismaayo iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo aya waxay sheegayaan in illaa laba doomood oo ku xirnaa dekadda magaalada Kismaayo isla markaasina doonayey inay dekaddaasi ka qaadaan dhuxul ayaa dib u laabtay ka dib markii maamulka KMG ah ee dekadda Kismaayo uu mamnuucay dhoofinta dhuxusha.
 Kulamo maalmihii ugu dambeeyay ay yeelanayeen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni, isla markaasina ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ayaa looga hadlayey sidii laga yeeli lahaa dhuxusha faraha badan ee buuxdhaafisay kaamamka dhusuha ee magaalada Kismaayo, waxaana sida aan wararka ku helayno ay mas’uuliyiinta qaar codsanayeen in la dhoofiyo dhuxusha haatan dekadda ku diyaarsan, ka dibna la joojiyo dhul kale in dekadda ay soo gasho, hase yeeshee waxaa arrinkaasi diiday qaar kale.
Ganacsade ka mid ah gacanasatada reer Kismaayo ee wax kala soo dega dekadda isla markaasina codsaday inaan magaciisa la xigan ayaa warbaahinta  u sheegay in maamulka KMG ah ee dekadda Kismaayo uu ku wargeliyay inaysan jiri doonin wax dhuxul ah oo laga dhoofin doono dekadda Kismaayo, wuxuuna ninkaasi ganacsadaha ah intaasi ku daray in illaa laba doon oo ka mid ah doomaha ganacsi ee laga leeyahay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta isla markaasina doonayey inay qaadaan dhuxul ay dib u laabteen ka dib markii ay maalmo ku xirnaayeen dekadda Kismaayo, inkastoo la sheegay inay weli taaganyihiin goobo aan sidaasi uga durugsaneyn xeebta magaaladaasi.
Dhinaca kale Guddoomiyaha ganacsatada Kismaayo Xasan Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsanayaan inay fasaxdo dhuxusha hadda go’aan in laga dhoofiyo dekadda Kismaayo ka dibna aan dhuxul kale la goynin, wuxuuna intaasi ku daray in dad badan mudadii burburka ay ku tiirsanayeen dhaqaalaha ka soo gala dhuxusha sida kuwa guba dhuxusha kuwa gaadiidka ku soo daabula iyo kuwa xamaaliga ah ee dejiya ama rara tiiyoo ay sii dheertay sida uu yiri ganacsato xoolahoodii oo dhan geliyay dhuxushaasi dibadda loo dhoofiyo.
Dekedda magaalada Kismaayo waxaa hadda ku xiran laba markab iyo shan doomood, kuwaas oo sida shixnado ganacsi oo ay ka mid yihiin Sokor, Bariis iyo weliba alaabo kale oo bagaash ah, waxaana sida caadiga ah marka ay doomaha iyo Maraakiibta faaruqaan lagu rari jiray dhuxul taas oo loo iibgeyn jiray qaar ka mid ah wadamada Carabta.

Mid ka mid ah taliyeyaasha ugu caasan ciidanka dowladda Soomaaliya oo lagu dilay dagaal ka dhacay…

0
0

Dagaal muddo kooban socday oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa shalay ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Marka, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ku dhintay mid ka mid ah taliyeyaasha ciidanka dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabi jiray Jeneral Maxamed Faarax {Goordoon}.
 Sida warku sheegayo taliyaha ayaa dhintay ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab ay wadada u galeen kolanyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha dhintay, waxaana la sheegay in taliyaha markii la weerarayey uu ku sii jeeday degmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose, balse intii uusan gaarin magaalada Marka weerar dhabagal ah kala kulmay ciidamada Al-shabaab, halkaas oo uu ku dhexmaray ciidamadii la socday iyo kuwa Al-shabaab dagaal muddo kooban socdan, isla markaasna la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa weerarka lagu dilay taliye goordoon ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow halka loo yaqaano Ceelwareegow, ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dilka loo geystay taliyahan ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Sh/hoose.
Sida warku sheegayo taliyaha la dilay ayaa la sheegay in isaga iyo ciidamo la socday ay ka yimaadeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana ay ku soo jeedeen magaalada Afgooye, iyadoo la sheegay inuu yahay sarkaalkii labaad ee dowladda looga dilo gobalka Shabeelaha Hoose, tan iyo markii sanadkan horraantiisa ay qabsadeen deegano badan oo ku yaala gobalka Shabeelaha Hoose.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Al-shabaab wadada u galaan kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxaana weerarkii ugu dambeeyay ee ay wada ugu galeen ciidamada Al-shabaab kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo xittaa ay ka gubeen mid ka mid ah gaadiidka dagaalka ay isticmaalaan ka dib dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa lafoole iyo Afgooye, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudantahay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye loo galay hadda ka hor Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Digniin loo jeediyay R/wasaaraha cusub ee dalka Somalia

