Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muxuu Augustine Mahiga uu ka yiri arinta soo magacaabista Golaha Wasiirada (Aqriso)

$
0
0

Dr. Augustine Mahiga ayaa wuxuu si kooban uu uga hadlay soo magacaabista daahday ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Raa’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ka hadlay arinta soo daahday ee ku aadan soo magacaabista Golaha Wasiirada.
Marka hore wuxuu sheegay in Golaha Wasiirada la soo magacaabi doono maal maha soo socda, sidaasi daraadeedna ay Madaxda Dowladda Somaliya ku mashquulsan yihiin sida uu yiri soo magacaabista Golaha Wasiirada.
Wuxuu sheegay in Khamiista maanta ah uu kulan Magaalada Muqdisho uu kula qaatay Madaxda Dowladda Somaliya, wuxuuna sheegay inay ka wada hadleen arinta ku aadan soo magacaabista Golaha Wasiirada.
“Waxaan maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha iyo Raa’isal Wasaraha, runtiina waxaan ka dareemay inay si weyn ugu mashquulsan yihiin soo magacaabista Golaha Wasiirada.” Ayuu yiri Dr. Augustine Mahiga.
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in uu si weyn uu u taageeraayo Madaxda Dowladda Somaliya, oo uu ku tilmaamay rag fir fircoon oo hawlkar ah.


Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu Sidaan iigu galaa Miyuu Bini’aadam aheyn “Qeybtii 13-aad”.

$
0
0

Aniga oo faraxsan hadane qanacsan ayaan taksiga soo raacay, afkeyga ayaan ka qaadi waayay alxamdulillah, alxamdulillah, waayo dhibka ay noloshayda soo martay mid lamid ah ima soo marin, cadaab aduun ayaan ku tilmaami karaa waxa qabsaday noloshayda.
Xilligii la iga filanayay guriga waan ka soo dib dhacay waxaan tagay reerka oo walaacsan, waxaan ku iri hooyo Xamar waan kala garanayaa, ha iga dhigin ajnabi ama qof magaalada ku cusub, mida kale waxaan waday alaab oo aan uwaday dad la igu yiri Muqdisho ayee daganyihiin dadkas ayaan ku soo daahay, qof kasta oo aan alaab ugeeyo wuxuu rabaa axwaasha qofka usoo dhiibay alaabta in looga sheekeeyo, sidaas ayaan ku soo daahay, maamada ayaa i dhahday alla aniga maxaan dhalay wiil daacad ah umudda u adeega danihiisa dib dhiga.

