Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Bidaartu dhib ma kugu haysaa dawo ayaa loo helay

$
0
0

khubaro dhinaca caafimaadka ah oo u dhashay DalkaIngiriiska ayaa shaaca ka qaaday in daawo loogu tala galay indhaha ay haatan ogaadeen in ay suurto gal tahay in lagula dagaalamo oo lagu daweeyo bidaarta.
Daawadan oo lagu magacaabo Lumigan islamarkaana loo isticmaalo goojo ahaan cudur indhaha ku dhaco lagu daweeyo ayaa qubaro dhinaca caafimaadka waxa ay ogaadeen in daawada ay sidoo kale ay korin karto tinta yar yar xaada oo kale taasoo ku harta meesha tinta ka biday.
Professor Valerie Randall oo ka tirsan jaamacada the University of Bradford eek u taala dalka Ingriiska oo haatan hogaaminayay tijaabo lagu sameeynayo daawan ayaa sheegay in daawadan Bimatoprost lagu yaqaano ay koriso tinta ku taala isha baarkeeda, waxaana horay loogu soo isticmaalay in arintaasi.
Daawadaasi ayaa waxa uu sheegay Professor-ka in ay sidoo kale loo isticmaali karo soo celinta tinta ay bidaarto la tagtay.
Dalalka Mareykanka iyo Jarmalka ayaa isla sanadkaan dhexdiisa lagu wadaa in tijaabooyin la mid mid lagu sameeyay dalka Ingiriiska iyana lagu sameeyo.
Tijaabada daawada bidaarta ayaa waxa lagu sameyn doonaa 220 qof oo rag ah iyo 172 dumar kuwaasoo ka cabanaya bidaarta.


Waswaas dartii shaqada maku weysay?????

$
0
0

25 ayeey musqusha gashaa in ka badan 300 jeerna gacmaheeda ayeey dhaqdaa maalin kasta natiijada ka dhalatayna waa in ay shaqadeeda ku weyso.
Juuliyaa Bintu Cabdulahi oo ah 40 jir u dhalatay wadanka Malaysiya ayaa ka cabanaysa Waswaas iyo Shaki Nadaafada ah ee dhib ku noqday nolosheeda , waxaan ay musqusha ku qaadataa maalintii ku dhawaad 5 saacadood, iyo istanjo 25 jeer ku dhawaad ah iyo in ay gacmaheeda dhaqdaa 300 oo jeer.
Juliyaa ayaa waxaa uu waswaaskaasi ka haysta Ndaafada waxaaa uu ku kaqasbay in ay  isticmaasho ku dhawaad laba Jiirgaan oo shaanbo ahIsbuucii iyo Tiro Farabadan oo Saabuun ah .
Shaqadeeda waxaa ay ku weysay Juuliyaa ka dib dhac  xiliga la soo xaadirayo oo waqtigaasna uga soo dhumayo Gacma dhaqa iyo musqusha oo ay inta ay ku jirto marar dhoor ah mayranayso.
Taasina waxay ku qasabtay in ay raadiso ilkale oo ay dhaqaalo kaheshaa si ay saabuu iyoshaanbo ugu soo iibsato una joogtaysaa nadiifinta jirkeeda.
Juuliyaa ayaa waxaa ay sheegtay in astaamaha cudurkaan Nafsaaniga ah in uu ku bilowda iyada oo Labaatan jir ah kolkaa oo ay ka shaqeynaysay Shaybaar , markaasna ay ku qasbanayd in ay taabato dheecaanada labaarayo, dhiiga, candhuufta iyo kaadida.
Waxa ugu badan ay ka baqan jirtay ayaa ahaa in uu usoo gudbaa Virus ka HIV Aids ka halkaasna ay ka bilowda Shakigaas Faraha Badan keenana in ay dhaqdaa Gacmaheeda iyo tinteeda waliba ay meerataa Tobanaan jeer maalintii.

Toddobaadka Soomaalida

$
0
0

Halkan ka dhageyso barnaamijka toddobaadka Soomaalida, oo BBC ay ka warreysatay, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Macallin Saciid Saalax Axmed, Xuseen Shiikh Axmed Kadare, Abwaan Cabdullahi Cawad iyo Ayaan Maxamuud Canshuur.

