Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wefdi ka socda shirkad kuwa shiidaal baara ah oo Magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland [SAWIRRO]

$
0
0


 
 
 
 
 
Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa shalay qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefti ka socday shirkad baadhitaan shidaal ka bilaabmaysa Somaliland.
Madaxwaynaha ayaa kulankiisa waxa ku weheliyay Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirrada Arimaha dibada, Xuseen Cali Ducaale, Macdanta iyo biyaha iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumadda Somaliland.
Weftigan oo ka socda shirkadda shidaalka ee Genel Energy, ayaa Madaxwaynaha iyo Wasiirrada Somaliland la yeesheen kulan albaabadu u xidhnaayeen,haseyeeshee markii shirkaasi dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Macdanta iyo biyaha iyo sarkaalkii wadday weftigan ee ka socday shirkadda baadhaysa shiidaalka.
Wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cali Ducaale waxa uu tilmaamay in weftigani ay Madaxwaynaha Somaliland uga warameen qorshaha ay shidaalka kaga baadhayaan dalka, taasi oo ku timid heshiis hore u dhex maray shirkadda iyo Wasaaradda Macdanta iyo biyaha.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uga mahad-celiyay weftigan ka socda shirkadda booqashada ay ku yimaadeen Somaliland oo ay ka jirto nabadgalyo buuxdda oo la isku halayn karo, isla-markaana lagaga fulin karo mashaariic waaweyn oo horumarineed.
Dhanka kale, hogaamiyaha weftigan ka socda shirkadda Genal Energy ayaa Madaxwaynaha Somaliland guddoonsiiyay bilad sharaf qiimo badan, taasi oo uu Madaxwaynuhuna ka guddoomay.
Shirkadan ayaa iskugu jira Ingiriis iyo Turki, kuwaas oo doonaya in sanadkan dhamaadkiisa ka bilaabeen qodista shiidaalka Somaliland, iyagoo sheegay in lacag afartan milyan lagu qiyaasay ku maalgalin doonaan sahaminta shiidaalkaasi.

 
Source-Hol


CABDIWELI GAAS: “Dadweynaha ku nool Deegaannada Puntland waxay ii sheegeen in ay jiraan xoriyad la’aan iyo cadaadis”

$
0
0

 
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo dhowaan booqasho ku maray qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland ayaa shir jaraa’id oo uu magaalada Gaalkacayo ku qabtay kaga hadlay arrimo badan.
Prof. Cabdiweli oo xiligan ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka cusub ee dalka, ayaa sheegay in intii uu Puntland ku sugnaa uu arkay dhibaatooyin badan oo haysta bulshada ku dhaqan gobolada Puntland. Arimaha uu sida gaarka ah u tilmaamay waxaa kamid ah: caburin uu sheegay in lagu hayo warbaahinta, iyo in aysan dadku awood u lahayn in ay si cad usoo bandhigaan afkaartooda siyaasadeed.
“Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada. Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwaadinimo” Prof. Gaas oo war-fidiyeenada la hadlayey ayaa yiri.
Ugu danbeyntii wuxuu ugu baaqay bulshada Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada. Isimada ayuu sidoo kale u direy fariin ku aadan sidii ay horumarka dalka uga shaqeyn lahaayeen, isagoo xusay in arintaas uu xil weyni ka saaran yahay.
Dhinaca kale; dowladda Puntland ayaa eedeynta Gaas si kulul uga jawaabtey. Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in eedeynta Prof. Gaas ay tahay mid aysan waxba ka jirin.
Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata sheegay in hadii Puntland uu cadaadis siyaasadeed ka jiro aan loo ogolaadeen in Cabdiweli Maxamed Cali uu ololaha intaas le’eg ka dhex sameeyo, islamarkaana uu abuuro qalalaase siyaasadeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Booqashada uu Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ku yimid Puntland ayaa ah mid si weyn loo dareemay. Inkasta oo ujeedada socdaalkiisa uu isagu ku tilmaamay in ay tahay sidii uu xaaladda dalka usoo indho indheyn lahaa, waxaa hadana la rumeysan yahay in uu leeyahay damac siyaasadeed oo qarsoon.
Sourcwe-Hol

Ciidamada Puntland oo xeray siyaasiyiin weerarna u geystay saraakiil

$
0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliiska magaaladaasi ay xabsiga dhigeen xoghayahii Madaxweynahii hore ee Puntland.
Ciidamo uu wato Taliyaha Booliiska Magaalada Boosaaso ayaa lasoo sheegayaa inay weerar ku qaadeen xarunta Xisbiga Isbedel doonka Puntland kadibna halkaasi ay ka qaateen qalab badan oo ah qalab xafiiseed.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay weerar ku qaadeen guri uu daganaa taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Gobalka Bari C/casiis Salaad Gacameey iyo waliba Guddoomiyihii hore ee Gobalka bari Maxamuud Faarax Beeldaaje,inkastoo booliiska masuuliyiintaasi ay ka waayeen gurigooda.
Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliiska ay ka xeesteen Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan oo ahaan jirey xoghayntii gaarka aheyd ee Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse.
Ilaa hada lama yaqaan sababta ka dambeysa xariga lagula dhaqaaqay masuulkan iyo sababta ka dambeysa in masuuliyiinta kale ee ciidamada ay baadi goob ugu jiraan.
Dhawaan ayeey aheyd markii Booliiska Magaalada Boosaaso ay amar ku bixiyeen inuu guud ahaan Magaalada Boosaaso uu isaga baxo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas.

