Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maagistaydii iyo Magacaabistaydii Laba Isku-Lamaanaa Qormadii: 34-aad. Qalinkii Boobe Yuusuf Ducaale

0
0

Qormadii aan idiin soo gudbiyaba fal-celis la yaab leh ayaa ka soo noqda. Aniga oo galabta Qormadan 34aad garaacaya, ayaa nin I soo garaacay. War dhiillo leh ayuu ii sheegay oo ah in Jibriil Aammin markii la toogtay, ninkii beddelay ‘Foojarkii’ la waayay ee lagu dilay ka helay khasnadda dabadeeda mar xafiiska la sifaynayay.
Qaybtii 33aad ee Magcaabistaydii, waxaan idiin ku sheegay sifooyin badan oo togan oo ay uu taxanahan koobani leeyahay.Waxaan intaa idiin ku daray in aan idiin sheego sababaha sifooyinkaa keenay. Sida ay aniga ila tahay, waxaan idiin ka sheeekeeyay, waxyaabo aydaan hore u maqli jirin oo noloshiinna iyo aayihiinnaba taabanaya. Waxaan si hufan oo aan dhaleeeco iyo shakhsi-weerar lahayn idiin ku guud-maray siyaabaha dalkan loo maamulo.Waxaan ku dedaalay in ay Qormooyinkaygu noqdaan qaar mowduuciya (objective) oo aan ‘daati’ (subjective) ahayn.
Qoraalladayda waxaan idin kula wadaagay dhacdooyin dhab ah oo I soo maray, aniga oo aan qofna ribayn qofna aan iskaga rixin. In badan oo aan qormooyinkaygan ku dhalliilay, haddana waxaan ka marag kacay waxyaabo togan oo ay sameeyeen ama ay ila qabteenba. Xaasha! Cidna libin ay leedahay kagama aan masuugin. Mar mar waan idin la yar fogaaday si aan u soo lumiyo ma-kas waxaanay ahayn iska dhigaysay. Raallina waad ka ahaanaysaan haddii aan idin la fogaaday.
Waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii faraha badnayd ee dalkan iyo dadkiisaba xoreysay. Sida in badan oo ila mid ah, wax gaar ah kuma aanu doonayn. Waxaan aamminsanahay sida in badan oo idin ka mid ah in aan dawlad iyo xukuumad midnaba nalaga xigin.Xukuumadduu waa tii aanu u soo halgannay, waa tii aanu doorannay.In aan ceebeeyo iyo in aan xajiimeeyo midna qalinka uma hollan.
Sida dadka qaarkii fikrad ahaan xaggayga dadku (macaa dawladdu) Muxaafid iyo Mucaarid iiguma qaybsana. Su’aasha qofka caqliga lihi is-weydiinayaa waxay noqonaysaa: Maxaan Muxaafid ku noqdaa? Maxaan se Mucaarid ku noqdaa?Yab-yab iyo yagleel ayaynu nahay aan weli loxos goyn. Xaalkeenna waxaan u arkaa: “Xaggan qabo iyo halkan ka toosi.” Wax la isku riixo iyo wax la kala riixdo midna ma haynno. Waxaynu taagan nahay ma jirnaa, Geeska Afrika iyo adduunkaba ma ka muuqanna. Taasina waa mid aynu karaynno
Xukuumaddeenni dhabanka iyo gacanta ayaa isku engegay.Waa ay xiiqsan tahay.TV-gii Qaranka waad arkaysaan habeen walba inta soo gelaysa ee wax-qabad iyo guulo soo hoyday ka sheekaynaysa.Xog-ogaal ayaan isku tiriyaa, in aan qaldanahayna waa suuro-gal oo qiimayntu tayda ma aha ee waa ta Eebbe.Wixii soo raacaa waa qiimaynta shacbiga.Xukuumaddan waan ka tirsanaan jiray, in kasta oo ay muddadu koobnayd.
Markaygii horena, shacbiga ayaan ka tegay immikana iyagii ayaan ku soo noqday oo inta noloshayda ka hadhayna aan is-leeyahay ka tirsanow.Xukuumaddu intii aan ku jiray waxay aad iyo aad iyo aad ula yaabbanayd waxan dadweynuhu u arki waayeen mashaariicdan faraha badan ee ay hirgelisay.Intii aan Xukuumadda ku jiray si dadban iyo si toosanba waa looga hadli jiray. Alla, werwer iyo walaac badnaydaa!
Hadda xaaladdaasi meel xun ayay soo gaadhay oo waa tan Odeygii fadhiba loo diiday ee safarrada bari iyo Galbeed galaa-bixinayo. Hadda safarradaa innaga oo ka da’ yar ayaan qaadi karneen.Midi waa geed ka-go’an oo mashaariicda la hirgeliyay intan ay Xukuumadda Siilaanyo talada haysay aad iyo aad ayay uga badan tahay intii ay Xukuumaddi UDUB ee Daahir Ra’yaale Kaahin qabatay ama ku tallaabsatayba. Taa muran kama taagna. Hadda anigu ma aan odhan Xukuumadda Kulmiye, bal se waxaan leeyahay oo ku adkaysanayaa Xukuumadda Siilaanyo. Kaasi waa nabar.
Arrintani, waxay inala gelaysaa sheeko-baralaydii ahayd: Timirta iyo Sonkorta kee ayaa macaan? Ninkii odeyga ahaa ee su’aashaa la weydiiyay wuxu ku jawaabay: “Ma Nahda hore, mise Raandhiiskadanbe?” Sidaas ayuu sonkortii iyo timirtii u kala siiyay labadii sifo. La iskuma haysto in Xukuumaddan Siilaanyo mashaariic badan hirgelisay, xaqiiqadu se waxay tahay in aanay Nah iyo Raandhiis midnaba lahayn. Mashaariicdii ayaa markaa ku soo koobmaysa daar, waddo, ceel ama wax la mid ah oo la taagay bal se aan lahayn maamul iyo agaasin hagaagsan oo aqoon leh. Wixii marka ay sidaa noqdaanna, wax saamayn ah kuma yeelanayaan noloshii mujtamaca, bal dhibaato ayay la imanayaan. Nin aqoonyahan ah oo reer Hargeysa ah oo mashaariicdan iyo hay’adaha Xukuumadda Mudane Mujaahid Axmed Siilaanyo ka hadlayay ayaa laga hayaa: “Waa bilaa ‘Software’ ama ‘Software’ ayaanay lahayn.”
Mashaariicdan la sheegayo, ayaa dib ugu noqonaya tilmaamihii maansooyinkii Gaarriye, markii uu lahaa:
“Dusha jidhifta mooyee,
Show dhuuxba kuma jirin,”
Mararka qaarkood ayuu baadi-doonku kugu dheeraanayaa si aad u hesho suugaan aad xaaladahan oo kale ku sifayso ama ku tilmaantaba.Dib waxaad ugu noqonaysaa, naxariisto Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, fannaanadii caanka ahayd ee Xaliimo Khaliif Cumar.Waa Riwaayaddii horraantii lixdamaadkii ay fannaaniintu ka dhigeen Hargeysa. Waa Riwaayaddii ay saddexda nin ku kala dooranaysay ee ay lahayd:
“Mid qun loo abuuroo,
Qurux loo dhammeeyaa,
Ka qalaalan hoostood,
Qawaddaa hadhowtee,”
Mashaariicdan la sheegayo ayaa dadka ula muuqata waxa hoosta ka qalaalan oo aan dhuuxba ku jirin.Hadda ha ila ambanina, mashaariicda naftooda ayaan u jeedaa e’.Ma tusaale nool ayaad doonaysaan.Inta aad doontaanba aniga ayaa idiin la diyaar ah. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa: “Meyd maxaa ugu danbeeyay iyo kaa la sii sido.” Si aan la ii odhan dad kale ayuu maagayaaba aan idiin ku noqdo bartii aan ka hawl-geli jiray ee Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Wax la raadiyo Ictiraafka aynu ku il iyo dhegba beellanay, waxa inoo raacayay Idaacad dalka oo dhan laga wada dhegaysto. Bal hadda fadlan ila socda oo ha iga hadhina.
Idaacad 100 kw ah oo dalka Shiinaha laga keenay oo aan loo hagar-bixin. Waxa ka qiimo badan oo looga han-weyn yahay Idaacadda Siddeedaad ee koontarabaan ahaanta u dhex taal barta uu yaallo Muuq-baahiyaha TV-ga Qaranku. Gabayaageennii weynaa ee Axmed Ismaaciil, Qaasin ayaa laga hayaa:
“Gobaad waxay la daaqdaa sagaal, Goroyo-cawleede,
Wax la yidhi gal daayeer cabbaa, habari geysaaye,
Wax la yidhi gujaa lagu lisaa, labada gooroode,
Gol-qaniinna waa loogu daray, yaanay gaaggixin e’,”
Idaacadda cusub markii aan ka quustay shidaalkii ay afarta bilood ee sannadka ka hadhsanaa ku shaqayn lahayd, ayaan door-biday in aan ka maqnaado kol haddii aanan ka muuqanayn.Odhaahda ayaana sidaa ahayd.
Idacadda cusubee 100ka kw ah, waxa laga jaray oo loo quudhi waayay TV-gii Qaranka ee gunnayn lahaa, oo laga door-biday sida la sheegayo ee laga yaabo in ay weliba muuqato in lagu gunneeyo dad gaar ah oo aan Madaxtooyada ka fogeyn. Hadda farsamayaqaannadii ka hawl-gelayay waa ay bakhtiyayaan.Hadal-haynteeda yaraatay ayaad ka garanaysaa in aanay samayn saamayntii ay samayn lahayd.
Waxaas iyo wax la mid ah ayay Xukuumaddeennii doonaysaa in aynu u riyaaqno oo durbaan been ah u qaadanno. Xagga Hay’ad-dhiskaXukuumaddeennu waa ka hungo-qaawan oo hor Ilaahay ayay ka joogtaa.Shaqaalihii waaya-aragga ahaa ee aqoonta lahaa maalintii ay xilka tirsatay ayay u qaadatay xaaqin aan murxayn oo aan madhanayn oo ay ilaa maanta dabada haysato. Dad aan melena shaqo u soo marin ayaa tuurta lagu sitaa oo sidaa loogu saydhayaa hay’adihii Qaranka, intii xilalka gudan karaysay ee xishoonaysaynna dibadda loo tuurayaa. Aqoontayda gaaban, waa sida ay ila tahay.
Faanku wuxu ku jiraa xulidda, carbinta, korinta, tababaridda, dallacsiinta, u-xaq-sooridda iyo aqoon-u-kordhinta shaqaalaha hay’adaha dawladda ka hawl-gala (Human resources development).Faanka iyo reyn-reyntu kuma jiraan inta goobood ee aad dhisto. Adiga oo aan wax maaddiya (material) dhisin, ayaad shaqaalaha aad dhisataa meel cidla’ ah wax kaaga soo saarayaan, meel la dhisay oo kuwa ka shaqaynayana hayb, eex iyo qolo lagu soo xulay oo aan wax kale loo eegin, gool ku dhalan maayo, dadkana lagu sabi maayo. “Waa dad soo gubtoo jabay.”
(La soco…………………………………………..)
 
