Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Masar: Mucaaradka oo Kordhiyay Diidmada Go'aankii Morsi

$
0
0

Mucaaradka Masar ayaa sii wada dibadbaxyada iyo diidmada wareegtadii uu madaxweyne Morsi awoodda cusub isku siiyay, waxayna teendhooyin ka sameysteen fagaaraha Taxriir ee Qaahira.


Dhex Dhexaadintii Laga Dhex Wadey Beelo ku Dagaalamey Sh.Hoose Oo Meel Fiican Maraya

$
0
0

Mogadishu ( Sh.M.Network ) — Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya qeybna ka ah gudi dhex dhexaadin ka dhex wadey beelo walaalo ah oo ku dagaalamey deegaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose oo la ahdley idaacada Shabeelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in meel wanagasna ay mareyso dhex dhexaadintii ay ka dhex wadeen Beelo walaalo ah oo ku dagaalamey deegaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Xildhibaanka ayaa xusey iney magacaabeen gudi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban 26 kuwaasoo soo baaraya sababihii keeney isku dhaca beelaha walaalaha ah isagoona sheegey in xiligan wixii ka dambeeya ay meel gabo gabo ah ay mareyso heshiisiinta beelahan walaalaha ah.
Sidoo kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegey in rajo wanaagsan ka qabo soo afmeerida dhexdhexaadinta ay ka dhex wadaan beelahaan walaalaha ah isagoona sheegey in Ururka Alshabaab ay ku jabeyn Gobolka Shabeelada Hoose waxa uuna shacabka ku nool Gobolka Shabeelada Hoose ugu baaqey iney la shaqeeyaan dowladda soomaaliya.
Maalmihii ugu dambeeyey ayaa gobolka Shabeelada Hoose waxaa ku sugnaa wafdi isugu jira xildhibaano Odayaal iyo Maamulka Gobolka Sh.Hoose kuwaasoo dhexdhexaadin ka dhex wadey beelo walaalo ah oo ku dagaalamey deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Banaanbaxyo ka dhacay Puntland

$
0
0

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Qardho ee Puntland kadib markii ciidamada amnigu ay rasaas ku fureen dad dibadbaxyo ku dhigayay magaalada.

Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Oo Ka Hadley Cunaqabateynta Hubka Ee Soomaaliya

$
0
0

Mogadishu (Sh.M.Network)— Wasiirka Difaaca Ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la Hadley warbaahinta ayaa waxa uu sheegey in dhibaatada howl galada ciidamada oo lagu saaraayo Alshabaab ay caqabad ku tahay xayiraad hubka saaran Soomaaliya .
Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamey in dhibaatada ugu weyn ee heesata Ciidamada Soomaaliya ay tahay xayiraad hubka ee Qaramada midoobey horey u saartey Soomaaliya taasina waxa ay keentey  ayuu yiri in Ciidamada Soomaaliya aysan Awood buuxda u yeelan ka sifeynta Shabaab qeybo ka mid ah Gobolada Dalka .
Fiqi ayaa sidoo kale xusey in beesha caalamka ay u gudbiyeen dhibaatadaasi waxa uuna ku darey in dhibaatadu aysan ku koobneyn Soomaaliya balse ay saameyn ku yeelatey Caalamka .
Dhanka kale Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa  sheegey in aan loo dulqaadan doonin raga ku labisan dereeska ciidamada ee dhibaatada ku haya shacabka waxa uuna carabka ku dhuftey in gacan adag lagu qaban doono raga ku kaco wax yeeleynta shacabka .
Mudooyinkii dambe waxa soo baxayey cabashooyin xoogan oo ka imaanaysa shacabka kala gadisan ee ku dhaqan Muqdisho iyo gobolada kale Dalka Soomaaliya taasoo ku aadan dhibaatooyin ay kala kulmaan rag ku labisan dareeska ciidanka Dowlada

Somalia Sedee Ahayd Dagaaladii Sokeeye Waayo Waayo

Komishanka Qaranka Somaliland Oo Shaaciyay Inay Gobalada Iyo Degmooyinka U Kaladireen Agabkii Doorashooyinka