0
0

Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Soomaaliyeed ayaa digniin u jeediyay R/wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid odayaasha Soomaaliyeed ayaa waxa uu ujeediyay R/wasaaraha cusub digniin ku aadan in xukuumadiisa aysan yaraan islamarkaana laga dhabeyn hadalo suuqa ku jira.
Nabadoonka ayaa sheegay inay ka warheleen in la doonayo in sagaal wasiir oo kaliya laga dhigaa xukuumada cusub taasi oo ku micneeyay Nabadoonka inaysan u qeyb sameynin beelaha Soomaaliyeed.
Maxamed Xasan Xaad ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin xaalad ku adkeyn karta in Golaha Wasiirada ee imaanaya laga dhigo 9-wasiir isaga oo codsi ujeediyay madaxda dowladda oo ku aadan in tiradaasi la kordhiyo.
Xaad wuxuu sheegay in xukuumada Cusub looga baahan yahay inay noqoto mid ay ku qancaan Ummada Soomaaliyeed islamarkaana ay ka badato wasiirada tirada la sheegayo.

Puntland oo sheegtay inay wafdi u direyso magaalada Kismaayo, sheegtayna in Kismaayo ay ku xirantahay Puntland

0
0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo shalay ka hor-hadlayey Barlamanka Puntland ayaa sheegay inay jahwareer ku heyso arrinka Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray in maamulkiisu uu doonayo in magaalada Kismaayo uu u diro wafdi wasiiro ah oo arrinka magaaladaasi qiimeyn ku soo sameeya.
 Kulanka Baarlamaanka Puntland oo ay soo xaadireen 46-mudane ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Gen. C/samad Cali Shire, wasiiro ka tirsan xukuumadda, hay’adda Cilmi baarista PDRC iyo marti sharaf lagu casuumay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo shir gudoominayey ayaa ka waramay kalfadhigan bilowgii oo uu sheegey inuu yahay mid lagu ansixinayo miisaaniyad sanadeedka 2013-ka iyo wasiirada cusub oo dhawaan la soo magacaabay, sidoo kale waxaa fadhiba Baarlamaanka ka hadlay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo si weyn uga hadlay arrinka magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Faroole mar uu ka hadlayey maamul u sameynta magaalada Kismaayo waxuu carabka ku adkeeyay in Puntland aysan raali ka aheyn colaad waarta oo ka jirta degmadaasi, wuxuuna yiri isagoo arrinkaasi ka hadlaya “Waxaa jira dad colaad u joog ah oo fidno ka wada magaalada Kismaayo in is qabqabsigeedu sii raago, laakiin waxaan u sheegayna in Kismaayo deegaan ahaan ay ku xirantahay Puntland, ayna taabaneyso rabshadaha ka socda Puntland, sidaas darteed ayaanu doonaynaa inaan Guddi halkaasi u dirno si ay uga qeybqaataan maamul u dhisida gobolada Jubbooyinka, weliba waxaan idiin sheegayaa in wafdigaasi ay noqon doonaan heer-wasiir, cid Puntland arrinka Kismaayo kala hadli karta ma jirto wixii ay doonto ayey ka sameynaysaa, maadaama maamul ahaan uu iyadu hoosyimaado”.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland iyo dowlada Kuwait ay isla garteen in Puntland loo dhiso laba garoon oo casri ah, balse arrintaasi ay is hortaag ku sameeyeen madax ka tirsaneyd dowladdii KMG aheyd ee waqtigeedu dhamaaday, wuxuuna yiri “Anaga iyo dowlada Kuwait wadahadal dhanka horumarinta gooroomada diyaaaradaha ah ayaa ina dhexmaray waana isku afgaranay, laakiin taasi waxaa is hortaagay oo qorshahaasi fashiliyey qolo ka tirsanayd dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, iyagana xaqii ayaa ka soo iftiimay, waayo hadaad dad horumarkii iyo noloshii is hortaagto adna waxkale ayaa ku asiibi doona”.
Ugu dambayn madaxwayne faroole waxaa uu ka hadlay arinta baryahan hadal haynta wayn dhalisay oo ah xiliga jirtaanka xukumadiisa, isagoona sheegay in aanay aheyn wax muran geli kara maadama ay ansixiyeen gole yaasha xukuumadda.