Nin Jar jaray jirka shaqsi ay saaxiibo ahaayeen oo dil lagu xukumay

$
0
0

 
Ninkii shalay jarjar jirka ruux ay saaxiibo ahaayeen ayaa maanta markii lasoo taagay maxkamada waxaa lagu xukumay dil toogasho ,isaga oo ku sugnaa magaalada Boosaaso.
Xuseen Xaaju Dhicis waa shaqsiga maanta lagu xukumay dilka toogasho,waxaana go’aankaasi qaatay Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso.
Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo maanta dhageystay dacwada ka dhanka ah Xuseen Xaaji Yuusuf ( Dhicis ) ismarkaana su’aalihii la weydiiyay qirtay in uu isaga Gacantiisa ku dilay Abaadir Iimaan Axmed ayaa Xukunka dilka ah riday.
Shaqsiga wax dilay iyo ruux la jarjary jirkiisa ayaa waxay ahaayeen saaxiibo si aad ah isugu dhow ,waxaana jirkiisa qeyb ka mid ah uu ku riday musqul ku taala xaafada Buulo Mingis ee magaalada Boosaaso.
Dhicis ayaa maxkamada horteeda ka qirtay in isaga uu dilay saaxiibkiis,waxaana uu shegay in marka falka uu fulinayay uu cabay qamriga.
 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Ku Amray Xildhibaannada Dalka Dibaddiisa Ku Maqan Inay Muddo 10 Casho Gudahood Ah Ku Soo Xeroodaan

$
0
0

 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ku amray xubnaha ka tirsan Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku maqan dalka Dibaddiisa iney si deg deg ah ugu soo xaroodaan gudaha dalka si ay uga qeyb qaataan howlaha Xildhibaannada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta ka hadlay kulan ay Mudanayaasha Baarlamaanku ku yeesheen xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in howlaha shaqo ee Xildhibaannada Baarlamaanka ay ka socdaan si dar dar leh xilgan.
Gudoomiye Jawaari ayaa yidhi “waxaad arkeysaan in howlaha shaqo ee Xildhibaannada ay ku socdaan si dar darleh oo ah sida ay shacbiga Soomaaliyeed inoo wakiisheen sidaasi darted si ay Xildhibaannadu u gutaan waajibka loo igmaday waxaan ku amrayaa inay si deg deg ah ku yimaadaan gudaha Dalka xildhibaannada dibadda ku maqan”
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Xildhibaannada ku maqan dalka dibaddiisa aysan u dhaaran inay dibadaha wareegaan balse waxa ay u dhaarteen ay tahay inay shacabkooda u adeegaan waana kuwa ay metalayaan hadii aysan imanna laga tashan doonno.
Go’aankan kasoo baxay Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah go’aan uu ku doonayo in lagu dardar geliyo howlaha Baarlamaanka taasi oo si loo helo ay lagama maarmaan tahay in Xildhibaannada dibadda ku maqan ay dalka kusoo xaroodaan.
Source-cadceed

Golaha Ammaanka ee QM oo Muddada u kordhiyay AMISOM iyo Muran ka taagan Cunno-qabteynta hubka Soomaali

$
0
0


 
 
 
 
 
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay Arbacadii shalay ku yeesheen xaruntooda New York waxay muddo afar bilood ah ku kordhiyeen xilliga shaqo ee ciidamada Midowga Afrika AMISOM, xilli ay dowladda Uganda ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhanka kale ku qaybsan in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado iyo in kale, iyadoo dib loo dhigay ka hadalka arrintan oo Midowga Afrika uu dalbaday.
Dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa dadaal weyn u galay in howgalka AMISOM ee Soomaaliya lagu kordhiyo muddo hal sano, balse ugu dambeyn golaha ammaanka wuxuu isku raacay in afar bilood oo lagu kordhiyo xilliga ay AMISOM shaqeynayso.
Safiirka Birtain ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Mark Lyall Grant ayaa sheegay in inkastoo xaaladda Soomaaliya ay kasoo hagaagayso sidii hore, haddana uu qaraxii shalay ka dhacay xarunta baarlamaanka ee dilay halka qof uu muujinayo in weli ay khatari ka jirto Soomaaliya.
“Waa inaynu siinno dowladda cusub ee Soomaaliya fursad ay ku dhisto dalkeeda iyo siyaasadaheeda kaddib labaatameeyo sano oo colaado ah. Shacabka Soomaaliyeed waxay qabaan rajo; golaha ammaankuna waa inuu sameeyo wax walba oo rajadaas u bedeli kara run,” ayuu yiri danjiraha UK ee Golaha Ammaanka.
Dalal badan oo ka mid ah 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa rumeysan inaan xilligan laga qaadi karin Soomaaliya cunnoqabteynta hubka ee saaran, iyagoo xusay in Soomaaliya aysan ka jirin xalaad deggenaasho oo sababi karta in cunno-qabteynta hubka laga qaado.
Sidoo kale, dhoofka dhuxusha ee ka socota magaalada Kismaayo ayuu goluhu walaac xooggan ka muujiyay, iyagoo ku tilmaamay inay cabsi ka qabaan inay ku lug leedahay Al-shabaab oo magaaladaas laga saaray bishii hore.
Ciidamada AMISOM oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 oo askari ayaa waxay ka socdaan dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xilliga howgalkooda lagu daro afar bilood, halka markii hore lagu kordhin jiray hal sano.
Source-Hol