Aniga iyo gabadha aan is jecelnahay noloshayda waxay noqotay nolol heer sara ah, xiriirkeena wuu sii siyaaday dareenada aan isku qabno wuxuu noqday mid sal adag ku taagan, waxaan aheen dad isbuuc kasta 3 mar kulma, waxaan aheen kuwa isla gala sawiro xausuus ah,kalsoonida aan u qabo iyada way igu badatay, hadiyada aan isku hibeeno waa kuwa ka qeeb qaata kobaca jaceyl, waxaan noqonay dad caan ka ah Muqdisho jaceylkooda, waxaa noola baxshay lamaanaha aan kala harin, gabadha waxay aheed mid waxbarashada jecel, anigane fahamka waxbarashada wuu iga xiranyahay sidaas ay tahay wax waan isla bara jirnay, waxay aheed mid iga saacida dhanka waxbarashada, markii uu macalinka wax ii sharxayo wax badan maka fahmo macalinka laakiin markii ay sharaxeeso iyada waxaaba moodaa in aan fahmay xitaa cashirada ay iigu celiso ma hilmaamo.
Waxaa soo galay safar gabadhii aan jeclaa, awoowgeeda oo ku nool gobolada dhexe ayaa aad u xanuunsaday aabaheed ayaa amray in inta xaalka awoowe si ka noqonayo in ay la soo joogto, waxaan isku afgaranay in aan is raaco oo aan kala harin, inkastoo aan ka fikirin halka aan dagaayo iyo nin iyo naag aan is qabin hadane safar isku raacaya, waxaan go’aan saday aniga oo fiirinaya jaceylka aan u qabo iyada in aan raaco, qof hadii aad jeceyl u qabto aragti kasta uu kuula yimaado kama diidi kartid waana astaamaha lagu garto jaceylka.
Waxaa igu adkaatay sidii aan oga heli lahaa ogolaasho waalidkeyga in aan u safro gobolada dhexe, hooyo aad bay iiga diiday in aan aado gobolada dhexe, waxaan ku dhahaa waxaan is raaceenaa wiilal asxaabtayda ah, uma sheego in aan raacayo gabar aan jeclahay, hadalka hooyo waan ka dhaga adeegay, diid ama yeel waan baxayaa ayaan ku iri, waxayne igu tiri hadii aad baxdo aniga oo raali ka aheen waxaan ilaah kaaga baryaa wax aadan jecleen in aad kala kulanto safarkaaga, anigane waxaan ku iri wixii ii qoran ma waynaayo, gabadha aan jeclahay ayaan ku iri waa la ii ogolaaday safarka in aan ku raaco iyada aad bay u jeceshahay in aan kala harin, waxaan soo xaday lacag hooyo meel u tiilay oo igu filan in aan ku noolaado 3 bil.
Waxaa na sogootiyay galabkaas ilaa boosteejada gawaarida gobolada dhexe noo raacay saaxbiibkeyga Saadaq Cade Saadaq iyo gabadha uu xiriirka la leeyahay, waxaan raacnay gaariga safarkii ayaan guda galnay, markii aan siimareeno meel u dhow Beladwayne ayaa waxaa na qabsatay tuugo, waxay ku bilaabeen gaariga xabado, ilaalada gaariga iyagane waxay bilaabeen in ay iska caabiyaan, waxaa badatay xabada la isku ridaayo, tuugadii gaariga aye saban qabad siiyeen, aniga iyo gabadhii aan jeclaa waxaa na soo gaaray dhaawac halis, aniga firirka wuxuu iga galay dhanka maskaxda, dadkii gaariga saarnaa wuxuu noqday mid dhinta mid dhaawac iyo mid gubta, gabadha aan jeclaa dhaawaca soo gaaray coloosheeda ayaa banaanka usoo baxday, aadna way u dhiig baxeesaa, anigane waan miir doorsoomay, dhaawaca ayaa lookala qaaday Guriceyl, Ceel Buur iyo Muqdisho, aniga waxaa la isoo qaaday Muqdisho, gabadhii aan jeclaa waxaa dhaawaceeda loo qaaaday Guriceel, waan dareemay dhibka igu nacay in uu yahay in aan diiday hadalka hooyo.
Markii la ikeenay hospital Madiina ee magaalada Muqdisho dhaawaceyga halis ayuu noqday, geerida ayaa ii dhaantay xanuunka dhaawaca, waxaa maskaxdeda laga saaray firirkii iga soo gaaray sabanka, nasiib daro midii ugu xumeed ayaa igu habsatay oo ah in ay iga dhimatay qeybta xasuusta, wax aan xasuusto malahan, dadkii oo dhan makala aqaano marka laga reebo hooyo iyo walaalaheyga, inta kale waxay ii noqdeen dad igu cusub, wax ma xasuusto, maskaxdeyda waxba ma soo qaban karto, xitaa waxaan xasuusan waayay in uu ihaayo jeceyl, xitaa ma xasuusto in gaariga aan saarneen la qabad siiyay saban, jismi ahaan waan u caafimaad qabaa, laakiin waxaan heyn maskax aan wax ku kula sooco, jugta soo gaartay maskaxdeyda waxay noqotay mid aan ku ilaawo gabadhii aan jeclaa, ma umaleeyo in noloshayda xitaa aan iyada bartay, ilaah nama dhigo xasuus la aan.
Maalin duhur ah ayaa waxaa yimid wiil guriga dhahaya Taar ayaa kuu yaalo waxaa lagaa soo wacayaa Guri Ceel gabar ayaa halkaas kaa soo waceeso laba saac kadib ayee ku soo celineesaa taarka, waan is waydiiyaa qofka ay tahay gabadhaas, hooyo ayaa igu dartay wiilka iga yar si aan ulumin qofka soo hadlaya si loo ogaado, goobta taarka markii aan tagay aniga gabadha waan garan waayay qofka ay tahay, waan isku wareernay aniga iyo iyada, si kasto ay wax iigu sheegto waan garan waayay, walaalkeyga iga yar ayaa gabadhii la hadlay kuna dhahay wiilka dhaawac soo gaaray dartiis ayuu u xusuus beelay, wixii aad ka rabto walaalkeyga aniga ii sheego, gabadhii ayaa sidii ugu warantay dhacadada, walaalkeyga wuxuu sidaa ku soo ogaaday in safarka aan galay uu ah mid aan raacay gabar, halka aan hooyo hada ka hor kaga dhahay waxaan raacayaa wiilal, la ima canaanan karo waxaan ahay qof aan waxba kala ogeen.
Waxaa badatay in gabadhii ay markasta iga soo wacdo taarka, dadaalkasta way bixisay oo ah in ay iga dhaadhiciso in aan nahay lamaamo isjecel, anigane waxaas oo idil waxaan ka ahay xasuus la aan, gabadhii ayaa markii dambe waxay go’aan satay in ay Xamar ku soo laabato maadaama aan isku fahmi waynay cod, waxayna ka soo tagtay awoogeeda wali xanuunsan aan wali caafimaadin.
La soco qeybta 14aad, Jimcaha soo socda haduu alle idmo…
Kala soco qeebaha haray waa qeebaha ay gabadha ay mari doonto silica iyo nolol xumidi.
W/Q: Daalac Daahir Shoot
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com

Sheekh Shariif oo Kadigay Arin Halis ah. “Maxeey tahay Arintaasi Aqri”

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed ayaa kadigay in 21-gii sanno ee lasoo dhaafay dalka dib loogu celsho xili caalamka ay rajeynaayan in Somalia ay kabaxdo dhibaatadii aafeeyay
Mudane Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Cusub looga baahan yahay inat ku dayato xukuumadii iyada ka horeysay ama ay isku daydo inay ka xawaara dheereyso

Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay inuu aad uga walacsan yahay xaalada adage e uu dalka kusii socdo gaar ahaan siyaasada isdiidan oo iminka ka dhex aloolsantay Madaxweynaha dalka iyo Raisul wasaaraha oo iyagu ku kala tagay magacaabista Golaha wasiirada
Ugu danbeyntii Shariif Sheikh Axmed ayaa kadigay in Colaad laga dhex beero beelaha soomaalida waxa uuna xukuumada Cusub ugu baaqay inay qanciso beelaha soomaalida .

