Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somali parliament Approves new smaller cabinet

0
0

MOGADISHU (Sh.M.Network)—Somalia’s parliament on Tuesda passed a vote of confidence in the newly formed cabinet of Prime Minister Abdi Farah Shirdon, Mohamed Osman Jawari, speaker of the parliament told at the assembly hall in Mogadishu.
The new 10-member cabinet was named by the prime minister after long-term consultations with the president and Somali parliament speaker.
Speaker of the house Mohamed Osman Jawari said “119 out of 225 votes have endorsed the cabinet… that has now got parliament’s confidence vote.”
Three MPs rejected the cabinet, and three others abstained during the voting process at the parliament hall in Mogadishu in Tuesday.
The PM said the new cabinet is expected to be sworn in news week, the smallest cabinet in the history of the horn of Africa nation,with a female foreign minister and deputy premier.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net


Daawo Sawirada: Xildhibaanada Baarlamaanka oo Ansaxiyay Golaha Wasiirada

0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta Ansaxiyeen Golaha Wasiirada, oo uu murun xoogan uu ka taagnaa qaabkii lagu Ansaxin lahaa.
Iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay isku khilaafsanaayeen Ansaxinta Golaha Wasiirada, ayaa waxay maanta isku waafaqeyn inay Ansaxiyaan Golaha Wasiirada.
Raa’isal Wasaare Saacid ayaa wuxuu maanta uu Xildhibaanada Baarlamaanka uu horkeenay Golaha Wasiirada, oo ka kooban 10 Wasiiro oo kaliya, isagoo aan weli soo magacaabin Wasiir Ku Xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa wuxuu sheegay in fadhiga Baarlamaanka ay soo xaadireyn 225 Xildhibaano, ayna 219 Xildhibaano codka kalsoonida siiyeen buu yiri Golaha Wasiirada.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in 3 Xildhibaano ay diiday inay Ansaxiso Golaha Wasiirada, halka seddexda kalana uu sheegay inayba iska aamuseen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa wuxuu ugu dambeen uu ku dhawaaqay in cod Aqlabiyad leh lagu Ansaxiyay Golaha Wasiirada.





MSF oo Joojisay Adeeggii Caafimaad ee Baladweyne

0
0

Hayada MSF ayaa Joojisay adeegyadii caafimaad ee Isbitaalka Baladweyn kadib markii ay sheegtay inay ka soo saartey xaaladdii deg degga aheyd ee Isbitaalkaasi uu kusoo jirey lixdii sano e la soo dhaafay.

Website ay lee dahay Xukuumada cusub oo maanta hawada soo galay (Magaca Shabakada)

0
0

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inuu maanta hawada soo galay oo uu shaqo billaabay mareeg ku hadasha afka-xukuumadda Dr, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” kaasi oo noqon doona meesha lagu soo gudbiyo wararka xukuumadda iyo waxqabadkeeda.
Mareeggan oo ah mid maalinle ah, oo si joogta ah uga shaqeyn doona wararka xukuumadda ayaa waxaa uu wararka idin kasoo gudbin doonaa dhammaan dalka Soomaaliya iyo meelkasta oo ay madaxda xukuumadda Soomaaliya ay booqasho ama howl- qaran u tagaan.
Raíisulwasaaraha Soomaaliya Dr, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si toos ah kala hadli doona bartan shacabka Soomaaliyeed, isagoona la socdsiinaya haddba tallaabada horumarineed ee xukuumaddiisu qaado iyo ka falcelinta dareenka shacabka u ooman hoggaamintiisa.
Haddaba warbaahinta Soomaalida iyo kuwa kale ee caalamka ee raba inay wax badan ka qoraan arrimaha xukuumadda Raíisulwasaare Dr, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxaa lagu wargelinayaa inay wararka sugan ee xukuumaddan ka xiggan karaan mareegan .
Mareegan waxaa uu idin ka haqab-tiri doonaa wararka guud ahaan dowlada oo isugu jira sawiro, codad iyo muuqaalba. Waxaana ugu horreeyn doonaa howlgallada ammaanka lagu sugayo iyo dib u xoreynta deegaanada ku jira gacanta nabad-diidka.
Booqo www.xukuumadda.com

Barlamanka Soomaaliya oo manata cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumada Re’sul Wasaare Saacid (Daawo Video)

0
0

Barlamanka Soomaaliya oo manata cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumada Re’sul Wasaare Saacid
(Daawo Video)

Madaxweynaha Somaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtey ayaa ka hadley arimaha Somalia (Daawo Vodeo)

Jilayaasha Hollywood oo soo dhaweeyay guusha Mr Barack Obama.

