Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo:Yahuuda oo si Live ah u duqeeysay xaruntii Saxaafada marinka Qasa iyo kiiskaan oo Caalamka ….

0
0

Fiinaalka Dheesha Mucjisada ah ee Danci-ga dunida ugu adag (the Final of the B-Boy Battle of the Year 2012) ayaa waxa ay ka dhacday gudaha Dalka Faransiiska waxaana kooxihii tartamay ugu dambeeyntii iskugu soo haray Vagabonds oo ka socotay dalka Faransiiska iyo Floorriorz oo mataleeysay dalka Japan. 

HALKAAN KADAAWO


Daawo Mucjisadaan:France & Japan oo iskugu soo haray Fiinaalka Dheesha Danci-ga iyo nin Calooshiisa gacan laga

0
0

Fiinaalka Dheesha Mucjisada ah ee Danci-ga dunida ugu adag (the Final of the B-Boy Battle of the Year 2012) ayaa waxa ay ka dhacday gudaha Dalka Faransiiska waxaana kooxihii tartamay ugu dambeeyntii iskugu soo haray Vagabonds oo ka socotay dalka Faransiiska iyo Floorriorz oo mataleeysay dalka Japan.
HALKAAN KADAAWO

Daawo:Gabdho Soomaaliyeed oo Lagu Kufsaday Xaafada İslii İyo Dhacdooyin Fool Xun oo laga dhex Lay qaraxii

0
0

Ayadoo maalıntıı shalay qarax aad u xoogan akdhacay xaafada ıslıı ayaa khasaaro xoogan soo gaarsıye shacabka kenyaattıga ayagoo khasaaro ugeysteen shacabka soomaalıyeed ayaa dhacday dhacdooyın aad u foosha xun.
Dibadbaxayaal Kenyan oo aad u careysan ayaa lasheegay ın fara xumeyeen ın kabadan 10 gabdhood kuwaası oo ahaa dhamaantooda soomaalı kana qabsadeyn wadooyına waa weyn ayagoo kuleexsaday wadooyınka qarda jeex ah halka kuwa kale gurya u qaateyn.
Gabdhahaan oo ahaa kuwa aan waxba galabtan ıslamarkaa ısku bad badaleyn rag aad u farabadan oo kenyan ayaa jırdıl xoogan u geystay jırka gabdhaha  ıyo kufsıga ayna jırın wax kahadlay dowlada kenya kadaawo muqaalkan hoose qeybtıısa hoose.
HALKAAN KADAAWO 
Ugu danbeyntıı dhacdadaan foosha xun lagula kacay gabdhahaan soomaalıda ısla markaa qaarkood gabar nımadooda lagu dhaafsıye dhacdo aadu fool xun ayaa ımaatay kadıb markıı qarax xoogan oo akdhacay xaafada ıslıı laguna eegtay gaarı bas ah oo saarnayeen shacab kenyan ah.
 

100 ka badan ayaa ku dhintay Qasa

0
0

Weerarrada duqeynta ee Israaiil ay ku heyso magaalada Qasa ayaa dilay ugu yaraan 105 Falastiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xamaas, iyadoo gantaallada Xamaas ee Israaiil lagu tuurayana ay sii socdaan.

Rwanda oo eedeysay ciidanka Congo

0
0

Dowladda Rwanda ayaa ku eedeysay ciidanka dalka deriska la ah ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo inay si ulakac ah rasaas ugu soo ridayaan dhulka Rwanda.

Security forces in Somalia’s capital carry out operations

0
0

Mogadishu (Sh.M.Network)—Somali security officials say they have arrested over twenty suspected Al shabab affiliates with their guns during a crackdown in Mogadishu on Thursday, November 22, 2012.
Khalif Ahmed Eric, chief of Somali security forces in Benadir region, told journalists in the capital that a tip-off has led the forces to the arrest of 20 Al shabab agents who have been hiding in Suqa-Holaha vicinity, north of Mogadishu.
Mr. Eric noted that the detained Al shabab members were seized in a dawn sweep in parts of northern Mogadishu, where insecurity acts reported over the past few weeks.
Witnesses said several fighters have been killed during armed clashes between the Government troops and Al shabab in the area on Wednesday night as locals were sleeping.
 The move followed after the killings and attacks against civilians, media workers and government soldiers and officials happened in the capital.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Maamulka Caafimaadka G/Awdal Oo Sheegay Inay Ku Guulaysteen Olole Ay Ku Buufinaayeen Deegaano Ka Tirsan Gobalka