Golaha wasiirada cusub oo saacadaha soo socda oo lagu dhawaaqayo iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya tirada laga dhigayo

0
0

Iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan tirada ay noqneyso Xukuumaddaasi oo la sheegay inay ka yaryar kuwii hore, sidoo kalena waxaa la sheegay in xilka koowaad ee Ra’isul wasaare ku xigeenka la siinayo haweenay ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland.
 Sida warku sheegayo tirada Golaha wasiirada cusub ayaa waxaa la sheegay in laga dhigi doono 13-wasiir, halka warar kale ay sheegayaan in Golaha wasiirada loo deyn doono sidoodii hore oo aheyd 18-kii wasiir, iyadoo xarunta madaxtooyada ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee magacaabista Xukuumadda cusub ee Soomaaliya, taas oo la sheegay inay ka duwanaan doonto xukuumadihii hore.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in gabar si weyn looga yaqaano deegaanada maamulka Somaliland lagu wado in laga dhigo Ra’isul wasaare ku xigeenka koowaad ee Xukuumadda Ra’isul wasaare Shirdoon, waxaana haddii dhab noqoto ay noqoneysaa markii ugu horeysay ee taariikhda oo ay gabar ka noqoto Soomaaliya Ra’isul wasaare ku xigeenka koowaad, waxaana loo maleynayaa in arrinkaasi uu la xiriiro balanqaad uu Madaxweynaha Soomaaliya siiyey haweenka Soomaaliyeed xilligii uu waday ololihii uu ku doonayey qabashada xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.
Xukuumadda cusub ayaa la sheegay in badankeedu ay tahay wejiyo cusub, inkastoo wararka qaarna ay sheegayaan in Xukuumaddaasi iyada oo dhan ay noqon doonto mid ka kooban wejiyo cusub, halka wararka kale ay sheegayaan in dad aan tiro badneyd oo ka soo mid noqday Xukuumadii KMG ahaa gaar ahaan tii Farmaajo ay xubno ka noqon doonaan wasiirada cusub ee lagu wada in dhawaan lagu dhawaaqo.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay kulamo ay maalmihii ugu dambeeyay yeelanayeen sedexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa waxay ugu dambeyntii isku raaceen in la yareeyo wasiirada cusub, isla markaana la badiyo agaasimayaasha guud oo iyagu noqonaya lafdhabarka fulinaya howlaha wasaaradaha, waxaa kale oo la sameynayaa wakaalado si toos ah u hoos taga Madaxweynaha kuwaas oo aan la ogeyn qaabka iyo sida ay noqonayaan, waxaana laga yaabaa in la baabi’iyo wasaarado horay u jiray, lagana dhigo wakaalado.

Alshabaab is aqoonis daro loogu xiray magaalada Jowhar

0
0

Warar hoose oo aan ka helayno magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsanaa Alshabaab kuwaasi oo ahaa kuwa loo yaqaan Amniyaad in lagu xiray saldhiga magaalada Jowhar.
Alshabaabka la xiray ayaa gaaraya seddex ruux kuwaasi oo loo xeray is aqoonis daro ,waxaana la sheegay inay soo xereen ciidamo kale oo ay isku shaqo yihiin.
Dhalinyaradaan ayaa magaalada Jowhar sida la sheegay kasoo galay dhanka Galbeedka waxaana ay doonayeen inay Jowhar sii joogaan.
Wararka ayaa sheegaya in seddex ruux ee la xiray inay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah oo ku taal magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.
Alshabaab ayaa u muuqdo kuwo lumin raba magaalada Jowhar,waxaana ay wadaan dhaqdhaqaaq ciidan.
Sabab ka dambeysay xerida dhalinyarada ka tirsan AMNIYAAD ayaa la sheegay inay tahay iyadoo ay kooban yihiin dhalinyarada ka tirsan Alshabaab ee falalkaasi qaabilsan ee ku sugan magaalada Jowhar.
Dhalinyarada ayaa walli ku xeran saldhiga magaalada Jowhar.
 