0
0

Kadib markii si horu dhaca loogu dhawaaqay in Mr Barack Obama ku guulesyatay doorashada madaxtinimada Mareykanka afarta sano ee soo socota, ayaa waxaa arintaas si farxad leh u soo dhaweeyay xiddigaha Hollywoodka oo si hagar la’aana u taageerayay Obama.
Chanalada ugu caansan dalka Mareynkan sida CNN, ABC iyo FOX News, ayaa ku dhawaaqay in Mr Obama ku guulesytay tartankii kala dhaxeeyay Mitt Romney.
Sida badan jilayaasha Hollywoodka ayaa taageerayay Barack Obama, welow aysan cadeyn sababdta balse waxa ay sheegayeen inay aaminsanyihiin in isagu ka bixi karo dhibaatada hada dalku ku jiro.

Banaan bax looga soo horjeedo Maamul cusub oo dhawaan doowlada ay usameeysay Deegaano.ka kaxda oo.. (Video)

0
0

Banaan bax looga soo horjeedo Maamul cusub oo dhawaan doowlada ay usameeysay Deegaano.ka kaxda oo maanta ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho
Daawo Video


(Video) Madaxweynaha Somaliya oo xilligaan kulan la qaadanaaya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladaha T…

0
0

Madaxweynaha Somaliya oo xilligaan kulan la qaadanaaya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladaha Turkiga iyo Iran
Daawo Video

(Video) Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay urur siyaasadeedkii ugu horeeyay

0
0

Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay urur siyaasadeedkii ugu horeeyay oo muxaafid ah oo ay dowladu ledahay ah tan iyo intii ay shaaciyeen in la furto ururada nidaamka asxaabta siyaasada badan ee Puntland
Warkan waxaa Garowe ka soo Diray Cumar Maxamed Soomane

Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

0
0

MUQDISHO (Sh.M.Network)—Wafdi ka socda dowlada Turkiga ayaa Maanta waxa uu soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Wafdiga oo uu horkacayay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Turkiga Axmed Ogle ayaa waxa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo xubno kale oo katirsan dowlada.
Wafdigan aya augu dambeyn waxa uu gaarey Xarunta Golaha Shacabka waxa ayna shirar la qaatene gudoonka sare ee baarlamaanka Prof Jawaari ka dibna wasiirka arimha dibada Dowladda Turkiga Axmed Ogle oo ka hadley Xarunbta shacabka ayaa balanqaadey in ay dhisayaan xaruntaasi mudo sanad gudaheed ah .
 Amaanka magaalada muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamada dowladda la dhigay wadada dheer ee xiriirisaa Garoonka diyaardaha iyo Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

(Video) Xukuno kala duwan oo lagu riday dad fara badan oo Alshabab…

0
0

Maxkmada Ciidamda Qalabka Sida ee Puntland Oo Xukuno Ku Riday askar iyo dhalnayaro fara badan Oo lagu eedeeyay ka mid ahaanshaha Alshabab Liibaan Cajiib Xaaji ayaa Galkacyo ka soo diray
Daawo Video

Madaxweynaha Puntland iyo Xukuumaddiisa oo Maanta Urur Siyaasadeedkii ugu Horeeyey uga Dhawaaqay Garoowe