$
0
0

Waxaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle aw shaaca ka qaaday inay bilaabeen ambo bixinta agabkii doorashada si loo gaadhsiiyo Goobaha Codbixinta ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo aan ahayn kuwa isku dhaw.
Hadaba Afhayeenka Komishanku waxa uu cadeeyay inaanay jirin wax Gudidooda qabyo ka ah isla markaana ay wax waliba ugu socdaan sidii loogu talo galay, ayna rajaynayaan in hawlaha doorashooyinku ku bilaami doonaan xaalad nabdoon kuna dhamaan doonaan xaalad nabdoon.
Sidoo kale waxaa uu Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu ka hadlay darawaliin ay komishan ahaan xidheen kuwaas oo uu ku sifeeyay qaar khal khal gelin ku ahaa nidaamka ay hawsha u wadaan isagoo xusay in darawaliintan oo ah kuwa Basasku ay jaha wareer ku rideen ardaydii jaamacadaha gaar ahaan kuwa komiishanka u qaabilsan Gobolka Sanaag oo gaadiidkii ay Gudida Doorashooyinku u diyaariyeen kuwo ka duwan oo basas ah rabeen inay ku qaadaan.
Waxaa kale oo Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Maxamed Axmed Xirsi Geelle uu kula dardaarmay Guud ahaan Shacabka Somaliland in iyagoo og cadawga badan ee dalkani leeyahay ay dhinacyada ka taagnaadaan nabad galyada Guud ee Qaranka wixii dhaawacaya.
Source-Hol

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Oo Ka Digey In La Iibsado Dhulka Dowladda

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network )— Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Abuukaate ceydiid Cabdulaahi ilka xanaf oo la Hadley idaacada shabelle ee magaalada muqdisho ayaa sheegey inaan la iibsan karin dhulka dowladda ayna tahay sharci daro in shakhsi uu iibsado dhulka dowladda oo ka dhaxeeya shacabka soomaaliyeed.
Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf  ayaa xusey in hadii la iibinaayo dhulka Dowladda ay ka fariisanayaan Golaha wasiirada ee Soomaaliya isla mar ahaataana go’aan kama dambeys ah ay ka soo saarayaan.
Sidoo kale Abuukaate ilka xanaf ayaa digniin u jeediyey dadka iibsanaya dhulka Dowladda kuwaasoo ugu baaqey ineysan lacagtooda iska qasaarin maadaama dhulka dowladda ay sharci daro tahay in la iibsado isagoona uga digey dadka iibinayo dhulka dowlada iney joojiyaan.
Tan iyo marki ay burburtey xukuumadii dhex ee Soomaaliya sanadkii 1991 kii waxaa dalka caadi ka noqdey in shaqsiyaad gaar ah ay iibsadaan Dhulka dowladda oo ka dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda iyo Alshabaab oo Guulo ka kala Sheegtey Dagaalo Ka Dhacay Baledxaawo

$
0
0

Beled-Xaawo (Sh.M.Network)  Wararka ka imaanaya Magaalada Baledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saaka xaalada magaaladaasi ay tahay mid degan ka dib markii shalay galinkii dambe uu dagaal ku dhex maray ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa xarakada Alshabaab.
Dagaalka ayaa sheegey in uu ka dhashey qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac isla markaana waxa uu hakad galiyey isku socodka gaadiidka iyo Ganacsiga magaalada Baledxaawo balse wararku ayaa waxa ay intaa ku darayaan in hada jawiga inuu ku soo laabtey sidiisii hore.
Hayeeshee dhinacyadii shalay galinkii dambe dagaalamey ayaa guulo ka kala sheegtey dagaalkaasi Sarkaal u Hadley ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo diyaad cabdi kaliil ayaa sheegey in ciidamada shabaabku xabado ay ku soo bilaabeen xarumaha degmada iyo saldhiga ee magaaladda Baledxaawo.
Waxa uuna intaa kudaray in khasaaro kasoo gaarey shacabka dagaalkaasi waxa uuna sidoo kale xusey in 13 dagaalyahan ay ka dileyn xarkada alshabaab sida uu nhadalka u dhigey.
Dhanka kale Sheekh CabdiCasiis Abuu Muscab ayaa waxa uu guul ka sheegtey dagaalkii ay shalay la galeyn ciidamada Dowladda
Ma ahan markii ugu horeesey uu dagaal qasaaro geestey oo qeybo ka mid ah gobolada dalka uu ku dhex maro Ciidamada Dowladda iyo ku Alshabaab.