Gudoomiye gurigiisa la weeraray iyo dadkii weerar oo 4 laga Reebtay

0
0

Ciidamo ka tirsan Ururka Alshabaab ayaa la sheegay in habeenimadii xalay weerar ay ku qaadeen Guriga Degmada Bardaale uu ka degen yahay Gudoomiyaha Degmadaasi.
Weerarka oo dhacay xilli habeen ah ayaa la sheegay in ciidamada Alshabaab ay iska hor imad kala kulmeen ciidamada Ilaalada Gudoomiyaha Degmadaasi Bardaale.
Maamulka Degmada ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdadii xalay ka dhacday degmada Bardaale.
Lama oga ilaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay  weerarkii gaadmada ahaa ee ka dhacay Degmadaasi bardaale islamarkaana loo geystay Gudoomiyaha Degmada.
Ciidamada maamulka Degmada ayaa saaka bilaabay howlgalo balaaran oo amaanka lagu xaqiijinayo.
Dhanka kale warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha iska hor imaadkii xalay,waxaana wararka ay sheegayaan in ehelada qaar e gudoomiyaha inay waxyeelo soo gaartay.
Sidoo kale afar ka mida ciidamada Ashabaab ee weerarka soo qaaday ayaa goobta lagu dilay.


Gabar bekro ah oo uur leh arin layaab len

0
0

Dhaqar ciidanka baliska Imaaraatka ka tirsan ayaa sheegaya in ay baaritaan ayku sameeyeen gabar u dhalatay Dalka imaaraatka carabta oo ayb qoyskeedu u soo gudbiyeen ayagoo kaga dacwoonaya wiil ay saaxiibo ahaayeen in uu gabadhoda uurka u yeelay.
Baaaritaanka ayaa waxaa lagu ogaaday in ay gabadhaani uur leedahay hadana ay bekro tahayoo aysan ka muuqan calaamado muujinaya in loo tegay gabadha.
Gabadha ayaa ah isbuuceedii 29 ee uurka ayaa waxaa caloosheeda ku jira cunug nool oo la dareemi karo xataa muuqaalka uurka balse aan ahayn mid bekra jaban.
Gabadhaan oo ah15 sano jir ayaa waalidiinteedu waxa ay baliska ku soo wargeliyeen in wiil dhalin yaro ah 17 sano oo saaxiib la ahaa gabadhooda uu uurka u yeelay.
Wiilka oo 17 sano jir ahayaa diiday in uu gabadha uureyaay asigoo ku doodaaya in gabadhu bekrada waayi lahayd hadii uu falgal lasameeyay ayna tahay arin aan asaga lagu eedayn Karin.
Wiilka ityo gabadha oo internet-ka iska bartay ayaa waxay ku sheekaysan jireen xaafada gabadha oo ay xili kasta ku wada sugnaan jireen balse aan cidi cadayn Karin cida sida saxda ah uurka ugu yeeshay gbadhaan yar
Hase ahaatee arinta layaabka noqotayayaa ah gabadha oo uur leh hadana bekro ah waa arin aan horay looga baran dumarka uurka leh oo noqotay arin soo jiidatay indhaha bulshada caalamka.

Natiijo Laga Soo Saaray Dilkii Sh. Axmed Xaaji

0
0

Natiijada hor-dhaca ah oo ku saabsan Baaritaanka Dilkii Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, ayaa la soo bandhigay, iyadoo lagu magacaabay dad dilkaasi lala xiriirinayo.

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Ciidamada Dowladda oo lala beegsaday

0
0

Qarax khasaaro geystay ayaa waxaa caawa Ciidamada Dowladda lagula beegsaday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay baxsadeen raggii qaraxaasi ka dambeeyay.
Kooxo dhalinyaro ah ayaa waxay bambo ku weerareyn Ciidamada Dowladda, xilli ay marayeen Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo, oo ay ku xoog badan yihiin Ciidamada Huwanta.
Qaraxa kadib Ciidamada Dowladda ayaa waxay fureyn aysan u meel dayin, iyadoo caawa sawaxanka rasaasta si weyn looga maqlaayo Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Dowladda ayaysan u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxo dhalinyaro ah, oo ku soo weeraray bambada nooca gacanta laga tuuro, taasoo khasaaro u geysatay Ciidamada Dowladda.
Waxaa aad u adag in faah faahin dhab ah laga helo khasaaraha guud ee Ciidamada Dowladda ka soo gaaray bambada caawa lagula beegsaday Xaafada Farjano ee Magaalada Kismaayo, maadaama daqiiqado kahor uun ay dhacday dhacdadaan.