Hargeysa Somaliland


War-Saxaafadeed::Uruka Siyaasadeedka Ummada Oo Cabasho Ku Aadan Musharaxiin Laga Xidhxidhay u Gudbiyey Guddida Anshaxa +Liiska Musharaxiinta Dhibta Loo Gaystay

0
0

Urur Siyaasadeedka Ummada  ayaa maanta qoraal cabsho ah u gudbiyey Gidida Anshaxa ee Kimmishanka doorashooyinka  Gollaha Deegaanka kaasi oo ku aadayaa Musharaxiin ka tirsan urukaasi iyo waliba  masuuliyiinkale oo laga xidh xidhay intii ololaha  lagu jiray.
 Qoraalkan oo ku saxeexnaa  Guddoomiyaha Ururka Ummada Dr  Maxamed Cabdi Gaboose   oo nuqul kamidi uu soo gaadhay  xafiiska wararka ee Booramaonline  ayaa lagu sheegay in  8   Musharaxa oo kamida ururka Ummada intii uu ololuhu socday  lagula kacay Xadhig iyo handidaad kala duwan.
Qoraalkan oo ay ku xusnaayeen dhamaanba  Xildhibaanada falalkani lagula  kacay  iyo  goobaha ay faldanbiyeed yadani ka dhaceen waxa uu  u qornaa sida tan.
Ref:-Um/HQ/122
Ku:- Guddiga Anshaxa Ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
OG:- Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeedo: Cabasho Xadhiga Musharaxiinta  iyo Masuuliyiinta Ururka
Somaliland waxaa ka socda tartankii doorashada dawladaha hoose, sida caadada u ahna  waxan rajeynaynaa inay inoogu dhamaato si nabad gelyo ah, magac wanaagsana u soo jiida Qaranka.
Waxaa haboon in komishanka qaranka iyo guddida anshaxu  ay ka hortagaan wixii carqalad ku keeni kara  habsami u socodka  doorashada, xalna u raadiyaan wixii cabashooyin ahee soo gaadha.
Hadaanu nahay uruka Umadda waxaanu dhawr jeer ula nimid madaxa komishanka qaranka iyo guddiga anshaxaba  cabashooyin soo noqnoqday oo la xidhiidha xadhiga musharaxiinta  iyo masuuliyiinta ururka, inkastoo aanu ka mahad celinayno inaad wax nagala qabateen  soo daynta qaar kamida  hadana  waxa werwer iyo walaac nagu keenay  xabsiga musharaxiintayada oo aan joogsanayn, si ula kac ah oo aan waafaqsanaynshuruucda, dalkana loo beegsanayo ilaa maantana  qaar ka mid ahi ay ku jiraan xabsiga Burco.
Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa  magacyada musharaxiinta iyo magaalooyinka kala duwan ee lagu xidhay.
LR.
    
Magaca
    
Lam.Codka
    
Degmada
    
Faahfaahin
01
    
Mush. Maxamed Yuusuf Cabdulle
    
113
    
Balligubadle
    
02
    
Mush. C/risaaq Faarax Xuseen
    
114
    
Burco
    
03
    
Mush. Maxamed Jaamac Dubad
    
105
    
Hargaysa
    
04
    
Gud.  Jaamac Maxamed   Cabdi
    
Guddoomiye
    
Caynabo
    
Wuxu Xidhnaa 3Cisho
05
    
Mush. C/raxmaan Mire Gurxan
    
106
    
Caynabo
    
wuxuu xidhnaa 5 cisho
06
    
Mush. Maxamed Ciise Ducaale
    
109
    
Burco
    
Waxa la Xidhay 2 jeer
Waxa kaloo halkan idiinku soo gudbinaynaa magacyada Musharaxiin   kale oo nasoo gaadhsiiyey in si joogto ah loogu hayo cagajuglayn iyo baqdin   galin xadhig.
LR.
    
Magaca
    
Lam.Codka
    
Degmada
    
01
    
Mush. Prof. Mustafe Maxamuud Daahir
    
110
    
Burco
    
02
    
Mush. Maxamaed Ibraahin Aadan
    
107
    
Buuhoodle
    
                                        
Musharaxiintaasi oo midkiiba dhawr maalmood lagu hayey xabsiyada midkoodna laguma soo oogin danbi uu wakhtigaas faraha kula jiray, ama dambi ka badan saddex sanadood sida sharcigu qorayo ee dhamaantood waxaa loo aaneeyey eedo siyaasadi ka danbayso oo mu’amaradaysan.
Waxay arintaasi guud ahaan musharaxiinta Ururka Umadda ku abuurtay walaac iyo walbahaar, waxayna mudaday xidhnaayeen lumiyeen hawlgaladii ololaha iyo taageero abuurashadooda, waxaana meel alagag dhacay shuruucda dalka, sharafta iyo xuquuqda musharixiinta.
Sidaa awgeed waxanu Guddiga Anshaxa iyo masuuliyiinta Komishanka si xushmada leh uga cadsanaynaa maadaama ay iyagu yihiin hay’adda ugu saraysa  ee maamusha habsami u socodka hawlaha doorashooyinka inay arintaa soo afjaraan iyakoo adeegsanaya awoodahooda sharci, waxaannaan halkan idinku wargalinaynaa inaanu dhawr jeer Taliyaha Ciidanka Police-ka ugu tagnay cabasho waxbase aanay nooga hirgalin inuu arintaa wax ka qabto.
Gudoomiyaha Ururka Umadda
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
Source-BOL

Konton Wasiir Khaaraji Oo Ay Ku Jirto Wasiiradda Khaarajigga ee Cusub Ee Soomaaliya Foosiya oo Shir Uga Furmay Wadanka Jabuuti Daawo

Somali president promises to fight against corruption

0
0

MOGADISHU ( Sh.M.Network )— President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud gave a speech at a press conference in Mogadishu, first since being elected in September 10 as the Somali head of state by MPs.
Meeting with the ministers, Somali president spoke out about battling corruption which has beleaguered the previous transitional governments in the past since the ouster of former military leader Mohamed Siad Barre in 1991.
“I say again and again my government will never ever allow the public funds or assets to be corrupted or misused. I will fight against the embezzlement,” said Somali president Hassan Sheikh Mohamud.
Mr. Mohamud added that he will soon set up supervisory organizations independent of the Ministry of Finance to account for money given to Somalia.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu Sidaan iigu galaa Miyuu Bini’aadam aheyn “Qeybtii 15-aad”.

