Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Jaamacada Banaadir oo Xariir waxbarasho la samaysatay Jaamacad ku taalla dalka Hungary

0
0

Muqdisho (Sh.M.Network)—Kadib Xalfad balaaran oo ay kaso qeyb galeen Macalimin, Arday wax kabarata Jamacada Banaadir ayaa maanta waxa ay ka dhacday Xaruunta Jaamacada ee magalada Muqdisho.
Xaflada oo  ku saabsaneyd sidii xiriir wada shaqeyn uu u dhaxmari lahaa Jamaacadaha Banaadir University iyo Capes University oo ku taalla dalka Hungary.
Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Pro. Dalmar oo Xaflada ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in uu soo booqday Profeser ka howlgala Jaamacada Capes ee dalka Hungary waxaana uu sheegay in labadaasi Jaamacadood uu dhaxmari doono Xariir wada shaqeyn ah islamarkaana ay laga gacan siin doono dhanka Waxbarashada.
Prof.Gaber Ternak oo wax ka dhiga Jaamacada Capes ayaa intii ay xafladu socotay kasoo qeybgalayaashii oo u badnaa ardayda wax kabarata Jaamacada sharaxaada uga bixiyay qaabka ay Jaamacadooda u howlgasho iyo sida araydu wax uga bartaan Jamacadaasi.
Jamacada Banaadir ayaa ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan dalka Soomaaliya waxaana wax ka barta arayd faraban kuwaasi oo intooda badan dhigta Caafimaadka iyadoo sidoo kale ay xusid mudantahay in Jaamacada Banaadir ay ka qalin jabiyeen Dhaqaatiir badan oo ka holgalla Isbitaalada Ku yaalla Magaaladda Muqdisho.


Daawo:Kulan Aan Caadi Ahayn oo ısku baranayeen Wasiiradıı hore Laguna Soo dhaweynaaye Kuwa Cusub

0
0

Kulan xasaası oo maanta wada yeeshayn golahıı wasııradıı hore ıyo kuwa cusub ayadoo fıkıro lagu sıınaaye wasıırada cusub waxaana shırkaanı ahaa mıd sıweyn losoo agaasıme waxaana kahadlay saacıd ıyo wasııro kale.
HALKAAN KADAAWO

Daawo:Cadde Muuse İyo Gaas oo sı hore loo arag u weeraray Faroole kuna tılmaamay….

0
0

Ayadoo xurguf sıyaasadeed udhaxeyso Raiısulwasaarıhıı hore soomaalıya cabdı walı gaas oo haatan kusugan magaalada dubaı ayaa kaqeyb galay xaflad balaaran oo soo qaban qabıyeen bulshada puntland oo kudhaqan dubaı waxaana sıweyn u weeraray faroole.
Gaas ayaa faroole u weeraray sı weyn oo hore loo arag waxaana oo sheegay ın an la dul qaadan doonın tılaabooyınka faroole waxaana oo sheegay n tahe wax aad looga yaq yaq sado waxaana goobta kahadlay madaxweyne cadde muuse oo sıweyn oga hadlay sıyaasada faroole kuna tılmaamay wax hore loo arag ee daawasho.
HALKAAN KADAAWO

Dowlada Spain oo Soo dhaweysey, Ansixinta Golaha Wasiirada, Dowlada Federaalka Somaliya.

0
0

Qoraal uu soo saarey sii hayaha Safaarada Soomaliya ee dalka Spain, Danjiire Ilyas Ali Hassan ayaa sheegey in Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Spain ay soo saartey Qoraal ay ku taageereyso Magacaabidii iyo Ansixintii Golaha wasiirada Cusub.
· Dowlada Spain waxay soo dhaweyneysaa Ansixintaii ay ansixyeen Golaha Baarlamaanka, wasiirada uu soo dhisey Raisulwasaare Abdi Farah Shirdoon.
· Sidoo kaleed waxay sheegtey in 10ka wasiir ee uu Raisul wasaraha soo dhisey ay kadhalatey Wada hadaladii qotada dheeraa ee uu layeeshey Madaxweyaha, Godoonka Baarlamaanka, Hogaamiyaasha Qabaaisha, Iyo Aboodaha siyaasadeed ee muhiimka ah kajira dalka.