Saamaynta xun ee qaadka oo khatar ku ah jiilka soo koraya Soomaalida

0
0


Isticmaalka qaadka ayaa sanadihii dhowaa ku soo kordhayay dhallinyarada Soomaalida dhexdooda, iyadoo kala bar kuwa 20-ka sano jira iyo kuwa ka yar ay isticmaalayaan maandooriyaha, sida ay sheegayso daraasad.
Haween xirmooyin qaad ah ku iibinaya suuq ku yaalla Muqdisho. Ganacsiga sii xoogaysanaya ee qaadka wuxuu suuqyada Muqdisho ka yahay mid joogto ah. [Mohamed Abdiwahab/AFP]
Iyagoo og in qaadka uu waxyeello xun ku leeyahay caafimaadkooda, dhallinyarada Soomaalida ayaa wali isticmaala, ayuu yiri Maxamed Cabdi Sardheye, oo ah 25-jir deggan Garoowe.
“Waxaan qaadka cunayay afar sano,” ayuu yiri“Waxaan bilaabay markaan ka qalin-jabiyay dugisga sare. Dhallinyarada ma haystaan shaqooyin ay ku mashquulaan. Kaliya tiro yar ayaa shaqaysa, halka inta soo hartay ay waddooyinka wakhtiga ku qaataan. Waxaan u isticmaalaa inaan wakhtiga ku dhameeyo intaan shaqo ka helayo.”
Habka Adeegga Horumarinta la Wakhtiyeeyay ee Soomaaliya (TIDS), oo ah hay’ad saldhig ku leh Garoowe oo ka shaqaysa horumarinta dhallinyarada iyo is-dhexgalka, ayaa walaac ka muujisay dhallinyarada qaadka caadaysatay.
Sida ay sheegtay daraasad ay samaysay TIDS, ragga yar-yar iyo dumarka 20-ka sano jira iyo kuwa ka yar 55% waxay isticmaalaan qaadka, xitaa iyagoo ku jira dugsiga sare.
“Marka loo barbar-dhigo tirada guud ee qaadka cunta [Puntland gudaheeda], 80% waa dad dhallinyaro ah oo ka hooseeya da’da 35,” ayuu yiri Maareeyaha TIDS Caduur Aadan Caduur.
Dedaal dhallinyarada waddooyinka looga celinayo loogana fogaynayo qaadka, Caduur ayaa sheegay in ururka uu la shaqaynayo iskuullada gudaha si dadka iskuullada sare ka qalin-jabiyay loogu yabooho tababarro lacag lagu bixinayo oo ay ardayda heerarka hoose wax ku barayaan inta ay ka helayaan shaqooyin joogto ah. Barnaamijka tababarka waxaa lagu maal-galinayaa kaalmo laga helayo hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka.
Isticmaalka qaadka waa guuldarro muuqata
Ku dhowaad 70% shacabka Soomaaliya ee ka yar 30-ka sano, sida ay sheegtay warbixin uu soo saaray Barnaamijka Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay, heerka sarreeya ee isticmaalka qaadka ayay dadka qaar ka walaacsan yihiin mustaqbalka jiilka xiga.
Maxamuud Jaamac Salaad, oo ku taqasusay cilmiga neerfaha oo jooga Gaalkacyo, ayaa sheegay in qaadku uu waxyeello ku yahay caafimaadka qofka.
“[Qaadka] Wuxuu waxyeellaynayaa neerfaha isagoo ku qasbaya inay howshooda xad-dhaafiyaan. Qofka ma hurdayo waxna ma cunayo, taas oo horseedaysa nafaqo darro iyo daciifnimo joogto ah,” ayuu sheegay, isagoo intaa ku daray in qaadka uu yahay wax lala qabsado oo dadka isticmaala ku hoggaaminaya inay ku tiirsanaadaan.
“Waa guuldarro muuqata,” ayuu Salaad yiri, isagoo intaa ku daray in dadka qaadka isticmaala aan lagu kalsoonaan karin. “Dadka isticmaala waxay qorsheeyaan [fiidkii] qorshe aanay fulin karin marka subaxa la gaaro. Way ka go’doonsan yihiin dadka wanaagsan waxayna ku biiraan kooxo la mid ah oo qaadka isticmaala”.
Dadka isticmaala inta badan waxay isugu yimaadan kooxo habeenkii waxayna isticmaalaan maandooriyaha iyagoo ruugaya caleemaha geedka illaa iyo subaxa. Maareeyaha wuxuu sheegay in qaadka uu sababo ilko burbur, oo horseedi kara ilko la’aan. Taa waxaa sii dheer, dadka uu saameeyay waxaa laga yaabaa inay ku dhacaan khatar ama hab-dhaqan aan bulshada ku habboonayn taas oo galinaysa khatar sarreysa oo ku xariirin karta cudurrada galmada lagu kala qaado, ayuu yiri.
Salaad wuxuu sheegay in isticmaalka qaadka uu lumiyo dabeecadda maskaxeed ee qofka. “Marka kuwan qabatima aysan lacag haysan ay ku iibsadaan, waxay ku qasban yihiin inay dhacaan ama ay xadaan si ay qaad u helaan,” ayuu yiri.
“Markii hore, Garoowe waxaa la keeni jiray ku dhowaad 15 kilo oo kiishash ah [qaadka], laakin tiradan way korortay oo waxay gaartay in ka badan 100 kiish sababtoo ah tirada joogtada u isticmaasha ayaa kordhaysa maalin kasta,” ayay tiri Shukri Siyaad, oo ah ganacsato qaad oo ku sugan Garoowe oo iibisa nooca Kenya laga keeno ee loo yaqaanno “Meru”.
Qiimaha lagu iibiyo sidoo kale way kordhaysaa. “2005-tii, qiimaha hal xirmo waxay ahayd 300,000 oo shilinka Soomaaliga ah ($13), laakin hadda waa 600,000 ($26),” ayay Siyaad u sheegtay.
Maxamed Cabdiwahaab Axmed, oo ah maareeyaha guud ee wasaarada waxbarashada Puntland, ayaa sheegay in wasaaradda ay ka warqabto dhibaatooyinka ayna qorshaynayso inay samayso olole wacyigelin oo dhallinyarada looga reebayo isticmaalka Qaadka.
Waxaan qorshaynaynaa inaan billowno howlgal aan dhallinyarada ku ogaysiinayno waxyeellada daran ee qaadka iyadoo isla markaana lagu dhiirragelinayo inay waxbartaan oo ay la jaanqaadaan dunida horumartay,” ayuu yiri
Qorshaha wali wuu socdaa, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in dowladda ay rajaynayso inay ururrada gudaha iyo kuwa caalamiga ahba kala shaqayso dedaallada lagu muujinayo sababaha dhaliya isticmaalka daroogada.
Xigasho sabahi media
 