0
0

Markii aan banaanka usoo baxay oo ay igu soo dhacday in aan iska soo tiro liiska nikaaxa ama meherka, gabadhii ayaan ku iri isug wadaadka ayaan ka codsanaa warqad cadeen ah in aan is qabno, gabadhii ayaa igu tiri hadii labadeena raali iska nahay maloo baahno cadeen, xitaa bari markii aan isi sheegano dhib kama imaanayo waayo wixii aan sheegano ayuu noqonayaa xukunkeeda, iska dhaaf oo nakeen, hadii aan daahno waa nala fahmayaa, waxaan ku iri warqad waa muhiim mana ka soo tagayo halkaan igu sug wadaadkii gabadha igu mehriyay ayaan ka codsaday in uu liiska iga tiro, waxaan u balan qaaday lacag badan uusan maleesan karin, wadaaadka wuu iga diiday, wuxuuna yiri waxaas wax socon kara ma ahan, shareecada islaamka ayaa wali shaki galineeso masaafada adigane waxaad rabtaa in aad liiska lagaa saaro, hadii aad rabtid xaaran maxaad u mehersatay, gacan yarayaasha wadaadka ayaan la kulmay waxayna dhaheen anaga na habee wax nasii inaga ayaa liiska kaa tiri karno waayo wadaadka dadka gacanta ku hayo liiska waa inaga, sidii ayaan liiska uga soo tiray gabadhii, waxaan ahay qof aan waligiis imaan goobta, gabadhii ayaan ku iri wadaadka wuxuu dhahay warqad ma awoodi xiligaan shaqada ayaa igu badan, macaane iska dhaaf ayee tiri mahad Allah ayaa iskaleh maanta naga dhigay dad is qaba, riyadeeydii ayaa ii hirgashay, waxaan kaa codsan lahaa in uu arinka labadeena dhaafin, markii aan ku tala galno in aan guur dhigano ayaan shaacin doonaa in aan is qabno ayee igu tiri, waxaan ku iri xabiibti xili kasta oo aad rabtid in aan ku guri geesto diyaar ayaan u ahay, gaariga ayaan isi soo raacnay awal kala kursi ayaan aheen, waayo waxay aaminsaneed in aan ajnabi kala nahay balsa hada laba kursi isku dhagan ayaan fadhinaa, intii jidka la soo marayay gabadha waxay ka hadleesay mustaqbal iyo aragti dheer oo ku aadan nolosha sida ay ku noqon laheed mid macaan, anigane waxaan ka fikirayaa waxaan ku sameen lahaa oo xiga.

Muddo markii aan is qabnay, guurkeena uu ahaa qarsoodi, gabadhii waxaa ka soo baxay uur aan wali gaarsiisaneen 3 bil, waxay iga codsatay in aan guri geeyo oo aan guursado, aniga guri iyo aroos ma iiga dhagna sidaan ayaan ku heestaa nolosha, hadii uu uurka usii gudbo bisha 4aad, waxaan ka baqay in uurka sii waynaado, waxaan qorsheeyay in aan ilmaha dilo, waxaan soo iibsaday daawo soo rida caruurta, guriga ayaan ku casuumay iyada maadaama hooyo ay ka maqantahay dalka sababo caafimaad, gurigane uu iiyahay free, waxaan isku soo dardaray daawooyiinkii, habeenakaa waxaan ku dhahay u sheeg cidiina in aad caawa soo dhaxeeso oo aad la joogtid gabar saaxiibtaa, cuntooyinkii markii ay cuntay, habeenkii xanuun adag ayaa ku soo booday gabadhii, way silicday, waliba dhimasho ayee qarka usaarneed waan ogahay waxa gabadha sidaan u galaya in ay yihiin daawooyinka aan siiyay, xili saq dhexe ah ayaa gabadhii waxaa ka soo daatay dhiig, waa habeen meel loo qaado malaha, farmashiye furan malahan, waaga markii uu baryay ayaan u wacay umulisda xaafada, waxaa laga soo xaaqay ilmaha, 3 maalin ayee aheed dhibane, daawooyin la siinayay, waxay ka naxsantahay caruurta laga soo xaaqay, way ubad jecleeday, markasta way ilmeen jirtay, habeenkiina waxay ku qarwi jirtay ilmaheyga caruurtayda alla ilmaheyga, waan ku kala duwanahay bini aadamnimada, ficilada aan sameeyo kama naxo, waxaaba iska waayay wax naxariis la dhaho, iyadane maalinkii aan mehersaday naxariista iyo wanaaga ay ii heeso waa mid aysan qof bini aadam ah noloshayda ii sameen.
Sheydaanka camalka xun wuxuu kaaga dhigaa wax wanaagsan wuxuuna kuugu dhiiri galiyaa xumaan kale in aad sameeso, hadii aadan imaan iyo Allah ka cabsi uusan jirin hadane uusan jirin damiir ka damqanaya xumaanta wax kasta waad ku dhaqaaqee, laakiin qof kasta xumaan geesta marbuu helayaa abaalkeeda waa hubaal.
Sanad iyo xoogaa nolosheena banaanka ayaan ku qaadanay, markasta waxaan ka ilaalshaa in ay dhahdo iguri geeso, marba marxalad ayaan galiyaa, dhanka kalane waxaan xiriir la leeyahay gabdho badan, kama caajiso shukaansiga gabdhaha, marmarka qaar ayaan ku firaa mid aad adiga rabtid oo aad ku qanacsantahay iska guurso, midaan iska buri oo bax dheh, intii uu fikirkaas igu jiray, gabadhii waxaa ku soo baxay uur kale, subax aroor hore ay tahay ayee isoo wacday hambalyo hambalyo uur ayaan kuuleeyahay ayee itiri, aniga maba farxin qaracan, fikir iyo wax aan sameeyo ayaan garan waayay, waxaan ku iri arinkaan waan ka wada hadleenaa caawa ayaan kuu imaanaa……………………
La soco Qeybta 16aad, Jimcaha soo socota haduu alle idmo..
W/Q: Daalac Daahir Shoot
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com

Lift up a child’s life from Amoud Foundation

0
0


 
 
 
 
 
Lift up a child’s life from Amoud Foundation
 

 

Lift up a child’s life from Amoud Foundation
 

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland Ee Ka Soo Jeeda G. Awdal Oo Waxba Kamajiraan Ku Sheegay Raaligelin La Sheegay Inay Siiyeen Madaxweyne Siilaanyo

Ajnabigoo loo adeego ma Ilbaxnimaa loo arkay? (Faallo)

0
0

Shisheeyihii shalay

Haddii Afrika lagu qaybsaday kulankii Barlin, hilaadintii 1884, Suuncaddihii qaybta u yeeshay dalkeena markuu soo gaaray Xeebaha ku teedsan dhulkeena, sida sooyaalka ku xisan, ee qowl, qoraal iyo qiraalba ku dhigan, soo hunguriyeyntiisa hal qaab loogama wada falcelin, haddana, isku si looma wada hirgalin, qolo dirir, diracnimo, diidmo iyo dagaal ayey kala hortageen, qolana dabacsanaan, dar wadaajin, darmo qurxoon iyo dood jilicsan ayey ku qaabileen.
In aan isku si loo qorin loona qaramayn taariikhdaa ka sokow, oo mid laga dhaxlay KALI ISLAAMNIMO sida Alshabaab iyo waa XUJOWDAY KALI TALINIMO oo Galbeed ISKA DHIIBAY halyey loo qoray, inta kalana wax laga soo qaadin, sida: Sheekh Xasan Barsane oo Sun lagu buufiyey qol uu ku xirnaa u geeriyooday! Maalinabyse soo bixi doontaye, illeen been la dhoodhoobay meel dheer gaari maysee, waxaa dhacdada laga joogaa muddo qarni ka badan, sida culimada taariikhda dhahaan; taariikhdu way soo laalaabataaye, bal maanta eeg, ma is leedahay sidii maalintaa baa wax u dhacayaan? Kaba darane, maanta xulufo iyo isbahaysi cad baaba ka dhexeeya!
Inta aanan midda maanta taagan gudagalin, waa waajib in aan sooyaalka dib idiin kugu celsho, Ingiriiskii markuu ku hungoobay inuu helo in Soomaaliya oo xornimada gaarsiiyo, isagoo ballan qaaday inuu isu keenayo shanta Soomaali, fursaddaasna la dayacay, mar kale ayuu isugu yeeray Odayaasha Soomaali Galbeed, maadama aan Urur Siyaasadeed iyo mid xornimo doon midna ka jirin, kuna yiri ma Soomaali baan idin ku daraa, mise Itoobiya ayaad ka mid noqonaysaan? Jawaabtii waxay noqotay: “USHAADA NINKAAD KA QAADAN KARTAA LOO DHIIBTAA!” wixii laga dhaxlay ka sheekayn uma baahna.