·Waxay si gaar ah usoo dhaweysey sheegteyna iney aheyd talaabo muhiim ah magacabida 2da xubnoodd oo haweenka ah kujira Golaha Wasiirada oo loo kala magacaabey, Raisul wasaare kuxigeen ahna wasiirk arimha dibada iyo Wasiirka hormarinta iyo Arimaha Bulshada.
· Taageeradii xooganeyd ay codkooda kusiiyeen baarlamaanka ayay aheyd mid xaqiijineysa natiijadii kadhalatey hormarka laga gaarey qorshihii nabada Soomaaliya.
·  Dowlada Spain Waxay dooneysaa iney tusto rabitaankeeda ku aadan Wada shaqeyn dhexmarta dowlada Soomaaliya, Iney garab kusiiso Dib udhiska dalka, Nabad Kusoo Dabaalida iyo Hormarinta.
·  Waxay urajeyneysaa Spain Golaha wasirada cusub iney noqdaan kuwa gaarsiiya shacabka Soomaaliyeed hormar Deg deg ah.
Safiirka Soomaaliya ee Spain Mudane Ilyas Ali Hassan ayaa dhinaca kale shegey in uu soo dhaweynaayo Ansixinta wasiirada Cusub kuna tilmaamey talaabo loo qaadey dhinac Dimoqraadiyada in dumarku dowrkoodi lga siiyo abooda dalka.
Dhanka kale wuxuu Mudane Ilyas sheegey iney in ay tahay shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed in looga faaideeyo Fursada ay besha caalamku ula taagantahay Gacan siintooda.
Link. http://www.maec.es/es/MenuPpal/Actualidad/Comunicados/Paginas/163comunicado20121115.aspx
Press Ofiice of the Somali Embassy

Maaxi: “Magaalada Muqdisho Waxaan ku soo Arkay Isbadal loo baahan yahay in aan ka qeyb Qaadano” + Video & Sawiro

0
0

Wafdi Balaaran oo ay Hogaaminayaan Xildhibaanad u dhalatay Wadanka Sweden iyo Siyaasiga Yaasiin Maaxi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Wadanka Sweden ayaa waxeey Socdaal Shaqo oo 3 Maalmood ku tageeyn Asbuucii hore Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Booqashada Wafdigaan ayaa waxeey aheyd Casuumaad ay ka heleeyn Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaabka looga wada qeyb qaadan karo Dib u dhisada iyo kawada shaqeynta Amaanka Magaalada Muqdisho iyo Wadanka Somalia.

Socdaalkani Wafdigaan ayaa waxa si kooban Sharxay Siyaasiga Yaasiin Maaxi waxuuna sheegay in uu soo arkay wax aan la qarin karin waxuuna yiri..
“Marka hore waxaad mahad balaaran u soo jeedinayaan Godoomiyaha Gobolka Banaadir Mr Tarsan iyo Team-kiisa sida wanagsan ay inoo soo dhaweeyeen iyo howsha adag ay dalka ka hayaan sidoo kale waxaan u mahad celinayaan Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha iyo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee aan la kulanay iyo sida ay inoo soo dhaweeyeen”…

“Magaalada Muqdisho Shalay iyo Maanta wax weyn ayaa u dhaxeeya waxaan soo arkay Muqdisho oo dib u soo hagaageeyso Amaanka ay tahay iyo Dib u dhiska ka socda walaahi caqligaada ayaa diidaya waxan soo arkay wax lagu farxo Wadankii wuu hagaagayayee Qurba joogta waxaan lee yahay Wadankaa idiin baahan ee ka qeyb qaatay dib u dhiskiisa iyo dib u soo celinta Nabadii naga luntay”….

Dhanka kale Siyaasiga Yaasiin Maaxi ayaa waxuu sheegay in ay kulan la soo qaateyn Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidmada Xooga Dalka.

“Kulamada aan la soo qaadanay Madaxda Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxan kala hadleyn sida aan ugala wada shaqeyn laheynay dib u dhiska Dalka iyo sida loo taageeri la haa Dowlada Cusub iyo Isbadalka Dalka ka dhacay”

“Xildhinaanada ila socotay iyo aniga waxaan soo aragnay ma ahan wax laga sheekeyn karo balse waxan u sheegaa Jaaliyada Soomaliyeed ee Dibada jooga in Maanta Dalka uu u baahan yahay si ay uag qeyb qaataan dhismaha iyo ka shaqeynta Amaanka Dalka” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Mudane Yaasiin Maaxi.