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka Hadley suxufiyiin ku Go’doosan Kismaayo

$
0
0

Xogyaha Ururka suxufiyiintaSsoomaaliyeed Maxamed Ibraahim Pakistan Oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga waramey Arimo dhowr Ah oo ku aadan Saxaafada Soomaaliya .
Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa ku dheeraadey ka hadalka Suxufiyiin dhowr ah Oo ku go’doosan Airporka Magaalada  Kismaayo  kuwaasi oo shalay howlo shaqo ah u raacay Mas’uulyiin isugu jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Aminsom Waxa uuna sheegey in Ayaan Daro Tahay in suxufiyiin Soomaaliyeed inta La qaado Hadana looga soo tago  meel aysan Aqoon u laheyn .
Xogyaha Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed Oo hadalkiisa sii watey ayaa waxa uu sheegey in hadii uu dhib ku yimaado suxufiyiintaas ay mas’uuliyadooda ay qaadayaan masuulyiintii shalay kaxeesey waxa uuna ugu baaqey madaxda Dowladda in ay ka shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada muqdisho Wariyaashaas ku xaniban Gudaha Magaalada kismaayo asigoona sidoo kale ugu baaqey Maamulka raaskanbooni ay ka arimiya magaalada kismaayo iney wariyaashaasi xaq dhowraan
Pakistan ayaa sidoo kale waxa uu sheegey in ay maalmihii u dambeeyey ay soo badaneysey hanjabaadaha loo jeedinaayo suxufiyiinta soomaaliyeed waxa uuna kula dardaarmey suxufiyiintaasi iney u dulqaataan howsha baaxada leh oo ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed asigoo ugu baaqey dhinacyada isku haya siyaasada soomaaliya in ay badbaadiyaan Suxufiyiinta u adeegaya shacabkooda .
Hadalkan maanta ka soo yeerey ururka suxufiyiinta Qaranka Soomalaiyeed aya ku soo aadaya xili wariyaasha ka howl gala warbaahinta Soomaaliya ay la kulmaan tacadiyo kala duwan sida in dil loo geesto , in la dhaawaco , iyo sidoo kale in loo jeediyo hanjabaadyo joogto ah mana jirto ilaa iyo imika cid u Istaagtey suxufiyiinta Soomaaliyeed badbaadintooda .

Xukuumadda Uganda oo ku adkeysanaysa inay ciidamadeeda Nabad Ilaalinta ah kala baxayso dalal ay ku jirto Soomaaliya

$
0
0


 
 
 
 
 
Dowladda Uganda ayaa ku adkeysanaysa inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, haddii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku adkeysto go’aankoodii ahaa in Uganda ay taageero siiso jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda oo magacyadooda qariyay ayaa sheegay inay Uganda ay u qabatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay muddo toban maalmood oo kama dambeys ah inay ku beeniyaan eedeynta dalkooda loo jeediyay, iyagoo xusay inay taasi keeni karto in ciidamada Uganda ay sii joogaan Soomaaliya.
“Xalka keliya waa inaan ciidamadeenna kala baxno dalal ay ku jirto Soomaaliya oo ay howl adag ka hayaan,” ayay saraakiishan u sheegeen warbaahinta qaarkood, iyadoo hanjabaadda Uganda ay si aad ah uga hadleen golaha ammaanka ee UN-ka inkastoo aysan go’aan cad ka qaadan.
Ra’iisul wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa baarlamaanka dalkiisa u sheegay toddobaadkii lasoo dhaafay inay ka go’an tahay inay ciidamadooda kala soo baxaan dalalka Soomaaliya, Afrikada Dhexe iyo DR Congo oo ay howlo nabad ilaalin ah u joogaan, haddii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku adkeystaan eedeynta ay dalkooda u jeediyeen.
“Go’aankan waxaanu qaadannay kaddib wadatashiyo aan la sameynay walaalaheen Midowga Afrika iyo dalalka gobolka, waxaana naga go’an inaan gabi ahaan kala soo baxno ciidamadeenna dalalka Soomaaliya, DR Congo iyo Afrikada dhexe,” ayuu yiri Mbabazi.
Ciidamada Uganda ayaa ah kuwa ugu tirada badan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 17,000 ee askari, kuwaasoo deegaanno ay ku jirto magaalada Kismaayo kala wareegay xoogagga Xarakada Al-shabaab.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ee dhinaca siyaasadda, Wendy Sherman ay toddobaadkii hore sheegtay in ciidamada Uganda ay sii joogi doonaan Soomaaliya, kaddib kulan ay la yeelatay madaxweyaha dalkaas Yoweri Museveni.
Sherman, ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay qorshaha madaxweynaha Uganda ee ku aaddan ka shaqeynta nabadda gobolka oo dhan, iyadoo sheegtay in arrinta uu aad uga walaacsan yahay ay tahay eedeynta dalkiisa loosoo jeediyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in haddii uganda ay ciidamadeeda kala baxdo dalka ay taasi keeni doono dhibaatooyin waaweyn oo dalka soo wajaha, waxayna madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadeen Uganda inay ciidamadeeda qayb kasii ahaadaan howgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Source-Hol


Dahabshiil CEO and Dr Laura Hammond Discuss Preliminary Findings of Remittance Research

$
0
0

Africa Business
Abdirashid Duale, CEO of Dahabshiil – one of Africa’s largest remittance businesses – today discussed the economic future of the Somali territories at an event at London’s prestigious School of Oriental and African Studies, University of London.
Mr Duale joined senior lecturer and expert on the Somali regions Dr Laura Hammond in discussing the preliminary findings of new research into the diaspora’s role in promoting economic development through remittance finance. The research specifically sought to determine differences in levels of remittance dependency between urban and rural communities.
 