Xeebta Xamar iyo xigaalada Xabashi

Wax maalmuhu socdaan 28-kii bishii Dicembre ee Gugii 2006dii ayaa Ciidanka Xabashidu gudaha u galeen Caasimadda Muqdisha, ka dib dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kolkaa waxaa Madaxweyne ahaa C/laahi Yuusuf Axmed haddaba, maxaa keenay, dabadeedse maxaa dhacay?.
Maalintii C/laahi Yuusuf laga dhigay Madaxweynaha, mooshinkii ugu horreeyey ee kalfadhiga Baarlamaanka keeno wuxuu ahaa: Oggolaashaha galitaanka ciidanka dariska ah! Kalfidhigaa waxaa shir guddoominayey Shariif Sakiin, dood dheer ka dibse qorshahaa waa socon waayey, kalfadhi kale ayuu isku dayey isagoo kuwa Islii laga soo uruurshay oo Suudad loo galshay keenay fadhigii Baarlamaanka, wixii ka dhacay dinida dhan baa wada daawatay, Kuraartii Caseed ee ay Xildhibaannada Soomaaliyeed isla dhacayeeen, ee lagu sheegay: “DIMOQORAADIYAD CAYN KALE AH!”.
Wuxuu gaatamo, markii fadhiga dawladda loo wareejiyey Magaalada Baydhabo, uuna la heshiiyay Shariif Sakiin ayuu mar kale qorshihii shirqoolka soo bandhigay, maalintaa qatarta kaga imaanaysa WADAADADII WAALLIDA WADAY way caddayd, oo waxay qarka u saarnaayeen magaalada xarunta u ah, fadhigii Baarlamaanka ka dib, Shariif Sakiin wuxuu sheegay in loo codeeyey soo galitaanka ciidanka dariska ah, isagoon sheegin tirada ka soo qaybgahsay fadhiga iyo sida loo kala cadeeyey.
Inta aanan ku sii dheerayn warinta wixii dhacay, mid muqaddas baan xusi lahaa, in uu jiro qaraar QORAMADA MIDOOBAY ka soo baxay, oo dawladaha dariska ah ka mamnuucaya inay faragalin ku sameeyaan wadankeenna, haddana, lama tixgalin, la yiri: “Ninna caadadi kama tagee” sidii loo doortay ayuu u doonay.
Maalintaa dad badan baan rumaysnayn in Ciidanka Xabashidu soo gali karaan Waddanka, sida inta badan na qabsatay walina na haysata waxaan aad ugu liidannaa, inaan qiimaynno waaqica aan joogno, si aan wax ugu goosanno waxna ku qaadanno, lama eegin qatarta ARGAGIXISADA dunida iyo dariska, lama eegin LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA ah ee ay wadday dawladda Maraykanka, nasiib darrase waxaan noqonnay DHIBBANAHA LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA.
C/laahi Yuusuf iyo inta Xeerneyd, sida: Cali Maxamed Geeddi, Yuusuf Azhari, Salaad Cali Jeelle, Yuusuf Maxamed Ismaaciil “Baribari” Maxamuud Maxamed Guuleed “GacmaDheere” Xuseen Maxamuud Xuubsireed, C/Wali Gaas IQB marna maanka ma galin in awood shisheeye aan sokeeye lagu maquunin karin, sidaa waxaan u leeyahay inta wali u malaysa in raggaasi Xabashi u soo wateen in ay dawlad Soomaaliyeed u yagleeyaan, ee caadifad qaliib u difacaysa ayaa badan, balse waa: “DHURWAA HILBO KU RARO!” ninkii qaranka Soomaaliyeed Xabbad Xabashi ku soo riday iyo Xabashkii xigta u ahaa ayaa xukun Soomaali soo celinaya, qof xis qaba looma sheege, yaa loo xulayaa?!
Sidii dawladdii u dhacday, sababna u ahaayeen kooxdii Manifesto ee dhoodhoobtay shirqoolka dagaalka sokeeye, Jabhadihii wadanka soo galay oo qorshe iyo qalqaalo midna wadan iyo Rajiimkii oo xukunka isku dhajiyey magac qabiilna kusoo dagaal galay ama lagu dagaal galiyey, haddana, wali ma dhicin, in awood sheheeye la isu adeegsado aan ka ahayn taallaadabadii C/laahii Yuufuf iyo midda aan gaadaal ka sheegi doono.
Taariikhdu ma duugowdee, lagamana yaabo in la hilmaamo, kuma sii jirto marka ay la xiriirta; aayatiin, qarannimo, dadnimo, madaxbannaani iyo jiritaan, haddaba su’aahsa fudud ee meesha taal waxay tahay: ninkii intaa oo qodob iyo ka badan, ee DAD, DAL iyo DIINba ku xeeran ka tallaabsaday, ee inuu wax kama jiraan ka dhigay ka sokow, haddana, sidii Nabaddoon colaad damiye ah ama Khaliif laga diin qaato oo kale, maalintii dambe la soo istaagay WACDI SIYAASADEED ee la dhihi karo HANTAATAC IYO CALWASAAD! Qofka u qiilinaya saw kama qaldana isaga qaladka ku kacay?! Warhoow QALDANaHA HA U QIILIN!
Maalintuu C/laahi Yuusuf soo horkacay sababna u noqday Xabashi soo gala Waddanka ilaa maantan waxaa Waddanka soo galay Ciidama kala duwan sida: UGANDA, DJPOUTI, BURUNDI, KENYA, MARAYKAN, BRITISH IQM oo aan la garanayn ama la hubin, dhammaan hal qorshe ayaa dabada ka xiiraya, marka laga soo tago qaarka dhaqaalaha iyo dhuuniga ku qaba, waana midda ah LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA, haddana, waan garan waynnay inaan gunudda naloogu soo gambado goynno!

Kadeedka Kismaayo iyo kaaliyayaasha Kenya

Xaalka oo sidaa ah, Magaalada Kismaayo ayaa ka baxday gacanta Alshabaab bisihii aan soo dhaafnay, sannad ka dib markii Ciidanka Kenya si bareer ah uga soo tallaabeen xadka Waddanka, su’aasha ugu muhimsan ee iminka na hortaal baa ah: “KISMAAYO MA LA QABTAY MISE WAA LA QABSADAY?!” in qof walba jawaab ka haysta ka sokow, qalad iyo sax waxay noqotaba, waxaa hoggaanka dalka loo fadhiyaa sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane jawaari yiri, in dawladda jawaab ka bixiso, wafdi dawladda ka socda in laga soo celsho magaalada Kismaayo ama Prof Dalxa iyo Gen Galaal ay dheheen in kala caddeeyo Kismaayo xaalkeeda.
Ninkii moodayey in Ciidanka Kenya u soo galeen Waddanka in ay Alshabaab meesha ka saarto wuu riyoonayaa, eraga riyo waxaan u adeegsaday, inaan xasuusta mar kale dib u celsho, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo ah Soomaali magaciisuna yahay Faarax Macallin ayaa sannad ka hor yiri: “Ma dhici doonto in mar dambe Xamar looga taliyo Kalbiwo, ninka taas ku riyonaya, waxa uu ku nool yahay qarni kale…” sida muuqata Faarax Macallin wuxuu badalay Cabdilmajiid Xuseen oo uu Cali Khaliif Galayr hadda ka hor saaray fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya.
Faarax Macallin sidaa markuu lahaa wuxuu waraysi siinayey Idaacadda Al furqaan, magacaba ka garee, mar haddaad aragto wax “AL” wata, saddax tilaabo dib uga deg, maxaa yeelay Faarax Macallin wuxuu ka mid ahaa taageerayaasha kuwa sababay in ciidan shisheeye soo galo Waddanka, shalay iyo maantaba, maxaa yeelay haddaan ARGAGIXISO jiri lahayn, Xabashna ma soo hawaysteen, C/laahi Yuusufna kuma fekereen, duniduna ma taageerteen qorshahaa, haddaba, muxuu eragaa uga jeeday Faarax Macallin?
Axmed Madoobe wuxuu ku dhashay Qabri Daharre, waxaana ka taliya Xabash, haddu maamul doonayo muu iyada maamulo? Hadduu Jihaad rabana degmadaa baa uga baahaane, maxaa boorka la isugu qarinayaa? Gaandi iyo inta la midka ah, ee aan deegaanka ku dhalan ee qasaysana waa la mid, hadday Soomaali Galbeed xor ahayn, hadday NFD xor ahayn, waxna u qabanayn, ma Gobolladii xorta ahaa ayey doonayaan inay Kenya hoos geeyaan oo dib u gumeeyaan? Allow adaa faxan, ee may Qarow maalmeedka iyo qayaabka indhaha ka qaatan?!
Su’aasha ugu weyn baa ah, Alshabaab, Raaskambooni iyo Azaania maxay is dhaamaan? Midda hore si fiican baa loo yaqaan, Axmed Madoobana ha ka reebin waa iska Argagixiso la Amxaareeyee, markii dambana lagu yiri Jabhad xaq u dirir ah baad tahay, Azaania ayaa kuu soo hartay waa xukun iyo xoolo doon, dhiigga daadanaya ka door biday dallaalnimo iyo Dollar, balse, labada dambe, waxay ku midaysan yihiin Beelaysiga iyo Qabyaaladda, oo u ah shidaalka ay ku dhaqaaqaan.
Sida maalmuhu caddayn doonaan, haddaan laga hortagin waxaa hubaal ah inay dhaafayso eray qof yiri iyo aragti uu soo jeedshay, maxaa yeelay waxaa imaanaysa in deegaanno, degmooyin iyo gobollo Soomaaliyeed hoos tagaan Kenya, micnaha arrintu waxaa ku xiran QARANNIMADA SOOMAALIYEED.
Inta aanan hadal kugu harqin, aqriste, dad badan baa weydiin ka keena, maxaa looga hadlayaa oo kaliya ciidanka Kenya, oo aan looga hadlin kuwa kale ee Waddanka jooga? Jawaabtu waa sahlan tahay, balse, ku aqri qabli nadiif ah iyo qanac siysaadeed, qabiilka iyo qurraafaadka beeshana xagga iska dhig.