Gov’t,Al shabab claim major victory over Balad-Hawo battle

$
0
0

Balad-Hawo (Sh.M.Network)—A senior official in Al shabab militants on Sunday has claimed a major victory over a battle against Somali forces in Balad-Hawo town, Gedo province.
Sheikh Abdiaziz Abu Musab, the spokesman of Al shabab for the military operations said that his fighters stormed military bases inside the city on Saturday afternoon, seizing a wide-range of weapons—light and heavy, including AK47 rifle assaults during their ambush attack from Somali forces.
“We launched a pre-planed attack on Somali forces in Balad-Hawo late on Saturday at about 5 pm. During the battle we managed to take over briefly the overall control of the city and withdrew for military tactics,” Abu Musab said.
For his part, Diyad Abdi Kalil, Somali army officials said they have inflicted heavy and irreversible losses upon the Al shabab in the fighting.
Mr.kalil said the attack was fended off and at least 13 fighters were killed by government forces. He underlined that the town is under their control.
The latest reports from the city indicated on Sunday that the situations has returned into normal as the public movement and transportation are up and running.
For more, send your comments to webmaster@shabelle.net

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaliya oo sheegtay inay isku shaandheyn ku sameyn doonto safiirada dibadaha u fadhiya Soomaaliya si….

$
0
0

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono waaxyaha wasaaraddu ka kooban tahay iyo safaaradaha Soomaaliya ee dibadaha ku yaalla kuwaasoo sanadihii dambe jahawaarer badani ka jiray.
Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan la yeelatay shaqaalaha wasaaraddaasi ayaa sheegtay in dib u habeyn balaaran lagu sameyn doono waaxyaxa wasaaradda arrimaha dibadda iyo safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka si loo xoojiyo wax ay ugu yeertay xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka oo 20-kii sano ee la soo dhaafay meel hoose kaga jiray dunida.
Wasiirku waxay sheegtay inay la tashiyo la sameyn doonta agaasimaha Guud, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo Guddi Diblomaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo ay sheegtay inay u howlgeli doonaan diyaarinta qaabka la iskugu dheeli tiri karo Waaxyada Wasaaradda iyo sidoo kale Safaaradaha, si ay u suuragasho dhismaha shabakad isku xiran oo wadashaqeyn joogta ah ay ka dhaxeyso oo gudaha iyo dibadda ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ah Wasaaradda ugu xilsaaran dowladda Federaalka gudbinta iyo sharxidda siyaasadda dibadda , dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay si gaabis ah u shaqeynaysay, inkastoo ay jireen wasiiro arrimo dibadeedyo soo maray, waxayna muskiladda ugu daran ay ka taagantahay isku dhexyaacsanaan ka jirta safiira dibadda Soomaaliya u fadhiya oo qaarkood safiiro siyaabo kala duwan loo magacaabay ay isku heystaan, iyadoo ay xusid mudantahay inay xiranyihiin safaaradihii waa weyn ee ay Soomaaliya dibadaha ku laheyd, marka laga tago Qaramada Midoobay.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom Oo Ku Sii Jeeda Magaalada Jowhar

$
0
0

MOGADISHU (Sh.M.Network)– Wararka saaka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Xarunta Sh.Dhexe ayaa waxa ay xaqiijinayaan in saaka halkaasi laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan iyo abaabul dagaal oo ay sameenayaan ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM .
Wadada Dheer ee isku xirta degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe iyo xarunta Gobolkaasi ee Jowhar ayaa waxaa lagu arkaya ciidamo fara badan oo ay u idil yihiin gaadiidkooda dagaalka kuwaasi oo u jeedadoodu uu yahay in ay Alshabaab ka faramaroojiyaan gacan ku heynta magaalada Jowhar.
Wararkii ugu dambeeyey ee aynu ka heleyno magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in saakay dad fara badan ay isaga huleeleen magaaladaasi kuwaasi oo kusii jeeda tuulooyinka ku teedsan magaalada jowhar ka dib markii ay soo wajahdey cabsi ay ka qabaan in dagaalo culus uu ka dhaco Magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhaawacyo uu ka soo gaaray weerar la doonayey in lagu qaarajiyo iyo Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay…