0
0

Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa maanta looga dhawaaqay urur siyaasadeedkii ugu horeeyey ee la dhiso tan iyo markii la shaaciyey in hanaanka doorashooyinka Puntland uu noqonayo mid ku salaysan nidaamka axsaabta badan.
Ururkan oo loogu magac daray Horseed, waxaa ku bahoobey in ka badan 200 oo mas’uul, kuwaas oo ku jira goleyaasha xukuumadda xiligan Puntland ka arimisa ee uu hogaamiyo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).
Madaxweynaha Puntland iyo golihiisa wasiirada ayaa maanta fadhi ay baarlamaanku xaruntooda ku lahaayeen oo ay kasoo qayb galeen kaga dhawaaqay ururkan, iyagoo tilmaamay in hal-kudhiggiisuna uu yahay ” Nabad, midnimo iyo horumar.
“Urur siyaasadeed Horseed loogu magac daray, oo ah xisbul xaakim ayaan maanta halkan kaga dhawaaqeynaa, hal-kudhigiisu waa Nabad, midnimo iyo horumar, astaantiisuna waa geedka gobka ah” Madaxweyne Faroole oo baarlamaanka hortiisa khudbad ka jeediyey ayaa yiri.
Ururkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Puntland looga dhawaaqo tan iyo intii maamulka Puntland uu jirey, waxaana si aad ah usoo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo tilmaamay in ay tahay tallaabo dhanka horumarka loo qaaday.
Dhowaan ayey ahayd markii ay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Puntland shaaciyeen in la furan karo ururada siyaasadda, ururadaas oo ku tartami doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka, islamarkaana ay sadexda ugu codadka badnaadaa noqonayaan axsaabta siyaasadda Puntland ee rasmiga ah.
Source-Hol

Wafdiyo ka kala socday Wadamada Turkiga iyo Iiraan oo Muqdisho Booqasho ku tagay lana kulmay Madaxda Soomaaliya

0
0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo booqday wafdiyo heer caalami ah oo ka socday dalalka Turkiga iyo Iiraan oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana wafdiyadan ay kulammo la qaateen madaxda dowladda iyo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Wadiyadan oo ay kala hoggaaminayeen wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Axmed Da’ud Oogle iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan, Cali Akbar Saalixi ayaa waxay labaduba sheegeen inay u yimaadeen sidii ay gacan u siin lahaayeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya.
“Farxad weyn ayay ii tahay inaan kusoo laabto Soomaaliya, waxaan halkan u imid inaan garab-istaagno walaalaheenna Soomaaliyeed, waayo isbedel weyn ayaa dalka ka dhacay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga oo sheegay inay sidoo kale u kuur-galayaan mashaariicda uu Turkigu ka wado Soomaaliya.
“Turkigu waxay doonayaan inay baarlamaanka Soomaaliya dib u dhis ku sameeyaan, Injineerradeena ayaa soo booqday xartuntan waxayna arkeen inuusan dhismahan ahayn mid wanaagsan, sidaa daraadeed waan burburinaynaa waxaana ka dhigaynaa xarun casri ah,” ayuu yiri wasiir dibadbadeedka Turkiga oo sheegay inuu dhismaha qaadanayo muddo hal sano ah. Isagoo xildhibaannada ku yiri: “Marka dambe ee aan soo noqdo waxaan doonayaa inaan halkan idin kula hadlo.”
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cali Akbar Saalixi ayaa sheegay isaguna in socdaalka uu ku yimid Muqdisho ay qayb ka tahay sidii ay u furi lahaayeen safaaraddii Iiraan ay Soomaaliya ku lahayd, sidoo kalena ay u hirgelin lahaayeen xarun caafimaad oo ay dowladda Iiraan maal-gelinayso.
“Soomaaliya waxay kasoo gudubtay caqabado badan, xilligana waxaa ka jira iftiin hormar oo wanaagsan, annaguna waxaan halkaan u nimid furista safaaradii Iiraan iyo xarun caafimaad oo ay maal-gelinayso dowladda Iiraan,” ayuu yiri Saalixi.
Wafdiyadan ka kala socday dalalka Iiraan iyo Turkiga ayaa waxay kulammo kala duwan la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo kala hadlay isbedelka ka dhacay Soomaaliya, waxayna labadan wasiir ee wafdiyadan hoggaaminayay ay u sheegeen madaxweynaha inay sii wadi doonaan caawinta shacabka Soomaaliyeed.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay intii ay wafdiyadan ku sugnaayeen Muqdisho, waxaana wafdiyadan garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda cusube ee Soomaaliya.
Source-Hol

Iran to open embassy in Somalia

0
0

MOGADISHU (Sh.M.Network)—Iran said it would set up an embassy in Mogadishu and Turkey promised to rebuild Somalia’s parliament building, as the two neighbors, at odds over Syria, vied for influence in the Horn of Africa country.
Somalia has been mired in violence, Islamist militancy and grinding poverty since warlords toppled military dictator Mohamed Siad Barre in 1991, leaving the country with no effective central government for two decades.
But security has improved in the last 18 months with al Qaeda-linked militants losing more territory under their control under pressure from African Union and Somali forces.
The country is looking to foreign donors to help rebuild its ravaged economy after decades of conflict.
Tehran’s move to open an embassy followed Turkey’s decision to set up its embassy in Mogadishu last year.