0
0

.
Nov 22,2012 Borama – Waxa ka qabsoomay deegaamada kala ah Deg. Baki, Deg. Xariirad, Deg. Garbo-dadar, Tulada Ruqi iyo Tulada Calixaydh ee G/Awdal  olole lagu buufinayo Kaneecada iyo cayayaan kale oo waxyeelo ah u dadka, waxana hawshaafi ka fuliyay degaamadaasi kooxo tababaran oo ka socday qaybta dabargoynta kaneecada ee W/caafimaadka ee Somaliland.
Hawlagaladan oo si habsoon u dhamaaday ayaa waxa ugu waramay saxaafada Isuduwaha Caafimaadka ee G/Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi waxana uu sheegay in degaanadaas guri guri iyo geed geed looga buufiyay Kaneecada iyo cayayaanka kale ee wax yeela aadamaha.
Isuduwahu waxa  kale oo uu sheegay in hawshan ay daraasad ku sameeyeen isla markaana ay in mudo ah ka shaqaynayeen sidii ay kaleecadaas iyo cayaankaasi waxa uga qaban lahaayeen.
Hawlgalku waxa uu ahaa mid mudo qaatay isla markaana ku dhamaday si wanaagsan, waxa ay ujeedadiisu ahayd in degaamadaasi 5ta ah laga dhigo kuwo ka fayow waxyeelada kaneecada iyo Cayanaanka, waxa aan ka codsanayaa wasaaada Caafimaadka in gacan la naga siiyo sidii waxa looga qaban lahaa degaanada kale ee ay kaneecadu ku badan tahay ee G/Awdal inay gacan naga siiyaan ayuu yidhi Isuduwuhu.
Inkasta oo ay tahay wax aad u adag dabar goynta kaneecadu hadana talaabadan ay qaaden masuuliyiinta caafimaadka ee G/Awdal ayaa waxa ay tahaymid yaraynaysa khatartii kaneecada ee Degaamadaasi.
Source-cadceed

Click

0
0

Dagaalka Israaiil iyo Falastiin oo internetka aad looga hadlay. Dadka Facebook isticmaalla oo heli doona app cusub oo la isku wici karo.


Chelsea oo laga dalbaday raali-gelin

0
0

Uruka garsoorayaasha ayaa ka dalbaday in naadiga kubadda cagta ee Chelsea ay raalin gelin siiso Garsoore Mark Clattenburg iyo magdhaw kadib markii xiriirka kubbadda cagta uu ku waayay inuu ku hadlay erayo cunsurnimo ah.

Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu Sidaan iigu galaa Miyuu Bini’aadam aheyn “Qeybtii 16-aad”.