Magacyada Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Cusub oo aan Helnay.

$
0
0

Qeybta Warqabadka ee Shabakada Balcad.com waxaa si hoose u soo gaar qaar ka mid ah Magacyada Xubnaha lagu wado in ay ka mid noqdaan Golaha Wasiirada Cusub ee la filayo Maalmaha soo socdo in lagu dhawaaqo.
Xogtaan aanu helnay ayaa waxeey banaanka soo dhigeysaa Magacyada Wasiirada ugu Muhiimsan ay kala qaateeyn Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha kuwaas oo waayadaan la hadal hayay.
Hada Aqristoow Magacyada Xubnahaan aanu magacyadooda helnay ayaa waxeey ka mid noqon doonaan Xubanaha Cusub ee sugayo in la gu dhawaaqo balse waxaa ilaa iyo haatan kala cadeyn in Wasiirada cusub tiro ahaan la gaarsiinayo 18 iyo in ka yar laga dhigayo…
WAA KUWAAN MAGACYADA XUBNAHA CUSUB EE GOLAHA WASIIRADA:
1 – Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Isaaq ah, Habar Yoonis.
2- Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed Hawiye, Habargidir, Sacad
3 – Wasiirka Gaashaandhita Gen. Muuse Xasan Cabdulle, Daarood, Ogaadeen.
4 – Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, Deegaanka, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha Cabdi Risaaq Maxamed, Hawiye Xawaadle
5 – Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare Faarax Sheikh Cabdulqaadir, Beesha Shanaad, Reer Aw-Xasan.
6 – Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Cawil Xuseen, Daarood Majeerteen.
FIIRO GAAR AH: Xogtaan waxaan ka helnay Ilo  Muhiim ah oo ka howl gala Xafiiska Ra’isul Wasaaraha…
ARAGTI AHAAN SIDEE U ARAGTAA AQRISTOOW KA DHIIBO FIKIRKAADA:

New York oo ka Soo Kabaneysa Duufaantii Sandy

$
0
0

Dhawaq iyo shanqar ay caan ku tahay ayaa dib ugu soo noqday magaalada New York ee dalkan Mareykanka, gaar ahaan qadadka tareenada iyo basaska dadweynaha.

AMISOM oo dagaal la kulmay iyo duleedka Marka oo la isku qabsaday

$
0
0

Ciidamada AMISOM ayaa waxay weerar xoogan ay kala kulmeen ciidamada Alshabaab ee ku sugan deegaanada Gobolka Shabeelaha Halkaasi oo la sheegay inay wadada u galeen.
Ciidamadaasi ayaa kasoo dhaqaaqay degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ay kusoo jeedeen deegaano kale oo ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Alshabaab ayaa waxay wadada u galeen ciidamadaan iyaga oo ku sugnaa deegaan ku yaala inta udhaxeeya Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Degmada Shalanbood ee isla gobolkaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay inay isku adeegsadeen labada dhinac hubka noocyadiisa kala duwan waxaana uu ahaa mid saacado kooban socday.
Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay ka gubeen ciidamada AMISOM gaadiid dagaal wallow aan faahfaahin laga heynin arintaasi.
Ciidamadii ka socday AMISOM ayaa dib ugu laabtay Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ka dib markii ayla kulmeen dagaal xoogan.

Wejigii Labaad Ee Ololaha Doorashada Deegaanka Somaliland Oo Manta La Galay Iyo Ururka Umadda Oo Si Balaadhan Ugu Dabaal Degay

$
0
0

Wejigii labaad ee Ololaha doorashada Deegaanka ee Somaliland ka socda, ayaa manta la galay, ka dib markii uu soo dhamaaday wareegii koowaad ee Ololahan oo socday muddo todoba cisho ah, kaas oo ay Todobada Urur/Xisbi wada Ololeeyeen.
Ururka Umadda oo ka mid ah todobda iyo iyo Xisbi ee ka qayb gelya Doorashada Goleyaasha Deegaanka Somaliland, ayaa manta si baladhan ugu bannaan baxay firitaanka Wejiga labaad ee Ololaha Doorashada Deegaanka, kaas oo dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ku soo bandhigay taageerayaal aad u tiro badan ku soo bandhigay.
Wejiga Labaad ee Ololaha doorashada Deegaanka ee Maanta la galay oo ah mid ka duwan noocii wejigii hore, ayaa waxa ay taageerayaasha Ururka Umaddu taageeradoodu ku soo bandhigeen degmooyinka Xaafadaha Magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo si gooni gooni ah ay Xildhibaanada uga sharax Deegaanku taageerayaashooda ugu soo bandhigeen  meel ay iskugu keeneen.
Taageerayaasha Magaalada Hargeysa uu ururka Umaddu ku leeyahay, ayaa degmooyinka Magaalada si balaadhan ugu soo baxay , waxaana kala qaybgalay,Xoghayaha guud ee urur sioyaasadeedka Umadda Naasir Bedel Ismaaciil, Gudoomiyaha gobolka Maroodi jeex ee urur siyaasadeedka Umadda Cabdiqani Ibraahin Salaf iyo  gudoomiyaha degmada Hargeysa ee urur siyaasadeedka Umadda Xasan Goodaad,kuwaas oo kor meer ku  kala bixiyeen xafiisyada musharaxiinta urur siyaasadeedka Umadda, isala markiaana  xafiisyadaasna kala hadlay taageerayaasha musharaxiinta urur siyaasadeedka Umadda ee iskugu soo baxay goobahaasi.