Qarax qasaaro geystay oo ka dhacay Kismaayo, J/hoose

$
0
0

Kismaayo (Sh.M.Network)—Qarax qasaaro geystay ayaa caawa waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in qarax qasaaro geystay uu ka dhacay goob Maqaayad ah oo ay ka ag dhawaayeen askar ka tirsan Ciidama dowladda Soomaaliya ee ku sugana Magaaladaasi.
Inta la ogyahay 4-qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badan waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, waxaana lagu soo waramayaa in dadka dhaawacmay loo la cararay xarumaha caafimaadka ee Kismaayo.
Qaraxa markii uu dhacay kaddib ayaa goobta waxaa soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo goobta uu qaraxu ka dhacay ka sameeyay howlgal wax ay ku soo qabteen aysan cadeyn.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay qaraxaasi ay ku geeriyoodeen dad rayid ah, hase ahaatee majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraasi.

Arin la Yaab leh oo Soo Wajahday Haweenka u dhashay Sacuudi.

$
0
0

Dowlada Sacuudiga ayaa Dib ugu Fiirsaneyso Go’aankii ay Ku Fasaxday Dumarka in ay Dharka Hoose Laqataan oo Dukuumada ay iibiyaan Kalaaban Rabto Sida Wararka Ka Soo Baxay Xaruunta Madaxtooyada Dalka Sacuudiga ay Shegayaan.
Dowlada Sacuudiga ayaa Go’aan Dhawaan ay Ku Fasaxday Dumarka in ay Dukaamada iibinkaraan ay Doneyaa in ay Ka Laabto Arinkaan ayaa Waxaa isku Afgartay Reerka Baqor Tooyada Dalka Sacuudiga.
Dumarka Sacuudiga ayaa Waxay Dhawaan Fursad u Heleen Dharka Hoos Laga Xerto oo Hore Ka Soo iibsan Jireen Ragga Dukaamadaha iibiya Dumarka Dalka Sacuudiga Ku Nool Qaar Kood Ragooda ayaa u Soo iibin Jiray Dharka Hoose Ka Qataan Dumarka.
Xukuumada Dalka Sacuudiga Hadii arinkaan ay Meel Mariso Dibna Dumarka Dalkaas ay ugu Diido in Dukaamada aysan iibin Karin Kumanaan Kun Dumar ah ay Soo Food Sareysaa Dharka dumarka Hoos Ka Xertaan Ka iibsadaan Ragga Dukaamaha iibiyo.
Dhamaad
Hadii faah faahin intaas ka dheer aad donesaan lasoo xiriir ciwaanka emailka oo shaqeeya xili walba
xasanraawi@hotmail.com
W/Q:Xasan Wadani
Tafatiraha Arimaha Bulshada
Qaahira/Masar
xasanraawi@hotmail.com

Ameeriko: Dowladda ayaa leh maamul sameynta

$
0
0

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa sheegay in maamul u dhisidda magaalada Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse aanay ahayn hawl u taal IGAD ama AMISOM.

Kenya: AMISOM waxa ka dhintay in ka badan 2000

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in in ka badan laba kun oo ciidamada AMISOM ah ay ku dhinteen dalka Soomaaliya ilaa sanadkii 2007.

Badhasaabka Gobalka Awdal Oo Beeniyay Hub Uu Ku Sheegay Taliyaha Bilayska Somaliland In Laga Soo Qabqabtay Gudaha Borama(Cadceed Tv).


Obama oo Booqanaya Meelo ay Duufaantu ku Dhufatay

$
0
0

Madaxweyne Mareykanka Barack Obama ayaa maanta booqanaya meelo ay duufaantu ku dhufatay gobolka New Jersey, gaar ahaan dhulke xeebta

R/wasaarihii Hore Ee Soomaaliya C/wali Cali Gaas Oo Lagu Amray In Uu Mudo 24 Saac Gudohood Iskaga Baxo Dhulka Puntiland,Maxay Tahay Sababtu???