0
0

Habeenkii ayaan utagay iyado oo caloosheeda salsaaleexsa Allah ka baryeesa in uu cunuga coloosheeda ku jiro uu noqdo mid baari ah oo diinta iyo dhaqanka dhoora, gacantayda ayee soo qobatay caloosheeda ayee dul saartay iyadoo la hadleesa cunuga caloosha ku jiro gacanta aabahaaga kawaran, sida ay u ubad jeceshahay markii aan arkay iyo naxariis darada aniga ii heesato waa laba kala duwan, waan iska ilmeeyay, Allah qof kasta ubad ma ugu hibeeyo, ubadkii Allah uu hibo iiseeyay waa aniga dilay, ilmihii hore aniga ayaa dilay, maantane wax aan sameeyo ma aqaano, guur diyaar uma ihi, waliba ma jecli in ay noqoto naagtayda mustaqbalka, hadafkeyga ayaa ahaa aar goosi, qalbigeyga kama baxo xiqdi iyo xaasidnimo, aniga oo fiirinaya nimacada Allah iigu deeqay waxaan ku iri waan ku gurigeynayaaa bishaan dhexdeeda arintana waxaan u bandhigaa hooyo hada way ka maqantahay dalka sida la rajeynayo waxaa laga yaabaa in ay dib ugu soo laabato bishaan dhexdeeda hadii Allah caafimaad siiyo, hada ka bacdi nolosheena way midoobee, waxaan noqon doontaa dad hal meel kuwada nool, waan ka baxeenaa noloshaan qabyada ah, waxaan ugudbi donaa nololashii dhabta aheed, waxay tiri gabar jecel ma jirto in banaanka lagu uureeyo, gabar kasta sharafteeda waxay ku jirtaa in ehelkeeda laga soo doonto, aniga sidaas og ayaan guur qarsoodi ah kaa ogolaaday, sharaftayda hoos u dhigin, ha iga dhigin gabar aan qiimo laheen.
Maalmo kadib aniga oo qorsheynaya guur iyo halka aan dajin lahaa ayaa subax xili ay tahay aroor hore, waxaa isoo wacay qof ii hanjabaya dhahaya waan ku diliyaa, teleefoonka markii aan fiiriyay waa teleefoonkii xaaskeyga, aad baan u naxay, qofkaan kuu hanjabaya waa maxay maxaa qaldan ayaan is waydiiyay, teleefoonkii ayaan ku celiyay aniga oo isleh kawar doon waxa keenay in uu qof ku soo waco kadibne kuu hanjaba, waxaa waydiiyay in ay joogto xaaskeyga waxaa la igu yiri hospital ayaa loo qaaday saakay, waxaana la geeyay Alhayat Hospital, waxaan si dagdag ah ku gaaray hospitalka, albaabka hospital ka waxaa taagnaa walaalkeeda, markii aan arkay hoos hoos ayaan dhulka u fiiriyay si uu ii garan, guduha hospitalka ayaan galay, gabar ayaan waydiiyay waxa ku dhacay waxayna ii sheegtay saakay iyada oo suuliga sii galeesa in ay simbiri raxatay kadibne suuliga ku dhex kuftay, kadibna uu ka soo daatay uur ay ulaheed nin, waan dareemay in sheekada ay fashilmatay, qolka gabadha ku jirto ayaan galay, markii ay i aragtay ayee isku dayday in ay fadhiisato iyada oo ay ku socdaan faleebooyin, reerkeeda dhan aad bay ii fiirinayaan, waan dul istaagay madaxa ayaan gacanta ka dul saaray, waa ayo ninkaan ayaa lagu yiri iyadii? Waxay ku jawaabtay waa ninka i qabo, meeshii ayuu ka dhashtay buuq iyo qaylo iyo sawaxan, dhamaanteena waxaa noola soo wada baxshay banaanka hospitalka inta aan ka aheen xaaskeyga, reerka gabadha qeylo iyo handadaad ayee ila soo galeen, gabadheena ayaad banaanka ku uureyneesaa miyaa adiga oo sidaan u yaalo, meeshii ayaa dagaal ka dhacay waxaa i bad baadshay waardiyaha hospitalka, waxaan ka soo booday darbiga maadaama walaalkeeda iyada ka wayn uu rabay in uu idilo.

Hanjabaada reerka kuma ekeen aniga oo kaliya sidoo kale waxay u hanjabeen gabadha, waxaana lagu yiri nin ka soo jeeda reerkaas marnaba mana soo galo, mana kuugu xirmado, xidid in aan noqono waa habeen xalay oo tagay, gabadha waxay ka soo jeedaa reer cunsuri (midabtakoor) yaal ah, hore waan u ogaa in ay sidaas yihiin, xitaa gabadha aan qabo ma jaceyleen qoloda aan ahay aad bay u necbaan jirtay.
Waan wacay xaaskeyga waxaan ku iri waxaan doonayaa in aan iska kaafuro, maadaama uu ehelkaaga igu faraxsaneen aniga keyga uusan kuugu faraxsaneen waxaan jecleestay in aan ku furo, awal uur ayaad ii laheed hada wax uur ma iilihid, xiriirkeena in aan so af jaro ayaan doonayaa, way diiday furiin, waxaa iga go’an ayee tiri in aan noqdo xaaskaaga, ha u dhag taagin hadalada iyo naceebka ay kuu qabaan ehelkeyga, qofka ku jecel aniga weeye, qofka kuu baahan aniga weeye, kuma fikiro in aan ku naco, macaanow afkaaga ka ilaali ereyga furiinka ah, ha noqon qof dhaqsi niyad jaba, arinkeena aan u dhabar adeegno, rerkayga aniga ayaa ka soo dhaadhicinaya in ay igu kaa daraan, waxaan rajeynaa in uu guurkeena uu noqdo mid ay ku walaaloobaan labada reer, macaanow please ha i furin.
Marnaba reerka gabadha way ka diideen in aan noqdo ninkeeda, way soo dhuumatay waxayna soo dagtay guriga aan daganahay, waxayna dhahday dib dambe ma ugu laaban doono rerkeyga ilaa ay iiga kaa ogolaadaan, maalmo kadib waxaa soo laabatay hooyo, aadna waxay u necebtahay gabadha aan qabo, markii ay aragtay hooyo waxaa ku dhacay dhiig kar, maxaa soo galiyay naagtaan gurigeyga hada ha ka baxdo, waxaan ku iri waa xaaskeyga shalay hadii aan saaxiibo aheen maanta sodoh uu ilaah kaaga dhigay yuusan hooyo hadal kaa tagin, arintii ayaan uga sheekeeyay hooyo oo aheed arinta gabadha, hooyo waxay tiri hadii uu reerkeeda kula rabaan gabadhaan ma sii heesan doono waa in aad furtaa, naago kale ayaa kabadan oo waalidkooda raali kuu yahay, dad in ay ku dilaan rabaan see uga qabi karnaa gabar maya maya ma dhaceeso naagta waa in aad furtaa hadii aad duco iga rabtid ayee dhahday, ducadaada waan rabaa naagtaydana waan rabaa ayaan ku iri hooyo, waxaan ku iri furiin kuma dag dagayo waayo gabadhii reerkeeda way kasoo tagtay oo waji uma yaalo, waa ceeb in aan dirno hooyo, aan ka war dhoorno xaalka reerka sida uu noqon doono.
Adeer yaal ayaan la kulmay, waxaana ka codsaday in ay wada xaajood lagalaan reerka xaaskeyga, maxaa ka soobixi doono wada hadalkaas? Kala soco qeybta 17-aad Jimcaha soo socda hadu alle idmo.
W/Q: Daalac Daahir Shoot
E-mail: sheekojaceyl@hotmail.com