Wasiir Ku Xigeen Cali Xaamud oo Sheegay In Reer Boorama Xaal Siiyeen Madaxweyne Siilanyo Nasiib Daro Iyo Gafna Ah Waayo Maamul Waa laga Tirsan Karaa Cadaalad . Waxaan Odhanlahaa Siyaasiinta Kursigiina Uun Ha Ilaashanina Ee Dadweynaha Ka Turjuma Meel W

Madaxweyne Xasan Sheekh “Hadalka aan sheegi doono dad badan kuma farxi doono”

0
0

Madaxwaynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadalka uu jeedin doono aysan dad badan ku farxii doonin, ayna dhici doonto sida uu yiri inayba ka soo horjeestaan.
 
Madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay in dhulkii iyo xarumihii dowladdu lahayd laga guuro, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dadku ay ogaadaan in aysan dhulkaas iyagu lahayn ee ay dowladdu leedahay.
 
Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud waxa uu  sheegay in laga soo bilaabo 26-kii janaayo sanadkii 1991-kii oo ku beegnayd xilligii ay burburtay dowladdii dhexe dadku ay iska qabsadeen dhulka dowladda, wuxuuna xusay in dadka degan dhulalka dowladda ay u diyaargaroobaan inay ka guuraan.
 
Waxa uu madaxweynuhu sheegay in uu ogyahay guryo badan oo ay lahayd dowladdii dhexe oo la dayactirtay loona raadinayo  sharci taasna ay suuro gal noqon doonin, sida uu yiri isagoo shacabka u sheegay in ay u hogaansamaam  awaamiiirta dowladda.
 
Dowladdii KMG ee uu madaxwaynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa horay amar ugu bixiyay in laga baxo xarumaha ay leedahay dowladda, kuwaas oo qaar ka mid ah laga saaray dadkii deganaa, qaar kalena ilaa haatan la degan yahay.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Hargeysa Soona Dhagax Dhigay Waddada Isku Xidha Kala-Baydh Iyo Wajaale Iyo Reer Gabiley Oo Uu Kala Kulmay Soo Dhowayn Ka Farxisay