$
0
0

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa duhurnimadii shalay Sabti aheyd weerar khasaare geystay ku qaaday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gobolka Shabeelada hoose u joogay howlo dhedhexaadin ah, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah gaadiidkii ay mas’uuliyiinta dowladdu wateen uu ku gubtay dagaalka.
Afar askari oo laba ka mid ah ay ka mid ahaayeen ciidamada AMISOM iyo Guddoomiye gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Maxamed Siidii ayaa ku dhaawacmay dagaalka, sida isaguna u sheegay warbaahinta qaar ka mid ah, wuxuuna Guddoomiyuhu intaasi ku daray in lagu weeraray deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.
Suxufiyiinta la socda wafdiga ayaa iyaguna sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna arkeen gaari Toyota ah oo ka mid aha kuwii ay wateen wafdiga dowladda oo gubanaya ka dib markii uu ku dhacay baasuuke, waxayna xuseen in askari Soomaaliga ah ee dhaawucmay uu ahaa wadihii gaariga gubtay.
Wafdiga la weeraray ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha gobolka Shabeelada hoose C/qaadir Maxamed Siidii oo dhaawac uu soo gaaray iyo laba ku xigeenadiisa ah, waxayna wateen toban gaari oo u badan kuwa dagaalka, kuwaas oo laba ka mid ah ay lahaayeen ciidamada AMISOM.
Sidoo kale wariyeyaasha wafdiga la socda ayaa sheegay in weerarku uu ku qabsaday inta u dhexaysa deegaanada Leego iyo Yaaqbari-weyn, waxayna xuseen in dagaalku uu ahaa mid jihooyin badan ay ka soo qaadeen xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, waxayna yiraahdeen “Dagaalku wuxuu ahaa mid culus, inkastoo xaaladdu ay aheyd mid adag haddana waxaa suura-gashay in wafdiga iyo innagu aan ka soo gudubno goobtii uu dagaalku nagu qabsaday, ma sheegin karno khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, balse waxaan sheegi karnaa inaan aragnay dhaawacyada laba askari oo keliya”.
Guddoomiyah gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay inay ka soo laabteen howl dhexdhexaadin ah ayna soo mareen deegaano gobolka ka tirsan oo ay indhaindheyn ku soo sameeyeen, isagoo sheegay inay dagaalkaasi ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aysan jirin cid kale oo xaqiijisay warkan.
Xarakada Al-shabaab oo si kooban uga hadashay dagaalkan ayaa sheegay inay ku dileen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo ay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in wafdiga uu soo gaaray garoonka Balli-doogle oo ay ku socdeen.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in cunqabateynta hubka uu caqabad ku noqday howlgaladii ka socday gobolada

$
0
0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalada ka socda gobolada dalka uu caqabad ku noqday cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, mudada labaatanka sano ah, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ay dhibaato ku heyso howlgalada, isla markaasna aanay awood buuxa u heysan inay la dagaalamaan Shabaab.
 “Awood buuxa uma heysano inaan la dagaalano Al-qaacida, runtii cunaqabateynta hubka dhibaatada ay ku heysaa Soomaaliya Caalamka ayaana taas la socda, waayo dhibaatada ka jirta Soomaaliya ma ahan mid dhexdeeda u dhaxeysa, waa dhibaato caalami ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay u baahan yihiin in la tayeeyo, isagoo xusay inay haatan qaataan gunooyin, balse mararka qaar uu ka soo daaho mushaarku, wuxuuse tilmaamay in raashinka ay si toos ah u helaan.
Xukuumadii KMG aheyd ayaa horay uga dalbatay Golaha ammaanka in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ay awood ugu hesho in dhiso Ciidamada qalabka sida, una helaan qalab casri ah, sidoo kale midowga Afrika ayaa dhawaan ka codsaday Golaha ammaanka inuu qaado qeyb ahaan xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, inkastoo Golaha ammaanka fadhigiisa dhawaan uu ku yeeshay New York aanu ka doodin dalabkaasi.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa saaray Soomaaliya cunaqabateyn xaga hubka ah sanadkii 1992-dii, markii ay bur burtay dowladdii dhexe, waxaana tan iyo xilligaas jiray hub si sharci daro ku soo galayey Soomaaliya, oo u imaanayay dhinacyada siyaasadda dalka isku hayey.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dacay gudaha degmada B/xaawo iyo Xarakada Al-shabaab oo gudaha u gashay degmadaasi, sheegtayna inay….