Ugaar ah Raga: Dumarka Ma Jecla Ragga leh Tilmaamahan Xiliga…

0
0

Dumarka Soomaalida oo mudooyinkii ugu danbeeyey lasoo baxay dabeecado cusub ayaa ragu badankoodu ku wareersanyihiin dookhooda iyo siyaabaha loogu qanciyo Gogosha.
Hadaba waa sahal inaad qancisid xaaskaaga adigoo ka duulaamaya Fikradaada kaa shanayana kaalmaha kaaga imaanaya shabakada,  waxaa muhiim inaad ogsoontahay waxyaabaha ka caraysiiya haweenka waqtiga Gogosha oon ugu yeerno ” Kulan Karaameesan”.
Iska ilaali inaad noqotid qof ku dhaga hadla ciyaarta Sariirta, taasoon kala jeedo inaad hadalo badan misana is diidan aad ku tiraahdid lamaantaada waqtiga gogosha.
Iska ilaali inaad noqotid qof caado & dhaqan ka dhigta caajiska taasoo suura gal ah inaad Murugo wehel unoqotid, sababto ahi haweeneydu ma jecla caajisloowga aan sahlan Gogosha.
Iska ilaali inaad durbaba ka kacdid gogosha waqtiga aad dantaada gaartid, xasuuso haweenku waa kuwa daaha jecel waqtiga galmada, usheekee, ka qosli, hadalo qancis wata ku dheh , si xasuusteedu marwalbo aad uga mid noqotid.
Ugu danbeyn talo waa tii rabi, cukso maskaxdaada ogoow waxyaabaha ay necebtahay & waxa ay jeceshahay ku dadaal waxyaabaha farxad galin kara.

BBC ayaa Agaasime cusub yeelatay

0
0

Agaasimaha cusub ee BBC-da, waxaa uu noqonaya, Tony Hall oo haatan ah madaxa Daarta lagu maamulo, Heesaha iyo Riwaayadaha ee Royal Opera House.

Lamaane kala fog Talefon ma kuwada raaxeeysan karaan?. “Aqriso Jawaab Diini ah”