$
0
0

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Goboilka Bari ayaa sheegaya in R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Wali Maxamed Cali gaas lagu amray in uu deg deg uga baxo Gobolka Bari iyo guud ahaan Deegaanada Mamaulka Puntland uu ka arimiyo.
Amarkan ah in uu kabaxo Cabdi Wali Gaas Gobolka Bari ayaa waxaa uu kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland iyadoona Taliyaha Booliiska Magaalada Boosaaso iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari lagu wargaliyay in Cabdi Wali Gaas amar kusiiyaan in uu deg deg uga baxo Gobolka Bari iyo guud ahaan Deegaanada Puntland.
Xildhibaan Cbadi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa mudooyinkan waxa uu kusugnaa deegaano katirsan Maamulka Puntland uu kasoo jeedo isagoona kulamo la qaadanayay bulshada qeybaheeda kala duwan eek u dhaqan deegaanada uu tagay ee Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha Gobalka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa usheegay C/wali Maxamed Cali Gaas inuu deg deg uga baxo Magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland islamarkaana warkaasi uu kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.
Xildhibaan Cabdi Wali Gas wali kama uusan hadlin amarka lagu siiyay ee ah in uu kaga baxo Boosaaso iyo Guud ahaan Gobolka Bari ,waxaana socda kulamo kala duwan oo ku aadan amarka kasoo baxay Madaxtooyada uu Faroole kataliyo ee ku aadan in Gaas Puntlnad uu deg deg uga baxo.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in C/Raxman Faroole Madaxweynaha Puntlnad uu ka cabsi qabo siyaasada Cbadi Wali gaas ee ku aadan Doorashooyinka soo socda ee ka dhici doono Puntland sidaa darteedna uu doonayo in uu ka hortago Cabdi Wali Gaas uuna gabi ahaan ka saaro Maamulka Puntland si uusan uga adkaan Doorashooyinka soo socda.”
Source-Booramaonline

Xildhibaanimada Saado Cali oo la isku Heesto. “XOG + GORFEYN”

$
0
0

Waxaa buuq ka taagan yahay kamid ahaan shaha Baarlamaanka ee Xildhibaanadda Saada Cali kadib markii lagu eedeeyay inay ka qeyb qaadatay bur-burkii Dalka Somalia
Xildhibaanadda Saada Cali Warsame ayaa lagu eedeeynaaya inay qeyb libaax ka ahayd dhicitaanka Xukuumaddii dhexe ee Somalia oo uu hogaanka u ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre
Xildhibaanadda Baarlamaanka ayaa iminka uu ka dhex dhashay murun ku aadan Xubinta Saada Cali iyo sababaha kadanbeysay inay kamid ahaato Baarlamaanka Somalia maadama ay ka qeyb-qaadatay Bur-burintii Xukuumadda Siyaad Bare oo haatani laga dhexlay dhibaato baahsan

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof Jawaari iyo Xildhibaanadda ayaa waxaa iminka miiska u saran ka hadalka Saado Cali oo iyadu Ehel u ahayd burburkii Somalia ee dhowrka sano soo maray
Macadda sida ay ka yeeli doonaan Baarlamaanka Somalia buuqa ku aadan Saada cali sida laga soo xigtay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka ayaa shabakadda Balcad.com u xaqiijiyay in Saado cali xiligaani looga baahneyn kamid ahaanshaha Baarlamaanka Somalia waxa uuna sheegay inay fasahaadin doonto Go’aanka baarlamaanka uu ku yeelan karo xalinta Khilaafata .
 

Fanaaniinta kala ah Cawale Adan iyo Hodan C/Raxmaan oo is Jeclaaday.

$
0
0

Warar hoose uu helay boga Markacadey.net ,ayaa shegaya in labada fanaan ee ku nool North America Cawaale Adan Iyo Hodan C/Raxmaan uu u bilawaday jaceyl ,kadib markii dhawaan la isku arkay labada fanaan oo isla joga studio Liiban oo ku yaala Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka balse Hodan iyo Cawaale ayaa ku kala nool Canada iyo Maraykanka
Hodan iyo Cawaale ayaa jacelkooda ku soo bandhigay heesta cusub ee dhawaan isla qadeen labada fanaan heestaas oo lagu magacaabo Rugta Nolosha.
Cawaale ayaa heesta ku muujiyay erayo ka turjimayo qiimaha jaceylka iyo bahida labada qof isu qabaan.iyadoo erayada ay ka mid yihiin”Dhayaha Urooney Tii Lagu Rakibayey Mankayga Racaa,rugta nolosha waa guur raxma kalay.
Hodan ayaa iyaduna ugu jawabayso Allaylahee sidaan rabi ima diidine Raga kan ka doortooy , rugta nolosha waa guur rooble kalay.
Sheekadaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan Malmahan xaga fanka,waloow aysan jirin soo bandhigid labada fanaan ku muujiyeen jaceylkooda.
Halkaan ka daawo heesta Hodan iyo Cawale.