Sida ay ku kala duwan yihiin bal aan dhawr eray ka dhaho:

1. Ciidanka Kenya waxay Waddanka ku soo galeen oggolaasha la’aan iyo waliba ogaal la’aan, haddaba, ma kula tahay: Nin aqalkaagii kuu daba mareeyey inuu xaaskaaga kuu ilaalinayo?!
2. Ciidanka Kenya kama mid ahayn AMISOM, oo dood siyaasadeed iyo cadaadis dheer ka dib ayey aqbashay inay ka mid noqoto, Madaxweyne Shariif maalintii koowaadba diidmo ayuu kala horyimid soo galitaanka Kenya, balse, waxaa ka hoos kacay C/Wali Gaas oo waliba heshiis la soo galay, maanta dawladdan cusub waxaa looga fadhiyaa, midnimo iyo maan qura inay ku wada shaqeeyaan, sida mudane Jawaari Xildhibaannada ka dalbaday.
3. Ciidanka Xabashidu maalinta ay soo galeen waxaa dalbatay Dawlad Soomaaliyeed si ay u taageerto ciidankeeda tabarta daran, ha is dhihin ninku wuu kala hadlayaa, dhacdada sheegiddeeda iyo dhibka sheeggiisu yuusan isaga kaa darmin, kor dhibkii baan ku sheegay, halkanna waa dhacdadii.
4. Kenya dawlad Soomaaliyeed oo dhalato dooni mayso, bal adba dib u xusuuso fadhigii Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhacay Muqdisha Kenya waa ka baaqatay, Madaxweyne Shariifna waxay ku eedaysay qarax ka dhacay Hotel uu shir jaraa’id ku qabanayey Wasiirkooda Arrimaha Dibadda.
5. Ciidanka Kenya waqti xaadirkan la joogo kama mid han AMISOM, maadaama waqtigii sannadka ahaa ee loo qabtay uu ka dhacay, marka waa in xoogga la saaraa sidii Waddanka looga saari lahaa, lana adeegsado waddooyin nabadeed, sida: dibadbaxyo nabadeed, galaangal siyaasadeed iyo warfaafinta dunida, hadda Kenya waxaa laga goostay maalgalintii ciidanka Badda, inta kalana waa lagu dari karaa, ee dadaal ayey rabtaa.
6. Kenya waxay dabada ku wadataa qolo gaar ah, sida la isu wato iyo cidda la wataba, waqti aan dheerayn baa la kala ogaan daannaaye, Kenya dhexdhexaad kama ahan mana ka noqon karto deegaanka, maadaaama ay jiraan hadallada aan kor ku soo xusnay oo kale.
Ugu dambayn, Dadku garaad yaraa, miyaan sooyaalka lagu cibra qaadan? Beeli beel ma dul dagi kartaa? Haddayse kor degto imisa ayey dul degaanaa kartaa? Caqligu miyuusan shaqaynayn? Kolley Soomaalinimo, walaaltinimo, xididnimo iyo ood wadaagnimo waxba tari waayeene, ma waxaa dadka ka dhaadhacsan haddaad shisheeye ku daaban tahay dadka waad jujuubi kartaa, dalkana waad qabsan kartaa? Waa ogaal li’idaa.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com


Guddoomiye Ku Xigeenka Xaqsoor Oo Eedeeyey Komishanka Doorashooyin, Beesha Caalamkana Baaq Qaylo Dhaan Ah U Diray

0
0

Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Urur-siyaasadeedka Xaqsoor Cali Maxamuud (Cali Sandule), ayaa eedo iyo dhaliilo dusha uga tuuray Guddida Doorashooyinka Qaranka  Somaliland oo ku eedeeyy inaanay dhex ka ahayn  Deegaamada dalka ee la doonayo inay Doorashadu ka dhacdo, Isaga oo  sheegay in guddida uu wakgtigoodu dhamaaday, isala markaana aanay doorashada qaban Karin, waxaana ugu baaqay Waddamada daneeya Dimuqraadiyadda Somaliland inay soo faro geliyaan.
Cali Sandulle  oo maanta la hadlay warbaahinta kala duwan ee Dalka, ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Xudun waxaanu ka soo sharaxnay 13 Musharax oo shuruudahoodii la buuxiyey, badeed-na iyada oo Komishanku cid kale u danaynayo oo tii hore uga dhawaajiyey oo ahay Caag-laha ay caaglaysanayaan wakhtigoodii-na dhamaadday iyada  oo ay xaaran tahay inay hadda ku fadhiyaan kuraasta oo qodobo dastuuriya idiin daliishan-doono aniga oo saxaafadda oo dhan u wada-yeedhaya, maanta waan u tudhayaa, nimankaasi  guddida  doorashadda waxaan u arkaa in ay waxyeelo weyn ay ku tahay Somaliland, in la isku dili-doono, aduunka, cidda danaysanaya doorashadani in ay dhacdo, dawladda ku eedayn-maayo, laakiin waa inay gacanta la soo gashaa oo ay ogaataa sababta waxan loo wado waxaan u arkaa nimankaas ujeedadoodu wakhtigiinii dhamaaye wixiinana caaglaysta dadkuna ha isku laayo mana dhacayo arrintaas ay maanta ka hadleen qoraalkoodaas-na waxba kama jiraan waa niman aan hadd iyo jeer run sheegayn, waa niman aan waxgoogu isku duba ridnayn”
Guddoomiye ku xigeenka Ururka  Xaqsoor, waxa uu  ka dayriyey  qabsoomida doorashada, isaga oo ka codsaday Qaramada , Midowga Yurub  iyo  Waddamada Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha Doorashooyinka inay soo faro-geliyaan doorashada Deegaanka, waxaanuu yidhi “Beesha aan ka soo jeeddo maanta Doorashadda wey u soo jeeddaa in Doorashadda la iman-waayo ilaa Agustin Mahiga, ilaa Madaxweynaha Maraykanka Obama ilaa Eu-da cid walba waxaanu leenahay na soo faro-geliya oo noo kaalaya eega arrinka, laakiin doorasho ka dhacaysa Hargeysa taydda-na la dafiro ma jirto ma yihi anigu kuwa ka hadla Giddaaradda ee marka meelo kale joogaan haddala, Hargeysa dhexdeedaan ka hadlayaa oo ka doodayaa oo xaqa dadkayga, deegaankayga iyo Somaliland oo isku duuban aan u rabaa inay midoobaan oo walaaloobaan”
Si kastaba ha haatee Guddida Doorashooyinku Qaranka, ayaa sheegay inay ogyihiin cabashada deegaanada bariga , taas oo ah mida Guddoomiye ku xigeenka Ururka XAQSOOR Cali Sandulle ka kentay inuu dhalliilo Komishanka.
  Hargeysa Somaliland

Xildhibaanada Sharci Dejinta Ugu Jira Awdal Oo Beniyey Inay Ka Noqdeen Go’aankii Ay Ku Saluugeen Xukuumadda Siilaanyo