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Kismaayo

$
0
0

Kismaayo (Sh.M.Network) — Wararka Ka’imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in qarax miino oo khasaara geestay lagula eegtay Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM Nawaaxiga Jaamacadda Kismaayo
Qaraxani ayaa yimid kadib markii kolnyo gawaarida gaashaaman ah oo ay wateen ciidamada Kenya ay ka soo dhaqaajiyeen dhanka Air-Portka deetana ay qaraxa la kulmeen inta aysan soo goorin goobta sida ay dadka deegaanka Idaacadda Shabelle uxaqiijiyeen waxaa ka geeriyootay illaa iyo afar Askari tira kalana waa  ay ku dhaawacmeen ciidamadaasi iyadoo wararka ay intaa sii raacinayaan in mid ka mid ah gaadiidkii dagaal oo ay wateen ciidamada Kenya ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa Miino.
Majiro wax war ah oo ka soo baxay Sarakiisha Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda oo ku’aadan qaraxa Miino ee lala eegtay kolonyada gaadiid oo ay wateen Ciidamada Kenyanka ah.
Dhinaca kalena Majiro wax sheegasha ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada AL Shabaab inkastoo weerarada nuucaasi ah looga bartay Ururka Al Shabaab iyadoo dadka degankuna ay sheegayaan in durba uu istaagay dhaq dhaqaaqii ganacsi iyo midkii gaadiid iyo isu socodka dadweynaha intaba
Tan iyo markii ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay lawareegeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay lakulmayeen weeraro iyo qaraxyo khasaaro kasoo gaara kuwaasi oo mararka qaar masuuliyadeeda ay sheeganayeen Ururka Al shabaab


Beesha Dagoodi:Dowladda Godob ayeey naga gashay

$
0
0

Muqdisho (Sh.M.Network) —Waxgaradkani ka soo jeeda beesha dagoodi oo maanta kulan kuyeeshay Magaalada Muqdisho ayaa kulankooda waxay diiradda ku saareen qaabkii ay ka yeeli lahaayeen dilkii dhawaan loo geestay Taliyihii Guutada shanaad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Max’ed Ibraahim Goordan oo kooxo hubeysan dhawaan ay ku dileen qaybo ka mid ah Gobolka Sh/Hoose.
Suldaanka Beesha Dagoodiye Abdi Xuseen Cabdulle oo kulankaasi kadib lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in looga baahanyahay laamaha ammaanka in ay so dedejiyaan Baaritaanada ku’aadan Ciddii kadambeysay dilka Allaha unaxariiste Jeneral Goordan
Suldaan  Cabdi Xuseen Cabdulle ayaa intaasi ku daray in ay tahay wax laga xumaado in seddexda Masuul ee ugu sareysa dowladda ay ka soo qayb gali wayaan aaskii Taliyaha hase ahaatee Suldaanka ayaa umahad celiyay Saraakiisha dowladda oo uu sheegay in ay usameeyeen aas qaran
Afahayeenka Beesha dagoodiye oo isna ka hadlay kulanakaasi Cabdi Max’uud Aadan  ayaa waxa uu sheegay in dowladda ay godob ka gashay beesha dagoodiye kadib markii ay wax kasiin waayeen Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.
Cabdi Max’uud Aadan ayaa waxa uu xusay in dowladda looga fadhiyo in ay daryeesho Caruurtii uu ifka kaga tagay Jeneral Goordan iyo in hay’adaha ammaanka sida uga dhaqsiyaha badan ay gacanta ugu soo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Jeneraalka
Dhawaan ayeey ahayd markii weerar gaadmo lagu qaarijiyay Taliyihii guutada Shanaad ee dowladda Soomaaliya xilli uu lasocday kolonyo gawaarida dagaalka ah oo marayay qaybo ka tirsan Gobolka Sh/hoose

Roadside blast kills 4 Soldiers in Somalia’s port city of Kismayo

$
0
0

KISMAYO (Sh.M.Network)— At least four soldiers died and more than that number injured in a roadside bomb that rocked on Monday afternoon in Somalia’s southern port city of Kismayo, 500 Km south of Mogadishu, reports said.
Reports said the blast occurred near the airport targeting a military convoy carrying Kenyan soldiers serving under the African Union mission in Somalia (AMISOM), killing 4 soldiers following the attack.
Kenyan army condoned off the site of the explosion near the airport of Kismayo and began carrying out crackdown to find out the perpetrators. No arrests reported.
It was unavailable to reach Kenyan army officials for comments on the attack and death toll.
No group has said yet it carried out the bomb attack, but al shabab militants have in the past claimed more blasts in the city since the allied forces moved in last month.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