Si kastab ha ahaatee Waftidaan ayaa waxeey mudo 3 maalmood howlo shaqo ku joogeeyn Magaalada Muqdisho waxeeyna kulamo la soo qaateeyn Madaxda Dalka & Maamulka Gobolka Banaadir oo ay Casuumaad ka heyleeyn.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO SIDA LOOGU SOO DHAWEEYAY GAROONKA AADAN ADDE:

Musuq-Maasuqa ka socda Safaarada Soomaaliya ee Talyaaniga İyo Badweyn oo Cadeymo Kaheshay:Daawo:

0
0

Warbixin naga soo gaartay Room ayaa sheegay in Ambashatoorka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu kireeyay dhismihii Safaarada Soomaaliya ee ku tiilay Magaalada Roma.,
Dad lasoo Xariiray  ayaa noo xaqiijiyay in Nuur Cadde uu Dhismaha Safaarada ka kireeyay Shirkad lagu magacaabo Italian Tourist Service.
Wargeyska La republica oo ka soo baxa Talyaaniga ayaa Qoray in Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga iyo Midowga Yurub uu Dhismaha Safaarada kireeyeen.
Shukri Said oo baaritaankaas sameesay ayaa  sheegtay “Waa run arintaasi waxbaa ka jira waana arin xaqiiqo ah, aniga waxaa ila soo xariiray Daraad khamiistii qaar ka tirsan Shaqaalaha Safaarada oo ii sheegay in Safiirka uu isagu yeeray dhamaan Shaqaalaha kadibna uu ku wargeliyay in dhismaha Safaarada Taliyaaniga Safaarada Somalia oo ka kooban 4 dabaq oo ku taala meel qurux badan oo qiimo leh laga kireeyay Shirkada Italian Tourist service laga bilaabo Bishan November  aynu ku jirno, Shaqaalahana waxa ay ii sheegen inay markii wax ka weydiiyeen Nuur Cade sababta uu u kireeyay waxa uu nagu yiri adinkama jawaabayo Su’aalihiina”
“Aniga Shalay waxaan tagay Dhismaha Safaarada , waana soo xaqiiqsaday arintaasi waxaa qadka Telphone-ka kula xariiray Nuur Cadde waxaana dhahay arintaasi maxaa ka jira, ma waxaad Amar ka haysataa madaxweynaha iyo R/wasaaraha in aad  iibiso ama kireyso dhismaha  Safaarada, iigama uusan Jwaabin, wuxuuna igu yiri shan cisho kadib ayaan soo laabanayaa markaasi ayaan kaaga Jawabaayaa.“
Shukri Said waxa kaloo ay intaasi ku dartay hadalkeeda inay Shaqaalaha qaar ay u sheegeen in Nuur Cadde uu aaday magaalada Brussels ee Belgium, qaarna waxa ay ii sheegeen inuu aaday dalka Switzerland kadib markii uu heshiiska lagu kireeyay Safaarada Soomaaliya ee dalka Taliyaaniga uu kireeyay.
Abukaate Avv. Xasan Ducaale oo ah Abukaate ku nool dalka Taliyaaniga ayaa sheegay in Safaarada lagu kireeyay 9 Sano ee hore Lacag gaaraysa Tobada kun Euro ( 10,000 ) halka 9 Sano ee dambe lagu kireeyay 15,000 Euro.
Abuukaate Ducaale waxa kale oo uu sheegey in Shirkadaasi ay tahay shirkad caan ah oo aan la isku aamini karin dhinaca kalena waxa uu madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadey in wax laga qabto arintaasi .
Soomaali badan ayaa Arintaas ka xumaatay waxeyna ka codsadeen in Dowlada Soomaaliya ey wax ka qabato Bililiqada ka socota Safaarada Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga.
Hada kahor ayaa la gatay Guri Qaali ah oo laheyd Safaarada Soomaaliya kuna yaalay Magaalada Rome xaafada “OLGATA” oo ah Xaafadaha ugu qaalisan Caasimada Talyaaniga.