0
0

 Xildhibaanada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Rays ee Magaalada Boorama, ayaa ku adkaystay in aanay ka laaban doonin tabashada saami qaybsi oo ay goboladoodu ka tirsanayaan xukuumada.
Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ah af-hayeenka xildhibaanada Awdal iyo Selal, oo ka hadlay shirkan , ayaa sheegau in uu si shaqsi ayaan u raali geliyay Madaxweynaha oo dhibsaday hadalo kulul oo ku dhaliilay dawladiisa,laakiin aanay ka tanaasulayn xuquuqda siyaasadeed ee goboladooda.
Xildhaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ugu horayn ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidh “ Anigaa Axmed-Yaasiin ahaan idhi haddii hadaladaydii aad qaarkood dhibsaday , maanta marti baad tahaye xaal baan ku siiyay waa shakhsiyan waa wax aan anigu Madaxweynaha ku idhi oo cabshada wax ka duwan oo soo baxaya oo tabashada xukuumada oo la mucaaradayo ayaa ku jirta , intiibaa la marin habaabiyay oo dadka lagu jahawareeriyay , xuquuqd dadku leeyihiin oo aanay cidna uga marti noqon karin aanu xaal ka bixinayaa taasi dhicimayso”
Hargeysa Somaliland

Masuuliyiin Iyo Madaxdhaqameed Kalsoonidii Kala Noqday Murashax Uga Sharaxnaa UCID Taageerayna Mid Uga Sharaxan Ururka Umadda

Guddidii Joogtada Baarlamaanka Oo Hawshii Qaranka U Dayacay Kaambaynka Axsaabta Ay Ka Tirsan Yihiin Iyo Ololaha Doorashada

0
0

Guddiga joogtada golaha wakiilada Somaliland ayaa muddadii ka dambaysay markii gole-weynuhu galay fasaxiisii kalfadhiga 18aad ayaan wax kulan ah iskugu iman, isla markaana hawlahoodii shaqo ee golaha ay ugu xilsaarnaayeen hawlaha yimaada muddada labada kalfadhi dhexdooda ka baaqsaday. Guddiga joogtada iyo anshaxa golaha wakiilada oo ka kooban 18 xubnood ayaan ilaa hada la ogayn halka ay ku dambeeyeen xubnihii guddigaasi iyo asbaabta ay uga baaqsadeen xilgudashadoodii. Ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola wakiilada ayaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in xubnaha guddiga joogtada wakiiladu ay xilkoodii qaran kaga mashquuleen ololaha Axsaabta ku tartamaysa doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doonta 28 November 2012-ka, taas darteedna lagu macneeyay asbaabta xubnaha guddiga joogtadu ay uga baaqsadeen xilkoodii qaran iyo waajibaadkii golahoodu u igmaday. Talaabadan xilgudasho la’aanta ee soo food saartay guddiga joogtada Baarlamaanka ayaa noqonaysa dhacdo gef iyo meel ka dhac ku ah masuuliyada iyo waajibaadka xee.
 
Hargeysa Somaliland

Faaqidaadda: Ololaha Doorashada Somaliland

0
0

Barnaamijka Faaqidaaddu wuxuu toddobaadkan ku saabsan yahay ololaha doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Somaliland oo la qaban doono dhammaadka bishan November.

Xeerka Shaqaalaha Dawladu Ma Qabanayo Xubnaha Gudiga Anshaxa Doorashadu Eedeysay : Cabdiraxman Cadami

0
0

Somaliland waxa dhaqan u noqday in mar kasta lagu murmo ama laysku maandhaafo sharciyada arrin kasta oo ku yimaada ama la soo bandhigo guud ahaan gaar ahaan wakhtiyada doorashooyinka xataa haddii ay yihiin kuwo hore oo ina soo maray, waxay ahayd in aynu ku murano wixii ugub ah ama saxaada ku cusub ee inala soo dersa.
Muranka soo noqnoqdaa waa hadal tiro iyo wakhti lumis.  Hadaba maxaa keena in mar kasta sharciga laysku khilaafo iyo in hal qodob lagu kala fasiro siyaabo kala duwan?

  • Dhamaystir la’aanta dastuurka iyo xeerka doorashooyinka.
  • Madaxda qaranka qaarkood oo si badheedh ah u jebiya shuruucda dalka.
  • Kuwo ay aqoon daro ka tahay isla markaana aan waxba ka weydiin dadka aqoonta u leh.
  • Iyo ugu dambayn inaga oo aan waxba ka baran dhacdooyinkii hore ee ina soo maray.

Si kasta ha ahaate gudiga anshaxa dooroshooyinka oo hoos yimaada ama la shaqeeya komishanka doorashooyinka qaranka dhawaan waxay sheegeen ama tilmaameen in masuuliyiin dawlada u shaqeeyaa si toos ah uga qayb qaataan ololaha doorashada golaha deeganada ee xisgiba Kulmiye iyaga oo u cuskanaya sharciga shaqaala dawlada ee lambarkiisu yahay 7/96.  Masuuliinta la eedeeyey iyaguna dhankooda waxay ku doodayaan in aanay ka mid ahayn shaqaalaha xeerkan lagu tilmaamay. Sideedaba dad badan ayaa u haysta qof kasta oo mushahar dawlada ka qaataa inuu yahay shaqaale xeer keli ahina wada qabto.
Haddaba aniga oo ah Gudoomiyihii hore ee Hay’ada shaqaalaha si loo fahmo waxaan halkan si kooban ugu iftiiminayaa qaybaha shaqaalaha dawladu u kala baxaan oo kala ah: Kuwa joogtada ah iyo kuwa  aan joogtada ahayn oo iyaguna u sii kala baxa qayb mudo yar la hawl geliyo 1-12 bilood, waxa loogu talo galay in ay culayska ka yareeyaan shaqaalaha joogtada ah haddii shaqadu ka badato ama waxay noqon karaan dad aqoon gaar ah leh si looga faa’idaysto, waxa jira kuwo kale oo aan lahayn mudo cayiman oo la yaqaano.
Kuwa dambe waxay ka kooban yihiin xubnaha komishanada sida hay’ada shaqaalaha dawlada, Xuuququl Insaanka, Gudiga La Dagaalanka Aids-ka, Gudiga Xasuuqa iyo qaar kale oo badan.
Shaqaalaha joogtada ah waxay shaqada ku helaan imtixaan loo tartamay laakiin gudiyada iyo saraakiisha sarsare ee komishanada waxa digreeto ku magacaaba Madaxweynaha JSL.
Shaqaalaha joogtada ah waxay qataan mushahar markay shaqada ka tegaan ama gaboobaan waxay dawlada ka helaan xuquuq sharcigu u waajibiyey ama waxa la siiyaa gunada hawl gabka waxaanay ka kooban yihiin, Agaasimayaasha guud iyo wixii ka hooseeya. Kuwa temporary-gu waxay qataan guno iyagu haddii ay hawsha ka fadhiistaan ma laha wax xuquuq ah sida kuwa joogtada ah. Dhinaca kale shaqaalaha joogtada ah haddii damac ka galo in uu u tartamo golayaasha degaanka ama wakiilada wuxuu istiqaalad u gudbinayaa hay’ada shaqaalaha dawlada 60 malmood ka hor maalinta doorashada, xubnaha komishanada iyaga waxa la rabaa in uu iska casilo xilkii uu ka hayey hay’adii uu ka tirsana. Waxa laga yaabaa in ay dadka qaar u haystaan in shaqada mucaaridku tahay in la la caarido wax kasta oo laga uriyo dawlada ama ka yimaada laakiin mucaaridku waa in uu ka garaabaa ama taageera wixii sax ah, khaladkana ka diidaa. Hadal iyo dhamaan aniga oo ka duulaaya maahmaahdan “Gaalka dil gartiisana siin”, xubnaha gudiga anshaxa doorashadu magacaabay ma aha shaqaale joogto ah sidaadaraadeed ma qabanayo xeerka shaqaalaha dawladu ee ka maanacaya in ay door firfircoon ka qaataan ololaha doorashooyinka waxase ka reeban in ay kaga qayb galaan hantida umada.
 
Cabdiraxman Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com

Wejigii Koowaad ee Mashruuca Shidaal baarista Puntland oo lasoo gabagabeeyay

0
0

 

 
 
 
 
 
Waxaa horraantii bishan aynu ku jirno ee Nov, 2012 si rasmi ah usoo gaba gaboobey hawlihii shidaal baarista ahaa ee ay shirkadda Africa Oil ka waddey ceelalka Shabeel-1 iyo Shabeel-2 ee dooxada Dharoor ee gobolka Bari.
 

Shirkaddii howsha qodaalka qandaraaska kaga qaadatay Africa Oil oo lagu magacaabo Sakson Drilling lagana leeyahay dalka Masar ayaa gebi ahaanba raratay qalabkii ka yaalley Puntland, iyadoo sidoo kale goobihii howshu ka socotey ay xiligan yihiin kuwo maran.
 