0
0

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud( (Siillaanyo) ayaa galabta dib ugu soo laabtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu socdaal shaqo oo qaatay muddo laba maalmood ah uu ku tagay Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorame.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa intii aanuu ka soo amba bixin Magaalada Boorame waxa uu  booqdayXarumo kala duwan oo ku yaalla Magaaladaasi, iyada oo Madaxweynaha iyo weftigisu markii ay  ka soo amba baxeen Magaalada Boorame ay  si diiran ugu soo dhoweeyeen Tuulada Dila dadweyne aad u diro badan, kuwaas oo wadooyinka safnaa, iyaga oo ku labisan Calanka Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo weftigiisa, ayaa  markii ay soo gaadheen Magaalada kala-baydh, waxa  si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi,  iyada oo lagaga hor tagay Magaalada dila, loona soo galbiyey dhinaca Magaalada Gabiley, iyada oo ay  Dadweynaha soo dhoweynayey ku tabisanaayeen Calanka Jamhuuriyada Somaliland iyo dharka hidaha iyo dhaqanka, kuwaas oo si la yaableh ugu soo dhaweeyay halkaasi.
Soo dhaweyntan ballaadhan ee loo sameeyey madaxweynaha, ayaa la sheegay inay sii  abaabuleen Wasiirka Warfaahinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur, Badhasaabka Gobolka Gababiley Axmed Cali Nuur, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Balaaki), Xildhibaan Xasan Cawaale Cayanaan, Maayarka Gabiley Axmed Samir, Xogahayaha dawlada hoose C/raxmaan Nuur Abokor, Wasiirkii hore ee Ganansiga Abiib Xasan Filfil oo illaa xalay ku sugnaa Magaalada Gabiley, isla markaana ku hawlanaa xalinta Mudaharaadkii Ardayday iyo khilaafkii Komishanka.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Siilaayo, ayaa  waxaa Magaalada Kalabaydh ka soo galbiyey boqolaal gaadiid ah iyo fardaha Ciidanka booliska degmada Wajaale,  waxaanu Madaxweynuhu ku hakadey Magaalada Kalabaydh oo uu dhagax dhigay jidka isku xidha Magaalada Wajaale iyo Kala-baydh.
Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur oo halkaasi ka hadlaya, ayaa  waxa uu Madaxweynaha uga warbixiyey horu socodka iyo hawlaha gobolka ka socda,  waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “Mudane Madaxweyne waxaanu kugu soo dhawynaynaa gobolkaagii wadadani 30 sanno ka hor ayaa la dhisay dadka iyo gaadiidka isticmaalaa saacado badan ayey ku qaadataa inay wajaale tagaan run ahaantii dhib badan ayey kala kulmaan xiliga roobabku da,yaan waxaan maanta baahidaa soo afjarey madaxweynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilaayo ee dhagixii maanta dhigay dariiqaa isku xidhaya wajaale iyo kala baydh madaxweyne wadadani waa ta ugu isticmaalka badan gadiidka ganacsiga iyo kuwa labada dal isku xidha ee u kala goosha waxaanan rajaynayaa inay sida ugu dhakhsaha badan ay u dhamaato”.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta S/land Abiib Diiriye Nuur oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa  waxa uu  Madaxweynaha ku soo dhaweeyey gobolka  Gabiley,  waxaanu Madaxweynaha ugu warbixiyey xaaladda guud ee gobolka waxaanu yidhi ‘’Mudane Madaxweyne waxaa kuu diyaar umadii reer gabiley suldaankeedii,odayadeedii haweenkeedii dhalinyaradeedii xildhibaanadeedii iyo dhamaan waxgaradka gobolka gabiley waxay ku leeyhiin gacmo furan kusoo dhawaw’’
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ugu dambayn ka hadlaya halkaasi, ayaa  waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan aad ugu faraxsanahay soo dhawayta diiran ee aad ii samayseen ee aan la ii kala hadhin,wadadani qiimawaeyn ayey uleedahay dalka guud ahaan gaar ahaan gobolka gabiley waxaan isticmaala gaadiidka ugu badan hanoqoto ganacsiga ha noqoto gadiiddka tagaya dalka itoobiya ha noqoto gadiidka shicibka ee dalkeena waxayna kobcineysaa horumarka wadanka inshaa allahaa wadadani waxay noqoneysaa mid faa,iido badan waxaanan rajaynayaa inay dhakhso u dhamaanto waad mahad san tihiin’’ ayuu yidhi madaxwayne Siillanyo.
Dhagax dhigan ayaa noqonaya kii Seddexaad ee Xukuumadda Siilaanyo dhagax dhigto iyada Madaxwayne Siilaanyo 28-7-2011 hore udhagax dhigay jidkan mar uu Booqday Degmada Wajaale, halka Wasiirka Warfaafinta Abiib Timacad iyo Xildhibaan C/laahi Black oo ahaa Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha ay mar hore dhagax dhigeen jidkaasi.
 
Hargeysa Somaliland
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Wasiirada Tirada Yar ee Xukuumadda Somalia oo maanta lagu hor dhaariyey Baarlamaanka

0
0

Sagaal wasiir oo ka mid ah Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu hor dhaariyay