 
Halkaan ka Aqriso: Warqada Heshiisaka hordhaca ah ee lagu kireyey dhismaha Safaarada

Qasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Xoogana ee Galabta Ka Dhacay Xafada Islii

0
0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo goordhow oo galabta ah ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Qaraxaas ayaa waxaa lala beegsaday gaari Mataatuu ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana lasoo sheegayaa in ku dhawaad 6 ruux ay geeriyoodeen ilaa 10 kalana uu dhaawac kasoo gaaray.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel aan ka dheereyn Boostadii hore ee Section One, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha uu intaas ka bato.
“Qaraxa hada ayuu dhacay, waxaana aragnay gaari hal mar wada qarxay, gaarigana waxaa uu ahaa mid ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana loo yaqaanaa mataatuu”ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo aan lahadlanay.

Lama oga ilaa iyo haatan in qaraxan uu ku dhex jiray gaariga iyo lagu weeraray, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ay soo wajahday.
Waxaa la sheegayaa in dad Kenyan ah oo caraysan ay soo qaateen mindiyo iyo baangado, taas oo cabsi ku abuurtay dadka shacabka Soomaalida ah.
Ciidamada Kenya ayaa isku gadaamay halka qaraxa uu ka dhacay, iyadoona dadka Soomaalida ah ay ka kala carareen guud ahaanba xaafada qaraxa uu ka dhacay.

Daawo Sawirada:Puntland oo qabatey xubno Al-shabaab katirsan iyo waxyaabaha qarxa

0
0

Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil,Wasiir xigeenka Amniga maamulka Puntland ayaa maanta waxa uu shaaca ka qaaday in howlgallo waqti dheer qaatay kadib ay soo qab qabteen xubna ka tirsan Al-shabaab iyo waxyaabaha qarxa.


Daawo Sawirada:Wasiirka Cusub Ee Maaliya Oo Maanta La Wareegay Wasaaradaasi

0
0

Waxaa maanta sirasmi ah Xilkiisa ula wareegay Wasiiraka cusub ee Maaliyada Xafiiskiisa wasaarada Maaliyada Xukumada Cusub ee Soomaaliya.
Xafladaan ayaa waxa ay maanta ka dhacday maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaasi oo xilalka lagu kala wareejiyay.
Aadan Sheekh Maxamed oo ah wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada  ayaa waxa uu manata ku wareejiyay wasiirka cusub ee Maaliyada xilka wasaaradaasi.
 
                             Daawo Sawirda sida ay u dhacdau Xaflada

Daawo Sawirada:Qaraxii galabta ruxay xaafada islii oo dhaliye khasaaro xoogan

0
0

Ayadoo saacado kahor nısoo daabacnay warbıxın sheegeyse ın oo qarax aad u xoogan oo kadhacay magaalada naırobı gaar ahaan xaafada ıslıı oo degaan ahaan ıyo ganacsı udeganyıhın soomaalıda kudhaqan wadankaas hadaba daawo

Daawo:Faroole oo soo saaray amar aan hore loogu arag Puntland İyo Ganacsatada oo Yaaban

0
0

ayadoo oo gabaabsı oo yahe xıı heynta xılka madaxweynaha maamulka puntland ayaa maanta soo saaray amar aan hore lagu arag saaxada puntland kasoo ku aadan baca lagu soo adeygto suuqyada.
faroole ıyo kuxıgeenkıısa ayaa maanta munaasabad usameeye joojınta bacaha ısla markaa ka mamnuucay degaanada puntland ın la ıstıcmaalo bacaha ıyo waxyaabaha caaga waxaana oo sheegay ın tılaabo laga qaadı doono dadyowga lagu arko ee daawo
HALKAAN KADAAWO

Daawo muqaal:Qarax khasaaro dhaliye oo galabta gil gilay xaafada islii İyo Soomaalida oo….