As part of a series of talks organised by the SOAS Centre for Migration and Diaspora Studies, Mr Duale outlined the essential role remittances continue to play within the Somali territories. The Somali diaspora sends around $1.6 billion back home each year, a stable capital flow that far exceeds what the region receives in aid. This vital income has helped to sustain households and businesses, and has protected them during crises such as the acute food and water shortage which continues to affect some areas.
With approximately half of urban families receiving remittances from abroad, the commonly held belief is that these communities enjoy most of the benefits at the expense of poorer, rural groups. The research, conducted by the Food and Agricultural Organisation’s Food Security and Nutrition Assessment Unit (FSNAU) for Somalia and co-led by Dr Hammond and Dr Zoltan Tiba of FSNAU, challenges this notion and shows that many rural economies are also closely tied to remittance inflows – either directly or via family connections with those living in the cities. The research did however confirm that approximately forty per cent of all Somali households receive remittance income.
Addressing the question of distribution between urban and rural areas, Mr Duale said:
“In my experience, remittances have been instrumental in alleviating poverty and nurturing local economies in some of the Somali territories’ most remote locations. Particularly through its work with IFAD, Dahabshiil has invested heavily in expanding its network of money transfer agents in order to reach those communities.
“Remittances are primarily based on peer-to-peer personal relationships. The rapid spread of new telecommunications technology has been essential to stabilising and increasing remittance flows by allowing people to keep in closer contact with their families in the diaspora.”
Dahabshiil Group entered Somalia’s booming telecoms industry in 2008 with the acquisition of Somtel, a fast-growing firm specialising in mobile and high speed broadband.
This expansion is indicative of the synergies between the region’s telecommunications and remittance industries. Diaspora money has poured into telecoms as young, dynamic firms have competed vigorously for market share. As technology has advanced, communications between transfer agents has been greatly facilitated.
Mr Duale said: “In the early 1990s, high frequency radio was the primary means of communication and money transfer. Two decades later the Somali territories offer some of the most advanced and competitively priced telecoms services in the world. Dahabshiil has rapidly assimilated this new technology as it has become available.”
With seventy per cent of Somali families now owning at least one mobile phone, the increasing connection between migrants and their families has fanned demand for remittances. Transfers to Hargeisa, as Mr Duale explained, tripled during the mid-90s as telecoms services first became widely available. After twenty years of upheaval, both industries have become central to maintaining important familial and social connections, often across long distances.
Diaspora investment has also been a critical factor in the growth of the energy, import/export, manufacturing and construction industries. As the security situation in Mogadishu has improved, Mr Duale indicated that new houses are springing up as families look to return home.
“The construction sector in particular is benefitting hugely from remittance inflows. A rising property market will create wealth and jobs, and will be an important part of the capital area’s economic recovery,” he said.
As well as fuelling economic development, remittances have played an important part in reconciliation across the region. By funding conferences and mediation efforts, the diaspora has made a significant contribution to the peace process and has stayed close to the political life of the territories.
Discussing the potential value of her new research into remittance flows, Dr Hammond said: “This research will help significantly in improving our understanding of what is one of the main drivers of the Somali economy.
“Interaction between diaspora and local communities is imperative to the continued rehabilitation of the Somali region. A greater appreciation of remittance penetration will undoubtedly help to shape policy development.”
Notes to Editors:
Dahabshiil Group is one of Somalia’s largest private sector employers and spans money transfer, banking, telecoms and import/export. As well as providing a lifeline for individuals, families and businesses, Dahabshiil serves over 95% of international organisations operating in the region, and provides strong support to Somali communities at home and abroad through ongoing CSR projects. It serves migrant communities all over the world, and is fully compliant with international regulations.
Dr Laura Hammond is a Senior Lecturer in Development Studies at SOAS and an expert on food security, agrarian development, migration and diaspora investment in the Horn of Africa. Recent academic papers include Cash and Compassion: The Role of the Somali Diaspora in Relief, Development and Peace-building, commissioned by UNDP Somalia and published in January 2011.
Source-Africa Business

Wariyeyaal loo diiray inay galaan Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ku xayiran Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

$
0
0

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa ku xayiran 12 wariye oo loo diiday inay galaan magaalada Kismaayo, kuwaasoo la socday wafdi isugu jira dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo gallinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo, balse loo diiday inay magaaladaas galaan.
Inkastoo wafdigii AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo laabteen gellinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho ayaa haddana waxaa ku xayiran garoonka 12-kii wariye ee la socday wafdigan kuwaasoo la doonayay inay soo tabiyaan safarka wafdigan.
“Waxaa garoonka ku xayiran 12 wariye oo la socday wafdi ka socday dowladda iyo AMISOM, welina waxaan ku xayirannahay garoonka waxaana codsanaynaa in dib naloogu celiyo magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Faarax Cabdi Warsame oo ah sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka Mareykanka ee AP.
Faarax Warsame, wuxuu sheegay in maamulka magaalada Kismaayo ay u diideen inay galaan magaalada Kismaayo ayna tan iyo shalay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
“Suxufiyiinta ku xayiran halkaan waxay isugu jiraan kuwo u shaqeeya wakaaladaha wararka, telefishinnada caalamiga ah sida Al-jazeera iyo wariyeyaal kale oo ka howlgala warbaahinta Muqdisho, mana jirto dhaqdhaqaaq ku aaddan in dib naloogu celinayo Muqdisho,” ayuu yiri Faarax AP.
Wariyeyaashan ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo maamulka ka jira degmada Kismaayo uu ku xanibo garoonka diyaaradaha magaaladaas, iyadoo la sheegay in wafdiga ka socday dowladda ee ay la socdeen wariyeyaashan uu ahaa mid u kuurgalayay dhoofinta dhuxusha ee ka billaabatay dekedda Kismaayo.
Source-Hol