$
0
0

Dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Ahlu Sunna iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, dagaalada oo ahaa kuwo aad u xoogan ayaa yimid ka dib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar lixaad leh ku soo qaadeen saldhig ay duleedka degmadaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu sunna.
 Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu muscab ayaa sheegtay in ciidamadooda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Beledxaawo, wuxuuna intaasi ku daray in dagaalka oo ka bilowday duleedka magaalada ay u suurtagashay in ciidamadoodu ay jiiraan kuwii dowladda, isla markaasna ay gudaha u galaan magaalada, isagoo sheegay inay gacanta ku hayeen magaalada muddo dhowr saacadood ah, wuxuuna intaasi ku daray inay ka furteen hub badan askar bandanna ay ku dileen, ka dib ay iskood uga baxeen.
Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Gedo oo isna ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inaysan waxba jirin la wareegidda magaalada Beledxaawo, waxaana intaasi ku daray in ciidamada dowladda ee gobolka Gedo uu warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen magaalada wuxuuna sheegay inay iska caabiyeen, wuxuuna yiri “Dagaal gaadmo ah ayey magaalada ku soo qaadeen, waana la ceyriyay, magaalada inaga ayaa hadda gacanta ku heyno”.
Warar ka madaxbanaan labada dhinac ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay gudaha ugalaeen magaladaasi iyadoo warar kala duwani ay ka soo baxayaan khaasaraha dagaalka oo socday in muddo ah, waxaana la xaqiijiyey in dhimasho iyo dhaawacyo badani ay labaduba jiraan.
Isgaarsiinta magaalada Beledxaawo ayaa gabi ahaanba hawada ka baxay intii dagaalku socday, waxayna war aan si rasmi ah loo xaqiijini ay sheegayaan in magaaladaasi uu si weyn dagaalku u saameeyay iyadoo aan la ogeyn khaaasaraha soogaaray dadka rayidka ah ee magaaladaasi ku nool, balse waxaa la xaqiijiyey in dhowr guri ay gubteen.

Sheekh caan ah oo lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa iyo maamulka Somaliland oo ka hadlay, sheegayna in wadaadkaasi loo heysto eedo ay ka mid yihiin…

$
0
0

Ciidanka booliska magaalada Hargeysa ayaa shalay oo sabti aheyd gurigiisa ka qabtay Sheekh C/laahi Geelle oo ah nin si weyn looga yaqaano deegaanada maamulka Somaliland, sida ay sheegayaan ehelada Sheekha la xiray.
 Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa sheegay in shalay waaberigii gurigiisa ay tageen ciidamo boolis ah oo ka raadiyey, hase yeeshee waxaa markii dambe ay ka soo xireen dugsi ka mid ah kuwa Carruurta wax lagu baro oo ka mid ah dhowr dugsi oo uu Sheekhan ka furay magaalada Hargeysa kuwaasoo dhamaantood uu u bixiyey Xisbu-laah”.
Wararka ayaa sheegaya in Sheekh C/laahi Geelle lagu xiray xarunta dembi baarista ee CID-da ee magaalada Hargeysam halkaasna ay su’aalo ku weydiinayaan saraakiil ka tirsan booliska.
Mid ka mid ah qoska wadaadka oo ka hadlay xarigga ayaa sheegay in xariggiisa ay soo amartay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland kadib markii sida la sheegay lagu eedeeyay in Sheekh C/laahi Geelle uu si daran u weeraray siyaasadda xisbiga Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo, halka warar kale ay sheegayaan in sababta rasmiga ah ee loo xiray wadaadkaasi ay tahay inuu doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan lagu qabanayo deegaanada maamulka somalinad uu ku tilmaamay inay yihiin xaaran ka soo horjeeda diinta islaamka.
Eedaymahan ma ahan kuwo illaa hadda uu ka jawaabay Sheekh C/laahi Geelle, hase yeeshee war laga soo xigtay booliska ayaa sheegaya in madaxtooyada maamulka Hargeysa ay amartay in wadaadka la horgeeyo madaxkamada, sanadkii hore dhamaadkiisa ayuu Sheekh C/laahi Geelle magaalada Hargeysa kaga dhawaaway urur siyaasadeed lagu magacaabo Xisbu-laah oo uu isau guddoomiye u yahay walow ururkaasi markii dambe laga mamnuucay deegaanada maamulka Somaliland, isla markaasna la xiray isaga.