0
0

Lamaanaha Soomaalidu waa kuwa badankoodu ku kala nool dalal kala gadisan magaalooyin kala duwan, waxaase muhiim ah in la ogaado su’aasha ah , Lamaanaha is qaba ee xalaasha isku ah maku raaxeeysan karaan Taleefanka.
Sida sharciga islaamka ku soo aroortay ninka xaaskiisa wax kasta oo uu ku raaxaysan karo waa ku samayn karaa wixii daliil khaas ah ku soo arooray mooyee,
Allaah wuxuu yiri { نساؤكم حرث لكم فأتوا حرثكم أنى شئتم } (Naagihiina waa beerihiina ugu taga beerihiina saad doontaan ) Alle wuxuu kaloo yiri :
وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ* إِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ
((mu’miniinta) waa kuwa ilaaliya farjigooda xaaskooda mooye iyo wixii gacantooda xanatay oo addoon ah,dadka doona arrinkaas wixii ka soo haray waa kuwa xadgudbay)
Marka xaaska wax kasta raaxaysi ah waad ku samayn kartaa istiin sheeko galmo Alle ayaa kuu banneeyey, marka waxaa isweydiin mudan ma bannaantahay ninka inuu xaaskiisa taleefan ugu raaxeeyo ?
Culimo qaarooda waxay dheheen haddii uu hadalkeeda ku gudan karo uuna u baahanaynin gacantiisa way bannaantahay laakin haddii uu u baahdo inuu gacantiisa isticmaalo ma u bannaana waa seego culimada qaarkooda waxay eegeen haddii qofka uu ka fogyahay oo ka baqayo inuu sino ku dhaco waa samayn karaa raaxada taleefanka xitaa haddii uu gacanta ku dhamaystirto maxaayeelay madaahibta islaamiga qaar baa qaba haddii qofka uu ka baqo sino inuu biyaha iska bixin karo waxaana laga wariyay imaam axmad,
Caalimka la oran jiray ibn xazm isaga seegada wuu banneyeyba wuxuu daliilsaday وقد فصل لكم ما حرم عليكم (Alle waa idin faahfaahiyey waxa uu idinka xarrimay)
Su’aashan waxaa la weydiiyay Sheekh ibn cuthaymiin wuxuu ku jawaabay waa banaantahay qofka inuu ugu raaxeeyoo xaaskiisa taleefanka laakin inuu gacantiisa adeegsado ma u bannaana haddii uu sino ka baqo mooyee. marka waxaan kaloon ku dari lahaa qofka la sheekaysanayo xaaskiisa waa inuu iska jiraa taleefanka maxaayeelay waxaa laga yaabaa ina la din dhegeyso.

Sudan oo fashilisay shirqool

0
0

Saraakiisha ammaanka ee Sudan ayaa sheegay inay fashiliyeen shirqool mucaaradku ay ku doonayeen inay ammaan darro kaga abuuraan magaalada Khartoum.

Morsi oo awooddiisa ballaariyay

0
0

Madaxweynaha Masar, Maxamed Morsi ayaa soo saaray go'aan awooddiisa sii ballaarinaya. Hadal telefishinka laga sii daayay ayaa Afhayeenka Madaxweynaha, uu ku sheegay in go'aannada Madaxweynaha aan racfaan laga qaadan karin.


Maxeey tahay Sababta Ragga Maanta uga cabanayaan Sarirta. “Aqri Sababta”

0
0

Inta Badan Dhalinyarada Soomaaliyeed waa kuwa wehel u ah Doobnimada, waxaase badanaa ku yimaada Fashil waqtiga ay guursadaan iyagoon awoodi karin Qancinta Dumarka.
Waxay dhalinyaradeenu iska dhaadhiciyeen ineeysan waxba kala maqneen guurka iyo nolosha macaan ayna lawada qabsadeen isticmaalka gacmahooda ( siigada) iyadoo ay sameen badan ku leedahay noloshiisa.
Qofka Daris la noqda Siigada ma lahan dareen farxadeed waqtiga Gogosha waxa uuna la qabsaday Itsicmaalka Gacantiisa oo xor ah,
Raaxada Sariirta waxa ay ubaahantahay kalsooni Raganimo iyo ilbaxnimo ka badan mida aad adigu fileeyso , qancinta haweenka waxay sahleeysaa inaad ku nagaatid gurigaaga.
Qoys isku faraxsan waxaa lagu sameeyn karaa inaad qanciso reerkaaga hadaba Akhriste bilaaw maantaba inaad naftaada dhiira galisid samee dadaalo fara badan si aad u kasbatid Qanaacada Xaaskaaga.