BIGILKUU XAQSOOR TUMAY BARI IYO GALBEED MAQAL. by Ismael Handule

$
0
0

BIGILKUU XAQSOOR TUMAY BARI IYO GALBEED MAQAL.  by Ismael Handule
1-BAYD HADDAAD DHIS LEEDAHAY BISINKAW HOREEYOO,LA YIDHAA BELOOY BAYDH,
2-BAALAHOON LA DHIGIN SEES,DHUSHA INAAD BINAYSAA,BAABOCO KA EEG TIMO.
3-BAALASHAY KU DUUSHAA,WAA BEELII  MAQNAABYOO, BAADIDOONKI SOO HELAY.
4-BIGILKUU XAQSOOR TUMAY,BARI IYO GALBEED IYO, BADHTAMIHI ISBEEGSADE.
5-BUSHAARIYO BILKHAYRAAD, BUUNKII FOGAAYOO, BAAQIISII LA WADA GARAY.
6-BARQUDHAY ISUGU TIMI, KA AFUUFF BOODHKII, INTA BADAN DUL SAARNAA.
7-BADHAADHAHA DALKEENIYO, BARWAAQADI HILAACDEE, BILATAY BIL KHAYRAAD
8-BERYO SAMO XASUUSTOO, BAAHI LOOMA BAHAL CUNO, BOOLINA  DAA WARKIISABA.
9-BUKAAN JIIFKA LIITIYO, BEDQABAHA FAYOOWOOW, BELO WAA U SIMANTIIN.
10-BAKHAYL XOOLO DHAQIYO, DEEQSIGAAN BARNABA HAYN,  KEEBAAD U BURINLAYD.
11-BERMAD KEED U DIRANLAYD, GEESIGAAN BAQAYNIYO, BOOTO DHEERIHII  FULE.
12-BARASHADA RAG LAGU BOQOR, AMA LAGAGA BAYDHYOO, BAASHIISA LAMA DAYO.
13-BOTOR KAW CIYAAR GUDAY, BOODHKII GELIYEY CAGAHII, BAQAYAA MAXUU YAHAY.
14-BUUQ LOOMA BAAHNEE, BASAR FOODKA UGU RIDA,  BAALDACARNA YUU JABIN.
15-BILI WEEYE NABADUYE, SANAADIIQ LA BOOBIYO, KA ILLAASHA BAHALADA.
16-BAXNAANADAAN KU SOCONEEN, BEEGSANAYNO QAYRKEEN, HA BURBURINE II DHAWR.
17-BALANQAAD NINKII GALAY, BEENINAYN SIDU YIDHI, BAAL DAHABA BAW YAAL.
18-BILEESKIYO  ASLUUBTOOW,BAALAHA KA JOOGSADA,YAANAY NABDU BAYLIHIN.
19-BAALAXOOFTADII IYO, ANAA BADAN LA SOO DHAAF,BISMILAYSTA TIRADUUN.
20-BAANDHAYNTA XULASHADA,NINKA LAGA BADSHOW QANAC,XAMAR HAW BAQOOLINE.
21-BADHASAABADEENIYO,BILAYSKIYO DUQ BELEDKOOW,ISKAGA BAYDHA URURADA.
22-BAABUURTA QARANKIYO,WAX BUURANI MA YEELEE,BAANKA DAWLADAY DHAWR.
23-BERIGII LA RIDAY UDUB,BAXARKEEDU UU KACAY,BISLAANSHAY WAX DHEERAYD.
24-BAAXAADEGIINII,ISU SOO BAXAAYDII,BADHTAMAHA MAGAALKAA BUDKA LAYSU
LULI JIRAY.
25-BUSHKOODAA QABOOBAA,HAL BAKEERI KUMA JABIN,BERTITANA SIDII ROON.
26-BADBAADIYO NADAAMIYO, WA BILAAHI TAWFIIQ,ISBANBAANSHA IDILKIIN.
 xaqsoorottawa@gmail.com
 

Tacsi ka socota qurbajooga beelweynta Reer Nuur

$
0
0

 

Tacsi ka socota qurbajooga beelweynta Reer Nuur
Dhamaan beelweynta qurbajooga Reer Nuur ee kala dagan dunida daafaheeda waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Col. Xasan Xuseen Rirash iyo dhamaan reer Xuseen Rirash oo hooyadood Mako Qalinle Shirdoon ku geeriyootay magaalada Borama.

 Ehelkii iyo qaraabadiina Ilaaha qaadirii samir iyo iimaan haka siiyo waxaaney u baryyayaan Ilaaha qaadira inuu ka waraabiyo marxuumada Janatul Fardowsa. AAMMIINN yaa rabul caalamiin …
Gudoomiyaha Qurbajooga Reer Nuur Xaji Maxamed Cabdillahi Obsiye
Gudoomiye ku xigeenka qurbojooga Reer Nuur Mudane Maxamad Cali Farax
Gudoomiye ku xigeenka qurbojooga Reer Nuur marwo Fatxiya Cumar Kahin
 

Taladaan la ruugin waalagu rafaadaa !!! Ta wanaagsan een laga hadhina waa la helaa !!! Talana sideedaba waa dhowrto !!!
 