Canada: Somali community joins politicians to hear and be heard

$
0
0


 
 
 
 
 
Habiba Adan, with a force of conviction wrought by grief over her son’s violent death, was instrumental in bringing together members of the struggling Somali community with provincial and city leaders to see what can be done about violence, unemployment and other major issues facing youth.
At the end of a day spent talking about some of the most intractable issues in this city, Laurel Broten, the province’s education and now newly minted children and youth minister, gave this message to Toronto’s Somali community:
 
“Today is just the beginning.”
The remarks came at the closing of a conference held to discuss issues affecting Somali-Canadians, particularly young men, six of whom have been shot dead in Toronto since June.
“We need to continue to have conversations; we need to look at working in partnership with our police, with our schools, with our community agencies, to respond to some of the issues that are specific to the community and tackle broader issues that have an impact on the Somali community, but there’s no doubt, have an impact on many communities,” Broten said in an interview with the Star.
About 200 people packed into a conference centre on Dixon Rd. on Thursday — a large contingent from the Somali community, as well as representatives from the Toronto District School Board, Toronto Police Chief Bill Blair and MPPs. City staff were also on hand.
Canadian-Somali hip hop artist K’Naan flew in, making a rallying call for action.
The conference, as the government labeled it, (though many in the community that asked for it called it a summit), was closed to media.
But attendees said Blair encouraged Somali youth to apply to be police officers, addressing concerns that there is only one Somali cop in the city. There were discussions on how the criminal justice system interacts with Somali youth, as well as the lack of employment opportunities. Currently, the unemployment rate for Somali-Canadians is above 20 per cent, the highest of any ethnic group.
“I’m really hopeful something will come,” said Habiba Adan, whose 26-year-old son, Warsame Ali, was shot to death in Jamestown in September. In the months before her son’s death, Adan had joined a group of women working to lobby politicians and decision-makers for systemic change in the midst of a mounting crisis.
After her son’s death, her resolve took on the force of the bullet that killed him.
She convinced then-youth minister Eric Hoskins, also on hand Wednesday, to call the meeting. She and the women of her group, Positive Change, have been showing up at politicians’ offices armed with whistles.
“We will blow the whistles until something has changed,” she said Wednesday.
“Everyone has a role to play in this. Every level of government. Every generation in the community and the broader community and all of our community partners have a role to play so young Somali-Canadians have every opportunity ahead of them that we aspire for,” said Broten, adding that she plans to take away and analyze what was said Wednesday, then continue working with the community.
In the wake of this summer’s Danzig St. shootings, the province launched a $20 million Youth Action Plan aimed at addressing some of the root causes of youth violence. Highlighting some of its components, Broten noted the government’s commitment to family literacy centres and Tuesday’s announcement of dozens of new after-school programs. On Wednesday she was interested in discussing various ways in which the plan could be part of the solution for Somali youth, and youth across the city.
One issue unique to Toronto’s Somali community is education. Somali-Canadian kids — boys, in particular — are dropping out of high school at double the average rate.
On Tuesday, trustees with the Toronto District School Board voted to establish a task force aimed at addressing the issues faced by Somali students. Portuguese students, who also have high dropout rates, got a similar task force last year.
“We know that a number of Somali students are struggling to reach their full potential. Together with the community, we hope to engage our Somali students and work toward closing the achievement gap,” TDSB chair Chris Bolton said in a statement.
Positive Change member Faduma Mohamed, a passionate, no-nonsense woman, was buoyed by the atmosphere Wednesday, but added it was “a lot of talk of the same issues.
“We will see … if the government now will take the recommendation of some of the people.”
Source-The Star.com

Mucaaradka Syria oo Qabsaday Shaldhig Ku Dhow Dimishiq

$
0
0

Kooxaha Mucaaradka Syria ayaa sheegay inay qabsadeen saldhig ciidamada cirka dowladda ay ku leeyihiin meel ku dhow Dimishiq