baarlamaanka Soomaaliya, labo maalmood kadib markii Baarlamaanku ansixiyay, iyadoo xubinta kaliya ee dhaartaas ka maqneyd ay aheyd Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuuusf Xaaji Aadan.
Gudoomiyaha Maxkamada sare Avv. Ceydiid Ilkaxanaf ayaa Wasiirada cusub ku dhaariyay xarunta golaha shacabka, iyadoo wasiiradu ay balan qaadeen inay si daacad ah waajibaadkooda u gudan doonaan.
Dhaarta Wasiirada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Saacid oo ka hadlay munaasabada dhaarta ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka soo bixi doonto howlaha loo igmaday, isagoo cadeeyay inay ka go’an tahay in Soomaaliya ka samata bixiyaan dhibaatada ay ku jirto, waxaana uu intaa ku daray in baarlamaanka ay wada shaqeyn buuxa la yeelan doonaan.
Wasiirada Wasaarada Horumarinta Adeega bulshada Drs Maryan Qaasim oo ka hadashay markii la dhaariyay Wasiirada ayaa sheegtay inay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay, isla markaana ay u dhaarteen inay dalkooda wax u qabtaan, waxaana ay balan qaaday inay si daacadnimo ay shaqadooda u gudan doonaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in Wasiirada cusub looga baahan yahay, inay howshooda ka soo baxaan, isagoo kula dar daarmay inay xilalkooda u gutaan si daacadnimo, ayna dalka u horseedaan amaan iyo dimoqraadiyad.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sacab ku soo dhoweeyay dhaarinta wasiirada, iyadoo muujinayay sida ay ugu qanacsan yihiin, waxaana mudanayaasha ay hadalo taageero ah u muujinayeen xukuumada cusub.
Golaha wasiirada cusub ayaa ah wasiiradii ugu tirada yaraa, waxaana golaha wasiirada oo ka kooban 10-wasiir laga sugayaa inay wax badan ka qabtaan xaalada dalka, wixii ka dambeeya maanta ay la wareegayaan xafiisyadooda.
 
Hargeysa Somaliland

Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka Oo Soo Bandhigay Magacyada Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ku Dhex Milmay Ololaha