 

Taladaan la ruugin waalagu rafaadaa !!! Ta wanaagsan een laga hadhina waa la helaa !!! Talana sideedaba waa dhowrto !!!
By Suleyman Dugsiye

Maxay Somaliland Ka Tidhi Xilka Loo Magaacabay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto

$
0
0

Somaliland,  ayaa ka hadashay  siada ay u aragto Xilka loo magacaabay Foosiya Yuusf Xaaji Aadn Qabille oo uu Raysal Wasaaraha Somalia u magacaabay wasiirka arrimaha dibeda ahna  Raysal Wasaare  ku xigeenka 1-aad ee dalka Soomaaliya .
Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire),   oo u waramay laanta Af-Soomaaliga  ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay inaanay wax saamayn ah ku yeelan doonin Xilkan loo dhiibay Foosiya  oo ka soo jeeda Somaliland, dhowaanna ka tagtay Hargeysa, ka dib markii ay ku soo bixi wayday Ururrada Siyaasadda oo ay Guddoomiye ka ahayd Ururkii hadhay ee NDB.
Wasiir Geel-jire oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Foosiya Somaliland way u dhalatay, xagaasna (Soomaaliya) way u dhaxday. Markaa wax cusub ma aha xilkan loo magacaabay waxa hore u soo maray wasiirka khaarajiga Cismaan Jaamac (Kalluun), Maxamed Cabdilaahi Oomaar, Ismaaciil Buubaa iyo Xuseen Carab Ciise oo u dambeeyay oo isku ahaa Wasiirka Gaashaan-dhiga iyo Ra’iisal-wasaare ku xigeen. dawladdan la magacaabay waa mid u gaar ah Soomaaliya, anagana Somaliland ayaanu nahay. anagu mar walba waanu sugaynaa waxa ay dhistaan si aanu ula xidhiidhno oo ula hadalno, Wax Allaale iyo wax iska bedalayaa ma jiro wada hadalkii u dhaxeeyay labada dal. waa wax caalamkana aanu ka balan qaadnay, dadkayagana ugu balan qaadnay oo aanu u aragno dantayadduna ku jirto.”
 
 

Dowladda Uganda oo lagu qanciyay inaysan Ciidamadeeda kala bixin dalka Soomaaliya (Top News)

$
0
0

Dowladda Uganda oo maal-mahaanba sheegeysay inay Ciidamadeeda kala bixi doonto dalka Soomaaliya, ayaa waxaa lagu qanciyay inaysan ciidamadeeda kala bixin dalka Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka ayaa waxay ka shaqeysay sidii Dowladda Uganda ay ciidamadeeda u sii jooggi lahaayeen dalka Soomaaliya, maadaama ay markii horeba u taggeen hawlo la xiriira ammanka.
Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka Wendy Sherman, oo goor dhaw Shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxay meesha ka saartay cabsidii laga qabay in Dowladda Uganda ay Ciidamadeeda kala baxeyso dalka Wadanka Somaliya.
Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay inay Madaxweynaha Dowladda Uganda Yuweri Museveni ay kala hadashay, arinta ku aadan in Dowladda Uganda ay Ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya.
Waxay sheegtay in Madaxweynaha Dowladda Uganda ay ku qancisay inaysan Ciidamadooda kala bixin bay tiri dalka Soomaaliya, maadaama ay sheegtay inay u jooggaan hawlo Nabad Ilaalin.
Wendy Sherman ayaa waxay Masuuliyiinta Dowladda Uganda ay ku ammaantay inay u soo jeedaan, sdiii wax looga qaban laha nabad lagu soo dabaalo bay tiri dalalka Qaarada Afrika ee ay ka taagan yihiin dagaalada.
Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo shalay la hadlay Wakaalada Wararka ee Reuters ee dalka Ingiriiska, ayaa wuxuu sheegay inay dalalka Afrika kala hadli doonaan in Uganda ay Ciidamadeeda Somaliya kal baxeyso iyo in kale.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Si Wada Jir Ah U Ansixiyay Xeerka Wadda Marista Iyo Xeerka Sirdoonka Qaranka

$
0
0

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta  si wada jir ah ugu Ansixiyey laba oo kala ah, Xeerka Sirdoonka Qaranka Somaliland iyo Xeerka Wadda marista Gaadiidka,waxana fadhiga shalay ee Golaha Guurtida yeesheen  shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida  Md  Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mudanayaashu Cod Aqlabiyada ku Meel mariyeen labadaasi Xeer.
Mudanayaasha ayaa ugu horayn Cod Gacan taag ah u qaaday Xeerka Sirdoonka Qaranka Mudo doodiisu ka socotay Golaha.a,Fadhiga shalay oo ay ka soo xaadireen 52 Mudane waxaa Ogolaaday in la Ansixiyo Xeerka Sirdoonka Qaranka Mudanayaal tiradoodu dhantay 52, waxaana ka Aamusay 1 mudane, halka cidiiday aanay jirin, Xeerkaasina uu sidaasi ku meelmaray,
Mudanayaasha Golaha Guurtidu waxay sidoo kale Cod gacan taag ah ku Ansixiyeen Xeerka Wadda marista iyo Gaadiidka oo wax ka badal iyo Kaabisba lagu sameeyay waxana Mudanayaasho hortooda  ka faahfaahiyey waxka bedelka iyo kaabista lagu sameeyey Xeerka Wada marista iyo Gaadiidaka   Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida mr Cabdilaahi Cismaan Habane,Mudanayaasha ayaa hore uga Dooday Xeerkan,Xeerka Wadda marista waxaa Ogolaaday in la Ansixiyo 48 Mudane, waxaa diiday 4 Mudane.Xeerkaasina Sidaasi ayuu ku dhaqan galay isla marka uu ku soo xidhay kulankii Golaha Guurtidda Guddoomiyaha Guurtidu”
 
 
 
 
 
 
 


Nin gowracay saaxiibkiis oo Maxkamadda Boosaaso ay dil ku xukuntay

$
0
0

Nin lagu magacaabo Xuseen Xaaji Yuusuf (Dhicis) oo shalay nin ay Saaxiibo ahaayeen ku gowracay magaalada Boosaaso ayay maanta Maxkamadda magaalada Boosaaso ku xukuntay dil  toogasho ah.
 