0
0

waxa goor dhow muqaal aan kahelnay qaraxıı maanta ruxay magaalada naırobı kasoo dhalıye khasaaro xoogan ay kamıd tahe dhımasho ıyo dhaawac xoogan.
HALKAAN KADAAWO

Former TFG ministers begin to transfer power

0
0

MOGADISHU ( Sh.M.Network )—Some of Former TFG ministers have on Sunday transferred the power to the elected federal ministers by Abdi Farah Shirdon, Somali prime minister.
During a power transfer ceremony, with high ranking officials and dignitaries held in Mogadishu Sunday, the finance and planning Minister Mohamud Hassan Suleyman has formally taken over the office from his predecessor Abdullah Godah Barre.
Speaking at the event, the new minister has show appreciation to the former boss for his hard working and competence during his time in office under former President Sheikh Sharif Ahmed’s transitional government.
Mohamud Hassan Suleiman, the minister of Finance & Planning also asked for vigorous collaboration, to perform his duty for the horn of Africa war-torn country and the people of Somalia.
The is a beginning for the political changes in Somalia after The transition process culminated in the election of Hassan Sheikh Mohamud as President in September 10 by the MPs in Mogadishu.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Ciyaar Dhaqameed Caalamka Ka Yaabisay oo Taariikhda Gashay. “Daawo Sawirada Ciyaartaasi”

0
0

Dumar Qiyaas ahaan gaaraya 2,639 ayaa kasoo qeyb gashay ciyaar dhaqameed loo yaqaan Kaikottikali dance oo laga Ciyaaro wadanka hindiyaa.
Tiraada dumarkaan ayaa noqonaysa tii oguu badnayd ee ebid kasoo qayb gala ciyaartaan.
Ciyaartaan ayaa lagu so bandhigay magaalada Kerala ee wadanka Hindiya.
Ciyaar dhaqameedkaan oo ah mid caan ka wadanka Hindiya ayaa sanadkaan waxay gashay buuga Mucjisooyinka aduunka ee loo yaqaan Guiness Book of Records.

Bas lagu qarxiyay xaafadda Eastleigh

0
0

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay, ilaa soddon kalena waa ku dhaawacmeen, markii bas lagu qarxiyay xaafadda Eastleigh ee Nairobi. Dhalinyaro careysan ayaa weerarray Soomaalida iyo goobahooda ganacsiga.


Warsaxaafadeed: Qodobo laga soo saaray shirkii Aqoon-yahanka reer Gabilay ee Arabsiyo lagu qabtay

0
0

Warsaxaafadeed ay soo saareen Aqoon-yahanka Gobolka Gabiley ayaa u dhignaa sidan:-