Fanaanada Nimco Dareen oo Gacanta Ku Qoratay Magaca Gabadheeda.

$
0
0

Fananada Nimco Dareen ayaa hees cusub ay soo sartay malintii Ciida oo lagu magacaabo Nabsi ku muujisay jaceylka ay u qabto gabadha ay hooyada u tahay ee lagu magacaabo Najma.
Nimco ayaa bogeeda Facebook ku soo qortay Malintii Ciidda kadib erayadaan( Have you noticed that I wrote my sweet bbe gurl Najma’s name on my hand),sidoo kale waxay Nimco Dareen ku soo bandhigtay sawirka gabadheeda oo u indha eg.
Fanaanada Nimco Dareen oo ah hooyo kaligeed nool ayaa heesato halkan gabar ee gacanta ku soo qoratay waana hooyo si dhab ah u jecel gabadheda yar.
Dareen ayaa inta badan ka gadisan fanaaniinta Soomaliyeed waxayna mar walba Tageerayasheeda kala hadashaa bogeeda Facebook, waxayna ugu soo gudbisaa hadba meesha ay jogta iyo xalkeeda meesha uu marayo.
Dhawaan ayay aheed markii Nimco Dareen Muqaal u ekaa in lagu duubay Mopel kala hadashay Tageerayasheeda una sheegaysay In Malinta Ciida ay ka tumayso Magalada Stockhlom ee dalka Sweden.

Nimco Dareen oo Hees Cusub Kula Ciiday Tageerayasheda.

$
0
0

Fananaada Nimco Dareen ,ayaa malinta Ciidda ku soo beegtay hees cusub iyo waliba muuqaal cusub oo cajiib ah .
Heestaan Cusub ee lagu magacabo Nabsi .waxaa dhanka jilitaanka kala qayb qatay Nimco Dareen Fanaanka Ilaka Case oo lagu yaqaano heesaha Rapka iyo waliba dhantada,sidoo kale heestaan waxaa u soo saray Nimco Dareen Soo sare Ahmed Ugaaska.
Ilka Case Iyo Nimco Dareen ayaa si qurux badan Romatic u jilay ,waxaana muuqaalka ku arkaysaa Nimco Dareen oo marka ay albaabka ka furtay Ilka case halmar hab sii say iskuna duubtay kadibna ilkacase waxuu si macaan gacanta ugu shumiyay Nimco Dareen.
Nimco Dareen ayaa heesta ku soo bandhigtay Labis iyo waliba ayada oo hal lug iyo hal kacan si qurux badan u soo saratay Cilaanka Lagu Yaqaano Haweenka Soomaaliyeed.
Halkaan ka daawo muuqaalk Dareen.

Qiso Xanuun Badan: “Isma laheyn Sidaan buu ku galaa Daahir….”.

$
0
0

Qiso Xanuun badan oo ay ka sheekeeyneyso Gabadhaan Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Saciido Kaahire waxeeyna hadalkeda ku bilaabeeysa hadalo marka aad maqasho aad uga naxeeyso…
Isma laheen daahir sidaan ayuu ku yeeli donaa laakin waxuu ii dhigay ama isiyay cashir lama ilobaan ah oo aaanan iloobi doonin inta nafta igu jirto Saciido kaahiye waa dhibana caashaq oo lasoo dagtay qalbigeeda murugo kii ugu darnaa ebed ay la kulanto.
Waxay ku noo shahay wadanka uganda wiilka ifka ay iskugu jeclayeen oo asagana ku nolaa isla wadanka uganda magaciisa layiraado daahir ayaa waxaa dhax maray nolol farxad leh iyo is fahan jacel oo muda u dhaxeeyay jacelka daahir ayuu u soo badhigtay saciido oo suuqa ka timid una socota xafadeeda ayuu dariiq isku barteen.