Banaabax Balaaran oo lagu Taageerayo Xukuumada Cusub Ee Saacid oo ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

Banaabaxaan oo ahaa mid balaaran isla markaana ay ka soo qeyb galeen kumanaan dadweyne ah oo isaga yimid degmooyinka kala duwan ee gobolka banaadir  ayaa maanta  waxa uu ka dhacay stadium Koonis ee Degmada Cabdi Casiis waxaana banaabaxaas ka soo qeyb galay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada cusub .
Dadka banaabaxan dhigayey ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Ereyo ay ku taageerayaan Wasiirda cusub ee uu soo dhisey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayagoona banaabaxayaashan xildhibaanada Soomaaliyeed Ka codsadey in si deg deg ah ku ansixinayaan Goloaha Wasiirada .
Qudbad uu halkaas ka jeediyey Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Saacid ayaa waxa uu sheegey in asaga iyo Golohiisa Wasiirada ay ka go’an tahay sidii isbadalao cusub kaga hirgalin lahaayeen Dalka Soomaaliya .





Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdo Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan xukuumadiisa asagoona tibaaxey in xukuumadiisa ay wax badani ka qaban doonto xaqiijinta amaanka Dalka iyo dib usoo nooleenta kaabayaashii dhaqaaale .
Saacid aya aintaasi kud arey in golihisa wasiirada uusan ku soo xulin qabiil iyo nin jecleesi uuna ku soo xuley qof wax u qaban kara bulshada in ka badan 22 sano dhibaatada ku jirey Sida uu hadalka u dhigey .
Banaabaxan Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna taageerayey golaha wasiirada cusub ayaa waxa uu noqonayaa banabaaixii ugu horeeyey ee uu ka qeyb galo ra’iisulwasaaraha soomaaliya iyo Qaar ka mid ah golohiisa wasiirada
 

 

 
 

Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussein Obama oo dib loo doortay

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa u diray madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Hussein Obama oo dib loogu doortay inuu hoggaamiyo Mareykanka afarta sano ee soo socota.

Barack Obama ayaa doorashada madaxnimo ee dalka Mareykanka kaga guuleystay shalay oo Arbaco ahayd murashaxii la tartamayay Mitt Romney oo xisbiga Jamhuuriga ka socday, kaddib markii uu helay 303 cod halka uu Romney la ka helay 206.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan kuusoo dirayaa hambalyo diirran oo ku aaddan doorashada mar kale laguu doortay xafiiska hoggaaminta dalka Mareykanka, waxaana kuu rajeynayaa guul,” ayuu madaxweynuhu ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.
Sidoo kale, madaxweyaha Soomaaliya wuxuu shacabka Mareykanka u diray tahniyad ku aaddan dib doorashada madaxweyne Barack Obama loogu doortay inuu sii hoggaamiyo shacabka iyo dalka Mareykanka afarta sano ee soo socota.

 
 
 
 
 
 
“Mareykanku iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan, waxaana doonaynaa in lasii xoojiyo wadashaqeynta dhow ee labada dal u dhexeysa lana xoojiyo xiriirkooda laba geesoodka ah,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri warka uu kasoo saaray xafiiska Muqdisho.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku boorriyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka inuu sii xoojiyo darisdda caqbadaha caalamka, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay inuu door wanaagsan ka ciyaari doono wajihidda arrimaha ka taagan dunida.
Source-Hol

The Ogaden Problem: Will an Old Insurgency Tip the Balance in East Africa?

$
0
0

 

An ONLF soldier rests inside the destoyed town school during a sweep in the area for government soldiers in Ethiopia, Feb. 23, 2009.
Wednesday, November 07, 2012
By William Lloyd George
Addis Ababa – Hopes that one of the Horn of Africa‘s longest running conflicts could soon come to an end foundered when peace talks between the Ethiopian government and ethnic Ogadeni rebels recently broke down. Due to the Ogaden National Liberation Front’s alleged ties with Eritrea, Ethiopia’s troublesome neighbour, and rumored links to al-Qaeda affiliated militia al-Shabab, many fear the failure of the negotiations could fuel instability and conflict in the region.
 