0
0

Guddida Ilaalinta Anshaxa iyo habsaami u socodka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Somaliland,  ayaa mar kale  soo bandhgay Magacyada Masuuliyiin hor leh oo Xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo ay sheegeen inay ku dhex milmeen Ololaha Doorashooyinka oo ay Xisbul Xaakimka u Ololaynayaan,iyaga oo   digiin u diray Masuuliyiinta Dawladda ee ku milmay Ololaha Doorashooyinka, waxaanay u soo jeediyeen masuuliyiintaasi  inay ka waantoobaan ololaha ay ku dhex milmeen ee ay ka qayb-qaadanayaan.
Guddida Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka oo maanta  Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Komishanka Doorashooyinka ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inuu talaabo ka qaado Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Komishanka la dagaalanka ADIS-ka Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), kaas oo si cad u sheegay in aanu jirin sharci u diidaya ka qayb-qaadashada ololaha Xisbul xaakimka Kulmiye.
Guddoomiyaha Guddida Anshaxa Doorashooyinka Axmed Maxamed (Cadaad )oo shirkaas jaraa’id ka hadlaya, waxa uu yidhi “Waxa Ummadda reer Somaliland ay la yaabtay Inan Shaqaale ah oo Xinif la yidhaahdo oo Shaqaale caadiya ah oo haysta Waaxdda Maamulka iyo Lacagta Komishanka la dagaalnka HIV ADIS-ka inuu si badheedh ah uga hor-yimid saddex Xeer iyo Wareegtaddii Madaxweynaha, wuxuu ka hor-yimid Masuulkaasi si badheedh ah isaga oo waliba madaxda taagaya Xeerka hab-dhaqanka Doorashooyinka, wuxuu si badheedh ah uga hor-yimid oo uu cadaystay Xeerka Lr. 20 ee Doorashooyinka waxa kale oo uu ka hor-yimid Xeerka Shaqaalaha Dawladda iyo Wareegtaddii Madaxweynuhu ku ayidayey Xeerakaas oo dhan in aanay Shaqaaluhu ka qayb-qaadan Ololaha Doorashadda”
Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray “Madaxweynaha Warqad-baanu u qornay, anaga oo Guddida Anshaxa iyo ilaalinta habsaami u socodka doorashooyinka ah Warqad-baanu ka diyaarinay gabood-falka uu Wiilkaasi sameeyey, Komishanka Doorashooyinka Qarankaanu u dirnay iyaguna Warqad Lifaa ah ayey raaciyeen Madaxweynahay u direen nasiib-daro Madaxweynuhu kamuu soo jawaabin waana laga yaaba hawlahoo ku badan awgeed in aanu uga soo jawaabin, laakiin anaga waxay noogu qoran-tahay Madaxweynihii oo ka soo jawaabi waayey, waxaanu leenahay Madaxweynaha, Madaxweyne Xeerarkan iyo Sharciyadani waa sidii lagugu doortay, sidaa darteen waxaanu u qaadanaynaa Guddida Anshaxa iyo ilaalinta habsaami u socodka Doorashooyinka haddii aad Wiilkaas (Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka Komishanka la dagaalanka ADIS-ka Xinif) adiguu isku kaa haleeyey Sharciga iskumu halayn hadday taasi socon-weydana Dalku wuxuu geli-doono Sharciga kaymaha, Sharciga Kayntuna waa kala dambayni ma jirto sida loo kala xoog-weyn yahay weeyaan. Madaxweyne arrintaas ka fiirso Wiilkaas talaabo-cad ka qaad”
Md. Cadaad oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Xad-gudubyo kalaa dhacay iyo Tacadiyo kale waanay kala caddahay, anagu waxaanu isha ku haynaa waxaanu ilaalinaynaa waa waxyaabaha ay qorteen iyagu (Ururadda), Sharci-yaqaano ma nihin Xeerkaas ay 7 Urur wada-sexeexdeen ayaanu u ilaalinaynaa. Waxa lagu xad-gudbay Musharixiin, ha u bataan Ururka Ummadda oo tiraba lix jeer lagu sameeyey xad-gudub qaawan Musharixiintiisa oo qaar Komishanku ka sii daayey oo aanu nagu ka sii daynay, saddex jeer-baa Musharax ka soo jeedda Ururka Ummadda lo xidhayey arrimo hore oo dad ah ay is haysteen oo Lacago la isku lahaa oo hab Madani ah lagu dhamayn-lahaa ayaa marka uu is yidhaahdo ololee kolba la soo xidhayaa, Magiciisa waxa la yidhaahdaa Cismaan Faarax, waxa soo xidhay Garyaqaan Axmed Muxumed Xasan oo shalay isaga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer tababar Komishanka Qaranku ku qabtay Hotel Ambasaddor ay labadoodu-ba fadhiyeen, waa Ninkii Gar-yaqaanka ahaa iyo Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Togdheer ee isaguna la ogaa ayaanu ugu tagnay, waxaanu nidhi Adeer maxaad u xidheen mar haddaanu Ninkaas fal-dambiyeed ciqaabtiisu gaadhayso saddex sanadood aanu gacanta ku la jirin ma xidhi-kartaan xoriyadiisa u soo celiya”
Guddoomiyaha Guddida Anshaxa iyo habsaami u socodka Doorashooyinka Axmed Maxamed Cadaad waxa kale oo uu sheegay in Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ay si badheedh ay uga qayb-qaataan ololaha Xisbiga Kulmiye ” Rashiid Maxamed Bootaan oo ah Isuduwaha Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee Gobolka Sool, Xisbiga UCID-buu u ololeeyaa si qaawan, waa digiin ka joog-baanu leenahay masuulkaas, Cismaan Cabdi Barkhadle waa Agaasimaha Haamaha Shidaalka Berbera wuxuu u ololeeyaa Xisbiga Kulmiye isna waxaanu leenahay waa digiin ee ka joog, Ummadaanu idiin sheegaynaa, Cadaaladaanu arkaynaa waxaanu idiin sheegaynaa inaad si qaldan u isticmaalaysaan Xilalka aad haysaan iyo Shaqaalenimadiina. waxa jira Maayarka Baligubadle Ibraahim Colaad Musharax maaha Ururka Xaqsoor ayuu u ololeeyaa, Cabdiraxmaan Dixood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka ayaa u digay wuu ka diiday aniga oo Guddoomiyihii Guddida Anshaxa ayaa u yeedhay wuu iga diiday, masuuliyiinta Komishanka ee Baligubadle ayaa la hadlay, Baabuurkii Dawladda oo la arkayo ayuu ku eryadday, waxa hadda soo baxaya haddalo xanaf leh oo la is weydaarsanayo oo dhibaatooyin keenaya, waxaanu uga digaynaa luuqadda aad isticmaalaysaan ha noqoto mid degan”
 Hargeysa Somaliland

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live