Sheeko yar iyo taleefan kala qarosha lanbar kadib mid walba wuxuu hore u sii aaday halkii uu u socday ama halkii ay u socotay is barashada iyo kahelista dareenka ruuxa iyo u qaadista waa si gadis ah ayey lamaanaha isku helaan lakin is hanashada iyo meel marinta ka dhabeenta.
Caashaq ayaa ku adag inta badan ruuxa waxjacel ama ruuxa lajacel yahay hadaba qisada aan idiinka waramee muda ku dhawaad 6 bil ayuu u socday jacel daran oo farxad xan baarsan kadibna guur iyo aqal gal ayaa dhacay sanad marka ay is qabeen oo ay hal gabar dhashay saciido ayuu daahir is badal iyo xanaaq iyo mar marsi raadis uu galay
Daahir gabar ayuu hore ugu dhaxeeyay jacel oo gabadhaas naciima ayaa layiradaa waxay ku sugan tahay Norway dacwad ayey u waday muda ku dhawaad sidex sano daahir miseer iyo waxuu bilaabay mar marsi uu qiil ku raasanaayo gabadha saciido in uu yiraado waan ku furayaa waad qeelo badan tahay oo kale
Mudo labo bilood ah jiid jiid ayey ku wada jireen daahir iyo saciido naf ku rabo ayaa nolol iy farxad ku dareensiyo ama lagula noladaa naf aanan ku rabin waa y dhib badan tahay sida aad ula nolaato daahir sidex deeda ayuu siyay saciido norway ayuu uga tagay gabadhii hore jacelka kala dhaxeeyay dacwadna leen safar u waday saciido waxay hadal oo idil lee dahay ja celka sidaan miyuu ahaa ama jacel aanan sidaan aheen ayaa jira.
Dhamaad
Xasan Wadani
Tafatira Arimaha Bulshada
Qaahira/Masar
xasanraawi@hotmail.com


Ololaha Doorashada Deegaanka Somaliland Oo Galay Maalintii Afraad Iyo Guddoomiyaha Dalsan Oo Ballan Qaadyo Horleh

$
0
0

Kaambaynka ololaha doorashada golaha deegaanka oo galay maalintii Afraad(4),ayaa waxa maanta u lahaa Urur siyaasadeedka DALSAN,oo ka mida ururada siyaasada ee u tartamaaya  doorashada golaha deegaan Somaliland,oo ah doorashada lagaga mid noqonaayo sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland shanta sano ee soo socda ka jiridoona.
Boqolaal ka tirsan taageerayaasha Urur siyaasadeedka Dalsan,ayaa saaka subaxii hore iskugu soo baxay guud ahaanba gobalada iyo degmooyinka dalka Somaliland,maadaama ay maanta ahayd maalitoodii koobaad “1aad “boqolaalkan ka midka ahaa taageerayaasha Ururka Dalsan,oo sitay islamarkaana Ruxaayay Boodhadh iyo Astaamo ay ku xardhan yahiin astaanta Urur siyaasadeedka Dalsan iyo  Numberada murashaxiintooda waxaana garab socday oo banana baxa kala qayb qaadanaayey hogaanka sare ee ururka Dalsan iyo xildhibaanada ugu sharaxan golaha deegaanka ee ku kala sugna gobalda iyo degmooyinka dalka.
Magaalo madaxda Jamhuuriyada Somaliland,ee Hargaysa  ayaa waxay suabxii hore ku waabariisatay buuqa iyo sawaxanka ay sameynaayeen taagerayaasha Ururka Dalsan kuwaas oo socdaal iyo safaf dhaadheer ku maraayey jidadka waaweyne ee dhex maraayey magaalada Hargaysa,socdaal dheer ka dib waxay iskugu soo biyo shubteen  fagaaraha beerta Xoriyada eek u taala badhtamaha magaalada Hargaysa.
 