“Shir-sanadeedka Aqoonyahanka ee Horumarinta Gobolka Gabiley ayaa lagu qabtay Arabsiyo Sabti, 17kii November 2012. Shirkan oo ujeeddadiisu ahayd dardargelinta horumarka Gobolka wuxu ahaa kii kowaad ee noociisa ah wuxuna abaabulkiisu labadii bilood ee u dambeeyey ka socday degmooyinka Gobolka iyo magaalada Hargeysa. Waxa ka soo qaybgalay 100 ergey oo isugu jiray aqoonyahan, culima-udiin, maamulka Gobolka, Jaamacadda Timacadde, ururada bulshada iyo jaaliyadaha qurba-joogta. Intii uu shirku socday waxa lagu soo bandhigay warbixino dhinacyo badan ah waxana lagu lafo-guray baahiyaadka guud ahaan Gobolka ka jira, gaar ahaan kuwa la xidhiidha beeraha, waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhaqaalaha. Gebagabadii shirka waxa laga soo saaray baaqan 8 qodob ka kooban oo la soo jeediyey in la hirgeliyo 2013ka.
1. In si dhammeystiran loo hawlgaliyo hay’adaha dawliga ah ee Gobolka sida xafiisyada isu-duwayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaranka si Gobolku fursad ugu helo ka-qaybgalka khayraadka dalka, mashaariicda horumarineed ee xukuumiga ah iyo kuwa bulshada caalmkaba.
2. In dib-u-eegid iyo dardargelin lagu sameeyo Guddida Horumarinta Gobolka oo udub-dhexaad u ah isku-duba-ridka hawlaha horumarinta ee Gobolka.
3. Gobolka Gabiley oo caan ku ah wax-soo-saarka waxay aragtidiisa fogi tahay soo-saarista cunto ku filnaan karta dalka oo dhan. Sidaas daraadeed waxa loo baahan yahay in la sameeyo siyaasad iyo qorshe-hawleed lagu horumarinayo beeraha dhinacayada farsamada, kaabayashaa iyo suuqgeyntaba si looga hortago dhibaato ka soo gaadha tartanka adag ee ka dhaxeeya wax-soo-saarka laga keeno wadamada shisheeye.
4.Gobolka oo kaalin weyn kaga jira soo-saarista dakhliga dalka waa in wixii uu sharcigu ogolyahay oo dhammeystiran dib loogu celiyo, isla markaana la hubiyo in dhaqaalahaasi ku baxo mashaariic horumarineed.
5.In la dhiso wadada isku xidha Kalabaydh iyo Wajaale oo ka kooban 18km isla markaana dib loo furo madaarka Kalabaydh.
6.In biyogelinta la gaadhsiiyo degmooyinka Allaybaday, Arabsiyo iyo Wajaale oo biyo-yaraani ka jirto.
7.In wax laga qabto baylaho saameeyey waxbarashada degmooyinka Gobolka, gaar ahaan fasallada dugsiyada oo buuxdhaafay una baahan in la kordhiyo ugu yaraan 20% iyo Jaamacadda Timacadde oo u baahan in la dardargeliyo dhismaheeda, la kordhiyo tirada macalimiinta, la yagleelo gole sare oo rasmi ah kuwaas oo ka taageeri kara qaadhaan-uririnta iyo khayraad-raadinta.
8.In Gobolka laga hirgeliyo nidaam caafimaad, la kordhiyo xarumaha caafimaadka ee degmooyinka sida MCH-yada iyo Health Posts-ka, loona hawlgalo sidii Gobolka looga qaybgelin lahaa mashaariicda caafimaadka ee dawliga ah iyo kuwa hay?adaha caalamiga ah.
Qodobadan hirgelintooda waxa looga fadhiyaa in ay iska kaashadaan cid kasta oo daneeye u ah arrimaha horumarinta.
Yuusuf Cismaan Garas
Afhayeenka Shirka Aqoonyahanka ee Horumarinta Gobolka Gabiley
 
Hargeysa Somaliland

Xiisado ka Taagan Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi iyo Ganacsiga oo gabi ahaan Maanta Albaabbada loo xiray

0
0


 
 
 
 
 
Jawiga xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii ayaa saakay ah mid aad u kacsan, iyadoona gabi ahaanba ay xiranyihiin goobilhii ganacsi ee xaafadda Eastleigh (ISLII).
Dadweeynaha ku dhaqan xaafadda Islii ayay indhahaagu qabanayaan iyagoo koox-koox u taagan hareeraha wadooyinka, waxaana dadku ay yihiin kuwo dareen ku joog ah.

Dhinaca kale ciidamada Militariga Kenya ayaa xalay howlgallo ay ka sameeyeen qaar katirsan guryaha ku yaal xaafadda Islii waxay ku qabqabteen dhalinyaro aad u tiro badan.
“Xalay Dabaqii aan daganayn waxa soo galay ciidamo military ah, waxayna kaxeysteen  wixii rag ahaa ee dabaqa deganaa oo dhan, qaarkood xitaa way jirdileen,” ayay tiri Shamso oo kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale waxaa xalay maqribkii kooxo ka careysan qaraxii shalay ay weerar ku qaadeen masaajid ku yaal waaxda Sec1, halkaasoo ay dadweeynihii salaadda usoo aaday ku kala ceyriyeen, wallow markii danbe ay iska caabiyeen dadkii xaafadda deganaa.