Qarax Khasaaro geystay oo Caawo ka dhacay Magaalada Kismaayo

0
0

Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan  in halkaasi oo caawa uu qax ka dhacay .
Xafadda calanley gaar ahaan  isgoyka Soomaali Star ee magaalada kismaayo ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhacay qaraxa .
Qaraxa ayaa sida la sheegay waxaa lala eegtaya ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya kuwaasi oo marayay halkaasi .
Inla ogayahay shan ruux ayaa ku dhaawacantay oo seddax  kamid ah ay yihiin askar ka tirsan dowladda soomaaliya .
Waxaana halka uu qaraxa ka dhacay laga maqlayay rasaas xoogan kuwaasi ay ridayeen ciidamada dowladda soomaaliya ee iyagu qaraxa lala eegatay .
Qaraxa ayaa sida la xaqiijiyay waxaa uu ahaa bambada nuuca gacanta laga tuuro  waxaana arintani ay imaaneysaa iyadoo dadka reer kismaayo ay ka war sugayaan waxa ka soo bixi doona shir dhawaan ka dhici doono halkaasi kaasi oo looga arin sanayo maamul u sameynta magaaladaasi waxaana  halkaasi ka jiro maamul kmg ah kaasi oo hogaan looga dhigay axmed madoobe  hogaamiyihii jabhadda raaskambooni .

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live