Iyada oo ay la hadleen taagerayaasha ku sugnaa tara buunka beerta xoriyada,25ka murashax iyo saraakiisha sar sare,ee ururka Dalsan,shan iyo labaatanka murashax oo dhamaantood khudbado u jeediyey taageerayaashooda iyo kuwa ururka Dalsan,iyaga oo dhamaan ugu soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed eek u shaqayndoonan hadii ay soo baxaan,waxxanay ugu  balan qaaday taageerayaasha inay dhaamidoonan kuwa hada ku fadhiya kursiga golaha deegaanka Somaliland,khaasatan kuwa caasimada oo ay ku tilmaameen inay lunsadeen cashuurtii shacabka wax loogu qaban lahaa.
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Dalsan mudane:Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil yare),oo soo afmeeray xafladii ka dhacaysey Fagaaraha Beerta Xoriyada magaalada Hargaysa,ayaa dhabaal hambalyo ah u diray guud ahaanba Ciidamada qaranka Somaliland,eek ala duwan isaga oo ku sheegay inay yahiin kuwo markastaba mudan in la hambalyeeyo, waxaanuu shacabka Reer Somaliland ugu baaqay in gacan siiyaan Ciidamada dalka Somaliland qaybahooda kala gadisan.
Geesta kalana gudoomiye, Ismaaciil Yare,oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaartay islamarkaana wacad ku maray in haddii Ururkkiisa Dalsan ku guulaysto doorashada golaha deegaanka Somaliland,oo uu ka mid noqdo xisbiyada qaranka ee (3),ah inuu dalka ka sameyndoono Barnaamij siyaasadeed oo Cad kaas oo Dalku ku gaadhi karo,isaga oo taageerayaasha ururka Dalsan iyo guud ahaanba shacabka Reer Somaliland ugu baaqay inay codkooda siiyaan kuna caawiyaan Urur siyaasadeedka Dalsan.
Sidoo kale wararka soo gaadhaaya Xafiiska Wararka ee Shabakada wararka ee Almisnews,ayaa sheegaaya in gobalada kale ee dalka Jamhuuriyada Somaliland,iyo degmooyinka hoos yimaada,si balaadhan looga dabaal degay islamarkaana isku soo baxyo xoogan oo lagu taageeraayo ururka Dalsan ka dhaceen taas oo ay dhigeen taageerayaasha urur siyaasadeedka Dalsan,Ururka Dalsan ayaa noqonaaya ururkii 4aad ee saameeya ololaha doorashada golaha deegaanka Somaliland,ee daba yaaqada Bishan(11) ka qabsoomidoona Somaliland.

Banaanbax looga soo horjeedo Qaadka

$
0
0

Ilaa boqol qof oo Soomaalida dalkan Britain ah ayaa isugu soo baxay xafiiska Raiisul Wasaaraha UK hortiisa ee agaalada London, iyaga oo ku baaqaya in la joojiyo Qaadka.

Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Dareen Cadho Leh Kaga Hadlay Hub Dhowaan Guri Ku Yaalla Magaalada Boorame

$
0
0

Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci ayaa dareen cadho leh ka muujiyey Hub uu Taliyaha Ciidnka Bilayska Somaliland sheegay in laga helay guri ku yaallaMagaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal dhowaan, kaas oo uu sheegay inuu ahaa Hub la ogaa oo ay haysay gabadh uu ka tegay Sarkaal sare oo aanuu hayan hub si qarsoodi ah loo soo geliyey magaalada oo dhib keeni lahaa, hubaas oo la sheegay inuu ahaa laba boqol oo hoobiye.
Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Hubkani oo ay tiradoodu dhamayd 200 oo xabo oo hoobiyeyaal ah may ahayn mid aan la ogayn, waxa uu ahaa mid ay xukuumadihii dalka isaga dambeeyay ogaayeen oo si nabdoon meel ugu uruursanaa, Hubkan waxa hayay Marwo ka hadhay Gaashaanle Sare oo la odhan jiray Cabdi Nuur, waxa lagu ogaa gurigeeda, waxa ay la xidhiidhay dawladii hore sida la ii sheegay waxa u socday wada hadalo la xidhiidha inay wareejiso hubkan, iyadana la siiyo xafidaadeedii, xaalka oo sidaas ah laguma guulaysan oo waa la badaley xukuumadii hore, Dhawaan waxa ay la xidhiidhay qaybta miino baadhista ee ciidanka Booliska, waxana ay ku tidhi ma hayn karo ee iga qaada, halkan ayay yimaadeen hubkiina iyada oo la ogahay ayaa la qaaday 23/10/2012 oo ahayd Arbacadii hore, Arintaasi markii la qaadayay hubka waxa la soo amray in aan saxaafada la galin oo aan looga yeedhin, runtii maanta iyada oo lagu jiro olole, aniga oo ixtiraamaya taliska Booliska in hubkii noocaas ahaa la shaaciyo oo waliba lagu tilmaamo mid laga soo qaaday gacanta cadawga oo muddo dheer la daba gurayay, waxa ay tahay mid u muuqataa mid aan ahayn nidaamkii

Guddida Daba Galka Habsami U Socodka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Badhasaabada Iyo Maayirada Gobolada