The ONLF have been fighting over a territory officially called the Somali region due to its proximity to Somalia. Predominantly Muslim and culturally closer to Somalia, the residents of the region have long felt detached from the Orthodox Christian ruling government in Addis Ababa. While most of the ONLF’s political wing is based in western countries, its military units operate on the fringes of Ethiopian sovereignty, entering the region across its borders with Somalia and Eritrea using hit and run tactics. On the back of years of underdevelopment and mistreatment, the ONLF claims to represent a population that seeks independence from Ethiopia—and some even who desire a union with neighboring Somalia. “Now our people are like slaves, under a humanitarian siege with no right to anything,” says Abdirahman Mahdi, the ONLF’s founder and foreign secretary based in the U.K.
The most recent talks come at a time when Kenyan and Ethiopian forces are engaged in a military operation to push al-Shabab out of key Somalian towns. The militant outfit has attempted to impose a strict form of sharia law across stretches of Somalia under its control, and is implicated in a string of terrorist attacks throughout East Africa. At the end of September they were forced to retreat from Kismayo, a strategic port, the latest setback suffered by al-Shabab since August 2011, when they were forced out of Mogadishu. Breaking eight years of rule by a corrupt transitional government, a new government was sworn in last month with the first female foreign minister in the country’s history. In a recent statement the ONLF voiced it’s support for the new government.
Despite operating in the same region, the Ogaden National Liberation Front (ONLF) has vehemently rejected allegations they have supported al-Shabab, and has in fact clashed several times with them in the past on the Ethiopian-Somalia border. According to Ogadeni expert Tobias Hagmann the ONLF is actually a competitor of al-Shabab. “With al-Shabab busy trying to safeguard their people and interests from the intervention I don’t think the failure of the talks will effect al-Shabab so much,” Hagmann told TIME.
There are concerns, though, from analysts in Ethiopia that the continued inability to reconcile ONLF could push the rebel group into al-Shabab’s arms. “Some ONLF factions have long collaborated with al-Shabab,” says Abel Abate an analyst at the state funded think-tank, the Ethiopian International Institute for Peace and Development (EIIPD) in Addis Ababa. “If the talks fail, al-Shabab, also increasingly desperate for support after the intervention, could push for more alliances with ONLF commanders.”
Last month’s talks fell apart over the ONLF’s refusal, thus far, to recognize Ethiopia’s constitution. Should they have succeeded, Hagmann argues, they would have boosted Kenya’s role as a “regional powerbroker,” capable of putting out one fire peacefully while attempting to squelch another through force of arms. Eritrea, on the other hand, will be sure to lose out. ONLF troops have long operated out of Eritrea, with most of the main bases believed to be on the Eritrean side of the border. ONLF intellectuals were based in the Eritrean capital Asmara for a number of years, and Eritrea has used the ONLF as a proxy against its old foe Ethiopia.
Eritrea is not the only country to have supported the rebels. In 2008, it was alleged that ONLF rebels were being trained in Qatar. Unsurprisingly diplomatic ties were quickly severed between petro-rich emirate and Ethiopia. The reestablishment of relations on October 24, however, could be a sign of dwindling international support for the ONLF. According to Abate, regime change in Egypt and Libya has also had a significant effect on their funding. “It is common knowledge that [Muammar] Gaddafi heavily financed the ONLF. Without this income, I believe they have lost a lot of money,” says Abate.
The peace talks were originally started in March by Ethiopia’s late Prime Minister Meles Zenawi. Despite being criticised for his government’s human rights record, Zenawi was highly respected internationally for his ability to raise his country out of abject poverty and lead his government. Following his untimely death in August the peace talks were continued in September but soon fell apart.
Ethiopian political analyst Jawar Mohammed argues that, without Meles, the negotiating team had no clear leadership. “Now the government is divided about how to deal with the ONLF,” Mohammed told TIME. “One faction in the government wants to continue the talks, the other does not. It appears the latter has got the upper hand.”
While Somali region is closed off to journalists and independent observers, human rights groups have long accused the government of committing human rights abuses against Ogadeni citizens. One major fear is a stalled political process will escalate fighting and lead to an exodus of refugees. “We may see a surge of violence as the ONLF needs to remain politically relevant in the eyes of Ethiopia and the international community,” says Ethiopia expert Kjetil Tronvoll. If the disillusioned separatists do take that route—seeking to assert their agenda through a heightened military campaign—then the whole Horn of Africa is in for more trouble ahead.

Laacibka Steven Gerrard oo mudnaan gaar ah ka helay Qaranka Ingiriiska (Aqriso)

$
0
0

Steven Gerrard ayaa lagu wadaa in lagu dhowaaqo maanta inuu ka mid noqonayo kooxda xulka qaranka England ee la ciyaari doonta Arbacada soo socota kulanka saaxibtimo ee Sweden markaa oo ay noqon doonto kulankii boqolaad ee uu safto xulka England.
Inkastoo tababare Hodgson uu qorsheynayo in kulankan uu ku tijaabiyo ciyaaryahano da’ yar ah ayaa hadana kulankan uu u yahay kulan muhiim ah xulka Sweden maadaama kulankan lagu furayo garoon ay ku baxday lacag dhan £150million kaasoo loogu magac daray Friends Arena lagana dhisey meel ku dhow garoonkii lagu qabtay ciyaartii finalka ahayd ee koobkii adduunka ee 1958dii.
Gerrard ayaa gaaraya heerkii ay gaareen David Beckham, Peter Shilton, Sir Bobby Charlton, Bobby Moore iyo Billy Wright.
Ashley Cole oo isagu 99 jeer saftay ayaa laga yaabaa in laga reebo xulka maadaama uu dhaawac qabo.

Guddigii dowladu u dirtay Kismaayo iyo wariyaal weli ku xayiran garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo cudsi ey dirayaan

$
0
0

Suxufiyiin isugu jira Soomaali iyo ajaaniib oo ku godoonsan garoonka dayuuradaha magaalada Kismaayo, kana mid ahaa wafdi ka socday dowlada Somalia, AMISOM iyo QM oo dib looga celiyey halkaas ayaa codsaday in dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho oo markii hore laga qaaday.