Inkasta oo uusan jirin wax war ah oo arintan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland iyo weliba shirkadda Africa Oil, waxaa hadana ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay Hiiraan Onine u xaqiijiyeen in uu soo idlaaday wejigii koowaad ee baaritaanka Shidaalka dooxada Dharoor.
Wararka ay HOL heshay oo ah kuwo laga soo xigtey qaar kamid ah shaqaalaha mashruucan, waxay intaas ku darayaan in natiijada la gaaray ay tahay mid aad uga yar rajadii la qabay kahor intii aan howsha la bilaabin 16 Jan, 2012.
Ceelka Shabeel-1 oo hoos u qodan in ka badan 3.5km, waxaa baaritaanno  hordhac ah lagu ogaadey in Shidaal loogu tegi lahaa; haddii laga gudbo lakab adag oo dhagax ah (Dhadhaab), dhumucdiisuna ay dhowr boqol oo Miter tahay, kaasoo ay suurtagal noqon weydey in qalabkii markaas la adeegsanayey ay si fudud ku duleeliyaan.
“Wejigii koowaad wuu dhamaaday, waxaa iman doona shirkado kale oo howsha halkaas kasii wadi doona, shirkadda Sakson howsheedu intaas ayey ku ekeyd, shirkado kale oo Riigag waaweyn leh ayaa la filayaa in ay yimaadaan” mid kamid ah hawl-wadeenada mashruucan oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo, ayaa yiri.
Wuxuuna intaas ku daray: “Shabeel-2 oo bilihii u danbeeyey qodaalkiisa lagu howlanaa, islamarkaana la qoday in ka badan dhererka Shabeel-1, waxaa qodaalkiisa la joojiyey kadib markii la waayey calaamad muujineysa in wax Shidaal ah loo tegi doono haddii intaas in ka badan hoos loo sii socdo”
Sanadka soo socda ee 2013 bartamihiisa ayaa lagu wadaa in mashruuca shidaal baarista Puntland loo wareejiyo dooxada Nugaal ee gobolka Nugaal. Dooxadaas oo sahan horay loogu sameeyey lagu ogaaday in keyd shidaal oo badni uu dhex ceegaago.
Mashruuca shidaal baarista Puntland oo in muddo ah soo socdey, dhowr marna hakad galay, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay dowladda Federaalka ah iyo Puntland, wuxuu noqday kii ugu horeeyey ee guud ahaan dalka laga bilaabo, wixii ka danbeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Source-Hol


Noloshaada ma,aragtay Aabe madaxa uga taagan cunugiisa yar si uu meel dheer ugu gaaro. (Daawo Sawir kaa yaabinaya)

0
0

Dhacdo layaab leh ayaa waxa ay ka dhacaday dalka Jogoslavakia kadib markii aabe Jaranjaro waayay uu fikiray in uu cunugiisa yar dhakada uga istaago si leyrka guriga oo ciladi ka gashay uu u sameesto
Aabaha cunugiisa madaxa uga joogsaday oo lagu magacaabo Jean boe oo laweydiiyay sababta ku qasabtay ayaa ku waramay in cunugiisa uu marka hore tababar siiyay si uusan isugu laabmin marka lagu jogsado, hadana ay dantu ku qasabtay kadib markii uu waayay wax uu ku gaaro nalka oo ka ciladoobay.
Waxa uu intaa ku daray Jean boe in wax ay ka dhibeyso aysan jirin cunugaas yar in uu isagu uu jaran jaro ahaan u isticmaalo.

C/Laahi Xasan Sulaiman (Baliil)
Baliilkhan10@hotmail.com
Durban S/Africa

 

Dhacdo Yaab Leh oo kuna cusub shacabka Soomaalilyeed oo Muqdisho ka dhacday

0
0

Waxaa aad uyaab leh inan dadka usoo gudbiyo warbixin iga fajacisay taasi oo qofkii maqlaa uusan rumeysan karin si sahal ah waxaana dhacdada oo ka dhacday Xaafada Xararyaalle Warta Nabada (Wardhiigleey) ee magaalada Muqdisho kadib markii wiil gabar ku hooyo iyo ku aabo ahayd uu si kama’ ah ugu galmooday.
Waxaa qaar kamid ah dadka deegaanka xaafada shilka uu ka dhacay ay si xishood ku jiro iigu sheegeen in habeen ay ahayd waqtiga falka uu dhacay iyadoo gabadha ay ka mid ahayd kuwa iminka soo qaan gaaraya wada sheekeysi ayeyna banaanka ilinkooda waxay kula jirtay wiil ay saaxiib ahaayeen.
Markii cabaar ay wada fadhiyeen ayaa waxa gabadhii iyo wiilkii ay udhaqaaqeen meel masaafo xoogaa ah ujirta gurigoodii iyadoo wiilka gabadha la socda iyo wiilka gabadha la dhashay ayaa saaxibo ahaa waxaan ala isku afgartay in gaabsi wadaagaan (Isku galmoodaan) wiilkii iyo gabadhii.
Dabadeed Maxaa dhacay?
Wiilka ay gabadha wada socdeen ayaa koox dhalinyaro ah hore udiyaarsaday kaasi oo si dhagar ah ku doonayey in gabadha la fara xumeeyo nasiib daro wiilasha la balamiyey waxaa ku jira gabadha walaalkeed.
Markii wiilkii iyo gabadhii ku kala baxeen sheekada ayaa dhalinyaradii waxay saf dheer usoo galeen inay ugalmoodaan gabadhii taasi oo goobta la joogo ay tahay meel cidlo ah gudcur (Mugdi ah) inkastoo gabadhu diiday hadana waxa loo adeegsaday xoog iyo hanjabaad hadii ay dhago adeegto in la dilayo.
Hadii aad ka badin weysay sidii laga badin waayo ayaa la yeelaa ayaa gabadhii ku dhacday iyadoo isku dhiibtay 7 kamid ah ugalmoodeen hayeeshee qaabka waxa uu umuuqdaa markaasi (Kufsi) maadaama gabadhu aysan raali ahayn.
Qofkii ugu dambeeyey ee gabadha ugalmooda ayaa waxa noqday walaalkeed ku hooyo iyo ku aabo ahaa waxaana wiilkii gabadha shirqoolka umaleegay uu toosh ku ifiyey gabadha wajigeeda taasi oo ceeb iyo naxdin gelisay labada walaalo oo xubnaha tarankooda isku jireen.
Maxaa xiga markaasi kadib?
Xaaladu waxay noqotay mid ay aad uga qaracmeen dhamaan dadkii sheekada loo sheegay xaafada Xararyaale oo todobaad ka hor ka dhacday halkaasi waxaase arimaha ugu yaabka badnaa ay ahayd markii wiilkii gabadha la dhashay uu ciil iyo caro darteed utooreeyey seddex ka mid ahaa wiilashii kufsaday walaashiis.
Hadaba Akhriste Sheekadaan maxaa kaaga baxay Markii aad Akhrisatay?
Xasan Cabdullaahi

Haweeney markasta booqata qabriga ninkeedii hore iyo Sawirada Ninkaas oo guriga buux dhaafiyay Sababo la xariira Jaceyl

0
0

Haweeneydan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa booqata markasta qabriga ninkeedii dhintay, xiliyada ay booqato qabriga ayee hore u iibisaa ubaxyo badan taas oo ku dul surto qabriga ninka, naagtaan ayaa qorta inta aysan tagin qabriga warqado jaceyl oo ay igu dardaameeso ninkeeda, naagta ayaa ku dul ooyada qabriga ninka mudo dhan 7 saac.
Sida la sheegay ninka iyo naagta ayaa ahaa kuwa si xad dhaaf ah isku jecel, dhimashada ninka ayaa saameeyay naagta caafimaad ahaan jismi ahaan, naagta uma dhilin ninka wax caruur.
Ninka markii uu dhimanayay ayuu ka codsaday in aysan guursan ninkale isaga gadaashiisa, naagta ayaa balan qaadkasi ka soo baxday mudo 10 sano ayee qabriga ninka booqataa.
Dadka booqday guriga naagta ayaa la sheegay in guriga ay ku nooshahay naagta uu harqiyay sawirada ninka dhintay, dadka booqay ayaa soo tabiyay naagtaan in qolka ay habeenkii seexato darbigiisa uu ku dhagan yahay sawirada ninka dhintay.
Dharka ay xirato sida funaanadaha oo kale waxaa ku sawir sawirka ninka dhintay, naagtaan ayaa sheektay in ninkeeda ay wali jeceshahay, sheekadaan ayaa noqotay mid dad badan soo jiidata iyada la filayo sanadka soo socda bilawgiisa in laga diyaaro film cusub qisada naagta iyo ninka.
W/Q: Daalac Daahir Shoot