Xiisadahan ka taagan xaafadda ay Soomaalidu ka dagto magaalada Nairobi ee Islii (Eastleigh) ayaa ka danbeeyay kadib markii shalay qarax xooggan lala eegtay mid kamid ah basaska loo yaqaan No 9-ka ee isaga kala goosha Islii iyo Townka,  kaasoo sababay dhimashada todobo qof iyo dhaawaca in ka badan 30 qof
Source-Hol
Saakay aroortii ayaa waaxda qaybta Section 1 ee xaafadda Islii waxaa ka dhacay isku dhac dhexmaray kooxo ka careysan qaraxii shalay iyo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhaqan halkaasi, waxaana labada dhinac ay isu adeegsanayeen dhagxaan iyo baangado.
Goobta ayaa waxa soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Militariga Kenya kuwaasoo kala dhexgalay labada dhinac, walow jawiga goobtaasi uu weli yahay mid kacsan, waxaana xafadda laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada militariga Kenya.
“Xaaladda way kacsantahay laba kooxood ayaa isku horfadhido Sec1, saakana wiil dhalinyaro  Soomaali ah ayaa lagu jarjaray xaafadda Madaari,” sidaa waxa yiri C/laahi Aadan oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan waaxda Sec1 ee xaafadda Islii.
Xaafadda waxaa lagu soo daadiyay ciidamo aad u tiro badan oo kuwa Militariga ah, waxaana jawiga guud ee xaafadda Islii uu maanta yahay mid aad u qasan.
 

Tarsan oo Dacwad Cadeeyn Wadata ka gudbiyay Idaacada Shabelle.

0
0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa dacwad ka dhan ah Idaacada Shabelle u gudbiyay xeer ilaalinta guud ee Qaranka.
Tarsan oo qoraal uu u gudbiyay xeer Ilaalinta Qaranka ayaa sheegay in Idaacada  caadeysatay inay ka been abuurto, isla markaana ay ku kacdo falal qatar ku ah ifafaalaha nabadeed ee ka jira Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Tarsan ayaa ka codsaday Xeer Ilaalinta inay sharciga horkeenaan Maamulka Idaacada, lagana qaado tallaabo sharciga ee uu qaranka Soomaaliyed u yaalo ficilada ay ku kaceen.
Dadka Muqdisho ayaa hadal hayay dagaalka Shabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo wararkeeda saacadlaha ay mar walba ku jiraan warbixin ka dhan ah Mr Tarsan, iyadoo tani loo arko mid weerar shaqsi ah oo Idaacada la daba taagan tahay Mas’uulkan.
HALKAAN HOOSE KA AQRI DACWADA LAGA GUDBIYAY IDAACADA SHABELLE:
ght=”791″ />

Daawo Muuqaalkii ugu Dambeeyay ee Video ah Xaalada Somalida islii.

0
0

Waxaa Shalay ilaa Maanta ilaa Caawa ka soconaya Magaalada Caasimada ee Nairobi ee Wadanka Kenya Boob, Dhac iyo Dil lagu hayo Soomaalida ku Nool Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
Tv-yada Wadanka Kenya iyo kuwa Caalamka ayaa baahinayay Muuqaalo aad looga xumaado kuwaas oo ah kuwo naxdin leh oo dad badani ay ka xumaadaan waxaana la arkayay Shacabka Reer Kenya oo Dhibaato Baahsan ku haya Soomaalida ku nool Xaafada Islii.
Indhahaada waxeey qabanayaan Dad Soomaaliyeed oo Baangado iy budad lala dhacayo kuwaas oo aanan wax galabsan oo dhibaato xoogan lagu hayo.
NTV KENYA ayaa Xafiiskiisa ku booqday Ambassador Mohamed Ali Nuur “Ameriko” waxuu wax ka weydiinaya sida uu u arko dhibta loo geesanaya Soomaalida degan Xaafada Islii waxuuna si kulul uga hadlayaa dhibtaasi.
Xildhibaanka Soomaalida ah ee laga soo doorto Degmada Kaamakuuji Yusuf Hassan ayaa si kulul uga hadlaya Dhibta Soomaalida loo geesanaya iyo sida uu uga xun yahay Xildhibaanka.
MUUQAALKII UGU DAMBEEYAY EE VIDEO AH EE LAGA SII DAAYAY TV NTV KENYA DAAWO:

Daawo:Dhalinyarada Soomaaliyeed oo Arin Shacabka Kenya Layaabeyn Kasameyeen Xaafada İslii

0
0

Xaalada xaafada ıslıı ayaa goor dhow ısku badashay cakırnaan tıı ugu darneyd ayadoo jawıga ısku badalay mowjado dagaal una dhaxeeyo soomaalıda ıyo kenya waxaana haatan socad dhacdooyın aad u fool xun ee daawo.
HALKAAN KADAAWO

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live