$
0
0

Guddida daba-galka habsaami u socodka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Somaliland  ayaa Guddoomiyeyaasha Gobolada Somaliland iyo Maayarida Magaalooyinka ugu digay  inaanay ku milmin Ololaha Doorashada ee dalka ka bilawday ,iyaga oo ku wargeliyey in haddii ay ka tanaasuli-waayaan ay Talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.
Guddida daba-galka habsaami u socodaka Doorashooyinka goleyaasha  Deegaanka  Somaliland oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Guddida Doorashooyinka  oo war-saxaafadeed ka soo saaray arintaasi oo uu warbaahinta u akhriyey Guddoomiyaha Guddidaasi  Axmed Maxamed Cadaad.
War-saxaafadeedkan  ay Guddidani soo saareen maanta oo ay kaga hadlayeen arintaasi, waxa uu u dhignaa sidan:-
“Urur kasta waxa la farayaa oo waajib ku ah Luuqadda ay ku dhaqmayaan Ururada Siyaasaddu iyo Hogaamiyayaashoodu-ba waa inay ahaato mid Caafimaad qabta oo aan abuurayn iska hor-imaadd Dadweynaha dhexdooda ah, Xaalad abuur, Kicin Dadweyne, isku dir, Colaad abuur iyo kala dil Ummaddaha walaalaha ah , Luuqadda la adeegsanayaa waa mid wanaagsan oo qiimo leh oo Ummadda wax u qabanaysa waa waajibaadka aanu farayno haddii aanu nahay Guddida Anshaxa ee ilaalinta habsaami u socodka Doorashooyinka Deegaanka. Waxa saaxadada Siyaasada ka reeban shakhsi weerar, Caytan iyo Yoo-yootan, Talaabooyinka ka reeban Xukuumadda, Xibul xaakimka maxaa ka reeban? waxa ka reeban inay Xukuumaddu u adeegsato xoogaga Nabad-gelyadda sida Ciidamada kala duwan ee Dalka in lagu cabudhiyo ururadda iyo Musharixiinta iyo Taageerayaashooda-ba, waxa kale oo Xukuumadda ka reeban Qof-na lama xidhi karo iyadda oo aan la wada Waaranka qabashadda marka laga yimaado iyo xaaladdaha gaarka ah iyo cidii fal-dambiyeed faraha kula jirta, la yeeli maayo in Dad ololaynaya ama Dad Mudaharaadaya in si fudud loo xidho taas Sharcigaa diidaya, Xukuumaddu uma isticmaali karto cidna Xoog iyo Xadhig, Ciidamada amaanku waa inay ka fogaadaan in aanay ku dhex milmin arrimaha Siyaasadda, isla-markaana waa inay ahaadaan dhex-dhexaad Shaqadooda oo kaliyana ay ku eekaadaan,Dhex-dhexaadnimada Hantida Qaranka iyo Adeegyada Qaranka, Hantida Qaranka waa loo siman-yahay ama Xisbul xaakim ha ahaado, Urur gaar ah ama Xisbi gaar ah looma adeegsan karo Hantida Qaranka. Guddoomiyeyaasha Gobolada, Guddoomiyayaasha Degmooyinka (Maayaradda), Maayar ku xigeenada waxa ka reeban, waana Xaaraan inay u ololeeyaan Urur gaar ah, Shaqaalaha Dawladdu wey ka xag-jiraan uma ololayn karaan si toos ah iyo si dadban-ba midna-ba Urur gaar ah iyo Xisbi gaar ah Xeer-baana ka yaala, Qofkii ku dhaqma ee si toos ah ama si dad-ban loogu helo Ciqaab-baa la marinayaa. Xalayto wey cadayd, wey muuqatay Badhasaabada Goboladdu wey ku milmeen, wey ka hadleen, Xisbul xaakimkay u ololeeyeen waa xaaraan magdac lama ogola haddii aad ka tanaasuli-weydaan waa Gobolada Nimanka Badhasaabada ka ah iyo Maayaraddu haddii ay ka tanaasuli-waayaan arrimaha noocaas oo kale ah Xeer Ciqaabaad-baa lagu soo saarayaa soo saarayaa”
 
 

Wakhti Kordhin Kooban oo loo Sameeyay AMISOM

$
0
0

Golaha Amniga ayaa 7 cisho u kordhiyay wakhtiga howlgalka AMISOM ee Somalia. Augustine Mahiga ayaa sheegay in toddobaadka danbe la filayo inuu Golahu muddo sannad ah ugu daro wakhtiga AMISOM.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live