Xuseen Dhicis oo shalay si arxan darro ah u googooyay xaaxiibkiis Abaadir Iimaan Axmed ayaa Maxkamada magaalada Boosaaso waxay ku xukuntay in lagu fuliyo Xukun dil toogasho ah.
 
Guddoomiyaha Maxkamadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo maanta dhageystay dacwada ka dhanka ah Xuseen Xaaji Yuusuf ( Dhicis ) ismarkaana qirtay in uu isaga gacantiisa ku dilay Abaadir Iimaan Axmed ayaa Xukunka dilka ah riday.
 
Dhicis iyo Abaadir waxay ahaayeen Saaxiibo aad isugu dhow waxaana la sheegay in uu Khilaaf soo kala dhex galay taasoo dhalisay in Dhicis Saaxiibkiisa Rumaad uu intuu Mindi soo qaatay uu si arxandarro ah u googooyo.
 
Xuseen Dhicis wuxuu qirtay in uu isagu dilay Abaadir, wuxuuse Maxkamada horteeda ka caddeeyay in maskaxdiisa aysan caadi ahayn markii uu dilka geysanayay oo uu Sarqaansanaa sida uu hadalka u dhigay.

Barack Obama’s victory speech (Part 1)Barack Obama has won the US presidential election, defeating his Republican challenger Mitt Romney.

Madaxweynaha Obama oo mar labaad loo doortay inuu afar sano oo kale hoggaamiyo Mareykanka

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama ayaa mar labaad loo doortay inuu hoggaamiyo Mareykanka afarta sano ee soo socota, kaddib markii uu helay 303 cod oo ka badan codadkii loo baahnaa.

Murashaxii la tartamayay Mitt Romney oo ka socday xisbiga Jamhuuriga ayaa isna helay 206 cod, isagoo durba qirtay in looga adkaaday doorashada, wuxuuna u diray hambalyo ku aaddan guushiisa madaxweyne Barack Obama.
Obama oo khudbadiisii guusha ka jeediyay magaalada Chicago ee gobolka Illinois ayaa u mahadceliyay dhammaan intii gacanta ka geysatay in dib loosoo doorto, wuxuuna sheegay inuu wax ka bedeli doono habka canshuuraha Mareykanka uuna sameyn doono sharciyadda dadka soo-galootiga ah, isagoo sidoo kale ballanqaaday inuu yareyn doono kharashaadka dowladda.
Gobollo ay ka mid yihiin Florida ayaan weli looga dhawaaqin codadka ay kala heleen lamada murashax, balse codadka uu helay Obama ayaa ah kuwo ka badan kuwii uu kusoo bixi lahaa, waxaana tani ay ka dhigaysaa in Obama uu afar sano oo kale kusii shaqeeyo aqalka cad ee Mareykanka.

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa u soo baxay doorashada madaxweynenimo ee dalka Mareykanka, iyadoo gobollada dalkaas ay si weyn ugu hardameen labada nin ee tartamay, inkastoo gobollada waaweyn intooda badan uu ku guuleystay Obama.
Aqalka congress-ka ayaa waxaa madax kasii noqanaya xisbiga Jam

FALANQEYN:Codbixinta Mareykanka iyo Cududa Soomaalida Ku Nool

huuriga oo ku guuleystay kuraasta ugu badan ee aqalkan, halka xisbiga Dimuqraadiguna uu madax kasii ahaan doono aqalka senate-ka.
 
Madaxweyne Obama oo afar sano oo hore soo hoggaaminayay dalka Mareykanka ayaa waxaa xilka loo dhaarin doonaa bisha Jannaayo ee sanadka soo socda 2013, waxaana Obama iyo Romney ay sameeyeen ololayaal badan doorashada ka hor.
Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa waxay intooda badan u codeeyeen madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama, inkastoo ay jireen tiro kale oo Soomaali ah oo u codeeyay murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee Mitt Romney.
Madaxda caalamka ayaa si weyn u soo dhaweeyay doorashada Barack Obama mar labaad loo doortay xilka madaxweynenimo ee dalka Mareykanka, waxaana ka mid ah madaxda sida weyn u soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu
Source-Hol