Suxufiyiintan oo ka kala socda telefishinada Carabiga iyo ingiriiska ee Aljazeera, afar wakaaladood oo caalami ah iyo qaar ka mid ah telefishinada Afka-Soomaaliga ku hadla ayaa xalay ku hoyday garoonka dayuuradaha Kismaayo ka dib markii loo diiday iney galaan magaalada.

Wafdiga iyo weriyeyaasha ayaa dayuuraad yar waxay labo jeer ka kala qaaday garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, hase ahaatee markii loo diiday iney galaan magaalada Kismaayo ayaa dayuuradii waxay dib soo celisay wafdigii, weriyeyashiina uma laaban taasoo keentay iney halkaas ku go’doomaan.

“Garoonka Kismaayo waxaa ku xayiran anagoo 12 wariye ah oo la socday wafdi ka socday dowladda iyo AMISOM, welina waxaan ku xayirannahay garoonka waxaana codsanaynaa in dib naloogu celiyo magaalada Muqdisho," ayuu yiri Faarax Cabdi Warsame oo ah sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka Mareykanka ee AP kana mid ah suxufiyiintaas.

Maamulka magaalada Kismaayo iyo ciidamada Kenya oo sheegta iney halkaas ku jooga magaca AMISOM ayaa diidan in caalamka loo bandhigo dhuxul dhoofinta ka socota magaalada Kismaayo ayaa is hor tag ku sameeyey suxufiyiintaas iyo wafdigii ka socday dowlada iyo AMISOM ee shalay magaaladaas gaaray.

Joojigaanka ciidamada Kenya ee dalka Somalia ayaa muwaadiniin badan oo somali ahi shaki weyn ka muujiyeen iyadoo dowlada Somalia eysan waxba ka dhihin ciidamada iska yeelaya waxa eey rabaan gudaha gayiga Somalia.


Arin sii hurin karta xaalada kacsanaanta Kismaayo oo maanta ka dhacday duleedka Magaalada

$
0
0

Wararka aan ka helayno duleedka magaalada Kismaayo iyo xaafadaha magaalada ayaa sheegaya in dilal kala duwan ay maanta ka geysteen halkaasi ciidamada Raaskaambooni ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.
Wararka waxay sheegayaan in ciidamada Ururka Raaskaambooni ay doonayeen inay dhac u geystaan seddex ruux oo wadada maraysay kuwaasi oo la sheegay inay dileen markii ay qaadan waayeen amarka ciidamada ururkaasi.
Sidoo kale wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada Raaskaambooni ay ku dileen bartamaha magaalada gaar ahaa xaafada calanley ruux rayid ah kaasi oo aan la ogeyn sababta.
Madaxda Ururka Raaskaambooni ayaa ilaa iyo iminka aysan jirin wax war ah oo ay kasoo saareen dilalka ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa la sheegayaa in arintaani ay soo horseedo dagaal beeleed ka dhaca magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose,maadaama dadka deegaanka ay aamin san yihiin in  Raaskaambooniyiinta ay yihiin hal qabiil,
Qaar ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda magaalada Kismaayo ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliya inay wax ka qabato xaalada ka taagan magaalada Kismaayo
La soco waxii kasoo kordhaa

Shacabka Dhoobleey oo maanta Sameynaya arin jawaab u ah siyaasada Jubooyinka ee dowlada

$
0
0

Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacayaan banaanbax ay dhigayaan dadka deegaanka kaasi oo ay kaga soo horjeedaan qorshaha iyo damaca siyaasadeed ee dowlada Soomaaliya ka leedahay gobolada Jubbooyinka.
Dadka ku dhaqan magaalada Dhoobleey ayaa waxay ku dhawaaqayaan erayo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan maamulka dowlada Soomaaliya ay sheegtay inay u sameynayo magaalooyinka Gobolada Jubooyinka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegay in dadka banaanbaxa dhigaya ay wataan boorar ay ku qoran yihiin maamul u sameynta magaalada inay xaq u leeyihiin dadka deegaanka ee kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka.
Sidoo kale Waxaa ay taageersan yihiin qorshaha IGAD ee maamulka loogu samaynayo goboladda Jubooyinka iyadoona dadka ay socod dheer ku dhexmareen gudaha magaalada.
Waxii kusoo kordhaaan banaanbaxaan kala soco www.balcad.com

Britain oo deeqda ka joojineysa India

$
0
0

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay si deg deg ah ku joojineyso dhamaan gargaarka dhaqaale ee ay siiso dalka India.

Maxaa Alshabaab iyo AMISOM Maanta kala qabsaday war culus

$
0
0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalo maanta ka dhacay duleedka iyo bartamaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsadeen ciidmada Alshabaab iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.
Alshabaab ayaa marka hore weerar ku qaaday fariisin ciidamada DOwlada iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee Gobolkaasi.
Waa dagaalkii ugu qasaaraha badnaa sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxaana ku dhimatay 10 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay iyo dadka deegaanka.
Alshabaab ayaa baraha Internetka ee taageera lagu qoray guulo ay ka gaareen dagaalkii maantaa.
Inta laga warqabo 20 ruux ayaa dhaawacyo ay soo gaareen,waxaana deegaanka gacanta ku haya ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Xaalada ayaa degen ,waana weerarkii ugu cusla oo ciidamada Alshabaab ku qaadaan fariisin ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi Leego.
 