Daawo Sawirada:Wararkii Ugu Dambeeyay uguna Xiisaha Badnaa Ciyaaraha Caalamka

0
0

Horiyaalka English Premier League Waxaa Maantay Dhacay kulamo aad u xiisa badnaa
Arsenal Waxay 5-2 kaga Adkaatay Tottenham oo laga siiyay Guduud Hal Ciyaariyahan Bilowgii Ciyaarta
Chlesea Waxaa sii dhimanaysa Rajadii ay ka lahayd Hogaanka Horiyaalka Premier League Hogaankiisa Ka Hor Ciida Christmas ka waxaana 2-1 Maanta kaga Adkaaday West Brom
Manchester City oo Raacda la daba Taagan Maantay waxay 5-0 ay kaga Adkaatay Aston Villa
QPR waxaa Warar badab ka qoraya Saxaafada England waxaana Mar kal ka badiyay Southampton iyadoo weli badni la Tan iyo Markii la Furay Horiyaalka
Liverpool Waxay garoonkeeda kaga Adkaatay Wigan
Dhamaan sidii laa kala adkaaday Kulamadi Maanta Halkan ku arag
Arsenal 5-2 Tottenham
Liverpool 3-0 Wigan
Manchester City 5-0 Aston Villa
Newcastle 1-2 Swansea
QPR 1-3 Southampton
Reading 2-1 Everton
West Bromwich 2-1 Chelsea
Suarez: Gerrard waa Ciyaariyahankii iigu Fiicnaa Ee ebed aan la Ciyaaro Qad dhexe

Liverpool Goal dhaliyaheeda Luiz Zuarez ayaa ku tilmaamay Ciyaariyahanka isku kooxda ay yihiin Steven Gerrard inuu yahay Ciyaariyahankii ugu Fiicnaa ee ebed uu la Ciyaaro Qad dhexe
Tan iyo Markii uu ku soo biiray Reds isagoo 18 jir ah ayuu Gerrard u Saftay 600 oo kulan kooxda kulanki ay la Ciyaartay Newcastle Bilowgii Bishan Halka England uu u Saftay Kulankiisi 100aad Ciyaarti Sweden ay ka Hor tageen Dhex bartankii Usbuuci
Uruguay Goal dhaliyaheeda Suarez kaasoo La Ciyaaray 32 Jirkan Tan iyo Markii uu yimid 21 Bilood ka Hor ayaa u sheegay LIVERPOOLFC.com Waa Ciyaariyahanka ay tahay inaa Tusto Xushmad
Mar walbo waxa uu Xushmad wayn u muujiyaa Kooxda waxa uuna Mar walbo joogayaa Halkan Jacaylka uu u qabo kooxda a Aniga Waxa uu ila yahay Ciyaariyahankii ugu Fiicnaa ee Ebed aan arko ee qad dhex ah Ama aan La Ciyaaro
Waxa uu Rug cadaa dhab ah u yahay kooxdan Sababo badan Xiligi uu kooxda la joogay waxa uu kooxda u soo qabtay sanadihiisa oo dhan iyo 600 ee kulan ee halkan uu ka ciyaaray.
Xaqiiqdi waan u xiisay isaga’- Cristiano Ronaldo ayaa Qirtay inuu. Weli jecelyahay Sir Alex Ferguson

27 jrikan u dhashay Dalka Portugal ayaa ku soo qaatay Lix Xili Ciyaareed oo guulo uu gaaray Manchester United Ka Hor intii uusan u dhaqaaqin Real Madrid wuxuuna ku tilmaamay Macalinkiisi Hore inuu yahay Aabihiisi Kubada Cagta
Real Madrid Goal dhaliyaheeda Cristiano Ronaldo ayaa Qirtay inuu u xiisay Manchester United Macalikeeda Sir Alex Ferguso Isagoo 70 Jirkan ku tilmaamay inuu yahay Aabihiisii Kubada Cagta
27 jirkan ayaa hada ka hoos Ciyaara Jose Mourinho Garoonka Santiago Bernabeu ka dib Markii Old Trafford uu kaga tagay Record ugu wayn ee lagula wareego Ciyaariyahan £100 Million
isagoo kula Guulaystay Horiyaalka La Liga Xili ciyaareedkii la soo Dhaafay Los Blancos dhaliyayna 46 Goals 38 kulan oo uu Saftay Horiyaalka Ciyaariyahanka Portuguese ka ayaa sheegay inuu Weli xasuusto Macalinkiisi Hore Sadex Sano ka dib ka soo tagistiisi Manchester
Ferguson Waa shaqsi Fantastic ah Ahna Bini aadan waxa uu I taabsiiyay Wax yaabo badan Ronaldo ayaa sidaa u sheegay THE SUN
Sidi Hore aan u iri waa aabihaydi kubada Cagta Xaqiiqda waan u xiisay Xiriirki aan la lahaa
Ronaldo ayaa intaa ku daray Aad ayuu u adagyahay waxaan u malaynaa saas siima ahaan karo Meeqo sano ayuu jir! 70 uma wanaagsana wadnihiisa
Weli aad ayuu u adagyahay Waxaan xasuustaa Markii iigu Horaysay ee Aan arko sidan ayuu u xooganaa
Ferguson ayaa Ronaldo kala soo Saxiixday Sporting Lisbon 2003 waxa uuna ka dhigay Ciyaariyahanki Ku Guulaystay Ballon D’or ka dib Markii uu dhaliyay 42 Goals Tartanada oo dhan 2007-2008 Xili Ciyaareedkii ahaa
27 Jirkan ayaa ku guulaystay Premier League FA Cup iyo Champions League inti lagu guda jiray xiligiisi Old Trafford waxa uu sidoo kale ku guulaystay Ciyaariyahanka Aduunka Ugu Fiican 2009
Goal dhaliyaha ayaa dhaliyay Xili ciyaareedkan 12 Goals 11 kulan oo uu Ciyaaray Horiyaalka Laakiin Real Madrid ayaa sideed dhibac ka dambaysa kooxda Hogaaminaysa Horiyaalka La Liga Barcelona.
Theo Walcott + £8m oo lagu doonayo Raheem Sterling

Arsenal ayaa diyaar u ah inay siiso Liverpool Theo Walcot oo Lagu darayo £8m si ay u soo Caga dhigto Raheem Steling
Gunners wada hadalkii ku aadanaa qandaraaska ee ay kula jirtay Walcott ayaa hakaday
Macalinka Arsene Wenger ayaa yiri Mar walbo waa muhiim inaa Ceshato Ciyaartoydaada kuugu fiican Laakiin hadii ay dhacdo inaan Gadno Walcott Waxaan ku badeli doonaa Qaf kale oo Magac wayn leh
Heshiiskan la yaab ka leh ayaa daba Socda Bilo wada hadal uu dhex marayay Arsenal iyo xidiga 23 jirka ee England
Arsenal ayaa ka caga jiidaysay Lacagaha Walcott uu rabo oo la rumaysanyahay Usbuucii inay tahay £90.000
Walcot ayaa galaya sideedii Bil ee ugu dambaysay Qandaraaskiisa waxa uuna Xor u naqan doonaa inuu la hadlo kooxaha Kale wixi ka bilowda January
Arsene Wenger ayaa intaa ku daray waxaan rabaa Ciyaartoydeena inoogu fiican inay joogaan Maalin kasta waxaan wada hadal la qaataa Theo laakiin Maalin kasta kalama hadlo qandaraaskiisa
Macalin kasta waa rabyaa Falcao

Chelsea Macalinkeeda ayaa yiri Colombia Goal dhaliyaheeda Waa mid kamid ah Goal dhaliyaasha ugu qatarsan kubada Cagta Aduunka
Roberto De Matteo ayaa qirtay inuu Jecelyahay inuu ku soo caga dhigo £48m Radamel Falcao
Atletico Madrid Xidigeeda Falcao oo 26 Jir ayaa soo jiiday De Matteo ka dib Markii uu dhaliyay 49 Goals kaliya 58 Kulan
Macalinka Blues RDM ayaa yiri Falcao waxa uu kamid yahay Goal dhaliyaasha ugu fiican Aduunka
Goalasha uu dhaliyo kulan kasta waa wax aan caadi ahayn Maahan xili Ciyaareedkan kaliya laakiin Sadexdii Xili Ciyaareed ee la soo dhaafay ee uu joogay Porto iyo Atletico Madrid
Hadii aad waydiiso Macalin kasta waa jecelyahay inuu kooxdiisa ku haysto waan ogahay daaqadu waa inoo dhawdahay
Gudaha Spain ilo ayaa Rumaysan xitaa Torres inuu dib ugu naqan doono kooxdiisi uu jeclaa ee Atletico isla markaana uu ka mid naqan doono Heshiiska
Falcao ayaa sidoo kale lala Xariirinayay Manchester City Laakiin waxaa soo Muuqatay oo soo cadaanaysa inuu u wareegayo London isagoo qirtay Laaciibkii Hore ee Blues Gianfranco Zola inuu ahaa Geesigiisi.

Masar: 50 Caruur ah oo ku Dhintay Shil Tareen & Bus

0
0

Ugu yaraan 50 qof oo caruur School-ka ayaa dhintay markii bus ay saarnaayeen uu ku dhacay tareen. Shilkaasi ayaa ka dhacay wado is-goys ah oo tareenada iyo baaburtu isticmaalaan

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live