Baabuur Walxaha Qaraxa laga buuxiyay oo ku Qarxay dibadda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex ruux oo caruur ahna way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo goor-dhow ku qarxay barxadda weyn ee masjidka Isbahaysiga Islaamka oo kasoo horjeeda xarunta baarlamaanka Muqdisho.
Qaraxan ayaa lagu soo beegay xilli ay xildhibaannada baarlamaanku kasoo baxayeen xarunta golaha shacabka oo ay ku lahaayeen kulan ay uga doodayaan xeerarka uu ku shaqeynayo baarlamaanka Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
“Maydadka hal askari oo goobta ilaalo ka hayay ayaa arkay, sidoo kalena saddex baabuur oo goobta taallay ayaa ku burburay qaraxa,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa goobta oo la hadlay HOL. Isagoo intaas ku daray inuu arkay qaraxa kaddib guddoomiyaha baarlamaanka oo laga bixinayo xarunta golaha shacabka.
Goobjoogaha ayaa sheegay in loo maleynayo in tirada dhimashadu ay intaas ka badan tahay, isagoo sheegay in gaariga qarxay noociisa uu ahaa noociisu Land Cruiser (Runet) kaasoo la dhigay barxadda ay dhigan jireen gaariga xildhibaannadu baarlamaanka Soomaaliya.
“Qaraxu wuxuu ahaa mid weyn, waxaana uu gaarigu qarxay markii xildhibaannada inta badan ay ka tageen goobta kuwo kalena ay weli ku jiraan xarunta golaha shacabka,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa markii uu qaraxu dhacayay.
Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa xiray goobta iyadoo loo diiday inay galaan saxafiyiinta, waxaana socda baaritaanno ay wadaan ciidamada kuwaasoo ku saabsan sababta keentay in gaariga halkaas la dhigo.
Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka, balse guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka, Warsame Joodax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in weerarkan ay mas’uul ka tahay Xarakada Al-shabaab, balse uusan waxyeello u geysan sida ay doonayeen.
Source-Hol

Xildhibaan ay qaraabo yihiin Raa’isal Wasaare Gaas oo ka digay in uu dagaalo ka huriyo Puntland

$
0
0

Dr. Xuseen Khaliif Jaamac oo ay isu heyb yihiin Raa’isal Wasaare Gaas, kana mid ahaa Musharaxiintii u sharaxneyd Jagada Madaxweynimo, ayaa wuxuu ka jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray Dr. Gaas.
War qoraal ah oo uu soo saaray Dr. Xuseen Khaliif Jaamac ayaa wuxuu qornaa sidatan:
Wakhtigii ololaha madaxweynaha aan ku jiray, waxaan safar dheer ku maray bishuu Juun ee la soo dhafaafay magaalooyinka teedsan waddada dheer ee isku xirta Puntland halkaas oon dadka kala hadlayey arrimo siyaaso ee khuseeya dawladda dhexe. Dadka aan la kulmay marna kalama kulmin wax cabasha ama cabburin ah. Teeda kale, odayaal ama shacab ama xitaa shaqaale dawladeed iyo madaxda qaar keed, kulli si fiican bay ii soo dhaweeyeen, mana jirin wax is hortaag ah ee aan dareemay intaan marayey waddada u dhaxaysa Gaalkacyo ilaa Bossaaso. Xaashaa waxay ahayd lama illaawaan.
Waxaa isweydiin mudan maxaa keenay in walaalkay Cabdiweli qaylo dhaan ka sameeyo safarkiisi booqashada ee uu ku marayey PL. Aniga waxaan qabaa inaysan ahayn caddis dadka saaran ee ay tahay damac asaga ku jira ee uu doonayo inuu dadka ku kiciyo. Dadka PL waa ogyihiin xaaladda mandiqada odyaashooda ayaan ayiday aftidii koobnayd ee dawladdu qaadday bartamihii bishaan ee nuxurkeedu ahaa in doorashada madaxweynaha hal sano dib loo dhigo. Ma qabo in siyaasiyiintu go’aankii isimmadu ayideen daba maraan ama naqdiyaan, ayagoo weliba leh waan ixtiraamaynaa ismmada. Khalad ama sax go’aanka isimmadu waa kama dambays.
Dhanka dib u dhaca horumarineed, ayada nafteeda dawaladda federalka ee walaalkay madaxda ka ahaa waxbaa uga soo noqonaya. Dawlad goboleedka waa ka imkaaniyaad badnaa tan dhexee ee Abdiweli hormuudka ka ahaa. Marka walaal waxaa isweydiin leh waxa aad u qabatay gobollada aad ka soo jeedday.
Cabburinta siyaasadda nafteeda, raggii road-mapka ka tirsanaa lama wada ammaanayn. Waa la ogyahay in raggii federaalka u tartamamey ay sameeyeen xadgudubyo dhanka qoridda xildhibaannada. Aan ku qoree maa ii codaynaysaa bay ahayd hal-hayska Xamar yaalley, marka takartu Faroole kaliya ma saarna.
Walaalkay Gaas waxaan oran lahaa xaq waad u leedahay inaad madaxnimada PL isu sharraxdid, laakiin inaad xiisad aan hadda taagnayn inaad furtid ilama qummana, aadna ka dhigtid go’aankii Isimmada waxba kama jiraan. Xurugufta adiga iyo faroole idiin dhaxaysana waxaan ku talin lahaa ama inaad si toos ah isaga aragtaan ama aad la sugtid markay habboonaato ee aad masraxa siyaasadda kula hardantid.

Gunaanad

PL uma baahna xaalad abuur. Waa in shacabkeedu kala hadlaa dawladda wixii ku saabsan qaddiyadda doorashada iyo sidii ay ku noqon lahayd mid shafaafiyad ku dhisan. Nimaan idiin furi doonin yuusan idiin rarin. Haddii aad Ali aragteen, Warsamoow maandhow.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live