Dhagabadan oo runta u sheegay madaxweynaha iyo saraakiisha kale

$
0
0

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo kala saaray seddex qeybood oo ay ku joogaan magaalada Muqdisho.
Cabdikariin Yuusuf Aadan Dhagabadan Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo ka hadlayay kulan madaxweynaha dalka uu la qaatay saraakiisha ciidamada Dowlada oo dhan ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Muqdisho ay u kala baxaan seddex qeybood.
“Mudane Madaxweyne Ciidamada ku sugan Muqdisho waxay kala yihiin, Kuwo dharja u soo qaatay qaab kabiileed,kuwo annaga maalinii oo dhan naga tirsan habeenkiina dhaca iyo kufsiga geystay oo lasoo dhaweystay,iyo kuwo annaga naga mid ah Shabaabna ka tirsan,marka waa in Muqdisho lagu soo reebaa Nabad sugid iyo Boolis,meletariga laga saaraa magaalada si amaan loo helo”ayuu yiri Dhagabadan.
Wuxuu sheegay Dhagabadan inay wanaagsan tahay si ammaanka dalka loo adkeeyo ciidamo kooban in lagu reebo Muqdisho oo ka shaqeeya ammaanka dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Muqdisho amaankeeda uusan hagaageynin ilaa seddexda qeyb ee ciidamada la kala saaraa sida uu hadalka u dhigay islamarkaana ciidamada Melatariga la gaarsiiyaa difaacyada dalka.
Magaalada Muqdisho oo maalmahaan isbedel laga dareemayo ayaa waxaa ku dhex sugan ciidamo Boolis ah Nabadsugida ka tirsan islarkaana ay kusii dhex jiraan Meletariga iyadoo ay sii dheertahay askari labis aan wadan qorigiina watta.

Wasiirka Gaashaandhiga oo qorshe cusub ku sheegay habka loola…

$
0
0

Wasiirka wasaarada gaadhaandhiga xukuumada Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo xalay ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka wada qeyb galeen saraakiisha ciidamada Dowlada ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub.
Wasiirka ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub oo guud ahaan dalka looga saarayo Ururka Alshabaab isagoo sheegay in Alshabaab dhawaan laga qeyn doono dalka oo dhan.
Sida uu wasiirka sheegay ciidamo badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la siindoona tababar ciidan si ay u qabtaan guud ahaan dalka Alshabaabna loo waayo sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Dowlada looga baahan yahay inay xooga saaraan sidii ciidamada ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin.
Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in waajib uu ka saaran wasaarada gaadhaandhiga iyo wasaarada arimaha gudaha inay iska kaashadaan sidii Alshabaab looga wada saari lahaa dalka oo dhan.
Fiqi ayaa xusay in meel fiican ay u marayso qorshaha Alshabaab ay kaga saarayaan dalka oo dhan isagoo xusay in meelo badan oo ka mid ah dalka laga saaray Alshabaab.
Waxaa uu mahad celin usoo jeediyay ciidamada Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo Alshabaab ka saaray deegaano ay kaga sugnaayeen gobolada Dalka qaar sida Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Saacid Oo Wacad Ku Marey Soo Celinta Amniga Dalka

$
0
0

Mogadishu (Sh.M.Network)— Ra’iisulwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo xalay ka Hadley munaasabad weyn oo ay ka soo qeyn galeyn Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo Gudoomiye Ku xigeynada Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Gobolada Dalka ayaa waxa uu balan qaadey in xukuumadiisu ka go’antahay soo celinta amniga .
Dr Saacid ayaa wacad ku marey in xukuumadiisu ay wax ka badali doonto amaanka isla markaana diyaar u tahay ka Qeybqaadashada  wax walbo oo amaanka muqdisho iyo Gobolada Dalka ku baxayo waxa uuna sidoo kale xusey in Xukuumadiisuna ay hormuud u noqon doonto nabad ku soo dabaalida dalka si uu shacabku ay nabad galyo u helaan.
Dr Cabdi Faarax Shirdoon saacid Ra’iisulwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu balan qaadey in ay xukuumadu diyaarineyso agabka iyo dhaqalaha amniga lagu soo celinayo waxa uuna gudoomiyaasha ugu baaqey iney garab ku siiyaan xukuumada xaqiijinta amaanka Muqdisho iyo Gobolada Dalka .
Hadalka Ra’iisulwasaare Saacid ayaa waxa uu imaanayaa Xili dhibaatooyinka kala gadisan oo la xariira dhanka amaanka ay ka jiraan qeybo ka mid ah dalka kuwaasoo wax ka qabasho u baahan

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live