Dowlada Somalia oo is saartay culeys aan loo baahneyn iyo talo ku socota!!

$
0
0

Dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud Calasow ayaa durba la kulantay caqabado adag oo ey u maleegay dad cadow ku ah midnimada wadajirka beelaha soomaaliyeed oo intii eysan iman meel usula  wada jeeday. Waxaad durba dareemeeysaa in dadkii soomaaliyeed ee faraxsanaa isla markaasna doonaya iney nabad ku noolaadaan ey niyadii ka jabiyeen qoladan cusub ee aan sida muuqata lahayn aqoon siyaasadeed iyo mid karti oo ey ku maareeyaan arrimaha adag ee horyaaala.

Waxaa muuqata iney khalad  ahayd in R/W loo magacaabo shakhsi  ey soomaliya ugu dambeeysay 25 sano ( labaatan sanno) ka hor kaas oo aan ka warqabin siyaasada iyo mugta beelaha soomaaliyeed qaarkood iyadoo uu joogay R/W wax weyn ka qabtay dalka waa Farmaajo e , waxaana muuqata inuu durbaba ku dhacay siriq loo dhigay.

Dowladan ayaa isku furtay culeysyo waaweyn oo aan loo baahneyn taas oo ey ugu horreysay in ey dhegeystaan dowladu aan danaha soomalia wadin kuwaas u yeeriyey in la yareeyo wasiirada dowladda.

Dad siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in arintan looga dan lahaa in xurgud laga dhex abuuro isla markaasna dib loo soo celiyo qabyaaladii laga gudbay mudadii uu madaxweyn shariif dalka ka talinayey. Shacabka soomaaliyeed ayaa u gudbay iney ururo siyaasadeed ama kuwa diineed u dagaalamaan iyadoo qabyaaladii xumeyd meesha ka sii baxeysay.

Haddaba si loo soo celiyo iney is eegtaan beelaha soomaaliyeed oo eysan hore ugu socon ayaa dowlado shisheeye ku cadaadiyeen dowlada somalia in la yareeyo dowladda lagana dhigo 9 xubnood haddii kale eysan siin doonin kaalmada ey u baahan yihiin iyagoo xatta la dhaadhicin waayey in 10 xubnood laga dhigo dowladda ey in muudo ah diidanaayeen.

Haddii aan tusaaleyno dowladaha deriska waxaa ugu yar dowladda Jabuuti waxeyna ka kooban tahay 12 wasiir kuwaas masuul ka ah nus million dad ah. Waxaad ka dareemi kartaa halkaasi mushiladda ey ku hayaan cadowga soomalia shacabka soomaaliyeed kuwaas oo bidhaas kasta ka daboola dadka soomaaliyeed. 

 Arrimaha kale ee halista ku ah midmimada iyo qaranimada soomalia oo ey ku kaceen ayaa waxaa ka mid in beelaha waqooyiga soomalia intoodi badneyd dhegaha laga fureystay taas oo lagu tilmaalya siyaasada xumo iyo khibrad la'aan baahsan oo xatta dadka qaar la yaab u noqotay.

 

Sidoo kale dowladda Soomalia ayaa waxaa ey diideen taladii lagula  taliyey in ciidamada Kenya ee qabsaday wadanka si dhakhso ah loogu bedelo ama lagu barxo ama xataa la bedelo taliyaha ciidamada isku sheega iney ka mid yihiin AMISOM taas oo ey dhegaha ka fureysteen iyadoo aad haatan moodo in dowlada Kenya la wareegtay magaalada Kismaayo iyagoo kaashanaya maleeshiyaad beeleed ka soo jeeda mid kamid ah beelaha soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in madaxweynihhii hore ee Somalia si geesinimo leh heshiis ula gaaray dowladda kenya isagoo ka dhameeyey in ciidamada dowladda sooomaliyeed ey hoggaanka u qabtaan dagaalkii looga xorreynayey qoladii Alshabaab magaalada isteraatijiga ah ee kismaayo.

Hadaba maxaa la gudboon dowladan cusub waa haddii dhegeysanayaane!

1) In dowladda loo daayo sidii eey ahayd markii hore, laguna soo celieyo 18-koodi hore si hore loogu socdo loogana gudbo is-qabqabsi cusub oo dhex dhaca beelaha soomaaliyeed iyadoo dib loo fiirinayo beelaha degga waqooyiga soomalia

2 ) In si dhakhso ah loogu diro ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dowladda, lana bedelo ama la barxo kuwo Kenya ee ku sugan magaalada kismaayo.

3) In la caddaadiyo dowladda Kenya iyadoo la kaashanayo dowlaha aan saaxiibka nahay in ey ugu daayaan maamulka dalkeena dowlada la doortay ee soomalia si loo dhameystiro dowlad ka kooban beelaha soomaaliyeed ee degga gobolada Jubooyinka.

4) in waqtiga dheer laga fakaro sidii dhammaanba wadanka looga saari lahaa ciidamada wadanka aan deriska nahay ee Kenya si loo ilaaliyo qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.

 

Haddii la yeeli waayo arinta aan kor ku soo sheegnay waxaan shaki ku jirin in ey fashilmi doonto dowladda Somalia taas noqon doonta mid laga xumaado dibna Soomalia ugu celin doonta meeshii hore iyo meel ka xun.

 

Halgankanet@gmail.com

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live