Waxa Tahniyad Dhalasho Diraya Buraan News Iyo Asxaabteeda

0
0

waxaanu tahniyad dhalasho uga diraynaa buraan news mudane deeq cabdiraxmaan iyo xaaskiisa oo wiil ugu dhashay dalka maraykanka magaalada minneapolis ,minasota wiilkaas oo loo bixiyey cabdiraxmaan deeq cabdiraxmaan waxaanu leenahay soo bar baar noqo kii dalkiisa iyo diintiisa an faca aamiin ,aamiin aamiin
waxaa tacniyadan diraya bahda buraan news iyo asxaabteeda gaarka
aabe cabdiraxmaan siciid maxamed galaydh
eedo asli warsame xasan
amiin cabdiraxmaan siciid xaasaskiisa
aamino cabdilaahi faarax iyo sahra nuur cade
ifrax cabdiraxmaan siciid
cali siciid maxamed iyo caruurtiisa xaaskiisa
maxamuud siciid maxamed caruurtiisa iyo xaaskiisa
cabdillaahi siciid maxamed
faarax siciid maxamed xaaskiisa caruurtiisa
mursal siciid maxamed xaaskiisa caruurtiisa
maxamed siciid maxamed
daahir siciid maxamed
axmed siciid maxamed
xayte siciid maxamed
eedo caasho siciid maxamed iyo seygeeda caruurteeda
eedo xaawo siciid maxamed saygeeda caruurteeda
eedo baar siciid maxamed saygeeda caruurteeda
AYEEYO caasha fardaale golongol
abti cawil xaaji saleebaan jamac
abdiraxmaan xaaji saleebaan jamac
abti cali maxamuud faarax iyo caruurtiisa
abti cabdi fataax yuusuf fardaale
c/risaaq yuusuf fardaale
c/xakiin yuusuf fardaale
c/samad yuusuf fardaale
hooyo maryan fadhi yare
faduus yuusuf fardaale
ayaan yuusuf fardaale
sahra yuusuf fardaale
nasra yuusuf fardaale
caasho yuusuf fardaale
yaasmiin yuusuf fardaale
samsam yuusuf fardaale
amaal aadan jaamac
maxamed aadan jaamac
maymuun aadan jaamac
sacdiya xaaji xuseen jamac
cali xaaji xuseen jamac
muna axmed darwiish jaamac
aamina nuur cade
xaawo nuur cade
c/salan jamac burkud
maxamed cabdi nuur xaaskiisa caruurtiisa
c/badi khaliif yuusuf xaasaskiisa caruurtiisa
cabdillaahi yuusuf warsame yuus xaaskiisa
muxuyadiin waraabe ciise
aamino waraabe ciise iyo saygeeda maxamed cabdi shire
faadumo waraabe saygeeda caruurteeda
faisa maxamed warsame saygeeda caruurteeda
fahima waraabe ciise
huud waraabe ciise
cabdi wali salaad warsame
sahra xaaji siciid saygeeda caruurteeda
faadumo axmed jaamac awaare
luul cali axmed awaare
bile cabdi ducaale xaaskiisa caruurtiisa
aamino cabdi ducaale saygeeda
maxamuud xaamud iyo xaasaskiisa caruurtiisa
cabdi risaaq xasan cilmi
maxamuud cabdirashiid cali garaad

Muuq-Libaax Hees Cusub Mukhtar Osman iyo Muna Heego

Alshabaab oo si jees jees ah uga hadlay Meyd ay soo dhigeen Jowhar

0
0

Saraakiisha ciidamada xisbada ee Al shabaab ee magaalada jowhar ayaa ka warbixiyey nin ay ku sheegeen inuu ahaa burcad oo meydkiisa shalay lasoo dhigay busteejada tagaasida magaalada Jowhar.
Dad ku dhaqan Jowhar ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa mid ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaan Jowhar kaasi oo shabaabkuna ku sheegeen inuu ahaa qaadacu dariiq wadada gali jiray.
“Alle ayaa ku mahadsan inan ku guuleysanay mid ka mid ahaa howlgalo aan sameynay oo lagu dilay mid ka mid ahaa burcad wadada shacabka ugeli jirtay sidaa waxa sheegay sargaal xisbada shabaab katirsan”.
Saacado kadib ayaa laga qaaday meydka ninkaasi agagaarka Busteejada tagaasida Jowhar waxaana dad badan ay sheegeen in ciidamadu ahaayeen kuwo gaaf wareegayey goobta meydka uu yaallay.
Al shabaab saraakiil uhadashay waxay sheegeeninay sii wadi doonaan la dagaalanka kooxaha burcada wadada gasha taasi oo looga goleeyahay sidii nabad ay ugu noolaan lahaayeen shacabka jowhar ku dhaqan.
Xarunta gobolka Sh/dhexe waxaa muddo seddex sano ah ka talinaya maamul hoostaga ururka Alshabaab waxaana shacabka halkaasi ku dhaqan ay yihiin kuwo udhago nugul awaamiir walbo oo kasoo baxda al shabaab.

sh; Abdirizaq xaashi. cibadada

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live